Waa maxay MS? Waa maxay MS? www.mssociety.org.uk 1

Waa maxay MS?
Waa
maxay MS?
www.mssociety.org.uk 1
Waa maxay MS?
Qiyaastii 100.000 qofood ee ku nool UK ayaa qaba MS.
Dhammaantoda ma oga saamaynta uu MS ku lahaan doono
noolashooda.
Ururka MS waa hay’ad UK oo u dagaalamo wanaajinta daawaynta
iyo xannaanada dadka qaba MS si lagu caawiyo inay noloshooda
gacanta ku qabtaan.
Waxaan nahay maalgeliyaha cilmi-baarista MS ee ugu
hoggaansan dunida. Waxaan horey u sameyney cudur aqoonsi
badan, iminkana waxaan bilowney cilmi-baaris MS cusub oo
waxyaabo fiican laga filaayo.
Taageeridaada ayaan uga guulaysan doonnaa MS.
2 Miyaad ka fikireysaa MS? Khadka Caawinta MS ka wac 0808 800 8000
Waa maxay MS?
Nuxurka
03
Waa maxay MS?
08
Maxaa sababo MS?
12
Waa maxay calaamadaha MS?
15
Sidee loo cudur-aqoonsadaa MS?
20
Miyeey jiraan noocyo kala duwan ee MS?
24
Miyaa la daawayn karaa MS?
30
Sidee ayuu kuu caawin karaa Ururka MS?
www.mssociety.org.uk 1
Waa maxay MS?
“MS waa qayb macnoowi oo aniga ka mid ah, laakiin waa ka fog
yahay qaybta ugu xiiso badan. Waa qayb uun.” – Helen
“MS ma joogsan doono. Sidaa awgeeda waa inaan la qabsadaa
iyo noloshayda wixii ugu fiican ka helo.” – Sylvia
“Aniga ma aan helin nolosha aan rabey, laakiin ku nololka MS
wuxuu ii siyey fursad aan la kulmo dad aad u fiican. Ayagaba ma
aysan awoodin inay iska indha tiraan MS, laakiin waxay aad uga
faa’ideysteen qaybta ugu fiican ee nolosha ay heleen.” – John
“Ma ahan in loo qaato inuu yahay ciqaabo nololeed. Haa, waa
cudur aad u xun, haa wuxuu beddelayaa noloshaada…laakiin weli
waad ku raaxeysan kartaa noloshaada.” – Louisa
2 Miyaad ka fikireysaa MS? Khadka Caawinta MS ka wac 0808 800 8000
Waa maxay MS?
Waa maxay MS?
Multiple sclerosis (MS) waa cudur maskaxda iyo laf-dhabarka
saamayn ku yeesho (habka dhexe ee dareemayaasha). Cudurka
MS, habka difaaca jirka ayaa la dagaalamaayo jirka iyo, intii uu
infakshanka (bukashada) la dagaalami lahaa, wuxuu bilaabayaa
inuu dagaal ku qaado xuubka myelin ee ku heeraaro
dareemeyaasha maskaxda iyo laf-dhabarka.
MS waa xaalad qof walba si kala duwan u qabto: ma jiraan labo
qofood ee isla si MS u qabto. Calaamadaha u qof qabo waxay ku
xiran yihiin qaybta maskaxdooda iyo laf-dhabarkooda uu saamayn
ku yeeshey. Waxaa jiro calaamado MS badan oo kala duwan,
waana dhif in qof calaamadoyinka oo dhan ku dhacaan.
Buug-yarahaan, waxaan kuu macnayn doonnaa wuxuu MS yahay
iyo sida uu qof u saameeyo. Waxaan eegi doonnaa xaaladaha
halista ah ee MS, sida loo cudur-aqoonsado, noocyada kala
duwan ee MS, iyo daawoyinka la heli karo sidii loo maamulo
xannuunka iyo calaamadahiisa. Waxaan xittaa ku qorney iloyin
macluumaad kale iyo taageerida aad ka heli kartid Ururka MS, iyo
waxaan kuu macneynaynaa sida aan ku caawin karno.
Wax ka badan akhri – markii aad aragto ereyoyinkaan, waxaa
loola jeedaa inu jiro ilo macluumaad ee Ururka MS ee si fiican u
daboolo mawduuca.
www.mssociety.org.uk 3
Waa maxay MS?
MS iyo habka dhexe ee dareemayaasha
Habka dhexe ee dareemayaasha wuxuu ka kooban yahay maskaxdaada iyo
laf-dhabarkaaga. Maskaxda wuxuu xukumaa hawlaha jirka, sida dhaqdhaqaaqa iyo fikirka. Farriimaha waxay ka soo baxaan maskaxda iyo waxay u
gudbaan jirka oo dhan, ayagoo xukumaayo dhammaan wax-qabadyada
miyirta iyo miyir la’aanta jirka. Laf-dhabarka waa waddada dhexe ee
farriimahaas soo maraan.
Maskaxda
Laf-dhabarka
4 Miyaad ka fikireysaa MS? Khadka Caawinta MS ka wac 0808 800 8000
Waa maxay MS?
Maskaxda iyo laf-dhabarka gudaheeda, farriimaha waxay dhex-maraan
dareemayaasha oo u daboolo xuub dufan leh ee lagu magacaabo myelin
(Sawirka 1). Myelin waa xuubka ilaaliya dareemayaasha sidii farriimaha si
dhaqso ah iyo fudud ugu socdaan dareemayaasha.
Sawirka 1: Myelin
Unugga jirka
Myelin
Dareemayaasha
Farrimaha si fudud ayeey u maraan
Markii habka difaaca jirka dagaal ku soo qaado jirka waxaa dhaawac gaaro
myelin, kaasina wuxuu carqaladeynayaa farriimaha maskaxda iyo lafdhabarka (Sawirka 2). Farriimaha waxay noqon karaan kuwo tartiib u
soconaayo, noqonaayo kuwo baddalmey, ka boodaayo hal dareeme una
boodaayo dareeme kale ama maba soo maraan dareemayaasha.
Sawirka 2: Carqaladeynta farrimaha MS
Unugga jirka
Myelin waxyeello gaarey
Dareemayaasha
Farriinta oo la carqaladeeyey
www.mssociety.org.uk 5
Waa maxay MS?
Maxaa dhacaayo?
Hab oo si fudud lagu garto sida uu cudurka MS yahay waa in habka
dareemayaasha loo eego sida khadka qulqulka danabka.
Tusaale ahaan maskaxdaada iyo laf-dhabarkaaga waa meesha ay korontada
ka timaado – sida bareesada korontada guriga. Qaybaha kal duwan ee
jirkaaga waa nalalka, kombyuutarka, telefishinka iyo waxyaabaha kale ee
guriga yaalo. Si qalabyadaan loo isticmaalo waxaa loo baahan yahay koronto,
sidoo kale wax-qabadka jirkaaga waxuu u baahan yahay farriimaha
maskaxda.
U maley dareemayaasha maskaxda iyo laf-dhabarka inay yihiin fiiloyin
korontada ee ku qarsan darbiga gadaashiis, iyo isku xiraan wax walba.
