1 Nuurka Quluubta Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam Iyo Qayskiisa Kariimiinta ah Juzka saddexaad/waana lix juz Waxaa dhigay Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM 2 Nuurka Quluubta Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam Iyo Qayskiisa Kariimiinta ah Juzka saddexaad/waana lix juz Waxaa dhigay Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM 3 Tusmada Guud ee Juzka Kitaabka Bogga 1.Abuu Al Qaasim 4 2.Al Bicthah 122 3.Nuurka Islaamka 214 4.Hijrada Arliga Xabashida 334 5.Dhibkuu tolkiis kala kulmay 480 6.Al Israa’u wa Al Micraaj 554 4 Siirada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam (Toban) Abuu Al Qaasim Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam أبو القاسم صلى هللا عليه وعلى آله وسلم Waxaa dhigay Dr. Xasanweli Sheekh Xuseen Cismaan Waxaa daabacday Daaru Al Seerah P.O. Box 200984 - Boston, MA 02120 - U.S 5 Tusmada Kitaabka Mawduuca Bogga 1.Tusmada Kitaabka 2.Araarta dhigaha kitaabka 3.3.Sanadka shan iyo labaatanaad 4.Safarkiisa labaad, Salla Allaahu Calayhi Wa Sallam, ee Shaam 5.Marr al Thahraani 6.Gelidda Nabiga, Salla Allaahu Calayhi Wa Sallam , ee Makkah 7.Waraqah bin Nawfal 8.Shaqadiisa, Salla Allaahu Calayhi Wa Sallam , Nabinnimada horteed 9. Ummu Al Mu'miniina Khadiijah 10.Guursigiisa, Salla Allaahu Calayhi Wa Sallam, Khadiijah 11.Gogosha doonidda iyo guurka Khadiijah 12.Ilmahay Kgadiihaj Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam u dhashay 13.Al Qaasimu 14.Dhimashada Al Qaasimu 15.Soo degidda Suuratu Al Kawthar 16.Cabdu Allaahi 17.lbraahiimu 18.Dhimashada lbraahiim 19.Ekaanshaha lbraahiim 20.Zaynab 21.Calii, wiilka Zaynab 22.Umaamah, gabadha Zaynab 23.Hijrada Zaynab 24.Thuu Dhuwaa 25.Hind bint Cutbah oo xaalka Zaynab baareysa 26.Zaynab waxay hijrootay habeennimo 27.Waadi Ya'jaj 28.Habbaar dhiigiisu waa xalaaloobay 29.Zaynab oo madax furashada Abuu Al Caasii soo dhiibtay 30.Zaynab oo Abuu Al Caasii magangelisay 31.Islaamidda Abuu Al Caasii 32.Zaynab Abuu Al Caasii loo celiyay 33.Dhimashada Zaynab 34.Ruqayyah 35.Guurka Ruqayyah 36.Geerida Ruqayyah 37.Ummu Kulthuum 38.Cutaybah bin Abii Lahab Iibaax ayaa cunay 39.Guurka Ummu Kulthuum 40.Dhimashada Ummu Kulthuum 41.Faadhimah 42.Guurka Faadhimah 43.Siduu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam, Faadhimah ujeclaa 44.Arooska Faadhimah 5 7 9 9 17 17 19 20 21 23 26 30 31 31 33 36 37 39 46 46 47 47 49 50 51 52 53 53 54 55 56 57 58 59 62 63 64 65 68 70 73 75 75 77 6 45.Waliimada arooska Faadhimah 46. Aqaldhiska Faadhimah 47. Caruurta Faadhimah 48. Al Xasanu, wiilka Faadhimah 49. Al Xusayn, wiiIka Faadhimah 50. Muxassin, wiilka Faadhimah 51. Ummu Kulthuum, gabadha Faadhimah 52. Zaynab, gabadha Faadhimah 53. Sharrif 54. Baghdaad 55. Dhimashada Faadhimah 56. Sanadka lix iyo labaatanaad 57. Sanadka toddoba iyo labaatanaad 58. Sanadka sagaal iyo labaatanaad 59.Sanadka soddonaad 60. Sanadka kow iyo soddonaad 61. Sanadka labo iyo soddonaad 62. Sanadka saddex iyo soddonaad 63. Sanadka afar iyo soddonaad 64. Sanadka shan iyo soddonaad 65. Sanadka lix iyo soddonaad 66. Sanadka sideed iyo soddonaad 67. Sanadka sagaal iyo soddonaad 68. Dib u dhisidda Kacabada 69. Duminta Kacbada 70. Warqadda Rukniga Kacabada laga helay 71. Dhigidda Dhagaxa Madow bartiisa 72. Al Xajaru Al Aswadu/Dhagaa Madow 73. Midabka Dhagaxa Madow 74. Fadliga Dhagaxa Madow 75. Dhismaha Quraysh 76. Cabbirrada Kacbada 77. Al Amiinu 78. Xadiithka Al Xumsa 79. Quraanka Al Xumsa kusoo degay 80. Istaagidda Nabiga, Salla Allaahu Calayhi Wa Sallam, Carafo 84 84 85 85 85 86 86 88 89 90 91 100 100 100 100 101 101 101 101 101 101 101 101 102 105 106 108 113 113 114 115 117 117 117 119 121 7 بسم هللا الرحمن الرحيم Araarta dhigaha kitaabka الحمد هلل رب العالمين والثناء هلل وصلى هللا على سيدنا وموالنا محمد وعلى أله الطيبين الطاهرين وسلم تسيلما كثيرا كلما أما بعد،ذكره الذاكرون وغفل عن ذكره الغافلون Kitaabkaan Abuu Al Qaasim\أبو القاسم, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, kana kooban sideetan qaybood, waa kii tobanaad ee Taxanaha Siirada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Maraajicda dib loogu noqon karana waa kutubbada Tafsiirka Quraanka, gaar ahaan Tafaasiitka Al Baghawii\البغوي, Al Qurdhubii\القرطبي, Al Aluusii\األلوسي, Dhaahir Caashuur\ طاهر عاشوسiyo kuwa kaleba, iyo kutubbada Xadiithka oo lagu kalsoon yahay sida Al Bukhaarii \البخاري, Muslim \ مسلمiyo Axmad\ أحمدiyo Sunanka; Kutubbada Siirada sida Ibnu Hishaam\( سيرة إبن هشامoo dhintay laba boqol saddex iyo toban sanadka Hijriga), kitaabka Sharxu al callaamah Al Zarqaanii (oo dhintay sanadka kun iyo boqol iyo labo iyo labaatan Hijraga) Calaa Al Mawaahibu Al Laduniyyah bi Al Minaxi Al Muxammadiyyah\شرح العالمة الزرقاني على المواهب اللدنية بمنح المحمدية uuna dhigay al callaamah Al Qasdhalaanii\( العالمة القسطالنيoo dhintay sanadka sagaal boqol iyo saddex iyo labaatan Hijrada). Al Rawdu Al Unuf\ الروض األنفee Al Suhaylii\( السهيليoo dhintay shan boqol kow iyo sideetan ee sanadka Hijriga), Al Dhabarii \( الطبريoo dhintay saddex boqol iyo toban sanadka Hijriga), Ibnu Kathiir\( إبن كثيرoo dhintay toddoba boqol afar iyo toddobaatn sanadka Hijriga), Al Bayhaqii\( البيهقيoo dhintay afar boqol iyo sideed iyo konton Hijriga), Al Thahabii\( الذهبيoo dhintay toddoba boqol sideed iyo afartan Hijriga), Al Mascuudii\( المسعوديoo dhintay saddex boqol lix iyo afartan ee sanadka Hijriga), Al Qaadii Al Imaam Xusayn bin Muxammad, bin Al Xasan Al Diyaarbakrii\( القاضي اإلمام حسين بن الحسن الدياربكريoo dhintay sagaal boqol lix iyo lixdan sanadka Hiiriga), Al Imaam Calii bin Burhaanuddiin Al Xalabii اإلمام علي \( برهان الدين الحلبيoo dhintay kun afar iyo afartan ee sanadka Hiiriga), Al Qadii Ciyaad القاضي \( عياضoo dhintay shan boqol afar iyo afartan ee sanadka Hijriga), iyo Cabdul Xamiid Jawdah Al Saxxaar\ عبد الحميد جودة السحار, oo waa dhow dhintay, iyo Muxammad Ridaa\ محمد رضاiyo Kitaabu Al Shajarti Al Nabawiyyati fii nasabi khayri al bariyyati \ كتاب الشجرة النبوين في نسب خير البريةSallaa Allaahu Calayhi Wasallam, uuna hubiyay Al Imaamu Jamaaluddiini Yuusuf bin Xasan bin Cabdil Haadii Al Maqdisiyyi\اإلمام جمال الدين يوسف بن خسن بن عبد الهادي المقدسي, oo faraca Amiirul Mu'miniin Cumar\ أمير المؤمنين عمرah, dintayna (sagaal boqol iyo sagaal Hijriga) iyo Daliilo Al Xaaji Al Musawwar\ دليل الحاج المصورuuna dhigay Saalix Muxammad Jamaal\صالح محمد جمال intuusan dhiman ka horna ahaa Madaxa Mudhawwafiinta Dawladaha Carabta ee Makkah Al Mukarramah\مكة المكرمة, iyo Dalaa'ilu Al Nubuwwati\ دالئل النبوةee Al Xaafith Abii Nucaym Al Asbahaanii\ الخافظ أبو نعيم اإلسبهانيoo dhintay (afar boqol soddon Hijriga), Lisaanu Al Carabi لسان \ العربee Al Imaamu Al Manthuur\( اإلمام المنظورnoolaana inta u dhexaysa lix boqol soddon iyo toddoba boqol kow iyo toban Hijriga), Mukhtaaru Al Sixaaxi\ مختار الصحاحee Al Raazii\الرازي, iyo Taariikhu Makkata Al Mukarramati Qadiiman wa Xadiithan\ تاريخ مكة المكرمة قديما وحديثاee Dr. Muxammad Ilyaas Cabdul Ghanii\ د\محمد إلياس عبد الغنيiyo kuwo kaleba. Tafsiirka af Soomaaligana waxaan in badan ka qaatay Kitaabka uu tarjumay Sheekh Maxmuud Maxame Cabdi Allaha, dambigiisa dhaafee. Waxa suuban oo ku dhigan kitaabkaanna waa nicmo Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa\ هللا سبحانه وتعاليuu igu galladaystay, wixii qalad ahna waxay ka yimaadeen aniga iyo shaydhaan, Ilaahay iyo Nabi Muxammadna, Sallaa Allaahu 8 Calyhi Wasallam, waxay ka yihiin barii iyo eed laawayaal. Waxaan Ilaahay, Cazza wa Jalla هللا \عزوجل, ku xamdinayaa siduu iigu sahlay dhigiddiisa, waxaanna ka baryayaa inuu iga aqbalo, qofka akhristana uu ku anfaco, ajarkiisana uu aniga iyo labadii i dhashay iyo intaan jecelnahayba iyo inta Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, jecelba uu na siiyo nooguna kaydiyo maalin ayayan maal iyo wiil toona wax tarayn, qofka Ilaahay qalbi fiyow la hor yimaada mooyee. Waxaa dhigay midka naxariista iyo dambi dhaafka Ilaahiis faqirka u ah Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan Woonsocket, Rhode Island, USA Jimce, sagaalka Bisha Shacbaan kun afar boqol shan iyo labaatan Hijriga, una dhiganta afar iyo labaatanka Septembar laba kun iyo afar. 9 بسم هللا الرحمن الرحيم الحمد هلل رب العالمين والثناء هلل ةصلى هللا على سيدنا وموالنا محمد وفلى أله الطيبين الطاهرين وسلم تسيلما كثيرا كلما أما بعد،ذكره الذاكرون وغفي عن ذكره الغافلون Sanadkiisa shan iyo labaatanaad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam Dhacdooyinka markay shan iyo labaatan sano kasoo wareegteen dhalashada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxaa ka mid ah inuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam markii labaad arliga Shaam\ الشامganacsi u aaday, isagoo wada Safarka Ummu Al Mu'miniina Khadiijah bintu Khuwaylid\أم المؤمنين خديجة بنت خويلد, ayadoo uu la socdo addoon ay Khadiijah خديجةleedahay, oo magaciisu yahay Maysarah\ميسرة. Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu Makkah \ مكةka baxay markay afar iyo toban habeen ka hare en bisha Thuu Al Xijjah\ذو الحجة, wuxuuna, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Khadiijah خديجةguursaday laba bilood iyo shan iyo labaatan maalmood maalintaas dabadeeed, ciribta bisha Safar\ صفرee sanadka lix iyo labaatanaad. Safarkiisa labaad ee Shaam\الشام, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam Waxaa la wariyay inuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, uu adeerkiis Abuu Dhaalib\ أبو طالبku yiri, siday u wariyeen Al Waaqidii\ الواقديiyo ibnu Sakn\إبن سكن: وقد اشتد الزمن علينا وألحت علينا سنون منكرة وليس لدينا مادة،"يا إبن أخي! أنا رجل المال لي وخديجة تبعث رجاال من قومك يتجرون في مالها،والتجارة وهذه عير قومك قد حضر خروجها إلى الشام ، وإن كنت أكره أن تأتي الشام، فلو جئتها لفضلتك على غيرك لما يبلغها عنك من طهارتك،ويصيبون منافع ". ولكن النجد من ذلك بدا،وأخاف عليك من اليهود “Yaa ibna akhii! Anaa rajulun laa maala lii, wa qad ishtadda al zamanu calaynaa, wa alaxxat calaynaa sinuuna munkaratun wa laysa ladaynaa maadatun wa laa tijaaratun wa haathihi ciiru qawmika qad xadarat khuruujuhaa ilaa Al Shaami, wa Khadiijatu tabcathu rijaalan min qawmika yattajatuuna fii maalihaa wa yusiibuuna manaafica, fa law ji’tahaa la faddalatka calaa ghayrika limaa yablughuhaa canka min dhahaaratika, wa in kuntu akrahu an ta’tiya Al Shaama, wa akhaafu calayka min yahuuda, wa laakin laa najidu min thaalika baddan.” Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Wiilka walaalkeeyow, anigu waxaan ahay nin caruur badan aan maalna lahayn, zamankuna wuu nagu adkaaday, waxaana nagu dul habsaday sanooyin la inkiro oo abaar ah, mana aan lihi xoolo iyo ganacsi toona. Waxaa la gaaray waqtiga uu tolkaa Safarkiisu Shaam u baxayo \الشام, Khadiijahna خديجةwaxay dirsataa rag maalkeeda ugu soo ganacsada, ayaguna manaafic iyo waxtar ka hela. Marka, haddaad u tagtid way kaa fadli yeeleysaa ghayrkaa, sababtuna ay tahay waxa xaggaaga ka gaaraya oo daahirnimadaada ah. Sidaasoo ay tahayna waxaan kahanayaa inaad Shaam \الشام 10 tagtid, oo waxaan kaaga baqayaa yuhuudda. Laakiin waxaan taas ahayn ma haysanno." Markaasuu wuxuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: "."لعلها ترسل إلي في ذلك "Lacallahaa tarsilu ilayya fii thaalika", oo macneheedu yahay: "Waxaaba dhici karta inay ayadu ii soo cid dirsato." Markaasuu Abuu Dhaalib\ أبو طالبwuxuu yiri: ".إني أخاف أن تولي غيرك “Innii akhaafu an tuwalliya ghayraka.” Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Waxaan ka cabsanayaa inay qof kale u xilsaarto." Markaasaa waxaa Khadiijah خديجةgaaray wada hadalkaas uu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, adeerkiis la yeeshay, aydoo uu markaas ka horna ay gaartay runhlownimadiisa, waynaanta ammaanadiisa iyo kariimnimada akhlaaqdiisa. Markaasey waxay tiri: "!"ما علمت أنه يريد ذلك “Maa calimtu annahu yuriidu thaalika.” Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Ma aanan ogayn inuu xilkaan doonayo." Markaasey u cid dirtay, markuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam u yimidna waxay tiri: وأنا أعطيك ضعف ما أعطي،"دعاني إلى البعثة إليك ما بلغني من صدق حديثك وعظم أمانتك وكرم أخالقك ".رجال من قومك “Dacaanii ilaa al bicthati ilayka maa balaghanii min sidqi xadiithika wa cathami amaanatika wa karami akhlaaqika, wa anaa ucdhiika dicfa maa ucdhii rajulan min qawmika.” Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Waxaa igu xambaaray inaan kuu soo ciddiro waxaa weeye inay iga soo kaa gaartay runlownimadaada iyo waynaanta ammanadaada iyo kariimnimada akhlaaqdaada, waxaanna ku siinayaa laba jibbaar waxaan siiyo nin tolkaa ah." 11 Markaasuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, adeerkiis u sheegay, kaasna uu yiri: ""إن هذا الرزق ساقه هللا إليك “Inaa haathaa al rizqa saaqahu Allaahu ilayka.” Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Kani waa rizqi uu Ilaahay kuu keenay." Riwaayad kalena, uuna Taariikhu Al Khamiis ku wariyay mujalladka koowaad bogga laba boqol laba iyo lixdan waxay warisay inuu Khadiijah خديجةu yimid Abuu Dhaalib\أبو طالب, uuna ku yiri: "!"هل لك أن تستأجري محمدا فقد بلغنا أنك استأجرت فالنا ببكرين ولسنا نرضى لمحمد دون أبع بكرات؟ “Hal laki an tasj’ajirii Muxammadan fa qad balaghanaa annaki ist’ajarta fulaanan bibakrayni wa lasnaa nardaa li Muxammadin duuna arbacu bakraatin?!” Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: “Ma kula ay habboon tahay inaad Muxammad (Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam) ijaaratid, ayadoo ay nasoo gaartay inaad hebel ku ijaaratay laba qaalmood oo geel ah. Annaguna raalli uga noqon maynno Muxammad (Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam) waxaan afar qaalmood oo geel ah ahayn.” Markaasey Khadiijah waxay tiri: "!"لو سألت ذلك لبعيد فعلنا فكيف وقد سألت لحبيب قريب “Law sa’alta thaalika li baciidin facalnaa, fa kayfa wa qad sa’alta li xabiibin qariibin!” Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Haddaad nin shisheeye ah oo aan necebnahay aad intaas ii weydiin lahayd waan yeeli lahayn. Maxaad u maleyneysaa, marka, adigoo u weydiiyey mid aan jecelnahay oo sokeeye ah?" Markaasuu Abuu Dhaalib wuxuu Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku yiri: "."هذا رزق ساقه هللا إليك “Haathaa rizqun saaqahu Allaahi ilayka.” Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Kani waa rizqi uu Ilaahay kuu keenay." Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Safarka hoggaamiyey, isagoo uu la socdo addoon ay Khadiijah\ خديجةleedahay oo la yiraahdo Maysarah\ميسرة. Riwaayaddaanna warkeedu waa intaas. 12 Al Zarqaanii\ الزرقانيwuxuu Al Waaqidii\ الواقديiyo ghayrkiisba ka wariyay, oo uu yiri: "Khadiijah\ خديجةwaxay ahayd ganacsato sharafwayn o maal badan leh iyo ganacsi ay Shaam \ الشامu dirsato, oo uu markaas Safarkeedu la mid yahay Safarka Quraysh\ رحلة قريشinteeda kale marka la isku daro ay dirsadaan, waxayna ijaaran jirtay rag ayna maalka ku siin jirtay sida la yiraahdo Mudaarabah\( مضاربةwaana daadka dhibieda kor ku leh oo saad ku xigah)." Al Mudaarabah\ المضابةsiduu kitaabka Kifaatu Al Akhyaari\ كفاية األخيارu caddeeyey waa nooc ganacsi oo qofna uu maalka leeyahay, uuna u dhiibayo qof xirfadda ganacsiga leh kanoo maalkaas tasarruf buuxa ku leh, uuna hore ugu shardiyo qayb faa'iidada ka mid ah. Taas ayaa shuruudaha Mudaarabada\ المضابةka mid ah. Riwaayad kalena waxay warisay in ninka la yiraahdo Khuzaaymah bin Xakiim Al Sulamii خزيمة بن حكيم السلمي, kana sii ah Al Bahzii\البهزي, iyo Khadiijah\ خديجةay qaraabannimo ka dhexeysey. Markaasey Khadiijah\ خديجةninkaan ku dartay Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, iyo addoon ay leedahay oo la yiraahdo Maysarah \ميسرة, una dirtay ganacsi degmada Busraa\ بصريee ka mid ah arliga Shaam\( الشامoo maanta burburkeedu ku yaalla magaalada Darcah درعةee dalka Suuriya\ سوريةagteeda, horena loo oran jiray Xaaraan\)حاران. Lama hayo cid Maysarah ميسرةku tirisay Saxaabada\الصحابة, waxaana muuqata inuu Bicthada \ البعثةhorteed dhintay. Ibnu Xajar\ إبن حجرwuxuu Al Isaabah\ اإلصابةku yiri: "Ma aanan arag riwaayad saxiix ah oo sheegeysa inuu ilaa Bicthada\ البعثةnoolaa." Markaasey dhaqaaqeen, oo markay marayaan meel u dhexeysa Shaam \ الشامiyo Xijaazالحجاز, ayaa waxaa Maysarah\ ميسرةka wareeray oo ka socod gaabiyey labo rati oo ay Khadiijah\خديجة leedahay. Rasuulka Ilaahayn, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu ku sugan yahay afka hore ee garawaanta iyo madaxeeda. Markaasu Maysarah ميسرةwuxuu u baqay naftiisa iyo labada ratiba. Markaasuu intuu soo orday ayuu wuxuu u yimid Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu CaIayhi Wasallam, oo uu khabarka u sheegay. Markaasuu RasuuIka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, soo kacay oo uu labadii rati u yimid, oo uu markaas gacantiisa sharafta leh mid walba cagihiisa saaray oo uu ku qabtay, uuna u cawthi billeeyey, oo uu Ilaahay magangeliyay. Markaasey labadii rati intay si xoog leh usoo socdeen ayay waxayba yimaadeen hore iyo madaxa Safarka ayagoo doobinaya. Markaasuu markuu Khuzaymah taas arkay, wuxuu gartay inuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, arrinkiisu weyn yahay, wuxuuna markaas ku dadaalay inuu laazimo oo uu mar walba ku lammansanaado iyo ilaalintiisaba. Markaasey markay Shaam\ الشامsoo galeen, ayay waxay ku degeen degmada Busraaبصرى, meel u dhow sawmacadda wadaadki Baxiiraa\بحيرى, uuna waqtigaas ku jiro oo uu deggan yahay wadaad ka mid ah wadaada Shaam\ الشامoo la yiraahdo Nasdhuur\نسطور. Markaasey dadkii Safarku meelo kala duwan bartaas ka degeen, ayagoo kala firirsan. Rasuulka 13 Ilaahayna, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu ku degay geed qallalan hoostiisa, oo uu qorigiisu iyo laamihiisuba baaliyoobeen. Markuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, geedkaas hoostiisa ku xasilay, ayuu geedkii cagaartay, oo uu nuur bixiyey, hareerihiisuna caws cagaaran iyo geed hoosaad yeesheen, mirihiisuna ay bislaadeen, ay miruhuna soo raaracsameen oo ay Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, korkiisa ku ruxmeen, sida ayagoo doonaya inay kusoo kor daataan. Intaasoo idilna waxaa u jeeda oo fiirsanaya dhacdooyinkaas wadaadka Nasdhuurنسطور. Markuu intaas arkay, ayuu Nasdhuur نسطورinta is hayn waayey uu gurigiisa kasoo degay, oo intuu Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, geedka hoostiisa ugu yimid wuxuu yiri: "Waxaan kugu dhaariyey Al Llaata\ الالتiyo Al Cuzzaa-ye\ العزىmagacaagu waa maxay?" Markaasuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu ku yiri: "."إليك عني! ثكلتك أمك! ما تكلمت العرب بكلمة أثقل علي من هذه الكلمة "Ilayka cannii. Thakalatka ummuka! Ma takallamati Al Carabu bi kalimatin athqala calayya min haathihi al kalimati", oo macneheedu yahay: "Iga tag, hooyadaa intay ku waydo gablantaye! Carabi kuma ayan hadlin kalimad aniga korkeyga ugu culus kalimadaan." Wadaadku inuu labadaas sanam oo ay Carabi caabudi jireen ku dhaariyo waxay ka ahayd makri iyo sirid iyo ku tijaabin inuu labadaas sanam ku dhaaran doono iyo in kale. Nasdhuur \نسطور markuu gurigiisa kasoo degayey wuxuu watay harag cad oo ay wax ku dhigan yihiin. Markaasuu markuu Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u yimid ayuu marna wuxuu fiiriyaa Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, mar kalena waxa haraggaas uu sitay ku dhigan. Markaasuu hadana Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, kusoo dul foorarsaday, oo uu waqti dheer fiirinayey. Kaddibna wuxuu yiri: "Waxaan ku dhaartay Midka Injiilka soo dejiyeye kani waa isagii." Khuzaymah\ خزيمةmarkuu hadalkaas wadaadku yiri maqlay ayuu wuxuu u maleeyey inuu doonayo inuu Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, dilo. Markaasuu intuu seeftiisa gacanta ku dhigay oo uu galkeeda kasoo siibay, ayuu wuxuu codkiisa ugu dheer la qayliyay oo uu yiri: "!"يا آل غالب "Yaa Aala Ghaalib" oo macneheedu yahay "Yaa reer Ghaalib ahay!" 14 oo uu sidaas ugu tol wacday. Ghaalib\ غالبwaa awoowaha sagaalaad ee Nabi Muammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Markaasey raggii oo ordaya dhinac walba ka yimaadeen oo ay isaga agtiisa isugu yimaadeen, ayagoo leh: "Maxaa ku helay oo ku cabsiiyey?" Markaasuu Nasdhuur\ نسطورmarkuu waxa socda arkay ayuu degdeg sawmacaddiisa dib ugu laabtay, oo intuu galay uu albaabka hoos kasoo xirtay. Markaasuu daartiisa korkeeda kasoo fiiriyry, wuxuuna yiri: "Dadow! Maxay tahay sababta aad iiga cabsateen? Waxaan ku dhaartay Midka Samada kor ahaysiiyey ayadoo aan tiirar celiya lahayn, inuusan agteyda soo degin Safar aan adinbka idinka midka geedkaan hoostiisa ke degay (wuxuuna gacantiisa ku tilmaamay geedka uu hoostiisa fadhiyo Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam) waa Rasuulka caalamiinta Rabbigooda, wuxuuna Ilaahay soo diri doonaa isagoo sita seef galka ka siiban, iyo gawricidda wayn, isagaana ah kan Anbiyada lagu gunaanaday. Qotka adeeca waa badbaaday, kan caasiyana oo diida waa baadiyoobay." Markuu intaas yiri kaddibna, intuu gurigiisa kasoo baxay ayuu wuxuu u yimid Khuzaymah \خزيمة, wuxuuna ku yiri: "Ninkaad maxaad u tahay? Ma nin tolkiis ka mid ah ayaad tahay?" Khuzaymah\ خزيمةwuxuu yiri: "Maya, waxaanse ah khaadim isaga u adeega." Khuzaymah\ خزيمةwuxuu wadaadka uga warramay arrinka labatii rati ee Maysarah \ ميسرةoo qooqay oo gaabiyay. Markaasuu wadaadku wuxuu yiri: "Nin yohow i dhegeyso: isagu (waa Nabi Muxammade, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam) waa Nabiga lasoo dirayo aakhiru zamanka, aniguna waxaan ka helay warqaddaan oo ku dhigan inuu dalalka ka adkaan doono, isagaana addoommada (waa dadkoo idile) loogu gargaarayaa. (oo uu Ilaahay u gargaarayaa oo libta siinayaa). Calan uu guntana lasoo celin mayo oo laga adkaan mayo (waa ciidan uu hoogaamiyo ama uu diree), muraadkiisana wuu gaarayaa. Isagu wuxuu leeyahay cadaw, intiisa badanna ay yuhuudda ka mid yihiin, kuwaanoo ah cadawga Ilaahay. Marka, yuhuudda ka jira oo ka ilaaliya." Hadalkaas uu wadaadku yiri, Khuzaymah\ خزيمةnaftiisa dhexdeeda ayuu ku weeleeyey, kuna sireystay oo uu ku qariyay. Markaas kaddib ayuu wadaadku wuxuu u yimid Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuuna yiri: "Muxammadow\( محمدSaallaa Allaahu Calayhi Wasallam) waxaan adiga kaa arkay wax aanan nin kale oo dadka ka mid ah ku arag. Anigu waxaan qabaa inaad tahay Nabiga kasoo bixi doona Tihaamah\( تهامةoo ah gobolka ay Makkah Al Mukarramah\ مكة المكرمةiyo Al Madiinah Al Munawwarah\ المدينة المنورةka mid yihiin, Yamanna\ يمنay ka mid tahay). Markaad dhalatayna waxay waafaqsantahay markii xaqqa iyo runta ahayd. Nafafka dadkaaga dhexdoodana waxaad ku tahay Al Amiinu\األمين, midka la aamino, aniguna waxaan arkaa inuu dadku ku jecel yahay, oo uu jeceylkoodu korkaaga yahay. Aniguna waxaan kugu rumaynayaa 15 hadalkaaga, oo waxaad la timaaddo waan rumaynayaa, cadawgana waan kaaga gargaarayaa, oo aan kuu hiillinayaa." Markaas kaddib ayuu Safarku xagga Shaam\ الشامu kicitimay. Markay Shaam tageen Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, badeecaduhuu waday ayuu iibiyey. Suuqaas dhexdiisa ayey isaga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, iyo nin ay wax isku qabteen oo ay isku khilaafeen. Markaasuu ninku wuxuu Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku yiri: "Ku dhaaro hadaba Al Laata\ الالتiyo Al Cuzzaa\"!العزى Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri: ". وإني ألمر فأعرض عنهما،"ما حلفت بهما قط "Maa xalaftu bihimaa qadh-dh, wa innii la amurru fa acridu canhumaa", oo macneheedeu yahay: "Waligayba labadooda kuma aanan dhaaran. Markaan ag marana, waanba kasii jeestaa." Markaasuu ninku wuxuu yiri: "Hadaba, haddaad sidaas tiri, waxaan isku qabannay waa sidaad adigu tiri oo adigaa jid leh." Ninku kaddib wuxuu Maysarah\ ميسرةku yiri: "Wa Allaahi\ وهللاmidkaani waa Nabi, oo culummada yuhuuddu waxay hayaan isagoo kutubbadooda ku sifeysan, oo tilmaamihiisu ay ku qoran yihiin." Maysarah\ ميسرةwuxuu arkay in markay tahay bartamaha maalinta oo ah markuu kulaylka qorraxdu ugu badan yahay, labo Malag oo Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, qorraxda ka hoosaasinaya. Ilaahay wuxuu qalbiga Maysarah \ ميسرةku riday jacaylka Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, markaasuu wuxuu u ahaa addoon uu leeyahay oo kale. Markaasey badeecadohoodii wada iibiyeen, ayna ribxeen laba jibbaar waxay raga kale faa'iidi jireen. Markaasey waxay soo gateen badeecadaha ay ayaguna doonayeen inay Shaam \ الشامkasoo gataan oo la doonayo in Makkah\ مكةdhexdeeda lagu geddisto. Markaasey markay Shaam\ الشامkasoo gaddoomeen, ayna marayaan barta la yiraahdo Marra Al Thahraani\( مر الظهرانoo maanta Waadii Faadhimah\ وادي فاطمةla yiraahdo), ayuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Safarka ka hormaray oo uu Makkah \ مكةgalay, waqtigay duhurkii tahay. 16 17 Sawmacadda Baxiiraa بحيراءgudeheeda iyo dibaddeedaba: burburkeeda, iyo masjidka laga dhisay bartay hasha Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam fariisatay uuna ku degay. Waxaan kasoo qaadannay masawirkaan: Adhlas Al Ssirrah Al Nabawiyyah أطلس السيرة النبويةuuna allifay Dr. Shawqii Abuu Khaliil\ د\شوقي أبو خليلee Suuriga ah. Marra Al Th-thahraani\مر الظهران Marra Al Thahraani\ مر الظهرانwaa waadi waadiyada Xijaaz\ الحجازka mid ah kuna yaalla labo iyo labaatan kiiloomitir waqooyiga Makkah\مكة. Waadigaasu wuxuu biyaha kusoo roga oo halkaas isugu yimaada biyaha labada Nakhlah \نخلة, oo kala ah Al Nakhlatu Al Shaamiyah\ النخلة الشاميةiyo Al Nakhlatu Al Yamaaniyah\النخلة اليمانية. Labadaas beeloodba biyohoodu waxay ka yimaadaan galbeedka magaalada Dhaa'if\الطائف, waxayna isugu yimaadaan Marra Al Thahraani\ مر الظهرانoo ay waadigeeda noqdaan. Waadigaasu wuxuu ku biyo shubaa Badda Cas, meel Jeddah\ جدةlabaatan kiiloomitir qiyaas koofur ka xigta. Waadigaas wuxuu leeyahay ilo aad u fara badan iyo tuulooyin badanba, siduu u magacaabay kitaabkaan warkaan kasoo qaadannay oo la yiraahdo Mucjamu Al Macaalimi Al Jughraafiyyah Fii Al Siirath Al Nabawiyyah\معجم المعالم الجغرافية في السيرة النبوية, uuna dhigay Caatiq bin Ghayth Al Balaadiyyu \عاتق بن غيث البالدي, ayna daabacday Daaru Makkah lil Nashri wa al Tawziici sanadka kun iyo afar boqol iyo labo Hijriga, una dhigantah kun iyo sagaal boqol iyo labo iyo sideetanka miilaadiga. Sidoo kale waxaa Marra Al Tharaani مر الظهرانbiyihiisa ku soo roga waadiga isaguna la yiraahdo Waadii Ya'jaj\وادي يأجج. Ya'jaj\ يأججlaftiisana waxaa kusoo biyo roga waadiga la yiraahdo Waadii Al Tanciim\وادي التنعيم, uuna ku yaallo Masjidka Caa'ishah\ مسجد عائشةoo Kacbada toddoba kiiloomitir xagga waqooyiga iyo dariiqa Al Madiinah Al Munawwarah\ المدينة المنورةloo aadao ka xigah, Cumradana laga soo xirto. Al Suhaylii\ السهيليwuxuu Al Rawdu\ الروضku yiri: "Waxaa Marri Al Thahraani مر الظهرانmagacaas loogu bixiyay ayadoo uu ku yaallo carq\عرق waa xididee waadiga ka mid uu ku yaallo, lehna midab ka duwan midabka arliga, lehna ekaanshaha xarafka miimka\ مla jiiday, ayna ku xigto oo ku dhegentahay xarafka ra, oo sidaas loo abuuray - oo sidaas ayaa waxaa bartaas u egtahay miim\ مiyo ra\ رisku dheggan. Dadka qaarkiisna waxay yiraahdaan waxaa magacaas loogu bixiyay oo ah marr xaraarkeeda daraadiis. Waxa ka jirana ma ogi." Waa intaas warka Al Suhaylii. Gelidda Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasalam, ee Makkah\مكة Markaas ayada ah Khadiijah bintu Khuwaylid\ خديجة بنت خويلدwaxay ku jirtaa qol kore oo ka mid ah gurigeeda. Markaasey waxay aragtay Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo hashiisa saran, ayna laba Malag hoosaasinayaan, siduu Abuu Nucaym \ أبو نعيمu wariyay. Markaasey haweenka la joogay tustay oo ay ayaguna la yaabeen. Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Khadiijah خديجةgurigeeda ugu yimid, uuna uga warramay ganacsigii iyo waxay ribxeen, taasoo ay Khadiijah خديجةku faraxday. 18 Kaddib waxaa Makkah\ مكةsoo galay Maysarah\ميسرة, oo u yimid Khadiijahخديجة. Khadiijah خديجةwaxay Maysarah\ ميسرةuga warrantay waxay aragtay. Markaasuu Maysarah\ ميسرةwuxuu yiri: "Anigu waxaan taas arkayey (waana labada Malag oo Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, qorraxda ka hoosaasineysa) tan iyo goortaan Shaam kasoo ambabaxnay." Maysarah\ ميسرةwuxuu kaloo Khadiijah\ خديجةu sheegay siday ganacsiga ugu faa'iideen, iyo waxyaalkuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka arkay iyo wuxuu wadaadka Nasdhuur\ نسطورyiri. Wuxuu kaloo u sheegay wixii dhex maray Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, iyo ninkii Al Laata\ الالتiyo Al Cuzzaa\ العزىugu dhaariyey arrin ganacsigooda ku saabsan, iyo siduu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, dhaartaas u diiday. Intaasoo idil markay maqashay, Khadiijah خديجةwaxay Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u labo jibaartay ijaarka hore ugu sheegtay inay siin doonto. Khadiijah خديجةwaxay ahayd haweeney caqli badan, sharaf badan, ayadoona uu Ilaahay Tacaalaa doonayo inuu si wayn u karaameeyo, khayr badanna siiyo. Markaas ayada ahna, Khadiijah خديجةayadaa ugu fadli badan xagga nasabka, uguna sharaf wayn, uguna maal badan haweenka Quraysh\قريش. Ragga tolkeedna waxay aad ugu dadaalayeen inay Khadiijah خديجةguursadaan, waxaase Ilaahay ku sharfay guurka Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Ninkii Khuzaymah\ خزيمةahaana, safarka dabadiis, wuxuu u laabtay beledkiisa, wuxuuna Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku yiri: "Markaan maqlo in lagu soo bixiyey Nabinnimo, waan kuu imaanayaa." Khuzaymah\ خزيمةwuxuu wafdi ahaan Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ugu yimid furashada Makkah\ مكةkaddib. Runtana Rabbi ayaa og. Riwaayad kalena waxay warisay in markuu Safarku Busraa \ بصرىku degay, uu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, geed hoostiis ku degay. Markaasuu wadaadka Nasdhuur\ نسطورah wuxuu Maysarah\ميسرة, oo uu yiqiinnay, ku yiri: "Maysarow\ !يا ميسرةWaa kuma ninka geedka hoostiisa ku sugan?" Markaasuu Maysarah\ ميسرةwuxuu yiri: "Waa nin Quraysh\ قريشu dhashay, oo ehelka Xaramka ah." Markaasuu Nasdhuur\ نسطورwuxuu yiri: "Geedkaan hoostiisa, saacaddaan, kuma uusan degin nin aan Nabi ahayn." Riwaayad kalena waxay warisay inuu Nasdhuur\ نسطورku yiri: "Geedkaan hoostiisa kuma uusan degin qof aan Nabi ahayn Ciise\ عيسىdabadiis." Sacd\ سعدwuxuu Al Saraf\ السرفku wariyay inuu markaas wadaadku uu Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, usoo dhowaaday, oo uu madaxiisa iyo cagihiisa dhunkaday, uuna yiri: "Waan ku rumeeyey, aniguna waxaan marag ka ahay inaad adigu tahay midkuu Ilaahay Tawraadda ku sheegay." 19 Markaasuu wadaadku markuu Khaatimka Nabiniimada\ خاتم النبوةarkay ayuu dhunkaday, wuxuuna yiri: "Waxaan marag ka ahay inaad adigu tahay Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Nabiga Ummiga ah\ النبي األميee uu Ciise\ عيسىku bishaareeyey, uuna (Ciise\ )عيسىyiri: "Aniga dabadey geedkaan hoostiisa degi uu mayo nin aan ahayn Nabiga ummiga ah, oo reer Banii Haashim ah\بني هاشم, oo Carabta ah, oo reer Makkah\ مكةah, Xawdkana\ الحوضiska leh iyo Shafeecada \الشفيعةiyo Calanka Xamdiga\لواء الحمد." Al Waaqidii\ الواقديiyo ibnu Al Sak السكنwaxay intaas ku dareen inuu Ciise \عيسىyiri: "indhihiisana waxaa ku jira guduud". Markaasuu Maysarah\ ميسرةwuxuu yiri: "Haa, oo guduudku indhihiisa marna kama tago." Markaasuu wadaadku wuxuu yiri: "Kani waa isagii, isagaana Anbiyada kii ugu dambeeyey ah. Shallaytideydey, maxaan u gaari waayey goorta lagu amrayo inuu soo baxo". Maysarah\ ميسرةintaas oo idil wuu weeleeyey, oo uu qalbigiisa ku xafithay. lbnu lsxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: "Khadiijah bintu Khuwaylid\ خديجة بنت خويلدwaxay u sheegtay ina adeerkeed Waraqah bin Nawfal bin Asad bin Cabdu Al Cuzzaa\ورقة بن نوفل بن عبد العزى, oo ahaa nasraani kutubbadii hore cilmi u lahaa, iyo cilmiga dadkaba, wuxuu addoonkeeda Maysarah\ ميسرةu sheegay, oo ahaa hadalkuu wadaadkii raahibka ahaa yiri, iyo siduu isaga laftiisu u arkay laba Malag oo qorraxda ka hoosaasineysa. Markaasuu Waraqah\ ورقةwuxuu Khadiijah\ خديجةku yiri: "Hadday waxaasi run yihiin Khadiijow\ خديجة, Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi waa Nabiga ummaddaan, aniguna waxaan ogahay inay ummaddaani leedahay Nabi midkaan aan ku jirnana waa zamankuu soo bixi lahaa." Markaasuu Waraqah\ ورقةsoo bixinta Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuuna yiraahdaa: "Ilaa intee baan sugaynnaa?" Arrinkaas raagiddana gabay ayuuba ka tiriyey, uu ibni \ إسحاقwariyay. Waraqah bin Nawfal\ورقة بن نوفل بن عبد العزى Wasallam, la sugayo, raagsaday, lsxaaq إبن Waraqah bin Nawfal bin Asada bin Cabdu Al Cuzzaa\ ورقة بن نوفل بن عبد العزى,, waa Khadiijah bintu Khuwaylid bin Asad bin Cabdu Al Cuzzaa\ خديجة بنت خويلد بن أسد بن عبد العزىina adeerkeed. Hooyadiisna waxaa la yiraahdaa Hindu bintu Abii Kabiir bin Cabdi bin Qusayy هند بنت أبي كبير بن عبد بن قصي. Waraqah ورقةciribi kama ayan harin, wuxuuna ka mid yahay ragga aaminay Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, bicthada horteedba. Al Tarmathii\ الترمذيwuxuu wariyay inuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: 20 ". ولو كان من أهل النار لم تكن عليه ثياب بيض، وعليه ثياب بيض،"رأيته في المنام "Ra'aytuhu fii al manaami, wa calayhi thiyaabun biidun, wa law kaana min ahli al Nnaari lam takun calayhi thiyaabun biidun." Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Waxaan arkay (Waraqah ) ورقةanigoo hurda, oo waa riyo (riyada Anbiyaduna waa run), isagoo labbisan dhar cadcad. Hadduu ehelu Naarta ka mid ahaan lahaana dhar cadcad ma uusan xirnaadeen." Warka Waraqah\ ورقةoo tifaftiranna waxaan ku arki doonnaa, inshaa'a Allaahu\إن شاء هللا markaan Bicthada\ البعثةka hadleynno, markuu Jibriil\ جبريلNabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam Ghaaru Xiraa'\ غار حراءugu imaanayo, arrinkaanoo aan wax kasoo warbixinnay markaan uga soo hadalnay ehelu fitrada\ أهل الفترةkitaabka Mawliidka Saallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Shaqadiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Nabinnimada horteed Sidaan hore ugu soo aragnay kitaabkaan Siirada Mujalladka Koowaad,, wuxuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, intuu yaraa ka shaqayn jiray isagoo buuraha Makkah \ مكةari ku raaca oo ijaar ku qaata. Kaddib markuu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, nin dhallinyaro ah noqday, iyo Nabinnimada horteed wuxuu noqday ganacsade gaddisley ah, siday ibnu Athiir\ إبن أثيرiyo ghayrkiisba u wariyeen. Ganacsigaasna waxaa shirko la ahaa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ninka la yiraahdo Al Saa'ibu bin abii Al Saa'ibi\السائب بن أبي السائب. Abuu Al Saa'ibna\ أبو السائبmagaciisu waa Sayfii bin Caa'ith bin Cabdu Allaahi bin Cumar bin Makhzuum, Al Qurashiyyi, Al Makhzuumii صيفي بن \عائذ بن عبد هللا بن عمر بن مخزوم. Ibnu Athiir\ إبن أثيرkitaabkiisa Usudu Al Ghaabah\ أسد الغابةwuxuu ibnu Shihaab\ إبن شهابuga wariyay inuu Al Saa'ibu ibnu Al Saa'ib\ السائب بن أبي السائبyahay midkuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka yiri: ". واليماري، كان اليشاري."نعم الشريك "Nicma al shariiku. Kaana laa yushaarii, wa laa yumaarii". Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Wuxuu ahaa nin nicmo leh oo lala shirkoobo, wuxuuna ahaa mid aan ahayn macangag wax ku dhega, aanna murmin." Waxaa isaguna sidaas u wariyay ibnu Cabdu Al Barr\إبن عبد البر, kuna wariyay kitaabkiisa Al Istiicaabu\اإلستيعاب, kana wariyay Abuu Cumar, mawlaha Mujaahid. Mujaahidأبو عمر مولى مجاهد wuxuu Al Saa'ib\ السائبlaftiisa ka wariyay inuu yiri: "Waxaan u imid Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Markaasey i ammaaneen, ayna wanaaggeyga sheegeen. Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri: 21 "."أنا أعلمكم به "Anaa aclamukum bihi", oo macneheedu yahay: "Anigaa isaga idiinku aqoon badan". Waxaan iri: "Run ayaad sheegtay, aabahay iyo hooyaday ayaan kugu furanayaaye, waxaan ahaa shariigaaga, waxaadna tahay nin lala shirkoobo oo nicmo leh, adigoo aan wax khayaaneyn, anna murmayn." Waxaa Xadiithka wariyay Saddexda, oo ah Abuu Daa'uud \ أبو داودiyo Al Tarmathii\ الترمذيiyo Al Nasaa'iiالنسائي. Ummu Al Mu'miniina Khadiijah\أم المؤمنين خديجة Markay laba bilood iyo shan iyo labaatan maalmood kasoo wareegatay kasoo noqoshadiisa Shaam, Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu guursaday Ummu Al Mu'miniina Khadiijah bintu Khuwaylid bin Asad bin Cabdu Al Cuzzaa bin Qusayy bin Kilaab Al Qurashiyyah, Al Asadiyyah أم المؤمنين خديجة بنت خويلد بن أسد بن عبد العزى بن قصي بن \كالب القرشية األسدية. Khadiijah خديجةhooyada dhashayna waa Faadhimah binti Zaa'idah Al Asamm bin Jundab bin Harim bin Rawaaxah bin Xajr bin Maciis ben Caamir bin Lu'ayy bin Ghaalib bin Fihr/ فاطمة بنت زائدة بن األصم بن جندب بن هرم بن رواحة بن حجر بن معيص بن عامر بن لؤي بن غالب بن فهر, siduu Maysarah\ميسرة, addoonkay lahayd u yiri. Ibnu Cabdu Al Barru\ إبن عبد البرwuxuu intaas ku daray inay ahayd ciribta bisha Safar\ صفرee sanadkiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ee lix iyo labaatanaad. Khadiijah خديجةwaxaa Islaamka hortiis loogu yeeri jiray oo la oran jiray "Al Dh-dhaahirah "الطاهرة, oo midda daahirka ah, iyo "Sayyidda ee hoggaamisa oo madaxda u ah haweenka Quraysh\"سيدة نساء قريش. Khadiijah خديجةwaxaa marka ugu horreysey guursaday ninka la yiraahdo Abuu Haalah bin Zuraarah Al Tamiimii\أبو هالة بن هند التميمي. Abuu Haalah\ هالةmagaciisa waa la isku khilaafay. Al Zubayr ibnu Al Bakkaar\ الزبير إبن البكارiyo Al Daarqudhniyyu\ الدارقطنيwaxay yiraahdeen magaciisu waa Maalik\مالك. Waxaa kaloo la yiri waa Zuraarah\زرارة, siday ibnu Mundah\ إبن مندهiyo Al Suhaylii\ السهيليu yiraahdeen. Waxaa kaloo la yiri waa Hind\هند, siduu Al Caskarii\ العسكريu yiri waa hubaal. Waxaa kaloo la yiri magaciisu waxaa weeye Al Nabbaash\النباش. Ibnu Xajar Al Casqalaanii\ إبن حجر العسقالنيwuxuu Fatxu Al Baarii\ فنح الباريku wariyay inuu Abuu Haalah\ أبو هالةzamanka jaahiliyada iyo Islaamka hortiis dhintay. 22 Khadiijah\ خديجةwaxay Abuu Haalah\ أبو هالةu dhashay: (Kow) wiil la yiraahdo Hind\هند, oo saxaabi wayn ahaa, kana mid ah raga lagu yaqiin sifaynta Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Hind\ هندwuxuu ka qayb galay oo uu goob joog ka ahaa Duullaanka Badr\غزوة بدر. Waxaa kaloo la yiri midkuu ka qay galay waa duullaanka Uxud \غزوة أحد. Hind\ هندwaxaa axaadithta ka wariyay Al Xasan ibnu Faadhimah\الحسن بن فاطمة, Sallaa Allaahu Calayhim Wasallam, oo oran jiray, markuu Xadiithka ka warinayo: "Waxaa ii warramay abtigay ... ", maxaa yeelay Hind\ هندwaa abtigiis la dhashay Faadhimah \فاطمة, Al Xasan\ الحسنhooyadiis, gabadha Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhim Wasallam. Hind\ هندwuxuu ahaa nin hadalkiisu faseex yahay, codkar ah, si fiican wax u sifeeya, siduu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, abuuritaankiisa u sifeeyey oo kale, wuxuuna oran jiray: "Anigaa dadka ugu kariimsan xagga aabaha iyo xagga hooyada iyo xagga walaalkey iyo xagga walaashey. Aabahay waa Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, walaalkeyna waa Al Qaasim\القاسم, walaasheyna waa Faadhimah\فاطمة, hooyadayna waa Khadiijah\خديجة." Hind\ هندwaxaa lagu dilay Duullaanka Maalinta Yawmu Al Jamali\يوم الجمل, isagoo Calii\ عليla socday, Allaha wajigiisa karaameeyee, sidayy u yiraahdeen Al Zubayr ibnu Al Bakkaar الزبير بن البكارiyo Al Daarqudhniyyu\الدارقطني. Waxaa kaloo la yiri wuxuu ku dhintay daacuunka haleelay Basrah\بصرة. Al Tajjaanii\ التجانwuxuu yiri: "waxaa sax ah inuu Hind\ هندwiilkiisa, oo isagana Hind\ هندmagaciisu ahaa sida aabihiis oo kale, uu ahaa kan Basrah\ بصرةku dhintay". Al Tajjaanii\ التجانwarkiisuna waa intaas. Fatxu Al Baarii\ فنح الباريwuxuu wariyay inuu saxaabiga ah Hind bin Abii Haalah هند بن أبي هالةleeyahay wiil isagana magaciisu yahay Hindهند. Al Caskarii\ العسكريwuxuu yiri: "Saddexdoodaba, oo ah wiilka iyo aabihiis iyo awoowihiisba magaca way wadaagaan oo waxaa la wada yiraahdaa "Hind\"هند. Khadiijah\ خديجةwaxay kaloo Abuu Haalah bin Zuraarah\ أبو هالة بن زرارةu dhashay (Labo) wiil labaad oo la yiraahdo Haalah Al Tamiimii\هالة النميمي. Abuu Cumar\ أبو عمرwuxuu yiri: "Haalah\ هالةsaxaabi ayuu ahaa." Al Mustaghfirii\ المستغفريwuxuu Caa'ishah\عائشة, Allaha raalli ka noqdee, ka wariyay inuu wiil ay Khadiijah\ خديجةdhashay uu Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u yimid, lana yiraahdo Haalah\هالة, ayadoo uu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, hurdo, oo ay tahay waqtiga duhurka ka dambeeya, oo qayluulo loo seexdo. Markaasuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, codkiisa maqlay. Markaasuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri: 23 "!ّ"هالة!هالة!هالة "Haalah! Haalah! Haalah!" Al Dhabraanii\ الطبرانيwuxuu Haalah bin Abii Haalah\ هالة بن أبي هالةka wariyay inuu Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, usoo galay isagoo hurda. Markaasuu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, hurdada kasoo kacay oo uu laabtiisa ku dhejiyay, uuna yiri: "!ّ"هالة!هالة!هالة "Haalah! Haalah! Haalah!" Kaddib Abuu Haalah\ أبو هالةKhadiijah\ خديجةwuu ka dhintay. Abuu Haalah\ أبو هالةkaddib waxaa Khadiijah\ خديجةguursaday Catiiq bin Caabid bin Cabdu Allaahi bin Cumar bin Makhzuum\عتيق بن عابد بن عبد هللا بن عمر بن مخزوم. Khadiijah\ خديجةwaxay Catiiq\ عتبقu dhashay: (Saddex) gabar la yiraahdo Hind\هند, oo islaantay, saxaabiyadna ahayd, siduu Al Zuhriyyu \الزهري u wariyay. Gabadhaanna waa hooyada dhashay Muxammad bin Sayfii Al Makhzuumii محمد بن صيفي المخزومي, o ina adeerkeed ah. Ibnu Sacd\ إبن سعدwuxuu yiri: "Dhasha Muxammadakaan\ محمدwaxaa la yiraahdaa "Banuu Al Dhaahirah"بنوا الطاهرة, oo ah "Dhasha midda Daahiradda ah", oo ka tarjumeysa Makaanka Khadiijah\" خديجة. Waxaa kaloo la yiri waxay Catiiq\ عتيقu dhashay wiilla yiraahdo Cabdu Allaahi\عبد هللا, ama Cabdu Manaaf\عبد مناف, sida kaloo la sheegay. Qataadah\ قتادةiyo ibnu Shihaab\ إبن شهابiyo ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwaxay Yuunus\ يونسka wariyeen inuu Khadiijah\ خديجةmarka hore Catiiq\ عتيقguursaday, ayadoo inan ah oo uu ka dhintay, dabadeedna uu guursaday Abuu Haalah\أبو هالة, tanoo uu Fatxu Al Baarii\فتح الباري wariyay, uuna ibnu Xajar\ إبن حجرkitaabkiisa kale ee Al Isaabah\ اإلصابةuu labada riwaayadoodba ku wariyay. Guursiga Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ee Khadiijah\خديجة Markay laba bilood iyo shan iyo labaatan maalmood kasoo wareegatay kasoo noqoshadiisa Shaam\الشام, Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu guursaday Ummu Al Mu'miniina Khadiijah bintu Khuwaylid bin Asad bin Cabdu Al Cuzzaa bin Qusayy bin Kilaab Al Qurashiyyah, Al Asadiyyah أم المؤمنين خديجة بنت خويلد بن أسد بن عبد العزى بن قصي بن كالب القرشية األسدية. Markuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Khadiijah guursanayey wuxuu jiray shan iyo labaatan sano, Khadiijana\ خديجةwaxay jirtay afartan sano iyo xoogaa. Ibnu Isxaaq\ إبن إسجاقwuxuu wariyay inay Khadiijah\ خديجةkaddib markay Nabi Muxammad, 24 Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka aragtay waxay ka aragtay iyo wixii looga warramay oo arrinkiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku saabsan, ay ayadu isu soo bandhigtay, si toos ahna u weydiisatay inuu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, guursado, wuxuuna yiri: "Markaasey isu soo bandhigtay waxayna tiri: "!"يا إبن عم! إني قد رغبت فيك لقرابتك وسلتطك في قومك وأمانتك وحسن خلقك وصدق حديثك “Yaa ibna acmm! Inni qad raghabtu fiika li qaraabatika wa suldhatika fii qawmika wa amaanatika wa xusna khuluqika wa sidqa xadiithika!” Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Ina adeerkeeyow! Waan ku doonayaa, waxaanna kuu doonayaa qaraabannimadaada iyo awoodda aad tolkaa dhexdiisa ku leedahay iyo ammaanadaada iyo suubanaanta khuluqdaada iyo runlownimadaada." Ibnu Sacad\ إبن سعدwuxuu isaguna ka wariyay Al Waaqidii\ الواقديinay gabadha la yiraahdo Nafiisah binti Munabbih\ نفيسة بنت منبهay tiri: "Khadiijah\ خديجةwaxay ahayd haweeney go'aan iyo xoog leh, shariifad ah, ayna u wehliyaan intaas wuxuu Ilaahay ayada la doonay oo karaamo iyo khayr ah, ayadoo markaas Quraysh \قريش ugu gobsan xagga nasabka, uguna sharaf badan, uguna maal badan, ragga tolkeeda oo idilna uu ku dadaalayey inuu guursado, hadday taas awoodaan. Raggu way doonayeen, maalna ay ku bixiyeen daraadeed. Markaasey aniga waxay ii dirtay, si qarsoodi ah Muxammad\محمد, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, kaddib markuu Safarkeeda Shaam\ الشامkasoo celiyay. Markaasaan intaan u tegey, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ayaan waxaan ku iri: "Muxammadow محمد-Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam- maxay tahay sababta kuu diidan inaad guursatid?" Wuxuu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: "."ما بيدي ما أتزوج به "Maa bi yadii maa atazawwaju bihi", oo macneheedu yahay: "Gacanteyda kuma ay jiro wax maal ah oo aan ku guursado". Waxaan iri: "Haddii taas lagaaga filnaado, laguuguna yeero maal iyo qurux iyo sharaf iyo kafaa'o -oo ah haweeney kuu dhiganta, oo kufkaaga ah- soo yeeli meysid?" Wuxuu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: ""فمن هي؟ "Fa man hiya?" 25 oo macneheedu yahay: "Waana tee?" Waxaan iri: "Khadiijah\خديجة." Wuxuu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: ""وكيف لي بذلك؟ "Wa kayfa lii bi thaalika?" oo macneheedu yahay: "Sideebeyna taasi iigu ahaaneysaa?" Markaasaan tegey oo aan Khadiijah\ خديجةu sheegay. Markaasey isaga laftiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u ciddirtay oo ay fartiintaan u fartay: "."أن ائت لساعة كذا "Saacad hebla ii imow". Markaasuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, warkaas adeerradiis u sheegay." Waxaa labadaas riwaayadoodna la isugu geyn karaa sidatan: inay Khadiijah\ خديجةmarka hore Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Nafiisah\ نفيسةu dirtay, si ay u ogaato inuu guursigeeda raalli ku yahay, markay ogaatayna inuu ku yahay ay ayada lafteedu la hadashay. Wuxuu kaloo ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقAl Mubtada'\ المبتدءku wariyay oo yiri: "Haweenka Quraysh\ قريشwaxay lahaayeen maalin ay kulmaan. Markaasey maalin isku yimaadeen. Markaasaa shirkoodaas waxaa yimid nin yuhuudi ah, wuxuuna haweenka ku yiri: "Haweenka Qurayshow\ !قريشWaxaa hubaal ah inuu Quraysh\ قريشNabi kasoo bixi doono. Marka tiinna karta inay firaash (waana haweeney) u noqoto, sidaas ha yeesho". Markaasey haweenku yuhuudiga quruurux la dhaceen oo ay caayeen, ayna si adag ula dhaqmeen. Khadiijase\ خديجةhadalka yuhuudiga way ka aamustay, kumana ayan kicin waxay haweenka kale faleen oo ay ninka kala hortageen. Warka uu ninkaasi yirina qalbigeeda ayuu ku xasilay. Markaasey markuu Maysarah\ ميسرةuga warramay Aayaatka uu ku arkay Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, iyo waxay ayada lafteeduba aragtay, ayay waxay tiri: ". ما ذاك إال هذا،"إن كان ما قال اليهودي حقا “In kaana maa qaala al yahuudiyyu xaqqan, maa thaaka illaa haathaa.” 26 Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Hadduu waxa uu yuhuudigu sheegay run yahay, kaasi ma aha -waa Nabigaase- mid aan kan ahayn." Intaasuu ku egyahay warka ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقee arrinkaan. Gogosha doonidda iyo guurga Khadiijah\خديجة Gogosha Khadiijah\ خديجةlagu doonayey waxaa kasoo qayb galay Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, adeerradiis qaarkood, sida Abuu Dhaalib\ أبو طالبiyo Xamzah\حمزة. Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: "Waxaa goobjoog ahaa Abuu Dhaalib أبو طالبiyo madaxda Mudar\( مضرMudar\ مضرwaa awoowaha toddoba iyo tobnaad ee Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ayna ka farcameen qabiilka Carbeed oo weyn oo isagana Mudar\ مضرla yiraahdo, waana daad dhibic kor ku leh). Markaasuu Abuu Dhaalib\ أبو طالبKhadiijah\ خديجةdoonay, oo uu khudbo jeediyey, oo uu yiri: وجعلنا حضنة، وعنصر مضر، وضئضى معد، وزرع إسماعيل،"الحمد هلل الذي جعلنا من ذرية إبراهيم ، ثم إن ابن أخي هذا، وجعلنا الحكام على الناس، وحرما آمنا، وجعل لنا بيتا محجوجا، وسواس حرمه،بيته ، وأمر حائل، فإن المال ظل زائل، فإن كان في المال قلة، اليوزن برجل إال رجح به،محمد بن عبد هللا "ومحمد من الذين قد عرفتم قرابته لهاشم وعبد المطلب واآلباء:ومحمد ممن قد عرفتم قرابته (وفي نسخ وقد خطب خديجة بنت خويلد وبذل لها ما آجله وعاجله من مالي،) فالحسب أعظم من كثرة المال،الكرام ". وهو – وهللا – بعد هذا له نبأ عظيم وخطر جسيم،كذا “Al xamdu li Allaahi Allathii jacalanaa min thurriyati Ibraahiima, wa zarca Ismaaciil, wa d’idi’ata Macadd, wa cunsura Mudar, wa jacalanaa xadanata Baytihi, wa suwaasa Xaramihi, wa jacala lanaa Baytan maxjuujan, wa Xaraman Aaminan, wa jacalanaa al xukkaama calaa al nnaasi, thumma inna ibna akhii haathaa, Muxammadun bin Cabdi Allaahi, laa yuuzanu bi rajulin illaa rajaxa bihi, fa in kaana fii al maali qillatun, fa inna al maala thillun zaa’ilun, wa amrun xaa’ilun, wa Muxammadun mimman qad caraftum qaraabatahu (waa fii nusakhin: “wa Muxammadun allathiina qad caraftum qaraabatuhu li Haashimin wa Cabdu Al Mudh-dhalib, wa al aabaa’i al kiraami, fa al xasabu acthamu min kathrati al maali), wa qad khadhaba Khadiijata bintu Khuwyalid wa bathala lahaa maa aajiluhu wa caajiluhu min maalii kathaa, wa huwa – wa Allaahi – bacda haathaa lahu naba’un cathiimun wa khadharun jasiimun.” "Mahad waxaa iska leh Ilaaha naga yeelay ubadka Ibraahiim \إبراهيم, iyo abuurka Ismaaciil\( إسماعيلoo ah aabaha Carabta dhalay, kuwaanoo dadka ugu sharaf badan), asalkeenana geliyey Macadd\( معدoo ah awoowaha sagaal iyo tobnaad ee Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam), iyo Mudar\مضر, nagana dhigay kuwa gurigiisa (waa Kacbadee) ilaaliya, oo dhaqaaleeya, oo u adeega, oo kafaalo qaaday, iyo kuwa deggan oo maamula Xaramkiisa, noona yeelay Guri\ البيتloo soo xajjiyo iyo Xaram\ الحرمaamin ah, oo uusan cadaw wax nagu yeeli Karin (Siduuba Ilaahay Tacaalaa\ هللا تعالىAayadda toddoba iyo 27 kontonaad ee Suuratu Al Qasasi\ سورة القصصku yiri: ِ أَولَم ُنم ِّكن لَهم حرما آ )77( َمًنا ً َ َ ُْ ْ َ ْ َ "Awa lam numakkin lahum Xaraman aaminan(57)", oo macneheedu yahay: "Miyaanan dejin oo ku sugin Xaram aamin ah?(57)"), nagana dhigay kuwa dadka u taliya oo xukuma, dadkuna ay ugu hoggaansan yihiin kariimnimada akhlaaqdooda iyo wanaagga la dhaqankooda, aanna ahayn xukun dadka lagu dhibayo oo lagu qahro. Intaas kaddib, wiilkaan uu walaalakay dhalay oo ah Muxammad bin Cabdu Allaahi\ محمد بن عبد هللا-Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam- oo nin kastoo lala miisaamo uu rajaxayo oo uu ka culusaanayo, xagga sharafta, gobannimada, fadliga iyo caqligaba. Hadday maaalkiisa yaraani ku jirto, maalku waa har guura - oo sida hooska uu dhakhso u suulo oo kale ayuu isaguna u tagaa- iyo arrin aan harin -oo maalku qof ayuu ka guuraa oo uu qof kale u guuraa, ama sifooyinkiisa ayaaba is beddela- iyo caariyo lagaa ceshanayo. Muxammadna\محمد -Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam- wuxuu ka mid yahay kuwa aad ogsoon tihiin qaraabannimadiisa Haashim هاشمiyo Cabdu Al Mudh-dhalib\ عبد المطلبiyo aabayaalkooda kiraamta ah, oo sidaasuu nasabku uga qiimo badan yahay maal badnida-, wuxuuna soo doonay Khadiijah bintu Khuwaylidخديجة بنت خويلد, wuxuuna siinayaa, si ay deeqsinnimo ku dheehantahay meher inta la hormarinayo iyo inta dib laga bixinayo, oo maalkeyga ah, intaas yahay. Intaas aan iri kaddibna, wa Allaahi\ وهللاisagu (waana Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam) wuxuu leeyahay mustaqbal wayn (oo aydnaan adinku ogayn, taasoo tilmaameysa wuxuu isaga laftiisu Abuu Dhaalib\ أبو طالبah ka arkay barakooyinkiisa Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, markuu ciyaalkiisa cunnada la cunayo iyo wuxuu Baxiiraa \ بحيرىuga sheegeyba) iyo qadar jaliil ah oo weyn." Markaasuu u guuriyey. Abuu Dhaalib\ أبو طالبwuxuu khudhbaddiisa ku daray, siduu Al Suhaylii\ السهيليu wariyay, isagoo sheegay inay Khadiijana\ خديجةguursiga Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ay ayaduna dooneyso. Markuu Abuu Dhaalib\ أبو طالبkhudhbadiisa dhammeeyey, ayaa waxaa hadlay Waraqah bin Nawfal\ ورقة بن نوفل-oo ah Khadiijah\ خديجةina adeerkeed-, wuxuuna yiri: "Mahad waxaa iska leh Ilaaha naga dhigay sidaad u xustay, nagana fadli yeelay kuwaad tirisay, maxaa yeelay annagu waxaan nahay madaxda Carabta iyo hoggaamiyayaalkooda. Adinkuna intaas oo idil ehel ayaad u tihiin oo mudan tihiin. Cashiiradu -waana Quraysh\ قريشoo tolkooda ah- ma inkireyso fadligiinna, axad dadka ka mid ahoo diidaya faankiinna iyo sharaftiinnana ma jiro. Annaguna waxaan dooneynnaa inaan xariggiinna qabsanno, oo la xiriirno iyo sharaftiinnaba. Marka marag iiga ahaada, madaxda Qureeyshey\قريش, inaan Khadiijah bintu Khuwaylid خديجة بنت خويلدu guuriyey Muxammad bin Cabdu Allaahi\( محمد بن عبد هللاSaallaa Allaahu Calayhi Wasallam), meherkeeduna uu yahay afar boqol oo diinaar." Markuu Waraqah\ ورقةintaas yiri kaddib, wuu aamusay. Markaasuu Abuu Dhaalib\أبو طالب wuxuu yiri: 28 "."قد أحببت أن يشركك عمها “Qad axbabtu an yushrikaka cammuhaa.” Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Waxaan jeclaan lahaa inuu arrinkaan adeerkeedna kula wadaago." Markaasuu Khadiijah\ خديجةadeerkeed Camr bin Asad\ عمرو بن أسدwuxuu yiri: "Marag iiga noqda, madaxdda Qureyshey\قريش, inaan Muxammad bin Cabdu Allaahi محمد بن \( عبد هللاSallaa Allaahu Calayhi Wasallam) u guuriyey Khadiijah bintu Khuwaylid خديجة بنت \خويلد." Khadiijah خديجةaabeheed Khuwaylid bin Asad\ خويلد بن أسدmarkaas ma noola, oo wuxuu dhintay, siduu Al Suhaylii\ السهيليuga wariyay Al Dhabarii\الطبري, oo ka wariyay ibnu Cabbaas\إبن عباس iyo Caa'ishah\ عائشةiyo Jubayr bin Mudhcim\الجبير بن مطعم, oo yiri: "Wuxuu ahaa Camr bin Asad\ عمرو بن أسدkan Khadiijah bintu Khuwaylid\خديجة بنت خويلد u guuriyey Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ayadoo uu Khuwaylidخويلد Xarbiga Al Fijjaari\ حرب الفجارhortood dhintay. Khuwaylid bin Asad\ خويلد بن أسدayuu ahaa ninka ku qabsaday boqorka Yamaneed\ يمنee Tubbac Al Aakhar\ تيع اآلخرmarkuu inta soo xajjiyay uu damcay inuu Xajaru Al Aswadka \الحجر األسود, waa Dhagaxa Madoobe, inuu inta Kacbada kala baxo arligiisa Yaman\ يمنla aado oo uu u qaato. Markaasuu Khuwayli\d خويلدku qabsaday. Waxaa kaloo arrinkaas ku qabsashada ku dhinac istaagay ayaguna rag kale. Markaasuu Tubbac\ تبعwuxuu ku riyooday riyo aad u cabsi gelisay. Markaasuu arrinkaas ka haray, uuna iska daayey, arligiisana uu dib ugu laabtay isagoo aan Dhagaxa Madow la bixin oo qaadan." Intaas weeye warka ibnu Cabbaas\إبن عباس. Sidaas ayay madaxda Quraysh\ قريشguurkaas markhaati uga ahaayeen. Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu Khadiijah bintu Khuwaylid\ خديجة بنت خويلدmeher ahaan u siiyey, uuna ka siiyey maalka adeerkiis Abuu Dhaalib\أبوطالب, laba iyo toban wiqiyadood oo dahab ah iyo wiqiyad nuskeed. Wiqiyad kastana waxay ahayd afartan dirham, siduu u yiri Al Muxibbu Al Dhabari\المحب الطبري. Sidaas ayuu meherka wadartiisu wuxuu yahay shan boqol oo dirham oo dahab sharci ah. Muslim \ مسلمwuxuu Caa'ishah\ عائشةka wariyay, Allaha raalli ka noqdee, inay tiri: :" قالت. "ال: أتدري ما النش؟" قلت."كان صداقه صلى هللا عليه وسلم ألزواجه إثنتي عشرة أوقية ونشا ". وذلك خمس مأة درهم،"نصف أوقية 29 "Kaana sadaaquhu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, li azwaajihi ithnatay cashrata awqiyatan wa nashan. A tadrii maa al nash-shu? Qultu: "Laa". Qaalat nisfu awqiyatin, wa thaalika khamsa mi'atin dirham." Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Meherkiisa uu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam haweenkiisa oo idil siiyay wuxuu ahaa laba iyo toban wiqiyadood iyo nash. Ma ogtahay wuxuu nash yahay?" Waxaan iri: "Maya". Waxay tiri: "Waa wiqiyad nuskeed." Sidaas ayay wadarta uu haweeney walba meher ahaan u siiyay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ay shanh boqol oo dirham oo dahab ah tahay." Markuu guurku dhacay, ayuu Nabigu, Sallaa Allaahu CaIayhi Wasallam, u kacay inuu guriga ka baxo. Markaasey Khadiijah\ خديجةwaxay ku tiri: ""إلى أين يا محمد؟ “Ilaa ayna yaa Muxammad?” Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Xaggeebaad u socotaa Muxammadow?" Wuxuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam yiri: ". وأطعم الناس،"أذهب وأنحر جزورا أو جزورين "Ath-habu wa anxaru jazuuran aw juzuureyni, wa adhcimu al nnaasa" oo macneheedu yahay: "Waxaan u baxayaa inaan rati ama laba rati gawraco, oo aan dadka cunno siiyo." Sidas ayuuna yeelay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Taasna waxay ahayd waliimadii ugu horreysey oo uu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, sameeyo. Al Zarqaanii\ الزرقانيwuxuu kaloo Al Muntaqaa\ المنتقىka wariyay inuu qoray oo yiri: "Markaasey Khadiijah\ خديجةjaariyadeheeda amartay inay cayaaraan oo ay dafka tumaan. Isagana, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxay ku tiri: ". وأطعم الناس وهلم فقل مع أهلك،"مر عمك ينحر بكرا من بكراتك “Mur cammaka yanxaru bakran min bakraatika, wa adhcimi al nnaasa wa halumma fa qil maca ahlika.” Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Adeerkaa waxaad amartaa inuu qaalin qaalmahayga ka mid ah gawraco, oo uu dadka cunno siiyo, ehelkaagana (waana xaaskaagee) la qayluulee (oo ah seexashada duhurka kaddib la seexdo, oo qorraxda laga harsado). Sidaas ayuuna Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam yeelay." Abuu Dhaalib\ أبو طالبwuxuu farxay farax xoog leh, inuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi 30 Wasallam, Khadiijah\ خديجةguursaday, wuxuuna yiri: "."الحمد هلل الذي أذهب عنا الكرب ودفع عنا الهموم “Al xamdu li Allaahi Allathii ath-haba cannaa al kariba wa dafaca cannaa al humaama.” Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Mahadda waxaa leh Ilaahay, oo kurbada naga qaaday, walwal iyo hammina naga qaaday." Ilmahay Khadiijah\ خديجةNabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam u dhashay Ummu Al Mu'miniina Khadiijah\ أم المؤمنين خديجةwaxay Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u dhashay lix cunug, oo ay labana wiilal yihiin, afarna gabdho, siduu u wariyay Al Zubayr ibnu Al Bakkaar\الزبير إبن البكار. Al Zubayr ibnu Al Bakkaar\ الزبير إبن البكار, oo ah dhasha Al Zubayr ibnu Al Cawwaamu الزبير إبن العوام, saxaabiga wayn oo ay dhashay Safiyyah bintu Cabdu Al Mudh-dhalib صفية بنت عبد \المطلب, eedada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam iyo xawaarigiisaحواريه, wuxuuna dhashay sanadka boqol iyo labo iyo toddobaatan ee Hijriga, wuxuuna dhintay sanadka laba boqol iyo lix iyo konton, kitaabkiisana waxaa la yiraahdaa Jamharatu Nasabu Qurayshin wa Akhbaarihaa\جمهرة نسب قريش وأخبارها, oo marka ugu dambeysey lagu daabacay Riyaadh ee dalka Sacuudiga. Al Zubayr ibnu Bakkaar الزبير إبن البكارwuxuu yiri: "Waxaa ii warramay adeerkey Muscab\ مصعبoo yiri: "Khadiijah خديجةwaxay u dhashay Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam: )kow) Al Qaasim القاسمiyo (Laba) Al Dhaahi\الطاهر, kanoo lana yiraahdo Al Dhayyibu\الطيب, magaciisuna waa Cabdu Allaahi\عبد هللا." Al Zubayr\ الزبيرadeerkiis waxaa la yiraahdaa Abuu Cabdu Allaahi Al Muscab bin Cabdu Allaahi bin Al Muscab Al Zubayrii\أبو عبد هللا المصعب بن عبد هللا بن المصعب الزبيري, noolaana inta u dhexeysa boqol iyo lix iyo konton ilaa laba boqol iyo lix iyo soddon, wuxuuna leeyahay kitaab la yiraahdo Kitaabu Nasabu Quraysh\كتاب نسب قريش. Al Zubayr bin Bakkaar الزبير إبن البكارwuxuu kaloo wariyay oo uu yiri: "Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Ibraahiim\ إبراهيمka sokow, wuxuu lahaa Cabdu Allaahi\ عبد هللاoo isagoo yar Makkah\ مكةku dhintay, waxaana kaloo lagu magacaabaa Al Dhayyibu\ الطيبiyo Al Dhaahiru\الطاهر, oo Cabdu Allaahi\ عبد هللاwuxuu leeyahay saddex magac." Al Qasdhalaanii\ القسطالنيwuxuu yiri: " Taas weeye siday yiraahdeen inta badan ee culummada nasabka ku xeel dheer. Waxaana sidaas yiri Abuu Cumar\ أبو عمرoo ah Yuusuf bin Cabdu Allaahi bin Muxammad bin Cabdu Al 31 Barr\يوسف بن عبد هللا بن محمد بن عبد البر, al xaafith\الحافظ, al callaamah\العالمة, al imaam\اإلمام, midka dadka zamankiisa uga kor maray xifthiga iyo al itqaanu\اإلتقان, oo ah sugidda runnimada warka, dhintayna sanadka afar boqol iyo saddex iyo lixdan, waana isaga allifay kutubbo uu ugu caan san yahay Al Istiicaabu fii Macrifati Al Asxaabi\اإلستيعاب في معرفة األصحاب, oo afar mujllad ka kooban. Al Daarqudhniyyuna\ الدارقطنيwuxuu yiri: "Taas weeye midda sugan", o ah inay wiilashiisu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, saddexdaas ahaayeen." Gabdhaha Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxay ahaayeen, oo la isku wada waafaqay, afar, oo kala ah (Kow) Zaynab\زينب, (Laba) Ruqayyah\رقية, (Saddex) Ummu Kulthuum\ أم كلثومiyo (Afar) Faadhimah\فاطمة. Taas weeye midda saxiixa ah, inay caruurtiisu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, toddoba ahaayeen, oo kala ah saddex wiil iyo afar gabdhood, ayna dhammaantood dhashay Khadiijah\خديجة, intaan lbraahiim\ إبراهيمka ahayn oo ay hooyadiis ahayd Ummu Al Mu'miniina Maariyah Al Qibdhiyyah\أم المؤمنين مارية القبطية. Waxaan hadana mid walba oo caruurtaas ka mid u xuseynnaa goonidiis, annago sheegeynna wax ka mid intii laga wariyay, Inshaa'a Allaahu\إن شاء هللا. Kow. Al Qaasimu\القاسم, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam Al Qaasimu\ القاسم, wiilka Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ayaa ugu horreeyey caruurtiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Al Qaasim\ القاسمwuxuu dhashay Nabinnimada horteed, siday u sugeen Al Zubayru ibnu Al Bakkaar\ الزبير إبن البكارiyo ibnu Xajar Al Casqalaanii\ إبن حجر القسقالنيoo yiri: "Al Qaasim\ القاسمwaa curadkiisa" Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wiilkiisaan ayaa loogu koofaaray, oo loogu bixiyay "Abaa Al Qaasim\ "أبا القاسمoo ah "Al Qaasim\ القاسمaabihiis". Al Qaasim\ القاسمwuxuu noolaa ilaa uu ka socdo, siduu u wariyay Al Zubayr ibnu Al Bakkaar الزبير إبن البكارoo sheekhiisa ka wariyay oo yiri: "Nuujintiisuse kaamil ma ayan noqon", oo macneheedu yahay inuusan labo sano gaarin, ayadoo cunugga labo sano oo kaaamil ah la nuujiyo, kaddibna naaska laga gooyo. Dhimashada Al Qaasim\القاسم Al Imaamu, al callaamah, al xaafith Abii Bakr Jacfar bin Muxammad al Firyaabii ، العالمة،اإلمام \الحافظ أبي بكر جعفر بن محمد الفريابي, oo loo nisbeeyey Firyaab\ فريابoo ah degmo Turkiga\ تركياka tirsanayd oo Balkh\ البلخagteeda ahayd, ahaana qaalliga Diinwar\دينور, oo kutubbada badan sannifay, thiqqada\ ثقةlagu kalsoon yahay oo la aamino, uuna Al Khadhiibu Al Baghdaadii الخطيب \ البغداديka yiri: "Wuxuu ka mid ahaa weelasha cilmiga iyo ehelka macrifada iyo fahmada", kuna 32 wareegay arliga barigiisa iyo galbeedkiisa, dhashayna sanadka Hijriga ee laba boqol iyo toddoba, dhintayna bisha Muxarram\ محرمee sanadka saddex boqol iyo kow, wuxuu Musnadkiisa\ المسندku xusay wax tilmaamaya in Al Qaasimu\ القاسمlagu oofsaday Islaamka dhexdiisa iyo Nabinnimada kaddib. Imaamkaan iyo Al Dhayaalisii الطيالسيiyo Al Xarbii\ الحربيiyo ibnu Maajah\ إبن ماجةwaxay ka wariyeen Faadhimah bintu Al Xusayn\فاطمة بنت الحسين, oo aabeheed Al Xusayn\الحسين, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka warisay inuu yiri: ". "يا رسول هللا درت لبينة القاسم فلو كان هللا أبقاه حتى يتم رضاعه: قالت خديجة،"لما مات القاسم “Lammaa maata Al Qaasimu, qaalata Khadiijah: “Yaa Rasuula Allaahi darrat labiinatu Al Qaasimi fa law kaana Allaahi abqaahu xattaa yatimma radaacahu.” Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Markuu Al Qaasimu القاسمdhintay ayay Khadiijah خديجةwaxay tiri: "Rasuulka Ilaahayow, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Al Qaasimu القاسمcaanihiisii way darareen oo bateen, oo hadduu Ilaahay baaqi ka dhigi lahaa ilaa uu nuujintiisa ka kaamilo". Wuxuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam yiri: "."كان تمام رضعه في الجنة "Kaana tamaamu radcihi fii Al Jannati", oo macneheedu yahay: "Nuujintiisa waxaa lagu kaamilay Jannada dhexdeeda". Khadiijah waxay tiri: "."فلو أعلم ذلك يا رسول هللا لهون علي أمره “Fa law aclamu thaalika yaa Rasuula Alaahi la hawwana calayya amruhu.” Xadiithkla macnihiisu waxaa weeye: "Hadda markaan taas ogaaday amarkeyga ayay khafiif ka dhigeysaa", oo ah walwalkii hooyo waa yaraanayaa. Markaasuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri: "."إن شئت دعوت هللا فأسمعك صوته "In shi'ti dacawtu Allaaha, fa asmacaki sawtahu", oo macneheedu yahay: "Haddaad dooneysid Ilaahay ayaan baryayaa markaasuu codkiisa ku maqashiinayaa". Markaasey waxay tiri: 33 "."بل أصدق هللا ورسوله “Bal usaddiqy Allaaha wa Rasuulahu.” Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Bal waxaan rumaynayaa Ilaahay iyo Rasuulkiisa" Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Al Xarbii\ الحربيwuxuu yiri: "Khadiijah\ خديجةAl Qaasimu\ القاسمway u murugtay ilaa ay caaneheedu ka dararaan." Ibnu Xajar Al Casqalaanii\ إبن حجر العسقالنيwuxuu kitaabkiisa Al Isaabah\ اإلصابةku yiri: "Taasi waa war aad u cad, inuu Al Qaasim\ القاسمIslaamka dhexdiisa ku dhintay, laakin sanadka (xadiithka) waxaa ku sugan tabar yari". Al Suhaylii\ السهيليwuxuu kitaabkiisa Al Rawdu\ الروضku yiri: "Taasi waa calaamad tusineysa Khadijjah\ خديجةfiqigeeda, ayadoo kahatay inay aragto wiilkeeda oo Jannada dhexdeweda lagu nuujinayo, oo uu markaas seego ajarkay ka heleyso rumaynta ghaybka araggeenna ka maqan. Ilaahayna wuu ammaanay kuwa ghaybka rumeeya". Waa intaas warka Al Suhaylii\السهيلي. Yuunus bin Bukayr\ يونس بن بكيرwuxuu ku wariyay kitaabka Fii Ziyaadati al Maghaazii في زيادة \المغازي, kana wariyay Calii bin Al Xusayn\ العلي بن الحسينinuu yiri: "Al Qaasim\ القاسمwuxuu gaaray da'da uu daabadaha fuulo, uuna ku dheereeyo awrta xoogga badan oo lagu tartamo. Soo degidda Suuradda AI Kawthar\سورة الكوثر Markaasaa marka la qabtay (uu dhintay), ayuu Al Caasii bin Waa'il\ العاصي بن وائلwuxuu yiri: "Muxammad\ محمد-Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam- waa gablamay." Markaasaa waxaa soo degatay Suuradda Innaa Acdhaynaaka Al Kawthara\سورة إنا أعطيناك الكوثر, oo cawil celin looga dhigayo Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam musiibada ku gaartay dhimashada Al Qaasimu\القاسم." Ibnu Xajar\ إبن حجرwuxuu Al Isaabah\ اإلصابةku yiri: "Middaanna waa daliil kale inuu Al Qaasim القاسمIslaamka dhexdiisa ku dhintay." Al Qaasimu القاسمwuxuu ahaa kan ugu horreeya oo caruurta Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, dhinta. Ibnu Sacd إبن سعدiyo ghayrkiisba waxay wariyeen oo ay yiraahdeen: "Salmaa\ سلمىwaxay ahayd mawlada Safiyyah bintu Cabdu Al Mudh-dhalib صفية بنت عبد \المطلب, oo Khadiijah\ خديجةka umulisay caruurteeda oo dhan, waxayna sheegtay inay Khadiijah خديجةay wiil kasta ugu walqashay laba wan, gabar walbana wan, iyo inay labadii cunugba oo ay dhashay ay hal sano kala weynaayeen. Ilmeheedana ayada lafteeda ayaa nuujin jirtay." 34 Suuradda Al Kawthar سورة الكوثرwuxuu Ilaahay Tacaalaa ku yiri: )3( ) إِ َّن َشانَِئ َك ُه َو ْالَْبرَُر2( ِّك َو ْان َح ْر َ ص ِّل لِ َرب َ َعطَ ْي َن ْ إَِّنا أ.بسم اهلل الرحمن الرحيم َ َ) ف1( اك اْل َك ْوثََر "Bismi Allaahi Al Rraxmaani Al Rraxiimi. Innaa acdhaynaaka al Kawthara(1)Fasalli li Rabbika wa anxar(2)Inna shaani'aka huwa al abtar(3)." Suuradda macneheedu waxaa weeye: "Bismi Allaahi Al Rraxmaani Al Rraxiimi. Annagaa ku siinnay Al Kawthar(10)Ee Rabbigaa u tuko, daraadisna wax u gawrac(2)Midka cadawgaaga ah oo ku neceb isagaa khayr oo dhan laga fogeeyey, gablamayna oo cirib go'ay(3)". Imaam Al Baghawii\ البغويwuxuu tafsiirkiisa Anas\ أنسuga wariyay inuu yiri: "Maalin maalmaha ka mid ah, ayadoo uu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, dhexdeenna ku sugan yahay oo aan la joogno, ayuu in gaaban indhaha isku qabtay, sida isagoo seexday oo kale. Kaddibna madaxa ayuu kor usoo qaaday isagoo ilko caddeynaya. Markaasaan waxaan niri: "Maxaa kaa qosliyay Rasuulka Ilaahayow?" Wuxuu yiri: ) إِ َّن َشانَِئ َك2( ِّك َو ْان َح ْر َ ص ِّل لِ َرب َ َعطَ ْي َن ْ إِنَّا أ. بسم اهلل الرحمن الرحيم: فقرأ،"نزلت علي سورة َ َ) ف1( اك اْل َك ْوثََر فيه خير، "فإنه نهر وعدنيه ربي:" قال. "اهلل ورسوله أعلم: "تدرون ما الكوثر؟" قلنا: ثم قال،)3( ُه َو ْال َْبرَُر إنه، "رب: فأقول، فيختلج العبد منهم. آنيته عدد انجوم. هو حوض ترد عليه أمتي يوم القيامة.كثير ". "ما تدري ما أحدث بعدك:" فيقول.مني "Nazalat calayya aanifan Suuratun, fa qara'a: "Bismi Allaahi Al Rraxmaani Al Rraxiimi. Innaa acdhaynaaka al Kawthara(1 )Fasalli li Rabbika wa anxar(2)Inna shaani'aka huwa al abtar(3)." Thumma qaala: "Tadruuna maa al Kawtharu?" qulnaa: "Allaahu wa Rasuuluhu aclamu!" Qaala: "Fa innahu nahrun wacadaniihi Rabbii, fiihi khayrun kathiirun. Huwa xawdun taridu calayhi ummatii Yawma Al Qiyaamati. Aaniyatuhu cadadu al nnujuumi. Fa yakhtaliju al cabdu minhum, fa aquulu: "Rabbi innahu minnii". Fa yaquulu: "Maa tadrii maa axdatha bacdaka!" Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Maalin maalmaha ka mid ah, ayadoo uu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, dhexdeenna ku sugan yahay oo aan la joogno, ayuu in gaaban indhaha isku qabtay, sida isagoo seexday oo kale. Kaddibna madaxa ayuu kor usoo qaaday isagoo ilko caddeynaya. Markaasaan waxaan niri: "Maxaa kaa qosliyay Rasuulka Ilaahayow?" Wuxuu yiri: "Waxaa haddeer igu soo degatay ح ْر َ َع َ ص ِّل لِ َرِّب َ ط ْي َن ْ إِنَّا أ.بسم اهلل الرحمن الرحيم َ ك َو ْان َ َ) ف1( اك اْل َك ْوثََر )3( ) إِ َّن َشانَِئ َك ُه َو ْال َْبرَُر2( . Markaasuu Akhriyay: "Bismi Allaahi Al Raxmaani Al Raxiimi. 35 Innaa acdhaynaaka al Kawthar(1)Fasalli li Rabbika wa anxar(2)Inna shaani'aka huwa al abtar(3)." Kaddibna wuxuu yiri: "Ma ogtihiin wuxuu Al Kawthar\ الكوثرyahay?" Waxaan niri: "Ilaahay iyo Rasuulkiisa ayaa u cilmi leh." Wuxuu yiri: "Waa wabi uu iga ballan qaaday Rabbigay inuu isiiyo, dhexdiisa uu khayr badan ku sugan yahay, waana barkad ay usoo aroorto ummaddeydu Maalinta Qiyaame. Tirada weelashiisa -wax looga cabo- waa tirada xiddigaha oo kale. Markaasaa addoon ka mid ah inta la dhufto wabiga laga jiidaya. Markaasaan waxaan leeyahay: "Rabbiyow, aniguu iga mid yahay". Markaasuu wuxuu leeyahay: "Maad ogsoonid wuxuu gadaashaa falay". Wuxuu kaloo Al Baghawii\ البغويAnas\ أنسka wariyay inuu yiri inuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam yiri: فضربت. وحافتاه خيام اللؤلؤ، وأحل من العسل،"دخلت الجنة فإذا أنا بنهر يجري بياضه بياض األلبان ". "الكوثر الذي أعطاكه هللا عز وجل: "ما هذا؟" قال: فقلت لجبريل. فإذا الثرى مسك أذفر،بيدي "Dakhaltu Al Jannah fa ithaa anaa bi naharin yajrii bayaaduhu bayaadu al alabani, wa axlaa mina al casali, wa xaafataahu khiyaamu al llu'lu'i. Fa darabtu bi yadii, fa ithaa al tharaa miskun athfar. Fa qultu li Jibriila: "Maa haathaa?" Qaala: "Al Kawtharu allathii acdhaakahu Allaahu Cazza wa Jaalla." Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Waxaan galay Jannada, markaasaan waxaa arkay wabi socda, oo ay caddaantiisu la mid tahay caddaanta caanaha, malabkana ka macaan, labadiisa jinna ay khaymado luul ah yihiin. Markaasaan gacanteyda dhulka ku dhuftay, mase ciidduba waa miskiga la yiraahdo athfar المسك األذفر. Markaasaan Jibriil\ جبريلwaxaan ku iri: "Kani muxuu yahay?" Wuxuu yiri: "Waa Al Kawtharka\ الكوثرuu Ilaahay Cazza wa Jalla\ هللا عز وجلadiga ku siiyey." Aayadda labaad ee Suuraddana macneheedu waxaa weeye: "Marka hore Salaadda Ciidda tuko maalinta la yiraahdo Yawmu Al Naxri\يوم النحر, oo ah Ciidda Carafoعيد عرفاة, kaddibna udxiyada \ األضحيةgawrac", o sidaas ayay u kala horreeyaan. Siyaalo kalena waa lagu fasiray. Aayadda saddexaad siday noo sheegtayna, Al Caasii \ العاصيwuu cirib go'ay oo uu gablamay, waxaana ka haray dhashiisa kii islaamay, kanoo ay Diintu kala gaysay oo aan ciribtiisa ka mid ahayn. 36 Labo. Cabdu Allaahi\عبد هللا, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam Cabdu Allaahiعبد هللا, wiilka Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu dhintay isagoo yar. Ibnu Sacd\ إبن سعدwuxuu sanad daciif ah uga wariyay Cabdu Allaahi ibnu Cabbaas عبد هللا إبن \عباس, labadoodaba Allaha raalli ka noqdee, inuu Cabdu Allaahi عبد هللاdhintay isagoo yar, ayadoo aan hadda la ogayn intuu noolaa. Markaasaa markuu Cabdu Allaahi dhintayعبد هللا, ayuu Al Caasii bin Waa'il\ العاصي بن وائلwuxuu yiri: "Wiilashii way ka go'een, wuuna cirib go'ay." Markaasaa waxaa soo degatay )3( إِ َّن َشانَِئ َك ُه َو ْال َْبرَُر "Inna shaani'aka huwa al abtar" oo macneheedu yahay "Midka cadawgaaga ah oo ku neceb isagaa khayr oo dhan laga fogeeyey gablamayna oo cirib go'ay." Ibnu Jariir\ أبن جريرwuxuu isaguna wariyay in ninka sidaas yiri uu ahaa Cuqbah bin abii Mucaydh\عقبة بن أبي معيط, oo yiri: "Muxammad -Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam-wiilna baaqi u noqon mayo oo waa gablan." Markaasey Aayaddaani soo degatay )3( إِ َّن َشانَِئ َك ُه َو ْال َْبرَُر "Inna shaani'aka huwa al abtar". Sidaas ayay Aayaddu labadaas ninba ugu soo degatay. Waa intaas warka ibnu Jariir\إبن جرير. Cabdu Allaahi\عبد هللا, wiilka Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu dhashay Nabinnimada kaddib, isagaana caruurta Khadiijah\ خديجةugu yar. Al Zubayr ibnu Bakkaar\ الزبير إبن بكارwuxuu awoowihiis Muscab\ مصعبka wariyay inuu yiri: "Al Zubayru bin Cabdu Al Mudh-dhalib bin Haashim\الزبير بن عبد المطلب بن هاشم, Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, adeerkiis ay aabihiis Cabdu Allaahi\ عبد هللاiyo adeerkiisa kale Abuu Dhaalib\ أبو طالبisku hooyo iyo isku aabe yihiin, uuna Nabigu, Sallaa Allahu Calayhi Wasallam, aad u jeclaa, cayaarsiin jirayna intuu yaraa oo uu agoonka ahaa, wuxuu lahaa wiil magaciisu Al Dhaairu\ الطاهرahaa, oo wiilasha Makkah\ مكةkuwa ugu caqli badan ka mid ahaa. 37 Wiilkaas ina adeerkiis ah, ayuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wiilkiisa ku sammiyay." Sidaas ayuu wiilka Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam ee Cabdu Allaahi \عبد هللا ah wuxuu leeyahay labo kuniyo ama koofaar oo kala ah Al Dhaahiru \ الطاهرiyo Al Dhayyibu\الطيب. Al Daarqudhniyyu\ الدارقطنيwuxuu yiri waxaa Al Dhayyibu\ الطيبloogu koofaaray maxaa yeelay wuxuu dhashay Nabinnimada kaddib. Al Dhayyibu الطيبmacneheeduna waa midka dhayyibka ah oo fiican. Cabdu Allaahi\عبد هللا, wiilka Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu ku dhintay oo lagu duugay Makkah Al Mukarramah\ مكة المكرمةwuxuuna hooyadiis Khadiijah\خديجة iyo walaalkiis Al Qaasimu\ القاسمkula duugan yahay qubuuraha Makkah\ مكةee Al Xujuuna\ الحجونoo maanta loo yaqaan Al Mucallaat \ المعالةuna jirta Kacbada qiyaas shan boqol oo mitir kuna taalla dariiqa Shaaric Ghazzah\شارع غزة. Saddex. Ibraahiimu \ إبراهيمSallallaahu Calayhi Wasaallam lbraahiimu\ إبراهيم, wiilka Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu ahaa kan ugu dambeeyey caruurta Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Ibraahiim \ إبراهيمhooyadiisa dhashay waa Ummu Al Mu'miniina Maariyah Al Qibdhiyyah أم المؤمنين \مارية القبطية, oo ahayd haweeney qurux badan oo cad. lbraahiim\ إبراهيمwuxuu ku dhashay Al Madiinah Al Munawwarah\ المدينة المنورةbisha Thuu Al Xijjah\ ذو الحجةee sanadka sideedaad ee Hijrada. Al Zubayr ibnu Al Bakkaar\ الزبير إبن البكارwuxuu wariyay inuu lbraahiim\ إبراهيمku dhashay xaafadda Al Madiinah\ المدينةee la yiraahdo Al Caaliyah\العالية, oo ahayd meeshuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Maariyah\ ماريةdejiyay. lbraahiim\ إبراهيمwaxaa hoyadiis umuliso u ahayd haweenta la yiraahdo Salmaa Ummu Raafic\سلمى أم رافع, una dhaxday Abuu Raafic\أبورافع, ahaydna mawlad Safiyyah bintu Cabdu Al Mudh-dhalib\مولى صفية بنت عبد المطلب, eedada Nabi Muxammad, Sallaa Allaaahu Calayhi Wasallam. Markuu lbraahiim\ إبراهيمdhashay, ayuu Abuu Raafic\ أبورافعNabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u tegey oo uu ugu bishaareeyey dhalashada wiilkiisa. Markaasuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu Abuu Raafic \ أبو رافعu hibeeyey oo uu siiyey addoon. Maalinta toddobaad ee dhalashadiisa ayuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu ugu walqalay laba wan, timaha madaxana waxaa ka xiiray Abuu Hind Al Bayaadii\إبو هند الباضي, mawlaha Farwah bin Camr Al Bayaadii \مولى فروة بن عمرو البياضيoo Ansaarta ka mid ah, siduu ibnu lsxaaq\ إبن إسحاقu wariyay. Magaca Abuu Hind| أبو هندwaxaa lagu sheegay inuu yahay Cabdu Allaahi\عبد هللا, siduu ibnu Al 38 Sakn\ إبن السكنu yiri. Ibnu Mundah\ إبن مندهwuxuu yiri magaciisu waa Yasaar\يسار. Waxaa kaloo la yiri Saalim\سالم. Maalik\ مالكwuxuu Al Muwadhaa' الموطأibnu Wahab\ إبن وهبuga wariyay inuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, toobay Abuu Hind Yasaar\أبو هند يسار. Ibnu Al Sakn\ إبن السكنiyo Al Dhabraanii\ الطبرانيwaxay Caa'isha\ عائشةka wariyeen inuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allahu Calayhi Wasallam, yiri: "."من سره أن ينظر إلى من صور هللا اإليمان في قلبه فلينظر إلى أبي هند "Man sarrahu an yanthura ilaa man sawwara Allaahu al iimaana fii qalbihi fal yanthur ilaa abii Hind". Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Qofka ku farxaya inuu arko mid uu Ilaahay qalbigiisa iimaanka ku masawwiray ha fiiriyo abii Hind." Abuu Hind\ أبو هندwuxuu Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, kala qayb galay duullaammada Badr\ غزوة بدرka dambeeyey dhammaantood. Markuu dhashay lbraahiim إبراهيم, Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu amray in timaha madixiisa laga xiiray dhulka lagu duugo, wuxuuna masaakiinta ku sadaqaystay culayskooda oo qalin ah. Maalintaas toddobaad ee kasoo wareegatay dhalashadiisa ayuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wiilkiisa magaca lbraahiim\ إبراهيمu bixiyey. Waxay Al Bukhaarii\ البحاريiyo Muslim\ مسلمThaabit\ ثابتka wariyeen inuu Anas bin Maalik أنس بن مالكyiri inuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: ". ثم دفعته إلى أم سيف امرأت قين بالمدينة، "ولد لي الليلة غالم سميته باسم أبي إبراهيم "Walada lii al llaylata ghulaamun sammaytuhu bi ismi abii Ibraahiima, thumma dafactuhu ilaa ummi Sayf imra'ata qaynin bi Al Madiinati." Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Waxaa xalay ii dhashay wiil aan ku sammiyey aabahay lbraahiim. Kaddibna waxaan u dhiibay haweenta ummu Sayf\سيف, una dhaxda tumaal reer Al Madiinah\ المدينةah, si ay u nuujiso." Anas\ أنسwuxuu yiri: "Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, dhaqaaqay, aniguna aan daba galay. Markaasuu wuxuu u tegey Abuu Sayf \ أبوسيفoo dabka ku buufinaya Buufin, gurigiina uu qiiq ka buuxsamay. Markaasaan socod boobay oo aan Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, hortiisa socday. Markaasaan waxaan iri: "Abuu Sayfow\يا أبا سيف, jooji buufinka, waxaa yimid Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam." Markaasuu joojiyay." 39 Dhimashada Ibraahiimإبراهيم Lafthiga Al Bukhaariina\لفظ البخاري, uuna Anas\ أنسka wariyay waxaa weeye: "Waxaan lasoo galnay Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, guriga Abii Sayf أبي \سيف, oo qabay haweenta nuujineysa, oo sidaas lbraahiim\ إبراهيمaabihiis xagga nuugmada ah. Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu qaaday Ibraahiim \ إبراهيمoo uu dhunkaday, uuna carafsaday. Markaas kaddib ayaan hadana soo galnay ayadoo uu lbraahiim geeridu hayso. Markaasey labada indhood ee Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ilmeeyeen. Markaasuu Cabdu Al Rraxmaan bin Cawf\ عبد الرحمن بن عوفwuxuu ku yiri: "Adiguna ma ooyeysaa Rasuulka Ilaahayow, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam?" Markaasuu wuxuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam yiri: ". إنها رحمة،"يا إبن عوف "Yaa ibna Cawf, innahaa raxmatun", oo Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "lna Cawfow, ilmadaani waa naxariis", ahna inuu wiilkaasi dhintay oo aan la siin fursad oo ku noolaado, ee ma aha boohin loo booyayo inuu dhintay. Sidaas weeye macnuhu. Markaasu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, mid kale raaciyey, oo uu yiri: ". لمحزونون، يا إبراهيم، وإنا بفراقك. والنقول إال ما يرضي ربنا، والقلب يحزن،"إن العين تدمع "Inna al cayna tadmacu, wa al qalbu yaxzanu, wa laa naquulu illaa maa yardii Rabbanaa. Wa innaa bi firaaqika, yaa Ibraahiimu, la maxzuunuuna." Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Ishu way ilmeyneysaa, qalbiguna waa tiiraanyeysan yahay, mana aanan oraneynno oo kuma hadleynno waxaan ahayn wuxuu Rabbigeen raalli ka yahay. Annaguna firaaqiddaada, aan kala tagnay, Ibraahiimow\إبراهيم, waan ka tiiraanyeysannahay." Anas\ أنسisagoo booqashadaas koowaad warkeeda wali ku guda jira wuxuu yiri: "Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Ibraahiim\ إبراهيمqaaday, oo uu dhunkaday, oo uu carafsaday. Haweentaas ayuu Ibraahiim\ إبراهيمla joogay ilaa uu ka dhinto." Al Zubayr ibnu Al Bakkaar\ الزبير إبن البكارwuxuu wariyay, uuna ka wariyay, siduu ibnu Sacadna إبن سعددuga wariyay sheekhiisa Al Waaqidii\ الواقديoo ka wariyay Cabdu Allaahi bin Cabdu Al Rraxmaan bin Abii Sacsacah\عبد هللا بن عبد الرحمن بن أبي صعصعة, oo yiri: "Markuu lbraahiim\ إبراهيمdhashay, Ansaartu waxay ku tartameen haweenta ayaga ka mid ah oo nuujineysa, ayadoo ay mid walba dooneyso inay ayadu nuujiso. Sababtuna waxay tahay inay 40 jeclaayeen inay Maariyah\ ماريةNabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u firaaqowdo oo ayan wiilka uga mashquulin, ayagoo ogaa inuu ayada jecelyahay. Markaasuu wuxuu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Ibraahiim\ إبراهيمsiiyey Ummu Burdah\ أم بردةoo magaceedu yahay Khawlah bintu al Munthir bin Zayd Al Ansaarii\خولة بنت المنذر بن ويد األنصاري, reer banii Al Najjaar\بني النجار u dhalatay, ahna haweenta Al Baraa'u bin Aws bin Khaalid \البراء بن أوس بن خالد, oo isaguna reer Banii Al Najjaar\ بني النجارu dhashay. Markaasey waxay lbraahii\ إبراهيمka nuujisay caanaha wiilkeeda, waxayna ku nuujisay xaafadda reer Banii Maazin bin Al Najjaar\بني مازن بن النجار. Kaddibna waxay lbraahiim إبراهيمu celisay hooyadiis. Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu Umuu Burdah \ أم بردةsiiyay tiro geed timireed ah, nuujinta ay Ibraahiim\ إبراهيمnuujisay daraadeed. Marka, Xadiithka saxiixa ah ee ay Al Bukhaarii\ البخاريiyo Muslim\ مسلمwariyeenna wuxuu sheegay inay Ibraahiim\ إبراهيمnuujisay Ummu Sayf\أم سيف. Al Qasdhalaanii\ القسطالنيwuxuu yiri: "Waxaa marka dhici karta inuu marka hore Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Ibraahiim \إبراهيمu dhiibay Ummu Burdah\أم بردة, kaddibna Ummu Sayf\أم سيف, tanoo uu agteeda ku sugnaa ilaa uu ka dhintay. Waxaase la wariyay, siduu u wariyay ibnu Cabdu Al Barr\ إبن عبد البرiyo ghayrkiisba, inuu lbraahiim\ إبراهيمku dhintay Ummu Burdah\ أم بردةgurigeeda. Sidaas ayaa waxaa la rajaxayaa oo ay sawaabtu ku jirtaa Xadiithka saxiixa ah." Waa intas warka Al Qasdhalaanii\القسطالني. Waxay Muslim\ مسنمiyo ibnu Xibbaan\ إبن حبانiyo Abuu Xaatim\ أبو حاتمay Anas bin Maalik أنس \ بن مالكka wada wariyeen inuu yiri: "Ma aanan arag axad caruurta uga naxariis badan Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Wiilkiisa lbraahiim\ إبراهيمwaxaa lagu nuujiyay xaafadda Al Caaliyah\ العاليةee Al Madiinah\المدينة. Markaasuu aadi jiray, ayadoo aan annaguna la soconno. Markaasuu guriga galaa. Ninka haweenta nuujineysa qabana wuxuu ahaa tumaal. Markaasuu inta qaado dhunkadaa." Wuxuu Al Bukhaarii\ البخاريCaa'ishah\ عائشةka wariyay inay tiri: "."عاش سبعة عشر أو ثمانية عشر شهرا “Caasha sabcata cashra aw thamaaniyata cashra shahran.” Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "lbraahiim wuxuu noolaa toddoba iyo toban ama sideed iyo toban bilood." Axmad\ أحمدwuxuu isaguna wariyay inuu sided iyo toban bilood noolaa. 41 Al Waaqidii\ الواقديwuxuu wariyay inuu Ibraahii\ إبراهيم,Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, dhintay bisha Rabiicu Al Awwal\ربيع األول, maalin talaado ah oo ay toban habeen ka gudbeen ee sanadka tobanaad ee Hijrada. Muslim\ مسلمwuxuu Jaabir\ جابرka wariyay inuu: "Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Cabdu Al Rraxmaan bin Cawf\عبد الرحمن بن عوف gacanta ku dhegey oo uu markaas keenay Al Nakhla\ النخلoo ah geedaha timirta, mase waaba wiilkiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo geeridu hayso. Markaasuu soo qaaday oo uu dhabtiisa saaray, ayna labadiisa indhood, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ilmeeyeen, oo ay ilmadu kasoo hoortay. Kaddibna wuxuu yiri: ". تبكي العين ويحزن القلب وما نقول ما يسخط الرب."إنا بك يا إبراهيم لمحزونون "Innaa bika yaa Ibraahiimu la maxzuunuuna. Tabkii al caynu wa yaxzanu al qalbu, wa maa naquulu maa yaskhidhu Al Rabba." Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Waan kuu tiiraanyeysannahay, Ibraahiimo\ ! إبراهيمIshu way ilmeyneysaa, qalbiguna waa tiiraanyeysan yahay, mana aan oraneynno, oo ku hadli maynno wax Rabbiga ka careysiiya." Waxaa sidaas u wariyay Abuu Cumar bin Al Samaak \أبو عمر بن السماك. Anas\ أنسwuxuu intaas ku daray, siday saxiixa ugu sugnaatay: "inuu Cabdu Al Rraxmaan bin Cawf\ عبد الرحمن بن عوفyiri: "Adiguna waad booyeysaa!", isagoo la yaaban inuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, booyayo. Markaasuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu ugu jawaabay: "."إنها رحمة "Innahaa raxmatun", oo macneheedu yahay: "Waa naxariis", oo macneheedu yahay inay ilmayntaasu tahay qalbi jilayc cunuggas dhintay, ayanse ahayn sabir darro iyo in Ilaahay loo caraysan yahay inuu Ibraahiim \ إبراهيمqaatay." Ibnu Sacd\ إبن سعدiyo Al Dhabraanii\ الطبرانيwaxay Cabdu Al Rraxmaan bin Cawf عبد الرحمن بن عوفka wariyeen inuu yiri: "Markaasaan waxaan iri: "Rasuula Ilaahayow, ma booyeysaa? Soo nagama aadan reebin boohinta marka qof dhinto?" Markaassu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri: وصوت عند، صوت عند نغمة لهو ولعب ومزامير الشيطان:"إنما نهيت عن صوتين أحمقين فاجرين ". اليرحم، ومن اليرحم، إنما هي رحمة. ورنة الشيطان، وشق جيوب، خمش وجوه،مصيبة "Innamaa nahaytu can sawtayni axmaqayni faajirayni: sawtun cinda naghmata lahwin wa 42 lacabin wa mazaamiira al sh-shaydhaani, wa sawtun cinda musiibatin, khamsha wujuuhin, wa shaqqa juyuubin, wa rannata al shaydhaani. Innamaa hiya raxmatun, wa man laa yarxamu, laa yurxamu." Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Waxaan dadka ka reebay laba cod oo doqommo iyo xadgudub ah: (kow) hadal hoos loo yiraahdo marka lahwi iyo cayaar lagu dhexjiro iyo cuudka la afuufo -oo muusikada ah- ee shaydhaanka; iyo (labo) cod markay musiibo dhacdo, oo wajiyada ciddiyaha lagu xagto, dharka la xiran yahayna la jeexjeexo, iyo rannada -waa dhawaaqee- shaydhaanka, oo ah in lala qayliyo cod sanka kasoo baxaya. Boohintaanse waa naxariis, oo qofkaan naxariisanna isagana looma naxariisto." Ibnu Xajar\ إبن حجرwuxuu Fatxu Al Baarii\ فتح الباريku yiri: "Wiilku, yaraantiisa daraadeed iyo inay markaas geeridiiba hayso ma uusan garanayn hadalka uu aabihiis, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, leeyahay, ee Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu hadalkaas ula dan lahaa dadka meeshaas goob joogga ahaa, uuna u sheegayo inayan taasi ka mid ahayn tii uu hore uga reebay." Ibraahiim\إبراهيم, kaddib markuu dhintay, waxaa dhaqay Abuu Burdah \أبو بردة, oo magaciisu yahay, sida caanka ah, Haani' Al Ansaarii\هانئ األنصاري. Waxaa kaloola yiri waxaa dhaqay Al Fadlu ibnu Al Cabbaas \الفضل بن العباس, Allaha raalli ka wada noqdee. Waxaana dhici karta inay wada dhaqeen. Markaasaa Ibraahiim إبراهيمwaxaa looga soo qaaday sariir yar guriga haweenta nuujisay, ilaa laga keeno qubuuraha Al Baqiic\البقيع. Qubuurahaas dhexdooda ayuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam ku tukaday Salaadda janaazada, kulana tukaday afar Takbiirood. Markaasuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri: "."ندفنه عند فرطنا عثمان بن مظعون " Nadfunuhu cinda fardhinaa Cuthmaan bin Mathcuun", oo macneheedu yahay: "Waxaan ku ag duugeynnaa midka naga hormaray oo ah Cuthmaan bin Mathcuun\عثما بن مظعون." Cuthmaan bin Mathcuun عثما بن مظعونwuxuu u dhashay Qurayshta\ قريشreer Banii Jumax بني \جمح, wuxuuna ahaa ninka ugu horreeya ee Muhaajiriinta\ المهاجرينAl Madiinah\ المدينةugu dhinta. Caa'ishana\ عائشةwaxaa laga wariyay inuu Nabigu, Sallaa Allahu Calayhi Wasallam, uu dhunkaday Cuthmaan bin Mathcuun عثما بن مظعونoo mayd ah, isagoo ooyaya, labadiisa indhood ay ilmo ka hooreyso, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, siduu ibnu Al Athiir\ إبن األثيرUsudu Al Ghaabah\ أسد الغابةugu wariyay, uuna ku wariyay inuu ahaa ninka afar iyo tobnaad oo islaamah. Marka qabriga Ibraahiim إبراهيمhalkaas laga qoday, waxaa qabrigiisa galay Al Fadlu ibnu Al Cabbaas\ الفصل إبن العباسiyo Usaamah bin Zayd bin Al Xaarithah\أسامة بن زيد بن الحارثة, ayadoo uu Nabiguna, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, qabriga qarkiisa taagan yahay. Markaasuu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu arkay meel luxudka ka daloosha, 43 markaasuu ragga qabriga ku jira wuxuu u dhiibay cad dhoobo ah, wuxuuna yiri: ". ولكنها تقر عين الحي،"إنها التضر والتنفع "Innahaa laa tadurru wa laa tanfacu, wa laakinnahaa taqarru cayna al xayyi", siduu u wariyay ibnu Sacd\إبن سعد, macneheeduna waxaa weeye: "Wax dhib ahna ma gaysan karto, waxna tari mayso, laakiin waxaa ku farxaysa isha kan nool." Markii qabriga ciidda lagu rogay, Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, biyo ayuu ku rusheeyey. Ibnu Sacd\ إبن سعدwuxuu nin ka mid ah reer Aali Calii\ آل عليka wariyay inuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam markuu Ibraahiim إبراهيمduugayey uu yiri: ""هل من أحد يأتي بقربة؟ "Hal min axadin ya'tii bi qirbatin?" oo macneheedu yahay: "Axadkiinnee ayaa sibraar biyo ah noo keenaya?" Markaasuu nin Ansaarta ka mid ihi keenay sibraar biyo ah. Markaasuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, qabriga Ibraahiim إبراهيمbiyahaas ku rusheeyey. Qabriga Ibraahiim إبراهيمwaa qabriga ugu horreeyey oo la rusheeyo, siduu u yiri Al Zubayru ibnu Al Bakkaar\الزبير إبن البكار. Markaasuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, qabriga calaamad lagu aqoonsado ku calaamadeeyey. Qabriga Ibraahiim إبراهيمqofkii manta qabuuraha Al Baqiic\ البقيعgala waa la yaqaannaa oo waa caan. Maalintuu Ibraahiimإبراهيم, wiilka Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, dhintay qorraxda ayaa madoobaatay. Markaasey waxay adadku yiraahdeen: "Waxay la madoobaatay dhimashada Ibraahiim"إبراهيم, ayagoo markaas ka hor rumaysnaan jiray inayan qorraxdu u madoobaan dhimashada qof wayn mooyee. Markaasuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri: ". فإذا رأيتم فصلوا وادعوا هللا. واللحياته، الينخسفان لموت أحد،"إن الشمس والقمر آيتان من آيات هللا "Inna al sh-shamsa wa al qamara aayataani min aayaati Allaahi, laa yankasifaani li mawti axadin, wa laa li xayaatihi. Fa ithaa ra'aytum fa salluu wa udcuu Allaaha." Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Qorraxda iyo dayuxu waa laba aayadood -calaamadood- ee aayaadka Ilaahay ka mid ah, umana ay madoobaadaan dhimashada axadna iyo noloshiisa midna. Marka haddaad aragtaan -waa qorraxda iyo dayaxa oo madoobaaday- salad tukada, Ilaahyna barya." Waxaana Xadiithka wariyey Al Bukhaarii iyo Muslim. Markuu Ibraahiim إبراهيمdhintay, wuxuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: 44 "."إن له مرضعا في الجنة "Inna lahu murdican fii at Jannati", oo macneheedu yahay: "Wuxuu ku leeyahay Jannada dhexdeeda haweeney nuujisa." Waxaana wariyay Al Bukhaarii\ البخاريiyo Ibnu Maajah\إبن ماجة. Muslim\ مسلمwuxuu wariyay inuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: "."إن له ظئرين يكمالن رضاعه في الجنة "Inna lahu thi'rayni yakmilaani radaacahu fii al Jannati", oo macneheedu yahay: "Wuxuu Jannada dhexdeeda ku leeyahay laba haweeney oo nuujintiisa kaamilaya." Abuu Cumar ibnu Cabdu Al Barr\ أبو عمر إبن عبد البرwuxuu Anas bin Maalik\ أنس بن مالكka wariyay inuu yiri: "Hadduu Ibraahiim\ إبراهيمbaaqi ahaan lahaa, wuxuu noqon lahaa Nabi. Laakiin baaqi ma uusan noqon, maxaa yeelay Nabigiinna, Sallaa Allaahu Calayhyi Wasallam, ayaa ah Nabiga ugu dambeeyey Anbiyada." Saddex dariiq ayaa Xadiithkaan lagu wariyay, oo kala ah: (Kow) Ibnu Maajah\ إبن ماجةiyo Al Bayhaqii\ البيهقيwaxay ibnu Cabbaas\ إبن عباسka wariyeen inuu yiri: "Markuu dhintay Ibraahiimإبراهيم, wiilka Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuu ku tukaday, wuxuuna yiri: وما استرق، ولو عاش العتقت أخواله من القبط. ولو عاش لكان صديقا نبيا،"إن له مرضعا في الجنة ".قبطي "Inna lahu murdican fii Al Jannati, wa law caasha la kaana Siddiqan Nabiyyan. Wa law caasha la actaqtu akhwaalahu mina al Qibdhi, wa maa istaraqqa Qibdhiyyun." Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Wuxuu leeyahay murdicad Jannada dhexdeeda ku nuujineysa. Hadduu noolaan lahaana wuxuu ahaan lahaa Runlow Nabi ah. Haduu noolaan lahaana waxaan xorayn lahaa abtiyaalkiisa Qibdhiyyiinta ah, oo ah dadka Masar dega. Qof Qibdhi ahna lama addoonsadeen." Al Burhaanu\ البرهانwuxuu yiri: "Macneheedu waxaa weeye, hadduu noolaan lahaa, oo ay abtiyaalkiis arkaan way farxi lahaayeen, oo ay markaas islaami lahaayeen ku farxiddiisa iyo karaameyntiisa. Markaasaa jizyada laga ridi lahaa, ayadoo aan muslinka jizyo laga qaadin. Markaasey markay islaamaan ayagoo xor ah, lama addoonsanayo, ayadoo xorka muslinka ah aan la addoonsan karin." (Labo) Xadiithka labaad waxaa wariyay Ismaaciil Al Suddii\إسماعيل السدي, Abuu Muxammad أبو 45 محمد, oo runlow ahaa reer Kuufah\ كوفةah, oo uu Muslim\ مسلمafar Xadiith ka wariyay, wuxuuna wariyay inuu Anas\ أنسyiri: "Ibraahiim\ إبراهيمxoolka oo ah gogosha caruurta -waana al mahdi\المهد- ayuu buuxiyay, hadduu noolaan lahaana wuxuu ahaan lahaa Nabi. Laakiin baaqi ma uusan noqon, maxaa yeelay Nabigiinna, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ayaa ah Nabiga ugu dambeeyey Anbiyada". (Saddex) Xadiithka saddexaad waxaa waraiyay Al Bukhaarii\البخاري, oo ka wariyay Sheekhiisa Muxammad bin Bishr Al Cabdii Abii Cabdu Allaahi\ محمد بن بشر العبدي أبي عبد هللاoo reer Kuufah \ كوفةahaa, thiqqada lagu kalsoon yahay, ahaana xaafithka, dhintayna sanadka Hijriga ah ee laba boqol iyo saddex, wuxuuna Xadiithkaan ka wariyey Ismaaciil bin abii Khaalid al Axmasii al Bajalii\إسماعيل بن أبي خالد األحمسي البجلي, thiqqada lagu kalsoon yahay, dhammaantoodna ay Axaadiithta ka wariyeen, dhintayna sanadka laba boqol iyo lix iyo afartanka Hijriga, kanoo yiri: "Waxaan Cabdu Allaahi bin Abii Awfaa\ عبد هللا بن أبي أوفىku iri, waana Saxaabiga Calqamah bin Khaalid bin Al Xaarith Al Aslamii\الصحابي علقمة بن خالد بن الحارث األسلمي, aabihiisna Saxaabi ahaa, kuna dhintay Kuufah\ كوفةsanadka toddoba iyo sideetanaad ee Hijrada, ahaana kan ugu dambeeyey Saxaabada oo Kuufah\ كوفةku dhintay: "Ma aragtay Ibraahiim\ إبراهيم, wiilka Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam?" Wuxuu yiri: "Wuxuu dhintay isagoo yar. Haddii la qadayn lahaa -oo uu Ilaahay sidaas xukumi lahaa- inuu Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Nabi ka dambeeyo, wiilkiisa Ibraahiim \إبراهيم \ إبراهيمwuu noolaan lahaa. Laakiin Nabi ka dambeeya ma jiro, Ilaahayna taas ma xukumin". Ibnu Mundah\ إبن مندهwuxuu ku daray inuu yiri: "Haa waan arkay, isagaana dadka ugu ekaan badnaa." Waxaa kaloo Xadiithka wariyay Axmad\أحمد, oo ka wariyay sheekhiisa Wakiic bin Al Jarraax وكيع بن الجراح, reer Kuufah\ كوفةah, thiqqo lagu kalsoon yahay ah, xaafith iyo caabid ah. Axmad\ أحمدwuxuu yiri: "Ma aanan arag axad ka weeleyn badan cilmiga, kana xifthin badan, walina ma aanan arag isagoo kitaab wata ama warqad." Wuxuuna dhintay sanadka boqol iyo lix iyo sagaashanka Hijriga. Wakiic\ وكيعwuxuu Xadiithkaas ka wariyay Ismaaciil\ إسماعيل-oo ah midka aan hore usoo sheegnay- oo yiri: "Waxaan maqlay ibnu Abii Awfaa\ إبن أبي أوفىoo leh: "Hadduu Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, dabadiis ahaan lahaa Nabi, wiilkiisa Ibraahiim\ إبراهيمma dhinteen." Sidaas ayuu Xadiithakaani saxiix ku yahay. Ibnu Al Qayyim\ إبن القيمiyo ghayrkiisba marka laga warramayo in Ibraahiim\ إبراهيمwiilka Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, nuujintiisa lagu kaamilayo Jannada dhexdeeda, wuxuu yiri: "Waxaa Xadiithkaas ku sugan inuu Ilaahay Subxaanahu dadka ehelu Jannada ah -ahlu al sacaadah\أهل السعادة- kaddib markay dhintaan naaqusnimada ku sugnayd intay adduunkaan joogeen uu u kaamilayo, xattaa kan cilmiga baranaya ama Quraanka xifithaya markuu dhinto uu u kaamil yeelayo, oo u helayo dhimashadiisa kaddib." Allaha annagana noo kaso. 46 Ekaanshaha Ibraahiim\إبراهيم Wuxuu ibnu Mundah\ إبن مندهwariyay inuu Ismaaciil bin abii Khaalid Al Axmasii Al Bajalii \إسماعيل بن أبي خالد األحمسي البجلي, marka la waydiiyay inuu indhihiisa ku arkay Ibraahiim \إبراهيم wiilka Nabi Mumammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u yiri: "Haa, waan arkay, isagaana dadka ugu ekaansho badnaa, waa aabihiise, Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam". Afar. Zaynab\زينب, Sallaa Allahu Calayhaa Wasallam Zaynabزينب, gabadha Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ayadaa ugu wayn gabdhahiisa, oo ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu wariyay inay Zaynab زينبdhalatay markay soddon sano kasoo wareegatay dhalashadiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ahna toban sano Bicthada\ البعثةhorteed. Zaynab زينبNabinnimada iyo Islaamka way soo gaartay, wayna islaamtay, Al Madiinaha Al Munawwarah\ المدينة المنورةayay Hijradii u hijrootay mar ku began Duullaanka Badr\غزوة بدر dabadeed, siduu ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقu wariyay, uuna ka wariyay Caa'ishah\عائشة, Allaha raalli ka wada noqdee. Zaynab زينبwaxaa la oofsaday sanadka sideedaad ee Hijrada, siduu Al Waaqidii\ الواقديuga wariyay Cabdu Allaahi bin Abii Bakr bin Xazm\عبد هللا بن أبي بكر بن حزم. Waxaa sidoo kale u sugay Ibnu Xajar Al Casqalaanii\إبن حجر العسقالني, oo ku sugay kitaabkiisa Al Isaabah\اإلصابة. Ayagaas ghayrkoodna isla sidaas ayay wariyeen. Zaynab زينبwaxaa lagu oofsaday guriga ninkay u dhaxday, oo isla markaas ah ina habaryarteed, koofaartiisuna tahay Abuu Al Caasii\أبو العاصي, magaciisuna Qaasim\قاسم, siday u wariyeen Al Suhaylii\ السهيليiyo ibnu Xajar\ إبن حجرoo Fatxu Al Baarii\ فتح الباريsidaas ku sheegay. Abuu Al Caas\ أبو العاصmagaciisoo buuxana waa Qaasim ibnu Al Rabiic ibnu Cabdu Al Cuzzaa bin Cabdu Shams bin Cabdu Manaaf Al Qurashiyyi Al Cabdshamiyyi قاسم إبن الربيع إبن عبد \العزى بن عبد شمس بن عبد مناف القرشي العبشمي. Abuu Al Caasii أبو العاصيhooyadiisa dhashay waa Ummu Al Mu'miniina Khadiijah bintu Khuwaylid\ أم المؤمنين خديجة بنت خويلدwalaasheed oo magaceedu yahay Haalah bintu KhuwayIid هالة بنت خويلد, oo ayada lafteedu Saxaabiyad ahayd. Haalah\ هالةayaa mar Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka ithan qaadatay inay usoo gasho, waana kaddib markii Khadiijah خديجةla oofsaday, markaasuu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu aqoonsaday ithan qaathashadii Khadiijah, markaasuu naxay, wuxuuna yiri: "!"أللهم هالة "Allaahumma Haalah", oo macneheedu yahay: "Ilaahayow Haalah", siduu Al Bukhaarii\ البخاريCaa'ishah\ عائشةuga wariyay. 47 Calii\علي, wiilka Zaynab\زينب Zaynab\ زينبwaxay Abuu Al Caasii\ أبو العاصيu dhashay wiil la yiraahdo Calii\علي, saxaabina ah, sida aabihiis oo kale, kana mid ah Asbaadha\ األسباطNabi Muxammad, Sallaa Allaahyu Calayhi Wasallam. Calii waxaa nuujisay haweeney u dhalatay reer Banii Ghaadirah \بني غديرة. Markaasuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, kasoo qaatay, ayadoo uu Abuu Al Caasii أبو العاصيmarkaas Makkah\ مكةku sugan yahay isagoo wali gaal ah. Markaasuu wuxuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: ". وأيما كافر شارك مسلما في شيئ فالمسلم أحق به منه."من شاركني في بني فأنا أحق به منه "Man shaarakanii fii baniyya fa anaa axaqqu bihi minhu. Wa ayyamaa kaafirin shaaraka musliman fii shay'in fa al muslimu axaqqu bihi minhu." Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Qofa caruurteyda ila wadaaga, anigaa isaga uga xaq leh. Qof walba oo gaal ah oo muslim shay kula shirkoobana muslimka ayaa isaga shaygaas uga xaq leh." Ibnu Xajar\ إبن حجرayaa Al Isaabah\ اإلصابةku wariyay. Waxaana kaloo wariyay Al Dhabraanii \الطبراني. Wiilkaasu wuxuu dhintay markuu da'da lagu qaangaaro u dhowaaday, kaddib dhimashada hooyadiis, isagoo uu markaas aabihiis nool yahay, siduu Al Zubayru \ الزبيرuga wariyay Cumar bin Abii Bakr al Muusilii\عمر بن أبي بكر الموصلي. Ibnu Casaakirna\ إبن عساكرwuxuu yiri: "Culummo cilmiga nasabka ku xeel dheer waxay sheegeen in Calii\ عليlagu dilay Duullaanka Maalinta Yarmuuk\يوم يرموك, sanadka laba iyo tobnaad ee Hijrada, cahdiga Abuu Bakar Al Siddiiq\أبو بكر الصديق, Allaha raalli ka wada noqdee." Calii\ عليwuxuu hasha Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka saarna xagga dambe ee ah dhabarka Rasuulka, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, maalintuu Makkah\مكة furtay. Umaamah\أمامة, gabadha Zaynab\زينب Zaynab\ زينبwaxay kaloo Abuu Al Caasii\ أبو العاصيu dhashay gabar magaceebu yahay Umaamah\أمامة, ahna gabarta uu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, tunkiisa ku qaaday Salaadda Subax isagoo tukanaya, siduu u wariyay Al Zubayru ibnu Bakkaar\الزبير إبن البكار. Abuu Daa'uudna\ أبو داودwuxuu Abuu Qataadah\ أبو قتادةka wariyay inuu yiri: "Annagoo Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, sugaynna, oo Salaadda Duhur ama Casar, ayuu inoo soo baxay (oo uu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam gurigiisa oo albaab Masjidu furma leh kasoo baxay), ayadoo ay Umaamah أمامةtunkiisa saran tahay. 48 Markaasuu Salaadda u istaagay, annaguna gadaashiisa ayaan istaagnay." Sidaasoo kale wuxuu Imaam Maalik\ اإلمام مالكku wariyay kitaabkiis Al Muwadh-dha'\ الموطأ. Al Bukhaarii\ البحاريiyo Muslim\ مسلمwaxay ayaguna ka wariyeen Abuu Qataadahأبو قتادة "inuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, tukanayey isagoo Umaamah أمامة xambaarsan. Markaasuu markuu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, sujuudo ayuu dhulka dhigaa, markuu istaagana uu qaadaa." Muslim-na\ مسلمwuxuu yiri: "Markuu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, rukuuco, dhulka ayuu dhigaa, markuuna madaxiisa sujuudda kasoo qaadana wuu soo celiyaa." Wuxuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, sidaas u yeelayaa isagoo Umaamah أمامة jeclaa, una naxariis badnaa. Axmad\ أحمدwuxuu Caa'ishah\ عائشةka wariyay inay tiri: "Al Najaashii\( النجاشيoo ahaa Boqorka arliga amxaarada) ayaa wuxuu hadiyad ahaan ugu soo diray xullatan\( حلةoo ah waxay hawenku xirtaan oo qaaliga ah sida murriyadda dahabka ah), uuna ku jiro faragashi dahab ah, faskiisuna uu xabashi yahay. Markaasuu Umaamah أمامةsiiyay." Ibnu Sacad\ إبن سعدiyo Axmad\ أحمدiyo Abuu Yaclaa\ أبويعلىwaxay ayaguna Caa'ishah\ عائشةka wada wariyeen inay tiri:" وأمامة تلعب في جانب، جزع معلمات بالذهب ونساؤه كلهن مجتمعات في بيت،"أهديت له هدية فيها قالدة : فقال،" والأعجب، "ما رأينا أحسن منها: "كيف ترين هذه؟" فنظرنا إليها فقلنا: فقال،البيت بالتراب فدعا صلى هللا عليه وسلم،" "ذهبت بها ابنة أبي قحافة: فقالت النساء،""ألدفعنها إلى أحب أهلي إلي "فأقبل بها:" وفي رواية. فمسحه بيده،أمامة بنت زينب فعقدها بيده في عنقها وكان على عينها عمص ". فسري عنا،حتى وضعها في رقبة أمامة “Uhdiyat lahu hadiyatun fiihaa qalaadatun, jazacun mucallimaatun bi al thahabi wa nisaa’uhu kulluhunna mujtamicaatun fii baytin, wa Umaamah talcabu fii jaanibi al bayti bi al turaabi, fa qaala: “kayfa tariini haathihi?” Fa natharnaa ilayhaa fa qulnaa: “maa ra’aynaa axsana minhaa. Wa laa acjaba”. Fa qaala: “la adfacannahaa ilaa axabba ahlii ilayya.” Fa qaalati al nisaa’u: “thahabat bihaa ibnatu Abii Quxaafah.” Fa dacaa Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam Umaamah binti Zaynab fa caqadahaa bi yadihi fii cunuqihaa wa kaana calaa caynihaa camsun, fa masaxahu bi yadihi.” Wa fii riwaayatin: “fa aqbala bihaa xattaa wadacahaa fii raqabati Umaamah, fa suria cannaa.” Xadiitha macnihiisu waxaa weeye: Waxaa loo keenay oo loo hadiyeeyey Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam hadiyad ay ku jirto qoorxir iyo xariir dahab lagu dheehay oo lagu calaamadeeyey dahab, ayadoo ay haweenkiisu kulligood guri ku wada kulansan yihiin, Umaamahna ay guriga dhiniciisa ay ciid ku cayaareyso. Markaasuu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri: "Sideebaa middaan u aragtaan?" 49 Markaasaan fiirinnay, aanna niri: "Wax ka qurxoon hore uma aanan arag, kana yaab badan!" Markaasuu wuxuu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: "Waxaan siinayaa qofka aan ehelkeyga ugu jeclahay." Markaasey haweenku waxay yiraahdeen: "Hadaba waxaa qaadatay, oo la siiyay, gabadha Abii Quxaafah (oo ah Caa'ishah lafteeda)". Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu u yeeray Umaamah\ أمامةgabadha Zaynab\زينب, oo uu markaas gacantiisa qoorta ugula xiray, ayadoo uu (waa gabadhee) uu indhaha cunnada la yiraahdo aal camasu uga taallo. Markaasuu, Sallallaahu Calayhi Wasallam, (gabadha indheheeda cunnadaas ku taalla) gacantiisa uga tiray". Umaamah أمامةwaxaa guursaday Amiirul Al Mu'miniina Calii bin Abii Dhaalib أمير المؤمنين علي \بن أبي طالب, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ayadoo ay Faadhimah \فاطمة, Sallaa Allaahu Calayhaa Wasallam, kala dardaarantay ayada dabadeed inuu Umaamah guursado, waxaana u guuriyey Al Zubayru bin Al Cawwaamuالزبير بن العوام, ayadoo uu Umaamah أمامةaabeheed Al Zubayru الزبيرkala dardaarmay. Calii\ عليwaxaa la dilay isagoo ay u dhaxdo, intuusan dhimanna wuxuu kala dardaarmay Al Mughiirah bin Nawfal bin Cabdu Al Xaarith bin Cabdu Al Mudh-dhalib bin Haashim المغيرة بن \ نوفل بن عبد الحارث بن عبد المطلب بن هاشمinuu guursado isaga dabadiis. Markaasu Al Mughiirah\ المغيرةgeerida Calii\ عليkaddib guursaday, waxayna u dhashay wiil la yiraahdo Yaxyaa\يحيى, oo isaga lagu koofaaray oo la oran jiray Abuu Yaxyaa\ أبو يحيىoo ah Yaxye يحيىaabihiis. Umaamah أمامةwaxaa la oofsaday ayadoo Al Mughiirah المغيرةu dhaxda. Waxaa kaloo la sheegay inayan Calii عليiyo Al Mughiirah المغيرةayan midkoodna caruur u dhalin. Hijrada Zaynab\زينب Ninkay Zaynab\ زينبu dhaxday, oo ah Abuu Al Caasii\أبو العاصي, wuxuu ka mid ahaa gaalada uu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Maalinta Badar \ غزوة بدرkusoo qafaalay. Gaar ahaan Abuu Al Caasii أبو العاصيwaxaa soo qafaalay saxaabiga la yiraahdo Cabdu Allaahi bin Jubayr Al Ansaarii\عبد هللا بن جبير األنصاري. Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقiyo ghayrkiisba waxay yiraahdeen: "Marka Abuu Al Caasii\ أبو العاصيduullaanka Badar\ غزوة بدرlagu soo qafaalay (isagoo wali markaas gaal ah), Nabiguna, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, uu ku manneystay inuu xoreeyey, markuu Makkah\ مكةkusoo laabtay, ayuu wuxuu Zaynab زينبku amray inay xagga aabeheed, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u haajirto, oo ay u guurto Al Madiinah Al Munawwarah\المدينة المنورة. Dhacdadaasi waxay ahayd hal bil in xoogaa ka badan dagaalka Badar\ بدرdabadiisa. 50 Markaasey Zaynab زينبsocdaalkaas isku diyaarisay. Markay Zaynab زينبdiyaar noqotay ayuu wuxuu ku qaaday hawdaj\( هودجhawdaj waxaa la yiraahdaaq aqalka yar oo haweenka ratiga lagu qaadayo looga kor dhiso, si ay u asturnaato, uuna dabaysha iyo kulaylka iyo qabawga iyo ciidda iyo roobka iyo isha dadkaba uga dhawro) rati korkiisa ah, uuna hoggaankiisa hayo isaga walaalkiis oo magaciisu yahay Kinaanah ibnu Al Rabiic\كنانة إبن الربيع. Kinaanah كنانةwuxuu watay qaansadiisa iyo gabooye ay fallaaro ugu jiraan. Markuu la dhaqaaqay, oo uu xagga Al Madiinbah Al Munawwarah\ المدينة المنورةula kacay, ayaa waxaa kasoo daba baxay rag Quraysh\ قريشah, ugana daba tegey meesha la yiraahdo Thii Dhuwaa ذي \طوى. Raggaas waxaa Zaynab زينبugu horreeyey nimanka la kala yiraahdo Habbaar bin Al Aswad هبار بن األسودiyo Naafic bin Cabdi Qays al Fihriyyi \نافع بن عبد قيس الفهري, midkaan damboo mar dambe islaamay. Markaasuu Habbaar هبارgabadha warankiisa ku cabsiiyey, ayadoo markaas xaamilo ah, oo uur leh. Markaasey ratiga kasoo dhacday, cunuggiina uu kasoo dhacay. Markaasaa waxaa kacay dumaashigeed Kinaanahكنانة, oo intuu fallaarihiisa hortiisa ku daadiyay ayuu wuxuu yiri: "Wa Allaahi\ وهللاinaan ninkii ii soo dhowaada (waana Zaynab زينبiyo isaga laftiisa usoo dhowaada) fallaar ku dhejinayo." Markaasey ka kala carareen. Markaasaa waxaa Kinaanah كنانةu yimid Abuu Sufyaan\ أبو سفيانoo ay la socdaan madax badan ee Quraysh\قريش, wuxuuna Kinaanah كنانةku yiri: "War naga jooji fallaarahaaga, inaan kula hadalno ayaan dooneynaaye." Markaasuu fallarihiisa ka celiyay. Markaasuu intuu u yimid ayuu Abuu Sufyaan \ أبو سفيانwuxuu yiri: "Waad ogsoon tahay musiibada na haleeshay iyo dhibaataduu Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, noo geystey. Marka, haddaad gabadhiisa ayadoo uu dadku u jeedo la baxdid, dadku wuxuu u maleynayaa inay taasi ku ahaatay dulli ka yimid musiibadeenna (waana jabka Badar\ بدرgaalada reer Makkah\ مكةlagu jabiyay, oo wax la dilay -oo toddobaatan nin ahaa- iyo wax la qafaashay -oo ayaguna toddobaatan nin ahaa- iyo wax cararay noqday oo dhabarka jeediyey) iyo taagdarro. Annaguna inaan gabadha aabeheede, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka celinno dan kama lihin. Marka, markaan Makkah\ مكةku noqo, oo markuu hadalku damo, laguna sheekeysto inaan (Zaynab )زينبsoo celinnay, si sir ah ula xaluulo, aabeheedna, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka daba gee." Thuu Dhuwaa\ذو طوى Meeshaas "Thuu Dhuwaa\ ذو طوىla yiraahdo waxay hadda ka mid tahay magaalada Makkah Al Mukarramah\مكة المكرمة, oo waa la deggan yahay, waana beesha ay ku yaallaan xaafadaha la kala yiraahdo Al Cutaybah\العتيبة, iyo Jarwal\ جرولiyo Al Tandabaawaa\ التندباوىiyo Xaarratu Al Barnuu\( حارة البرنوoo al Barnuu waa qabiil ka mid ah dadka Nigeria dega iyo gobol Nigeria ka mid ah, oo dad asalkooda halkaas ka yimid ayaa halkaan deggan) iyo inta badan ee wadada la yiraahdo Shaaricu Al Mansuur\شارع المنصور, iyo Al Liidhالليط. Magacaasu wuxuu hadda ku koobmay ceel xaafadda Jarwal ku yaalla oo la yiraahdo Bi'ru Dhuwaa\بئر طوى, ahna bartuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, kula hoyday jayshkiisa Jayshu Al Fatxiجيش الفنح, 51 maalintuu Makkah\ مكةfurtay. Walaaleheen reer Maghrib\ المغربway ku dadaalaan booqashada ceelkaas iyo inay biyihiisa wax ka cabbaan." Waxaan warkaas kasoo qaadannay kitabka la yiraahdo Mucjamu al macaalimi al jughraafiyyah fii Al Siirah Al Nabawiyyah\معجم المعالم الجغرافية في السيرة النبوية, uuna dhigay Caatiq bin Ghayth Al Balaadii\عاتق بن غيث البالدي, oo sucuudi u dhashay Allaha u naxariistee, bogga boqol sideed iyo sideetan, ayna daabacday Daaru Makkah ee Makkah Al Mukarramah ku taalla. Anigo ceelkaas waan dul istaagay, waxaana ku jaban quful albaabkiisa, waxaana ku dhigan Bi'ru Dhuwaa بئر \طوى. Hind bintu Cutbah\ هند بنت عتبةoo xaalka Zaynab\ زينبbaareysa Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: "Waxaa la ii wariyay inay Zaynab\ زينبtiri: ألم يبلغني أنك تريدين، "يا بنت محمد: فقالت،"بينا أنا أتجهز بمكة للحوق بأبي لقيتني هند بنت عتبة إن كانت لك حاجة بمتاع، التفعلي، "إي إبنة عمي: فقالت،" "ما أردت ذلك: فقلت:اللحوق بأبيك؟" قالت فإنه ال يدخل بين، فال تضطني مني، فإن عندي حاجتك، أو بمال تتبلغين به إلى أبيك،مما يرفق في سفرك فأنكرت أن أكون، "ولكني خفتها: قالت،" "وهللا ما أراها قالت ذلك إال لتفعل:" قالت.النساء ما بين الرجال ". وتجهزت،أريد ذلك “Baynaa anaa atajahhazu lilluxuuqi fi abii laqaytunii Hindu bintu Cutbah, fa qaalat: “Alam yablughnii annaki turiidiini al lluxuuqa bi abiiki?” Qaalat: faqultu: “maa aradtu thaalika.” Fa qaalat: “Ayy bintu cammii, laa tafcalii, in kaanat laki xaajatun bi mataacin mimmaa yarfuqu biki fii safariki, aw bi maalin tataballaghiini bihi ilaa abiiki, fa inna cindii xaajatuki, falaa tad-dhanii minnii, fa innahu laa yad-khulu bayna al nisaa’i maa bayna al rijaali.’ Qaalat: “”Wa Allaahi maa araahaa qaalat thaalika illa li tafcala”. Qaalat: “wa laakinnii khiftuhaa, fa ankartu an akuuna uriidu thaalika, wa tajahhaztu.” Xadiithka macnihiisu waxaa weey: "Anigoo Makkah\ مكةjooga, oo isku diyaarinaya inaan aabahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka daba tago, ayaa waxaa ila kulantay, oo ii timid Hind bintu Cutbah \هند بنت عتبة. Markaasey waxay tiri: "Ina Muxammaday! Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, soo ima ayan soo gaarin inaad dooneysid inaad aabahaa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka daba tagtid?" Markaasaan waxaan ku iri: "Taas ma doonin." Markaasey waxay tiri: "Ina adeerteeyey! Ha yeelin. Haddaad u baahan tahay mataac safarkaaga kuu sahli kara, ama maal aad ku gaartid aabahaa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, anigaa kuu haya waxaad u baahan tahay, ee marka ha xishoon, ayadoo uusan haweenka kala dhexgelin wax ragga kala dhex gala." Zaynab\ زينبwaxay tiri: "Wa Allaahi\ وهللاuma aanan arag inay sidaas u tiri inay waxaas ay tiri yeesho mooyee (oo ah inay aabeheed Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam ka daba tagto, ayaduna ay sahay siineyso 52 hadday u baahan tahay), laakiin ayadaan ka baqay. Markaasaan is diyaariyay." Waa intaas warka Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقuu wariyay. Zaynab زينبwaxay hijrootay habeennimo Sidaasuu Abuu Sufyaan\ أبو سفيانku taliyay ayuu Kinaanah\ كنانةyeelay, oo Zaynab زينبMakkah \ مكةayuu dib ugula noqday, halkaasoo ay hebeenno joogtay. Kaddib habeennimo ayuu la baxay, uuna waday ilaa uu hoggaan ratigeeda uga dhiibo, oo uu gacanta u geliyo Zayd bin Xaarithah\ زيد بن حارثةiyo saaxiibkiisa Ansaarta ka mid ah, labadaasoo uu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, usoo diray, uuna ku amray inay istaagaan bartamah waadiga Ya'jaj\يأجج, halkaasna ay ku sugnaadaan ilaa ay kasoo marto Zaynabزينب, wuxuuna yiri: ". فأصحباها حتى تأتياني بها."كونا ببطن يأجج حتى تمر بكم زينب "Kuunaa bi badhni Ya'jaj xattaa tamurra bikumaa Zaynab. Fa asxabaahaa xattaa ta'tiyaanii bihaa." Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Ku sugnaada bartamaha waadiga Ya'jaj يأججilaa ay idinka soo marto Zaynabزينب. Markaas soo raaca ilaa aad aniga iiga keentaan." Markaasey markay Zaynab زينبhalkaas soo martay ayay Kinaanah\ كنانةkala wareegeen, oo ay aabeheed, Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u keeneen oo ay gacanta usoo geliyeen. Al Dhabraanii\ الطبرانيwuxuu isaguna Cabdu Allaahi bin Al Zubayr \ عبد هللا بن الزبيرka wariyay inuu yiri: "Nin ayaa Zaynab زينبxagga Al Madiinah\ المدينةusoo waday. Markaasaa waxaa ka daba tegay laba nin oo Quraysh\ قريشah, markaasey ninkii waday uga adkaadeen oo ay ratigay saarnayd kasoo tuureen, oo ay dhagax wayn kusoo kor dhacday. Markaasuu cunuggay uurkiisa lahayd kasoo dhacay, dhiig badanna uu ka baxay. Markaasey intay qaadeen waxay u geeyeen Abuu Sufyaan\أبو سفيان. Abuu Sufyaan\أبو سفيانgurigiisa ayaa markaas waxaa Zaynab زينبugu yimid haweenka reer Banuu Haashim\بني هاشم. Markaasuu Abuu Sufyaan\ أبو سفيانZaynab زينبhaweenkaas u dhiibay oo siiyay. Markaas kaddibna way hijrootay. Zaynab زينبway dareemi jirtay xanuunka maalintaas gaaray, oo kama uusan tegin ilaa ay ka dhimatay. Sidaas daraadeed ayuu wuxuu dadku u arkayey inay Zaynab زينبshahiidad tahay. Waxaad mooddaa inuu Abuu Sufyaan\ أبو سفيانmarkuu dumaashigeed soo celiyay, uuna beer dulucsaday, oo uu markaas gurigiisa geeyey, si uu taas caan ugu noqdo, oo loo ogaado inuu isagu Zaynab زينبMakkah\ مكةkusoo celiyay. Markaasey markay haweenka reer Banuu Haashim \ بني هاشمu yimaadeen ayuu ayaga u dhiibay. Sababtuna waxay tahay inuu Abuu Sufyaan\ أبوسفيانfaanka jeclaa." 53 Zaynab زينبwaxay haajartay Abuu Al Caasii\ ابو العاصيhortiis. Waadii Ya'jaj\وادي يأجج "Ya'jaj\ يأججwaa waadi k amid ah waadiyada Makkah\مكة, xagga waqooyina ka xigah Al Tanciimu\ التنعيمoo ah meeshuu ku yaallo Masjidu Caa'ishah\مسجد عائشة. Waadiga Waadii Al Tanciim\ وادي التنعيمayaa ku biyo roga Waadii Ya'jaj\وادي يأجج, kuna roga dariiqa Al Madiinah\ المدينةloo aado meel dariiqaasi gooyo oo Kacbada toban kiiloomitir waqooyiga ka xigta. Hadda waxaa loo yaqaannaa Yaaj\ياج, waxaana degah qabiilka Lixyaanلحيان oo Huthayl\ هذيلka tirsan" Waxaa sidaas sheegay Caatiq bin Ghayth Al Balaadiyyu \عاتق بن غيث البالدي, uguna sheegay kitaabkiisa Mucjamu Al Macaalimi Al Jughraafiyyah fii Al Siirah Al Nabawiyyah معجم المعالم \الجغرافية في السيرة النبوية. Habbaar\ هبارdhiiggisu waa xalaaloobay Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: "Abuu Hurayrah\ أبو هريرةwuxuu yiri: "Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ayaa wuxuu diray ciidan duullaan ah, oo aan aniguna ku jiro, wuxuuna nagu yiri: ". أو الرجل (اآلخر) الذي سبق معه إلى زينب فحرقوهما بالنار،"إن ظفرتم بهبار بن األسود "In thafirtum bi Habbaara bin Al Aswad, aw al rajula (al aakhar) allathii sabaqa macahu ilaa Zaynab fa xarriquuhumaa bi al nnaari". Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Haddaad qabataan Habbaar bin Al Aswad\ هبار بن األسودiyo ninka kale (oo uu ibnu Hishaam إبن \ هشامsheegay inuu magaciisu ahaa Naafic bin Cabdi Qays\ )نافع بن عبد قيسdab ku guba labadoodaba." Xadiithka waxaana wariyay Al Daarimii\ الدارميiyo ibnu Abii Shaybah\إبن أبي شيبة. Maalintii taas ku xigtay ayuu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, noo soo ciddiray, markaan u nimidna wuxuu na yiri: . ثم رأيت أنه الينبغي ألحد أن يعذب بالنار إال هللا،"إني كنت أمرتكم بتحريق هذين الرجلين إن أخذتموهما ".فإن ظفرتم بهما فاقتلوهما "Innii kuntu amartukum bi taxriiqi haathayni al rrajulayni in akhath-tumuuhumaa, thumma ra'aytu annahu laa yanbaghii li axadin an yucath-thiba bi al nnaari illaa Allaahu. Fa in thafartum bihimaa fa aqtuluuhumaa." Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Waa anigii idin amray inaad labadaas nin gubtaan haddaad gacanta ku dhigtaan. Kaddibna waxaan u arkay inayan axadna u habbooneyn inuu dab wax ku cathaabo Ilaahay mooyee. Marka haddaad labadooda qabataan dila." 54 ynab زينبoo madax furashada Abuu Al Caasii\ أبو العاصيsoo dhiibtay Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: "Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, intuu Makkah\ مكةjoogay waxna ma xalaaleyn jirin, waxna ma xaaraantimeyn jirin, isagoo amarkiisa looga adkaa (oo Dawladda Makkah\ مكةka dhisan gaalo ayay ahayd). Islaamka ayaana Zaynab زينب, gabadha Rasuulka Ilaahay, Sallala Alaahu Calayhi Wasallam, iyo Abuu Al Caasii ibnu Al Rabiic أبو العاصي إبن \ الربيعkala geeyey. Rasuulka Ilaahayna, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ma uusan karin inuu kala furo, oo weli sooma ayan degin Aayadda laba boqol iyo kow iyo labaatan ee Suuratu Al Baqarah\( سورة البقرةoo oraneysa: ِ ِ ين َ َوََل رُْنك ُحوا اْل ُم ْش ِرك "Wa laa tunkixuu al mushrikiina(221)" oo macneheedu yahay: "Hana u guurinina ragga mushrikiinta ah(221)".). Sidaas ayay Zaynab\ زينبAbuu Al Caasi\i أبو العاصيagtiisa ku ahayd, ayadoo Muslimad ah, isaguna uu gaalnimadiisa ku taagan yahay, ilaa uu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka haajiray. Markaasey markay Qurayshi\ قريشBadar\ بدرtagtay, waxaa la socday Abuu Al Caasii bin Al Rabiic\أبو العاصي بن أبي الربيع. Markaasuu wuxuu ka mid noqday ragga qafaalka maalintaas Badar\ بدرay muslimiintu gacanta ku dhigeen. Markaasaa loo qaaday Al Madiinah Al Munawwarah\المدينة المنورة, oo uu Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, agtiisa joogay." Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu wariyay inay Caa'ishah\ عائشةtiri: بعثت زينب بنت رسول هللا صلى هللا عله وسلم في فداء أبي العاص،"لما بعث أهل مكة في فداء أسرائهم : قالت،" وبعثت فيه بقالدة لها كانت خديجة أدخلتها بها على أبي العاص حين بنا عليها،إبن الرب يع بمال ، "إن رأيتم أن تطلقوا لها أسيرها:"فلما رآها رسول هللا صلى هللا عليه وسلم رق لها رقة شديدة وقال ". وردوا عليها الذي لها،" فاطلقوه. "نعم يا رسول هللا:" فقالوا. فافعلوا،وتردوا عليها مالها “Lammaa bacatha Ahlu Makkah fii fidaa’i usaraa’ihim, bacathat Zaynab bintu Rasuuli Allaahi Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam fii fidaa’i Abii Al Caas ibna Al Rrabiic bi maalin, wa bacathat fiihi bi qalaadatin lahaa kaanat Khadiijah ad-khalathaa bihaa calaa Abii Al Caas xiina banaa calayhaa.” Qaalat: “Falammaa ra’aahaa Rasuulu Allaahi Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam raqqa lahaa raqqatan shadiidatan, wa qaala: “in ra’aytum an tudhliquu lahaa asiirahaa, wa tarudduu calayhaa maalahaa, fa afcaluu.” Fa qaaluu: “Nacam yaa Rasuula Allaahi.” Fa adhlaquuhu, wa rudduu calayhaa allathii lahaa.” Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Markay reer Makkah soo direen maalka madax furashada ragga laga qafaalay, ayay Zaynab, 55 gabadha Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxay soo dhiibtay madax furashada Abuu Al Caasii ibnu Al Rabiic. Maalkaasna waxaa ka mid ahaa tay haweenku qoorta ku xirtaan oo ay (hooyadeed) Khadiijah lahaan jirtay, ayna gabadheeda siisay habeenka Abuu Al Caasii loo aqal geeyey." Waxay tiri: "Markaasuu markuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, arkay ayuu u beer jilcay, beer jilayc xoog leh, wuxuuna yiri: "Haddaad sidaas u aragtaan, oo ay idinla noqoto inaad qafaalkeedana u sii deysaan, maalkeedana aad u celisaan, sidaas yeela." "Markasey sidaas yeeleen, waxayna yiraahdeen: "Waa yahay Rasuulka Ilaahayow, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam!" Markaasey sii daayeen, maalkeedana u celiyeen." Zaynab\ زينبoo Abuu Al Caasii أبو العاصيmagangelisay Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: "Furashada Makkah in yar horteed ayuu Abuu Al Caasii\ أبو العاصيganacsi ugu safray xagga Shaam\الشام, isagoo wada maal uu leeyahay iyo mid ay rag Quraysh \ قريشah u dhiibteen, isagoo ahaa nin aamin ah oo la aamino. Markuu ganacsiga Shaam\ الشامkasoo jeestay, ayuu Al Caasii\أبو العاصي wuxuu usoo gaddoomay xagga Makkah\مكة. Markaasaa waxaa dariiqa ka helay ciidan Muslim ah. Markaasey maalka oo idil kala wareegeen, oo ay ghaniimaysteen, isaguna wuu ka baxsaday oo way gaari waayeen. Markaasaa markuu ciidankaasu isagoo wata maalkay kala wareegeen Al Madiinah\ المدينةsoo galeen, ayuu isaguna habeennimada magaalada soo xaluushay, oo gurigeeda ugu soo galay Zaynab\زينب, gabadha Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, uuna magangelyo weydiistay. Markaasey magangelisay. Sababtuu ugu yimidna waxay ahayd isagoo doonaya maalkiisa laga soo qaatay. Markaasuu markuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Salaadda Subax usoo baxay, oo uu Takbiirsday oo Salaadda xirtay, dadkuna ay ka daba xirteen, ayay Zaynab زينبwaxay ka qaylisay safka haweenka, waxayna tiri: "."أيها الناس! إني قد أجرت أبا العاص بن الربيع “Ayyuhaa al nnaasu! Inni qad ajartu Abaa Al Caas bin Al Rabiic.” Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Hooy dadow! Anigu waxaan magan geliyay Abuu Al Caasii bin Al Rabiicأبو العاصي." Markaasuu markuu Salaadda dhammeeyey, oo uu Salaamo naqsaday, ayuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, xagga dadka usoo jeestay, uuna yiri: ""أيها الناس! هل سمعتم ما سمعت؟ “Ayyuhaa al nnaasu! Hal samictum maa samictu?” Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Dadow ma maqasheen waxaan aniguna maqlay?" 56 Waxay yiraahdeen: "Haa". Wuxuu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: إنه يجير على المسلمين."أما والذي نفس محمد بيده ما علمت بشيئ من ذلك حتى سمعت ما سمعتم ".أدناهم "Amaa wa Allathii nafsu Muxammadin bi yadihi maa calimtu bi shay'in min thaalika xattaa samictu maa samictum. Innahu yujiiru calaa al Muslimiina adnaahum." Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Waxaan ku dhaartay Midkay nafta Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam Gacantiisa ku jirto, inaanan shay'na ka ogayn arrinkaas jeer aan maqlay waxaad adinkuna maqasheen. Muslimiinta waxaa wax ka magan geliya kooda ugu tabar yar." Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Masjidka ka baxay, uuna gabadhiisa qolkeeda ugu galay, kuna yiri: ". فإنك التحلين له، وال يخلصن إليك، أكرمي مثواه،"أي بنية "Ay bunayyata, akrimii mathwaahu, wa laa yakhlusanna ilayki, fa innaki laa taxilliina lahu." Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Gabadhaydey, karaamee joogiddiisa iyo degmadiisa, yuunna kusoo gaarin oo yuusan ku taaban, maxaa yeelay adigu isaga xalaal uma tihid (oo ayaduna waa muslimad, isaguna markaas waa gaal)". Sharciguna waa kaas, oo gabar Muslimad ah nin gaal ahi xalaal uma aha oo ma guursan karo. Waxaa kaloo wariyay Al Dhabraanii\الطبراني. Islaamidda Abuu Al Caasii bin Al Rabiic\أبو العاصي بن الربيع Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: "Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu u ciddiray oo u yimid ragga maalka Abuu Al Caasii kala wareeegay, wuxuuna ku yiri: وإن. فإنا نحب ذلك، فإن تحسنوا وتردوا عليه الذي له. وقد أصبتم له ماال،"إن هذا الرجل منا حيث علمتم ". فأنتم أحق به،ابيتم فهو فيئ هللا الذي أفاء عليكم "Inna haathaa al rajulu minnaa xaythu qad calimtum, wa qad asabtum lahu maalan. Fa in tuxsinuu wa tarudduu calayhi allathii lahu, fa innaa nuxibuu thaalika. Wa in abaytum fa huwa fay'u Allaahi allathii afaa'a calaykum, fa antum axaggu bihi." Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Ninkaani waxaad ogsoon tihiin ayaan u nahay, waxaadana ka qaadateen maal. Marka, haddaad samafashaan oo uu wuxuu leeyahay aad usoo celisaan, taasi waa mid aan jecel nahay. Haddaad diiddaanna, maalkaasu waa fay uu Ilaahay idin siiyay (Fay\ فيئwaa maalka gaalada lagala 57 wareego dagaal iyo xarbi la'aan), adinkaana ku xaq leh." Markaasey waxay yiraahdeen: "Rasuulka Ilaahayow, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, bal waa usoo celineynnaa." Markaasey usoo celiyeen ilaa heer ay rag baaldi usoo celiyey iyo sibraar duug ah iyo harag duug ah ilaa qori go'iis. Sidaas ayay maalkiisii oo dhan ugu soo celiyeen, oo uusan shayna ka maqnayn. Markaasuu Abuu Al Caasii\ أبو العاصيmaalka Makkah\ مكةula gaddoomay, uuna nin walba oo Quraysh\ قريشah maalkuu lahaa u celiyey, iyo kii isaga laftiisa wax ku darsadayba. Intaas markuu falay kaddib ayuu wuxuu yiri: "Ragga Qurayshow\ !قريشMiyuu midkiinna maal uu leeyahay agteyda ku haray oo uusan qaadan?" Waxay yiraahdeen: "Maya. Ilaahay khayr ha kaaga abaalgudo. Waxaanna aragnay inaad tahay mid ammaanada oofiya oo kariim ah." Markaasuu wuxuu yiri: "Ash-hadu an laa ilaaha illaa Allaahu wa anna Muxammadan Cabduhu wa Rasuuluhu أشهد أن الإله إال هللا وأن محمدا رسول هللا. Wa Allaahi\ وهللاinuusan iga hor istaagin inaan agtiisa ku islaamo (waa Nabigee, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam) waxaan ahayn inaan ka baqay inaad u malaysaan inaan u islaamay inaan maalkiinna cuno (ayadoo uu qofka Muslimka ah maalka gaalka dagaal ka dhexeeyo xalaal u yahay). Markaasaan markuu Ilaahay maalkiinna idiin soo celiyay, aniguna aan idinku wareejiyay, oo aan kasoo jeestay, ayaan islaamay." Markaasuu Makkah\ مكةkasoo baxay, oo uu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u yimid oo la degay." Ibnu Hishaam\ إبن هشامwuxuu yiri: "Markuu Abuu Al Caasii ibnu Al Rabiic| أبو العاصي إبن الربيعka yimid Shaam\الشام, isagoo wada maalka gaalada, waxaa lagu yiri: "Maad islaamtid, oo aad markaas maalkaan qaadatid, isagoo maal gaalo ah?" Markaasuu Abuu Al Caasii أبو العاصيwuxuu ku yiri: "Maxaa ka xun oo aan islaannimadeyda ku bilaabi lahaa, haddaan sidaas yeelo, oo aan wixii la igu ammaaneystey aan khayaano?" Zaynab\ زينبoo Abuu Al Caasii أبو العاصيloo celiyey Al Suhaylii\ السهيليwuxuu sheegay in ninka Abuu Al Caasii أبو العاصيBadar\ بدرkusoo qafaalay uu ahaa Cabdu Allaahi bin Jubayr Al Ansaarii\عبد هللا بن جبير األنصاري. Kaddibna Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ayuu u haajiray. Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam wuu ammaanay xididnimadiisa, wuxuuna yiri: ". ووعدني فوفاني،"حدثني فصدقني "Xadathanii fa sadaqanii, wa wacadanii fa wafaanii." 58 Xadiithka macnihiisu waqxaa weeye: "Wuu ii warramay, runta ayuuna ii sheegay, ballan ayuuna iga qaaday, waana ii oofiyay." Al Tarmathii\ النرمذيiyo ibnu Maajah\ إبن ماجةwaxay Camr bin Shucayb bin Muxammad bin Cabdu Allaahi bin Camr Al Caasii\عمرو بن شعيب بن محمد بن عبد هللا بن عمر العاصي, midka runlowga ahaa, ka wariyeen inuu aabihiis Shucayb bin Muxammad شعيب بن محمد, oo runlow la rumaysto ah, ayna sugnaatay inuu warkaas dhegihiisa ku maqlay, inuu ka wariyay awoowihiis Cabdu Allaahi bin Camar bin Al Caasii عبد هللا بن عمر العاصيinuu yiri: "Wuxuu ugu soo celiyay nikaax cusub sanadka toddobaad ee Hijrada." Abuu Al Caasii أبو العاصيmarkay Zaynab islaamtay\ زينب, isaguna uu gaalnimada ku haray, ayaa islaamku kala geeyey. Markaasuu markaan dambe Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, nikaax cusub ugu soo celiyay. Dhimashada Zaynab\زينب Zaynab\ زينب, gabadha Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxaa la oofsaday sanadka sideedaad ee Hijrada. Muslim\ مسلمwuxuu Ummu Cadhiyyah\ أم عطيةka wariyay inay tiri: "Markay dhimatay Zaynab\ زينب, gabadha Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri: ". واجعلن في اآلخرة كافورا،"أغسلناها وترا ثالثا أو خمسا "Aghsilnahaa wataran thalaathan aw khamsan, wa ajcalna fii al aakhirati kaafuuran". Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Tiro is dhaafsan dhaqa; saddex ama shan, marka ugu dambeysana waxaad biyahaad ku dhaqeysaan ku dartaan kaafuur." Zaynab\ زينبwaxaa dhaqay Ummu Ayman\ أم أيمنiyo Ummu Al Mu'miniina Sawdah bintu Zamcah\ أم المؤمنين زينب بنت زمعةiyo Ummu Al Mu'miniina Ummu Salamah أم المؤمنين أم \سلمة. Zaynab\ زينبwaxaa ku tukaday aabeheed Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, isagaana qabrigeeda galay, isagoo uu la socdo ninkay u dhaxday Abuu Al Caasii \أبو العاصي. Laga bilaabo guriga ilaa qubuuraha Al Baqiic\ البقيعwuxuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Zaynab\ زينبku qaaday nacash loo sameeyey. Waxaana la yiri ayadaa ugu horreysey qof nacash lagu qaado. 59 Shan. R u q a y y a h\رقية, Saallaa Allahu Calayhaa Wasallam Ruqayyaah رقيةwaa gabadha Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxayna dhalatay markay saddex iyo soddoon sano kasoo wareegatay dhalashada Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Ibnu Xajar\ إبن حجرisaguna sidaas ayuu Al Isaabah\ اإلصابةku wariyay. Ruqayyahرقية, waxaa soo doonay oo la siiyay Cutbah bin Abii Lahab\عتبة بن أبي لهب, kanoo kadiibna islaamay isaga iyo walaalkiis Mucattab\معتب. Ruqayyah رقيةwalaasheed Ummu Kulthuum\أم كلثوم, gabadha Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxaa ayadana soo doonay oo la siiyay Cutbah walaalkiis oo magaciisu yahay Cutaybah, ina Abuu Lahab\عتيبة بن أبي لهب. Cutaybah\ عتيبةwuxuu ku dhintay gaalnimadiisa. Labadaas walaalaha ah oo labada gabdhood oo Nabi Muxammad, Saallaa Allaahu Calayhi Wasallam, soo doonay oo la siiyey, intuusan midkoodna guursan oo uusan la aqal gelin, ayaa waxaa Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, kusoo degatay Aayadda laba boqol iyo afar iyo toban ee Suuratu Al Shucaraa' سورة \الشعراء, oo lagu amrayo inuu cashiiradiisa u dhigo. Aayaddu waxay leedahay: ِ ِ )212( ين َ َِوأ َْنذ ْر َعش َيررَ َك ْالَ ْق َرب "Wa anthir cashiirataka al aqrabiina(214)", oo macneheedu yahay: "Una dig qaraabadaada kuu sii dhaw(214)." Markaasuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, cashiiradiisa isugu yeeray oo uu u digay. Markaasuu Abuu Lahab\ أبولهبwuxuu yiri: ""تبا لك سائر اليوم ألهذا جمعتنا؟ “Tabban laka saa’ira al yami a li haathaa jamactanaa?” Xadiithka macnihiisu waxaa weey: "Ma taasaad isugu kaaya soo yeertay, maalintoo idil hoog oo khasaare?" Markaasaa waxaa soo degatay Suuradda Tabbat, oo oraneysa: َّ ََّت َي َدا أَبِي لَهَ ٍب َور ات صلَى َن ًا ْ ) َما أ1( ب ْ رَب.بسم اهلل الرحمن الرحيم َ ار َذ َ َغ َنى َع ْنهُ َمالُهُ َو َما َك َس ْ ) َس َي2( ب ٍ .)7( ) ِفي ِج ِيد َها َحْب ٌل ِم ْن َم َسٍد2( ام َأرَرُهُ َح َّمالَةَ اْل َحطَ ِب ْ ) َو3( لَهَب "Bismi Allaahi Al Rraxmaani Al Rraxiimi. Tabbat yadaa abii Lahabin wa Tabba(l)Maa aghnaa canhu maaluhu wa maa kasaba(2)Sayaslaa naaran thaata lahabin(3)Wa 60 imra'atuhu xammaalata al xadhabi(4)Fii jiidihaa xablun min mmasadi(5)" Suuradda macneheedu waxaa weeye: "Bismi Allaahi Al Rraxmaani Al Rraxiimi. Waxaa khasaaray labada gacnood ee Abuu Lahab أبو \ لهب-ujeedaduna waa isagoo idil(l)Waxna uma tarin maalkiisa iyo wuxuu kasbaday toona, oo cathaabta Ilaahay kama ayan celin karaan(2)Wuxuuna gelayaa Naar, waa dabee, olol leh, waa holocee(3)Haweentiisuna, midda qoryaha xambaari jirtay, oo intay qoryaha qodax leh iyo qodax qaaddo ayay waxay dhigi jirtay dariiqa uu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, maro oo gurigiisa ka baxa, si ay u cirba goyso. Ayaduna Naar ololeysa ayay geleysaa( 4 )Luqunteedana waxaa ku xiran silsilad bir ka sameysan oo toddobaatan diraac ah oo inta afkeeda ka gasha dabadeeda kasoo baxaysa inta kasoo hartana qoorta loogu duubayo. Masadka waxaa kaloo la yiraahdaa liifka gedaha laga falkiyo(5)". Markay Suuraddaas Tabbat\ سورة تبتsoo degatay ayuu Abuu Lahab\ أبو لهبintuu labadiisa wiil u yeeray ayuu wuxuu ku yiri: "Madaxaygu madixiinna waa ka xaaraan -oo macneheedu yahay ha ii soo dhowaanina, ayadoo ay labada is jecel hal barkin wada barkadaan-, haddaydnaan labada gabdhood ee Muxammad (Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam) furin." Markaasey amarkiisa yeeleen oo labada gabdhood fureen, ayagoo aan weli la aqal gelin. Markaasuu Amiiru Al Mu'miniina Cuthmaan bin Caffaan\ أمير المومنين عثما بن عفانwuxuu Makkah\ مكةku guursaday Ruqayyah\رقية, gabadha Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Ruqayyah\ رقيةaad ayay u qurux badnayd, oo waxay lahayd qurux indhaha qabata. Sidoo kale, Cuthmaan bin Caffaan عثما بن عفانaad ayuu u qurxoonaa. Ruqayyah رقيةwaxay ka mid tahay kuwa Banii Aadanka ugu qurux badan. Intay Ruqayyah رقيةiyo Cuthmaan عفانarliga Xabashada joogeen, ayaa waxaa Ruqayyahرقية arkay rag amxaaro ah, markaasey intay quruxdeeda la yaabeen ayay raqsiyeen, oo ay sidaas yeelaan markay arkaanba. Ayaduna arrinkoodaas way dhibsatay. Ruqayyah رقيةiyo asxaabteeduna, maadaama ay arligaas qariibiin ku ahaayeen, waxba kama ayan oran karin. Markaasey raggaasu Boqorkooda Al Najaashiyyi \ النجاشيxarbiga cadawgiisa ku kacdoonmay u raaceen. Markaasaa raggaas dhammaantood dagaalkaas lagu wada dilay, ay ayaduna ka raaxeysatay, Boqorkuna uu cadawgiisa kasoo adkaaday. Al Zubayr bin Bakkaar\ الزبير إبن البكارwuxuu wariyay oo yiri inuu: "Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, nin ayuu u diray Ruqayyah رقيةiyo Cuthmaan\عثمان, uuna ugu dhiibay cunno yar oo uu u hadiyeeyey. Markaasuu ninkii kasoo raagay. Markaasuu markuu kusoo laabtay oo uu u yimid, ayuu wuxuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allahu Calayhi Wasallam, ku yiri: "."إن شئت أخبرتك ما حبسك 61 "In shi'ta akhbartuka maa xabasaka", oo macneheedu yahay: "Haddaad dooneysid waxaan kuu sheegayaa waxaad la soo daahday oo ku reebay." Markaasuu ninku wuxuu yiri: "Waa yahaye ii sheegay." Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri: ". تعجب من حسنهما،"وقفت تنظر إلى عثمان ورقية "Waqafta tanthuru i1aa Cuthmaan wa Ruqayyah, tacjabu min xusnihimaa", oo macneheedu yahay: "Waxaad istaagtay adigoo fiirinaya Cuthmaan iyo Ruqayyah, lana yaaban quruxdooda." Waxaa wariyay Al Suhaylii\السهيلي. Riwaayad kalena waxay sheegtay inuu ninkaasu ahaa Usaamah wiilka Zayd bin Xaarithah أسامة \بن زيد بن حارثة, midkay koofaartiisu ahayd "Xibbu Xibbu Rasuuli Allaahi|"حب حب رسول هللا oo macneheedu yahay "Midkuu jecelyahay midkuu Rasuulka Ilaahay jecelyahay" oo Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, aad ayuu Zayd\ زيدu jeclaa iyo wiilkiisa ah Usaamah\أسامة. Markaasaa waxaa la oran jiray: "Labada is qabta oo la arkay oo ugu qurxoon waa Ruqayyah\ رقيةiyo ninkeeda Cuthmaan\عثمان." Ruqayyah رقيةiyo Cuthmaan عثمانwaxay u haajireen labada Hijraba, oo marka koowaad arliga xabashada ayay u haajireen. Markaasuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, warkooda waayey, ilaa ay haweeney uga timaaddo, ayna u sheegaty inay soo aragtay, waxayna tiri: "Waxaan arkay labadoodaba, ayadoo uu Cuthmaan عثمانhaweentiisa dameer ku qaaday." Markaasuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri: "."صحبهما هللا "Saxabahumaa Allaahu.", oo macneheedu yahay: "Allaha la jiro." Waxaana Anas bin Maalik\ أنس بن مالكka wariyay Yacquub bin abii Sufyaan\يعقوب بن أبي سفيان. Riwaayad kalena waxay warisay inuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: ". إن عثمان أول من هاجر بأهله بعد لوط."صحبهما هللا "Saxabahumaa Allaahu. Inna Cuthmaana awwalu man haajara bi ahlihi bacda Luudhin", oo macneheedu yahay: 62 "Allaha lajiro. Cuthmaan waa kan ugu horreeya oo ehelkkiisa (waa haweentiise) la haajiray (Nabi) Luudh dabadiis". Waxaa wariyay ibnu Al Mubarrak\ إبن مباركiyo ghayrkiisba. Ibnu Hishaam\ إبن هشامwuxuu yiri: "Ruqayyah\ رقيةwaxay Cuthmaan\ عثمانarliga Xabshada ugu dhashay Cabdu Allaahi\عبد هللا, oo Cuthmaan عثمانlagu koofaari jiray, oo la oran jiray "Abuu Cabdu Allaahi\"أبو عبد هللا, oo ah "Cabdu Allaahi\ عبد هللاaabihiis." Fatxu Al Baarii\ فتح الباريwuxuu wariyay inuu Cabdu Allaahi عبد هللاnoolaa lix sano, wuxuuna dhintay, siduu ibnu Sacad إبن سعدu wariyay sanadka afaraad ee Hijrada, ayadoo uu diiq dooro gafuurkiisa isha uga muday. Markaasuu hooyadiis dabadeed dhintay." Wuxuu yiri: caruur aan Cabdu Allaahi\ عبد هللاahaynna uma ayan dhalin. Cabdu Allaahi\ عبد هللاmarkuu dhintay, Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu saaray dhabtiisa wuxuuna yiri: "."إنما يرحم هللا من عباده الرحماء "Innamaa yarxamu Allaahu min cibaadihi al ruxamaa'u". Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Ilaahay wuxuu addoommadiisa uga naxariistaa kuwa ayaguna naxariista. " Guurka Ruqayyah\رقية Abuu Sacad\ إبن سعدwuxuu kitaabkiisa Al Sharf الشرفCuthmaan\ عثمانuga wariyay inuu yiri, waana markuu islaamay kaddib markuu warka sheegayaa: "Anigoo Kacbada deydkeeda jooga ayaa waxaa la yiri: "Muxammad-Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam-wuxuu Cutbah\ عتبةu guuriyey gabadhiisa Ruqayyah\رقية. Markaasaa waxaa qalbigeyga galay xasrah\ حسرة-oo ah danqasho laga danqado wax suuban oo ku dhaafay- inaanan isaga uga hormarin. Markaasaan gurigeyga aaday, halkaasoo aan ka helay habaryartay Sacdaa bintu Kurayz \سعدى بنت كريز, oo ii sheegtay inuu Ilaahay Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, soo diray, ayna igu boorrisay inaan raaco." Wuxuu yiri: "Waxaan lahaa majlis aan la fariisan jiray Al Siddiiqu\( الصديقwaana Abuu Bakar\)أبوبكر, kaasoo aan majliskii ka helay, isagoo keligiis ah. Markaasuu wuxuu iga wareystay waxaan fakarayo. Markaasaan waxaan u sheegay waxaan habaryartay ka maqlay. Markaasuu Abuu Bakarna أبوبكرigu boorriyey inaan islaamo.". Wuxuu yiri: "Markaasaa isla markaasba waxaa meesha soo maray (Nabiga) Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, isagoo uu la socdo Calii\علي, oo maro u sida. Markaasuu Abuu Bakar أبوبكرu kacay, taasoo uu ku farxay. Markaasuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam fariistay, oo intuu igu soo jeestay wuxuu yiri: 63 ". فإني رسول هللا إليك وإلى جميع الخلق،"أجب هللا إلى الجنة "Ajib Allaaha i1aa Jannatihi, fa innii Rasuulu Allaahi ilayka wa ilaa jamiica khalqihi." Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Oggolow Jannadiisa uu Ilaahay kuugu yeerayo, oo anigu waxaan ahay Rasuulka Ilaahay oo adiga laguu soo diray iyo khalqigiisa dhammaantoodba." Markaasaan wa Allaahi\ وهللاis hayn waayey markaan maqlay, oo aan islaamay. Markaaseeyan kasoo wareegan in yar mooyee, ee gabadhiisa ayaan guursaday Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam." Geerida Ruqayyah\رقية Ruqayyah\ رقية, inanta Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxaa la oofsaday ayadoo uu aabeheed, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, duullaanka Badar\ بدرku maqan yahay, ayadoo labaatan jir ah, siduu Fatxu Al Baarii\ فنح الباريu wariyay, markuu Zayd bin Xaarithah زيد \ بن حارثةkeenay Al Madiinah Al Munawwarah\ المدينة المنورةbishaarada guusha Ilaahay Nabigiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, siiyay iyo laynta gaaladii duullaankaas u timid. Zayd\ زيدwaxaa inuu reer Al Madiinah\ المدينةbishaaradaas u geeyo usoo diray Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo dhawr maalmood kaddib imaan doona. Markuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, duullaankaas u kicitimay, Ruqayyah\رقية way xanuunsaneyd, markaasuu Cuthmaan\ عثمانku reebay si uu u xannaaneeyo. Sidaas ayuusan Cuthmaan\ عثمانBadar uga qayb galin, Nabiguna, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, uu u siiyey ajarkiisa Badar\ بدرiyo sahmigiisaba ghaniimada, sida ragga ka qayb gal ay oo kale. Sidoo kale wuxuu Ruqayyah\ رقيةmarkaas ku reebay Usaamah bin Zayd\أسامة بن زيد. Ruqayyah\ رقيةwaxaa ku dhacay oo lala oofsaday cudurka la yiraahdo al xasbah\الحصبة, oo aan ku wado inay tahay jadeecada. Zayd bin Xaarithah\ زيد بن حارثةwuxuu Al Madiinah\ المدينةsoo galay isagoo uu Cuthmaan \ عثمانqabrigeeda dul taagan yahay. Ibnu Sacad\ إبن سعدwuxuu Cabdu Allaahi ibnu Cabbaas\ عبد هللا إبن عباسka wariyay inuu yiri: "Markay Ruqayyah\ رقيةdhimatay wuxuu (Nabigu) Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam yiri: "."إلحقي بسلفنا عثمان بن مظعون "I1xaqii bi salafinaa Cuthmaan bin Mathcuun", oo macneheedu yahay: "Ka daba tag midkeenna noo hormaray oo ah Cuthmaan bin Mathcuun" عثمان بن مظعون. Cuthmaan bin Mathcuunعثمان بن مظعون wuxuu ahaa ninka ugu horreeya ee 64 Muhaajiriinta\ المهاجرينAl Madiinah Al Munawwarah\ المدينة المنورةuga dhinta, iyo kan ugu horreeyey oo qubuuraha Al Baqiic\ البقيعlagu duugo. Markay Ruqayyah\ رقيةdhimatay ayay haweenkii booyeen. Markaasaa waxaa u yimid Cuthmaan \ عثمانoo garaacay. Markaasuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri: ". ومهما يكن من اليد واللسان فمن الشيطان، فمن هللا والرحمة،"مهما يكن من العين والقلب "Mahmaa yakun mina al cayni wa al qalbi, fa mina Allaahi wa al raxmah. Wa mahmaa yakun mina al yadi wa al lisaani fa mina al sh-shaydhaani." Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Waxa ka sugnaada isha -oo ah oohinta- iyo qalbiga-oo ah tiiraanyada- waxay ka yimaadeen Ilaahay iyo naxariista. Wixiise ka ahaada gacanta -sida wajiga oo la iska xagto, ama dharka oo la iska dillaciyo- iyo carrabka -oo ah wax aan habbooneyn oo laga yiraahdo waxay ka yimaadeen shaydhaanka". Markaas ayay Faadhimah\ فاطمةqabriga qarkiisa fariisatay, ayadoo booyeysa. Markaasuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu darafta maradiisa ka mariyay labadeeda indhood, isagoo illinta ka tiraya. Al Waaqidii\ الواقديwuxuu yiri: "Waxay tani ixtimaaleysaa inuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam tegey qabrigeeda kaddib markuu Badar\ بدرkasoo laabtay." Lix. U m m u K u l t h u u m\أم كلثوم, Sallaa Allaahu Calayhaa Wasaallam Ummu Kulthuum أم كلثومwaa gabadha Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Ummuu Kulthuum أم كلثومmagaceeda lama yaqaanno, waxaase loo yaqaannaa koofaarteeda oo ah Ummu Kulthuumأم كلثوم, sida muuqatana magac kaleba looma bixin, oo koofaarteeda ayaa magaceedana ah. Ummu Kulthuum أم كلثومwaxay u doonnayd Cutaybah ibnu Abii Lahab عتيبة \إبن أبي لهب. Cutaybah عتيبةwuxuu ku dhintay gaalnimadiisa. Labadaas walaalaha ah oo labada gabdhood oo Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, soo doonay oo la siiyey, intuusan midkoodna guursan oo uusan la aqal gelin, ayaa waxaa Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, kusoo degatay Aayadda laba boqol iyo afar iyo toban ee Suuratu Al Shucaraa'\سورة الشعراء, oo lagu amrayo inuu cashiiradiisa u dhigo. Aayaddu waxay leedahay: "Wa anthir cashiirataka al aqrabiina(214)", oo macneheedu yahay: ِ ِ )212( ين َ َِوأ َْنذ ْر َعش َيررَ َك ْالَ ْق َرب 65 "Una dig qaraabadaada kuu sii dhaw(214)." Markaasuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, cashiiradiisa isugu yeeray oo uu u digay. Markaasuu Abuu Lahab wuxuu yiri: "Ma taasaad isugu kaaya soo yeertay, hoog oo khasaare?" Markaasaa waxaa soo degatay Suuradda Tabbat\سورت تبت, oo oraneysa: )3( ) إِ َّن َشانَِئ َك ُه َو ْال َْبرَُر2( ِّك َو ْان َح ْر َ َع َ ص ِّل لِ َرب َ ط ْي َن ْ إَِّنا أ.بسم اهلل الرحمن الرحيم َ َ) ف1( اك اْل َك ْوثََر "Bismi Allaahi Al Rraxmaani Al Rraxiimi. Tabbat yadaa abii Lahabin wa Tabba(l)Maa aghnaa canhu maaluhu wa maa kasaba(2)Sayaslaa naaran thaata lahabin(3)Wa imra'atuhu xammaalata al xadhabi(4)Fii jiidihaa xablun min mmasadi(5)" Suuradda macneheedu waxaa weeye: "Bismi Allaahi Al Rraxmaani Al Rraxiimi. iyo wuxuu Waxaa khasaaray labad gacnood ee Abuu أبو لهبLahab -ujeedaduna waa isagoo idil(1 ) Waxna uma tarin maalkiisa kasbada toona, oo cathaabta Ilaahay kama ayan celin karaan(2)Wuxuuna gelayaa Naar, waa dabee, olol leh, waa holocee(3)Haweentiisuna, midda qoryaha xambaari jirtay, oo intay qoryaha qodax leh iyo qodax qaaddo ayay waxay dhigi jirtay dariiqa uu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, maro oo gurigiisa ka baxa, si ay u cirba goyso. Ayaduna Naar ololeysa ayay geleysaa( 4 )Luqunteedana waxaa ku xiran silsilad bir ka sameysan oo toddobaatan diraac ah oo inta afkeeda ka gasha dabadeeda kasoo baxaysa inta kasoo hartana qoorta loogu duubayo. Masadka waxaa kaloo la yiraahdaa liifka gedaha laga falkiyo( 5)". Cutaybah ina Abuu Lahab\ عتيبة إبن أبي لهبlibaax ayaa cunay Markay Suuraddaas Tabbat\ تبتsoo degatay ayuu Abuu Lahab\ أبو لهبintuu labadiisa wiil u yeeray ayuu wuxuu ku yiri: "Madaxaygu madixiinna waa ka xaaraan -oo macneheedu yahay ha ii soo dhowaanina, ayadoo ay labada is jecel hal barkin wada barkadaan-, haddaydnaan labada gabdhood e.e Muxammad (Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam) furin." Markaasey amarkiisa yeeleen oo labada gabdhood fureen, ayagoo aan weli la aqal gelin. Ibnu abii Khathmah\ إبن أبي خيثمةwuxuu Qataadah\ قتادةka wariyay inuu Cutaybah عتيبةmarkuu Ummu Kulthuum\ أم كلثومfuray uu Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u yimid, oo uu ku yiri: "Diintaada waan ku kufriyey -oo macneheedu yahay inuu gaalnimadiisa ku taagnaanayo, isagoo aan horeba u islaamin-, gabadhaadana waan furay. Sababtaas daraadeed ayaadana adiguna ii jeclayn, aniguna aanan kuu jeclayn." Hadalkiisaasna wuxuu salka ku haya oo ku dhisan yahayba gaalnimo iyo cinaad. Markuu intaas yiri ayuu intuu Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku dhegey ayuu khamiiskiisa jeexay, sida Qataadah\ قتادةlaga wariyay. Markuu sidaas falayo, Cutaybah عتيبةwuxuu u socdaa Shaam\الشام, oo uu ganacsi u aadayaa. Markaasuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri: "."أما إني أسأل هللا أن يسلط عليك كلبه 66 "Ammaa innii as'alu Allaahu an yusallidha calayka kalbahu." Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Aniguna waxaa Ilaahay ka baryayaa inuu kugu sallido -waa kugu diree- eygiisa, oo uu ku dilo." Al Xaakimna\ الحاكمwuxuu wariyay riwaayad oraneysa inuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam yiri: "."أللهم سلط عليه كلبا من كالبك "Allaahumma! Sallidh calayhi kalban min kilaabika", oo macneheedu yahay: "Ilaahayow ku sallidh, oo ha cuno, ey eeyahaaga ka mid ah." Abuu Dhaalib\أبو طالب, oo markaas goob joog ahaa ayaa wuxuu markaas Cutaybah \ عتيبةku yiri, isagoo habaarkaas ka calool xumaaday: "."ما كان أغناك عن دعوة ابن أخي “Maa kaana aghnaaka can dacwata ibna akhii.” Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Yaa kaa celinaya, Cutaybahowعتيبة, habaarka wiilka walaalkay?" isagoo ogsoon inuu Ilaahay Tacaalaa ducada Nabigiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, aqbalayo. Markaas kaddib ayuu Cutaybah عتيبةwuxuu rag ganacsado ah oo Quraysh\ قريشah ula safray xagga arliga Shaam\الشام. Markaasey waxay degeen meel Shaam\ الشامku taalla oo la yiraahdo Al Zarqaa'\الزرقاء, markay habeen noqotay. Markaasaa waxaa habeennimadaas ku dul wareegtay libaax. Markaasuu Cutaybah عتيبةwuxuu yiraahdaa, oo uu ku celceliyaa: " أقاتلني ابن أبي كبشة وهو بمكة وأنا بالشام!؟، كما دعى علي محمد، هو وهللا آكلي،"يا ويل أمي “Yaa wala ummii, huwa wa Allaahi aakilii, kamaa dacaa calayya Muxammadun, aqaatilinii ibnu abii Kabshah wa huwa bi Makkah wa anaa bi Al Shaami?!” Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Hooyaday way hoogtay -oo macneheedu yahay: waan ka dhimanayaa, ayaadana ii sababtay inaan falo waxaan falay, oo markaan amarkeeda yeelayna, oo ahaa inaan gabadha furo, waxaa u sugnaatay inaan halligmo, oo ay sidaas igu waydo-. Wa Allaahi libaaxaani aniguu i cunayaa, siduu Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, iigu habaaray. Ma wuxuu ibnu Abi Kabshah -oo uu ka wado Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ayadoo ay gaalada qaarkood sidaas ugu yeeri jireen- i dilayaa isagoo Makkah\ مكةjooga, aniguna aan Shaam \ الشامku suganahay!" 67 Markaasuu libaaxu inta dadka kale soo dhaafay ayuu isaga weeraray, oo markuu u yimid uu madaxiisa afka gashaday oo uu burburiyay. Riwaayad kalena waxay warisay sidatan: "Markaasuu libaaxu yimid, oo uu wajiyada ragga urursaday. Markaasuu intuu saynta laabtay oo uu isku guda celiyay uu Cutaybah عتيبةkusoo booday oo uu markaas mar keli ah ku dhuftay oo uu googooyey. Markaasuu Cutaybah عتيبةwuxuu yiri: "."قتلني “Qatalanii.” Oo macnihiisu yahay: "Wuu i dilay". Kaddibna wuu dhintay." Riwaayad kalena waxay warisay inuu libaaxu ragga kale kasoo kor tillaabsaday, oo markuu Cutaybah عتيبةu yimid, uu madaxa ka qabtay oo uu burburiyay. Waxaana riwaayaddaan wariyay Al Duulaabii\الدوالبي, ahna al xaafith Abuu Bishr\الحافظ أبو بشر. Libaaxa waxaa ey loo yiri inuu sida eyga oo kale markuu kaadshayo uu lugta kor u qaado, siduu Al Dimyarii\ الدميريu yiri. Abuu Nucaym\ أبو نعيمwuxuu wariyay riwaayad kale, uuna ka wariyay Al Asada bin Habaar األسد \بن هبار, oo yiri: "Abuu Lahab\ أبو لهبiyo wiilkiisa Cutaybah عتيبةayaa waxay isku diyaariyeen Safar ganacsi ee Shaam\الشام. Markaasaan aniguna raacay. Kaddib waxaan ku degannay meel u dhow guri uu deggan yahay nin raahib\ راهبah, waa wadaad krishtaan ahe. Markaasuu raahibku wuxuu yiri: "Maxaa meeshaan idin dejiyay? Meeshaan waxay leedahay dugaag wax cuna". Markaasaa Abuu Lahab\ أبو لهبwuxuu yiri: "."أنتم عرفتم سني وحقي “Antuma caraftum sinnii wa xaqqii.” Oo macnihiisu yahay: "Adinku waxaad ogsoontihiin da'deyda iyo xaqqaygaba!" Waxaan niri: "Haa". Wuxuu yiri: ". ثم افرشوا عليها وناموا حوله، فاجمعوا متاعكم على هذه الصومعة،"إن محمدا دعا على ابني “Inna Muxammadan dacaa calaa ibnii, fa ajmacuu mataacakum calaa haathihi al sawmacati, thumma afrishuu calayhaa wa naamuu xawlahu.” Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Muxammad\محمد, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wiilkeyga ayuu habaaray. Marka, alaabtiinna waxaad wada keentaan guriga wadaadkaan dhexdiisa. Markaas alaabta korkeeda u 68 gogla, kaddibna hareerihiisa seexda." Sidaas ayaanna yeelnay. Cutaybahna\ عتيبةwuxuu seexday alaabta korkeeda. Markaasaa waxaa yimid libaaxa, oo markaas wajiyadeenna urursaday, kaddibna wuxuu ku booday alaabteenna korkeeda, oo uu markaas (Cutaybah )عتيبةmadaxa ka gooyey, uuna isla saacaddaasba meeshaas ku dhintay. Markaasaan daba galnay libaaxa waana waynay." Guurka Ummu Kulthuum\أم كلثوم Al Bukhaarii\ البخاريwuxuu Amiiru Al Mu'miniina Abuu Xafs Cumar ibnu Al Khadh-dhaab أمير \المؤمنين أبو حفص عمر بن الخطاب, Allaha raalli ka noqdo isagana wax raalli geliyay siiyee, ka wariyay inuu yiri: "Waxaan usoo jeediyey Abuu Bakar\ أبوبكرinuu Xafsah\ حفصةguursado. Markaasuu iga aamusay. Markaasaan waxaan la kulmay Cuthmaan\ عثمان-waana kaddib markay Ruqayyah\رقية, gabadha Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka dhimatay-markaasaan usoo jeediyay inuu Xafsah حفصةguursado -oo ah gabadha uu Cumar عمرdhalay, oo uu ninkeedii ka dhintay-. Markaasuu wuxuu yiri: "Waa ka fiirsanayaa." Markaasuu dhawr habeen joogay, kaddibna uu yiri: "Waxay iila muuqatay inaanan maantadaan guursan." Markaasuu Cumar عمرwuxuu Abuu Bakar\ أبوبكرiyo Cuthmaan\ عثمانkala kulmay u sheegay Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Markaasuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu Cumar عمرku yiri: ". ويتزوج عثمان من هي خير من حفصة،"يتزوج حفصة من هو خير من عثمان "Yatazawwaju Xafsah man huwa khayrun min Cuthmaana, wa yatazawwaju Cuthmaanu man hiya khayrun min Xafsah." Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Waxaa Xafsah حفصةguursanaya mid isagu ka khayr badan Cuthmaanعثمان. Cuthmaanna عثمانwuxuu guursanayaa mid ayadu Xafsah حفصةka khayr badan." Markaasu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Xafsah guursaday,oo ay sidaas Ummu Al Mu'miniina\ أم المؤمنينhooyadeen ku noqotay. Cuthmaanna عثمانwuxuu guursaday gabadha Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Ummu Kulthuum\أم كلثوم. Xadiithkaan ayay culummadu u daliilsadaan inay gabdhihiisu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka fadli badan yihiin haweenkiisa. Ummu Kulthuum\ أم كلثومwaxay Amiiru Al Mu'miniina Cuthmaan bin Caffaan "Thuu Al Nuurayni"\" أمير المؤمنين عثمان بن عفان "ذا النورينguursatay bisha Rabiicu Al Awwal\ربيع األول 69 ee sanadka saddexaad ee Hijrada, caruurna uma ayan dhalin. Ibnu Sacad\ إبن سعدwuxuu wariyay inuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Cuthmaan\ عثمانku yiri markay Ruqayyah\ رقيةka dhimatay: ". زوجتك أخرى، لو أن عندي مأة بنت يمتن واحدة بعد واحدة،"والذي نفسي بيده "Wa Allathii nafsii bi Yadihi, law anna cindii mi'atu bintin yamutna waaxidatan bacda waaxidatin, zawwajtuka ukhraa". Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Waxaan ku dhaartay Midkay nafteydu Gacantiisa ku jirto, haddaan lahaan lahaa boqol gabdhood oo ay middoodba tan kale dabadeeda dhimato, hadba mid kale ayaan kuu guurin lahaa." Taasoo ammaan wayn iyo faan Cuthmaan عثمانu ah, kana mid ah manaaqibtiisa. Wuxuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, hadalkiisaas ku xoojiyay isagoo yiri: ". أخبرني أن هللا يأمرني أن أزوجك،"هذا جبريل "Haathaa Jibriilu, akhbaranii anna Allaaha ya'murunii an uzawwijakahaa", oo macneheedu yahay: "Kani waa Jibriil oo ii sheegay inuu Ilaahay igu amrayo inaan -Ummu Kulthuum- kuu guuriyo." Waxaa Xadiithkaan wariyay Al Fadaa'ilii\الفضائلي. Ibnu Mundah\ إبن مندهwuxuu Ummu Cayaash\ أم عياشka wariyay, oo ahayd mawlada Ruqayyah \ رقيةgabadha Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, inay tiri: "Waxaan maqlay Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo leh: "."ما زوجت عثمان أم كلثوم إال بالوحي من السماء "Maa zawwajtu Cuthmaana Ummu Kulthuuma illaa bi waxyin mina Al Ssamaa'i." Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Uguma aanan guurin Cuthmaan Ummu Kulthuum waxaan ahayn waxyi Samada ka yimid." Abuu Hurayrah\ أبو هريرةwuxuu wariyay inuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: وعلى مثل، "إن هللا يأمرك أن تزوج عثمان أم كلثوم على مثل صداق رقية: فقال،"أتاني جبريل ".صحبتها "Ataanii Jibriilu, fa qaala: "Inna Allaaha ya'muruka an tuzawwija Cuthmaana Ummu Kulthuuma calaa mithli sadaaqi Ruqayyah, wa calaa mithli suxbatihaa." Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: 70 "Waxaa ii yimid Jibriil\ جبريلoo yiri: "Ilaahay wuxuu ku amrayaa inaad Cuthmaan عثمانugu guurisid Ummu Kulthuum أم كلثومmeher la mid ah meherkii Ruqayyah رقيةiyo suxbo la mid ah suxbadeeda." Labadaanba waxaa wariyay ibnu Mundah\إبن منده. Dhimashada Ummu Kulthuumأم كلثوم Ummu Kulthuum أم كلثوم, gabadha Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxay dhimatay bisha Shacbaan\ شعبانee sanadka todoobaad ee Hijrada, ayadoo u dhaxda Amiiru Al Mu'miniina Cuthmaan bin Caffaan "Thuu Al Nurayni" أمير المؤمنين عثمان بن عفان "ذو \"النورين, Allaha raalli ka wada noqdee. Ummu Kulthuum أم كلثومwaxaa dhaqay Asmaa' bintu Cumays\أسماء بنت عميس, Allaha raalli ka noqdee, ahaydna haweenta Jacfar bin Abii Dhaalib\ جقفر بن أبي طالبoo isagoo qaba la dilay. Dabadiisna waxaa guursaday Abuu Bakar Al Siddiiq\أبوبكر الصديق, oo ay u dhashay wiilkiisa Muxammad ibnu Abuu Bakar Al Siddiiq\محمد بن أبي بكر الصديق. Abuu Bakar\ أبوبكرwaxaa la oofsaday ayadoo u dhaxda. Markaasaa waxaa guursaday Calii bin Abii Dhaalib\علي بن أبي طالب, waxayna u dhashay laba wiil oo la kala yiraahdo Yaxyaa bin Calii\ يحيى بن عليiyo Cawn bin Calii\عون بن علي. Asmaa' أسماءaabeheed waxaa la yiraahdaa Cawf bin Zuhayr bin Al Xaarith\عوف بن زهير بن الحارث oo qabiilka Kinaanah\ كنانةu dhashay. Asmaa' أسماءwaa walaasha la dhalatay Ummu Al Mu'miniina Maymuunah binti Al Xaarith Al Hilaaliyyah\أم المؤمنين ميمونة بنت الحارث الهاللية, haweenta Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo ay isku hooyo yihiin. Waxay kaloo ay walaalo yihiin, oo ay wada dhasheen Lubaabah Ummu Al Fadl \لبابة أم الفصل, haweenta Al Cabbaas\العباس, Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, adeerkiis, waxayna ahaayeen sagaal gabdhood oo wada dhashay, isku wada hooyana ah, uuna Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka yiri: "."األخوات مؤمنات "Al akhwaatu mu'minaatun", oo macneheedu yahay: "Gabdhaha walaalaha ahi waa mu'minaat." Xadiithkana waxaa wariyay Al Xaakim\ الحاكمiyo Al Dhabarii\ الطبريiyo ibnu Sacad\إبن سعد. Waxaa kaloo Ummu Kulthuum\ أم كلثومwax ka dhaqday Safiyyah bintu Cabdu Al Mudh-dhalib \صفية بنت عبد المطلب, siduu ibnu Sacad\ إبن سعدu wariyay. Waxaa ayaduna go ob joog ahayd Ummu Cadhiyyah\أم عطية, oo ahayd haweenta maydka 71 haweenka dhaqi jirtay, siduu ibnu Xajar\ إبن حجرu wariyay. Ummu Cadhiyyah أم عطيةwaxay tiri, ayadoo ay Xadiithkaan wariyeen Al Bukhaarii\ البخاريiyo Muslim\ مسلمiyo Maalik\مالك: "Waxaa noo soo galay Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, marka gabadhiisa la oofsaday, wuxuuna yiri: واجعلن في اآلخرة، بماء وسدر، أو أكثر من ذلك إن رايتن ذلك، أو سبعا، أو خمسا،"أغسلناها ثالثا ". فإذا فرغتن فاذناني.كافورا "Aghsilnahaa thalaathan, aw khamsan, aw sabcan, aw akthara min thaalika in ra'aytinna thaalika, bi maa'in wa sidrin, wa ajcalni fii al aakhirati kaafuuran. Fa ithaa faraghtunna fa athinnanii." Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Waxaad dhaqdaan saddex goor, ama shan, ama toddoba, ama intaas ka badan hadday idinla noqoto in loo baahan yahay, kuna dhaqa biyo iyo sidr -oo ah dhir hilibka jirka isku qabata-. Marka u dambeysana waxaad biyahaad ku dhaqaysaan ku dartaan dhirta kaafuurka \ كافور-oo ah dhir carfoon, oo jirka carfineysa, jirkana qaboojineysa, siineysana xoog, iskuna hayneysa, xasharaadkana ka eryeysa-. Markaad kasoo jeesataanna isoo ogeysiiya." Markaasaan markaan kasoo jeesannay, ayaan ogeysiinnay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Markaasuu wuxuu noo soo tuuray go'iisa wuxuuna yiri: "."أشعرنها إياه "Ashcarnahaa iyyaahu", oo macneheedu yahay: "Jirkeeda ku duuba oo kafanta ka xijiya", oo kafanta go'a korkiisa ku duuba." Ibnu Xajar Al Casqalaanii\ إبن حجر العسقالنيwuxuu yiri: "Waxaa la yiri xikmada ku jirta inuu bixinta go'a dib ugu dhigay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ilaa ay dhaqiddeeda kasoo jeestaan waxaa weeye, oo uusan marka horeba ugu dhiibin, inuu go'u ahaado mid markaasba isaga jirkiisa kariimka ah, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, kasoo wareegay, oo markuu jirkiisa kasoo wareegayo uuna keeda usoo wareegayo uusan waqti kala gooya u dhexeyn. Arrinkaan ayaana ah asliga uu ku fadhiyo in ragga saalixiinta ah woxooda laga barakeysto." Waa intaas warka Ibnu Xajar Al Casqalaani\ إبن حجر العسقالني. Ummu Cadhiyyah\ أم عطيةwaxay tiri, siduu Al Bukhaarii\ البخاريXafsah\ حفصةuga wariyay: "Markaasaan u shanleynnay, una yeelnau saddex tidcood oo waaweyn, ahna galaamidda timaha, aan xagga dambe ee madaxeeda ku dhejinnay", ayagoo oofinaya amarkiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo ku yiri: "."واجعلن لها ثالثة قرون 72 "Wa ajcalna lahaa thalaathata quruunin", oo macneheedu yahay: "Waxaadna u yeeshaan saddex tidic oo waaweyn." Ummu Kulthuum\أم كلثوم, gabadha Nabi Muxammad, Sallaa Allaau Calayhi Wasallam, waxaa lagu duugay xabaalaha Al Madiinah Al Munawwarah\ المدينة المنورةee la yiraahdo Al Baqiic \البقيع, godkeedana waxaa galay Calii bin Abii Dhaalib\ علي بن أبي طالبiyo Al Fadlu bin Al Cabbaas\ الفضل بن العباسiyo Usaamah bin Zayd\أسامة بن زيد, Allaha dhamaantood raalli ka noqdee. Waxaa sidaas wariyay Al Waaqidii\الواقدي. Al Bukhaarii\ البخاريwuxuu Anas bin Maalik\ أنس بن مالكka wariyay inuu yiri: "Waxaan goob joog ka ahayn duugidda gabadha Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, RasuuIka Ilaahayna, Nabiguna, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam wuxuu fariistay qabriga dushiisa, ayadoo ay labadiisa indhood ilmo ka hooreyso, wuxuuna yiri: ""هل فيكم من أحد لم يفارق الليلة؟ "Hal fiikum min axadin lam yufaariq allaylata?" Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Ma idinku jiraa mid aan xalay gogol gelin? Markaasuu Abuu Dhalxah\ أبو طلحةyiri: "Aniga". Markaasu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku yiri: "."أنزل قبرها "Anzil qabrahaa", oo macneheedu yahay: "Qabrigeeda hoos ugu dego." Markaasuu ku degay. Taasi waxay ishaaro u tahay inay habboon tahay inuu maydka qabriga geliyo qof macaansiga muddo moog, haba ahaado nin ay haweentiisu dhimataye, ayadoo uu Cuthmaan \ عثمانmarkaas goobjoog yahay. Cuthmaan\ عثمانhabeenkaas wuxuu la gogol galay, siduu u wariyay ibnu Xabiib\إبن حبيب, gabar addoon ah oo uu leeyahay. Sidaas ayaa Ummu Kulthuum\أم كلثوم, gabadha Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, loo duugay. 73 Toddoba. Faadhimah\فاطمة, Sallaa Allaahu Calayhaa Wasallam Faadhimah فاطمةwaa gabadha Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Manaaqibta iyo tilmaamaha ay leedahay oo sarreynta makaankeeda tilmaamaya, mudanna in lagu ammaano, lama tirin karo, oo halkaan laguma soo koobi karo, oo kitaab dhan ama kutubbo badan ayay u baahan yihiin. Aniguna isku dayi mayo inaan halkaan intooda badanba ku sheego ee wax yar ayaan kasoo qaadaneynnaa. Waxaaba Faadhimah فاطمةammaan ugu filan inay tahay haweeneyda ummaddaan ugu khayr badan, iyo inay Caa'ishah\ عائشةtiri: "."ما رأيت أحدا قط أفضل من فاطمة غير أبيها “Maa ra’aytu axadan qadh-dh afdala min Faadhimah ghayra abiihaa.” Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Ma aanan arag waligay qof Faadhimah ka fadli badan, oo ka sarreeya, oo aan aabeheed ahayn, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam." Al Dhabraanii\ الطبر انيiyo ghayrkiiisba waxay wariyeen inuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Faadhimah فاطمةku yiri: ". ويرضا لرضاك،"إن هللا يغضب لغضبك "Innaa Allaaha yaghdibu li ghadabika, wa yardaa li ridaaka." Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Ilaahay waxaad u carooto Isaguna wuu u caroodaa, waxaad raalli ka noqotana raalli ayuu ka noqdaa." Ibnu Xajar\ إبن حجرwuxuu Al Isaabah\ اإلصابةku wariyay inay Faadhimah فاطمةkoofaarteedu ahayd "Ummu abiihaa\ "أم أبيهاoo macneheedu yahay: "Hooyada aabeheed". Faadhimah فاطمةwaxay dhalatay sanadka kow iyo afartanaad ee dhalashada Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, kasoo wareegatay, waana Nabinnimada kaddib, siduu u wariyay Abuu Cumar ibnu Cabdu Al Barr\أبو عمر إبن عبد البر, oo ka wariyay Cubaydu Allaaahi bin Muxammad bin Sulaymaan bin Jacfar Al Haashimii عبيد هللا بن محمد بن سليمان بن جعفر \الهاشمي. Faadhimaha فاطمةwaxay Caa'isha\ عائشةka da' wayntahay qiyaas shan sano. Waxaa Cabdu Allaahi ibnu Mascuud\ عبد هللا بن مسعودlaga wariyay inuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: 74 "."إنما سميت فاطمة ألن هللا فطمها وذريتها عن النار يوم القيامة "Innamaa summiyat Faadhimah li anna Allaaha fadhamahaa wa thurriyatahaa cani Al Nnnaari Yawma Al Qiyaamati." Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Waxaa Faadhimah فاطمةloogu bixiyey maxaa yeelay Ilaahay wuxuu ka reebay ayada iyo dhasheedaba Naarta Maalinta Qiyaame", oo erayga al fadhmu\ الفطمwaxaa la yiraahdaa al mancu المنعoo ah ka reebidda. Sidaas ayaa marka ilmaha naaska laga gooyo waxaa la yiraahdaa fudhima\فطم, oo ah naaska ayaa laga gooyey. Arrinkaan waxaa Faadhimah فاطمةiyo intay dhashayba oo ayada ku abtirsata ugu sugan bishaaro wayn iyo inay islaannimo ku dhimanayaan, Naarna ayan geleyn, muslinkoo idil Allaha ka fogeeyee. Waxaa kaloo wariyay Xadiithkaan ibnu Casaakir\ إبن عساكرiyo ghayrkiisba. Al Ghassaanii الغسانيiyo al Khadhiib\ الخطيبwaxay wariyeen inuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: "."سميت فاطمة ألن هللا فطمها ومحبيها عن النار "Summiyat Faadhimah li anna Allaaha fadhamahaa wa muxibbiihaa cani Al Nnnaari." Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Waxaa Faadhimah loogu bixiyay ayadoo uu Ilaahay ayada iyo inta jecelba Naarta ka mamanuucay, oo ayan geleyn weeye." Allow naga mid dhig kuwa ayada iyo dhasheedaba jecel." Xadiithkaanna waxaa bishaaro ugu jirtaa qof kasta oo muslin aah oo Faadhimah فاطمة, gabadha Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, jecel. Faadhimah فاطمةwaxaa kaloo lagu koofaaraa Al Batuul\البتول, looguna bixiyey ayadoo ka sare martay oo ka go'day haweenka zamankeeda, xagga fadliga iyo sarreynta iyo diinta iyo gobannimada iyo laan dheeraantaba, ayadoo kaddib marka walaaleheed la oofsaday, ayan adduunka jirin haweeney fadligaas la wadaagta. Waxaa kaloo la yiri waxaa Al Batuul\ البتولloogu bixiyay, siduu ibnu Al Athiir\ إبن األثيرu yiri, go'iddeeda ay Ilaahay Tacaalaa u go'day, ayadoo adduunkaan ka go'day, oo al tabattul waa go'idda, sidayba non sheegtay Aayadda sideedaad ee Suuratu Al Muzammil\سورة المزمل, oo uu Ilaahay Tacaalaa ku yiri: )8( يًل ً ِِّك َورََبرَّ ْل إِلَ ْي ِه رَْبر َ اس َم َرب ْ َوا ْذ ُك ِر "Wa athkur Isma Rabbika wa tabattal I1ayHi tabtiilan(8)", oo macnheedu yahay: "Xusna magaca Rabbigaa, cibaadadiisana u go'(8)." 75 Faadhimah waxaa kaloo la yiraahdaa Al Zahraa'a\الزهراء, looguna bixiyey midabkeeda oo ahaa caddaan nuuraya. Guurka Faadhimah\فاطمة Faadhimah\ فاطمة, gabadha Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxay guursatay Amiiru Al Mu'miniina Al Imaamu Calii bin Abii Dhaalib bin Cabdu Al Mudh-dhalib bin Haashim Al Haashimii\أمير المؤمنين علي بن أبي طالب بم عبد المطلب بن هاشم الهاشمي, Sallaa Allaahu Calayhim Wasallam, bisha Muxarram\ محرمee sanadka saddexaad ee Hijrada. Taariikho kalena waa la sheegay, aanse ka fogeyn middaan. Waxaa kaloo la yiri waxay guursatay afar bilood iyo nus kaddib markuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Caa'ishah \ عائشةla aqal galay, tanoo ahayd bisha Shawwaal\ شوالee sanadka labaad ee Hijrada, oo markaas ku beegan nuska bisha Safar\صفر, ama toddoba bilood Hijrada dabadeed. Calii عليwuxuu Faadhimah فاطمةla aqal galay toddoba bilood iyo nus nikaaxa dabadiis, taasoo ku beegan bisha Shawwaal\ شوالee sanadka saddexaad ee Hijrada. Waxaa kaloo la yiri: bal wuxuu guursaday bisha Safar\ صفرee sanadka labaad, wuxuuna la aqal galay bisha Thuu Al Xijjah\ ذوالحجةee ay labo iyo labaatan bilood kasoo wareegteen Hijrada. Ibnu Sacad\ إبن سعدwuxuu wariyay inuu Calii عليguursaday bisha Rajab\ رجبee sanadkay Al Madiinah Al Munawwarah\ المدينة المنورةyimaadeen, wuxuuna la aqal galay markay duullaanka Badar\ غزوة بدرkasoo laabteen. Faadhimah فاطمةwaxay Calii عليku guursatay amarka Ilaahay, oo wuxuu Al Dhabraanii \ الطبرانيwariyay inuu Nabi Muxammad, Sallallaahu Calayhi Wasallam, yiri: "."إن هللا أمرني أن أزوج فاطمة من علي "Innaa Allaaha amaranii an uzawwija Faadhimah min Calii." Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Ilaahay wuxuu i amray inaan Faadhimah فاطمةu guuriyo Calii علي." Markaas ay guursaneyso, waxay Faadhimah فاطمةjirtaa shan iyo toban sano iyo shan bilood iyo nus, siduu ibnu Cabdu Al Barr\ إبن عبد البرu wariyay. Calina عليwuxuu markaas jiraa afar iyo labaatan sano iyo bil iyo nus. Intaasoo taariikhood midday ahaydna Ilaahayga aan waxba ka qarsooneyn ayaa og. Siduu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam Faadhimah فاطمةu jeclaa Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, caruurtiisa oo idil wuu jeclaa, wuxuuna Al Tarmathii\ الترمذيiyo al Xaakim\ الحاكمay Usaamah\ أسامةka wariyeen inuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: 76 "."أحب أهلي إلي فاطمة "Axabba ahlii ilayya Faadhimah" فاطمة, oo macneheedu yahay: "Ehelkeyga waxaan ugu jeclahay Faadhimah." Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: "Waxa ugu xoog badan oo taas loo daliilsan karo ay tahay inuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: "."إنها سيدة نساء العالمين إال مريم "Innahaa sayyidatu nisaa'i al caalamiina illaa Maryama." Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Aayadu – Faadhimah فاطمة- waa Sayyidda, waana hoggaamiyasada madaxda u ah haweenka caalamiinta, intaan Maryama\ مريمahayn" Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasalla, saddexdiisa gabdhood oo kale, waxaa la oofsaday oo ay dhinteen ka hor intuusan isagu adduunkaan ka tegin, oo sidaas ayay ayagu isaga saxiifadiisa ugu jiraan oo musiibadaaas iyo dhibaatada ku timid dhimashada ubadkiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, iyo sabarka uu u sabray ajar looga siinayaa. Nabiguse, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu adduunkaan ka tegey ayadoo ay Faadhimah فاطمةnooshahay, oo sidaas ayuu isagu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ayada saxiifadeeda ugu jiraa, oo musibadaas ku timid oo ah waayidda aabeheedii Nabiga iyo RasuuIka Ilaahay ahaa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, iyo sabridda ay musiibadaas u sabartay, ayaa looga ajar siinayaa. Qiimaha waynta aabahaasna, oo ah Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Ilaahay Tacaalaa keli ah ayaa qadarkeeda og. Abuu Jacfar Al Dhabarii\ أبو جعفر الطبرانيwuxuu tafsiirkiisa ku wariyay inay Faadhimah فاطمةtiri: "أأخبرك بسر رسول: ثم ناجاني فضحكت فسألتني عائشة فقلت، فبكيت،"أنه صلى هللا عليه وسلم ناجاني وأنه لم ترزأ، "احسب أني ميت في عامي هذا: قال: فقالت، فلما توفى سألتني،"هللا صلى هللا عليه وسلم؟ "أنت سيدة نساء أهل: فقال،" فبكيت. فال تكوني مثل امرأة منهن صبرا،امرأة من المسلمين مثل ما رزئت ". فضحكت،"الجنة إال مريم “Ananahu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam naajaanii, fa bakaytu, thumma naajaanii fa daxiktu, fa sa’alatnii Caa’ishah fa qultu: “a’ukhbiriki bi sirri Rasuuli Allaahi Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam?” Falammaa tuwafaa sa’alatnii”. Fa qaalat: “qaala: “axsabu annii mayyitun fii caamii haathaa, wa annahu lam tazra’ imra’atun mina al muslimiina mithla maa ruz’iti, falaa takuunii mithla imra’atin mihunna sabran.” Fa bakaytu. Fa qaala: “Anti Sayyidatu nisaa’i ahli al jannati illaa Maryama.” Fa daxiktu.” Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Wuu ila faqay (waana aabeheed, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, markuu hayey xanuunbka loo oofsan doono), markaasaan ooyay. Markaasuu hadana ila faqay, markaasaan qoslay. 77 Markaasey Caa'ishah\ عائشةi waydiisey, waxaanna ku iri: "Miyaan sirta Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu CaIayhi Wasallam, kuu sheegaa?" Markaasey markii la oofsaday, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, hadana i weydiisay". Markaasey waxay tiri: wuxuu yiri: "Waxaan u maleynayaa inaan sanadkaan dhimanayo, ayanna jirin haweeney ka mid ah haweenka muslimiinta oo ay haleeleyso dhibaatada adigu ku haleeleysa mid la mid ah. Marka sabarkaagu yuusan la mid ahaanin ayaga sabarkooda -oo haweenka kale aabohood oo Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ah kama uusan bixin." Ibnu Cabdu Al Barr\ إبن عبد البرwuxuu yiri: "Faadhimah فاطمةwaxay ahayd midduu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, gabdhihiisa ugu jecel yahay (siduu Nabiga laftiisuba, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u yiriba: "."أحب أهلي إلي فاطمة "Axabba ahlii ilayya Faadhimah" oo ah macneheedu yahay: "Ehelkeyga waxaan ugu jeclahay Faadhimah", wuxuuna ka dhunkan jiray afka , wuxuuna nuujin jiray carrabkiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, si ay calyadiisu calyadeeda ugu qasanto oo ay sidaas uurkeeda ku gasho. Hadduu socdaal u ambabaxayana, qofka ugu dambeeya oo uu sagootiyo oo ehelkiisa ka mid ahna waxay ahayd Faadhimah فاطمة. Markuu safarka kasoo noqdana, markuu laba rakco masjidka ku tukado, gurigeeda ayuu ugu hor geli jiray (Siduu Axmadna| أحمدThawbaan\ ثوبانuga wariyay)". Arooska Faadhimahفاطمة Sanadka labaad ee Hijrada ayay Faadhimah فاطمةwaxay guursatay Calii bin Abii Dhaalib علي \بن أبي طالب, Ilaahay wajigiisa ha karaameeyee. Al Dhabarii\ الطبريwuxuu sheegay inay guursatay bisha Safar\صفر, waxayna la aqal gashay bisha Thuu Al Xijjah\ ذوالحجةee isla sanadkaas, markay labo iyo labaatan bilood kasoo wareegeen Hijrada. Markaas ay guursaneyso Faadhimah فاطمةwaxay jirtaa shan iyo toban sano iyo shan bilood ama lix bilood iyo nus. Caliina\ عليwuxuu markaas jiraa kow iyo labaatan sano iyo shan bilood. Calii \ عليFaadhimah\ فاطمةhaween kale lama uusan guursan, mana uusan guursan ilaa ay Faadhimah\ فاطمةka dhimato. Furashada Makkah\ مكةkaddib ayuu Calii\ عليdoonay Juwayriyyah\جويرية, gabadha uu dhalay Abuu Jahahlأبوجهل, uuna doonay inuu Faadhimah فاطمةla guursado. Markaasey Faadhimah فاطمةwaxay aabeheed ku tiri: ". وهذا علي ناكح بنت أبي جهل، التغضب لبناتك،"زعم قومك أنك 78 “Zacama qawmuka annaka laa taghdibu li banaatika, wa haathaa Caliyyun naakixun binta Abii Jahl.” Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Dadku waxay leeyihiin in gabdhahaaga marka lagu xadgudbo aadan ka caroon. Midkaanna waa Calii\ عليoo guursanaya gabadha Abuu Jahal." Markaasuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, intuu istaagay masjidka dhexdiisa, oo uu asha-haatay ayuu wuxuu yiri: فمن أغضبها. وإن فاطمة بضعة مني. ووعدني فوفى لي. فحدثني فصدقني،"إني أنكحت أبا العاصي ". وهللا ال تجتمع بنت رسول هللا وبنت عدو هللا عند رجل واحد. وإني أكره أن يسوءها.أغضبني "Innii ankaxtu Abaa Al Caasii, faxadathanii fa sadaqanii. Wa wacadanii fa wafaa lii. Wa inna Faadhimah badcatun minnii. Fa man aghdabahaa aghdabanii. Wa innii akrahu an yusuu'ahaa. Wa Allaahi laa tajtamicu bintu Rasuuli Allaahi wa bintu caduwwa Allaahi cinda rajulin waaxidin." Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Waxaan gabadheyda (waa Zaynab\ )زينبu guuriyey Abaa Al Caasii\أبا العاصي. Abuu Al Caasii أبا العاصيwuu ii warramay, runta ayuuna ii sheegay. Ballan ayuu iga qaaday, wuuna ii oofiyay. Faadumana فاطمةwaa cad aniga hilibkeyga ka mid ah, qofka ka careysiiyana aniguu iga careysiiyay, aniguna waa necbahay inuu dhibaateeyo, oo wa Allaahi \ وهللاinayan gabadha Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, iyo gabadha cadawga Ilaahay nin uusan wada qabi karin, oo ayan agtiisa ku kulmeyn." Waxaa sidaas u wariyay Al Bukhaarii\ البخاريiyo Muslim\مسلم. Intaas kaddib wuxuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Faadhimah فاطمةku yiri: "."أوما ترضين أن تكوني سيدة نساء المؤمنين "Awa maa tardiina an takuunii sayyidata nisaa'a al mu'miniina?" Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Miyaadan raalli ku ahayn inaad ahaato sayyidda hoggaamisa haweenka mu'miniinta?" Waxaa wariyay Muslim\مسلم. Axmad\ أحمدwuxuu wariyay inuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: "."أفضل نساء أهل الجنة "Afdala nisaa'a ahli al Jannati", oo macneheedu yahay: "Midda ugu sarreysa haweenka Jannada." Gabadhaas uu Abuu Jahal\ أبو جهلdhalay, dhacdadaas kaddib waxaa guursaday saxaabiga la 79 yiraahdo Cattaab bin Asiid bin Abii Al Ciisii bin Umayyah bin Cabdi Shams bin Cabdi Manaaf bin Qusayy bin Kilaab bin Murrah Al Qurayshiyyi Al Amawii عتاب بن أسيد بن أبي العاصي بن أمية بن \عبد شمس بن عبد مناف بن قصي بن كالب بن مرة القرشي األموي, oo isagoo kow iyo labaatan jir ah uu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Makkah\ مكةmarkuu furtay uu guddoomiye uga dhigay. Cattaab\ عتابmarkay qisadaas dhacday ayuu wuxuu yiri: "Anigaa dhibkeeda -waana Juwayriyyah\جويرية, gabadha Abuu Jahal\أبو جهل-idinka qaadaya", oo uu markaas guursaday. Cattaab\ عتابwaa ninkuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, markuu xilkaas guddoomiyennimada Makkah\ مكةu dhiibay, uu ku yiri, siduu Ibnu Al Athiir\ إبن األثيرu wariyay: ولو أعلم لهم خيرا منك استعملته. تدري على من استعملتك؟ استعملتك على أهل هللا عز وجل،"يا عتاب ".عليهم "Yaa Cattaab, tadrii calaa man istacmaltuka? Istacmaltuka calaa ahli Allaahi Cazza wa Jalla. Wa law aclamu lahum khayran minka istacmaltuhu calayhim." Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Cataabow\يا عتاب, ma ogsoon tahay dadka aan taladooda kuu dhiibay oo aan guddoomiye kaaga dhigay? Waxaan kuu dhiibay xilka ehelka Ilaahay\ هللاCazza\ عزwa وJalla\جل. Haddaan ogaan lahaa qof adiga kaa khayr badan oo an xilkooda u dhiibo, isagaan xilkooda u dhiibi lahaa." Taas waxay Cattaab\ عتابu tahay bishaaro iyo faan manaaqibtiisa ka mid ah. Anas\ أنسwaxaa laga wariyay inuu yiri: "Waxaa Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u yimid Abuu Bakar\أبوبكر, kaddibna Cumar\عمر, ayagoo doonaya Faadhimah فاطمة. Markaasuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka aamusay labadoodaba, uusan hadalna u celin, oo uusan u jawaabin. Markaasey labadooduba Calii\ عليu tageen, ayna ku amreen inuu isagu Faadhimah فاطمةdoono. Calii\علي wuxuu yiri: "Waxay igu baraarujiyeen arrin aan moogganaa. Markaasaan anigoo farax daraadiis go'ayga la jiidaya kacay oo aan Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u imid, waxaanna ku iri: "Faadhimah ma ii guurineysaa?" Wuxuu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: ""عندك شيئ؟ "Cindaka shay'un?" oo ah "Waxad meher ahaan u siisid ma haysataa?" Waxaan iri: "Faraskeyga iyo diraceyga, oo ah gaashaanka." Wuxuu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: ". وأما بدنك فبعها،"أما فرسك فالبد لك منها "Ammaa farasuka fa laa budda laka minhaa, wa ammaa badanaka fa bichaa." 80 Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Faraskaaga waa lagama maarmaan inaad leedahay, oo jihaadaka ayaad ugu baahan tahay, gaashaankase gad." Markaasuu Calii\ عليdiracaas wuxuu ka gaday Cuthmaan bin Caffaan\عثمان بن عفان, kana siiyey afar boqol iyo sideetan dirham. Kaddibna Cuthmaan عثمانgaashaankaas wuu usoo celiyay. Markaasuu Calii عليwuxuu Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ula yimid lacagtii iyo gaashaankiiba. Markaasuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Cuthmaan u duceeyey. Markaasaan dhabtiisa -waa lacagtiiye- Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam saaray. Markaasuu lacagta qaarkeed gacantiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku qabtay, wuxuuna yiri: ". إبتع بها لنا طيبا،"أي بالل "Ay Bilaal, ibtac bihaa lanaa dhiiban". Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Bilaalow, cadar noogu soo gad." Markaasuu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu amray in Faadhimah\ فاطمةla diyaariyo, oo loo aqal dhiso, wuxuuna u sameeyey sariir ka sameysan qoryo xargo la isku xirxiray, iyo barkin harag ka samaysan oo liif laga buuxiyay." Jaabir\ جابرwuxuu isaguna wariyay inay Faadhimah فاطمةgogosheedu habeenka la aqal geeyey ay ahayd wan haraggiisa, siduu ibnu Faaris\ إبن فارسu wariyay. Riwaayadda ibnu Isxaaqna\ إبن إسحاقwuxuu Calii\ عليka wariyay inuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: ""هل عندك شيئ؟ "Hal cindaka shay'un?" oo ah "Waxad meher ahaan u siisid ma haysataa?" Waxaan iri: "Faraskeyga iyo diraceyga, oo ah gaashaanka." Waxaan iri: "Maya". Markaasuu wuxuu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: ""فما فعل الدرع الذي صلحتكها؟ "Fa maa facala al dircu allathii sallaxtukahaa?" Xadiithka macnihiisu waxa weeye: "Maxaa ku dhacay gaashaankaan hub ahaan kuu siiyey?" Gaashaankaasu wuxuu ka mid ahaa maalkii Badar\ بدرlaga ghaniimaystay gaalada. 81 Axmad\ أحمدwuxuu isaguna Calii\ عليka wariyay inuu yiri: "Waxaan u kacay inaan Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka doono gabadhiisa. Markaasaan waxaan is iri: "Wa Allaahi iaanan maal lahayn." Kaddibna waxaan xusuustay siduu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam riximka u xiriiriyo, uguna noqnoqdo. Markaasaan ka doonay. Markaasuu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri: ""هل عندك شيئ؟ "Hal cindaka shay'un?" oo ah "Waxad meher ahaan u siisid ma haysataa?" Waxaan iri: "Maya". Markaasuu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri: ""فأين درعك الحطيمة اللتي أعطيتك يوم كذا وكذا؟ "Fa ayna dircuka Al Xadhiimah allatii acdhaytuka yawma kithaa wa kithaa?" Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "oo mee gaashaankaaga magaciisu yahay Al Xadhiimu\ الحطيمةoo aan ku siiyey maalin hebla iyo hebla?" Waxaan iri: "Waan haystaa." Wuxuu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: "."فاعطيها إياها "Fa acdhiihaa iyyaahaa" oo macneheedu yahay: "Hadaba isagaas ayada meher u sii." Markii Faadhimah فاطمةla aqal geynayey, ayuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu Calii\ عليku yiri: "."إذا اتتك فال تحدثي شيئ حتى آتيك "ithaa atatka fa laa taxdith shay'an xattaa aatiika." Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Markay kuu timaaddo waxba ha samayn, jeer aan kaaga imaado." Aqalkana waxaa diyaarisey saxaabiyadda Asmaa' bintu Cumays \أسماء بنت عميس, haweenta Jacfar bin Abii Dhaalib\جعفر با أبي طالب, Allaha dhamaantood raalli ka noqdee. Markaasey Faadhimah فاطمةaqalka timid ayadoo ay la socoto Ummu Ayman\أم أيمن, oo ay qolka dhinac kale ka fariisatay. 82 Markaasaa waxaa yimid Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, kaddib markuu Salaadda cishaha soo tukaday, wuxuuna yiri: ""أههنا أخي؟ "Ahaahunaa akhii?" oo macneheedu yahay: "Ma joogaa walaalkey?" Markaasey Ummu Ayman\ أم أيمنwaxay tiri: "Waxaad leedahay walaalkeeyow, adigoona gabadhaada u guurisay." Wuxuu , Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: "."نعم "Nacam" oo ah "Haa". Markaasuu intuu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, qolka galay, ayuu wuxuu Faadhimah فاطمة ku yiri: "."أأتني بماء "A'atinii bi maa'in", oo ah: "Biyo ii keen." Markaasey istaagtay, ayadoo xishood daraadiis maradeedaku turunturrootay, oo ay markaas kalax qori ka samaysan oo guriga dhex yiillay biyo kusoo shubtay, oo ay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u keentay. Markaasuu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, kalaxaas biyo ka cantuugay, uuna biyahaas afkiisa ku jira kalaxa dib ugu celiyay. Markaasuu wuxuu Faadhimah ku yiri: "."تقدمي "Taqaddamii", oo macneheedu yahay: "Hore usoo tillaabso oo ii soo dhowow". Markaasey soo hor istaagtay. Markaasuu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, biyahaas labadeeda naas dhexdooda uga rusheeyey iyo madexeedaba, wuxuuna yiri: "."أللهم إني أعيذها بك وذريتها من الشيطان الرجيم "Allaahumma innii uciithuhaa bika wa thurriyatahaa mina al shaydhaani al rrajiimi." Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Ilaahayow, Adiga ayaan ayada iyo ubadkeedaba shaydhaanka la rajmo oo la dhagaxyeeyo kaa magan geliyay." Intaas kaddibna wuxuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam hadana Faadhimah ku yiri: 83 "."أدبري "Adbirii", oo macneheedu yahay: "Sii jeeso." Markaasay sii jeesatay, oo ay aabeheed, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam dhabarkeeda xijisay. Markaasuu wuxuuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam biyaha ku shubay labadeeda garab dhexdooda. Intaas kaddib ayuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu Calii\ عليku yiri: "."أأتني بماء "A'atinii bi maa'in", oo macnihiisu yahay: "Biyo ii keen." Calii\ عليwuxuu yiri: "Markaasaan waxaan gartay wuxuu doonayo. Markaasaan kacay oo aan kalaxa biyo kasoo buuxiyay oo aan u keenay. Markaasuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam kalaxa biyo ka cantuugay oo uu afka ka buuxsaday, kaddibna uu biyahaas ku shubay madaxayga korkiisa iyo labadayda naas dhexdooda. Intaas kaddibna wuxuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam igu yiri: "."أدبر "Adbir", o macnihiisu yahay: "Sii jeeso." Markaasuu biyaha labada garab dhexdooda iiga shubay, kaddibna uu yiri: "."أللهم إني أعيذه بك وذريته من الشيطان الرجيم "Allaahumma innii uciithuhu bika wa thurriyatahu mina al shaydhaani al rrajiimi" oo macnihiisu yahay: "Ilaahayow, Adiga ayaan isaga iyo ubadkiisaba shaydaanka la rajmo oo la dhagaxyeeyo kaa magan gelinayaa." Intaas kaddib ayuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam Calii\ عليku yiri: "."ادخل باهلك بسم هللا والبركة "Udkhul bi ahlika bi Ismi Allaahi wa al barakah". Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Ugu gal ehelkaaga magaca Ilaahay iyo barakadiisa", siday Asmaa' binti Cumays \أسماء بنت عميس uga wariyeen Axmad\ أحمدiyo ibnu abii Xaatim\ إبن أبي حاتمiyo ghayrkoodba. 84 Ibnu Casaakir\ إبن عساكرiyo ghayrkiisba, sida abuu Al Khayr Al Qazwiinii\ أبو الخير القزوينيwaxay Anas\ أنسka wariyeen inuu Calii\ عليFaadhimah\ فاطمةdoonay, kaddib markay Abuu Bakar أبوبكرiyo Cumar\ عمرdooneen, oo uu markaas Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku yiri: "."قد أمرني ربي بذلك "Qad amaranii Rabbii bi thaalika", oo macneheedu yahay: "Rabbigay ayaa i amray inaan kuu guuriyo." Waliimada arooska Faadhimahaفاطمة Al Xaafith abuu Bishr Muxammad bin Axmad Al Raazii Al Duulaabii الحافظ أبوبشر محمد بن أحمد الرازي الدوالبيwuxuu Asmaa' binti Cumays\ أسماء بمن عميسka wariyay inay tiri: "Calii\ عليwuxuu arooska Faadhimah فاطمةu walimeeyey waliimo aan mid tiisa ka fiican waagaas la arag. Gaashaankiisa ayuu nin yuhuudi ah u rahmay, uuna kasoo qaatay hal wasaq oo shaciir ah nuskiis iyo timir iyo subag la isku daray, iyo al aqdhiاألقط, iyo wan Sacad سعدbixiyey iyo dhawr aasac oo haruur ah oo ay koox ansaarta ahi bixisay." Hal wasaq nuskiis, siduu ugu xisaabay Dr. Yuusuf Al Qardaawii\ د\يوسف القرضاويkitaabkiisa axkaamta Zakada\أحكام الزكات, wuxuu la mid yahay saddex iyo toban kiilo iyo lix boqol oo graam. Al Aqdhi األقطwaxaa la yiraahdaa jubnada fadhida oo adag, oo laga sameeyo caanaha hore loo subag bixiyay, afka ingiriiskana lagu yiraahdo cheese. Saac waa beeg, halkii saacna wuxuu u dhigmaa labo kiilo iyo boqol iyo lix iyo toddobaatan graamo. Aqaldhiska Faadhimahفاطمة Axmad\ أحمدwuxuu Manaaqibta Calii\ مناقب عليku wariyay inuu aqal dhiska Faadhimahفاطمة ahaa "kadiifad dhogor khafiif ah leh, iyo sibraar biyaha lagu shubto, iyo barkin harag ka samaysan liifna laga buuxiyay." Waxaa intaas dheer sariir ka sameysan qoryo xargo la iskula xiray (oo la mid ah sariirtay soomaalidu tahay "sariir caddiir ah") iyo joodari wan haraggiisa ka samaysan. 85 Caruurta Faadhimahفاطمة Faadhimah waxay Calii u dhashay shan cunug oo kala ah: Kow. Al Xasanu, wiilka Faadhimah\الحسن إبن فاطمة Faadhimahفاطمة, gabadha Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxay ku curatay oo ay Calii\ عليu dhashay Amiiru Al Mu'miniina أمير المؤمنينAl Xasanu\الحسن, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ahna sibdhiga\ السبطNabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ahna isaga iyo walaalkiis Al Xusaynu\ الحسينmadaxda shabaabta Jannada. Warbixinta Al Xasan\ الحسنiyo Al Xusayn\ الحسينkutubbo dhan ayay u baahantahay, oo halkaan uga warbixin maynno. Wuxuu ahaa ninka ugu horreeeya oo Carbeed oo magacaas loo bixiyo, ayadoo uu Ilaahay magacaas, isaga iyo walaalkiisba, u qariyay. Al Imaamu Al Xasanu\ اإلمام الحسنwuxuu dhashay nuska Ramadaan\ رمضانee sanadka saddexaad ee Hijrada, Nabiguna, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu ugu walqalay wan, timaha ayuuna ka xiiray, isaga iyo walaalkiisa Al Xusaynba \ الحسينoo uu culeyskooda oo qalin ah masaakiinta ku sadaqaystay. Jibriil\ جبريلayaa Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Jannada uga keenay go' xariirta Jannada ah oo uu magaca Al Xasanu\ الحسنku dhigan yahay. Al Xasanu\ الحسنayaa dadka ugu ekaa Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, madaxiisa ilaa laabtiisa. Al Xasanu\ الحسنwuxuu Amiiru Al Mu'miniina\ أمير المؤمنينahaa, waa boqorka dawladda islaamkee, lix bilood iyo labaatan maalmood, kaddibna wuxuu xukunka ku wareejiyay Mucaawiyah bin Abii Sufyaan\معاوية بن أبي سفيان. Kaddibna Al Xasan\ الحسنwaa la sumeeyey, oo uu Al Madiinah Al Munawwarah\المدينة المنورة ayuu ku dhintay, kaddib markuu afartan maalmood xanuunsanaa, sanadka sagaal iyo afartanaad ee Hijrada. Al Xasan\ الحسنwaxaa hooyadiis Faadhimah\ فاطمةlagula duugay Al Baqiic\البقيع. Labo. Al Xusaynu, wiilka Faadhimah\الحسين إبن فاطمة Faadhimah\فاطمة, gabadha Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxay kaloo Calii\ عليu dhashay Al Imaamu Al Xusaynu\اإلمام الحسين, sibdhiga\ السبطNabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Al Xusaynu الحسينwuxuu calool galay konton habeen dhalashada Al Xasan\ الحسنkaddib. Al Xasan الحسينiyo Al Xusayn\ الحسينiyo Muxassin\ محسنwaxaa saddexdoodaba magacda u bixiyay Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Markuu dhashay wuxuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ugu walqalay wan. Al Xusayn الحسينayaa dadka ugu ekaa Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, min laabtiisa ilaa lugihiisa. 86 Al Xusaynu الحسينwaxaa lagu dilay meesha la yiraahdo Karbalaa'\ كربالءee ku taalla dalka Ciraaq\ عراقsanadka kow iyo lixdanaad ee Hijrada. Qabriga Al Xusaynu الحسينmeeshuu ku yaallo Ilaahay Tacaalaa keli ah ayaa og. Waxaase loo badiyaa inuu isaguna Al Baqiic\ البقيعee Al Madiinah Al Munawwarah\ المدينة المنورةku duugan yahay hooyadiis iyo walaalkiis agtooda. Saddex. Muxassin, wiilka Faadhimah\محسن إبن فاطمة Faadhimah\فاطمة, gabadha Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxay kaloo Calii\ عليu dhashay wiil la yiraahdo Muxassinمحسن, oo isagoo yar dhintay. Dhicis ayuu ahaana waa la wariyay, siduu u wariyay Kitaabu Al Shajarati Al Nabawiyyah\كتاب الشجرة النبوية. Afar. Ummu Kulthuum, gabadha Faadhimah\أم كلثوم بنت فاطمة Faadhimah\ فاطمةwaxay kaloo Calii\ عليu dhashay gabar la yiraahdo Ummu Kulthuum أم كلثوم. Ummu Kulthuum أم كلثومwaxaa Calii عليkasoo doonay oo ay guursatay Abuu Xafs, Amiiru Al Mu'miniina Cumar ibnu Al Khadh-dhaab\أبو حفص أمير المؤمنين عمر بن الخطاب, oo ay u dhashay wiil Zayd\ زيدla yiraahdo iyo gabar Ruqayyah \ رقيةmagaceedu yahay, oo uusan midkoodna ciribi ka harin. Markuu Calii عليgabadha siiyey, ayuu Cumar عمرwuxuu tegey majliska Muhaajiriinta\المهاجرين oo uu ku yiri: "i aqal geeya." Markaasey waxay yiraahdeen: "Yaan kuu aqal geynnaa?" Wuxuu yiri: "Waxaan guursaday Ummu Kulthuum أم كلثوم, gabadha Caliiعلي. Waxaan maqlay Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo leh: "."كل سبب ونسب وصهر ينقطع يو القيامة إال نسبي وسببي وصهري "Kullu sababin wa nasabin wa sihrin yanqadhicu Yawma Al Qiyaamati illaa nasabii wa sababii wa sihrii", oo macneheedu yahay: "Xarig kasta iyo nasab kasta iyo xididnimo kasta way go' ayaan Maalinta Qiyaame intaan ka ahayn aniga nasabkeyga iyo xariggeyga iyo xididnimadeyda." Oo maalintaas waxba la iskuma aha, intaan ahayn xarigga iyo nasabka iyo xididnimada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Marka Cumar\ عمرla dilay ayadoo u dhaxdana waxay Ummu Kulthuum أم كلثومguursatay Cawn bin Jacfar bin Abii Dhaalib\عون بن جعفر بن أبي طالب, oo ka dhintay. Markaasaa waxay guursatay walaalkiis Muxammad bin Jacfar bin Abii Dhaalib محمد بن جعفر بن \أبي طالب, oo isaguna ka dhintay. 87 Markaasey waxay guursatay walaalkooda saddexaad Cabdu Allaahi bin Jacfar bin Abuu Dhaalib \عبد هللا بن جعفر بن أبي طالب, oo ay ayadoo u dhaxda dhimatay. Markay saddexdaan walaalaha ah kooda u dambeeyey ay guursatay, oo ah Cabdu Allaahi bin Jacfar bin Abii Dhaalib عبد هللا بن جعفر بن أبي طالب, waxay Ummu Kulthuum أم كلثومtiri, siduu ibnu Sacad\ إبن سعدu wariyay: ". فتخوف على الثالث، مات ولداها عندي،"إني ألستحي من أسماء بنت عميس "Waxaan ka xishoonayaa Asmaa' bintu Cumays, oo labadeeda wiil ayaa agteyda ku dhinteen, waxaanna u baqanayaa kooda saddexaad." Asmaa' bintu Cumays\ أسماء بنت عميسwaxay ahayd hooyada saddexdaas wiil Jacfar bin Abii Dhaalib جعفر بن أبي طالبu dhashay. Al Nasaa'ii\ النسائيwuxuu Cabdu Allaahi bin Jacfar عبد هللا بن جعفر بن أبي طالبka wariyay inuu yiri: "Markii Jacfar la dilay ayuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri: "."أدع إلي بني أخي "Udcuu ilayya banii akhii" oo ah: "iigu yeera wiilasha walaalkey". Markaasaa naloo keenay, annagoo aad caruurta digaagga na moodid. Markaasuu midka timaha xiira amray oo timaha madaxa nalaga wada xiiray, kaddibna wuxuu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: ". وأما عبد هللا فيشبه خلقي وخلقي وأما عون فيشبه خلقي وخلقي."أما محمد فيشبه عمنا أبا طالب "Ammaa Muxammad fa yashbahu cammanaa Abaa Dhaalib. Wa ammaa Cabdu Allaahi fa yashbahu khalqii wa khuluqii wa ammaa Cawn fa yashbahu khalqii wa khuluqii" oo macneheedu yahay: "Muxammadna\ محمدwuxuu u egyahay adeerkeen Abuu Dhaalib\أبوطالب, Cabdu Allaahi\عبد هللا se aniguu ii egyahay xagga abuuritaanka iyo dabeecadaba. Cawnsee\ عونaniguu ii egyahay xagga abuuritaanka iyo dabeecadaba." Kaddib intuu gacanta iga qabtay oo uu leexiyay, kaddibna uu yiri: "."أللهم أخلف في جعفر في أهله وبارك لعبد هللا في سفقة يمينه "Allaahumma akhluf fii Jacfaran fii ahlihi waa baarik li Cabdu Allaahi fii safqati yamiinihi", oo macneheedu yahay: 88 "Ilaahayow Jacfar جعفرehelkiisa u tarmi, Cabdu Allaahina عبد هللاganacsigiisa yu barakee." Saddexdaas walaalaha ah waxay caruur uga dhashay midka labaad oo ah Muxammad\محمد, waxayna u dhashay gabar ayadoo yar dhimatay. Sidaas ayeeyan Ummu Kulthuum\ أم كلثومciribi uga harin, ayaa la yiri, siduu Al Qasdhalaanii\ القسطالنيu wariyay. Shan. Zayanab, gabarta Faadhimah\زينب بنت فاطمة Faadhimah\فاطمة, gabadha Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxay kaloo Calii\ عليu dhashay gabar la yiraahdo Zaynab\زينب, oo guursatay Cabdu Allaahi bin Jacfar bin Abuu Dhaalib عبد هللا بن جعفر بن أبي طالب, markay walaasheed ka dhimatay, waxayna u dhashay caruur ay ka mid yihiin Calii عليiyo Ummu Kulthuum أم كلثوم. Ummu Kulthuum-taan أم كلثومwaxay guursatay ina adeerkeed Al Qaasim bin Muxammad bin Jacfar bin Abii Dhaalib\القاسم بن محمد بن جعفر بن أبي طالب, ayna caruur u dhashay ay ka mid yihiin Faadhimah فاطمةoo guursatay Xamzah bin Cabdu Allaahi bin Al Zubayr bin Al Cawwaam\حمزة بن عبد هللا بن الزبير بن العوام, oo ay ciribi uga hartay. Sidaas ayuu ubadka Cabdu Allaahi bin Jacfar\ عبد هللا بن جعفرwuxuu ka tarmay oo ka faafay wiilkiisaan Calii\ عليiyo walaashiis Ummu Kulthuum\أم كلثوم, oo labadooduba sidaas ku yihiin caruurta Zaynab Al Zahraa'\زينب الزهراء. Qof kasta oo ayaga ku abtirsadana waxaa la yiraahdaa Jacfarii \جعفري, oo awoowohood loogu magac daray, waana ashraafشراف, oo dhasha Jacfar جعفرwaxay ka mid yihiin Aalu Al Bayti \أهل البيت, zakaduna waa ka xaaraan, waxayna wax ku leeyihiin sahamka Thuu Al Qurbaa ذو \القربى, oo qoyska Nabi Muxammad, Sallaa Alaahu Calayhi Wasallam, ayay ka mid yihiin. Dhasha kale oo ku abtirsata Jacfar bin Abii Dhaalib جعفر بن أبي طالب, ayanse Zaynab زينب, gabadha Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, dhalin, ayaguna waa Ashraafأشراف, oo dhasha Jacfar جعفرwaxay ka mid yihiin Aalu Al Bayti أهل البيت, oo waa reer Banii Haashim\ بني هاشمiyo dhasha Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, adeerkiis, zakaduna waa ka xaaraan, waxayna wax ku leeyihiin sahamka Thuu Al Qurbaa \ ذو القربى, oo qoyska Nabi Muxammad, Sallaa Alaahu Calayhi Wasallam, ayay ka mid yihiin, waxaase ka sharafbadan kuwa Zaynab زينب, gabadha Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku abtirsada. Waxaase dhammaantood ugu sharafbadan dhasha ku abtirsata Al Xasan\ الحسنiyo Xusayn \الحسين. Wuxuu Al Xaakim\ الحاكمJaabir\ جابرka wariyay, Abuu Yaclaa\ أبويعلىuu isaguna Faadhimah\ فاطمةka wariyay inuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: 89 ". أنا وليهما وعصبتهما:"لكل بني أم عصابة إال إبني فاطمة "Li kulli bunayya Ummu Casabah illaa ibnay Faadhimah: anaa waliyuhumaa wa casabathumaa." Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Caruurteyda kulligood waxay leeyihiin Ummu casabah, intaan ahayn labada wiil oo Faadhimah فاطمة: labadooda anigaa waligooda iyo casabadoodaba ah." Casabah\ عصبةwaxaa la yiraahdaa qaraabada iyo tolka ninka aabihiis ku abtirsado. Sidaas ayuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu abtirsiga Al Xasanu الحسنiyo Al Xusaynu الحسينgeliyay oo uu u nisbeeyey isaga laftiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Walaashood ay wada dhasheenna kuma uusan darin, maxaa yeelay caruurta ay dhalaan waxaa loogu abtirinayaa aabayaalkooda dhalay, oo sidaas ayuusan cunug kasta oo ay shariifadi dhashay shariif ku ahayn oo nasabka aabaha dhalay ayuu qaadanayaa, siduu ku qoray Al Sayuudhii\ السيوطيkitaabkiisa Al Sulaalatu Al Zaynabiyyah\الساللة الزينبية. Wiilkase ama cunug kasta oo uu nin shariif ah dhalo, waa shariif, oo zakadu uma bannaana. Sahriif\الشريف Al Zarqaanii\ الزرقانيwuxuu yiri: Sharaf\ شرفwaxaa la yiraahdaa, siduu Al Raazii\ الرازيMukhtaaru Al Sixaax\ مختار الصحاحugu yiri, Sarreynta iyo makaanka sarreeya, oo jabalun mushrifun\ جبل شريفwaa buur korreysa. Marka shariif\ شريفwaa qof sarreeya, oo makaan sare adduunkaan dadka dhexdiisa ku leh. Sarreyntaasna waxaa lagu helaa oo keli ah ayuu Lisaanu Al Carabi\ لسان العربyiri aabayaalka gobta ah oo kariimiinta ah. Khalqigana waxaa ugu sarreeya oo ugu khayr badan Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, iyo Ehelu Baytkiisa\أهل البيت. Sida dhasha Al Xasanu الحسنiyo Xusaynu الحسينashraaf\ أشرافloo yiraahdo ayaa ubadka Al Cabbaas\العباس, Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, adeerkiis, iyo dhasha Caqiil bin Abii Dhaalib\عقيل بن أبي طالب, iyo Al Calawiyyuuna\ العلويونoo ah dhashay Muxammad "Al Xanafiyyah" bin Al Calii bin Abii Dhaalib\ محمد الحنفية بن علي بن أبي طالبoo hooyadiisna la yiraahdo Khawlah bintu Iyaas bin Jacfar Al Xanafiyyah\خولة بنت إياس بن جعفر الحنفية, iyo dhasha ay Calii bin Abii Dhaalib علي بن أبي طالبu dhaleen haween kaleba, ayna ashraaf ku noqdeen sharafta reer Banii Haashim\ بني هاشمay leeyihiin. Al Zarqaanii\ الزرقانيwuxuu yiri: "Arrinka bilowgiisa waxaa Shariif\ شريفla oran jiray qofkasta oo Aalu Al Bayti أهل البيتka mid ah, ha ahaado "Xasanii\ "حسنيoo Al Xasan\ الحسنku abtirsada, ama "Xusaynii\ "حسينيoo Al Xusayn\ الحسينku abtirsada, ama "Calawii\ "علويoo Calii\ عليku abtirsada, ama "Cabbaasii\ "عباسيoo Al Cabbaas\ العباسku abtirsada, ama "Jacfarii\ "جعفريoo Jacfar bin Abii Dhaalib\ جعفر بن أبي طالبku abtirsada, ama "Caqiilii\ "عقيليoo Caqiil bin Abii Dhaalib\ عقيل بن أبي طالبku abtirsada. 90 Sidaas ayayna ugu magacaaban yihiin Kitaabka Taariikhda ee Al Thahabii\تاريخ الذهبي, isagoo oranaya Al Shariifu Al Cabbaasii\الشريف العباسي, Al Shariifu Al Caqiilii\الشريف العقيلي, Al Shariifu Al Jacfarii\الشريف الجعفري, Al Shariifu Al Zaynabii\الشريف الزينبي. Markaasey markay Faadhimiyiintu\( الفاطميونwaxayna ahaayeen shiico) la wareegeen xukunka arliga Masar\مصر, ayay waxay magacaas kusoo koobeen oo ay Shariif\ شريفyiraahdeen dhasha Al Xasanu الحسنiyo Al Xusaynu الحسينoo keli ah. Sidaas ayuuna ku socday Masar\ مصرilaa hadda." Waa intaas warka Al Zarqaanii\الزرقاني. Ibnu Xajar\ إبن حجرwuxuu kitaabkiisa Nuzhatu Al Albaabi fii Macrifati Al Alqaabi نزهت األلباب في \ معرفة األلقابku yiri: "Nin kastoo u dhashay reer Banii Al Cabbaas\ بني العباسoo Baghdaad\ بغدادjoogay, waxaa la oran jiray Shariif\شريف. Sidoo kale nin kasta oo Calawii\ علويah (oo Calii\ عليku abtirsada) oo Masra\ مصرjoogana waxaa la oran jiray Shariif\شريف." Al Zarqaanii\ الزرقانيwuxuu yiri: "Wuxuu Al Cajaajata العجاجةku yiri: "Shaki kuma jiro in sida hore loo oran jiray ay mudnaanta koowaad leedahay, ahna in shariif\ شريفla yiraahdo kulli mid kasta oo Calawii\ علويah iyo Jacfarii\ جعفريiyo Caqiilii\ عقيليiyo Cabbaasii\العباسي, siduu Al Thahabii\ الذهبيyeelay oo kale, iyo siduu u ishaaray Al Maawardii\ الماورديoo Shaaficiyada ka mid ah iyo Al Qaadii Abuu Yaclaa القاضي أبو \ يعلىoo Xanaabisha ka mid ah, iyo siduu isaguna Maalik\ مالكu yiri, ayadoo uu Aalkiisu|أله, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ay sharfatu kaamil u noqotay." Waa intaas warka uu Al Zarqaani\ الزرقانيwariyay. Baghdaad\بغداد Magaalada Baghdaad بغدادla yiraahdo ee arliga Ciraaq\ عراقcaasimadda u ah waxaa aasaasay oo dhagexeeda dhigay, oo intuu injineerrada adduunka ugu fiican isugu yeeray dhisay, kaddibna magaalo madaxda Dawladda Islaamka ka dhigay midka labaad ee Khulafada Cabbaasiyiinta\ الخلفاء العباسيينoo magaciisu ahaa Cabdu Allaahi bin Muxammad bin Calii bin Cabdu Allaahi bin Cabbaas\عبد هللا بن محمد بن علي بن عبد هللا بن عباس, koofaartiisuna tahay Abuu Jacfar AI Mansuur\أبو جعفر المنصور, oo uu sidaas Cabdu Allaahi bin Cabbaas عبد هللا بن عباسku yahay awoowihiisa labaad, dhammaantood Allaha raalli ka noqdee, wuxuuna degay isagoo jayshkiisa wata markay boqol iyo shan iyo afartanka sano iyo afar bilood iyo si deed maalmood kasoo wareegteen Hijrada, wuxuuna u bixiyey Daaru Al Ssalaami\Madiinatu Al Ssalaamuمدينة السالة\دار السالم, ayadoo u dhow wabiga Dajlah\ دجلةoo ay Carabtu u tiqiinnay Qasru Al Ssalaamu\قصر السالم. Carabtu way kahan jirtay inay yiraahdaan Baghdaad\بغداد, ayadoo bartaasi suuq ahaan jirtay uu oolli jiray sanam ay iiraaniyiintu caabudi jireen oo magaciisu ahaa Bagh\بغ. Marka Baghdaad\ بغدادmacneheedu waxaa weeye Bagh\ بغoo sanamka magaciisa ah iyo daad\داد oo macneheedu yahay siinta ama hadiyada, oo afka iiraaniyiinta waxaa weeye siinta ama hadiyada uu bixiyay sanamkaas Bagh\ بغla yiraahdo. Waxaa sidaas wariyay Al Imaam al xaafith Abii Bakr Axmad bin Calii "AI Khadhiibu Al 91 Baghdaadii\"األمام الحافظ أبي بكر أحمد بن علي الخطيب البغدادي, kuna wariyay kitaabkiisa qiimaha badan ee Taariikhu Baghdaad Aw Madiinatu Al Ssalaamu\تاريخ بغداد أو مدينة السالم. Imaamkaanu wuxuu dhintay sanadka afar boqol iyo saddex iyo lixdan Hijriga, Allaha u naxariistee. Al Mansuur\ المنصورwuxuu caasimadda kasoo raray magaalada magaceedu ahaa Al Haashimiyyah\الهاشمية, oo ayaduna isla Ciraaq\ عراقku tiillay, uuna dhisay walaalkiisa khaliifnimada ugu horreyey, ahaan kan ugu horreeyey Khulafada Cabbaasiyiinta, lana oran jiray Al Saffaax\السفاح. Al Mansuur\ المنصورwuxuu xukunka qabtay sanadka boqol iyo lix iyo soddon, siduu Ziriklii\ الزركليu wariyey. Dhimashada Faadhimah\فاطمة Faadhimah\ فاطمة,gabadha Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxaa la oofsaday lix bilood Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, dabadiis, markay saddex habeen ka gudbeen bisha Ramadaan\ رمضانee sanadka kow iyo tobnaad ee Hijrada, ayadoo sagaal iyo labaatan sano jirta. Ibnu Cabdu Al Barr\ إبن عبد البرwuxuu wariyay inay Faadhimah\ فاطمةku tiri Asmaa' bintu Cumays\أسماء بنت عميس: "يا بنت رسول هللا:" فقالت أسماء."إني قد استقبحت ما يصنع بالنساء يطرح علي المرأة الثوب فيصفها "ما: فقالت فاطمة، فحنتها ثم طرحت عليها ثوبا، فدعت بجرائد رطبة،أال أريك شيئا رأيته بأرض الحبشة ". وال يدخلن علي أحد، فإذا أنا مت فاغسلني أنت وعلي، تعرف به المرأة من الرجل،أحسن هذا “Inni qad istaqbaxtu maa yusnacu bi al nisaa’i yudhraxu calaa al mar’ati al thawbu fa yasifuhaa.” Fa qaalat Asmaa’u: “Yaa binta Rasuuli Allaahi alaa uriika shay’an ra’aytuhu bi ardi al xabashah, fa dacat bi jaraa’idi rudhbatin fa xanat-haa thumma dharaxat calayhaa thawban, fa qaalat Faadhimatu: “Maa axsana haathaa, tucrafu bihi al mar’atu mina al rajuli, fa ithaa anaa mit-tu fa aghsilnii anta wa Caliyyun, wa laa yadkhulanna calayya axadun.” Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: “Waxaan u arkay inay aad u xuntahay waxaa haweenkas lagu falo (markay dhintaan oo maydkooda qubuuraha loo qaadayo): waxaa la dul saaraa maro markaas jirkeeda tilmaameysa oo sifeyneysa!” Markaasay Asmaa’u\ أسماءwaxay tiri: “Inanta Rasuulka Ilaahayow, ma ku tusaa waxaan kusoo arkay arliga al xabashah! Markaasay waxay tiri in loo keeno laamo geed (timireed) oo qoyan, markaasay laabtay oo ay dhigo oo kale ka dhigtay, oo ay markaas maro ku dabooshay oo ay sariirta ku dul dhistay. Markaasay Faadhimah فاطمةwaxay tiri: “maxaa sidaan ka fiican! (oo laamahaas la goday oo marada la dul saaray ayaa sariirta maydka haweenka lagu qaadayo la dul saarayaa: waana waxaan maanta nacashka niraahdno oo rag iyo dumarba lagu qaado) oo sidaasaa haweenka looga aqoonaya raga. Marka markaan anigu dhinto adiga iyo Calii عليi dhaqa, axad kalena yuusan ii soo gelin.” Sidaas ayaana la yeelay. Faadhimah\ فاطمةwaxaa ku tukaday, siduu Al Bukhaarii\ البخاريu wariyay, Calii bin Abii Dhaalib\علي بن أبي طالب, Allaha raalli ka wada noqdee. 92 Faadhimah\فاطمة waxaa qabrigeeda galay, siduu ibnu Sacad\ إبن سعدu wariyay Al Cabbaas\العباس, Nabi Muxammad, Sallaa Allahu Calayhi Wasallam, adeerkiis iyo wiilkiisa Al Fadlu bin Al Cabbaas\ الفضل بن العباسiyo Calii bin Abii Dhaalibعلي بن أبي طالب. Faadhimah فاطمةwaxay ahayd qofka ugu horreeya oo nacash maro lagu deday lagu qaado. Naqshad guriga Ummu Al Mu’miniina Khadiija أم المؤمنين خديجة بنت خويلدaanna kasoo qaadannay kitaabka أم المؤمنين خديجة بنت خويلد سيدة في قالب المصطفىuuna dhigay الدكاور محمد عبد يمانيoo sucuudi ah oo nool (www.dryamani.com): 93 Naqshadda siduu ahaa guriga Ummu Al Mu’miniina Khadiija\ أم المؤمنين خديجة بنت خويلد. Gurigu wuxuu u qaybsanaa: Kow. Qolka Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam, ahna qolka midig, dhererkiisuna lix mitir yahay, ballaciisuna afar mitir. Laba. Qolkuu ku tukan jiray Nabigu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam “Al Musallaa\ ”المصلىoo qolka jiifka ku dheggan oo bidix ka qabanaya, cabbirkiisuna yahay saddex mitir oo dherer ah iyo saddex mitir oo ballac ah. 94 Saddex. Qolkay Faadhimah\ فاطمةku dhalatay, Sallaa Allaahu Calayhaa Wa Sallamoo qolka jiifka dhinaca hoose ee masawirkaan ku yaalla, cabbirkiisuna yahay toddoba mitir iyo nus oo dherer ah iyo afar mitir oo ballac ah . Afar. Qolkuu Nabigu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam wufuudda ku qaabili jiray oo dhererkiisu toban mitir yahay.. Shan. Meeshay tiillay badeecada ganacsi ee Khadiijah خديجة, oo bakhaar wayn ah, masawirkana ugu korreeya. 95 Guriga Hooyo Khadiijah\ أم المؤمنين خديجة بنت خويلدmarkii dhowaan dhulka laga qoday, siduu ahaa. Masawirka korena waa siday ahayd Makkah\ مكةwaagaas oo ay u yarayd. Mixraabka ku yiillay qolka wufuudda lagu qaabili jiray, Nabiguna Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam ku tukan jiray oo ku yiillay guriga Khadiijah خديجة. 96 Albaabka qolka Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam, qolkuna wuxuu ka mid ah meeluhu ku cibaadeysan jiray Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam. 97 Qolka iyo bartay ku dhalatay al Sayyidah Faadhimah Al Zahraa’u\السيدة فاطمة الزهراء 98 Khariidhadaan waxaad ka arkaysaa guryaha ku wareegsan Al Masjidu Al Xaraami \المسجد الحرام oo ah inta dhexe oo midabka cagaaran ku tilmaaman, gacankiisa dheerna waa Al Mascaa \المسعى meesha la isaga socdo Al Saffaa\الصفا-oo midgta xigta- wa Al Marwata\ – المروةoo bidixda kaa qabanaysa masawirkaan una eg ul dheer: waxaa halkaas ku yaalla albaabka masjidka kasoo baxa oo saaxada usoo baxa halkaas ayuu ku yiillay guriga Hooyo Khadiijah\ أم المؤمنين خديجة بنت خويلد. Al Xaarithi\ الحارثيwuxuu yiri: "Daartaasu meeshay ku tiillayna markay masjidka la waasiciyay waa saaxada qorrax kasoo bax ka xigta Al Mascaa una jirta sideed iyo toban mitir darbigeeda waqooyi xigtana albaabka qorrax 99 kasoo bax oo ku geynaya saaxada u dhexeysa Maktabatu Makkah Al Mukarramahمكتبة مكة المكرمة iyo inta ka hartay (suuqa) Al Qashaashiyah”القشاشية. Suuqaas wali maanta qayb ayaa ka hartay, waana balanbalada ganacsatadu wax ku gataan oo musqulaha korkooda ah. Waxaad kaloo masawirkaan uga jeeddaa guriga Abuu Dhaalib\أبو طالب, guriguu ku dhashay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam oo maanta ah Maktabatu Makkah Al Mukarramah\مكتبة مكة المكرمة. Shicbu Banii Haashim\شعب بني هاشم, ahna bartay saddexda sano ku takoornaayeen Banii Haashim\ بني هاشم بن عبد منافiyo Banii Al Mudh-dhalib bin Cabdu Manaaf\بني المطلب بن عبد مناف 100 Masawir kale oo ku tusaya sida Xaramka hareerihiisa loo kala degganaa, waxaana Kacbada loogu kala dhowaa sida loo kala sharaf badan yahay oo loo kala madaxnimo badan yahay. Sanadka lix iyo labaatanaad Markay dhalashada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, lix iyo labaatan sane kasoo wareegteen waxaa dhashay Dhalxah bin Cubaydu Allaahi \طلحة بن عبيد هللا. Dhalxahطلحة wuxuu ka mid yahay tobanka Jannada loogu bishaareeyey, iyo lixduu Cumar\عمر Shuurada\ أصحاب الشورى الستةu magacaabay , kaddib markii toorreyda lala dhacay iyo intuusan dhiman horteed, inay iska dhex doortaan Amiiru Al Mu'miniinka isaga ka dambeynaya. Dhalxah طلحةwuxuu kaloo ka mid yahay sideedda nin oo Islaamidda ugu horreeysey, ahna kuwa uu Quraanku ku magaacabay "Al Ssaabiquuna\"السابقون, oo ah kuwa hormaray. Dhalxahطلحة waa Abuu Bakar Al Siddiiqu\ أبوبكر الصديقina adeerkiis, wuxuuna ka mid yahay shanta nin oo gacantiisa ku islaamtay, isaga iyo Cuthmaan bin Caffaan\ عثمان بن عفانiyo Cabdu Al Rraxmaanu bin Cawf\ عبد الرحمن بن عوفiyo Al Zubayru bin Al Cawwaamu\الزبير بن العموام iyo Sacad bin Abii Waqqaas\سعد بن أبي وقاص. Sanadka toddoba iyo labaatanaad Markay toddoba iyo labaatan sane kasoo wareegteen dhalasha Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxaa dhashay Saciid bin Zayd Al Cadawii\ سعيد بن زيد العدوي. Saciid سعيدwuxuu guursaday ina adeertiis Faadhimah binti Al Khadh-dhaab\فاطمة بنت الخطاب, Amiiru Al Mu'miniina Cumar\ أمير المومنين عمرwalaashiis. Saciid سعيدwuxuu ka mid yahay tobanka Jannada loogu bishaareeyey. Sanadka sagaal iyo labaatanaaad Markay sagaal iyo labaatan sane kasoo wareegeen dhalashada Nabi Muxammad, Sallaa Allahu Calayhi Wasallam, waxaa dhashay Kacb bin Cujrah\كعب بن عرجة, siday u warisay Siirada Mughlaadhaay\مغالطاي. Sanadka soddonaad Markay soddon sane kasoo wareegeen dhalashada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxaa dhashay Amiiru Al Mu'miniina Al Imaamu Calii bin Abii Dhaalib أمير المؤمنين \علي بن أبي طالب, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuuna ku dhashay Kacbada dhexdeeda. Waxaa kaloo isaguna sanadkaan dhashay qaalliga wayn oo magaciisu yahay Qaalli Shurayx\القاضي شريح. Sanadka kow iyo soddonaad Markay kow iyo soddon sano kasoo wareegteen dhalshada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxaa dhashay saxaabiga wayn ee Abuu Hurayrah \أبو هريرة, Allaha raalli ka noqdee. 101 Sanadka laba iyo soddonaad Markay labo iyo soddon sano kasoo wareegteen dhalashada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxaa dhashay Bilaal bin Al Xaarith Al Muzanii\بالل بن الحارث المزني. Sanadka saddex iyo soddonaad Markay saddex iyo soddon sano kasoo wareegteen dhalashada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxaa dhashay Saciid bin Caamir bin Al XithiimAl Qurashiyyi Al Jumaxii \سعيد بن عامر القرشي الجمحي. Sanadka afar iyo soddonaad Markay afar iyo soddon sano kasoo wareegteen dhalashada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxaa dhashay labada saxaabi oo wayn Mucaawiyah bin Abii Sufyaan Al Qurashii Al Amawii\ معاوية بن أبي سفيان القرشي األمويiyo Mucaath bin Jabal Al Ansaarii معاذ بن جبل \األنصاري, siduu Mughlaadhaay\ مغالطايSiradiisa ugu wariyay. Sanadka shan iyo soddonaad Markay shan iyo soddon sano kasoo wareegteen dhalashada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Waxay Quraysh\ قريشdumisay, kaddibna ay dib u dhistay Kacbada Wayn ee Sharafta leh. Sanadka lix iyo soddonaad Markay lix iyo soddon sano kasoo wareegteen dhalashada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxaa dhashay Cabdu Allaahi bin Camr bin Al Caasii\عبد هللا بن عمرو العاصي. Waxaa kaloo sanadkaan dhashay Jaabir bin Cabdu Allaahi Al Ansaarii \جابر بن عبد هللا األنصاري, iyo Abuu Qataadah Al Ansaarii\أبو قتادة األنصاري, iyo Abuu Usayd Al Saacidii Al Ansaarii أبو أسيد \الساعدي األنصاري. Sanadka sideed iyo soddonaad Markay sideed iyo soddon sano kasoo wareegteen dhalashadiisa, wuxuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu arkay nuur, wuxuuna maqli jiray codad uusan ogayn waxay yihiin. Sanadka sagaal iyo soddonaad Markay sagaal iyo soddon sano kasoo wareegteen dhalashada Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxaa dhashay Waathilah bin Al Asqac\واثلة بن األصقع, siduu Mughlaadhaay\ مغالطايu wanyay. 102 Dib u dhisidda Kacbada Yacquub bin Sufyaan\ يعقوب بن سفيانwuxuu wariyay, siduu uga soo guuriyay Al Zarqaanii\الزرقاني, inuu Al Zuhriyyu\ الزهريyiri: "Haweeney ayaa waxay Kacbada dhexdeeda ku shidatay foox iyo bakhuur. Markaasey intay dhimbil dab ihi ka duushay dabqaadkeeda ayay waxay qabsatay marada Kacbada oo ay gubtay." Ibnu Xajar Al Casqalaanii\ إبن حجر العسقالنيwuxuu isaguna Fatxu Al Baarii\ فتح الباريuga wariyay Muusaa bin Cuqbah\ موسى بن عقبةinuu yiri: "Waxa Quraysh\ قريشku xambaaray dib u dhisidda Kacbada waxay ahayd ayadoo barta la yiraahdo Al Radmu\الردم, oo Makkah\ مكةdusheeda buuraha ah ku taalla uu daad kasoo rogmaday, oo uu Makkah\ مكةdhibaato u geystay. Markaasey waxay Qurayshi\ قريشka baqday inay biyuhu Kacbada galaan, oo ay sidaas ku dumiyaan, ayadoo uu hore dabku wiiqiyay isagoo gubay dhoobadii dhagaxdeeda isku haysay." Markaas ayuu Cumar\ عمرwuxuu Al Radmu\ الردمka dhisay darbi biyo xireen ah, markaasaa waxaa loo bixiyay Radmu Cumar\ردم عمر. Kilaafadii Amiirul Al Mu'miniina Abuu Xafs Cumar bin Al Khadh-dhaab أمير المؤمنين أبو حفص \عمر بن الخطاب, sanadka toddoba iyo tobnaad ee Hijrada, una dhigantah sanadka lix boqol iyo sideed iyo soddonka miilaadiga ayaa daadad xoog leh waxay kasoo rogmadeen buurta la yiraahdo Jabalu Laclac\جبل لعلع, ahna buurta ay dhinaceeda ku taallo buurta Al Marwah\ المروةoo ayada iyo Al Saffaa\ الصفاdhexdooda loo kala socdo, Biyuhu waxay kasoo rogmadeen barta hadda loo yaqaanno, ayuu Cabdu Al Fataax Xusayn Raawah Al Makkii\عبد الفتاح حسين راوه المكي ku yiri kitaabkiisa uu ku sharxayo Kitaabka Imaam Al Nawawii \ النوويee Al iidaaxu fii Manaasiki Al Xajji\اإليضاح في مناسك الحج, laguna daabacay Daaru Al Bashaa'iri Al Islaamiyyah sanadka kun iyo afar boqol iyo sideed iyo tobanka Hijrada ee Makkah ku taalla , bogga boqol iyo sagaal iyo sagaashan "Maqra'atu Al Faatixah\"مقرأة الفاتحة. Daadkaas waxaa loo yaqaannaa Saylu Ummu Nahshal bintu Cubaydah bin Al Caas bin Umayyah bin Cabdu Shams\سيل أم نهشل بن العاص بن أمية بن عبد شمس, looguna bixiyay inay biyahaasi soo qaadeen oo ay dhanka hoose ee Makkah\ مكةkeeneen ayna ku dhimatay. Markaasuu Cumar\ عمرinta Madiina\ المدينةka yimid oo uu Makkah\ مكةyimid bartaas ay biyuhu kasoo rogmadeen biyo xireen dhagax ah uga dhisay. Biyahaasi waxay kaloo qaadeen Maqaamu Ibraahiim\ مقام إبراهيمoo la tageen oo xagga hoose ee Makkah\ مكةgeeyeen. Markaasuu Cumar عمرsoo celiyay, oo uu meeshuu hadda yaallo dhigay. Waagaas Kacbadu waxay in yar ka dheereyd nin taaggiisa, saqafna ma lahayn oo kor way ka furnayd. Markaasaa inta darbigeeda laga soo booday ayaa kanzigii dhexdeeda ugu kaydsanaa la xaday. Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: "Markuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, shan iyo soddon jirsaday, ayay Qurayshi\ قريشwaxay goosatay inay Kacbada dib u dhisto, ayagoo arrinkaas aad u daneynayey, doonayeyna inay saqaf u yeelaan. Waxayse ka cabsadeen duminteeda. Kacbadu markaas waxay ahayd mid dhagaxda darbigeedu ay is dul saaran yihiin oo keli ah, 103 ayadoo ay dhoobadii isku haysay ay gubatay. Dhererkeeda ay kor u taagan tahayna wuxuu ahaa mid ka korreysa qof jooggiisa. Markaasey waxay doonayeen inay taaggeedana kor u qaadaan, saqafna ay u yeelaan. Sababtu waxay ahayd inay ragi kanzigii Kacbada xadeen, kanzigaasoo ku jiray ceel gaaban ama god Kacbada dhexdeeda ku yiillay." Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: "Kanzigii Kacbada laga xaday waxaa laga helay guriga ninka la yiraahdo Duwayk \دويك, oo mawle u ahaa reer Banii Mulayx bin Camr\بني مليح بن عمرو, oo qabiilka Khuzaacah\ خزاعةka tirsan." Ibnu Hishaam\ إبن هشامwuxuu yiri: "Markaasey Qurayshi\ قريشgacanta ka goysay. Qurayshna\ قريشwaxay leedahay inay kuwa xaday kanziga ay ku kaydsadeen Duwayk\ دويكgurigiisa, ee uusan isagu xadin. Markaasaa markab ka yimid Rooma oo u socday arliga amxaarada, sidayna qalabka kaniisad lagu dhisi lahaa, uuna la socdo farsamoyaqaankii dhisi lahaa magaciisuna yahay Yaaquum\ياقوم, ahna isla magaca najjaarka Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u dhisay minbarkiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Masjidka Al Madiinah Al Munawwarah المدينة المنورة. Ibnu Xajar\ إبن حجرwuxuu Al Isaabah\ اإلصابةuga wariyay Ibnu Cuyaynah\ إبن عيينةoo Jaamiciisa Camr bin Diinaar\ عمرو بن دينارka wariyay, inuu Cubaydah bin Cumayr\ عبيدة بن عميرyiri: "Magaca ninka Kacbada Quraysh\ قريشu dhisay waxaa weeye Baaquum\باقوم, wuxuuna ahaa roomaan, wuxuuna la socday markab ay dabayshu xeebta kusoo tuurtay. Markaasey Quraysh قريشu tagtay, oo ay alwaaxda saarnaa soo qaadatay, isagan ay yiraahdeen: "U dhis sida kaniisadaha loo dhiso." Cabdu Al Xamiid Jawdah Al Saxxaar\ عبد الحميد جودة السحارwuxuu kitaabkiisa Muxammadun Rasuulu Allaahi\محمد رسول هللا, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ahna kan musalsalka televisionka laga sameeyey, ku yiri: "Markabkaas waxaa soo diray Boqorka Rooma, soona saaray qalabkii kaniisad lagu dhisi lahaa arliga amxaarada, iyo ninkii dhisi lahaaba, kaddib markay boqortooyada iiraan oo dabka caabudi jiray ay amxaarada Yaman\ يمنkasoo kiciyeen, kaddibna ay arliga amxaarada kusoo duuleen, ay jebiyeen oo ka adkaadeen, kaniisadohoodana ay dab qabadsiiyeen oo burburiyeen. Wuxuu kaloo boqorka Rooma doonayey inay amxaarada mar kale Yaman\ يمنku duusho, si ay halkaas iiraaniyiinta uga saaraan, oo ay boqortooyadaas wayn oo Rooma la tartameysey ay jabhad kale xagga koofur uga furaan. Ilaahayna wuxuu xukumay in qalabkaas Kacbada lagu dhiso." W aa intaas warka al Saxxaar السحار. Markabkaasi markuu marayo meesha la yiraahdo Al Shucaybah\الشعيبة, oo ahayd dekadda Makkah\ مكةee Badda Cas Jiddah\ جدةhorteed, ayuu kharaabay, kaddib markay dabeylo heleen, badduna kusoo tuurtay xeebta dekeddaas. Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: "Markaasuu markabku halkaas ku burburay. Markuu Quraysh\ قريشwarkaasi soo gaaray, waxay 104 u direen rag uu madax u yahay Al Waliid bin Al Mughiirahالوليد بن المغيرة, markaasey kasoo gateen qoriguu siday iyo injineerkuu sidayba oo Baaquum\ باقومahaa iyo najjaariinta iyo tumaallada la socday, oo ay markaas Makkah\ مكةwada keeneen. Waxay halkaas kasoo gateen alwaaxda ay Kacbada saqaf uga dhigi lahaayeen. Kacbada dhexdeeda waxaa ku yiillay ceel gaaban oo ay Ibraahiim iyo Ismaaciil Calayhimussalaamu qodeen mafaciisuna ahaa Al Akhsaf\ األخسفoo lagu kaydin jiray maalka loo hadiyeeyo maalin walba. Waxaa ceelkaas maalin walba kasoo bixi jirtay abeeso, markaasey darbiga Kacbada dhiniciisa isku qorraxeyn jirtay, dadkuna aad ayuu uga biqi jiray, sababtuna ay tahay in hadduu qof usoo dhowaado intay dabadeeda kor u qaaddo ayay intay afkeeda furto ayay ku dhawaaqi jirtay. Sidaas ayay uga baqi jireen. Markaasaa ayadoo maalin maalmahaas ka mid ah siday caado u ahayd isku qorraxeyneysa dhinaca jidaarka Kacbada, ayuu Ilaahay wuxuu usoo diray haad duulaya, oo intuu dafay la tegey. Markaasey Quraysh\ قريشwaxay tiri: "Waxaan hadda rajeyneynaa inuu Ilaahay raalli ka yahay waxaan dooneynno inaan falno, oo ah Kacbada duminteeda iyo dib u dhisiddeedaba. Waxaan leenahay farsamoyaqaan dhismaha ku xeel dheer, qorigiina waan haysannaa, abeesadiina Ilaahay ayaa nooga filnaaday." Waxaa la yiri inuu haadku abeesadaas ku tuuray barta la yiraahdo Al Xajuun\الحجون, oo ay ku yaallaan xabaalaha Makkah\مكة, oo dhowr boqol oo mitir Kacbada u jirta. Markay dhulka kusoo dhacdayna, dhulka ayaa leqay. Al Suhaylii\ السهيليwuxuu wariyay inuu Muxammad bin Al Xasan Al Muqrii\محمد بن الحسن المقري, uu intaas kaddib yiri: "Waana isla daabadda la hadleysa Yawmu Al Qiyaamah\ يوم القيامةhorteed." Markay Qurayshi\ قريشgoosatay duminta iyo dib u dhisidda Kacbada, ayaa waxaa istaagay ninka la yiraahdo Abuu Wahb bin Camr bin Caa'ith bin Cimraan bin Makhzuum أبو وهب بن عمرو بن عائذ \بن عمران بن مخزوم, oo uu Kacbada dhagax kasoo qaaday. Markaasuu dhaguxu intuu gacantiisa ka booday uu meeshuu kasoo qaaday ku noqday. Markaasuu Abuu Wahb أبو وهبwuxuu yiri: "Ragga Qurayshow\ !قريشDhismeheeda ha gelinina waxaan ahayn maalkiinna aad si xalaal ah ku kasabteen. Yaan la gelin lacagta la siiyo haweenka zinaysta, iyo maal laga kasbay ganacsi ay ribo ku jirto, iyo maal si dulmi ku jiro qof kale looga qaatay." Dad kalena waxay yiraahdeen inuu hadalkaas yiri Al Waliid bin Al Mughiirah bin Cabdu Allaahi bin Cumar bin Makhzuum\الوليد بن المغيرة بن عبد هللا بن عمر بن مخزوم. Waxaase yiri hadalka Abuu Wahb أبو وهب." Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: "Waxaa la iiga wariyay Cabdu Allaahi bin Umayyah bin Khalaf\ عبد هللا بن أأمية بن خلفinuu arkay wiil uu dhalay Jacdah bin Hubayrah bin Abuu Wahb bin Camr\ جعدة بن هبيرة بن أبو وهب بن عمروoo Kacbada ku dhawaafaya. Markaasuu dadka wareystay midkuu yahay, waxaana lagu yiri: "Waxaa dhalay Jacdah bin Hubayrah " جعدة بن هبيرة. Markaasuu Cabdu Allaahi bin Safwaan\ عبد هللا بن صفوانwuxuu yiri: 105 "Midkaan awoowihiis waa Abuu Wahb أبو وهب, waana midka Kacbada dhagaxa ka qaatay markay Qurayshi\ قريشgoosatay inay dumiso. Markaasuu gacantiisa ka booday oo uu meeshuu kasoo qaaday dib ugu noqday. Markuu taas arkay ayuu wuxuu yiri: "Ragga Qurayshow !قريشDhismeheeda ha gelinina waxaan ahayn maalkiinna aad si xalaal ah ku kasabteen. Yaan la gelin lacagta la siiyo haweenka zinaysta, iyo maal laga kasbay ganacsi ay ribo ku jirto, iyo maal si dulmi ku jiro qof kale looga qaatay." Ibnu Isxaaq إبن إسحاقwuxuu yiri: "Abuu Wahb أبو وهبwaa aabaha Rasuulka Ilaahay, SallaaAllaahu Calayhi Wasallam, abtigiis, wuxuuna ahaa nin sharaf badan oo madax ah." Duminta Kacbada Markaas kaddib ayay qabiillada Qurayshi\ قريشka koobantahay ay Kacbada qaybsadeen, meeshuu qabiil walba ka hawl geli lahaa. Dhinaca Kacbada ee albaabku ku yaallo waxaa yeeshay reer Banuu Cabdi Manaaf \بنو عبد مناف, oo ay reer Banuu Haashim\ بنو هاشمka tirsan yihiin, iyo Banuu Zuhrah\بنوزهرة, oo ay Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, hooyadiis ka dhalatay. Dhinaca Kacbada ee u dhexeeya Rukniga uu Dhagaxa Madow ku jiro iyo rukniga kaas la siman ee Al Ruknu Al Yamaanii\ الركن اليمانيla yiraahdo, looguna bixiyay ayadoo ay labadooduba dhanka arliga Yaman\ يمنxigaan, waxaa yeeshay reer Banuu Makhzuumبنو مخزوم, oo uu Sayfu Allaahi Khaalid bin Al Waliid\ سيف هللا خالد بن الوليدka dhashay, iyo qabiil Quraysheed\ قريشoo ayaga ku biiray. Dhanka Kacbada dhabarkeeda ah oo ku beegan dhankuu albaabku ku yaallo waxaa yeeshay reer Banuu Jumax\بنوجمح, oo uu ka dhashay Cuthmaan bin Mathcuun\عثمان بن مظعون, iyo reer Banuu Sahm\ بنوسهمoo uu ka dhashay Camr bin Al Caasii Al Sahmiyyi\عمروبن العاصي السهمي. Dhanka Kacbada ee ku beegan Xijrigana\ الحجرwaxaa yeeshay reer Banuu Cabdu Al Ddaar bin Qusayy\بنو عبد الدار بن قصي, oo uu ka dhashay ninkuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, siiyay isaga iyo ubadkiisa furaha Kacbada ilaa maanta, ahna Cuthmaan bin Dhalxah\عثمان بن طلحة oo ilaa maanta uu gacantooda ku jiro, iyo reer Banuu Asad bin Cabdu Al Cuzzaa بنوأسد بن عبد العزى, oo ay ka dhalatay Ummu Al Mu'miniina Khadiijah bintu Khuwaylid bin Asad bin Cabdu Al Cuzzaa bin Qusayy bin Kilaab Al Qurashiyyah, Al Asadiyyah أم المؤمنين خديجة بنت خويلد بن \أسد بن عبد العزى بن قصي بن كالب القرشية األسدية, iyo reer Banuu Cadiyyi bin Kacb بنوعدي بن كعب, oo uu ka dhashay Amiiru Al Mu'miniina Abuu Xafs Cumar bin Al Khadh-dhaab أمير \المؤمنين أبو حفص عمر بن الخطاب, Allaha dhammaantood raalli ka noqdee. Markaasuu dadku duminta Kacbada ka baqday, ayna ka fogaadeen. Markaasuu Al Waliidu bin Al Mughiirah\ الوليد بن المغيرةwuxuu yiri: "Anigaa duminteeda idiin bilaabaya." Markaasuu faas qaatay, uuna intuu Kacbada dusheeda fuulay oo uu ku istaagay ayuu wuxuu yiri: "Ilaahayow, samaan iyo wanaag doon ayaan nahay." 106 Markaasuu wuxuu dumiyay qayb labada Rukni oo Yamaaniga\ الركنين اليمانيانah u dhexeysa. Markaasuu dadku habeenkaas sugay, waxayna yiraahdeen: "Waan fiirineynnaa, oo hadday Al Waliidu\ الوليدdhibaato caawa gaarto, dumin maynno, siday ahayd ayaanna kusoo celineynnaa. Haddayanse waxba ku dhicin, Ilaahay raalli ayuu ka yahay waxaan falaynno, markaasaan wada dumineynnaa." Markaasu Al Waliidu الوليدwaabariistay, oo uu hawshuu hayey u jarmaaday, oo uu Kacbada sii dumiyay. Markaasey dadkuna la dumiyeen. Markaasey markay wada dumiyeen, ayay waxay gaareen aasaaskeeda, oo ah aasaaskii Nabi Ibraahiim\إبراهيم, Calayhi Al Ssaalaamu, u dhisay, waxayna arkeen inuu ka kooban yahay dhagax cagaaran oo kuruska geela la mid ah, oo is dhex galay." Ibnu Isxaaq\ إبن إسجاقwuxuu yiri: "nin Xadiithka wariyay ayaa wuxuu ii sheegay in nin Quraysh \ قريشahi, oo ka mid ahaa kuwa duminayey, uu sabrad, oo ah birta wax lagu fujiyo, afka Carabigana lagu yiraahdo catalah\عتلة ama catalatan, oo dhuuban laba dhagax kala dhex geliyay, si uu midkood usoo fujiyo. Markaasuu markuu dhagaxu dhaqaaqay ayay Makkah\ مكةoo idili gilgilatay oo gariirtay. Markaasey aasaaskaas faraha ka qaadeen, oo ay sidiisa u daayeen." Ilaa maantadaan la joogo aasaaska Kacbadu waa kii uu Ibraahiim إبراهيمdhigay, in ka badan shan kun oo sano horteed, taasoo mucjizo wayn ah. Warqadda Rukniga laga belay Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: "Qurayshi\ قريشwaxay Rukniga uu Xajaru Al Aswadku ku jiro ka heleen warqad lagu dhigay afka saryaaniga. Markaasey aqoon waayeen waxa ku dhigan. Markaasaa waxaa u akhriyey nin yuhuudi ah, waxa ku dhignaana waxay ahaayeen sidatan: وحففتها بسبعة، وصورت الشمس والقمر، خلقتها يوم خلقت السماوات واألرض،"أنا هللا ذو بكة ". مبارك ألهلها في الماء واللبن، ال تزول حتى يزول أخشباها،أمالك حنفاء “Anaa Allaahu Thuu Bakkata, khalaqtuhaa yawma khalaqtu al Ssamaata wa al arda, wa sawwartu al shamsa wa al qamara, wa xafaftuhaa bi sabcati amlaakin xunafaa’a, laa tazuulu xattaa yazuula akh-shabaahaa, mubaarakun li ahlihaa fii al maa’i wa al labani.” Qoraalka macnihiisu waxaa weeye: "Anigu waxaan ahay Allaahu\أهلل, Anigaana Bakkah\ بكةiska leh, waxaanna abuuray maalintaan Samaawaatka iyo arliga abuuray, aanna sawiray qorraxda iyo dayaxa. Waxaanna ku hareereeyey toddoba (saf oo) Malaa'ig suuban ah. Makkahna\ مكةzuuli mayso oo way jireysaa inta buureheedu jiraan. Waxaa ehelkeeda degganna loo barakeeyey biyaha iyo caanaha." Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: "Waxaa la ii wariyay inay Maqaaanka\ المقامka heleen warqad ay ku dhiganatahay: 107 "."مكة بيت هللا الحرام يأتيها رزقها من ثالثة سبل ال يحلها أول من أهلها "Makkah\ مكةwaa Guriga Ilaahay oo Xurmada leh, rizqigeeduna wuxuu uga yimaadaa saddex dariiq, xalaalna uma aha xalaaleysashadeeda -siday Quraysh\ قريشwaa dambe dhexdeeda ugu dagaashay, siduu Al Suhaylii\ السهيليu fasiray." Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: "Layth bin Abii Sulaym ليث بن أبي سليمwuxuu sheegay inay afar sano ka hor soo diridda Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ay ka heleen Kacbada dhexdeeda -hadday waxa la sheegay run yihiin- dhagax ayna ku dhigan tahay: ، وتجزون الحسنات! أجل، تعملون السيئات. يحصد ندامة، ومن يزرع شرا، يحصد غبطة،"من يزرع خيرا ".كما ال يجتنى من الشوك العنب Qoraalka macnihiisu waxaa weeye: "Qofka khayr abuura wuxuu goostaa ghibdhah -oo af soomaali ku ah wax fiican oo qof la siiyey, iyo inuu dadku jecleysto in ayagana waxaas fiican oo wayn oo uu goostay oo kale helo ayagana la siiyo, ayadoo uu qofka haystana uusan waxaas waayin, oo ma aha xaasidnimo. Qofka shar abuurana shallayto ayuu goostaa. Wax xun ayaad suubisaan, wax fiican ayaana la idiinku abaal gudaa! Haa. Sidaan canabka qodax la' aan loo soo guri karin oo kale." Al Suhaylii\ السهيليwuxuu Macmar bin Rashiid\ معمر بن راشدka wariyay inuu Al Zuhriyyu \الزهري yiri: "Waxaa isoo gaartay inay Qurayshi\قريش, markay Kacbada dhisayeen, ay heleen dhagax saddex dhinac leh. Dhinaca koowaad waxaa ku dhigan: ال تزول حتى يزول، وحففتها بسبعة أمالك حنفاء،"أنا هللا ذو بكة صغتها يوم صغت الشمس والقمر ". مبارك ألهلها في الماء واللبن،أخشباها Qoraalka macnihiisu waxaa weeye: "Anigu waxaan ahay Allaahu هللا, Anigaana Bakkah بكةiska leh, waxaanna abuuray maalintaan Samaawaatka iyo arliga abuuray, aanna sawiray qorraxda iyo dayaxa. Waxaanna ku hareereeyey toddoba (saf oo) Malaa'ig suuban ah. Makkahna zuuli mayso oo way jireysaa inta buureheedu jiraan. Waxaa ehelkeeda degganna loo barakeeyey biyaha iyo caanaha." Dhinaca labaad ee dhagaxana waxaa ku dhigan: ومن قطعها، فمن وصلها وصلته، واشتققت لها اسما من اسمي، خلقت الرحم،"أنا هللا ذو بكة ".بتته Qoraalka macnihiisu waxaa weeye: "Anigu waxaan ahay Allaahu. Waxaan abuuray Raximka, waxaanna siiyay magac aan 108 Magaceyga kasoo gooyey. Marka, qotka xiriiriya Aniguna waan xiriirinaya. Qofka gooyana Aniguna waan goynayaa." Dhinaca saddexaadna waxaa ku dhigan: وويل لمن كان الشر على، فطوبى لمن كان الخير على يديه، خلقت الخير والشر،"أنا هللا ذو بكة ".يديه Qoraalka macnihiisu waxaa weeye: "Anigu waxaan ahay Allaahu هللا, Kan Bakkah بكةiska leh. Waxaan abuuray khayrka iyo sharkaba. Waxaa liibaanay kan gacnihiisa khayrku yahay, waxaana hoogay kan gacnihiisa shar ku kasbaday." Dhigidda Dhagaxa Madowالحجر األسود Haashim\ هاشمiyo Xilfiga Al Mudhayyabiina\" حلف المطيبينkuwa udgoon" Haashim هاشمawoowihiis Qusayy bin Kilaab\ قصي بن كالبwuxuu dhalay afar nin oo kala ah Cabdi Manaaf\ عبد منافiyo Cabda Al Ddaari\ عبد الدارiyo Cabdul Cuzzaa\ عبد العزىiyo Cabdi. Qusayy\عبد قصي Qusayy قصيintuu noolaa ayuu wiilkiisa Cabdi Manaaf عبد منافwuxuu hantay sharaf iyo madaxtinnimo oo idil. Sidoo kale waxaa sharaf iyo magac ayaguna helay Cabdul Cuzzaa عبد العزىiyo Cabdiعبد قصي. Sharaftaas iyo magacaas iyo madaxtinnimadaas oo wuu seegay oo wax kama uusan helin wiilkii curadkiisa ahaa oo Cabda Al Ddaari\ عبد الدارahaa. Markaasuu Qusayy قصيintuusan dhiman wuxuu Cabda Al Ddaari عبد الدارku yiri: "Wa Allaahi\ وهللاwiilkaygow, ragga waan kaa daba geynayaa in kastoo ay kaa sharaf iyo madaxtinnimo bateen, oo nin ayaga ka mid ihi Kacbada geli mayo jeer aad adigu u furtid, Qurayshna\ قريشcalan dagaal gunti ma doonto inuu adiga gacantaada ku jiro mooyee, qofna Makkah\ مكةbiyo ka waraabi mayo meel aan Siqaayadaada\ السقايةahayn. Muusinka Xajkana, axadna cunno cuni mayo aan cunnadaada ahayn. Qurayshna قريشtalo ku goyn mayso umuurteeda ka mid ah meel aan Daartaada ahayn." Markaasuu wuxuu siiyay daartiisii ahayd Daaru Al Nadwah\دار الندوة, oo xarunta iyo saldhigga Dawladda Quraysh قريشahayd, halkaasoo ay umuurteeda oo idil ku goosan jirtay, wuxuuna siiyay Al Xijaabata\( الحجابةoo ah adeegga Kacbada iyo Fureheeda), Al Lliwaa'a\( اللواءoo ah calanka ay Qurasyhi قريشhoostiisa isugu timaaddo markay dagaal geleyso), Al Ssiqaayata\السقاية (oo ah waraabinta Xujeyda) iyo Al Rrifaadata\( الرفادةoo ah cunno siinta Xujeyda). 109 Kaddibna Qusayy قصيwuu dhintay, dabadiisana waxaa talada Quraysh \ قريشiyo dadka kaleba oo Makkah\ مكةdegah gacanta ku dhigay wiilashiisa, kuwaasoo dhulka Makkah\ مكةgoobogoobo u qaybiyay, kaddib markuu Qusayy قصيhore gacantiisa qawmkiisa ugu qaybiyay, una cabbiray oo ayaguna u gooyey qawmkooda iyo ghayrkoodba kuwa xulafadooda ah oo axdiga la leh, oo ay markaas dhulkaas ay googooyeen gadeen. Arrinkaas ay ku keceenna Qurayshi\ قريشway ku waafaqday, ayadoo uusan wax khilaaf ah iyo wax wax kala jiidasha ah ayan imaan. Intaas kaddib ayay wiilashii Cabdi Manaaf bin Qusayy عبد مناف بن قصيuu dhalay oo ahaa Haashim\ هاشمiyo Cabdu Shams\ عبد شمسiyo Al Mudh-dhalib\ المطلبiyo Nawfal\ نوفلwaxay goosteen oo ay ku heshiiyeen inay ilmo Cabda Al Ddaari\( عبد الدارoo ah ilmo adeerradood laxmi ah) ka qaataan oo ay gacantooda kala baxaan wuxuu hore Qusayy قصيi siiyay Cabda Al Ddaari عبد الدار, oo ahaa Al Xijaabatu الحجابةiyo Al Liwaa'u اللواءiyo Al Siqaayatu\السقاية iyo Al Rifaadatu\ الرفادة, ayagoo u arkay inay uga xaq leeyihiin, marka sharaftooda iyo madaxtinnimadooda iyo deeqda ay dadkooda ku leeyihiin la tix geliyo. Markaasey Qurayshi kala qaybsantay, oo ay kooxi ilmo Cabdi Manaaf \ عبد منافku raacday aragtidooda ahayd inay ayagu xilkaas ilmo Cabda Al Ddaari عبد الدارuga xaq leeyihhin, marka la tixgeliyo makaanka ay qawmkooda dhexdiisa ku leeyihiin. Koox kalena waxay la safatay reer Cabda Al Ddaariعبد الدار, taasoo u aragtay inaan laga qaadan oo aan gacantooda laga bixin wixii uu Qusayy قصيsiiyay. Reer Cabdi Manaaf\ عبد منافwaxaa taladooda hayey Cabdu Shams bin Cabdi Manaaf عبد شمس بن عبد \مناف, oo ilmo Cabdi Manaaf عبد منافugu da' waynaa. Talada ilmo Cabda Al Ddaari-naعبد الدار waxaa hayey Caamir bin Haashim bin Cabdi Manaaf bin Cabda Al Ddaari عامر بن هاشم بن عبد مناف \بن عبد الدار. Qabaa'ilkii kale ee Quraysh\ قريشwaxaa reer Cabdi Manaaf عبد منافla dhan noqday Banuu Asad bin Cabdul Cuzzaa bin Qusayy\ بنو أسد بن عبد العزى بن قصيiyo Banuu Zuhrata bin Kilaabi بنو \ زهرة بن كالبiyo Banuu Taym bin Murrata bin Kacb\ بنو تيم بن مرة بن كعبiyo Banuu Al Xaarith bin Fihr bin Maalik bin Al Nadr\( بنو الحارث بن فهر بن مالك بن النضرwaa daad dhibic kor ku leh oo saadka ku xiga). Reer Banii Cabda Al Ddaari-na عبد الدارwaxaa la saf noqday Banuu Makhzuum bin Yaqthata (waa tha dhibic kor ku leh oo dha ku xigta) bin Murrata iyo Banuu Sahm bin Camr bin Husaysi (oo labaduba waa saadka shiinka ku xigah) bin Kacb بنو مخزوم بن يقظة بن مرةiyo Banuu Jumax bin Camr bin husaysi bin Kacbi\ بنو جمح بن عمرو بن هصيص بن كعبiyo Banuu Cadiyyi bin Kacbi بنو عدي \بن كعب. Labada Qabiil ee kala ah Banuu Caamir bin Lu'ayy\ بنو عامر بن مؤيiyo Muxaarib bin Fihri محارب \ بن فهرlabada qolo midna lama ayan safan oo way ka dhex bexeen. 110 Markaasey qabaa'ilka koox walba ku jirtay ay axdi adag dhigteen inayan is dhiibin, oo uusan qabiilna midka kale garabkiisa ka bixin intay baddu xeebteeda qoyso (waa intay noolyihiin ayay ka wadaan). Markaasey reer Cabdi Manaaf عبد منافwaxay keeneen xeero uu cadar ka buuxo, ayna keentay Ummu Xakiim Al Baydaa' bintu Cabdu Al Mudh-dhalib\أم حكيم البيضاء بنت عبد المطلب, mataanta Cabdu Allaahi\عبد هللا, Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, aabihiis, waxayna xeeradaas ama baaquligaas cadarku ka buuxo kuway axdiga lahaayeen u dhigeen Masjidka dhexdiisa iyo Kacbada agteeda. Markaasey raggu gacnohooda xeeradaas dhex geliyeen, oo ay markaas ilmo Cabdi Manaaf عبد منافaxdi la dhigteen xulufadooda iyo cahdi. Kaddibna gacnohooday Kacbada mariyeen, adkayn ay heshiiskaan adkeynayaan. Markaasaa waxaa loo bixiyay, waa ilmo Cabdi Manaaf عبد منافiyo xulufadoodiiye, Al Mudhayyabiina\المطيبين, oo ah kuwa udgoon. Waxaa kaloo la oran jiray Al Daafata\الدفت. Sidaas ayaa xilfigaas loogu bixiyay "Kuwa udgoon". Reer Banii Cabda Al Ddaari عبد الدارiyo xulafadooduna waxay axdi iyo ballan adag ku kala dhigteen Kacbada agteeda, kuna ay heshiiyeen inayan is dhiibin, uusan qabiilna midka kale garabkiisa ka bixin. Markaasaa waxaa loo bixiyay kooxdaan "Al Axlaafu\"األحالف, oo ah "Gaashaanbuurta". Markaasey kuwaani waxay keeneen xeero dhiig ka buuxo oo ay gacnohooda wada geliyeen, kaddibna ay Kacbada gacnohooda mariyeen. Markaasaa waxaa loo bixiyay, oo kale, "Laciqatu Al ddami\"لعقة الدم, oo ah "Kuwa dhiigga leefay". Markaasaa qabaa'ilka ay labada kooxood ka koobnaayeen la isku beegay, oo qabiil kasta oo xilfi ka tirsan mid xilfiga kale ka tirsan inuu ke beegmo oo uu celiyo oo uu la dagaallamo lagu aadiyay, dagaalna la isu diyaariyay. Qabaa'ilka sida la isugu beegayna waxay ahayd sidatan: Banuu Cabdi Manaaf عبد منافwaxaa lagu beegay Banuu Sahm\بنو سهم, Banuu Asadبنو أسد waxaa lagu beegay Banuu Cabda Al Ddaari\بنو عبد الدار, Banuu Zuhrata\ بنو زهرةwaxaa lagu beegay Banuu Jumax\بنو جمح, Banuu Taym\ بنو تيمwaxaa lagu beegay Banuu Makhzuum بنو \مخزوم, Banuu Al Xaarith bin Fihr\ بنو الحارث بن فهرwaxaa lagu beegay Banuu Cadiyyi bin Kacbi \بنو عدي بن كعب. Markaasey waxay yiraahdeen: qabiil walba qabiilka la aadiyay ha celiyo. Markay xaaladdu sidaas tahay, oo xarbi la goostay oo la isku diyaariyay, ayaa waxaa lagu dhawaaqay sulxi iyo heshiis, laguna heshiiyay in reer Cabdi Manaaf عبد منافla siiyo Al Siqaayata\ السقايةiyo Al Rifaadata\الرفادة, reer Cabda Al Ddaarna\ عبد الدارla siiyo Al Xijaabatu\الحجابة, Al Liwaa'u\ اللواءiyo Daaru Al Nadwati\دار الندوة, siday hore ugu lahaayeen. Sidaas ayay labada kooxoodba oggolaadeen, raallina ku noqdeen, xarbigiina looga noqday oo nabad la helay. Labadaas xilfi sidaas ayay u jireen ilaa uu Ilaahay Tacaalaa Islaamka ka keeno, markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri: 111 "."