Hal-Abuurkii Soomaaliyeed Weli Ma Dhiman Qormada 8aad

Hal-Abuurkii Soomaaliyeed Weli Ma Dhiman
Qormada 8aad
Suugaanta Sifaha Akhlaaqda Wanaagsan Iyo Toosinta Dhaqanka
Allaha Xakiimka Raxmaanka ah baanu ku mahadinaynaa sareedooyinkiyo nimcooyinka uu ina
siiyay, isagaanu gargaar ka dalbaynaa dembi dhaafna weydiisanaynaa, Nafaheenan Laciifka ah
shariyo camaladay gurubsanayaan kuwooda xun illaahay baanu ka magan gelaynaa, qofka alle
hadeeyo cidna ma halayn karto, ka eebe halleeyana cidna ma hanuunin karto. Waxaan qirayaa in
aan Alle mooyee Illaah kale aanu jirin Muxamedna(‫ﷺ‬
) uu yahay adoonkii iyo rasuulkii alle.
Idimka Eebe qormooyinkii taxanaha ahaa waa (Hal-abuurkii Soomaaliyeed Weli Ma dhiman)
waxaan maanta idiinku jalbeebayaa qormadii 8aad. Dhudka weedh Murtiyeedka iyo Xikmada
Mawduuca Qormadani waxay u jindhanayaan kuna aroorayaan mawduucay ka hadlaysay
qormadii 6aad(Shakaal yeelo, Edebtana shifee, Sheekadana gaabso) taaso tebinaysay suugaanta
ku saabsan Waanada Iyo Toosinta Dhaqanka.
Qormadanina waxay ku sargoan tahay Suugaanta ku saabsan Sifaha Akhlaaq Wanagsan Iyo
Toosinta Dhaqanka. Waxaan sharax marka hore ka bixin doona waxay tahay akhlaaqda
wanaagsan, waxaan sidoo kale ku soo qaadanaya maansadii halabuurkii hore somaaliyeed iyo
kuwa hada bulshada u maansooda dirkaba.
Madmadowiyo shaki waxaanu ku jirin ahmiyada ay leedahay hab-dhaqanka suubaniyo akhlaaqda
wanaaagsani heerka ay ka taagantahay diinteeena islaamka. Diinteena shariifka ahi waa diin
toosinaysa asluubta ruuxda iyo hanaanka umadaba.
WAA MAXAY HAB-DHAQANKA SUUBANI
(AKHLAAQDA WANAAGSAN)?
Hab-dhaqanka suuban waxay Culimada islaaamku ku qeeexeen qaabab kala duwan, akhlaaqda
wanaagsani waa hab-dhaqan hufan kaasoo ah mid ku jaraysan abuurka ruuxdiyo maanka qofka;
waa hanaaniyo asluub wacan oo ka muuqda afkiyo adinka nafta, sida:
1- Inaad si gobonima ah bulshada ugu samafasho
2- Inaad gefiyo deelqaafka weedhaada ka ilaaliso waayeel iyo dhalinba dadkaad la nooshahay,
adoo dhibta adinkaagana ka dheernaya
3- In aad u dulqaadato dhibta dadka kaa soo gaadhaysa.
4- In aad xidhiidhiso qaraabadiyo qoyskaagaba.
5- Inaad gunayso gacmahana u furto cidii maalintaad baahnayd wax ku siin wayda.
6- Inaad cafisid calooshana aanad wax ugu qaban, ragrifkii addiyadiyo ilaaqda kula soo doontay
ee ku macjuufeenayey.
7- Inaad feejignaanto fiiro la'aana u fadin xaalada ku hor taagan ee markaa u baahan xal.
Qarbaboosh ma fiicne inuu qayb u hadalka rayigaagu noqdoo mid toolmoon oo ku saynsaaban
murtiyo xikmado deeqaya maanka cida aad u laaqibayso. Halabuurka sebenkan maruu ka
hadlayey hab dhaqan kaas suuban waxan ku tusmayn karayaa meerisyo aan ka soo goldooxay tix
la yiraaho "Amuus Baan Ahay" oo uu tiriyey Abwaan Faysal Goohe, wuxuu yiri:**Ma' aflaxo ninkaan urursanaan oo aadiraac noqoye
**Asluub iyo waa inay murtidu, edeb la haataaye
**Akhlaaq xumada waa laga jiraa, eed halkii dhaline
8- Inaad raacdo wuxuu alle ku faray adigoon ku hanbaasaynin huuhaada iyo halalacda
adduunyadan liidata.
