Utbildningsförvaltningen Fasalada dugsiyada xannaanada iyo barbaarinta carruuurta Codsiga dugsiyada sannad dugsiyeedka bilaabmaya ee 2017/18 Qofka loo soo diray warqaddan wuxu u leeyahay ilmo bilaabaya dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta ee xilliga dayrta 2017. Waxa idin sugaya wakhti aad u xiiso badan! Sida uu dhigayo sharciga dugsiyadu waxay waalidiinta iyo ardayduba xaq u leeyihiin inay doortaan dugsiga. Waad codsankartaan dugiyada ay degmadu gacanta ku hayso iyo kuwa sida gaarka loo leeyahayba haddii aad doonaysaan/kuwa baraayfadka ah. Waxaanu halkan idinku wargelinaynaa sharciyo guud iyo su'aalo ku saabsan arrimo la taabakaro. Dugsiyadee ayaa Linköping laga helayaa? Liisto ay ku yaalaan dugsiyada Linköping oo dhan waxaad ka helaysaa bogga internetka ee degmada: linkoping.se/grundskola. Waxaad kaloo halkan ka helaysaa macaluumaadka ku saabsan xiriirka dugsiyada oo dhan. Dugsigee ayaa ilmahaaga boos looga helyaa? Ardayda deggen degmada Linköping oo dhan waxay xaq u leeyihiin in ay boos ka helaan dugsi u dhow guryahooda. Gurigu waa cinwaanka uu ilmuhu ku diiwaangashan yahay. Cinwaanka gurigu meesha uu ku yaalo ayaa laga go'aaminayaa dugsiga, ama dugsiyada ilmaha ra'yi ahaan loo soo bandhigayo inuu dhigto *. Haddii uu ilmuhu deggen yahay meel xaafadahan ka mid ah … Xaafadaha T1/Södra Ekkällan/Garnisonen, Ryd/Björn-kärr/Jägarvallen, Slaka/Skeda, Kvinneby/Hjulsbro, Lambohov/Vallastadens skola och Ljungsbro/Brunnby haddii uu ilmuhu deggen yahay wuxuu xaq u leeyahay inuu boos ka helo mid ka mid ah dugsiyada xaafadahaa u dhow. Haddii ilmahaagu codsanayo dugsi khaas ah oo ka mid ah kuwaas waxa markaa labada waalid ee mas'uuliyada ilmaha haya khasab ku noqonaysa inay si aktifnimo leh iyagu u wada codsadaan. Ka codso fadlan dugsiga aad doonaysaan bogga internetka – 13-29 janaayo UFIIRSO! WAKHTIGA Dadka mas'uuliyada ilmaha iska leh ama dadka waalidka waxaa laydinku boorinayaa inaad dugsiga aad doonaysaa si aktifnimo leh u codsataan. Waxa fiican inaad laba dugsi codsataan - dugsiga koowaad oo aad marka hore codsanaysaan iyo mid labaad oo gacanta labaad ah. Codsigiina waxaad ku sheeganaysaan bogga internetka ee linkoping.se/grundskolan. Halkaas waxaa ka furmidoona qayb gaar ah oo adeega internetka mid ah oo loogu talagelidoono kala doorashada dugsiyada wakhtiyada u dhexeeya 13-19 janaayo. Haddii aydaan idinku doorasho aktifnimo leh samaynin… Haddii aydaan idinku si aktifnimo ku jirto adeega internetka uga dooran dugsiga aad rabtaan markaa ardayga waxa uu dhigan doonaa dugsiga ay degmadu ra'yi ahaan u soo jeedisay inuu dhigto. Markaa waxaanu annagu u fahamnay inaad rabtaan dugsiga degmadu u doortay. Haddii aydaan jawaab ku saabsan doorashada dugsiga aad rabtaan ku sheegin adeeega internetka waxa markaa ardaygu dhigandoonaa dugsiga degamdu u doortay Miyaad rabtaan codsi gaara? Haddii uu ilmihiinu codsanayo dugsi aan ahayn midka lagu sheegay warqaddan? Waxa markaas khasab labada qof ee mas'uuliyada ilamaha haya ku noqonaysa inay si aktifnimo leh u sameeyaan doorasho Haddii uu dugsiga boos ka jiro … Haddii markaa hore ay dugsiyadu qaataan aradadii loogu talagalay inay qaataan kadibna uu boos ka soo hadho markaa way u furan tahay inay ardayda kalena qaataan. Waxa jira laba nooc oo mudnaanta