Somaliska

/1/
Fasaxyada Xagaaga iyo Deegaan Xagaaga 2015
Waxa ku cusub sannadkaan!
Laga billaabo deegaanka sannadka 1aad!
/2/
Kusoo dhawoow deegaan xagaaga!
Ujeeddadeenu waa in aynu kuusoo bandhigno deegaan xagaa wacan islamarkaasna leh farxad
iyo kahelitaan aan caadi ahayn. Buuggyarahaan waxaa ku yaala tiro baddan oo deegaan
xagaaga caruurta ah islamarkaasna doorasho muddan. Dhammaan deeganadaan waxay
dhaqan ahaan u leeyihiin dadaal diirad saar, dadaalkaas oo macnahiisu yahay adeeg xagaa
raaxo leh sida, qubeysashada iyo hawlo kale oo xiriir la leh-biyaha, iyo tartan ciyaaro kale.
Qaar kamid ah deeganadaan waxay sidoo kale bixiyaan adeegyo gaar ah.
In baddan oo adeegyadaas ku saabsan waxaad ka heli kartaa buuggyarahaan. Ama booqo
boggaan intarnatka www.stockholm.se/kollo meeshaan oo aad sidoo kale sitoos ah uga dalban
kartid.
Dhabtii waxayba ahayd in hore loogu tabaabusheysto qorshe xagaaga – arinkuna wuu ka
dhakhso baddan yahay sida aad u malayneyso! Buuggyaraha deegaan xagaaga sannadkaan
wuxuu ka kooban yahay dhammaan noocyada madadaalo, dhacdooyin xagaa xiiso leh.
Deegaanku waa fursad leh kasbasho waayo aragnimo cusub, aqoon cusub iyo samaysasho
saaxiibo cusub. Waxaa jira deegaano baddan oo kala duduwan islamarkaasna doorasho
muddan, marka iska hubi, kana dooro midka ku haboon adiga iyo caruurtaada.
Dhammaan deeganadaan waxaa caado dhaqan u ah, in caruurta iyo da`yarta yar-yar ee
dhalinyarada ahi ay inta baddan ka qayb qaataan adeeg xagaa kala duduwan sida
qubeysashada iyo hawlo kale oo xiriir la leh-biyaha, socdaalo banaan bixid ah, ciyaaro, iyo
tartamo ciyaareed kale. Qaar kamid ah deeganadaan waxay sidoo kale leeyihiin adeegyo qaas/
gaar ah, laakiin inta baddan waqtiga degaanka waxaa lagu bixiyaa adeeg dhaqan xiriirka la
leh. Booqashooyinka deegaanka waa inta u dhaxeysa 7 iyo 14 maalmood.
Si aad u ogaato in ilmahaaga helay deegaan xagaa hormarsan, muhiim ayay tahay in aad
ayada ama asaga ku caawisid in uu kala doorto doorashooyinka kala duduwan ee lasoo
bandhigo. Adiga ayaa sifiican u garanaya ilmahaaga, waxaadna ogtahay waxa asaga ama
ayada u fiican. Su'aalaha muhiimka waa: Hadda ka hor ilmahaaga madegay meel kafog
guriga? Mase yahay ilmahaaga mid ku faraxsan lajoogida kooxaha yar-yar? Waa kuwee koox
da' yarta ku haboon in ay ahaadaan deegaanka? Haddii aadan hubbin in uu ilmahaagu ku
raaxaysan doono ka fogaanshaha guriga, way wanaagsan tahay in loo doorto joogitaan
gaaban. Qabanqaabiyaha deegaan xagaaga sidoo kale wuxuu caddeyn caafimaad u diri
doonaa waalidiinta. Middaan waxay kuu ogolaanaysaa in aad siisid shaqaalaha macluumaad
kusaabsan caruurtaada, si loo hubsado in ay hellaan waayo aragnimo deegaan xagaa midda
ugu fiican ee ugu suurtogalka ah. Deegaan kasta wuxuu bixinayaa sharaxaad kusaabsan waxa
ay qabtaan, waana idinka, waalidiinta iyo caruurta, kuwa doorta waxa aadka idin ku habboon.
Marka aad gaartid go'aan ah in aad aadid deegaan iyo taariikhaha ugu fiican, waxaad
gashaa/booqataa boggaan intarnetka www.stockholm.se/kollo sitoos ahna uga dalbo.
Haddii aad doorbideysid foomka codsiga warqada, waxaad isticmaali kartaa midka lasocda
buuggyarahaan. Sidoo kale waxaad mid kasoo qaadan kartaa Guddiga Degmadaada ama
xafiiska waadaniyiinta, ama kadaabaco faylka PDF-ga boggaan intarnetka
www.stockholm.se/kollo. Codsiyada waxaa khasab ah in lahello Arabacada 8 Abriil ugu
dambaysta. Codsadayaasha codsanaya taariikhdaan kadib waxaa bedelkeeda loosoo bandhigi
doonaa meelaha harsan.
Si aad u ogaato in ilmahaaga uu haysto joogitaan wanaagsan marka loo eego daryeelka iyo
daaweynta, aad ayay muhiim u tahay in uu ogaado shaqaalaha deegaan xagaaga waxyaabaha
kusaabsan waxkasta oo baahooyin gaar ah oo uu qabbi karo ilmahaaga.
Sidaas darteeda fadlan iska hubso in aad u buuxisid si taxadar leh caddeynta caafimaadka, ee
uu bixiyey qabanqaabiyaha deegaan xagaaga! Sidoo kale waxaad kasoo dejisan kartaa foomka
caddeynta boggaan intarnetka www.stockholm.se/kollo
Waxa ku cusub sannadkaan!
Laga soo bilaabo deegaan sannadka 1aad!
/3/
Kumaa /qofkee u qalma deegaan xagaaga?
Caruurta kunool islamarkaasna laga diiwaan geliyay magaalada Stockholm, oona ku jira
sannada dugsiyeedka Iswidhishka 1-9. Anaga waxaan sameyn doonaa wax walba oo aynu
awoodno si loo buuxiyo codsiyada looga qayb galayo deegaanka ayada oo lala socdo saaxiib.
Mayihiin caruurta kuwo ceymis lageliyay?
Caruurta iyo da`yarta- dhallinyarada ah ee kaqayb galaya deegaanka waa kuwo laga ceymis
geliyay dhinaca ceymiska shilka Magaalada Stockholm, midkaas oo uu bixiyey S:t Erik
Försäkring. Wixii macluumaad dheeri ah waxaa laga codsan karaa lambarkaan 08-508 29
926.
Yaa masuul ka ah deegaanka?
Golayaasha Degmada ayaa ah kuwa masuulka ka ah adeegyada deegaan xagaaga. Ayaga ayaa
masuul ka ah baarista iyo kormeerida tayada goobaha.
Waa imisa qiimuhu?
Golaha Degmada ayaa dejin doona lacagta laga qaadayo waalidka ama waliga tooska xisaabta
dawladda hoose. Qiimaha lacagta la bixinayo waxaa go`aaminaya ama xadidaya Golaha
Degmada. Jadwalka hoose wuxuu kutusinayaa lacagta laga qaado ilmo kasta maalin kasta.
Waxaa jira qiimo dhimis loo sameeyo qoyska haddii uu jiro wax ka baddan hal ilmo oo isla
qoyskaas uga qayb galaya deegaanka. Qoysaska ay uga qayb galayaan wax kabadan afar
caruur ah deegaanka waxay lacag ka bixiyaan keliya afar caruur ah.
Dakhliga bilaha ah ka hor canshuurta (SEK):
Qiimaha/maalinta (tirada. caruurta)
Haddii uu ilmahaaga katago deegaanka xilli hore ama guriga loo diro, majirto wax lacag ah
oo dib loo soo celinayo. Si kastaba, haddii ay xanuunsadaan oona awoodi karin in ay sii
joogaan, lacagta loogu talogalay muddada uu ilmuhu xanuunsanyahay waa mid dib loo soo
celin doono. Waxaa loo baahnaan doonaa cadayn ka timid dhakhtarka.
Tusaalaha 1:
Dakhliga guud ee bisha SEK 18,000, ee 3 caruur ah oo loogu talogalay 14 maalmood:
3 x 60 x 14 = SEK 2,520
Tusaalaha 2:
Dakhliga guud ee bisha SEK 40,000, ee 1 caruur ah oo loogu talogalay 10 maalmood:
1 x 250 x 10 = SEK 2,500
/4/
Haddii aad u maleyneysid in ilmahaaga uu ugu baahanyahay taageero dheeri ah goobaha
deegaan xagaaga, muhiim ayay tahay in aad laxiriirtid Xarunta Xiriirka si aad u ogaato in
ilmahaaga uu helay deegaanada midka ugu fiican ee ugu suurtogalka ah. Cinwaanka waxaa
laga heli karaa dusha gadaasha buuggyarahaan.
Siduu u egyahay hoyga goobta deegaanka?
Baddanaa waxaa hal qol isla dega 4-6 caruur ah. Marwalba habeenkii waxaa jira horjooge,
midkaas oo jooga dhismaha ay caruurtu deganyihiin, waana asaga midka ay ugu soo laabtaan
oo ay weydiiyaan haddii ay xanuunsadaan ama uu qabto jeceyl ah in ay u hiloobeen
gurigooda. Qaar kamid ah deegaanada waxay leeyihiin musqulo engegan, fadlan laxiriir
deegaankaada wixii ku saabsan macluumaad dheeri ah. Qofwalba wuxuu ka qayb qaadanayaa
shaqooyinka guud sida nadiifinta iyo wax karinta.
Maxay yihiin qabanqaabooyinka wax cunnida goobta deegaanka?
Caruurta waxaa cunto karsan lasiiyaa maalintii seddex jeer: qurac, qado iyo casho, ayada oo
ay la jiraan cunto fudud iyo cuntada yar ee lacuno wakhtiga dambe ee fiidka.
Fadlan ku war geli deegaanka xilli hore oo suurtogal ah haddii uu ilmahaagu qabbo baahooyin
cunto oo xiriir la leh sababo diin ama xasaasiyad uu qabbo darteeda ah, tusaale ahaan.
Xeerarka
Deegaan kasta wuxuu leeyahay xeerarkiisa khaaska ah, sida waxa lagu sameynayo lacagta
jeeb gashiga ah iyo teleefoonada gacanta. Qabanqaabiyaha deegaan xagaaga ayaa ku siin
doona macluumaad ku saabsan xeerarka loogu talogalay deegaan kasta inta lagu guda jiro
kulamada dhaca bisha Maajo.
Adeegyada xagaaga loogu talogalay caruurta naafada ah
Deegaan xagaaga iyo hawlaha kale ee xagaaga ee loogu talogalay caruurta naafada ah waxay
galaan Sharciga Iswidhishka khuseeya Taageerada iyo Adeega loogu talogalay Dadka
Naafada ah Shaqada Gaarka ah (LSS), waxaana laga maamuley dhinaca Maamulka Adeegaha
Bulshada. Xiriirka: Bengt Lundgren, teleefoonka 08-508 25 265.
Su'aalaha ku saabsan codsiga?
Kawac Xarunta Xiriirka lambarkaan 08-508 00 508, doorashada 2.
Cinwaanka: eeg gadaasha buuggyaraha.
Qaabka naqshadaynta farshaxanka iyo kooxda tifatirka Cecilia Frank, Frank Etc. AB
Daabacaada??
Tirada. nuqalada??
Sawirka kore Pernille Tofte/Folio
Sawirada dabiiciga ah Cajalada sawirka iyo Linnea Frank, stones Jeanette Woiski
Sawirada horudhaca ah Linda MarieLouise (socodka duurka iyo qurxinta masraxa), Jukka
Heiskinen/Warqad (leexo), Bo Jansson/Warqad (dekada), Christofer Dracke/Folio (caruurta
faraxsan)
Sawirada wareysiga iyo dhacdooyinka deegaanka Jeanette Woiski
Sawirada deegaan Ka ahaatay qabanqaabiyaasha deegaanka
/5/
Sidee loo codsadaa deegaan xagaaga!
1. AQOONSIGA TEESARAHA
Si aad ugu codsatid sitoos ah, waxaad u baahnaan doontaa AQOONSIGA teesaraha.
Midkaana waxaa laga heli karaa bangigaaga ama xafiiska canshuurta.
2. CODSIGA SI TOOS AH LOOGU DALBADO INTARNETKA: Faah-faahinta
xiriirka
Codsiyada loogu talogalay deegaan xagaaga waxaa si toos ah loogu sameyn karaa intarnetka
bartamaha-Febraayo.
Gal/booqo boggaan intarnetka www.stockholm.se/kollo kadibna ka buuxi codsigaaga.
Codsiyada waxaa khasab ah in helo Arabacada 8 Abriil ugu dambaysta.
Taariikhdaan kadib, keliya waxaa la helayaa goobaha harey.
LUUQADAHA
Codsiyada waxaa dhici karta in lagu sameeyo 13 luuqadood oo kala duwan.
CAAWIMAAD
Waxaa jira qaabab baddan oo lagu heli karo caawimaad haddii aad u baahatid.
ILMAHA
Xusuusnoow in aad gelisid cinwaanka ilmaha lagu diiwaan geliyay.
DAKHLIGA
Geli/qor dhammaan dakhligaaga qoyska guud ee bilaha ah haddii uu kayaryahay SEK 42,000
canshuurta ka hor, maadaama aad xaq u lahaan doontid dhimid lacag.
WELIGA/QOFKA LANOOL
Geli/qor dhammaan weliyaasha caruurta haddii ay isla noolyihiin, haddii kale geli/qor weliga
sameynaya codsiga ayada oo uu la jiro qofkasta oo la degan ama la nool.
/6/
3. CODSIGA SI TOOS AH LOOGU DALBADO INTARNETKA: Doorashada
deegaan iyo muddooyinka
Daalaco/daawo gebi ahaanba buuggyaraha kadibna dooro nooca deegaan ee aad doorbideysid
in uu ilmahaaga kaqayb galo.
