Somalisk Prosjektet er støttet av 1 .................................................. 1 Maxay u fiicantahay nuujintu ? ............................................................................................................................... 3 Sharaxaada habka qabsashada iyo nuujintaanka ..................................................................................................... 4 Hab nuujinta caadiga ah .......................................................................................................................................... 4 Habkii qadiimka ahaa ee ku salaysnaa ruxitaanka .............................................................................................. 5 Habka mataanaha : .............................................................................................................................................. 5 Habaka jifitaanka ................................................................................................................................................ 6 Ilaa intee iyo imisa jeer ayaa ilmaha la nuujinayaa ................................................................................................. 6 Sidee ayaan ku ogaan karaa in ilmuhu helo cunto ku filan ..................................................................................... 7 Ma caano yar ayuu helaa ? ...................................................................................................................................... 7 Dareenka wax qabadka in caanu soo baxaan (utdrivingsrefleksen) ........................................................................ 7 Gacan ku lisidda iyo mashiin ku soo nuugidda ....................................................................................................... 7 Gacan ku lisidda. Sarraxid .................................................................................................................................. 8 Maskhiin ku soo nuugidda (pumping) ................................................................................................................ 8 Cinjirka, dhalada iyo jahwareerka nuujinta. ............................................................................................................ 8 Bakeeri cunto ku siin............................................................................................................................................... 9 Ilmahaygu ma rabo naaska. ..................................................................................................................................... 9 Goormee ayuu ilmuhu bilaabi karaa cuntada adag ? ............................................................................................... 9 Ma qabaa ilmuhu casiraad ama calool maroojin (kolikk) ?................................................................................... 10 Dhaawaca naasaha ibtooda ................................................................................................................................... 10 Naasaha oo darar awgeed la barara ....................................................................................................................... 10 Caanaha oo naasaha ka soo bixi waaya. ................................................................................................................ 11 Hurgunka naasaha ................................................................................................................................................. 