sannad dugsiyeedka bilaabmaya ee 2017/18

Utbildningsförvaltningen
Codsiga dugsiyada
sannad dugsiyeedka bilaabmaya ee 2017/18
Fasalada 7aad
Qofka loo soo diray warqaddan wuxu u leeyahay ilmo bilaabaya fasalka 7aad xilliga dayrta ee 2017. Waxa idinka idin sugaya wakhti aad u xiiso
badan! Sida uu dhigayo sharciga dugsiyadu waxay waalidiinta iyo ardayduba xaq u leeyihiin inay doortaan dugsiga. Waad codsankartaan dugiyada
ay degmadu gacanta ku hayso iyo kuwa gaarka loo leeyahayba haddii aad doonaysaan/kuwa baraayfadka ah. Waxaanu halkan idinku wargelinaynaa
sharciyo guud iyo su'aalo ku saabsan arrimo la taabakaro.
.
Dugsiyadee ayaa Linköping laga helayaa?
Liisto ay ku yaalaan dugsiyada Linköping oo dhan waxaad ka helaysaa bogga internetka ee degmada: linkoping.se/grundskola.
Waxaad kaloo halkan ka helaysaa macaluumaadka ku saabsan xiriirka dugsiyada oo dhan.
Dugsigee ayaa ilmahaaga boos looga helyaa?
Ardayda deggen degmada Linköping oo dhami waxay xaq u leeyihiin inay boos ka helaan dugsi ku yaala degmada Linköping. Cinwaanka
gurigu meesha uu kuyaalo ayay xidhan tahay dugsiga, ama dugsiyada ardayga booska looga helayo. Gurigu waa cinwaanka uu ilmuhu ku
diiwaangashan yahay.
Fadlan ka codso dugsiga aad doonayso bogga internetka
– 13-29 janaayo UFIIRSO! WAKHTIGA
Dadka mas'uuliyada ilmaha iska leh ama waalidka waxa laydinku boorinayaa inaad dugsiga aad doonaysaa si aktifnimo leh u codsataan
idinka iyo ilmihiina oo wadajira. Waa suurtogal inaad sadex dugsi doorankartaan - gacanta koowaad, tan labaad iyo gacanta sadexaad. Ka
doorta codsigiina boggayaga internetka ee linkoping.se/grundskola. Waxa si khaas ah loogu furidoonaa adeeg internet ah codsiyada
dugsiyada wakhtiyada u dhexeeya 13-29 janaayo.
Haddii aad ku qanacsan tihiin hindisahan soo socda …
Haddii aad ku qanacsan tihiin hindisaha ku qoran warqaddan laydiin soo diray -markaa uma baahnidin inaad internetka wax ka samaysaan.
Ilmihiinu wuxuu boos ka helaya dugsigan ra'yi ahaan laydiin soo jeediyey.* Uma baahna wax jawaab internetku -waxay lamid tahay - doorasho
aktifnimo ah - waxa markaa doorateen dugisgii laydiin dooray.**
Haddii aad doonaysaan dugsi aan ahayn kan laydiin dooray?
Haddii uu ilmahaagu doonayo dugsi kale oo aan ahayn kan warqadda laguu soo diray ku qoran waxa markaa khasab ah inay
labada waalidba ay si aktifnimoleh u sameeyaan dugsiga aad rabtaan.
Mabda' ee ayaa la raacayaa markay noqoto booska?
• Dugsiga ray'i ahaan laydiin soo jeediyey – boosaska dugsiyada waxa loo kala qaybiyaa ardayda doorashada samaysay oo dhan*** dugsiga
ray'i ahaan laydiin soo jeediyey.
Haddii uu boos ka banaanaado hal dugsi marka uu wada qaato aradaydii loogu talagalay oo dhan markaa kadib waxa loo furaa inuu qaato
ardayda kalena: Waxa jira laba mabda' oo la raaco markay noqoto boos helida
•Doorashada gacanta koowaad. Ardayda doorata hal dugsi -waxa marka hore booska laga siiyaa ardayda dugsigaas dooratay - haddii uu
boos ka soo hadho. Waxa markaa loo qaybiyaa kuwa gacanta labaad dugsigaa ku doortay. Wixii intaa ka dambeeya waxa loo qaybiyaa
kuwa gacanta sadexaad dugsigaa ku doortay iyadoo ay ku xidha tahay booska.
Sidaas daraadeed ayay muhiim u tahay inaad idinku si aktifnimo leh uga codsataan dugsiyada aar rabtaa bogga internetka ee linkoping.se/grundskola
Haddii aanu boosku kuwada filnayn dadka gacanta koowaad ku codsaday oo dhan waxa markaa boosaska loogu kala qaybiyaa iyadoo
la raacayo madba' dhawaanshaha (närhetsprincipen):
• Mabda' dhawaanshaha (Närhetsprincipen) waxa la raacayaa masaafada u dhaxaysa dugsiga iyo guriga ardaygu deggen yahay-.