Fiiloyinka guriga waxaa ku daboolan caag isla sida ay myelin u daboosho
dareemayaasha jirka,
Haddii caaga daboolo fiiloyinka korontada wax-yeello gaaro markaa
qalabyada guriga oo ku xiran korontada si fiican uma shaqayn doonaan.
Telefishinka waxaa soo gali karo dhabqin. Nalalka way bood-boodi karaan.
Cudurka MS waa la mid – sababtoo ah wax-yeellada gaarey xuubka myelin
ayaa saamayn ku yeelan karo sida u wax walba u shaqeeyo.
Inkastoo habka dhexe ee dareemayaasha isku xiro dhammaan waxqabadyada jirka, MS wuxuu lahaan karaa calaamado badan oo kala duwan.
Wuxuu ku xiran yahay qaybta maskaxda ama laf-dhabarka uu wax-yeellada
gaarey, iyo hawsha uu qabto dareemaha wax-yeellada gaarey. Waxaad
bogga 12 ka heleysa warar ka badan oo ku saabsan calaamadaha kala
duwan ee MS.
“MS waxaa loola jeedaa inaan si joogto u baddelaayo habnololeedkayga si aan u qanciyo cudurka, badanaa maalin walba.
Si joogto ayaan u ogahay raadka uu ku leeyahay qoyskeyga iyo
saaxiibadeyda.” – Eiona
6 Miyaad ka fikireysaa MS? Khadka Caawinta MS ka wac 0808 800 8000
Waa maxay MS?
Qofma ayuu ku dhaca MS?
Waxaa dalka UK joogo qiyaas ahaan 100,000 qofood oo qabo MS – kaasi
waa hal qof 600 qofood walba.
Badanaa da’da lagu sheego MS waa wax u dhaxeeyo 20 iyo 40 jir, inkastoo
oo dhici karo da’ walba. Xittaa carruurta ayuu ku dhici karaa, inkastoo uu dhif
yahay.
Haweenka ayuu badanaa ku dhacaa MS markii loo bar-bardhigo ragga: dalka
UK waxaa joogo haweeno qabo MS oo seddax jeer ka badan ragga. Weli
lama ogo sababta uu sidaan yahay, inkastoo cilmi-baarista sii socdo si loo
ogaado jawaabta.
Uurka iyo MS
Badanaa haweenada lagu sheego MS waxaa lagu cudur-aqoonsadaa
markii ay jiraan 20eydii iyo 30eydii, kaasina waa waqti ay ka fikiraan
inay ilmo dhalaan. MS saamayn kuma yeesho bacrinta, sidaa awgeeda
haweenku kama joojin doono inay ilmo dhasho. Hase-yeeshe uurku
wuxuu saamayn ku yeelan karaa daawaynta MS ee la siin karo
haweenada.
Wax ka badan ka akhri – Caafiimaadka haweenka (Women’s health)
MS wuxuu inta badan ku dhacaa dadka asalkooda ka soo jeedo Waqooyiga
Yurub. Hase-yeeshe, MS-ku wuxuu ku dhici karaa dad ka soo jeeda jinsiyad,
dhaqan iyo bulsho walba.
www.mssociety.org.uk 7
Waa maxay MS?
Maxaa sababo MS?
Fitaaminka D
Hiddawadayaasha
Fayras
Bey’adda
Sigaar
cabidda
Lama oga
Weli si hubaal ah lama oga sababta uu MS qof ku dhaco, inkastoo
ay jiraan dhowr cunsuro halis ah – sida mid hidda-wadeyaasha
ama bey’adda ku xiran. Waxaa laga yaaba in cunsuriyadahaan
halista oo isku jiro ay sabab u yihiin MS.
Waxaan ognahay in MS la isku gudbinin – qof qofka kale uma
gudbin karo ama kama qaadi karo.
8 Miyaad ka fikireysaa MS? Khadka Caawinta MS ka wac 0808 800 8000
Waa maxay MS?
Cunsuro hidda-wadeyaasha la xiriira
MS sida cudurada kale si toosan layskama dhaxlo – sabab uma ahan hal
hidda-wade oo cillad leh.
Hase-yeeshee, waxaa loo maaleeyaa in hidda-wadeeyaasha lug ku leeyihiin.
Cilmi-baarista laga sameeyey hidda-wadeyaasha MS ayaa ilaa iminka lagu
ogaadey inay jiraan wax ka badan 50 hidda-wade oo suurtogaliya in qofkuu
ku dhaco MS.
Laakiin dhammaan dadka qabo hidda-wadeyaashaan kuma dhici doono MS.
Inkastoo MS ku dhici karo in ka badan hal qof qoyskiiba, waxaa badanaa
suurtogal ah inuusan sidaa dhicin. Xittaa mataanada qof qaba MS wuxuu
qabaa oo kaliya 30% fursad inuu asagaba ku dhaco MS. Iyo cunugga qof
qaba MS wuxuu qabaa oo kaliya 2% fursad in ayagaba ku dhaco MS.
Sidaa awgeed, inkastoo MS leeyahay sabab hidda-wade, kaasii ma ahan
sababta kaliya.
Wax ka badan ka akhri – Hidda-wadeyaasha iyo MS (Genes and MS)
Cunsuro bey’adda la xiriira
MS wuxuu u badan yahay aagaha ka fog dhulbaraha adduunka. Waxaa jiro
dad ka yar oo qabo MS meelaha sida Malaysia ama Ekuador, laakin way ku
badan yihiin UK, waqooyiga Maraykanka, Kanada, Skandinavia, koonfuurta
Australiya iyo New Zealand.
Kani wuxuu muujinaayaa inuu bey’edda raad ku leeyahay MS. Cilmi-baarista
waxaa ilaa iminka lagu ogaadey inay jiraan dhowr cunsuro bey’adeed ee xirir
la leh MS, laakiin waxaa loo baahan yahay shaqo ka badan si loo xaqiijiyo in
bey’adda sababto MS.
www.mssociety.org.uk 9
Waa maxay MS?
Seddax ka mid ah cunsuroyinkaan bey’adda waa fitaaminka D, fayras iyo
sigaar cabidda.
Fitaaminka D?
Waqti dheer ayaan ognahay in MS uu ku badan yahay aagaha ka fog
dhulbaraha addunka. Cilmi-baareyaasha ayaa baaraayo sababta – hal ka mid
jawaabaha wuxuu ahaan karaa fitaaminka D.
Fitaaminka D waxaa loo yaqaanaa fitamiinka qoraaxda, sababtoo ah waxaa
soo saaro jirkeena marki shucaaca qorraxda gaaro. Cilmi-baaris badan ayaa
muujiyey in markii jirkeena ka yar yahay fitaaminka D, gaar ahaan markii
carruur la yahay ama dhalashada ka hor, uu cunsur u noqon karo in qofka ku
dhaco MS.
Kani weli lama xaqiijinin, waxaana loo baahan yahay in cilmi-daaris ka badan
la sameeyo ka hor intii la hubinin.
