Xuquuqaha dugsiga Buug yar oo ah tilmaame ey soo diyaariyeen Dysleksi Norge DYSLEKSI NORGE Waanu ku caawineynaa si aad jidka u hesho! s. 2O Rettigheter i skolen Hordhac KA S T Heshiiska carruurta ee qaramada midoobey qodobka 28 Waxbarashada. Carruurtu waxey xaq u leedahey waxbarasho. Dawladu waa iney siiso waxbarashada aasaasiga ah oo bilaash ah dhammaan carruurta iyo in edaabinta dugsigu loo eego qiimaha bini’aadamnimo ee ardeyga 1)Dhinacyadu waxey isla garteen xuquuqda ilmuhu u leeyahey waxbarasho, si markaa si tartiib ah loogu gaadho xuquuqdan iyo sidii loo siin lahaa fursad isku mid ah waa in si gaar ah: a) Looga dhigo waxbarashada asaasiga ah khasab iyo lacag la’aan qof kasta. Aqoonta loo yeesho xuquuqda iyo waajibaadku waxey kordhisaa fursada ey u helayaan ardeydu waxbarasho fiican. UT Heshiiska Xuquuqda Caruurtu wuxuu dhigayaa in dhammaan carruurtu xaq u leeyihiin waxbarasho. Norwey xuquuqdani waxey ku qoran tahey sharciga waxbarashada. Dhammaan waxa xaq loo leeyahey waxbarasho loo habeeyey. Taas macnaheedu waxa weeye in dhammaan ardeydu u leeyihiin xaq si ey u helaan waxbarasho loogu habeeyeey awoodooda iyo habka ey wax u baran karaan. Sharciga waxbarasho iyo waxa kale oo jira sharciga ceymiska dadweynaha iyo sharciga maamulka. Waxbarid khaas ahi waa waxbarasho si gaar ah loogu talogaley. Waa mid si gaar ah loogu talogaley ardey kasta. Waxa jira habab badan oo waxbaridda si gaar loogu habeyn karo. Dysleksi Norge waxey lacag mashruuc ka heshay Helse og Rehabilitering si ey u turjumaan una daabacaan buuggan yar. DYSLEKSI NORGE Dysleksi Norge hjelper deg å finne frem! Os. 3 Sidee loo adeegsan karaa macluumaadka ku qoran Dysleksi Norge ee ku saabsan xuquuqda iyo waxbarashada? KA S Tusaale: T Buuggan yar waxaan isku dayeynaa inaan ku soo bandhigno xuquuqdaada laga bilaabo fasalka 1aad ilaa 10aad, sida caadiyan loo heli karo. Xuquuq kasta waxaad helaysaa sharaxeeda oo hoos ku qoran (fotnote) taas oo muujinaysa sharciga ey ku qoran tahey. Dhammaan qodobadu sida ey u dhan yihiin waxaad ka heleysaa xagga dambe ee buuggan yar. Qeexidda sharciyada iyo xeerarka iyaga lama turjumin. UT Sharaxaada weedhaha/erayada Meelaha la isticmaalayo erayo af-qalaad ah, la soo gaabiyey ama hadalo ey adagtahey in la fahmo, waxa lagu calaamadinayaa midab huruud/ jaalle ah- sharaxaadiisa waxaad ka helysaa darafka xaashida. IOP Tusaale: Salaan Dysleksi Norge Oktoobar 2010 Qorshe waxbarasho shakhsiyan ah Rettigheter i skolen TUSMADA BUUGGA T Ilmaheygu miyuu Dysleksi qabaa? KA S Waxbarasho (waxbarasho gaar ah ama waxbarasho loo habeeyey) U diyaarin Caawimo qalab combuyuutar UT s. 4O Xuquuqo kale Dysleksi Norge hjelper deg å finne frem! Os. 5 Waa maxey Dysleksi? KA S T Dysleksi waa adkaan gaar ah dhinaca waxakhrinta iyo waxqorida. Dysleksi waa ku adkaan ah ku dhawaaqida luqada (fenologisk). Fonemer macanaheedu waxa weeye dhawaaqa erayada. Qaar badan oo ka mid dadka leh Dysleksi waxa kale oo ku adag luqada. Ma jiro xidhiidh ka dhexeeya in la qabo Dysleksi iyo heerka karti ee qofka. Ku dhawaad waxa dadka Dysleksi qaba 5%. Waxa jira dad badan oo ey guud ahaan ku adag yihiin waxqorista iyo waxakhrintu. Ku dhawaad 20% aad ayey awoodooda wax akhriyin u hooseysaa taas oo aaney dhameystiri karin akhrinta maqaal ku qoran wargeys. Waa maxey Dyskalkuli? Dyskalkuli waa xisaabta oo qofka ku adkaata. Ma jiro xidhiidh ka dhexeeya in la qabo Dyskalkuli iyo heerka karti ee qofka. Dysleksi Norge waxa kale oo ey u shaqeysaa xuquuqda ardeydan. Ardeyda qabta dyskalkuli waxey leeyihiin xuquuq u dhiganta ta ardeyda qabta dysleksi. Waa ayo Dysleksi Norge? UT Dysleksi Norge waa urur ey leeyihiin dhammaan dadka waxqorida, waxkhriska iyo xisaabtu ku adagyihiin. Waxaanu leenahey xubno ka badan ilaa 6000, iyo 40 kooxood oo dalka Norway ku kala baahsan. Waxaanu u shaqeynaa si dadka waxqorida, waxkhriska iyo xisaabtu ku adagyihiin ey nolol maalmeedkoodu ugu fududaato. Waxaanu u shaqeynaa siyaasiyan, waxaanu caawinaa xubin kasta, waxaanu qabanaa koorasyo iyo shirar. Ma rabtaa inaad xubin noqoto? Noo soo dir telifoonka 800 33 140 (guriga waa lacag la’aan) FG! Dadka telifoonka kaaga jawaabayaa waxey ku hadli karaan oo keliya Noorwiiji iyo ingiriisi. s. 6O Rettigheter i skolen Dysleksi iyo dadka labada luqadood leh? Qoraal laga soo qaatey Dysleksiforbund, Brukerhåndbok 2000, jabtarka 4.0 ee ku saabsan Dysleksi iyo dadka labada luqadood leh KA S T ”Si loo barto waxakhrista iyo waxqorida noorwiijiga waxa fiican in loo yaqaano ku hadalka luqada noorwiijiga sida ugu macquulsan. Laakiin waxa kale oo iyana muhiim ah in loo yaqaano afka koowaad (afka hooyo) si fiican. Ilmaha Norway u soo guurey isaga oo waxbarshada ku bilaabey afkiisa waxa lagama maarmaan noqon karta in afkiisa hooyo wax lagu baro. Aqoonyahano badan ayaa sheegey in si fiican loo barto afka hooyo waxey wax ka tareysaa barashada luqadaha kale. Haddii uu ardey barto inuu wax ku akhriyo afkiisa hooyo waa faa’iido weyn. Markaa sida caadiga ah hab