14th November, 2014 QEEXIDDA SILSILADA MAANHADAL Maanhadal: Waa Qormooyin Taxane Ah. Maanhadal: Waa Sheekooyin La Allifay. Maanhadal: Waa Ujeedo & Macneyaal Badan. Maanhadal: Waa Fure Iyo Faynuus. Maanhadal: Waxay La Hadlaysaa Damiirka Nool. Shicaarka: “U Noolow Sidii Adoo Nolosha Ka Hanweyn”. Lama garanayo xilliga dhalashadeeda, lama hubo siday u ekeyd, sifiicanna looma suurayn karo dabeecadeedii iyo dhaqankeedii, xadhkaha xasuusta hadii dirqi lagu dhuujiyo, way oohin badneyd, kalkoolinta aad bay u jecleyd, si lamida, ruux geesiyad ah oo aan ogoleyn marnaba cidlada wehel ka dhigato, ayey aheyd. Waxaa la rumeysan yahay inay ka karti, firfircooni, adkaysin, caqli iyo xikmad badneyd asaageed. Khaanadaha maanka, qaybta xifdinta kolka la tixraaco, dadkii caruurnimadeeda u soo joogey ee la soo noolaa, saddex dabeecadood ayey ku sheegaan oo tilmaan iyo tiigsi lagaga dayado, hubaashii, u aheyd. (1) Inay lahayd dabci gooniya, dhanka dabeecadda nolosha iyo koritaanka muuqaalka. (2) Inay aad u shaqo badneyd, aadna u ciyaar jecleyd. (3) Iyo inay ku hammin jirtay mar walba, yeelashada dad badan oo taageera, dabeecadeeda la noolaada; hase-ahaatee, saamayn badan iyo loolan midabo leh ku yeelan, koritaankeeda iyo ilbaxnimadeeda. 1 Waalidkeed, kadib muddadii caruurnimada (Childhood) waxey diyaariyeen qorshe dhammaystiran, si walba iyo hab walba, loogu qotomiyey fahamka waasacsan ee midabada nolosha iyo mustaqbalka dhow, dhexe iyo fogba; siduu noqonayo, aqoon ay cilmiga dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada u lahaayeen owgeed. Waxey ku tarbiyeeyeen nolosha islaamka iyo ta dhaqanka qowmiyada, Sheekooyinka xikmadda iyo murtida daaran, ayey marwalba jecleyd in dhegeheedu maqlaan, qalbigeeduna weeleeyo; waxey xiise badan u haysay sheeko caruureedka, medadaalada iyo qosolka huwan. Mararka qaarna, sheeko dhaqameedka wey la dhici jirtay, farxad iyo faa’iido owgeed. Waxey ku soo kortay nolol afar sumad leh: (1) Nolol barwaaqo-dherega. (2) Nolol aqoon maalida. (3) Nolol karti badniya. (4) Iyo Nolol medadaalo jeclaysiya. Ayadoo tiro buuxis aan gaadhin ayey dhammeysay, islamarkaana xifdisey kalaamka Eebe SWT. Macalinkeedii Daahir, aad ayuu u amaani jirey ayada, ardayda kale wey ka hinaasi jireen, tookha iyo jaceylka uu macalinku u hayo owgeed, “geesiyad iyo ruux Allaah SWT ku manaystey faham wanaagsan, xifdi sarreeya iyo xishood aan laba arag, dhiggeeda marka la barbardhigo”, ayuu ku tilmaami jirey. Waxaa se la yaab badnaa inay subciska maahirad ku aheyd, ardaydu wey iska ilaalin jireen, ardayada hoogtey ee khasaartey waxey aheyd, ta dhinaceeda bidix fadhida, oo sabab? Markay garan-weydaba wey kala boodi jirtey, dabadeed, macalinkaa ul iyo casharo adag oo oohintu is daba socoto ku ciqaabi jirey. Maamulkii qoyska ayaa go’aamiyey haday dhammeysay musxafka, in lagu abaalmariyo aaditaanka iskoolka si, aqoonta maadiga teeda nafciga leh, u kororsato. Waxey aheyd subax sabtiya, waaberigii, lebis ay jecleyd ayey gashatay, in badan bay dhaayeheedu qaban jireen, marar badanna niyaday gelisay bal mar uun sida ardayda inay dharkaas xidhan doonto, aad bey ugu faraxsaneyd, una degdegtay tegitaanka iyo is qorista dugsigii hoose/dhexe/sare, Al-Baxrayn. 