trivselregler somaliska på Risbroskolan

KUSAABSAN SHURUUCDA RISBROSKOLAN
Sanad dugsiyeedka - 2012-2013
♦
JACEL BILOWGA DHISMAHA
♦
AALADA TAAGEERTA
♦
GAARIDA AQOONTA
Sharciga Aan ku wada shaqeyn laheyn
Risbroskolan qof kasta waa in uu dareemaa nabad iyo amni
-
waxaan si toos ah ooga hor tagnaa nooc kasto oo dhibaateyn ah, Handadaad,
rabsheeyn iyo go’doomin ama dadka ka dhax bixid.
Anaga ahaan Risbroskolan waxaan dhaxdena iskula dhaqanaa
xushmad ‘ula dhaqan dadka sida aad jeceshahay in naftada laguula
dhaqmo”
Dhiiri galinta uu I siiyey Risbroskolan waxeey I galisay geesinimo ah
In aanan ku dhiiran in aan qof kale ama sxb ku dhihin wax xun am xaasidnimo
ah.
Rosbroskolan ahaan waxan qaaday masuuliyad ah
-in aan ahaado qof wakhtigiisa ku taagan, aniga iyo shaqaalaheeyga, qabano
shaqada noo taalo, aan dhibin xiisadaha, aan ku hadlo luuqad aan ku jirin
dhaar iyo Hadal xun oo ceeb ah.
Risbroskolan waxaan u ahay Wehel daacad ah oo lagu kalsoonan
karo
-waxaan ku hadalaa runta, waxaan ula hadlaa si wanaagsan dadka, waxaan
ku dhiiradaa in aan ka raaligiyo khaladkeyga hadii aan hadal xun dhaho
Risbroskolan ahaan waxaan nagu jiro dareen ah
-in aan nahay dad isku xiran is caawiyo midba midka kale, halkuna la mid
yahay kuli, kulina la mid yihiin hal,
Risbroskolan ahaan waan ku faraxsanahay schoolkeena
- waxaan ka ilaalinaa in aan ku falaado jajabiyo wax kasta, aanan qashin ka
buuxin, ilaashado school-books keyga iyo qalabkeyga
WAKHTIGA BAREEGA:
• Xiliga lagu jiro bareega, waxaad banaanka u joogtan in aad heshaan
hawo fiican soona soc socotaan.
• Fadlan horay usoo qaarta khudaarta- waxeey kusiineysaa tamar( ama
awood fiican)
• Nac Naca ama wax yaalaha mac macaan cun xiliga aad firaaqada
leedahay- macaanka badana ma fiicno.
KUSOCTO KANA SOCOTO SCHOOL-KA.
• Kasoo Lugee ama soo wado mooto wakhtiga wanaagsan si aadan usoo
uga soo daahin school-ka.
• Marka aad school-ka imaatid dhig mootada meesha mootooyin-ka ee
banaanka guriga jaalaha soona xir.
• Xasuunoow waa in aad xirataa Helmet( ama difaaca loo xirto marka
lawadayo mootada)- waa muhiim sharci ahaan.
• Hadii aad ka durugsan tahay school-ka kaga soo tag baabuurkaga
meesha la dhigto baabuurte ee Fagersta Hallwhen xaga ayaa jaam yar
ama mashquul yar.
• Ha ka bixin xerada school-ka ilaa aad ka heshid ogalaansho macalimkaga
ah in aad bixi kartid.
• Waxaa masuul kaa ah school-ka marka aad kasoo tagtid guriga
subaxii ilaa aad kaga noqoneysid marka school-ka laga baxo.
HADII AAD XANUUNSAN TAHAY
•
Waalidkaa hala soo xaroo school-ka subaxii hana u sheegan
maqnanshaga.
• Hadii aad leedahay cunto qaadasho nidaamsan waa in eey waalidkaa
soo wacaan Alpha School Kitchen numberka -44421st
•
Hadii aad mar mar xanuunsatid laakin aad leedahay a wood yar
waalidkaa weey imaan karaan school-ka kuuna soo qaadi karaan
waxii aad qaban laheyd.
WADADA YAR IYO GALAASKA.
• Waa in aad surtaa jaakeedkaga ama koofiyadada meesha dharka la
surto ama la gashto ee ku taalo galaas-ka dibadiisa
• Ciyaarida kubada ama ciyaaraha kale waxeey la xariiran wakhtiga
bareega markastana waxa lagu dheelaa banaanka –marna laguma
dheelo gudaha.
• Marka aad soo gashid galaaskaga, si toos ah u aad kursigaga- waxaa
bilabanayo xiisadaha
• Hadii aad u baahan tahay in aad ka baxdid galaaska wakhtiga xiisada
socoto, weeydiiso macalimkaga fasax.
• Hadii aadan xiisada gudaheeda si wakhti leh waxii lagaa rabay u
qaban weydo, u sharax malicmka sababta.
• Galaas-ka gudahiis, ha buuqin hana sameyn wax dhib ah, hadii aad
rabtid in aad wax dhahdid ama wax caawisid gacanta taago
• Hadalka badan ee aan muhiimka aheyn iyo iska or orodka waa
xaasidnimo markastana waxeey dhibeeysaa dadka kugu dhaw.
XAGA CIYAARAHA.
• Waxaad xiiso ku leedihiin Fagersta / Risbrohallen xiisadaha qaarna Per
Olshallen.
• waxaad markasta ahaataan diyaar marka uu galas-ka bilaabo
madadaalada.
• Si aad markasta u ahaatid nadiif nafsadada qabeeyso ciyaarta kadib
Sidaas owgeed ha soo ilaabin shukumaankaga.
• Hadii aad heeysatid wax muhiim kuu ah – u dhibo macalinkaga
ciyaarta inta lagu jiro xiisada.
HADII AAD RABTID IN AAD MAQNAATID.
•
Waa in aad u qortaa warqad codsasho maqnaansho macalinkaga
kadibana aad u qaadataa guriga si loo soo saxiixo.
• Codsiga macnaaqshaha sidoo kale waxaad ka heli kartaa aalada
internet-ka oo lagugu diyaariyey website-ka school-ka.
• Macalimkaga waxuu kusiinaa karaa ila 5maalmood oo fasax ah, fasax
qaadashada maqnaanshaha waxad sidoo kale u baahan tahay
ogalaanshaha madaxa school-ka.
• Soo gudbiso codsigaga maqnaanshaha ah wakhti hore- ugu yaraan 10
maalmood ka hor
ADEEGA SCHOOL-KA EE XAGA CAAFIMAADKA.
•
Kal kalisadu waxeey school-ka joogtaa Risbro Talaado iyo Arbaco
08:30 ilaa 13:00.
•
Kal kaalisada school-ka waxeey kuula diyaar tahay talooyin ku saabsan,
Caafimaadka oo eey kaala taliso,talaalka, Imtaxaanaadka caafimadka iyo
daaweeyn caafimaad oo iska fudud.
RISBRO MARKASTA WAXUU KUU YAHAY SAAXIIB
WANAAGSAN