Aragtida Doobnimada Iyo Aragtida Guurka/ Qormadii Labaad W/Q: Mohamed Abdirizak Said (

Aragtida Doobnimada Iyo Aragtida
Guurka/ Qormadii Labaad
W/Q: Mohamed Abdirizak Said (SAMIIK)
05th May, 2013
Furfurida Maqaalka
Maqaalkan:
“Mufakkir
Mohamed Samiik wuxuu si qotodheer uga hadlayaa aragtida doobnimada iyo
aragtida guurka, asagoo cinwaanku ahaan-doono mid looga hadlo aragtiyo xasaasiya
(Sensitive Issues) oo ay mudan-tahay in bulshada Soomaalida wakhti-xaadirkan loo
bisleeyo, cutubyo badan ayuu ka kooban-yahay, si lamida, qormooyin taxane ah
ayuu noqon-doonaa, muhiimaddu, “Waa in la fahmaa muhiimadda ay leedahay
guurka iyo dhibaatada ay leedahay doobnimadu”. Qoraalkan oo 2013 la qoray,
laguma daabicin Webabka Soomaalida, ayadoo nuxurkiisa qoraagu u arkay inaysan
bulshaddu u bislaan, haddase, mudantahay in lasoo hordhigo, keliya higaad-sixid iyo
macluumaad ayuu ku kordhiyey qoraalka; macaanidda iyo mowduuciyaddu si ay
iskula falgalaan”.
1
Qormadii Labaad
Akhriste: “Sida aad la socoto, qormadii 1 aad, si hufan oo muqaddimo u badan
waxaan ku soo dhiraan-dhiriyay furfurista nuxurka iyo dulucda ujeedo ee fog ee
qoraalkani xambaarsanaan doono; Waxaynu soo sheegnay ayadoo tirakoob sax
ah laga haynin tirada sugan ee Soomaalida haddana, aragti sheegaysa in taranku
yaraanayo oo dhallaanku ay badnayn, sanadihii u dambaysay soo baxday, waxay
ka imaanaysaa ilooyin iyo unugyo kala duwan sida, guurkii oo aad iyo aad u
yaraaday, asbaabo, xaqiiqdii jira awgeed iyo sababooyin kale oo qormadaas ku
xusan, arrintaasna, Soomaalida waxaa la wadaaga Reer-Galbeedka, qoraayadooda
iyo mufakkiriintoodu, qoraalo cilmibaadhiseed iyo daraasado kala duwan, aad iyo
aad u badan ayay ka sameeyeen; Qormadeena 2aad waxaynu ku eegi doonaa,
gorfaynta iyo ka jawaabidda, labadan su’aalood: (1) Yaa Doob Ah? (2) Iyo
Dhibaatada Doobnimada.
YAA DOOB AH?
Macnaha waxaad moodaa inaanu muran iyo dhibaaato weyni aynan ka taagneyn
fasiraadda iyo qeexidda macnaha doobnimada iyo cidda la siinayo ama lagu
shaambadaynayo, wiil iyo gabadhba. Doob waxaa loogu yeeraa oo lagu qeexaa qof
aanan weli isku dayin inuu guursado macnaha, uu yeesho lammaane, Ninka marka
uu guursan gabadh waxaa lagu yeedhaa ninkaas, kelmadda DOOB, oo loola jeedo
nin waligii aan guursan oo cawradiisu cawro kale arag, sidoo kale Gabadha markay
iyaduna aysan guursan wiil waxaa ladhahaa gabadhaashi waa DOOBAD, inkastoo
Soomaalidu kelmaddaas hablaha u isticmaalin, sababo jira owgeed, kelmadda
GAASHAANTI ayay dhaqan-erey ahaan u adeegsadaan tilmaantaas. Macnaha
koobani waxa weeye “Qofkani maahan ruux leh lammaane uu nolosha adduunyada
la dhaqan keeda la qaybsado; waa shaqsi kunool nolol kalinnimo ah “Single Live”
iyo adduun kalinnimo ah” sida aan ku qeexay aniga oo ah ninka aragtiyadan ku
qoraya maqaalkan. (Theory of Single World With Single Life).
2
Akhris baaxad leh iyo cilmibaadhis qotodheer haddii taariikhda, dhaqan-ka iyo
ilbaxnimadda bulshadan * Soomaalida* lagu sameeyo, arrintan xidhiidh la leh,
saddex-waxyaalood ayaad ogaanaysaa: (1) Ruuxa Doobka/Gaashaantida ah,
sumcad wanaagsan kumay dhex-lahayn dhaqan-nololeedka bulshada ay nolosha
midabyadeeda kala duwan la wadaagaan. (2) Isla ruuxaasi, markay timaado doorka
ka qayb-qaadashada ka arriminta nolosha, sida dhanka xaaja-bixitan, kalsoonidda
iyo aaminnaada mas’uuliyadda, kaalin mug leh oo la sheegi karo kumaysan lahayn.