2 Waxey dhiikac-laysaba, socodka ku rafataba, cagta sidii maroodiga marba gargaraacdaba, ayadiyo waalidkeed gudihii dugsigay soo galeen, waxaa se socota khudbooyinkii subaxda, ardaydu safaf ayey ku jiraan, daabuurkuna wuu buuxaa, waxaa khudbada iftitaaxey macalin aysan aqoonin, wuxuu yidhi kadib mahadnaqa casiiska weyn, “Ardayey waan idin la hadlayaa, waxaad ogtihiin in waxbarashadu tahay furaha ilbaxnimada, iftiinka bashariyada iyo awoodda garashada, madaxdii berritoole waa idinka, haa idinkaan idiin jeedaa, waxaan idiin sheegayaa inaad waxbarashada ku dadaashaan, la timaadaan edeb wacan iyo karti badan”. Dadku way kala saamayn ogyihiin wayna kala silloonyihiin, waxbaa gilgilmay!! Gunta hoose ee qalbiga ayey ka dareentey jabaq. Akhriste, tolow maxaa dhacay? Ma weel baa jajabay? Ma tuug baa darbiga kasoo booday? Ma manoole dabada dhufanayaa soo doomay? Ma duul baa dagaalamay? Ma miis baa soo dhacay? Mise? Adigu bal faham! Waxey fahamtay in waxbarashadu tahay inta macalinku ku sifeeyey, ardayduna yihiin mustaqbalkii berrito iyo ubaxii maanta, waxaa se intaas garaadkeeda ka caawiyey, sheekooyinkii ku saabsanaa aqoonta, xishoodka, kartida iyo geesinimada ee ay ku soo hanaqaadey; waalidkeed iyo dadyow kaleba uga faa’ideeyeen, Wey oyday .. Haa aad bay ilintu uga socotey. Kaalinta koowaad, edeb lala ashqaraaray iyo kalsooni sarreysa ayey ku bilowday dhabihii aqoonta, heer lala yaabo ayey gaadhey, “Waa maxay ardaydan inbadan dhiganeysay dugsiga, een aamus hadii la dhaho sii buuqaya, layliskii keen miiska ku dhuumanaya, sabuurada markaad cinwaanka ku qorto ku dhagaxaynaya, lacagta bisha koobashiin iyo keeg ku beddelanaya, oo gabadhani xaga bashariyada kala simanaa, xaga garashadiyo aqoontiyo edebtiyo xishoodku, kaga wanaagsanaa oo qaalisanaa” Macalin Faarax oo maadada xisaabta u dhigi jirey, ayey qalbigiisu kusoo noq-noqon jirtey weydiimahaas. Isla dugsigaas ayey waxbarashadii dhexe iyo sare ku dhammeysatay. Mar walba ayadaa aheyd hogaamiyaha fasalka, dhanka waxbarashada, akhlaaqda, geesinimada iyo kartida. Waxyaalaha in la xasuusto mudan, intay marxalada aqoon-dalabka ku jirtey, macallimiinta iyo ardayda, tilmaamo iyo sifooyin wanaag lagasoo curiyey, had iyo jeer, u bixiyeen uguna yeedhi jireen sida: “Aqoon-maal, Karti-maal, Xaashidii Cadayd iyo Aabaha Garashada”. 3 Waxey ku hamin jirtey inay noqoto haweeney cabqariyad ah, ku takhasustay cilmiga Taariikhda iyo Arrimaha Bulshada. Si lamida, aqoonyahanad u ololeysa xorriyatul-qowlka iyo xuquuqda bani-aadamka. Ayadoo noloshu midabyo badan tahay, waaqicu ku barayo isbaddelo badan, duruufta aad la nooshahay maalinba si ay kuu gedinayaan, waayuhuna casharo, cutubyo iyo cilmiyo aad jaahil ka ahayd kuu daahfurayo, ayadoo imtixaanka kownku iskaba socdo, ayadoo mafaahiimtu kala mowduucyo iyo maado yihiin, waxaa ku bilowday taxaddiyaatka iyo barashada ku dheehan la qabsiga: caqabadaha, murugada iyo dhibaatooyinka nolosha. Deegaanka ay kasoo jeedo waxaa lagu magacaabaa “Beledwayn” – Caasimadda gobolka Hiiraan - maxaad ka taqaana degmadaas, akhriste? Waa deegaan