PORTLAND PUBLIC SCHOOLS Tala Bixinta Waalidka • 2014-15 Diyaar ahaanshaha Jaamacadda iyo Shaqada: Heerarka La raaco ee Gobolku Dejiyay “Common Core State Standards” iyo imtixaanaadka cusub ee gobolka Dugsiyada Dadweynaha Portland wuxuu xoogaa saaraa guusha ardayda iyo u diyaar garaynta dhammaan ardayda ee jaamacadda iyo xirfadda ee dhaqaalaha dunida. Heerarka waxbarasho ee la dejiyay waxay taageero ka geysataa samaynta meel la hiigsado si guul loo gaari karo iyo imtixaan cabiraya sida fiican ee ay ardaydu u buuxinayaan gaarida meesha loo dejiyay. Waxa la filayo 2014-15-ka: • • Nidaam cusub oo waxbarid oo taageera heerarka cusub ee la dejiyay: Dhamaan dugsiyadu waxay baranayaan nidaam waxbarid si ay u taageeraan Heerarka La raaco ee Gobolku Dejiyay “Common Core State Standards”ee xisaabta iyo Xirfaddaha Luqadda Ingiriiska, ee PPS bilowday in ay dhaqan galiso 2011-kii. Imtixaanaadka cusub: Xilligan gu’ga ah, ardayda PPS ee fasalada 3-8 iyo 11 waxay gali doonaan imtixaanaadka cusub ee gobolka ee xisaabta iyo Xirfaddaha Luqadda Ingiriiska. Qiimaynta Dheeli tiran ee Wanaagsan “Smarter Balanced Assessments”, waxay beddeli doontaa Qiimaynta Aqoonta iyo Xirfaddaha Oregon ee imtixaanaadka xisaabta iyo Xirfaddaha Luqadda Ingiriiska ee maadooyinkan. (Imtixaanada saynisku way isbeddeli doonaan marka heerarka cusub ee la dejiyay ee sayniska si buuxda loo dhaqan galiyo.) (Fiiri dhanka kale) Heerarka La raaco ee Gobolku Dejiyay “Common Core State Standards” Heerarka La raaco ee Gobolku Dejiyay (CCSS) waxa dejiyaan waxa ay tahay in ardaydu ogaato sidoo kale awoodaan in ay qabtaan fasalada waxbarasho ee kasta ee K-12 marka laga hadlayo Xirfaddaha Luqadda Ingiriiska iyo xisaabta. Oregon waxay qabatintay heerarka la dejiyay 2010-kii. PPS waxay bilowday in ay dhaqan galiso 2011-12-kii. Sidee ayay heerarkani la dejiyay ay kuwii hore uga duwan yihiin? Oregon waxay sanado badan lahayd heerar waxbarasho oo la dejiyay. Si kastaba ha ahaatee, heerarkii hore si sax ah ardayda uguma diyaar garaynaynin dhaqaalaha dunida ee sida degdega ah isku beddelaya iyadoo arday badan u baahan yihiin casharada xanaanada ee jaamacadda, iyadoo dib u baranaya maadooyinkii ay ahayn in mar horeba heer sare kaga gaaraan dugsiga sare. Xisaab Saynis M4. Adeegsiga S1. Waydii wixii su’aalo ah & qeex tusida xisaabta dhibaatooyinka jira S2. Samaynta iyo isticmaalka M2. Sabab u yeelida fikir ahaaned & xisaab S3. Qorshaynta iyo samaynta baaris qaababka kala duwan ahaaneed S4. Baarida & turjumaada xogta S5. Isticmaalka xisaabta & xalinta dhibaato M6. Sax ahaanshaha jirta S6. Samaynta hab wax loo sharxo & M7. Raadinta & isticmaalida qaab jira qorshaynta xal u helid E2. Dhisida aqoon adag iyadoo la isticmaalayo M8. Raadinta & qeexida caadi qoraalo qiimo badan ahaanshaha fikir soo E5. Akhrin, qorid, iyo hadal ku salaysan xaqiiqo noqnoqda S8. Macluumaad M3 iyo E4. Dhisida dood shaqaynaysa & helida, qiimaynta & E6. Isticmaalka qiimaynta sabab u yeelida dadka kale wada xiriirka tiknoolajiyada & S7. Ka qayb qaadashada dood ee warbaahinta qorshe E3. Helida, isku keenida, iyo xaqiiqada la eegayo ahaan & awood ahaan si cad iyo hab saamayn leh u helida warbixin iyadoo jawaab ay M5. Qorshe ahaan u tahay hawl la qabanayo iyo ujeedo la isticmaalada nidaamka saxda ah leeyahay M1. Layliyada macnaha sameynaya iyo sii wadista xallintooda E1. Soo bandhiga kali ahaansho ee akhrinta buugaga adag, iyo qoraalada, iyo