(3) Ku darsoo, kalsooni darro nafsiyadeed (Self-Confidence Delicateness), Ku
tiirsanaan cid kale (Dependent On Others) iyo dhaqaale-xumo (Less Financial
Income) ayay noloshuudu, had iyo jeer, u qaabaysneed kuwa la halgamaya oo
dedaal iyo karti u bixinaya, ka guul-gaadhideeda.
DHIBAATADA DOOBNIMADA
Sida ay daraasadooda ku cadeeyeen aqoonyahannada cilmiga nafsiga daraasadeysa ,
waxey qeexeen oo mugdiga ka saareen, in ay badantahay saamaynta ay yeelato
inuu qofku laqabsado noolaanshaha kelinnimadda, waxey cadeeyeen in qofka biliaadamka ahi ay ku adagtahay inuu ku noolaado nolol kelinnimo ah, ay sababayso
cuduro iyo saameyn badan oo qofka kaga dhaca dhinacyada maskaxda, caqliga,
,dareemada dabiiciga ah, dabeecadda, dhaqan-dhaqameedka iyo cuduro badan oo
sababa xaalado iyo dhibaatooyin khatar ku ah, mustaqbal-nololeedka ruuxa.
Natiijooyinka laga dhaxlo doobnimada ama dhibataada ay sababto, waxaa ka mid
ah, sida daraasaddu cadeysay kuwan hoos ku qoran. wax ay aqoonyahannadu ugu
yeereen“ (A): “Sexual Frustration”, oo ay macneheedu tahay fashilka iyo guuldarada ruuxa kaga yimaada yeelashada lammaane ama guur samayn, isku-buuqa iyo
dareenka kulul ee shahwadda ee u baahan maaraynta, fududaynta iyo ciilbixid u
diyaarinta, balse ruuxu xaqiijin waayo wadadii uu ku xakamayn lahaa ama ku xasili
lahaa, ayaa lagu soo koobi karaa macnaha kelmaddaas. Xanuun kani wuxuu kaga
dhacaa shaqsiga oo sababaa haddii ay ku fogaato daareemada dhammaantood, gaar
ahaan maskaxdu inay gubato, saa’idna u waasho la ajligeed,
3
Sexual Frustration: Waa xanuun mug weyn oo ka dhasha marka uu qofka muddo
dheer uu ku guuldareysto inuu guursado, dareenka badan iyo shahwada xooggan
ee ku jirta ayaa sababeysa xanuunkan haddana, hadhaw, keenaysa inuu waasho
axadku. Xanuunka labaad ee ruuxa haleela, aqoonyahannadu ay sheegeen waa ka
ay ugu magac-dhabeen (B): “Psychological Brain Viruses” oo ay macnaheedu tahay
xanuuno aad u daran oo ku dhaca qaab ushaqeynta garashada iyo xasuusta iyo ka
shaqaynta maskaxda taasoo, aad moodayso qofku inuu wax isku khaldayo ama is
dhexgalinayo, gaar ahaan xanuunadani markiiba waxay keenaan waali toos ah,
waxaana lumaya dhammaan shaqadii maskaxda iyo maamulkeedii iyo weliba
xasuusta cad,
Xanuunka saddexaad wax ay aqoonyahannadu kaga hadlaan mawaadiicdan“ (C)
“Psychological stress, Shock and Mad”, tani waa mid yaab leh oo aad moodo in
bulshadeenna ay ku badantahay maxaa yeelay, waxey keentaa mashquulka
maskaxda qofka oo marwalba aad moodo inay buuxdo aakhir kana keentaa
maskax-xidhan iyo caqli-dabool, sidoo kale, waxey keentaa isla-hadalka iyo
noocyada kala gedisan ee *Buufiska* iyo ka shakiga shey, walax, qof ama uu naftiisa
uu ka shakiyo. Waa xanuun saameyntiisu culustahay oo dadku xammili karin
dhibtiisa, ku tahay la mucaamilkiisa mid aan laga muquuran Karin.
Xanuunka afraad waxay aqoonyahannadu ugu yeeraan (D): “Abhorring people With
Their behaviors”, qofka ayaa u ekaanaya mid ay nafsaddiisu nacayso nafsadaha kale,
gaar ahaan, dumarka iyo hadalkooda ama shukaansigooda, ama ragga iyo la
hasaawidooda, sidoo kale wuxuu nacayaa lawada noolaanshaha dadka kale ee
dhanka kaftanka, fekerka iyo joogtaynta xidhiidhka ehelkiisa, nuxur ahaan, wuxuu
diidsanyahey dadka, xiriirkooda, dabeecadooda iyo hab dhaqankooda.