baaxad weyn, bulsho tiro ahaan ka badan 100, 000 oo ruux ay ku nooshahay, waa beled weyn oo taariikhiya, bulshadu u taqaano hoygii ilbaxnimada, halganka, suugaanta iyo sooyaalka. Marka la barbardhigo deegaamada kale, waxay la qiime tahay Makka iyo Madiina. Waa Biriijka Isku xidha Koonfur iyo inteeda kale. Fasalka saddexaad ee dugsiga sare, waxey isku barteen arday dadaal yar, saaqid ah, cayaar badan oo edeblaawe ah, macallimiintu ay karaahiyeysato, ardayda aynigiis ah ee ka wanaagsan necebyihiin, nadaafadiisu ay hooseesayso, aad ka fogaanayso waxa kasoo uraya oo dhidid, shiir, af-qarmuun iyo balaayo baasa, cayda iyo aflagaadada u yaqaana ammaan iyo karti uu dadyowga kale dheeryahay; hablaha oo jacayl beena lagu beero, kelmado khayaaliya oo falaadho aan loo meeldayin in quluubtooda lagu jeex-jeexo, u yaqaan geesinimada xaqiiqiga ah. Sidoo kale, wuu gaabanyahay mana suuro fiicneyn, wajigiisu waa sida daanyeerka, dad baase aaminsan in daanyeerku asaga ka qurxoonyahay!!! Wuu shafweynaa sida libaaxa, waana hadalyaqaan aan waxba hambayn. 4 Lays baray, la kala qoray nambarada, lays balansey, maadaamuu ahaa afmiishaar hadalku dhib badan ku haynin, “Falaadho saamayntoodu dherer iyo baac leedahay ayuu ku ganay, qalbigeeda ayuu furtay islamarkaana faynuus weyn ka siraaday, wuu dhex-degay, jihooyinkii garashada iyo damiirka ayuu dhankiisa u janjeeriyey, wuu halabsaday, markaasuu habaystay”. Gooraan habeen iyo maalin ahayn, xanuun ayey dareentay! Oo muxuu ahaa? Bal Qiyaas!!! Firfircoonideedii caajis ayaa beddelay, wax akhriskii badnaa gaab weyn ayaa ku yimidey, dabeecadeedii way is beddeshay, inay qof kale tahay waa la moodaa, welwel badan iyo murugo badan ayaa lasoo dersay, aftahannimadeedii afgarooc ayaa beddelay, waxaad moodaa inay isku dhex yaacsan tahay, xaqiiqadu waxay tahay inay ayadii tahay, haa waa iyadii. La sheekeysay, la is jeclaa, la saaxiib, laysku milan. Ladan waxaa ku beermay jaceyl lama maqal lama arag ah, noociisu waa ka soocnaa noocyada kale, awoodiisu way ka gedisneyd awoodaha kale, farsamadiisu way ka farshaxannimo sarreysay farshaxanada kale. Ayadoo qalbiga ka damqanaysa oo caga jiidaysa, rafaadku ka muuqdo oo waliba kala dhaantaalsan, waxey goor cawaysin ah u timid hooyadeed, kala hadashay jacaylka ba’an ee ku baahay dareemadeeda ey u qaaday wiilkaas ardayga ah, Axmed, naanaystiisuna tahay Roodal. Kala jileec ogee, kala feker badanee, hooyadeed waxey damacday inay inanteeda u hiiliso, uga hiiliso dareenkan rafaadiyey ee rogrogey, dhanwalba ka reedfalay, ee rar aan riigoobayn ku noqday. Haddaa waa hooyadeed, ayadoo gabasaartu ka dhici rabto oo xawaare sarre oo dabayl badani ka babanayso, odaygii loo gal, lama salaaminee durba warkii inanta lagu taabay, deg-deg inuu inankaas u dhiso laga dalbay, hadalse wuu dambaynee, tolow talada aafada odaygu ma aqbali doonaa!! labo feker oo qiimeysan oo caqli ku jiro ayuu miiska soo saaray: (1) Inantu 17 jir weeye, labo sanno ayey qaangaadh tahay, howshaa mas’uuliyadeeda, xuquuqdeeda, waajibaadkeeda, garashadeeda iyo kartideeda kama bixi karto, inantayda degdeg in loo guursado, degdeg in loo furaa xigta, diiday. (2) Wiilkan ma qiimeysana mana qaalisana, inantayda ma geeyo mana goyn karo, bal day siduu u egyahay, bal day gafuurkiisa iyo garaadkiisa, bal day jidhkiisiyo jimidhkiisiyo jeegadiisiyo joogiisaba, bal day socodkiisiyo soofkiisiyo sooyaal-xumadiisa. “Kan oon inantayda siiyaa, waa anigoo inantayda kufsaday, diiday!! Tolow maxaa xigi, amuurtu se maxay ku idlaan? 