Wax ka badan ka akhri – Cunto qaadasho iyo cunto (Diet and nutrition)
Fayras?
Cilmi-baarista wuxuu eegey haddi uu jiro fayras ama jeermis oo sabab u ah
MS. Inkastoo la xaqiijinin in hal fayras ku tabarruuco MS, waxaa jiro caddayn
sii kordhaayo in fayras la qaado markii carrur la yahay oo lagu magacaabo
fayraska Epstein Barr (oo sababi karo xummadda qanjiraha), uu qofka ku ridi
karo MS.
Fikraddaan ilaa iminka lama xaqiijinin. Dad badan ee qabo MS ayaa ayagaba
ku dhaceen fayrasyadaan. Sidaa awgeeda sida hidda-wadeyaasha,
fayrasyada ma ahan sababta kaliya.
10 Miyaad ka fikireysaa MS? Khadka Caawinta MS ka wac 0808 800 8000
Waa maxay MS?
Sigaar-cabid?
Dhowr cilmi-baaris ayaa lagu eegey xiriirka ka dhaxeeyo sigaar-cabidda iyo
MS, iyo waxaa lagu ogaadey in sigaar-cabidda kordhiyo halista inuu qof ku
dhaco MS. Weli ma cadda sababta u sidaan yahay, inkastoo hal fikrad yahay
in kimikada ku jirto sigaarka uu saamayn ku yeesho habka difaaca jirka.
Waxaa jiro wax ka badan aan u baahanahay inaan ka ogaanno xirirka ka
dhexeeyo sigaar cabidda iyo MS. Kani waxaa ku jiro haddii halista u sii
kordhaayo markuu qofka sigaar ka badan cabo, sida uu sigaar-cabidda xirir la
leeyahay cunsurada halista kale ee MS iyo haddii sigaar-cabidda uu saamayn
ku leeyahay hab-socodka MS.
Wax kale?
Waxaan ogaaney wax badan oo ku saabsan sababaha MS, laakiin
waxaa jiro wax ka badan oo loo baahan yahay inaan baranno. Si loo
ogaado wax intaa ka badan cilmi-baarisyo ayaa ka socda dunida o
dhan – ay ku jiraan mashrucyo uu maalgeliyey Ururka MS. Markaan
ogaanno sababta uu qof u qaado MS, ayaan u dhowaan doonnaa
tallaabada aan ku joojin leheen inuu qofku ku dhaco. Warar ka badan
oo ku saabsan sababaha ka akhri www.mssociety.org.uk/research
www.mssociety.org.uk 11
Waa maxay MS?
Waa maxay calaamadaha MS?
MS waa xaalad dhib ah, wuuxuna leeyahay calaamado badan.
Dadka badnaantooda waxay isku arki doonaan oo kaliya
calaamado yar, waana dhif in qof ku dhaco calaamadaha oo dhan.
Isku dayga saadaalinta calaamadaha MS waa sida saadaalinta
cimilada. Aad ayeey u kala duwanaan karaan hal maalin ilaa
maalinta xigta – xittaa hal saac ilaa saacadda xigta. Waxay socon
karaan dhowr saacadood, ama maalmo, usbuucyo ama bilo. Qaar
ka mid ah calaamadaha ma lahan bilow iyo dhammaad, iyo waxay
ahaan karaan kuwo si joogto ah bukaanku u qabto. Qaar ka mid
ah dadka waxay sheegeen inuu jiro ku-kiciyaal oo
caalamadahooda si ku meel gaar ah xumeeyo, ama calaamado
horey dib u soo celiyo – tusaale ahaan kulaylka, kacsanaanta iyo
daalka.
12 Miyaad ka fikireysaa MS? Khadka Caawinta MS ka wac 0808 800 8000
Waa maxay MS?
Calaamadaha caadiga ah












Daal – dareen wayn in la daalan yahay, kaasoo wax-qabad jireed ama
maskaxeed ka dhigaayo dhib ama xittaa wax aan suurtobi karin
Dhibaatada dareenka – sida dareen la’aanta ama lugaha iyo gacmaha
laga dareemo in cirbado ku mudaayaan
Dhibaatada aragga – sida aragga laba jibbarka ah ama caadka ah,
ama indho beelid ku meel gaar ah ee hal ama labada indhood.
Jaah-wareer – wax lagu magacaabo vertigo
Xannuun
Luminta xoogga murqaha iyo dhaq-dhaqaqa faraha
Dhibaatada socodka, is-miisaanka iyo isku hagaajinta
Murqo adkaan iyo muruq roryo – adkaanta murqo gaar ah, kaasoo lagu
magaacabo sbastik
Dhibaatada hadalka iyo liqidda
Dhibaatada isku celinta kaadida iyo saxaarada
Dhibaatada xasuuska iyo fikirka, kaasoo xitaa lagu yaqaano
‘dhibaatoyinka dareemayaasha’ – sida iloobida magacyada
Dhibaatoyinka galmada
Wax ka badan akhri – Waxaan qabnaa buug-yaro macluumaad bixiya ee
khuseeya calaamad walba, iyo sidoo kale waxaad wax intaa ka badan ka heli
kartaa boggeena internetka.
“Weligayga xaaskeyga ama qof qabo MS kuma dhihi doono,
‘Waxaan ogahay sida aad dareemeyso.’ Sababtoo ah ma ogi iyo
ma jiraan labo qofood oo MS isla si u qabto.” – Ron
www.mssociety.org.uk 13
Waa maxay MS?
Calaamadaha aan la arkin
Qaar ka mid ah calaamadaha MS waa kuwo u muuqda dadka kale, kuwo
kalena ma ahan.
Tusaale ahaan waa fudud yahay in la ogaado in qof MS qaba uu dhibaato ku
qabo socodka, laakiin lama ogaan karo inuu daalan yahay ama xanuun
haayo. Calaamadahaan ‘aan la arkin’ waa dhib inay dadka kale gartaan, iyo
dhibaato ayuu ku yahay dadka qaba MS inay macneeyaan sida uu saamayn
ugu leeyahay. Qaar ka mid ah dadka qaba MS waxay sheegaan inuu kani
dhibaato gaar ah uu yahay markii ay shaqada joogaan, gaar ahaan markii ay
u eg yihiin dad ‘caafimaad qaba’.
Waa muhiim in la xasuusto in calaamadahaan ay dhab yihiin sida kuwa kale
iyo waa muhiim in moodyo laga sameenin waxay dareemaan dadka qaba MS,
tusaale ahaan lagu qaldamin daalka inuu yahay caajis.
14 Miyaad ka fikireysaa MS? Khadka Caawinta MS ka wac 0808 800 8000
Waa maxay MS?
Sidee loo cudur-aqoonsadaa MS?
MS waa dhib badan yahay, sida aan ku sheegney bogga 12,
wuxuu sababi karaa calaamado badan, sidaa awgeeda waa dhib
in la aqoonsado ama qof lagu sheego.
