Lacagta jirrada [Sjukpenning]

Lacagta jirrada
[Sjukpenning]
Xaq ayaad u leedahay lacagta jirrada in aad ka hesho Qasnadda caymiska [Försäkringskassan] marka aanad shaqayn karayn xannuun
awgiis. Lacagta jirrada waxa aad heli kartaa ugu badnaan 364 maalmood
oo 15 bilood gudahood ah. Mararka qaarkood waa la dheerayn karaa
wakhtiga.
Haddii aad shaqaale tahay
[Om du är anställd]
Haddii aad shaqaale tahay waxad heli kartaa lacagta jirrada, marka aanad shaqobixiyaha ka helahayn wax mushahar jirro ah [sjuklön] yacni haddii aad xanuusanayso
muddo ka badan 14 cisho. Shaqo-bixiyaha ayaa wargelinaya Qasnadda caymiska.
Waxaad xannuunka ama jirrada ka sheegi kartaa Boggagayga (Mina sidor) oo laga
helo www.forsakringskassan.se. Waxaad kaloo halkaa ka codsan kartaa lacagta
jirrada. Haddii aad codsigaaga ku soo gudbiso Boggagayga, arrinta dhaqso ayaa wax
looga qabanayaa. Waxaad kaloo halkaa si wanaagsan uga la soconeysaa arrintaada iyo
goorta lacagta laguu soo shubayo.
Mar walba waa laguu soo dirayaa foomka codsiga lacagta jirrada, ama ka codso Boggagayga ama ha ka codsane. Haddii aad codsigaaga ka soo gudbisay Boggagayga, u
ma baahnaan doonto in aad buuxiso foomkaas.
Si lacagta jirrada laguugu soo shubo waa in aad soo buuxiso foomka oo aad noo soo
celiso. Haddii aad lacagta jirrada hore u heshay 364 maalmood oo 15 bilood gudahood
ah, waa in aad sidoo kale soo buuxiso dalbashada in laguu dheereeyo ama ay kuu sii
socoto lacagta jirradu.
Haddii aanad shaqo-bixiyahaaga ku lahayn mushahar jirro waxad xaq u yeelan kartaa
lacagta jirrada laga soo bilaabo biloowga muddada xanuunkaba.
1 (9)
Faktablad: FK 4070_Fa Somaliska Af Soomaali
Uppdaterad: 2016-01-01
Haddii aanad shaqo haysan ama aad fasax ku jirto
[Om du saknar anställning eller är ledig]
Waad heli kartaa lacagta jirrada wakhtiga xanuunka bilowgiisaba haddii aad tahay:
 Shirkadle
 Shaqalaawe
 Fasax waalidnimo
 Fasax qaata lacagta uurka [graviditetspenning]
Wargelinta xanuunka ee Qasnadda caymiska, samee maalinta ugu horraysa ee aad
jirrato. Waxa aad isticmaali kartaa adeegga bogga internetka ee Qasnadda caymiska.
Waxaad xannuunka ama jirrada ka sheegi kartaa Boggagayga (Mina sidor) oo laga
helo www.forsakringskassan.se. Waxaad kaloo halkaa ka codsan kartaa lacagta
jirrada. Haddii aad codsigaaga ku soo gudbiso Boggagayga, arrinta dhaqso ayaa wax
looga qabanayaa. Waxaad kaloo halkaa si wanaagsan uga la soconeysaa arrintaada iyo
goorta lacagta laguu soo shubayo.
Mar walba waa laguu soo dirayaa foomka codsiga lacagta jirrada, ama ka codso Boggagayga ama ha ka codsane. Haddii aad codsigaaga ka soo gudbisay Boggagayga, u
ma baahnaan doonto in aad buuxiso foomkaas.
Marka aanu helno wargelintaada jirrada waxanu soo diraynaa foomka ”Ansökan om
sjukpenning” [”caddaynta lacagta jirrada”]. Si lacagta jirrada laguugu soo shubo waa
in aad soo buux-buuxiso foomka oo aad noo soo celiso. Haddii aad lacagta jirrada
hore u heshay 364 maalmood oo 15 bilood gudahood ah, waa in aad sidoo kale soo
buuxbuuxiso dalbashada in laguu dheereeyo ama ay kuu sii socoto lacagta jirradu.
