Sii akhri iyada oo ah PDF.

Waa xogfaafiye saddex biloodle ah oo ka soo baxa magaalada Örebro.
Sannadka 3 aad, Cadd. 1 aad
Falanqaynta Arrimaha Bulshada, Dhacdooyinka adduunka, Dhaqaalaha, Dhaqanka iyo Suugaanta.
Khamiis 28 Febraayo 2013
TUSMADA
XOGFAAFIYAHA
Sanadoow soo dhawow
2
Baro af-iswiidhishka
3
Baqshadii gaduudneyd
4
Illeen guurku waa calaf
5
Ambashadii Axmed Eriksson
6
Dalal iyo magaalooyin
magaca laga beddelay
7
Tix: Hiil Aqoonyahan
8
Dabkii uu shiday kacdoonkii
carbeed oo aan weli demin!
9
Sheekadii
Bishaaro iyo Bil khayr
10
Sheekadii
Bishaaro iyo Bil khayr
11
Warbixin ku saabsan
shirkadda HLM-service
12
Dami nalka muddo saacad
ah, si aad uga mid noqoto
boqolaalka milyan ee dad
oo ka qayb qaadanaya
muujinta
dhibaatada
cimilada sii xumaanaysa.
Bishaaro iyo
Bilkhayr:
Waa sheeko uu hal
abuuray qoraaga caanka
ah
Yuusuf Xassan.
Eeg bogga 10 aad
Ambashadii
Axmed Eriksson:
Waa sheeko gaaban oo
uu qoray qoraaga iyo
joornaaliistaha caanka
CENTER FOR ah ee Abukar Albadri.
Qoraa: Abukar Albadri
Eeg bogga 6 aad
SOMALI STUDIES
ISSN: 2001-0532
TITEL: XOGFAAF
TRYCK ÅR: 2013 02 28
Bogga 2 aad
Xogfaaf, 28 Febraayo 2013
SANADOOW
IYO MAAMULKA
MAJALLADDA
SOO
SAARIDEY XOGFAAF
SOO DHAWAADA.
Sannadka
waa
2013.
Caddadkanina waa caddadkii
kowaad ee sannadkii saddexaad oo u billowday majalladda
xogfaaf.
Waxa ay soo martaba, waa
tan oo shaqada si habsami leh
u socoto. Saatir ayaana ku
mahad leh.
Sannad waliba hood iyo ayaan
bay dadku ka sugayaan,
xogfaafna sidoo kale waxaa
saa’id u ah in ay sugayso
akhristayaasha oo sii kordha.
Sidaa darteed waxaan mar
waliba isku hawlnaa inaan
sare u qaadno tayada iyo
nuxurka soo saaris waliba.
Caddadkan
ayaan
kusoo
qaadaynaa sheekooyin cusub
oo tixane ah, sidoo kalena
kuwii hore oo sii socon doona.
Waxaa sidoo kale cadadkan ku
jira tix suugaaneed oo lagu
cabbirayo muuhiimadda ay
aqoonta iyo aqoon yahankuba
u leeyihiin hogaaminta iyo
badbaddinta mushtamaca.
Sidii aad caddad waliba inooga
barateen waxaan caddadkan
ka maqneyn boggii ka baro
afka iswiidhishka oo loogu talo
galay in akhtiristayaashayda
ka faa’iideystaan barashada
afka iswiidhishka.
Gebo gebo iyo gunaanud,
majallada
ayaa
sidii ay
sannadihii horeba ahayd soo
bixi doonta saddexdii biloodba
mar. Waxayna fallanqaysaa,
arrimaha bulshada, dhaqaala- HARBI AMIR HASSAN OSMAN
ha, dhacdooyinka dunida, ABDILLAHI Chefredaktör /
Ansvarig utgivare Tifaftiraha guud
dhaqanka iyo Suugaanta.
Mas’uulka guud
Waxaan akhristayaashayada
kale ka codsanaynaa in ay si
aan hagar ku jirin inoogu soo
gudbiyaan wixii talo/tusaaleyn
iyo sixid ah. Sidoo kalena ay
soo
gudbiyaan
wixii
maqaalaad iyo qormooyin
faa’iido u leh bulshada.
Haddaynu
nahay
s o o ABDIFATAH
saarayaasha
m a j a l l a d d a BANAIMON
XOGFAAF waxaan si xushmad Tifaftire
leh uga raali gelinaynaa
Redaktör &
akhristayaashayada
wixii
Layout
il duuf ah.
MOHAMMED
HASSAN TOUKALEH
Rådgivare &
Sponsor ansvarig
Marnaba daabici mayno qoraal
aan sugneyn, si wacanna aan
loo tifaftirin.
Ugu
dambeyntii
uguna
muhiimsan,
waxaan
sannadkan saddexaad ee ay
majalladda gashay ku soo
dhaweyneynaa farxad iyo
hiigsi horumarineed oo hor
leh.