ما كان من حلف في الجاهلية فان األسالم لم يزده إال شدة "Maa kaana min xilfin fii al jaahiliyyati fa inna Al Islaama lam yazidhu illaa shiddatan." Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Wixii xilfi jaahiliyada jiray islaamku waxaan xoojin ahayn uma uusan kordhin." Markaasey, sida la yiri, wiilashii Cabdi Manaaf عبد منافqaybtey heshiiskaas ku heleen u qori tuurteen, waxaana helay Haashim bin Cabdi Manaaf\هاشم بن عبد مناف, oo yeeshay Al Siqaayata \ السقايةiyo Al Rifaadata\الرفادة. Isaga dabadiisna waxaa xilalkaas qabtay walaalkiis Al Mudh-dhalib bin Cabdi Manaaf المطلب بن \عبد مناف. Markuu Al Mudh-dhalib المطلبdhintayna waxay xilalkaasi u wareegeen wiilkuu awoowaha u yahay, Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa aabihiis Cabdu Allaahi\ عبد هللاdhalay, Cabdu Al Mudh-dhalib bin Haashim\عبد المطلب بن هاشم Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: "Markaasey qabaa'ilka Quraysh\ قريشdhagaxday Kacbada ku dhisi lahaayeen soo aruuriyeen, ayadoo uu qabiil walba meel u gooni ah dhgaxdiisa isugu keenay. Kaddibna way dhiseen. Markuu dhsimuhu barta Dhagaxa Madow la dhigi lahaa gaaray, ayay ku doodeen, ayadoo uu qabiil walba doonayo inuu keligiis dhagaxa kor u qaado, uuna meeshiisa dhigo, ayadoo uusan qabiil kale la wadaagin. Khilaafkoodu wuxuu gaaray ilaa heer uu qabaa'ilka wadahadallo dhexmaraan, ayna qaarkood qaarka kale isu gaashaanbuursadaan, dagaalna isu diyaariyeen. Markaasey reer Banuu Cabdu Al Ddaar\ بنو عبد الدارwaxay keeneen xeero uu dhiig ka buuxo, oo ay markaas ayaga iyo reer Banuu Cadiyyi bin Kacb bin Lu' ayy\ بنو عدي بن كعب بن لؤيcahdi ku kala qaateen inay dagaallamaan ilaa dhimasho. Dhiiggaas ayay intay gacnohooda geliyeen ayay is dhaarsadeen. Markaasaa waxaa loo bixiyey "lacaqatu al ddami\"لعقة الدم, oo macneheedu yahay kuwa dhiigga leefay. Waxaana kasoo horjeeda reer Cabdu Manaaf iyo gaashaanbuurtooda, oo sidaan kor ugu soo aragnay, la oran jiray “Kuwa udgoon\”ألمطيبين Sidaas ayay xaaladda Qurayshi\ قريشahayd afar habeen ama shan. Intaas kaddib waxay ku kulmeen Masjidka, ayna tashadeen oo shawreen, ayna garsoorteen. Mid ka mid kuwaa Axaadithta wariyay ayaa wuxuu yiri: "Markaasuu aabaha dhalay Umayyah bin Al Mughiirah bin Cabdu Allaahi bin Cumar bin Makhzuum\أمية بن المغيرة بن عبد هللا بن عمر بن مخزوم, oo sanadkaas ah kan Quraysh\ قريشkulligeed ugu da'waynaa, ayaa wuxuu yiri: "Ragga Qurayshow! Waxa aad isku khilaafsantihiin ha idiinku kala gar sooro ninka ugu horreeya oo albaabka Masjidkaan kasoo gala, hana idin kala xukumo." Markaasey oggolaadeen. Markaasuu ninka ugu horreeya oo usoo gala wuxuu noqday Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu 112 Calayhi Wasallam. Markaasey markay arkeen waxay yiraahdeen: "Kani waa Al Amiinu \"األمين, oo ah "Midka la aamino, oo lagu kalsoon yahay. Raalli ayaan ku nahay. Waana Muxammad." Markaasuu markuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allahu Calayhi Wasallam, u yimid ayay khabarkooda u sheegeen. Markaasuu Saallaa Allaahu Calayhi Wasallam wuxuu yiri: "."هلم إلي ثوبا "Halumma ilayya thawban", oo macneheedu yahay: "Maro ii keena." Markaasaa maro loo keenay, maradana waxaa lahaa Al Waliidu bin Mughiirah \الوليد بن المغيرة, waxayna ahaydna maro cad oo arliga Shaam\ الشامlaga keenay, siduu Cabdu Al Xamiid Jawdah Al Saxxaar\ عبد الحميد جودة السحارu wariyay. Markaasuu, Saallaa Allaahu Calayhi Wasallam, intuu Dhagaxa Madow qaaday ayuu marada dhexdeeda gacantiisa shariifka ah ku dhigay, kaddibna uu yiri: ". ثم ارفعوا جميعا،"ليأخذ كل قبيلة بناحية من الثوب "Li ya'khuth kullu qabiilatin bi naaxiyatin mina al th-thawbi, thumma irfacuuhu jamiican", oo macneheedu yahay: "Qabiil walba dhinac ha ka qaaddo marada, nmarkaas kaddibna wadajirkiinna marada kor u qaada." Markaasey sidaas yeeleen. Markaasey markay marada gaarsiiyeen meesha Dhagaxa Madow la dhigi lahaa, ayuu intuu isaga laftiisu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Dhagaxa marada gacantiisa shariifka ah uga kor qaaday, ayuu gacantiisa meeshuu Kacbada ku lahaa dhigay." Al Suhaylii\ السهيليwuxuu wariyay inuu Quraysh\ قريشla joogay Ibliis\إبليس, Allaha lacnadee, isagoo leh suuradda oday reer Najdi\ نجدah, oo uu markaas codkiisa ugu dheer la qayliyay oo uu yiri: "Ragga Qurayshow! Ma waxaad raalli ku noqoteen inuu Rukniga (oo ah magac kale ee Xajaru Aswadka) dhigo, Ruknigoo sharaftiinna ah, wiil agoon ah, da'diinana aan gaarin?" Markaasuu dhexdooda sidaas shar uga huriyey. Kaddibna way xasileen. Al Xajaru Al Aswadu/Dhagaxa Madow\الحجر األسود Dhagaxa Madow waa dhagaxa ku dhex jira Rukniga ama tiirka Kacbada ee koofureed. Bartuu Kacbada uga jiro waxay dhulka ka korreysaa hal mitir iyo toban sentiimitir. Dhagaxa Madow dhererkiisu waa shan iyo labaatan sentiimitir, ballaciisuna waa qiyaas toddoba iyo toban 113 sentiimitir. Dhaguxu wuxuu ku dhex jiraa oo uu ku dhegganyahay darbiga Kacbada. Markii hore Dhagaxu wuxuu ahaa hal dhagax, laakiinse dhacdooyinka uu soo maray zamankii shiicada Al Qaraamidah\ القرامطةiyo ghhayrkoodba ayaa madixiisa muuqda oo dadka soo xigah kala jebiyay. Taas ayaana u sabab ah inuu annaga noogu muuqdo, markaan Kacbada dibaddeeda ka fiirinno, sideed cad ama go' ama dhagax oo yaryar, oo jirmigoodu kala duwan yahay, kooda ugu weynna uu xabbad timir ah le'egyahay. Sideedaas go' waxay ku tallaalan yihiin dhagax kale oo weyn, kaasoo ay dugaagad ballaarani oo qalin ah ku wareegsantahay. Sideedaas dhagax weeye kuwa loo qasdayo in la dhunkado, ee ma aha dhagaxa weyn oo ayaga ku wareegsan, oo qalinku kusii kor wareegsan yahay. Dhagaxaas wayn iyo dugaagadda qalinka ahba waxaa la dayactiray bisha Rabiicu Al A wwal \ ربيع األولee sanadka Hijriga ah ee kun iyo afar boqol iyo labo iyo labaatan. Al Qaraamidhah القرامطةwaxay ahaayeen koox shiico ah oo shiicada ismaaciiliyada baadhiniyada ah ka tirsan, ahna kuwa raacsan Abuu Dhaahir Al Qarmadhii\أبو طاهر القرمطي, oo Dhagaxa Madow Kacbada kala baxay, una qaatay oo lategey degmada la yiraahdo Al Axsaa'األحساء. Warkaan iyo midka ku xigaba oo Dhagaxa Madowe ku saabsan waxaan kasoo qaadannay Taarikhu Makkah Al Mukarra,mah Qadiiman wa Xadiithan\ تاريخ مكة المكرمة قديما وحديثاee uu dhigay Dr. Muxammad Ilyaas Cabdu Al Ghaniiد\محمد إلياس عبد الغني. Midabka Dhagaxa Madow Al Tarmathii\ الترمذيwuxuu wariyay inuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu CaLayhi Wasallam, yiri: ". فسودته خطايا بني آدم."نزل الحجر األسود من الجنة وهو أشد بياضا من اللبن "Nazala Al Xajaru Al Aswadu mina Al Jannati wa huwa ashaddu bayaadan mina al llabani. Fa sawwadathu khadhaayaa banii Aadama." Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Wuxuu kasoo degay Dhagaxa Madoobi Jannada isagoo caanaha aad uga caddaan badan. Markaasaa waxaa madoobeeyey dambiyada ubadka Aadan (waana markay dhunkadaan, ama taabtaan, oo halkaas dambigooda lagu dhaafo)". Waa Xadiithka sideed boqol iyo toddoba iyo toddobaatan ee Al Tarmathiiالترمذي, waana Xadiith \ صحيحsaxiix ah. Waxaana jira riwaayado warinaya inay qaybta Dhagaxa Madow oo darbiga gudihiisa ku jirta ay caddahay. Riwaayadahaas waxaa ka mid ah midda laga wariyay Mujaahid \مجاهد, oo yiri: "Waxaan arkay Dhagaxa markuu ibnu Al Zubayr \( إبن الزبيرwaana Cabdu Alllaahi bin Al Zubayru bin Al Cawwaamu\عبد هللا بن الزبير بن العوام, Allaha labadoodaba raalli ka noqdee) uu Baytka dumiyey (si uu dib ugu dhiso). Markaasaan waxaan arkay in inta Dhgaxa ka midka ah ee Guriga gudihiisa ku jirta oo dhan ay caddaan tahay." Waxaa Xadiithka wariyay Akhbaaru Makkah ee Al Faakihii\أخبار مكة للفاكهي. Waxaa sidaas lagu ogaaday in qaybta Dhagaxa ee ay dambiyadu madoobeeyeen ay tahay inta ka muuqata oo keli ah. Waxaana dhici karta in taas daraadeedba Dhagaxa Madow loogu magacaabay. 114 Al Qaraamidhah\ القرامطةwaxay ahaayeen koox shiico ah oo degi jirtay gobolka la oran jiray Al Axsaa'\األحساء, gobolkaasoo koobi jiray Baxrayn\بحرين, Imaaraatka Midoobey ee Abuu Thabi\اإلمارات العربية المتحدة, Qadhar\ قطرiyo Kuwayt\كويت, siduu u sheegay kitaabka Adhlas al taariikh Al Carabii Al Islaamii\أطلس التاريخ العربي األسالمي, uuna dhigay Dr. Shawqii Abuu Khaliil \د\شوقي أبو خليل. Shiicadaas waxaa aasaasay ninka ay ku abtirsadaan oo la yiraahdo Xamdaan\ حمدانama Al Faraj bin Cuthmaan\ الفرج بن عثمان, ama Al Faraj bin Yaxyaa\الفرج بن يحيى, siduu Al Ziriklii\ الزركليkitaabkiisa Al Ac1aamu األعالمugu sheegay, waxaana lagu koofaari jiray Al Qirmidhiiالقرمطي, oo loo nisbeeyey magaalo la oran jiray Qirmidh \ قرمطoo iiraan\ إيرانku tiillay. Shiicadaas ayaa Dhagaxa Madow Kcbada kala baxday sanadka Hijriga ah ee saddex boqol iyo sagaal iyo toban, ayay waxay la aadeen Al Axsaa'\األحساء. Waxaa Dhagaxa Al Axsaa' \األحساء. laga soo celiyay sanadka Hijriga ah ee saddex boqol iyo sagaal iyo soddon. Fadliga Dhagaxa Madow Dhagaxa Madow wuxuu Jannada kasoo degay isagoo ah xabbad yaaquut ah, oo yaaquutka Jannada ka mid ah, waxaana loo keenay Nabi Ibraahiim\إبراهيم, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, si uu u dhigo, oo uu u geliyo Rukniga Kacbada. Kaddibna waxaa gacantiisa Shariitka ah ku qaaday oo meeshiisa dhigay Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, markay Qurayshi\ قريشKacbada dib u dhiseysey. Waxaana Dhagaxa Madow sharaf u kordhiyay iyo fadli inuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, dhunkaday, iyo Anbiyadii ka horreyseyba. Dhagaxa Madow ayaa dhawaafka Kacbada lagu dhawaafayo laga bilaabaa, isagaana lagu dhammeeyaa, isaga ayna ku kulmeen bashimaha Anbiyada Saalixiinta ah, xujeyda iyo kuwa soo cumreystaba taariikhda banii Aadanka oo idil. Dhagaxa Madow agtiisa ducada waa lagu aqbalaa, marag ayuuna Maalinta Qiyaame u noqdaa qofka run ahaan u taabta, siduu Al Tarmathii \الترمذي uga wariyay Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo yiri: ". ولسان ينطق به يشهد على من استلمه بحق، له عينان يبصر بهما،"وهللا ليبعثنه هللا يوم القيامة "Wa Allaahi la yabcathannahu Allaahu Yawma Al Qiyaamati, lahu caynaani yubsiru bihimaa, wa lisaanun yandhiqu bihi yash-hadu calaa man istalamahu bi xaqqin." Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Wa Allaahi وهللاIlaahay wuxuu soo saarayaa Maalinta Qiyaame isagoo leh laba indhood oo uu wax ku arko iyo carrab uu ku hadlo, uuna u markhaati kacayaa kan si xaq ah u taabtay." Waana Xadiithka sagaal boqol iyo kow iyo lixdan ee Al Tarmathii\الترمذي. Waqtigii Jaahiliyada waxaa kaloo Buurta Kacbada agteeda ah, oo uu hadda guriga boqorka Sucuudigu ku kor yaallo la oran jiray Al Amiinu\األمين, oo macneheedu yahay midka aaminka ah, maxaa yeelay waxaa la dhigay oo lagu amaaneystay Xajarul Aswadka, siday uu Al Bukhaarii \( البخاريxadiithka saddex kun iyo labo boqol iyo kow iyo soddon) Cabdu Allaahi bin Camr عبد \هللا بن عمرو, Allaha raalli ka wada noqdee, ka wariyay inuu yiri: "Dhagaxa Madow wuxuu kasoo degay Samada, markaasaa la dul dhigay (buurta) Abuu Qubays \ أبو قبيسisagoo ah qaaruurad kristall ah oo cad, halkaasoo uu afartan sano ku sugnaa, markaas 115 kaddib markuu lbraahiim\ إبراهيمRukniga dhisay ayaa halkaas la dhigay." Jabalu Abuu Qubays\ جبل أبو قبيسwaa mid ka mid ah labada buurood ee Makkah\ مكةee la yiraahdo Al Akh-shabaani\ األخشبانoo macneheedu yahay buurta wayn, midka kalena waa buurta la yiraahdo Jabalu Qaciiqaan\ جبل قعيقانoo Masjidka xagga Waqooyi iyo Waqooyi Galbed ka xigtah, waana labad buurood oo uu Malagga Buuruhu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku yiri: "Muxamadow, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, haddaad rabtid inaan ku awdo (Makkah \مكة iyo dadka deggan) labada Akh-shab, waan yeelayaa", uuna Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku yiri: "."بل أرجو أن يخرج هللا عز وجل من أصالبهم من يعبد هللا عز وجل وحده "Bal arjuu an yukhrija Allaahu Cazza wa Jalla min aslaabihim man yacbudu Allaaha Cazza wa Jalla Waxdahu." Xadiithkaan macnihiisu waxaa weeye: "(Maya buuraha ha isugu dhufan oo yeeyan sidaas reer Makkah\ مكةku halaagmine) Bal waxaan rajo ka qabaa inuu Ilaahay, Cazza wa Jalla, dhabarradooda kasoo saaro kuwo Ilaahay Cazza wa Jalla Keligiis caabuda." Waana xadiithka saddexkun iyo labo boqol iyo kow iyo soddon ee Bukhaarii\البخاري. Dhismaha Quraysh\قريش Markaasey lacagtii xalaasha ahayd oo ay iska soo aruuriyeen ku filaan weydey inay u goyso qalabkii dhismaha ee Kacbada oo idil siduu lbraahiim\ إبراهيمu dhisay dib loogu dhisi lahaa. Markaasey waxay dhankeeda Xijru lsmaaciil xigah ka gooyeen oo ay ka tageen qiyaas saddex mitir, oo ayan dhisin. Sidaas ayay saddexdaas mitir oo xagga Xijiru Ismaaciil\ حجر إسماعيلxigtah qofka ku tukada uu run ahaantii Kacbada dhexdeeda ugu tukaday. Arrinkaasi yuusan ku seegin. Al Tarmithii\ الترمذيwuxuu Xadiithkiisa sideed boqol iyo lix iyo toddobaatan ku wariyay inay Ummul Mu'miniin Caa'ishah\أم المؤمنين عائشة, Allaha raalli ka noqdee, tiri: : فأخذ رسول هللا صلى هللا عليه وسلم بيدي فأدخلني الحجر فقال،"كنت أحب أن أدخل البيت فأصلي فيه ". فإنما هو قطعة من البيت،"صلي فيه إن أردت دخول البيت “Kuntu uxibbu an adkhula Al Bayta fa usalli fiihi, fa akhatha Rasuulu Allaahi Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam bi yadii fa qaala: “sallii fiihi in aradti dukhuula Al Bayti, fa innamaa huwa qidh-catun mina Al Bayti.” Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Waxaan jeclaa inaan Baytka galo oo aan dhexdiisa ku tukado. Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, gacanta i qabtay oo uu Al Xijru\ الحجرi geliyey, wuxuuna yiri: 116 “(Xijru Ismaaciil\حجر إسماعيل, waana saddexda mitir oo xagga Kacbada xigta) dhexdiisa ku tuko haddaad dooneysid inaad Baytka gashid, oo isagu waa go' ka mid ah Baytka." Xadiith kale oo uu Al Haythamii\ الهيثميMajmacu Al Zawaa'idi مجمع الزوائدmujalladka saddexaad boggiisa laba boqol iyo toddoba iyo afartan ku wariyayna waxay Caa'ishah أم المؤمنين عائشةku tiri: "."ما أبالي صليت في الحجر أو في البيت “Maa ubaalii sallaytu fii Al Xijri aw fii Al Bayti.” Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Dan kama lihi oo waa isugu key mid inaan Al Xijru ku tukado ama Baytka dhexdiisa." Qurayshi waxay kaloo Kacbada ka beddeshay, markay dib u dhiseysey, inay albaabka dhulka kor uga qaadeen, oo hadana wuxuu ka sarreeyaa laba mitir iyo shan iyo labaatan sentiimitir, waxayna sidaas u yeeleen inuu Kacbada galo qof ay ayagu u oggolaadeen oo keli ah, waxayna awdeen irriddii galbeedaad, oo middaan hadda jirta kasoo horjeeday. Waxay kaloo Kacbada u yeeleen saqaf, ayadoo ay tuugo intay darbigeeda taftay oo ka boodday maalkii Kacbada oo dhexdeeda ku jiray xadday. Darbigu wuxuu markaas ahaa afar mitir iyo labo iyo soddon sentiimitir. Markaasey Quraysh darbiga dheereysey, waxayna ka dhigtay si deed mitir iyo afar iyo lixdan sentiimitir. Waxay kaloo Kacbada u yeeleen dhuun dhalada Kacbada kasoo qaada biyaha roobka ama biyaha lagu dhaqo. Dhuuntaasna, oo la yiraahdo Al Miizaabu\الميزاب, waxay biyahaas kusoo shubtaa Xijru Ismaaciil\حجر إسماعيل. Dhuuntaas hoosteedana ducada waa lagu aqbalaa. Wuxuu dhismaha Qurayshi intii dhismo oo kale uga khayr badan yahay, oo uga sharaf badan yahay, isagoo uu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, gacnihiisa sharafta leh wax uga dhisay, isagoo dhagaxda wax kasoo daldalay, Xajarul Aswadkana gacantiisa sharafta leh ku geliyay Rukniga, siduu Al Bukhaarina\ البخاريugu wariyay Xadiithkiisa kun iyo shan boqol iyo labo iyo sideetan. Cabbirrada Kacbada Maantadaaan aan joogno, siduu u sheegay Dr. Maxammad Ilyaas Cabdu Al Ghanii د\محمد إلياس عبد الغني, dhigayna kitaabkiisa Taariikhu Makkah Al Mukarramah Qadiiman wa Xadiithan تاريخ \مكة المكرمة قديما وحديثا, Kacbada taaggeeda ay xagga Samada u taagantahay waa afar iyo toban mitir. Wajigeeda albaabku ku yaallo dhererkiisu waa laba iyo toban mitir iyo afar iyo sideetan sentiimitir. Dhererka wajigeeda Xijru Ismaaciil\ حجر إسماعيلxiga waa kow iyo toban mitir iyo sideed iyo labaatan sentiimitir. Dhererka dhabarkeeda oo ah dhinaca albaabka ku beegan oo ka soo horjeeda, una dhexeeya Xijru Ismaaciil\ حجر إسماعيلiyo Al Ruknu Al Yamaaniyyu \ الركن اليمانيwaa laba iyo toban mitir 117 iyo kow iyo toban sentiimitir. Dhererka wajigeeda laba Rukni, oo kala ah Al Ruknu Al Aswadu\ الركن األسودoo uu Xajarul Aswadku\ الحجر األسودku jiri iyo Al Ruknu Al Yamaaniyyu الركن اليمانيwaa kow iyo toban mitir iyo labo iyo konton sentiimitir. Inta kaloo war ah oo Kacbada ku saabsan ayadoo tifaftiran waxaan uga soo warrannay kitabkeenna Qusayy\قصي, oo ah kan afaraad ee Taxanahaan Siirada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ee halkaas ha laga doonto. Al Amiinu\األمين Quraysh\ قريشwaxay Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ugu yeeri jirtay, inta ka horreysey markuu Waxyigu dushiisa kusoo degey, Al Amiinu\ األمين, oo macneheedu yahay "Kan la aamino, oo lagu kalsoon yahay, raallina lagu yahay." Markaasey markay Quraysh قريشdhismaha Kacbada dhammeysey oo ay kasoo jeesatay, ayna u dhiseen siday doonayeen inay u dhisaan, ayu Al Zubayru bin Cabdu Al Mudh-dhalib الزبير بن عبد المطلب, Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, adeerkiis aabihiis la dhashay wuxuu tiriyey gabay uu ku sheegayo abeesaday Qurayshi \ قريشuga baqaysey dhisidda Kacbada iyo siduu haadku ula tegey, iyo siday u dhiseen. Kacbadu waxay waqtiga Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ahayd sideed iyo toban diraac ama dhudhun, waxaana la huwin jiray oo loo xiri jiray dharaka la yiraahdo Al Buruuduالبرود. Midka ugu horreeyey oo Kacbada Kiswah\ كسوةxariir ah ugu arratirana wuxuu ahaa Al Xajjaaj bin Yuusuf Al Thaqafii\الحجاج بن يوسف الثقفي. Sidaas ayay Quraysh\ قريشdhismaha Kacbada ku dhammeystirtay, cabbirradeeduna waa sidaan kor ugu soo aragnay, ayagoo markay nafaqada lagu dhisi lahaa iyo qalabka dhismuhu ka go'een, ka yareeyey aasaaskii Ibraahiim\إبراهيم, oo saddex mitir oo xagga Xijriga xigta ka tegey, oo dhismo ahaan way ka yartahay dhismihii Ibraahiim\ إبراهيم, Calayhissalaamu. Xadiithka Al Xumsa\حديث الحمس Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: "Quraysh\ قريشwaxay hindistay oo ay bilowday, mana ogi inay ahayd sanadka maroodiga ka hor ama kaddib, arrinka al xumsa الحمس, ahaydna talo ay is tuseen, ayna goosteen oo ay ku dhaqmeen, ahaydna inay yiraahdeen: "Annagu waxaan nahay dhasha Ibraahiim إبراهيمiyo ehelka Xaramka oo la xurmeeyey, iyo kuwa Kacbada maamula oo u adeega, iyo kuwa Makkah\ مكةay waddankooda tahay oo deggan. Sidaas daraadeed ayayan axad Carabta ka mid ah u ahaanin wax xaqqeenna la mid ah iyo wax makaankeenna u dhigma, Carabtuna ay u aqoonsantahay. Sidaas daraadeed, shayna ha u weyneynina ee arliga xalaasha ah (waana inta Makkah\ مكةka baxsan iyo xuduudda Xaramka) sidaad u weyneysaan Xaramka. Maxaa yeelay haddaad sidaas yeeshaan Carabi waxay yareysaneysaa xurmadiinna." Waxayna yiraahdeen: "Waxay arliga xalaasha ah u weyneeyeen siday Xaramka u weyneeyeen oo 118 kale." Markaasey waxay ka tageen istaagidda Carafo\ عرفاتmaalinta Xajka, iyo kasoo gaddoonkeedaba xagga Al Muzdalifah\ المزدلفةloo soo gaddoomayo habeenkaas ay Ciidda Carrafo soo geleyso, ayagoo isla markaasna qiraya inay istaagidda iyo kasoo gaddoonka Carafo mashaacirta Xajka ka mid yihiin iyo Diinta Ibraahiim إبراهيم, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Isla markaasna waxay yiraahdeen inay tahay inay Carabta inteeda kale ee soo xajjida ay Carafo \ عرفاتistaagaan, kana soo gaddoomaan, waxayna yiraahdeen: "Annagu waxaan nahay ehelka Xaramka, marka nooma bannaana in xurmada Xaramka dibadda aan uga baxno, mana u weyneyneynno arliga intiisa kale sidaan Xaramka u weneyneynno, sidaan annagu Xaramka u weyneynno haddaan Al Xumsa إبراهيمnahay. Al Xumsana waaإبراهيم ehelka Xaramka." Banka Carafaat\ عرفاتwaa ka baxsan yahay Xaramka Makkah\حرم مكة. Markaasey waxay isku si ula dhaqmeen Crabta ku dhalata Xaramka dhedxdiisa iyo kuwa ku dhasha dibaddiisaba. Qabaa'ilka Kinaanah\ كنانةiyo Khuzaacah\ خزاعةayaa ayaguna taladaan la galay. Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: "Waxay sidaas ku hindiseen oo ay bilaabeen arrimo ayan ahayn inay yeelaan, ilaa ay gaareen heer ay ka yiraahdaan: "Uma bannaana Al Xumsa\ الحمسinay jubniga cunaan, subagana ay shiilaan ayagoo ixraaman, iyo inay galaan aqal dhogor (waa reeryee) laga sameeye, iyo inay harsadaan markay qorraxda ka harsadaan waxaan ahayn aqal harag iyo saan laga sameeyey mooyee markay ixraaman yihiin." Markaasey kasii badiyeen, oo ay yiraahdeen: "Uma ay bannaana dadka Xaramka dibaddiisa ka yimid inay cunaan cunnada ay la yimaadeen oo ay arliga xalaasha ah kala yimaadeen, markay yimaadaan ayagoo soo xajjiyay ama soo cumraystay. Umana bannaana, markay Makkah\ مكةsoo galaan, inay dhawaafka ugu horreeya ku dhawaafaan waxaan ahayn dharka Al Xumsa\الحمس. Hadday dharka Al Xumsa الحمسheli waayaan, waxay Kacbada ku dhawaafayaan ayagoo qaawan." Al Suhaylii\ السهيليwuxuu intaas ku daray inay haweenkooduna timaha iyo dhogorta xoolaha midna ayan falkin karin, waa Al Xumseeالحمس. Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: "Hadduu nin ayaga ka mid ihi, ama haweeney, ay heli waayaan dharka Al Xumsaالحمس, oo ay markaas ku dhawaafaan dharkooda ay xilliga Xaramka dibaddiisa ah kala yimaadeen, markuu dhawaafka dhammeysto dharkaas wuu tuurayaa, mar dambena ebedkiis ku intifaaci mayo, isaga iyo ghayrkiisba dharkaas. Dharkaas sidaas loo tuuray Carabtu waxay oran jiliay Al Laqaa \اللقا. Sidaas ayay Carabta ku khasbeen inay yeelaan, Carabtuna intay oggolaatay ay ka diin yeelatay. Carabta, oo aan Al Xumsa الحمسahayn, way istaagi jirtay Carafo\ عرفاتmaalinta Xajka, ayadeyna kasoo gaddoomi jireen. Kacbadana waxay ku dhawaafi jireen ayagoo qaawan. Haweenkuse dharkoo idil ayay iska furi jireen, intaan cambuurka ahayn oo ka furan dhanka hore ama xagga dambe. Markaasey cambuurkaas ku dhawaafi jirtey. Markaasey haweeney Carabta ka mid ah, oo 119 sidaas ku dhawaafeysa ayaa gabayday, waxayna tiri: وما بدا منه فال أحله اليوم يبدو بعضه أو كله Al Yawma yabduu bacduhu aw kulluhu Wa maa badaa minhu fa laa uxilluhu. Tixdaas macneheedu waxaa weeye: Maanta waxaa muuqanaya qaarkiis ama kulligiis\ Inta ka muuqatana xalaaleyn mayo. Qisada haweentaan waxaa kaloo wariayay, iyo Aayadda kusoo degatayba Muslim\مسلم, waana Xadiithkiisa saddex kun iyo si deed iyo labaatan. Al Suhaylii السهيليwuxuu yiri: "Haweenta sidaas tiri waa Dubaacah bintu Caamir bin Sacsacah\ضباعة بنت عامر بن ضعضعة, kana sii ah Banuu Salamah bin Qushayr\بنو سلمة بن قشير. Muxammad bin Xabiib\ محمد بن حبيبwuxuu xusay inuu RasuuIka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, doonay, oo markaas kibir loogu sheegay. Markaasuu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, iska daayey. Markaasaa waxaa la yiri: "Waxay u dhimatay calool xumo iyo tiiraanyo inuusan Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, guursan." Marka ayuu Al Suhaylii السهيليyiri: "Hadduu warkaasu run yahay, kama uusan reebin haweentaas inay noqoto Ummu Al Mu'miniina\ أم المؤمنينiyo haweenta Rasuulka Raabiga Caalamiinta, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxaan ahayn oraahdeedaas ay tiri Maanta waxaa muuqanaya qaarkiis ama kulligiis/inta ka muuqatana xalaaleyn mayo, taasoo ah karaameyn uu Ilaahay Nabigiisa ku karaameeyey, Isagoo xog ogaal u ah masayrkiisa, isagana Ilaahay ayaa ka masayr badan." Waa intaas warka Al Suhayliiالسهيلي. Quraanka Al Xumsa\ الحمسkusoo degay Sidaas ayay Al Xunmsaa\ الحمسahaayeen oo ay u dhaqmayeen ilaa uu Ilaahay Tacaalaa Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, kasoo diray, uuna axkaamta Diintiisa kusoo dejiyay, uuna sharciyeeyey axkaamta Xajkiisa, wuxuuna Aayadda boqol iyo sagaal iyo sagaashan ee Suuratu Al Baqarah\ سورة البقرةku yiri: ِ ِ الناس و ِ َّ َّ )111( يم ُ يضوا ِم ْن َح ْي َ َث أَف ُ ثَُّم أَف ْ َ ُ َّ اض ٌ ُاسرَ ْغف ُروا اللهَ إِ َّن اللهَ َغف ٌ ور َرح "Thumma afiiduu min xaythu afaada al nnaasu wa istaghfiruu Allaaha inna Allaaha Ghafuurun Raxiimun(199)." Aayadda macneheedu waxaa weeye: "Markaas ka gaddooma meeshuu dadku ka gaddoomayo, dhambi dhaafna waydiista, Ilaahay waa Dambidhaafe Naxariistee(199)." Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa, wuxuu la hadlayaa, oo uu sidaas amrayaa Quraysh\قريش. Erayga ah Al Nnaasu\ الناسoo Aayadda ku jirana waa Carabta inteeda kale. Ilaahay Tacaalaa wuxuu Quraysh\ قريشfarayaa inay Carafo\ عرفاتistaagaan, kana soo gaddoomaan. 120 Al Xumsa\ الحمسsiday dadka uga xaaraantimeeyeen cunnadooda ay sitaan iyo dharkooda ay xiran yihiin markay Kacbada yimaadaanna, ayna ku khasbeen inay ayagoo qaawan dhawaafaan, ayagoo ka xaaraantimeeyey dharkay kala yimaaddeen Xaramka dibaddiisana, wuxuu Ilaahay Tacaalaa kasoo dejiyay Aayadaha kow iyo soddon iyo labo iyo soddon iyo saddex iyo soddon ee Suuratu Al Acraafi\سورة األعراف, uuna ku yiri: ُّ َد َم ُخ ُذوا ِز َينرَ ُك ْم ِع ْن َد ُك ِّل َم ْس ِجٍد َو ُكلُوا َوا ْش َرُبوا َوََل رُ ْس ِرفُوا إَِّنهُ ََل ُي ِح َ) ُق ْل َم ْن َح َّرَم ِز َينة31( ين َ َيا َبنِي آ َ ب اْل ُم ْس ِرِف ِ ِ َِِّ ِ ِ َخرج لِ ِعب ِاد ِه والطَّيِّب ِ َّ ِ َّ ُّ َمُنوا ِفي اْل َح َي ِاة ِ الرْز ام ِة َك َذلِ َك ِّ ات ِم َن َ َ َ َ َ ْ الله الري أ َ ق ُق ْل ه َي للذ َ الد ْن َيا َخال َ صةً َي ْوَم اْلق َي َ ين آ ِ ) ُق ْل إَِّنما ح َّرم ربِّي اْلفَو32( ات لِقَوٍم يعلَمون ِ ص ُل ْاْلَي ِْ ظهر ِم ْنها وما َبطَ َن و ِّ اْلثْ َم َواْل َب ْغي بِ َغ ْي ِر اْل َح ق ِّ َُنف َ اح َ َ ُ َْ ْ َ َ َ َ َ َ ش َما َ َ َ َ َ َ َ َ ِ َّ )33( ون َ َن رُ ْش ِرُكوا بِاللَّ ِه َما لَ ْم ُي َنِّز ْل بِ ِه ُسْل ْ ط ًانا َوأ ْ َوأ َ َن رَقُولُوا َعلَى الله َما ََل رَ ْعلَ ُم "Yaa banii Aadama khuthuu ziinatakum cinda kuIli masjidin wa kuluu wa ishrabuu wa laa tusrifuu Innahu laa yuxibbu al musrifiina(31)Qul man xarrama ziinata Allaahi allatii akhraja li cibaadihi wa al dhayyibaati mina al rrizqi qul hiya lillathiina aamanuu fii al xayaati al ddunyaa khaalisatan Yawma Al Qiyaamati kathaalika nufassilu al Aayaati li qawmin yaclamuuna(32)Qul innamaa xarrama Rabbi al fawaaxisha maa thahara minhaa wa maa badhana wa al ithma wa al baghya bighayri al xaqqi wa an tushrikuu bi Allaahi maa lam yunazzil bihi suldhaanan wa an taquuluu calaa Alalaahi ma laa taclamuuna(33)." Aayadaha macnohoodu waxaa weeye: "Banii Aadamow, qaata quruxdiinna, oo dharkiinna xirta oo cawradiinna qariya, masjid kasta agtiisa -waa mar kastoo aad ama dhawaafeysaan ama aad tukaneysaanaba-, cunnadana cuna, oo hilibka iyo subagga iyo waxaad doontaanba cuna oo cabba, hana xad gudbina adingoo xaaraantimeynaya cunnaduu Ilaahay xalaaleeyey, Ilaahayna kuwa xadgugba ma jecla, oo sidaas fala(31)Waxaadna tiraahdaa: yaa xaaraantimeeyey quruxdii, waa dharkiiye, uu Ilaahay usoo saaray addoommadiisa, oo ah in markay dhawaafayaan ay labbiskooda xirtaan, iyo rizqiga wanaagsan, oo ah hilbaha iyo subagga oo la cuno xilliga Xajka? Waxaad tiraahdaa: waxaa iska leh kuwa rumeeyey (iyo gaaladaba) adduunkaan dhexdiisa, waxayna khaalis u yihiin mu'miniinta, oo uusan gaal sad ku lahayn Maalinta Qiyaame. Sidaas ayaan ugu caddaynnay Aayaadka qawm wax og(32)Waxaad tiraahdaa: Wuxuu uun xaaraantimeeyey Rabbigay waxa xun kooda muuqda, oo ah inay ragguu maalinti ayagoo qaawan ay dhawaafaan iyo kan qarsoonba, oo ah inay haweenku habeenka ayagoo qaawan Kacbada ku dhawaafaan, iyo dambiga, iyo dulmiga iyo kibirka iyo inaad la wadaajisaan Ilaahay wuxuusan Xujjo usoo dejin, iyo inaad ku sheegtaan Ilaahay waxaydnaan ogayn, oo ah in wax la xaaraantimeeyo diinta ku saabsan, ayadoo aan yaqiin la haysan)33(". Sidaas ayuu Ilaahay Tacaalaa wuxuu ku buriyay waxay Qurayshi\ قريشhindistay oo ay bilowday, wuxuuna ugu beddelay Islaamka, markuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, usoo diray. Waxaa kaloo kusoo degatay Aayadda shan iyo soddonaad ee Suuratu Al Anfaal سورة \األنفال, oo uu Ilaahay Tacaalaa ku yiri: ِ َ) وما َكان ص ًَلرُهم ِع ْن َد اْلب ْي ِت ِإ ََّل م َكاء ور32( )37( ون َ صد َيةً فَ ُذوقُوا اْل َع َذ َ َ اب بِ َما ُك ْنرُ ْم رَ ْكفُُر ْ ًَ ُ ُْ َ َ َ َ 121 "Wa maa kaana salaatuhum cinda Al Bayti illaa mukaa'an wa tasdiyatan fa thuuquu al cathaaba bimaa kuntum takfuruuna(35)." Aayadda macneheedu waxaa weey: "Salaadooda Kacbada agteeda ahna, ma aha waxaan ahayn foori iyo scab tumid, ayadoo ay markay dhawaafayaan foorin jireen saccabbadana isgu tumi jireen, ee dhedhemiya cathaabta, gaalnimadiinna daraadeed(35)." Waxaa kaloo kusoo degatay Aayadda boqol iyo sagaal iyo sideetanaad ee Suuratu Al Baqarah \سورة البقرة, oo uu Ilaahay Tacaalaa ku yiri: ِ ون َك ع ِن ْال ِ يت ِل َّلن ِ ُوت ِم ْن ظُه ورَها َولَ ِك َّن اْل ِب َّر َم ِن ارَّ َقى َ َن رَأْرُوا اْلبُُي ُ َهلَّ ِة ُق ْل ِه َي َم َو ِاق ْ اس َواْل َح ِّج َولَ ْي َس اْلبُِّر بِأ َ َ َُي ْسأَل ِ َّ َّ ِ َ وأْرُوا اْلبي )181( ون ُُ َ وت م ْن أ َْب َوابِهَا َوارَّقُوا الل َه لَ َعل ُك ْم رُْفل ُح َ "Wa laysa al birru an ta'tuu al buyuuta min thuhuuribaa wa laakinna al birra mani ittaqaa wa atuu al buyuuta min abwaabihaa wa ittaquu Allaaha lacallakum tuflixuuna(189)." Aayadda macneheedu waxaa weeye: "Baarrinnimada iyo samafalku ma ah inaad guryaha ugaga timaaddaan oo aad ka gashaan dhabarkooda, ayagoo Al Xumsa\ الحمسىmarkay u ixraaman yihiin Xaj ama Cumro ay guryohooda xagga dambe kasoo geli jireen ama ay darbiga kasoo boodi jireen, oo ayan albaabka hore kasoo geli jirin, baarrinnimaduse waa qofka Ilaahay ka dhawrsada, guryahana uga yimaada oo ka gala albaabyadooda, markaad ixraamantihin. Ilaahayna ka baqa, markaasaad waxaad mudan tihii inaad liibaan taane(189)." Istaagidda Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Carafo Bicthada horteed Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu wariyay inuu Jubayr bin Mudhcim\ جبير بن مطعمyiri: "Waxaan arkay Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, marka Waxyiga lagu soo dejiyey horteed, isagoo hal saaran oo Carfo\ عرفاتtaagan, dadka qawmkiisa sokadooda, lana soo gaddoomaya, ayadoo uu Ilaahay waafajiyay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam tasliiman kathiiran." Ilaahay ayaa waafajiyay waxaa weeye, ayuu Al Suhaylii \ السهيليyiri: "si ayan u seegin ajarka xajku." Jubayr bin Mudhcim جبير بن مطعمmarkuu arkay Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo Carfo\ عرفاتtaagan wuxuu yiri: "Kani waa nin axmas\ حمسىah, marka muxuu u dan leeyahay oo uu Al Xumsa\ الحمسىula istaagi waayey meeshay taagan yihiin?" Sidaas ayuu Kitaabkii Haashim\أبو القاسمku dhammaaday, wa al xamdu li Allaahi Rabbi al caalamiina wa Sallaa Allaahu calaa Sayyidinaa wa Mawlaanaa Muxammadin wa calaa Aalihi wa Saxbihi Wasaallam tasliiman kathiiran. 122 Taxanaha Siirada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam (kow iyo Toban) Al Bicthah البعثة Soo diridda Nabi Muxammad Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam Waxaa dhigay Dr. Xasanweli Sheekh Xuseen Cismaan Waxaa daabacday Daaru Al Seerah P.O. Box 200984 - Boston, MA 02120 - U.S.A. 123 Tusmada Kitaabka Mawduuca Bogga 1.Tusmada Kitaabka 2.Araarta dhigaha kitaabka 3.Odorisidda kuhaanta Carabta 4. Siday Carabtu xiddigaha la ganayo u haysatay 5.Ganidda shayaadhiinta 6.Jinniga Quraanka dhegeystay 7.Go'idda kuhaanada 8. Kaahinadda Al Ghaydhalatu 9. Khadhar: kaahinka Lihib n 10. Kaahinka Qabiilka Janb 11. Cumar iyo Sawaad bin Qaarib al Dawsiyyi 12. Riwaayada Al Suhaylii ee Cumar iyo Sawaad 13. Sawaad iyo qabiilkiisa Daws 14. Sawdaa'a bintu Zuhrah: kaahinadda Quraysh 15. Arrinka jinniga Nasiibiin 16. Jinniga Quraanka dhegeystay oo islaamay 17. Digidda yuhuudda ee soo diridda Nabiga, \صلى هللا عليه وسلم 18.Yuhuudiga dariska reer Banuu Cabdu Al Ash-hal 19.Bishaaraynta ibnu Al Hayyabaanu 20.Zayd bin Sucnatu 21.Islaamidda Salmaan Al Faarisii 22.Asalka sadaqada iyo hadiyada Salmaan 23. Janaazada maalintaas 24.Geedaha timirta la tallaalay 25.Ciise ina Maryama iyo Salmaan 26.Xusidda Waraqah, ina Jaxsh, ina Al Xuwayrith iyo Zayd 27.Waraqah bin Nawfal 28. Cubaydu Allaahu bin Jaxsh 29.Cuthmaan bin Al Xuwayrith bin Asad 30. Zayd bin Camr bin Nufayl Al Cadawii 31.Goobidda Zayd ee Diinta Al Xanafiyyah 32. Riwaayada Al Suhaylii ee Zayd 33. Sifada RasuuIka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam, ee Injiilka 34. Sifooyinka Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam, ee Axbaarta 35. Ekaanshihiisa, \صلى هللا عليه وسلم, ee InjiiIka ku dhignayd 36. Al Bictha: soo diridda Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam 37.Taariikhda Bicthada 38.Cumrigiisa Sallaa Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam Maalinta Bicthada 39. Soo degidda Quraanka 40. Macnaha soo degidda Quraanka 41. Bilaabashada Waxyiga 42.Joogsiga Waxyiga 43. Isku duubidda iyo camajuujinta 44. Salaamidda iyo Cawthibilleysiga 39. Ku noqosho Xadiithka Waxyiga 40. Khadiijah iyo Caddaas 41. Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam iyo Waraqah bin Nawfal 42.Siduu Nabigu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam wadankiisa u jeclaa 123 125 127 130 132 134 136 137 138 141 141 142 145 146 147 150 150 151 152 153 155 164 164 165 165 168 168 169 170 172 175 177 179 180 181 183 184 184 185 186 187 188 190 191 191 193 194 195 124 43. Dhanbalidda laabtiisa shariifka ah, Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam 44.Marka Saddexaad ee dhanbalidda Laabtiisa Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam 45. Joogsiga Waxyiga 46. Salaamidda dhagaxda iyo geedaha 47. Ictlkaafkiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam ee Xiraa'a 48. Kasoo degidda buurta 49.Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam iyo Waraqah bin Nawfal 50. Khadiijah iyo Jibriil 51. Martabooyinka Waxyiga 52. Inta goor oo Jibriil Nabiga,\ صلى هللا عليه وسلم, kusoo degay 195 196 197 198 199 200 202 203 205 213 125 بسم هللا الرحمن الرحيم Araarta dhigaha kitaabka الحمد هلل رب العالمين والثناء هلل وصلى هللا على سيدنا وموالنا محمد وعلى أله الطيبين الطاهرين وسلم تسيلما كثيرا كلما أما بعد،ذكره الذاكرون وغفل عن ذكره الغافلون Kitaabkaan Al Bicthah\ البعثة, kana laba iyo konton qaybood, waa kii kow iyo tobanaad ee Taxanaha Siirada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Maraajicda dib loogu noqon karana waa kutubbada Tafsiirka Quraanka, gaar ahaan Tafaasiitka Al Baghawii\البغوي, Al Qurdhubii\القرطبي, Al Aluusii\األلوسي, Dhaahir Caashuur\ طاهر عاشوسiyo kuwa kaleba, iyo kutubbada Xadiithka oo lagu kalsoon yahay sida Al Bukhaarii \البخاري, Muslim \ مسلمiyo Axmad\ أحمدiyo Sunanka; Kutubbada Siirada sida Ibnu Hishaam\( سيرة إبن هشامoo dhintay laba boqol saddex iyo toban sanadka Hijriga), kitaabka Sharxu al callaamah Al Zarqaanii (oo dhintay sanadka kun iyo boqol iyo labo iyo labaatan Hijraga) Calaa Al Mawaahibu Al Laduniyyah bi Al Minaxi Al Muxammadiyyah\شرح العالمة الزرقاني على المواهب اللدنية بمنح المحمدية uuna dhigay al callaamah Al Qasdhalaanii\( العالمة القسطالنيoo dhintay sanadka sagaal boqol iyo saddex iyo labaatan Hijrada). Al Rawdu Al Unuf\ الروض األنفee Al Suhaylii\( السهيليoo dhintay shan boqol kow iyo sideetan ee sanadka Hijriga), Al Dhabarii \( الطبريoo dhintay saddex boqol iyo toban sanadka Hijriga), Ibnu Kathiir\( إبن كثيرoo dhintay toddoba boqol afar iyo toddobaatn sanadka Hijriga), Al Bayhaqii\( البيهقيoo dhintay afar boqol iyo sideed iyo konton Hijriga), Al Thahabii\( الذهبيoo dhintay toddoba boqol sideed iyo afartan Hijriga), Al Mascuudii\( المسعوديoo dhintay saddex boqol lix iyo afartan ee sanadka Hijriga), Al Qaadii Al Imaam Xusayn bin Muxammad, bin Al Xasan Al Diyaarbakrii\( القاضي اإلمام حسين بن الحسن الدياربكريoo dhintay sagaal boqol lix iyo lixdan sanadka Hiiriga), Al Imaam Calii bin Burhaanuddiin Al Xalabii اإلمام علي \( برهان الدين الحلبيoo dhintay kun afar iyo afartan ee sanadka Hiiriga), Al Qadii Ciyaad القاضي \( عياضoo dhintay shan boqol afar iyo afartan ee sanadka Hijriga), iyo Cabdul Xamiid Jawdah Al Saxxaar\ عبد الحميد جودة السحار, oo waa dhow dhintay, iyo Muxammad Ridaa\ محمد رضاiyo Kitaabu Al Shajarti Al Nabawiyyati fii nasabi khayri al bariyyati \ كتاب الشجرة النبوين في نسب خير البريةSallaa Allaahu Calayhi Wasallam, uuna hubiyay Al Imaamu Jamaaluddiini Yuusuf bin Xasan bin Cabdil Haadii Al Maqdisiyyi\اإلمام جمال الدين يوسف بن خسن بن عبد الهادي المقدسي, oo faraca Amiirul Mu'miniin Cumar\ أمير المؤمنين عمرah, dintayna (sagaal boqol iyo sagaal Hijriga) iyo Daliilo Al Xaaji Al Musawwar\ دليل الحاج المصورuuna dhigay Saalix Muxammad Jamaal\صالح محمد جمال intuusan dhiman ka horna ahaa Madaxa Mudhawwafiinta Dawladaha Carabta ee Makkah Al Mukarramah\مكة المكرمة, iyo Dalaa'ilu Al Nubuwwati\ دالئل النبوةee Al Xaafith Abii Nucaym Al Asbahaanii\ الخافظ أبو نعيم اإلسبهانيoo dhintay (afar boqol soddon Hijriga), Lisaanu Al Carabi لسان \ العربee Al Imaamu Al Manthuur\( اإلمام المنظورnoolaana inta u dhexaysa lix boqol soddon iyo toddoba boqol kow iyo toban Hijriga), Mukhtaaru Al Sixaaxi\ مختار الصحاحee Al Raazii\الرازي, iyo Taariikhu Makkata Al Mukarramati Qadiiman wa Xadiithan\ تاريخ مكة المكرمة قديما وحديثاee Dr. Muxammad Ilyaas Cabdul Ghanii\ د\محمد إلياس عبد الغنيiyo kuwo kaleba. Tafsiirka af Soomaaligana waxaan in badan ka qaatay Kitaabka uu tarjumay Sheekh Maxmuud Maxame Cabdi Allaha, dambigiisa dhaafee. Waxa suuban oo ku dhigan kitaabkaanna waa nicmo Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa\ هللا سبحانه وتعاليuu igu galladaystay, wixii qalad ahna waxay ka yimaadeen aniga iyo shaydhaan, Ilaahay iyo Nabi Muxammadna, Sallaa Allaahu Calyhi Wasallam, waxay ka yihiin barii iyo eed laawayaal. Waxaan Ilaahay, Cazza wa Jalla هللا 126 \عزوجل, ku xamdinayaa siduu iigu sahlay dhigiddiisa, waxaanna ka baryayaa inuu iga aqbalo, qofka akhristana uu ku anfaco, ajarkiisana uu aniga iyo labadii i dhashay iyo intaan jecelnahayba iyo inta Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, jecelba uu na siiyo nooguna kaydiyo maalin ayayan maal iyo wiil toona wax tarayn, qofka Ilaahay qalbi fiyow la hor yimaada mooyee. Waxaa dhigay midka naxariista iyo dambi dhaafka Ilaahiis faqirka u ah Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, Woonsocket, Rhode Island, USA Jimce, toddoba iyo labaatanka Bisha Rabiicu Al Awwal\ ربيع األولkun afar boqol lix iyo labaatan Hijriga, una dhiganta1ixda Maajo laba kun iyo shan. 127 Kuhaanta Carabta oo odorostay soo diridda Nabiga Salla Allaah u Calayhi Wasalalam Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: "Culummada yuhuudda iyo ruhbaanta krishtaanka iyo kuhaanta Carabtu waxay ka warrameen soo diridda Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Bicthada\ البعثةhorteed iyo intaan la soo dirin ka hor, waqtigiisuna uu soo dhowaaday. Culummada yuhuudda iyo kuwa krishtaanku waxay warkiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka heleen kutubbadooda, oo tilmaamay isaga sifooyinkiisa iyo sifooyinka zamankiisa iyo siday Anbiyadoodu cahdi iyo ballan uga qaadeen in marka Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, la soo diro ay rumeeyaan oo ay raacaan, ayna u gargaaraan. Kuhaanta Carabtuse waxay ka ogaadeen shayaadhiinta ay xiriirka la lahaayeen. Shayaadhiintaasi waxay kuhaanta u keeni jireen waxay kasoo maqlaan Samada, ayagoo aan waagaas Samada looga reebin xiddigo ololaya oo lagu soo gano. Sidaas ayay kuhaanta ragga ah iyo kuhaanta haweenka ahba waxay ka maqli jireen waxa socda. Warkaas Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku saabsan oo ay shayaadhiinta ka maqlaanna, Carabtu dan kama yeelan jirin, ilaa uu Ilaahay kasoo diray, oo ay markaas dhaageen waxay u sheegi jireen. Markaasey aqoonsadeen." Al Suhaylii\ السهيليwuxuu yiri: "Waxaa akhbaarta lagu wariyay inuu Ibliis\ إبليسCiise\ عيسىhortiis Samaawaadka dhex gooshi jiray. Markaasaa marka Ciise عيسىlasoo diray, ama markuu dhashay saddex Samo laga xijaabay oo laga reebay. Markuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, dhashayna Samaawaadka oo idil ayaa laga xijaabay oo laga reebay, shayaadhiintuna markay u dhowaadaan xiddigo ololaya ayaa lagu soo ganaa. Markaasaa markay bateen xiddigaha lagu ganayo ayay Qurayshi\ قريشwaxay tiri: "Saacaddi ayaa kacday." Markaasuu Cutbah bin Rabiicah\ عتبة بن ربيعةwuxuu yiri: "Waxaad fiirisaan xiddigga la yiraahdo Al Cayuuqu\ العيوق-oo ah xiddig wayn oo guduudan- oo haddii xiddiggaas la ganay, markaas kicidda Saacadda ayaa soo dhowaatay. Haddaan isaga la ganinna sooma ayaan dhowaan." Kuwa khabarkaan xusayna waxaa ka mid ah Al Zubayr bin Abii Bakr\الزبير بن أبي بكر." Waa intaas warka Al Suhaylii\السهيلي. Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: "Markaasaa, markuu amarka Rasuulka Ilaahay, Salla Allaahu Calayhi Wasallam, soo dhowaaday, soo diriddiisana la gaaray, ayaa shayaadhiinta dhegeysiga laga reebay oo laga xijaabay, lana kala dhex galay ayaga iyo barahay Samada ka fariisan jireen si ay waxay Malaa'igtu ku wada hadleyso maqalka wax uga soo dafaan. Markaasaa waxaa lagu rajmiyay oo lagu ganay xiddigo. Markaasey jinniyadu waxay ogaadeen inay taasi sidaas ku ahaatay arrin uu Ilaahay addoommadiisa la doonayo daraadeed. Ilaahay T abaaraka wa Tacaalaa wuxuu Nabigiisa Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u sheegayaa markuu soo diray, Isagoo uga 128 warramaya marka jinniga laga xijaabay inay wax dhegeystaan, ayna ogaadeen waxay ogaadeen, ayanna waxaas oo idil midna ka inkirin oo diidin markay arkeen waxay arkeen: ِ ) َي ْهِدي إِلَى1( اسرَ َم َع َنفٌَر ِم َن اْل ِج ِّن فَقَالُوا إَِّنا َس ِم ْع َنا قُ ْآرًَنا َع َجًبا ْ ُ ُق ْل أُوح َي إِلَ َّي أََّنه.بسم اهلل الرحمن الرحيم ِ ِ ِ ُّ ان َيقُو ُل َ َمَّنا بِه َولَ ْن ُن ْش ِر َك بَِرب َِّنا أ َ ) َوأَنَّهُ َك3( صاح َبةً َوََل َولَ ًدا َ ) َوأََّنهُ رَ َعالَى َج ُّد َرب َِّنا َما ارَّ َخ َذ2( َح ًدا َ الر ْشد فَآ ِ ِ َّ ِ ِ ِْ َن لَ ْن رَقُو َل ان ِر َجا ٌل ِم َن ْ ) َوأَنَّا ظََنَّنا أ2( َسفيهَُنا َعلَى اللَّه َشطَطًا َ ) َوأََّنهُ َك7( اْل ْن ُس َواْل ِج ُّن َعلَى الله َكذًبا ِ ِ ِ ِ ٍ س يعوُذون بِ ِرج ِْ َّم ِع فَ َم ْن َي ْسرَ ِم ِع ْاْلَ َن َي ِج ْد ُ ال م َن اْل ِج ِّن فَ َز ُاد َ َ ُ َ ِ اْل ْن ْ َوأََّنا ُكَّنا َن ْق ُع ُد م ْنهَا َمقَاع َد للس....)6( وه ْم َرَهقًا ِ ِ يد بِ َم ْن ِفي ْال َْر )11( ض أ َْم أ ََر َاد بِ ِه ْم َربُّهُ ْم َر َش ًدا َ ) َوأََّنا ََل َن ْد ِري أَ َشٌّر أ ُِر1( ص ًدا َ لَهُ شهَ ًابا َر "Qul uuxiya ilayya annahu istamaca nafarun mina at jinni faqaaluu innaa samicnaa Qur'aanan cajaban(l)Yahdii ilaa al rrushdi fa aamannaa bihi wa lan nushrika biRabbinaa axadan(2)Wa Annahu Tacaalaa Jaddu Rabbinaa maa ittakhatha saaxibatan wa laa waladan(3)Wa annahu kaana yaquulu safiihunaa calaa Allaahi shadhadhan(4)Wa annaa thanannaa an llan taquula al insu wa al jinnu calaa Allaahi kathiban(5)Wa annahu kaana rijaalun mina al insi yacuuthuuna bi rijaalin mina al jinni fazaaduuhum rahaqan(6) ... Wa annaa kunnaa naqcudu minhaa maqaacida lilssamci faman yastamic al aana yajid lahu shihaaban rrasadan(9)Wa annaa laa nadrii asharrun uriida biman fii al ardi am araada bihim Rabbuhum rashadana(10)." Aayadaha, oo ah Aayadaha kow ila lix iyo sagaal iyo toban ee Suuratu Al Jinni\سورة الجن macnohoodu waxaa weeye: "Waxaad tiraahdaa, Nabiyow: "waxaa la ii waxyooday inay koox jinni ah dhegeysteen Quraanka, oo uu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, akhrinayo. Markaasey markay arligooda ku laabteen, waxay dadkooda ku yiraahdeen: "waxaan maqalnay Quraan balaaghadiisa iyo aftahannimadiisa lala yaabo, oo cajiib ah(1 )Quraankaasoo dadka ugu yeeraya sawaabta oo ah tawxiidka iyo midaynta Ilaahay iyo iimaanka, markaasaan rumaynnay, cibaadadana Rabbigeen axadna la wadaajin mayno(2)Rabbigeenna Wayn oo Cathiimka ahna ma yeelan oo waa ka weynyahay inuu yeesho haweeney iyo ilmo midna(3 )Keennii xumaana, oo ah ibliis, wuxuu ahaa kan Ilaahay been ka sheega, isagoo ku tilmaamay inuu shariik iyo ilmo leeyahay( 4)Annaguna waxaan u maleyneynay inuusan insiga iyo jinniguba ayan Ilaahay been ka sheegayn, oo waxay noo sheegeen oo aan malayneyney waxay ahayd inuu Ilaahay haweeney iyo ilmo leeyahay ilaa aan Quraanka ka maqalno(7)Waxayna ahaayeen, islaamka hortiis rag Carab ahi markuu safar ku hjiro oo uu waadi ku hoydo, wuxuu sharta waadigaas ka magan geli jiray jinniga meeshaas deggan, ilaa uu ka waabariisto, taasoo jinniga kibir iyo xadgudub iyo dambi u siyaadisay, oo rahaqan waa dambiga iyo xadgudubka(6) ... Waxaanna ahayn kuwa Samada ka fariistah fariisimo si aan wax uga dhegeysanno. Haddase kii wax dhegeysta waxaa haleelaya danabyo lagu soo ganayo(9)Annaguna ma ogsoonin in shar lala doonayo kuwa arliga ku nool ama uu Rabbigood hanuun la doonayo(10)." Markaasey jinnigu markay Qur' aanka maqleen waxay ogaadeen in dhegeysiga looga reebay si aan Waxyiga shayna ugu qasmin, Waxyigoo ah khabarka Samada ka yimaada, oo uu markaas dadka arliga deggan uu isaga qasmo waxa Ilaahay xaggiisa uga yimid, si ay xujjadu ugu caddaato, wax isku qasanna meesha laga waayo, oo uu amarku u caddaado. 129 Markaasey aamineen oo ay rumeeyeen, kaddibna ay ku yiraahdeen tolkood, siday noo warisay Aayadda soddonaad ee Suuratu Al Axqaaf\سورة األحقاف: ِ ِ ِ ِ ِ ِ ِ ِ ٍ ق لوِالَى طَ ِري ق ُم ْسرَِق ٍيم َ وسى ُم َ قَالُوا َيا قَ ْو َم َنا إَِّنا َسم ْع َنا كرَ ًابا أ ُْن ِز َل م ْن َب ْعد ُم َ ِّ ص ِّدقًا ل َما َب ْي َن َي َد ْيه َي ْهدي إلَى اْل َح )31( "Qaaluu yaa qawmanaa innaa samicnaa Kitaaban unzila min bacdi Muusaa musaddiqan limaa bayna yadayhi yahdii ilaa al Xaqqi wa ilaa dhariiqin Mustaqiimin(30)." Aayadda macneheedu waxaa weeye: "Jinnigii Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Quraanka ka maqlayna markay tolkooda oo degmada Nasiibiin ee waqooyiga dalka Ciraq ku taalla dib ugu laabteen waxay ku yiraahdeen: "Tolkeenow! Waxaan maqalnay Kitaab, waa Quraankee, la soo dejiyay Muuse\ موسىdabadiis, oo waxay ku taagnaayeen diinta yuhuudda, oo rumaynaya kutubbadii ka horreeyey, dadkana ku hanuuninaya Xaqqa iyo wadada toosan(30)." ٍ ون بِ ِر َج ِْ ان ِر َجا ٌل ِم َن ِ اْل ْن Oraahda jinniga oo ah )6( وه ْم َرَه ًقا ُ ال ِم َن اْل ِج ِّن َف َز ُ اد َ س َي ُعوُذ َ َوأََّنهُ َك "Wa annahu kaana rijaalun mina al insi yacuuthuuna bi rijaalin mina al jinni fazaaduuhum rahaqan(6)" waxaa weeye inay rag Carab ihi Quraysh\ قريشiyo ghayrkoodba markuu socdaal ku jiroo uu waadi ama dooxo dhexdeeda oo arliga ka mid ah ku dego si uu ugu hoydo waadina waa dooxada ama banka intuu doono ha le'ekaadee buuro dhexdooda ku yaalla, oo ay buurahaasi biyaha roobka kusoo rogaanayuu wuxuu yiraahdaa: "Anigu waxaan caziizka -waa lagama adkaadehee- waadigaan ee jinniga ka mid ah ka magan galay caawa waxa shar ah ee dhexdiisa ku jira." Al Baghawii\ البغويwuxuu tafsiirkiisa Aayadda lixaad ee Suuratu Al jinni\ سورة الجنuga wariyay Kardamu bin Abii Al Saa'ib Al Ansaarii\ كردم بن أبي السائب األنصاريinuu yiri: "waxaan u raacay aabahay Al Madiinah\ المدينةoo uu xaajo ka lahaa, markaasoo ahayd marka ugu horreysey oo Rasuulka Ilaahay, Saallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Makkah\ مكةlagu xusay. Markaasaan waxaan la hoyanney nin ari raacanaya. Markaasey markuu habeenku kala barmay, ayaa waxaa yimid dhurwaa, markaasu wuxuu qaatay oo uu la tegey wan ariga ka mid ah. Markaasuu ninkii ariga la joogay booday, uuna yiri: "Kan waadiga degganow, magan gelyadaadaan ku jiraa!". Markaasaa waxaa dhawaaqay mid dhawaaqa oo aanan annagu u jeedin oo yiri: "Sarxaanow\سرحان, sii daa." Markaasaa waxaa yimid wankii oo ordaya, oo ariga dhex galay ayadoo ayan xagtini gaarin." Markaasuu Ilaahay, Cazza wa Jalla, Rasuulkiisa, Saallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo Makkah ٍ ون بِ ِر َج ِْ ان ِر َجا ٌل ِم َن ِ اْل ْن \ مكةjooga Aayaddaan )6( وه ْم َرَه ًقا ُ ال ِم َن اْل ِج ِّن َف َز ُ اد َ س َي ُعوُذ َ َوأََّنهُ َك "Wa annahu kaana rijaalun mina al insi yacuuthuuna bi rijaalin mina al jinni fazaaduuhum rahaqan(6)" kusoo dejiyay." Waa intaas tafsiirka Al Baghawii\ البغويmarkaan. 130 Siday Carabtu u haysatay xiddigaha la ganayo jaahiliyada Ibnu Isxaaq\ إبن إسجاقwuxuu yiri: "Carabta waxaa ugu horreeyey cid xiddigaha la ganayo ka naxda qolo ka mid ah qabiilka Thaqiif\ثقيف, oo Al Dhaa'if\ الطائفdegta. Markaasey waxay u yimaadeen nin ayaga u dhashay, lana yiraahdo Camr bin Umayyah عمرو بن \أمية, kana sii ah reer Banii Cilaajعجالج. Wuxuu yiri: wuxuuna ahaa ninka Carab ugu daahiyasan, waa caqli badnidee, uguna talo fiican. Markaasey waxay ku yiraahdeen: "Camrow, soo ma aadana arag waxa Samada dhexdeeda ka dhacay oo ah xiddigaha la ganayo?" Wuxuu yiri: "Haa, waan arkay ee marka adinkuna u fiirsada oo u kuur gala: hadday yihiin waxa la ganayo xiddigaha waaweyn oo lagu hanuuno marka barriga iyo badahaba la marayo, laguna kala yaqaanno xilliyada jiilaalka iyo gu' ga, ahna xiddigaha nolosha dadka u danta ah, hadday kuwaasi yihiin kuwa la ganayo, hadaba Wa Allaahi \ وهللاwaa duubidda adduunka iyo dhammaadkiisa iyo halaagga khalqiga dhexdiisa ku suganba. Haddayse xiddigaha la ganayo xiddigo kale yihiin, ayaguna ay xaaladdooda lagu yaqaanno ku sugan yihiin, marka kaasi waa amar uu Ilaahay la doonay khalqigaan. Amarkaas-se muxuu yahay?" Ibnu Isxaaq\ إبن إسجاقwuxuu wariyay inay rag Ansaar ah sheegeen inuu Rasuulka Ilaahay, Saalla Allaahu Calayhi Wasallam, ayaga ku yiri: ""ما كنتم تقولون في هذا النجم الذي يرمى به؟ "Maathaa kuntum taquuluuna fii haathaa al najmi allathii yurmaa bihi?" Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Maxaad ka oran jirteen xiddigahaan la ganayo?" Waxay yiraahdeen: "Nabiga Ilaahayow! Waxaan oran jimay markaan aragno ayadoo la ganayo: "waxaa dhintay boqor!", "Boqor ayaa la caleemo saaray", "wiil ayaa dhashay", "wiil ayaa dhintay". Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Saalla Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri: فسبح. فسبحوا، ولكن هللا تبارك وتعالى كان إذا قضى في خلقه أمرا سمعه حملة العرش،"ليس ذلك كذلك . فيسبحوا، فال يزال التسبيح يهبط حتى ينتهي إلى السماء الدنيا. فسبح لتسبيحهم من تحت ذلك.من تح تهم "أال:" فيقولون. فسبحنا لتسبيحهم، "سبح من فوقنا: "مما سبحتم؟" فيقولون:ثو يقول بعضهم لبعض "مما: فيقال لهم. حتى ينتهوا إلى حملة العرش،تسألون من فوقكم مما سبحوا؟" فيقولون مثل ذلك ، فيهبط به الخبر من سماء إلى سماء. "قضى هللا في خلقه كذا وكذا" ألمر الذي كان:سبحتم؟" فيقولون ثم يأتوا به. فتسترقه الشياطين بالسمع على توهم واختالف. فيتحدث به.حتى ينتهي إلى السماء الدنيا فيصيبون بعضا. فيتحدث به الكهان. فيخطؤون ويصيبون. فيحدثونهم به.الكهان من إهل األرض . فأنقطعت الكهانة اليوم. ثم إن هللا عز وجل حجب الشياطين بهذه النجوم اللتي يقذفون بها.ويخطؤون بعضا ".فال كهانة "Laysa thaalika kathaalika, wa laakinna Allaaha Tabaaraka wa Tacaalaa kaana ithaa qadaa fii khalqihi amran samicahu Xamalatu Al Carshi, fa sabbaxuu. Fa sabbaxa man 131 taxtahum. Fa sabbaxa li tasbiixihim man taxta thaalika. Falaa yazaalu al tasbiixu yahbidhu xattaa yantahii ilaa Al Ssamaa'a al ddunyaa, fa yusabbixuu. Thumma yaquulu bacduhum li bacdin: "Mimmaa sabbaxtum?" Fa yaquuluuna: "Sabbaxa man fawqanaa, fa sabbaxnaa li tasbiixihim." Fa yaquuluuna: "Alaa tas'aluuna man fawqakum mimma sabbaxuu?" Fa yaquuluuna mithla thaalika, xattaa yantahuu ilaa Xamalati Al Carshi. Fa yuqaalu lahum: "Mimma sabbaxtum?" Fa yaquuluuna: "Qadaa Allaahu fii khalqihi kathaa wa kathaa" li amri allathii kaana. Fa yahbidhu bihi al khabaru min Samaa'in ilaa Samaa'in, xattaa yantahii ilaa al Ssamaa'i al ddunyaa. Fa yataxaddathuu bihi. Fa tastariquhu al shayaadhiinu bi al ssamci calaa tawahhumin wa ikhtilaafin. Thumma ya'tuu bihi al kuhaana min ahli al ardi. Fa yuxaddithuuhum bihi. Fa yakhdha'uuna wa yusiibuuna. Fa yataxaddathu bihi al kuhaanu. Fa yusiibuuna bacdan wa yakhdha'uuna bacdan. Thumma inna Allaaha Cazza wa Jalla xajaba al sh-shayaadhiina bi haathihi al nujuumi allatii yuqthafuuna bihaa. Fa inqadhacat al kuhaanatu al yawma. Falaa kuhaanata." Waxaa isaguna Xadiithka wariyay Muslim\مسلم, kuna wariyey Kitaabu Al Ssalaamu\كتاب السالم, tirada boqol iyo afar iyo labaatan, waxaana laga wariyay ibnu Cabbaas \إبن عباس, Ilaahay isaga iyo aabihiisba raalli ha noqdee. Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Arrinku sidaas aad u sheegteen ma aha, ee laakiin waa sidatan: Markuu Ilaahay Cazza wa Jalla \ هللا عز وجلkhalqigiisa amar xukunkiisa ah ku rido, waxaa maqasha Malaa'igta Carshiga Xambaarsan, oo la yiraahdo Xamalatu Al Carshi\حملة العرش. Markaas ay maqlaan ayay tasbiixsadaan (oo waxay yiraahdaan Subxaana Allaahi). Markaasey malaa'igta hoostooda ahi ayaguna tasbiixsadaan. Markaasey markay malaa'igta ka hooseysa tasbiixdaas maqlaan ayay ayaguna la tasbiixsadaan. Sidaas ayay tasbiixsashadu hoos ugu soo degataa ilaa ay ka timaaddo Samada dhow ee adduunka soo xigta. Markaasey malaa'igta ayada ku sugani tasbiixsadaan, oo markaasey waxay qaarkood qaarka kale ku leeyihiin: "Maxaad ka tasbiixsateen?" Markaasey waxay leeyihiin: "Waxaa tasbiixsaday kuwa naga korreeya, markaasaan annaguna tasbiixdooda la tasbiixsannay". Markaasey waxay leeyihiin: "Maad kuwa idinka korreeya weydiisaan: "Maxaad ka tasbixsateen?" Markaasey sidaas oo kale leeyihiin. Markaasey qolaba kuwa ka korreeya sidaas oo kale u weydiinayaan ilaa ay gaaraan Xamalatu Al Carshigaحملة العرش. Markaasaa waxaa ayagana lagu leeyahay: "Maxaad ka tasbiixsateen?" Markaasey waxay leeyihiin: "Ilaahay ayaa khalqigiisa sidaas iyo sidaas ku xukumay" ayagoo amarkii ahaa sheegaya. Markaasuu khabarku soo deganayaa oo uu Samaba Samada ka hooseysa uga soo deganayaa ilaa uu ka yimaado Samada dhow oo adduunka soo xigta. Markaasey malaa'igtu amarkaas isaga ah ku sheekeysanayaan. 132 Markaasey shayaadhiintu maqalkooda kusoo xadayaan oo ku dafayaan, si malo ku dhisan iyo ikhtilaafba. Markaasey waxay u imaanayan kuhaanta, waa faaliyayaashee, arliga jooga, markaasey uga warramayaan. Markaasey gafayaan, ayna haleelayaan (waxay malaa'igtu ku sheekeysanayeen). Markaasey faaliyayaalku ayaguna ka warramayaan oo ay dadka u sheegayaan. Markaasey qaarkiis haleelayaan, qaarkiisna ay gafayaan. Markaasuu Ilaahay Cazza wa Jalla\هللا عز وجل shayaadhiinta ku xijaabay oo uu ku reebay xiddigahaan lagu ganayo (oo markay Samada u dhowaadaanba si ay malaa'igta warkooda wax uga soo maqlaan, ayaa xiddig ololaya lagu ganaa oo lagu eryaa. Dabkaasi markuu shaydhaanku ku dhaco wuu gubayaa dilise mayo, siduu Al Suhaylii\ السهيليu wariyay inuu ibnu Al Salaamu\ إبن السالمtafsiirkiisa ibnu Cabbaas\ إبن عباسuga wariyay). Sidaas ayay kuhaanadu, waa faalintee, ku go'day maanta, oo kuhaanana ma jirto." Ganidda Shayaadhiinta Al Suhaylii\ السهيليwuxuu yiri: "Ibnu Isxaaq\ إبن إسجاقwuxuu baabkaan ku xusay sida shayaadhiinta xiddigo loogu ganay, si uusan Waxyiga wax ugu darsamin oo uusan ugu qaldamin, uuna sidaas ku ahaado xujjo cad iyo goynta shakigaba, waxa uu yirina waa run. Laakiin shayaadhiinta oo xiddigaha lagu gano markaas ka horna way jirtay, oo hore ayaa loogu gani jiray, sida ay ugu sugantahay gabayada gabayaalkii hore ee jaahiliyada, ayna ka mid yihiin Cawf bin Ajrac\ عوف بن أجرعiyo Aws bin Xajar\ أوس بن حجرiyo Bishr bin abii Khaazinبشر بن خازن, oo dhammaantood zamanka jaahiliyada noolaa, waxayna wada sifeeyeen oo ay gabayadooda ku tilmaameen ganidda xiddigaha. Tixaha ay arrinkaas ka yiraahdeenna waxay ku xusan yihiin kitaabka Mushkili\ مشكلee ibnu Qutaybah\ إبن قتيبةmarka la fasirayo Suuratu Al Jinni\سورة الجن. Cabdu Al Razaaqna\ عبد الرزاقwuxuu Tafsiirkiisa uga wariyay Macmar\ معمرin ibnu Shihaab إبن \ شهابla weydiiyey ganiddaan xiddigaha oo la yiri: "Jaahiliyadana ma jiray?" Wuxuu yiri: "Haa, laakiin markuu islaamku yimid waa lasii adkeeyey, waana la xoojiyay." Hadalka Ilaahay ee ku xusan Aayadda sideedaad ee Suuratu Al Jinni\ سورة الجنoo ah: )8( يدا َو ُشهًُبا ً ت َح َر ًسا َشِد ْ اها ُملِ َئ َ اء فَ َو َج ْد َن َ َّم َ َوأََّنا لَ َم ْس َنا الس "Wa annaa lamasnaa Al Ssamaa'a fawajadnaahaa muli'at xarasan shadiidan wa shuhuban(8)", oo macneheedu yahay: "Waxaan doonnay Samada, waxaanna helnay ayadoo ay ka buuxdo ilaalin daran iyo danabyo(8)." Oo inuusan oran waxaa loo ratibay ilaalo waxay daliil u tahay inay hore wax uga jireen. Markaasaa marka Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, lasoo diray, Samada laga buuxiyay ilaalo xoog badan iyo dab ololaya, si amarka shaydhaanka loo gooyo iyo wax ku 133 darkooda, oo Aayadduna ahaato mid cad, xujjaduna mid goysa oo af leh. Hadday ayaamahaan faaliyayaal ama kuhaani jirto, taasi reebi meyso khabarkuu Ilaahay noo sheegay, oo ah eryidda shayaadhiinta inay maqalkooda iyo dhegohooda wax kusoo xadaan, maxaa yeelay xoojinta iyo adkeynta Samada waxay ahayd zamanka Nabinnimada. Sidaas ayay dhegeysigaas wax yar uga hareen, ayna u daliil tahay inay kaahinnada zamannada qaarkood iyo dalalka qaarkood wax ka jiraan, naadirba ha ahaadaane. Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ayaa waxaa wax laga wareystay kuhaanta, markaasuu wuxuu yiri: "."ليسوا بشيئ "Laysuu bi sha'in", oo macneheedu yahay: "Waxba ma ayan aha." Markaasaa waxaa la yiri: "Ayagu waxbay sheegaan, markaasey siday u yiraahdeen u noqotaa." Markaasuu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri: ". فيخلط فيها أكثر من مأة كذبة، فيقرها في أذن وليه قر الزجاجة،"تلك كلمة من الجن يحفظها الجني "Tilka al kalimatu mina al jinni yaxfathuhaa al jinniyyu, fa yuqirruhaa fii uthuni waliyyihi qarra al zzujaajati, fa yakhludhu fiihaa akthara min mi'ati kathibatin." Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Taasi waa eray jinniga ka timid oo uu jinnigu soo xafithay, oo uu markaas ku shubayaa oo uu ku foorarinayaa dhegta waligiisa, oo ah faaliyaha isaga raacsan oo uu saaxiibka la yahay, sida quraaradda wax laga shubayoo oo kale (loo foorariyo). Markaasuu wuxuu ku darayaa oo uu kalimaddaas ku qasayaa in ka badan boqol beenood." Waxaa kaloo Xadiithka wariyay Al Bukhaarii\ البخاريmujalladka sideedaad, bogga sideed iyo konton, iyo Muslim\ مسلمXadiithka boqol iyo saddex iyo labaatan ee kitaabu Al Ssalaam كتاب \السالم. Ibnu Salaam\ إبن سالمwuxuu tafsiirkiisa ibnu Cabbaas\ إين عباسuga wariyay inuu yiri: ". ويحرق ما أصاب وال يقتله،"إذا رمى الشهاب الجني لم يخطئه "Marka dabka ololaya jinniga lagu soo gano, ma seegayo, wuxuuna ka gubayaa intuu ka haleelay, mase dilayo." Al Xasan-na\ الحسنwaxaa laga wariyay inuu yiri: "Wuxuu haleelayaa si ilbiriqsi ka dhakhsiiyo badan." Ibnu Salaam\ إبن سالمwuxuu kaloo tafsiirkiisa uga wariyay Qataadah\ قتادةin isagoo rag kale la 134 jooga xiddig la ganay, oo uu markaas yiri: "Araggiinna ha raacinnina". Wuxuu kaloo tafsiirkiisaas uga wariyay Xafs\ حفصinuu Al Xasan\ الحسنweydiiyey: "Xiddigaha aragga ma raacinnaa, waana intuu jinniga kusii socdo?" Markaasuu wuxuu yiri: "Subxaanahu wuxuu yiri: ِ لشي ِ وجعْل َناها رج ِ اط ين َ َّ وما ل ً ُُ َ َََ "Wa jacalnaahaa rujuuman lilsh-shayaadhiini(5)", waana Aayadda shanaad ee Suuratu Al Mulki\ سورة الملكoo macneheedu uu yahay: "Wuxuuna ka dhigay xiddigahaas kuwa lagu gano shayaadhiinta(5)." Wuxuu kaloo Cazza wa Jalla yiri: ِ وت الس ِ أَولَم ي ْنظُروا ِفي ملَ ُك ِ ات و ْال َْر ض ُ َ َْ َ َ َ َّم َاو "Awalam yanthuruu fii malakuuti al Ssamaawaati wa al ardi(185)", oo ah Aayadda boqol iyo shan iyo sideetan ee Suuratu Al Acraafi\ سورة األعرافoo macneheedu yahay: "Miyeeyan fiirin xukunka Samooyinka iyo dhulka?