11 Caado gooyn (naaso ka goon) ............................................................................................................................... 11 Nuujinta iyo sigaar cabidda. .................................................................................................................................. 12 Nuujinta iyo khamriga /maandooriyaasha ............................................................................................................. 12 Nuujinta iyo daawo qaadashada ............................................................................................................................ 12 Kaalinta aabaha ..................................................................................................................................................... 12 2 Maxay u fiicantahay nuujintu? Caanaha hooyadu waa nafaqada ugu wanaagsan saqiirada (ilmaha caruurta ah), sababtoo ah caanaha waxayaabaha ay ka koobanyihiin iyo tiradooduba waxay marwalba ku jaan go′anyihiin baahida ilmaha. Nuujintu waxay gacan ka geeysataa isku soodhawaanshaha adiga iyo ilmahaaga, waxayna adkaysaa iskuxiraanshaha labadiina. Cilmi baaristu waxay muujisay in nuujintu ka difaacdo caruurta cuduro fara badan oo ay ka mid yihiin: hurgunka dhagaha ee dhexe, caalirka marinnada hawada ee jirka iyo hurgunka caloosha iyo xiidmaha. Markii meel fog laga eego waxay u muuqankartaa in nuujintu wax ka tari karto ka hor tagga waxyaaba kale oo ay ka midka yihiin cayilka, sonkoroowga ama macaanka, xasaasiyadda iyo kansarka. Nuujintu waxay gacan ka geysan kartaa wanaajinta korritaanka ilmaha ee jimsiga iyo maskaxda, waxay kaloo aad faa′′iido ugu leedahay koritaanka maskaxda. Nuujintu ma ballan qaadi karto in ilmuhu uusan xanuunsan, laakiin caanaha hooyadu wuxuu dhimi karaan khatarta. Nuujintu waxay adiga ku siinaynaysaa awood difaac ee jirooyinka ay ka mid yihiin: kansarka naasaha, kansarka ukumaha iyo lafaha oo daciif noqda ama xooga beela. Ugu danbayntii, markay ugu yaraadaan, caanaha hooyadu marwalba waa saafi ( cuseyb) waana lacag la′aan waana diraar marwalba si loo isticmaalo. 3 Sharaxaada habka qabsashada iyo nuujintaanka Uddaah in ilmuhu afkiisa ku raadsado inta aan naaska lasiin. Maka ilmu afkiisa kala furo si fiican iskugu soo dhawee. Markaas ilmuhu naaska qaadanayo ayuu si fiican afkiisa ugu buuxsamayaa. Maka aad ilmaha aad iskugu soo dhaweeyso adigoo aan madixiisa hayn garkiisu wuxuu taabanayaa naaskaaga. Taasi waxay siinaysaa caano soo saaris fiican. Madaxa ilmaaha gadaal ayaa waxyar loo dhigayaa ilaa iyo in sankiisu wax yar banaanyahay. Habkaas ilmuhu waa ku neefsankaraa adiigoo aan ka durkin naaska. 1. Ku qabo suulkaaga naaska dushiisa farhaagana hoostiisa, in cabir ahaan le′eg xarafka Coo wayn. Farahuna waxay si fiican ugu soolaabanyihiin qaybta naaska midabka kafeega leh (qaybta naaska ee madow) (areolon). 2. Ku dhiirrigali in ilmuhu aad u kala qaado afka adoo ku xanto xanteeynaya bushimahiisa naaska ibtiisa, laga bilaabo sanka ilaa bushinta hoose. Naaska ibtiisu wuxuu la joog yahay sanka ilmaha. 3. Marka ilmuhu aad u kala furo afka, isku u soo dhawee ilmaha dhinacaaga. Hab nuujinta caadiga ah Habkastoo aad doorato, waxaa muhiim ah inaad dagantahay hadaad fadhido ama jiifto. Muruqyada oo gigtiran waxay kaa dhigayaan mid daalan markii nuujintu dhamaato. Ilmuhu waa inuu si fiican ugu dhowyahay naaska, si uusan noqon mid ka raaracca naaska ibtiisa. Waayo si fudud ayuu u dhaawac kuu gaari karaa. 