waxakhriska waxa loo gudbin karaa noorwiijiga iyo waxakhriska qoraalka noorwiijiga ah taas oo xoojineysa aqoonta ku hadalka noorwiijiga. Laakiin luqadaha qaar aad ayey uga duwan yihiin noorwiijiga taas oo keeneysa in qiimaha gudbintu ey keento faa’dooyin aan aad u badneyn. Baadhista dhibta waxqoris iyo waxakhrin ee dadka labada luqadood leh wey adagtahey. Waa in la baadho ilmaha iyada oo la adeegsanayo luqadiisa iyo noorwiijigaba, oo natiijooyinka la isbarbardhigo. Tani waxey u baahantey adeeg turjumid oo fiican. Waa in xoogga la saaro mudada uu ilmuhu Norway joogey iyo inta uu ku hadlayey luqada noorwiijiga. Waa in sidoo kale la ogaado in halka ey waalidka noorwiijiga ah carruurtooda u dhigaan sida wax loo qoro aaney waalidiin badan oo ajinebi ah lahey awood waxqoris fiican. Inta badan waxa dhibta waxakhris ee carruurta labada luqadood leh lagu fasiraa iney tahey labada luqadood ee ey ku hadlaan sidaa darteed ey u baahan yihiin waqti badan iyo tababar. Markaa waa la gefi karaa dhibaatooyinka gaarka ah ee keena dhibtan. UT Dysleksi Norge waxa loo aasaasey inuu noqdo urur ey isticmaalaan dhammaan dadka leh dhib ka heysata waxakhriska iyo waxqorida. Dabcan tani waxey khuseysaa oo kale carruurta iyo dadka waaweyn ee leh labada luqadood ee leh dhib ka heysata waxakhriska iyo waxqorida ama dysleksi. Waxa jirta cilmi baadhis ka socota dalal badan oo kordhin doonta aqoonta xaalada ku gedaafan dadka labada luqadood leh. Baahida loo leeyahey caawimo iyo taageero sax ah waa muhiim ama afka hooyo wax ha lagu qoro, akhriyo ama laba luqadood.” Dysleksi Norge hjelper deg å finne frem! Os. 7 Haddii aad uga shakidey in ilmahaagu qabo dysleksi, waa muhiim inaad markiiba wax ka qabato. Haddii hore wax looga qabto waxey macne weyn u yeelaneysaa horumarka afka ee ilmaha iyo dhigashada dugsiga. T Ilmuhu miyuu qabaa dysleksi? UT KA S Shaqaalaha waxbarashada waxa waajib ka saaranyahey iney qiimeeyaan in ardeygu baadhis u baahanyahey. Marka uu ardey qabo baahi noocan oo kale ah, waa in la ogeysiiyo maamulaha1. Haddii dadkiina waalidka ahi ka shakidaan in ilmuhu qabo dhib ka heysata waxakhriska iyo waxqorida, kala hadla macalliinka xidhiidhka kana codso in la baadho ilamaha. Waa muhiim in waalidku ogaado inuu xaq u leeyahey in la baadho ilmaha bal inuu qabo dhib iyo in kale2. Waalidku wuxuu sidoo kale toos ula xidhiidhi karaa adeegga barbaarinta iyo cilmi nafsiga (PPT). Ma jiro waqti cayiman oo ilmaha loo gudbin PPT karo PPT sannad dugsiyeedka. Dysleksi Norge waxey waalidka Adeegga kula talineysaa iney si qoraal ah ula xidhiidhaan PPT, inkasta oo barbaarinta aaney shuruud aheyn. iyo cilmi nafsiga Sida caadiga ah waxa ilmaha baadha PPT. Waa waajib saaran PPT iney soo ururiyaan xog/aqoon fiican oo ku saabsan baadhista si ey u helaan baahida ilmaha iyo iney fikir ka qaataan waxa ardeygu u baahan yahey maado ahaan iyo bulsho ahaan si uu u helo waxbarasho fiican3. Haddii aaney PPT laheyn aqoonta loo baahanyahey waxey la xidhiidheysaa Kaalmada Qaranka ee Barbaarinta gaarka ah (Statped) iyo caafimaadka nafsadda ee carruurta iyo dhallinta (BUP). Waa in waalidku ogolaado in khoboro sameyso qiimeyn oo go’aan4 la gaadho. 1 Opplæringsloven § 5 – 4, annet ledd 2 Opplæringsloven § 5 – 4, første ledd 3 Opplæringsloven § 5 – 6, annet ledd 4 Opplæringsloven § 5 – 4, annet ledd Go’aan halmarle ahi waa go’aan khuseeya qof keliya. Marka wax yihiin go’aan halmarle ah waa laga dacwoon karaa. Rettigheter i skolen s. 8O Sharciga waxbarashadu wuxuu shuruud ka dhigayaa in PPT sameyso baadhis. Wuxuu ku siinayaa aragti iyo in fikir laga keeno arrimahan hoos ku xusan5: Opplæringsloven §5-1 Dejiya xuquuqda loo leeyahey waxbarasho gaar ah Waxa uu ardeygu ka faa’iido waxbarashada caadiga ah • Adeyga waxbarasho ee ardeyga iyo xaaladaha kale ee gaarka ah ee muhiimka u ah waxbarashada. • Hadafka dhabta ah ee waxbarasho ee ardeyga • Iney suuragal tahey in ardeyga wax ku adagyihiin lagu caawiyo waxbarshada caadiga ah. • Waxbarasho noocee ah ayaa siin karta waxbarasho haboon. KA S T • Baadhistu waxa kale oo ey u kuurgeleysaa dhinacyada ardeygu ku fiican yahey. Taas macnaheedu waxa weeye awooda aqooneed ee waxbarasho, iyo waxyaabaha uu ardeygu xiiseeyo ee uu si fiican u awoodi karo. Baadhista waxa ku jiri doona waxqabadada la meel marin doono si ardeygu uga faa’iideysto waxbarashada. Haddii aalladaha caawimo sida buugaagta codka ah iyo hadal la duubey ey lagama maarmaan u tahey ardeyga, waa iney ku qoraato baadhista. UT U fiirso: Baadhistu waa wax ka badan tijaabo cudur ogaansho (diagnose). Waxey qiimeyneysaa baahida ardeygu u qabo waxbarasho gaar ah, sida uu dhigayo §5-1 ee sharciga waxbarasho. Ma aha ogaanshaha dysleksi ta keeneysa baahida loo qabo waxbarasho gaar ah. Haddii uu waalidku codsado baadhis waxa caadi ah in dugsigu bilaabo inuu ardeyga tijaabiyo. Sida caadiga ah waxa ardeyga loo sii diraa PPT si loogu sameeyo baadhis qoto dheer. Haddii uu dugsigu leeyahey in ardeygu aanuu lahyn baahi waxbarasho gaar ah sida uu dhigayo §5-1, dugsigu wuu iska dhaafi karaa inuu ardeyga u sii diro PPT si loo tijaabiyo. Markaa go’aankan oo ah go’aan marle ah, waxa looga dacwoon karaa gudoomiyaha gobolka6. Sida uu dhigayo sharciga maamulku waa inuu go’aanka marka keli ah yeesho sababeyn. Waxa la siin doonaa jawaab kulmeelgaadh ah haddii lagu jawaabi waayo muddo bil gudaheed ah kadib marka dacwada la heley7. 