Caddayn dhakhtar
[Läkarintyg]
Dhammaan dadka ku qoran xanuun muddo ka badan todoba cisho waa in ay haystaan
caddayn dhakhtar. Mararka qaarkood waxa uu shaqa-bixiyaha ama Qasnadda caymisku kaa dalban karaa caddayn dhakhtar maalinta koowaad ee xanuunkaba.
Caddaynta dhakhtarka waxay u adeegsanayaan shaqa-bixiyahaaga iyo Qasnadda caymisku si loo qiimeeyo in aad xaq u leedahay mushahar jirro iyo lacagta jirrada. Xaq
isagama yeelanaysid lacagahaan.
Caddaynta dhakhtarka waxa uu dhakhtarku ku sharraxayaa sida xanuunku u
saamaynayo awooddaada shaqo isaga oo caddaynaya muddada aad ku qornaanayso
xanuunka. Si aanay u kala duwanaan wakhtiga bukaan qoridda dhakhaatiirta kala duwan ee dalka ee xanuunno isku mid ah, waxa jira talooyin caddaynaya wakhtiyada
xanuun ku qoridda ee xanuunnada kala duwan. Haddii uu dhakhtarku sheego wakhti
xannuun ku qornaansho oo dheer, waa in uu ku sharraxo sababta.
Haddii aanay warbixin buuxdaa ku qornayn caddaynta dhakhtarka, waxa ay ka dalban
kartaa Qasnadda caymisku dhammaystir.
2 (9)
Faktablad: FK 4070_Fa Somaliska Af Soomaali
Uppdaterad: 2016-01-01
Maalinta lacag la´aanta
[Karensdag]
Maalinta ugu horraysa xanuunka waa maalin lacag la`aaneed, taas oo macneheedu
yahay in aanad heli doonin maalintaa lacagta jirrada. Shorkadluhu wuxuu leeyahay
7 maalmood oo lacag la’aan ah. Haddii aad tahay shirkadle waxad dooran kartaa
wakhti lacag la´aan ah oo dheer. Wakhti lacag la´aan ah oo dheer wuxu kaa yaranaynayaa khidmadihii aad bixin lahayd.
Maalinta lacag la´aantu mar walba ma aha
[Karensdagen gäller inte alltid]
Sharci ayaa ka yaal dib u xanuunsiga, oo looga jeedo, haddii aad jirratay oo aad
shaqadii ku noqotay, haddana aad dib u xanuunsato shan cisho gudahood, waxa lagu
tirinayaa xanuunkii hore uun. Markaa waxad ka badbaadaysaa Maalintii bilaa lacagta
ahayd oo qarashka waad leedahay maalinta koowaadba.
Ammaanka guud ee khatarta
[Allmänt högriskskydd]
Waxa kale oo jira difaaca halista badan oo macneheedu yahay in aanad u baahanayn
10 cisho oo lacag la´aan ah wax ka badan laba iyo toban bilood gudahood. Haddii aad
xanuusato wax ka badan 10 goor muddo laba iyo toban bilood gudahood ah, waxad
maalinta koowaadba helaysaa mushahar jirro ama lacag jirro. Wakhtiyada xanuunku
waxa uu quseeyaa shaqo-bixiye kastaba iyo Qasnadda caymiska mid walba gaarkiisa.
Ammaanka guud ee khatarta oo khuseysa qofkaaga shirkadda leh
[Allmänt högriskskydd om du har eget företag]
Qof leh shirkad gaar ah oo leh maalin lacag la’aan 7 maalmood, waxaa khuseeya
nidaam gaar ah oo ku saabsan ammaanka guud ee khatarta. Ammaanka guud ee khatarta micneheedu waxa weeye haddii aad xanuunsanayd in ka badan 5 goor 12 bilood
gudahood oo aad xanuunsanayd in ka badan 21 maalmood gebi ahaan, waxaad xaq u
leedahay lacagta bukaanka. Haddii aad shirkadle tahay oo aad dooratay 14, 30, 60 ama
90 maalmood oo xadka bukaanka, kolka xeerkan ammaanka guud ee khatarta kuma
saameeyo.