Xanuunka shanaad waxay aqoonyahannadu kaga doodaan qaybta loo yaqaan (E):
“Problematic of Understanding Human Principles”, doobka waxaa dhib iyo mushkilad
gaamurtay ku noqota la mucaamilka dadka iyo fahamka nolosha adduunyada iyo is
bahaysigeeda; xaaladan waa mid sababaysa aqoon-darrada doobku uu ku fashilmo
ama ku guuldaraysto fahmidda deegaanka, dabeecadda dadka iyo la xiriirkooda
arrimaha nolosha iyo sirtaba, markan qofku waa maqane qafilan oo furo aan lahayn
oo murugo ku noola. Isla qaybtan, waxaa lagu caddeeyaa in doobku anshax iyo
akhlaaqiyaat ahaanba xumaado hadduu ku raago marxaladaas. Dabeecado kala
gedisan sida, xanaaq-badan caloolyow iyo tiiraanyo, murugo iyo gocasho saa’ida
ayaa lagu arkaa goorwalba, dhaqan-maalmeedkiisa iyo hab-fekradeedkiisa. Hagaag!
Isla maadadan, doobku wuxuu ku guuldaraystaa fahamka balaadhan ee bulshada uu
la noolyahay ama uu ka tirsanyahay mabaadideeda guud, dhanwalba, haday akhlaaq
noqoto, qiyam noqoto, curfi noqoto, ijtimaaci noqoto, siyaasad noqoto iyo IWM.
4
Sidoo kale, qofka doobka waxaa ku badata ka sheekeynta ruuxa tilmaamihiisa sida:
jidhka iyo quruxda, waxaa kaloo caado la noqota in lagu riyoodo goorta la gam’ayo
ama la seexanayo, sida ruux qaawan oo xubnihiisa dareemadu muuqdaan, waxaa
kaloo marmarka qaarkood lagu arkaa inuu daawado sawirada qaaqaawan “Naked
Pictures” ama aflaanta la daawado ee xun-xun “Sex Blue Films” , inta badan
wuxuu jecelyahay oo ka helaa in looga sheekeeyo hadduu nin yahay, naag la furay
ama la xumeeyay, xubnaha dareemada ee haweenta ama sidoo kale wuxuu
jecelyahay inuu maqlo codka naagaha xilli walba.
Si lamida, hadday gabadh tahay, waxay jeceshahay in looga sheekeeyo innamada
quruxdooda, nin iyo naag is guursaday, alaabta iyo qalabka uu u dhigay, jacaylka iyo
qisooyinka laga hayo. Sidoo kale waxey keentaa waxyaabo badan oo qaarkood
dabiici tahay oo ay kamid yihiin xanuuno khatar ah sida: isfiilatada iyo cudur ka
dhasha maskaxda qofka oo xammili kari weyda dhibaatada ay ku jirto, oo loo
yaqaan “Brainlock”,
waxyaalaha kale waxaa ka mida ay sababto inuu isku arko inay dadku nacayaan,
xamanayaan, wax ka sheegayaan shaqsiyaddiisa, ama ay sanifsanyihiin, waxaa kaloo
kamid ah, waxyaalaha ay sababto inuu ku guuldareysto talaabo walba oo horumar
ah oo uu doonayey inuu ku talaabsado, waxaana ku adkaata doobka inuu dejiyo
qorshe-maaliyadeed “Financial Strategy” uu ku tashiilayo ama ku kordhinayo,
“iyadoo la ogyahay in lammaanayaashu ay ka qarash yar yihiin dadka aan nolosha
waasac-sanayn ku noolayn, macnaha doobka ah”, inanka/inanta marxaladaas
(Doobnimada) la nool qiyaastii maaliyad ahaan bishii waxaa ku baxda 200-300 Usdollars, halka lammaanayaashu 150$ ay si walba ugu filan tahay. Ayadoo sidaas
tahay, wali Doobku/Gaashaantidu waxay dareemayaan biilkaasi inuusan ku filnayn
oo noloshooda kaafiyayn.