4 Habkii qadiimka ahaa ee ku salaysnaa ruxitaanka Ilmahu dhinac ayuu u jiifaa isgoo calooshiisu adiga kugu soo jeedo, madaxiisana gacanta gadaal kaga haya. Hoosta kaga caawi gacantaada dhabarka ilmaha, adigoo gacantaadana kaga haya lugaha hoostooda. Habka mataanaha: Ilmuhu dhinac ayuu jiifaa isagoo calooshiisu dhinacaaga u jeedo oo barkin lugaha gadaal loogu dhigay. Waxaa ilmaha ku kaalmaynaysaa gacantaada. Qoorta/dhabarka ilmaha waxay ku nasanayaan gacantaada si aad kor ugu soo qaadi karto ilmaha lasinaadka naaska. Gacanta midigta ah ku qabo marka aad nuujinayso naaska midigta ah. Dabada ilmaha iyo lugihiisuba waxay ku nasanayaan kurisiga dhabarkiisa. Gacanta kale naaska ayay ku duwaaysaa. Habka mataanuhu way fiicantahay in la kala badalo sabatoo ah: ∗ Ilmuhu hab kale ayuu naaska u qabsanayaa. ∗ Hadii naaska ibtiisu dhaawacmo, habka mataanuhu wuxuu nasinayaa goobta dhaawucu gaaray. ∗ Hadii ilmuhu qabsan waayo naaska, habka mataanuhu wuxuu ku fiicanyahay, markii gacanta kale kuu banaanthay waxaad maamuli kartaa ilmaha madaixiisa iyo naaskaba in aad markiiba si sax ah uu naaska u qabsado. ∗ Habkaani wuxuu kaloo ku fiicanyahay hadii aad leedahay naaso waa wayn ama culus, waxaad ku isticmaalikartaa qaabka xarafka- C (gacanta oo add hoos kaga qabato suulkana naaska korkiisa). ∗ Hadaad leedahay mataano, waad nuujinkartaa labadaba isku mar. ∗ Nuujinta ilmaha ku jiifa barkinta Frejkas (waa barkin miskaha ilmaha looga xiro) waa u fiicanyahay. 5 Habaka jifitaanka Waxaad u jiiftaa dhinac iyadoo luguhu wax yar ku laabantahay oo si xasilan oo dagan Madaxaaguna barkinta ku yaal. Ilmuhu dinac ayuu jiifaa iyadoo calooshiisu adiga kugu jeedo kuna dhawdahay jirkaaga. Madaxa iyo dhabarka ilmaha waxaad ku kaalmayn kartaa gacantaada ama barkin yar. Waad nuujinkartaa naaska kore/ naaska kale adigoon qaabkaaga wax ka bedelin, adigoon jirkaaga soo godaya si naaska kore hoos ugu soo dago ilmaha. Ilmuhu wuxuu kaloo ku jiifsankaraa barkin, si uu uga nuugo caanaha naaska kore adigoon ka durkin sariirta. Habkaasi waa mid gaar ah oo loogu talo galay hooyada ilmaha lagu soo qalo (jeexidda keiser) iyo kala baxa miskaha oo aadan u baahnayn in aad sariirta ka kacdo. Waxay kaloo u fiicantahay marka ilmaha ay ku xirantahay barkinta Frejkas. Ilaa intee iyo imisa jeer ayaa ilmaha la nuujinayaa Ilmaha saqiirada ah way kala duwanyihiin. Qaar waxay u baahanyihiin wax yar, oo waqtiyo isku dhow-dhow wax la siiyo, inta kuwo kalena ay qaadan karaan wax badan oo waqti badan u dhaxeeyo. Ilmaha waa in la siiyaa naasaha markasta oo uu rabitaan muujiyo. Waana marka ilmuhu uu ku raadiyo afka ama uu farihiisa nuugayo. Boohintu waa astaan muujinaysa baahi, markaas waa inaad ku daydaa ilmaha naasaha intuusan aad u baahan. Nuuji ilmaha ilaa iyo inta uu rabo. Sidaas ayaynaasuhu ku dhalinayaan caanaha ku filan ee ilmahaagu u baahanyahay. Hadii ilmuhu wax yar ka dib uu seexdo, waxaad ku dhiiri galin kartaa si uu wax u nuugo adiigoo kaga duugaya calaacashaada, lugta hoostooda, garka hoostiisa ama daamanka. Sii ilmaha waqti uu ku dhamaysto naaska hore inta aadan ku duwin midka kale. Markii ilmaha laftiisu uu nidaamsado ilaa intee buu ama jeer ayuu doonayaa in uu naaska nuugo waxaa aad suurtogal u ah in adigu aadan dareemin in caano yar aad leedahay. Caanaha hooyada si fudud ayaa loo dheefshiidi karaa, si dhakhsiiyo ah ayay u maraan kiishka caloosha. Hal usbuuc ka dib inta badan caruurtu waxay qaadanayaan cunto 12 jeer habeenkii iyo maalintii. Muddo ka dibna waxay qaadanayaan cuntada si u kala dheer. 