5 Opplæringloven § 5 - 3 6 Forvaltningsloven § 2b 7 Forvaltningsloven § 11a Dysleksi Norge hjelper deg å finne frem! Os. 9 Waxbarasho gaar ah ama waxbarasho loo habeeyey? T Dysleksi lafteedu ma keeni karto go’aan mar keli ah oo ku saabsan waxbarasho gaar ah. Baadhistu waa qiimeyn buuxda, su’aasha meesha taal waxa weeye in ardeygu wax faa’iido ah ka helo waxbarashada caadiga ah (det ordinære opplæringstilbudet) ee la bixiyo. Qeexida “det ordinære opplæringstilbudet” waxa weeye waxbarashada caadiyan dugsi kastaa bixiyo , marka lagu daro waxbarasho loo habeeyey. Xuquuqda loo yeesho waxbarasho gaar ah waxey imaneysaa marka waxbarashada caadiga ah ee uu dugsi kastaa siiyo ardey kasta aaney buuxineynin ka faa’ideysiga waxabarashada8. Taas macnaheedu waxa weeye in ardey xuquuq waxbarasho gaar ah ugu yeelan karo dugsi, aanuu ku yeelan karin dugsi kale. KA S Baadhista PPT waxey keeneysaa go’aan mar keli ah. Go’aanku wuxuu noqon karaa in la siiyo ogolaansho waxbarasho gaar ah ama diidmo waxbarasho gaar ah. Waa muhiim in la ogaado in siismada ogolaansho waxbarasho gaar ah ama diidmo waxbarasho gaar ah ey labaduba yihiin go’aan mar keli ah. Degmada (kommunen) ayaa go’aanka9 gaadhaysa. Inta badan maamulaha ayaa go’aaanka gaadha isaga oo metelaya degmada. Ardey badan oo qabta dysleksi ayaa loo soo diidey in la siiyo waxbarasho gaar ah. Taa macnaheedu waxa weeye in dugsigu u bilaabo waxbarasho loo habeeyey ardeyga. Waxa jira tusaalooyin badan oo ku saabsan ardey qabta dysleksi oo la siiyey waxabarasho loo habeeyey oo guul noqotey. UT Kala duwanaanshaha u dhexeeya waxbarasho gaar ah iyo waxabarasho loo habeeyey ma aha waxqabashooyinka laftooda oo keliya. Kala duwanaanshaha ugu weyni waa in waxbarashada gaarka ahi ku xidhantahey go’aan hal mar ah oo keeni karta in wax laga bedelo waxa waxbarshada caadiga ahi ka koobantahey sida ku dhigan Tayogelinta aqoonta (Kunnskapsløftet) iyo Qorshaha waxbarashada (Læreplanverket). Waxbarashada gaarka ahi ma aha lafteedu hadaf. Hadafku waa in dhammaan ardeyda la siiyo waxbarasho faa’iido fiican leh, ha loo bixiyo waxbarasho gaar ah ama waxbarasho loo habeeyey. 8 Opplæringsloven § 5 - 1 9 Opplæringsloven § 5 - 3 Rettigheter i skolen GAP-modell: Goorma ayey imaneysaa baaahida loo qabo waxbarasho gaar ah? Baahida loo qabo waxbarasho gaar ahi waxey imaneysaa marka uu jiro farqi u dhexeeya waxbarashada caadiga ah ee dugsiga laga dhigto ee ey ku jiraan waxyaabaha loo habeeyey, iyo awooda ardeyga iyo waxa laga filayo. Ardeyda qaar waxey ku “dhasheen” dugsiga dhexdiisa si fiicana wey u dhigan karaan iyaga oo aan la siin wax si gaar loogu habeeyey. Ardeyga sidan oo kale ah si fiican ayuu isu deberayaa isaga oo aan loo habeyn waxbarasho ama waxqabad. Ardeyda qaar waxey leeyihiin baahi caawimo si ey si fiican uga faa’iideystaan dugsiga xataa haddii uu dugsigu ku fiicanyahey u habeynta. T s. 10O KA S Bal aan sawir arrintan ka sameyno. Si uu ardey u yimaado dugsiga waa Arrintani waxey xambaarsana inuu ka gudbo webi. Si uu uga gudbo waa in biriishku (buundo) noqdo mid awdan. Qoryaha dugsigu waxey u taagan yihiin xaalado kala duwan oo uu dugsi kastaa leeyahey. Qoryaha webiguna waxey muujinayaan xaaladda uu webi kastaa leeyahey. Marba inta ey le’egyihiin hawalaha waxqabad ee uu dugsigu dhinaciisa ka fuliyo ayey u badanayaan ardeyda iskood uga gudba webiga. Haddii aanuu dugsigu hirgelin hawl waxqabad oo ku filan waxba caawin meyso inuu ardeygu dadaal badan sameeeyo- Ma kari karo inuu dhinaca kale uga gudbo. UT Ardeyda qaar ayaa iyagu qoryo yar sita, oo u baahan dugsi siiya waxqabad si fiican loogu habeeyey. Haddii uu halkan farqi ka jiro, ardeygu kama gudbi karo biriishka isaga oo aan la siin waxbarasho gaar ah. Xaalada uu ku suganyahey ardey kastaa Dugsi Xaaladaha kala duwan ee waxbarashada caadiyan la bixiyo Dysleksi Norge hjelper deg å finne frem! Dugsiyada qaar waxey leeyihiin waxqabadyo badan oo loo habeeyey ardeyda u baahan. Dugsiyada noocan ah inta badan baahida loo qabo waxabarasho gaar ah wey yartahey. Xaq loo leelayahey – aan waajib saarneyn- waxbarasho gaar ah Dugsi tafaasiil badan. Waxbarasho gaar ah waa xuquuq, ee ma aha waajib. Sidaa darteed ardeyga ama waalidku waa inuu ogolaansho1 bixiyo. Waalidka ayaa leh masuuliyada carruurtooda ilaa intey ka gaadhayaan 18 sanno. Xeerarka waxbarasho gaar ah xeerkan waa laga saarey, waayo ardeygu ogolonaasho ayuu bixin karaa marka uu gaadho 15 jir kadib. Laga bilaabo markuu 7 sanno buuxiyo waxa loo fududeeyaa inuu arrinta ka hadli karo. Laga bilaabo markuu 12 sanno gaadho fikaradaha ardeyga aad ayaa xoog loo