Xusuusnoow in ay fikrad wanaagsan tahay in laxadido doorashooyin badan, maadaama qaar
kamid ah deegaanada ay yihiin kuwo caan ah oona si dhakhso ah u baaxsamaan. Caruurta
badankooda waxay codsadaan boosas deegaan bilowga iyo dhammaadka xagaaga, middaas oo
macnaheedu tahay in waqtiyadaan ay yihiin waqtiyada ugu adag in la helo boos.
DEEGAAN XAGAAGA
Geli xerooyinka deegaanada iyo muddooyinka aad ka fekeri doontid, waxaa wanaagsan illaa
afar doorasho oo kala duduwan.
WALAALAHA ISLA DHASHA AMA SAAXIIBADA AH
Si looga fogaado waxkasta oo wareer keeni kara, waxaan doonaynaa in aynu ogaano
lambarka dammaanada bulshada dalka Iswidhishka ee qofkasta oo saaxiibo ama walaalo la ah
leeyahay islamarkaasna uu ilmahaagu jeceylyahay in ay u raacaan deegaanka.
CODSIYADA WARQADA
Haddii aad doorbideysid foomka codsiga warqada, waxaad isticmaali kartaa midka lasocda
buuggyarahaan.
Foomka waxaa khasab ah in loo diro Xarunta Xiriirka (cinwaanka kuqoran gadaasha
buuggyarahaan) waana in lagu helo 8 Abriil ugu dambaysta.
Haddii aad ku codsatay warqad, dalabkaaga waxaa lagu diri doonaa boostada caadiga ah.
Marka aad hesho, buuxi warqada lagu soo lifaaqay ka dibna kusoo celi Xarunta Xiriirka.
/7/
4. CODSIGA SI TOOS AH LOOGU DALBADO INTARNETKA: Gebagebada
Kahor inta aadan soo gudbin codsigaaga, dulmar/ akhri qoraalka warbixinta aad soo bixisey.
Hubso in waxkasta ay saxan yihiin kahor inta aadan sii wadin hawsha inteeda kale.
HUBINTA
Iska hubso in dhammaan faah-faahinta xiriirka cinwaankaada uu yahay mid sax ah, iyo in aad
gelisay deeganada saxda ah iyo muddooyinka. Sidoo kale waxaad marxaladaan hubbin kartaa
waxa ay ku kici doonto.
BEDELASHADA
Weli dib ayaad uga laaban kartaa si aad u bedeshid waxkasta oo ku saabsan codsigaaga ama
waxaadba burin kartaa dhammaantooda.
Haddii aad qabtid su'aalo ku saabsan codsigaaga, fadlan kala xiriir XARUNTA XIRIIRKA
lambarkaan 08-508 00 508, doorashada 2. Cinwaanka waxaa laga heli karaa gadaasha
buuggyarahaan.
/8/
5. CODSIGA SITOOS AH LOOGU DALBADO INTARNETKA: Xaqiijinta
Marka uu codsigaaga dhamaystirmo waxaad xaqiijin degdeg ah ku heli doontaa bogga
intarnetka.
Sidoo kale waxaa xaqiijin laguugu soo diri doonaa cinwaankaaga ii-maylka.
6. DALABKA
Dalab ayaa laguugu soo diri doonaa qaab ii-mayl ah marka laga bilaabo bisha Abriil iyo wixii
kadambeeya.
Waxaad haysataa 8 maalmood si aad u aqbasho ama udiido dalabka.
Haddii aad aqbasho, diiwaan gelintu waxay noqonaysaa mid waajib ah waxaana laguu
soo diri doonaa warqad qaansheeg ah oo lagu bixinayo 30 maalmood gudahood.
Xusuusnoow in aad diidid haddii aadan awoodin in aad baxdid. Si kadib booska loogu soo
bandhigo qofkale.
Burinta dhacda kadib marka diiwaan gelinta lawaajibiyo waxaa khasab ah in lagu sameeyo
qaab qoraal ah, keliyana waxaa la aqbali doonaa haddii uu ilmahaagu jiranyahay. Middaana
waa in lagu xoojiyaa oo ay lasocotaa cadeyn ka ahaatay dhakhtar oo arinta jirada xaqiijinaysa.
7. WARBIXIN KASOCOTA DEEGAANKA
Bisha Maajo, deegaanada waxay siin doonaan caruurta iyo waalidiintooda macluumaad
kusaabsan deegaan xagaaga ay soo doorteen. Sidoo kale waxaa laguugu soo wargelin doonaa
waqtiga iyo meesha safarka deegaan kadhici doono. Muhiim ayay tahay in laga qayb qaato
kulamada warbixinada si loola kulmo shaqaalaha iyo saaxiibada deegaan xagaaga, iyo si
lagaaga jawaabo su'aalahaaga.
8. GAARIDDA DEEGAANKA!
Deegaanada xagaaga ayaa masuul ka ah geynta iyo kasoo celinta caruurta deegaanka. Si
wadajir ah ayada oo uu lajiro wakiil ama horjooge ka ahaaday deegaanka, safarka waxaa dhici
karta in uu ka ahaado tusaale ahaan dhinaca baska SL ama tababaraha. Qabanqaabiyaha
deegaan xagaaga ayaa bixin doona faah-faahin dheeri ah oo ku saabsan safarada gudaha bisha
Maajo.
Waxaan rajaynaynaa in aynu helno codsigaaga!
/9/
Codsiga loogu talogalay deegaan xagaaga 2015
Laab foomka kadibna kudar lacagta boostada. Hal codsi ilmo kasta. Haddii aad jeceshahay in
aad codsatid boosas loogu talogalay caruur baddan, nuqul kasamee foomka ama kasoo degso
boggaan intarnetka www.stockholm.se/kollo. Codsiyada waxaa khasab ah in ay gaaraan
Xarunta Xiriirka marka ay tahay taariikhdu 8 Abriil ugu dambaysta!
1. FAAH-FAAHINTA ILMAHA
Warbixinta waa in ay waafaqsantahay cinwaanka ilmaha u diiwan gashan
Magaca koowaad ee ilmaha
Magaca dambe ee ilmaha
Cinwaanka guriga
Lambarka boostada
Lambarka dammaanada bulshada
Sannad dugsiyeedka
Magaalada
Golaha Degmada
2. DARUUFAHA QOYSKA
Lacagta waa mid ku dhisan dakhliga guud ee qoyska ee ilmaha cinwaankiisa la diiwaan
geliyay.
Anigu waxaan ahay waalid keli ah
Anigu waxaan ahay qof lala noolyahay
Dakhliga guud ee qoyska bil kasta (ka hor canshuurta):
Wax ka badan SEK 42,001. Aniga/anaga waxaan ogolaanay lacagta ugu baddan.
SEK 42,000 ama kayar. FIIRO GAAR AH! Dakhliga waa khasab in la cadeeyo si looga
fogaado lacagta ugu baddan:
Weliga 1
Lambarka dammaanada bulshada
Magaca koowaad iyo magaca dambe
Teleefoonka
Teleefoonka gacanta
Cinwaanka ii-maylka
Weliga 2/Qofka lanool
Lambarka dammaanada bulshada
Magaca koowaad iyo magaca dambe
Teleefoonka
Teleefoonka gacanta
Cinwaanka ii-maylka
3. DOORASHADA DEEGAAN XAGAAGA
Geli deeganada aad doorbideysid. Waxaa wanaagsan in aad xadidid doorashooyin baddan oo
kala duduwan.
1. Deegaan xagaaga
Muddada
2. Deegaanxagaaga
Muddada
3. Deegaan xagaaga
Muddada
4. Deegaan xagaaga
Muddada
Lambarada dammaanada bulshada ee midkasta oo kamid ah walaalaha ama saaxiibada
ilmahaaga uu jeceylyahay in ay raacaan (FIIRO GAAR AH! Lambarada dammaanada
bulshada oo buuxa waa in labixiyaa):
FIIRO GAAR AH! Haddii aad u malaysid in uu ilmahaagu ugu baahanyahay taageero dheeri
ah deegaan xagaaga, fadlan kala xiriir Xarunta Xiriirka (teleefoonka 08-508 00 508,
doorashada 2, ama ii-mayl: [email protected]). Waxay kugu caawin doonaan in aad
hubsatid in ilmahaaga uu qabo joogitaan midka ugu fiican ee ugu suurtogalka ah.
/10/
4. XAQIIJINTA IYO SAXIIXA
Xaalada lammaanaha isqaba/isla nool ee qaba caruur, foomka waxaa khasab ah in laga sixiixo
labadda dhinacba.
Xaalada xiriirka la isla noolyahay, waalidka/weliga waa in ay kuwargeliyaan qofka lala
noolyahay waxa kuqoran foomka oona xaqiijiyo macluumaada khuseysa dhammaan.
Warbixinta labixiyey waxaa loola dhaqmi doonaa si waafaqsan Qaanuunka Xog Shakhsiyeed
ee Iswidhishka.
Aniga/anaga waxaan xaqiijinaynaa in warbixinta lagu sheegay foomka ay tahay mid sax ah.
Aniga/anaga waxaan ogolnahay baaritaanada ay sameyso wakaalada ceymiska bulshada
Iswidhishka, xafiiska shaqaalaynta iyo maamulka canshuurta.
TAARIIKHDA
SAXIIXA
TAARIIKHDA
SAXIIXA
FIIRO GAAR AH!
Codsiyada waxaa khasab ah in ay gaaraan Xarunta Xiriirka marka ay tahay taariikhdu
8 Abriil ugu dambaysta!
Su'aalaha?
Xarunta Xiriirka, teleefoonka 08-508 00 508, doorashada 2.
Lacagta boostada
Xarunta Xiriirka Stockholm
Sanduuqa boostada 6061
164 06 Kista
/11/
Maxay tahay in la ahaado deegaan xagaaga?
Ka akhri halkan fikradaha dadka kale ee ku saabsan deegaan xagaagooda!
Kevin
Nadine
Hugo
Ellinor
Samuel
Kevin, 13
Sidee kuu ahaa adiga deegaankaada?
Seddex jeer ayaan aaday, labbo xero oo kaladuwan, waxaana doonayaa in aan sii wado intiiba
ay suurtogaltahay. Waxaan maqlay deegaanka arintiisa markii ay yimaadeen dugsigeena qaar
kamid ah horjoogayaasha si ay uga hadlaan. Markii ugu horeysay waxaan aaday keligayga,
laakiin markaasi wixii kadambeeyay waxaan labaxey saaxiibo aan kula kulmay deegaanka
sannadkii hore.
Maxaad kusamaysay deegaanka?
Waa in aad aragtaa oona kusameysaa deegaanka waxyaabo baddan. Waxaan kusameeyay
waxyaabo aanan kusamaynin guriga. Waxaaad noqonaysaa qof wax soo saar leh mana
ahaanaysid qof kawel-wela dalabyada maalin kasta ah. Xitaa waxaan ku haysanay deegaanka
Qanacsanaan. Wax kasta way wanaagsanyihiin waxaadna noqon kartaa wax kasta oo aad
doonaysid, waa mid la ogolyahay. Dhib malahan in caruur la ahaado ama loo dhaqmo qaab
caruurnimo, waxaadna ogaanaysaa in ay madadaalo tahay oo ay xiiso leedahay in markale la
ciyaaro.
Adiga waxaad aaday deegaan filim, sidee ahayd?
Waxaan bartay wax baddan oo filimka ku saabsan, waxaan qorney qoraalada filimka waxaana
sameynay dhowr filim duubis ah. Khasab kuguma ahan in aad leedahay waayo aragnimo,
waxaad noqon kartaa qof bilow ah. Sidoo kale waxay ahayd mid lamid ah deegaan caadi ah,
dibbada ayaan inbaddan aadnay waxaana sameynay waxyaabo dibbadeed.
Sideed usoo koobeysaa waayo aragnimada aad ka heshay deegaankaada?
Saaxiibo cusub, kaneeco, qorax, filim, madadaalo horjoogayaasha deegaanka. Ama
horjoogayaal yaab leh, laakiin u ah qaab wanaagsan, oo madadaalo leh. Waxay ahaayeen
kuwo cajiib ah, laakiin shaki la'aan waalan.
/12/
Nadine, 11
Sidee ahayd in aad aado deegaan xagaaga?
Waxaan kusaarnayn baska ku dhowaadkii 50 caruur ah. Ma u malaynayn in aan garanayo
midna laakiin waxaa ku jirey mid deriskayga ah iyo gabar isku fasal nahay, laakiin waxaan
kala degnay qolal kala duwan.
Sideed kudooratay deegaan xagaaga?
Waxaan iskudayay in aan helo mid ku habboon da'dayda iyo xiisahayga aan xiiseeyo
xayawaanka. Ma awoodin in aan u tago qaarkooda sababtoo ah aad ayaan u yaraa.
Sidee ahayd meesha deegaanka?
Waxaan meesha joogay siddeed maalmood waxayna ahayd middaasi mid sax ah maadaama
ay ahayd markii iigu horeysay. Keliya waxaan ahaan karey xero maalin kahor inta aanan u
baran in aan seexdo guriga dibadiisa, ama meel kafog guriga. Waxaan dareemay xoogaa
hiloow guriga ah subixii, laakiin kadib markii aynu quracnay marlabaad waxay ahayd mid
madadaalo leh waxaana sameynay dhammaan wax walba oo hawl ah maalintii oo dhan.
Gabdhaha kujirey qolkayga waxay ahaayeen kuwo wanaagsan wayna i caawiyeen markii aan
dareemay xoogaa murug ah. Sidoo kale waxaa la ii ogolaaday in aan waco guriga xoogaa
inbaddan.
Sidee ayay ahaayeen caruurta kale?
Inbaddan oo ayaga kamid ah waxay ahaayeen kuwo aan isku da' nahay. Qaar waxay ahaayeen
13 ama 14, kuwa ugu waaweyn. Waxaa la inoo qaybiyay kooxo isku da' ah. Way
wanaagsanayd in lagu jiro kooxaha yar-yar si aad marka hore u baratid caruurtaan.
