Sheekadii Hal Habeen Oo Qudha ! WT: Aadan Xabeeb Qalin-Maal. Kadib codsiyo badan oo iiga yimi Asxaab badan Oo Hablo Iyo Wiilalba Leh, kuna saabsan inaan wuxuu kasoo gaadhsiiyo sheekooyinka tirada badan ee afafka Qalaad aan ku akhriyo, gaarahaan kuwooda dareenada aadanuhu aadka u jecelyahay xambaarsan ee jacaylka iyo guurka ku saabsan ayaan dooorkan idinla wadaagi doonaa sheekadan la magacbaxday “ Hal Habeen Oo Qudha “ nuxurka ay ka hadlayso dhamaadka sheekada ayuu qofba dhankiisa ula kici doonaa. Waxay ahayd December 12th 2012, maalintaas dalkayga waxay ka tahay fasax dadweyne oo lama shaqeeyo sidaas darted dhamaantayo guriga ayaanu joognay, waxaaanu go’aansanay inaanu gaadhiga kusoo marmarno magaalada socdaal dalxiis iyo faanfaan isugu jira, hooyaday waxay go’aansatay inay booqato saaxiibteed oo ay wada shaqayn jireen, waa halkaas meesha aan iyada kula kulmay, waxay ahayd 15 jir dhab ahaan intaas may jirin waxaa uga dhiman laba isbuuc oo dhalashadeedii 15aad loo dhigay, aniguna waxaan ahaa 17 jir. Hooyooyinkayo ayaa iskaaya baray kadibna hooyaday ayaa igula kaftantay inaan helay xaas, magaceedu wuxuu ahaa Gobaad, maalintaas waxaanu ku qaadanay in midba midka kale barto, dhab ahaan waxay ahayd mid xishood badan oo dhaqanka ku adag oo ereyada afkeeda kasoo baxaya ay koobanyihiin. Dhamaadkii maalinta ayaa lasoo gaadhay waxaan waydiiyay nambarkeeda waxayna ii sheegtay iyadoo walaac ka muuqdo, markaan kaso tagay durba waxaan bilaabay inaan ka fakaro, markaan guriga tegay Ayaan fariin usoo diray habeenkii oo dhan waanu wada hadlaynay, waxaanu u muuqanay in midba midka kale ka helay, markale ayaanu kulanay 29th December isla sanadkaas oo ku beegnayd maalinta dhalashadeeda, xafladii kadib waxaan u sheegay inaan ka helay, sidoo kale waxay ii sheegtay inay iyaduna iga heshay, aad baan ugu faraxsanaa inaan noqdo wiilkii ugu horeeyay ee ay ka hesho, waqtiyo badan ayaanu si wadajir ah u qaadanay gaarahaan maalmaha fasaxa ee isbuuca ( Weekends). Waxaan bilaabay inaan dareemo dareeno xoog badan oo aan u hayo, dhawr bilood kadib waxaan helay awood igu filan inaan ugu sheego inaan jeclahay, Laabta ayay I gelisay iyadoo wax hadal ah afkeeda kasoo bixin, markii aan gurigooda usii dhaweeyay fiidkaas ayay ii sheegtay sidoo kale inay I jeceshay. Kadib aad baanu isugusoo dhawaanay anagoo noqonay lamaane is jecel. Inta badan waxaan niyaysan jiray nolosha aanu ku midoobi doono mustaqbalka haddii aanu isguursano, mararka qaar ayay waalidkeed cidlayn jireen si ay u daryeelaan wiilasha walaaladeed ah ee ka yaryar gaarahaan dhamaadka isbuuca ee maalmaha ay fasaxa helaan, aniguna iyada Ayaan u wehel yeeli jiray, iyagoo seexday Ayaan iyada hayn jiray ilaa ay hurdo ka dareento, kadibna waxaan u qaadi jiray qolkeeda hurdada aniguna waxaan iska seexan jiray qolka fadhiga. Habeen Ayaan go’aansaday inaan qolkeeda la jiifsado, waana jiifsaday, aroortii xigtay ayay aad iigu xanaaqday iyadoo u arkaysay inaan ku kacay arin damiirkeeda wax yeelo u gaysatay inkastoo aysan habeenkaas waxba dhicin. Waan