Xaaladd nafsiyeedka bulsho ee ka jirta dugsiga iyo ka

Xaaladd nafsiyeedka bulsho ee ka jirta dugsiga iyo ka dareen celinta
ardayga.
Macluumaad loogu talagalay waalidiinta
Buug yarahani wuxuu tilmaamo kaa siinayaan sharciga Xaaladd nafsiyeedka bulsho ee ka jirta
dugsiga iyo ka dareen celinta ardayga.Waxa kale oo uu kaa caawinayaa habkaad ula xidhiidhi
lahay dugsiga haddii aad damacdo in aad cabasho udirto.
‘’Xeerka waxbarashada qodabkiisa § 9a-1 waxa uu qeexayaa in dhammaan ardayda dhigata
dugsiyada hoose/dhexe iyo dugsiyadda sare ay xaq u leeyihiin in dugsigu noqdo meel ardaygu
maskaxiyin iyo jidhba ku haboon taas oo caafimaadkooda iyo waxbarashadoodaba kor u
qaadaysa’’
Biiád nafsiyeedka dugsiga ee fiican
Xaaladd nafsiyeedka bulsho ee ka jirta dugsiga waxa ay iftiiminaysa hab dhaqanka ardayda iyo
shaqaalaha dugsiga u dhaxaysa. Taas oo ah in hab dhaqan fiican oo raali laga yahay ka dhex aloosan
yahay biiádda dugsiga iyadoo muhiimku yahay in ay ardaydu ku qanacsan yihiin habka waxbarasho.
Ardaygu wuxuu xaq u leeyahay in uu helo biiád caafimaad qabta,waa in ay ardaydu ku qanacsan
yihiin xaaladd nafsiyeedka bulsho ee ka jirta dugsiga taasi oo suuragal ka dhigaysa kor u qaadidda
waxbarsho ta caafimaad ee aradayga.
Waa in laga dheeraada in aan aflagaado loo geysan ardayga ha noqoto mid macalin ku kaco amma
mid arday ku kaco . Falalkaasi waxaa ka mid ah xoog-muquunis, hanjabaad iyo gacan kahadal iyo
cunsuriyadda nooca ay doonto ha ahaatee.
Aragtida ardayda ee ku wajahan xaaladd nafsiyeedka bulsho ee ka
jirta dugsiga in ay fiicantahay iyo in kale.
Waxaa tix gelin mudan aragtida ardayda ee ku wajahan xaaladd nafsiyeedka bulsho ee ka jirta
dugsiga in ay fiicantahay iyo in kale.Haddii aanu ardaygu ku qanacsanayn xaaladda dugsigu ee
waxbarsho iyo caafimaad waa in maamulaha,macalimiinta iyo ardayda kaleba arrintaasi u fiiro
lahaadaan,siiba maamuluhu.
Dugsiga waxaa waajib ku ah in uu noqdo goob ay ardaydu ku
xasiloonaadaan. Haddaba habkee ugu fiican ee loo samayn lahaa?
Degmooyinka iyo goboladda masuulka ka ah dugsiyadda kuwa dhexe iyo kuwa sareba waxaa waajib
ku ah in ay fuliyaan sharciyada ku qeexan xeerka waxabarashada.
Dugsiyaddu waa in ay si hufan oo karti leh uga hawlgalaan habkii ay dugsiyadu ku noqon lahaayeen
goob ku haboon caafimaadka biiádda iyo xasiloonidda ardayga.
Waa in uu dugsigu lahaadu qorshe muujinaya biiádd wanaaga dugsiga.Qorshahaasi waa in uu qeexaa
habka dugsigu ugu talo galay wax ka qabashadaa amma ka hortagidda haddii ay dhibaato dhacdo.
Qeexidda xaaladd nafsiyeedka bulsho ee ka jirta dugsiga waa in ay ku muujisnaata u kuur gelidda in
ay jiraan arday la dhibay.
HABKEEBUU DUGSIGU WAX UQABAN KARAA?
Dugsiga waxaa ay masuu´liyadd gaar ahi ka saarantahay in uu
dugsigu noqdo biiád xasiloon oo ardayda caafimaad ahaan iyo
waxbarasho ahaan ba raali ku noqdaan.
Haddii aad tahay waalidka maxaad ka rajaynaysaa shaqaalaha iyo
madaxda dugsiga?
Dugsigu waa in uu hubiyaa in araday waliba uu ku sugan yahay
xaalad fiican.
