Hordhac Haddii aad ka soo hor baxdid laba

TOOSHNEWS.NET
AQOONTA; SOOYAAL IYO SIIYAAL! W/Q: Cabdicasiis Mahdi
Axmed “Guudcadde”
Hordhac
Haddii aad ka soo hor baxdid laba xaashiyadood oo dabayshu sidato, oo aad kaga
reebto gacantaada labadiiba, oo midkood bayaad tahay oo caddahay; aanay wax ba ku
dul qornayn, midda kalena wax ku dul qor-qoran yihiin, oo ay ku xardhan yihiin xuruufi,
kee baad sii haysan lahayd?... Waxaa ii jawaabi kara oo keliya ciddii leh awooddii uu ku
jawaabi lahaa. Waxa ay u badan tahay in aad warqadda caddaanka ah iska lalisid,
waayo? Tan wax ku xariiqan yihiin baad akhrin kartaa, doonaysaana in aad ogaatid,
ama ugu yaraan fahantid, waxa ku dul yaalla ee lagu dul dhigay; waaad ledahay
awooddii oo ah aqoon. Halkan ayayba ka bilaabmaysaa aqoonta aynu u hollanney in
aynu ka hadli doonnaa. Qofku maba kala garteed mana uu kala saareen haddii aanu
aqoon lahayn.
Aqoontu waa garashada shay aad u garatid sidii uu ahaa, tusaale warqaddaa in wax ku
qornaa. Iskamana ahaado wuxu aqoon illaayoo la geliyo dedaal ogaaleed oo uu qofku
ku doonayo in uu ka sal gaadho waxa xaqiiqadu tahay, tusaale warqaddii wax ku dul
xardhanaayeen qofku haddaanu doonayn in uu ka sal gaadho waxa ku dul xariiqani
wuxuu yahay ma uu soo qaateen markaa waxaa is kaashaday garashada uu garanayey
in wuxu warqad tahay waxna ku dul qoran yihiin iyo dedaalka uu ula diyaarka ahaa si
uu uga gun gaadho waxan ku dul yaalla.
Qeexidda cilmiyaysan ee erayga “Aqoon” dood buu ka dhex abuuray Faylasuufyada, oo
illaa hadda laguma wada heshiin qeexitaan rasmiya, balse qeexiddii ugu tunka waynayd
guunna ah oo uu lahaa falsafadyahankii Plato ayaa ahayd “Si weedhi aqoon u noqoto
waa in laga helaa saddex qodob; waa in weedhu “wax la qaadan karo” tahay, waa in ay
“run” tahay, waa in ay “wax la aamini karo” tahay”. Waxa jira Falaasifo kale oo ku
diidday Plato shuruudahan. (Eeg http://en.wikipedia.org/wiki/Knowledge).
Qiimaha Aqoonta
Aqoontu waxay ahmiyad ama qiime u leedahay idil ahaanba bulshada meel degan,
hadday tahay dhan sooyaal; tagtadooda, iyo dhan siiyaal ba; timaadadooda.
Aqoontu waa mid ka mid ah tiirarka ay ummaduhu cuskadaan, lamina soo helayo
sooyaal iyo xaddaarad guulaystay oo aqoon ka qatan. Aqoontu waxay soo taxnayd illaa
bilawgii nolosha waana ay sii taxnaan doontaa illaa dhammaadka nolosha.
Qofka bini’aadanka ahi wuu garan karaa qiimaha ay aqoontu u leedahay hab sami u
socodka nolosha waana wax ku beeran, ogaalkaasi, qofka.
