Ogolaashaha dugsi ee dayrta 2017

Ogolaashaha dugsi ee dayrta 2017
Hadda waxaa la joogaa waqtigii aad codsan lahayd meelaynta ilmahaaga ee dugsi-horaadka,
dugsiga hoose iyo/ama xarunta dugsiga ka dib ee loogu diyaar garoobayo sanad dugsiyeedka
2017/2018.
Codsigaaga waa in la soo gudbiyaa inta u dhaxeysa 9ka Jannaayo iyo 6da Febraayo 2017.
Mudadaas gudaheeda xilliga aad doonto ayaad codsan kartaa mana saameyn doonto
meelaynta ilmahaaga.
Waa in aad soo gudbiso codsi inta lagu jiro mudadaa haddii ilmahaagu uu:




bilaabayo dugsi-horaadka teeramka xilliga dayrta 2017.
bilaabayo sannad dugsiyeedka 1aad teeramka xilliga dayrta 2017 oo uusana soo
dhigan dugsi-horaad.
tagayo dugsi aan bixin sanad dugsiyeedyada xiga.
doonayo in uu iska beddelo dugsiga xataa haddii dugsigiisa/dugsigeeda hadda uu
bixinayo sanad dugsiyeedyada xiga.
Fadlan soo qor shuruudaha marka aad codsanayso. Meelaynta waxaa markaa lagu saleynayaa
shuruudahaaga, helitaanka meelo dugsiga ka bannaan iyo mabaadi'da hadda ee khuseeya
meeleynta.
Waxa la sameeyo:
Booqo mareegtada dowladda hoose oo ah www.sollentuna.se/skolansokan kaas oo bixiya
macluumaad muhiim ah oo ku saabsan sida loo codsado; sidoo kale waxaa jira xiriirka
adeegga (e-service).
Laba siyaabood oo lagu geli karo:
1. Habka ugu fudud waa in la isticmaalo e-ID (ciwaankaaga e-service) ama BankID,
(macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan e-ID waxaa laga heli karaa mareegtadan www.elegitimation.se).
2. Waxa kale oo aad ku geli kartaa adigoo isticmaalaya koontada adeegsadaha.
Haddii aanad lahayn koontada adeegsadaha, waxaad codsan kartaa mid hadda.
Macluumaadka aad ku gelayso ayaa laguugu soo dirayaa cinwaanka kuu diiwaan gashan.
Waxay qaadaneysaa 2-4 maalmood oo kuwa shaqada ah. Xusuusnow in aad codsato koontada
wakhti fiican ka hor dhammaadka muddada dugsiga la codsanayo oo ah 6 Febraayo 2017.
Keliya hal waalid / mas'uul ayaa soo gudbin kara codsiga meelaynta dugsi, balse dhammaan
waalidiinta / mas’uuliyiinta waxay heli doonaan macluumaad joogto ah oo ku saabsan
codsiga, waxaana loogu soo diri doonaa iimayl (email) ama warqad ahaan.
Helitaanka kombiyuutar
Haddii aad u baahan tahay in aad isticmaasho kombiyuutar, waxaad isticmaali kartaa
kombiyuutarada yaalla maktabado kasta ee kuwa degmada ah ama goobta soo dhoweynta ee
Dhismaha Dowladda Hoose, Turebergs torg 1.
Dugsiyada ku yaalla degmada Sollentuna
Degmada Sollentuna, waxaa ku yaalla dugsiyo degmada hoos yimaada iyo kuwa madax
bannaan. Dhammaan dugsiyada ku yaalla degmada Sollentuna waxay isticmaalaan nidaamka
foojarka (Skolpeng). Macluumaadka ku saabsan dugsiyada kala duwan waxaa laga heli karaa
mareegtada ciwaanka degmada, oo ah www.sollentuna.se.
Iyada oo aan la eegayn nooca dugsiga ee aad u codsanayso, codsigaaga waa in aad ku soo
dirtaa bogga adeegga (e-service) ee loogu talo galay codsiyada dugsiga ee ku yaalla
mareegtada dowladda hoose.
Dugsiyada dowladda hoose
Guddiga Carruurta iyo Dhallinyarada ee degmada Sollentuna (Barn- och ungdomsnämnden)
waxaa uu u xilsaaran yahay dugsiyada dowladda hoose waxaa uuna soo saaray mabaadii'da la
xiriira habraaca meelaynta. Macluumaad dheeri ah waxaa laga heli karaa
www.sollentuna.se/skolansokan.
Dugsiyada madax-banaan
Dugsiyada madax-banaan waxaa ay leeyihiin xeerar diiwaan-gelin iyo sugid iyaga u gaar ah.