Dugsiga waxaa ku waajib ah in uu xaqiijiyo in ardaygu helo xaqa uu ku leeyahay biiádd dugsiyaad
wacan oo ku habboon waxbarasho iyo caafimaad.Shaqaalaha dugsiga waxaa waajib ku ah in ay wax
ka qabtaan haddii ay dareemaan amma ogaadaan aflagaadayn amma gacan ka hadal loo geystay
arday, isla markaan u gudbiyaan maamulaha dugsiga.
Dugsigu waa in uu soo farageliyo haddii ay wax dhacaan.
Dhammaan shaqaalaha dugsiga waxaa xaq loogu leeyahay in ay wax ka qabtaan haddii ay dareemaan
ina aanay fiicnayn horumarka xag waxbarasho iyo caafimaad ee xaaladd nafsiyeedka bulsho ee ka
jirta dugsiga .
Shaqaalaha dugsigu ha ahaadeen macalimiin amma kuwa xafiisyada ka shaqeeya haddii ay arkaan
,dareemaan amma ay maqlaan in arday dhibaato loo gaeystay ha naqoto aflagaado ku saabsan
midabkiisa,diintiisa,jinsigiisa,dharkiisa amma gacan ka hadal waa in arrinkaa si hufan loo baaro.
Dugsigu waa in uu baadho waxa dhacay
Shaqaalaha dugsiga waxaa ku waajib ah in ay baaraan haddii ay dhacdo in arday loo geysto aflagaado
amma gacan ka hadal.Waana in ay arrinkaa deg deg usoo dhex galaan oo si hufan u baaraan wixii
dhacay.
Shaqaaluhu waa in ay soo dhex galaan haddii ay lagamamaarmaan
tahay.
Shaqaalaha waxaa xaq loogu leeyahay in ay soo farogeliyaan haddii ay noqoto lagamamaarmaan
amm ay suurto gal taha.
Marxaladaha looga baahanyahay faragelinta waxaa ka mid ah in haddii ay jirto in arday dhaawac la
gaadhsiinayo amm ay suurta gal tahay in la dhaawaco.
Shaqaalahu waa in ay ogeysiiyaan maamulaha
Marka ay shaqaalaha dugsigu arrinta baaraan ogaadaan sida ay wax u dhaceen waa in ay
gaadhsiiyaan maamulaha dugsiga si loo dabagalo oo loo xalilo haddii loo baahan yahay.Dugsigu waa
in uu lahaadaa hab wax qabad oo shaqaalaha u iftiiminayaa marka ay haboontahay iyo habka loo
ogeysiinayo maamulaha.
Maxaa la gudboon in uu maamuluhu sameeyo.
Maamuluhu waa in uu goáamiyo habka ugu fiican ee ardaygu u heli lahaa biiád xasiloon oo ardayda
caafimaad ahaan iyo waxbarasho ahaan ba raali ku noqdaan.Maamulaha waxaa waajib ku ah in uu
daba gal ku sameeyo arrimaha loo soo gudbiyo.Maamuluhu waa in aanu fudaydsan haddii ay
shaqaaluhu arrin u soo gudbiyaan siina baaro waxna ka qabto.Isla markaa waa in maamulka dugsigu
qorshe la yimaaddo wax lagaga qabanayo xaaladdaasi.Waxa kale oo waajib ah in maamuluhu la
socodsiiyo waalidka ardayga wax ka qabashada arrinkaa.
Maamuluhu waa in uu goáan waxqabasho diyaariyaa haddii
waalidku codsadao.
Maamulaha dugsiga waxaa waajib ku ah haddii waalidku amma ardaygu codsado in biiádda
xaalad nafsiyeed ee dugsiga wax laga qabto waa in uu goáan qeexaya habka uu wax u
qabanayo diyaariyaa isla markaan bilaabo hirgelinteeda sidaa loo maaraynlahaa.
Dugsigu waa in ay la tashadaan waalidka iyo ardayga.
Waalidka iyo ardayguba waxay dugsiga xaq ugu leeyihiin in taladooda la maqlo.Dugsiga
waxaa lagu boorinayaa in ay waalidka kala shaqeeyaan biiádda dugsiga.Waalidku waa in talo
iyo tusaaleba usoo maraiyaan dugsiga guddida waalidiinta iyo gudida biiádda dugsiga.
MAXAA KULA GUDBOON IN AAD SAMAYSO HADDII AAD DAREENTO
IN AAN XAALAD NAFSIYEEDKA BIIÁDDA DUGSIGU AANAY
FIICNAYN?
Waxaad xaq u leedahay in aad codsato waxqabad.