6 Sidee ayaan ku ogaan karaa in ilmuhu helo cunto ku filan Waxa ugu muhiimsan in loo fiirsado bambarka (cafaayadda) ilmaha. Ilmaha jira 0-4 usbuuc oo qaata caanaha hooyada oo keli ah, sida caadiga ah waxay saxaradoodaan maalinwalba iyo ugu yaraan 6 jeer ee cafaayaddu qoyanaato 24saac ka dib marka caanaha samayskoodu bilaabmo. Hadii aad dareento in naasuhu dabceen ka dib markii aad nuujisay, hadii aad maqasho in ilmuhu wax liqayo oo haddana uu soo jeedo uuna daganyahay, waxaa aad suurtogal u ah in ilmuhu helayo cunto ku filan. Hadii aad haddan shaki kugu jiro, waxaad keeni kartaa rugta caafimaadka caruurta (helsestasjonen) si aad u miisaanto. Marka aad nuujinayso waxaad u baahantahay cunto ka badan marka aadan nuujinayn. Wax cab markasta oon ku hayo, waxaa weliba fiican in biyuhu kuu dhow yihiin markasta oo aad wax nuujinayso. Ma jiraan wax cilmi ahaan muujinaya in caanu ku badanayaan markii cabitaan badan la cabo. Ma caano yar ayuu helaa? Markasta ee ilmahaagu sii koro wuxuu u baahnaanayaa caano badan. Ilmaha si isku dhow ayaa wax loo siinayaa 2-3 si darar loo galiyo in naasuhu caano badan dhaliyaan. Taas waxaa lagu magacaabaa maalmaha siyaadinta, waxaana la gaarsiinkaraa ilaa 14 casho, laakiin ilmaba ilmaha kale aad ayay uga duwanyihiin. Dareenka wax qabadka in caanu soo baxaan (utdrivingsrefleksen) Marka ilmuhu naasaha nuugayo, wuxuu calaamad (signal) u dirayaa maskaxda, taas oo siideynaysa hormoon (waa dheecaan jiku sameeyo oo saameeya koritaanka iyo isbedelka jirka)(Oxytocin). Homoonkaasi wuxuu sameeyaa isku soo aruuraan muruqyada ku wareegsan qanjiradda caanaha si caanuhu u soo baxaan. Dumar badani taas waxay u dareemaan in naasaha wax lagu mudayo ama la cadaadinayo. Usbuucyada ugu horeeya ee dhalmada ka dib waxay caanuhu ku bilaabankaraan sidii dhibco markii qofku boohinta ilmaha ama uu k fakaro. Ddareenka waxqabadka waxaa kaloo naafeyn kara hadii aad daalantahay, aadan daganayn, baqdini ku hayso ama aadan fiicnayn. Markaas way adagtahay in ilmuhu caanuhu u soo baxaan. Waa muhiim in aad nasantahay ama dagantahay aadna ka fakarto wax farxad leh. Dad badan waxaa cawimi kara in ay wax yar duugaan naasaha, oo ay naaska ibtiisa si taxadar leh fraha dhexgaliyaan inta aysan ku duwin ilmaha naaska. Jaldi kulul naasaha lagu diiriyo ama wax kulul oo lacabo waxay siyaadin karaan dareenka wax qabadka. Wxaad ka fogaataa in qabow kugu dhaco. Gacan ku lisidda iyo mashiin ku soo nuugidda Hadii aadan naasaha ilmahaaga siin karin sababtuna tahay ilmaha oo dhicis ah ama xanuunsan, waxaad ku lisi kartaa gacanta ama mashiinka naasaha caanaha looga soo nuugo. 7 Gacan ku lisidda. Sarraxid • • • • • • • Dhiirrigali dareenka wax qabadka in caanuhu soo baxaan sida horay loogu tilmaamay. Saar suulka dhinaca hore ee naaska ibtiisa, murugsatadana dhinaca kale oo u dhigma ee naaska hoostiisa. Saar faraha intooda kalena banaanka qaybta leh midabka kafeega ama madowga. Faraha naasaha hoos ugu soo riix saableeyda, si taxadar leh ugu cadaadi farahaaga sida adigoo wax duugaya.. Si isku xigta u celi sidaas oo kale. Marka caanuhu soo dhibcaan ama soo baxaan ku sii wad inaad listo ilaa iyo inta caanuhu soo baxayaan. Ka dibna faraha ku salaax gud ahaan naaska dushiisa ilaa iyo inta uu ka dabcayo. Faruhu waa inaysan ku sabiibixan maqaarka, qalaji hadii ay qoyaan noqdaan. Maskhiin ku soo nuugidda (pumping) Waxaa faa′iido badan in mashiinka lagu liso isku mar labada naasood, tasii waxay dhaqaaleynaysaa waqtiga waxayna siyaadinaysaa tirada caanaha. Iska dhaq faraha. Dhiirigali naasaha si dareenka waxqabadku u bilaabmo. Waa inaad ku listaa gacanta ama mashiinka 7-8 jeer maalin iyo habaeynba hadii ilmuhu hadda dhashay, marwalbana waa inaad listaa 15-20 minit. Biyo