Gunno safar [Reseersättning] halkii aad ka heli lahayd lacagta
jirrada
[Reseersättning i stället för sjukpenning]
Mararka qaarkood waxa aad heli karta gunno safar halkii aad ka heli lahayd lacagta
jirrada. Waa marka shaqa-bixiyuhu ama Qasnadda caymisku u arkaan in aad shaqayn
karto laakiin aanad si caadi ah shaqada ugu safri karin. Qasnadda caymisku waxa ay
markaa bixinaysaa qarashka dheeraadka ah ee ku baxaya sii socodka iyo soo socodka
shaqada.
3 (9)
Faktablad: FK 4070_Fa Somaliska Af Soomaali
Uppdaterad: 2016-01-01
Lacagta jirrada iyo mushahar jirro oo isku mar ah
[Sjukpenning och sjuklön samtidigt]
Xaaladaha qaarkood waxa aad isku mar heli kartaa mushahar jirro iyo lacagta jirrada
taasi waxa ay jiraysaa haddii:
 Aad dakhli ka hesho shaqo-bixiyeyaal kala duwan.
 Aad dakhli ka hesho shaqo iyo shirkaddaadaba.
 Aad leedahay dakhli masuuliyadeed isla markaana aad leedahay dakhli shaqo ama
shirkadeed.
 Aad qayb ahaan shaqo la´aan tahay.
Lacagta jirrada waxa lagu salaynayaa dakhliga aanad ku helin mushahar jirro.
Intee in le’eg ayuu qofku helayaa lacagta jirrada
[Hur mycket får man i sjukpenning?]
Lagacta jirradu qiyaastii waa boqolkiia 80 dakhligaagii sannadka. Waxa ay sidaas
ahaanaysaa ilaa inta dakhli-sannadeedkaagu aanu dhaafin 332 200 karoon (7.5 lagu
dhuftay qiimaha xaddiga lacageed ee saldhiga ah* [prisbasbeloppet]). Dakhliga
sarreeyaa xaq kuuma siinayo lacag jirro oo sarraysa. Haddii aad leedahay dakhlisannadeed ka hooseeya 10600 karoon (24% qiimaha xaddiga lacageed ee saldhiga ah),
ma helaysid wax lacag jirro ah.
Haddii aad bilaa shaqo tahay, waxad heli kartaa ugu badnaan 543 karoon maalinkii,
taas oo u dhiganta gunnada ugu saraysa ee laga helo Qasnadda shaqo la´aanta. Haddii
aad hesho lacag jirro oo ka hortag ah, kolkaa ku ma khuseeyo xaddayntaasi.
Haddii aad haysato wax ka badan boqokiiba toban mushaharkaaga marka aad xanuunsanayso, waxa laga jarayaa lacagtaada jirrada inta soo hadha. Haddii aad hesho
gunno kaaga timaadda heshiis caymis, waxa loo xisaabinayaa sidii mushahar.
Lacagta jirrada [sjukpenning] waxa loo xisaabaa laba siyood
[Sjukpenningen kan beräknas på två sätt]
Sida caadiga ah waxa loo xisaabaa lacagta jirrada maalinle. Taas macneheedu waxa
weeye in aad helayso lacagta jirrada dhammaan maalmaha todobaadka. Waxase jira
shuruuc kale. Haddii aad shaqaale tahay oo aanad xaq ugu lahayn shaqo-bixiyaha
mushahar jirro, waxad 14 maalmood oo ugu horreeya helaysaa lacagtaada jirrada oo
loo xisaabay maalin-maalin ama saacadiiba. Haddii aad arday tahay ama aad isku
waddo waxbarasho iyo shaqo, waxad helaysaa lacagta jirrada oo loo xisaabay maalinmaalin ama saacaddiiba.