***
Cabdifataax Baanacaymuun
Tifaftiraha xogfaaf
XOGFAAF
Center for Somali Studies
Östra Vintergatan 32
703 43 ÖREBRO Sweden
+46 722 501 522
 www.xogfaaf.com
 [email protected][email protected]
Chefredaktör: Hassan Osman
‖
Ansvarig utgivare: Harbi Abdillahi Amir ‖
Redaktör & Layout: Abdifatah Banaeimon Rådgivare & sponsringsansvarig: Mohammed Hassan Toukaleh ‖
Medverkande: Abukar Albadri, Abdalla Mohammad Ali, Yuusuf Xasan
Xogfaaf, 28 Febraayo 2013
Bogga 3 aad
LÄR DIG SVENSKA
BARO AF ISWIIDHISHKA

Yrke och utbildning
Xirfad & Waxbarasho





Vad arbetar du med?
Maxaad ka shaqaysaa?
Jag är affärsman.
Waxaan ahay ganacsade.



Var arbetar du?
Xaggeed ka shaqeysaa?
Jag är egenföretagare.
Waxaan ahay milkiile shirkad.

Vad är ditt yrke?
Xirfaddaadu maxay tahay?






Jag är barnmorska.
Waxaan ahay ummuliso.
Är du ingenjör?
Ma injineer baad tahay?
Ja, jag är byggingenjör.
Haa, waxaan ahay injineer
dhisme.
Vad sysslar du med?
Maxaad qabataa?


Jag är studerande.
Wax baan bartaa.
Jag är student.
Waxaan ahay arday.
Vad studerar du?
Maxaad barataa?
Jag studerar statsvetenskap
på Örebro universitet.
Waxaan jaamicadda Örebro ka
bartaa cilmiga siyaasadda.
Vad läser du för utbildningen?
Maxaad barataa?
Yrke
xirfad, mihnad
Utbildning
Waxbarasho
Yrkesutbildning
Tababar xirfadeed, waxbarasho
xirfadeed
Lärarutbildning
Waxbarashada macallinnimada

*** ***
Waxaa Qoray:
Abdifatah Banaeimon
Bogga 4 aad
Xogfaaf, 28 Febraayo 2013
Maxaad ka taqaanaa baqshaddii
guduudneyd (Busto Rosso) ee uu
qaybinayay ra’iisul wasaare C/risaaq?
Xukumadihii dalka Soomaaliya soo maray waxaa
ugu caddaalad iyo maamul wanaagsanaa
Xukumaddii uu ra’isul Wasaare ka ahaa Mudane
Cabdirisaaq Xaaji Xuseen, intii u dhaxeysay 19641967. Xilligaas oo ay dhacday qiso la yaab leh,
qisadaas oo loogu magac daray (Busto Rosso).
Waxayna ahayd barnaamij xukuumadda dejisay
kuna wajahnaa hagaajinta maamulka Dowladda.
Ra’isul Wasaare Cabdirsaaq iyo golihiisa wasiirada
waxay go’aansadeen in kormeer lagu sameeyo xiliga
shaqada la soo galayo wasaarad kasta. Wasiirkii
ama agaasimihii laga waayo goobta shaqada, waxaa
miiska loo saari jiray baqshad gaduudan oo ay ku
jirto warqadda shaqo ka saarista mas’uulka laga
waayo goobtiisa shaqo.
Maalin maalmaha ka mid ah ayuu ra’isul wasaare
Cabdirisaaq Xaaji Xuseen kormeer ku tagay xafiis uu
agaasime ka ahaa walaalkiis, waana uu ka waayey
xafiiska. Sida nidaamku ahaa wuxuu u dhigay
Baqshaddii gaduudneyd.
Markii agaasimihii shaqada soo galay waxa uu arkay
baqashaddii gaduudneyd ee loo reebay oo
caddeyneysay shaqo ka saaristiisa. Agaasimihiina
wuxuu isaga tagay shaqadii, isaga oo aan u tegin
walaalkiis C/risaaq Xaaji Xuseen, maaddaama uu
ogaa in uusan ka yeeleyn in uu cafiyo.
Agaasimihii la casilay ee la dhashay ra’iisul wasaare
Cabdirisaaq waxa uu ku fikiray sidii uu u fadeexeyn
lahaa C/risaaq, si shaqadiisa loogu celiyo. Wuxuu
kireystay dameer kuwa biyaha Xaafadaha ku
wareejiya ah, wuxuuna tegay gurigii C/risaaq, xili uu
ka maqnaa. Iridda ayuu garaacay, misne waxaa ka
furtay xaaskii ra’iisul wasaaraha oo dumaashidiisa
ah. Markii ay aragtay ayuu isagana ku yiri:
- Dumaashi biyo makuu shubaa?
Marwadii ra’iisul wasaaraha ayaa ka qaracantay
markii ay aragtay dumaashigeed oo dameer biyo ku
wareejinayo, waxayna weydiisay sababta ku kaliftay
in uu biyo xaafadaha ku wareejiyo isagoo agaasime
ahaa. Markiiba wuxuu uga waramay in isagoo
xafiiska ka maqan xilli shaqo uu ra’iisul wasaaraha
kormeer ku yimid, ka dibna miiska loo saaray
baqshaddii gaduudneyd ee shaqo ka fariisinta.
Xaaskii ra’iisul wasaare Cabdirisaaq ayaa markiiba u
sheegtay in uu iska joojiyo shaqada dameerka, ayna
iyada la hadli doonto, si shaqadiisa loogu soo celiyo.