saarayaa2. KA S aan kartaa Dugsi gaar ah hoos u dhacdo. Tusaale ahaan haddii dugsigu siiyo kooras fiican oo ku saabsan adeegsiga qalabka combuyuutraka markaa ardeygu wuxuu noqonayaa mid ku filan casharkiisa – markaa hawlaha waxqabad ee dugsiga iyo filashada ardeyguba wey fiicnaanayaan. T Dugsiyada qaar waxey bixiyaan bamaamijyo yar oo loo habeeyey. Wax badan ayaa markaa looga baahanayaa ardeyda halkaa dhigata, sida ey u badan tahey ardey badan oo leh dhib waxabarasho ayaa waxey u baahanayaan waxbarasho gaar ah. Os. 11 Baahi isbedbedasha Baahida loo qabo waxbarashada gaarka ah wey isbedbedili kartaa.Baahidu wey kordhi kartaa haddii u habeynta dugsigu ay ka daraan. Tusaale ahaan haddii uu ardey heli waayo buugaagta la dhegeysto, waxa dhici karta in horumarka maado ee ardeygu hoos u dhacdo – markaa hawlaha waxqabad ee dugsiga iyo filashada ardeyguba hoos ayey u dhacayaan. UT Dugsiyada bilaaba hawlo waxqab oo cusub waxa dhici karta in baahida ey ardeyda qaar u leeyihiin waxabarasho Ardeydu waa iney fahmaan macnaha waxbarasho gaar ah iyo sababta loogu baahan yahey. 1 Opplæringsloven § 5 – 4, annet ledd 2 Udirs veileder for spesialundervisning s.49 Dugsi Rettigheter i skolen s. 12O Ogolaansho waxbarasho loo habeeyey Codso shirka kooxda masuulka oo ey ka soo qeybgelaan maamulaha, macallinka xidhiidhka fasalka, xubin ka socota PPT iyo qof kale oo ka socda spesped. Baadhistii ey soo sameeyeen PPT iyo go’aanka marka ah ayaa aasaas ahaan loo qaadanayaa. Waxqabadyadii ey PPT ku soo jeedisey baadhistooda waa iney noqdaan caawimada uu dugsigu bixin karo iyo waxa uu u habeyn karo ardeyga. Codso in tixraaac (referat) laga qoro shirka. KA S In lagu siiyo waxbarasho loo habeeyey macnaheedu waxa weeye in dugsigu kuugu habeynayo inta xadkiisa ah. Noocyada laguugu habeynayaa waxey ku xidhan tahey waxa PPT sheegeen: Waa muhiim in in diirrada la saaro: Maxaan sameeyaa si aan dugsiga uga codsado si uu u bilaabo waxqabad? T Dhammaan ardeydu waxey xaq u leeyihiin waxbarasho loo habeeyey, hawshana waa in hore1 loo fuliyo. Waxey ku xidhan tahey caddeynta. Ardeyda loo soo diido waxbarasho gaar ah waxa la siinayaa waxbarasho loo habeeyey. (diidmo waxbarasho gaar ah) • Hawlaha waqbad ee uu dugsigu hirgeliyo si laguugu habeeyo waxbarashada? • Saameyn intee le’eg ayey waxqabadadu leeyihiin? UT 1 Opplæringsloven § 1 - 3 Ardeyda dugsigu u sameeyey waxbarasho badan oo loo habeeyey ee aan heysan go’aan ku saabsan waxbarasho gaar ah, waa iney helaan Dysleksi Norge hjelper deg å finne frem! Dugsi qorshe shakhsiyan loo habeeyey. Waxqabashooyin badani waxey u baahan yihiin qorshe fiican. Fiiro Gaar ah: Tani xuquuq ma aha. Haddii aanaad ku qanacsaneyn go’aanka iyo waxa baadhistu ka koobantey, waxa aad codsan kartaa baadhis cusub. Haddii tusaale ahaan aaaney baadhistu waxba ka sheegeyn waxa noqon kara waxbarasho fiican, amaba bixineyn talooyon cadcad oo ku saabsan waxabarasho gaar ah/ wabarasho loo habeeyey, waxa fiican in ilmaha mar kale la baadho. Waxa kale oo fiican in la codsado baadhis kale haddii dugsi dhigashada ama waxbarashada ardeygu helo wax iska bedelaan. KA S Ardeyda la siiyo waxbarasha loo habeyey lagama dhaafi karo in lagu qiimeeyo dhibco, xataa haddii ardeyga la siiyo u habeyn gaar ah oo ku saabsan maadada, marka laga reebo maadada noorwiijiga ee sidemål (norsk sidemål)3. Codso baadhis cusub T Sida ku cad xadka u yaalla waxbarasha loo habeyey lama ogola in ardeyga debeda looga saaro kooxdiisa/fasalkiisa, xataa haddii uu waalidku ogolaansho2 bixiyo. Os. 13 UT Iyada oo aan laheysan go’aan waxbarsho gaar ah waxba lagama bedeli karo waxey waxbarashadu ka koobantey. Taa macnaheedu waxa weeye tusaale ahaan inaan manhajka waxba laga jari karin, xiisadaha lama bedelikaro iwm. Waa maxey fursada dacwo ee aan leeyahey haddii aanaan ku qanacsaneyn waxbarashada ilmaheyga la siiyo? Waxa jira habab badan oo aad mari karto. Habka aad dooraneysaa wuxuu ku xidhan yahey,waxa aanaad ku qanacasaneyn. 2 Udirs veileder om spesialundervisning, s.24 3 Forskrift til opplæringen §3–20 og §3-22 Laga dacwoodo waxbarashada Haddii aad leedahey dugsigu shaqo fiican ma qabto si uu ugu habeeyo waxbarshada, waad ka dacwoon kartaa waxbarashada – ugu horeyn waxaad u dacwooneysaa: Maamulaha – xafiiska dugsiyada ee degmada – gudoomiyaha gobolka – waaxda waxbarashada. Laga dacwoodo go’aanka Haddii aanaad ku raacsaneyn go’aanka la soo gaadhey, waad dacwoon kartaa sida uu dhigayo sharciga maamulku4. 