Muxuu ahaa shayga ugu fiican?
Waxaan jeclaa in aan aado biyaha, sidoo kale waxaan samaynay doon waddid. Waxaa khasab
kugu ah in aad marka hore samaysid imtixaan dabaasha ah, haddii aad ku baastidna waxaad
waddi kartaa doon yar oo adiga gaar kuu ah.
Hugo, 10
Maxaad u aaday deegaan xagaaga?
Hooyo iyo ayeeyo ayaa igu dhaheen deeganku waa meel fiican oo madadaalo leh sidaas
darteedana waxa haboon in aan baxo. Markii hore ma ahayn mid arintaas ogaa, laakiin wiil
aan ilmo adeer nahay ayaa hadda kahor meesha tagay wuxuuna ii sheegay in uu jeclaaday,
sidaas darteeda waxaan kufikirey in aan tago.
Maxaad ku samaysay deegaanka?
Koorsada fuulida buuraha-dhaadheer wuxuu ahaa mid fiican, laakiin Anigu ma ahayn geesi si
aan ugu dhiirado sameynta arintaas. Iyo socodka jinniga. Waxaa khasab nagu ahaa in aynu
daba socono raad wareegsan habbeenka bartiisa. Waxaan u baxnay kooxo uu lasocdo
horjooge, laakiin khasab kuguma ahan in aad aadid haddii aadan doonayn middaas.
Sanduukha madoow sidoo kale wuxuu ahaa mid madadaalo leh. Gebi ahaanba waa qol mugdi
ah. Laba ama saddex naga mid ah ayaa isku waqti tagaya, anagana waxaa khasab nagu ah in
aynu taataabano dhinacyada ayada oo mugdina lagu jiro si aynu u helno meel aynu ka baxno.
Mararka qaar waxaan hawlo waaweyn la sameynaa deegaan kale waxaana ciyaarnaa kubadda
cagta waxaana sameynaa xoogaa wax dubid ah. Sidoo kale way ficnayd in ay meesha joogeen
dad badan, Mana u malaynayn markii hore in aan jeclaanayo. Soo-kicida waxay ahayd mid
fiican. Horjoogayaasha waxay imaanayaan ayaga oo ciyaaraya muusik cod sare ah, mararka
qaarna way labisan jireen waxayna haleynayaan goobta.
Muxuu ahaa shayga ugu madadaalada baddan ee kadhaca deegaanka?
Waxa ugu fiican deegaanka waa in ay jirto marwalba wax madadaalo ah oo la samaynayo.
Marwalba adiga waxaa kula jooga saaxiibo, dhabtiina aad ayay murug u ahayd in marlabaad
guriga lagu soo laabto.
Ellinor, 11
Siduu ahaa deegaan xagaagaada?
Waxay ahayd markii iigu horeysay ee aan aado/tago deegaanka. Saaxiibkayga, midkaas oo
aan weligiisa tagin deegaanka, ayaa i weydiiyay haddii aan rabo in aan aado/tago. Waxaan
hooyaday la daawaday dhowr filim oo ka mid ah deegaanka sidaas darteeda xoogaa waxaan
ahaa diyaar, laakiin weli waxaan dareemayay xoogaa wel-wel ah ka hor inta aanan bixin.
Anigu ma ogayn in ay meesha xera deegaanka jiri doonto waxyaabo baddan oo madadaalo
leh.
/13/
Sidee ahayd in loo safro deegaanka?
Way fiicnayd in lala kulmo horjoogayaasha. Waxay nagu sugayeen baska agtiisa sidaas
darteeda isla markii ayaanba isbaranay. Qolkeena waxaa kujirey lix gabdhood, laakiin sidoo
kale waxaa jirey qolal loogu talogalay wiilasha. Waxaan ku seexanay sariiro is dul-saaran.
Aniga iyo saaxiibtey waxaan isla joognay isla qol, middaasna waxaan ku codsanay foomka
dalabka. Sidoo kale waxaan u bixi karey si fudud keligayga, caruurta aan la socon saaxiib
sidoo kale waxay qaadanayeen waqti fiican. Waxaan ahayn kuwo iska wada warqaba
qofkastana wuxuu saaxiibo la ahaa qof kale. Waxaan saaxiibo ku samaysanay si dhakhso ah,
waana qosolnay isla daqiiqadii aynu meesha tagnayba.
Maxaad samayseen inta lagu guda jirey maalinta?
Waxaan sameyn karnay wax walba oo aynu rabney. Waxaan ciyaarnay turub, waxaan ku
seexanay leexada, waxaan sameynay ciyaarta boodboodida, waxaan aadnay biyaha, waxaana
ku baxnay doomo. Banaanka ayaan in badan aadnay. Waxaad sameynaysaa wax badan inta
lagu guda jiro maalinta middaas oo kaa dhigta in aad hurdo ladhacdid. Subax kasta waxaan
nadiifinaa qolkeena, mararka qaarna waxaan ku caawinaa dhaqida. Maalin waxaan aadnay
socod dibadda ah banaanka ayaana soo seexanay. Meesha waxaad ku aadi kartaa cagtaada
laakiin anaga waxaan ku baxnay doon yar. Waad dooran kartaa haddii aad jeceshahay in aad
seexatid gudaha teendho ama dhulka xidigaha hoostooda.
Caadi ma ahayd in aad ka fogtahay guriga?
Haddii hooyo iyo aabo ay meesha joogi lahaayeen marabi lahayn in aan baxo, way
wanaagsanayd in aan ahaa xoogaa ayaga la'aantooda. Sannadka soo socda waxaan rabaa in
aado isla meeshii, aniga oo lasocda isla saaxiibadii.
Muxuu ahaa shayga ugu fiican deegaanka?
Shayga ugu fiican wuxuu ahaa saaxiibada, qosolka iyo dibbad aadida aynu sameynay. Wax
kasta waxay ahaayeen kuwo wanaagsan!
Samuel, 15
Wax nooga sheeg deegaanka!
Xagaagii lasoo dhaafay wuxuu ii ahaa midkii shannaad ee aan aado, waxaana afar ii ahayd
isla meeshii aan hore u tagay. Markii iigu horeysay ee aan deegaan aado waxaan jirey 10
sanno. Waxaan buuggyaraha deegaanka kuhelay tooska boostada mana ogayn wax badan oo
ayada kusaabsan. Waxaan daalacay oo aan dulmarey buugyaraha waxaana ii muuqatay in ay
fiicantahay. Anigu maheysan saaxiibo aan raaco sidaas darteeda keligayga ayaan baxay
markii iigu horeysay.
Maxaad samayseen inta lagu guda jirey maalinta?
Maalintii waxaan qaban jirney laba ama saddex hawlood. Mararka qaar waxaan doon u
wadanaa jasiirad dhow, keliya maalintaas. Sidoo kale waxaan laba -habeen aadnay dibada,
meeshaas oo caadi ahaan deeganada kale ay joogaan hal habeen. Sannadkii lasoo dhaafay
waxaa aad u da'ay roob inta lagu guda jirey markii aynu dibada ku maqnayn taas oo nagu
khasabtay in aynu dib usoo laabano. Wax kasta waxay noqdeen qoyan anagana waxaa aad
noo qabtay qaboow, laakiin waan jeclaaday! Aniga waxaan qabey dhar biyaha celiya sidaas
darteeda waxaan doonayay in aan dibada sii joogo. Dibad bixida waa mid kamid ah
waxyaabaha ugu fiican deeganka. Maalmaha lagu jiro deegaanka waa maalmaha ugu fiican
sannadka oo dhan!
Anaga kuma haysan deegaanka teleefoono gacan laakiin waan wici karnay guriga maalin
kasta haddii aynu sidaas doono. Laakiin waxay ila ahayd in ay meesha jireen waxyaabo fiican
oo badan oo mudan in lasameeyo. Xagaagii lasoo dhaafay keliya waxaan wacay guriga
saddex ama afar jeer, inta baddan si aan qoyska ula socdo oo keliya. Waxyaabo badan ayaa ka
dhaca deegaanka mana doonaynin in aan ilaawo kahor inta aan u sheegin ayaga.
Muxuu ahaa shayga ugu fiican deegaanka?
Shayga ugu fiican deegaanka wuxuu ahaa in ay jirtey waxyaabo badan oo lasameeyo,
qofkasta wuxuu haystaa waxyaabo uu sameeyo. Keliya samee adiga! Waa waayo aragnimo
wanaagsan waxaadna ku samaysanaysaa saaxiibo cusub. Waxaad ahaanaysaa adiga
nafsadaada, waxaana jira dareen xoogan oo bulshada ah. Sidoo kale waa wax wanaagsan in
fasax gaaban laga qaato nolosha magaalada.
/14–15/
Ujeeddada
Sannad dugsiyeedka
Tirada.caruurta
Hoyga
Meesha/goobta
Qabanqaabiyaha
Mudada
Tirada.maalmaha
Juun
Luulyo
Agoosto
Akka
Isku raran
6-9
35
Teendhooyinka
Värmland, oo qiyaas ahaan. 300 km u jirta Stockholm
Utepedagogik Sverige AB
Backis
Muusikada
7-9
36
Qolalka hurdada
Barnens Ö, 110 km u jirta Stockholm
Stiftelsen Barnens Dag
Bergängen
Da` yarta - dhallinyarada ah
1-3
30
Qolalka hurdada
Barnens Ö, 110 km u jirta Stockholm
Stiftelsen Barnens Dag
Björkbacken
Da` yarta- dhallinyarada ah
1-3
30
Qolalka hurdada
Barnens Ö, 110 km u jirta Stockholm
Stiftelsen Barnens Dag
DjuprämmenDeegaan Biyaha, da` yarta- dhallinyarada ah
6-9
50
3-6 ayaa ah qolal
Värmland, oo qiyaas ahaan. 300 km u jirta Stockholm
Utepedagogik Sverige AB
Granbo
Riwaayad
6-9
40
Qolalka hurdada
Barnens Ö, 110 km u jirta Stockholm
Stiftelsen Barnens Dag
Granliden
Dhaqan ahaan
2-6
40
Qolalka hurdada
Barnens Ö, 110 km u jirta Stockholm
Stiftelsen Barnens Dag
Granvik
Filim
5-8
40
Qolalka hurdada
Barnens Ö, 110 km u jirta Stockholm
Stiftelsen Barnens Dag
Granö Gård
Masraxa
3-6
40
Qolalka hurdada
Barnens Ö, 110 km u jirta Stockholm
Stiftelsen Barnens Dag
Ivarsudde
Dhaqan ahaan
1-9
44
2-8 ayaa ah qolal
Vätö, waqooyiga-bari ee Norrtälje
Stiftelsen Birkagården
Lidängen
Dhaqan ahaan
3-6
30
Qolalka hurdada
Barnens Ö, 110 km u jirta Stockholm
Stiftelsen Barnens Dag
Deegaan Bad maaxida Rånö
Bad maaxid
6-9
26
Qolalka hurdada
Koonfurta Stockholm archipelago
Arbacia AB
S/Y Ellen
Bad maaxida doon xamuul yar
4-9
27
Doonta dusheeda
Stockholm archipelago
S/Y Ellen
Skeppsholmsgården
Bad maaxida doon xamuul yar
5-9
16
Doomaha dushooda
Stockholm archipelago
Föreningen Skeppsholmsgården
Solgården
Dhaqan ahaan
4-7
50
Qolalka hurdada
Barnens Ö, 110 km u jirta Stockholm
Stiftelsen Barnens Dag
Solvik
Socdaal hawl/shaqo
3-6
50
Qolalka hurdada
Barnens Ö, 110 km u jirta Stockholm
Stiftelsen Barnens Dag
Starrbacken
Dhaqan ahaan
7-9
35
Qolalka hurdada
Barnens Ö, 110 km u jirta Stockholm
Stiftelsen Barnens Dag
Xeebta
Dhaqan ahaan
3-6
40
Qolalka hurdada
Barnens Ö, 110 km u jirta Stockholm
Stiftelsen Barnens Dag
Strandhem
Dhaqan ahaan
3-6
48
Qolalka hurdada
Barnens Ö, 110 km u jirta Stockholm
Stiftelsen Barnens Dag
Stugorna
Xayawaanka
2-6
45
Qolalka hurdada
Barnens Ö, 110 km u jirta Stockholm
Stiftelsen Barnens Dag
Synsholmen
Dhaqan ahaan
1-7
38
Qolalka hurdada
Dusha jasiirada kutaala St Anna archipelago
Synsholmens Kolloförening
Sörvik
Ciyaar
4-7
40
Qolalka hurdada
Barnens Ö, 110 km u jirta Stockholm
Stiftelsen Barnens Dag
Sörängen
Kubadda cagta
4-7
40
Qolalka hurdada
Barnens Ö, 110 km u jirta Stockholm
Stiftelsen Barnens Dag
Udden
Deegaan biyaha, da` yarta3-6
40
3-5 ayaa ah qolal
Värmland, oo qiyaas ahaan. 300 km u jirta Stockholm
Utepedagogik Sverige AB
Uddis
Muusikada
4-6
36
Qolalka hurdada
Barnens Ö, 110 km u jirta Stockholm
Stiftelsen Barnens Dag
Östergården
Biyaha
6-9
40
Qolalka hurdada
Barnens Ö, 110 km u jirta Stockholm
Stiftelsen Barnens Dag
/16/
Halkeen joognaa anaga
Khariidadaan waxay tusinaysaa halka ay ku yaalaan deeganada xagaaga. Sharraxaad faahfaahsan ayaa lagu bixiyay bogg kasta oo buuggyaraha deegaanka kamid ah. Labadii bogg ee
hore waxaa ku qornaa wax kasta oo aad uga baahantahay in aad ka ogaatid sannadahooda',
waqtiyada iyo ujeedooyinka loogu talogalay dhammaan deegaanada.