Galabnimadii markii uu ra’iisulwasaare Cabdirizisaaq
gurigiisa yimid, ayuu arkay xaaskiisa oo aad u
caraysan. Markii uu weydiyay waxa ku dhacay ayey
ugu warrantay in ay aragtay walaalkiis oo xaafadda
dameer biyo ugu dhaaminayo.
Wuxuuna weydiiyey waxa ku dhacay, waxay u
sheegtay in ay maanta aragtay walaalkiisa oo
dameer wata oo biyo dhaaminaya, waxay si caro leh
ku tiri “Maxaad wiilka shaqada uga saartay oo noo
ceebeysay?”, C/risaaq ayaa yiri “Xaqiiqo miyaa in uu
dameer biyo ku dhaaminayey, adiga ma aragtay?”,
“Haa sidee baan u arkin, maanta ayuu ilinka soo
istaagay isaga oo dameer biyo ku dhaaminaya,
waad na fadeexeysay”. C/risaaq ayaa yiri “Haddii ay
hubaal tahay inuu dameer biyo ku dhaaminayey,
hadda ayuu dantiisa gartay oo uu nin rag ah oo shaqeysanaya noqday”, Ra’isul Wasaare C/risaaq waxa
uu ku adkeystay in aan shaqada lagu celineyn balse
uu iskiis u shaqeysto walaalkiis.
Dhacadadaas waxay ku tuseysaa in Soomaaliya ay
soo mareen madax nidaamka dowladnimada ay kala
weyn tahay reer, qabiil, saaxiibo iyo dano gaar ah,
waxaana C/risaaq lagu yaqaanay dhacdooyin
waddaniyad iyo mas’uuliyad laga dheehan karo oo
taariikhda galay, sidaas oo kale rag ka tirsanaa
Xisbigii SYL kuwo badan ayaa ku jiray oo
wadaniyadoodu iyo cadaadladdooda heer sare
ahayd. Maanta raggaas waxaa ka nool in yar oo faro
ku tiris ah, soomaalina waxaa waajib ku ah in ay
bartaan taariikhda hogaamiyaashoodii wadaniga
ahaa ee u soo halgamay xoriyadda iyo maamul
wanaaga dalkaan si ay ugu daydaan oo ay ula
yimaadaan barnaamijyo siyaasadeed oo qarankaan
quusta taagan dib loogu soo nooleyn karo.
Akhristow haddii aad hayso dhacdooyin tusaale
wanaagsan noqon kara oo ay sameeyeen
hogaamiyaashii wanaagsanaa ee Soomaaliya soo
maray waa loo baahan yahay in la uruuriyo loona
sheego jiilka hadda joogo iyo kuwa soo socda
sidaasi darteed fadlan dhacdooyinkaas oo kale
wargeyska u soo dira idinkoo ku soo gudbinaya
cinwaanka Wargeyska.
***
Xigasho:
Wargeyska Aragtida Waddaniga
Sanadka 2-aad, Cadadka 6-aad
Xogfaaf, 28 Febraayo 2013
Bogga 5 aad
QAYBTII 4-AAD & SHEEKADII:
”ILLEEN GUURKU WAA CALAF”
”Adduunyadan waxaa la arkaa labo is gaclootayoo guurkii dhameystay iyagoon guri wada tagin gogolne aan
wada gelin haddana is gafa, ILLEEN GUURKU WAA CALAF”.
Ugu dambayntii baabuur yar uu watay
ayaan soo fuulay, waana soo dhaqaajinay.
Gadaal ayaan u tiirsaday si aan xoogaa yar u
seexdo, laakiin waan gam'i waayay.
Labada daaqadood ee shirka hore ee
baabuurka
waa
ay
furnaayeen.
Hawo
neecaaw ah oo macaan ayaa daaqadaha
gaariga ka soo galaysay.
Qoraxdu wey kululeyd, cirka caad badan
ma laheyn. waxaa ii muuqday daruuro aan
badneyn
oo
markuu
iftiinka
qoraxda
qabatay la mooday suuf cad oo hawada
heehaabayo.
G a a ri ga
aad
buu
xaw aarahi isu
u
dheereynayay. waxaan soo marnay dhul aad u
qurux badan, indhuhuna ku raaxeystaan.
Waxay ahayd xilli barwaaqo ah, dhulkuna
doogsaday. Waddada dhinacyadeeda doog
miiran bay aheyd. Meelaha qaar waxaa iiga
muudqday waro biyo iyo carruur faraxsan oo
ku dabaalanaya. Waa markii nolosheyda iigu
horeysay ee aan jidkaan soo maro.
- Warka caddeey, macaanta? Ayuu igu yiri gacaliyahayga Faysal, isagoo si dabacsan iisoo
eegaya ayuu gacantiisa midig garabka iga saaray.
- Gacaliso maxaa u aamusantahay, maad
iisheekeysid, ayuu raaciyay.
Gacantiisa markay jirkayga taabatay ayaa
waxaa i galay dareen gaar ah. Waxaan
niyadda iska iri:
Alla diirana, oo oogada uroonaa.
Run ahaantii Faysal aad buu uqurux
badnaa. Maalintaasna waxaa ka muuqatay deganaan iyo kalsooni.

Faysal wuxuu u muuqday qof og waxa uu
sameeynayo.
