Qofkaaga deggan guri kiro ah

Qofkaaga deggan guri kiro ah
Ku soo biir Ururka kireystayaasha (Hyresgästföreningen)
Af-soomaali
Ammaan iyo saamayn
Adigoo garabsanaya Ururka kireystayaasha waxaad ka qaybgeli kartaa oo samayn ku yeelan kartaa wax badan la xiriira
degganaanta. Sida dhibaatooyinka ay mid yihiin qolka
dhar-mayrista iyo heshiiska kirada la buriyo ama laga noqdo. Arrimaha fudud waxaan si wadajir ah toos ugu xallin
karnaa telefoonka. Haddiise loo baahdo waxaan ku matali
karnaa haddii maxkamad la isla tago.
Iyadoo ku xiran qofka aad tahay ayuu micna badan oo la
xiriira xuquuqda kireysashada aad u kala geddisnaan karaa.
Dadka qaar waxay ku qancaan oo keli ah ka helitaanka
guriga meesha qaar kale ammaanku door weyn u ciyaarayo.
Haddii aad haysato carruur yaryar waxaa laga yaabaa in
barxadda carruurta ku ciyaaraan ay micnaha ugu sameyneyso.
Ururka kireystayaashu waxay si fiican
u yaqaaniin sharciga
Ku soo dhoweyn xubinimo aad u wanaagsan –
waxyaalo badan oo isugu jira caymisyada iyo tigidhada
shaneemada. Ka faa’iideyso adeegyada aan ku leenahay www.hyresgastforeningen.se
Ururka kireystayaasha iyo internet-ka
Bogga internet-ka ee Ururka kireystayaasha
waxaad ka heleysaa jawaabaha su’aalo badan oo
la xiriira degaankaaga. Bogga taariikhda waxaad
ka ogaaneysaa waxyaalaha xaafaddaada ka dhici
doona. Haddii aad dooneyso inaad u hawlgasho
meesha aad deggan tahay, waxaad halkaa ka
heleysaa talooyin iyo tusaale ku saabsan waxa aad
qaban karto.
Ku biir Ururka kireystayaasha. Waad ka faa’iidi
doontaa.
Ma bixisaa kiro sax ah?
Kiradu waa in ay si macquul ah ugu dhigantaa heerka iyo
tayada guriga. Hawlahayaga ugu muhiimsan waxaa ka
mid ah in aan kala xaajoonno kirooyinka iyo in aan cidda
guryaha leh oggoleysiinno in ay guriga ku sameeyaan
dayactir iyo daryeel.
Ma u baahan tahay talasiin arrimaha
sharciga?
Waxa aan dooneynno
Ururka kireystayaasha waxaa u shaqeeya garyaqaano iyo
gacanhayayaal aqoon weyn u leh sharciga kirada. Waxaan
caawimaad iyo adeeg siinnaa kumanaal xubin ka ah ururka
sannad walba.
Waxaan dooneynnaa kirooyin caddaalad ku dhisan. Guryaha la kireysto waa in lagu maamulaa shuruudaha guryaha
kaloo la deggan yahay oo aan dhibaateyn canshuur iyo khidmado xaqdarro ah.
Dalka Iswiidan waxay u baahan yahay guryo badan oo
la kiro ah, oo baaxado kala duwan kuna habboon dadka
oo dhan meel kasta oo ay nolosha kaga jiraanab. Xaafado
badan oo la deggan yahay guryuhu aad ayey u duugoobeen
waxayna u baahan yihiin in la dayactiro. Wuxuu qof kasta u
baahan yahay in uu ku noolaado hoy wanaagsan oo kiradiidu macquul tahay.
Ma og tahay xuquuqdaada?
Kireyste ahaan waxaad leedahay xuquuq. Ma dooneysaa
in aad ogaato xuquuqda telefoon lagugu la talin karo iyo
kuwa u baahan in lagu la kulmo. Haddii waxaad adeegsan
karta bogga internetka ee Ururka kirestayaasha
www.hyresgastforeningen.se.
Ma dooneysaa in aad wax dheeraad ah
ka ogaato arrimaha guryaha?
Waxaan kantaroolnaa wax walba oo ku saabsan guryaha
la kireysto. Waxaad waxyaalaha badankood ka heleysaa
wargeyska ururka Hem & Hyra iyo bogga internet-ka.
Ma dooneysaa inaad wax ka beddesho
meesha aad deggan tahay?
Adigoo caawinaad ka helaya Ururka kireystayaasha waxaad wanaajin kartaa degaanka xaafaddaada.
Haddii aadan xubin ahayn waa in aad
adigu…
n
n
n
n
raadisaa sidaad ku ogaan lahayd xuquuqdaada
isu hadashaa marka la tago goobaha sharciga
iska bixisaa kharashka qareenka
keligaa la heshiisaa cidda guriga iska leh.
Ka faa’iideyso waxtarka
xubinimadaada
Waxaan maamulnaa wadahadalada oo waxaan bixinaa talooyin ku saabsan arrimaha kirooyinka.
Waxaan ku siineynaa caawinaad xagga shariga iyo taageerooyin haddii aad dooneyso in aad ka qaybqaadato
hawlaha degaanka aad ku nooshahay. Waxaad naga heleysaa
wargeyska Hem & Hyra, adeeg bogga internet-ka, deeqo
loogu talagalay dadka xubnaha ah iyo waxyaalo kaloo badan.
Ka faa’iideyso waxtarka in aad xubin ka noqoto Ururka
kireystayaasha. Nala soo xiriir haddii ay jiraan wax aad
dooneyso in aad ka ogaato degaankaaga. Soo wac 0771-443
443 ama naga la soo bogga www.hyresgastforeningen.se
Xubinnimada faa’iido ayay
leedahay
Warbixin dheeraad ah waxaad ka heleysaa
bogga www.hyresgastforeningen.se iyo
wargeyska Hem & Hyra.
Sawirrada: Eva Dalin 2011
In aad xubin ka noqotaa faa’iido ayey kuu leedahay. Ururka
kireystayaasha waxaa xubin ka ah tiro kor u dhaafay shan
boqol oo kun. Taasi waxay fursad wanaagsan u siineysaa in
aan saamayn ku yeelano siyaasadda guryaha ee dalka Iswiidan. Taas micneheedu waxa weeye inaan waaya-aragnimo
iyo aqoon u leenahay wax walba oo aad dooneyso in aad ka
ogaato degaanka aad ku nooshahay.
Intaas waxaa dheer in laguu soo bandhigi doono alaab
iyo adeeg loogu talagalay dadka xubnaha ah. Waxaas oo
isugu jira caymisyo ilaa tigidhada shaneemooyinka.