Ilmaha yari maalinka uu ifka ku soo biro ee uu iridda ka soo galo caalamka neefsada
ayaa ugu horraysa cashar loo dudubiyo isna uu derso. Hooysada ama Hooyada ayaa
cunnuga yar habta, u heesta, isuguna darta oo aqoon ku saabsan naftiisa, waalidkiisa,
deegaankiisa, iyo nolosha idil ahaanteed ba. Saamayn aan la dhayalsan karin ayuu
waalidku ku leeyahay masiirka warasadiisa. Heer baana la gaadhsiiyey waalidka gacanta
loo geliyey go’aan ka gaadhista qabiilka ilmaha, dhaqankiisa, deegaankiisa, magaciisa,
iyo xitaa diintiisa! Awooddan uu Eebbe u gartay waalidku waa mas’uulliyad hor leh oo
kusoo biirtay waajibaadkii labda Aabbo. Hadday si taban ugu takri falaanna,
abaalkeedaa laga waraabin, hadday si togan ugu tasarufaanna, mushqaayadbayba
dhanka Eebbe kaga heli.
Labadii qof ee is qabta waxa kala saaraa waa aqoon, dal dhan waxa dhisaa waa aqoon,
shakhsi carbisan oo wax tar leh waxa soo saaraa waa aqoon, adduun horumarsan waxa
keenaa waa aqoon. Yacnii, meel ay aqoontu nolosha noolaha kaga maqan tahay ma
jirto saamaynteedu, min qof illaa heer quruumeed.
Islaamka iyo Aqoonta
Aqoontu diinta Islaamka dhexdeeda waxay ku dhex leedahay kaalin laxaadkeeda leh,
ahmiyad iyo qiimo culusna way siisay, taasna waxaa inoo caddaynaysa aayadihii ugu
soo hor degay Qur’anku ba waxay umadda farayeen wax akhris, sidaas darteed dadka
Muslimiinta ahi waa umaddii Akhrista; umaddii aqoonta. Iina ogsoonoow mar kasta in
cilmiga xoogga la saarayaa yahay kan loo yeesho diinta lafteeda, balse taa macnaheedu
aanu ahayn in tii maaddiga ahayd la iska xooray. Qofka Muslimka ah aqoonta iyo sharaf
oo idili waa baadi isaga ka maqan oo meeshuu ku arkoba waa in uusan uga
haybadaysan gaallaa isticmaasha iyo qiilal caynkaa ah, laakiin waa in uu ogaadaa in
xoolo iyo ninkii lahaa aragti ka dhaxayso.
Aqoontu sideeda bannaan ba diinta marka la joodo waa saddex;
1. Aqoon xalaal ah; ay bannaan tahay in la bartaa, bal e ay waajib noqon karto,
waana aqoonta loo yeelanayo shareecadda diinta.
2. Aqoon xaaraan ah; ay reebban tahay in la bartaa, bal e ay denbi tahay meelaha
qaarna diinta looga bixi karo, oo uu sixirka/falku ka mid yahay. Iyo,
3. Inta soo hadhay ee aan labadaa midna ahayn; barashada la barto kooxdani
waxay ku xidhan tahay jawaabta loo helo su’aasha “Maxaa ka dhalanaya waxan,
barashadiisa?”. Oo haddii waxa ka dhalanayaa noqdo mid toganna (diinta
waafaqsan) waa la baran, hadduu taban yahayna (diinta ka hor imanayo) waxaa
la isku deyi in la islaamiyo (oo isaga diinta la hoos keeno, ee maaha in diinta isaga
la hoos keeno) oo tognaan la keeno, haddii loo caal waayana, waa la iska dayn
lagana dheeraan.
Waxaynu is yar dul istaagi doonnaa dhawr muuqaal oo inoo caddaynaya booska
aqoonta uga bannaan diinta Islaamka dhexdeeda.
- Eebbe wuxuu uumay aadanaha wuxuuna soo raaciyey aaladahii u sahli lahaa in uu
cilmi helo; dhegihii, indhihii, garaadkii. Wuxuuna Alle Qur’aanka ku leeyahay
.87/‫– ( وهللا أخرجكم من بطون أمهاتكم ال تعلمون شيئا ً وجعل لكم السمع واألبصار واألفئدة لعلكم تشكرون ) النحل‬
“Eebbe wuxuu uurka hooyooyinkii idinka soo saaray idinkoo aan lahayn midh aqoon
ah, wuxuuna idinku mannaystay maqal, arag iyo garaad, bal inaad mahadcelin la
timaadaan”.