Lacagta jirrada oo dhammaystiran ama qayb ah
[Hel eller del av sjukpenning]
Waxa aad heli kartaa lacagta jirrada oo dhan am afar meelood saddex ahaan ah am nus
ahaan ama afar meelood meel ahaan, taas oo ku xidhan kolba inta aad shaqada ka
joogsato. Tusaale ahaan si aad u hesho nus lacagta jirrada ah waa in aad wakhtigii
shaqada joojiso nus ahaan. Waxaa qaynuun ah in aad shaqayso qayb ka mid ah
maalinta marka aad ku qoran tahay jirro nus ah.
* Qiimaha xaddiga lacageed ee saldhiga ahi wuxu la socdaa isbeddelka sicirka ee bulshada. Sanadka
2016 qiimaha xaddiga lacageed ee saldhiga ah waa 44 300 karoon
4 (9)
Faktablad: FK 4070_Fa Somaliska Af Soomaali
Uppdaterad: 2016-01-01
Wakhtiga shaqada nuskii, loogama jeedo in aad maalin kasta nuskeed shaqayso.
Waxaa jira fursado waqtiga shaqada looga dhigayo mid ku habboon caafimaadkaaga.
Waxaad arrintaas kala xiriireysaa gacanhayahaaga.
Wakhti intee leeg ayaan heli karaa lacagta jirrada
[Hur lång tid kan jag få sjukpenning?]
Waxa aad heli kartaa lacagta jirrada ugu badnaan 364 maalmood oo ah 450 cisho
gudahood (qiyaastii 15 bilood). Xilligan waxa lagu magacaabaa wakhti xaddidan
[ramtid].
Qasnadda caymisku way kula soo xidhiidhaysaa marka aad heli karto lacag jirro oo
dheeraad ah ugu badnaan 30 cisho oo kale.
Dheeraynta Lacagta jirrada
[Sjukpenning på fortsättningsnivå]
Waa in aad adigu dalbataa lacagta jirrada oo heerkeeda la sii dheereeyey. Lacagta aad
qaadaneyso waxa weeye boqolkii 75 dakhliga ay lacagta jirradu ku salaysan tahay,
taas oo micneheedu in ka yar boqolkii 5 lacagta jirrada ee heerka caadiga ah.
Lacag jirro oo kuu sii socota
[Fler dagar med sjukpenning på normalnivå]
Haddii aad qabto xanuun halis ah waxa aad codsan kartaa in aad sii hesho in ka badan
364 maalmood oo lacagta jirrada oo heer caadi ah. Ma jiro waqti xaddadaya maalmaha
dheeraadka ah oo aad qaadan karto lacagta jirrada ee heerka caadiga ah. Lacagta la
bixinayaa waxay u dhigantaa lacagtii jirrada oo la qaadan jirey 364 maalmood oo
hore. Xataa haddii aad soo qaadatay lacag jirro oo waqtigeed xaddadan yahay ama
gunnada dhaqdhaqaaqyada, waxaad codsan kartaa maalmo dheeraad ah oo aad qadato
lacagta jirrada ee heerka caadiga ah.
Gunnada bukaanka
[Sjukersättning]
Adigaaga u dhexeeya 30 sano iyo 64 sano waxa aad heli kartaa gunnada bukaanka
haddii awooddaada shaqo ugu yaraan afar meelood meel ahaan ay si joogto ah u kala
dhantaalan tahay. Kala dhantaalnaan joogto ah waxa looga jeeda ilaa mustaqbalka la
qiyaasi karo. Waxa aad helaysaa gunnada bukaanka oo dhan ama saddex dalool ah,
ama nus ah ama afar meelood meel ahaan ah. Inta aad helaysaa waxa ay ku xiran tahay inta ay le’eg tahay kala dhantaalnaanta awooddaada shaqo iyo fursadahaaga aad
shaqo ahaan isku masruufi karto.