5 Lays afgaran waa, Ladan barooratay, kii jaceylka ku beerayna siduu ayuu falaadhihii u ganayaa oo qalbiga u gilgilayaa oo dareemada u dhirbaaxayaa, hooyadeed mana taagna mana dhacdo, mana hoyato mana heermato, waxbay daldalaysaa! Oo tolow maxay damacsantahay! Adaa garan! Ku talisay meherxad, diyaarisay farsamadii, arrintii fulisay, odaygii maqal, tolow muxuu samayn? In leysku maqanyahay ubadi!! Deriskii way soo ordeen, albaabkay u kala dheereenayaan gelitaankiisa, islaantii oo dhulka ku galgalanaysa la arag, dhiig madaxa ka burqanaya la arag, odaygii oo indhihiisu casyihiin oo wajigiisu siyuuyacsanyahay la arag, tolow waxbaa dhacayee, maxaa dhacay! Bal Adba. Kaalay aabo, “Waxaan kugu soo koriyey maal xalaal ah, anigu taajir caanbaxay oo aqoonmaala inaan ahay waad ogtahay, odayaasha degmada kuwooda haldoorada inaan kamid ahay waad ogtahay, qoyska aad kasoo jeedo sharaftiisa iyo sumcaduu bulshada deegaanka ku dhex leeyahay waad ogtahay, inagoo wanaag farabadan leh oo taariikh leh, dhaqaale leh, meeqaam sarre oo la maamuuso leh, tilmaamooyin la mahadiyo oo ku dayasho leh, maxaad aabe nagala soo doontay mooryaanka, mujrimka, manoolaha, manaxaanka, munaafaqa, de Roodal?” “Haye aabe waan ku khaldamay waana kabaxay badaas, sharafta qoyska waan ilaalinayaa, waanadaadana waan aqbalay, waana weeleenayaa si degdega” Ayey ugu dareen celisay, si bay u degdegsaneyd. hadalkana u boobeysay. Kasoo kabatay murugadii hore, kadib aqbalkii waanadii aabaheed iyo ku qancintii dhowrida sharafta iyo taariikhda qoyska; waxbadan oo ay soo kufaa kacaysay oo ay dhibaateesanayd, hadda way caafimaad qabtaa. Waxay u muuqataa inay sidee dii hore kusoo laabatay, haa way wanaagsantahay balse, inankii weli kamuusan caajisin hammigiisii ahaa inay u dhaxdo mar uun, ku dhex arko afarta mitir iyo gogosha, oo waliba warkooda lagu shaaheeyo, hambalyadooda lagu casheeyo oo tolow, muxuu damacsanyahay? Wagaray war waxba ma ogid!. Xillgiii aqoon-raadinta iyo dugsigii sare, marka lagasoo tago iney xariifad ahayd, qof edeb badan oo dhowrsoon, xijaabka dhaqangelisa, arageeda daboosha oo ku foorarisa kala sarreynta dhulka, haa sidaas ayey u dhaqmi jirtey, arday badan waxey u fahmeen iney ahayd dayax iyo qorrax, xilligay la joogto, aheyd shamac iyo taraq xilligay ka maqantahay. Way jireen kuwo ka aaminay inay kibir badan tahay oo waxani istusnimo, qabweyni iyo madax-adayg ka yihiin, 6 Qorshe jaamacadeed ayey waalidkeed hordhigeen, kamaysan gabanee wayba doon-dooneysay, haa aad bay u jecleyd in waxbarashada meel sarre ka gaadho, haa waxey u aragtay in qorshayaasheeda ku dhisan mustaqbalkeeda tahay halkay ka odorosi lahayd, khudada ku dejin lahayd, ku yeelan lahayd awoodii aqooneed, karti iyo waayo-aragnimo. Waxey u diyaar garowday in kuuliyadda caafimaadka