koowaad la siinayo haddii boos soo hadho… Haddii dugsiga aad ilmaha u doonaysaan ay dhigtaan walaaladiis markaa waxa ilmahaas booska loo siindoonaaa mudnaanta koowaad. Si uu ilmuhu dugsigaas uga helo boos waxa khasab noqonaysa in ay walaaladiis dhigtaa halkaas sannad dugsiyeedka 2017/2018. Walaalada waxa ku xigaa waa mabda' la yiraahdo dhawaanshaha (närhetsprincip). Haddii uu markaas boos ka jiro dugsigaas waxa la eegayaa masaafada u dhaxaysa dugisa iyo guriga uu ilmuhu deggen yahay. Haddii tusaale ahaan ay dhacdo inay laba araday boos ku tartamaan waxa marka hore la siinayaa ardaygii gacantii koowaad dugsiga ku soo codsaday iyadoo laga hormarinayo kii gacanta labaad ku soo codsaday. Maxaa khuseeya - dugsiyada keligood taagan? Dugsiyada keligood taagani waxay iska leeyihiin sharciyo iyaga haar u ah oo ay ardayda ku qaataan. Dugsiyada keligood taagan ama kuwa baraayfadka ah waxa iyagana lagu soo bandhigay bogga internetka sida dugsiyada degmadu gacanta ku haysa oo kale. linkoping.se/grundskola * Waxa laga afeefanayaa waxyaabaha khaladaadka ah ee ka yimaada dhinacyada guryaha degmada ku yaala- iyo diiwaanka dadweyna ama haddii ay waxyaabahaasi lug ku yeeshaan isbedelka ku yimaada codsiga dugsiga uu ardaygu samanayo. Dugsiga ilmahaaga loogu talagalay inuu dhigto: Haddii aad doonayso inuu ilmahaagu dhigto dugsiyaas … … uma baahnid inaad markaa doorasho aad ka samayso adeega bogga internetka. Ee si otomaatik ah ayuu ilmahaagu booska dugsigaas u geleyaa. Haddii markaa adiga lagu kala dooransiiyey dhowr dugsi oo halka aad deggen tihiin u dhow … … Haddii uu ilmahaagu codsanayo mid ka mid ah dugsiyadaas waxa markaa labada qof ee haya mas'uuliyada ilmaha ama waalidka khasab ku noqonaysa inaad si aktifnimoleh uga wada codstaan adeega bogga internetka ee linkoping.se/grundskola Haddii laguu soo jeediyey dugsiyo kala duwan oo idiin dhow … …Haddii uu ilmahaagu codsanayo dugsi khaas ah oo ka mid ah dugsiyadaas waxa khasab labada waalidba ku noqonaysa inay si akhtifnimo leh uga codsadaan adeega bogga internetka ee linkoping.se/grundskola Haddii aad doonayso inuu ilmahaagu dhigto dugsi kale… … waxa loo baahan yahay inay labada waalidba si aktifnimoleh ugu doortaan adeega bogga internetka ee linkoping.se/grundskola. Dugsiga aad rabtaan inaad bogga internetka ka codsataan waxa la furidoonaa 13 janaayo - 29 janaayo 2017. Macluumaad khaas ah Dugsiga Atlasskolan hadafkiisu waa luqadda Dugsiga Atlasskolan wuxuu ku yaalaa xaafada Garnisonen waxaanu qaataa ardayda dhigata fasalada u diyaargarowga fasalada koowaad ilaa iyo fasalada 6aad. Dugsiga hadafkiisu waa luqadda, taas macnaheedu waxa weeye in ardayda dhigata fasalada heerka hoose 1-3 ay haystaan fursad ah in lagu baraarujinkaro luqadda ibaanishka iyadoon la dhaafayn xaydaanka uu ardaygu doorashada luqad ku samaynayo. Laga bilaabo markuu ardaygu soo gaaro fasalka 4aad waxa markaa ardayga loo soo bandhigaa fursad ah inuu barankaro luqaddaha sida faransiiska, isbaanishka iyo jarmalka isagoo luqad ahaan u dooranaya (språkval). Adayda dhigata dugsiga Atlasskolan waxa leeyihiin in mudnaanta koowaad laga siiyo inay luqadda ka barkaraan dugsiga hoose/dhexe ee Elsa Brändströms markay fasalka 7aad bilaabaan. Taas macnaheedu waxa weeye inuu ardygu intaanu gaadhin dugsiga