4 Forvaltningsloven Kapittel VI. Om klage og omgjøring. s. 14O Rettigheter i skolen La siiyey waxbarasho gaar ah Go’aanka ku saabsan waxbarashado gaar ah ma aha sida in ardeyga la siiyo waxbarasho keligii ah oo fasalka laga soo bixinayo. Waxbarasho gaar ah qaabab badan ayaa loo bixin karaa: Sida xiisado keli keli ah, xiisado koox ah, sida caawimo dheeraad ah oo fasalka lagu bixiyo iwm. Waa in la sababeeyo sababta waxbarshada gaarka ah sidaa loogu bixinayo. Sababeyntu UT KA S Go’aanka ku saabsan waxbarsho gaar ah waa go’aan mar keliya ah. Go’aanku wuxuu siinayaa xuquuq shakhsiyan ah qofka go’aanku khuseeyo. Haddii Per la siiyo shan saacadood oo waxbarasho gaar ah, saacadahan waxa iska leh Per. Dugsigu kama qaadi karo oo ma siin karo ardey kale. Go’aan mar keliya ahi wuxuu khuseeyaa ardey keli ah, kheyraadka la socda go’aanka waxa iska leh ardeyga. Haddii dugsigu wax ka bedelo waxa PPT u qoondeysey ardeyga, markaa waa inuu dugsigu sababeeyo waxa uu damacsan yahey si uu ardeyga u siiyo IOP waxbarsho fiican oo u Qorshe dhiganta taas oo aan ka yareyn waxbarsho gaar ah. waxbarasho shakhsiyan ah Dugisgu wuxuu u diyaarinayaa IOP ardeyda la siiyey go’aan waxbarasho gaar ah1. IOP waa dukumenti shaqo oo dugsigu ku shaqeeyo waana mid sharci ah. T Hadii PPT ku taliso in loo bilaabo waxbarsho gaar ah, waa in maamuluhu isaga oo metelaya degmada uu soo saaro go’aan mar keliya ah oo ku saabsan waxabarasho gaar ah. Go’aanka marleha ahi wuxuu wax ka sheegayaa tirada saacadaha iyo in waxbarashada keli loo bixiyo ama koox. Go’aanka ku saabsan waxbarashada gaarka ah waxbarashadu waxa ey ka koobantey wax ayaa laga bedeli karaa. 1 Opplæringsloven § 5 – 5, første ledd Dysleksi Norge hjelper deg å finne frem! S P E S I A L U N D E R V I S N I N G kale haddii dugsi dhigashada ama waxbarashada ardeygu helo wax iska bedelaan. Laga dacwoodo waxbarashada Haddii aad leedahey dugsigu shaqo fiican ma qabto si uu u raaco go’aanka, bixineyna waxbarsho fiican oo gaar ah, waad ka dacwoon kartaa waxbarashada. Sidoo kale waad ka dacwoon kartaa waxbarashada haddii aanaad ku qanacsaneyn waxa uu ka kooban yahey qorshaha waxbarasho ee shakhsiyanka ah amaba hadaf gaadhista. KA S Ardeyda qaadata waxbarashada gaarka ah wey dooran karaan in lagu qiimeeyo dhibco (imtixaan) iyo in kale maadooyinka ey ku qaataan waxbarshada gaarka ah2. Markaa waa muihiim in la dareensanaado cawaaqibta ey taasi yeelan karto. War dheeraad ahi wuxuu ku yaallaa bogga 23. Dugsi T waa iney ka midtahey baadhista ey soo sameysey PPT. Haddii waxbarashada gaarka ahi ey ka duwanaaneyso waxbarashada caadiga ah sida tusaale ahaan baaxadda manhajka iyo qeybinta xiisadaha, markaa waa in waalidku ogolaansho bixiyo. Os. 15 Waa maxey fursada dacwo ee aan leeyahey haddii aanaan ku qanacsaneyn waxbarashada ilmaheyga la siiyo? Laga dacwoodo go’aanka Codso baadhis cusub Haddii aanaad ku raacsaneyn go’aanka la soo gaadhey, waad ka dacwoon kartaa sida uu dhigayo sharciga maamulku. Haddii tusaale ahaan PPT ku taliso saacado ka badan kuwa uu maamuluhu go’aamiyey, waa sabab loo dacwoon karo3. 2 Forskrift til Opplæringsloven § 3 - 20 3 Forvaltningsloven Kapittel VI. Om klage og omgjøring. UT Waxa jira habab badan oo aad mari karto. Habka aaa dooraneysaa wuxuu ku xidhan yahey,waxa aanaad ku qanacasaneyn. Haddii aanaad ku qanacsaneyn go’aanka iyo waxa baadhistu ka koobantey, waxa aad codsan kartaa baadhis cusub. Haddii tusaale ahaan aaaney baadhistu waxba ka sheegeyn waxa noqon kara waxbarasho fiican, amaba bixineyn talooyon cadcad oo ku saabsan waxabarasho gaar ah/ wabarasho loo habeeyey, waxa fiican in ilmaha mar kale la baadho. Waxa kale oo fiican in la codsado baadhis Rettigheter i skolen s. 16O Loo sallaxo Imtixaan 12 Dugsi dhigasho fiican macanheedu waxa weeye in ardeydu muujiso waxa ey ku fiican yihiin. In si fiican loo diyaariyo imtixaan qaadista waxey ardeyda fursad u siineysaa si ey u muujin karaan aqoontooda. Waa caadi in ardeyda qabta dysleksi loo diyaariyo si ey u adeegsadaan kombuyuutar uu ku jiro barmaamij kelmadosixid iyo waqtiga oo loo dheereeyo. Waxa kale oo caadi ah in su’aalaha kor loogu akhriyo. Ardeyda aad wax ugu adagyihiin waxa suurtagal ah in ardeyda imtixaanka ku Waqtiga oo la qaataan iskudhaf qoraal iyo afka (muntlig) ah. Mararka qaarkood dheereeyaa waa nooc waxa ardeyda loo ogolaadaa iney imtixaanka ku qaataan iyaga ka mid ah qaababka uga oo ey caawineyso xooghaye (sekretær). Dhammaan ardeyda badan ee imtixaanka loogu habeeyo kuwa heysta ogolaansho waxabarasho gaar ah iyo kuwa aan heysanba – waa in imtixaanka loo diyaariyo. Ardeyda u baahan in imtixaanka si gaar loogu diyaariyo, waa in arrimahooda oo dhan si fiican loogu habeeyo si ey u muujiyaan aqoontooda sida laga filayo aqoonta hadafka maadada. Waxqabadadaas waa in ardeyda loogu habeeyo sida Rektors ugu macquulsan. Sida ardeyda wax loogu habeynayaa waa inaaney noqon kuwa balaadhan oo aan ardeyda u saamaxeyn kontor iney tijaabiyaan hadafyada aqoontooda amaba noqonin kuwa ardeyda kale looga eexanayo1. FG: Meesha qoraal, af,ama gacan wax kaqabasho looga baahan yaheyn hadafdaya aqoonta, la sameyn maayo siyaabo aaney ardeydu ku muujin karin kartidooda – marka habka imtixaanka Codsiga ku saabsan u habeynta imtixaanka maadada loo dejiyey uu yahey hab noocan ah. 9 3 UT KA ST 6 In ardey loo habeeyo imtixaan waxa go’aamin kara maamulaha. Waxa fiican in bilowga sannadka maamulaha loo diro arji ku saabsan in imtixaanka loo habeeyo. Waa in arjiga lagu muujiyo nooca u habeynta ee ardeygu u baahan yahey, waana in lagu lifaaqo baadhista PPT. Go’aanka maamulaha ee ku saabsan u habeynta imtixaanka waa go’aan mar keliya ah. waxa loo dirayaa maamulaha dugsiga, waana in wax kasta la diro bilowga dugsiga. Aalladaha caawimo ee imtixaanka la habeeyey Waaxda waxbarashada ayaa goysa aalladaha caawimo ee la ogolyahey in la adeegsado imtixaanada lagu qaato meelo dhexe (senteralt), halka uu dugsigu goynayo imtixaanada lagu qaato dugsiga. Caadiyan waa la ogolyahey kantaroolida higaada, cod duubis, qaamuus elektaroonik ah meelaha la ogolyahey isticmaalka qaamuuska caadi ah2. 