barato, soona baxdo dhakhtar caalamiya, Jaamacadda Hiiraan. Semesterkii labaad, ee sanadkii koowaad, waxey is barteen arday wanaagsanaa oo hantiile ahaa, qurux badan laakiin kala socon jiray, waxbarashada ku wanaagsan laakiin garasho yaraa, asxaab badnaa laakiin dabeecad xumaa. Waxaase intaas kasii muhiimsan, inay isku jinsi yihiin. Kadib isbarasho, haasaawe iyo kaftan wadaag, waxey dantu noqotay iney is guursadaan, labadii waalidna wey soo dhoweeyeen, kagadaal kii hore ey ku khasaartey, cadaabkii kasoo maray iyo ilaalinta niyadeeda iyo dareemadeeda, owgeed. Maxamed wuxu isku dayey in Ladan uu ka kaafiyo dhanwalba oo baahideeda ah, laakiin awoodii maleh. Inkastoo guri wanaagsan u dhisay, inkastoo tiriibkii hore is giijiyey, inkasto ... afartii sanno ee uu qabay kamaysan dheefin waxaan ahayn, in Jaamacadii, afarta sanno ahayd ka hadhay, asaageed maanta Bachelor Degree haystaan, ayadu Semesterkii labaad dhammeysan, aad bay u oyday khasaarada ay la nooshahay, waxey mooday in adduunyadu necebtahay ayada, murugadu tahay saaxiibkeeda rummaad, meysan arag wax farxad geliya iyo wax udgoonba, kaaga daranee, madhalays ayuu noqday baadhitaan caafimaad kadambow, “Maan nin kale iska guursado, armaan dhalilahaa! Maan waxbarashadaydii sii wato, Bachelor haysan lahaayaa! Aad bay u welwelsanayd, aheyd mid murugeysan, aheyd mid dhibaateysan, aheyd mid gurmad iyo gargaar u baahan. Aheyd… “Dirac weligii imuu gadin, labo uu bilowgii ii iibiyey mooyaanee, gogol wacan imuusan dhigin, hadal wanaagsan oo debecsan muusan igula mucaamilin, wuu adadkaa, haa dhagax bilaa garasho ah ayuu ahaa, barkad aan biyo ka cabno noo muu dhisin, haa oon ayuu nagu dilay oo gaajuu ahaa, suuli aan ku baahi-baxno noomuu taagin, haa bahal dhintay oo waxba isku falayn ayuu ahaa, kaaga daranee, walaaladii waxkasta wuu u sameeyay, haa barkado, suuliyo, guryo; wuu karaameeyay oo wuu sharfay, dhabcaal ayuu ahaa! Maya Maya Maya ... anaa og oo aafo u noqdee, xaasid cuqdad laawe ah oo caloosha timo ku leh oo calowlyow qarmuuni ka buuxuu ahaa” ayey ku warbixisay mar laga wareystay sowjkeedan cusub. Maxamed. 7 Feker iyo taxliilin badan, waxey is tustay inay ninkan cashar u qorto oo is nacsiiso, haa waxkasta oo ay u maleenaysey inuu ku nacayo oo ku furayo ayey sameysay. Rag badan ayey la haasawday asagoo garab jooga, gogoshii ayey u diiday, wanaag walba xumaan ayey u rogtay, haa waxey ku noqotay qallad iyo laf aan hilib lahayn, iyo dareere dufan lahayn, haa way maagtaa oo ay u jawaabtaa, way iska celisaa oo gacan qaadaa, lacagta ayey is daba-joog uga daldalataa, haa wuu nacay wuuna furay. Wey anfariireen, haa waalidkeed wey yaabeen, inantoodii oo la xumeeyay oo laga asturi waayey, waxey se lasii fajaceen siday iskaga furtay ee ay uga adkaatay, una dadaashay, haa maraxan doqonka ah isku dhaafisay. Waxbaa se jira? Oo maxay akhriste, waxba ma ogid!!! Ladan waxey bilawday inay soo ceshato saaxiibkeedii hore ee laga baaciyey, de Roodal. Ayadoo kasoo kaban la’ xanuunadii isdabajooga ahaa ee murugadu ku dheehnayd, ku dhexmilnayd, oo dhiiladu harqisay, de xanuunkii Roodal iyo Socayabadh “Maxamed”, waxey se is tustay in jaceyl