- Diintan Islaamkuna waa ba diin cilmi iyo aqoon sees looga dhigay, waxaana taa u xujo
ah shantii aayadood ee ugu soo hordega Qur’aanku waxay dhiirrigelinayeen, isla
markaana
umadda
farayeen
wax
akhriska
oo
ah
furaha
aqoonta,
( 5-1/‫ علم اإلنسان ما لم يعلم ) العلق‬، ‫ الذي علم بالقلم‬، ‫ اقرأ وربك األكرم‬، ‫ خلق اإلنسان من علق‬، ‫)اقرأ باسم ربك الذي خلق‬.
- Cilmiga ayaa camalka ka horreeya sida Islaamku u dhigay, oo maxaa camal la samayn haddaan
cilmi laba lahayn?! Waa ka Eebbe ina leh . 11/‫– ( فاعلم أنه ال إله إال هللا واستغفر لذنبك وللمؤمنين والمؤمنات ) محمد‬
“Ogsoonow (aqoonteedii yeelo) in uu Eebbe keligii xaq u leeyahay in la caabudo, ka dibna
denbi dhaaf waydiiso (Camal falkii bilaw) una waydii naftaada iyo nafaha Mu’miniintaba, lab iyo
dhedigba”.
- Wuxuu Eebbe inooga digay in aynaan ku hadaaqin wax aynaan aqoon u lahayn wuxuuna
yidhi 63/‫“ – ( وال تقف ما ليس لك به علم إن السمع والبصر والفؤاد كل أولئك كان عنه مسؤوالً ) اإلسراء‬Hana odhan wax aanad
cilmi u lahayn, waayo maqalka, aragga iyo garaadkaba waa lagu su’aali”.
- Eebbe wuxuu qiritaanka xaqnimadiisa iyo tan Malaa’igtiisa ku saddexeeya dadka aqoonta leh,
culimada, ( 81/‫) شهد هللا أنه ال إله إال هو والمالئكة وأولوا العلم قائما ً بالقسط ال إله إال هو العزيز الحكيم ) آل عمران‬.
- Aqoonsiga la aqoonsado Alle jiritaankiisu waa ictiraaf la ictiraafay abuurka Eebbe iyo
aayaadiisa, cidda aqoonsigaa hormuudka u ahina waa ehlu aqoonta; culimada, sidaa darteed
buu Eebbe ugu ammaanay Qur’aanka dhexdiisa yidhina 81/‫)إنما يخشى هللاَ من عباده العلماء ) فاطر‬.
- Dadka cilmiga leh waxaa u diyaara derajo sarraysa, diinra dhexdee, wuxuu Eebbe leeyahay
11/‫“ – ) يرفع هللا الذين آمنوا منكم والذين أوتوا العلم درجات ) المجادلة‬Eebbe wuxuu dallacsiiyaa kuwa iimaanka
leh iyo cilmiga loogu deeqayba”.
- Si uu Eebbe inoo tusiyo ahmiyadda uu cilmiga u hayo wuxuu nebiga NNKH faray in uu Alle ka
baryo in uu aqoonta u kordhiyo, wuxuuna yidhi (881/‫“ – )وقل رب زدني علما ً ) طه‬Dhehna (Nebiyoow)
‘Rabbiyoow aqoon ii kordhi’”.
-
Wuxuu
Eebbe
ammaan
huwiyey
dadka
aqoonta
leh,
markuu
yidhi
9/‫“ – ) قل هل يستوي الذين يعلمون والذين ال يعلمون إنما يتذكر أولوا األلباب ) الزمر‬Waxaad dhahdaa (Nebiyow)
‘miyay siman yihiin kuwa aqoonta leh iyo kuwa aan lahayni?’, taas waxaa wax ku qaadanaya
kuwa caqliga furan u saaxiibkaa”.