1 Forskrift til Opplæringsloven § 3 - 32 2 Forskrift til Opplæringsloven § 3 - 31 Heshiiska ku saabsan uhabeynta tijaabooyinka/casharada waa inuu ku qoranyahey IOP/ITP. Dysleksi Norge hjelper deg å finne frem! Os. 17 Tijaabo (prøver) Ardeyda loo habeeyo imtixaanka ee uu la qabsiga dugsigu ku adagyahey waa in iyagana loo habeeyo tijaabooyinka. Sida caadiga ah wey adagtahey in la kordhiyo waqtiga tijaabooyinka caadiga ah. Waxyaabaha loo habeynayo tijaabada waxa kamid ah tusaale ahaan in la isticmaali karo kombuyuutar, in jawaabaha tijaabada la akhriyo (la fadhiisto qol gaar ah), ama kor loogu akhriyo su’aalaha iwm. Casharka UT KA ST Ardeyda dugsigu siiyo u habeyno badan, waa in sidoo kale loo habeeyo casharka. Waa in tusaale ahaan ardeygu ku duubi karo casharka cajalad halkii uu ka qori lahaa, isticmaalo PowerPoint , buugaag cod ah iwm. Casharka loo habeeyey wuxuu noqon karaa oo kale: - Macallinka oo casharka far waaweyn ku qora, waxa lagu taliyey in fartu noqoto xajmiga 14 ama kaweyn - Dugsiga/macallinku manhajka si kooban ugu diyaariyo ardeyga - Loo sameeyo qorshe gaar ah oo ku saabsan cashar akhriska - Macallinku u habeeyo casharka isaga oo eegaya habka waxabarasho ee ardeyga Ardeyda ey waxqoridda iyo waxakhrisku ku adagyihiin waa in la siiyo casharo kala duwan oo siinaya tababar si kartidoodu u korodho iyo maadada macluumaadka (informasjonsfag). Tusaale ahaan: Ma aha in ardaygu ku celceliyo akhris marka uu baranayo manhajka tijaabada cilmiga bulsho. Guud ahaan Waxa intaa kor loo qaadayaa habka wax loo qiimeeyo. Mappevurdering macnaheedu waxa weeye in ardeyga la siiyo casharo badan inta sannadka lagu guda jiro kuwaas oo ardey ku dhiirigelinaya madaxbannaani iyo in la horumariyo hawl waqtiga la socota. Qiimeynta hababkan oo kale ah ayaa marar badan la isticmaalaa. Habka ardeyga loo qiimeynayaa waa inuu la socdo qorshaha gaarka ah ee ardeygu leeyahey. Bedelka shaqooyinkii qoraalka ee caadiga ahaa waxey noqon karaan in logg la akhriyo ama mawduuc laga hadlo iyada oo la adeegsanayo PowerPoint ama fiidyow. Tiknoolajiyada cusubi waxey siinayaan fursado badan oo cusub ardeyda ey ku adagyihiin waxakhriska iyo qoraalka si ey u muujiyaan karaankooda. Qiimeynta maadada Dugsigu waa inuu u habeeyo waxbarashada iyo imtixaanka. Hadafku waa inuu ardeygu helo fursad dhab ah si uu aqoon u helo, una muujiso wuxuu fahmey. Markaas marka ardeyga la qiimeynayo ee dhibco la siinayo, markaa loo eegi maayo in ardeyga wax ku adagyihiin. Qiimeynta waxa lagu saleynayaa oo keliya in la gaadho hadafka aqoonta ee qorshaha waxbarashada (læreplanverket)3. 3 Forskrift til Opplæringsloven § 4 - 3 Ogow in uhabeynta ah in ilmaha fasal dib loo celiyo ama manhajka laga yareeyo ey noqoneyso xalka ugu dambeeya! Lama ogola in taas la sameeyo kahor inta aan la tijaabin hawlaha waxqab oo kale oo dhan!. s. 18O Rettigheter i skolen Xaq loo yeesho aallad caawimo iyo aallad waxbarasho Ardeyda ey ku adagyihiin waxakhriska iyo waxqoridu waxey rugta aallada caawimooyinka ka codsan karaan aallad caawimo kombuyuutar. Codsiga noocan ah waa in dugsiga laga soo diro, iyada oo la adeegasanyo baadhista PPT. Codsigu waa sababeynta sababta uu ardeygu ugu baahan yahey aallada caawimo ee la codsanayo. Waa muhiin in la xusuusto in dugsigu saxeexo inuu masuul ka yahey in ardyga la barayo isticmaalka aallada caawimada. ST Aallada caawimo ee ugu muhiimsan ee caadiga u ah ardeyda ey ku adagyihiin waxakhriska iyo waxqoridu waa aallad caawimo kombuyuutar1. Aallada caawimo kombuyuutar ee caadiyan la codsan karaa waa: UT KA Higgaad kaantaroolid (Stavekontroll) • LingDys/LingRight • CD-ord • Textpilot Ku dhawaaqida (Talesyntese) • Votix Budgie Pro Skannerløsninger • C-pen • Superpenn • Optic Slim War intaa kabadan oo ku saabsan aalladaha caawimo ee kala duwan waxaan ka heli kartaa cutubka Hjelpemiddeloversik. Dhammaan aalladaha caawimo ee ardeyda la siiyaa waa shakhsiyan, markaa ardeyda kale ma isticmaali karaan iyada oo aan waalidku u ogolaan. Talesyntese Kombuyuutarka ayuu qoraal ka soo akhriyeyaa Aaladaha caawimo waa qalab u fiican ardeyda ey waxqoridda iyo waxakhrisku ku adagyihiin. Laakiin waa inaan la ilaawin in la isticmaalo qalabka waxbarashada. Waxa jira qalab waxbarasho oo badan oo fiican kuwaas oo isbedel weyn ku sameyn kara horumarka maado ee ardeyga. Masuuliyadda dhaqaale ee qalabka waxbarasho waxey saaran tahey dugsiga. Weydii dugsiga/PPT