Hab dhaqanka wanaagsani waa mid ku dhidban shan tiir, kuwaas oo haddii mid bololo aanay
dhamays noqonayn akhlaaqda sani. Shantaas dhidibi waxay kala yihiin:1- Adkaysiga amaba Sabirka
2- Xumo ka sariigashadiyo dhawrsoonaanta
3- Geesinimada iyo runta oo heego la maro
4- Garsooorka ama cadaalada
5- Ku dhaqanka shareecada islaamku siday farayso.
Akhlaaqda wanaag sani waxay keentaa in loo dhawaado fadhiga rasuulka maalinta qiyaame.
Nebigeenii(‫ﷺ‬
) udgoonaa wuxuu yiri:Waxaa idinku dhawaan shiiyo badan agtayda malinta dambe ku wiina ugu akhlaaq wanaag san.
Xaga maansada soomaalida haddaan soo qaato tix tilmaamaysa Sifaha uu leeyahay qofka
akhlaaqda wanaagsan kaaso ah ruuxa islaamka ahe kuna sii sifoobay mu'minka, waxaa ila
foolaadsan inaan soo qaato tix la yiraaho "Saw Maaha" taas oo uu tiriyey halyeeygii
soomaaliyeed Darwiish Sayid Muxamed Cabdula Xasan.
Sayidku sabsabta uu tixdan u tiriyey waxaa keentay, markii Muslin iyo Gaalba dadkii Sayid
Maxamad Cabdille ka gees ahaa ay ku tilmaameen inuu dawgii sharciga ka tallaabsaday oo dil
iyo dhac u bareeray dad wixiisna xalaalaystay.
Haddaba sayidku isagoo ka warramaaya akhlaaq wanaagsanida naftiisa iyo ujeeddadiisiiba xagga
islaannimada, Ilaah aqoonta, xagga jihaadka iyo aftahannimada, deeqda iyo xagga walaalnimada
ayuu Sayidku gabaygaan mariyey oo wuxuu yiri:
**Nin Ilaah yaqaan oo sharciga, ku isticmaalaaya
**Ashahaado loo qoray nimaan, kala illaaweynin
**Oo aan inkirihayn xaq waa, la oggolaadaaye
**Nin salaadda awqaadda, faral u addimoonaaya
**Oo dagada oofinahayoo, ugubka dhiibaaya
**Oo aan afurin soonku, waa bilaha iideedee
**Adduunyadiyo xoolaha ninkii, aragti dhiibaaya
**Oo inuu ohay yiraah, ka istixyoonaaya
**Oo aan bakhaylnimo abkiis, lagu ishaareynin
**Nimaan diinta aafo u galayn, aakhiruu sabanka
**Oo aan amxaarada sidii, obo u yaaceynin
**Oo gaalka ooradu ku taal, u askareynin
**Nimaan abuurka Soomaaliyeed, ka anfi taageynin
**Oo aan ajuurada kufriga, ugu adeegeynin
**Oo aan ardiga beesadeed, u ashtakoonaynin
**Nin jihaad ohoominahayoo, ubaxa loo saaray
**Ingiriiska eyga ah ninkii, ugu uneexaaya
**Oo libin ajri leh soo heloo, or iyo geeraar leh
**Nimanyahow aqoonxumadu, waa ardaalnimo e
**Asaraar ma fiicnee, runbaa lagu arooraaye
**Ninkii aynigaa lagu yaqaan, aw islaan ma aha?
Jawaabtu waa "Haa". Markuu sayidku sifaha lagu yaqaan qofka islaamka ee uu ku sifoobay
heego umaro ayuu wuxuu u soo daadagayaa markaa inuu hab dhaqanka suuban ee xaajo
qaadnimo isagoo meerisyada cuddoon ee murtiyo xikmada miidhan ugu dabuubaya inuu sidii
xilkas caaqila uu u ildo furo gundhiyana xaajadii gondaha laalaabtee maalintaa ragii golaha u
waabtay xalin kari waayeen. Wuxuu yiri:**Shir aguugay waayeel abyamay, talo ashaaddowday