(185)". Al Xasan الحسنwuxuu yiri, kaddib markuu labadaas Aayadood akhriyay: "Sidee baan ku ogaaneynaa hadaanan dhugan? Sidaas ayaan araggeyga u raacinayaa!" Waxaa wariyay Tafaasiirta Al Dhabarii\الطبري, Ibnu Kathiir\ إبن كثيرiyo Al Qurdhubii\القرطبي. Jinniga Quraanka dhegeystay Waxaa xuduudka Xaramka Makkah\ مكةka baxsan waadiga la yiraahdo Nakhlata\ نخلة اليمانيةoo Kacbada ilaa laba iyo lixdan kiiloomitir u jirta, una dhexeysa Makkah\ مكةiyo Al Dhaa'if\الطائف, ahna barta uu degay Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, markuu Dhaa'ifالطائف kasoo noqday sanadka tobanaad ee Nabinnimada, oo isagoo halkaas ku tukanaya ay maqleen koox Jinni ah isagoo Quraan akhrinaya, ayna kusoo degtay Suuradda Qul Uuxiya \ قل آوحيama Suuratu Al Jinni\سورة الجن, siduu Al Bukhaarii\ البخاريu wariyay (fiiri Fatxu Al Baarii\فتح الباري mujalladka sideedaad bogga lix boqol iyo afar iyo toddobaatan) iyo Xadiithka afar kun iyo sagaal boqol iyo kow iyo labaatanba. Jinnigaas Nakhlah Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ugu yimid waxay ahaayeen jiiniga Nasiibiin\( نصيبينwaa saad). Nasiibiin\ نصيبينwaa magaalo ilaa maantadaan Waqooyiga dalka Ciraaq\ عراقku taalla, galbeedna ka xigta magaalada Niinawaa\ نينوىoo ah magaalada Nabi Yuunus\ يونسloo diray, iyo magaalada Al Muusal\ الموصلoo labadooduba ay saaran yihiin wabiga Dijlah\دجلة. Nasiibiin\ نصيبينwaxay saaran tahay wabiga la yiraahdo Al Khaabuur\ الخابورoo ah laan ka mid ah wabiga Furaat\الفرات, siduu ugu masawiray Dr. Shawqii abuu Khaliil\ د\شوقي أبو خليلkitaabkiisa 135 Adhlasu Al Siirati Al Nabawiyyati\اطلس السيرة النبوية. Jinnigaasu waxay u socdeen Yaman\يمن, markaasey ayagoo safarkoodaas ku jirah waxay soo mareen barta la yiraahdo Nakhlah\نخلة, waxayna ahaayeen toddoba nin, oo yuhuud ahaa, ayagoo ku taagan shareecadii Muuse\موسى, magacdooduna waxay ahaayeen (1) Shaasir\( شاسرwaa saad), iyo (2) Maasir( ماصرwaa saad), iyo (3) Manshaa\منشى, iyo (4) Laashaa\الشا, iyo (5) Al Axqaab\األحقاب, iyo (6) Surraq\سراق, iyo (7) Camr bin Jaabir\عمر بن جابر. Cumar bin Cabdul Caziiz\عمر بن عبد العزيز, Allaha raalli ka noqdee, ayaa la wariyay in isagoo meel lama degaan ah maraya uu arkay abeeso mayd ah. Markaasuu go'iisa qaar ka gooyey oo uu intuu ku kafnay duugay. Markaasuu wuxuu maqlay mid oranaya: "Surraqow marag ka ahow! Waxaan maqlay Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo kugu leh: ". ويدفنك رجل صالح،"ستموت بأرض فالت "Sa tamuutu bi ardi falaatin, wa yadfinuka rajalun saalixun." Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Waxaad ku dhimanaysaa arli lama degaan ah, waxaana ku duugaya nin suuban." Markaasuu Cumar bin Cabdul Caziiz عمر بن عبد العزيزwuxuu yiri: "Kumaad adigu tahay, Allaha kuu naxariistee?" Markaasuu kii wuxuu yiri: "Waxaan ahay nin ka mid ah Jinnigii Quraanka ka maqlay Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, kuwaasoo uusan ka harin cid aan aniga ahayn iyo Surraq\سراق. Surraqnaسراق waa kan oo dhintay." Cabdullaahi bin Mascuud\عبد هللا بن مسعود, Allaha raalli ka noqdee, oo la socda rag asxaabta Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka mid ah ayaa dabayli ku kacday, kaddibna dabayl tii hore ka xoog badan oo ka wayn. Kaddibna dabayshii way ka qaaday. Markaasey waxay arkeen abeeso mayd ah. Ibnu Mascuud إبن مسعودwuxuu yiri: "Markaasuu nin naga mid ihi xaggeeda aaday oo uu intuu go'iisa dillaaciyay uu qaar abeesada kafan uga dhigay, uuna duugay. Markuu habeenkii dumay, oo ay gudcur noqotay, mase waa laba haween ah oo weydiinaya: "Kiinneebaa Camr bin Jaabir\ عمرو بن جابرduugay?" Markaasaan waxaan niri: "Ma naqaanno Camr bin Jaabir عمرو بن جابرqofkuu yahay." Markaasey waxay yiraahdeen: "Haddaad ajar ku dooneyseen, waad hesheen, waxaana dhacday inay kuwa faasiqiinta ah ee jinnigu la dagaallameen mu'miniintooda, markaasaa Camr عمروla dilay, waana abeesada aad aragteen, wuxuuna ka mid yahay kuwa Quraanka ka maqlay Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, kaddibna qawmkooda u digay." Barta uu Nabigu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam Nakhlah\ نخلة اليمانيةuga tukanayay oo jiniiga 136 ku dhegeystay waa buur dusheed oo ku taalla tuulada la yiraahdo Cishr \عشر, waxaana ku yaalla dhawr guri oo dhagax ah oo ay deggan yihiin hal reer oo u dhashay qabiilka uu Cabdu Allaahi bin Macuud\ عبد هللا بن مسعود الهذليka dhashay ee Banii Sacd\ بني سعدoo Huthayl\ هذيلka mid ah halkaasna ari ku dhaqda. Anigu waan dul istaagay, bartaas kuna tukaday wa al xamdu li Allaahi. Waadigaan waxaa la yiraahdaa Waadii Nakhlah Al Yamaaniyah, oo waxay ku taallaa Nakhlata waa meesha lagu dilay gaalka ugu horreeyey Islaamka, magaciisuna ahaa Camr Al Xadramii, laguna qafaalay labadaii nin oo ugu horreysey oo Islaamka lagu qafaalo, kalana ahaa Cuthmaan bin Cabdullaahi iyo Al Xakamu bin Kaysaan, laguna ghaniimeystay ghaniimada islaamka ugu horreysey. Asxaabta Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo duullaankaas ku jirayna waxay ahaayeen sideed nin oo Muhaajiriin ah uuna amiir u yahay Cabdullaahi bin Jaxsh, Allaha dhammaantood raalli ka noqdee. Nakhlah waxaa kaloo ku yiillay sanamka wayn oo ay caabudi jireen oo magaciisu ahaa Al Cuzzaa, oo uu Ilaahay, Cazza wa Jalla, Ayadda sagaal iyo tobnaad ee Suuratu Al Najmi noogu sheegay, uuna furashada Makkah kaddib Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u diray Khaalid bin Al Waliid, Allaha raalli ka noqdee, inuu dumiyo, uuna dumiyay. Waxaa ayaduna jirta Nakhlah Al Shaamiyah\ نخلة الشاميةoo middaan aan soo sheegnay xaqqa waqooyiga ka xigta. Nakhlah Al Sh-shaamiyah\ نخلة الشامنةiyo Nakhlah Al Yamaaniyah نخلة \ اليمانيةwaxaa u dhexeeya oo kala qaybiya buur dheer oo la yiraahdo Daa’ah. Nakhlah Al Shshaamiyah waa midduu yiillay sanamka Quraanka ku xusan oo la oran jiray “Al Cuzzaa \”العزى uuna dumiyay Rasuulka Ilaahy Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam markuu Makkah Al Mukarramah\ مكة المكرمةfurtay, qisadeeduna hoos ayaan ku arki doonnaa inshaa’ Allaahu\إن شاء هللا, markaan warinaynno socdaalkuu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam Al Dhaa’if\ الطائفku tegey sanadka Tiraanyadaعام الحزن. Go'idda kuhaanada Al Suhaylii\ السهيليwuxuu yiri: "Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu xusay Xadiithka ibnu Cabbaas\إبن عباس, ayna ka mid tahay "waxaan oran jiranay markaan aragno "waxaa dhintay qof wayn" ama "waxaa dhashay qof wayn". Taasna waxaa ku sugan daliil in waxaan hore usoo sheegnay oo ah inay ganidda xiddiguhu wax fac wayn oo horreeyey uu yahay, markiise Rasuulka Ilaahay, Salla Allaahu Calayhi Wasallam, lasoo diray -siduu Al Zuhriyyu\ الزهريu yiri- Samada ilaalinteeda lagu kordhiyay oo la adkeeyey, xiddigaha la gano. Hadalkiisana, Salla Allaahu Calayhi Wasallam, ku sugan Xadiithka dhammaadkiisa oo macnihiisu yahay "maantana kuhaanadii way go'day, kuhaannimana ma jirto" wuxuu tilmaamayaa inay go'iddaas buuxda ay zamankaas ku gooni ahayd. Waxase maantadaas go'ay, go'naanayana ilaa maalinta qiyaame, waa inay shayaadhiintu gaarto waxay gaari jirtay zamanka jaahiliyada ee islaamka hortiis ahayd, oo ay awoodi jirtay inay warka Samada maqlaan. Warka maalmahaan la maqlo, oo hadalka jinniga ka mid ah, lagana maqlo carrabka dadka waalan, waa war wuxuu jinnigu ku arko arliga dhexdiisa oo aanan annagu u jeedin, sida tuug 137 wax xaday, ama waxaas u xuday uu meel qarsoon ku qarsado, iyo wax la mid ah. Haddayse sheegaan wax mustaqbalka ahaan doona, waa malo ay iska maleynayaan oo ay markaasna in yar haleelayaan, in badanna gafayaan. Waxaas yar oo ay haleelayaan waa waxay ku wada hadlayaan malaa'igta ku jira daruuraha roobka sida, siday ugu sugnaatay Xadiithka Al Bukhaarii\ البخاري. Markaasaa xiddigo lagu ganaa oo lagu eryaa. Markaasey eraygay malaa'igta ka maqleen waxay ku darayaan in ka badan boqol beenood, siduu ugu yiri, Salla Allaahu Calayhi Wasallam, Xadiithka nasoo maray." Kaahinadda Al Ghaydhalatu\الغيطلة Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: "haweeney (Qurayshta\ )قريشreer banii Sahm\ بني سهمu dhalatay, lana yiraahdo Al Ghaydhalatu \الغيطلة, ayaa waaga jaahiliyada faaliso ahaan jirtay. Markaasuu habeen habeennada ka mid ah markuu u yimid shaydhaanka saaxiibkeed ahaa, ayuu hoosteeda kusoo degay, kaddibna wuxuu yiri: "adri maa adri\"أدر ما إدر, oo macneheedu yahay: "maalin cirbogoyn iyo gawricid." Markuu warkaasu Quraysh\ قريشgaaray waxay yiraahdeen: "muxuu leeyahay?" Markaasuu hadana habeen kale u yimid oo hoosteeda kusoo degay, kaddibna uu yiri: "shucuubun maa shucuubu ?شعوب ما شعوبWaxaa lagu dilayaa Kacb\ كعبoo dhinaca loo ridiyaa." Markuu warkaasuu Quraysh\ قريشgaaray, waxay yiraahdeen: "muxuu u dan leeyahay? Amarkaanu wuu ahaanayaaye, ee bal fiiriya wuxuu yahay." Amarkaasu wuxuu yahay ma ayan ogaan jeer ay dhacdada, waa duullaankee, Badar \غزوة بدر ahaatay iyo midka dooxada Uxud\ غزوة أحد.Markaasay waxay ogaadeen wuxuu shaydaankaasi saaxiibbaddiis u keenay." Ibnu Hishaam\ إبن هشامiyo Al Suhaylii\ السهيليwaxay yiraahdeen: "Al Ghaydhalatu\ الغيطلةwaxay u dhalatay reer Banii Murrah bin Cabdu Manaat bin Kinaanah بني مرة بن عبد مناة بن كنانةee qabiilka Mudlij\مدلج, waana Ummu Al Ghaydhalatu\أم الغيطلة, midduu Abuu Dhaalib\ أبو طالبgabayadiisa ku xusay." Al Suhaylii السهيليwuxuu yiri: "shucuubun wa maa shucuubu شعوب ما شعوبwaxaa lagu dilayaa Kacb\ كعبoo dhinaca loo ridayaa waxaa weeye Kacb bin Lu'ayy\كعب بن مؤي, kuwa la dilay oo dhinacyadooda loo daadiyayna Maalinta Badar\ بدرiyo Uxud\ أحدwaxay ahaayeen madaxda Quraysh\ قريشoo badankoodu yihiin dhashay Kacb bin Lu'ayyكعب بن مؤي. Shucuub-na\ شعوبwaa jamaca shicb\شعب, oo ah dooxo buuro dhinocooda ah, oo lama garan waxay tiri ilaa looga dilo kuwa lagu dilay Badar \ بدرiyo Uxud\ أحدdooxooyinkooda." Wuxuu kaloo xusay hadal shaydhaanka raacsan oo yiri: "adri maa adri\"أدر ما أدر, waxaana Abii Calii\ أبي عليlaga wariyay riwaayad kale oo uu 138 shaydaanku ku yiri: "wa maa Badr\ "?وما بدرoo ah: "Badarna maxay tahay?", tanoo ka cad riwaayadda hore. Al Suhaylii\ السهيليwuxuu kaloo ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقka wariyay inuu yiri: "Faadhimah bintu Al Nnucmaanu Al Nnajaariyyah\ فاطمة بنت النعمان النجاريةwaxay lahayd shaydaan raacsan, o jinniga ka mid ah, caadadiisuna waxahy ahayd inuu markuu u yimaado uu gurigeeda xoog kusoo galo. Markaasay markay ahayd Bicthada\ البعثةbilowgeeda ayuu u yimid. Markaasuu wuxuu fariistay darbiga daarta korkiisa, umana uusan soo gelin. Markaasay waxay tiri: "maxaad usoo geli weyday?" Markaasuu wuxuu yiri: "waxaa lasoo diray Nabi oo xaaraantimaynta zinada lala soo diray." Taasay ahayd marka ugu horreysey oo Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Al Madiinah المدينةlagu xuso." Khadhar\ خطر, kaahinka Banuu Lihib\بنو لهب Al Suhaylii السهيليwuxuu yiri: "waxa ay fashay Thaqiif\ ثقيفwax la mid ahna waxaa ayaguna faleen Banuu Lihib \بنو لهب, markay ka naxeen xiddigaha la ganayo. Markaasay waxay isugu yimaadeen faaliye ayaga ka dhashay oo la yiraahdo Khadhar\ خطرagtiisa. Markaasuu arrinka u caddeeyey iyo waxa ka ahaaday amarka Nabinnimada. Abuu Jacfar Al Caqiilii\ أبو جعفر العقيليwuxuu Kitaabka Saxaabada\ كتاب الصحابةku wariyay nin u dhashay reer Banii Lihb\بني لهب, oo la yirahdo Lihbun\ لهبama Luhaybun\لهيب, oo yiri: "waxaan la joogay Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, markaasaan waxaan xusay kuhaanada ama faalinta, waxaanna iri: "aabahay iyo hooyaday ayaan kugu furanayaaye, annagaa ugu horreyney kuwa aqoonsada ilaalinta Samada iyo eryidda shayaadiinta iyo ka reebiddooda inay maqalka wax kusoo xadaan marka xiddigaha lagu ganay. Taasina waxay ku ahaatay inaan isugu nimid kaahin aan lahayn oo la yiraahdo Khadhar bin Maalik\ خطر بن مالكagtiisa, ahaana oday da' wayn, jirsadayna laba boqol iyo sideetan sano, isagaana kuhaanteenna ugu cilmi badnaa. Markaasaan waxaan niri: "Khadharow !خطرCilmi ma u leedahay xiddigahaan la ganayo, taasoo annaguna aan ka baqnay, aanna ka baqannay cirib xumideeda?" Markaasuu wuxuu gabay ku yiri: 1. Berrito waqtiga suxuurta ii kaalaya. 2. Markaasaan warka idiin sheegayaa. 3. Inuu khayr yahay ama dhibaato. 4. Uuna yahay amni ama khatar. Wuxuu yiri: "markaasaan ka gaddoonnay maalinteennaas. Markay maalinta taas ku xigtay ahayd , aroortii waqtiga suxuurta ayaan u nimid. Mase waaba isagoo soo jeeda oo labadiisa cagood ku taagan, Samadana kor u fiirinaya. Markaasaan u yeernay oo niri: "arrinku ma khatarbaa Khadharow\"?خطر Markaasuu madaxa noogu tilmaamay: 139 "aamusa." Markaasaa waxaa kasoo hoobtay xiddig weyn Samada, oo uu markaas kaahinku qayliyay, oo uu tiriyay gabay uu ku sheegayo inuu xiddiggu shaydaanka ku dhacay oo uu haleelay, wuxuuna yiri: أخبركم بالحق والبيان والبلد المؤتمن السدان بثاقب بكف ذي سلطان يبعث بالتنزيل والقرآن تبطل به عبادة األوثان يا معشر بني قحطان.1 أقسمت بالكعبة واألركان.2 لقد منع السمع عتات الجان.3 من أجل مبعوث عظيم الشأن.4 وبالهدى وفاصل القرآن.5 1. Yaa macshara Banii Qaxdhaani ukhbirukum bi al xaqqi wa al bayaani. 2. Aqsamtu bin Al Kacbati wa Al Arkaani wa Al Baladi Al Mu'tamini Al Ssuldaani. 3. Laqad munica al ssamca cutaatu al jaani bi thiqaabin bin kaffi Thii Suldhaani. 4. Min ajli Mabcuuthin Cathiimi Al Shaani yubcathu bin Al Tanziili wa Al Quraani. 5. Wa bi al hudaa waa faasili Al Quraani tabdhulu bihi cubaadatu al awthaani. Gabayga macnihiisu waxaa weeye: 1. Ragga ah dhasha Qaxdhaanow waxaan idiin sheegayaa runta oo cad. 2. Waxaan ku dhaartay Kacbada iyo Arkaanteedee iyo Beledka Aaaminka ah oo loo adeego. 3. Waxaa dhegeysiga laga reebay jinniga kuwiisa xad gudbay laguna reebay dab ololaya oo Mid suldaan ah Gacantiisa ku jira. 4. Waxaana loo reebay sababta mid lala soo diri doono arrin wayn lalana soo dirayo mid lasoo dejiyay iyo Quraanka. 5. Iyo hanuun iyo Quraanka kala saariddiisa waxaa ku buraya caabudidda asnaamta. Wuxuu yiri: "markaasaan waxaan iri: "War is ilaali, oo maxaad leedahay! Khadharow\خطر, waxaad sheegeysaa amar wayn. Marka, maxaad kula talineysaa tolkaa?" Markaasuu wuxuu yiri: أن يتبعوا خير نبي اإلنس يبعث في مكة دار الحمس 1. Araa li qawmii maa araa li nafsii an yatbacuu khayra Nabiyyi al insi. 2. Burhaanuhu mithlu shucaaci al shamsi أرى لقومي ما أرى لنفسي.1 برهانه مثل شعاع الشمس.2 . بمحكم التنزيل غير اللبس.3 140 yubcathu fii Makkata daari al Xumsi. 3. Bi muxkami Al Tanziili ghayra allabsi. Tixaha macnohoosu waxaa weey: 1. Waxaan tolkey u arkaa waxaan nafteyda u arko oo ah inay raacaan midka ugu khayr badan Nabiyada insiga. 2. Burhaantiisu waxay la mid tahay kaaha shucaaca qorraxda oo kale waxaana laga soo dirayaa Makkah\مكة, dalka Xumusta\الحمس. 3. Lalana soo dirayaa Quraanka oo aan shaki iyo isku qasid lahayn. Markaasaan waxaan ku niri: "Yuuna isagu u dhashay?" Markaasuu wuxuu yiri: "Waxaan ku dhaartay nolosha iyo cayshka, wuxuu u dhashay Quraysh \قريش, isagana turiddiisa iyo dulqaadkiisa kuma jirto leexasho, abuuristiisana kuma jirto wax xun, wuxuuna hoggaaminayaa ciidan, waana ciidan wayn, kana kooban ubadka Qaxdhaan\( قحطانoo ah Ansaarta\ األنصارAl Madiinah Al Munawwarah\ المدينة المنورةoo Qaxdhaan\ قحطانku abtirsada iyo Muhaajiriinta\ المهاجرينoo ayaguna Carab ah) iyo ubadka Aysh\( أيشoo ah qabiil jinniga mu'miniinta ah ka mid ah, oo ku abtirsada midka la yiraahdo Aysh\) أيش." Markaasaan waxaan ku iri: "Noo sii caddee, oo Qurayshteebuu\ قريشka dhashay?" Markaasuu wuxuu yiri: "Waxaan ku dhaartay Baytka Arkaanta\( البت ذي األركانtiiirarka) leh iyo Xajaru Aswadka الحجر األسودiyo biyaha Zamzam\ زمزمee wuxuu ka mid yahay wiilasha Haashim\هاشم, kuwaasoo tol kariimiin ah, waxaana lala soo dirayaa dagaallo waaweyn iyo dilidda mid kastoo daallin ah." Kaddibna wuxuu yiri: "Taas weeye caddeyntu, waxaana ii sheegay madaxweynaha jinniga." Kaddibna wuxuu yiri: "Allaahu Akbaru\هللا أكبر, Xaqqa ayaa yimid (waa runtee) oo soo bannaan baxay, jinnigana waxaa ka go'ay warkii." Kaddibna wuu aamusay, wuuna gam'ay sida isagoo suuxay oo kale. Soomana uusan kicin saddex habeen kaddib mooyee, markaasuu wuxuu yiri: "Laa ilaaha illaa Allaahu\الإله إال هللا." Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri: ". وإنه ليبعث يو القيامة أمة وحده،"لقد نطق عن مثل نبوة "La qad nadhaqa can mithli Nubuwwatin, wa innahu la yubcathu yawma al qiyaamati ummatun waxdahu", oo Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "wuxuu ku hadlay warka Nabinnimada oo kale, waxaana lasoo saarayaa maalinta qiyaame isagoo ummad ah keligiis." Waxaa wariyay ibnu Xajar\إبن حجر, kuna wariyay Al Isaabah\اإلصابة, mujalladka saddexaad bogga saddex boqol kow iyo toddobaatan. 141 Kaahinka qabiilka Janb\جنب Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: "Qabiilka la yiraahdo Janb\ جنبoo reer Yaman\ يمنah ayaa zamanka jaahiliyada waxay lahaayeen kaahin. Markaasaa marka la sheegay warka Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo uu warkiisu Carabta dhexddeeda ku faafay, ayay Janb waxay kaahinkooda ku tiri: "Nooga faalli arrinka ninkaan", waxayna isugu yimaadeen salka buurta uu dusheeda degganaa. Markaasuu wuxuu usoo degay markay qorraxdu soo baxday. Markaasuu la istaagay isagoo qaansadiisa ku tiirsan, oo uu madaxiisa Samada kor ugu qaaday oo uu in dheer kor u fiirinayey. Markaasuu booday, kaddibna uu yiri: "Dadow, Ilaahay Muxammad\ محمدwuu karaameeyey, wuuna doortay, wuuna daahiriyay qalbigiisa iyo uurkutaashiisaba. Intuu dhexdiinna joogana, dadow, way yartahay." Markaasuu buurtiisa xoog dib ugu cararay, kuna noqday meeshuu ka yimid." Cumar\ عمرiyo Sawaad bin Qaarib Al Dawsiyyi\سواد بن قارب الدوسي Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: "Cumar bin Al Khadh-dhaab\ عمر بن الخطابayaa isagoo Masjidka Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, dhex fadhiya, ayaa waxaa masjidka soo galay nin Carab ah oo Cumar bin Al Khadh-dhaab عمر بن الخطابdoonaya. Markaasuu Cumar\عمر, Allaha raalli ka noqdee, markuu ninkaas arkay, ayu wuxuu yiri: "Ninkaanu wuxuu ku taagan yahay gaalnimadiisii, oo weli kama uusan tegin, ama zamanka jaahiliyada wuxuu ahaan jiray kaahin." Markaasuu ninku Cumar عمرsalaamay, kaddibna uu fariistay. Markaasuu Cumarعمر, Allaha raalli ka noqdee, wuxuu ninka ku yiri: "Ma islaantay?" Markaasuu ninku wuxuu yiri: "Subxaana Allaahi\ سبحان هللاMu'miniinta Amiirkoodow\ !أمير المؤمنينXumaan ayaad igu tuhuntay, waxaadna iagala hortimid arrin aanan arag inaad axad raaciyadaada ka mid ah aadan ku oran tan iyo inta lagu saaray xilkaad qaadday." Markaasuu Cumar عمرwuxuu yiri: "Allaahumma ghafran\( أللهم غفراoo ah Ilaahayow ii dambi dhaaf)! Zamanka jaahiliyada waxaan ku taagnayn wax middaan ka shar badan, oo asnaamtaan caabudi jirnay, asnaamta ayaanna luqunta luqunta u gelin jimay, ilaa uu Ilaahay nagu karaameeyey Rasuulkiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, iyo Islaamka." Wuxuu yiri: "Haa, oo Wa Allaaahi\وأهلل, mu'miniinta Amiirkoodow, waxaa hubaal ah inaan kaahin faaliya ahaan jiray zamanka jaahiliyada." 142 Markaasu Cumar عمرwuxuu ku yiri: "iiga warran hadaba, wuxuu saaxiibkaagu (jinniga ah) kuu keenay." Ninku wuxuu yiri: "wuxuu ii yimid islaamka hortiis bil ama in bil wax yar ka yar, wuxuuna yiri: "so ma aadan arag jinniga iyo siday u wareersan yihiin, iyo siday diintooduna ay tahay quusasho iyo khayr laga samro, ayna ku dheggan yihiin reeryada awrtooda saaran?" Markaasuu Cumar bin Al Khadh-dhaab عمر بن الخطابwuxuu yiri, isagoo dadka u warramaya: "WaAllaahiوأهلل, anigoo ag jooga sanam asnaamtii jaahiliyada ka mid ah, ayna ila joogaan rag Quraysh\ قريشah, uuna nin Carab ahi sanamkaas dibi u gawracay, annaguna aan dhawraynno inuu hilbihiisa uu annagana qayb naga siiyo, ayaan uurka dibiga waxaan ka maqlay cod aanan hore u maqal cod ka dheer oo dhegaha ka geli og. Taasina waxay ahayd bil ama in bil xoogaa ka yar islaamka hortiis. Codkaasuna wuxuu leeyahay: "Thariixow, waa amar lagu libaano oo ahaaday, ahna nin la qaylinaya oo leh "laa ilaaha illaa Allaahu\"الإله إال أهلل, siduu isaguna u wariyay Al Bukhaarii\البخاري, Kitaabka Manaaqibta Ansaarta\كتاب مناقب األنصار, Xadiithka saddex kun iyo sideed boqol iyo lix iyo lixdan. Ibnu Hishaamna\ إبن هشامwuxuu yiri: "waxaa la yiraahdaa inuu codkaasi lahaa "nin ku qaylinaya carrab iyo hadal faseex ah oo cad, lehna: "Laa ilaaha illaa Allaahuالإله إال أهلل." Al Suhaylii\ السهيليwuxuu yiri: "codka uu Cumar\ عمرdibiga ka maqlay oo ah "Yaa Jaliix\"يا جليح, waxaan maqlay mid shuyuukhdeenna ka mid ah oo leh: "waa magaca shaydhaan". Siirada wuxuu ku yiri: "Yaariix"ياريح, waxaadna mooddaa in loo dhawaaqayo dibiga la gawracay, ayadoo la yiraahdo axmarun thariixun\أحمر ذريح, oo macneheedu yahay guduud badan, oo dhiigga la guduutay. Kan "Yaa Jaliixu "يا جليحwariyayna wuxuu ula dan leeyahay isla dibiga la gawracay, ayadoo dibiga la gawracay, oo julixa macneheedu waxaa weeye "haragga ayaa laga siibay". Wa Allaahu aclamu." Ninkaan kaahinka ahaan jirayna magaciisu waa Sawaad bin Qaarib Al Dawsiyyi سواد بن قارب \الدوسي, siduu ibnu Al Kalbii\ إبن الكلبيu yiri. Ghayrkiisna waxay yiraahdeen wuxuu u dhashay qabiilka Saduus\سدوس." Riwaayada Al Suhaylii\ السهيليee Xadiithka Cumar\ عمرiyo Sawaad\سواد Al Suhaylii\ السهيليwuxuu yiri: "Xadiithkaan Cumar عمرwaxaa kaloo wariyay ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقghayrkiis, una wariy si sidaan ka duwan, oo ah inuu Cumar عمرninka la kaftamay, uuna ku yiri: "Sawaadow\يا سواد, maxay ku dambeysey kaahinnimadaadii?" Markaasuu Sawaad سوادcarooday, wuxuuna yiri: "aniga iyo adigu waxaan ku sugnaan jirnay mid taas ka shar badan, oo ah caabudidda asnaamta iyo cunidda bakhtiqa xoolaha dhintay. Marka, ma waxaad igu ceebeyneysaa arrin aan ka tawbad keenay?" Markaasuu Cumar عمرwuxuu yiri: 143 "Allaahumma ghafran\"!أللهم غفرا, oo ah "Ilaahayow dambigayga dhaaf". Ibnu Isxaaq إبن إسحاقghayrkiisna wuxuu Xadiithkaan u wariyay si qurxoon iyo ziyaado waxtar leh, wuxuuna xusay inuu Sawaad\ سوادuu Cumar عمرu sheegay inuu jinniga raacsani uu saddex habeen oo isku xigta u yimid, isagoo saddexdoodaba ku sugan xaalad uu u dhexeeyo mid hurda iyo mid soo jeeda, uuna ku yiri: "Sawaadow\ يا سوادkac oo istaag, hadalkaygana dhegeyso, garana haddaad caqli leedahay. Waxaa lasoo diray Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, una dhashay Lu'ayy bin Ghaalib\( لؤي بن غالبoo ah awoowaha sideedaad ee Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam), dadkuuna ugu yeerayaa Ilaahay iyo inay Keligiis caabudaan." Markaasuu habeen walba oo saddexdaas habeen ka mid ah ku luqeeyey oo uu ku heesay tixo isku macne ah, qaafiyadeeduse ay is khilaafsan yihiin, ahna: وشدها العيس بأقتابها ما صادق الجن ككذابها ليس قدامها كأذنابها عجبت للجن وتطالبها.1 تهوي إلى مكة تبغي الهدى.2 فارحل إلى الصفوة من هاشم.3 1. Cajibtu lil jinni wa tadhlaabihaa Wa shaddihaa al ciisa bi aqtaabihaa. 2. Tahwii ilaa Makkah tabghii al hudaa maa saadiqu al jinna ka kath-thaabihaa. 3. Fa arxal ilaa al safwata min Haashimi laysa quddaamahaa ka adbaarihaa. Tixaha macnohoodu waxaa weeye: 1. Waxaan u yaabay jinniga iyo waxay dooneyso Siday awrta ugu adkehynayaan kooraha. 2. Ayna Makkah ugu soo aroorayaan ayagoo hanuun doon ah jinniga kiisa runlowga ahi la mid ma aha beenlowgooda. 3. Marka awr usoo fuul midka ilmo Haashim laga doortay horteeduna la mid ma aha saynteeda. Habeenka labaadna wuxuu ku yiri: وشدها بأحالسها ما طاهر الجن كأنجاسها ليس ذنابي الطير من رأسها 1. Cajibtu liljinni wa iblaasihaa wa shaddihaa al ciisa bi axlaasihaa. 2. Tahwii ilaa Makkah tabghii al hudaa maa dhaahiru al jinni ka anjaasihaa. 3. Fa arxal ilaa Al Safwati min Haashimi laysa thunaabaa al dhayri min ra'sihaa. عجبت للجن وإبالسها.1 تهوي إلى مكة تبغي الهدى.2 فارحل إلى الصفوة من هاشم.3 144 Tixaha macnohoosu waxaa weeye: 1. Waxaan u yaabay jinniga iyo quusashadiisa iyo inay awrta xoog ugu soo fuulaan koorohooda. 2. Ayna Makkah kusoo degato ayagoo hanuun doon ah jinnigana kiisa daahirka ahi la mid ma aha kiisa najaasada ah. 3. Awr usoo fuul marka kan la doortay oo ina Haashim ah shimbiraha dabadoodu madaxooda ka mid ma aha. Habeenka saddexaadna wuxuu ku yiri: وشدها العيس بأكوارها ما مؤمن الجن ككفارها ليس قدامها كأدبارها عجبت للجن وتنفارها.1 تهوي إلى مكة تبغي الهدى.2 فارحل إلى األتقين من هاشم.3 1. Cajibtu lil jinni wa tanfaarihaa wa shaddihaa al ciisa bi akwaarihaa. 2. Tahwii ilaa Makkata tabghii al hudaa maa mu'minu al jinni ka kuffaarihaa. 3. Fa arxal ilaa Al Atqiina min Haashimi laysa qudaamuhaa ka adbaarihaa. Tixaha macnohoodu waxaa weeye: 1. Waxaan u yaabay jinniga iyo gaddoonkiisa iyo siday awrta xoog ugu soo fuulayaan iyo kooreheeda. 2. Kuna soo degeysa Makkah ayagoo hanuun doon ah jinniga mu'minka ahna la mid ma aha kaafirkooda. 3. Awr usoo fuul ee u tag midka amarka sugay oo ina Haashim ah horteedu la mid ma aha dabadeeda. Intaas kaddib wuxuu wariyay inuu Sawaad سوادRasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u yimid, oo uu u tiriyey gabayguu jinniga saddexda habeen oo isku xigah u tiriyey. Sidaas ayayna tilmaameysaa gabayga uu ku leeyahay Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, hortiisa, oo ah: ولم يك فيما قد بلوت بكاذب أتاك نبي من لؤي بن غالب بي العرمس الوجنا هجول السباسب وأنك مأمون على كل غائب إلى هللا يا بن األكرمين األطايب وإن كان فيما جئت شيب الذوائب .بمغن فتيال عن سواد بن قارب 1. Ataanii naajiyyii bacda had'in wa raqdatin wa lam yaku fiimaa qad balawtu bi kaathibii. 2. Thalaatha liyaalin qawluhu kullu laylatin ataaka Nabiyyun min Lu'ayyi bin Ghaalibi. 3. Fa rafactu athyaala al izaari wa shammarat أتاني نجي بعد هدء ورقدة.1 ثالث ليال قوله كل ليلة.2 فرفعت أذيال اإلزار وشمرت.3 فأشهد أن هللا ال شيء غيره.4 وأنك أدنى المرسلين وسيلة.5 فمرنا بما يأتيك من وحي ربنا.6 وكن لي شفيعا يوم الذو شفاعة.7 145 biyaal cirmisu al wajnaa hujuula al sabaasibi. 4. Fa ash-hadu anna Allaaha laa shay'a ghayruhu wa annaka ma'muunun calaa kulli ghaa'ibi. 5. Wa annaka adnaa al Murasaliina wasiilatan ilaa Allaahi yaa bini al karaamiina al adhaayibi. 6. Fa murnaa bimaa ya'tiika min Waxyi Rabbinaa wa in kaana fiimaa ji'ta shaybu al thawaa'ibi. 7. Wa kun lii shafiican yawma laa thuu shafaacatin bi mughnin fatiilan can Sawaadi bin Qaaribi. Tixahaas macnohoodu waxaa weeye: 1. Waxaa ii yimid kan ila faqa xasilid iyo hurdo kaddib mana uusan ahayn sidaan u tajaabiyay beenlow. 2. Saddex habeen hadalkiisu habeen kasta wuxuu ahaa: waxaa kuu yimid Nabi ka dhashay reer Lu' ayy bin Ghaalib. 3. Markaasaan darafta hoose ee hoosguntiga kor usoo qaaday oo guntiga adkeeyey ayna hasha xoogga badani igula socotay dhul lama degaan ah. 4. Waxaanna marag ka ahay inuusan shay kale (ilaah) jirin oo aan Ilaahay ahayn iyo in adigana laguu aaminay inta ghayb ah(maqan) oo idil. 5. Iyo inaad adigu tahay kan Mursaliinta wasiilo ahaan ugu dhow Ilaahay, midkaaga ah dhasha kuwa kariimiinta suuban ahow. 6. Na amar marka waxa kaaga imaanaya Waxyiga Rabbigeen haba ka mid ahaado waxaad la timid wax cirroolaha waajib ku ah (maladayda). 7. Anigana shafiic ii ahow maalin uusan midaan shafeeco lahayni uusan liifad wax le'eg u tari karin Sawaad bin Qaarib. Sawaad\ سوادiyo qabiilkiisa Daws\دوس Al Suhaylii\ السهيليwuxuu yiri: "Sawaad bin Qaarib-kaan سواد بن قاربwuxuu ku leeyahay qabiilkiisa Daws\ دوسdhexdiisa makaan la mahdiyo, markuu gaaray (oo ayagu waxay degaan Yaman \)يمن, oofsashada Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam (markaasoo ay qabaa'il Carbeedna ay Diinta Islaamka ka noqdeen, ama bixinta zakada maalkooda diideen, Sawaadna سوادuu tolkiis ku waaninayo inay Diintooda Islaamka ku dhegganaadaan oo ay ku sugnaadaan). Markaasuu Sawaad سوادinta istaagay wuxuu yiri: "Ragga Azdow( !أزدoo Azd أزدwaa magaca qabiilka wayn oo ay Daws\ دوسlaan ka mid ah tahay) liibaanka qawm waxaa ka mid ah inay ghayrkood ku waana qaataan (oo ay waxa ku dhacay oo kale iska ilaaliyaan inayan ayaga ku dhicin), khasaaradooduna waa inayan ku waantoobin waxaan naftooda ahayn (oo ay khasaaro iyo dhibaato ku dhacaan, oo ay sidaas oo keli ah ku baraarugaan, oo ay wax ku gartaan). Ciddayan tajribadu (waayo aragnimadu) anficinna, taasi dhibaatey u geysataa. Cidduusan xaqqu deeqinna, xumaantu ma deeqdo. Maantana waxaad isku dhiibeysaan oo aad u islaameysaan sidaad iyo waxaad shalay isku dhiibteen oo aad u islaanteen. Adinkuna waxaad ogaateen inuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, qabtay qawm adinka (degmo ahaan) idinka fog, uuna 146 ka adkaaday, iyo inuu guulguulay qawm adinka idinka badan, uuna cabsiiyey, adinkana idinkama ayan celin xoog cududeed iyo tiro rageed midna. Balo kasta oo soo martana raadkeedu dadkuu ku haraa. Umana habboona dadka la ibtileeyey inay ahaadaan kuwa ugu xusuus badan kuwa caafiyada qaba mooyee waxay fiyoobidu iyo caafiyadu tahay. Nabiga Ilaahayse, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu isaga kiin daayey siduu isaga kiin daayey, oo sidaasaad waxaad uga sugnaateen dibadda waxay kuwa la ibtileeyey ku sugnaayeen, aadna ku dhex jirteen waxay ku sugan yihiin kuwa caafiyada iyo fiyoobida qaba, ilaa uu khadhiibkiinna (waa afhayeenka qabiilka u hadla) iyo naqiibkiinna (oo ah wakiilka qabiilka oo idil) ay u yimaadeen Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Markaasuu afhayeenkiinnu inta goobjoogta ah taladooda jeediyey, wakiilkuna uu inta goobtaas ka maqan wakiil uga ahaa. Mana aanan ogsooni, oo waxaa dhici karta inay dadka wareegto (ama meerto) ku timaaddo. Haddayna ku timaaddo badbaado waxay ku jirtaa sabirka iyo dul qaadka, taasoo uu Ilaahay jecelyahay. Marka adinkuna jeclaada." Markaasuu tolkiisu dhegeysteen oo ay hadalkiisa yeeleen. Sawdaa'a bintu Zuhrahسوداء بنت زهرة: kaahinadda Quraysh Haweeneyda la yiraahdo Sawdaa'a bintu Zuhrah bin Kilaab\ سوداء بنت زهرة بن كالبwaxay ahayd kaahinadda Quraysh\قريش. Sawdaa' a سوداءmarkay dhalatay oo uu aabeheed arkay inay indheheedu midabka bulugga ah yihiin, wajigana ay ku leedahay shaamah, oo ah meel yar oo dhabanka gudahiisa hoos ugu riixan, wajigana qurxisa, ayuu wuxuu amray in ayadoo nool la duugo, ayagoo gabdhaha tilmaamahaas leh nolol duugi jiray. Markaasuu wuxuu u diray qubuuraha Al Xujuun \الحجون, si halkaas loogu duugo. Markaasuu ninkii godka qodayey markuu qabriga u qoday, uuna damcay inuu ku rido oo uu ku duugo, ayuu haatif maqlay oranaya: "gabadha nolol ha ku duugin, arligana u daa". Haatif waa wax warkiisa la maqlo, muuqaalkiisase aan loo jeedin, oo sidaasey Carabtu telefoonka haatif u tiraahdaa, adigoo qofka hadalkiisana maqlaya, muuqaalkiisase aan u jeedin. Markaasuu ninku dhanka warku uga yimid u jeestay, waxna wuu arki waayey. Markaasuu dib ugu laabtay inuu gabadha duugo. Markaasuu haatifkii hadana maqlay oo erayo kale ku hadlaya, isla macnahaas-se ah inuusan gabadha duugin. Markaasuu aabeheed usoo celiyey, uuna wuxuu maqlay u sheegay. Markaasuu aabeheed wuxuu yiri: "arrin iyo mustaqbal ayey leedahay", uuna nolosha u daayey, uusanna duugin. Markaasey gabadhaasi markay weynaatay kaahinadda Quraysh\ قريشnoqotay. Sawdaa'a سوداءwaxay maalin maalamaha ka mid ah qabiilka Quraysheed\ قريشee reer Banuu Zuhrah\ بني زهرةku tiri: "waxaa idinku jirta haweeney nathiirad\ نذيرةah (digaysa) ama mid nathiir\ نذيرah dhaleysa. Marka gabdhihiinna ii soo bandhiga oo ii keena." Markaasaa gabdhaha reer Banuu Zuhra\ بنو وهرةloo keenay, oo loo soo bandhigay. Marekaasey 147 gabar walba oo gabdhahaas ka mid ah wax ku tiri, waxaasoo muddo gaaban kaddib la arkay oo soo ifbaxay. Markaasaa waxaa loo keenay, oo loo soo bandhigay Aaminah bintu Wahab آمنة بنت \وهب. Markaasey waxay tiri: "middaan weeye nathiiraddu\النذيرة, ama nin nathiir\ نذيرah ayay dhaleysaa.", waana war dheer oo uu Al Zubayru\ الزبيرwax yar ka wariyay, dhammaantiisana uu wariyay Abuu Bakar Al Naqqaashu\أبو بكر النقاش. Warkaasna waxaa ku jira xusidda Jahannama\ جهنم-Allaha Sarreeya ha naga magan geliyee- ayadoo uusan magaca Jahannama جهنمagtooda laga aqoon (waagaas). Markaasey waxay ku yiraahdeen: "Jahannama جهنمmaxay tahay?" Markaasey waxay tiri: "waxaa warkeeda idiin sheegaya nathiirkeeda\( النذيرmidka ka digaya)." Arrinka jinniga Nasiibiin\نصيبين Markay Ummu Al Mu'miniina Khadiijah bintu Khuwaylid\ أم المؤمنين خديجة بنت خويلدhaweenta Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, iyo adeerkiis Abuu Dhaalib\أبو طالب dhinteen, ayna oofsashadooda saddex maalmood u dhexeysay, ayuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu aaday magaalada Al Dh-dhaa'if\الطايف. Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: "Markaas kaddib ayuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Al Dhaa'if \الطائف kasoo dhaqaaqay isagoo xagga Makkah\ مكةusoo gaddoomay, kaddib markuu qabiilka Thaqiif\ ثقيفka quustay. Markaasuu Markuu marayo Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam waadiga/deegaanka (halkaasoo uu tuulooyin fara badan ku yaalliin) la yiraahdo Nakhah\ نخلةayuu habeen barkii hurdada kasoo kacay oo uu salaad tukaday. Markaasaa waxaa soo maray kooxda jinniga ah oo ah kuwuu Ilaahay Tabaaraka wa Tacaalaa هللا \ تبارك وتقالىxusay, sida la ii wariyay, waxayna ahaayeen toddoba nin oo ka mid ah jinniga Nasiibiin\نصيبين. Markaasey Quraankuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam akhrinayo dhegeysteen. Markaasuu markuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam salaaddiisa kasoo jeestay ayay ayaguna xagga tolkooda u gaddoomeen ayagoo u digaya, rumaynayana waxay maqleen oo islaamay. Markaasuu Ilaahay warkooda Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u sheegay, wuxuuna Cazza wa Jalla\ عز وجلku yiri Suuratu Al Axqaafi\سورة األحقاف: ِ ِ ِ ِ ِ َّ ين َ َن َفلَ َّما َح َ ض ُروهُ قَالُوا أ َْنصرُوا َفلَ َّما قُض َي َول ْوا إِلَى قَ ْو ِم ِه ْم ُم ْنذ ِر َ ون اْلقُ ْآر َ ص َرْف َنا إِلَ ْي َك َنفًَار م َن اْل ِج ِّن َي ْسرَم ُع َ َ لوِا ْذ ِ ِ ِ ِ ِ ِ ِ ِ ٍ ق لوِالَى طَ ِري ق َ وسى ُم َ ) قَالُوا َيا قَ ْو َم َنا إَِّنا َسم ْع َنا كرَ ًابا أ ُْن ِز َل م ْن َب ْعد ُم21( َ ِّ ص ِّدقًا ل َما َب ْي َن َي َد ْيه َي ْهدي إلَى اْل َح ِ اعي اللَّ ِه وآ ِ ٍِ ٍ َمُنوا بِ ِه َي ْغ ِفر لَ ُكم ِم ْن ُذُنوبِ ُكم وُي ِجرُكم ِم ْن َع َذ ِ )31( اب أَلِ ٍيم ْ ْ َ ْ ْ ْ َ َ ) َيا قَ ْو َم َنا أَج ُيبوا َد31( ُم ْسرَقيم 148 "Wa ith sarafnaa ilayka nafaran mina al jinni yastamicuuna Al Qur'aana falammaa xadaruuhu qaaluu ansituu falammaa qudiya wallaw ilaa qawmihim mmunthiriina(29)Qaaluu yaa qawmanaa innaa samicnaa Kitaaban unzila min bacdi Muusaa musaddiqan limaa bayna yadayhi yahdii ilaa al xaqqi wa ilaa dhariiqin mmustaqiimin(30)Yaa qawmanaa ajiibuu daaciya Allaahi wa aaminuu bihi yaghfir lakum mmin thunuubikum wa yujirkum mmin cathaabin aliimin(31)." Aayadaha oo ah kuwa sagaal iyo labaatanaad iyo sodoon iyo kow iyo soddon ee Suuratu Al Axqaafi macnohoodu waxaa weeye: "Bal xusuuso markaan xaggaaga usoo duwnay koox jinni ah oo ay Quraanka dhegeysteen. Markaasey markay yimaadeen meesha lagu akhrinayey waxay isku yiraahdeen: "Aamusa oo dhegeysta". Markii akhrinta Quraanka la dhammeeyeyna waxay u gaddoomeen xagga tolkooda ayagoo u digaya(29)Waxayna yiraahdeen markay tolkood u tageen: "Tolkeenow annagu waxaan maqalnay Kitaab lasoo dejiyay Muuse dabadiis, rumaynayana kutubbadii isaga ka horreeyey, runtana u hanuuninaya qofka rumeeya oo raaca iyo dariiqa toosan(30)Waxayna yiraahdeen markay u tageen: "Tolkeenow yeela wuxuu idiinku yeerayo Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu idiinku yeerayana rumeeya. Markaasuu Ilaahay dambiyadiinna dhaafayaa, wuxuuna idinka korinayaa cathaab xanuun badan(30)." Wuxuu kaloo Ilaahay Tacaalaa Suuratu Al Jinni\ سورة الجنku yiri: ِ ) َي ْهِدي إِلَى1( اسرَ َم َع َنفٌَر ِم َن اْل ِج ِّن فَقَالُوا إَِّنا َس ِم ْع َنا قُ ْآرًَنا َع َجًبا ْ ُ ُق ْل أُوح َي إِلَ َّي أََّنه.بسم اهلل الرحمن الرحيم ِ ِ ِ ُّ ان َيقُو ُل َ َمَّنا بِه َولَ ْن ُن ْش ِر َك بَِرب َِّنا أ َ ) َوأَنَّهُ َك3( صاح َبةً َوََل َولَ ًدا َ ) َوأََّنهُ رَ َعالَى َج ُّد َرب َِّنا َما ارَّ َخ َذ2( َح ًدا َ الر ْشد فَآ ِ ِ َّ ِ ِ ِْ َن لَ ْن رَقُو َل ان ِر َجا ٌل ِم َن ْ ) َوأَنَّا ظََنَّنا أ2( َسفيهَُنا َعلَى اللَّه َشطَطًا َ ) َوأََّنهُ َك7( اْل ْن ُس َواْل ِج ُّن َعلَى الله َكذًبا ِ ٍ س يعوُذون بِ ِرج َّ َ َن لَ ْن ي ْبع ِْ ) َوأََّنا لَ َم ْس َنا7( َح ًدا َ ) َوأََّنهُ ْم6( وه ْم َرَهقًا ْ ظُّنوا َك َما ظََن ْنرُ ْم أ ُ ال م َن اْل ِج ِّن فَ َز ُاد َ ث اللهُ أ َ َ ُ َ ِ اْل ْن َ َ ِ ِ ِ ِ ً ت َح َر ًسا َشِد ْ اها ُملَِئ َ اء فَ َو َج ْد َن َُّم ِع فَ َم ْن َي ْسرَم ِع ْاْلَ َن َي ِج ْد لَه َ َّم ْ ) َوأَنَّا ُكَّنا َن ْق ُع ُد م ْنهَا َمقَاع َد للس8( يدا َو ُشهًُبا َ الس ِ ِ ِ ِ يد بِ َم ْن ِفي ْال َْر ون َو ِمَّنا َ ) َوأََّنا ََل َن ْد ِري أَ َشٌّر أ ُِر1( ص ًدا َ ) َوأََّنا مَّنا الصَّال ُح11( ض أ َْم أ ََر َاد بِ ِه ْم َربُّهُ ْم َر َش ًدا َ شهَ ًابا َر ِ َ ُِدون َذلِ َك ُكَّنا طَرائ ِ َن لَ ْن ُن ِ عج َز اللَّهَ ِفي ْال َْر ) َوأََّنا لَ َّما َس ِم ْع َنا12( ض َولَ ْن ُن ْع ِج َزهُ َه َرًبا ْ ) َوأََّنا ظََننَّا أ11( ق ق َد ًدا َ َ ِ ِ ِ ِ اْله َدى آَمَّنا بِ ِه فَمن يؤ ِمن بِرب َسلَ َم ُ ِّه فَ ًَل َي َخ َ ُون َو ِمَّنا اْلقَاسط َ ) َوأََّنا مَّنا اْل ُم ْسل ُم13( اف َب ْخ ًسا َوََل َرَهقًا ْ ون فَ َم ْن أ َ ْ ُْ ْ َ ُ َ ِ )17( طًبا َّ ) َوأ12( فَأُولَئِ َك رَ َح َّرْوا َر َش ًدا َ ون فَ َك ُانوا ِل َجهََّن َم َح َ َُما اْلقَاسط "Bismi Allaahi Al Rraxmaani Al Rraxiimi. Qul uuxiya ilayya annahu istamaca nafarun mina al jinni fa qaaluu innaa samicnaa Qur'aanan cajaban(1)Yahdii ilaa al rrushdi fa aamannaa bihi wa lan nushrika bi Rabbinaa axadan(2)Wa annahu Tacaalaa Jadduu Rabbinaa maa ittakhatha saaxibatan wa laa waladan(3)Wa annahu kaana yaquulu safiihunaa calaa Allaahi shadhadhan(4)Wa annaa thanannaa an llan taquula al insu wa al jinnu calaa Allaahi kathiban(5)Wa annahu kaana rijaalun mina al insi yacuuthuuna bi rijaalin mina al jinni fazaaduuhum rahaqan(6)Wa annahum thannuu kama thanantum an llan yabcatha Allaahu axadan(7)Wa annaa lamasnaa Al Ssamaa'a fawajadnaahaa muli'at xarasan shadiidan wa shuhuban(8)Wa annaa kunna naqcudu minhaa maqaacida lilssamci 149 faman yastamic al aana yajid lahu shihaaban rrasadan(9)Wa annaa laa nadrii asharrun uriida biman fii al ardi am araada bihim Rabbuhum rashadan(10)Wa annaa minnaa al ssalixuuna wa minnaa duuna thaalika kunnaa dharaa'iqa qidadan(11)Wa annaa thanannaa an llan nucjiza Allaaha fii al ardi wa lan nnucjizahu haraban(12)Wa annaa lammaa samicnaa al hudaa aamannaa bihi faman yu'min biRabbihi falaa yakhaafu bakhsan walaa rahaqan(13)Wa annaa minnaa al muslimuuna wa minnaa al qaasidhuuna faman aslama fa ulaa'ika taxarraw rashadan(14)Wa ammaa al qaashidhuuna fakaanuu lijahannama xadhaban(15)." Aayadahaas oo ah kow ilaa shan iyo toban ee Suuratu Al Jinni\ سورة الجنmacnohoodu waxaa weeye: "Bismi Allaahi Al Rraxmaani Al Rraxiimi. Waxaad tiraahdaa Nabiyow: "Waxaa la ii waxyooday inay koox jinni ah dhegeysteen Quraanka, oo uu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, akhrinayo. Markaasey markay arligooda ku laabteen waxay dadkooda ku yiraahdeen: "Waxaan maqalnay Quraan balaaghadiisa iyo aftahannimadiisa lala yaabo oo cajiib ah(1)Quraankaasoo dadka ugu yeeraya sawaabta oo ah tawxiidka iyo Midnimada Ilaahay iyo iimaanka. Markaasaan rumaynnay, cibaadadana Rabbigeen axadna la wadaajin maynno(2)Rabbigeenna Wayn oo Cathiimka ahna ma yeelan oo waa ka wayn yahay inuu yeesho haweeney iyo ilmo midna(3)Keennii xumaana, oo ah Ibliis, wuxuu ahaa kan Ilaahay been ka sheega, isagoo ku tilmaamay inuu shariik iyo ilmo leeyahay(4)Annaguna waxaan u malayneynnay inuusan insiga iyo jinniguba Ilaahay been ka sheegayn, oo waxay noo sheegeen oo aan malaynennay waxay ahayd inuu Ilaahay haweeney iyo ilmo leeyahay, ilaa aan Quraanka ka maqalno(5)Waxayna ahaayeen, islaamka hortiis, rag Carab ahi markuu safar ku jiro oo uu waadi ku hoydo wuxuu sharta waadigas ka magan geli jiray jinniga meeshaas deggan ilaa uu ka waabariisto, taasoo jinniga kibir iyo xadgudub iyo dambi u siyaadisay, o rahaqan waa dambiga iyo xadgudubka(6)Waxayna jinnigu u maleeyeen, sidaad u malaysen oo kale oo ah inuusa Ilaahay geeri kadib axadna soo nooleyneyn oo uusan bacthi jirin(7)Annaguna waxaan aadnaa xagga Samada adduunkaan waxaanna aragnay inay ka buuxdo ilaalo xoog leh, oo ay malaa'ig ilaalineyso, ayna leedahay danabyo ololaya oo lagu ganayo keenna u dhowaada(8)Waxaanna ahayn kuwo Samada ka fariista fariisimo si aan wax uga dhegeysanno. Haddase kii wax dhegeysta waxaa haleelaya danabyo lagu soo ganayo(9)Annagu mana ogin inay danabyadaan la ganayo tahay shar lala doonayo dadka dhulka ku nool ama inuu Rabbigood hanuun la doonayo kay tahay(10)Annagana waxaa naga mid ah kuwo suuban oo muslimiin ah iyo kuwo aan suubanaynba oo gaalo ah, waxaanna nahay kooxo kala duwan, waana si dadkoo kale(11)Waxaanna hubsannay inaanan Ilaahay ka fakan karin arliga dhexdiisa hadduu wax nala doono, oradna ugama baxsan karno hadduu na doonayo(12)Markaan maqalnay Hanuunka, oo ah Quraanka iyo waxa Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, la siiyey waan rumaynay. Qofka Rabbigiis rumeeyana ka biqi mayo in camalkiisa iyo ajarkiisaba laga naaqusiyo, kana biqi mayo dulmi midna(13)Annagana waxaa naga mid ah qaar muslimiin ah , ahna kuwa Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, rumeeyey iyo kuwo xad gudbay oo Ilaahay shariik u yeelay. Ruuxiise islaama waa kuwa ku dadaala raadinta dariiqa xaqqa ah iyo hanuunka(14)Kuwase xadgudbay waxay ahaanayaan qoryaha jahannama lagu shido(15)." 150 Jinniga Quraanka dhegeystay oo islaamay Isagoo Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam bartaas ku tukanaya ayaa waxaa maqlay koox jinni ah isagoo Qur'aan akhrinaya, siday noo warisay Suuradda Qul Uuxiya\ سورة قل أوحيama Suuratu Al Jinniسورة الجن. Waxaana Xadiithka dhacdadaas noo wariyay Al Bukhaarii\البخالري, sida ugu xusan Fatxu Al Baarii\فتح الباري, mujalladka sideedaad bogga lix boqol iyo afar iyo toddobaatan iyo Xadiithka afar kun iyo sagaal boqol iyo kow iyo labaatanaadba. Jinnigaas Rasuulka Ilaahay, Salla Allaahu Calayhi Wasallam, ugu yimid Nakhlah \ نخلةwaxay ahaayeen Jinniga degmada Nasiibiin\( نصيبينwaana saad), oo ah, siduu Al Baghawii\البغوي tafsiirka Aayadda sagaal iyo labaatanaad ee Suuratu Al Axqaafi\ سورة األخقافku yiri, ashraafta iyo madaxda iyo laan dheerta jinnigoo idil oo yiri: "Marka Samada xiddigo dab ah iyo danabyo looga soo celiyay ayuu Ibliis\ إبليسwuxuu kala diray cidammadiisa si ay warka arrinkaas kusoo helaan. Ergada ugu horreysey oo uu dirayna waxay ka koobnayd kuwa Nasiibiin\ نصيبينdega, kuwaasoo ah madaxda jinniga iyo hoggaamiyaashoodaba. Wuxuuna u diray gobolka Tihaamah\تهامة, oo ay Makah Al Mukarramah\ مكة المكرمةiyo Al Madiinah Al Munawwarah\ المدينة المنورةku yaalliin, Yamanna\ يمنay ka mid tahay." Nakhlah kor ayaan kitaabkaan uga soo hadalnay. Digidda yuhuudda ee soo diriddiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: "Waxaa ii warramay Caasim bin Cumar bin Qataadah\ عاصم بن عمر بن قتادةoo rag tolkiis ah ka wariyey oo yiri: "sababtaan Diinta Islaamka u galnay, ka sokow Raxmada Ilaahay Tacaalaa iyo hanuunkiisee, waxay ahayd waxaan ka maqli jirnay rag yuhuud ah. Annaguna waxaan ahayn mushrikiin gaalo ah oo asnaamta caabuda, ayaguna waxay ahaayeen ehelu kitaab, oo waxay lahaayeen cilmi aanan annagu lahayn. Annaga iyo ayaguna dagaallo ayaa na dhex mari jiray, oo markaan u geysanno dhibaato iyo waxay kahdaan, waxay nagu yiraahdaan: "waxaa soo dhowaaday zamanka Nabi, oo hadda lasoo diri doono. Markaasaan intaan isaga la safanno oo aan raacno ayaan idinla dagaallamaynnaa, oo aan idiin laynaynaa sida reer Caad \عاد loo laayey oo kale." Wax badan ayaanna warkaas ayaga ka maqli jimay. Markaasaa markii Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, lasoo diray ayaan rumaynnay markuu Ilaahay Tacaallaa noogu yeeray, waxaanna aqoonnay waxay noogu gooddin jireen oo nagu guulguuli jireen. Markaasaan ugaba hormamay, oo aan rumaynnay, ay ayaguna ku kufriyeen oo ku gaaloobeen. Marka annaga iyo ayaga ayay nagu soo degeen Aayadaha Al Baqarah سورة البقرةka mid ah: َِّ ِ ِ ِ ٌ اب ِمن ِع ْنِد اللَّ ِه مص ِّد ِ اء ُه ْم َما ْ ٌ َاء ُه ْم كر َ ون َعلَى الذ َ ق ل َما َم َعهُ ْم َو َك ُانوا م ْن قَْب ُل َي ْسرَ ْفر ُح َ ين َكفَُروا َفلَ َّما َج َ ُ َ َولَ َّما َج ِ ِ َّ ِ )81( ين َ َع َرفُوا َكفَُروا بِه َفلَ ْع َنةُ الله َعلَى اْل َكاف ِر "Wa lammaa jaa'ahum kitaabun min cindi Allaahi musaddiqan limaa macahum wa 151 kaanuu min qablu yastaftixuuna calaa allathiina kafaruu falammaa jaa'ahum mmaa carafuu kafaruu bihi falacnatu Allaahi calaa al kaafiriina(89)", oo ah Aayadda sagaal iyo sideetanaad ee Suuratu Al Baqarah سورة البقرة, macneheeduna uu yahay: "Markuu uga yimid (waa yuhuuddee) kitaab xagga Ilaahay, oo ah Quraanka, oo rumeynaya oo waafaqsan kitaabka ayaga agtooda ah, oo ah Tawraadda horayna ay u ahaayeen kuwa ku gargaar waydiista Nabigaas si ay gaalada Carabta libta uga helaan, markuu yimid waxay garanayeen, oo ah Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, way ku gaaloobeen, lacnad korkooda ha ahaato gaaladee(89)." Imaam Al Baghawii wuxuu tafsiirkiisa kuwa wariyay oo kale inay oran jireen: "Ilaahayow, libta nooga sii korkooda Nabiga aakhiru zamanka lasoo dirayo oo sifadiisa aan Tawraadda ka helnay." Yuhuudiga dariska Banuu Cabdu Al Ash-hal ahaa\بنو عبد األشهل Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu Salamah bin Salaamah bin Waqsh\سلمة بن سلمة بن وقش, oo ah ragga Badr\ بدرka mid ahaa, ka wariyay inuu yiri: "waxaan lahayn daris yuhuudi ah ee degganaa xaafadda Banii Cabdu Al Ash-hal\بني عبد األشهل. Markaasuu maalin gurigiisa inta kasoo baxay noo yimid oo uu reer Banii Cabdu Al Ashhal بني \عبد األشهل. soo dul istaagay. Markaasna anigaa inta goobjoogga ah ugu da' yar, anigoo markaas go' huwan, oo daydka ehelkayga jiifa. Markaasuu wuxuu ka hadlay Maalinta Qiyaame, iyo isi soo saaridda qubuuraha la iska soo saarayo iyo Xisaabta iyo Miizaanka iyo Jannada iyo Naarta. Wuxuuna warkaas u sheegayaa dad gaalo ah oo asnaam caabuda, aanna rumaysayn in dhimasho bacdigeed laisi soo nooleynayo. Markaasey waxay ku yiraahdeen: "hebelow, maxaad leedahay, oo is ilaali! Oo ma waxaad rumaysantahay inay taasi ahaaneyso, oo dadka dhimashadooda kaddib lasoo nooleynayo, lana geynayo daar ama arli ay Janno iyo Naar ku yaalliin, oo acmaashoodii ay faleen looga abaal marinayo?" Wuxuu yiri: "Haa! Waxaan ku dhaartay Midka lagu dhaarto ee sidaas ayay ahaaneysaa! Markaasuu wuxuu ninku jedaanayaa inuu nasiibkiisa iyo sadkiisaa dabkaasi uu noqdo tannaarka ugu wayn oo daarta (adduunkaan) yaalla, oo inta la shiday kaddibna isaga la geliyo oo markaas korkiisa lagu aaburo, hadduu berri kasoo bixi karo, oo uu sidaas Naarta uga badbaado." Markaasey waxay yiraahdeen: "War hebelow, maxaad leedahay! Taasi inay sidaas ahaaneyso maxaa u calaamad iyo daliil ah?" Wuxuu yiri: "Nabi beledkaan laga soo diri doono", wuxuuna gacantiisa ku fiiqay xagga Makkah\ مكةiyo Yaman\يمن. Waxay yiraahdeen: "goormaad ku waddaa in lasoo diri doono?" Markaasu aniga isoo dhugtay, anigaana dhammaantood ugu da' yar, wuxuuna yiri: "wiilkaanu hadduu cumrigiisa wada noolaado, wuu gaarayaa". 152 Salamah\ سلمةwuxuu yiri: "wa Allaahi\ وهللاinayan maalinta iyo habeenku tegin markuu Ilaahay Muxammadمحمد, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, uu Rasuulkiisa ahaan usoo diray, isagoo uu yuhuudigii uu noolyahay, oo uu dhexdeenna ku sugan yahay. Markaasaan annagu Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, rumaynnay, isaguna uu ku gaaloobay, xadgudub iyo xaasidnimo daraadeed. Markaasaan waxaan ku niri: "war maxaad leedahay hebelow, oo is jir! So isla kii maad ihid waxaad Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, nooga sheegtay waxaad tiri?" Wuxuu yiri: "Haa, laakiin isagii ma aha." Xadiithka waxaa kaloo wariyay Imaam Axmad اإلمام أحمدmujalladka saddexaad bogga afar boqol iyo toddoba iyo lixdan, waana Xadiith suuban oo Xasan\ حسنah. Bishaareynta ibnu Al Hayyabaanu\إبن الهيبان Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: "Waxaa ii warramay Caasim bin Cumar bin Qataadah\عاصم بن عمر بن قتادة, oo yiri: "sheekh reer Banii Quraythah\( قريظةqabiilka yuhuudda ah) ayaa wuxuu igu yiri: "Ma ogtahay siday u islaameen Thaclabah bin Sacyah \ ثعلبة بن سعيةiyo Asiid bin Sacyah أسيد بن سعيةiyo Asad bin Sacyah bin Cubayd\أسد بن سعية بن عبيد, ragga u dhashay reer Banii Hadal بني هدل, walaalaha reer Banii Quraythah\قريظة, oo jaahiliyada islaamka hortiisna ayaga ka mid ahaa, kaddib islaamka dhexdiisana ahaa madaxdooda iyo hoggaamiyayaalkooda?" Wuxuu yiri: "Waxaan iri maya". Wuxuu yiri: "Nin ka mid ah yuhuuda arliga Shaam\ الشامdegtah, lana yiraahdo ibnu Al Hayyabaanuإبن الهيبان ayaa noo yimid sanooyin islaamka hortiis. Markaasu dhexdeenna degay. Wa Aallaahi \وهللا inaanan weli arag nin aan muslin ahayn oo isaga ka fadli badan. Markaasuu dhexdeenna degay. Markaasaan marka roob la waayo, oo la abaarsado, ayaan waxaan ku niraahnaa: "ina Al Hayyabaanow !إبن الهيبانSoo bax oo noo roob doon". Markaasuu wuxuu yiraahdaa: "Wa Allaahi\ وهللاinaanan yeeleyn jeer aad bixitaankiinna horteed aad sadaqo la baxdaan." Markaasaan waxaan niraahnaa: "Meeqaan sadaqo ahaan u bixinnaa?" Markaasuu wuxuu yiraahdaa: "Hal saac oo timir ah ama shaciir ah." Halkii saacna maanta waa laba kiilograam iyo boqol iyo lix iyo toddobaatan graam. Wuxuu yiri: "Markaasaan bixinnaa." Markaas kaddib ayuu dooxadeenna noola baxaa, oo uu halkaas Ilaahay nooga roob doonaa, oo wa Allaahi\ وهللاinuusan meeshuu fadhiyo weli ka kicin ee waxaa soo marta daruur oo na waraabisa. Sidaas ayuuna yeelay in aan mar ahayn, aan labana ahayn, aan saddexna ahayn, ee ka badan." 153 Wuxuu yiri: "Markaasaa isagoo nala deggan ayay geeridu u timid. Markaasuu markuu ogaaday inuu mayd yahay ayuu wuxuu yiri: "Ragga yuhuudow! Maxaad u maleyneysaan inay iga soo saareen, oo aan uga imid arliga leh khamrada khamiirka (muufada ama cunnada), ina keenay oo aan usoo degay arliga abaarta iyo gaajada?" Wuxuu yiri: "Waxaan niri: "Adigaa taas nooga xoog ogaalsan". Wuxuu yiri: "Waxaa beledkaan i keenay anigoo doonayey inaan ku sugo soo bixidda Nabi zamankiisu soo galay, beledkaanna waa meeshuu usoo haajirayo. Markaasaan waxaan rajeynayaa in la soo saaro oo aan raaco. Zamankiisuna waa idin soo hoosaasiyay, ee ragga yuhuudow, yaan la idiinka hor marin, isagoo lala soo dirayo daadinta dhiigga (waana jihaadka uu gaalada la geli doono Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam) iyo qafaalidda iyo addoonsiga ubadka iyo haweenka (gaalada). Taasina yeeyan idinka hor istaagin raaciddiisa." Kaddibna ibnu Al Hayyabaanu إبن الهيبانwuu dhintay. Markaasaa markuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, lasoo diray uu uu (yuhuudda) reer Banii Quraythah\ بني قريظةhareereeyey, ayay raggaas ayaga ahi waxay yiraahdeen, waxayna ahaayeen dhallinyaro da' yar: "Reer Banii Quraythow !بني قريظةWa Allaahiوهللا isagu waa Nabigii uu ibnu Al Hayyabaanu\ الهيبانidinku ballamiyay oo uu idinkala dardaarmay." Waxay yiraahdeen: "isagii ma aha." Dhallinyaradii waxay yiraahdeen: "Bal wa Allaahi وهللاwaa isagii, sifadiisii ayuuna leeyahay." Markaasey dhallinyaradaasu qalcadday saarnaayeen kasoo degeen oo inta Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u yimaadeen ay islaameen. Sidaas ayay waxay ku nabad gashadeen dhiggooda iyo maalkooda iyo haweenkooda iyo ubadkooda iyo ehelkoodaba." Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: "Intaas weeye inta yuhuudda naga soo gaartay." Al Suhaylii\ السهيليwuxuu yiri: "Wiilashaas aabohoodna waxaa la yiraahdaa ibnu Al Cariid إبن \العريض." Zayd bin Sucnatu\زيد بن سنعة Al Suhaylii\ السهيليwuxuu yiri: "Zayd bin Suncatu\ زيد بن سنعةwuxuu ahaa wadaad axbaarata yuhuudda ka mid ah. Markaasuu Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wax daymiyey. Markaasuu deyntiisii soo doontay intuusan soo gel in waqtigay ahayd in loo gudo. Markaasuu wuxuu yiri: "Muxammadow (Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam) daynteydii ii gud, oo adinku reer Banii Cabdu Al Mudhalib\ بني عبد المطلبwaa raajisaan, mana dooneysid waxaan ahayn inaan cilmigaaga ogaado." Markaasuu Cumar bin Al Khadh-dhaab\ عمر بن الخطابcarooday, oo uu isku dul wareegsaday, sida isagoo xiddig ah oo kale, isagoo midig iyo bidix fiirinaya, markaasuu wuxuu yiri: "Ma sidaasaad Rasuulka Ilaahay (Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam) ku leedahay, cadawga Ilaahayow?" 154 Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu Cumar عمرku yiri: . فأقض عني، قم. وتأمره بحسن التبعة، أن تأمرني بحسن األداء:"إني إلى غير هذا منك أحوج يا عمر ". وزد عشرين صاعا بما روعته،فوهللا ما حل األجل "innii i1aa ghayra haathaa minka axwaju yaa Cumar: an ta'muranii hi xusni al adaa'i, wa ta'murahu bi xusni al tabicati. Qum, fa aqdihi cannii.Fa wa Allaahi maa xalla al ajalu, wa zid cishriina saacan bimaa rawwactahu." Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "waxaan taas ahayn ayaan kaaga baahanahay Cumarowعمر, oo ah inaad anigana i amartid inaan si fiican waxa la igu leeyahay u gudo, isagana aad amartid inuu wixiisa si fiican u raadsado. Kac oo iga gud, oo wa Allaahi وهللاwaqtigii la gudi lahaa weli sooma gelin, waxaadna ugu kordhisaa labaatan saac oo cabsiintaad cabsiisay cawil celin u ah." Halka saac intuu yahayna waxaa kusoo sheegnay qisada kore ee ibnu Al Hayyabaanu \الهيبان. Xadiith kalena wuxuu wariyay inuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: ". فإن لصاحب الحق مقاال،"دعه "Dachu, fa inna li saaxibi al xaqqi maqaalan", oo macneheedu yahay: "iska daa, oo qofka xaqqa leh hadal ayaa u furane." Waxaa la wariyay inuu ninkaas yuhuudiga ahi islaamay, siduu Abuu Nucaym\ أبو نعيمugu wariyay Dalaa'ilu Al Nubuwwah\دالئل النبوة, wuxuuna islaamay markuu arkay siday sifada Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u waafaqday sifooyinkuu Tawraadda u haysto ku arkay, kitaabkaaso ku tilmaamay inuu dulqaad iyo turid badan yahay. Markaasuu markuu dulqaadkiisa ka arkay wuxuu ka arkay, ayuu islaamay. Ninkaasu wuxuu dhintay isagoo Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, jihaad kula jira oo la socda dullaanka Tabuuk\غزوة تبوك. Magaciisa waxaa kaloo lagu sheegay inuu yahay Sacyah \ سعيةoo ya' lagu dhigay meeshay nuun ka ahayd. Al Daarqudhniyyu-se\ الدارقطنيةwaxaan nuun ahayn kuma uusan xusin." Waa intaas warka Al Suhaylii\السهيلي, Allaha raalli kanoqdee. 