Feysal wuxuu maalintaa xirnaa shaar cad oo
gacmo gaab ah. Saddexda galuus sare ee
shaarka waa ay u furnaayeen. Faysal
wuxuu feeraha ku lahaa tin yar oon aan badneyn,
iska
wax
yar
oo
xaad
ah.
Timihiisa
madaxa
aad
bay
u
qurux
badnaayeen. Wuxuu lahaa tin aad u madow oo
bis ah. Ilkihiisa waxaad moodday in gacan
lagu sameeyay.
Markuu igu soo eego indhihiisa bunniga ah
isagoo dhoola caddeynayo ayuu jirkayga
dibaaxsadaa, jariiracyo awgeedne la istaagi
waayaa.
Anigoo isaga ku maqan ayaa waxaan ka war
helay,
Qaaliyey
miyaad
walwalsantahay?
Wax
waliba
waa
ay
hagaagayaan
ee
adiga
is
deji,
ayuu
hadalkiisa raaciyay.
- Haa macaane, waan wel welsanahay, ayaan
ku jawaabay.
Run
ahaantii
waxaan
ka
welwelsanaa
reerkeyga. Cabsi aad u weyn ayaa igu
taagneyd, oo waxaan ka baqayay hadduu
aabahay ogaado dhibka igu dhici kara.
Arrintaan ayaa aabahay aad uga xanaajin
doonta maaddaama uu isagu nin kale ila
rabo.
Feysal oo codkiisa daal ka muuqdo ayaa
markiiba billaabay inuu sheekaba sheeko
iisheego si uu aniga ii maddadaaliyo. Balse
aniga sheekada iguma socon oo waxaa
isaarnaa culeys weyn.

Gacaliso is deji, wax waliba jaceylkeenaa
ka weyn, ayuu Feysal niyadda iigu dhisay.
Wuxuu
billaabay
inuu
isoo
xusuusiyo
taariikhdii
jaceylkeena.
Run
ahaantii
Gacliyahayga waa iga saxsanaa. Wax aan ka
welwelo maba jiro. Haddaan mar gaaro
hamigayga, oo aan helo jaceylkeyga, sow
guusha xaggeyga maaha?
*** La Soco qaybta 5 aad ***
Waxaa Qoray: Cabdifataax Baanacaymuun
Xogfaaf, 28 Febraayo 2013
Bogga 6 aad
AMBASHADII AHMED ERIKSSON
IYO QALINKII ABUKAR ALBADRI
QAYBTII
Axmed waxaa la xafidsiyey
been la isku yara toos
toosiiyey oo kooban. Waxaa
lagu yiri dowladda Iswiidhan u
sheeg in aad tahay wiil yar oo
ambad ah, oo reerkiisii ay ku
kala lumeen dagaalka
Soomaaliya ka socda. Isla
markaasna ka codso in ay
Isaga oo aad u yar oo aan m a g a n g e l y o k u s i i s o
gaarin da’dii dugsi Qur’aanka waalidkaana laguu keeno.
ayaa Axmed loo waday dalka
Iswiidhan. Farxad, duco iyo u Axmed intanba wuu yiri,
han weynaan ayaa lagu laakiin waaxda socdaalka
sagootiyey.
waxay ogaayeen in 4 jir uusan
keligiis u soo safri karin
Axmed waa 4 sano jir marka Iswiidhan oo ay tahay in la
loo wadayo dhanka Iswiidhan, keenay oo ujeeddo kale laga
lamana socdaan hooyadii leeyahay.
Falxado iyo aabihiis Cawaale.
Waxaa lagu daray qoys Axmed waxaa la weydiiyey
deriskooda ah oo Iswiidhan ka su’aal aan waxa la xafidsiiyey
helay
d e g e n a a n s h o ka mid aheyn, taas oo ahayd
qaxootinimo. Ujeedkuna “Wax qaraabo ah ma kuu
wuxuu ahaa in marka uu joogaan Sweden?” wuxuuse ku
Iswiidhan tago la dhiibo, jawaabay “maya” waayo ciddii
kaddibna waalidkiisa uu sidaas keentayna meel kuma oga, cid
ugu dacwoodo oo inta iyagana kale oo loo sheegay in uu
la qaado meeshaas ku wada sheegtana ma jirin.
noolaadaan. Qadartuse waxa
ay ka qoran tahay dhanka Markii warbixintaas yar laga
Rabbi.
qoray waxaa loo yeeray Maria
Eriksson oo aheyd naag ilmaha
Axmed dhib waxaa ugu filnaa aan waalidkood la socon in ay
in isagoo yar laga wadayo heyso u qaabilsan waaxda
hooyadiis iyo aahibiis, iyaguna socdaalka. Waa naag askariyad
sidoo kale ma quurin wiilkee dharcad ah oo lagu hubo in ay
dantaa tiri, qofna kuma caruurta heyn karto isla
tashaneyn inuu Axmed inta m a r k a a s n a x a a l k o o d a
ambado, ku dhex kori doono daraaseyn kareyso marka ay
qoys noloshiisa dambe oo dhan timaado in caruur yar yar
beddelaya.
arrimo qarsoon laga baaro.