/17/
Akka
Deegaan isku raranTacaburka
Ha moogaan tacaburkaan isku rarankan aan caadiga ahayn! Inta lagu guda jiro 10-kaaga
maalmood ee aad joogtid Deegaan Isku raranka Värmland waxaad kaqayb qaadan doontaa
waxyaabo aadan weligaaga hore usoo marin. Doon in aad ku waddid waddooyinka doonta
cajiibka ah ee Värmland, dhistid huuri ka dibna ku bad maaxdid webbiga, baratid sida wax
loogu kariyo dab kor ka furan, kaluumeysatid, dheeshid ciyaaro, ciyaartid kubadda gacanta
doonida iyo in aad sameysid wax baddan oo kale.
Fiidka anaga oo dhan waan isku soo aruurnaa waxaana isugu tagnaa hareeraha meesha dabka
deegaanka si aynu u nasano, u sheegno sheekooyin iyo dabcan u heesno. Habeenkii waxaan
ku qaadanaa gudaha teendhada, ama dhulka xidigaha hoostooda haddii aad middaasi ku
dhiiratid in aad samaysid...
Mid yar oo marti ah wuxuu yiri: “Weligayga uma malaynayn in aan sameyn doono waxa aynu
sameynay. Weligayga inta aan noolahay waan xusuusnaan doonaa.”
Adiga ra'iyi ayaad ku leedahay sida loo qaabeeyo maalinta ka dhacda Deegaan Isku raranka
Värmland, si wadajir ahna waxaan u samaynaynaa isku rarankaada tacaburkaaga ama is
tijaabintaada ugu fiican noloshaada.
Haddii aad jeceshahay in aad ogaatid wax baddan, ka fiiri boggeena intarnetka.
Akka
Sannad dugsiyeedka
6-9
Tirada.caruurta
35
Hoyga
Teendhooyinka, qiyaastii. mid kasta 10-15 qof, wiilasha iyo gabdhaha waxay u seexdaan si
kala gooni ah.
Mudada
11.6 – 20.6 10 maalmood
21.6 – 30.6 10 maalmood
1.7 – 10.7 10 maalmood
11.7 – 20.7 10 maalmood
21.7 – 30.7 10 maalmood
31.7 – 9.8 10 maalmood
10.8 – 18.8 9 maalmood
Xiriirka:
Joel Fänge
Numbarka deegaan xagaaga 08-652 52 92
[email protected]
www.kollosommar.se
Qabanqaabiyaha
Utepedagogik Sverige AB
Meesha/goobta
Xerad Deegaan isku raranka Tacaburka Akka waxay kutaalaa Värmland, qiyaastii.300 km u
jirta Stockholm.
/18/
Backis
Muusik – Barnens Ö
Diyaar ma tahay? Haa! Sawiro bal adiga oo lafadhiya dekada saaxiibadaada cusub mid
kamid ah fiidka xagaaga kuleylka ah. Codadka giitaarka ama kabanka, kuwo waxay ku
heesayaan hees ay ayagu hadda uun la yimaadeen, kuwo kalena waxay xeebta kuqaadanayaan
dabaal fiideed gaaban. Xilli hore fiidkaas waxaad lahayd xaflad kadhacday beerta qoskastana
wuxuu ahaa mid faraxsan kadib dabaal degaas, farxadaas iyo sacabkaas. Adiga waxaad
joogtaa Deegaanka Muusiga Backis!
Backis waa deegaanka meesha aynu si wadajir ah ugu sameyno muusikada. Waxaad u
wareejin kartaa heesahaaga aad jeceshahay dabool aan caadi ahayn, oona sameysid kooxo,
ama ciyaartid samba-konga, dheeshid ciyaarta capoeira, muusigada-punk ama baratid
garaacid kaban keli ah. Uma baahnid wax waayo aragnimo hore ah, maadaama aad
jeceshahay muusigada!
Backis waa meesha ugu fiican ee lagu sameysan karo saaxiibo cusub, lagu abuuran karo
xusuuso nolosha ah, oona loogu raaxeysto waqtiyo gaar oo qosol ah, loogu dabaasho looguna
dhagaysto. Xagaagaan waxaan kugu arki doonaa dekada!
Backis
Sannad dugsiyeedka
7-9
Tirada.caruurta
36
Hoyga
Qolalka hurdada
Qolka cuntada lala wadaago Uddis (36 caruur).
Caruurtu waxay wax cunaan waqtiyo kala duduwan.
Mudada
12.6 – 23.6 12 maalmood
26.6 – 7.7 12 maalmood
10.7 – 21.7 12 maalmood
24.7 – 4.8 12 maalmood
7.8 – 18.8 12 maalmood
Xiriirka:
Eva Alsberg
Niklas Rubin
08-508 43 900
(riix 2 si aad u wacdid deegaanka)
[email protected]
www.barnenso.se
Qabanqaabiyaha
Stiftelsen Barnens Dag
Meesha/goobta
Backis waxay kutaalaa meel 110 km u jirta Stockholm ee Barnens Ö, jasiirada Väddö.
Deegaanku wuxuu kudhowyahay biyaha waxayna leedahay meesheeda gaarka ah ee lagu
qubeysto.
/19/
Bergängen
Deegaanka Da`yarta – Barnens Ö
“Subaxaan markaan soo kacnay, labo horjoogayaal ah ayaa nooyimid ayaga oo u labisan
sida bakaylaha iyo geedka boqoshaaga oo kale, waxay ku heeseen wax kasta oo heesaha
waalan ah ka dibna bakaylihii qosolka lahaa wuxuu nasiiyey buskud. Maanta waxaan
leenahay maalin sheeko!”
Bergängen waa deegaan loogu talogalay caruurta yar-yar, ayada oo ku siinaysa waayo
aragnimada ugu horeysa ee deegaanka kusaabsan maalmo yar. Waa meel aad ugu haboon
walaalaha yar-yarka ah kuwaas oo keliya maqlay waxa ku saabsan dhammaan madadaalada
ka dhacaysa deegaan xagaaga. Dhammaan caruurta waxay ku haystaa deegaanka kafaala
qaade, dhammaan shaqaalahana waa kuwo aqoon iyo waayo aragnimo hore u leh ladhaqanka
iyo lashaqaynta caruurta yar-yarka ah.
Meesha Bergängen maalmaha waxaa ka buuxa hawlo farxad leh sida ku ciyaarida biyaha ee
xeebteena khaaska/gaarka ah, farshaxano, duur aadid, filim habeenkii ah iyo wax badan oo
kale. Ugu dambaysta, caruurta yar-yarka ah ayagana waxay waayo aragnimo u yeelanayaan
deegaanka meesha Barnens Ö!
Bergängen
Sannad dugsiyeedka
1-3
Tirada.caruurta
30
Hoyga
Qolalka hurdada
Mudada
13.6 – 18.6 6 maalmood
22.6 – 27.6 6 maalmood
30.6 – 5.7 6 maalmood
8.7 – 17.7 10 maalmood
20.7 – 29.7 10 maalmood
1.8 – 8.8 8 maalmood
11.8 – 18.8 8 maalmood
Xiriirka:
Eva Alsberg
Niklas Rubin
08-508 43 900
(riix 2 si aad u wacdid deegaanka)
[email protected]
www.barnenso.se
Qabanqaabiyaha
Stiftelsen Barnens Dag
Meesha/goobta
Bergängen waxay kutaalaa meel 110 km u jirta Stockholm ee Barnens Ö, jasiirada Väddö.
Xerada Deegaanku waxay ku dhowdahay biyaha waxayna leedahay meesheeda gaarka ah ee
lagu qubeysto.
/20/
Björkbacken
Deegaanka Da` yarta – Barnens Ö
“Maanta waxaan u socnaa gudaha dhagaxaanta si aynu u raadino xayawaanada kujira
badda! Geedaha waxaa kabuuxa canab waana soo goosan doonaa marka aynu waddada kusoo
socono waxaana sameysan doonaa bur canab kasameysan fiidka marka aynu daawanayno
filimka!”
Caruurtu waxay aad ugu baahanyihiin in ay socdaan, in ay socod u aadaan dhinaca badda.
Björkbacken waxay kusiinaysaa caruurta yar-yarka ah waayo aragnimada ugu horeysa ee
deegaanka ku saabsan maalmo yar. Waa meel aad ugu haboon walaalaha yar-yarka ah kuwaas
oo keliya maqlay waxa ku saabsan dhammaan madadaalada ka dhacaysa deegaan xagaaga.
Dhammaan caruurta waxay ku haystaa deegaan kafaala qaada, dhammaan shaqaalahana waa
kuwo aqoon iyo waayo aragnimo hore u leh la dhaqanka iyo lashaqaynta caruurta yar-yarka
ah.
Meesha Björkbacken maalmaha waxaa ka buuxa hawlo farxad leh sida ku ciyaarida biyaha ee
xeebteena yar ee khaaska/gaarka ah, farshaxano, duur aadid, filim habeenkii ah iyo wax badan
oo kale. Ugu dambaysta, caruurta yar-yarka ah ayagana waxay waayo aragnimo u
yeelanayaan deegaan meesha Barnens Ö!
Björkbacken
Sannad dugsiyeedka
1-3
Tirada.caruurta
30
Hoyga
Qolalka hurdada
Mudada
13.6 – 18.6 6 maalmood
22.6 – 27.6 6 maalmood
30.6 – 5.7 6 maalmood
8.7 – 17.7 10 maalmood
20.7 – 29.7 10 maalmood
1.8 – 8.8 8 maalmood
11.8 – 18.8 8 maalmood
Xiriirka:
Eva Alsberg
Niklas Rubin
08-508 43 900
(riix 2 si aad u wacdid deegaanka)
[email protected]
www.barnenso.se
Qabanqaabiyaha
Stiftelsen Barnens Dag
Meesha/goobta
Björkbacken waxay kutaalaa meel 110 km u jirta Stockholm ee Barnens Ö, jasiirada Väddö.
Deegaanku wuxuu kudhowyahay biyaha wuxuuna u jiraa keliya masaafo socod ah meesha
lagu qubeysto.
/21/
Djuprämmen
Deegaan Biyaha, da` yarta- dhallinyarada ah
Waxaad timaadaa Djuprämmen, deegaan xagaaga loogu talogalay da` yarta- midkaas oo
kabuuxa hawlo waxqabad-baddan. Deegaan Biyaha Djuprämmen wuxuu kutaalaa war weyn
oo u eg-muraayad. Waxaan fuulnaa doomo anaga oo wadana rooti iyo moos doomahaas oo
lagu jiido diyaarad-yar, waxaad raacnaa doon yar, waxaan sameynaa koorso lagu fuulo
buuraha-dhaadheer, waxaan dhisanaa doomo yar-yar waana quusnaa waxaana ku
boodboodnaa hirarka biyaheena. Waxaana hubaal ah in laga helo sidoo kale waqti lagu nasto
qoraxda iyo qaboowgana lagu seexdo leexada. Ka waran meesha caafimaadka kutaala
musqusha uumiga warta, dugsiga DJ/istuudiyaha muusigada, tartanka kubadda cagta,
ciyaaraha gaajada, CTF, Legdaanyada, caweyska, dhuumashada, dagaalada biyaha iyo
waxyaabo kale oo badan? Waxaad helaysaa caawimaad laguugu caawiyo si aad u go'aansato.
Si wadajir ah waxaan u sameynaynaa xagaa kabuuxa waayo aragnimo xiiso leh, saaxiibo
cusub, xusuuso wanaagsan iyo qosol baddan!
Mid yar oo marti ah wuxuu yiri: “Saaxiib ayaa i weydiiyay sida ay u egtahay in lajooga
meesha Djuprämmen. Waxaan ku iri imoow sannadka soo socda, waa in aad adiga meesha
joogtid si aad adiga naftaada u aragtid waxa meesha kajira. Waxaan kusoo qaadanay xagaagii
nolosheena ugu fiicnaa.”
Haddii aad jeceshahay in aad ogaatid wax baddan, ka fiiri boggeena intarnetka.
Djuprämmen
Sannad dugsiyeedka
6-9
Tirada.caruurta
50
Hoyga
3-6 ayaa ah qolal
Qolka cuntada lala wadaago deegaanka Udden (40 caruur).
Caruurtu waxay wax cunaan waqtiyo kala duduwan.
Mudada
11.6 – 24.6 14 maalmood
25.6 – 8.7 14 maalmood
9.7 – 22.7 14 maalmood
23.7 – 5.8 14 maalmood
6.8 – 18.8 13 maalmood
Xiriirka:
Joel Fänge
Numbarka deegaan xagaaga 08-652 52 92
[email protected]
www.kollosommar.se
Qabanqaabiyaha
Utepedagogik Sverige AB
Meesha/goobta
Deegaan Biyaha Djuprämmen ee loogu talogalay da` yarta- waxay kutaalaa Värmland,
qiyaastii.300 km u jirta Stockholm.
/22/
Granbo
Riwaayad – Barnens Ö
Daaha waqti dhow ayaa ladadi doonaa, daawadayaasha lafilanayo waa kuwo kudhegan
fadhiyadooda yaala teendhadeena masraxa weyn. Waxaad kamaqli kartaa guuxa saaxiibada
iyo qoyska dhinaca kale ee daaha. Qalbigaagu waa mid uu garaacayo, adiga waxaa kaa buuxa
dareen wel-wel, qofkastana waa mid faraxsan oona sugi la'a in uu aado. Ugu dambaysta, waa
waqtiga lasoo bandhigayo bandhiga koowaad ee kooxda Granbo. Hadda waa waqtigeena,
masraxa waa midkeena – waa xilligii soo bandhiga!