Xeerarka cusubi ee la dejiyay waxay riixeen qoridda iyo ka hadalkooda maadooyinka qaarkood - sida fikraddaha E7. Fahmida dhinacyada kale & dhaqamada iyadoo la isticmaalyo wax xisaabta aljabrada - iyagoo gaarsiiyay akhris, maqal, iyo wada shaqayn heerarka waxbarasho ee fasalada hore si Luqada Ingiriiska Waxay ku saleysan yihiin shaqada ay ardaydu ugu diyaar garoobaan shaqada ay qabatay Tina Chuek ell.standford.edu waxbarasho ee dhibcaha lagu helayo ee ay ardaydu ka qabtaan jaamacadda. Sidoo kale waxay muhiimad gaar ah siisaa maadooyinka kale sida buugaagta aan beenta ku dhisnayn “non-fiction” – si ay si fiican uga turjumaan xirfaddaha looga baahan yahay jaamacadda iyo shaqooyinka. Heerarka La raacayo ee La dejiyay “Common Core” sidoo kale waxaa ka mid ah dabeecadaha maskaxeed ee dadka waxbarta ee guusha gaara. Ficiladani waxay taageeraan xirfaddaha fikir ee muhiimka ah ee khuseeya meelo badan oo ka mid ah barashada, shaqada iyo xaaladaha nololeed. (Fiiri sawirka midigta) Heerarka la dejiyay macalimiinta ma u tilmaamaan waxay ay dadka barayaan? Maya, Heerarka La raaco ee Gobolku Dejiyay “Common Core State Standards”, tusaale ahaan, wuxuu oranayaa in ardaydu ay awoodaan in ay baaraan buug ayna isticmaalaan tusaalooyin laga soo guuriyay buug si ay u soo bandhigaan siday wax u fahmeen. Dugsiyada Dadweynaha Portland ayaa go’aamiya qalabka wax lagu barto ee macalimiintu ay isticmaali doonaan sidoo kale macalimiintu waxay la yimaadaan khibradooda iyo fikradahooga gaarka si ay u soo jiitaan ardaydooda. Sideen u taageeri karaa horumarka ardaygayga ee dugsiga? Ilmahaaga ka taageer in uu aado dugsiga oo uu qabto shaqooyinka loo soo diro. Haddii ay suuragal tahay, waxaad fiirisaa magacalinka ardayga si aad u ogaato halka uu ilmahaagu marayo iyo nooca taageerada dheeraadka ah ee laga yaabo in uu u baahan yahay. Kulanada Waalidka/macalinka ee Oktoobar waa fursad muhiim ah si aad u hesho macluumaad cusub oo ku saabsan horumarka ilmahaaga. Haddii ay ilmaha ku adag tahay waxbarashadu, macalinka waydii in ay jiraan barnaamijyo kale oo degmadu leedahay ama dad takhasus leh oo caawin karaa. Dugsiyada Dadweynaha Portland mid taageera dadka laga tirada badan yahay shaqo bixiye loo wada siman yahay. Qiimaynta Isku dheeli tirka Wanaagsan “Smarter Balanced Assessments” Imtixaanada cusub ee gobolku miyay la socdaan heerarka cusub ee la dejiyay? Haa, PPS – iyo dugsiyadu ku baahsan Oregon – waxay xilligan gu’ga ah ka wareegi doonaan imtixaanaadka Qiimaynta Aqoonta iyo Xirfaddaha Oregon (OAKS) iyagoo aadaya Qiimaynta Isku dheeli tirka Wanaagsan “Smarter Balanced Assessments”, oo loo qorsheeyay in uu cabiro haddii ardaydu ay baranayaan heerarka cusub ee la dejiyay. Ardayda fasalada 3-8 iyo 11waxay xilligan gu’ga gali doonaan imtixaanaadka cusub ee xisaabta iyo Xirfaddaha Luqadda Ingiriiska. Waalidiintu waxay heli doonaan macluumaad wakhti ku dhow marka imtixaanaadka la galayo. Imtixaanaadka cusubi ma kuwo adagbaa? Imtixaanaadka Isku dheeli tirka Wanaagsan “Smarter Balanced” waxaa suuragal ah in ay bilowga u muuqdaan kuwo adag sababtoo ah imtixaanaadku waxay dhaafsiisan yihiin kala doorashadii su’aalaha la kala dooranayay. Imtixaanaadku waa macluumaad la isdhaafsanayo iyo ka qayb-galin - iyadoo la isticmaalayo fiidiyoo gaaban iyo qoraalo, tusaale ahaan soo bandhigaya su’aalo kala dhiman oo ardaydu iyagoo kambituuyarka isticmaalaya ay ka jawaabaan. Waxyaalaha