Sidoo kaleba ma jiro baaritaan fudud – sida tusaale ahaan
baaritaanka dhiigga oo sheegi karo haddii u qof qabo MS. Waa
dhib in la ogaado goorta uu MS bilowdey, iyo calaamadaha
koowaad ee qof walba way kala duwan yihiin. Calaamadaha MS
waxay ahaan karaan calaamadaha xaalado kale, sidaa awgeeda
takhaatiirta waxay u baahan doonaan inay baaraan sababaha
caalamad walba.
MS waxaa cudur-aqoonsan karo kaliya takhtarka dareemayaasha
iyo maskaxda. Haddii adiga ama GP’gaaga isku aragtaan
calaamado aan la garan karin iyo ka wel-welsan tihiin inaad qabtid
MS, waxaad u baahan tahay in laguu gudbiyo takhtarka
dareemayaasha iyo maskaxda si baaritaanyo kale lagugu
sameeyo. Hoos waxaa lagu qorey macluumaad dheeraad ah oo ku
saabsan baaritaanyadaan kala duwan.
Wax ka badan ka akhri – Helidda wax ka badan adeegyada
xannaanada caafimaadka (Getting the best from health care
services)
“Waxaan dareemey in culays wayn layga dul-qaadey markii lay
sheegey inaan qabo MS. Waxba isma beddelin ilbiriqsiyadaas la ii
sheegey, sidaa awgeeda waxaan tegay fasax iyo waxaan
go’aamiyey inaan si buuxda u barto cudurka markii aan guriga ku
laabto.” – Eleanor
www.mssociety.org.uk 15
Waa maxay MS?
Baaritaanyada kala duwan
Cudur-aqoonsiga MS ka hor waa in la sameeyo baaritaanyo badan, qaar ka
mid ah waxay u baahan yihiin in mar labaad la sameeyo. Waa caadi in cuduraqoonsiga MS ku qaadan karo dhowr bilood – ama ka badan – kaaso noqon
karo xilli wel-wel leh.
Sida baaritaanka MS, takhaatiirta waxay u baahan doonaan inay baaraan
xaalado kale oo leh calaamado u eg MS. Kani waxaa ka mid noqon karo
baaritaanyada dhiigga sidii loo raadiyo unugyo difaaca jirka oo gaar ah, iyo
baaritaanka gudaha dhegta si loo baaro is-miisaanka.
Baaritaanka
habka
dareemayaasha
MRI
Cuduraqoonsi
Awoodda
xasuusinta
Duritaanka
qaybta hoose
ee dhabarka
16 Miyaad ka fikireysaa MS? Khadka Caawinta MS ka wac 0808 800 8000
Waa maxay MS?
Maxay raadinayaan?
Si loo aqoonsado MS, takhtarka dareemayaasha iyo maskaxda wuxuu
raacaa tilmaamaha lagu magacaabo heerka McDonald. Waxay raadiyaan
wax-yeellada gaarey habka dhexe ee dareemayaasha oo:
 dhacey taariikhyo kala duwan
 saamayn ku yeeshay ugu yeraan labo meel ee habka dhexe ee
dareemayaasha
Baaritaanka habka dareemayaasha iyo taariikhda
Takhtarka dareemayaasha iyo maskaxda wuxuu weydiinayaa su’aalo ku
saabsan calaamadaha iyo dhibaatoyinka waqtiga horey iyo waqtiga xaadirka.
Waxay xittaa sameeyaan baaritaan jireed si ay u eegaan haddii dhaqdhaqaaqa, hummaag-noqodka iyo awoodda dareemayaasha – sida aragga –
ay saamayn ku yeesheen MS. Xittaa haddii takhtarka dareemayaasha hubo
inaad qabtid MS, waxaa loo baahan yahay baaritaanyo kale ka hor intii la
xaqiijinin.
MRI (Sawirka dhawaaqa dheer ee bir-qabatada)
Skaanka MRI waxay isticmaasha bir-qabato si ay u dhaliso sawirka maskaxda
iyo laf-dhabarka qofka. Haddii ay jiraan aago wax-yeello ama bararsan, ama
‘dhaawacyo’, kuwaani waxaa laga arki doonaa skaanka.
“Ka hor intii laygu cudur-aqoonsanin MS, waxaan ka wel-welsanaa
sidii aan dareemaayey…Naxdin wayn ayaan dareemey markii uu
takhtarka khabiirka ii sheegey inaan qabo MS, laakiin wax badan
ma socon.” – Aleks
www.mssociety.org.uk 17
Waa maxay MS?
Si skaan laga sameeyo maskaxda iyo laf-dhabarka, qofka waxaa la jiifinaaya
sarriir oo geli doono gudaha makiinada MRI. Skaanka wuxuu ku qaadan
doonaa wax u dhexeeyo 10 daqiiqo ilaa hal saac. Xannuun ma lahan,
inkastoo uu dhawaaqiisa sarreeyo iyo dhowr qofood ayaa ka cabsan karo
ciriiriga makiinda gudaheeda.
Natiijada skaanka MRI wuxuu cudur aqoonsiga u xaqiijiyaa 90 % ee dadka
qabo MS.
Duritaanka qaybta hoose ee dhabarka
Dadka qabo MS badanaa waxay unugyada difaaca jirka ku qabaan dareeraha
ku heeraro maskaxda iyo laf-dhabarka. Unugyadaan difaaca jirka waxay
muujinayaan in habka difaaca jirka uu fir-ficoon ka yahay habka dhexe ee
dareemayaasha. Hab-socodka lagu soo qaado saambalka dareerahaan
waxaa lagu magacaaba duritaanka qaybta hoose ee dhabarka.
Markii la sameynaayo duritaanka qaybta hoose ee dhabarka, waxaa cirbad la
gelinaayaa laf-dhabarka iyo waxaa laga soo nuugaayaa dareere. Waxaa
goobta duritaanka loo isticmaali doonaa suuxiye ama xannuun joojiye, laakiin
iyadoo sidaas tahay weli hab-socodka wuxuu ahaan karaa mid aan raaxo
la’aan ah. Dad badan waxay qaadaan madax xannuun aad u xun habsocodka ka dib. Cirbado ka yar ee ka cusub ayaa ka xannuun yar, laakiin weli
meel walba lagama isticmaalo.
Inkastoo iminka la qabo habab kale ee lagu cudur-aqoonsado MS, gaar
ahaan skaanka MRI, duritaanka qaybta hoose ee dhabarka sidii horey looma
isticmaalo.
Awoodda xasuusinta
Baaritaanyadaan waxay cabbiraan sida xawaarada ay farriimaha ku safraan
maskaxda, indhaha, dhegaha iyo maqaarka. Fiiloyin koronto yar ayaa lagu
xiraa qalab madaxa lagu dhejiyo si loo eego habka ay hiirarka maskaxda uga
jawaabaan wuxuu qofka arkey ama maqley. Farriimaha si ka tartiibsan ayeey
u gaaraan maskaxda haddii uu wax-yello gaarey myelin’ka.
18 Miyaad ka fikireysaa MS? Khadka Caawinta MS ka wac 0808 800 8000
Waa maxay MS?