Kusoo dhowoow deegaanka Riwaayada Granbo! Weligaaga hore ma u istaagtay masrax, mise
keliya waxaad tahay qof jeceyl in uu wax walba ogaado? Muhiim ma ahan, qofkasta halkaan
Granbo waxaa loogu soo dhoweeyaa si sinaan ah. Si wadajir ah waxaan u dhisnaa bandhig leh
shakhsiyaad xaqiiqi ah, waan heesnaa, dheelnaa islamarkaasna qosolnaa. Laakiin ma
ilaaweyno in aynu xeebta kucuno jalaate, shidno diskowga ugu fiican iyo wax kasta oo kale
oo aad jeceshahay in aad lasameyso saaxiibadaada inta lagu guda jiro xagaaga.
Waxaan ku arki doonaa xagaaga!
Granbo
Sannad dugsiyeedka
6-9
Tirada.caruurta
40
Hoyga
Qolalka hurdada
Mudada
13.6 – 26.6 14 maalmood
30.6 – 13.7 14 maalmood
17.7 – 30.7 14 maalmood
3.8 – 16.8 14 maalmood
Xiriirka:
Eva Alsberg
Niklas Rubin
08-508 43 900
(riix 2 si aad u wacdid deegaanka)
[email protected]
www.barnenso.se
Qabanqaabiyaha
Stiftelsen Barnens Dag
Meesha/goobta
Granbo waxay kutaalaa meel 110 km u jirta Stockholm ee Barnens Ö, jasiirada Väddö.
Deegaanku wuxuu kudhowyahay biyaha wuxuu leeyahay meesheeda gaarka ah ee lagu
qubeysto.
/23/
Granliden
Barnens Ö
Iska ilaali jinniyada! Gal gudaha marada markaasna ayaga kuma arkayaan. Adiga iyo
saaxiibadaada jooga deegaanka waxaad tihiin isku kooxo, adigana waxaad tahay bartamaha
ciyaarta Ilaaha Faraantida! Ma heli doontaa jidkaada aad ku aadid buurta dabka kutaala
Mordor? Ma laga yaabaa in ay jinniyadu waddada kugu qabsadaan? Macaawin kartaa Frodo?
Ina keen aynu dhaqaaqnee!
Kusoo dhowoow Granliden, deegaan xagaageena caanka ah ee farxada badan, middaas oo ay
kabuuxaan hawlo firfircon, iyo ficilo madadaalo ah. Halkaan waxaad kuqaadan doontaa qaar
kamid ah maalmaha xagaaga ugu fiican, sameyso saaxiibo cusub kuna raaxeyso waayo
aragnimo aan caadi ahayn.
Waxaan kulminaa ciyaaro xiiso leh sida orodka dahabiga ah iyo legdenka, ay la socoto hawlo
degan sida farshaxano, daabacaada-Funaanad iyo dubid hilib ladubo. Waxaan aadnaa dibadda
kadibna waxaan seexanaa hoosta xidigaha ama teendhooyinka, waxaan cunaa hilib la dubey
moos kujira shukulaato, hilibka dhuudhuuban ee la dubo waxaana aadnaa kalluumeysi. Xitaa
ma u baahana in lasheego in aynu sidoo kale leenahay caweys iyo habeen jinni ama reer
aakhiraad oo loogu talogalay qofka geesiga ah.
Waxaan ku arki doonaa xagaaga!
Granliden
Sannad dugsiyeedka
2-6
Tirada.caruurta
40
Hoyga
Qolalka hurdada
Mudada
12.6 – 23.6 12 maalmood
26.6 – 7.7 12 maalmood
10.7 – 21.7 12 maalmood
24.7 – 4.8 12 maalmood
7.8 – 18.8 12 maalmood
Xiriirka:
Eva Alsberg
Niklas Rubin
08-508 43 900
(riix 2 si aad u wacdid xerada)
[email protected]
www.barnenso.se
Qabanqaabiyaha
Stiftelsen Barnens Dag
Meesha/goobta
Granliden waxay kutaalaa meel 110 km u jirta Stockholm ee Barnens Ö, jasiirada Väddö.
Deegaanku wuxuu kudhowyahay biyaha wuxuuna leeyahay meesheeda gaarka ah ee lagu
qubeysto.
/24/
Granvik
Filim – Barnens Ö
Nalalka! Kaamarada! Ficilka!
“Waxaa igu soo dhacay fikrad waalan! Kaalay aynu sameyno filim dagaal!”
“Anigu waxaan rabaa in aan filim cabsi leh kasameeyo duurka!”
“Riwaayad jeceyl!”
Halkaan Granvik waxaad ku baran kartaa waxyaabaha ku saabsan sameynta filim dhab ah.
Waxaad helaysaa kaamaro aad ku duubtid filimka, ku shaqaysid qoraalka filimka, soo saartid
filimka dib u habeyna ku samaysid. Mise waxaad jeceshahay in aad filimka jishid? Sidoo kale
dabcan waxaad door kaciyaari kartaa filimkaaga. Fiidka ugu dambeeya waa waqtiga loo
dabaal degayo filimka weyn, halkaas oo aynu kucuno casho xaflad kuna ciyaarno diskow.
Waxaan isticmaalnaa kaamarooyin DV waxaana dib u habeyn ugu sameynaa iMovie, middaas
oo macnaheedu tahay waxaan sameyn karnaa shaqo cod, nidaam sawiro iyo saameyno kale.
Majiro waayo aragnimo hore oo aad in aad lahaatid loo baahanyahay. Sameynta filim
lasameeyo waa in ay noqotaa mid madadaalo leh – waxayna ka dhacdaa Granvik!
Iyo marka aynu sameynaynin filim waxaan ku dabaalanaa dekadeena quruxda badan,
waxaana aadnaa dibadda, doon yar ayaan raacnaa waxaana qabanaa dhamaan noocyada kale
ee hawlaha xagaaga iyo dhacdooyinka is tijaabinta ah.
Waxaan ku arki doonaa xagaaga!
Granvik
Sannad dugsiyeedka
5-8
Tirada.caruurta
40
Hoyga
Qolalka hurdada
Mudada
12.6 – 23.6 12 maalmood
26.6 – 7.7 12 maalmood
10.7 – 21.7 12 maalmood
24.7 – 4.8 12 maalmood
7.8 – 18.8 12 maalmood
Xiriirka:
Eva Alsberg
Niklas Rubin
08-508 43 900
(riix 2 si aad u wacdid deegaanka)
[email protected]
www.barnenso.se
Qabanqaabiyaha
Stiftelsen Barnens Dag
Meesha
Granvik waxay kutaalaa meel 110 km u jirta Stockholm ee Barnens Ö, jasiirada Väddö.
Deegankuwuxuu kudhowyahay biyaha wuxuun leeyahay meesheeda gaarka ah ee lagu
qubeysto.
/25/
Granö Gård
Masraxa – Barnens Ö
In baddan oo daawada timaha lagu buufiyo ah, Waxaan doonayaa in timahayga ay kor
u taagmaan! Bishimo cagaar ah, laxirto-fanaanad iyo surwaal buluug aftiimiya. Waxaan ku
qaadanay maalinta oo dhan wax sameyn, anaga oo kor u shanleyna timaheena oona
diyaarinayna dhar. Galabtaan waxaan dhigeynaa bandhig weyn oo aynu soo bandhigeyno.
Waxaan kucel-celinaynay maalmo dhowr ah haddana waxaa lagaarey waqtigii ugu
dambeeyay ee lasoo bandhigi lahaa. Jillayaasha Granö Gård’ waxay sugi la'yihiin in ay
baxaan, waa waqtigii bandhiga lasoo bandhigi lahaa!
Deegaanka meesha Granö Gård macnaheedu waxay tahay dheelid, heesid, bandhigyo iyo wax
badan oo kale. Mid ka mid ah waxyaabaha ugu fiican xagaaga waa maalmaha dhaadheer,
sidaas darteeda waxaan qabnaa waqtiyo badan oo aynu ku aadi karno biyaha, ku lahaano
Caweysyo, ku sameyno farshaxano iyo dhammaan waxyaabaha kale ee madadaalada ah
kuwaas oo ayba tahay waxa uu xagaagu yahay.
Horjoogayaasha jooga Granö Gård waxay waayo aragnimo iyo aqoon u leeyihiin riwaayada,
dheelida iyo muusikada ay la socoto aasaas wanaagsan oo ku saabsan fullinta mashruucyada
loogu talogalay caruurta iyo da` yarta.
Waxaan rajeynaynaa in aynu ku aragno – masraxa adiga ayaa iska leh!
Granö Gård
Sannad dugsiyeedka
3-6
Tirada.caruurta
40
Hoyga
Qolalka hurdada
Mudada
13.6 – 26.6 14 maalmood
30.6 – 13.7 14 maalmood
17.7 – 30.7 14 maalmood
3.8 – 16.8 14 maalmood
Xiriirka:
Eva Alsberg
Niklas Rubin
08-508 43 900
(riix 2 si aad u wacdid deegaanka)
[email protected]
www.barnenso.se
Qabanqaabiyaha
Stiftelsen Barnens Dag
Meesha/goobta
Granö Gård waxay kutaalaa meel 110 km u jirta Stockholm ee Barnens Ö, jasiirada Väddö.
Deegaanku wuxuu kudhowyahay biyaha wuxuun leeyahay meesheeda gaarka ah ee lagu
qubeysto.
/26/
Ivarsudde
Badda, dabeysha, qoraxda iyo dayaxa meesha Deegaanka Ivarsudde Stiftelsen
Birkagården!
Badduna ay tahay mid u dhow, qubeyska, bad maaxida, socdaalo doon yar iyo kalluumeysiga
waa kuwo kamid ah hawlaha kale ee maalin laha ah. Ka dib maalin oo dagaal biyo ah ama
doonta caaga ka sameysan gadaasha doonta matoorka leh, waxaan isku kululeynaa uumigeena
laga sameeyay geedo-la shidey ka hor inta aan lagaarin waqtiga rootiga fiidka.
Ka fillo fikrado aan caadi ahayn, nasiino iyo xiiso leh oo ka ahaada “Ivars’” horjoogayaasha
waayo aragnimada u leh deegaanka!
Caweyska, Legdinta, soo goosasho faraawlo iyo “Maxaabiista ku xeran Ivars” waa qaar
kamid ah hawlaheena. Tartamada dubidda-doolshada ka dhacda Ivarsudde, tartamada teeniska
miiska iyo maalmaha raaxeysiga sidoo kale waxay ka mid noqon karaan barnaamijka. Muddo
kasta waxaan u qaadanaa doonteena weyn duleedka jasiiradaha yar-yar si aynu meesha ugu
sameyno dibad aadid laseexdo xidigaha hoostooda. Sidoo kale waxaad duurka ku arki kartaa
jinni ama reer aakhireed laba ama hal ah ka hor inta aan muddada dhammaanin …
Isku diyaari barashada saaxiibo cusub iyo wayo aragnimo aan caadi ahayn ee ka dhaca
meesha Ivarsudde!
Ivarsudde
Sannad dugsiyeedka
1-9 (fiiri mudada )
Tirada.caruurta
44
Hoyga
2-8 ayaa ah qolal
Mudada
12.6 – 25.6 14 maalmood, sannadaha dugsiga 6-9
27.6 – 8.7 12 maalmood, sannadaha dugsiga 1-9
10.7 – 23.7 14 maalmood, sannadaha dugsiga 6-9
25.7 – 5.8 12 maalmood, sannadaha dugsiga 1-9
7.8 – 14.8 8 maalmood, sannadaha dugsiga 1-9
Xiriirka:
Oskar Norberg
070-6058701
Anette Ingemarsson
070-7182284
Susanne Guidetti
076-8381122
[email protected]
www.birkagarden.se/kollo
Qabanqaabiyaha
Stiftelsen Birkagården
Meesha/goobta
Ivarsudde waxay qiyaastii. 90 km u jirtaa Stockholm, meesha Lidöfjärden ee jasiirada Vätö,
waqooyiga-bari ee Norrtälje.
Waxay leedahay xeebteeda iyo barkadeeda qubeys, sidoo kale uumiskeeda lagu shido-geedka.
/27/
Lindängen
Barnens Ö
“Ayada oo lagu socodo xarig dhuuban biyaha korkooda?! Iyo in biyaha lagu dhaco?!
Haa!”
Waxaa jirta ciyaar qurxoon oo googaalaysi ah ee ka dhacda Xarunta Farshaxanka ee meesha
Lindängen, caruurta waa kuwo faraxsan waxayna u qiyaasaan qaab aan isku toosnayn.
Dhinaca kale qof jooga dhinaca xariga ee kuyaala dusha geedka, ee u socda qaabkooda ay ku
dhisi lahaayeen guri geed cusub. Kooxo dad ah ayaa waxay fadhiyaan hoosta geedka ayaga oo
isku sheegaya sheekooyin jinni. Isla markiiba waxaa lagaarayaa xilligii la isku soo aruuri
lahaa. Subax qurxoon ee ku bilata meesha Lindängen.
Laba todobaad marna uma muuqanayaan in ay yihiin kuwo hawlo ka buuxa ama dhacdo leh
sida ay halkaan ku noqdaan meesha Lindängen. Deeganka Lindängen wuxuu bixiyaa
dhammaan noocyada hawlaha, meeshaas oo aad isku dayi karto sameynta in badan oo ka mid
ah waxyaabaha xagaaga la sameeyo. Doon waddid, caweys, sameynta xeeladaha gole
ciyaareedka, wax karin, in la soo booqdo orodka dahabka Klondike, sameynta xoogaa
riwaayado ah, in laciyaaro ciyaaro isku day ah oo khatar leh, la bisasho, jidadka jinka iyo
dagaalo biyaha lagu dagaalamo – maxaad adigu dooran doontaa?
Meesha Lindängen waxaad ku sameysan doontaa saaxiibo waxaadna la kulmi doontaa dad
waaweyn kuwaas oo jeceyl deegaanka.
Si wadajir ah waxaan nafsadeena u sameynaynaa xagaa aan caadi ahayn!
Lindängen
Sannad dugsiyeedka
3-6
Tirada.caruurta
30
Hoyga
Qolalka hurdada Qolka cuntada lala wadaago Starrbäcken (35 caruur).
Caruurtu waxay wax cunaan waqtiyo kala duduwan.