qalabka waxbarasho ee u fiican inankaaga/inantaada (wiilkaaga/gabadhaada). Dhammaan tixraaca manhaj (pensumlitteratur) waa in cajalad lagu duubo. Masuuliyadu waxey saaran tahey Huseby Kompetansesenter, waana inuu dugsigu meeshaa ka dalbado buugaagta codka ah. Buugaagta codka ahi waxey noqon 1 Folketrygdloven §10–5, §10–6 og §10-7 Dysleksi Norge hjelper deg å finne frem! Os. 19 karaan taageero aad u fiican ardeyda qabta dysleksi. Waa muhiim in ardeyga loo habeeyo dhammaan maadadaha. Waa inaanuu ardeygu ka dhicin maadadaha macluumaadka sababta oo ah u hebeyn la’aan.! FG! Dugsigu ma leh fursad uu ku diidi karo waxqabad sida tusaale ahaan inuu soo kireeyo buugaag cod ah sabab dhaqaale darteed. ST Waa maxey faraqa u dhexeeya aalladaha caawimo (hjelpemidler) iyo aalladaha waxbarasho (læremidler)? Aallad waxbarasho waa waxa aad u adeegsato si aad u dhisto kartidaada asaasiga ah ee waxkhriska iyo waxqorida/ inaad barato waxakhris iyo waxqorid. Aallad caawimo waa waxa aad u adeegsato inaad soo saarto ama fahanto qoraal/ kaa caawinayaa in wax la akhriyo iyo in wax la qoro. UT KA Tusaale: Borogaraam kombuyuutar oo aad u adeegsato si aad u kordhiso xawaaraha waxakhris, ama aad ku tababarato si aad u kala saarto dhawaaqyada erayada taasi waa aallad caawimo, waayo waxa loo adeegsadaa si loo wanaajiyo kartida aasaasiga ah ee waxakhriska iyo waxqorida. Borogaraamku wuxuu ku bari doonaa habka waxakhris iyo waxqorid. Borogaraam kombuyuutar oo aad u adeegsato si aad u akhrido qoraal ama aad u saxdo khalad aad qortey waa aallad caawimo. Borogaraamku wuxuu kaa caawin doonaa habka waxakhris iyo waxqorid. Waa muhiim in faraqa u dhexeeya la ogaado waayo masuuliyada dhaqaale wey qeybsan tahey. Hjelpemiddelsentralen ayaa masuul ka ah aaladaha caawimo, halka uu dugsigu masuul ka yahey aalladaha barbaarinta wabarasho. Rettigheter i skolen s. 20O Muuqaalka aalladaha caawimo Waxa jira qalab waxbarasho oo badan oo fiican oo loogu talogaley ardeyda ey waxqoridda iyo waxakhrisku ku adagyihiin. Shirkadaha qalabkan keena badankoodu waxey boggooda internetka soo geliyaan qeybo bandhig ah, si loo helo fursad loogu tijaabiyo intaan la go’aansan kahor. Waa kuwan aalladaha caawimo ee loogu isticmaalka badan yahey Norway. LingDys iyo LingRight UT KA ST Lingdys waa qalab waxakhris iyo waxqorid oo loogu talogaley dadka la liita waxakhriska iyo waxqorida. Borogaraamku wuxuu si fiican u shaqeeyaa marka la adeegsado Microsoft Word ama OpenOffice Writer. Waxa kale oo la isticmaali karaa Interner Explorer, Powerpoint iwm. Lingdys wuxuu ka koobanyahey higaad kantaroolid si gaar ah loo sameeyey, eray dhameystirid (ordprediksjon), qalab aad ku raadin karto qaamuus elektaroonik ah kaas oo ku siinaya macnaha erayada iyo tusaalooyin, cod aad u fuucan (cod nin iyo cod gabadh), iyo weilba skjermleser oo erayo qoraal ah ka soo akhrinaya dhammaan Windowsprogrammer. Higaad Kaantaroolku wuu tixgelineyaa khaladka ey sameeyaan dadka dysleksi-ga qaba iyo higaada khaldanta lahjad darteed, si sax ah ayeyna u eegeysaa sida ey erayadu isugu xidhanyihiin. Lingdys wuxuu ku shaqeeyaa bokmål iyo nynorsk labadaba. LingRight wuxuu u shaqeeyaa sida Lingdys, marka laga reebo inuu LingRight leeyahey qaamuus noorwiiji-ingiriisi ah iyo qaamuus ingiriisi-noorwiiji ah, higaad Kaantarool loogu talogaley khaladka ey saameeyaan dadka noorwiijiga ah ee leh dysleksi marka ey ingiriisada qorayaan, iyo weliba laba cod oo ingiriisi ah (af-mareykan iyo ingiriisida ingiriiska) Textpilot Textpilot waa qalab dhan oo loogu talogaley dadka ey waxakhriska iyo waxqoridu ku adagyihiin oo ah noorwiiji iyo ingiirisi lana socdaan higaada Kaantaroolid, eray dhameystirid, qaamuusyo iyo hadal (norwiiji iyo ingiriisi) kuwaas oo borogaraam keliya ah. Textpilot wuxuu ku shaqeeyaa inta badan Windows-program sida tekstbehandlere, chat iyo internet. higaad Kaantaroolku wuxuu sixi karaa khaladka weyn ee la qoro wuuna calaamadinayaa markiiba si dhakhso loogu arko oo loo saxo khaladka. Qaamuusyada noorwiijiga iyo ingiriisada ahi waxey sharaxayaan erayada qalaad. Qalabka waxakhrisku (opplesningsverktøy) wuxuu fursad kuu siinayaa in hadal la dhegeysto oo loo keydiyo cod ahaan. CD-ord CD-ORD waxuu kaa caawinayaa inaad waxakhrido oo waxqorto. Waxaad internetka ka akhriyi kartaa qoraal bokmål, nynorsk ama ingiriisi ah, mail amaba wax aad adigu qorto. Markaad rabto inaad wax qorto, waxa uu ku soo jeedinayaa erayga ku haboonaan kara macnaha, wuxuu kaa caawinayaa qoritaanka erayada adadag. Waxaad ku sameyn kartaa liisto erayo maadadeed kuwaas oo kaa caawinaya kuguna dhiirrigelinaya qoraalo maadadeed gaarka ah. CD-ORD waxaad ku sameyn kartaa faylal cod ah, waxyaabo adigu aad iska leedahey iyo isticmaalka skannerverktøy-ga la socda. Dysleksi Norge hjelper deg å finne frem! Xuquuqahani waxey khuseeyaan dhammaan ardeyda, xataa kuwa la siiyo waxbarasho gaar ah: ST Xuquuq waxbarasho bilaash ah1 Xuquuq luqad baris gaar ah dadka leh luqadaha laga tirada badanyahey2. UT