Maamulka dugsigu waa in ay ku dhegaystaan haddii aad qabto fikir ah in waxa laga qabto biiádda
dugsiga. Haddii aad tuhunsantahay in arday ardayda ka mid ah amma arday badanba la dhibo amma
la aflagaadeeyo amma dhaqan xumo lagula kaco waa in aad dugsiga ka codsataa in wax laga
qabto.Haddi uu ilmahaaga yahay qofka la dhibayaa waa in aad codsato wax ka qabad ku aadan
biiádda xaalad nafsiyeedka dugsiga.
Sharcigu wuxuu in farayaa haddii qof la aflagaadeeyo amma gacan kahada loo geysto ,waa in ardaygu
amma waalidku codsadaan in arrinkaa wax laga qabto,dugsiguna waa in ay arrintaa wax ka qabtaan
iyada oo la tixgelinayo ardayga.
Miyay waajib tahay in aad ogaato habka dugsigu wax u qabanayo?
Jawaabtu waa maya dugsiga ayey saarantahay habka ay wax u fulinayaa, laakiin fikrad waad ku
darsan kartaa.Haddii aad tahay waalidka xil kaama saara soojeedinta habka ugu wacan ee wax loo
qaban lahaa, waxaad codsan kartaa in waxqabadka dugsigu hirgalo.Waxa kale oo aad dugsiga
waydiin kartaa in dhibaatadii la dhameeyey iyo in kale.Haddii aad talo ka fiican ta dugsiga aad
haysana waydiiso maamulka in fikerkaaga la qaato.
Habkee baad u codsan lahayd wax qabadka?
Fariin ahaan iyo qoraal ahaanba waad u codsan karta waxqabadka, laakiin waxaanu kugula talin
lahayn in aad qoraal ahaan u gudbiso, taasi oo kuu noqon karta caddayn haddii mar dambe loo
baahdo.Waxaad qoraalkaaga ku gudbin karta e-post ahaan amma waraaq ahaan.
Haddii aad u baahatahay habka loo qoro halkan ka soo dejiso tusaale www.udir.no/elevensskolemiljø.
Adiga iyo ilmaahga oo keli ah amma adiga iyo waalidiin kaleba wadar ahaaneed ayaad dugsiga ula
xidhiidhi kartaan idinka oo codsanaya wax qabad.
Gudida waalidiinta amma gudida biiádda dugsigu iyaguna dugsiga way ka codsan karaan wax qabad
haddii xaaladdu arday badan khusayso.
Habkee buu dugsigu wax uga qabanayaa la soo xiriikaa?
Haddii aad dugsiga xidhiidh la samayso oo aad codsato waxqabad, waa in dugsigu arrintaada degdeg
wax uga qabtaa.Dugsigu waa in uu tixraacaa sharciga maamulka marka uu wax ka qabanayo
xaalad.Waa in uu baadhitaan sameeyo uu arrinta ku iftiiminayo,intaa ka dib waa in ay qoraan goáan
wax lagaga qabanayo arrinkaa.
Xidhiidhkaagu waa in uu noqdo arrin ka reeban in la shaaciyo haddii ay macluumaad shakhsi ahi ku
jiraan.Cidda kaliya ee ogaan karta waa cidda ay khusayso oo kaliya.Waxa kale oo dugsigu caawimo ka
codsan karaan hayádda adeegga barbaarinta iyo cilmi nafsiga (pp-tjenesten)iyo ciddii kale ee cilmi
ahaan caawin karta.
Waa maxay goáan kali ahaaneed?
Marka uu dugsigu fulinayo goáan keli ahaaneed waxa uu qeexayaa waxa qof amma dad
badani xaq u leeyaheen iyo waxaa isaga amma iyaga xaq loogu leeyahay. Marka aad codsato
in wax laga qabto biiádda xaalad nafsiyeedka dugsiga waa in uu dugsigu soo saaraa goáan
keli ahaneed (enkeltvedtak) codsigaa khuseeya.Goáan keliyeedkaasi waa in uu qeexayaa
waxqabdka arrinkaa isaga oo sababaynaya habka waxqabadkooda.Goáankaasi waa in uu
qoraal ahaado isaga oo weliba iftiiminaya in aad racfaan ka qaadan karto iyo muddada uu ku
eg yahay racfaan ka qaadashado.
HADDII AANAD RAALI KU AHAYN WAXQABADKA MAXAA KULA
GUDBOON IN AAD YEESHO?
Haddii aad tahay waalidka xaq baad u leedahay in aad cabasho
gudbisid.
Xaqbaad u leedahay in aad cabasho gudbiso:
• Haddii aanad raali ku ahayn habka wax qabad ee dugsigu diyaariyay.
• Haddii aanu dugsigu hirgeli waxqabadkii.