Lacagta jirrada ee marxaladaha gaarka ah
[Sjukpenning i särskilda fall]
Haddii aad soo qaadatay lacagta jirrada waqtiga ugu badan oo uusan ku soo gelin dakhli lagu salayn karo lacagta jirrada ama dakhli ka hooseeya 80300 karoon, waxaad heli
kartaa lacagta jirrada ee marxaladaha gaarka ah. Waxaad lacagta jirrada ee maxaladaha gaarka ah qaadan kartaa 914 maalmood. Lacagta waxaa la bixiyaa maalmo
badan toddobaadkii, waana ugu badnaan 160 karoon maalintii.
Gunnada hawlqabadka
[Aktivitetsersättning]
Adigaaga u dhexeeya 19 sano iyo 29 sano waxa aad heli kartaa gunnada hawlqabadka
haddii awooddaada shaqo ay kala dhantaalantahay ugu yaraan afarmeelood meel
5 (9)
Faktablad: FK 4070_Fa Somaliska Af Soomaali
Uppdaterad: 2016-01-01
ahaan. Waxa aad helaysaa gunnada hawlqabadka oo dhan ama saddex dalool ah, ama
nus ah ama afar meelood meel ahaan ah. Inta aad helaysaa waxa ay ku xirantahay inta
ay leegtahay kala dhantaalnaanta awooddaada shaqo iyo fursadahaaga aad shaqo
ahaan isku masruufi karto.
Qiimayn awoodda shaqo- silsiladda dhaqancelinta
[Bedömning av arbetsförmågan – rehabiliteringskedjan]
90-ka maalmood ee ugu horreya marka aad ku qorantahay xanuunka, waxa aad xaq u
leedahay lacagta jirrada haddii aanad shaqadaadii caadiga ahayd qaban karin. 90
maalmood ka dib, waxa aad lacagta jirrada xaq u leedahay uun haddii aanad shaqo
bixiyahaaga u qaban karin wax shaqo ahba. 180 maalmood ka dib waxa aad lacagta
jirrada xaq u leedahay uun haddii aanad wax shaqo ahba ka qaban karin suuqa shaqada
ee caadiga ah.
Laakiin taasi ma jirayso haddii ay Qasnadda caymisku kugu qiimayso in aad ku noqon
karto shaqo uu hayo shaqo-bixiyahaagu inta ka horraysa maalinta 366. Markaas xiitaa
waxa la qiimaynayaa awooddaada shaqo ee aad shaqo-bixiyagaaga ugu shaqayn karto
wixii ka dambeeya maalinta 180-aad. Taasi ma khuseyso haddii aa loo arko in aysan
macquul ahayn in awooddaada shaqo loo qiimeeyo shaqooyinka suuqa shaqada
caadiga ah.
Habkan noocan ah ee loo qiimanayo xaq u lahaanshaha lacagta jirrada waxa lagu
magacaabaa silsiladda dhaqancelinta. Silsiladda dhaqancelintu waxa ay si buuxda u
quseeysaa qofka shaqo haysta. Haddii aad leedahay shirkad gaar ah, waxaay Qasnadda
caymisku qiimaynaysaa awooddaada shaqo laga bilaabo wixii ka dambeeya maalinta
180-aad, iyadoo loo eegayo hawlihii aad qaban jirtay ee caadiga ahaa. Intaas ka dib
waxa la qiimaynayaa awooddaada shaqo iyadoo loo fiirinayo dhammaan suuqa
shaqada ee caadiga ah. Haddii aad shaqo-laawe tahay waxa bilowga muddada xanuunkaba la qiimaynayaa awooddaada shaqo iyadoo loo fiirinayo dhammaan suuqa
shaqada ee caadiga ah.
Waxaad xaq u leedahay inaad fasax ka qaadato shaqadaada si aad u soo tijaabiso
shaqo kale ama aad u hubsato inaad shaqayn karto adigoo xannuunkaas qaba.
Warbixin dheeraad kala xiriir shaqa-bixiyahaaga ama wakiilka ururka shaqaalaha.
Ammaanka khaaska ah ee khatarta
[Särskilt högriskskydd]
Ammaanka khaaska ah ee khatarta waxa aad kaga badbaadaysaa maalinta bilaa
lacagta ah, adiga oo helaya lacagta jirrada ama mushahar jirro, laga bilaabo maalinta
koowaad ee aad xannuusato.