- Dadka aqoonta leh ayaa u hor qaadasho badan diinta una fahmi og, wuxuuna Alle taa
caddeeyay markuu yidhi 41/‫– )وليعلم الذين أوتوا العلم أنه الحق من ربك فيؤمنوا به فتخبت له قلوبهم( الحج‬
“(waxaannu sidaa u yeelnay) si ay akhyaartii cilmiga lahayd u ogaadaan in uu yahay xaq xagga
Eebbe ka sugnaaday, dabadeedna ay u aaminaan quluubtoodana u furaan si uu u dego”.
Wuxuu kaloo yidhi Alle: 6 :‫ق ﴾ سورة سبأ‬
َّ ‫ ﴿ َويَ َرى الَّ ِذينَ أُوتُوا ا ْل ِع ْل َم ال َّ ِذي أ ُ ْن ِز َل إِلَ ْي َك ِمنْ َربِّ َك هُ َو ا ْل َح‬- “Way ogsoon
yihiin kuwa cilmiga lihi in diintan lagugu soo dejiyey xaq xagga Eebbe ka timi tahay”.
- Eebbe wuxuu ugu gallad sheeganayaa nebiga NNKH in uu siiyey cilmi badan oo aannu hore u
َّ ‫ض ُل‬
hayn, 116 :‫هللاِ َعلَ ْي َك َع ِظيما ً ﴾ النساء‬
ْ َ‫ ﴿ َو َعلَّ َم َك َما لَ ْم تَ ُكنْ تَ ْعلَ ُم َو َكانَ ف‬- “Wuxuuna ku baray wax aanad hore u
aqoon, dheeraadka uu Eebbahaa kuugu deeqayna aadbay u badan yihiin”.
- Wuxuu Eebbe si gaara u abbaarayaa in ruuxa qirsan in diintani xaq tahay, ee aqoon uu ku
qirana lehi, la mid yahay ruux indho qaba, halka ka kalena, ka diidan, la mid yahay midh
indhoolle
ah,
wuxuuna
Eebbe
qaab
waydiimeed
innoo
yidhi
ُ
َ
َ
َ
َ
ْ
َ
ْ
َ
89 :‫ق َك َمنْ ُه َو أ ْع َمى﴾ سورة الرعد‬
ُّ ‫ ﴿ أف َمنْ يَ ْعل ُم أنَّ َما أن ِز َل إِليْ َك ِمنْ َربِّ َك ال َح‬- “Miyuu qofka aqoonsan in diintan laga
soo dejiyey xagga Eebbe xaq tahay la siman yahay ka indhaha la’?”.
- Wuxuu Eebbe u dardaar warinayaa kuwa ka gaalloobay diintan, wuxuuna ugu faanayaa in
addoomihiisa laga soo dhex helayo kuwo aqoon leh oo marka aayaadka Alle lagu dul akhriyo
khushuucaya iyagoo sujuudaya, wuxuuna yidhi Alle:
﴾ً‫س ْب َحانَ َربِّنَا إِنْ َكانَ َو ْع ُد َربِّنَا لَ َم ْف ُعوال‬
ُ َ‫س َّجداً و َويَقُولُون‬
ُ ‫ ﴿قُ ْل آَ ِمنُوا بِ ِه أَ ْو َال تُؤْ ِمنُوا إِنَّ الَّ ِذينَ أُوتُوا ا ْل ِع ْل َم ِمنْ قَ ْبلِ ِه إِ َذا يُ ْتلَى َعلَ ْي ِه ْم يَ ِخ ُّرونَ لِ ْأْلَ ْذقَا ِن‬107-
108/‫سورة اإلسراء‬
- Waxa uu Eebbe umadda muslimiinta ah ugu manno sheeganayaa in uu ka soo dhex saaray