“Waxaan qabi jirey xaalad indhaha ku dhaco ee lagu magacaabo
optic neuritis ku dhowaan 6 sano ka hor, markaasna waxaa la ii
saarey skaan. Dhibaatadeyda indhaha wuu bogsadey anigana
su’aalo kale ma weydiinin. Sidaa markii la ii sheegey inaan qabo
MS, aad ayaan uga naxey.” – Rachel
Cudur-aqoonsiga xaaladda MS
Markii laguu sheego inaad qabtid MS wuxuu noqon karaa wax noloshaada
beddelo.
Qaar ka mid ah dadka, cudur-aqoonsiga MS wuxuu u noqon karaa wax cabsi
leh, wel-wel iyo walaac ku dhaliyo. Kuwo kalena wuxuu u noqon karaa wax
fiican gaar ahaan haddii ay qabeen calaamadaha xaalada laakin ay ogeen
dhibaatada waxaa sababey. Dhammaan jawaabadaan – iyo kuwo badan oo
kale – waa iska caadi.
Si kastaba dadka ha uga jawaabaan cudur-aqoonsiga, waxaa jiro taageerid –
laga heli karo laamaheena deegaanka, khadkeena Caawinta MS iyo
iloyinkeena macluumaadka.
0808 800 8000 (9subaxnimo – 9habeenimo, Isniin – Jimco)
www.mssociety.org.uk/near-me
Wax ka badan ka akhri – Iminkaan ayaa lay sheegey inaan qabo MS iyo
waxaan la noolahay wax-yeelada MS (Just diagnosed and Living with the
effects of MS)
www.mssociety.org.uk 19
Waa maxay MS?
Miyeey jiraan noocyo kala duwan ee MS?
Inkastoo MS qof walba si kala duwan u qabto, dadka badanaa
waxay dareemaan hal ka mid ah noocyo kala duwan.
Qaar ka mid ah dadka, cudurka MS wuxuu leeyahay xilliyo uu
degan yahay iyo xilliyo uu ku soo kaco. Dad kalena, wuxuu ku
noqdaa mid horu-socod ah. Hase-yeeshe, xariiqyada ka dhexeeyo
noocyada kala duwan mar walba ma cadda - mar walba si fudud
looma ogaan karo nooca MS uu qof qabo, labo qofood oo xittaa
leh isla nooc MS, isla si uma qabto.
Seddaxda nooc ugu wayn ee MS waxaa lagu macneeyey hoos –
waxayna kala yihiin dib u xanuunsi go’an, horu-socod koowaad iyo
horu-socod labaad.
MS’ta dib u xanuunsi go’an leh, dadka
waxa ku dhaco dib u xanuun ama
calaamadaha ayaa xilli waqti ku soo
laabto – calaamadaha waxay socon
karaan maalmo, usbuucyo ama bilo –
ka dibna bukaanka wuu fiicnaadaa,
dhammantiisa ama qayb. Qiyaas
ahaan 85% ee dadka lagu sheego MS
waxay qabaan noocaan.
Calaamadaha
MS’ta dib u xanuunsi go’an leh
Waqtiga
Marxaladaha koowaad ee dib u xanuunsiga go’an ee MS, calaamadaha si
buuxa ayeey u joogsan karaan inta u dhexeyso dib u xanuunsiga – kani
waxaa loo yaqaana khafiifinta cudurka. Hase-yeeshe, mar mar waxaa jiro
dhaawac ku soo harey myelin, ama xittaa dareemaha laftigiisa. Dhaawacaan
waxaa loola jeedaa in calaamadaha dhammantooda aysan joogsan.
Wax ka badan ka akhri – Maamulka dib u xanuunsiga (Managing a relapse)
20 Miyaad ka fikireysaa MS? Khadka Caawinta MS ka wac 0808 800 8000
Waa maxay MS?
Dadka leh MS’ta Horu-socodka koowaad
ma lahan xilliyo uu MS’ta si gaar ah ku soo
kaco ama xilliyo uu ka dego, laakiin waxay
ku bilaabaan dhibaato yar oo waqti ka dib
sii xumaado. MS’tooda waa mid horu-socod
ah laga bilaabo goorta uu ku bilowdo.
Calaamadaha
Horu-socodka koowaad ee MS
Waqtiga
Qiyaas ahaan boqolkiiba 10 ilaa 15 qofood
ee leh MS waxay qabaan nooca horu-socodka koowaad. Caadi ahaan waqti
dambe ka dib ayaa xaaladda lagu ogaadaa markii loo bar-bardhigo dadka leh
noocyada kale – badanaa markii ay jiraan 40 jir ama ka wayn yihiin. Aan ka
eheen kuwa qabo MS’ta dib u xanuunsi go’an leh, noocaan ragga iyo
haweenka si isku mid ah ayuu ku dhacaa MS’ta horu-socodka koowaad.
Qaar ka mid ah dadka qabo MS horu-socod ah goorta uu xaaladda ku
bilowdey waxay xittaa qabaan dib u xanuunsi oo dheeraad u ah hor u
socodka. Kani waxaa loo yaqaana MS dib u xanuunsi hor u socod leh.
Wax ka badan ka akhri – Waa maxay horu-socodka koowaad ee MS? (What
is primary progressive MS?)
Saamiga dadka lagu aqoonsadey nooc walba ee MS
MS’ta dib u xanuunsi go’an leh, 85%
Horu-socodka koowaad ee MS, 15%
www.mssociety.org.uk 21
Waa maxay MS?
Dad badan ee qabo MS’ta dib u
xanuunsi go’an leh waxaa ku dhaco
horu-socodka labaad ee MS. Haddii
calaamadaha MS ee bukaanka sii horusocod u xumaadeen xilli lix bilood ah,
kaasoo ka madaxbannaansan dib u
xanuunsi walba, waxaa la sheegi karaa
inay u gudbeen horu-socodka labaad ee
MS.
Calaamadaha
Horu-socodka labaad ee MS
Waqtiga
Qiyaas ahaan boqolkiiba 65 ee dadka qaba MS’ta dib u xanuunsi go’an leh
waxaa ku dhaco horu-socodka labaad ee MS 15 sano ka dib goorta lagu
sheegey MS.
Mar walba takhaatiirta uma sahlanaa inay sheegaan markuu qofta u gudbey
marxalada horu-socodka labaad ee MS. Qaar ka mid ah dadka waxaa ku sii
dhici doono dib u xanuunsi oo dheeraad u ah xumaansho horu-socod ah,
kuwo kalena kuma dhaco.
Inkastoo MS walba uusan ku bilaaban sida horu-socodka labaad, waa
suurtogal in qof loo sheego inuu qabo noocaan, markii lagu sameeyo cuduraqoonsiga haddii ay waqti lahaayeen calaamado aan la macnayn karin.
Wax ka badan ka akhri – Waa maxay horu-socodka labaad ee MS? (What is
secondary progressive MS?)
Dadka lagu aqoonsadey MS’ta dib u xanuunsi go’an leh,
15 sano ka dib
65% waxay u gudbi doonaan horu-socodka labaad ee MS
35% uma gudbaayaan horu-socodka labaad ee MS
22 Miyaad ka fikireysaa MS? Khadka Caawinta MS ka wac 0808 800 8000
Waa maxay MS?