Mudada
13.6 – 26.6 14 maalmood
30.6 – 13.7 14 maalmood
17.7 – 30.7 14 maalmood
3.8 – 16.8 14 maalmood
Xiriirka:
Eva Alsberg
Niklas Rubin
08-508 43 900
(riix 2 si aad u wacdid deegaanka)
[email protected]
www.barnenso.se
Qabanqaabiyaha
Stiftelsen Barnens Dag
Meesha/goobta
Lindängen waxay kutaalaa meel 110 km u jirta Stockholm ee Barnens Ö, jasiirada Väddö.
Deegaanku wuxuu kudhowyahay biyaha, 250 mitir ayay u jiraa xeebta iyo meesha qubeyska.
/28/
Deegaan Bad maaxida Rånö
Meesha Rånö maalmaha waxaa lagu buuxiyay baad maaxid, qorax, qubeysi, ciyaaro iyo
ciyaar. Waxaan haynaa wax kasta oo deegaan xagaa caadi ah ay soo bandhigi karo, laakiin
ujeedada aynu ku takhasusney waa bad maaxid. Haddii aad tahay qof bilow ah ama doon
wadde waayo arag ahayn, muhiim ma ahan intaas oo dhan, meeshaan qofkasta waa lagu soo
dhaweynayaa!
Waxaad badda la galeysaa doomo yar-yar iyo doomo waaweyn, waxaad isku dayaysaa in aad
shiraaca dabeysha la raacdid. Ma waxaa imaanaya adiga keligaaga ama waxaa kula socda
saaxiibkaaga fiican? Ka dib maalmo dhowr ah adiga ayaaba baran doona qofkasta.
Middaan waa waxa ay hal gabar qortey:
“Meesha Rånö waxaad dareemaysaa sida dareen bulsho oo aad la qabto dhammaan caruurta
kale, iyo dhammaan horjoogayaasha, dareenka wadajirkana waa mid aan caadi ahayn.”
Meesha Rånö waxaan ku qabnaa jawi farxad, oona deggan. Waxaad ku sameysanaysaa
saaxiibo cusub, ka dibna marka aad guriga u laabatid waxaad awood u yeelanaysaa in aad
sameysid bad maaxid! Xirfad aad lahaan doonto intiiba aad nooshahay!
Waxaan rajaynaynaa in aynu helno codsigaaga. Waxaan kugu arkaynaa meesha Rånö!
Deegaan Bad maaxida Rånö
Sannad dugsiyeedka
6-9
Tirada.caruurta
26
Hoyga
Qolalka hurdada
Mudada
15.6 – 28.6 14 maalmood
30.6 – 13.7 14 maalmood
16.7 – 29.7 14 maalmood
31.7 – 13.8 14 maalmood
Xiriirka:
Rikard Lindholm
08-694 92 22
[email protected]
www.ranoseglarlager.nu
Qabanqaabiyaha
Arbacia AB
Meesha/goobta
Jasiiradaha koonfurta Stockholm, dhinaca Utö.
/29/
S/Y Ellen
Bad maaxida doon xamuul yar
Bad maaxida dhinaca markabka S/Y Ellen!
Adiga iyo saaxiibada cusub, waxaad la kulmi doontaan dabiiciga iyo awoodihiisa marka aad
saarantihiin bad maaxida markabka. Waxaan u bad maaxeynaa halka ay dabeyshu noo waddo
anaga oo ku soconayno dhulka jasiiradaha cajiibka ah ee ku yaala Stockholm. Waxaan aadnaa
xeebta meeshaas oo aad ku gali karto biyaha, uga soo boodi karto afka hore ee markabka,
fuushid xargaha iyo wax badan oo kale.
Waxaad lahaan kartaa bixid aad raacdid oona aadid bad maaxid, adiga oo lagu ilaaliyo,
waddid, iyo dhammaan noocyada waxyaabaha kale ee qaybta ka ah nolosha badda. Bad
maaxnimo, ciyaaro iyo hilib dubasho fiidkii ah ee ah marka ay qoraxdu dhacdo – middaan
waxay noqon kartaa xagaagaaga!
Haddii aad tahay bad maax waayo arag ah ama mid biloow ah, adiga meeshaan ayaa laguugu
soo dhoweynayaa.
Haddii aad tahay qof h waayo aragnimo leh waxaan kugula talinaynaa muddada 3,
marka aad sidoo kale hesho in aad ku bad maaxdo biyaha furan, halka waxa aad arkayso ay
tahay jid toosan oo keliya.
Waxaa khasab kugu ah in aad dabaalatid 200 oo mitir si aad ugu bad maaxdid S/Y Ellen.
Waxaan kugu arkayaa xagaagaan dusha markabka!
S/Y Ellen
Sannad dugsiyeedka
4-9 (fiiri muddooyinka)
Tirada.caruurta
27
Hoyga
Waxaad ku noolaanaysaa waxna ku cuneysaa dusha doonta.
Mudada
12.6 – 17.6 7 maalmood, sannadaha dugsiga 4-6
22.6 – 3.7 12 maalmood, sannadaha dugsiga 6-9
18.7 – 30.7 13 maalmood, sannadaha dugsiga 7-9
1.8 – 8.8 8 maalmood, sannadaha dugsiga 6-9
10.8 – 17.8 8 maalmood, sannadaha dugsiga 4-6
* Kuwiina leh waayo aragnimada bad kusafrid ah. Waxaan bad maaxid sameynaa habeenka
waxaana ku safarnaa biyaha furan.
Xiriirka:
Hans Rudeberg
073-437 56 82
[email protected]
www.syellen.se
Qabanqaabiyaha
S/Y Ellen
Meesha/goobta
Bad maaxida S/Y Ellen ee ka dhacda jasiiradaha yar-yar ee ku yaala Stockholm.
/30/
Skeppsholmsgården
Bad maaxida doon xamuul yar
Ha moogaanin fursadaan loogu talogalay bad maaxida isku dayidda ka dhacda Elmy iyo
Lova.
Waxaad sameyn doontaa bad maaxid, xirtid guntiimooyin, waddid doonta islamarkaasna bad
maaxdid. Haddii ay tahay middaan markii kuugu horeysay ee aad safar u aado bad maaxid
ama haddii aad tahay bad maaxe waayo arag ah, waxaad baran doontaa wax badan. Waxaad
bad maaxeysaa habeenka, marka aynu ku sameyno bad maaxid manaaradaha, daawatid
xidigaha dhacaya islamarkaasna cabtid shukulaate kuleyl ah.
Anaga baddanaa waxaan bad maax sameynaa maalinta barkeeda ka dibna waxaa xarkaha
loogu daadinayaa hoyga gacan baddeedka. Waxaad fuuli kartaa xarkaha, kana boodi kartaa
afka hore ee markabka, doon ku wadi kartaa gacanka biyaha badda adiga oo la socdo saaxiibo
waxaadna raadin kartaa manaaradaha, qalcado waa hore ah, xeebaha carada leh iyo geedaha
canabka. Iyo dabcan waxaad geli kartaa biyaha, ciyaari kartaa ciyaaraha, qaadan kartaa
uumiga jirka, aadi kartaa kalluumeysi, yeelan kartaa dagaalan biyo, ama waxaad ciyaari
kartaa ciyaarta shanta nooc ah ka dibna aadid socodka jinka.
Horjoogayaasha iyo caruurta waxay si wadajir ah ugu noolaanayaan dusha doomaha. Kooxo
yar oo lagu darey madadaalo iyo horjoogayaal lagu kalsoonyahay waxay dammaana
qaadayaan 12 maalmood oo aan caadi ahayn oo ka buuxa qorax, qubeys iyo isku raran ama
iskuday khatar ah.
Waxaan kugu arkayaa dusha Elmy iyo Lova!
Skeppsholmsgården
Sannad dugsiyeedka
5-9
Tirada.caruurta
16, kalaqaybin u dhaxeysa laba doomood.
Hoyga
Waxaad ku noolaanaysaa dusha doomaha Elmy iyo Love.
Mudada
11.6 – 22.6 12 maalmood
25.6 – 6.7 12 maalmood
9.7 – 20.7 12 maalmood
23.7 – 3.8 12 maalmood
6.8 – 17.8 12 maalmood
Xiriirka:
Kristoffer Strandfeldt
08-684 252 05
0707-83 83 53
[email protected]
www.skeppsholmsgarden.se
Qabanqaabiyaha
Skeppsholmsgården
Meesha/goobta
Jasiiradaha yar-yar ee Stockholm (waxay kategayaan kuna soo noqonayaan Skeppsholmen).
/31/
Solgården
Barnens Ö
Meesha Solgården ujeedada waxay tahay in lasameeyo ciyaaro iyo hawlo baddan,
marwalba waxaa jira waxyaabo baddan oo dhaca. Horjoogayaasha waa kuwo waayo arag ah,
u go'an hawsha, inta baddana labista.
Sidaan waa sida ay u sharraxaan martiyaasheena yar-yar ee aan caadiga ahayn deegaan
Solgården:
Linn: Solgården waa meesha ugu fiican adduunka oo dhan! Waa waxa ugu madadaalada iyo
qosolka badan dhammaan waxa aad isleedahay waa ugu xiiso badan yihiin. Horjoogayaasha
waa kuwo madadaalo iyo saaxiibo ah, adigana waxaad sameynaysaa saaxiibo cusub oo badan.
Aniga weligayga madoonayn in aan katago meeshaas!
Samuel: Waxaan la ciyaarney ciyaarta rugbida horjoogayaasha, waxaan aadnay dibbada,
waxaan xaliney sirta dilka, sii joognay xeebta iyo dhammaan waxyaabaha kale ee la sameeyo.
Waxaa jira wax loogu talogalay qofkasta oo jooga meesha Solgården!
Timmy: Solgården waa meesha ugu fiican! Waxaad la kulmaysaa saaxiibo baddan, waxaad la
baashaalaysaa horjoogayaasha waxaadna sameynaysaa dhammaan hawlaha. 10/10 :)
Simon: Solgården wuxuu leeyahay awood sixir ah middaas oo macnaheedu tahay adiga
markasta waxaad tahay qof faraxsan. Waxaa jira waxyaabo badan oo la sameynayo kuwaas
oo aadan u helaynin waqti aad ku sameyso dhammaantooda, waaba sidaas sida ay u xiiso
baddan tahay!
Solgården
Sannad dugsiyeedka
4-7
Tirada.caruurta
50
Hoyga
Qolalka hurdada
Mudada
13.6 – 26.6 14 maalmood
30.6 – 13.7 14 maalmood
17.7 – 30.7 14 maalmood
3.8 – 16.8 14 maalmood
Xiriirka:
Eva Alsberg
Niklas Rubin
08-508 43 900
(riix 2 si aad u wacdid deegaanka)
[email protected]
www.barnenso.se
Qabanqaabiyaha
Stiftelsen Barnens Dag
Meesha/goobta
Solgården waxay kutaalaa meel 110 km u jirta Stockholm ee Barnens Ö, jasiirada Väddö.
Deegaanku wuxuu kudhowyahay biyaha wuxuuna leeyahay meesheeda gaarka ah ee lagu
qubeysto.
/32/
Solvik
Socdaal hawl – Barnens Ö
Lugahaada waa kuwo gariiraya waxayna u muuqdaan sida in baddan in ay kasareeyaan
dhulka engega ah! Ku samee hir-raacid alwaaxa hir-raacida, aad tooska ilkaha libaax
badeedka kuna soco xariga dhuuban sida dadka qoobka kaciyaara oo kale. Ugu dambaysta
waxaad gaareysaa caqabada ugu dambaysa waxaadna ku socon kartaa xariga dusha sare ee
geedaha. Fuul buuraha-dhaadheer Waddada Madoow!
Maalinta joogga Solvik waxaa ka buuxa iskuday weyn iyo hawlaha ka dhaca deegaan xagaaga
caadiga ah.
Waxaa mid buuxda laga bilaabo dhisida doomo yar, dibad aadid (ay la socoto habeen lagu
qaato hoosta xidigaha haddii aad doonaysid), ciyaaro iskuday iyo u gaarasho khasnad
burcadeed. Iskuday kasta waa mid ka dhici kara meesha Solvik!
Khibradaha Waayo aragnimada inta la helaayo dhexdooda sidoo kale waxaa jira waqti loogu
talogalay qubeys lagu qubeysto xeebta iyo ciyaaro lagu ciyaaro meesheena carada wanaagsan.
Sidoo kale waxaan leenahay qol uumi aad u wanaagsan halkaas oo aynu sitoos ah ugu geli
karno badda. Horjoogayaasha waa kuwo la isku halayn karo, aqoon iyo waayo aragnima leh.
Noo imoow ka dibna nala samee isku raranka xagaaga ka dhaca meesha Solvik!
Solvik
Sannad dugsiyeedka
3-6
Tirada.caruurta
50
Hoyga
Qolalka hurdada
Mudada
12.6 – 23.6 12 maalmood
26.6 – 7.7 12 maalmood
10.7 – 21.7 12 maalmood
24.7 – 4.8 12 maalmood
7.8 – 18.8 12 maalmood
Xiriirka:
Eva Alsberg
Niklas Rubin
08-508 43 900
(riix 2 si aad u wacdid deegaanka)
[email protected]
www.barnenso.se
Qabanqaabiyaha
Stiftelsen Barnens Dag
Meesha/goobta
Solvik waxay kutaalaa meel 110 km u jirta Stockholm ee Barnens Ö, jasiirada Väddö.
Deegaanku wuxuu kudhowyahay biyaha wuxuun leeyahay meesheeda gaarka ah ee lagu
qubeysto.