Ardayga gurigiisu u dhow yahay ayaa dugsigaa boos ka helaya.
Marka sidaas loo qaybiyo kadib waxa markaa boosaska kale loo qaybiyaa ardaydii dugsigaas ku doortay gacanta labaad iyadoo la raacayo
mabda' kor ku xusan. Wixii intaa ka sii dambeeyana boosaska soo hadhay waxa la siiyaa kuwii gacanta sadexaad dugsigaa ku doortay.
Haddii uu ilmahaagu dhigto fasalka 6aad dugsigaas oo leh fasalada 7-9
Haddii dugsiga uu ilmuhu dhigtaa uu leeyahay fasalada 7-9 aad, waxay markaa noqonaysaa inuu dugsigaa siiwato. Ardaygu wuxuu
xaq u leeyahay inuu halkaa ka siiwato waxbarashadiisa. Wuxuu kaloo ilmuhu xaq u leeyahay inuu bilaabo cinwaanka uu ku
diiwaangashan yahay dugsiga ka tirsan. Sidaas daraadeed waa muhiim inaad siwadjira uga samaysaan doorasho ku saabsan dugsiga
-linkoping.se/grundskola
Waa maxay waxa khuseeya – marakay noqoto booska dugsiyada khaaska ah?
Dugsiyada khaaska ahi waxay leeyihiin sharciyo iyaga u gooni sida ay aradayda u qaataan. Dugsiyda khaaska ah waxa laga helayaa
bogga internetka ee degmada sida kuwa ay degmadu gacanta ku hayso. linkoping.se/grundskola
* Codsiga dugsiyada ee natiijooyinkii berigii hore marka la eego waxay muujiyeen inuu xiisuhu kor u kacay in boos laga helo dugsi dhexe oo
senter ah. Marka boosas cusubi soo baxaan waxa isbedela codsiyada ardayda. Tirada carruurta codsanasa way isbebedeshaa sannad walba.
Karaanka ay xitaa dugsiyadu wardayda ku qaadanayaa way isbedeshaa.
Taas macnaheedu ma aha hubaal in dugsiga laydiin soo jeediyey inaad heleysaan. Haddii ay xaaladu sidaas noqoto waxa ardayga lagu
meelaynayaa dugsi kale oo qaybkale ka tirsan. Markaa waxa la dooranayaa mabda' dhawaanshaha.
** Ardayda deggen xaafada Ryd laba dugsi ayaa u banaan inay galaan, Folkungaskolan iyo
Elsa Brändströms skola. Haddii aad codsanaysaa mid ka mid ah dugsiyadan waa inaad si aktifnimo leh uga codsataan adeega internetka.
*** haddii aan jawaab internetka lagu lagu sheegin - waxay la mid tahay - doorasho aktifnimo ha - markaa waxaad doorateen dugsiga aanu
annagu idiin soo jeedinay.
Dugsiga ilmahaaga loo soo jeediyey inuu dhigto:
Miyaad doonaysaa inuu ilmagaagu dhigto dugsiga?
Uma baahnid inaad wax ka samayso internetka.
Ee ilmagaagu si otomaatik ah ayuu boos dugsigan uga helayaa*.
Miyaad doonaysaa inuu ilmahaagu
dhigto dugsi kale?
Markaa waxa labada waalidba looga baahan yahay inay si aktifnimo leh doorasho uga sameeyaan adeega internetka ee codsiga dugsiga
linkoping.se/grundskola
Miyuu ilmahaagu rabaa dugsi leh
hadal (inriktning) ama astaan (profil)?
Markaa waxa labada waalidba looga baahan yahay inay si aktifnimo leh doorasho uga sameeyaan adeega internetka ee codsiga dugsiga
linkoping.se/grundskola
Waxyaabaha khuseeya fasalkada astaamaha leh, koorsooyinka gaarka
ah iyo kuwa hadafkoodu yahay luqadda
Mabda' ee ayaa lagu meeleeyo ardayda rabta fasalada koorsooyinka gaarka ah ee fasalada 7aad?
Dhowr dugsi waxay leeyihiin fasalo koorsooyin gaar ah bixiya kuwaas oo ardayda ka qaata degmada oo dhan
ardayda bilaabaysa fasalada 7aad marka tijaabo laga qaado kadib.
Ardayda ugu natiijada fiican marka tijaabada laga qaado kadib ayay markaa qaataan, iyadoon la eegay meesha
ay degmad ka deggen yihiin.