raaci qalabka oo ku dhaq biyo nadiif ah ee kar karsan markasta oo aad isticmaasho. Caanihii naasaha laga lisay waxaa heerkula guriga lagu haynkaraa ilaa 8 saac. Waxaad ku kaydinkartaa qaboojiyaha ilaa 5 malmood iyo shan habeeyn. Qaboojiyaha heerkulkiisu yahay -20 garaado waxaa lagu keydinkaraa ilaa 6 bilood. Caanaha naasaha oo la diiriyay waxaa la isticmaali karaa 24 saac gudahood hadii qaboojiyaha lagu hayo. Kuleyli caanaha ilaa heerkulka biyaha lagu dabaasho oo garaya 37 garaado. Mar kale baraf haka dhigin caano la diiriyay. Cinjirka, dhalada iyo jahwareerka nuujinta. Ilmuhu siyaalo kala duwan ayay u nuugaa naasaha iyo masaasaddaha. Ilmo badani si fiican uma bartaan farsamda labaas hab nuujin, markaas si fudud ayuu jahwareer ugu dhici karaa. Ilmahaasi waxay ku dhibaato kala kulmi karaan in si waxtar leh loo nuujio hadii ay marka hore bartaan jaqidda masaasadda inta aysan baran jaqidda caadiga ah ee naasaha. Waxay kaloo diidi karaan nuugista naasaha, taasina culays wayn ayay kugu noqon kartaa adigoo raba in aad nuujiso. Sidaas daraadeed waa inaad ka fogaataa in aad biloowga hore siiso masaasadda ilaa iyo inta aadan ka hubsanayso in ilmuhu si fiican naasaha u nuugayo oo si fiican miisaankiisu u kordhayo. 8 Bakeeri cunto ku siin. Hadaad rabto inaad in muddo ah siiso ilmaha cunto aan ahayn nuujin, waxaa haboon in aad ku siiso bakeeri intii aad ku siin lahayd dhalo ama masaasad. Xaqiiqadii farsamadaasi waxay la mid tahay midda la adeegasado marka la nuujinayo. Sidaas ayaad kaga badbaadi kartaa in ilmuhu ku dhaco jahwareer nuugista. Si fiican ilmuhu ha ugu fadhiyo dhabtaada isagoo kor u soo kacsan, kaga kaalmee gacantaada dhabarka iyo qoortaba. • Shukumaan kaga dad gacmaha ilmahaaga si uusan u gacanta bakeeriga ugu dhufan. • Wax kusii bakeeri, furka masaadda, furka daawada lagu beego iyo wixii la mid ah. • Diiri caanaha ilaa 37 garaado, oo ku shub bakeeriga in wax yar ka sareeysa darkiis. • Si tartiib ah u gaarsii caanaha ilaa iyo inta ay ka gaaraan ilma carabkiisa. • U daa inuu carabiyo ilmuhu caanaha. Caanaha ilmaha ha ku foorarin. Waxaad ku foorarinkartaaaa markii aad hubsato inuu liqayo caanaha. Ilmahaygu ma rabo naaska. Ilmaha qaarkood waxay u baahanyihiin xoogaa waqti dheer si ay u bartaan nuujitaanka. Isku day inaad is dajiso, hana rajo dhigin. Iska bixi dharka qaarkaaga hore, ka bixi ilmahana cafaayadda. Soo dhawayso ilmahaaga in badan adigoo jirkaaga iyo kiisa isa saaraya, ku dhawee oo dhadhansii naaska ibtiisa. Inta u dhaxaysa waxaad naasha ku lisi kartaa gacmaha ama matoorka, ka dibna ku sii bakeeri. Ku day ilmaha in aad naasaha ku duwdo si isku dhow. Hadii ilmuhu booyo, daji inta aadan ku duwin naasaha. Waa lagama maarmaan in ilmaha aan naasaha lagu khasbin. Haka hakannin in aad caawidaad weydiisato qaybta isbitaalka ee dhalmada, gargaartada caafimaadka ama kuwa nuujitaanka ka caawiya hooyooyinka hadii dhibaato aad la kulanto. Goormee ayuu ilmuhu bilaabi karaa cuntada adag? Noorwey waxaa lagu taliyaa in la nuujiyo ilmaha ilaa 6 bilood, iyadoo loogu kaalmeynayo oo keli ah vitamiinka D (tran) laga bilaabo usbuuca 4aad. Ka dibna waxaa si tartiib ah loo barayaa cunto kale si taxaddar ku jiro inta aad weli nuujinayso. Hayadda doowladda u qaabilsan nafaqaynta waxay ku talinaysaa in la nuujiyo dhaan sanadaka hore. Hadii miisaanka 9 ilmuhu uusa fiicnayn ama aadan ka raali noqon nuujinta waxaad cuntada adag ku bilaabi kartaa laga bilaabo 4 bilood. Hadii ilmuhu ka yar yahay 4 bilood una baahanyahay siyaado, waxaa la siin karaa caano booraha ilmaha. Hadii uu weynyahay 4 bilood