la’aan noloshu marax ay tahay, tiirka ugu weyn ee nolosha kala socodsiiyana asagu yahay; labada inanna aysan jeclayn kan dambe, go’aanna tahay kii hore baadigoobkiisa iyo la noolaanshihiisa. Qoyskii ay ka dhalatay oo runtii ahaa qoys balaadhan oo tiro badan, ilaahay SWT ugu deeqay hanti badan iyo deegaan waasacsan, waxey lahaayeen taariikh waligeed soo jirtay oo qadiimiya, jiilba jiil ka dhaxlayey muddo, waxey badankood ahaayeen suugaanyahano, suugaan-dhaadhiyaal, aqoonyahano, halgamayaal iyo halyeeyayaal, geesinimada u yaqaana xorriyadda dhamaystiranka, raganimada u yaqaana halganka guuleysta, deeqsinimada u yaqaana ilaalinta mabaadida, garashadana u yaqaana ilbaxnimada iyo dhismaha fekerka waaqiciga. Gu’ gaajadu iyo harraadku noqday badaas, roobkii iyo naxariistii samada ee la filayeyna la heli waayey, keydkiina gabaabsi ku dhowaaday, hantidii way is dhintay, busaarad xun ayaa haleeshay oo meelna dhaafi weyday, dadkii shalay wax ahaa maanta waa shiid, fuqaro iyo miskiinayaal. Haa kaalmo iyo tabarruc degdega ayey u baahanyihiin, haday gaajo ku haleesho jeebkuna kaa madhnaado, de waad jajabtaa oo jadwalkaa kaa hallaaba, cadowguna way ku jeedaaliyaan oo nadi ayey dabada kuu qabtaan. Haa waa lagaa aargoosanayaa oo fursadaas lama cafinayo. 8 Ladan waxaa la dhashay marka labada waalid laga soo tago, 30 walaalo oo saddex meelood labo rag yihiin, waa inan isku kalsoon oo geesiyada, sidaynu soo aragnay, rag badan oo waraabayaal oo hilibkeeda bisil hunguri ka galay ayey yur, yaahuu iyo yaac ku tidhi, labada inan waa duruufaha iyo hadba geddiska cimilada iyo waxay waayuhu ku baraanee; laakiin, iminka reerku sidii hore uma dhaqana. Qoyskii waxey isugu yimaadeen shir ay ku badbaadinayaan aayatiinka taarikheed iyo sharafeed, waxeyna inbadan lafagureen oo ka doodeen masiirkooda iyo ta inantooda. Saddex aragti ayey gogoshii kusoo bandhigeen. (1) In gabadha lagu celiyo saaxiibkeed hore, de Roodal, una noqoto xaas wanaagsan maadaamey jeceshahay, horay na loogu diiday. (2) In saaxiibkeed labaad, de Socayabadh marlabaad loo dhiso, haday xumeysay asaga la raali geliyo, waxey ka tirsaneysana loo bandhigo, lala xaaltamo oo loo gogol fadhiisto, xalinta baahiyaha inantooda. (3) Iyo maya, inanteena waa inaan u guurinaa caa’ilada inan kamida, si aysan nooga fogaan, dhibaatooyin badan aysan haleelin, de Siciid *dhoohane* aynu u guurino, walow reerku xaalkiisu xunyahay haddana, dulqaad iyo adkeysin hala yimaadaan, nolosha cusub hasoo dhoweeyaan, halganka loogu jiro noloshana haka qayb qaataan, qaab wadajira. Lagu heshiin waa, lakala dhaqaaq, lama kala dhaqaaqinee waaba lays uleeyay, qaarbaa ul iyo bakoorad isla dhacay, intaa keliya maahee, kuwii dad isugu dhowaa ayaaba kala fogaaday oo kala jihaystey, de aabaheed iyo hooyo!!! “illeen adduunyoy midabo badnidaa, waayuhuna dhacdooyin iyo murugo badnaa, shalay sidaan ahayn iyo maanta saan nahay, duruufaha noloshu noocyo badnaa oo kala dhantaalsanaa, maalin ma farxaysaa maalinna ma murugooneysaa! kaaga daranee, waalidkay ma iney kala tagaan oy is furaan ayey xaajadu ku dhowdahay, Yaab!! Yaab!! Yaab!! Hadda anigu kuwee raacaa? Maxaan sameeyaa? Hadaan go’aan qaato maxaa natiijo oon la kulmayaa? Tolow ma iska dhintaa dartay haddii loo kala dhaqaaqay? Tolow ma dheelmadaa haddii dartay la isku furi rabo”? Weydiimahaas ayaa laabteeda, niyadeeda iyo maankeeda ruxayay, ku soo noqnoqonayey, ay si saxan uga warcelin weyday, talaa ku cadaatay maskiintii yareyd ee la kalkoolin jirey!!!! 