Fasalada astaamaha lagu yaqaano Linköping waa:
• Berzeliusskolans astaanta ciyaaraha (idrottsprofil)
• Ekholmsskolans astaanta kubadda cagta (fotbollsprofil)
• Folkungaskolans astaanta qoobka ciyaarka (dansprofil)
• Arenaskolans astaanta kubadda cagta (fotbollsprofil), astaanta kubadda qoriga (innebandyprofil), astaannta
kubadda xeegada (ishockeyprofil), astaanta ciyaarta barafka lagu cararo (konståkningsprofil),
astaanta dabaasha (simprofil), astaanta teynista (tennisprofil), astaanta qoobka ciyaarka (dansprofil)
• Ånestadsskolans astaanta kubadda gacanta (handbollsprofil)
Koorsooyin gaara oo ay leeyihiin Berzeliusskolan iyo Ånestadsskolan
Dugsiyadu waxay samaynayaan mashruuc tijaabo ah oo ardayda wadanka oo dhan laga qaataankaro. Codsiga ku saabsan fasalada
koorsooyinka gaarka ah laga bixiyo waxaa si toos ah looga sameeyaa dugsiga.
Eeg dugsi kasta boggiisa internetka. Dugsiga Berzeliusskolan wuxuu ardayda u soo bandhigaa inay si qoto dheer xisaabta, fiisigiska,
kimisteriga iyo baayoolijiga u bartaan. Dugsiga Ånestadsskolan wuxuu ardayda u soo bandhigaa inay si qoto dheer u bartaan cilmiga barashada
bulshada. Marka codsiga la qabto ayaa tijaabo la qaadayaa.
Wixii camluumaad ah ee ku saabsan habka codsiga, waxaad ka eegaysaa linkoping.se/grundskola
Dugsiga Elsa Brändströms ee fasalada 7-9
Ardayda dhigata fasalada 6aad ee dugsiga Atlasskolan sannad dugsiyeedka 2016/17 waxay ka sii wadandoonaan oo boos ay ka helayaan dugsiga Elsa
Brändströms si ay u siiwataan hadafkoodii ahaa luqadda (språkinriktning). - Waxa suurtogal ah inuu dugsigu raadsato ardayd badan si uu ugu soo
bandhigo waxbarasho mid ku jihaysan luqad iyo mid aan ku jihaysnayn. Marka la leeyahay luqadda ayuu ku jihaysan yahay (språkinriktning) waxa
laga wadaa in uu ardaygu baranayo marka laga reebo ingiriiska, laba luqadood oo kale (hadda waa faransiiska, isbaanishka ama jarmalka).
.Haddii ay codsato tiro badani oo ay boosasku yaraadaan waxa markaa la isticmaalayaa mabda' dhawaaanshaha.
Sidan ayaad u dooranaysaa dugsiga aad rabtid 13-29 janaayo 2017
Waxyaabaha ayaad u baahan tahay inaad oggaato si aad u doorato dugsiga aad doonayso 13-29 jananaayo
2017 UFIIRSO! WAKHTIGA
Haddii aad codsanayso dugsi kale oo aan ahayn kan warqadda ku qoran markaa waxa kugu khasab ah inaad si aktifnimo leh u dooratid. Waxa
kaloo iyaguna khasab kugu noqonaysa inaad si aktifnimo leh u dooratid haddii aad doonayso dugsi leh asxaan ama koorso gaara oo aan ka
ahayn kan laydoon soo bandhigay.
Ku qor waxa aad daaranaysid bogga internetka ee degmada
linkoping.se/grundskola. Halkan waxaad ka heleysaa macluumaad ku saabsan jidka aad maraysid.
Waxaad ku qorikartaa dhowr xal marka aad dugsiyada dooranaysid. Marka hore ku qor gacanta koowaad, gacanta labaad iyo gacanta
sadexaad
Maalimaha 13 – 29 janaayo 2017 aad doorashada samaynkartaa
Dugsiga aad codsanaysid ku qor boggayaga internetka ee linkoping.se/grundskola. Halkaas waxa ­si khaasa looga furidoonaa adeega
internetka oo loogu talagalay doorashada dugsiyada wakhtiga halkaa ku qoran.
Labada waalidba waa inay heshiis ku yimiin haddii aad rabtaan inaad doorataan dugsi. Waa inay labaduba oggolaadaan hadafkiina dalabka ee
bogga internetka. Haddii labada waalid mid ka mid ahi uu oggolaado markaas markaa sax ma noqonayso. Markaa ardaygii wuxuu boos ka
heleyaa dugsiga ku qoran warqaddan.