**Irda jiqa albaabo isku xiran, eel la bixin waayay
**Xaajadaas afraha duubatee, loo olmami waayay
**Nin aqoon leh aw iyo haddii, odaya loo saaro
**Inkastoo ayaan iyo ayaan, lagu oloollaado
**Ninkii maalitaa ka arrinshaa, aaqil saw ma aha?
Waa Haah jawaabtu; Intaa ka dib wuxuu sayidku hab dhaqankiisa xaga geesinimada. Wuxu yiri:**Wiiwiida qaylada haddii, uubatadu yeedho
**Sangootida ilwaadda leh haddii, agabka loo qaato
**Awaaraha buska leh maalintuu, Xamar abraaraayo
**Maantii warmaha oofta iyo, adhaxda lays gooyo
**Maantuu aboodigu ku lalo, ubaxa loo daadshay
**Maantuu isaayuhu ka dhaco, idil dagaalkeeda
**Maantii fuluu naga ordo, alaba soo rooro
**Maantii raggaan loo ilayn, naga ugaaroobo
**Maantaa ninkii aarsan sow, aarka dhacay ma aha?
Jawaabtu waa haah. Wuxuu sayidku gelayaa markaa inuu tibaaxo akhlaaqdiisa wanaagsan xaga
ixtiraamka, usamofalka dadka, dulqaadkiyo deeqsinimada. Wuxuuna yiri:**Nimaan edabdarroonayn xil, waa laga ajoodaayee
**Aflagaadda aan jirin, nimaan kuula imaanaynin
**Oo kaa asluubanahayoo, kaa istixyoonaaya
**Ab uu yahayba aadniga ninkii, same ekeynaaya
**Abtirsiinya kii xigay nimaam, iniq u dheereynin
**Addoomaha Ilaahay nimaan, kala irdheyneynin
**Ninkii aammusoo shib ah haddii, erey xun loo geysto
**Aan kula ekeekamin intuu, urur ku soo joojo
**Aan xaajo awgeed la gubay, ubucda jeexaynin
**Anfaaciga adduunyada nimaan, ku anfariiraynin
**Oo xeeryo soor lagu akhatimay, ibir ka yeelaynin
**Oo sida ardaal wax u cunee, alam ka siineynin
**Intuu aqalka baanjiyoo, nimaan aradda guuguulin
**Aagaanta ciirta nimaan, aaska dhigaynin
**Oo aan qumbaha awdinoo, ilaxirkow jiidan
**Aaqibadii loo galo nimaan, kala illaaweynin
**Oo kuu ixsaan fali intuu, edge adduun joogo
**Oo aan abaaldhaca aqoon sow, akhiyaar ma aha? Jawaabtu waa haah.
Faa'idooyin badan bey akhlaaqda wanaagsani leeyahay waxaa ka mida:B: Akhlaaqda wanaag sani waxay keentaa in loo dhawaado fadhiga rasuulka maalinta yawmal
qiyaamaha. Sida rasuulku sheegay: "Waxaa idinku dhawaan shiiyo badan agtayda malinta dambe
ku wiina ugu akhlaaq wanaag san.
T: Akhlaaqda wanaag sani waxay cuslaysaa miisaanka qofka maalinta yawmal qiyaamaha ,sida
rasuulku sheegay.
J: khlaaqda wanaagsani waxay kordhisaa cumriga, waxayna camirtaa daaraha.
X: Akhlaaqda wanaagsan quluubta dadka ayaa lagu kasbadaa.
KH: Akhlaaqda wanaagsan qofka ceebihiisa ayay asturtaa.
D: Akhlaaqda wanaag san dhibta dadka ayaa lagaga badbaadaa.
Fadaaisha akhlaaq wanaaga wax la soo koobi karo ma ah oo way badantahay, Waxaa haboon in
la is waydiiyo akhlaaqda wanaag ma tahay wax la kasban karo mise waa abuur ?
Dad badan ayaa aamisan in akhlaaqda wanaag sani abuur tahay oo aan la kasban Karin, taasina
waa fikrad aan sax ahayn, way jirtaa in akhlaaq wanaaagu abuur u yahay dadka qaarkoood,
hadana waa wax la kasban karo oo laysku beeri karo, sidaaa darteed ayay ilaahay faray in lagu
dhaqmo oo rasuulku faray, wax aan suurto gelayna la isma faro. Markaa ku dadaal akhlaaqda
wanaag san waad heliin oo waad ku tilmaamnaane.
SUUGAANTA DHAQAN TOOSINTA
Waxaan qormadan ku soo gunaanayada qaybtan dambe oo ah suugaanta ku saabsan Toosinta
Dhaqanka hadduu yahay qofka. Halabuurada sebenkan bulshada u maansooda waxay u dabran
yihiin hadiyo jeerna door weyn ka qaataan dhinacyo badan oo arimaha bulshada ah, iyagoi wixii
bulshada sharafiyo dhaqankeeda wiiqaya iyagoo maanso ugu digaya sidoo kalena waxa
dhaqankeeda toosinayana ay tixo cuddoon ugu laaqibaan.