/33/
Starrbäcken
Barnens Ö
Fasaxyada xagaaga kama fiicnaan karo sidaan. Marka fiidka xagaaga dambe lagaaro
waxaan gashanaa fanaanad dhaxmeed, waxaan ku war wareegnaa berkadda kuna sosoconaa
illaa qoraxdu ka dhacdo. Qaar ka mid ah kuwo kalena waxay ku dul fadhiyaan derinta jiimka
qaboow, bustooyin ayaa la dul saarayaa dhulka cawska leh rikoodhkana waxaan ka yeeraya
muusik ay la socdaan geedaha aloonka ku yaala ‘Fagaaraha Starris’. Maxay ka hadlayaan?
Dabcan jeceyl, waxa ka dhacay dibad aadida lagu aadey Likholmen, ama sida lagu lahaan
karo dagaal biyo munaasab ah.
Ku soo dhawoow deegaan xagaaga loogu talogalay dhallinyarada! Halkan Starrbäcken
waxaan ku siinaynaa waxa ugu badan ee ugu fiican xagaaga. Waxaan ku sosoconaa xeebta,
waxaan ciyaarnaa kubadda cagta, waxaan aadnaa dalxiis gaaban, waxaan muusik ku
dhegaysanaa qaybta soodhoweynta, waxaan ku nasanaa beerta cawska, waxaan cunaa hilib la
dubey, waxaan aadnaa dibadda, waxaan la kulanaa islamarkaasna baranaa saaxiibo cusub
waxaana sameynaa wax kasta oo kale oo ah qayb ka mid ah deegaan xagaaga. Si wadajir ah
waxaan u sameynaynaa laba todobaad xagaa oo farxad leh, oo aan la ilaawin karin!
Starrbäcken
Sannad dugsiyeedka
7-9
Tirada.caruurta
35
Hoyga
Qolalka hurdada
Qolka cuntada lala wadaago Lindängen (30 caruur).
Caruurtu waxay wax cunaan waqtiyo kala duduwan.
Mudada
13.6 – 26.6 14 maalmood
30.6 – 13.7 14 maalmood
17.7 – 30.7 14 maalmood
3.8 – 16.8 14 maalmood
Xiriirka:
Eva Alsberg
Niklas Rubin
08-508 43 900
(riix 2 si aad u wacdid deegaanka)
[email protected]
www.barnenso.se
Qabanqaabiyaha
Stiftelsen Barnens Dag
Meesha/goobta
Starrbäcken waxay kutaalaa meel 110 km u jirta Stockholm ee Barnens Ö, jasiirada Väddö.
Deegaanku wuxuu kudhowyahay biyaha, 250 mitir ayay u jiraa xeebta iyo meesha qubeyska.
/34/
Xeebta
Barnens Ö
Diyaar ma u tahay in aad talaabo qaadid?! Dj-da Xeebta waxay soo gebagebaynayaan
qaarna waxay diyaar u noqonayaan bandhigooda fiidka. Nalka ka soo baxa kubadda caweyska
wuxuu kusameynayaa naqshado qosol leh derbiyada iyo saqafka, asaga oo sidaasna ku
sameynaya dhammaan noocyada middabyada. Ugu dambeystii waa waqtiga la ciyaarayo
caweyska weyn!
Meesha Xeebta waxaa jira waxyaabo baddan iyo lumid la hubo! Waxaad la kulmi doontaa
deegaan dhab ah oo leh dhammaan waxyaabaha qosolka leh, waxyaabo waali ah oo
dhammaan ku saabsan xagaaga: hawlo biyo, doon yar waddid, nijaarnimo, muusik,
kalluumeysi, dheelid, tuurtuurka poi-da, orodka dahabka iyo socodka jinniga! Haddii aad
doonaysid in aad arimaha fudeyd ka dhigatid waxaa jira hawlo kale oo wanaagsan sida wax
akhrinta ama wax duubidda.
Shaqaalaha jooga Xeebta waa horjoogayaal waayo arag ah kuwaas oo xooga saara
hubsashada in ay caruurtu yimaadeen, waxayna si firfircoon ula shaqaynayaan ilaaliyaasha
kuwaas oo u fududeeya qofkasta in uu dareemo in uu yahay mid kamid ah kooxda.
Xeebta
Sannad dugsiyeedka
3-6
Tirada.caruurta
40
Hoyga
Qolalka hurdada
Mudada
11.6 – 20.6 10 maalmood
23.6 – 2.7 10 maalmood
5.7 – 14.7 10 maalmood
16.7 – 25.7 10 maalmood
28.7 – 6.8 10 maalmood
9.8 – 18.8 10 maalmood
Xiriirka:
Eva Alsberg
Niklas Rubin
08-508 43 900
(riix 2 si aad u wacdid deegaanka)
[email protected]
www.barnenso.se
Qabanqaabiyaha
Stiftelsen Barnens Dag
Meesha
Xeebta waxay kutaalaa meel 110 km u jirta Stockholm ee Barnens Ö, jasiirada Väddö.
Deegaanku wuxuu kudhowyahay biyaha wuxuuna leeyahay meesheeda gaarka ah ee lagu
qubeysto.
/35/
Strandhem
Barnens Ö
Weydii saaxirada caawimaad, laakiin iska jir tuugada duurka kujirta! Haddii kale
waxaad gacanta u geli doontaa Boqor Sharlow ah! Boqor Sharlow ah, Goldrush, Cluedo,
waxaa jira dhammaan noocyada adduunka kuwaas oo aad gacanta ugu geli karto meesha
Strandhem.
Strandhem waa deegaanka loogu talogalay qof kasta oo raba in uu la kulmo waxa ugu fiican
xagaaga. Waqti wanaagsan oo lala qaato saaxiibo wanaagsan iyo lumid oo la hubo! Waxaan
ciyaarnaa muusik, sameynaa najaarnimo, wadnaa doon yar, baranaa tuurtuurka poi-da iyo
waxaan sameynaa ciyaarta boodboodada. Haddii aad doonaysid in aad qaboow dareentid oona
arimaha u qaadatid si degan, aad ayaa laguugu soo dhaweynayaa in aad sidaas sameysid. Arin
kale oo muhiim ah waxay tahay deegaan caweyskeena weyn, halkaas oo aynu aad ugu
dheelno!
Waxaan leenahay dareen qoys halka, sida ahaanshaheena horjoogayaal, waxaan sameynaa
wax kasta oo aynu awoodno sameyntooda si loo hubsado in joogitaankaaga uu noqdo mid
xiiso leh oona waxqabad ka buuxo. Qol kasta wuxuu leeyahay ilaaliye midkaas oo dad ku
caawiya in la hubsado in dhammaan caruurta la arko islamarkaasna ahaadaan kuwo ka mid ah
bulshada.
Waxaan kugu arkaynaa meesha Strandhem!
Strandhem
Sannad dugsiyeedka
3-6
Tirada.caruurta
48
Hoyga
Qolalka hurdada
Mudada
11.6 – 20.6 10 maalmood
23.6 – 2.7 10 maalmood
5.7 – 14.7 10 maalmood
16.7 – 25.7 10 maalmood
28.7 – 6.8 10 maalmood
9.8 – 18.8 10 maalmood
Xiriirka:
Eva Alsberg
Niklas Rubin
08-508 43 900
(riix 2 si aad u wacdid deegaanka)
[email protected]
www.barnenso.se
Qabanqaabiyaha
Stiftelsen Barnens Dag
Meesha/goobta
Strandhem waxay kutaalaa meel 110 km u jirta Stockholm ee Barnens Ö, jasiirada Väddö.
Deegaanku wuxuu kudhowyahay biyaha wuxuuna leeyahay meesheeda gaarka ah ee lagu
qubeysto.
/36/
Stugorna
Xayawaanka – Barnens Ö
Imisa ukun ayay digaagadaha nasiiyaan maanta? Bakayle yar ayaa wuxuu madaxiisa u
taagayaa banaanka wuxuuna urinayaa caleenta geedka gabaldayaha u eg, si kedis ahna waxaa
soo baxaya shan iyo ka badan waxayna doonayaan in ay wax dhadhamiyaan sidoo kale. Ri'ida
Loranga, Masarin iyo Dartanjang ayaa waxay biilbiilinayaan deegankooda waxayna
doonayaan in baddan oo laamo ah oo kasoo goostaan geedaha. Subaxaan dhinaca
xayawaankeena digaagadaha o waxay nooga tageen shan ukumood, middaas oo macnaheedu
tahay waxaan duban karnaa doolshada isbuunyada ah hadhow dambe maalinta.
Stugorna waa deegaanka qof kasta oo doonaya in uu ogaado in baddan oo ku saabsan
xayawaanka iyo dabiiciga, laakiin sidoo kale raba in uu ciyaaro islamarkaasna biyaha galo.
Maalmaha waxaa ka buuxa farshaxan, qosol, ciyaaraha ninjada, ciyaaro sixir iyo waxyaabo
badan oo kale oo ah hawlo xiiso leh.
Mararka qaar waxaan aadnaa dalxiis gaaban anaga oo wadana diirado wax lagu eego iyo
shabaqyo badda ah, halkaan oo aan karaadino shimbiro iyo xayawaan baddeed, waxaana soo
aruurinaa xayawaano baddeed yar-yar iyo cayayaano si loogu xanaaneeyo beerta
xayawaanada yar-yar lagu xareeyo. Xitaa ma u baahana in la sheego in aynu sidoo kale
leenahay,caweys iyo socod jinniyeed loogu talogalay qofka geesiga ah.
Waxaan ku arki doonaa xagaaga!
Stugorna
Sannad dugsiyeedka
2-6
Tirada.caruurta
45
Hoyga
Qolalka hurdada
Mudada
11.6 – 18.6 8 maalmood
22.6 – 29.6 8 maalmood
2.7 – 9.7 8 maalmood
12.7 – 19.7 8 maalmood
22.7 – 29.7 8 maalmood
1.8 – 8.8 8 maalmood
11.8 – 18.8 8 maalmood
Xiriirka:
Eva Alsberg
Niklas Rubin
08-508 43 900
(riix 2 si aad u wacdid deegaanka)
[email protected]
www.barnenso.se
Qabanqaabiyaha
Stiftelsen Barnens Dag
Meesha/goobta
Stugorna waxay kutaalaa meel 110 km u jirta Stockholm ee Barnens Ö, jasiirada Väddö.
Deegaanku wuxuu kudhowyahay biyaha wuxuuna leeyahay meesheeda gaarka ah ee lagu
qubeysto.
/37/
Synsholmen
Ku deg Hoteelka Jasiiradaha yar-yar ee ku yaala meesha Synsholmen!
Adeeggayaasheena… ama haddii kale horjoogayaasheena, waxay hubsanayaan in adiga iyo
martidaada kula socota aad qaadatiin fasax aan caadi ahayn, oo qosol iyo xiiso leh. Ku soo
toos/kac uduga rootiga markaas la dubey, kuna quraco barxada/daaradda/xooshka guriga aad
kadaawatid badda.
Markaas ka dib maalmaha waxaa ka buuxa ciyaaro xiiso leh iyo nolol xeebeed, ay la socota
ciyaaro alwaax iyo buugg fiican ama qosol ah. Sidoo kale waxaan kuugula talinaynaa in aad
habbeen kuqaadatid qaybta raaxada dadka caanka ah ‘Lillstugan’.
Mid kamid ah waalidiinta ayaa sidaan qorey:
“Caadi ma ahayn, waxaan u jeclaaday si waalan, aad dabiici u ah, aad farxad u leh, aad u
qadarin badan, waxaa ka buuxa in badan oo awood wanaagsan ah, aad ammaan u ah, aad u
madadaalo badan aadna u leh hal abuur! Ma u maleynayn in ay suurtogaltahay in ay sidaan oo
kale u dhacdo deegaan xagaa.”
Synsholmen
Sannad dugsiyeedka
1-7 (fiiri muddda )
Tirada.caruurta
38
Hoyga
Qolalka hurdada
Mudada
14.6 – 27.6 14 maalmood, sannadaha dugsiga 4-7
1.7 – 14.7 14 maalmood, sannadaha dugsiga 4-7
1.8 – 14.8 14 maalmood, sannadaha dugsiga 1-5
Xiriirka:
Eric Flyxe
070-46 00 111
[email protected]
www.synsholmen.com
Qabanqaabiyaha
Synsholmens Kolloförening
Meesha/goobta
Jasiirada ku taala jasiiradaha yar-yar ee quruxda badan ee St Anna, ayada oo leh daawasho
badda ah waxayna ku dhowdahay meesheeda lagu qubeysto oona lagu kalluumeysto. Mararka
qaar waxaa jira sidoo kale xayawaan buul leh oo jooga deegaanka!
/38/
Sörvik
Ciyaar – Barnens Ö
Waa subax meesha deegaanka Sörvik qurac qurux baddan ka dib qof kasta wuxuu sugi
la'yahay in uu baxo. Waxaan qabaa xoogaa muruq xanuun ah oo iga soo gaarey ciyaartii
tartanka shaley ee ahayd ciyaarta shabaqa, laakiin waxay ahayd mid aad u xiiso badan!
Dabacn qaybta ugu fiican waxay ahayd marka horjoogayaasha ay ku soo buuxsameen inta
lagu guda jirey gebagebada, ayaga oo dhammaan xiran dharka Dagaalka Xidigaha. Hadda
waxaa lagaarey waqtigii la isku soo aruuri lahaa, ka dibna waxaa xiga isreeb-reebka ciyaarta
teeniska miiska!
Marka aad nala joogtid waxaad isku dayaysaa in aad ciyaartid dhammaan noocyada ciyaaraha
ah, guud ahaan kuwooda dhaqameedka iyo ciyaaro cusub oo xiiso leh waxaana rajeynaynaa in
aadan hore u sameynin ciyaarahaas: ciyaaraha jineystikada iyo ciyaarta isqal-qaloocinta,
buuraha oo baaskiil lagu fuulo, tartanka ciyaarta doomaha kayak iyo ugu dambeynta ciyaarta
saxniga la isku tuur-tuuro. Sida xerada oo kale, ciyaarta waa mid ayada lawada joogayo oona
si wadajir ah la iskula shaqaynayo, waana ku adkaynaynaa in badan middaan. Meeshaan waa
lagu soo dhoweynayaa qof kasta!