Haddii aanad lahayn internet, ama haddii aad caawimo uga baahan tahay codsiga, waxaad booqankartaa mid ka mid ah xafiisyada
muwaadiniinta loogu talagalay*. Soo qaado teesarahaaga aqoonsiga (legitimation).
Bisha marso 2017 waxa dadka mas'uuliyiinta oo dhan guriga loogu soo diridoonaa warqad, taas oo sheegaysa dugsiga uu ardagu bilaabayo.
Jawaab ku saabsan meelaynta
waxa kaloo laga arkikaraa adeega internetka.
* Xafiisyada muwaadiniintu waxay ka furan yihiin rugta buuggaagta ee Linköping, Berga- iyo suuqa Skäggetorp
.
Waxa lagu gelayo adeega internetkaee linkoping.se/grundskola
Sidee ayaan anigu ku geleyaa internetka?
Si aad u gashin internetka waxaad u baahan tahay waxa la yidhaahdo aqoonsiga elektarooniga elegitimation ama -e-medborgarkont iyadoo laguugu soo dirayo sms. Dooro meesha ay ku qoran tahay
(Välj e-tjänsten) " Dugsiga aad codsanaysid" (Önskemål om skola).
Aqoonsiga elektarooniga E-legitimation
e-medborgarkonto – siduu u shaqaynayaa?
Aqoonsiga elektaroonigu e-legitimation (tusaale Mobilt BankID) waxaad ka samaysanaysaa adigoo la kaashanaya internetka bangigaaga
Koontada E-medborgarkonto med sms ayaa laguugu soo dirayaa si aad ugu gasho marka aad rabto inaad gasho adeega internetka ee degmada
Linköping.
Marka lagugu diiwaangeliyey in koonto laguu sameeyey ayaa warqad laguugu soo dirdoonaa lambarka aad internetka ku geleysida (lösenord)
cinwaankaaga guriga aad ku diiwaangashan tahay mudo 1-2 maalomood oo ah maalmaha la shaqayano.
Macluumaad ku saabsan sida aad u samaysanayo iyo sida aad ugu isticmaalayso sma:ka laguu soo diray linkoping.se/grundskola
Miyuu ilmahaagu u baahan yahay in gaadhi dugsiga lagu geeyo?
Buugga gacanta lagu qaato ee loogu talagalay ardayda baabuurta dugsiyada lagu geeyo waxaad ka helaysaa faahfaahin intaa ka badan iyo
sharciyada khuseeya ardayda dugsiyada baabuurta lagu geeyo iyo kaadhka baska dugsiga aad doonaysaan inuu ilmihiinu dhigto. Buugga
gacanta ee ardayda baaruurta dugsiyada lagu geeyo
waxa laga helayaa bogga internetka ee:
linkoping.se/skolskjuts
Miyaad wax su'aalo ah ka qabtaa doorashada dugsiga?
Booqo: Haddii aad wax su'aala qabtid waxaad
la xidhiidhikartaa xafiisyada muwaadiniinta loogu
talagalay mid ka mid ee ku kala yaala
Berga, Skägge-torp centrum ama
Rugta buuggaagta ee Linköping
(Linköpings huvudbiblioteke).
Mejla: [email protected]
Ring: 013 - 20 60 00 (växeln)
Warqadda aad boosta caadiga ah ku dirayso:
Linköpings kommun
Utbildningskontoret
581 81 Linköping
Ku qor warqadda korkeeda sidan: ”Önskemål om skola”
If you don’t understand the text in this letter…
… you can visit our website for full translation in English, Arabic or Somali - linkoping.se/grundskola
Haddaadan fahmeyn …
… fadlan gal boggeenna internetka oo halkaa ka akhriso tarjumid buuxda oo luqado kale duwan ah sida engiliiska, carabiga ama ­soomaaliga.
linkoping.se/grundskola
XUSUUSNOW!
• Waxaad isticmaalikartaa adeega bogga internetka ee linkoping.se/grundskola haddii
aad codsanayso dugsiyada degmadu gacanta ku hayso iyo kuwa sida gaarka ah loo
leeyahayba.
• Labada qof ee mas'uuliyada ilmaha hayaaba waa inay heshiis ku yihiin marka aad
ansaxinaysaan adeega bogga internetka.
• Maalinta 29 janaayo ee 2017 ayaa ugu dambaysa marka codsiga dugsiga la samaynayo.
• Miyaad caawimo u baahan tahay? U tag xafiiska kuugu dhow ee dadka muwaadiniinta
loogu talagalay 013 - 20 60 00 (växeln).
Waxa idin salaamaya
Lars Rejdnell, oo ah sheefka dugsiyada
Linköpings kommun
linkoping.se