ay u baahan yihiin iyo taageero sax ah ayaa la siiyaa ardayda baranaysa Ingiriiska iyo/ama leh baahiyo kale oo gaar ah. Dhibcaha la keenayo ee imtixaanaadku waxay u badan tahay in ay hoos u dhacaan ilaa ay ardayda iyo macalimiintu ay isku dheeli tiraan imtixaanaadka cusub maahane. Si kastaba ha ahaatee, imtixaanaadku waa hab muhiim u ah kordhinta guul gaaridda ardayda isagoo ardayda ka caawinaya in ay diyaar u noqdaan jaamacadda iyo shaqooyinka. Sidee ayaa imtixaanaadka cusub loo qiimeeyaa? Ardaydu kuma dhacaan in ay buuxiyaan, heerkii loogu tala galay, ama kama kor maraan qiyaastii loo qabtay, sida loo sameeyay imtixaanaadka OAKS. Laga bilaabo hada, dadka imtixaanka sameeya waxay marti qaadaan bulshada - sida dadka barayaasha ah iyo maamulayaasha ganacsiga - si ay u qiyaasaan sida u saraysa ee arday ay tahay in uu keeno dhibcaha “gaarida heerkii loogu tala galay” iyo “ka kor maro” qiyaastii loo qabtay. Maxaa dhacaya haddii ardaydu ku dhacaan in ay gaaraan qiyaastii loo qabtay? Fasalada 3-8, natiijada arday ee imtixaanaadku waxay macalimiinta iyo waalidka ka caawisaa in ay ogaadaan meelaha ay tahay in arday uu culayska saaro iyo haddii ardaygu oo ku taagan yahay jidkii buuxinta Xirfaddaha Muhiimka ah ee gobolku uga baahan yahay qalan jabinta marka ay gaaraan dugsiga sare. Ka qaadida imtixaanaadka laga qaadayo fasalada hoose waxay ardayda fahamsiisaa imtixaanaadka. Marka ay gaaraan dugsiga sare, ka dib waxay awoodaan in ay galaan imtixaanka gobolka si ay u muujiyaan wixii ay ka barteen ee ay mutaysteen shahaadadoodii dugsiga sare. COMMO N Ilaha jira iyo isku xirka • Website-ka Heerarka La raacayo ee La dejiyay ee“PPS Common Core” www.pps.net; raadi halka ay ku qoran tahay “Common Core,” Fiiri meelaha laga sii geli karo ee ay ku qoran yihiin: ›› Heerarka la dejiyay laftooda. ›› Waxyaalaha ay waalidku isticmaalaan oo ku qoran Ingiriisi iyo Isbaanish. ›› Yaraynta waxyaalaha laha aaminsan yahay ee ku saabsan Heerarka La raacayo ee La • dejiyay “Common Core”. Isku dheeli tirka Wanaagsan: ›› Waxyaalo dheeraadka ka ogow: www.smarterbalanced.org/smarter-balancedassessments • Tusaalooyinka imtixaanaadka: • Hadalada ay ardaydu yiraahdeen: Fasalada PPS ee 3-aad iyo 4-aad ee qaatay Isku dheeli tirka Wanaagsan “Smarter Balanced”.: ›› www.smarterbalanced.org/sample-items-and-performance-tasks “ “ Wuu xiiso badnaa; waxaan akhrinay waxyaalo kala duwan anagoo samaynay curis. ” Waxaan jeclahay kambiyuutarka gacanta lagu shaqeeyo halkii aan warqad ka buux buuxin lahaa. “ ” Waxay ahayd mid aad u dheer aad baanan u shaqaynay. Waxay kaa dhigaysaa qof maskax fiican markaad aad u shaqayso. “ ” Imtixaanka cusubi waa mid fiican sababtoo ah waa in aan kambiyuutarka gacanta ku shaqayno, anagoon kaliya buuxinaynin warqaddo. “ ” Macalimiinta waa in ay baraan xirfaddaha kambituurka gacmaha loogu shaqeeyo carruurtuna waa in ay ku tababartaan sida kambituurka gacmaha loogu shaqeeyo. ” DARDS AN Natiijooyinku waxay sidoo kale masuuliyiinta gobolka iyo federeelka ka caawiyaan in ay go’aan ka gaaraan haddii dugsiyada iyo dugsiyada degmadu ay buuxinayaan baahiyaha waxbarasho ee dhamaan ardayda. Tani waa hal sabab oo ah waxa ay muhiim ugu tahay RE STATE ST CO dhamaan ardaydu in ay galaan imtixaanaadka. Gobolku wuxuu qaabeeyaa heerka guud ee uu dugsi taagan yahay haddii wax ka yar 95 boqolkiiba ardaydu galaan imtixaanaadka fasalada kasta ee la gali karo.
© Copyright 2025