Fadlan la xiriir dugsiga ay khuseyso ka hor inta aadan codsanin meelayn halkaasi oo aad ka
heli doonto macluumaad ku saabsan xeerarka dugsigaasi u gaarka ah ee uu ku dhaqmo. Ha
ilaawin in aad mar walba codsigaaga diiwaangeliso adigoo u maraya adeegga degmadu ku
fidiso intarnetka ee (e-service).
Fasalada qorshaha jaan go’an
Dugsiyada qaar waxay leeyihiin qorshe jaan go’an oo gaar ah oo ku saabsan dhammaan ama
qaybo hawlgaladooda ah. Waxay leeyihiin shuruudo u-qalmitaan gaar ah. Fadlan la xiriir
dugsiga ka hor inta aadan codsanin meelaynta. Waxaa aad heli doontaa macluumaad ku
saabsan meelaynta ee dugsigaas. Tusaale ahaan, haddii ay jiraan wax imtixaano la qaadayo ka
hor gelida dugsiga. Haddii cunugaaga la aqbalo, waxaa aad dugsiga ka helaysaa warqad
aqbalid. Ha ilaawin in codsigaasi aad diiwaan geliso adiga oo u maraya adeegga (e-service).
Dugsiga gaarka ah
Codsiga meelayn dusgi gaar ah ama xarun xanaano ee dugsiga ka dib waxaa khasab ah in aad
si toos ah uga codsato dugsiga. Wixii macluumaad dheeri ah ee ku saabsan dugsiyada gaarka
ah, kala xiriir Xafiiska Waxbarashada (Stöd och utveckling), tel. 08-579 216 29. Ka baro wax
badan oo ku saabsan dugsiyada hoose ee gaarka ah mareegtadan
www.sollentuna.se/grundsarskolaplats.
Sida loo codsado xarumaha xanaanda ee dugsiga ka dib
Xarumaha xanaanada ee dugsiyada ka dib ee caruurta dugsilayda ee jirta da’da dugsihoraadka ilaa sanad dugsiyeedka 3aad waxaa laga heli karaa dhammaan dugsiyada.
Dugsiyada qaar ayaa sidoo kale bixiya meelaynta fasalada 4-6.
Marka aad codsanayso meelayn dugsi, waxaa aad sidoo kale meel ka codsan kartaa xarunta
xanaanada ee dugsiga ka dib. Marka aad gasho barta adeegga internetka (e-service) oo aadna
gudbinayso codsigaaga, waxaa aad sidoo kale fursad u haysataa in aad cunugaaga u codsato
xarunta xanaanada ee dugsiga ka dib. Xarumaha xanaanada ee dugsiga ka dib waa lacag.
maxtaxa (lacagta ugu badan ee dugsiga) ayaa la adeegsanayaa. Hadaad rabto macluumaad
dheeri ah, booqo www.sollentuna.se/regler-och-avgifter.
Teeramka dayrta ee 2017, ilmaha dhiganaya dugsi-horaadka waxaa uu meel ka heli karaa
xarunta dugsiga ka dib ugu horreyn laga soo bilaabo 1 Agoosto 2017.
Intaa ka gadaal maxaa dhacaya?
Marka uu dhammaado muddada codsiga, waxaa bilaabanaya hannaanka diwaan-gelinta. Bisha
Maarso/Abriil (taarikhda saxda ah waxaa lagu baahin doonaa www.sollentuna.se), waxaa aad
helaysaa wargelin ku saabsan meelaynta cunugaaga. Meelaynta dugsiga waa in dhammaan
waalidiinta/mas’uuliyiinta ay xaqiijiyaan. Haddii aad cunugaaga u gudbisay codsiga dugsiga
ee khasabka ah, wargelinta waa in la saxiixo oona la soo celiyo. Haddii aad cunugaaga u
codsatay meelayn dugsi adigoo doonayey markaasi in aad soo degto degmada ama uu
cunugaagu baddelanayo dugsiga, waxaa khasab ah in dhammaan waalidiinta/mas’uuliyiinta
ay aqbalaan meelaynta dugsiga iyagoo u maraya adeegga degmada ee laga helo internetka (eservice). Macluumaad ku saabsan arrintan waxaa lala bixiyay wargelinta meelaynta. Warar
dheeri ah ka aqri www.sollentuna.se/skolansokan.
Waxaa aan rajeynaynaa in aan kugula kulano bandhig dugsiyeedka taariikhda marka ay tahay
21-da Jannaayo 2017! Waxaan imaan doonaa Stinsens köpcentrum halkaasi oo aad kula kulmi
doonto dad ka yimid dugsiyo badan oo ku yaalla dowladda hoose. Muddada u dhaxayso
Nofeembar iyo Fabraayo, dugsiyo badan waxaa ay qabtaan munaasabado dadweynaha ay
dugsiyada ku booqan karaan oo ayna xog ka soo heli karaan dugsiga ("Open house").
Eeg xayaysiinada lagu baahiyay wargaysyada maxaliga ah iyo mareegtadeenna.
.