1-da maarso ka hor codso boos xannaano carruur

KORRIIN
1-da maarso ka
hor codso boos
xannaano carruur
Carruurtu ciyaar iyo firfircooni ayay wax ku bartaan marka ay
xannaanada carruurta joogaan.
Carruurtu waxay bartaan luuqad iyo weero u suurageliya billow
wanaagsan oo ay iskoolka kula qabsadaan marka ay billaabaan.
Dhammaan xannaanooyinka carruurtu waxay ilma kasta u hubiyaan
baahida gaar ahaaneed ee uu u qabo cuntada iyo hurdada.
Ilmaha hal sano buuxiya bisha ogoosto wuxuu boos xaq u leeyahay laga billaabo bisha
ogoosto. Ilmaha hal sano buuxiya bilaha sibtembar, oktoobar ama noofembar wuxuu boos
xaq u leeyahay laga billaabo bisha uu ilmuhu halka sano buuxsho.
Sanadyadii u danbeeyay hoos ayay u dhacday lacagta lagu bixiyo geynta carruurta ee
xannaanada carruurta. Cidina ma bixinayso wax ka badan 6 % ah wadarta dakhliga qoyska.
Waxaa jira saddex nidaam oo qiima-dhimis ah, qoysaska qaarkoodna saddexdaba waa
wadi isticmaali karaan.
Nidaamyada qiima-dhimistu waa:
• Qiima-dhinka walaalaha - 30 % ee ilmaha 2-aad, iyo 50 % ee ilmaha 3-aad
• Lacagta ay waalidku bixinayaan oo la dhimayo – Waa qoysaska uu
dakhligoodu ka hooseeyo 500.500,- Waa in la codsadaa
• Wakhti aasaasi ah (kjernetid) oo bilaash ah – La siinayo 3, 4 iyo
5 jirrada ka yimid qoysaska uu dakhligoodu ka hooseeyo 428.000,Tusaale:
Qoyska uu dakhligooda sanadka yahay kr 350 000,- oo ay labo carruur ah u dhigtaan xannaanada
carruurta kuwaas oo kala dhashay 2014 iyo 2016 waxay isu geyn bixinayaan 2481,- bishiiba, oo lagu
daray lacagta cuntada (laga billaabo 200,- ilmihiiba).
Sharraxaad:
Ilmaha dhashay 2014: Ilmaha waxaa la siinayaa 20 saac oo bilaash ah oo wakhti aasaasi
ah laga billaabo bisha ogoosto ee 2017-ka, qiimaha booska xannaanada carruurta wuxuu
noqonayaa kr. 1 145 bishiiba.
Ilmaha dhashay 2016: Ilmaha waxaa loo samaynayaa qiima-dhinka walaalaha, qiimaha
booska buuxa wuxuu noqonayaa kr. 1 336 bishiiba.
Codsi iyo warbixin ka eeg:
www.kristiansand.kommune.no/barnehagesok
Wax su’aal ah ma qabtaa?
Kaalay oo nagu soo booqo xarunta adeegga (servicetorget) ee Rådhuskvartalet.
Wakhtiyada shaqada: Saacadaha. 08.00-15.30 | Teleefan: 38 07 50 00