Waxa aad heli kartaa ammaanka khaaska ah ee khatarta, haddii:
 aad qabto xannuun si fiican looga warhayo, oo keenaya in aad inta badan ka maqan
tahay shaqada. In badan, waxa looga jeeda in xannuunku ku qabanayo sannad
gudihii wax ka badan
10 goor qiyaastii.
 Haddii aad bixinayso xubin jidhka ka mid ah ama unugyo ama lagugu samaynayo
baadhitaan ka hor xubin aad bixinayso.
Xiitaa haddii aad shaqolaawe tahay waad codsan kartaa ammaanka khaaska ah ee
khatarta. Go´aan ku saabsan ammaanka khaaska ah ee khatarta wuxu noqon karaa
caddayn muhiim ah marka aad shaqo raadsanayso, sababtoo ah shaqobixiyuhu waxa
uu Qasnadda caymiska ka helayaa magdhow ku saabsan mushaharkaaga jirrada.
6 (9)
Faktablad: FK 4070_Fa Somaliska Af Soomaali
Uppdaterad: 2016-01-01
Haddii aad shirkadle tahay waxaad keli ah oo aad codsan kartaa ammaanka khatarta
kolka aad leedahay xadka maalmaha bukaanka oo 7 maalmood ah.
Ammaanka khaaska ah ee khatarta waxa aad qoraal ahaan kaga dalbanaysaa Qasnadda
caymiska. Foomamku waxa ay ku jiraan bogga internetka ee
www.forsakringskassan.se. Waxad sidoo kale u baahan kartaa in aad xannuunkaaga
ku xaqiijiso caddayn dhakhtar.
Lacag jirro oo ka hortag ah
[Sjukpenning i förebyggande syfte]
Waxa aad heli kartaa lacag jirro oo ka hortag ah haddii aad ku jirto daaweyn ama dabiib dhaqancelin ah, si xannuun looga hortago ama loo soo gaabiyo wakhtiga xannuunka. Waxa aad helaysaa lacagta jirrda ee ka hor tagga ah wakhtiga aad shaqada ka
joogto daaweynta darteed. Nidaamka maalinta bilaa lacagta ah, ma quseeyaan lacagta
jirrada ee ka hortagga ah. Taas macneheedu waxa weeye in lacagta jirrada ee ka hortaga ah la soo shubi karo laga bilaabo maalinta koowaad ee daaweynta. Daaweynta
ama dhaqancelinta waa in dhakhtar soo qoraa, kuna jiraa qorshe ay Qasnadda caafimaadku ansixisay.
Si aad xaq ugu yeelato lacagta jirrada ee ka hortagga ah, waxa shardi ah:
 In uu dhakhtar arkay halis xannuun oo sarraysa.
 In xannuunka aad halista u tahay waa in la filayo in uu kala dhantaalo awooddaada
shaqo.
 In uu dhakhtar daaweynta qoray.
Daaweynta ama dhaqancelintu waxa ay noqon karaan daryeel bukaan oo caadi ah,
jimicsiga bukaanka, indhaha iyo dhegaha oo la dhaqan-geliyo, dabiib-shaqo, tijaabin
qalabka naafada iyo weliba talobixin iyo tallaabooyin taageero ah.
Haddii aad u safarto waddan kale
[Om du reser utomlands]
Waad u safri kartaa waddan kale adiga oo qaadanaya lacagta jirrada haddii safarkaasi
aanu hakinayn bogsigaaga ama aanu sii xumaynahayn xannuunka. Waa in aad codsato
inta aanad safrin in aad sii wadato lacagta jirrada. Isticmaal foomkan, ”Ansökan sjukpenning/tillfällig föräldrapenning/aktivitetsstöd vid sjukdom under utlandsvistelse” [“lacagta jirrada/lacagta waalidka ee ku meelgaadhka ah/taageerada
hawlqabadka marka aad xanuusantahay ama ku sugantahay waddan kale”] ee ku jira
bogga internetka ee ah www.forsakringskassan.se.