Waxan jecelahay inaan idiinku jalbeebo labo tixood kuwaas oo ay kala tiriyeen Abwaan Cadceed
Cadeysey Iyo Abwaan Ismaaciil Cali Boobe.
Haddaan ku horeeyo tixda abwaan Cadceed, waa tix ka soo maaxatay maskax garashadeedu
saraysiyo laab u culan curinta maansada. Tixdan gaaban meeris kasta wuxuu xambaarsan yahay
fariin toosin ah sida aad ku arki doontid. Wuxuu yiri:-
❀ Arartaan Run Gooni u ahayn Jooji Galideeda
❀ Gantow Adiga Oo Aan Ahayn Guutada Ha Raacin
❀ Aar Duur Ku Golongolay Cayaar Haw gujagujaynin
❀ Galka Iyo Jidhaamaha Engegay Maax ha uga Guuxin
❀ Geyigaan Nabaadiino Jirin Diid Ku Gama'iisa
❀ Gaawaha Hashaan Kuu Tamilin Godol Ha Haaneedin
❀ Gocoraan Wax Kuu Quudhahayn Gacanta haw Taagin
❀ Leebaadan Gaashaan U Wadan Gaadada Ha Saarin
❀ Libin Aan Guyaal Sii Jirayn Haw Geblo Cayaarin
❀ Golahaan Murtida Lagu Shirabin Gabay Ha Looyaamin
❀ Garanuug Ugaadhsade Ha Noqon Subax Gabraareedka
❀ Gefer Aadan jarihiisa Baran Gulufka Haw Fuulin
❀ Gaade Aan Hubkiisu U Dhamayn Gamaska Haw Qaadin
❀ Garta Eexo Haw Naqin Adoo Guunyo Xilanaaya
❀ Gasiin Iyo Hunguri Yaanay Noqon Goolka Hadafkaagu
❀ Gaaf Aadan Maamuus Lahayn Abid Ha Geeraarin
❀ Gobanimada Sahal haw malayn Geed ku bixi Doona
❀ Gelbiskiisa Diid Guur Hadaan Diinta lago Goynin
❀ Jaalle Adiga Guushaada Neceb Garabsigii Baaji..
Tixda labaadi waa miduu tiriyey abwaan Ismaaciil Cali Boobe. Wuxuu tixdan abwaan ku
waaninaya hanaankiyo hab dhaqanka wanaagsana u sheegayaa qolo uu markaa masuugay
qaabkay u dhaqmaysay. Waxaynu tixdan ka faaidaynaa:1- Xigaaliyo gacalba inaan la kala xigsan oi aan midna lagu adiyoon
2- Meeli nabadi taalo inaan diririyo dab la gelin
3- Ruuxa ka aqoon badan inaan la afjabsan la xushmeeyo macalinkii dhaaxo alif kolay tahayna ku
soo baray
4- Bahal, Sun, Dabin iyo wixii nafta waxyeela ee ha qarsoonadaan ama ha muuqdaane inuu qofku
ka fogaado fiirana u yeesho
5- Wuxuu ku soo af meeraya meerisyadan kooba inuu qofku qumani u socdo oo aanu u socon
hortaa banaan. wuxuu yiri:-
♢ Sokeeyaha lama xagtiyo, Samo xigaal yaale
♢ Sumuciyo rasaas looma diro, Soodin nabadeede
♢ Saraakiisha lama maagiyo, Ragii siinka kuu dhigay!!
♢ Sakalaha qarsoon lama galiyo, Surin cidhiidhyoone
♢ Saldhig libaax lama doonto, Iyo seerayaal xidhan
♢ Farahaaga lagu ma saaro halaq, Suni ka buuxdaaye
♢ Sidi dhibiq loogu ma tago, Shabeel seef adaan wadane
♢ Seedahaaga lama heero, Iyo saabka feedhaha-e
♢ Sawjar lama duqeeyiyo, Nimaan laga sed qaadayne
♢ Socodkaaga qiimee yaan iblays, Saamo kuu tumine....!!!!!!
Lasoco qormada 9aad............
Refence(Tixraac)
1: Alhidaaya
2: Awjaamac Cumar Ciise "Diiwaanka gabayada sayidka"
3: Xikmadmaal.blogspot.com Hoyga Xogtiyo Xigmada(Miidda Suugaanta)
WQ: Hal-abuur Maanmaal Buureed Gurxan
Contacts:
Tell: +256794092218
Email: [email protected]
Copyright Maanmaal buureed and Maskaxmaal.com