• Haddii aanu dugsigu goáan keliyeed waxqabad diyaarin inkastoo aad codsaday.
• Haddi aanu dugsigu muddo caqli gal ah goáan ku soo saarin.
• Haddii aanu dugsigu tixgelin xidhiidhkaaga.
• Haddii wax ka qabadku muddo dheer qaato.
• Haddii habka ka baarandegiddu khaldan yahay.
Goorma ayaanad xaq u lahayn in aad cabato.
Xaq uma lihid in aad cabasho ka gudbisid hab waxbarista, heerka waxbarasho ,tayada waxbarasho
iyo qorshaha waxbarista dugsiga.
Habkeebaad u gudbin lahayd cabashada?
Xad qeexaya habkaad u qorilahayd cabashada ma jiro laakiin waxaa tixgelin mudan in aad ogaato in
dugsigu ay waajib ku tahay in uu tilmaamo kaa siiyo habkaad u caban lahayd haddii aad u baahato.
• Cabashado waa in ay qoraal noqoto oo aad saxeexdaa.
• Waa muhiim in aad magacawdaa goáan keliyeedka(enketvedtak) uu dugsigu kuu soo diray.
• Waxa iyana muhiim ah in aad sababayso waxaad ku diidantahay waxqabadka dugsigu ku soo
bayaamiyay goáan keliyeedka(enketvedtak).
• Waxaa iyana kaabis noqon karta in aad cabashada ku darto habkaa ay adiga kula tahay in
wax loo qabto.
Haddii aad u baahatahay habka loo qoro cabashada mareegtan ka soo dejiso tusaale
www.udir.no/elevens-skolemiljø.
Goorma ayey haboontahay in aad cabasho qorto
Waa in aad cabashada qortaa saddex todobaad gudahood marka laga bilaabo maalinta aad heshay
warqadda goáan keliyeedka(enkeltevedtak), haddii ay tahay saluug ka jira waxqabadka amma
wakhtiga oo dheeraaday.Dugsigana waxaa xaq loogu leeyahay in ay hoos u eegaan cabashadaada.
Yaad u diraysaa cabashada
Waxa aad u diraysaa cabashada maamulaha dugsiga.Goáanka kama dambaysta ah ee cabashada
waxaa iska leh gudoomiyaha gobolka.Inta aanad cabashadaada gaadhsiinin gudoomiyaha gobalka
waa in uu dugsigu dib u eegis ku sameeyaa cabashadaada, haddii ay isbedel wax ku oola ka
sameeyaan cabashadaada halkaasi ayuu arrinku ku joogsanayaa. Haddii ay ku adkaystaan in uu
arrinku ahaado sidii ay hore ugu qorsheeyeen waa in ay iyagu(dugsigu) u gudbiyaan cabashadaada
gudoomiyaha gobolka.
Gudoomiyaha gobolka ayaa ah halka loo qaato racfaanka marka aanad raali ku noqon waxka qabadka
arrin aad dugsiga u cabatay isagaana goáankeeda kama dambaysta ahna leh.Marka uu gudoomiyaha
gobolku tixraac ku sameeyo xeerka waxbarshada cutubkiisa 9a ee qeexaya xuquuqda ardayga ,
hadduu arko in aanu dugsigu fulinin wajibaadkiisii waxa uu ku amrayaa dugsiga in uu waxqabad
degdeg ah sameeyo .
Waa kuma gudoomiye gobol.
Gudoomiyaha gobolku waa masuulka u matala dawladda dhexe gobolka uu joogo.Waxa uu masuul
ka yahay in uu lasocodo in ay degmooyinku fuliyaan sharciyadda qawaaniinta iyo siyaasadda
xukuumadda iyo golaha xildhibaanadda.Taas oo ah in uu ilaaliyo in ay degmooyinku fuliyaan
waajibaadka iyo xuquuqda ay leeyihiin bulshada degan gobolka. Taas oo ay ka mid tahay biiádd
xaaladd nafsiyeedka bulsho ee ka jirta dugsiga.
HABKEE UGU HABOON EE DUGSIGU IDIINLA TASHAN LAHAA.
Guddida waalidiinta
Gudida waalidiintu waxa ay ka shaqeeyaan siddii ay u abuuri lahaayaan jawi wada shaqayneed oo
dhex mara waalidiinta ardayda iyo dugsiga iyo abuurista xaalad wacan oo ardaydu raali ku tahay.
Guddida biiádda dugsiga
Maxay tahay gudida biiádda dugsigu?