nebi iyaga ka mid ah (Bini’aadam ah) waxyaabaha uu kusoo kordhiyey ay ugu waawayn yihiin
inuu baray kitaabka iyo xikmadda, waxaannu yidhi:
َّ َّ‫)لَقَ ْد َمن‬
َ ‫هللا ُ َعلَى ا ْل ُمؤْ ِمنِينَ إِ ْذ بَ َع‬
ً ‫س‬
861/‫ض َال ٍل ُمبِي ٍن ) آل عمران‬
ُ ‫ث فِي ِه ْم َر‬
َ ‫َاب َوا ْل ِح ْك َمةَ َوإِنْ كَانُوا ِمنْ قَ ْب ُل لَفِي‬
َ ‫س ِه ْم يَ ْتلُو َعلَ ْي ِه ْم آيَاتِ ِه َويُ َز ِّكي ِه ْم َويُ َعلِّ ُمهُ ُم ا ْل ِكت‬
ِ ُ‫وال ِمنْ أَ ْنف‬
Diinta Islaamku waxay sidoo kale dadka ku boorisay in ay wax bartaan, aqoontana
dalbaan, wuxuuna nebigu NNKH kaga dhigay faral dalbidda cilmiga muslim kasta.
Wuxuu kaloo nebigu yidhi:
ْ َ‫سيَأْتِي ُك ْم أَ ْق َوا ٌم ي‬
َّ ‫صلَّى‬
َّ ‫سو ِل‬
(( ‫سلَّ َم‬
ُ ‫صيَّ ِة َر‬
َ ‫هللاُ َعلَ ْي ِه َو‬
َ ِ‫هللا‬
َ )) [ ‫ الترمذي‬،‫– ] ابن ماجه‬
ِ ‫ َم ْر َحبًا بِ َو‬،‫ فَإ ِ َذا َرأَ ْيتُ ُمو ُه ْم فَقُولُوا لَ ُه ْم َم ْر َحبًا‬،‫طلُب ُونَ ا ْل ِع ْل َم‬
“Waxaa idiin iman doona qoom dalbaya oo doonaya aqoon kororsi, haddaad aragtaan
waxaad ku dhahdaan ‘Soo dhawaada’, ‘Ku soo dhawaada dardaarankii Nebiga NNKH’”
[Waxaa soo saaray Ibnu Maajah iyo Tarmidi]. Waxaa xadiiska laga soo dheegan karaa in
qofka cilmi dalbashadu ka dhabta tahay loo fududeeyo wixii haleeshiin kara kasbashada
aqoontii uu rabey.
Waxa uu nebigu NNKH isku deyayaa inuu ina dareensiiyo heerka uu taagan yahay
qofka wax yaqaannaa marka loo eego kan jaahilka ah, wuxuuna yidhi
(( ‫“ – ]الترمذي عن أبي أمامة الباهلي[ )) فضل العالم على العباد كفضلي على أدناكم‬Fadliga uu dheer yahay
aqoonyahanku dadka kale waxuu la mid yahay fadliga aan anigu dheerahay ka idiinku
hooseeya (Xagga camal falka)”. [Waxaa soo saaray Tarmidi isagoo ka soo wariyey Abi
Umaamah Al-baalihi]. Bal u fiirso akhriste, heerka uu nebigu gaadhsiiyey qofka aqoonta
leh (II xasuusnoow aqoonta rasmiga ahi waa ta diinta e), bal ka feker masaafada ay isu
jiraan nebiga laftigiisa iyo qofka dunidan ugu camalka yar, ee muslimka ah!
Masaafadaas oo kale ayay isu jiraan kan aqoonta leh iyo kan aqoonta ka arradani.