1 AAD
Maria waxay Axmed u
sheegtay in ay waalidkiis u
noqoneyso, isla markaasna ay
gurigeeda geyn doonto, isna
waa carruure wuu aqbalay,
waxaana markaas u
tarjumaayey tarjumaan waaxda
socdaalka ka tirsan. Sidii
ayuuna ku raacay oo maalmihii
Ambashadiisa ay dhabbe
cusub cagta ku saareen.
Afar jirkan ambadka ah wuxuu
ka dhashay qoys danley ah oo
aabaha iyo hooyadaba
xoogsato yihiin, waana arrinta
keentay in deriskoodii isaga
soo waday ku fekeraan in ay
wiilka u wadaan. Subaxdii
canjeero yar oo la siiyo ayuu
duhurkii ku gaari jiray,
intaasna banaanka gurigooda
ayuu ciid ku beegi jiray,
mararka qaarna wuxuu
dan daro darteed ku hurdoon
jiray derbiyada uu ku cayaaro
hoostooda maadaama ay
hooyadii iyo aabihiis wada
xoogsi tageen.
***
Abukar Albadri
Xogfaaf, 28 Febraayo 2013
Bogga 7 aad
Magacyo meelo badan oo adduunka ah
horay loogu aqoon jiray haddana la
baddalay.
Magaalooyin badan oo
soomaaliya ku yaalo oo
magaca laga beddelay,
maantana loo yaqaano
magacyadooda cusub.
Dalal iyo magaalooyin caalamka oo magacyada laga
beddelay maantane loo yaqaano magacyo cusub.
1.
1.
2.
3.
4.
5.
6.
7.
8.
9.
10.
11.
MARKA — BAKA
WANLA WEYN —
DAAFEED
J O W H A R —
VILLAGGIO DUCA
DEGLI ABRUZZI
SHALAMBOOD —
V I T T O O R I A
D’AFRICA
JAMAAME—
MARGHERITA
ZEYLAC — 600
sano ka hor AWDAL
HARGEYSA
—
HARAR
BERBERA
—
SAAXIL
D J I B U T I —
UGUL oo buur u
dhaw la yirahdo
BOSSASO
—
BANDAR QAASIM
BALLI DHIIG IYO
BALLI GUBADLE
OO LOO KALA BIXIYAY BALLI KHEYR
IYO BALLI KHADAR
OO SOCON WEYDY
2.
3.
4.
5.
6.
7.
8.
9.
10.
MIYANMAR —
BURMA
GHANA — GOLD
COAST
MALAWI
—
NYSLAND
ZAMBIA IYO ZIMBABWE
—
RHODESIA
TANZANIA
—
TANGANIKA
BURKINA FASO
— UPPER VOLTA
B E N I N
—
DAHOMEY
BEJIN — PEKIN
MOMBAI
—
BOMBAI
PITISBURG
—
LELINGRAD
***
Waxaa soo diyaariyay:
Tifaftiraha guud ee majalladda:
Xassan Cusmaan
Shan waaye ee ogow,
Shillin soomaali qiima lahaa,
Shaah baa laga cabi jiray
oo
Shineemaa laga gali jiray,
Mar baa shaar laga iibsan jiray
oo
Shixnad qiima leh goyn jirtay.
Bogga 8 aad
Xogfaaf, 28 Febraayo 2013
DHAQANKA IYO SUUGAANTA
HIIL AQOONYAHAN
HIIL AQOONYAHAN waa tix uu curiyay Cabdifataax Baanacaymuun oo ka mid ah
dhallinyarada soomaaliyeed ee ku nool magaalada Örebro ee bartamaha Sweden.
Tixdani oo la tiriyay 25-kii bishii Maarso 2011, ayuu Cabdifataax isagoo
tilmaamaya dhibaatada dadka iyo dalka ku habsatay ugu baaqayaa
aqoonyahanka in si dhab ah laysugu hawlo samato bixinta dadka iyo dalka, loona
soo celiyo karaamadii umadda soomaaliyeed, qaran ahaan iyo qowmiyad
ahaanba.
1.
2.
3.
4.
Hoogga Soomaaliya mid aan abid la hilmaamayn,
Hodan dalkeenna hadday colaad hareeysay
Halaag aan loo kala harin hadduu ummaddii ku habsaday
Hiil aqoonyahan in la helaa kolka waa lama huraan’ee
5.
6.
7.
8.
Heshiiskii la raadiyayba hadduu noo hirgeli waayay
Nabad markay hillaacdaba haddii hilfaha laysku qaado
Dagaal aan laga hubsan haddii nafta laysaga haadshay
Hiil aqoonyahan in la helaa kolka waa lama huraan’ee
9.
10.
11.
12.
Hoobiye joogta ah hadduu guryaha daakiraad haleelay
Hilibka dad aan hal galabsan hadday haaddu wada feentay
Ninba hoyguu lahaa hadduu habeen cabsi uga hayaamay
Hiil aqoonyahan in la helaa kolka waa lama huraan’ee
13.
14.
15.
16.
Dhibkuu noo horseeday dagaalku lawada hafeefanayno
Haween iyo dhallaanba haddii hub lagu hagaayo
Haybadle calankeenna hadduu cagta ka hoos maray
Hiil aqoonyahan in la helaa kolka waa lama huraan’ee
17.
18.
19.
20.