raaligeliyay, dhab ahaana way I cafiday xidhiidhkayagu wuxuu ahaa kan ugu wanaagan aadbaanuna ugu faraxsanayn isla joogayaga. Bishii November ee 2013, waxaan dhameeyay dugsiga sare, Rachel waxay iga hoosaysay hal sano, intii lagu guda jiray bishii December, waxay timi gurigayaga si ay u joogto, inta badan waxaanu ahaan jirnay labadayada qudha waayo walaaladay gebiahaanba way guursadeen waxayna ku noolyihiin guryo ay leeyihiin. Hooyaday waxay ka shaqaysaa mashruuc magaalada meel ka baxsan ka socda….. Aabena ma lihi, Rachel iyo Anigu waxaan Seexanaa hal sariir, malahayga way inala fogaatay sheekaduye legga ayuunbaa caado u ahayd inay inaanu is gelino markaanu seexanayno. 12th December 2013, waa sanad buuro ah kadib kulankayagii ugu horeeyay, waxaan geeyay guri ay xaflad ku lahaayeen saaxiibaday, ma aysan jeclaysan waxayna iga codsatay inaan gurigii ku noqono, xitaa ma aysan doonayn inay cabitaan cabto waxay akhrinaysay qoraal halka xaflada cabitaano iyo cunto fudud ay is dhaafayeen, saaxiibaday Ayaan sagootiyay waxaanuna soo aadnay gurigii, guriga waxaanu soo gaadhnay 11 habeenimo si toosa ayaanu sariirta u aadnay, habeenkaas ma dareemayn inaan ahay aniga, waxaan waydiiyay inay igusoo dhawaato, sidaan filayay dhab ahaan way cadhootay, aadbaa dulqaadku iigu yaraa albaabkii Ayaan xidhay waxaana ku tuuray oogada dhulka, Wixii ka dhici lahaa baa ka dhacay, waxaan xasuustaa codka dheer ee ay ku qaylinaysay iyo oohinteeda wada socda , way I xag xaganaysay , way ilaadaysay , marna way I dhirbaaxaysay laakiin wax xanuun ah oo aan dareemayay ma jirto. Waa intaas waxaan ka xasuusto habeenkaas. Maalintii xigtay waxaan toosay kowdii duhurnimo, Rachel waxay ku sugnayd meel gees ah oo qolkayga ka mid ah wayna ilmaynasay oo weliba gariiraysay, waxaan kasoo degay sariirtii anigoo iyada dhankeeda soo aaday, waxay bilowday inay qayliso iina sheegto inaanan dhaawacyo kale u gaysan, waxaan arkay dhiiga dhulka oogadiisa daadsan, aadbaan u yaabay markaan arkay iyadoo mudug ah, hadda waa sidii hooyadeed ku dhashay. Qudhayduba la mid baan ahaayoo garan yar keliya Ayaan xidhnaa, waan u dhaartay inaanan xasuusan wixii dhacay xalay, sariirtayda Ayaan dul fadhiistay waxaana bilaabay inaan ooyo markaan ogaaday waxaan ku sameeyay Rachel oo noloshayda ahayd, saaxiibteed rumaad ayaa u timi waxayna u qaaday gurigoodii iyadoo aan hadal iyo socod midna awoodin, sidoo kale iima ay ogolayn inaan usoo dhawaado, qolkaygii Ayaan iskala joogay oohintaydii, waxaan isku dayay inaan Waco, fariin aan u diro Mudo kadib anagoon wada xidhiidhin ayay fariin iisoo dirtay, faiintaas oo ay iigu sheegtay inay isku aragtay isbedel wayn oo dhanka dumarnimada ah, gaarahaan bishan lagu jiro iyadoo I waydiisay maxaan sameeyaa ?ma doonayo inaan noqdo hooyo aad u da’yar, qofna uma aysan sheegin waxa na dhexmaray marka laga reebo saaxiibteed rumaad, waxaan ka codsaday inaanu kulano si aanu uga wadahadalno arintan laakiin ma aysan doonayn inay I aragto. Maalin kasta fariin Ayaan telka uga diri jiray iyadoo aan iisoo jawaabayn, waan