Markan wuxuu nebigu sifo walba u soo maray si uu inoo fahansiiyo inoona dareensiiyo
muhiimadda cilmigu leeyahay, wuxuuna xadiiskan ku yidhi:
َّ ‫سلَ َك‬
ْ َ‫ َوإِنَّ ا ْل َعالِ َم لَي‬،‫ب ا ْل ِع ْل ِم‬
ُ ‫ستَ ْغفِ ُر لَه‬
َ ‫ض ُع أَ ْجنِ َحتَ َها ِر‬
َ َ‫ َوإِنَّ ا ْل َم َالئِ َكةَ لَت‬،‫هللاُ بِ ِه طَ ِريقًا إِلَى ا ْل َجنَّ ِة‬
َ ‫سلَ َك طَ ِريقًا يَ ْبتَ ِغي فِي ِه ِع ْل ًما‬
َ ْ‫(( َمن‬
ِ ِ‫ضا ًء لِطَال‬
َ
ُ ‫ إِنَّ ا ْلعُلَ َما َء َو َرََة‬،‫ب‬
ْ َ‫ض ُل ا ْل َعالِ ِم َعلَى ا ْل َعابِ ِد َكف‬
ْ َ‫ َوف‬،‫ َحتَّى ا ْل ِحيتَانُ فِي ا ْل َما ِء‬،‫ض‬
َّ ‫َمنْ فِي ال‬
َ ‫ض ِل الْقَ َم ِر َعلَى‬
ِ ‫سائِ ِر ا ْل َك َوا ِك‬
ِ ‫س َما َوا‬
ِ ‫ت َو َمنْ فِي ْاأل ْر‬
َ
َ
َ
َ
َ
َ
ُ
ُ
َ
ٍّ
ْ
ْ
َ
ْ
ْ
َّ
َ
َ
َ
ْ
ْ
َ
))‫ ف َمنْ أخذ بِ ِه أخذ بِ َحظ َوافِ ٍر‬،‫ إِن َما َو َّرَوا ال ِعل َم‬،‫ إِنَّ األنبِيَا َء ل ْم ي ُ َو ِّرَوا ِدينا ًرا َوال ِد ْر َه ًما‬،‫األنبِيَا ِء‬
Wuxuu xadiiska dhexdiisa nebigu inoogu caddeeyay dhawr arrimood, aynu isku dayno soo
koobidda xadiiskan waxa laga qaadan karo bal:





Ciddii jid ay aqoon-kasbasho badhax tiran darteed u qaadday martaa, wuxuu Eebbe u
fuududeeyaa jidka uu qofkaasi jannada ku geli lahaa. (Mar walbana ii xasuusnow
aqoonta ta diintaa rasmi ah e, kaalinta koowaadna ku jirta).
Malaa’igtu waxay isku hawlaan raalli gelinta qofka cilmiga dalba.
Qofka cilmiga lehna waxaa denbi dhaaf Eebbe looga waydiiyaa inta dhulka iyo badda u
dhaxaysay, xataa nibiriga ayaa denbi dhaaf Alle u waydiiya.
Wuxuu Alle qofka aqoonyahanka ah ka faddilay dadka aan aqoonta ahayn in la mid ah
inta uu Alle dayaxa ka faddilay meerayaasha kale.
Aqoonyahannadu waa dhaxlayaashii Nebiyada NKH; nebiyadana wax maal ah, mood
iyo nool toona, lagama dhaxline aqoonbaa laga dhaxlay, ciddii aqoontaa hantidaana
nasiib badan.
Qofka aqoonta leh waxaa u sugnaaday mushqaayad wayn oo runtii aan la wada helin,
waxaana uu qabriga isagoo ku jira jaqayaa midhaha aqoontii uu dhaxal ahaanta uga tegay,
waa kii nebigu lahaa: 8668/‫ أو ولد صالح يدعو له) رواه مسلم‬, ‫ أو علم ينتفع به‬, ‫)إذا مات اإلنسان انقطع عمله إال من َالَة صدقة جارية‬.
Wuxuu xadiisku ka marag kacayaa in aan aqoontii la korodhsado lagu khasaarayn labada
daaroodba, loona aayi doono.