Hormooyin aqoonyahan keennaan hoolalka buux dhaafshay
Ma isku howlnaa hiil hagar la’aan nabaddaan loo hiiqay?
Ma haynaa talo, talaa waddan lagu hagaagshaayee
Hiil aqoonyahan in la helaa kolka waa lama huraan’ee
21.
22.
23.
24.
Hallistuu ku jira dalka waa in laga hortagaa ee
Horortaa hibeystay waa in laga hortagaa ee
Laguma hanto nabad halgan la’aan ee
Hiil aqoonyahan in la helaa kolka waa lama huraan’ee
25.
26.
27.
28.
Ma u hagaajinaa dalkeenna si hagar la’aaneed?
Hayb qabiil aan ku jirin iyo hal baa haaf ah?
Haddii kale had iyo jeer hadal aan wax noo tarin
inaan isku harraadino miyaan laga habboonayn?
Qore: Cabdifataax Saciid Abuubakar ”Baanacaymuun”
Bogga 9 aad
Xogfaaf, 28 Febraayo 2013
Dabkii uu shiday kacdoonkii loogu magac
daray guga carbeed oo aan weli demin.
Wakhtigu waa uu
socdaa, waxaana kasoo
wareegatay in ka badan
muddo labo sano ah, ka
dib markii uu bilowday
kacdoonkii loogu magac
daray guga carbeed.
Garaaca madaafiicda iyo
sawaariikh aan kala go’
lahayn ayaa si isdaba
joog
ah
ugu
dul
hoobanayaan dadka reer
Suuriya.
Suuriya ayaa la ololeysa
kacdoonkii guga carbeed
oo aan weli demin.
Dabaysha
kacdoonkani
ayaa si xawli ah u
saameysay
dalalka
carbeed ee ku yaala
waqooyiga Yurub.
Waxaa dalalka carbeed
ee waqooyiga Afrika ka
billowday kacdoon xawli
ku socda oo loogu magac
daray GUGA CARBEED.
K a c d o o n k a n
muddaaharaad
ayaa
looga
soo
horjeedaa
nidaamyada
ka
jira
dalalka waqooyiga afrika
iyo gacanka carbeed oo
ay ka socdaan, iyadoo
dadka muddaaharaadayo
ay dalbanayaa isbeddel
dimoqraaddiyadeed.
dagay,
lana
xabisay
Kacdoonkan
ayaa
ka madaxweynihii
Masar
billowday
caasimadda Xusni Mubaarak.
Tu u n i s
ee
dalka
Tuuniisiya dabayaaqadii Waxaa 3:da bishii Juun
bishii Diseembar 2010, 2 0 1 1
qarax
lagu
ka dib markii uu jaamici d h a a w a c a y
magaciisa la oranjiray madaxweynihii
Yemen
Mohammad Bouazizi uu Cali
Cabdalla
Saalix,
dab isku daaray markay isagoo muddo saddex
booliska waddankaas ay b i l o o d
ah
lagu
la wareegeen gaari-miis d a a w e y n a y a y
uu khudaarta ku iibin waddanka boqortooyada
jiray.
Sacuudi Carabiya. Waxaa
20:ka bishii Oktoobar
Madaxweynihii hore ee 2011 magaalada Sirta
Tu u n i i s i y a
Z i i n lagu dilay madaxweynihii
Elcaabiddiin Bin Cali ayaa Liibya Korneyl Qaddaafi.
Laga soo billaabo bishii
Maarso
2011
waxaa
waddanka
Siiriya
ka
socda muddaaharaadyo
xoog badan oo ay ku
li’deen
kummanaan
dadweyne ah oo ka soo
xukunka isaga dagay ka h o r j e e d a
nidaamka
dibna
ka
c a r a r a y Bashaar al-Assad.
waddanka.
Kacdoonkani
loogu
Muddaaharaadyadan m a g a c d a ra y
guga
xooggan
ee
isbeddel carbeed oo weli socda
doonka ah ayaa si dhaqsi ayaan la saadaalin karin
ah ugu fiday dalalka xilliga iyo dalka uu kusoo
carbeed,
w a x a y n a afjarmi doono.
markiiba
gaareen
waddamada
Aljeeriya,
***
Baxreyn, Liibiya, Masar,
Waxaa diyaariyay:
Suuriya
iyo
Yaman.
Hasan Osman
Waxaa 11:kii Febraayo
&
2011
xukunka
isaga
Abdifatah Banaeimon
Xogfaaf, 28 Febraayo 2013
Bogga 10 aad
Bishaaro iyo Bilkhayr
Waa aroor arbaca ah, waxaa curatay
maalin uu waagii ilwaad qurxoon la soo
kaahay. Mugdigii ayaa gabaabsi galay oo
iftiin baa carrigii saameelay. Waa kastaaba
waayihiisuu wataaye waxa uu dunida ku
marti qaaday waayihii aroortaa. Durba waxa
bilaabmay oo isku baxay jabaqdii iyo codkii
shimbiraha waxa yaraaday codkii libaaxa,
dhurwaa iyo inta habeenka marroogsata.
Waxa cod qurxbadan ci´day lukidii
(digaaggii) oo uu diigu ugu codka dheer
yahay. Waxa soo dhacay dheelkii waaberi
waa qabow si gaar ah loo dareemo oo
dadka jiifka ama hurdada u macaaneeya.