raaligeliyay in badan, waxaan u sheegay inaan jeclahay, waxaan u sheegay inaan u xiisay laakiin kelmadna ima aysan odhan. Waxaan go’aansaday inaan aado gurigooda, waxaan ugu tagay dhamaan qoyskeedii oo jooga, maadaama aysan ogayn waxa dhacay waxay iisoo dhaweeyeen sidii ay awalba iisoo dhawayn jireen, hooyadeed waxay ogayd inay waqti badan ku qaadato qolkeeda laakiin waxay moodaysay inay u diyaargaroobayso imtixaanka iskuulka oo ay sanadkii u danbeeyay ku jirto,, mid kamid ah walaaladeed ayaa u yeedhay markii ay I aragtay, dib ayay ugu carartay qolkeedii iyadoo ooyaysa, hooyadeed ayaa aaday si ay usoo ogaato gabadheeda waxa ku dhacay, cabaar kadib ayay igusoo noqotay waxayna ii sheegtay inaan guriga ka tago maadaama aysan Rachel doonayn inay I aragto, Waxaan doonayay inaan hooyadeed u sheego wixii dhacay, laakiin ma awoodi karayn inaan wax u sheego, gurigayaga Ayaan kusoo laabtay anigoo aad u niyad jabsan. 6th January 2014, Rachel waxay ku noqotay iskuulkii, waxaa dib gurigooda loogusoo celiyay 18th January, sababtoo waxay xanuun aan hore u qaban jirin ay ka dareemaysaa qaarka danbe iyo macdanta, markii ay hooyadeed ii sheegtay waxaan aaday gurigoodii, waxay ku tiirsanayd bas wayn oo gurigooda yaalay, iyadoo labadeeda gacmoodba caloosheeda ku haysa oohin iyo ilmana isku daraysa, aabeheed ayaa yimi isagoo u sida kiniino kaarjebin ah markii ay qaadeen kadib way seexatay, waan la joogay waana daawanayay iyadoo huruda, ugu yaraan waxaan ku faraxsanaa inaan Caloosheeda ilmo ku jirin, cabaar kadib way toostay waxay ii sheegtay inay xanuun daran ka dareemayso dhanka bidix ee jidhkeeda, waan ooyay waxaan usoo qaaday qolka fadhiga oo ay ku sugnaayeen waalidkeed iyo walaaladeed, markii aan dhulka dhigay way suuxday, sidoo kale way dhiig baxaysay waxaana u haystay waxa ku dhaca marka ay gabdhuhu Qaangaadhaan. Hooyadeed aad ayay u argagaxday, waxaanuna si degdeg ah ugu qaadnay cusbitaalka iyadoo weli miyarkoodu aanu joogin, kalkaaliyeyaashii caafimaadku waxay u fidiyeen gargaar deg deg ah wayna soo miyirsatay, dhakhtarkii ayaa hooyadeed u sheegay in gabadheeda aan dhiiga dhedignimadu mudaba soo dhaafin, waxa kale oo uu u sheegay inay leedahay Uur ilmuhu ku samaysmay meel aan loogu talagalin (tubal pregnancy ), iyadoo ilmuhu kaga samaysmay dhanka bidix ee Marinka ugxanta qaada ee loo yaqaan fallopian tube, hooyadeed dhankayga ayay soo aaday waxayna bilowday inay dhirbaaxo igala daasho, aabaheed ayaa isku dayay inuu xaaskiisa xakameeyo waayo bukaankii cusbitaalka joogay oo dhan ayaa nala yaaban oo nasoo eegaya, Rachel iyada waxaa loo gudbiyay waadhka, hooyadeed waxay ku barooranaysay inaan anigu gabadheeda sidaas u galay, aabeheed ayaa si adag iigu sheegay inaan wejigayga ka qariyo. Gurigayagii Ayaan kusoo laabtay oo ay ku sugnaayeen hooyaday iyo walaaladay. Hooyaday si xadka ka baxsan ayay u xanaaqsanayd sababtoo ah Rachel hooyadeed ayaa gebiahaanba u sheegtay wixii dhacay, waxay I waydiisay inaan sharaxaad ka bixiyo siday wax u dhaceen, markii aan sheekadii uga bilaabay habeenkii