Daryeelka qoyska Xafiisyada daryeelka qoysasku waxa u adeegaan amma gargaaraan labada qof ee wada nool amma is qaba, qoysaska iyo qofka kalidii ah marka dadkaa dhibaato kaga timaado dhinaca wadanoolaashaha amma wadadhaqanka. “Waalidiin is ku kalsoon baannu noqonnay bulshada Norge dhexdeeda” Warsame iyo Idil “Imika si fiican baannu is ku fahamnaa” Waris Sirtaada cid kale loo ma sheegi doon U ma baahnid in Xafiis kale noo Kaa soo gudbiyo Bilaash baa lagugu gargaarayaa Waa Maxay Daryeelka Qoysku? Xafiiska daryeelka qoyska waxa uu gargaaraa dadka is qaba ee dhibaatooyin kala duwan oo la xidhiidha dhinaca wadanoolaashu ka dhex ooganyihiin. Gargaarkaasi na waa mid aanan lacag lagaga doorsanayn. Xafiiska kugu dhaw baanad toos u la xidhiidhi kartaa adiga oo aan cid kala u soo marin. dad bartay cilma nafs iyo kuwa bartay sida looga horteg dhibaatooyinka ijtimaaciga ah oo aqoonkorrodsi ku qaatay maddadda gargaarka qoyska. Shaqaalaha xafiisku waxa ay dhammaantood saxeexeen heshiis ay ku ballanqaadayaan in aanay sirahaaga cid kale u gudbin. Xafiiska daryeelka qoysku waxa laga fuliyaa waano iyo wadashaqayn lagaga hortegayo khilaaf iyo dhibaatooyin ka dhex dhaca qoyska. Dadka intooda badani waxa ay xafiiska yimaadaan wadahadal la xidhiidha dhibaatooyinka dhaca waayaha joogtada ah. Waxa xafiiska ka shaqeeya Xafiiska daryeelka qoysku waxa uu qaabilaa qof kali ahaan ugu yimaada, aabaha iyo hooyada iyo carruurtooda – iyo sidoo kale carruurta iyo dhallinyarada. Xafiiska waxa aad ku la soo xidhiidhi kartaa telefoonka amma epost. Ayaa loogu tala galay? Dadka wada nool ee aan is qabin na, imika waa la dhexdhexaadiyaav Maxaa dadka loo qabtaa? •Guurka dirqiga ah iyo caadooyinka caafimaadka u daran Waano iyo wadahadal Xafiiska qoysku waxa uu la kulmaa oo uu gargaaraa dad marxalado ka la duwan guurka iyo nolosha kaga jira: •Gargaar loo fidiyo waaliddada iyo carruurtooda kolka jidhdil meesha yimaado •Laba qof oo doonaya in ay wax ka qabtaa xidhiidhkooda •Laba qof oo guurkoodu cusubyahay ee doonaya in isbaddalka nolosha ay la socdaan oo ay mas´uuliyad qaadaan, daryeel na la yimaadaan •Waalidiin, carruur iyo dhallinyaro ay dhibaato ka haysato wadanoolaasha qoyska • Dhibaatada ka timaada jiilalka ka la duwan • Sidii looga soo kaban lahaa burburka qoyska •Gargaar loo gaysto waalidiinta ka la tegay, si wadashaqayn fiicani u dhexmarto •Dhibaatooyinka ka dhashay carruurta dadka is qabaa mid ba gaar u leeyahay iyo kuwa ay wada leeyihiin •Haddi xanuun jiro qoyska dhexdiisa iyo haddii geeriyi ku timaado •Waxkaqabadka isafgaranwaaga ka dhasha dhaqanada qoysaska ee ka la duwan •Labada qof ee labadu ba lab amma dhedig yihiin ee wada nool amma is qaba na sida dadka kale ayaa loo gargaaraa Dhexdhexaadin marka laba qof kala guurayaan amma is furayaan Xafiisyada qoysasku waxa ay fuliyaan dhexdhexaadis qaanuunku qasab kaga dhigay kolka laba qof oo is qaba, leh na carruur da´doodu ka yar tahay 16 sano, ka la guurayaan. Labada qof ee wada nool, se aan is qabini, kolka ay xidhiidhkooda soo afjarayaan, waa in ay xafiiska tegaan si loo dhex galo, si ay u helaan lacag siyaada ah oo carruurta lagu gargaaro. Waalidiinta maxkamadda is la mara ee u la tega arrimo ku sahabsa meesha carruurtu deganaanayso, cidda ay la deganaanayaan iyo qeexidda mas´uuliyadda