/Somalisk version augusti 2012/ Tallaalka looga hortago kaansarka ku dhaca dhuunta ilmogalenka oo lacag la’aanta ah! Su’aalaha caadiga ah Waa maxay HPV iyo kaansarka ku dhaca dhuunta ilmogalenka? Kaansarka ku dhaca dhuunta ilmogalenka wuxuu kamid yahay noocyaha kaansarrada ugu caadiyeeysan ee dumarka weli 45 sano aan buuxsan ku dhaco. Sannadka kasta dumar tiradooda qiyaastii gaarayso 100 oo ku nool gobolka Stockholm ayuu ku dhaca kaansarka dhuunta ilmogalenka. 30 illaa 40 iyaga kamid ah cudurka dartiisa ayay u geeriyoodaan. Kaansarka ku dhaca dhuunta ilmogalenka waxaa sababa fayruus la magacbaxay humant papillomvirus, HPV. Fayruuska oo ah nooca burada hab fudud ayuu u tarmaa. Sidee buu qofku ku garan karaa in uu cudurka qabo? Qofka jirkiisa galay cudur-keenaha HPV badi ahaan waxba ma dareemmo. Xaaladaha badidooda iskiisa ayuu infeekshanka u ciribtirmaa. Laakinse haddii infeekshanka u raago, wuxuu sababa is-bedelka unugyada dhuunta ilmogalenka, kaasoo isku roga kaansarka ku dhaca dhuunta ilmogalenka. Isbedelka unugyada malaha calaamado ama dhibaato la dareemi karo. Sidaaso kale laguma shaacbixin karo iyadoo la adeegsado baaritaanka dumarka. Habka keliya oo lagu shaacbixin karo waaa iyadoo la adeegsado shaybaarka unugyada. Tallaalka lacag la’aanta yaa ka faa’iidaysan karo? Gabdhaha dhasheen 1993 – 1998 ayaa laga bilaabo 1:da febraayo 2012 iska tallaali karo fayruuska HPV oo boqolkiiba 70 sababa kaansarka ku dhaca dhuunta ilmogalenka. Tallaalka waxaa laga hela rugta daryeel-caafimaadeedka, rugta daryeel-caafimaadeedka qoysaska ama rugta tallaalka. Berri hore tallaalku lacag buu ahaa, laakinse imminka waa lacag la’aan! Socialstyrelsen (Golaha barwaaqosoonka iyo caafimaadka ee qaranka) wuxuu tallaalka loogu hortago kaansarka ku dhaca dhuunta ilmogalenka ku qiimeeyay in uu yahaya muhim. Sidaas awgeed, waxaa lagu biiriyay barnaamijka tallaalka guud ee dalka. Barnaamijka tallaalka guud ee dalka waxaa ku xusan in maamulka daryeel-caafimaadeedka dugsiga u carruurta ku tallaalo dugsiga. Gabdhaha dhasheen 1999 iyo wixii ka dambeeyaa oo dhigta sannad-dugsiyeedka 5-6:aad waxaa la siin doonaa fursad ay iska tallaalaan fayruuska HPV. Sidee laysku tallaala? Badbaadada cudurka waa hadba dhaqsida laysaga tallaalo. Sidaas awgeed, ma jirto sabab iskatallaalida dib loogu dhigo. Irbada tallaalka waxaa dhowr bilood gudahooda lagu dura murqaha gacanta ama bowdada. Badbaado buuxda waxay suurtagal noqon kartaa haddii saddex jeer layska tallaalo. Horraanta tallaalka ugu horreeyo waaa in foomka caddaynta caafimaadka la buuxiyaa. Foomka caddaynta caafimaadka waxaa lagu turjumay 13 luqado oo kala duwan, waxaana laga daabacan karaa goobta internetka Vårdguiden. Gabdhaha da’dooda 18 sano ka hooseeyso waa in waalidiintooda ay foomka saxiixaan. Sidee ku ogaan karaa in tallaalku usan halis ahayn? Magaca daawada tallaalka waa Gardasil waxaana dalka Iswiidan laga ansixiyay 2006. Gardasil waa daawo aad loo soo tijaabiyay oo laga adeegsado dalal tiro badan. Dumar tiradooda lagu qiyaasay 30 maljuun oo aduunwaynaha ku nool ayaa lagu tallaalay daawadaas. Badbaadada tallaalka HPV waxay jiri doontaa muddo dheer, waxaana lagu kormeeri doonaa iyadoo la adeegsado cilmi-baaris iyo barnaamijka kormeerida. Daawada dhibaato ma leedahay? Gabdhaha la tallaalay badidooda ma dareemaan wax dhibaato ah, kuwa kalena waxay barta laga tallaalay ka dareemi karaan barrar iyo/ama soo gaduudasho iyo danqasho. Qaar kalena waxay dareemi karaan qandho fudud, daal iyo/ama murqoxannun ama madax-xannuun. Sida ugu wanaagsan ee looga badbaadi karo kaansarka ku dhaca dhuunta ilmogalenka waa sidee? Tallaalka HPV loogama badbaado dhammaan noocyada kaansarka ku dhaca dhuunta ilmogalenka. Sidaas awgeed, waa muhim in laga faa’iideysto shaybaarka unugyada ee joogtada ah. Gabdhaha cudurka iska tallaalay oona ka faa’iideysta shaybaarka unugyada ee joogtada ah waxay helayaan badbaado buuxda. Dhammaan dumarka gobolka Stockholm ku nool oo buuxsaday 23 sano waxaa la siiyaa fursada ugu horreeyso ee shaybaarka unugyada. Warbixin dheeraad? Goobta internetka (www.vardguiden.se) waxaad ka akhrisan kartaa warbixin dheeraad ku qoran af-iswiidish oo ku saabsan HPV, kaansarka ku dhaca dhuunta ilmogalenka iyo goobaha layska tallaali karo. Waxaad ka heleysaa foomka caddaynta caafimaadka oo lagu turjumay 13 luqado oo kala duwan. Waxaad kaloo wici kartaa Vårdguiden taleefan 08-320 100 oo aad ka heli karta warbixin dheeraad xiriir la leh tallaalka. Habeen iyo maalin iyo laba iyo tobban bilood ee sannadka ayay furan tahay. Warbixin iyo talo-bixin ku saabsan daryeel-caafimaadeedka iyo caafimaadka Vårdguiden.se 08-320 100
© Copyright 2025