Somaliska

Sharciga (2009:62) ku sabsan ka hortaga lacag maydhista iyo maalgalinta argagixisada
Sabataa awgeed ayuu bangigu
su’aalaha kuu weydiinayaa
Iyadoo la isticmaalaayo habka bangiga
ayaa cida rabta inay lacag maydho u qarin
kartaa sida loo raadraacaayo lacagtu
meeshay ka timid ee danbiga aheyd.
Qaabka lacag meydhistu waxa uu noqon
karaa mid aad u adag. Kaliya maaha lacag
kaash ah, ee waxa ka mid noqon kara
isku xawilida iyo khidmado kale ee sida
internedka iyo telefoonka.
Sharciga lacagta la maydhaayo
Si looga hor tago in bangiyada loo isticmaalo lacag maydhista ayaa shuruuda
sameeyay guud ahaan dunidoo dhan
loo sameeyey. Sharciga Iswiidhan waxa
uu ku dhisan yahay tusmada EU-da ee
saddexaad, taas oo micnaheedu yahay in
dhamaan shirkadaha maaliyada ee EU-da
ay masuul ka yihiin ka hortaga lacag
maydhida. Sharciga xataa waxa ku jira
shirkadaha iyo xirfeleyda ka baxsan laanta
maaliyada sida xisaabiyayaasha, qareenada,
kuwa guryaha iibiya iyo qaar kale oo
badan.Sharci la mid ah ayaa ka yaala maal
galinta argagixisada.
Bangigu waa ku qasab inuu
su’aalo weydiiyo
Sida saxa sharciga lacag meydhista
micnahiisu waa in bangigu uu qiimeyn ku
sameeyo khatarta in loo isticmaalaayo
lacag maydhis. Sharcigu waxa uu shuruud
adag saarayaa in bangigu uu aqoon
wanaagsan u leeyahay macaamiishiiisa iyo
arimaha bangigooda. Bangigu waa inuu
fahmo ujeedada xidhidhka ganacsiga iyo
xataa dhaqdhaqaaqa macaamiisha ee kala
duwan.
Macluumaadka macaamiisha ee uu bangigu
helaaayo waxa loo hany doonaa si sir ah
iyadoo ay ka mid tahay siryenta bangiga.
Ujeedada dhaqdhaqaaqa
Wenn Sie eine Einzahlung oder eine
Markaa doonayso inaad lacag ku shubto
ama dhaqdhaqaaq kale waa inaad su’aalo
ka jawaabto oo aad tusto aqoonsi shaqeynaaya marka shaqaalaha bangiga uu kaa
dalbado. Waxay noqon kartaa dhaqdhaqaaq uu bangigu u arko midaan caadi
aheyn ama aanu bangigu fahmin ujeedadiisa. Shaqaalaha bangiga ayay masuuliyad
ka saaran tahay inuu ka dib ku weydiiyo
dhaqdhaqaaqa iyo waxa lacagta lagu isticmaalaayo iwm.
Marmarka qaarkood waxa uu bangigu u
baahan yahay inuu arko heshiis, risiidh,
biil ama cadeymo kale oo taageeraaya
warbixintaada.
Hadaad tahay macaamiil cusub
Bangiga waxay masuuliyad ka saaran tahay
inuu hubsado aqoonsiga qofka doonaaya
inuu noqdo macamiil cusub, tusaale ahaan,
markaad doonayso inaad furto koonto,
lacag ku kaysado saami ama caymiska
hawlgabka. Si loo hirgaliyo khidmada
la dalbadey ayuu shaqaalaha bangigu ku
weydiin doonaa su’aalo dheeraad ah si uu
adiga kaag helo aqoon dheeraad ah.
Hadaad hore u tahay
macaamiisha bangiga
Xataa hadii aad tahay macaamiil hada
waa inaad hadii lagaa dalbado tusi kartaa
aqoonis shaqeynaaya iyadood dhiibi karto
macluumaadka dhamaystiraaya. Waxay
tusaale ahaan noqon kartaa markaad
doonayso inaad sameyso dhaqdhaqaaq
ama aad doonayso khidmad cusub.
Hadaad wadanka dibadiisa
dagentey
Hadaad degan tahay waanka dibadiisa
dibadiisa waxa ku qabanaaya shuruudo
gaar ah. Bangigu waa inuu ogaado inaad
darajo sare dawlada ka haysato ama inaad
qaraabo la tahay qof sidaas ah.
Macaamiisha shirkadaha
Hadaad matalyso shirkad waa inaad tusto
aqoonsi shaqeynaaya iyo inaad xaq u
leedahay inaad shirkada matasho. Waxa
intaa dheeraad ah inuu bangigu eego cida
leh boqolkiiba 25 wax ka badan shirkada
iyo inay cidi qo’aan saamey ah ku leedahay
shirkada. Sidoo kale waa inaad u diyaar
garowdo inad ka jawaabto waxqabdka
shirkada, hab-dhiskeeda iyo sida loo isticmaali doono khidmada bangiga.
Svenska Bankföreningen
www.swedishbankers.se
Telefon: 08– 453 44 00
Juni 2012 Foto: Photo2be
Waa maxay lacagta la maydhayaa?
Lacagta la maydhaayo waxa weeye marka
lacag ka timid dhinaca danbiilayaasha lagu
badalaayo maaliyad si cad loo arki karo.
Waa dhacdo caalami ah oo inta badan ka
gudubta xuduudaha wadamada. Waxay
noqon kartaa lacag ka timid danbiyada
maan dooriyaha, tahriibtinta dadka laga
ganacsado, tahriibta, danbiyada cashuurta,
dhaca, foojariga, ka ganacsiga hubka iyo
wax kale oo badan.
Marmarka qaarkood maaha inuu
bangigu khidmada sameeyo
Hadii aanad tusi karin aqoonsi shaqeynaaya ama aanad dhiibin sharaxaad lagu
qanco oo ku sabsan waxa khidmad
laguugu sameyn, ma sameynaayo bangigu
khidmada aad rabtey. Hadii aan sharciga la
raacin waxa la ciqaabi shaqaalaha markaa
bangiga ka shaqeynaaya. Iyadoo markaa
bangiga uu kormeeraha maaliyadu ganaaxi
doono. Hadii bangiga looga shakiyo lacag
maydhis waxa loo soo sheegi kormeeraha
maaliyada, taas oo ay qeyb gooni ah oo
Ciidanka Booliiska danbiyada ee qaranka.
Macluumaad ku sabsan lacag
bixinta
Marka laga soo bilaabo 2008 waxa
shaqeynaaya sharci ku sabsan macluumaadka la xidhiidhsan lacag bixinta, äller
en lag, EG-xeer-dejinta ee ku sabsan lacag
bixinta. Sida ku dhigan kaas waa in aad
mar kasta macluumaadka aqoosnnigaaga
lagaa reebaa markaa kaash ku shubayso
iyo, acag bixinta. Bangiga waxay masuuliyad ka saaran tahay inuu macluumaadkaa
dalbado oo uu keydsado.
Macluumaad dheeraad ah
Bangigu waxa uu ku bixinayaa macluumaad dheeraad ah ee su’aalaha ka imaan
kara lacag maydhista wixii ku sabsan sid
ujeedada sharciga lacag maydhista.
Macluumaad dheerad ah oo ku sabsan
sharciga waxa uu ka kooban yahay iyo
micnahiisa waxa kaloo bixinaaya.
Finansinspektionen
www.fi.se
Telefon: 08–787 80 00