Waxaa waajib ku ah dugsiyada hoose/dhexe iyo dugsiyada sareba in ay lahaadaan guddida biiádda
dugsiga.Guddidaas waa in ay ka shaqaysaa in ardayda,waalidiinta iyo shaqaalaha dugsigu ka
qaybqaataan wanaajinta biiádda dugsiga.Gudidan waa talo bixiye awoodna uma laha goáan
qaadasho.Xubnaha gudida waa in ay u badnaadaan ardayda iyo waalidku.
Waa maxay muhiimadda ay leedahay ka qaybqaadashada guddida
biiádda dugsigu?sidee baad wax uga tari lahayd wanaajidda biiádda
dugsiga?
Haddii aad tahay waalidka waxtar badan baad u yeelankartaa dugsiga.
Gudida biiádda dugsigu waxa ay ardayda iyo waalidka u fududaysaa in ay talo ku yeeshaan
hawlmaalmeedka dugsiga.Haddii aad tahay xubin ka mid ah gudidda waxaad fursad u leeday in aad
qayb ka noqoto wanaajinta hawlmaalmeedka dugsiga ee ilmahaaga.
Waa maxay waajibaadka guddida biiádda dugsigu?
Haddii aad xubin ka noqoto guddida biiádda dugsiga waxaa masuuliyad kaa saaran tahay in aad ka
warqabtid xaaladda ay ardaydu ku sugan tahay nafsi ahaan iyo jidh ahaan ba.Waxaa guddida looga
baahan yahay in ay soo bandhigaan sidii loo hagaajin lahaa xaaldda biiáddeed ee dugsiga haddii ay
dhaliili u muuqato.
Tusaalaha waajibka guddida waxaa ka mid ah:
• In ay la socdaan in uu dugsigu leeyahay qorshe qoraal ah oo ku saabsan biiádda xaalad
nafsiyeedka dugsiga.
• In ay la socdaan in la fuliyey qorshahaa.
• In ay ka talo bixiyaan dhaqannada aan haboonayn iyo kuwa haboonba.
Guddidu waxa kale oo ay soo jeedin karaan in wax laga qabto xasiloonida amma ka helida ardayda ee
dugsiga iyo waliba in ay tix raacaan badhitaanad amma waydiimaha ardyada iyo waalidiinta. Waxa
kaloo ay lasoconayaan in wax laga qabto haddii ay dareemaan in aan la fulin xeerarka
waxbarashadda.Taas oo ay tusaale ahaan ka mid noqon karto iyada oo tiro ka mid ah ardayda loo
geystay aflagaado amma gacan ka hadal.
Hab dhiska guddida biiádda ee dugsiga.
Guddida dugsiyadda hoose/dhexe waxay ka kooban tahay wakiilo matala ardayda,guddida
waalidiinta,shaqaalaha dugsiga,maamulka dugsiga iyo wakiilo ka tirsan maamulka degmada.
Aqlabiyadda xubnaha guddidu waa in ay noqoto ardayda iyo waalidiinta.
Guddida dugsiyada sare waxa ay ka koobantahay wakiilo matala ardayda,shaqaalaha
dugsiga,maamulka dugsiga iyo xubno matala maamulka gobolka.
Aqlabiyadda xubnaha guddidu waa in ay nordaan ardayda.
Tilmaamaha guddida biiádda dugsiga.
Waxaad mareegtan ka soo dejisan kartaa tilmaame macluumaad kaa siinaya xubinnimadda iyo cidda
ka noqonaysa xubin gudidan www.udir.no/skolemiljoutvalg .
Macluumaad
Haddii aad u baahantahay tibaaxo iyo war dheeraad oo arrinka ku saabsan waxaad ka heli kartaa
mareegta www.lovdata.no , xeerarkan hoos ku qoran ka sii akhri halken.
• Xeerka waxbarashada cutubkiisa 9a ayaa qeexaya biiádda dugsiga ee ardayga.
• Xeerka waxbarashada cutubkiisa 11 waxaad ka akhrisan kartaa habka ay dugsigu u
maareeyo cabashadaada.
• Sharciga maamulka dawladda waxaad ka akhrisan kartaa habka ay dugsiyaddu u xaliyaan
haddaad cabasho u gudbiso.
Mareegahan kasii akhri macluumaad kale
www.udir.no/elevenes-skolemiljø. Waxaad ka heli kartaa foomam diyaarsan iyo warbixinno ku
saabsan biiádda dugsiga.
www.fylkemannen.no Waxaad kala xidhiidhi karta guddoomiyaha gobolka aad degantahay.
Waxa kale oo aad la xidhiidhi karta gudida waalidiinta ee dugsiyadda. Eeg mareegta www.fug.no