waalidiintu, waa in iyaguna xafiiska ay u tegaan si loo dhex galo. Ujeedada dhexdhexaadintu in qoysaska la gargaaro kolka ay ka la qoranayaa ballamo ku sahabsan mas´uuliyadda waalidka iyo xaalka carruurta. Koorasyo iyo kulan kooxeed Xafiisyada qoysaska inooda badani waxa bixiyaan koorasyo iyo kullanno loo qabto kooxo oo taabanaya mowduucyo ku sahabsan qoysaska iyo wadanoolaashaha. Koorasyadaa waxa ka mid ah kuwo ka hadlaya wadanoolaashaha, labada qof ee ilma ugu horeeya dhalay ee isku cusub, waalidiinta haysta carruur caafimaadkoodu ka la dhantaalanyahay, carruurta iyo waalidiinta kolka qoysku burburo jidhdil na meesha jiro. Dhinaca wargelinta Xafiisyada daryeelka qoysasku wax ay sameeyaan warbaahin iyo waxbarasho ku sahabsan qoyska iyo wadanoolaashaha. Waxa na loogu talagalay shaqaalaha dawladda, jinsiyadaha ku nool Norge qaarkood, saxaafadda iyo mediyada kale, goobaha carruurta lagu xannaaneeyo, dugsiyada iyo kooxa takhasuska. Xafiisyada daryeelka qoysaska waxa kale oo ay talooyin siiyaan kooxa takhasuska leh, waxa na ay wadashaqayn la leeyihiin bii´adaha la sheqeeya qoysaska, korsiinta carruurta iyo dhalinta, iyo kuwa ku hawlan mawduucyada la xidhiidha wadanoolaashaha. Waxa kale oo ay dadka ka gargaaraan dhinaca turjumaadda. Xafiiska qoyska ee degmadaada qaabilsan waxa aad ka helaysaa halkan: www.bufetat.no/familievern Daryeelka qoysku waa qayb ka mid ah hey´adda arrimaha carruurta, dhalinyarada iyo qoyska (Bufetat). Maaraynta carruurta, dhalinyarada iyo qoyska (Bufdir) Tlf.: 46 61 50 00 E-post: [email protected] Barne-, ungdoms- og familiedirektoratet (Bufdir) Postboks 8113 Dep 0032 Oslo Besøksadresse: Universitetsg. 7/Stensbergg. 25 Tlf.: 46 61 50 00 E-post: [email protected] Bufetat Region sør Postboks 2403 3104 Tønsberg Tlf.: 46 61 50 00 E-post: [email protected] Hey´adda Qoyska Gobolka Bari Bufetat Region øst Postboks 7024 St. Olavs plass 0130 Oslo Hey´adda Qoyska Gobolka Dhexe Bufetat Region Midt-Norge Nordreg. 12, 2. et. 7495 Trondheim Tlf.: 46 61 50 00 E-post: [email protected] Hey´adda Qoyska Gobolka Galbeed Hey´adda Qoyska Gobolka Woqooyi Bufetat Region vest Postboks 6200 5893 Bergen Tlf.: 46 61 50 00 E-post: [email protected] Bufetat Region nord Betongveien 2 9509 Alta Tlf.: 46 61 50 00 E-post: [email protected] Daryeelka qoysku waa qayb ka mid ah hey´adda arrimaha carruurta, waxa loo xilsaaray daryeelka carruurta, daryeelka qoyska iyo sooqaada- dhalinyarada iyo qoyska (Bufetat). Hey´addu waxa ay hoos timaadaa shada carruur dad kale dhaleen (adopsjon) oo intu ba heer qaran yihiin. Maaraynta arrimaha qoyska (Bufdir). Gobol walba (fylke) waxa ku yaalla xafiiska daryeelka qoyska. Intooda badan na dawladda ayaa mas´uul ka ah, qaar na waxa ay hoos yimaadaan Hey´addu dadka ay u adeegto waxa ay u fidisaa gargaar waxa ay na siisaa kaniisadda. Dhammaan waxa ay hoos yimaadaan (Bufetat). Kuwa kani- wargelin waxku´ool ah meel ay dalka ka joogaan ba. (Bufetat) waxa ay isadda hoos yimaadaa waxa ay xubno ka yihiin Daryeelka Qoyska ee Kani- laamo ku leedahay shan gobol, iyada oo hoos timaada Maaraynta(Bufdir), isadda (KF). Adeega ku aadan daryeelka qoysku waxa uu ku salaysanyahay tani na hoos timaado Wasaaradda Carruurta iyo Sinnaanta (BLD). (Buetat) xeerka xafiisyada daryeelka qoyska.
© Copyright 2025