Astaamihii waabberi markii ay sidaas isu
wada qabsadeen ayay Xaadsanna hurdada
ka soo toostay. Qarow iyo riyo xun oo
naxdin
leh
ayey
ku
soo
baraagurtay. Geesaha ayey dhugatay,
garatayna in ay wuxu hawaawi uun
ahaayeen iyo riyo. “Allow taas run ha iiga
dhigin” ayey ku ducaysatay, shaydaankii
ayey iska naartay waxana ay isku
diyaarisay salaaddii arooryaad iyo hawl
maalmeedkii u caadiga ahaa.
Waxay ku riyootay mas laba madax leh oo
ay daba socdaan masas yaryar oo badan.
Maska midabkiisu waa madow, wuu
galaalan
yahay
oo
waxaa
la
moodaa in uu koofiyad xidhan yahay.
Carrab laba faraq leh ayuu hadba dhinac u
dirayaa. Xaadsan iyo labadeeda gabdhood
waxa ay joogaan meel cidlo ah oo geed
hoostiis ah. Maskii oo la moodo buur
xamaaranaysa ayaa dhankii ay Xaadsan iyo
gabdhaheedu joogeen u soo dhaqaaqay oo
isku soo kala guray. Xaadsan waxa ay
haysataa middi uu afkeedu xaadda jarayo
(middi aad u af badan).
Marka uu masku ku soo foorarsadaba
middida ayey meel ka gelineysaa, kaddibna
waxa uu isku darayaa dhiig iyo sun uu ku
afuufayo oo uu dhankooda u soo seydhayo.
Intaa waxa u dheer masaska yaryar ee uu
midba dhan ka soo gelayo. Xaadsan haddii
ay cabbaar dagaalantay ayey quusatay, waxana ay isku dabooshay oo ay ku hagoogatay
labadeedii gabdhood si uu masku iyada u
dafo (qaato) oo ay labada gabdhood ugu
badbaadaan. Nafteedii ayey hibaysay oo ay
maskii siisay, waxana ay hoosta ka leedahay
haddii uu malaha i af-garan lahaa waxa aan
ka codsan lahaa in uu aniga i cuno oo uu
gabdhaha ii badbaadiyo iyagu waa ubaxaa
hadda adduunka u soo baxay oo aan waxba
ka arage. Maskii ayaa hakaday oo
agtooda caasha dhigtay. Waa la is eegayaa
oo dhaqaaq la´aan ayaa lagu raagay. Waa la
yaabe adhi tira badan ayaa goobtii yimid oo
iska daaqsanaya. Arigu waxa uu daaqayaa
maska hareerahiisa iyo weliba hortiisa. Bal
miyuu arigan wada cuno oo iska kaaya
dhaafo ayey is leedahay Xaadasan, balse
arrinku
waa
qaddarta
Alle
oo
meeshii loo rabay maaggane. Goor xaalku
sidaas yahay ayaa waxaa bartii yimid rag
hubaysan
oo
mindhaa
askar
ah.
Misana askartii baa maskii weynaa iyo
masaskii yaryaraa oo dhanba gaari ku ritay
oo qaatay.
Iyada oo weli cabsidii ku jirta ayey hurdadii
ka soo boodday. Korkeeda oo dhammi wuu
qoyan yahay oo waxa aad mooddaa in uu
roob ku soo da´ay ama tuubbo (qasabad)
biyo ah lagu furay.
Bogga 11 aad
Xogfaaf, 28 Febraayo 2013
aanan la aqoon dariiqada ay yihiin.
Waa xer aanan lahayn naxariistii suufiyada
lagu yiqiin ee tudhaalka badnayd. Ciddii ay
u soo hoydaanba waxa ay ka qashaan xoolo
aanan loo aabba-yeelin. Xaadsan waxa ay
aad ula collowday berigii ay walaalkeed
xertani ka qalatay ratigii uu reerku ku
dhaansan jiray.
Wadnaha
ayaa
aad
u
garaacaya,
xubnaheeduna baqdin ayey la gariirayaan.
Qur´aan ayey akhrisatay oo Alle ayey ka
magan-gashay sharta wixii ay aragtay iyo
waxii la mid ahba in uu ka badbaadiyo iyada
iyo ummadda Islaamka ah oo dhanba.
Kaddibna fadhigii ayey ka kacday oo waxa
ay u hedlatay oo ay isku diyaarisay
hawl-maalmeedkeedii ay quraacdu u Sidaas ha ahaatee weli way ka dhowrsataa
horreysay.
oo nafteeda iyo ubadkeeda ayey ishooda uga
cabsataa. Mako ayaa ugu jawaabtay:
Waxase ay wax walba ka hormarisay “Huunno waa amar Ilaahe, sowkan raggii oo
daacaddii Alle. Ugu horreyn waa ey dhammi ku biiray xertiisa, ee jaadka uun la
weysaysatay oo salaaddii arooryo ayey wada ruugayo.