Ayada oo ay jiraan dhammaan ciyaaraha, sidoo kale waxaan ku samaynaa waxyaabo kale
meesha deegaan xagaaga:
Dibad bax/ aadid, caweys, socod jinniyeed, galida biyaha iyo in la isku kuleeyo qoraxda.
Waxaan ku arki doonaa xagaaga!
Sörvik
Sannad dugsiyeedka
4-7
Tirada.caruurta
40
Hoyga
Qolalka hurdada
Qolka cuntada lala wadaago Sörängen (40 caruur).
Caruurtu waxay wax cunaan waqtiyo kala duduwan.
Mudada
11.6 – 20.6 10 maalmood
23.6 – 2.7 10 maalmood
5.7 – 14.7 10 maalmood
16.7 – 25.7 10 maalmood
28.7 – 6.8 10 maalmood
9.8 – 18.8 10 maalmood
Xiriirka:
Eva Alsberg
Niklas Rubin
08-508 43 900
(riix 2 si aad u wacdid deegaanka)
[email protected]
www.barnenso.se
Qabanqaabiyaha
Stiftelsen Barnens Dag
Meesha/goobta
Sörvik waxay kutaalaa meel 110 km u jirta Stockholm ee Barnens Ö, jasiirada Väddö.
Deegaanku wuxuu kudhowyahay biyaha wuxuuna leeyahay meesheeda gaarka ah ee lagu
qubeysto.
/39/
Sörängen
Kubadda cagta – Barnens Ö
Kubadda waxay ku dhacday birta waxayna gashay goolka! Muxuu gool fiican ahaa!
Fanaanado garan oo cagaar iyo guduud ah ee lagu xirto garoonka kubadda cagta, qof kasta
wuxuu sugi la'yahay in uu baxo. Muhiimada maalinta hadda unbay bilaabatey – tartanka
kubadda cagta. Shalley qaar anaga naga mid ah ayaa waxay sameynayeen xeeladaha Zlatan,
waxaa laga yaabaa in ay maanta mid heli doonaan...? Dhinaca garoonka qaar kamid ah
saaxiibada deegaanka waxay ruxayaan calamada kooxda, kuwaas oo aynu xaley ka sameynay
waraaqo waaweyn.
Sörängen adiga ayaa laguugu talogalay haddii aad u jeceshahay kubadda cagta sideena oo
kale. Anaga waxaan ciyaarnaa kubadda cagta, waxaana ka hadalnaa kubadda cagta, waxaana
ciyaarnaa wax badan oo kubadda cagta ah. Marka aynu daalno oona dhididno, waxaan u
orodnaa xeebta waxaana isku tuurnaa badda. Mararka qaar waxaan qaadanaa fasax waxaana
sameynaa hawlo deegaan kale si aynu ugu diyaar garoowno ciyaarta xigta.
Meeshaan waa lagu soo dhoweynayaa qof kasta. Ciyaarida kubadda cagta anaga waxaan
dhisnaa kalsooni-nafta ah iyo dareen bulshonimo, deegankana waxaan ku sameysanaa
xusuusyo nolosha ah.
Xagaagaan waxaan kugu arki doonaa garoonka kubadda cagta!
Sörängen
Sannad dugsiyeedka
4-7
Tirada.caruurta
40
Hoyga
Qolalka hurdada
Qolka cuntada lala wadaago Ciyaarta Sörvik (40 caruur).
Caruurtu waxay wax cunaan waqtiyo kala duduwan.
Mudada
11.6 – 20.6 10 maalmood
23.6 – 2.7 10 maalmood
5.7 – 14.7 10 maalmood
16.7 – 25.7 10 maalmood
28.7 – 6.8 10 maalmood
9.8 – 18.8 10 maalmood
Xiriirka:
Eva Alsberg
Niklas Rubin
08-508 43 900
(riix 2 si aad u wacdid deegaaka)
[email protected]
www.barnenso.se
Qabanqaabiyaha
Stiftelsen Barnens Dag
Meesha/goobta
Sörängen waxay kutaalaa meel 110 km u jirta Stockholm ee Barnens Ö, jasiirada Väddö.
Deegaanku wuxuu kudhowyahay biyaha wuxuuna leeyahay meesheeda gaarka ah ee lagu
qubeysto.
/40/
Udden
Deegaan Biyaha Da` yarta
Caadi ma ahan! Hamoogaanin fursadaan loogu talogalay xagaaga ee ka dhacda
deegaanka leh jasiiradeeda gaarka ah, ee ay ka buuxaan saaxiibo cusub. Waxaad qoraxda
ugu qubeysan kartaa berkadda, isugu tuuri kartaa biyaha, u quusi kartaa adiga oo kubooda
qalabka boodboodada biyaha ama waxaad saaxiib isugu raaci kartaan fuulida doonta yar ee
caaga ah, middaas oo lagu jiido mootada matoorka-biyaha.
Hubaashii waxaan sidoo kale leenahay hawlo sida tartanka kubadda cagta, doon waddid, doon
dhisid, bandhig mowhibo, kalluumeysi, CTF, kubadda shabaqa,bannaanka in lasoo seexdo, in
lagu heeso hareeraha dabka deegaanka iyo in aynu cuno hilib la dubey iyo boos lagu darey
shukulaato, farshaxan, caweys iyo tartamo waalan, le bisasho, qalabka lagu boodboodo iyo
dhammaan noocyda marin habaabinta ah.
Hal ilmo/cunug ayaa sidaan qorey: “Ma awoodo in aan xagaageyga ku sharraxo hadal.
Waxaan ku soo qaatey madadaalo cajiib ah waana u xiisi doonaa qof kasta oo aan meesha ku
soo bartey.”
Waad ka dhiiban kartaa ra'iyigaaga waxa dhacaya ama la sameynayo, sidaasna waxaan si
wadajir ah uga dhigi karnaa xagaaga midka ugu fiican. Diyaar ma u tahay in aad sameysid
waxyaabo iskuday ah? Maadaama horjoogayaashu ay yihiin kuwo mar horeba u hiloowsan
xagaaga ka dhaca deegaan Biyaha Udden!
Haddii aad jeceshahay in aad ogaatid wax baddan, ka fiiri boggeena intarnetka.
Udden
Sannad dugsiyeedka
3-6
Tirada.caruurta
40
Hoyga
3-5 ayaa ah qol
Qolka cuntada lala wadaago xerada Djuprämmen (50 caruur).
Caruurtu waxay wax cunaan waqtiyo kala duduwan.
Mudada
11.6 – 20.6 10 maalmood
21.6 – 30.6 10 maalmood
1.7 – 10.7 10 maalmood
11.7 – 20.7 10 maalmood
21.7 – 30.7 10 maalmood
31.7 – 9.8 10 maalmood
10.8 – 18.8 9 maalmood
Xiriirka:
Joel Fänge
Numbarka deegaan xagaaga 08-652 52 92
[email protected]
www.kollosommar.se
Qabanqaabiyaha
Utepedagogik Sverige AB
Meesha/goobta
Deegaanka Udden wuxuu ku yaalaa Värmland, qiyaastiina.300 km u jiraa Stockholm.
/41/
Uddis
Muusik – Barnens Ö
Diyaar ma u tahay damaashaadka dhagaystayaasha?
Waxaa dhow waqtiga xafladda. Qof kasta waxaa ka buuxda farxad ka hor fiidka inta aan
xafladu dhicin. Masameynay ku cel-celin nagu filan? Ma nahay kuwo si dhab ah u bartey
kabanka kelida loo garaaco midkaas oo aynu go'aansanay maalin ka hor? Miyaynu nahay
kuwo xusuusan qoraalada heestii aynu ku qorney markii aynu dibadda u baxnay?
Kusoodhawoow masraxa, hadda waxaa lagaarey waqtiga bandhiga! Deegaan muusika Uddis!
Meesha Uddis qof kasta wuxuu ku ciyaari karaa muusik, haddii aad tahay qof waayo arag ah
ama qof gebi ahaanba biloow ah. Xeradeena Deegaan xagaageena wuxuu ka koobanyahay
waayo aragnimo xiiso leh oo kamid ah dabaalasho, caweys iyo waxyaabo iskuday ah, intaas
oo dhan ka horna muusik badan. Si wadajir ah adiga iyo saaxiibadaada cusub waxaad
sameysanaysaan kooxo, waxaad isku caawineysaan qoritaanka heesaha, waxaad haysataan
fursad aad kucel-celisaan oo aad kutababarataan, kadib marka ay wax kasta fiicnaadaan
waxaan bandhig kusameyn doonaa dhagaystayaasha hortooda.
Meesha Uddis waxaa jira waxyaabo loogu talogalay qof kasta, intaas ka horna waxaa jira in
badan oo muusik ah!
Uddis
Sannad dugsiyeedka
4-6
Tirada.caruurta
36
Hoyga
Qolalka hurdada
Qolka cuntada lala wadaago Backis (36 caruur).
Caruurtu waxay wax cunaan waqtiyo kala duduwan.
Mudada
12.6 – 23.6 12 maalmood
26.6 – 7.7 12 maalmood
10.7 – 21.7 12 maalmood
24.7 – 4.8 12 maalmood
7.8 – 18.8 12 maalmood
Xiriirka:
Eva Alsberg
Niklas Rubin
08-508 43 900
(riix 2 si aad u wacdid deegaanka)
[email protected]
www.barnenso.se
Qabanqaabiyaha
Stiftelsen Barnens Dag
Meesha/goobta
Uddis waxay kutaalaa meel 110 km u jirta Stockholm ee Barnens Ö, jasiirada Väddö.
Deegaanku wuxuu kudhowyahay biyaha wuxuuna leeyahay meesheeda gaarka ah ee lagu
qubeysto.
/42/
Östergården
Biyo – Barnens Ö
Istaag, waxaan doonta-u waddaneynaa dhinaca manaarada quusida!
Diyaar ma u tahay in aad qoraxda ku raacdid SUPs (alwaaxyada-waddida-istaaga)? In intee
la'eg ayaad aadi kartaa adiga oo aan ka dhicin doonta? Ma jeceshahay in aad doonta u waddid
dhinaca manaarada quusida ku taala jasiirada Assö?
Meesha deegaanka dhallinyarada Östergården waxaan ku jecelnahay hawlaha biyaha
wanaagsan sida dhisida doomaha yar-yar, kalluumeysiga, in lagu dabaasho dhagaxaanta
badda, iyo doon waddid.
Sidoo kale hubaashii waxaan ku sameynaa waxyaabo kale deegaanka. Waxaan sameynaa
‘wada sheekaysi kooxo’, dibad bixid (halkaas oo aynu seexano hoosta xidigaha ama gudaha
teendhada duurka dhexdiisa), habeeno filim, tartamo muusik, caweys iyo wax kasta oo kale
oo ka dhiga deegaanka in ay noqoto mid gaar ah. Sawiro bal adiga oo kula qaata laba
todobaad saaxiibadaada cusub meesha jasiiradaha, halkaas oo aad isku baran doontaa, kana
wada hadli doontiin wax kusaabsan nolosha, qososhid oona la kulantid maalmaha ugu fiican
xagaaga. Sidaan ka fiican manoqonayso.
Waxaan ku arki doonaa xagaaga!
Östergården
Sannad dugsiyeedka
6-9
Tirada.caruurta
40
Hoyga
Qolalka hurdada
Mudada
12.6 – 23.6 12 maalmood
26.6 – 7.7 12 maalmood
10.7 – 21.7 12 maalmood
24.7 – 4.8 12 maalmood
7.8 – 18.8 12 maalmood
Xiriirka:
Eva Alsberg
Niklas Rubin
08-508 43 900
(riix 2 si aad u wacdid deegaanka)
[email protected]
www.barnenso.se
Qabanqaabiyaha
Stiftelsen Barnens Dag
Meesha/goobta
Östergården waxay kutaalaa meel 110 km u jirta Stockholm ee Barnens Ö, jasiirada Väddö.
Deeganku wuxuu kudhowyahay biyaha wuxuuna leeyahay meesheeda gaarka ah ee lagu
qubeysto.
/43/
Ma jeceshahay in aad wax baddan ka ogaatid deegaanka?
Adiga ma tahay waalid dhalay caruur dhigata sannad dugsiyeedka 1-9? Keen ayaga Guriga
dhaqanka ee ku yaala Stockholm kadibna weydii dhammaan su'aalahaaga kusaabsan deegaan
xagaaga.
Waxaa jira horjoogayaal deegaan oo kujira bogga intarnetka ayaga oo la socdo shaqaale ka
yimid Xarunta Xiriirka iyo Golayaasha Degmada.
Haddii aad jeceshahay halkaas ayaad ka codsan kartaa ka dibna. Waxaan kugu caawin doonaa
codsigaaga. Sidoo kale waxaad weydiin kartaa su'aalooyin kusaabsan hawlaha, barnaamijyada
iyo wax kasta oo kale oo aad jeceshahay in aad ogaatid ee kusaabsan deegaan xagaaga!
Waxaa jiri doona basas lacag la'aan ah oo dad geeya kana soo qaada meesha Kulturhuset inta
lagu guda jiro maalinta, meelaha ay khasabtahay in lahelo.
Isha kuhay oo kawarqab barnaamij inbaddan faah-faahsan.
stockholm.se/kollo
facebook.se/sommarlovochkollo
Guriga dhaqanka
21 Febraayo
11:00-17:00
Sawirada ku jira boggaan waa kuwo laga soo qaadey dhacdooyinka ka dhacay deegaan
xagaaga ku yaala Kista/Skärholmen gu'ga 2014.
Halkaas ayaan kugu arkayaa!
/44/
Halkee la aadayaa haddii aad qabtid su'aalooyin ku saabsan deegaan xagaaga:
Xarunta Xiriirka Stockholm
Sanduuqa boostada 6061, 164 06 Kista
Ii-maylka: [email protected]
Teleefoonka: 08-508 00 508, doorashada 2.
www.stockholm.se/kollo