Guntii, diinta Islaamku waxay geed gaaban iyo mid dheer u fuushay sidii ay dadkeeda ugu
dhiirrigelin lahayd in ay aqoon badsashada iyo dalbashadaba badsadaan kuna mitidaan. Intan
oo dalliilo ahna ogobeey waa ibo fur inoo iftiiminaya in diintani meeqaam sare gaadhsiisay
aqoonta.
Aqoonta iyo Dhaqanka Soomaalida
Ummad waliba waxay qadarin siisaa aqoonta, iyadoo u maraysa dhaqan iyo caado iyada u
khaasa, raacaysana hab iyada u gooniya. Haddaba, soomaalidu kama liitaan adduun waynaha
kalee waxay iyanna muujiyaan doorka ay aqoontu agtooda ka leeday. Soomaalidu waxay
leedahay suugaan caqiibo leh oo ciiddaas ah, iyo maahmaahyo iyana tiro iyo rammuux beelay
oo ku ogog leh mawduucan maanta inoo qalan ee aqoonta. Waxa aynu noqonaynaa duul
sufur ka darsaday gal biya ah haddaynu is nidhaahno waxa ay soomaalidu ka tidhi tacliinta
maqaalkan qayb yaroo ka mid ah kaga soo daba iyo horka wareega, balse anaa dhako inoo
haya, ka warrama haddaynu in yaroo sunnayn ah dul ka xaadhino kaalinta aqoonta iyo
soomaalida. Dee waa ba sida ugu qumman.
MAAHMAAHYAHA:
- Soomaalidu waxay aad u diiddaa una durtaa in ruuxu daf iska yidhaahdo amuurro aannu
aqoon u lahayn, waxayna ka tidhi:





Xaajo nimaan ogayni indhuhuu ka ridaa
Habar fadhida legdini wax uga fudud
Cagtii joogsan waydaa marbay ceeb la kulantaa
Duqsigii duul duul badani fuud kululbuu ku dhacaa
Soo joogso kii laga waayo soo jiifsaa laga helaa… IQK (Iyo qaar kale).
- Waxa kale oo soomaalidu aad u dhiirrigelisaa in ruuxii aqoon yari haysaa afkiisa ilaashado oo
aannu tororog badin, waana ta tidhaahda:





Aqoontaadoo yar aamusbaa lagu kabaa
Afkaagoo ku xidha haddana ku furi waaya, Alle goo baa la dhahaa
Ama afeef hore lahoow ama adkaysi danbe
Af aamusani ma xujoobo
Qunyar socde qodaxi ma muddo… IQK.
- Waxa kale oo soomaalidu leedahay maahmaah aad caan u ah oo lagu taageero aqoonta,
lagala soo dhex baxayna tix uu lahaa C/laahi Qarshe; waana midda tidhaahda “Aqoon la’aani
waa iftiin la’aan”.