155 Xadiithka islaamidda Salmaan Al Faarisii \سلمان الفارسي Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu wariyay siduu u islaamay saxaabiga wayn ee ah Salmaan Al Faarisii\سلمان الفارسي, Allaha raalli ka noqdee, wuxuuna ka wariyay Cabdi Allaahi ibnu Cabbaas\عبد هللا إبن عباس, oo yiri: "Waxaa ii warramay Salmaan Al Faarisiiسلمان الفارسي, oo afkiisa iiga sheegay oo yiri: "Waxaan ahaa nin reer Faaris\ فارسah (oo ah dalka iiraan\ )إيرانee dadka degah Isbahaanإسبهان, kana degah tuulo la yiraahdo Jayy\جي, aabahayna wuxuu ahaa Dihqaanka\ الدهقانtuulada, aniguuna khalqiga Ilaahay iigu jeclaa. Jacaylkuu ii qabo wuxuu garay heer uu gurigiisa igu xabbisay, sida gabdhaha loo xabbiso oo kale. Waxaan aad ugu dadaalay diinta majuusiyada\( المجوسيةahna diinta dadka dabka caabuda, oo ayagu dabkay caabudi jireen) ilaa aan ka noqdo ilaaliyaha midka shida, aan oggolaanaynna inuu dabku saacadna uu holiciisu gaabto." Wuxuu yiri: "Aabahay wuxuu lahaa beer aad u wayn." Wuxuu yiri: "Markaasuu maalin maalmaha ka mid ah wuxuu ku mashquulay dhismo uu gacanta ku hayey. Markaasuu wuxuu i yiri: "Maandhow, maanta waxaan beerteyda uga mashquulay dhismahaygaan, marka adigu beerta aad oo baro xaalkeeda", wuxuuna ii sheegay waxyaalo uu doonayo in la sameeyo. Kaddibna wuxuu igu yiri: "Dhakhsana soo noqo, oo ha iga raagin, oo haddaan ku arki waayo waxaad igala weynaaneysaa beerteyda, umuurteydo idilna waad iga mashquulineysaa." Wuxuu yiri: "Markaasaan soo baxay anigoo u socda beertuu ii diray. Markaasaan waxaan ag maray kaniisad kaniisadaha krishtaanka ka mid ah. Markaasaan waxaan maqlay codadkooda ayagoo dhexdeeda ku jira oo tukanaya. Waxay yihiinna warba uma hayo, ayadoo uu aabahay gurigiisa igu xabbisay. Markaasaan markaan codadkooda maqlay, ayaan u galay, si aan u arko waxay sameynayaan. Markaasaan markaan arkay ayaan salaadooda u bogay, arrinkoodana aanba jeclaaday, aanna is iri: "Wa Allaahi\ وهللاmiddaan ayaa ka khayr badan diintaan annagu ku taagannahay." Wa Allaahi وهللاinaanan ka tegin jeer ay qorraxdu dhacday, aanna iskaba daayey beerta aabahay, oo maba aanan tegin. Markaasaan dadkii krishtaanka ahaa oo kaniisadda dhexdeeda ku jiray waxaan ku iri: "Asalka diintaanu waa halkee?" Waxay yiraahdeen: "Waa Shaam\"الشام. Markaasaan aabahay u noqday, isagoo baadigoob iga soo daba diray, aanna hawshiisiiba ka 156 mashquuliyay. Markaasuu markaan u imid wuxuu yiri: "Wiilkeygow, xaggeebaad jirtay? Soo kuguma ballamin waxaan kugu ballamiyay?" Wuxuu yiri: "Waxaan ku iri: "Aabow, waxaan maray dad ku tukanaya kaniisad ay leeyihiin. Markaasaan u bogay waxaan diintooda ka arkay, oo wa Allaahi وهللاagtoodaan joogay ilaa ay qorraxdu ka dhacdo." Wuxuu yiri: "Wiilkeygow, diintaas wax khayr ah ma laha. Diintaada iyo diinta aabayaalkaa ayaa ayada ka khayr badan." Wuxuu yiri: "Waxaan ku iri: "Wa Allaahi وهللاmaya, diintooda ayaa diinteenna ka khayr badan." Wuxuu yiri: "Markaasuu ii baqay, oo uu markaas lugta bir iiga xiray, oo uu gurigiisa igu xabbisay." Wuxuu yiri: "Waxaan farriin u dirsaday krishtaankii, aan ku leeyahay: "Hadduu socdaal Shaam\ الشامidiinka yimaado, ii soo sheegay". Wuxuu yiri: "Markaasaa waxaa u yimid safar ganacsi oo Shaam\ الشامka yimid, oo ganacsato krishtaan ah ah. Markaasey isoo wargeliyeen. Markaasaan waxaan ku iri: "Markay xaajadooda ay u yimaadeen dhammaystaan oo ay doonayaan inay dalkooda dib ugu laabtaan isoo ogaysiiya." Markaasay isoo wargeliyeen. Markaasaan lugtayda birta k afuray, oo aan raacay ilaa aan Shaam\ الشامka imaado. Markaan Shaam\ الشامimid ayaan waxaan weydiiyay: "yaa dadka diintaan ugu cilmi badan?" Waxay yiraahdeen: "wadaadka kaniisadda deggan." Wuxuu yiri: "markaasaan u imid, waxaanna ku iri: "waxaan jeclaaday diintaan, waxaanna jecleystay inaan adiga kula joogo, kaniisaddaadana aan kaaga adeego, cilmigana aan kaa barto, aanna kula tukado." Wuxuu yiri: "soo gal." Markaasaan la galay." Wuxuu yiri: "wuxuuna ahaa nin xun, oo dadkuu wuxuu amri jiray inay sadaqo la baxaan, wuuna ku boorrin jiray. Markaasuu markay wax usoo uruuriyaan sadaqadaas ka mid ah, ayuu maalkaas naftiisa meel u dhigtaa oo uu kaydsadaa, masaakiintana uusan wax ka siin. Sidaasuu wuxuu ku uruursaday toddoba haamood oo dahab iyo qalin ah." Wuxuu yiri: "markaasaan waxaan u qaaday nacayb xoog leh markaan arkay wuxuu falayo. Kaddibna wuu dhintay. Markaasay krishtaankii isugu yimaadeen si ay u duugaan. Markaasaan waxaan ku iri: "ninkaanu wuxuu ahaa nin xun, oo wuxuu idin fari jiray inaad sadaqo la baxdaan, wuuna 157 idinku boorrin jiray. Markaad u keentaanna naftiisuu u kaydin jiray, masaakiintana waxba kama uusan siin jirin." Wuxuu yiri: "markaasay waxay yiraahdeen: "maxaa arrinkaas ku ogaysiiyay?" Wuxuu yiri: "waxaan ku iri: "anigaa kanzigiisa idin tusaya." Markaasay waxay yiraahdeen: "hadaba na tus." Wuxuu yiri: "markaasaan meeshuu kanzigu yiillay tusay. Markaasay waxay la soo bexeen toddobada haamood oo ay ka buuxaan dahab iyo qalin." Wuxuu yiri: "markaasay markay arkeen waxay yiraahdeen: "wa Allaahi\ وهللاinaanan maydkiisa weligeeba duugayn." Wuxuu yiri: "markaasay maydkiisa wareen, ayna rajmiyeen oo ay dhagax la dheceen, ayna nin kale keeneen oo ay xilkiisii u dhiibeen." Wuxuu yiri: "Salmaan wuxuu yiri: "ma aanan arag nin shanta salaadood tukada oo aan ku wado inuu isaga ka fadli badan yahay, ama ka zuhdi زهدbadan yahay (zuhdiguna waa ka kaaftoomida adduunkaan iyo macmacaankiisaba), aakhirana ka jecel, kana cibaadaysi iyo ka camal badan habeen iyo maalinba." Wuxuu yiri: "markaasaan waxaan u jeclaaday si aanan isaga hortiis qof kale jacayl la mid ah u jeclaanin." Wuxuu yiri: "markaasaan zaman la joogay, kaddibna waxaa u timid geerida. Markaasaan waxaan ku iri: "hebelow, anigu waan kula joogay waxaanna kuu jeclaaday si aanan adiga hortaa jeceyl la mid ah cid kale u jeclaan, waxaanna kuu yimid amarka Ilaahay Tacaalaa, sidaad u jeedid. Yaad hadaba igula dardaarmeysaa? Maxaadna i fareysaa?" Wuxuu yiri: "Wiilkeygow, wa Allaahi\ وهللاinaanan maanta xogogaal u ahayn axadna ku taagan waxaan anigu ku taagnaa, oo dadkii wuu le' day, diintiina way beddeleen, intaan ka ahayn nin ku nool Al Mawsil\( الموصلoo ah magaalo ku taalla waqooyiga dalka Ciraaq \)عراق, waana hebel. Isagaasaa ku taagan waxaan anigu ku taagnaa, ee gaar oo u tag." Markaasaan markuu dhintay oo la duugay waxaan u tegey ninkii Al Mawsil الموصلdegganaa, waxaanna ku iri: "hebel ayaa igala kaa soo dardaarmay markuu dhimanayey inaan kuu imaado, wuxuuna ii sheegay inaad amarkiisa oo kale ku taagan tahay (aad isku diin tihiin weeye)." Wuxuu yiri: "Markaasuu wuxuu igu yiri: "Aniga ila joog." Markaasaan la degay. Markaasaan waxaan arkay inuu yahay ninka ugu fiican oo amarka saaxiibkiisa ku taagan. Mase uusan raagine, bal wuu dhintay. Markaasaan markay geeridu u 158 timid ayaan waxaan ku iri: "hebelow, hebel ayaa adiga igala kaa soo dardaarmay, iguna amray inaan kuu imaado. Waxaana kaaga yimid amarka Ilaahay waxaad ujeeddo, marka yaad igala dardaarmeysaa? Maxaadse i amreysaa?" Wuxuu yiri: "Wiilkeygow, wa Allaahi inaanan ogayn nin ku taagan waxaan annagu ku taagnayn, intaan ka ahayn nin deggan Nisiibiin\) نصيبينahna magaalo ku taalla waqooyiga Ciraaq\ عراقoo aan Al Muusil\ الموصلka fogayn) hebel, ee isaga u tag." Markaasaan markuu dhintay oo la aasay, waxaan u tegey ninkii Nisiibiin\ نصيبينdegganaa, oo aan warkeyga uga warramay iyo waxay labadeydii saaxiib i amreen. Markaasuu wuxuu yiri: "Aniga ila joog." Markaasaan la degay, waxaanna arkay inuu amarka labadiisa saaxiib uu isaguna ku taagan yahay. Markaasaan waxaan la degganaa nin ragga ugu fiican. Hase ahaatee, wa Allaahi \وهللا inuusan raagin, ee waxaa kusoo degatay geerida. Markay geeridu kusoo degatay ayaan waxaan ku iri: "hebelow, hebel wuxuu igula soo dardaarmay hebel inaan u tago, kaddibna hebel wuxuu igula dardaarmay inaan adiga kuu imaado. Adiguna, marka, yaad igula dardaarmeysaa? Maxaadna i amreysaa?" Wuxuu yiri: "Wiilkeygow, wa Allaahi وهللاinaanan ogayn inuu axadna ku haray amarkeenna. Waxaan ku amrayaa inaad u tagtid nin deggan Camuuriyyah\( عموريةoo ahaan jirtay magaalada labaad ee arliga turkiga oo hadda burburtay, kana tirasanyd boqortooyada roomaanka) ee arliga roomaanka, oo ninkaasu wuxuu ku taagan yahay wax la mid ah waxaan annagu ku taagannahay. Marka had dad jecleysato u tag, oo isagu amarkeenna (diinteenna) ayuu korkeeda yahaye." Markaasaan markuu dhintay oo la duugay waxaan u tegey ninkii Camuuriyyah عموريةdegganaa, oo markaan u imid aan warkeyga u sheegay. Markaasu wuxuu yiri: "Ila joog." Markaasaan waxaan la degay ninka ragga ugu khayr badan, kuna sugan hanuunka iyo arrinka saaxiibbadiis." Wuxuu yiri: "Waanna shaqaystay ilaa aan ka yeesho lo' iyo ari yar." Wuxuu yiri: "Kaddibna waxaa kusoo degay amarka Ilaahay. Markaasaan intay geeridu haysay waxaan ku iri: "Hebelow, anigu hebel ayaan la joogay, markaasuu hebel igula dardaarmay, hebelna kaddib hebel ayuu igula dardaarmay, kaddibna hebel ayaa adiga igula dardaarmay, adiguna yaad igula dardaarmeysaa? Maxaadse i fareysaa?" Wuxuu yiri: "Wiilkeygow, wa Allaahi\ وهللاinaanan ogayn inuu maanta waagu u baryey qof dadka ka mid ah oo ku taagan wax la mid ah waxaan annagu ku taagneyn oo aan ku amro inaad u tagtid. Laakiin waxaa nasoo hoosaasiyey zamanka Nabi lala soo diri do oo Diinta Ibraahiim\إبراهيم, Calayhi Al Ssalaamu, kana soo baxaya arliga Carabta, una soo haajiraya arli laba xarro dhexdooda ku yaalla, dhexdeedana geed timireed ku yaallo, lehna calaamado aan qarsoomayn, hadiyadana cuna, sadaqadana aan cunin, labadiisa garab dhexdoodana uu uga yaallo Khaatimu Al Nubuwwah خاتم 159 \النبوة. Marka, haddaad kartid inaad beledkaas tagtid sidaas yeel." Kaddibna wuu dhintay, waana la duugay. Kaddibna waxaan Camuuriyyah عموريةjoogay intuu Ilaahay doonay inaan joogo" Nasiibiin\ نصيبينwaa magaalo ilaa maantadaan Waqooyiga dalka Ciraaq ku taalla, galbeedna ka xigta magaalada Niinawaa\ نينوىoo ah magaalada Nabi Yuunus\ نبي هللا يونس عليه السالمloo diray, iyo magaalada Al Mawsil\ الموصلoo labadooduba ay saaran yihiin wabiga Dijlah\دجلة. Nasiibiin\ نصيبينwaxay saaran tahay wabiga la yiraahdo Al Khaabuur\ الخابورoo ah laan ka mid ah wabiga Furaat\فرات. Camuuriyyah\ عموريةwaxay ahayd magaalo ku taalla dalka Turkiga, una dhow caasimaddooda Ankaara\أنقارة, kana xigta koofur/galbeed. Camuuriyyah عموريةwaxay ka mid ahaan jirtay magaalooyinka waaweyn ee roomaanka waxayna gacanta Muslimiinta soo gashay markuu qabtay Khaliifada Al Muctasim\ المعتصم باهللsanadka laba boqol iyo saddex iyo labaatan Hijrada, kaasoo sidoo kale Ankaara\ أنقارةu furtay. Sababta uu Khaliifada u furtayna waxay ahayd, siduu ugu wariyay Caatiq Ghayth Al Balaadiyyu \ عاتق بن غيث البالديkitaabkiisa Mucjamyu al Macaalimi Al Jughraafiyyah fii Al Siirah Al Nabawiyyah\ معجم المعالم الجغرافية في السيرة النبويةayna daabacday Daaru Makkah kun iyo afar boqol iyo labo Hijriga, sidatan: "Furashadeedu waxay ka mid ahayd furashada ugu waaweyn ee Islaamka, sababteeduna waxay ahayd inay roomaanku qafaasheen haweeney Calawiyyah \ علويةah (oo ah dhasha Calii bin Abii Dhaalib\ علي بن أبي طالبAllaha raalli ka noqdee) oo ay dulleeyeen, markaasey waxay la qaylisay oo ay tiri: "Waa Muctasimaah\ "وامعتصماه, (oo ah magaca Khaliifada Madaxweynaha u ah Dawladda Islaamka, oo ay ka gargaar dalbayso ). Markaasaa Al Muctasim المعتصمwaxaa u yimid qof warkeedaas u keenay. Markaasuu Al Muctasim wuxuu qofkaas ku yiri: ""أنت سمعتها؟ "Adigu ma maqashay ayadoo sidaas leh?" Wuxuu yiri: "Haa". Markaasuu ciidan diyaariyay ku duulay, roomaankana ka adkaaday. Maantana Camuuriyyah \ عموريةkama uusan harin waxaan ahayn kharaabkeeda iyo raadkeeda." Shaam waxaa la isku oran jiray dalalka hadda la kala yiraahdo Siiriya \ سوريةiyo Lubnaan\لبنان iyo Falasdhiin\ فلسطينiyo Urdun\أردن, oo hal Dawlad isku ahaan jiray, caasimaddooduna ay tahay Dimishiq\دمشق, ay Falasdhiin فلسطينiyo Urdun أردنiyo Lubnaan لبنانyihiin gobollo ayada ka tirsan. Salmaan\ سلمانoo hadalkiisa sii watana wuxuu yiri: "Kaddibna waxaa isoo maray rag ganacsato ah ee reer Banuu Kalb \ بنو كلبu dhashay, waxaanna ku iri: "Aan idin raaco, oo i geeya arliga Carabta, aniguna waxaan idin siinayaa lo'deydaan iyo 160 arigeygaan .. " Waxay yiraahdeen: "Waa yahay." Markaasey i wadeen oo aan raacay ilaa aan ka gaamo dooxada Waadi Al Quraa\وادي القرى. (oo maanta la yiraahdo Waadii Al Culaa\وادي العال, waana magaalo camiran oo Al Madiinah \ المدينةwaqooyiga ka xigta, una jirta saddex boqol iyo toddobaatan kiiloomitir, waana biyo iyo beero badan tahay, siduu Al Balaadii\ البال\يu yiri). Markaasey i dulmiyeen, oo ay nin yuhuudi ah addoon ahaan iiga gateen, kaasoo aan agtiisa joogay. Waxaanna arkay geedaha timirta. Markaasaan waxaan rajeystay inuu midkaani yahay beledkuu saaxiibkey ii sifeeyey, maxaa yeelay ma aanan hubin. Anigoo ninkaas la jooga ayaa waxaa u yimid nin kale oo ina adeerkiis ah oo reer Banuu Quraythah\ قريظةah oo Al Madiinah المدينةka yimid. Markaasuu ina adeerkiis iga gatay, oo uu Al Madiinah المدينةii watay. Wa Allaahi\ وهللاmarkaan arkay ayaan waxaan aqoonsaday sifooyinkii saaxiibkey. Markaasaan halkaas degay. Markaasaa Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, lasoo diray, uuna Makkah \مكة ku sugnaaday intuu ku sugnaday, warkiisana aanan maqal, anigoo shaqada addoonnimada ku mashquulay. Kaddibna wuxuu usoo haajiray Al Madiinah\المدينة. Markaasaan wa Allaahi وهللاanigoo madaxa geed timireed uu sayyidkey leeyahay saaran, oo halkaas hawl ka haya, sayyidkeyguna uu hoosteyda fadhiyo, ayaa waxaa yimid nin ina adeerkiis ah oo soo dul istaagay, yirina: " Hebelow, Allaha laayo dhasha Qaylah\( بنو قيلةoo Qaylah قيلةwaa hooyada dhashay labada nin oo la kala yiraahdo Aws\ أوسiyo Khazraj\ خزرجoo ay laba qabiil ee Ansaartu ka farcameen), oo wa Allaahi وهللاwaxay ayagu haddeer Qubaa'\ قباءkula kulan sanyihiin nin maanta Makkah\ مكةuga yimid, ayna ku andacoonayaan inuu Nabi yahay." Ibnu Hishaam\ إبن هشامwuxuu yiri: "Qaylah قيلةwaa ina Kaahil bin Cuthrah bin Sacd bin Zayd bin Layth bin Sawd bin Aslamu bin Al Xaafi bin Qudaacah\بنت كاهل بن عذرة بن سعد بن زيد بن ليث بن أسلم بن الحافي بن قضاعة, waana hooyada Aws\ أوسiyo Khazraj خزرجdhashay." Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: "Cabdu Allaahi bin Cabbaas\ عبد هللا بن عباسwuxuu yiri: "Salmaan\ سلمانwuxuu yiri: "Markaasaan markaan maqlay ayaan gariiray oo aan qaboobay, ilaa heer aan u maleeyey inaan sayyidkeyga kusoo dul dhici doono. Markaasaan geedka timirta kasoo degay, oo aan ina adeerkiisaas ku iri: "Maxaad leedahay? Maxaad tiri?" Markaasuu sayyidkeygu carooday, oo uu si xoog leh feer iigu dhuftay, kaddibna uu yiri: "Maxaa waxaan adiga kaaga jira? Hawshaada u jeeso." Wuxuu yiri: "Waxaan iri: "Waxba. Waxaan un rabay inaan ka hubsado wuxuu sheegay." Wuxuu yiri: 161 "Waxaan haystay xoogaa aan aruursaday. Markaasaan markay galabtii tahay soo qaatay oo aan Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ula tegey, isagoo Qubaa'a \ قباءku sugan. Markaasaan usoo galay, oo aan ku iri: "Waxaa isoo gaartay inaad adigu tahay nin suuban, ayna kula socdaan asxaab ghariib ah oo wax u baahan, kanna waa shay aan inaan sadqaysto u haystay, waxaanna arkay inaad adinku ghayrkiin uga xaq leedihiin." Wuxuu yiri: "Markaasaan agtiisa dhigay, oo aan u dhoweeyey. Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu asxaabtiisa ku yiri: "."كلوا "Kuluu", oo ah "cuna", isaguna gacantiisa uma uusan fidin, oo wax kama uusan cunin. Wuxuu yiri: "Markaasaan waxaan nafteyda dhexdeeda isku iri: "Tani waa mid." Wuxuu yiri: "Kaddibna waan ka gaddoonmay. Markaasaan xoogaa kale uruuriyay, ayadoo uu isla waqtigaasna Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Al Madiinah usoo guuray. Markaasaan u imid anigoo sida intaan aruuriyay, waxaanna ku iri: "Anigu waxaan arkay inaadan adigu sadqada cunin, marka middaani waa hadiyad aan kugu karaameynayo." Wuxuu yiri: "Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wax ka cunay, asxaabtiisana uu amray oo ay la cuneen." Wuxuu yiri: "Markaasaan nafteyda dhexdeeda isku iri: "Kuwaasi waa labo". Wuxuu yiri: "Kaddibna waxaan u imid Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, isagoo jooga Baqiicu Al Gharqadi\( بقيع الغرقدoo ah xabaalaha Al Madiinah\ المدينةoo Masjidka ku dheggan, oo ay hadda in ka badan toban kun oo qoyska Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, iyo asxaabtiisu ku duugan yihiin), isagoo soo raacay janaazada nin asxaabtiisa ka mid ah, anigoo xiran laba go' oo aan leeyahay, isaguna uu saaxiibbadiis la fadhiyo. Markaasaan salaamay, kaddibna aan la wareegtay, anigoo dhabarkiisa fiirinaya, oo raadinaya khaatimkuu saaxiibkey ii sifeeyey. Markaasuu markuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, arkay inaan gadaal kala wareegtay, ayuu wuxuu gartay inaan doonayo inaan hubsado wax la ii sifeeyey. Markaasu go' garbaha u saaran ka riday. Markaasaan khaatimka arkay, oo aan aqooday. Markaasaan ku foorarsaday oo aan dhundhunkaday, anigoo booyaya. Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu igu yiri: "."تحول 162 "Taxawwal", oo ah "soo wareego". Markaasaan soo wareegtay oo aan hortiisa fariistay, oo aan warkeyga uga warramay, sidaan adiga kuugu warramay ibnu Cabbaasow\إبن عباس. Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi wa AalihiWasallam, wuxuu u bogay inay asxaabtiisu warkaas maqlaan." Kaddib Salmaan\ سلمانwaxaa mashquuliyay addoonnimada ilaa ay seegaan inuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, kala qayb galo Badar\ بدرiyo Uxud\أحد. Salmaan سلمانwuxuu yiri: "Kaddib, Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu i yiri: "."كاتب يا سلمان "Kaatib yaa Salmaanu", oo macneheedu yahay: "Salmaanowسلمان, ninkaad addoonka u tahay u sheeg inaad dooneysid inaad naftaada ka gadatid, oo weydii intuu madax furashadaada ku doonayo." Markaasuu saaxiibkey (waana yuhuudiga uu addoonka u ahaa) wuxuu weydiistay oo uu ii sheegay inuu i xoreynayo haddaan u tallaalo saddex boqol oo geed timireed ah, oo aan godadka lagu ridayana u qodo, iyo afartan wiqiyadood oo dahab ah. Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu asxaabtiisa ku yiri: "."أعينوا أخاكم "Aciinuu akhaakum", oo macnheedu yahay: "caawina walaalkiin". Markaasey waxay iga caawineen geed timireed: mid keena soddon geed, iyo mid keena labaatan iyo mid keena shan iyo toban iyo nin keena toban, isagoo nin walba iga caawinay hadba intuu laftiisu lahaa. Sidaas ayaa waxaa la iigu uruuriyay saddex boqol oo geed timireed la beerayo. Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu igu yiri: ". أكن أنا أضعها بيدي، فإذا فرغت فأتني."إذهب يا سلمان ففقر لها "lthhab yaa Salmaanu fa faqqir lahaa. Fa ithaa faraghta fa'tinii, akun anaa adacuhaa bi yadii." Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Salmaanow سلمانsoco oo godadka u qod, markaad qodana ii imow, anigaa gacanteyda godka ku dhigayee." 163 Markaasaan godadka u qoday, waxaana i caawinay asxaabteyda. Markaasaan markaan kasoo jeestay ayaan u imid, oo aan u sheegay. Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, usoo baxay, aniguna aan la socdo. Markaasaan annaguna geedka la tallaalayo usoo dhoweynnaa, Rasuulka Ilaahayna, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, uu gacantiisa godka ku dhex dhigaa. Sidaas ayaan ku wadnay ilaa aan kasoo jeesannay. Waxaan ku dhaartay Midkay Salmaan سلمانnaftiisu gacantaiisa ku jirto, inayan midna geedaha la beeray ka dhiman." Wuxuu yiri: "Sidaas ayaan geedaha timirta ku bixiyey, waxaana sidaas igu haray maalkii. Markaasaa Rasuulka Ilaahayna, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxaa loo keenay wax ukunta digaagga le'eg oo dahab ah, loogana keenay mid ka mid ah meelaha dahabka laga qodo. Markaasuu wuxuu yiri: ""ما فعل الفارسي المكاتب؟ "Maa facala Al Faarisiyyu al mukaatabu?", oo macneheedu yahay: "Meeyey ninkii faarisiga ahaa oo madixiisa furanayey?" Wuxuu yiri: "Markaasaa la iigu yeeray, oo uu igu yiri: ". فأدها مما عليك يا سلمان،"خذ هذه "Khuth haathihi, fa addihaa mimmaa calayka yaa Salmaanu", oo macneheedu yahay: "Middaan qaado oo ku bixi waxa lagugu leeyahay Salmaanow". Wuxuu yiri: "Waxaan iri: "Tani maxay ka tahay waxa la igu leeyahay Rasuulka Ilaahayow?" Markaasuu wuxuu yiri: "."خذها فإن هللا سيؤدي بها عنك "Khuth-haa fa inna Allaaha sayu'addii bihaa canka", oo macneheedu yahay: "Qaado, oo Ilaahay ayaduu kaaga gudayaaye." Wuxuu yiri: "Markaasaan qaatay oo aan u miisaamay: waxaan ku dhaartay Midkay nafta Salmaanu سلمان gacantiisa ku jirto, waxayna nloqotay afartan wiqiyadood oo gaw ah. Markaasaan ayadaas xaqqoodii ugu guday, Salmaanna سلمانwaa xoroobay. 164 Markaasaan waxaan Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, kala qayb galay duullaanka Al Khandaq\ الخندقanigoo xor ah, kaddib duullaan uu ku jiro ima seegin." Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: "Waxaa Salmaan سلمانla iiga wariyay inuu yiri: "Markaan iri: "Tani maxay ka tahay waxa la igu leeyahay Rasuulka Ilaahayow, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam?" ayuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, qaaday oo uu carrabkiisa saaray oo uu ku rogay, kaddibna wuxuu yiri: "."خذها فأوفهم منها "Khuth-haa fa awfihim minhaa", oo macneheedu yahay: "qaado oo ayada waxay kugu leeyihiin uga gud." Markaasaan qaatay, oo aan xaqqooda kulligiis ayada uga guday, oo ah afartan wiqiyadood." Sadaqada iyo hadiyada Salmaanسلمان Al Suhaylii\ السهيليwuxuu yiri: "Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقghayrkiis ayaa wuxuu ku wariyay Xadiithka Salmaan سلمانsiduu Salmaan سلمانku aruuriyay wuxuu Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u hadiyeeyey, wuxuuna yiri: "Waxaan addoon u ahaa haweeney, markaasaan sayyiddeydaas waxaan weydiistay inay maalin ii hibeyso. Markaasaan maalintaas shaqeeyey, kuna shaqeeyey mushaar ah hal saac \ صاعama laba saac\ صاعoo timir ah. Markaasaan Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u keenay. Markaasaan markaan arkay inuusan sadaqada cunin, ayaan waxaan sayyiddeyda weydiistay inay maalin kale ii hibeyso. Markaasaan maalintaas shaqeeyey. Markaasaan waxaan shaqaystay hadiyad ahaan ugu keenay Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Markaasuu iga aqbalay, waxna ka cunay." Janaazada Maalintaas Al Suhaylii\ السهيليwuxuu yiri: "Salmaan سلمانwuxuu yiri: Kaddibna waxaan u imid Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, isagoo jooga Baqiicu Al Gharqadi( بقيع الغرقدoo ah xabaalaha Al Madiinah\ المدينةoo Masjidka ku dheggan, oo ay hadda in ka badan toban kun oo qoyska Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, iyo asxaabtiisu ku duugan yihiin), isagoo soo raacay janaazada nin asxaabtiisa ka mid ah, anigoo xiran laba go' oo aan leeyahay, isaguna uu saaxiibbadiis la fadhiyo." Saaxiibkiisa maalintaas dhintay waa Kulthuum bin Al Hidm\كلثوم بن الهدم, ahna ninkuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, gurigiisa kusoo degay (waana markuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam Qubaa'\ قباءyimid maalintuu Hijrada Al Madiinah\ المدينةsoo galay) siduu Al Dhabarii\ الطبريu yiri: "Kan ugu horreeyey oo asxaabta Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, dhinta, maalmo yar kaddib markuu Al Madiinah\ المدينةyimid, waa Kulthuum bin Al Hidm\كلثوم بن الهدم. Isaga 165 dabadiisna waxaa dhintay Ascad bin Zuraarah\أسعد بن زرارة." Geedaha timirta la tallaalay Al Suhaylii wuxuu yiri: "Al Bukhaarii wuxuu xusay Xadiithka Salmaan siduu ibnu Isxaaq u xusay oo kale, wuxuuse wariyay inuu Salmaan hal geed uu gacantiisa ku beeray, Rasuulka Ilaahayna, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, uu intooda kale beeray. Markaasey geedaha kulligood noolaadeen, intaan ka ahayn geedkuu Salmaan gacantiisa ku beeray. Kaas weeye macnaha Xadiithka Al Bukhaarii." Waana intaas warka Al Suhaylii. Anigaan ina Sheekh Xuseen ah oo kitaabkaan dhigaya, mar aan soo Xajiyay sanadka kun iyo afar boqol iyo afar iyo labaatanka Hijriga, una dhigantah laba kun iyo afar Miilaadiga, ayaan waxaan ku hormaray ziyaarada Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo aan Masjidkiisa afartan salaadood oo fardi ah oo isku xigta imaamka gadaashiisa jamaaco ku tukaday, oo aan imaamku markuu takbiiratu al ixraami salaadda ku xirtay aan aniguna safka ku jiray oo aan ka daba xirtay. Rag soomaali ah oo jaamacadda Al Madiinah Al Munawwarah darajada Majisteer ka barta ayaa waxay ii sheegeen in macallin ka mid ah macallimiinta jaamacaddaas uu u sheegay in geedkii timireed oo ugu dambeeyey kuwuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, gacantiisa sharafta leh ku beeray, ay Dawladda Sucuudigu goysay markuu sanadku ahaa kun iyo sagaal boqol iyo afar iyo sideetanka, ama meelahaas, kaddib markay in lagu fitnoobo ka yaabtay. Marka, geedkaasu wuxuu jiray kun iyo afar boqol iyo kow sano, ama meelahaas. Waana shan iyo labaatan sano mar hadda lagajoogo. Runtana Ilaahay ayaa u cilmi leh. Al Waaqidii/ الوفديwuxuu kitaabkiisa Al Maghaazii/ المغازيmujalladka saddexaad bogga kun iyo sagaal iyo sideetan iyo inta ka dambaysa ku yiri, isagoo ka hadlaya Xajjatu Al Wadaaci حجة الوداع: “Waxaa ii warramay Abii Sabrah/أبي صبرة, kana wariyay Saciid bin Muxammad bin Jubayr bin Mudhcim/ سعيد بن محمد بن جبير بن مطعمinuu aabihiis yiri: “Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam wuxuu Al Madiinah\ المدينةka baxay maalin sabti ah oo ay laba habeen ka hareen bisha Thuu Al Qacdah/ذو القعدة.” Bogga kun iyo lix iyo sagaashan wuxuu ku yiri: “Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam wuxuu ku degay Al Ssuqyaa/السقيا maalinta arbacada ah (maalinta shanaad markuu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam Al Madiinah \ المدينةkasoo baxay). Markaasuu wuxuu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam ku waabariistay Al Abwaa’u/األبواء, markaasuu Al Ssacbu bin Jath-thaamah/ الصعب بن جذامةu hadiyeeyey qaarka dambe ee dameer oo dhiiggu ka da’ayo. Markaasuu Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam u celiyay wuxuuna yiri: "."إنا محرمون “innaa xurumun” oo macneheedu yahay: “annagu xajj ayaan u ixraamannahay”. Mucaawiyah\ معاويةwuxuu oran jiray: " waxaan arkay Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam oo Al Abwaa’u/ األبواءku cunaya “liyaa-an muqshiyyan/ ”لياء مقشياoo ah xubuub sida xumska oo kale ah oo diirkooda wata 166 oo aan la tumin oo Waddaan/ ودانlooga hadiyeeyey, kaddibna uu istaagay salaadna tukaday mana uusan wayseysan. Markaasuu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam wuxuu ku tukaday masjidka ku jeeda Waadiga Al Abwaa’u/ وادي األبواءoo bidixda kaa qabanaya markaad Makkah\ مكةu socotid.” Markaasuu Nabigu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam ka ambabaxay Al Abwaa’u/األبواء wuxuuna kaddib ku tukaday meel taagag (ama buuro yar yar leh) leh oo la yiraahdo Talacaati Al Yaman/( تلعات اليمنama wax la mid ah oo talacaat waa jamaca talcah waana dhulka taagga ah iyo daadeggeedaba: Al Qaamuusu Al Muxiidhu/)القاموس المحيط. Halkaas waxaa ku oolli jiray geed noociisu yahay Samurah/سمرة. Ibnu Cumar/ إبن عمرwuxuu oran jiray inuu Nabigu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam geedkaas hoostiisa fariistay. Ibnu Cumar/ إبن عمرmarkuu geedkaas soo maro biyaha ubada ugu jira ayuu salkiisa ku shubi jiray oo uu sidaas ku waraabin jiray.” Al Waaqidii/ الواقديwuxuu kaloo yiri: “waxaa ii warramay Aflax bin Xumayd/ أفلح بن حميدoo ka wariyay aabihiis oo yiri: “ibnu Cumar/ إبن عمرwuxuu ku warrami jiray inuu Nabigu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam uu geedkaas hoostiisa fariistay, iyo inuu ibnu Cumar/ إبن عمرbiyaha ubada ugu jira jirridda geedkaas Samurada/ سمرةah ku shubi jiray isagoo sii jiriddiisa doonaya iyi inuusan dhiman.” Intaasuu ke egyahay warka Al Waaqidii\الواقدي, Allaha dambigiisa dhaafee. Sidaasay asxaabta iyo culummada ka dambaysaba u ilaalin jireen dhaxalka iyo wax kastoo la xiriira Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calyhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam si ay muslimiinta ka dambaysa ayaguna u arkaan ugana faaiidaystaan. Anigaan ina Sheekh Xuseen Cismaan ah oo kitaabkaan dhigaya, mar aan soo Xajiyay sanadka kun iyo afar boqol iyo afar iyo labaatanka Hijriga, una dhigantah laba kun iyo afar Miilaadiga, ayaan waxaan ku hormaray ziyaarada Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo aan Masjidkiisa afartan salaadood oo fardi ah oo isku xigta imaamka gadaashiisa jamaaco ku tukaday, oo aan imaamku markuu takbiiratu al ixraami salaadda ku xirtay aan aniguna safka ku jiray oo aan ka daba xirtay. Rag soomaali ah oo jaamacadda Al Madiinah Al Munawwarah\ المدينة المنورةdarajada Majisteer ka barta ayaa waxay ii sheegeen in macallin ka mid ah macallimiinta jaamacaddaas Al Madiinah \ المدينةku taalla uu u sheegay in geed timireedka ugu dambeeyey kuwuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, gacantiisa sharafta leh ku beeray, ay Dawladda Sucuudigu goysay markuu sanadku ahaa kun iyo sagaal boqol iyo afar iyo sideetanka, ama meelahaas, kaddib markay in lagu fitnoobo ka yaabtay. Marka, geedkaasu wuxuu jiray kun iyo afar boqol iyo kow sano, ama meelahaas. Runtana Ilaahay ayaa u cilmi leh. Marka is barbar dhig siduu ibnu Cumar/ إبن عمرwaysadiisa ugu waraabin jiray geedkuu Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam hoostiisa fariistay si uu u haro oo u waaro, iyo siday rag kale maanta u goynayaan geedkuu Nabigu Sallaa Allaahu Calayhi Wa 167 Calaa Aalihi Wa Sallam gacantiisa sharafta leh ugu beeray, sii uu u dhinto oo uusan raad uga harin. Waa laba zaman oo kala khayr badan iyo rag kala khayr badan. Ciise ina Maryama \ عيسى أبن مريمiyo Salmaan\سلمان Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu wariyay inuu Salmaan Al Faarisii\ سلمان الفارسيyiri inuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku yiri, markuu amarkiisa uga warramay inuu saaxiibkiisii Camuuriyyah\ عموريةdegganaa uu ku yiri: "Waxaad tagtaa meel hebla iyo hebla ee arliga Shaam \الشام, waxaana halkaas deggan nin ku nool laba kaymood dhexdooda. Markaasuu sanadkiiba kayn kasoo baxaa oo uu kaynta kale galaa. Markaasaa waxaa u yimaada dadka buka. Markaasuu midkoodaba uu Alle baryo waa illaa kan bogsooda. Markaas ninkaas ka wareyso diintaan aad dooneysid, isagaa warkeeda ku siinayee." Salmaan سلمانwuxuu yiri: "Markaasaan soo baxay oo aan imid bartuu ii tilmaamay, waxaanna arkay inay dadku halkaas isugu keeneen bukaankooda. Markaasuu habeenkaas usoo baxay, isagoo kayn kasoo baxay oo tii kale gelaya. Markaasey dadku ayagoo bukaankooda wada soo dul dhoobteen, bukaankuu u duceeyana uu raysanayo. Markaasey iga xigsadeen, oo aan isagii gaari waayey, sidaas ayayna ahayd ilaa uu ka galo kayntii uu doonayey inuu galo, ilaa garbihiisa." Wuxuu yiri: "Markaasaan ku dhegay. Markaasuu wuxuu yiri: "Waa kuma?" oo uu xaggeyga usoo jeestay. Markaasaan waxaan iri: "Allaha kuu naxariisto! Waxaad ii sheegtaa waxay tahay Al Xanafiyyah, Diinta Ibraahiim\"?الحنفية دين إبراهيم Wuxuu yiri: "Adigu waxaad i weydiisay arrin uusan dadku waayahaan weydiin. Waxaa kusoo hoosaasiyey zamanka Nabi Diintaan lala soo dirayo, oo dadka Xaramka degah ka mid ah. Marka isaga u tag, isagaa Diintaas korkeeda ku dul dhigayee." Wuxuu yiri: "Kaddibna kaynta ayuu galay." Wuxuu yiri: "Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Salmaan ku yiri: ". على نبينا وعليه السالم, لقد لقيت عيسى إبن مريم،"إلن كنت صدقتني يا سلمان "La in kunta sadaqtanii yaa Salmaanu, la qad laqiita Ciisaa ibna Maryama, calaa Nabiyyinaa wa Calayhi al Salaamu." Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Haddaad runta ii sheegtay Salmaanow, waxaad la kulantay Ciise ina Maryama عيسى إبن مريم, Nabigeenna iyo isaga korkiisaba Nabadgelyo iyo Salaami ha ahaatee." Waa Xadiith saxiix ah. Xadiithkaan waxaa kaloo wariyay Axmad\( أحمدmujalladka shanaad bogga afar boqol kow iyo afartan ilaa afar iyo afartan) iyo ibnu Sacad \ إبن سعدoo Al Dhabaqaatu الطبقاتku wariyay (mujalladka afaraad/kow/saddex iyo konton) iyo ibnu Al Juzarii\ إبن الجزريoo 168 Usudu Al Ghaabah\ أسد الغابةku wariyay (mujalladka labaad bogga afar boqol ytoddoba iyo toban), iyo Al Dhabraanii\( الطبرانيXadiithka lix kun shan iyo lixdan), Al Khadhiibu\الخطيب wuxuu ku wariyay Taariikhu Baghdaad\( تاريح بغدادmujalladka kowaad bogga boqol afar iyo sagaashan) iyo Abuu Nucaym\ أبو نعيمoo Al Siyari\ السيرku wariyay (mujalladka koowaad bogga shan boqol iyo shan). Xusidda Waraqah\ورقة, Cubaydu Allaahi bin Jaxsh\عبيد هللا بن جحش, Cuthmaan bin Al Xuwayrith\ عثمان بن الحويرثiyo Zayd bin Camr\زيد بن عمرو Ibnu Isxaaq\ إبن إسجاقwuxuu yiri: "Maalin ayay Quraysh\ قريشwaxau isugu yimaadeen maalin ciid u ahayd sanam asnaamtooda ka mid ah oo ay wayneyn jireen, xoolana u gawrici jireen, ayna agtiisa ku nagaadi jireen, ayna ku kor dhawaafi jireen, taasoo ciid ay leeyihiin aةhayd oo sanadkiiba maalin ah. Markaasey afar nin oo ka mid ihi gooni isula baxeen oo ay faqeen, ayna isku yiraahdeen: "Runta isku sheega, arrinkaanna ha la qariyo oo yaan la sheegin". Sidaas inay ahato ayayna ku heshiiyeen. Raggaasi waxay ahaayeen Waraqah bin Nawfal bin Asad\ ورقة بن نوفل بن أسدiyo Cubaydu Allaahi bin Jaxsh bin Ri'aab\عبيد هللا بن جحش بن رئاب hooyadiisa dhashayna ay ahayd Umaymah bintu Cabdu Al Mudh-dhalib\أميمة بنت عبد المطلب, iyo Cuthmaan bin Al Xuwayrith bin Asad\ عثمان بن الحويرث بن أسدiyo Zayd bin Camr bin Nufayl\زيد بن عمرو بن نوفل. Markaasey raggaasi waxay qaarkood qaarka kale ku yiraahdeen, oo ay isku yiraahdeen: "Wa Allaahi\ وهللاwaad ogsoontihiin inuusan tolkiin wax diin ah ku taagnayn, ayna ka leexdeen Diinta aabohood Ibraahiim\إبراهيم. Maxaan ugu dhawaafeynnaa dhagax aan wax maqlayn, waxna arkayn, aan dhib geysan karin, waxna tari karin? Ragow, naftiinna diin u raadsada, maxaa yeelay wa Allaahi \ وهللاinaydnaan wax diin ku taagneyne." Markaasey arliga ku kala faafeen, ayagoo raadinaya Al xanafiyyah \الحنفية, Diinta Ibraahiim\إبراهيم." Qisooyinka raggaas ayaan in yar midba goonidiisa uga warbixinaynaa. Waraqah bin Nawfal Asadورقة بن نوفل Waraqah bin Nawfal bin Asada bin Cabdu Al Cuzzaa\ ورقة بن نوفل بن أسد بن عبد العزى, waa Khadiijah bintu Khuwaylid bin Asad bin Cabdu Al Cuzzaa أم المؤمنين خديجة بنت خويلد بن أسد بن \ عبد العزىina adeerkeed. Hooyadiisna waxaa la yiraahdaa Hindu bintu Abii Kabiir bin Cabdi bin Qusayy\هند بنت أبي كبير بن عبد بن قصي. Waraqah ورقةciribi kama ayan harin, wuxuuna ka mid yahay ragga aaminay Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, bicthada horteedba. Al Tarmathii\ الترمذيwuxuu wariyay inuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: ". ولو كان من أهل النار لم يكن عليه ثياب بيض، وعليه ثياب بيض،"رأيته في المنام 169 "Ra'aytuhu fii al manaami, wa calayhi thiyaabun biidun, wa law kaana min ahli al Nnaari lam takun calayhi thiyaabun biidun." Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Waxaan arkay (Waraqah ) ورقةanigoo hurda, oo waa riyo (riyada Anbiyaduna waa run), isagoo labbisan dhar cadcad. Hadduu ehelu Naarta ka mid ahaan lahaana dhar cadcad ma uusan ximaadeen. " Cubaydu Allaahi bin Jaxsh\عبيد هللا بن جحش Cubaydu Allaahi bin Jaxsh عبيد هللا بن جحشwuxuu ku sugnaa wareerkaas ilaa uu ka islaamo. Kaddib wuxuu la haajiray muslimiinta u qaxday arliga xabashada, aydoo ay la socoto haweentiisa Ummu Xabiibah Ramlah bintu abii Sufyaan\أم حبيبة رملة بنت إبي سفيان, oo ayaduna muslimad ah. Markaasey markay arliga xabashada tageen ayuu isagu krishtaan noqday, Diinta Islaamkana ka baxay, uuna arligaas ku dhintay isagoo krishtaan ah. Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: "Cubaydu Allaahi bin Jaxsh عبيد هللا بن جحشmarkuu krishtaanka noqday markuu asxaabta Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam oo ay arliga xabashada wada joogaan soo ag maro ayagoo arligaas xabashada ku wada sugan, wuxuu ku yiraahdaa: "Faqqaxnaa wa sa'sa'tum\ "فقحنا وصاصاتمoo macneheedu yahay: "Annaga indhuhu way noo furmeen oo waxbaan aragnaa, adinkuse haddaad arag doon tihiin, walina wax maydnaan arag." Sababtuu labadaas eray u isticmaalay waxaa weeye in cunugga eygu dhalo markuu doono inuu labadiisa indhood furo si uu wax u arko waxaa afka Carabiga lagu yiraahdaa sa'sa'a\صأصأ. Markuu labadiisa indhood furana waxaa la yiraahdaa faqqaxa\فقح. Kaddib markuu Cubaydu Allaahi bin Jaxsh عبيد هللا بن جحشarliga xabashada ku dhintay isagoo krishtaan ah, waxaa haweentiisa guursaday Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxayna noqotay Ummu Al Mu'miniina\أم المؤمنين, hooyadeen. Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: "Waxaa ii warramay Muxammad bin Calii bin Xusayn\ محمد بن علي بن حسينoo yiri: "Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu boqorka xabashada Al Najaashiyyi \ النجاشيu diray ninka la yiraahdo Camr bin Umayyah Al Damriyyi \ عمرو بن أمية الضمريinuu Ummu Xabiibah\ أم حبيبةu doono. Markaasuu Al Najaashiyyu النجاشيu doonay, una guuriyey, wuxuuna siiyey meher ahaan oo uu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka bixiyey afar boqol oo Diinaar. Markaasuu Muxammad bin Calii\ محمد بن عليwuxuu yiri: "Waxaan u aragnay inuu Cabdu Al Malik bin Marwaan\( عبد الملك بن مروانoo ahaa boqorka dawladda islaamka ee Khilaafada Amawiyyiinta\ )خلالفة األمويينmeherka haweenka ku ekeeyey afar boqol oo diinaar sababtaas daraadeed. Ninka Ummu Xabiiba\ أم حبيبةbixiyey oo Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, siiyeyna wuxuu ahaa Khaalid bin Saciid bin Al Caas\خالد بن سعيد بن العاص." 170 Qisada Ummu Al Mu'miniina Ummu Xabiibah\ أم حبيبة, Allaha raalli ka noqdee, waxaan si fidsan uga warrami doonnaa, inshaa' a Allaahu, markeeda meesheeda gaarno. Cuthmaan bin Al Xuwayrith bin Asadعثمان بن الحويرث بن أسد Cuthmaan bin Al Xuwayrith عثمان بن الحويرثwuxuu u dhashay Qurayshta\ قريشreer Banii Asad بني أسد, wuxuuna galay diinta krishtaanka. Cuthmaan bin Al Xuwayrith عثمان بن الحويرثzamankiisa waxay Yaman\ يمنahayd mustacmarad ay amxaaradu gumeysato, ayna gumeysaneyse labo iyo toddobaatan sano. Markaasuu ninka Yaman\ يمنu dhashay oo magaciisu yahay Sayf bin Thii Yazin\سيف بن ذي يزن wuxuu u tegey Kisraa Anuu Shirwaan\كسرى أنوشروان, boqorka Furus\ فرسee dalka Iiraan\ إيران, wuxuuna ka codsaday inuu siiyo ciidan uu amxaarada arligiisa uga xoreeyo, kaddibna ay Yamani\ يمنFurus\ فرسDawlada kusii biirtay noqoneyso oo u hoggaansan. Markuu Sayf bin Thii Yazin\ سيف بن ذي يزنamxaarada arligiisa ka xoreeyey, ayuu boqorka iiraan إييرانwuxuu u magacaabay boqorka Yaman\ يمنoo isaga u hoggaansan. Sayf bin Thii Yazin\ سيف بن ذي يزنwuxuu ku jiray diinta majuuska oo dabka caabuda, siduu Cabdu Al Xamiid Jawdah Al Saxxaar\ عبد الحميد جودة السحارkitaabkiisa Muxamrnadun Rasuulu Allaahi\محمد رسول هللا, Salla Allaahu Calayhi Wasallam, ugu wariyay. Sidoo kalena boqorka iiraan\ إيرانwaxay diintiisu ahayd majuuska dabka caabuda. Markuu arrinkaas arkay ayuu Cuthmaan bin Al Xuwayrith عثمان بن الحويرثoo krishtaan ahaa ayuu wuxuu is tusay inuu isaguna u tago boqorka Rooma, oo caasimadiisu ahayd Istanbuul, oo isaguna krishtaan ahaa, uuna weydiisto inuu isaga u magacaabo boqorka Makkah Al Mukarramah\مكة المكرمة, uuna sidaas dadka Makkah مكةintuu canshuur jizyo ah ka qaado uu sanadkiiba mar boqorka Rooma u geeyo. Sidaas ayuu Cuthmaan عثمانwuxuu u tegey Istanbuul, uuna la kulmay boqorka Roomaanka oo magaciisu yahay Justiiniyaanus kan labaad. Markuu u galay ayuu dhulka sujuud ula dhacay. Markuu boqorku u oggolaaday inuu sujuudda kasoo kaco oo uu fariistana, wuxuu boqorka iyo boqoradda uga warramay makaanka ay Makkah\ مكةku leedahay Carab dhexdeeda, iyo inuu Guriga, waa Kacbadee, ku yaalla uu yahay Qiblada Carabta oo idil, ha degganaadaan Xijaaz\الحجاز, Al Xiirah\ الحيرةoo Ciraaq\ عراقgobol ka mid ah ah, Shaam\ الِشامiyo Yaman\ يمنiyo inta kaleba, iyo sida ninka Makkah\ مكةboqor ka noqda ay Carabta inteeda kale u hoggaansamayaan. Boqorku intaasoo idil wuu ogsoonaa, wuxuuna weli la yaabanaa sida Abraha canjeex \أبرهة األشرم, boqorkii maroodiga watay oo u kacay inuu Kacbada dumiyo loo jebiyay oo uusan gaarin wuxuu doonayey. Sidoo kale wuxuu boqorku xusuusnaa sida loo halaagay ciidankuu Qaysar\قيسر Boqorka Roma u dirtay inuu Xijaaz\ الحجازusoo qabato, kunuuzteedana uu gacanta ku dhigo, uuna hoggaaminayey jananka la oran jiray Julius Gallus, oo dhammaan lama degaarnka Jaziirada Carabta ku halaagmay, oo noqday wax kulaylka qorraxda iyo harraad u dhinta iyo wax luma oo sidaas ku dhinta. 171 Roomaanka krishtaanka ahi iyo culummadooduba waxay ku dadaali jireen inuu arliga u dhexeeya boqortooyada Roomaanka oo krishtaanka ah iyo boqortooyada amxaarada oo krishtaanaka ah, waana Jaziirada Carabtee, kusoo biiro dhankooda oo uu ayaga u hoggaansanaado, ayna halkaas calankooda gorgorka leh iyo krishtadooda ku suraan. Sidaas ayuu boqorku wuxuu rumaysan waayey in arligay dagaal ku heli waayeen uu Cuthmaan \ عثمانsi nabad ah iyo xarbi la' uu ku siinayo, oo uu weliba jizyana ugu darayo! Sidaas ayuu boqorku talada Cuthmaan عثمانusoo dhoweeyey, isagoo aan farixiisa muujin, wuxuuna Cuthmaan عثمانu dhigay warqad uu ugu magacaabayo Boqorka Xijaaz\الحجاز, wuxuuna saaray shabbad dahab ah. Boqorku wuxuu Cuthmaan عثمانsiiyay hadiyooyin qaali, oo ay ka mid yihiin sarj\ سرجoo ah kooraha baqashiisa oo dahab lagu dheehay, iyo jookha ay boqorradu labbistaan. Boqorraddaasna magaceedu wuxuu ahaa Safiyyah\صفية, waana ayada dhistay kaniisadda weyn oo Istanbuul ku tiillay oo la oranjiray Aaya Safiyyah, kaddibna Masjid loo rogay. Sidaas ayuu Cuthmaan عثمانMakkah\ مكةugu soo noqday. Markuu Makkah\ مكةyimid Xaramku ayuu tegey oo uu ku dhawaafay, kaddibna wuxuu istaagay Maqaamka\ مقام إبراهيمagtiisa oo uu yiri: "Tolkeeyow! Tolkeeyow!" Markaasey raggu agtiisa isugu yimaadeen si ay uga dhegeystaan wuxuu doonayo inuu u sheego. Markaasuu wuxuu yiri: "Tolkeeyow! Waad ogsoontihiin Qaysar\قيصر, boqorka roomaanka, maalkiinuna wuxuu yaalla dalkiisa, waadna kasoo ganacsataan, isagaana aniga boqor idiinka kay dhigay. Anigu waxaan ahay ina adeerkiin iyo nin adinka idinka mid ah, idinkamana qaadayo waxaan ahayn jaraab \جراب qarath\ قرظah, iyo dhiil subag ah iyo hargo iyo saamo. Markaasaan u aruurinayaa, kaddibna aan u dirayaa. Haddaad diidaanna waxaan ka baqayaa inuu Shaam \ الشامidinka reebo oo uu ganacsigeeda idiin diido oo aad sidaas waxaad ka heli jirteen aad weydaan." Al Qarath\ القرظwaa geed aad weyn oo dhudhun aad a u wayn leh oo adag sida geedka jawzka oo kale, oo waraaqo yaryar iyo miro leh, asalkiisuna uu Yaman \ يمنka baxo. Mirihiisa iyo caleemihiisa waa waxa ugu fiican oo hargaha lagu magdo. Sidaasna waxaa u fasiray Maxmuud Muxammad Shaakir\محمود محمد شاكر, oo kitaabkaas Jamharatu Nasabu Qurayshin wa akhbaarihaa \ جمهرة نسب قريش وأخبارهاhubiyay oo sharxay. Markaasuu raggu murugooday oo ay shimbir fuushay, inay Qaysar\ قيصرjizyo siiyaan. Markaasey madaxda Quareysheed\ قريشDaaru Al Nadwah\ دار الندوةku shireen, madaxdooduna ay Kacbada agteeda iyo guryohoodaba ku shireen, kuna doodeen wuxuu Cuthmaan bin Al Xuwayrith عثمان بن الحويرثu keenay. Markaasey reer Makkah, ayagoo u daneynaya ganacsigooda waxay goosteen inay Cuthmaan عثمانboqor ahaan u caleemo saaraan. Ayagoo sidaas isku diyaarinaya ayaa waxaa Masjidka soo gal ay ninka la yiraahdo Abuu Zamcah Al Aswad ibnu Al Mudhalib bin Asad\أبو زمعة األسود إبن المطلب بن أسد, oo ah ina adeerka laxmiga ah ee Cuthmaan bin Al Xuwayrith عثمان بن الحويرث. Markaasuu Kacbada ag istaagay oo uu la dhawaaqay: "Tolkeeyow! Tolkeeyow!" 172 Markay dadku xaggisa usoo wada degdegeen oo ay isugu yimaadeen. Markaasey waxay ka arkeen wajigiisa caro indhihiisa isu soo dhoweeyey, xoog iyo go'aanna siiyay. Markaasuu wuxuu yiri: "Addoommada Ilaahayow! Ma tihaamah\ تهامةayaa Boqor xukumayaa?" Tihaamah\ تهامة, siduu u sheegay Taqwiimu Al Buldaani\تقويم البلدان, waa qaybta koofureed ee Xijaaz\الحجاز, ayna ku yaalliin Makkah Al Mukarramah\ مكة المكرمةiyo Al Madiinah Al Munawwarah\المدينة المنورة. Markaasey raggu hadalkiisaas dhaageen oo ay fahmeen wuxuu ka wado, oo ah inuusan taariikhda oo idil ayan Tihaamah تهامةboqor yeelan oo u dulloobin, wuxuu Cuthmaan عثمانula yimidna ay tahay wuxuu isagu hindisay oo bidca ah, uuna ku doonayo inuu ayaga boqor u noqdo. Markaasey dadku is dhex yaaceen oo ay kacdoomeen, ayna u caroodeen karaamadooda iyo xornimadooda. Markaasey ayagoo wada careysan waxay yiraahdeen: "Waxaan ku dhaarannay Allaata\ الالتiyo Al Cuzzaa\ العزىrun ayaad sheegtay, oo Tihaamahتهامة weligeed boqor ma ayan yeelan." Markaasu Abuu Zamcah أبو زمعةqayliyey, qaylo Makkah\ مكةlaga wada maqlay oo uu yiri: "Inna Qurayshan laqaaxun laa tumlak\"إن قريشا لقاح ال تملك, oo macneheedu yahay: "Quraysh waa laan dheer xor ah oo aan weligood boqorna xukumin oo u dulloobin, waqtiga jaahiliga ahna aan wax laga qafaalan." Sidaas ayay yididiilada Cuthmaan bin Al Xuwayrith عثمان بن الحويرثoo ahayd inuu Makkah\مكة boqor u noqday u noqotay waxaan waxba ka jirin iyo dhalanteed. Cuthmaan bin Al Xuwayrith عثمان بن الحويرث, ayuu Al Suhaylii\ السهيليyiri: "waxaa la oranjiray "Al Badhriiqu\ "البطريقoo macneheedu yahay "wadaadka krishtaanka ah", ciribi kama ayan harin, wuxuuna ku dhintay Shaam\ الشامisagoo la sumeeyey, waxaan sumeeyey boqorka Shaam\ الشامCamr bin Jafnah Al Ghassaanii\عمرو بن جفنة الغساني." Cuthymaan bin Al Xuwayrith عثمان بن الحويرث, wuxuu Al Sayuudhii\ السيوطيku wariyay kitaabkiisa Rafcu Sha'ni Al Xabashah\رفع شأن الحبشان, bogga saddex boqol iyo saddex iyo sideetan, wuxuu ka mid ahaa ragga Quraysheed\ قريشoo ay dhaleen hooyooyin madow ee xabasha ah, hooyadiisna waxaa la oran jiray Tadaamur (waa daadka saadka ku xigah) bintu Cumayr\ تضامر بنت عمير. Waxaa kaloo sidaas kuu wariyay kitaabkiisa Nasabu Quraysh \ نسب قريشku wariyay Al Zubayru bin Al Bakkaar\الزبير إبن البكار, bogga afar boqol iyo toddoba iyo labaatan, ee mujalladka koowaad. Zayd bin Camr bin Nufayl Al Cadawii \زيد بن عمرو بن نوفل العدوي Zayd bin Camr زيد بن عمرو, hooyadiisna ay tahay Al Xaydaa'a bintu Khaalid Al Fahmiyyah \الحيداء بنت خالد الفهمية, waa aabaha dhalay Saciid bin Za\ydسعيد بن زيد, oo ka mid ah tobanka jannada loogu bishaareeyey. Saciid سعيد hooyadiisna waa Faadhimah bintu Nacjah bin Khalaf Al Khuzaacii \فاطمة بنت نعجة بن خلفةالخزاعي. Abtirsi kalena waa lagu sheegay. Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: "Zayd bin Camr bin Nufayl\ زيد بن عمرو بن نوفل العدويdiinna ma uusan gelin, oo tan yuhuudana ma uusan gelin, 173 tan krishtaankana ma uusan gelin, diinta tolkiisna waa ka tegay. Markaasuu wuxuu ka fogaaday oo uu ka reebtoomay caabididda asnaamta iyo cunidda hilbaha xoolaha dhintay iyo dhiigga iyo xoolaha asnaamta loo gawracay. Wuxuu kaloo Zayd زيدdadka ka reebay inay ka haraan gabdhaha dhashay oo ayagoo nool la duugayo. Zayd زيدwuxuu yiri: "waxaan caabudaa Rabbiga Ibraahiim \"!إبراهيم Tolkiisana wuxuu ku ceebeeyey oo uu daboolka uga qaaday ceebta waxay ka diin yeesheen oo ay dushooda ku taagan yihiin. Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu Asmaa'u bintu Abii Bakar Al Siddiiqu \أسماء بنت أبي بكر الصديق, Allaha raalli ka noqdee, ka wariyay inay tri: "waxaan arkay Zayd bin Camr bin Nufayl زيد بن عمرو بن نوفلoo oday da' wayn ah, isagoo dhabarkiisa Kacbada ku tiiriyay oranayana: "ragga Qurayshow\ !قريشWaxaan ku dhaartay Midkkay Zayd زيدnaftiisu Gacantiisa ku jirto, inuusan axadkiinna waabariisan isagoo ku taagan diinta Ibraahiim إبراهيمoo aan aniga ahayn!" Kaddibna wuxuu yiri: "Ilaahayow! Haddaan u cilmi lahaan lahaa sidaad ugu jeceshahay in laguu caabudo sidaas ayaan kuu caabudi lahaa, laakiin cilmi uma lihi oo ma ogi." Kaddibna wuxuu ku kor sujuudaa labadiisa calaacalood ama sacab." Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: "waxaa la iiga warramay inay wiilkiisa Saciid bin Zayd bin Nufayl \ سعيد بن زيد بن عمرو بن نوفلiyo Cumar bin Al Khadh-dhaab\عمر بن الخطاب, oo ina aderkiis ah, ay Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku yiraahdeen: "dambi dhaafid ma u weydiin karnaa Zayd bin Camr "? زيد بن عمرو Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: ". فإنه يبعث أمة وحده،"نعم "Nacam, fa innahu yubcathu ummatan waxdahu." Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "haa, oo isaga waxaa maalinta qiyaame lasoo saarayaa isagoo keligiis ummad ah." Zayd\ زيدwuxuu ka mid ahaa ragga ka haray caabudidda asnaamta, Tawxiidkana ku dadaalay, gaalnimadana ka fogaaday, wuxuuna dhintay Bicthada \ البعثةNabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, horteed. Ibnu Sacd\ إبن سعدiyo Al Faakihii الفاكهيwaxay Caamir bin Rabiicah\عامر بن ربيعة, oo axdi la lahaa reer Banii Cadiyyi bin Kacb\ بني عدي بن كعبoo ah qabiilka Quraysheed\ قريشee Cumar bin Al Khadh-dhaabعمر بن الخطاب, Allaha raalli ka noqdee, ka wariyeen inuu yiri: "Zayd bin Camr زيد بن عمرwuxuu igu yiri: "tolkay waan khilaafay oo waxaan raacay Diinta Ibraahiim\ إبراهيمiyo Ismaaciil\ إسماعيلiyo waxay caabudi jireen, waxayna labadoodaasi usoo tukan jireen Qibladaan, aniguna waxaan sugayaa Nabi dhasha Ismaaciil إسماعيلah oo la soo diri doono, umana jeedo inaan gaari doono, waanna aaminay Nabigaas, waana rumaynayaa, waxaanna marag ka ahay inuu Nabi yahay. Marka, 174 hadday noloshaadu dheeraato Nabigaas salaan iga gaarsii." Caamir\ عامرwuxuu yiri: "Markaan warkiisa Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ogeysiiyay, isaguna, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuu salaamay isagoo salaantuu usoo diray uga jawaabaya, Ilaahayna wuxuu uga baryay inuu u naxariisto, kaddibna wuxuu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: "."رأيته في الجنة يسحب ذيوال "Ra'aytuhu fii Al Jannati yasxabu thuyuulan", oo ah "Waxaan ku arkay Jannada dhexdeeda isagoo dharka dheer oo uu labbisnanyahay dhulka ku jiidaya". Al Zubayr bin Bakkaar\ الزبير إبن البجارwuxuu Curwah\ عروةka wariyay inuu yiri: "Waxaa na soo gaartay inuu Zayd\ زيدShaam\ الشامku sugnaa, oo ay markaas gaartay soo bixinta Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Markaasuu soo gaddoomay oo uu Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, soo aaday. Isagoo dariiqa kusoo jira ayaa waxaa lagu dilay arliga Al Balqaa'\( البلقاءAl Balqaa'\ البلقاءwaa gobol Shaam\ الشامka mid ah, waana gobolka ay ku taallo caasimadda Boqortooyada Haashimiga ee Urdun\ المملكة الهاشمية األردنيةee Cammaan\عمان, siduu u wariyay kitaabka Mucjamu Al Macaalimi Al Jughraafiyyah fii Al Siirati Al Nabawiyyah\معجم المعالم الجغرافية في السيرة النبوية, uuna dhigay Caatiq bin Ghayth Al Balaadiyyu \عاتق بن غيث البالدي, wuxuuna gobolkaas u tegey isagoo uu halkaas ku noolaa, siday leeyihiin, caalin kulmiyay cilmiga nasaarada zamankiisa). Ibnu Isaxaaqna\ إبن إسحاقwuxuu yiri: "Markuu marayo bartamaha beledka qabiila Carbeed ee Lakhm\( لخمoo ayaguna Shaam\الشام degah), ayay dileen". Waxaa kaloo la yiri: wuxuu dhintay shan sano ka hor intaan Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, lasoo dirin. Al Bazaar\ البزارiyo Al Dhabraanii\ الطبرانيwaxay Saciid bin Zayd\سعيد بن زيد, oo ah wiilka Zayd\زيد, ka wariyeen inuu yiri: "Aniga iyo Cumar\( عمرbin Al Khadh-dhaab\ بن الخطابAllaha Raalli ka noqdee) ayaa weydiinnay RasuuIka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuuna yiri: "."غفر هللا له ورحمه فإنه مات على دين إبراهيم "Ghafara Allaahu lahu wa raximahu fa innahu maata calaa Diini Ibraahiima", oo ah : "Allaha dambigiisa dhaafo, una naxariisto, oo isagu wuxuu ku taagnaa kuna dhintay Diinta Ibraahiim". Sidaas ayuuna Fatxu Al Baarii bi Sharxi Saxiixi Al Bukhaarii \ فتح الباري بشرح صحيح البخاريayadoo 175 kooban uu u wariyay. Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu ka yiri: "."أنه يبعث أمة وحده "Annahu yubcathu Ummatan waxdahu", oo macneheedu yahay: "Isaga waxaa la soo saari doonaa Maalinta Qiyaame isagoo keligiis ummaad ah", oo ah ayadoo ay ummad walba Nabigii loo diray ay daba socoto, midkaani Nabina ma daba socdo oo lama xiriiro, isaagana keligiis ummadd ah, oo fagaaraha imaanaya, siday u imaan doonaan Nabiyo keligood socda oo ayan cidina rumayn. Al Bazaar\ البزارwuxuu Jaabir\ جابرka wariyay inuu yiri: "Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ayaan waxaan ka waraysannay Zayd bin Camr bin Nawfal\زيد بن عمرو بن نوفل, waxaanna niri: "Rasuulka Ilaahayow! Isagu Qibladuu u jeesan jiray, wuxuuna oran jiray: "Diintaydu waa Diinta Ibraahiim\إبراهيم, Ilaahayna waa Ilaaha Ibraahiim\" إبراهيم. Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam wuxuu yiri: ". يحشر بين يدي وبين عيسى إبن مريم،"ذاك أمة وحده "Thaaka ummatun waxdahu, yuxsharo baynii wa bayna yadayya Ciisaa Ibnu Maryama", oo macneheedu yahay: "Kaasi keligiis ayaa ummad ah, waxaana la soo saarayaa aniga iyo Ciise ina Maryama dhexdeenna. " Goobidda Zayd\ زيدee Diinta AI Xanafiyyah\الحنفية Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: "Zayd bin Camr\ زيد بن عمروwuxuu go'aansaday inuu Makkah\ مكةka baxo oo uu arliga ku safro, uuna raadiyo Al Xanafiyyah\الحنفية, Diinta Ibraahiim\إبراهيم, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Markaasey haweeneyda la yiraahdo Safiyyah bintu Al Xadramiyyi \صفية بنت الحضرمي, mar kastoo ay aragto isagoo bixidda isku diyaariyay, ama uu dono inuu baxaba, ayay waxay u sheegtaa Al Khadh-dhaab bin Nufayl\الخطاب بن نوفل. Al Khadh-dhaab bin Nufayl\ الخطاب بن نوفلwuxuu ahaa Zayd\ زيدadeerkiis iyo walaalkiis ay isku hooyo yihiin, wuxuuna Zayd\ زيدku eedeyn jiray oo uu kula dagaallami jiray inuu diinta tolkiis ka tegey. Markaasuu wuxuu u wakiishay Safiyyah صفيةinay xaaladdiisa la socoto, wuxuuna ku yiri: "Haddaad aragto inuu doonayo inuu Makkah\ مكةka baxo ii soo sheeg." Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: "Waxay culummada qaarkood iiga sheegeen Zayd bin Camr bin Nufayl\ زيد بن عمرو بن نوفلinuu markuu Kacbada xaggeeda u jeesto, isagoo Masjidka ku dhex jira, uu yiraahdo: "Labbayka xaqqan xaqqan, tacabbudan wa riqqan\ تعبدا ورقا،"لبيك حقا حقا, oo macneheedu yahay: "Ilaahayow waa i kanaa oo yeeriddaada ayaan si dhab ah oo run ah u maqlay oo u yeelay ee i 176 amar, ayadoo ah cibaadeysi iyo addoonnimo aan aqoonsanahay." Al Khadh-dhaab الخطابdhib ayuu u geystay Zayd زيدilaa uuba Makkah\ مكةxaggeeda sare uga saaray, uuna degay buurta Xiraa'\ حراءee Makkah\ مكةku beegan. Al Khadh-dhaab الخطابwuxuu dhallinyaro Quraysh\ قريشah iyo qaar kuwooda maangaabta ka mid ahba u xilsaaray Zayd\زيد, oo uu ku yiri: "Ha u oggolaanina inuu Makkah\ مكةsoo galo." Markaasuusan Zayd\ زيدMakkah\ مكةsoo geli jirin si sir ah mooyee, oo kuwaas ka dahsoon. Haddayse soo geliddiisa Makkah\ مكةka war helaan waxay u sheegi jireen Al Khadhdhaab \الخطاب. Markaasey Makkah\ مكةka saari jireen, wayna dhibi jireen, sidaasna ay u yeelayaan kahasho ay kahanayaan inuu diintooda ka fasaadiyo, uuna axad ayaga ka mid ahi uu ka tegiddiisaas diintooda ku raaco. Markaasaa waxaa Zayd\ زيدla waynaatay siday tolkiis xurmadiisa u xalaalaysteen, wuxuuna ka yiri: وإن بيتي أوسط المحلة الهم إني محرم ال حله عنج الصفا ليس بذي ميلة 1. Ilaahayow, waan degganahay Xaramka oo xilliga ma deggani Gurigeyguna wuxuu ku yaallaa bartamaha beesha 2. Buurta Al Saffaa agteeda, mana aha meel laga lumo. Kaddibna Zayd\ زيدMakkah\ مكةayuu ka baxay, isagoo raadinaya Diinta Ibraahiim\إبراهيم, Calayhi Al Ssalaamu, wareysanayana wadaadada krsihtaanka iyo yuhuudda, ilaa uu ka tegey Al Mawsil\الموصل, oo ah magaalo waqooyiga Ciraaq\ عراقku taalla iyo Jaziiradda\ الجزيرةoo idil (Al Jaziirah\ الجزيرةwaxaa la yiraahdaa arliga u dhexeeya labada wabi ee Furaat\ فراتiyo Dijlah دجللة, waxaana la yiraahdaa "Al Jaziirah AI Furaatiyyah\"الجزيرة الفراتية, siduu u wariyay Caatiq Ghayth Al Balaadiiعاتق بن غيث البالدي, kuna daray inay tahay meesha ugu barwaaqo badan arliga Carabta oo idil). Kaddibna wuxuu yimid Shaam\ الشامoo uu dhammaanteed maray ilaa uu uga tegey wadaad krishtaan ah oo deggan beel dhul sarreeya ku taalla (al mafacata\ )المفاعةee ka tirsan gobolka Al Balqaa'a\( البلقاءoo ah gobol ka tirsan maanta Boqortooyada Haashimiyada ee Urdun المملكة األردنية \الهاشمية, ahna gobolka ay ku taallo Cammaan\عمان, magaalo madaxda dalkaasi), oo koobay uu isagana isugu yimid cilmiga krishtaanka, siday yiraahdeen. Markaasuu wuxuu wadaadkaas ka wareystay Al Xanafiyyah\الحنفية, Diinta Ibraahiim\إبراهيم. Markaasuu wadaadku wuxuu Zayd زيدku yiri: "Adigu waxaad raadineysaa diin aadan heleyn maanta axad ku bara oo ku taagan. Waxaase nasoo hoosaasiyay zamanka Nabi beledkaaga aad ka timid kasoo baxaya, oo lala soo dirayo Diinta Ibraahiim إبراهيمAl Xanafiyyahالحنفية. Marka, Diintaas gal oo ku biir. Nabigaasna hadda ayaa lasoo dirayaa, oo kani waa zamankiisa." Zayd\ زيدwuxuu u fiirsaday diimaha krishtaanka iyo yuhuudaba, midkoodna kama uusan helin 177 wax raalli geliya. Markaasuu si degdeg ah usoo baxay, kaddib markuu wadaadku warkaas uu ku yiri ku yiri, isagoo xagga Makkah\ مكةsoo aaday. Markaasuu markuu maryo bartamaha arliga Lakhm \( لخمoo Shaam \ الشامdegah) ayay weerareen oo ay dileen. Markaasuu Waraqah bin Nawfal\ ورقة بن نوفلgabay uu dhimashadiisa ugu barooranayo tiriyey, iyo siduu Zayd\ زيدTawxiidka\ التوحيدu haleelay, Naartana uga fogaaday." Intaasuu ku eg yahay Xadiithka ibnu Isxaaq\إبن إسحاق. Riwaayada Al Suhaylii\ السهيليee Zayd\زيد Al Suhaylii\ السهيليwuxuu yiri: "ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxu xusay siduu Zayd\ زيدuga fogaaday caabudidda asnaamta iyo ka hariddiisa inuu cuno hilbaha asnaamta loo gawracay. Al Bukhaariina\ البخاريwuxuu Cabdu Allaahi ibnu Cumar\ عبد هللا إبن عمرka wariyay inuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, kula kulmay Zayd bin Cumar bin Nufayl \زيد بن عمرو بن نوفل dhanka hoose ee waadiga Baldax\( بلدحoo ah waadiga labaad ee Makkah\مكة, oo intiisa kore oo Xiraa'u\ حيراءagteeda ahna la yiraahdo Waadii Al Cushar\وادي العشر, intiisa Makkah\ مكةiyo Al Tanciimu\ التنعيمu dhexeysana Al Zaahiru\ الزاهرla yiraahdo. Waadigaasna waxaa maanta la ytiraahdaa Waadii Al Juud\واد الجود, intuu Al Xudaybiyyah\ الحديبيةmaro ayuu wuxuu ku biyo shubaa Marra Al Th-thahraani\مر الظهران, xagga waqooyiga Al Xudaybiyyah\الحديبية. Waxaana sidaas yiri Caatiq Ghayth Al Balaadii\)عاتق بن غيث البالدي, ka hor intaan Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Waxyiga lagu soo dejin. Markaasaa Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxaa lo keenay cunno, ama Nabigaa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Zayd\ زيدcunno siiyay. Markaasuu Zayd\ زيدdiiday inuu cunnadaas ka cuno, wuxuuna yiri: "anigu ma cuno waxaad asnaamtiinna ku gawracdaan, mana cuno waxaan Magaca Ilaahay loo qaban marka la gawracayo." Xadiithkuna ma warinayo inuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, laftiisu cunnadaas ka cunay, ee wuxuu wariyay oo kali ah inuusan Zayd\ زيدka cunin iyo warkuu yiri. Zayd bin Camr bin Nufayl زيد بن عمرو بن نوفلwuxuu ku ceebeyn jiray Quraysh\ قريشxoolaha ay gawracaan, wuxuuna oran jiray: "rida Ilaahay ayaa abuuray, Samaduuna biyo uga soo dejiyay, dhulkana baad ayuu uga soo saaray, markaasaad waxaad ku gawracaysaan miyaa magacaan Kan Ilaahay ahayn?" isagoo taas diidan oo waxaas ay falayaan wax wayn ka dhigay! (waa Xadiithka saddex kun sideed boqol lix iyo labaatan ee Al Bukhaarii\)البخاري. Ibnu Cumar\ إبن عمرwuxuu yiri: "Zayd bin Camr bin Nufayl زيد بن عمرو بن نوفلwuxuu u safray oo uu tegey S\haam الشامisago goobaya diinta, oo meeshii loogu sheego ka raadinaya. Markaasuu wuxuu la kulmay caalin yuhuudi ah. Markaasuu diintooda ka waraystay, wuxuuna u sheegay: "inay dhici karto inuu diintooda galo, oo uu ka diin yeesho, ee ii sheega." Markaasuu caalinku wuxuu ku yiri: "diinteenna haddaad soo gashid waxaad qaadanaysaa sadkaaga iyo nasiibkaaga ee carada 178 Ilaahay!" Markaasuu Zayd\ زيدwuxuu yiri: "kamaba aan cararayo waxaan ahayn carada Ilaahay. Shayna ka qaadan mayo carada Ilaaahay, mana karo, ee marka diin kale ma ii tilmaami kartaa?" Wuxuu yiri: "Diintaasi (aad raadineyso) ma aha waxaan ahayn Al Xanafiyyah \الحنفية, sidaan u ogsoonahay." Zayd\ زيدwuxuu yiri: "Al Xanafiyyah-na\ الحنفيةwaa maxay?" Wuxuu yiri: "Waa Diinta Ibraahiim\إبراهيم, kaasoo aan yuhuudi iyo krishtaan midna ahayn, aanna caabudi jirin waxaan Ilaahay ahayn." Markaasuu Zayd\ زيدwadaadkaas ka tegey. Kaddibna wuxuu la kulmay caalin krishtaan ah, markaasuu sidii oo kale isagana ku yiri. Markaasuu caalinka krishtaanku wuxuu Zayd ku yiri: "Diinteenna ma geli kartid jeer aad sadkaaga iyo nasiibkaaga aad lacnadda Ilaahay ka qaadatid." Zayd\ زيدwuxuu yiri: " Kamaba aanan cararayo waxaan ahayn lacnadda Ilaahay, waxna ka qaadi mayo lacnadda Ilaahay iyo caradiisaba ebedkey, taasna maba aanan karo. Ma ii tilmaami kartaa diin kale?" Markaasuu wuxuu yiri: "Ma aqaanno inay Xaniif\ حنيفtahay mooyee." Wuxuu Zayd\ زيدyiri: "Al Xaniifna\ الحنفيةwaa maxay?" Wuxuu yiri: "Waa Diinta Ibraahiim\إبراهيم, kaasoo aan yuhuudi iyo krishtaan midna ahayn, Ilaahay sokadiisana aan wax kale caabudin." Markaasuu Zayd\ زيدmarkuu arkay waxay labadaas wadaad Ibraahiim إبراهيمka yiraahdeen, ayuu tegey. Markuu meel bannaan tegey ayuu labadiisa jeeni Samada kor ugu qaaday, uuna yiri: "Ilaahayow! Waxaan kuu marag gashanayaa inaan anigu Diinta Ibraahiim إبراهيمku taaganahay." (Xadiithkaan Al Bukhaarii\ البخاريwaa kiisa saddex kun iyo si deed boqol iyo toddoba iyo labaatan) Al Layth\ الليثwuxuu yiri: "Hishaam bin Curwah\ هشام بن عروةayaa ii soo dhigay inay aabihiis Asmaa' bintu Abii Bakar Al Siddiiqu\أسماء بنت أبي بكر الصديق, Allaaha raalli ka noqdee, tiri: "Waxaan arkay Zayd bin Camr bin Nufayl oo taagan oo dhabarkiisu ku tiirsan yahay Kacbada oo leh: "Ragga Qurayshow! Wa Allaahi inuusan idinku jirin nin ku taagan Diinta Ibraahiim oo aan aniga ahayn|"يا معشر قريش! وهللا ما منكم على دين إبراهيم غيري, wuxuuna ahaa kan gabdhaha la doonayo in nolosha lagu duugo ka badbaadiya, wuxuuna ninka doonaya inuu gabadhiisa aaso oo dilo ku yiraahdaa: "Ha dilin, anigaa masruufkeeda iyo culsayskeeda kaaga filane" 179 (Xadiithkaan Al Bukhaarii\ البخاريwaa kiisa saddex kun iyo sideed boqol iyo sideed iyo labaatan). Sifada Rasuulka I1aahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ee Injiilka\األنجيل Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: "Waxay ahayd, sida isoo gaartay, inay ka mid ahayd wuxuu Ciise ina Maryama \عيسى إبن مريم ku caddeeyey Injiilka, oo xagga Ilaahay uga yimid, uuna u dhigay dadka Injiilka loo soo dejiyay, oo sifada Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka mid ah, waxa uu dhigay Yuhaxannaas Al Xawaariyyi \يحنى الحواري, markuu Injiilka\ اإلنجيلu dhigay, inuu Ciise\ عيسىyiri: "Qofka aniga i necbaada Rabbi ayuu necbaaday. Haddayan ahaan lahayn inaan hortooda ku sameeyey waxyaalo uusan axadna aniga hortay samayn (siday maydka oo uu soo nooleeyo, ithanka Ilaahay, indha li'ida iyo juudaanka oo uu bogsiiyo iyo mucjizooyinka kale oo uu Ilaahay siiyey), ma ayan dambaabeen. Laakiin markaan hadda ah laga bilaabo way kibreen oo ay abaal dhaceen, waxayna u maleeyeen inay iga kor marayaan oo ay iga xoog badnaanayaan iyo Rabbiba. Laakiin shareecada kitaabka ku taalla waa in la meel mariyaa. Sabab la' aan ayay igu naceen iyo xaq darro. Markuuse yimaado Al Munxamannaa\( المنحمنىoo macneheedu yahay midka dadka xanuunku hayo, gaar ahaan xanuunka qalbiga, sida gaalnimada, shallaytida, tiiraanyada, oo faraxu ka maqan yahay taakuleeya, oo farxadda usoo celiya, isagoo wixii xanuunka keenay meeshaba ka qaada. Magacuna macnihiisu waa Muxammad\محمد, magaca Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam), uuna Ilaahay idiin soo diro, xagga Rabbina laga soo diray. Isagaa markaas ii marag kacaya iyo adinkaba, adinkoo aad adinku tan iyo bilawga arrinkaan ila joogteen. Waxaanna arrinkaan idiinku sheegay si uusan shaki idiinka gelin." Al Munxamannaa المنحمنىafka saryaaniga, oo ahaa afka uu ku hadlo Nabi Ciise\عيسى, Calayhi Al Ssalaamu, ahna lahjad afka Carabiga ka baxday, macnihiisu waa Muxammadمحمد. Al Suhaylii\ السهيليwuxuu yiri: "Sifooyinkiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ee Injiilka\ اإلنجيلku dhignaa waxaa ka mid ah inuu Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa\هللا سبحانه وتعالى, yiri: وال يدفع، وال سخاب في األسواق، ليس بفظ وال غليظ،"أنت عبدي ورسولي سميتك المتوكل فيفتح به عيونا، ولن يقبضه هللا حتى يقيم به الملة العوجاء، ولكن يعفو ويصفح، السيئة بالسيئة ". ال إله إال هللا: وقلوبا غلفا؛ بأن يقول،عميا وآذانا صما “Anta cabdii wa Rasuulii sammaytuka Al Mutawakkalu, laysa bi fath-thin wa laa ghaliithin, wa laa sakh-khaabin fii al aswaaqi, wa laa yadfacu al ssayyi’ata bi al sayyi’ati, wa laakin yacfuu wa yasfaxu, wa lan yaqbadahu Allaahu xattaa yuqiima al millata al cawjaa’a, fa yaftaxu bihi cuyuunan cumyan wa aathaanan summan, wa quluuban ghulfan; bi an yaquula: Laa ilaaha illaa Allaahu.” Hadaalkaas Ilaahay Cazza wa Jalla\ هللا عز وجلmacnihiisu waxaa weeye: "Adigu waxaad tahay addoonkayga iyo Rasuulkeyga, waxaanna kuu bixiyey Al Mutawakkalu 180 المتوكل, ma aha "Fath-than( "فظoo macneheedu yahay mid yaabis oo qallalan oo akhlaaq xun), iyo mid Ghaliith، غليظah (macneheeduna yahay mid qalbi adag), iyo mid sakh-khaabun fii al aswaaqi( وال سخاب في األسواقoo macneheedu yahay midka suuqyada dhexdooda akhlaaq xumo daraadeed dadka ku qayliya) ah toona, ama mid xumaanta lagu falo xumaan uga jawaaba, laakiin wuu cafiyaa oo uu saamaxaa. Ilaahayna oofsan uu mayo ilaa uu isaga diinta qalloocan ku toosiyo. Markaasuu wuxuu furayaa indho cammoole ah oo aan waxba arkayn, iyo dhego aan wax maqlayn iyo quluub daboolan, wuxuuna intaasba ku furayaa inay yiraahdaan Laa iIaaha illaa Allaahu\ال إله إال هللا." Waa intaas warka Al Suhaylii\السهيلي. Sifooyinka Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ee axbaarta Al Suhaylii\ السهيليwuxuu yiri: "Waxyaalaha axbaarta\( األحبارculummada yuhuudda) laga helay oo sifooyinkiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka mid ah, waxaa ka mid ah kuwuu Al Waaqidii\ الواقديku xusay Xadiithka Al Nucmaanu Al Taymii\النعمان التيمي. Wuxuu yiri: "Wuxuuna ka mid ahaa culummada yuhuudda ee Yaman\يمن. Markaasuu markuu maqlay warka Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ayuu u yimid, uuna waxyaalo weydiiyey, kaddibna wuxuu yiri: "Aabahay wuxuu khatimay (xiray isagoo khaatim ku dhejiyay: waa ebyay) oo uu quful saaray kitaab, wuxuuna yiri: "Yuhuud ha u akhrin jeer aad maqashid Nabi kasoo baxay Yathrib\( يثربAl Madiinah Al Munawwarah\)المدينة المنورة. Markaad maqashid kitaabkaan fur." Al Nucmaanu النعمانwuxuu Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku yiri: "Markaan ku maqlay ayaan kitaabka furay, mase waxaaba ku yaalla sifooyinkaaga aan kaaga jeedo saacaddaan. Waxaa kaloo ku yaalla waxaad xalaaleyneyso iyo waxaad xaaraantimeyneyso. Waxaa kaloo ku yaalla inaad adigu kan Anbiyada ugu khayr badan tahay, ummaddaaduna tan ummadaha ugu khayr badan, magacaaguna uu yahay Axmad\أحمد, ummaddaaduna ay tahay Al Xaamiduuna\( الحامدونoo macneheedu yahay kuwa xamdiga iyo mahdinta badan, oo Al Xamdu li Allaahi\ الحمد هللyiraahda), qurbaankooduna uu ayaga dhiiggooda yahay oo macneheedu yahay jihaadka oo dhiiggodu ku daato, kutubbadoodana ay laabohooda ku sitaan (oo ah Quraanka oo ay xafithaan oo ay quluubtooda laabaha ku jirta ku sitaan). Ayagu ma yimaadaan goob dagaal ee waa illaa kan uu Jibriil\ جبريلgoob joog yahay oo uu ayaga la jiro. Ilaahay wuxuu u jecelyahay (ummadda Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam) oo uu ugu beer jilicsan yahay si la mid ah siduu gorgorku caruurtiisa u jecel yahay oo uu ugu beer jilicsan yahay. Intaas kaddibna wuxuu aabahay igu yiri: "Haddaad soo bixidda Nabigaas maqashid aad oo u tag, aaminna oo rumee." Markaasuu wuxuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, jeclaa inay asxaabtiisu warkiisa maqlaan. Markaasuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu ku yiri: "."