9 Asxaabteedii ka ag dhawayd la tashatay, qaar macallimiinteeda kamidana la sheeg, wax isu geysatay, maalmo kadibna, dhaafiba weyday in saaxiibkeed hore Roodal soo ceshato, go’aankii qarsoodiga ahaa banaanka keentay, kala dhaqaaqii hore khayaali, haddaa si dhaba loo hubaa in la kala dhaqaaqay!!! Da’deedu 23 sanno weeye, saaxiibkeed u tagtey, barnaamijkii u sheegatay, asna farxad iyo qosol ku waalay, war wuxu miyuu waalanyahay? Hoos isku weydiisay?, halkan buu soo fadhiyaa asagoo lugaha kor u taagaya, afkana gacanta ku haya, madaxana hoos u gadinaya, hadal lama saarnaadee, heshiiye, shiikhii degmada loo teg, is guursade, su’aashuse, bal maxaa xigi, ma caqabadii ugu weyneyd mise guushii dheemanka??? Waalidkeed, kuwii kula taliyey saaxiibkeedii labaad ee Socayabadh is nace, kala tage, ismaba arki karaan, ismana sheegtaan, xadhkihii riximka laysku jar, kuwii kula taliyey Dhoohane inay u dhaxdana kala dhaqaaqe, haday kuwii hore kala baxeen oo ay is naceen, kuwanaa haddaba ka daran!!! Waxaa se u soo hadhay kuwii kula taliyey Roodal, laakiin: awood maleh, tiro maleh, tayo haba sheegin, garasho laguma oga, xiniinyahana in laga siibay u badi, dhaqaale haba soo hadal qaadin, si kale kuma garatidee, xaaladdu waa kaaf iyo kala dheeri, waa ninkii xaab-qaadaha ahaa ee gudcur xaabada doon-doonayey, guurkii cusbaa ee nolosha cusbaa, tolow intifaac dherer leh ma lahaan doonaa? Ayadoo nolosheeda ka waramaysa waxey tidhi, “Waxaan u maleenayey in Roodal weynaaday, haa ka ilbaxay saqajaannimadii, caruurnimadii, hammi yaridii, saaqid nimadii, nadaafad-xumidii, aflagaadadii iyo daydaynimadii, ismuusan beddelinee wuuba ku cirreystay, caadeystay markaasuu ku weynaaday!!! Waxaan ka filayey in murugooyinka noloshayda asiibay dabiibo, kalgacal iyo karti ka helo, nasteexiyo naruuro iyo naxariis ka helo, gabaad iyo gaashaan ka dhigto, hagardaamooyinka iyo hooldhuqunta kaga hurdo, waan rajeynayey inuu i caawin doono, i soo dhoweysan doono haduu i jeclaa, aniguna raaliya ayaan u noqon lahaa, sida saxaabiyada Caasha RC ay nebiga SCW ula mucaamili jirtey, ayaan ula dhaqmi lahaa, haa Raaliya ayaan u noqon lahaa laakiin… 10 Wuu i garaaci jiray, aad buu ii necbaa, guurkiisu inkastoo sharci ahaa laakiin kufsi waxba iiga muusan duwanayn, masaariif iyo mariin midna imuu siin jirin, gaajo iyo guri cidla ah ayuu igu dilay, inaan geeryoodo ayaa dhaantay silica iyo rafaadka aan kula noolaa asaga, haweenku uma kala calaamad sanayn, hadal inyar oo naxariisa laga dhadhan saro ilbidhiqsi haafkeed kamaanan helin, haa wuu i caayi jiray, haa wuxuu i dhihi jiray waan kaa aargoosanayaa Ladanay, haa wuxuu i dhihi jiray kuma guursanee waan ku qafaashay, haa xubnaha mudan in la xanaaneeyo asagoo xanaaq badan ka muuqato ayuu xumayn jiray, haddana banaanka ayuu ka xaman jiray… intaan la