MAANSADA:
- Waxay maansayahanka soomaalidu aad u dhiirrigeliyaan wax qoridda iyo wa akhriskaba, oo
ah albaabka aqoonta loogu gudbiyo jiilal badan, isla markaana kii wax akhriyayaa uu ka helo ilo
anfaca. Aynu soo qaadanno qaar ka mid ah suugaanyahankeennii oo innagu guubaabinaya
wax qorista;
1. Wixii la qoraa quruumo hadhee
Muxuu hadal qiimo leeyahay
~ Cabdi Sinimoo
2. Qalinkaa wax suureeya
Kugu sima halkaad doonto
Saaxiib kal furan weeye
Sunto fara ku hayntiisa
Weligaa ha sii daynin
~ Maxamed Hadraawi
3. Qalinyahoow middiyo
Ii noqo maddane
Ku marriimo dhiig
Kuna maydho ciin
Khadkan hoo murka ah
Kii macallinka ah
Ee midab caska ah
~ Maxamed Gaarriye
4. Taariikhda duugga leh
Waxaan ugu hor daabacay
Xil damiirku qaadiyo
Waa faral dushayda ah
Qalinkiyo dawaaddaa
Inaan fuliyo ii diray
~ Maxamed Gaarriye
5. Waxa aan uga spcdaa heedhe
Marka aad sunuud hayso
Waxa suuq mug wayn yaalla
Ha la simin kitaab weeye
~ Maxamed Hadraawi
- Ka faa’idaysiga waqtiga ayay soomaalidu suugaan ahaan aad innoogu waanisay, waqtiga oo
la ilaasho lana tashiillaa waa xeellad fursado badan la isu siinayo si loo kasbado aqoon. Bal ila
eega;
1. Israafkiyo fadhigu waa waxaad ku ambanaysaane
Axmaqnimo waqtiga kaaga tegay oohin kugu reebye
Ayaantii ku dhaaftaana waa waxaan la eegayne
~ Xaaji Aadan Afqallooc
2. Seben tegay, mid soo socdiyo, saaka waxa jooga
Saddexdaa waxbaa xaal adduun, lagu sifeeyaaye
Soo noqod ma leh shalay, wixii saadufoo tegaye
Waxa saadanbeetiyo berrina waa su’aal maqane
Talo waxay ku suubban tahay subaxa aad joogto
~ Xaaji Aadan Afqallooc
3. Belo saacaddeed joogta
Sabti nabada haw riixin
~ Maxamed Hadraawi
- Dib u dhaca waxyaabaha keena in aqoon darradu kow ka tahay ayuu inna dareensiinayaa
Xaaji Afqallooc markuu leeyahay
Tisciin gaajo laysaa jirtoo toban dhergaysaaye
Kuwaasoo wax uun lagu taray tahay aqoontiiye
Abwaan Ciise Maxamed Faarax ayaa isna qawl kaas ayidayoo yidhi
Tacliinta weeyaan
Tubra lagu tanaadee
Lagu taabbo qaadee
Tabaalaha adduunyada
Wax lagaga tusmaystaa
Bal tacliinta weeyaan
Waxa aan ku so oaf meerayaa maqaalkaygan oo aad mooddo in uu yar dheeraaday masafadii
“Ubaxii Dalkeennow” qayb ka mid ah, ee uu lahaa Xaaji Aadan Afqallooc, waana qayb innaga
aad inoo khusaysa oo uu kaga hadlayo cilmiga iyo tacliinta mudnaanteeda.
Cilmigu waa daruuriyo hogol intiin da’aysa e
Cilmigu waa dawada ruuxa indhaha u dillaacsha e
Cilmigu waa dariiq nuura halkaad adigu doonta e
Cilmigu waa kan diinteennu dalba tidhoo ammaantay e
Cilmigu waa kan dawladaha dayaxa u horseeday e
Cilmigu waa kan daabbadaha dusha mara sameeyay e
Cilmigu waa kan ciid dihin batrool lagaga doonay e
Cilmigu waa kan daaddihiya doonyaha abboola e
Cilmigu waa kan lagu duulay laguna soo degaaya e
Ubuxii dalkeennoow tacliinta u dedaala
Akhriste, ii ogoloow in aan bal ku soo yar noqdo, waad ku mahadsan tahay haddii aad halkan
soo gaadhay oo aad ku guulaysatay in aad dhammaysato akhrinta maqaalkan. Waxa aan kaaga
tegayaa aqoontu kaalintaa culus ee aad dareemaysay innagu leedahaye aynu muujinno bal
ugu yaraan in aynu Soomaali ahaan nool nahay oo aynu aqoonna korodhsan karno, aqoonna
soo kordhin karno.
EEBBAA
MAHAD
LEH
W/Q: Cabdicasiis Mahdi Axmed “Guudcadde”
E-mail: [email protected]
Hargeysa
Tooshnews.net
Axmed “Guudcadde”
AQOONTA; SOOYAAL IYO SIIYAAL! W/Q: Cabdicasiis Mahdi