Idinka xalay miyuu
tukatay. Sida la rumaysan yahay, arbacadu odaygiinnii soo hoyday”? “Maya! Waa yaabe
waa kulan awliyaad. Weligii dhintay iyo ma halkaas buu isna joogay oo uu baryey”?
weliga nool ayaa goob-joog ah oo waa in Xaadsan baa tidhi. ”Waa cajab! Naa bal dab i
sooryo lagu soo dhoweeyo. Sidaas awgeedna sii? Sow intay xalay aqalkii nagala baxeen
waxa ay dubtay daangedii (saloolkii) lagu xer baastaasi, wixii baad iyo biya yiillayna
yiqiin ee carafta badnaa. Kildhigii bunka nagama dhammeysan”. “Naa bal hoo!
ahaana dabka ayey saartay. Waa amarka Huuno aniga ayaa qaxwihii kariyey ee kan
Rabbié iyo isla doonasho Ilaahe waxa ay uun u qaad oo sii. Kibisina wey ii
maqashay durbaan (narso), dikri iyo qooshantahay, ee adigu hilibka uun sii kari,
sawaxan yeedhaya. Aqalkii ayey dibadda anaa kibista keenaya´e” “Walaal waa yahay,
uga soo baxaday oo wey dhegeysatay. aad baad u mahadsan tahay” “Adigaa mudan
Kamaba foga. Illeen iyadu waxba ma oga´e, abbaayo, hawl culus baa ku dul taale Ilaahay
waxaa xalay reerka soo dul-degay Sheekh ha kuu fuXadreeye iyo xertiisii.
dudeeyo.”
Iyada oo weli wax dhageysaneysa,
odaygeediina maqan yahay, hase ahaatee
aanay ogayn waxa uu ku maqan yahay ayaa
waxa ardaageedii soo gashay Mako Muuse
(Makodheerey).
“Huunno ma barideen”? “Haa huuno
barinnaye idinkuna ma barideen”? “Barinnay
huunno balaayo Ilaahay ha innaga hayo”
“Aamiin walaalo Ilaahay ha innaga hayo”
Intaa haddii la is weydaarsaday ayey Mako
uga warrantay in ay xalay reerka soo dul
dageen xertii Xadreeye. “Naa balaayada
daacdaacsiga badanna maxaa idiin keenay?”
Xaadsan ayaa sidaas tiri. Waxa ay nacday
xertan dadkii xoolaha ka dhamaysay ee
***
Waxaa qoray:
Yuusuf Xasan ”Stockholm”
HLM-SERVICE HB
Borlänge: (KA-nummer 10004302)
Kontaktperson: Noor Yasin
Tel nr. 072-2822177
Adress: c/o HLM Service,
Klöverstigen 10 C,
78451 BORLÄNGE
***
Lindesberg: (KA-nummer 0007507)
Kontaktperson: Yussuf Amiin
Tel nr. 0739-874655
Adress: c/o ABF, Smedjegatan 9,
711 30 LINDESBERG
***
Ludvika: (KA-nummer 10004303)
Kontaktperson: Noor Yasin
Tel nr. 072-2822177
Adress: c/o HLM Service,
Köpmansgatan 1,
77132 LUDVIKA
***
Örebro: (KA-nummer 10004301)
Kontaktperson: Abdifatah Abukar
Tel. 0722-50 15 22
Adress: Eurostop (Boglundsgatan 2)
Box 1905,
701 19 ÖREBRO
SHIRKADDA LIVEK LOTS/HLM-SERVICE
WAXAY DIYAAR KUULA TAHAY INAY
KU SIISO CAAWINAAD KUU GAAR AH
IYO TALOOYIN HUFAN.
Ma rabtaa warbixin dhameystiran oo ku
saabsan qaabka ay bulshada Sweden u shaqayso?
Mase rabtaa inaad hesho warbixin
dhameystiran oo ku aaddan qaabka hay’adaha
dowliga ee kala duwan loola macaamilo?
Ma rabtaa warbixin ku saabsan xuquuqdaada
iyo waajibaadkaaga ee waddankan Sweden?
Warbixintaas iyo kuwo kale oo badan waxaa kuu
haysa shirkadda Livek Lots oo xarumo ku leh in ka
badan toban magaalo.
Shirkaddan waxaa aasaasay, kana shaqeeya dad
khibrad gaar ah u leh habka ay hay’adaha kala duwan
u shaqeeyaan, sida Hay’adda socdaalka, iskuullada
iyo hay’adaha qaabila dadka waddanka ku cusub.
Waa muhiim in aad heshid warbixin sax ah si aad
horumar u sameysid. Shirkaddu waxaa kale oo ay
kaa caawin kartaa foomamka kala duwan ee la
buuxiyo, arjiyada iyo qoridda dacwadaha.
Shirkadda waxaa u shaqeeya dad ku hadla
afsoomaaliga oo leh aqoon iyo khibrad dheer.
Warbixinta waxaa lagugu siin afkaaga hooyo.
Waxaana ku hagaya dad aqoon iyo khibrad buuxda u
leh sida dadka Iswiidhan ku cusub loo caawiyo.
Wixii su’aalo iyo warbixin dheeraad ah, fadlan la
xiriir xafiiska LIVEK LOTS/HLM-SERVICE ee
kugu dhow.
Cinwaanka iyo taleefannada xarumaha shirkadda
Livek Lots waxaad ka heleysaa dhanka bidix ee
boggaan.
ISSN: 2001-0532 | TITEL: XOGFAAF | TRYCK ÅR: 2013 02 28