waxaa lagu talinayaa cuntad adag. La xiriir rugta caafimaadka caruurta oo iyaga kala hadal arintaas hadii aad u aragto dhibaato. Ma qabaa ilmuhu casiraad ama calool maroojin (kolikk)? Ilmaha uu hayo kolikk way adagtahay si loo dajiyo. Si lagu garto in calooshu la casirayo waxay soo laabaan lugaha. Inta aadan ogaan in ilmuhu qabo kolikk iyo in kale, waa in aad hubtaa in waxyaabo kale aysan sababin. Waayo wuxuu ilmuhu la booyi karaa hadii uu baahanyahay ama hadii uu waxbadan cuno. Hadii aad u malayso boohinta ilmuhu tahay mid aan caadi ahayn, markaas waxaa haboon in ilmaha la tusu takhtar si loo baaro in sababtu tahay cudur kale. Ilmaha booya in ka badan 3 saac maalintii oo aan la dejinkarin, saddex maalmood usbuucii, oo booyaya saddexdii usbuuc oo ugu danbeeyay wuxuu qabi karaa kooliiga caruurta yar yar hadii waxyaabo kale oo taagani aysan jirin. Lama helin waxyaabaha sababa kolikk caruurta saqiirka ah, lakiin sida caadiga ah waxay dhamaataa saddex bilood ka dib. Waqtigaa waa ku dhib ah waalidiinta, sidaas darteed waa lagama maarmaan in la seexdo oo la nasto. Ka yeel hadii eheladaada iyo saaxibadaadaba aad kaalmo ka hesho hadii ay suurto gal kuu tahay. Hadii shaki kugu jiro la tasho gaargaartada caafimaadka ama takhtarka. Dhaawaca naasaha ibtooda Hooyooyin badan ayaa waqtriga hore dhaawac ka gaaraa ibaha naasaha. Si sax ah hadii ilmuhu naaska u qabsado marka uu nuugayo kuma keeni karto naasaha ibtooda xanuun ama dhaawac maalmaha ugu horeeya. Hadii ilmuhu si khalad ah uu qabsado oo u jaqayo naasha waqti dheer, si fudur ayaa ibta naasha dhaawac u gaari karaa. • Hubi inaad hesho hab nuujin iyo qabsasho wanaagsan. • Riixitaan kaga soo bixi naasaha ibtooda.xoogaa caanaha hooyda. Una daa in hawdu qalijiso. • Ku dadaal inaan si fiican u dhaqdo naasaha ibtooda si aysan ugu dhalan bakteeriyo meelha dhaawuca iyo dilaacu gaaray. Dadka qaarkiis nuujintu way xanuunjinkartaa iyadoon dhaawac ka gaarin naasaha ibtooda. Hadii xanuunku sii joogo xataa nuujitaanka ka dib waxay sababtu noqon kartaa hurgun canbaar ama bakteeriyo. Dadka qaarkiis waxay xanuunkaas ku tilmaami karaan sidii irbad in looga mudayo naaska gudihiisa. Hadii ay tahay canbaar markii aad fiiriso ilmaha afkiisa waxaad ka arki kartaa wax cad oo kaga samaysmay afka sidii (cabeebka). Isticmaal jaanta caaga ah oo naasaha la iskaga dhigo ee lagu dhaqi karo 60 garado ama la tuuri karo. Mujucyada iyo waxyaabaha ilmuhu ku cayaaraan oo qaniinaan waa in iyagana la kar kariyaa maalin walba. La xiriir takhtarka ama gaargartada caafimaadka si aad u ogaato waxay tahay, ama daaweyn. Naasaha oo darar awgeed la barara Markii naasuhu dararsanaadaan ayaamo, waxay dumar badani dareemaan in naasuhu ay kaarayaan oo bararayaan. Sida ugu fiicani waa in ilmuhu nuugo marar badan, si aysan u dhicin in naasuhu dararaan. Ilmuhu wuu nuugi karaa intuu rabo. Hadii dhibaatadu tahay dhaawac waxaad xadadi kartaa waqtiga nuujitaanka si aysan u dhicin in ilmuhu isaga nuugo naasaha raaxaysi awgiis, isla markaasna aad isku daydid in aad ogaato 10 sababta keentay dhaawacaas. Muddo ka dibna naasuhu la qabsanayaan in ay dhaliyaan inta ilmuhu u baahanyahay. Caanaha oo naasaha ka soo bixi waaya. Marka naasaha qayb ka mid ah caanuhu aysan si fiica uga dhamaan, waxaa markii la taabto la dareemayaa meel kaar iyo barar ku jiro. Waxaad kaloo ku qaban kara dhaxan yar iyo xummad, laakiin inta badan way dhamaadaan waqti yar ka dib. Markaas meeshaas waan in caanaha laga saaraa saacaddiba mar inta maalinimadda ah iyo marar habeenkii. Tan ugu fiicani waa in ilmuhu nuugu, laakiin