sare uu hore u soo qaatay luqadahan kor lagu soo sheegay intii uu dhiganayey dugsiga hoose dhexe. . Ardayda ka timaada degmooyinka kale Adrayda ka timaada degmooyinka kale waxay leeyihiin fursad ay boos dugsiyada Linköping kaga codsankaraan, laakiin waxa laga horeysiinayaa carruurta ka diiwaangashan Linköping. Waxa lagu gelayo adeega internetkaee linkoping.se/grundskola Sidee ayaad adigu ku geleysaa internetka? Si aad u gashin internetka waxaad u baahan tahay waxa la yidhaahdo aqoonsiga elektarooniga e-legitimation ama -e-medborgarkonto iyadoo laguugu soo dirayo sms. Dooro meesha ay ku qoran tahay (Välj e-tjänsten) " Dugsiga aad codsanaysid" (Önskemål om skola). Aqoonsiga elektarooniga E-legitimation e-medborgarkonto – siduu u shaqaynayaa? Aqoonsiga elektaroonigu e-legitimation (tusaale Mobilt BankID) waxaad ka samaysanaysaa adigoo la kaashanaya internetka bangigaaga Koontada E-medborgarkonto med sms ayaa laguugu soo dirayaa si aad ugu gasho marka aad rabto inaad gasho adeega internetka ee degmada Linköping. Marka lagugu diiwaangeliyey in koonto laguu sameeyey ayaa warqad laguugu soo diridoonaa lambarka aad internetka ku geleysid (lösenord) cinwaankaaga guriga aad ku diiwaangashan tahay mudo 1-2 maalomood oo ah maalmaha la shaqayano. Macluumaad ku saabsan sida aad u samaysanayo iyo sida aad ugu isticmaalayso sma:ka laguu soo diray linkoping.se/grundskola Miyuu ilmahaagu u baahan yahay in baabuur dugsiga lagu geeyo? Buugga gacanta lagu qaato ee loogu talagalay ardayda baabuurta dugsiyada lagu geeyo waxaad ka helaysaa faahfaahin intaa ka badan iyo sharciyada khuseeya ardayda dugsiyada baabuurta lagu geeyo iyo kaadhka baska dugsiga aad doonaysaan inuu ilmihiinu dhigto. Buugga gacanta ee ardayda baaruurta dugsiyada lagu geeyo waxa laga helayaa bogga internetka ee: linkoping.se/skolskjuts Miyaad wax su'aalo ah ka qabtaa doorashada dugsiga? Booqo: Haddii aad wax su'aala qabtid waxaad la xidhiidhikartaa xafiisyada muwaadiniinta loogu talagalay mid ka mid ee ku kala yaala Berga, Skägge-torp centrum ama Rugta buuggaagta ee Linköping (Linköpings huvudbiblioteke). Mejla: [email protected] Ring: 013 - 20 60 00 (växeln) Warqadda aad boosta caadiga ah ku dirayso ku qor: Linköpings kommun Utbildningskontoret 581 81 Linköping Ku qor warqadda korkeeda sidan: ”Önskemål om skola” If you don’t understand the text in this letter… … you can visit our website for full translation in English, Arabic or Somali - linkoping.se/grundskola Haddaadan fahmeyn … … fadlan gal boggeenna internetka oo halkaa ka akhriso tarjumid buuxda oo luqado kale duwan ah sida engiliiska, carabiga ama -soomaaliga. linkoping.se/grundskola XUSUUSNOW! • Waxaad isticmaalikartaa adeega bogga internetka ee linkoping.se/grundskola haddii aad codsanayso dugsiyada degmadu gacanta ku hayso iyo kuwa sida gaarka ah loo leeyahayba. • Labada qof ee mas'uuliyada ilmaha hayaaba waa inay heshiis ku yihiin marka aad ansaxinaysaan adeega bogga internetka. • Maalinta 29 janaayo ee 2017 ayaa ugu dambaysa marka codsiga dugsiga la samaynayo. • Miyaad caawimo u baahan tahay? U tag xafiiska kuugu dhow ee dadka muwaadinka loogu talagalay 013 - 20 60 00 (växeln). Waxa idin salaamaya Lars Rejdnell, oo ah sheefka dugsiyada Linköpings kommun linkoping.se
© Copyright 2025