Aniga oo aanan soo koobi karin waxyaalaha laga dhaxlo dhibaatada doobnimada ee
dhinacyada nafsiga, bulshada, deegaanka iyo horumarka, waxaan jecelahay inaan
dadka xasuusiyo sheyga muhiimka ee, u baahan in la xuso ee keenaya sababahan
ama dhibaatooyinkan waxa weeye:- “Ilaahay SWT wuxuu Bani-aadamka ku dhexabuuray biyo macdaneysan oo awooddoodu iyo miisaankoodu ay tahay waxaan
caadi ahayn oo bani-aadamka layaab, anfariir iyo mucjiso ku noqotay (Surprise
And Magical), oo haddii ay qofka insaanka ahi ay ku badato u keenayso inuu
waxyaalahan la kulmo ama uu waasho; biyahan xooggan ee macdaneysan waa biyo
Alle SWT ugu talagalay inay soo saaraan ilmo cusub, kaasoo nool oo ka mid noqda
dhallaanka iyo dhalinyarada adduunka ordaya ee waliba madaxa timo kuleh,
haddaba, sidee iyo habkee loo mumaarisaynkaraa ama loo yareynkaraa awooddaas,
dhibaatooyinka badan ay ka dhalanayaan!!!??? Waa su’aal hortaala walaalkay ama
walaashay, si kale, akhristaha doobka ah ee dhuganaya maqaalkan ,
5
Sababaha looga bixikaro doobnimadda waa kuwo kooban, macnaha waa mid ama
waa labo, sababta ugu muhiimsan ee looga bixikaro doobnimadda waa inuu ruuxu
isku dayo inuu guursado, yacni nolol-wadaag farxad ku faalaysan unko, haddaan si
kale u dhigo, “inaad guur samaysid ayaa ah midda ugu muhiimsan uguna qaalisan ee
looga bixi karo xaaladaha dhibaatada badan ee murugada wadata ee loo yaqaan
<<Dhibaatada Doobnimada>>”.
Qormadeena saddexaad waxaan ku faaqidi doonaa halkee looga bixi karaa
mushkiladan “Whereout Process” iyo faaqidaadeeda, si dhalinyaro badan uga
wareegaan nolosha kalinnimada/Doobnimadda, nolosha xaasnimada/Guurka ugu
wareegaan. Waxaan kusoo gebagebaynayaa qormadeena maanta, tix cuddoon oo
murti qotodheer iyo nuxur xaqiiqeed xambaarsan, taasoo mid kamida dhalinyarta
sebenkan dalka & dadka u kacay maankiisa kasoo maaxatay, Allah SWT dambidhaaf, thawaab iyo fadli aan la soobi Karin haka siiyee.. Aamiin. Tixdani, waxay ku
dhiirigelinaysa dhalinyarada inay guursadaan, nolosha Doobnimada beddel ku
sameeyaan. Waxaa tiriyey Hal-abuur da’ yar kaasoo, xilligan u maansooda bulshaweynta Soomaalida, leh maansooyin aad u badan, keliya maanse-yahan maahee waa
aqoonyahan barta cilmiga dhaqaalaha, si lamida, Qoraa iyo Mufakkir: Abwaan:
Maxamed Cabdicasiis Bootaan. Meerisyada tixdan cuddoon waxaa kamida:
 ♛Intaad dibada meermeeraysay ee, dumarka eegaysay
 ♛Intaad dahabo baaadh -baadhaysee, degelka gaadaysay
 ♛Waxba kaama daayicin sidaan, duunka ku hayaaye
 ♛Markii aad daruur u eg heshoo, dadab kusoo hoysay
 ♛Jaamacad ha doonine markaad, ubadka daadihaysay
 ♛Duruus kaama baaqane waa sidaas, dunida xaalkeede
 ♛Waxba maalna haw dudin rabbaa, daabacoo qoraye
 ♛Doob wayn intaad noqon lahayd, hayso dacalkaaga!
6
Tixraaca Tixda Abwaan Bootaan
===========================
“Hal-Abuurkii Soomaaliyeed Wali Ma Dhiman/Qormadii 7aad (Suugaanta Dhiirigelinta
Guurka), Maanmaal Buureed Gurxan, lagu faafiyay www.Maskaxmaal.com, Bogga
Saddexaad, 16th October, 2014/PDF”.
Halkan Ka Eeg Qoraalkaan Soo Xigtay;
Link: http://maskaxmaal.com/hal-abuurkii-soomaaliyeed-weli-ma-dhiman-qormadii7aad-suugaanta-dhiirigelinta-guurka/
FG: Macluumaadka Kujira Qormadan Waxay ka timid
Cilmibaadhis uu sameeyay Qoraa: Mufakkir Samiiik.
Qormooyinkan taxanaha ah, waxaa lagu soo koobayaa nuxurka
daraasadda taasoo, muddo 1 sanno socotay, ciddii rabta maraajicda
si gaara ayaa loogu sheegi.
Lasoco Qormada Saddexaad…
=================
Dhammaad
W/Q: Mufakir & Ustaad:
Mohamed Abdirizak Saeed Elmi “SAMIIK”
[email protected]
Independent Researcher
Former Chairman “Action Against Poverty & Tribalism”
Qoraaladda Mufakkirka Boggan Ka Dheeho
http://samiik.wordpress.com/
7