waxaad kaloo ku lisi kartaa gacanta ama matoorka naasaha(bumbada). Waxaad samaysaa qorsha dhiiri galinta dareenka waxqabadka in caanuhu soo baxaan sida horay loo sharaxay. Nuujinta ama matoor ku nuugista, waxaad si taxaddar leh u salaaxdaa naasaha adigoo sidii adigoo wax kaawiyadaynaya, lakiin u feejignow qaybta adag ee jihada naasaha ibtooda. Taas waxaad sameynaysaa marka uu bilaabmo dareenka waxqabadka in caanuhu soo baxaan oo caanihi bilaabmaan in ay soo baxaan. Lama duugayo meelaha kuus kuusan ayadoon caanuhu soo bixin, amase waad soo riixi kartaa sidii caanuhu uga soo baxaan qalabka wax lagu sooho sidaas qofku ma sababi karo inuu dhaliyo hurgun bakteeriyo. Waxaad isticmali kartaa kareem khafiif ah ama sliid si faruhu si fiican uga sibiibaxdaan. Waxaad isticmaashaa suufka naasaha la gashado si caanuhu aysan dharka kaa gaarin iyo qobays biyo kulul ama dabaal way ku caawimi karaan. Dadka qaarkiis waxay qaadan kartaa maalmo badan ilaa intay kuus kuusku ka baabaayaan. Ilaa iyo inta ay kus kuusku yaraanayaan ma aha khatar. Hadii aad haysato kuus kuus aan ku yaraanayn nuujinta isku dhow, ama baabi′idoodu qaato waqti dheer waa inaad la xiriirtaa takhtar. Hurgunka naasaha Hurgunka naasuhu waxuu imaan karaa markii aan la daaweyn naasaha oo caanuhu ku istaagaan ama naasaha oo darara oo ku dhawaada dilaac, barar, kaar iyo casaan. Waxaa ku qabanaya xummad badan iyo dareen inaan xanuunsantahay. Dhibaatadu waxay dumarka qaarkiis ka dhaamaataa 24 saac gudahood markii caanaha la liso ( nuujin, gacan ku lisi ama isticmaal matoor) maacadiiba mar inta maalinimada ah iyo marar habeenimadii. Hadii weli aadan ka fiicnaan, waa inaad la xiriirtaa takhtar. Waxaa dhici karta inaad u baahantahay antibiotiko si aad u caafimaado. Is nasi oo seexo in badan, oo u ogolaw in dadka kale u hagaajiyaan ilmaha. Waxaa haboon in tijaabo caanaha lo geeyo takhtarka. Sidaas ayaad u qaadi kartaa tijaabada: • Marka hore dhaq gacmaha iyo naasahaba. • Biloow dareenka waxqabadka inay caanuhu soo baxaan. • Daadi dhibcaha hoore ee caanaha. • Isticmaal dhalo yar ee nadiif ah/ dhalada kaadida lagu qaado kuna dhibci xoogaa miliimitir ah caano ah. Caado gooyn (naaso ka goon) Marka aad rabto in ilmuhu caadeysto naasaha waxaa haboon in loo sameeyo si tartiib tartiib ah si looga gaashaanto in aysan dhicin naasaha oo darar caanood la dilaaca. Waqtiyadii aad wax nuujinjirtay mar mar uga jooji adigoo u dhaxaysiinay maalmo u dhaxaysiinaya iala markaas adigoo soo gaabinaya waqtiyadii aad cuntada siinjirtay si loo yareeyo caanaha ka soo baxaya naasaha. Habkaas ayay ku yaraanayaan samayska caanaha. Dadka inta badan joojinta nuujintu waxay ku qaadataa 14 casho, laakiin dadku waa ku kala duwanyahay. 11 Nuujinta iyo sigaar cabidda. Waxyaabaha sunta ah ee ku jira sigaarka waxay raacaan caana hooyada. Sidaas darteed waxaa laguugula talinayaa inaadan sigaarka cabin inta aad wax nuujineysid. U feejignaantu aad ayay u sareysaa wax yar ka dib markii aad sigaarka cabtay. Sigaar cabitaanku wuxuu naafeynkaraa samayska caanaha oo ilmaha ay nuujiso hooyada sigaarka cabta waxaa ku dhaca inta casiraad caloosha (kolikk) in ka badan caruurta kale. Sababtuna marwalba xataa hooyada sigaarka cabta waxaa lagula taliyaa in ay nuujiso ilmeheeda. Hadii aad cabeyso sigaar waxaad cabtaa markaad nuujiso ka dib si sunta sigaarka la socota intii suurto gal ah ay ka baxaan caanaha hooyada inta aan la gaarin nuujinta kale oo ku xigta. Waxaad iska ilaalisaa inaad sigaar ku cabto isla qolka ilmuhu ku jiro. Nuujinta iyo khamriga /maandooriyaasha Khamrigu wuu ku goa′aa