MS khatar la’aan ah?
Qaar ka mid ah dadka waxaa loo sheegi karaa in ay qabaan MS ‘khatar la’aan
ah’, haddii calaamadahooda khafiif yihiin. Hase-yeeshe, kani mar mar wuxuu
ahaan karaa wax aan caadi ahaan dhicin.
Ms’ta ‘Khatar La’aanta ah’ waxaa qof lagu sheegi karaa kaliya haddii dib loo
eego 10 ilaa 15 sano xaaladda MS ee qofka. Haddii qofku sanado badan u
lahaa MS iyo uusan liidanin, iyo aysan qabin naafonimo ama leh naafonimo
yar, waxaa markaa la sheegi karaa inay qabaan MS’ta ‘khatar la’aanta ah’.
Waa dhib in si sax ah loo ogaado, laakiin waxaa suurtogal ah in wax u
dhexeeyo boqolkiiba 10 iyo 30 qofood MS qaba sidaan lagu tilmaami karo.
Hase-yeeshe, ‘khatar la’aan’ macnaheedu ma ahan in MS’ta qofka uu ahaa
mid dhibaato la’aan ah, ama inay sidaas weligeedi ahaan doonto. Qofku weli
waxaa ku dhici karo dib u xanuunsi xitta sanado badan ka dib uu MS’tooda
aan firfircoonayn.
“Cudurkaan ma noqon doono wax laygu tilmaamo sida midabka
timahayga. Waxaan rabaa in laygu tilmaamo sida nin, aabe, qof
aqli leh, xikmad badan leh, aqoon leh iyo naxaariis badan. Waa
sidaa oo kaliya.” – Martin
www.mssociety.org.uk 23
Waa maxay MS?
Miyaa la daawayn karaa MS?
Haa. Laakin weli ma jiro daawo lagu bogsado. Xittaa haddii uusan
jirin daawo MS daaweyo, waxaa jiro habab kala duwan ee lagu
maamuli karo.
Maamulka
calaamadaha
Daawoyin
Maamulka
Jimicsiga
MS
Daawoyinka
gaarka ah
Cunto-cunidda
Kani waxaa ku jiri karo daawaynta calaamado iyo dib u xanuunsi
gaar ah. Waxaa xittaa ku jiri karo daawoyinka cilmi nafsiga sida
daawaynta akhlaaqda dareemayaasha, oo ku caawinaayo la
nololka MS ama maareynta calaamadaha sida daalka. Waxaa jiro
daawoyin ee xittaa loogu talagalay in lagu yareeyo tirada dib u
xanuunsiga qof ku dhaco. Waxaa xittaa ku jiro xulashooyin habnololeed sida cunto cunidda, jimicsiga iyo daawaynta gaarka ah.
24 Miyaad ka fikireysaa MS? Khadka Caawinta MS ka wac 0808 800 8000
Waa maxay MS?
Maamulka calaamadaha
Waxa jirto daawayn badan oo lagu maamulo caalmaadaha kala duwan ee
MS. Daawoyinkaan mar walba calaamadaha ma joojiyaan, laakiin waxay
fududayn karaan in wax laga qabto.
Ku daawaynta daawo waxtar ayuu lahaan karaa, laakiin waxaa xittaa jiro
tallaaboyin kale – sida jir dhayidda ama duugidda murqaha adag, ama
daawaynta baxnaaniska ee jir gariirka. Maamulka calaamadaha waxaa ka
qayb qaadan karo xirfadlayaal xannaano caafimaad iyo bulshadeed badan.
Kuwaani waxaa ka mid ah takhaatiirta daawaynta baxnaaniska, takhaatiirta
dhayidda ama duugidda jirka, talo-bixiyayaasha isku-celinta kaadida iyo
saxaarada, takhaatiirta climi-nafsiga, iyo takhaatiirta luqada iyo hadalka.
Wax ka badan ka akhri – Ogow wax intaa ka badan oo ku saabsan maamulka
calaamadaha MS buug-yareyaasheena macluumaadka iyo boggeena
internetka.
Gacan ku qabsiga xaaladda
Dad badan oo qabo MS waxay sheegeen in markii ay gacanta ku qabtaan
maamulka xaaladdooda MS ay dareemaan inay awood leeyihiin. Kani wuxuu
ku ahaan karaa barashada calaamadahooda iyo ogaashada waxyaabaha sii
xumeeyo xaaladdooda iyo waxa caawiyo; la shaqeynta xirfadlayaalka
caafimaadka iyo bulshada si loo tijaabiyo daawayn kala duwan; iyo
haysashada aqoonta iyo kalsoonida lagu xushto daawayn sax u ah.
Qaabilaadaan waxaa badanaa lagu magacaaba is-maamul.
www.mssociety.org.uk 25
Waa maxay MS?
Maamulka dib u xanuunsiga
Haddii qof ku dhacey dib u xanuunsi gaar ahaan naafo, xannuun iyo wal-wal
leh waxaa loo qori karaa daawada steroids – lagu magacaabo
‘corticosteroids’. Steroids waxay ku caawin karaan de-dejinta ka raysashada
dib u xanuunsiga. Kuwaani waxaa loo qaataa sida kaniini ah ama faleebo.
Haddii qofka la siiyo steroids iyo inkale, waxay xittaa ka faa’iidi doonaan
daawaynta baxnaaniska dib u xanuunsi ka dib. Daawaynta baxnaaniska
wuxuu isku dari karaa hab-socodyo kala duwan ay ku jiraan jir dhayidda,
daawaynta baxnaaniska, taloyinka cunto-cunidda, adeegyada shaqada,
taageerida xannaanada guriga iyo kuwo kale.
Wax ka badan ka akhri – Maamulka dib u xanuunsiga (Managing a relapse)
“Markii aan dadka u sheego inaan qabo MS, waxa ugu horeysaa
ay I sheegaan waa inay garanayaan xaaladdeyda sababtoo ah
waxay yaqaanaan qof kale oo qabo MS. Sidaa ma ahan sababtoo
ah dadkaas ay yaqaanan ma qabaan isla MS’ta aan aniga qabo.”
– Jane
Daawoyinka beddelo cudurka
Haddii uu qofka qabo dib u xanuunsi MS, waxay leeyihiin fursad ay ku
qaataan daawoyinka beddeli karo cudurka. Daawoyinkaan ma ahan kuwo ka
daawayn doono MS, laakiin waxay yareyn karaan tirada dib u xanuunsiga
ama ku soo kaca uu qof ku dhaco.
Waxaa jiro dhowr daawoyin kala duwan ee iminka laga heli karo NHS’ta.
Daawo walba wuxuu leeyahay cabbir u-qalmis, badanaa ku salaysan tirada
dib u xanuunsi ku dhacey bukaanka.
Wax ka badan ka akhri – Daawoyinka beddelo cudurka (Disease modifying
drugs)
26 Miyaad ka fikireysaa MS? Khadka Caawinta MS ka wac 0808 800 8000
Waa maxay MS?