noolaa ma qoslin, ma farxin, sidiisii oo kale ayaan nadaafad xumaaday, isma qurxiyo, urka iyo qarmuunka iga baxaya ka garabkeyga soo istaaga ayaa ka sheekeyn kara, haa waan is ilaawey, inaan gabadh ahay waan hilmaamay, haa waan niyad xumaaday, rajadiina waan ka quustay, haa waan waalan raabaa oo aan ku dhufan rabaa dhowaan, maxaa yeelay? Waan is nacay, dadkaygiina way i neceen, haddaan khaldamay imeysan garaabin, haday kala aragti duwanaadeenna ismeysan arag kadambow, midow ma sameysan. Wakhtigu waa soconayaa, imuusan furin, waxaan la noolahay tiro ku sii siqaysa tiro buuxis, haa caruur waan leeyahay, aminkana caloosha waxbaa ka buuran, ma garan karo”!!! Marka kasta iyo madalwaba waxaan isweydiiyaa su’aalo aad u fara badan: (1) Qof ku jecel nacab miyaa loo noqdaa? (2)Qalibigiyo garashada: Miyaa naxdin lagaga furaa? Ila noolow oo nafta igu labee miyaa laysku nacaa? Qalad la geystay oo la qirtay lagana qoomameeyay qaadirna horay qaddaray Haddana weli quursigu wuu socdaa oo qalbi-daweeye lama hayo miyaa??? Maxaan suubiyey oo aan maalay oo mowjahadan murugadu meelkasta maankayga kaga maaseeshay, oo waliba maandoorin iyo maskax-qalal igu sameysay? Ma dunuub horaan sameeyay? Tolow ma dekenooyin iyo dulmiyo ehelkayagu daa’imeen ayey da’daydu la daarantahay oy la dalxiisaysaa? Niyad-jab mooyaaanee niyad-wanaag horta maba jirto miyaa? Oo tolow Rajo-beel mooyaanee rajo-naawil iyana liiska ku dar miyaa!!! Murtidan ayaa dabdamis ii ah, “Aynu U Noolaano Sidii Adoo Nolosha Ka Hanweyn”. 11 Nolosha Cusub Soo Dhowee Iyo Abwaan Jaylaani Naf yahay caashaqu ka gaday Qof kale caqligeediyee Xusuus ku casuumanee Cidlada wehel moodaysaa! Ha caban waxaan kugu idhiye Ilmada cesho baan ku idhi Laabtaan culay baan ku idhi Caawana tasho baan ku idhi Wakhtiga wuu cararayaaye Jacaylaan loo caal helayn Ka jar kaba goo calooshoo Nolosha cusub soo dhawee Nafyahay caalwaa ha noqon Nasiib kana haw cadhoon Hadduu calaf kaa ceshaday Cuddoon way tagtee illow! Ka cugo waxaan kugu idhiye Geyaanka calmo baan ku idhi Cidaad qalbigaan ku idhi Maruun ciil bax baan ku idhi! 12 Wakhtiga wuu cararayaaye Jacaylaan loo caal helayn Ka jar kaba goo calooshoo Nolosha cusub soo dhawee _________________________ FG: Heestan oo sidan u qoran waxaan kasoo xigtay maqaal lagu faafiyay 19th july, 2014 shabakada caalamiga ah ee hoyga murtida iyo miidda hadalka Www.Maskaxmaal.com , cinwaankuna waa “Falan-qayn: Nolosha Cusub Soo Dhawee”, waxaana qoray Mufakkir Qoraa: Abwaan Maxamed Cabdicasiis Bootaan. Halkan hoose ka dhugo linkigaan kasoo xigtay. Keliya ereyga “Galay” ayaan u beddelay “Gaday” maadaama heestu sidan kusoo baxday, hal-abuurkii tiriyeyna sidan ugu dhiibay Fanaan BK. Special Link: http://maskaxmaal.com/falan-qayn-nolosha-cusub-soo-dhawee-wqmaxamed-cabdicasiis-bootaan/ =================== Dhammaad By: Mufakkir & Ustaad Qoraa: Mohamed Abdirizak Said “SAMIIK” [email protected] Facebook Account: https://www.facebook.com/Samiik10 Facebook Page: https://www.facebook.com/pages/Mufakkir-MohamedSamiik/543082142505150?ref=bookmarks Qoraalada Mufakkir Samiik, Boggan Ka Dheeho http://samiik.wordpress.com/ 13
© Copyright 2025