caanaha hooyada wxuuna siiyaa caanaha isla tirada inta ku jirta dhiigaaga. Ilmo yar oo hadda dhashay waa kaga dareen badanyahay khamriga dadka waaweyn, oo qofku ma yaqaan xadka ugu hooseeya oo u keeni karto dhibaato. Sidaas darateed waa inaad inta ugu yar yareysaa isticmaalka khamriga. Caanahaaga waxaa ku jira isla inta promille (halbeeg lagu cabiro tirada kunkiiba wax kaga jirta) ee ku jirta dhiigaaga. Marka promilku uu ka baxo dhiigaaga oo aad baabuur wadi karto, isla markaasna caanahaaga waa ka baxay oo waad nuujinkartaa. Ka fogow inaad qaadato maan dooriyaal kale. Nuujinta iyo daawo qaadashada Dhamaan daawooyinku way ka goa′aan caanha hooyada ama ha badnaadeen ama ha yaraadeen. Daawoon badan waxaa lagu mideynkaraa nuujinta. Si aadan wax u nuujin waa inaad eegtaa faaiidooyinka iyo waxyeelaha danbe ee daawooyinka. Waxaa la helaa warbixino badan oo cusub ee ku saabsan daawooyinka iyo nuujinta. Sidaas darteed waxaad la xiriirtaa shaqaalaha caafimaadka oo si dhow ugu kuur galaya. Hadii aad rabto inaad isticmaasho daawooyinka aan loo baahnayn warqadda takhtarka, waxaad akhrisaa mar walba warqadda lifaaqa ah ee la socota si aad u ogaato inaad wax nuujinkarto iyo in kale. Hadii kale waa inaad marwalba la tashataa takhtarkaaga inaad ka shaki qabto inaad wax nuujin karto iyo in kale. Kaalinta aabaha Adigoo aabe ah waxaa mustaqbalka ku horyaal masuuliyado farabadan. Hooyadu waxay u baahantahay daganaansho iyo nasasho dhalmada kadib. Taasina aad ayay muhiim ugu tahay inay iyada iyo ilmuhu ku guuleystaan nuujinta. La qaybso farxadda inay hooyadu ku guuleeysaty nuujinta intii aad rajaynlahayd inaad adigu cunto siiso ilmaha. Ku raaxayso ilmaha goob joogna u ahaow mararka kale ee aan ilmuhu u baahnaun naasaha hooyada. Sidaas ayaad waqti ku baran kartaa calaamadaha ilmuhu bixinayo. Aqbalaada in nuujintu tahay aduunyada ilmaha iyo hooyada. Ha ku helaan marka ay kuu baahanyihiin iyagu, gacaanna ka gayso inta awoodaada ah hawsha guriga iyo weliba caruurta kale ee waaweyn. Xusuusnow inaad tahay kaalmada ugu muhiimsan ee ay hooyada iyo ilmuhu haystaan. 12 Talooyinka nuujinta Kaalmada nuujintu waxay ka kooban tahay waayo aragnimada hooyooyinku u leeyihiin nuujinta iyo waxbarasha nuujinta. Kaalmadayadu waa deeq. Ma lihin waqti furitaanka u goan, laakiin waxaan ku siinaa guriga waqtiga firaaqada. Waa fiicantahay inaadan na soo wicin habeenimadda. hadii aysan noo suurto galeyn inaan ku kaalmeyno, waxaad wacan kartaa qofka kale ee yaala liiska. Hadii aad uga baahantahay talo nuujitaanka, waxaad na gula soo xiriiri kartaa teleefoon ama e-post. Waxaad ka heli kartaa nambarkayaga bogogayaga interneetka www.ammehjelpen.no galka la iska siiyo goobaha dhalmada. Hadii aad rabto inaad xubin ka noqoto, talefoon kula soo xiriir xooghaynta 62455251 ama e-post [email protected] markaas waxaad ka helaysaa warbin badan. Qoraalo la akhristo: 1. ′′Buuga telefoonka ee suaalaha nuujinta′′ ee Sandra Jolley iyo Ellen Phillips-Angeles, ee talooyinka nuujinta. 2. ′′Hooyo markii ugu horeysay′′ ee Gro Nylander 3. ′′Buug gacmeed lagu magacaabo nuujintii lagu guuleeystay – waa tilmaame shaqaalaha caafimaadka′′ oo ka hogaanka maamulka caafimaadka ee Danmark. 4. ′′Nuujin ′′ ee Elisabeth Helsing iyo Anne Bærug, Kolibri soo jeedin. 5. Sidee ayaad u nuujinaeysaa ilmahaaga, bulshada- iyo caafimaadka ee 2005. Brosjyren er laget for Ammehjelpen av Gilda Bjørnson og Anita S. Schrøder. Tegningene er laget av Anne Brenneng og Einar Sigstad. Brosjyren er oversatt til Somalisk av Tolketjenesten i Grenland Oktober 2005 13
© Copyright 2025