KA Xuquuq talosiin – la siiyo talooyink dhinaca bulsho barbaarinta iyo waxbarashada iyo farsamada gacanta ah3. Xuquuq aallado waxbarasho ee nooca afnoorwiijiga aad rabto, haddii aaladaha waxbarasho qeyb fiican ka daboolayaan waxbarashada oo badanaana la adeegsanayo4 Xuquuq in la helo bey’ad dugsi oo fiican dhisme ahaan iyo nafisiyan iyo bulsho ahaanba (http://udir.no/Brosjyrer/Elevane-sitt-skulemiljo/) 1 Opplæringsloven § 2 - 15 og 3 - 1 niende ledd 2 Opplæringsloven § 2 - 8 og 3 - 12 3 Opplæringsloven § 9 - 2 4 Opplæringsloven § 9 - 4 og forskrift til opplæringsloven kap.17. Os. 21 s. 22O Rettigheter i skolen Qaadasho gaar ah dugsiga sare ST Ardeyda wax khaas ahi ku adagyihiin ee loo ogolaadey waxbarasho gaar ah waxey codsan karaan in si gaar loo qaato1 sida ey dhigayaan talooyinka ey soo jeediyeen khoborada baadhista sameysey. Ardeyga lagu qaato shuruud gaar ah wuxuu xaq u leeyahey in la siiyo doorashadiisa koowaad. Faa’iidada ey qaadashada noocan ahi leedahey waxa weeye in dugsigu dareensanyahey iney imanayaan ardey u baahan in loo habeeyo waxbarashada. Ardeyda kala dhantaalan (funksjonshemming), tusaale ahaaan dysleksi waxey xaq u leeyihiin iney waxbarshada dugsiga sare ku isticmaalaan ilaa 5 sanno. 1 Forskrift til Opplæringsloven §6-20 Aqoonta shaqaalaha waxbarashada UT KA Dhammaan waxbarashada waxa hogaaminaya qof buuxinaya shuruudaha aqooneed ee looga baahanyahey. Shuruudahada waxbarasho waa aqoon dhinaca maadadeed iyo barbaarin ah. Qofka masuulka guud saaranyahey iyo waxa kale oo la isticmaali karaa kaaliyeyaal. Wax shuruud ah laguma xidho aqoonta kaaliyeyaasha, maadaama aaney kaaliyeyaashu hogaamineyn waxbarashada. Kaaliyeyaashu waxey caawin iyo waxyaabaha kale ee gacanta laga qabto oo keliya siin karaan waxbarashada. Sidaa darteed kaaliyeyaashu masuul kama noqon karaan waxbarashada gaarka ah1. 1 Opplæringsloven §10-1 og kapittel 14 i forskriften Caawimo lacageed Xuquuqda caawimo shirarka dugsiga 1 Folketrygdloven §6-4 og §6-5 1 Forvaltningsloven §12 Haddii waalidku heysto carruur qabta dysleksi oo u baahan caawimo cashar oo ka badan ta caadiyan loogu talogaley, waxey codsan karaan caawimo lacageed1. Waa inaa idinku si faahfaahsan u sharaxdaan shaqada casharku u baahanyahey. Codsiga waxa loo dirayaa NAV. ee Idinku (waalidka) waxaa xaq u leedihiin inaad cid soo kaxeysataan marka aad shir la leedihiin dugsiga/xafiisyada dawlada1. Si fudud ayaa loo dareemi karaa in la iska kaa indhotirey shirarka kooxda masuulka (ansvarsgruppemøte). Marka dad badan oo aqoon lehi dugsiga ka socdaan waalidku wuxuu dareemi karaa keli iyo awood la’aan. Waxa fiican in cid la soo kaxeysto si aad u hesho caawimo haddii aad rabto inaad su’aalo weydiiso ama warbixin wax ku ool ah aad dugsiga siiso. Dysleksi Norge hjelper deg å finne frem! Os. 23 Doorashada dugsiga aasaasiga ah iyo raadka uu ku yeelanayo shahaadada UT KA ST Waxyaabaha aad doorato dugsiga aasaasiga ah waxey raad ku yeelanayaan shahaadada – waxbarshadaada dambe iyo shaqada – iyo mushaharka. Waajib ayaa dugsiga ka saaran inuu bixiyo macluumad ku saabsan raadadka ey yeelan karto, laakiin nasiibdarro sidan inta badan lama sameeyo. Tusaale ahaan wax lagaa dhaafey ayaa keeni kara inaan lagu siin shahaado xirfadeed, ama dhaafis keeni karta in aanad jaamacad gelin. Ka cafin natiijo Ardeyda la siiyey ogolaansho mar keliya ah oo ku saabsan waxbarasho gaar ah1 haddii waalidku u doorto waa laga dhaafi karaa in dhibco lagu qiimeeyo maadadaha lagu siiyey waxbarasho gaar ah . Waxa markaa shahaadada loogu qorayaa ka qeybqaatey“D” , markaa maadadan lagu dari maayo celceliska ardeyga. Maadada lagaa dhaafey in dhibco lagugu qiimeeyo, imtixaan u geli meysid. Dyleksi Norge waxey ardeyda waxakhriska iyo waxqoridu ku adagyihiin kula talineysaa inaaney iska dhaafin in dhibco lagu qiimeeyo koorasyada aasaasiga ah (grunnkurs) ee khasabka ah dugsiga sare, laga reebo haddii aaney AAD lagama maarmaan u aheyn in la dhammeeyo: xisaabta, ingiriisida iyo noorwiijiga. Sidoo kale maadadaha xirfada waxa looga baahanyahey shuruud maadadahan ah. Ingiriisi Dyleksi Norge waxey ku talineysaa in aaney ardeyda qabta dysleksi in alla inta suurtagalka ah iska dhaafin in la qiimeeyo aqoontooda luqada ingiriisida. Waxa dhici karta in xal loo arko laakiin saameyn weyn ayey ku yeelan kartaa mustaqbalka. Tusaale ahaan haddii ardeyga laga dhaafo dhigashada ingiriisida ee dugsiga aasaasiga ah marka dambe ayey saameyn ku yeelaneysaa. Ingiriisidu waa khasab dhammaan koorasyada aasaasiga ah (grunnkurs) dugsiga sare. Ingiriisidu sidoo kale waa luqad aad muhiim ugu ah bulshdada maanta. 1 Forskrift til Opplæringsloven § 3 - 20 Dysleksi Norge Ma heshey? Daabacaadda 1 Oktoobar 2010 Mashruuca waxa lacag dheeraad ah ku caawiyey ExtraStiftelsen Helse og Rehabilitering DYSLEKSI NORGE Pb 8731 Youngstorget, 0028 OSLO [email protected] / www.dysleksiforbundet.no Tlf: 22 47 44 50 (FG! Telifoonkan waxa jooga dad ku hadlaya noorwiiji iyo ingiriisi keliya)
© Copyright 2025