xaflada, xitaa ma aysan sugin intaan u dhamaynayo ee waxay bilowday inay I garaacdo waan ogaa waan u qalmay midaas, laakiin waxay ahayd arin la yaab leh in 18 jir anigoo ah la igu hor garaaco hablaha iyo wiilasha aanu walaalaha nahay, waxaan u cararay qolkaygii waxaana bilaabay oohintaydii, kama ooyayn xanuunka igasoo gaadhay garaacista hooyaday laakiin waxaan la ilmaynayay xanuunka aan sababta u ahay ee Rachel dareemayso, ilaahay Ayaan u baryay inuu badbaadiyo, umana dulqaadan karo inaan waayo, maalintii xigtay waxaan aaday cusbitaalka si aan usoo booqdo markay I aragtay ayay bilowday inay oohin qabsato, waxay ii sheegtay inaan nolosheedii baabi’iyay, uma dulqaadan karayn inaan ku arko iyadoo sidaas xanuun iyo murugo u dareemaysa. Dhakhtarkii ayaa yimi si uu caafimaadkeeda ula socdo, wuxuu ii sharaxay in sababaha keena in ilmuhu ku samayso Marinka ugxanta haweenka qaada uu ka midyahay qaliin lagaga sameeyo xubnaha muhiimka ah gaarahaan inta ka hoosaysa laabta aadanaha (abdominal surgery ), sida dhakhtarku ii sheegay Rachel hore ayaa qaliinkaas oo kale loogu sameeyay iyadoo yar, markii uu dhakhtarkii tegay Ayaan jilbaha dhulka dhigtay waxaana waydiistay inay I cafido, qaliinka ilmaha lagusoo saarayo waxaa loo asteeyay galabta in lagu sameeyo, Rachel iyadu way kasoo horjeeday waxayna u arkaysay in ilmaha lagasoo qubayo (abortion ). Waxay ii sheegtay haddaad doonayso inaan ku cafiyo waa inaad Iga caawisaa inaan cusbitaalka ka baxo, dhab ahaan waxaan doonayay inay I cafido laakiin ma geli karayn khatarta ah inaan cusbitaalka debeda uga saaro waayo wayba dhiman kartaa, waxay igu fiirisay indhaheedaas, waa indho aanan weligay odhan maya. Waxaan raacay doonista boqoradayda. Waxaan siiyay dhar caadi ah oo ay iskaga bedesho dharka bukaanka, aadbay ugu adkayd weli inay socoto laakiin ma qaadi karo si aan uga ilaaliyo dadka cusbitaalka ku jira inay naga shakiyaan, waxaanu qaadanay taxi aanu ku tagnay saaxiibkay gurigiisa, maxaa yeelay Rachel hooyadeed ayaa dhakhso u imaan doontaa gurigayaga markay ogaato inaan Rachel cusbitaalka ku jirin, in cabaara markaanu joognay guriga waxay bilowday inay dhiig baxdo, waxay aad uga cabanaysaa macdantu inay xanuunayso, aad Ayaan u murugooday waxaana indhahayga ka qubaynaysay ilmo xad dhaaf ah, waxaan ku cadaadiyay sariirta oo ay ku baaxaa dagaysay, iyadoo kolba dhan isu wadhfinaysa, saaxiibkay ayaa u cararay banaanka si uu ugu yeedho Gaadhiga Dhooliga ah . Rachel si deg deg ah ayay u joojisay dhaqdhaqaaqii ay samaynaysay wayna xasiloonaatay, waxaan u malaynayaa inay hurdo macaan seexatay, waxaana u daayay hurdadeedii anigoo sanqadhii ka yareeyay. gaadhigii dhooliga ahaa ayaa nasoo gaadhay 30 daqiiqo kadib, kalkaaliyayaashii caafimaadka kuwooda afka qalaad lagu yidhaahdo paramedics ee xaaladaha deg dega ah ka hawl gala ayaa sariirtii kasoo qaaday, waxay dhex jiiftay dhiig aad u badan, waxaan maqlay mid ka mid ah oo dhahaya “ waan soo daahnay, wax rajo ah malaha khalaas “ waan qayliyay waxaana u orday banaanka, waxay ila ahayd inaan nolol riyo ah ku