Ka warran MS’ta horu-socod leh?
Dadka badanaa waxay weydiiyaan sababta aysan u jirin daawayn lagu
tartiibiyo ama joojiyo hor u socodka cudurka. Hal sabab waxaa weeye, ilaa
goor dhow, cilmi-baareyaasha ma aysan ogeen waxyaabaha dhaliya horusocodka MS sida ay u yaqaanan MS’ta dib u xanuunsiga go’an leh.
Laakiin kaasi wuu is-beddeelaaya. Casriyeynta tiknolojiyada – sida skaanka
MRI oo xoog leh – waxaa loola jeedaa inuu suurtogal yahay in la sameeyo
nooc cilmi-baarista loo baahan yahay si loo helo daawaynta saxda ah. Sidaa
awgeeda cilmi-baarista wuxuu xoog saarayaa daawaynta lagu joojiyo horusocodka, ama dib loo celiyo wax-yeellada gaarey jirka. Waxaad warar ka
badan oo ku saabsan cilmi-baarista ugu dambeeyo ka heli kartaa
www.mssociety.org.uk/research
“Waxaa jiro waxyaabo badan aan dib u samaynin. Hase-yeeshe
noloshayda waxaa ku dhacey is-beddel kale wayn ka dib markii
laygu aqoonsadey cudurka. Waxaan la kulmey ninka aan guursan
doono iyo inkastoo noloshayda bareeg la geliyey, aago kale ayaan
ka qabtey waxyaabo aan mar walba rabey inaan sameeyo.” –
Rachel
Daawoyinka gaarka ah
Dad badan ee qabo MS waxay isticmaalaan daawoyinka gaarka ah si ay u
yareeyaan calaamado gaar ah, ama si ay ku roonaadaan.
Nooca daawoyinka ay isticmaalaan dadka qabo MS waxaa ka mid ah
daawaynta cirbadaha, yoga, khilaawo, duugid, daawaynta qolka oksijiinta,
homeobaty iyo oteobaty – iknkastoo kani uusan eheen liis buuxa.
www.mssociety.org.uk 27
Waa maxay MS?
Miyee shaqeeyaan daawoyinkaan gaarka ah? Ma jiro cilmi-baar xaqiijinaayo
faa’iidada daawoyinka gaarka ah, laakiin kaasi loogama jeedo in dadka aysan
ka helin wax faa’iido ah. Qaar ka mid ah dadka qabo MS ee isticmaalo
daawoyinka gaarka ah waxay sheegeen inuu isbeddel ka sameeyo sida ay
yihiin, laakin qof walba looguma talagelin. Sida MS, daawoyinka qof walba si
gaar ah ayeey wax uga taraan.
Waxaa mar walba fiican inaad xirfadlayaasha xannaanada caafimaadka
weydiiso ka hor intii aadan isticmaalin daawaynta gaarka ah.
Wax ka badan ka akhri – Daawoyinka gaarka ah (Complementary and
alternative medicines)
Ka warran kacsanaanta?
Dad badan ee qabo MS waxay sheegeen in kacsanaanta (cadaaddiska) uu
saamayn ku yeesho sida ay dareemaan. Inkastoo loo maaleeyo inuu jiro xiriir
ka dhexeeyo kacsanaanta iyo MS, weli lama xaqiijinin – sababta waxaa
weeye qayb ahaan waa dhib inaan sheegno waxaa uu kacsanaanta yahay,
iyo qayb ahaan qof walba si kala duwan ayuu uga jawaabaa kacsanaanta.
Yareynta kacsanaanta sida ugu badan ee suurtogalka ah wuxuu ku caawin
karaa caafimaadka guud iyo wanaagsanaanta – inkastoo uusan suurtogal
ahayn in dhammantiisa laga hortago, iyo qaar ka mid ah kacsanaanta waxuu
ahaan karaa mid fiican, wuxuu ku caawin karaa in wax la qabto waqti sax ah.
28 Miyaad ka fikireysaa MS? Khadka Caawinta MS ka wac 0808 800 8000
Waa maxay MS?
Cunto-cunidda
Cunidda cunto dhellitiran iyo caafimaad-qab ah wuxuu wanaajin karaa
caafimaadka guud ee qofka iyo tayada nolosha, kaasoo aad muhiim u yahay
markaad qabtid xaalad waqti dheer socda sida MS.
Qaar ka mid ah dadka waxay sheegaan in cunto-cunid gaar ah uu beddel ka
sameeyey sida ay dareemaan, waxaa suurtogal ah inuu ka yareeyey tirada
dib u xanuunsiga ay qabaan, ama wuxuu wanaajiyey tayada guud ee
noloshooda. Laakiin dadka kale sidaan ma dareemaan. Ma jiro caddayn la
xaqiijiyey in cunto-cunid gaar ah saamayn ku yeelan doono maamulka MS.
Dadka badankooda ee qabo MS, cunto-cunidda ugu fiican waa mid caafimadqab leh, oo kala duwan.
Wax ka badan ka akhri – Cunto-cunidda iyo cuntada (Diet and nutrition)
Jimicsiga
Jimicsiga caadiga wuxuu ku caawin karaa maamulka calaamadaha iyo ka
hortagga dhibaatoyin waqti-dheer dhici doono. Ahaanshada qof jir ahaan
firfircoon ma ahan inaad isboorti soo ciyaarto – wuxuu ku saabsan yahay
dadka oo helaayo wax-qabadka ku habboon ayaga iyo awooddooda.
Wax ka badan ka akhri – Jimicsiga iyo daawaynta jirka iyo Jimicsiga DVD’ga
MS (Exercise and physiotherapy and Exercising with MS DVD)
“Waqtigayga si taxadar ah ayaan u maamulaa daalka awgiis
laakiin waxaa jiro maalmo aan dhib la’aan wax ku qaban karo.
Maalmahaas waa kuwo aad qaali u ah iyo waan u bogaa. Dadka
aan qabin MS waxay kaasi u qaataan wax iska caadi ah!” – Ellie
www.mssociety.org.uk 29
Waa maxay MS?
Sidee ayuu kuu caawin karaa Ururka MS?
Waxaan taageernaa kumaakun qofood qabo MS – dad waxyabo
badan xiiseeyo, iyo aasaas kala duwan ka yimaado.
In ka badan 300 laamo deegaan ayaa dalka UK ku baxsho
taageerid iyo macluumaad www.mssociety.org.uk/near-me
Khadkeena caawinta MS oo bilaashka ah waxay si sir ah ku
baxshaan taageerid shucuureed iyo macluumaad, ka wac 0808
800 8000.