Shaqolaawe
[Arbetslös]
Si aad u hesho lacagta jirrada marka aad shaqolaawe tahay waa in aad ka qornayd
Xafiiska shaqada [Arbetsförmedlingen] intii aanad xannuusan. Haddaad tahay
shaqolaawe oo aanad shaqo ka raadsanin Xafiisa shadaqada saddexda bilood ee
shaqola´aanta ugu horreeysa gudahooda, xaq waad u yeelan kartaa lacagta jirrada,
haddii aad xannuusato. Laakiin 14-ka maalmood ee ugu horreeya muddada xannuunka
ma helaysid lacag jirro
7 (9)
Faktablad: FK 4070_Fa Somaliska Af Soomaali
Uppdaterad: 2016-01-01
Haddii aad ka weyn tahay 65 sano
[Om du är över 65]
Haddii aad buuxisay 65 sano ka bacdina aad heshay lacagta jirrada 180 maalmood
waxa ay Qasnadda caymisku go´aamin kartaa in aanad xaq u sii yeelanayn lacagta
jirrada. Haddii aad buuxisay 70 sano oo welina aad sii shaqaysato, waxa bilaabmaya
dhimidda maalmaha lacagta jirrada. Laga bilaabo bisha aad buuxiso 70 sano, waxa aad
xaq u yeelanaysaa lacagta jirrada 180 maalmood oo keli ah.
Heshiishka caymiska
[Avtalsförsäkringar]
Marka aad hesho lacagta jirrada waxad kaloo heli kartaa lacag aad ku helayso heshiis
wadareed caymis ah. Sidaa daraadeed waa in aad wayddiiso shaqo-bixiyahaaga ama
ururkaaga shaqaalaha, haddii uu jiro wax caymis ah iyo wixii markaa adiga kaa
quseeya. Qasnadda caymisku ma maamusho caymisyada heshiis wadareed lagu galay,
sidaasi darteed kama jawaabi karto su´aalo dhinacaas ah.
Warbixin dheeraad ah
[Mer information]
Qoraalkaani ma aha qoraal sharci. Buugyaraha "Haddaad xannuunsan tahay oo aadan
shaqayn karin" ("Om du är sjuk och inte kan arbeta") ayaa waxaa ku qoran warbixin
faahfaahsan. Eeg buugyarayaashaan
 xaddadnaanta waqtiga lacagta jirrada.
 qiimeynta awoodda shaqo - haddii ad xaq u leedahay lacagta jirrada.
 dakhliga ay lacagta jirradu ku salaysan tahay - warbixin khuseysa adiga shaqeeya.
 dakhliga ay lacagta jirradu ku salaysan tahay - warbixin khuseysa adiga
waxbarashada ku jira, shaqala'aanta ah, qaata gunnada bukaanka, lacagta hawlaha
dhaqdhaqaaqyada ama lacagta xannaanada carruurta xannuunsan.
Haddii aad tahay shirkadle, waxaad akhrisan kartaa buugyaraha "Shirkadle gaar ah warbixinta caymiska bulshada" ("Egen företagre - information om socialförsäkringen") si aad u hesho warbixin dheeraad ah oo ku saabsan fursadaha aad u kala dooran
karto maalmaha bukaanka oo lacag-laäaanta ah. Haddii aad arday tahay waxaad
warbixin dheeraad ah oo ku saabsan kaalmada waxbarashada iyo haddii la xannuunsado ka heleysaa www.csn.se
Dhammaan qoraalada warbixinaha waxaa ka heleysaa www.forsakringskassan.se.
Waxaad kaloo halkaa si fudud uga isticmaali arrimo badan adigoo adeegsanaya
hawlaha adeegga tooska ah.
Waxaad kaloo adeegga telefoonkayaga 020-524524 ka dalban kartaa caddaymo, foomam iyo qoraalo. Waxaad kaloo ka soo gudbin kartaa codsiyo iyo isqorid.
8 (9)
Faktablad: FK 4070_Fa Somaliska Af Soomaali
Uppdaterad: 2016-01-01
9 (9)
Faktablad: FK 4070_Fa Somaliska Af Soomaali
Uppdaterad: 2016-01-01