jiro, waan arkayay markay maydkeeda ku qaadayeen birta ay dhinacyada sii hayaan, anigoo arkaya ayaa gaadhigii dhooliga ahaa ee ay saarnayd dhaqaaqay , ma awoodi karayn inaan wax sameeyo waxaan ka ahayn inaan dhulka fadhiisto siina daawado dhooliga maydkeedu saaranyahay ee sii dhaqaaqaya. Waxay ahayd khaladkayga, dib Ayaan ka ogaaday habeenkaas in saaxiibaday xafladii ay cuntadii iyo cabitaankiiba iigu dareen maan-dooriye halis ah, Hal Habeen Oo Qudha ayaa sababay urugo aan la koobi Karin oo dad badan ay dareemayaan, waxaan tagay Aaskii, iyadoo lagu duugay goob aan ka fogayn guriga awoowgeed iyo ayeeydeed , waxaanu indhaha isku qac siinay dhamaan qoyskeeda oo wejigooda cadho iiga muujinaya, si gaar ah hooyadeed uma dulqaadanayn inay I aragto laakiin ma aysan doonayn inay buuq iyo fadeexad ka dhigto aaska, sabab aan anigu leeyahay ayay ku wayday curadeedii oo ahayd gabadha keliya ee ay dhashay, waxay wayday gabadhii hamiga badnayd ee ku riyoon jirtay inay dhakhtarad noqoto, qoyskeedu waxay u noolyihiin nacaybkayga oo keliya . Aaskii kadib waxaan ku hadhay xabaalihii anigoo daawanaya qoraal lagu xardhay qabrigeeda oo u dhignaa “ Qaalidayadii Rachel inkastoo aad naga tagtay goor hore, weligaa waxaad na siin doontaa farxad, waxaad kusii dhex noolaan doontaa quluubtayada “ waan ogahay inay igu dul nooshahay aniga, waqtiga aan noolahayna kuma filnaan doono inaan ka raaligeliyo xanuunkii aan u gaystay, Qaali Nabad Ku Waar “ Jacaylkii noloshayda, Rachel waxay noolayd intii u dhaxaysay 29th December 1997 ilaa 22nd January 2014, weligay waan xasuusan doonaa anigoo marna dhoola cadaynaya, marna ilmada indhahayga ku sooraya, dhab ahaan iima aysan qalmin aniga. Kelmada Turjumaaga Sheekada. Aadan Xabeeb, “Intii lagu guda jiray sheekadan dhabahaan waxaan faa’iiday ereyo badan oo dhanka luuqada ingiriisiga ah haba u badnaadeen ereyo dhanka caafimaadka ku taxaluqee, intaas kadib waxaa ugu waynayd oo caqabad ah oo aan kala kulmay waxay ahayd dhanka Anshaxa oo runtii sheekada meelo badan oo kamida waqti badan aan geliyay waxaan ku bedeli lahaa anigoo aan ka tegin nuxurka Iyo dhadhanka sheekada. Ujeedada aan uga lahaa sheekadan ayaa ahayd inay digniin u noqoto da’yarta Wiilal iyo Hablo labadaba, waa marka koowaade sheekadu waxay ina baraysaa inaad iska hubiso meel kasta oo aad aadayso, waxaad cunayso iyo waxaad cabayso oo dhibaato kuu keeni kara, marka labaad waxay inoo sheegaysaa inay mamnuuc tahay sida diinteenu ina fartay inay wiil iyo gabadh meel wada seexdaan waxkasta ku talagal iyo kama labadaba inay ku dhici karaan ayaynu sheekada ka baranay. Waxaa kale oo aan qof ahaan sheekadan ka bartay in haddii qof khalad kaa galo aadan cafiskiisa ku xidhin inuu ku kaco dhib kasii wayn dhibka uu kuu gaystay sida markuu cusbitaalka kasoo saaray oo uu sabab u noqday inay dhimato. Intaasi waa dhankayga iyadoo kooban, wixii dareen-noqod Togan Iyo Mid Taban haya labadaba sheekadu way u furantahay.” Xuquuqda Turjumaada Sheekadani Waxay U Dhawrsantahay Aadan Jaamac Oogle (Aadan Xabeeb)
© Copyright 2025