Iloyinkeena abaalmarinta badan heley waxay daboolaan dhinac
walba ee ku nololka MS www.mssociety.org.uk/publications
Bogagga lagu qoro farriimaha shabaakadeena internetka wuxuu
baxshaa fursadda aad la xiriirto dad kale ee qabo MS
www.mssociety.org.uk/forum
Cilmi-baarista aan maalgelinno waxuu nagu caawiyaa inaan xal u
helno MS. Waxaan nahay shirkadda samafal ee ugu wayn ee
dalka UK ka maalgeliyo cilmi baarista MS. Waxaan maalgelinna
cilmi-baaris aad u heer sare ah si loo baaro sababta iyo daawada
MS, iyo sidoo kaleba cilmi-baarista yareynta calaamadaha iyo
horumarinta adeegyada sidii nolosha dadka is-beddel laga
sameeyo waatiga xaadirka.
Si aad u ogaato wax intaa ka badan oo ku saabsan barnaamjyada
cilmi-baarista aan maalgelinno iyo si aad u akhriso horumarka ugu
dambeeyo laga sameeyey cilmi-baarista, tag
www.mssociety.org.uk/research
30 Miyaad ka fikireysaa MS? Khadka Caawinta MS ka wac 0808 800 8000
Waa maxay MS?
Ka qayb-qaado!
Si aad wax badan uga ogaatid xubinnimada, lacag aruurin,
mutadawacnimada ama u ololeynta MS Society, la xiriir Xaafiiskaada
qaranka ama adeegso xiriirka UK ee faahfaahinta hoose.
Nagu soo biir – xubnuhu waxay heli karaan jaraaidka iyo warsideyaasha
heer deegaan iyo qaran. Kana qayb qaado heer deegaaneed iyo heer qaran.
Sidaad doontid uga qaybqaado. Xubin ka ahaanshada keliya, waxaad ku
xoojineysaa codka dadka qaba MS.
www.mssociety.org.uk/joinus
020 8438 0759
Nagu caawi lacag-aruurinta
www.mssociety.org.uk/fundraising
0845 481 1577
Mutaddaawacnimo
www.mssociety.org.uk/volunteering
020 8438 0944
Nala ololey, deegaan iyo qaran ahaan
www.mssociety.org.uk/campaignscommunity
020 8438 0700
Ka qayb-gal cilmi-baarista
www.mssociety.org.uk/research
“Qofna goortaas ima siinin macluumaad ama caawinaad, kaasina
wuxuu ka sii darey xaaladda iyo ka dareensiyey si xun. Guri ayaa
la ii direy ka dib markii la ii sheegey inaan qabo MS. Nasiib ahaan
waxaan la xiriirey Ururka MS si ay ii siiyaan macluumaad iyo
Khadka Caawinta Ururka MS wuxuu I siiyey caawinaadda aan aad
ugu baahnaa.” – Carole
www.mssociety.org.uk 31
Waa maxay MS?
Ku soo biir Diiwaanka MS
Diiwaanka MS ee UK waa barnaamaj gaar ah ee loogu talagalay in lagu
casriyeeyo ra’yigeena MS iyo raadka uu ku yeesho nolosha dadka qabo MS.
Waxaa jiro waxyaabo badan ee aan ka ogahay MS, laakiin waxa jiro wax ka
sii badan oo inoo sheegi karo kaliya dadka qabo MS. Imisa qofood ayaa
halkaas joogo oo leh nooc walba ee MS? Sidee ayuu saamayn ugu yeeshaa?
Waa maxay adeegyada aad loogu baahan yahay?
Halkaas ayuu Diiwaanka MS ee UK wax-tar ku leeyahay. Shaqadaan casriga
ah wuxuu isku xiraa macluumaadka kilinikada iyo midda NHS’ta ayagoo
xugsanayaa waayo aragnimada shakhsiyadeed e dadka qabo MS, si ay u
dhisaan tilmaamo fiican ee sida u yahay ku nololka cudurka MS. Ogaashada
in kani bedeli karo bixinta iyo horumarinta cilmi-baarista, xannaanada iyo
adeegyada dadka qaba MS.
Qof walba ka wayn 18 jir ee loo xaqiijiyey inuu qabo MS wuxuu ku biiri karaa
Diiwaanka MS ee UK: www.msregister.org
32 Miyaad ka fikireysaa MS? Khadka Caawinta MS ka wac 0808 800 8000
Waa maxay MS?
Ku saabsan buug-yarahaan
Waxaa qorey Jude Burke
Waxaa aad loo mahad-celinaayaa xirfadlayaasha badan ee xannaanada
caafimaadka iyo dadka qabo MS oo ku tabarruucay buug-yarahaan.
Diidmo
Waxaan sameynay dadaal kasta si aan ku xaqiijino in macluumaadka
halkaan ku daabacan ay sax yihiin. Ma qaadeyno wax mas’uuliyad ku
saabsan wax qalad ah ama laga tegay. Sharciga iyo xeerarka xukuumadda
waa laga yaabaa in la beddelo. Iska hubi in aad codsato talada deegaanka
ee ilaha ku qoran liiska.
Haddii aad qabtid faalloyin ku saabsan macluumaadkaan ama shaqada MS
Society (Ururka MS), fadlan u dir [email protected]
© Multiple Sclerosis Society, 2013
Daabacadda afaraad, Juunyo 2013
Cinwaankaan waxaa dib loo eegi doonaa seddax sano gudaheeda.
Tixraacyada
Liiska tixraacyada waxaa la heli karaa markii la soo codsado, iyo dhammaan
qoraalada halkaan lagu tixraacey waxaa laga soo amaahan karaa
maktabadda Ururka MS (waxaa lagugu dallaci karaa kharash yar). La xiriir
kooxda macluumaadka UK, ama u booqo www.mssociety.org.uk/library
Ururka MS wuxuu macluumaadkaan ku baxshey bilaash, laakiin haddii aad
jeceshahay inaad bixiso qaar ka mid ah lacagta ku baxdey, kaasoo nagu
caawin doono hawsheena lagama-marmaanka ah, fadlan soo wac 0845 481
1577 ama u booqo qaybta lacag-aruurinta ee boggeena internetka si aad
lacag u bixiso. Wax walba aad bixiso aad ayaa loo soo dhoween doonaa.
www.mssociety.org.uk 33
Waa maxay MS?
Nala soo xiriir
MS National Centre
372 Edgware Road
London NW2 6ND
Telefoon 020 8438 0700
[email protected]
MS Society Scotland
National Office
Ratho Park
88 Glasgow Road
Ratho Station
Newbridge EH28 8PP
Telefoon 0131 335 4050
[email protected]
MS Society Northern Ireland
The Resource Centre
34 Annadale Avenue
Belfast BT7 3JJ
Telefoon 028 9080 2802
[email protected]
MS Society Cymru
Temple Court
Cathedral Road
Cardiff CF11 9HA
Telefoon 029 2078 6676
[email protected]
National MS Helpline
Telefoon lacag la’aan 0808 800 8000
(maalmaha shaqada 9subaxnimo-9habeenimo)
www.mssociety.org.uk
Multiple Sclerosis Society. Lambarka Diiwaangalinta Samafalka waa
1139257/ SC041990. England iyo Wales ugu diiwaangashan sida shirkad
xadaysan 07451571.
Daabacadda afaraad, Juunyo 2013
GI02 / 0613
34 Miyaad ka fikireysaa MS? Khadka Caawinta MS ka wac 0808 800 8000