يا نعمان حدثنا "Yaa Nucmaanu xaddithnaa", oo macneheedu yahay: 181 "Nucmaanow noo warran". Markaasuu Al Nucmaanu النعمانXadiithka awwalkiisa kasoo bilaabay. Markaasaa waxaa la arkay Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo maalintaas ilka caddaynaya, kaddibna uu yiri: "."أشهد أني رسول هللا "Ashhadu annii Rasuulu Allaahi", oo macneheedu yahay: "Waxaan marag ka ahay inaan anigu Rasuulka Ilaahay ahay." Al Nucmaanu النعمانwaa isla midka uu dilay Al Aswadu Al Cansiyyu \األسود العنسي, uuna xubin xubin u googooyey, isagoo leh: "Muxammad waa Rasuulka Ilaahay, adiguna waxaad tahay beenlow Ilaahay ku been abuurtay". Markuu sidaas u dilay ayuu kaddibna dab ku shiday oo uu gubay. Al Aswadu Al Cansiyyu األسود العنسيwuxuu sheegtay Nabinnimo iyo inuu yahay Rasuul Ilaahay soo diray. Sifayntiisa Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam eek u dhignayd Tawradda iyo Injiilka Al Bayhaqii\ البيهقيwuxuu Dalaa'ilu Al Nubuwwah\دالئل النبوة, mujalladka koowaad bogga saddex boqol iyo sideed iyo toddobaatan Muqaatil bin Xayyaan\ مقاتل بن حيانuga wariyay inuu yiri: "Ilaahay, Cazza wa Jalla\هللا عز وجل, wuxuu u waxyooday Ciise ina Maryama\عيسى إبن مريم: فجعلتك آية، إني خلقتك من غير فحل. يا إبن الطاهر البكر البتول، وأسمع وأطع، وال تهزل،"جد في أمري أني أنا هللا الحي: بلغ من بين يديك، فسر ألهل سرانة بالسريانية. وعلي فتوكل، فإياي فاعبد.للعالمين ، والهراوة، والنعلين، والعمامة، صدقوا النبي األمي العربي صاحب الجمل والمدرعة.القيوم الذي الأزول األقنى، األدعج العينين، األهدب األشفار، األنجل العينين، المفروق الحاجبين، الصلت الجبين،الجعد الرأس كأن عنقه إبريق، ريحه المسك ينفح منه، عرقه في وجهه كأنه اللؤلؤ، الكث اللحية، الواضح الجبين،األنف ليس على صدره، له شعرات من لبته إلى سرته تجري كالقضيب، وكأن الذهب يجري في تراقيه،فضة ، وإذا مشى كأنما يتقلع من الصخر، إذا جاء مع الناس غمرهم، شظن الكف والقدم،وعلى بطنه شعر غيره ". ذو النسل القليل.وينحدر في صبب " "جد في أمريJidda fii amrii (Amarkeyga ku dadaal), وال تهزلWa laa tahzal (hana fududeysan), وأسمع وأطعWa asmac wa adhic (oo intaad maqashid hoggaansan), يا إبن الطاهر البكر البتولYaa ibna al dhaahir al bikr al batuul (midkay dhashay midda daahiradda, bikrada ah oo cibaadeysiga Ilaaheed u go' day, waana Maryama, Ciise hooyadiis). إني خلقتك من غير فحل lnni khalaqtuka min ghayri faxlin (Anigu waxaan ku abuuray aabe la'aan), فجعلتك آية للعالمين fa jacaltuka Aayatan lilcaalamiina (oo sidaasaan waxaan caalamiinta kaaga dhigay Aayad). فإياي فاعبدFa Iyyaaya fa acbud (Marka, Aniga i caabud), wa calayya fa tawakkal (Anigana i 182 talo saaro). فسر ألهل سرانة بالسريانيةFassir li ahli Suuraana bi al Saryaaniyyati (Dadka reer Suuraan waxaad ugu fasirtaa afka saryaaniga. (Al Saryaaniyyiin \السريانيين, wuxuu kitaabkiisa Muruuju Al Thahabi\ مروج الذهبAl Mascuudi\ المسعوديku yiri: "Dadka qaarkiis waxay u arkeen inay yihiin Al Nnabdhu\النيط, qaar kalena inay yihiin walaalaha Luudumaash bin Nabiidh. Qaar kalena si taas ka duwan ayay u arkeen." Nabdhiyyiintu\ األنباطwaxay degi jireen dalka maanta Urdun\ أردنla yiraahdo iyo Suuriya\ سوريةiyo waqooyiga jaziiradda Carabta, waxaana magaalo madax u ahayd Al Batraa'a\ البتراءoo aarliga Urdun\ أردنku taalla, ahna magaalo idil uu buuro laga qoday oo ku dhex jirta. Nabdhiyyiintu\ األنباطwaa awoowayaalka Quraysh\قريش, waxayna ku abtirsadaan Naabit ina Nabi Ismaaciil\ إسماعيلCalayhimussalaamu. Awoowaha labaatanaad ee Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waa Cadnaan \عدنان, oo Nabdhiyyiinta \ األنباطAl Batraa'a\ البتراءmadax iyo hoggaamiye u ahaa. Al Batraa'a\ البتراءwaxay Al Quddus\القدس u jirtaa qiyaas boqol iyo konton kiiloomitir, kana xigtaa xagga Koofur/Bari), بلغ من بين يديك balligh man bayna yadayka (waxaadna gaarsiisaa inta hortaada ah): أني أنا هللا الحي القيومAnnii Anaa Allaahu Al Xayyu Al Qayyuumu (Inaan Anigu ahay Allaahu, Midka nool, oo weligiis noolaa, weligiisna noolaan doona oo aan weligiis dhimanayn, oo umuuraha addoommadiisa iyo khalqigiisa u taagan oo u quma) الذي الأزولAllathii laa azuulu (Midka aan ebedkiis zuulayn oo aan tegeyn oo aan dhimanayn). صدقوا النبي األمي العربيSaddiquu Al Nabiyya Al Ummiyya Al Carabiyya (Waxaad rumaysaan Nabiga Ummiga ah (aan waxna dhigi aqoon, waxna akhrin aqoon) oo Carabka ab, صاحب الجملsaaxiba al jamali (ratigana u saaxiibka ah (oo daabad ahaan u fuula) والمدرعةwa al midracati (iyo gaashaanka), والعمامةwa al camaamati (cimaamadana duuban), waana taajkee, والنعلينwa al naclayni (labbisanna labada naclayni :waa laba kabood oo ah kuwa hadda sandalo la yiraahdo oo aan cagta daboolin), والهراوةwa Al hiraawati (wa hiya al qadiibu) (oo ah usha), الجعد الرأسal jacdu al ra'si (timaha madaxiisuna ayan yaleex iyo jareer midna ahayn oo xabbad waynta ah), الصلت الجبينal saltu al jabiini (oo wajigiisu waasaca yahay), المفروق الحاجبينal mafruuqu al xaajibayni (oo ay labadiisa xaajib (oo ah sunnooyinka, wa timahee, labadiisa indhood korkooda ku yaalla) ayan isku dhegganeyn oo ayan isku imaaneyn, balse ay kala go'an yihiin), األنجل العينينal anjalu al caynayni (oo ay jeexa labadiisa inbdhoodna ay ballaaran yihiin oo ay weyn yihiin), األهدب األشفار، Al ahdabu al ashfaari (oo ay baalashada labadiisa indhood timo badan yihiin ayna dheerdheeryihiin), ، األدعج العينينal adcaju al caynayni (oo labadiisa indhoodna intooda madow aad u madow yihiin), األقنى األنفal aqnaa al anfi (oo sanqaroor leh), الواضح الجبينal waadixu al jabiini (oo uu wajigiisu waadix muuqda yahay), الكث اللحيةal kath-thu al llixyati (oo ay timaha garkiisu badan yihiin), عرقه في وجهه كأنه اللؤلؤcaraquhu fii wajhihi ka annahu al lu'lu'u (oo uu dhididkiisu wajigiisa ku yahay sida xabbadu luul ah oo kale), ريحه المسك ينفح منهriixu al miski yanfaxu minhu (waxaana kasoo carfaya oo kasoo kaahaya carafta miskiga), كأن عنقه إبريق فضة ka anna cunuqahu ibriiqu fiddatin (luquntiisa waxaad moodda ibriiq qalin ka sameysan oo kale), وكأن الذهب يجري في تراقيهwa ka' anna al th-thahaba yajrii fii taraaqiihi (waana sida isagoo uu dahab kalxamihiisa ku dureerayo oo kale), له شعرات من لبته إلى سرته تجري كالقضيبlahu shacaraatun min labbatihi ilaa surratihi tajrii ka al qadiibi (Wuxuuna xoogaa timo ah oo yar ku leeyahay inta u dhexeysa galowga -oo ah barta godan oo ay dhuuntu hoos ugu dhammaato oo la iska dilo- ilaa xuddunta, timahaasoo sida ul u taxan), ليس على صدره وعلى بطنه شعر غيره laysa calaa sadrihi wa laa calaa badhnihi shacrun ghayruhu (Laabtiisa iyo calooshiisa midna timo 183 kale kuma yaalliin oo aan kuwaas ahayn), شظن الكف والقدمshathnu al kaffi wa al qadami (gacantiisa iyo cagtiisuba waxay u janjeeraan xagga weynida, wayna xoog badan yihiin). إذا جاء مع الناس غمرهمlthaa jaa'a maca al naasi ghamarahum (hadduu dad la socdo oo uu la yimaado waa ka wada dheer yahay oo uu wada daboolaa), وإذا مشى كأنما يتقلع من الصخرwa ithaa mashaa ka annamaa yataqallacu mina al sakhri (markuu socdana waxaad moodda inuu cagihiisa dhgax kasoo fujinayo), وينحدر في صببwa yanxadiru fii sababin (oo uu buur kasoo daadegayo). ذو النسل القليلThuu al nasli al qaliili (waxaana ka haraya ubad yar-, oo waxaad mooddaa inuu ula dan leeyahay wiilashiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, uu laftiisu dhalay, oo dhammaantood yaraanta xagga Ilaahood ugu noqday). Waxaa kaloo wariyay ibnu Casaakir إبن \عساكر.oo ku wariyay kitaabkiisa taariikhda Al mukhtasar\المختصر, mujalladka koowaad bogga saddex boqol iyo afar iyo afartan. Al Bicthah\البعثة: soo diridda Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam Al Bicthah البعثةmacneheedu waxaa weeye "soo diridda", waana soo diridda Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, insiga iyo jinniga Nabinnimo iyo Rasuulnimo loogu soo diray. Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: "Markuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, afartan sano gaaray, ayuu Ilaahay Tacaalaa wuxuu u soo diray isagoo raxmad caalamiinta u ah iyo dhammaan dadkoo idil, si uu ugu bishaareeyo. Wuxuu Ilaahay Tacaalaa hore ballan uga qaaday Nabi walba oo uu hortiis soo diray inuu rumeeyo oo uu wuxuu la yimidna rumeeyo, uuna uga hiilliyo cidda khilaafta, wuxuuna ka qaaday ballanka ah inay ballankaasna u gudbiyaan inta ayaga rumeysa oo raacda. Anbiyada dhammaantoodna cahdigaas way oofiyeen, oo xaqqaas lagu leeyahay way gudbiyeen. Wuxuuna Ilaahay Tacaalaa\ هللا تعالىNabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka yiri Aayadda kow iyo sideetanaad ee Suuratu Aali Cimraanaسورة آل عمران: ٍ ِ ٍ َالنبِيِّين لَما آَرَْيرُ ُكم ِمن ِكر ق ِل َما َم َع ُك ْم لَرُ ْؤ ِمُن َّن بِ ِه ٌ ص ِّد ْ ْ َ اء ُك ْم َر ُسو ٌل ُم َ اب َوح ْك َمة ثَُّم َج َ َ َّ ِ ِ َّ ال فَا ْشه ُدوا وأ ََنا مع ُكم ِمن ِ )81( ين َ َص ِري قَالُوا أَ ْق َرْرَنا ق َ َوأ َ الشاهد َ ْ ََ َ َ ْ َِخ ْذرُ ْم َعلَى َذل ُك ْم إ اق َ ََخ َذ اللَّهُ ِميث َ َ لوِا ْذ أ ال أَأَ ْق َرْررُ ْم َ َص ُرَّنهُ ق ُ َولَرَْن "Wa ith akhatha Allaahu miithaaqa Al Nabiyyiina: lamaa aataytukum mmin Kitaabin wa Xikmatin thumma jaa'akum Rasuulun musaddiqun limaa macakum la tu'minanna bihi wa la tansurannahu. Qaala: "A'aqrartum wa akhathtum calaa thaalikum isrii?" Qaaluu: "Aqrarnaa!" Qaala: "Fa ash-haduu wa Anaa macakum mina al shaahidiina(81)." Aayadda macneheedu waxaa weeye: "Xusuuso markuu ka qaaday Ilaahay ballan adag Anbiyada, oo ah: "Waxaan idin siiyo oo Kitaab iyo Xikmad ah, oo uu markaas kaddib idiin yimaado Rasuul rumaynaya waxaad haysataan, oo ah kutubbadooda, waa inaad (Rasuulkaas) rumaysaan, una gargaartaan". Wuxuu Ilaahay yiri: 184 "Ma qirteen oo ma ku qaadeen arrinkaas Ballankeyga?" oo ay ayaguna yiraahdeen: "Waan qimay (oggolaannay) ballankaas." Markaasuu ku yiri: "Maraga ka noqda, oo Aniguna la jirkiinna ayaan ka mid noqonayaa kuwa ka marag kaca(81)." Sidaas ayuu Ilaahay wuxuu dhammaan Anbiyada ka qaaday ballanka ah inay aaminaan, ayna cidda khilaafta uga hiilliyaan, waxayna ballankaas u gudbiyeen oo kale inta ayaga laftooda rumaysay oo aamintay oo ka mid ah kuwa labada Kitaab la siiyey (oo ah krishtaanka iyo yuhuudda)". Taariikhda Bicthada\تاريخ البعثة Al Imaamu ibnu Xajar Al Casqalaanii\ األمام إبن حجر العسقالنيiyo Imaam ibnu Kathiir\األمام إبن كثير, siday uga wariyeen Al Qasdhalaanii\ القسطالنيiyo Al Azraqii\األزرقي, waxay yiraahdeen inay soo diriddu ahayd maalin isniin ah oo ay bisha Ramadaan\ رمضانafar iyo labaatan habeen ka gudbeen. Cumrigiisa marka Waxyigu kusoo degay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam Ibnu Xajar\ إبن حجرwuxuu Fatxu Al Baarii\ فتح الباريku yiri: "Waxa saxiix ah oo mash- huurka shaacsan oo la wada qabo ah inay dhalashadiisu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallarn, ahayd bisha Rabiicu Al Awwal\ربيع األول, oo sidaasey marka Waxyiga lago soo dejiyay uu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallarn, afartan sano iyo lix bilood jir yahay." Waa intaas warka ibnu Xajar\ إبن حجرee Al Fatxu\الفتح. Inta qabta inay Bicthadu\ البعثةbisha Ramadaan\ رمضانdhexdeeda ahayd waxay xujjo ka dhiganayaan Aayadda boqol iyo shan iyo sideetanaad ee Suuratu Al Baqarah \سورة البقرة, oo oraneysa: ِِ َِّ َشهر رمض َن ُ ان الذي أ ُْن ِز َل فيه اْلقُ ْآر َ َ َ َ ُْ "Shahru Ramadaana allathii unzila fiihi Al Qur'aanu(185)", oo macneheedu yahay: " bisha Ramadaan\ رمضانee lasoo dejiyay dhexdeeda Quraanka." Culummada sidaas qabtana waxay yiraahdeen: "Waxa ugu horreeya oo uu Ilaahay Tacaalaa\ هللا تعالىku karaameeyey Nabinnimadiisa waa soo dejinta Quraankuu kusoo dejiyay." Taasi waxaa weeye inay soo degidda Quraanku bisha Ramadaan\ رمضانbilaabatay. Axrnad\ أحمدiyo ibnu Jariir\ إبن جريرAl Dhabarii\ الطبريiyo Al Dhabraanii\ الطبرانيiyo Al Bayhaqii \ البيهقيwaxay واثلةWaathilah ka wariyeen inuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: 185 قال اإلمام أحمد حدثنا أبو سعيد مولى بني هاشم حدثنا عمران أبو العوام عن قتادة عن أبي المليح عن واثلة بن األسقع أن رسول هللا صلى هللا عليه وسلم قال أنزلت صحف إبراهيم في أول ليلة من رمضان وأنزلت التوراة لست مضين من رمضان واإلنجيل لثالث عشرة ليلة خلت من رمضان وأنزل القرآن ألربع وعشرين خلت من رمضان "Unzilat Suxufu Ibraahiima fii awwali laylatin min Ramadaana, wa unzilat Al Ttawraatu li sitti maadiina min Ramadaana, wa unzilati Al Injiilu li thalaatha cashrah khalat min Ramadaana, wa unzila Al Zzabuuro li thamaani cashrah khalat min Ramadaana, wa anzala Allaahu Al Qur'aana li arbaca wa cishriina khalat min Ramadaana." Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Suxufta lbraahiim\ صحف إبراهيمwaxaa lasoo dejiyay habeenka ugu horreeya ee Ramadaan \رمضان, Tawraaddana\ التوراتwaxaa lasoo dejiyay markay lix ka gudubtay Ramadaan \ رمضان, Injiilkana\ األنجيلwaxaa lasoo dejiyay markay saddex iyo toban ka gudubtay Ramadaan \ رمضان, Zabuurna\ الزبورwaxaa lasoo dejiyay markay sideed iyo toban ka gudubtay Ramadaan \ رمضان, Ilaahyna wuxuu Qur' aanka\ القرآنsoo dejiyay markay afar iyo labaatan ka gudbeen Ramadaan \رمضان." Al Xaafith ibnu Xajar\ الحافظ إبن حجرwuxuu Fatxu Al Baarii bi Sharxi Saxiixi Al Bukhaarii فتح \ الباري بشرح صجيج البخاريku yiri: "Xadiithkaani wuxuu ku dhabbaqan yahay Hadalka Ilaahay Tacaalaa\ هللا تعالىee ah ِِ َِّ َشهر رمض َن ُ ان الذي أ ُْن ِز َل فيه اْلقُ ْآر َ َ َ َ ُْ "Shahru Ramadaana allathii unzila fiihi Al Qur'aanu", oo macneheedu yahay: "bisha Ramadaan\ رمضانee lasoo dejiyay dhexdeeda Quraanka", iyo أنا أنزلناه في ليلة القدر "Innaa anzalnaahu fii laylati Al Qadri(1)" oo macnheedu yahay: "Annagaa soo dejinnay Quraanka habeenka Laylatu Al Qadarka( ليلة القدر1)." Waana Aayadda koowaad ee Suuratu Al Qadri\سورة القدر. Intaasuu ku egyahay warka ibnu Xajar\إبن حجر. Soo degidda Quraanka Markaas kaddib Quraanku wuxuu usoo degay Aayado kala gogo' an: ama shan Aayadood ama toban ama ka badan ama ka yar, hadba siday dhacdooyinku yihiin. Waxaa saxiix ah inay tobanka Aayadood ee qisada ifkiga\ قصة األفكee Suuratu Al Nuur\ سورة النورmar soo wada degeen, siday saxiix u tahay inay tobanka Aayadood ee ugu horreeya Suuratu Al Mu'minuun \ سورة المؤمنونmar soo wada degeen. Waxaa ayaduna saxiix ah inay 186 ِ َّرِر َ َغ ْي ُر أُولي الض "Ghayru uulii al ddarari" oo macneheedu yahay "oo aan kuwa dhibban ahayn" ay keligeed soo degatay, waana qayb ka mid ah Aayadda shan iyo sagaashanaad ee Suuratu Al Nisaa'i\سورة النساء. Sidaasoo kale waxaa keligeed soo degatay ًَ لوِا ْن ِخ ْفرُ ْم َعْيلَة "Wa in khiftum caylatan" oo macneheedu yahay: "Haddad ka cabsataanna saboolnimo", ahna qayb ka mid ah Aayadda sideed iyo labaatanaad ee Suuratu Tawbah\سورة التوبة, ilaa dhammaadka Aayadda, waxay soo degatay mar ka dambeysey Aayadda inteeda hore usoo degatay. Ibnu Abii Shaybah\ إبن أبي شيبةwuxuu wariyay inuu Cikrimah\ عكرمةyir: "Ilaahay wuxuu Quraanka usoo dejiyay qayb qayb ka kooban saddex Aayadood ama afar Aayadood ama shan Aayadood." Al Bayhaqiina\ البيهقيwuxuu wariyay inuu Cumar\ عمرyiri: "Quraanka u barta shan shan Aayadood, maxaa yeelay Jibriil wuxuu Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, kusoo dejinjiray shan shan." Quraanku wuxuu soo degayey, isagoo qaybo qaybahaas ah muddo ku siman saddex iyo labaatan sano, ayadoo Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, lasoo diray isagoo afartan jir ah, cimrigiisa adduunkaanna uu saddex iyo lixdan sano ahaa. Culummo kalena waxay tiri in Quraanka isagoo idil habeenkay ahayd Laylatul Qadarka \ليلة القدر laga soo dejiyey اللوح المحفوظLawxul Maxfuuthka lana keenay بيت العزةBaytu Al Cizzaati (Guriga Cizzada) ee ku yaalla Samadaan Adduunka ee dhow. Macnaha soo dejinta Quraanka Al Casqalaanii\ العسقالنيwuxuu yiri: "Al Asfahaanii\ اإلسفهانيwuxuu yiri: "Waxay Ehelu Al Sunnah wa Al Jamaacah\ أهل السنة والجماعةisku waafaqeen in Hadalka Ilaahay lasoo dejiyay, waxayse isku khilaafeen soo dejinta macneheeda. Waxaana la yiri: waa muujinta akhrintiisa. Waxaa kaloo la yiri: Ilaahay Tacaalaa\ هللا تعالىwuxuu Hadalkiisa ilhaamiyey Jibriil \ جبريلisagoo Samada kore ku sugan. Markaasuu baray sida loo akhriyo. Markaas kaddib ayuu Jibriil\ جبريلarliga ula soo degay oo uu sidaas Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ugu gudbiyey. 187 wuxuu yiri:القطب الرازي\Al Qudhbu Al Raazii "Macnaha soo dejinta Kutubbada Rususha lagu soo dejiyo waxaa weeye inuu marka hore Malaggu intuu u fahmo si dhakhso leh, oo uu Ilaahay uga barto si ruuxaani ah, ama uu kasoo ", uu markaas intuu lasoo dego uu ayaga u gudbiyo.اللوح المحفوظ\xifthiyo Lawxul Maxfuuthka wuxuu Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, kusooجبريل\Quraanka ka sokow, Jibriil ah oo idil, sidayba noogu caddeeyeen Aayadahaالسنة الشريفة\dejiyay Sunnada Shariifka :سورة النجم\ sadex iyo afar iyo shan ee Suuratu Al Najmi َّ يد اْلقُ َوى ()7 وحى (َ )2علَّ َمهُ َشِد ُ َو َما َي ْن ِط ُ ق َع ِن اْلهَ َوى ( )3إِ ْن ُه َو إَِل َو ْح ٌي ُي َ "Wa maa yandhiqu cani al hawaa(3)In huwa illaa Waxyun yuuxaa(4)Callamahu ")shadiidu al quwaa(5 Aayadaha macnohoodu waxaa weeye: "Kamana hadlo hawadiisa(3 )Mana uusan aha waxaan ahayn Waxyi loo waxyooday(waana wuxuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku hadlo, oo ah Sunnadiisa)(4)Waxaana wax baray (oo xagga Ilaahay kasoo gaarsiiyey) ku xoog wayn (oo "ah Malag Jibriil)(5). بدء الوحي\Bilaabashada Waxyiga " ee saxiixiisa uga wariyayكتاب التعبير\ wuxuu kitaabka "Al Tacbiiriالبخاري\Al Bukhaarii Xadiithkaan:عائشة\Caa'ishah أول ما بدء به رسول هللا صلى هللا عليه وسلم من الوحي الرؤيا الصادقة في المنام .فكان ال يرى رؤيا إال جائته مثل فلق الصبح .فكان يأتي حراء فيتحنف به وهو التعبد الليالي ذوات العدد ويتزود لذالك. ثم يرجع إلى خديجة فتزوده لمثلها ،حتى فجأه الحق وهو في غار حيراء .فجاءه الملك فيه فقال: "اقرأ" فقال" :ما أنا بقارئ" ،قال" :فأخذني فغطني حتى بلغ مني الجهد ثم أرسلني فقال" :اقرأ" ،فقلت "ما أنا بقارئ" ،فأخذني فغطني الثانية حتى بلغ مني الجهد ثم أرسلني فقال" :اقرأ" ،فقلت" :ما أنا بقارئ" ،فأخذني فغطني الثالثة حتى بلغ مني الجهد ثم أرسلني فقال" :اقرأ باسم ربك الذي خلق خلق االنسان من علق اقرأ وربك األكرم الذي علم بالقلم علم االنسان ما لم يعلم" فرجع بها رسول هللا صلى هللا عليه وسلم يرجف فقال ":زملوني زملون" .فزملوه حتى ذهب عنه الروع. فقال" :يا خديجة! ما لي؟" وأخبرها الخبر فقال" :قد خشيت على نفسي". فقالت له" :كال وهللا ال يخزيك هللا أبدا إنك لتصل الرحم ،وتحمل الكل وتكسب المعدوم وتقري الضيف وتعين على نوائب الحق ".ثم أنطلقت به خديجة حتى أتت به ورقة بن نوفل بن أسد بن عبد العزى بن قصي وهو إبن عم خديجة أخو أبيها ،وكان امرأ تنصر في الجاهلية وكان يكتب الكتاب العربي فيكتب بالعربية من اإلنجيل ما شاء هللا أن يكتب ،وكان شيخا كبيرا قد عمي ،فقالت له خديجة" :أي إبن عم! أسمع من إبن أخيك!" فقال ورقة" :إبن أخي ما ترى؟" فأخبره النبي صلى هللا عليه وسلم ما رأى. فقال ورقة" :هذا الناموس الذي أنزل على موسى! يا ليتني فيها جذعا أكون حيا حين يخرجك قومك ".فقال رسول هللا صلى هللا عليه وسلم " :أو مخرجي هم؟"قال ورقة" :نعم ،لم يأت رجل قط بما جئت به إال عودي ،وإن يدركني يومك أنصرتك نصرا مؤزرا". 188 "Awwalu maa budi'a bihi Rasuulu Allaahi, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, mina Al Waxyi al rru'yaa al saadiqatu fii al nnawmi. Fa kaana la yaraa ru'yaa illaa jaa'athu mithla falaqi al ssubxi. Fa kaana ya'tii Xiraa'an fa yataxannathu fiihi wahwa al ttacabbudu al llayaaliya thawaati al cadadi wa yatazaawwadu li thaalika. Thumma yarjicu ilaa Khadiijata fa tuzawwiduhu li mithlihaa, xattaa faji'ahu Al Xaqqu wa huwa fii ghaari Xiraa'in. Fa jaa'ahu Al Maliku fiihi fa qaala: "Iqra'''. Fa qaala lahu Al Nabiyyu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam: "Maa anaa bi qaari'in". Fa akhathanii fa ghadh-dhanii xattaa balagha minnii al jahda. Thumma arsalanii fa qaala: "Iqra'" Fa qultu: ""Maa anaa bi qaari'in". Fa akhathankii fa ghadh-dhanii al thaaniyata xatta balagha minnii al jahda. Thumma arsalanii fa qaala: "Iqra'''. " Fa qultu: ""Maa anaa bi qaari'in". Fa akhathanii fa ghadh-dhanii al ththaalithata xatta balagha minnii al jahda. Thumma arsalanii fa qaala: "Iqra' bi Ismi Rabbika Allathii khalaqa xatta balagha maa lam yaclam." Fa rajaca bihaa tarjufu bawwaadiruhu xatta dakhala calaa Khadiijata fa qaala: "Zammiluunii Zammiluunii." Fa zammaluuhu xatta thahaba canhu al rrawcu. Fa qaala: "Yaa Khadiijatu Maa lii?" Wa akhbarahaa al khabara wa qaala: "Qad khashaytu calaa nafsii." Fa qaalat lahu: "Kallaa. Fa wa Allaahi laa yukhziika Allaahu abadan! lnnaka la tasilu al rraxima wa tasduqu al xadiitha wa taxmilu al kalla wa taqrii al ddayfa, wa tuciinu calaa nawaa'ibi al xaqqi." Thumma indhalaqat bihi Khadiijatu xattaa atat bihi Waraqata bina Nawfali bini Asadi bini Cabdi Al Cuzzaa bini Qusayyin wahwa ibnu cammi Khadiijata akhuu abiihaa, wa kaana imra'an tanassara fii al jaahiliyyati wa kaana yaktubu al kitaaba Al Carabiyya fa yaktubu bi Al Carabiyyati mina Al Injiili maa shaa'a Allaahu an yaktuba, wa kaana shaykhan kabiiran qad camiya, fa qaalat lahu Khadiijatu: "Ay ibna cammi! Asmac min ibni akhiika." Fa qaala Waraqatu: "Ibna akhii maa thaa taraa?" Fa akhbarahu Al Nabiyyu, Sallaa Allaau Calayhi Wasallam, maa ra'aa. Fa qaala Waraqatu: "Haathaa Al Naamuusu allathii unzila calaa Muusaa! Yaa laytanii fiihaa jathacan akuunu xayyan xiina yukhrijuka qawmaka." Fa qaala Rasuulu Allaahi, Sallaa Allaau Calayhi Wasallam: "Awa mukhrijiyya hum?" Fa qaala Waraqatu "Nacam, lam ya'ti rajulun qadh-dhu bimaa ji'ta bihi illaa cuudiya, wa in yudriknii yawmuka ansurka nasran mu'azzaran." Thumma lam yanshab Waraqatu an tuwuffiya. Joogsiga Waxyiga وفتر الوحي حتى حزن النبي صلى هللا عليه وسلم فيما بلغني حزنا غاط منه مرارا كي يتردد من رؤوس "يا محمد! إنك رسول هللا: فكلما أوفا بذروة جبل لكي يلقي منه نفسه تبدى له جبريل فقال.شواهق الجبال فإذا أوفا بذروة. فيرجع فإذا طالت عليه فترة الوحي غدا لمثل ذلك.حقا!" فيسكن لذلك جأشه وتقر نفسه ". "فالق اإلصباح ضوء الشمس بالنهار وضوء القمر بالليل:" قال إبن عباس.جبل تبدى له مثل ذلك Wa fatara Al Waxyu fatratan xattaa xazina Al Nabiyyu, Sallaa Allaau Calayhi Wasallam, fiimaa balaghanaa xuznan ghadaa minhu miraaran kay yataraddaa min ru'uusi shawaahiqi al jibaali. Fa kullamaa awfaa bi thirwati jabalin likay yulqiya minhu nafsahu tabaddaa lahu Jibriilu fa qaala: "Yaa Muxammadu! Innaka Rasuulu Allaahi xaqqan!" Fa 189 yaskunu li thaalika ja'shuhu wa taqirru nafsuhu. Fa yarjicu fa ithaa dhaalat calayhi fatratu Al Waxyi ghadaa li mithli thaalika. Fa ithaa awfaa bi thirwati jabalin tabaddaa lahu mithla thaalika." Qaala ibnu Cabbaasin: "Faaliqu al isbaaxi daw'u al shamsi bi al nnahaari wa daw'u al qamari bi alllayli." Waana Xadiithka tirsigiisu yahay lix kun iyo sagaal boqol iyo labo iyo sideetan ee saxiixu Al Bukhaarii\البخاري. Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Waxa ugu horreeyey oo uu Waxyiga kusoo dega Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku bilowday waxay ahayd riyo run ah oo uu arko isagoo hurda. Markaasuu markuu riyo arko waxay riyadu u caddayd sida subuxu ama waabarigu u cad yahay oo uu u iftiimayooo kale (oo waxay ahayd riyo aan beeni ku jirin iyo shaki, in la fasirana aan u baahnayn ayadooba iska caddayd). Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu tegi jiray (godka magaciisu yahay Ghaaru Xiraa'a\ غار حراءee ku yaalla buurta ku taalla Makkah Al Mukarramah\ مكة المكرمةee la yiraahdo Jabalu Al Nuuri\جبل النور, halkaasoo uu ku cibaadeysan jiray, kuna jiri jiray habeenno (iyo maalmohooda) badan. (cibaadeysigiisuna, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu ahaa mid fikriga ah, siduu jamhuurku u yiri, isagoo ku taagan Al Xanafiyyah\الحنفية, oo ah Diinta Ibraahiim\)إبراهيم. Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, hoggaas markuu aadayana saad ayuu qaadan jiray (saadkiisa ama cunnadooduna waxay ahayd hilib iyo caano, kuwaasoo aan wax badan raagayn ee fasaadaya, isaguna uu godkaas bil ku ictikaafi jiray iyo inuu u qumo xaajooyinka qoyskiisaba). Kaddibna wuxuu usoo laaban jiray Khadiijah\خديجة, taasoo hadana siin jirtay saad kii la mid ah (intuu ictikaafka ku jiro). Sidaas isagoo ku sugan ayaa waxaa kadiyay Xaqqa \( الحقXaqqa macnihiisu waxaa weeye arrinka xaqqa ah oo ah Waxyiga oo Xaq loogu magacaabay isagoo ka yimid xagga Ilaahay. Ama waa Rasuulka Xaqqa, oo markaas Xaqqu waa Jibriil\ )جبريلisagoo hogga Xiraa'a\ حراءku jira. Markaasaa waxaa u yimid Malagga (Jibriil\)جبريل. Markaasuu wuxuu yiri: "Akhri." Markaasaan waxaan iri: "Anigu ma aqaanno sida wax loo akhriyo". Markaasuu i qabtay oo intuu si xoog leh isku kay duubay i camajuujiyay ilaa heer aan ka mashaqqooday oo aan dhibtooday. Kaddibna wuu i sii daayey. Markaasuu hadana wuxuu yiri: "Akhri." Markaasaan waxaan iri: "Anigu ma aqaanno sida wax loo akhriyo". Markaasuu markii labaad i qabtay oo intuu si xoog leh isku kay duubay i camajuujiyay ilaa heer aan ka mashaqqooday oo aan dhibtooday. Kaddibna wuu i sii daayey. Markaasuu hadana wuxuu yiri: ""Akhri." 190 Markaasaan waxaan iri: "Anigu ma aqaanno sida wax loo akhriyo". Markaasuu markii saddexaad i qabtay oo intuu si xoog leh isku kay duubay i camajuujiyay ilaa heer aan ka mashaqqooday oo aan dhibtooday. Kaddibna wuu isii daayey. Markaasuu hadana wuxuu yiri: بسم اهلل الرحمن الرحيم ِْ ق ٍ َان ِم ْن َعل ) َعلَّ َم2( ) الَِّذي َعلَّ َم بِاْل َقلَِم3( ُّك ْالَ ْك َرُم َ ) ا ْق َْأر َوَرب2( ق َ اسِم َرب َ َ) َخل1( ق َ َِّك الَِّذي َخل َ اْل ْن َس ْ ِا ْق َْأر ب ِْ )7( ان َما لَ ْم َي ْعلَ ْم َ اْل ْن َس "Iqra' bi Ismi Rahbika Allathii khalaqa(1)Khalaqa al insaana min calaqin(2)Iqra' wa Rabbuka Al Akramu(3)Allathii callama bi al qalami(4)Callama al insaana maa lam yaclam(5)" Aayadaha, oo ah Aayadaha koowaad ilaa shanaad ee Suuratu Al Calaqi \ سورة العلقmacnohoodu waxaa weeye: "Wax ku akhri (nabiyow) Magaca Rabbigaaك َ ِّاسِم َرب ْ ِ بee khalqiga abuuray(1 )Dadkana ka abuurau xinjir(2)Akhri Rabbigaana waa Kan sharafta leh(3)Midka dadka baray sida qalinka wax loogu dhigo(4)Dadkana baray waxayan aqoonin(5)". Al Xaafith ibnu Xajar\ الحافظ إبن حجرwuxuu yiri: "Waxaa dhici karta inay xikmada ku jirta in iqra' lagu celceliyay ay tahay inuu iimaanka Waxyiga sababtiisa ka dhalanaya uu koobayo saddex kala ah: (Kow) Hadalka, (Labo) Camalka iyo (Saddex) Niyada, ayadoo uu Waxyiguna (waana Quraankee) saddex ka kooban yahay: (Kow) Tawxiidka midnimada Ilaahay, (Labo) Axkaamta iyo (Saddex) Qisaska. Qaalli Shurayx القاضي شريحwuxuu saddexdaas goor oo uu Jibriil\ جبريلNabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, isku duubay oo uu camajuujiyay ilaa heer uu ka dhibtoodo kala soo dhex baxay inaan ardayga Quraanka la barayo lagu dilin saddex goor mooyee, siduu Jibriil \جبريل isugu duubay Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, sadeexdaas goor. Isku duubidda iyo camajuujinta Al Qasdhalaanii\ القسطالنيwuxuu yiri: "Xikmada ku jirta inuu Jibriil\ جبريلNabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, isku duubay oo uu camajuujiyay waa saddex: (Kow) inuusan, Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam, arrin kale u jeesan oo uusan waxa loo sheegayo ka mashquulin, (Labo) Muujin waynaanta iyo xoogga arrinkaan iyo (Saddex) Ku baraarujin culayska hadalka lagu tuuryo." 191 Salaamid iyo cawthibillaysi Al Qasdhalaanii\ القسطالنيwuxuu yiri: ”ibnu Jariir Al Dhabarii\ إبن جرير الطبريwuxuu wariyay inuu Jibriil\ جبريلmarka ugu horreysa oo uu Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Quraan kusoo dejiyay uu ku amray inuu cawthibilleysto, siduu uga wariyay ibnu Cabbaas\إبن عباس, oo yiri: "استعيذ بالسميع العليم: قال،" "يا محمد استعذ:"أول ما نزل جبريل على محمد صلى هللا عليه وسلم قال ". "إقرأ بسم ربك الذي خلق:" ثم قال." "قل "بسم هللا الرحمن الرحيم:" قال.من الشيطان الرجيم Awwala maa nazala Jibriilu calaa Muxammadin Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam qaala: ”yaa Muxammad istacith!” Qaala: ” "Acuuthu bi Al Ssamiici Al Caliimi mina al shshaydhaani al rrajiimi". Qaala: ”qul: ”Bismi Allaahi Al Rraxmaani Al Rraxiimi”.” Thumma qaala: ”Iqra’ Bimi Rabbika Allathii khalaqa.” Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Marka ugu horreysa oo uu Jibriil\ جبريلkusoo degay Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri: "Muxammadow, cawthibilleyso! Markaasuu wuxuu yiri: أعوذ بالسميع العليم من الشيطان الرجيم "Acuuthu bi Al Ssamiici Al Caliimi mina al sh-shaydhaani al rrajiimi", oo macneheedu yahay: "Waxaan magan galay Midka wax walba maqla, wax walbana u cilmi leh, kana magan galay shaydhaanka la rajmiyo oo la fogeeyey." Jibriil\ جبريلwuxuu yiri: "Waxaad tiraahdaa بسم هللا الرحمن الرحيمBi Ismi Allaahi Al Rraxmaani Al Rraxiimi". Markaas kaddib ayuu wuxuu yiri: "ق َ اسِم َرب َ َِّك الَِّذي َخل ْ ِا ْق َْأر ب Iqra' bi Ismi Rabbika Allathii khalaqa". Cabdu Allaahi\ عبد هللاwuxuu yiri: "Waana Suuradda ugu horreysey oo uu Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, korkiisa kusoo dejiyay." 1bnu Kathiirna\ إبن كثيرwuxuu yiri: "kani waa Xadiith ghariib\ غريبah Ku noqosho Xadiithka Waxyiga Caa'isha\ عائشةwaxay tiri: "Markaasuu la soo noqday (waana Quraanka lagu soo dejiyay iyo wixii dhacayba), ayadoo uu daqayga labadiisa garab u dhexeeya dubaaxinayo (ujeedadeeduna ay tahay isagoo, Sallaa 192 Allaahu Calayhi Wasallam, wada jaraynaya oo gariiraya), oo uu Khadiijah\( خديجةguriga) usoo galay, uuna uga warramay wixii dhacay, kaddibna wuxuu yiri: "." زملوني زملون “Zammiluunii, zammiluunii.” Oo macneheedu yahay: ”i duuduuba (oo maro ama buste igu duuduuba)". Markaasaa la duuduubay ilaa ay cabsidu ka tagtay. Markaasuu wuxuu yiri: ""يا خديجة! ما لي؟ "Yaa Khadiijatu Maa lii?" oo macneheedu yahay: "Khadiijoy يا خديجة, waa maxay waxa ii sugnaaday, si ay iigu sugnaato waxa ii sugnaaday?" Markaasuu khabarka wixii dhacay u sheegay. Kaddibna wuxuu yiri: "."قد خشيت على نفسي "Qad khashaytu calaa nafsii", oo macneheedu yahay: "Nafteydaan u baqay." Khadiijah خديجةwaxay tiri: ، وتقري الضيف، وتحمل الكل، وتصدق الحديث، فوهللا إنك لتصل الرحم، فوهللا اليخزيك هللا أبدا،"كال أبشر ".وتعين على نوائب الحق “Kallaa abshir, fa wa Allaahi laa yukhziika Allaahu Abadan, fa wa Allaahi innaka la tasilu al raxima, wa tusaddiqu al xadiitha, wataxmilu al kalla, wa taksibu al macnduuma, wa taqrii al dayfa, wa taciinu calaa nawaa’ibi al xaqii.” Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Sidaas ha oran, ama ha cabsan ee abshir oo bishaareyso, oo wa Allaahi وهللاinuusan Ilaahay ebedkiis ku fadeexeeyneyn, maxaa yeelay: (Kow) adigu riximka, oo ah qaraabada, ayaad xiriirisaa (xagga maalka, xagga u qumidda u adeeggooda, booqashadooda, salaamiddooda, iwm.), (Laba) runtaadna ku hadashaa (oo weligiis been ma sheegin, lagumana tuhmin Nabinnimada horteed, siduu Abuu Sufyaan\أبو سفيان, oo markaas gaal cadawgiisa ah uu Boqorka Roomaanka Hirqal\ هرقلhortiis ugu qiray. Runlownimaduna waa sifooyinka ugu sharaf badan oo uu qofku yeesho), (Saddex) waxaadna culayska ka qaaddaa oo aad ka xambaartaa kuwa taagta daran (sida ciyaalka 193 agoonta ah iyo kuwa sidoodaba u taagta daran. Muslim\ مسلمwuxuu ku daray inay tiri: "وتكسب "المعدومoo macneheedu yahay: "waxaad dadkana siisaa waxayan ghayrkaa ka heleyn”), (Afar) martidana cuntadaad inta samaysid siisaa iyo meeluu ku hoydaba, (Shan) dadkana waxaad ka taakulaysaa dhacdooyinka ku yimaada." Khadiija خديجةhadalkeedaasu wuxuu caddeynayaa ballaarnaanta caqligeeda iyo fiqigeeda, ayadoo koobtay dhammaan anwaacda makaarimta akhlaaqda, ayadoo uu biyo shubadka hadalkeedu yahay: haddaad intaasoo wanaaga leedahay, waxaad kahato kugu dhici mayaan, taasoo daliil u ah inay wanaagga akhlaaqdu celiso waxa la kahdo, ayna sabab u tahay nabadgelidda. Khadiijah خديجةiyo Caddaasعداس Markaasey Khadiijah خديجة, siduu Al Zarqaanii\ الزرقانيuga soo guuriyay Sulaymaan Al Taymiyyi\ سليمان التيميiyo Muusaa bin Cuqbah\موسى بن عقبة, soo baxday oo ay u timid nin addoon ah oo uu lahaa Cutbah bin Rabiicah\عتبة بن ربيعة. Addoonkaasu wuxuu ahaa krishtaan, wuxuuna ka mid ahaa dadka degah degmada Niinawaa\( نينوىwaana magaalada Nabi Yuunus\ يونسCalayhissalaamu ee ku taalla waqooyiga Ciraaq\)عراق, magaciisuna ahaa Caddaas\عداس. Markaasey waxay ku tiri: ""أذكرك هللا! إال ما أخبرتني هل عندكم علم من جبريل؟ “Uthakkiruka Allaaha! Illaa maa akhbartanii hal cindakum cilmun lk Jibriil?” Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Ilaahay ayaan ku xusuusinayaaye ee waa illaa inaad ii sheegtid inaad u cilmi leedihiin Jibriil \جبريل." Markaasuu Caddaas wuxuu yiri: "Qudduusun, Qudduusun، قدوس، !قدوسSayyidda haweenka Qurayshey\ !سيدة نساء قريشMuxuu yahay arrinka lagu xusayo arligaan uu dadkeedu yahay dad asnaamta caabuda?" Markaasey waxay tiri: "."أخبرني بعلمك فيه “Akhbirnii bi cilmika fiihi.” Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "ii sheeg waxaad ka ogtahay." Wuxuu yiri: "Jibriil\ جبريلwaa Amiinka\ أمين هللاdhex socda Ilaahay iyo Anbiyada, waana saaxiibka u imaan jiray Muuse\ موسىiyo Ciise\عيسى." Markaasey Caddaas\ عداسkasoo gaddoontay oo ay gurigeeda kusoo laabatay. Markaasey Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, la baxday oo ay ula tagtay Waraqah bin Nawfal ورقة \بن نوفل. 194 Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam iyo Waraqah bin Nawfal\ ورقة بن نوفل. Waraqah bin Nawfal bin Asad bin Cabdu Al Cuzzaa bin Qusayy ورقة بن نوفل بن أسد بن عبد العزى بن \قصي, sidaan usoo aragnay wuxuu ahaa ina adeerka laxmiga ah ee Khadiijah bintu Khuwaylid bin Asad bin Cabdu Cabdu Al Cuzzaa bin Qusayy\خديجة بنت خويلد بن أسد بن عبد العزى بن قصي, wuxuuna ahaa nin caabudidda snaamta ka tegey oo krishtaan noqday Islaamka hortiis. Wuxuuna ahaa nin dhigidda farta Carabiga yaqaanna. Markaasuu wuxuu farta Carabiga ku dhigi jiray Kitaabka Injiilka, ugana dhigi jiray intuu Ilaahay doono inuu dhigo. Injiilku wuxuu ku dhignaa afka Saryaaniga\السريانية, Tawraaduna afka Cibriga\العبرية. Marka Waraqah ورقة, siduu Al Nawawii\ النوويu yiri iyo ibnu Xajarba\ إبن حجرwuxuu kutubbadaas ku dhigi jiray afafka Carabiga\ العربيةiyo Cibrigabaالعبرية. Al Xaafith ibnu Xajar\ الحافظ إبن حجرwuxuu yiri: " Waxaan (Waraqah ) ورقةugu sifeeyey inuu Injiilka\ اإلنجيلdhigi jiray, oo aan u oran waayey wuu xifthin jiray, ayadoo xifthinta Tawraadda\ التوراتiyo Injiilkuba\ اإلنجيلayan ahayn kuwo la sahlay, sida loo sahlay xifthinta Quraanka\القرآن, oo ummaddaan lagu gooni yeelay, taasoo u sabab ah in sifadeeda (waa ummaddaane) ay ka mid tahay: أناجيلهم في صدورهمAnaajiluhaa fii suduurihaa (oo ah kutubbadooda laabohooda ayay ku sitaan, oo waa Quraanka ayay qalbigooda ku sitaan ayagoo korka ka haya oo xifthiyay)." Waa intaas warka ibnu Xajarإبن حجر . Waraqah ورقةwuxuu ahaa oday da'yn oo indho beelay. Markaasey Khadiijah\ خديجةwaxay ku tiri: "Ina adeerow, bal dhegeyso wiilka walaalkaa dhalay" (oo aabaha saddexaad ee Waraqah waa Cabdu Al Cuzzaa\عبد العزى, waana walaalka la dhashay aabaha afaraad ee Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ee Cabdu Manaaf bin Qusayy\)عبد مناف بن قصي. Markaasuu Waraqah ورقةwuxuu yiri: "Wiilka walaalkeeyow, maxaad aragtay?" Markaasuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, uga warramay wuxuu arkay oo uu la kulmay. Markaasuu Waraqah ورقةwuxuu yiri: "Midkaani (waana Malag Jibriil\ )جبريلwaa Al Naamuusu\( الناموسoo macneheedu yahay: Midka u saaxiibka ah sirta oo ah Waxyiga\)الوحي, waana midka Muuse\ موسىkusso degay (wuxuuna Ciise\ عيسىu oran waayey isagoo krishtaan ahaa rumayn uu Risaalada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasalalam, rumaynayo, ayadoo kusoo degidda Jibriil\ جبريلee Muuse\ موسىay krishtaanka iyo yuhuuduba isku waafaqsan yihiin, yuhuudda intooda badanse ay Nabinnimada Ciise\ عيسىinkirayaan, ama sida kaloo la yiriba inuu Ciise عيسىku taagnaa shareecada Muuse موسىee Tawraadda\التورات, oo kitaabkiisa Injiilku\ األنجيلwuxuu ahaa kitaab waano iyo in yar oo axkaamta Muuse موسىlaga beddelay). Maxaan u ahaan waayey nin dhallinyaro ah mudada Nabinnimada (waana Nabinnimada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam). Maxaan u noolaan waayey markay dadkaagu dalkaagu wadankaaga (Makkah Al Mukarramah مكة \ )المكرمةka saarayaan." 195 Siduu Nabigu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam waddankiisa u jeclaa iyo dhibaatada qaxootinnimada Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri: "" أو مخرجي هم؟ "Awa mukhrijiyya hum?", oo macneheedu yahay: "oo miyay waddanka iga saarayaan?" (oo waxaa Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, la waynaatay inay dadkiisu wadankiisa, oo ah Xaramka Ilaahay\ حرم هللاee Makkah Al Mukarramah\ مكة المكرمةiyo beledka aabihiis Ismaaciil\ إسماعيلka saarayaan sabab la'aan. Al Suhaylii\ السهيليwuxuu yiri: "Ka tegidda waddanka nafta way ku adagtahay, taasoo ku muuqaneysa naxdinta iyo cabsida taas laga cabsado, oo kama uusan nixin, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, markuu Waraqah \ ورقةu sheegay inay dhibi doonaoo, ayna beenin doonaan, sida Xadiithka mursalka ah ee Cubayd bin Cumayraan\ عبيد بن عميرانwariyay inuu Waraqah\ ورقةku yid: "Waa lagu beeninayaa, waana lagu dhibaateynayaa, waana lagula dagaallamayaa"). Markaasuu Waraqah\ ورقةwuxuu ku yiri: "Haa, oo waa lagu saarayaa. Horena ninna lama uusan imaan waxaad la timid oo kale ee waa illaa midka la colaadiyey. Haddaan gaarana maalintay Diintaadu faafeyso waxaan kuu hiillinayaa oo kuugu gargaarayaa hiillo iyo gargaar wayn oo xoog leh." Waraqah\ ورقةkulankaas kaddib wax badanba ma noolayn ee wuu dhintay. Dhanbalidda laabtiisa shariifka ah, Sallaa Allaahu Calayhi Wasalam Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxaa laabtiisa la dillaaciyey oo lasii daahiriyay afar jeer, oo kala ah: (Kow) intuu caruurta ahaa oo uu ku sugnaa aqalka Xaliima Al Sacdiyah\حليمة السعدية. (Labo) Markuu toban jirsaday, ama meelahaas. (Saddex) Markuu afartan jirsaday oo Waxyiga loo keenayey. (Afar) Habeenka la dheelmiyay. Marka saddexaad ee laabtiisa shariifka ah la dillaaciyay, qalbigiisana, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, lasoo bixiyay, waa markuu afartan jirasaday, oo uu Jibriil\جبريل, Calayhissalaamu, ugu yimid Ghaaru Xiraa'\غار حراء, uuna Waxyiga u keenay. Jibriil\ جبريلiyo Mikaa'iil\ ميكائيلayaa laabtiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, dhanbalay, kaddibna uu Jibriil\ جبريلku yiri: "Iqra''', ilaa shanta Aayadood oo ugu horreeya Suuratu Al Calaq\سورة العلق. 196 Marka saddexaad ee dhanbalidda laabtiisa Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam Marka saddexaad ee laabtiisa shariifka ah la dillaaciyay, qalbigiisana, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, lasoo bixiyay, waa markuu afartan jirsaday, oo uu Jibriil\جبريل, Calayhissalaamu, ugu yimid Ghaaru Xiraa'\غار حراء, uuna Waxyiga u keenay. Jibriil\ جبريلiyo Miikaa'iil\ ميكائيلayaa laabtiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,, dhanbalay, kaddibna uu Jibriil\ جبريلku yiri: "iqra\ '"'إقرأilaa shanta Aayadood oo ugu horreeya Suuratu Al Calaq\سورة العلق. Xadiithkaan waxaa wariyay Abuu Nucaym\أبونعيم, iyo Axmad bin Cabdu Allaahi Al Asbahaanii \أحمد بن عبدهللا األسبهاني, kuna wariyay kitaabkiisa Dalaa'ilu Al Nubuwwati \دالئل النبوة. Waxaa kaloo wariyay Al Bayhaqii\البيهقي, oo, isaguna kitaabkfisa Dalaa'ilu Al Nubuwwati\ دالئل النبوةku wariyay, oo labadooda kitaab waa isku. magac, laakiin midka Abuu Nucaym \ أبونعيمwaa hal mujallad, kan Al Bayhaqiina\ البيهقيwaa toddoba Mujallad. Labadooduba waxay Xadiithka ka wariyeen Ummu Al Mu'miniin Caa'ishah\أم المؤمنين عائشة, Allaha raalli ka noqdee, oo tiri: "Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu nathray inuu bil ictikaafo, isaga iyo khadiijah\خديجة, waxayna ku ictikaafeen hogga Ghaaru Xiraa'\غار حراء. Markaasey bishaasu waxay waafaqday bisha Ramadaan\رمضان. Markaasuu habeen habeennada ka mid ah baxay. Markaasuu (Jibriil\ )جبريلwuxuu yiri: " "ما شأنك؟: فقالت، فجئت مسرعا حتى دخلت على خديجة. "فظننت أنه فجأة الجن:"السالم عليك!" قال جناح في، فإذا أنا بجبريل على الشمس." ثم خرجت مرة أخرى. فإن السالم خير، "أبشر: فقالت.فأخبرتها . فكلمني حتى أنست منه. فإذا هو بيني وبين الباب. فجئت مسرعا، فهلت منه. وجناح له بالمغرب،المشرق فهبط جبريل. فإذا أنا به وبميكائيل قد سد األفق، فأردت أن أرجع. فأبطأ علي، فجئت له.ثم وعدني مواعدا ثم شق عن قلبي فاستخرجه ثم. فألقاني لحالوة القفا، فأخذني جبريل.وبقي ميكائيل بين السماء واألرض ثم كفأني. ثم ألمه. ثم أعاده مكانه. ثم غسله في طست من ماء زمزم.استخرج منه ما شاء هللا أن يستخرج ". ثم ختم في ظهري حتى وجدت مس الخاتم في قلبي.كما يكفأ اإلناء "Al Ssalaamu Calayka". Qaala: "Fa thanantu annahaa faj'atu al jinni. Fa j'itu musrican xattaa dakhaltu calaa Khadiijah, fa qaalat: "Maa sha’nuka?" Fa akhbartuhaa. Fa qaalat: "Abshir, fa inna Al Ssalaamu khayrun". Thumma kharajtu marratan ukhraa. Fa ithaa anaa bi Jibriila calaa al shamsi, janaaxun fii al mashriqi, wa janaaxun lahu bi al maghribi. Fa haltu minhu, fa j'itu musrican. Fa ithaa huwa baynii wa bayna al baabi. Fa kallamanii xattaa anastu minhu. Thumma wacadanii muwaacidan. Fa j'itu lahu, fa abdha'a calayya. Fa aradtu an arjica, fa ithaa anaa bihi wa bi Miikaa'iila qad sadda al ufuqa. Fa habadha Jibriilu wa baqiya Miikaa'iilu bayna Al Ssamaa'i wa al ardi. Fa akhathanii Jibriilu, fa alqaanii li xalaawati al qafaa. Thumma shaqqa can qalbii fa astakhrajahu thumma istakhraja minhu maa shaa'a Allaahu an yastakhrija. Thumma ghasalahu fii dhistin min maa'i zamzam. Thumma acaadahu makaanahu. Thumma la'amahu. Thumma kafa'anii kama yukfa'u al inaa'u. Thumma khatama fii thahrii xattaa wajadtu massa al khaatima fii qalbii. " Xadiithka, oo ay wariyeen Abuu Nucaym\ إبو نعيمiyo Al Bayhaqii\ البيهقيiyo Al Dhayaalisi\ الطيالسيiyo Al Xaarithu bin Muxamad al Tamiimii\الحارث بن محمد التميمي, al Baghdaadii, macnihiisu waxaa weeye: 197 " Jibriil wuxuu yiri: "Al Ssalaamu Calayka\"السالم عليك. Wuxuu yiri: "Waxaanna u maleeyey inay tahay kadinta jinniga. Markaasaan soo gaddoomay si dhakhso leh, oo aan Khadiijah\ خديجةusoo galay. Markaasay waxay tiri: "Maxaa kugu dhacay?" Markaasaan u warramay. Markaasay waxay tiri: "Bishaareyso, oo Al Salaamu\ السالمwaa khayr e". Markaasaan mar kale baxay, mase waa Jibriil\ جبريلoo qorraxda korkeeda ah, baalkiisuna uu qorrax kasoo bax jiro, baal kaloo uu leeyahayna uu qorrax u dhac yaallo (oo Jibriil\ جبريلwuxuu leeyahay lix boqol oo baal, sida Axaadithka saxiixa ah kusoo aroortay). Markaasaan baqay oo aan ka gaddoomay, oo aan anigoo degdegaya imid, markaasuu aniga iyo albaabka na kala dhex galay. Markaasuu ila hadlay, oo uu ila hadlayey ilaa aan (intay qaladu iga tagtay) aan weheshaday. Kaddib ballan ayuu ii dhigay. Markaasaan ballanka ku imid, uu isaguna iga soo daahay. Markaasaan damcay inaan iska noqdo, mase waaba isagoo ila jooga, isaga iyo iyo Miikaa'iil \ميكائيل, uuna ufuqa\( األفقwaana intay ishu gaarto, waana barta aad markaad fiirada fogeyso aad moodid inay cirka iyo dhulku isku dheggan yihiin: taas ayaa ufuq \ أفقla yiraahdaa) daboolay. Markaasuu Jibriil جبريلsoo degay, Miikaa'iilna ميكائيلuu Samada iyo dhulka dhexdooda ku haray. Markaasuu Jibriil جبريلi qabtay oo uu xagga jeegada ii jiifiyey. Kaddibna wuxuu dhanbalay qalbigayga, uuna lasoo baxay, kaddibna uu dhexdiisa kasoo bixiyay wuxuu Ilaahay doono inuu kasoo bixiyo. Kaddibna wuxuu ku dhaqay baaquli biyaha zamzam ah. Kaddibna meeshiisa ayuu dib ugu celiyay. Kaddibna wuu xiray, oo uu laabteyda isku soo celiyay. Markaasuu i rogay oo uu i dhambacaadiyay (oo caloosha dhulka ugu seexiyay, dhabarkana kor soo xiiiyay), sida weelasha loo rogo oo kale. Markaasuu khaatimka \الخاتم dhabarkeyga. dhexdiisa yeelay, oo aan dareenka khaatimka aan qalbigayga ka dareemayaa." Xikmada dhanbalidda markaan iyo soo bixinta qalbigiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku jirtana waa sidatan: siduu Al Xaafith ibnu Xajar Al Casqalaanii \ الحافظ إبن حجر العسقالنيFatxu Al Baarii\ فتح الباريugu yiri: "Waa kordhin karaamada loo kordhiyay, si uu Waxyiga\ الوحيu qaato qalbi xoog leh, oo xaaladda ugu kaamilsan ee daahirnimada ku sugan." Joogsiga Waxyiga Caa'ishah\ عائشةwaxay tiri: "Markaasuu Waxyigu ka joogsaday Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo uusan Jibriil جبريل, kaddib markuu Nabinnimada xagga Ilaahay uga keenay, uusan dib ugu soo noqon in muddo ah. Markaasuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, aad uga tiiraanyooday imaansho la'aanta Jibriilجبريل, sida nasoo gaartay, ilaa heer u damcay inuu inta tafo buuraha ugu dheer fiiddooda iska soo tuuro oo uu kasoo dhaco (markaas ma uusan j irin sharci xagga Ilaahay ka yimid oo taas diidaya). 198 Markaasuu mar kasta oo uu fiidda buur istaago si uu isaga soo tuuro, isagoo ka baqaya inuu Waxyigu uga joogsaday sabab isaga ka timid, oo ka baqay inay joogsigaasi markaas ciqaab xagga Rabbigiis uga timid tahay, ayuu Jibriil hortiisa isku muujiyaa oo uu Nabiguna, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, arkaa. Markaasuu wuxuu ku yiraahdaa: "Muxammadow, run ahaan adigu waxaad tahay Rasuulka Ilaahay." Markaasuu taas qalbigiisu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku xasilaa, oo garaaciddii badnayd ka degaa, ay naftiisuna degtaa, oo uu markaas gurigiisa dib ugu laabtaa. Hadday mudada Waxyigu ka maqan yahay dheeraato, sidaas oo kale ayuu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, buuraha u aadaa. Markaasuu markuu buurta fiiddeeda istaago ayuu Jibriil is tusaa, oo uu sidii oo kale ku yiraahdaa." (Al Bukhaarii\ )البخاريIbnu Cabbaas\ إبن عباسwuxuu yiri: "Falaqu al subxi\ فلق الصبحwaa iftiinka qorraxda maalinta dhexdeeda ah iyo iftiinka dayaxa ee habeenka dhexdiisa ah." Salaamidda dhagaxda iyo geedaha Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: "Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, markuu Ilaahay doonay inuu karaameweyo, Nabinnimadana uu u bilaabo, waxay ahayd in markuu xaajadiisa u baxo (oo uu musqul aadayo) wuu fogaan jiray, ilaa uu guryaha (Makkah \ )مكةka libro, uuna buuraha Makkah مكةdhexdooda galo, iyo uurka dooxooyinkeeda. Markaasuusan Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, mari jirin dhagax ama geed ee waa kan illaa ku yiraahda " السالم عليك يا رسول هللاAl Ssalaamu calayka yaa Rasuula Allaahi!" Wuxuu yiri: "Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, hareerihiisa fiiriyaa iyo midigtiisa iyo bidixdiisa iyo gadaashiisa. Markaasuusan arag waxaan geed iyo dhagax ahayn. Xaaladdaas ayuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam ku sugnaa, isagoo arkaya oo maqlaya intuu Ilaahay doono inuu sidaas ahaado. Kaddibna waxaa u yimid Jibriil\جبريل, una keenay wuxuu uga keenay Karaamada Ilaahay, isagoo Xiraa'a\ حراءku jira bisha Ramadaan dhexdeeda." Waxaa kaloo Xadiithka wariyay Al Dhabarii\ الطبريoo ku wariyay kitaabkiisa taariikhda, mujalladka koowaad bogga shan boqol iyo sagaal iyo labaatan, kana wariyay Barrah bintu abii Najraal\برة بنت إبي نجرال. Al Suhaylii\ السهيليwuxuu yiri: "Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu xusay in waxay Nabinnimadu ku bilaabatay ay ka mid ahayd inuusan mari jirin dhagax iyo geed toona ee waa kan illaa yiraahda "Al Ssalaamu calayka yaa Rasuula Allaahi "! السالم عليك يا رسول هللاKutubbada Al Tarmathii\ الترمذيiyo Muslim-ba\مسلم waxaa ku xusan inuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: 199 "."إني ألعرف حجرا بمكة كان يسلم علي قبل أن ينزل علي "innii la acrifu xajaran bi Makkata kaana yusallimu calayya qabla an yunazzila calayya". Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Anigu waxaan aqaannaa dhagax Makkah\ مكةdhexdeeda ah oo i salaami jiray ka hor intaan (Waxyiga\ )الوحيla igu soo dejin." Waxaa wariyay Saxiix Muslim\صحيح مسلم, waana Xadiithka laba kun iyo labo boqol iyo toddoba iyo toddobaatan ee ah Xadiithka labaad ee Kitaabu Al Fadaa'ili \كتاب الفضائل, iyo Axmad\ أحمد: mujalladka shanaad, bogga sagaal iyo sideetanaad, iyo Al Dhabraanii\الطبراني: mujalladka koowaad, bogga laba iyo tobnaad. Kutubbada qaarkoodna waxaa intaas ku ziyaado ah inuu dhagaxaas salaami jiray, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, uu yahay Al Xajaru Al Aswaduالحجر األسود, Dhagaxa Madow ee Kacbada ku jira." Intaasuu ku egyahay warka Al Suhaylii\السهيلي. Saalim Muxammad Jamaal\سالم محمد جمال, oo ahaan jiray Madaxa mudhawwafiinta Dawladaha Carabta ee Makkah\ مكةwuxuu kitaabkiisa Daliilu Al Xaajji wa Al Cumrati \دالئل الحج والعمرة boggiisa boqol iyo saddex iyo tobnaad ku xusay inay daarta Ummu Al Mu'miniina Khadiijah أم المؤمنين خديجة, ayna caruurtay Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u dhashay ay dhexdiisa ku dhasheen, hadana inta la dumiyey dhulkiisu uu Masjidu Al Xaraamu ka mid yahay, la oran jiray dariiqy uu ku oolli jiray زقاق الحجرZiqaaqu Al Xajari, ahan wadada dhagaxa, looguna bixiyey inuu halkaas oolli jiray dhagax ka mid ahaa dhagaxda Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, salaami jirtay. Ictikaafkiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ee Xiraa'a \حراء Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: "Waxaa ii warramay Wahb bin Kaysaan\وهب بن كيسان, mawlaha qoyska Al Zubayr\مولى آل الزبير, wuxuuna yiri: "Waxaan maqlay Cabdu Allaahi ibnu Al Zubayr\ عبد هللا إبن الزبيرoo u warramaya Cubayd bin Cumayr bin Qataadah Al Laythii عبيد بن عمير بن قتادة الليثيoo leh: "Cubaydow عبيدnoo warran. Sideebey ahayd waxay ku bilaabatay Nabinnimada Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, markuu u yimid Jibriil\جبريل, Calayhissalaamu?" Wuxuu yiri: "Markaasuu Cubayd عبيدwuxuu yiri, aniguna aan goob joog ahay, isaguna uu Cabdu Allaahi bin Al Zubayr عبد هللا إبن الزبيرu warramayo iyo dadka la jooga: "Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu ahaa kan sanad walba bil ku ictikaafi jiray oo ku nagaadi jiray Xiraa' a\حراء, taasoo ka mid ahayd التحتثAl Taxannuth-ka Quraysh\( قريشoo ah ka fogaanshaha dambiga)". Ibnu Hishaam\ إبن هشامwuxuu yiri: "Carabtu waxay tiraahdaa Al Taxannuthu\ التحنثiyo Al Taxannufu\التحنف, ujeedadooduna waxaa 200 weeye Al Xaniifiyyah\الحنفية, markaasey tha'da( ثsaddexda dhibcood kor ku leh) fa'( فdhibic kor ku leh) ku beddelaan". Ibnu Hishaam\ إبن هشامwuxuu yiri: "Waxaa ii warramay Abuu Cubaydah\ أبو عبيدةoo ii sheegay inay Carabtu tiraahdo fumma\فم meeshey ka oran lahayd thumma\ثم, ayagoo tha'da\ ثfa\ فku beddela". Al Suhaylii\ السهيليwuxuu yiri: "Al Taxannuthu\ التحنثwuxuu ka yimid الحنثal xinthu oo ah waxa la qaado oo culus. Marka al taxannuthu waa التبررal tabarruru, macneheeduna uu yahay ka bixidda iyo iska rididda dambiga." Al Suhaylii\ السهيليwuxuu yiri: "Hadalkiisa ah (waana hadalka Cubayd\ عبيدee Xadiithka ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقee kore) يجاور في حراءyujaawiru fii Xiraa'a ... al jiwaaru\ الجوارwaxay la macne tahay al mujaawaratu\المجاورة, waana ictikaafka\( اإلعتكافoo ah ku nagaadidda), oo farqi uma dhexeeyo al jawaari\ الجوارiyo al ictikaafu اإلعتكافhal waji oo keli ah mooyee, ahna inuusan ictikaafku ku ahaaneyn masjid gudihiisa mooyee, jawaarkuna uu masjidka dibaddiisa ku ahaanayo. Sidaas waxaa yiri ibnu Cabdu Al Barru\إبن عبد البر, oo taas daraadeed ayuusan jiwaarkiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ee Xiraa'\ حراءictikaaf ugu magacaabin, ayadoo uusan Xiraa'\حراء masjid ahayn, uuse buuraha Xaramka ka mid yahay." Waa intaas warka Al Suhaylii السهيلي. Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: "Wahb bin Kaysaan\ وهب بن كيسانayaa ii warramay, wuxuuna yiri: "Cubayd\( عبيدbin Cumayr بن \ )عميرwuxuu yiri: "Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu ahaa midka bil sanad walba (Ghaaru Xiraa'\ )غار حراءku ictikaafa. Markaasuu inta masaakiinta uga timaadda cunno siiyaa. Markaasuu markuu ictikaafka bishaas dhammaysto, soo gaddoomaa. Markuu ictikaafkaas kasoo gaddoomo, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxa ugu horeeya oo uu ka bilaabi jiray waxay ahayd inuu tegi jiray Kacbada, ka hor intuusan gurigiisa gelin. Markaasuu toddoba goor ku dhawaafi jiray, ama intuu Ilaahay ka doono inuu ku dhawaafo. Markaas kaddib ayuu , Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam , gurigiisa u laabtaa. Markaasey markay ahayd bishuu Ilaahay Tacaalaa\ هللا تعالىdoonay inuu dhexdeeda ku karaameeyo, oo ka mid ahayd sanadkuu Ilaahay Tacaalaa soo diray dhexdeeda, bishaasna waxay ahayd bisha Ramadaan\رمضان, ayuu Xiraa'\ حراءaaday oo uu ku ictikaafay. Kasoo degidda buurta Markuu Jibriil\ جبريلNabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, isagoo hogga Xiraa'\ غار حراءee Jabalu Al Nuur\ جبل النورku jira Quraanka iyo Nabinnimada iyo Rasuulnimada u keenay, kulankaas kaddib, Nabigu, Sallaa Allaahu CaIayhi Wasallam, wuu kasoo baxay godkaas, wuxuuna kasoo degay buurta. Intuu buurta kasoo deganayey, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ayuu Jibriil mar kale arkay. Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu wariyay inuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: "يا محمد أنت رسول هللا وأنا:قال فخرجت حتى اذا كنت في وسط من الجبل سمعت صوتا من السماء يقول 201 "فرفعت رأسي إلى السماء فأنظر فاذا جبريل في صورة رجل صاف قدميه في أفق السماء: قال،"جبريل فوقفت أنظر إليه فما أتقدم وما أتأخر وجعلت أصرف وجهي." "يا محمد أنت رسول هللا وأنا جبريل:يقول عنه في آفاق السماء فما أنظر في ناحية منها إال رأيته كذلك فما زلت واقفا ما أتقدم وما أرجع ورائي حتى بعثت خديجة رسلها في طلبي فبلغوا مكة ورجعوا إليها وأنا واقف في مكاني ذلك ثم انصرف عني "يا أبا القاسم أين كنت:وانصرفت راجعا إلى أهلي حتى أتيت خديجة فجلست إلى فخذها مضيفا اليها فقالت ثم حدثتها بالذي رأيت فقالت أبشر يا ابن،"فوهللا لقد بعثت رسلي في طلبك حتى بلغوا مكة ورجعوا إلي .العم واثبت فوالذي نفس خديجة بيده إني ألرجو أن تكون نبي هذه األمة ، وكان ورقة قد تنصر، وهو إبن عمها، ثم إنطلقت إلى ورقة بن نوفل بن أسد بن عبد العزى، ثم قامت فجمعت عليها ثيابها ". وسمع من أهل التورات واإلنجيل،وقرأ الكتب "Fa kharajtu xattaa ithaa kuntu fii wasdhin mina al jabali samictu sawtan mina al Ssamaa'i yaquulu: "Yaa Muxammadu! Anta Rasuulu Allaahi, wa anaa Jibriilu". Qaala: "Fa rafactu ra'sii ilaa Al Ssamaa'i anthuru. Fa ithaa Jibriilu fii suurati rajulin saaffin qadamayhi fii ufuqi Al Ssamaa'i yaquulu: "Yaa Muxammadu! Anta Rasuulu Allaahi, wa anaa Jibriilu". Qaala: "Fa waqaftu anthuru ilayhi, famaa ataqaddamu wa maa ata'akhkharu, wa jacaltu asrifu wajhii canhu fii aafaaqi Al Ssamaa'i. Falaa anthuru fii naaxiyatin minhaa illaa ra'aytuhu kathaalika. Fa ziltu waaqifan maa ataqaddamu amaamii wamaa arjicu waraa'ii, xattaa bacathat Khadiijatu rusulahaa fii dhalabii. Fa balaghuu aclaa Makkah, wa rajacuu ilayhaa, wa anaa waaqifun fii makaanii thaalika. Thumma insarafa cannii, wa insaraftu raajican ilaa ahlii, xattaa ataytu Khadiijata. Fa jalastu ilaa fakhthihaa mudiifan ilayhaa. Fa qaalat: "Yaa abaa Al Qaasim! Ayna kunta? Fa waAllaahi laqad bacathtu rusulii fii dhalabika, xattaa balaghuu Makkah wa rajacuu lii". Thumma xaddathtuhaa billathii ra'aytu. Fa qaalat: "Abshir yaa ibna cammi wa athbut! Fa wa Allathii nafsu Khadiijata bi yadihi, innii la arjuu an takuuna Nabiyya haathihi al ummati". Thumma qaamat fa jamacat calayhaa thiyaabahaa, thumma indhalaqat ilaa Warqah bin Nawfal bin Asad bin Cabdu Al Cuzzaa bin Qusayy, wa huwa ibnu cammihaa, wa kaana Waraqah qad tanassara, wa qara'a Al Kutuba, wa samica min ahli Al Tawraati wa Al Injiili." Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Markaasaan soo baxay oo aan hoos usoo daadegey. Markaan marayo buurta bartameheeda, ayaan cod Samada ka yeeraya maqlay, oo leh: "Muxammadow ! يا محمدAdigu waxaad tahay Rasuulka Ilaahay, aniguna waxaan ahay Jibriil\جبريل." Wuxuu yiri: "Markaasaan madaxeyga Samada kor ugu qaaday anigoo dhuganaya, mase waaba Jibriil \ جبريلoo suuradda nin leh, oo ay labadiisa cagood ku safan yihiin Samada dhexdeeda oo leh: "Muxammadow ! يا محمدAdigu waxaad tahay Rasuulka Ilaahay, aniguna waxaan ahay Jibriil\جبريل." Wuxuu yiri: "Markaasaan istaagay, anigoo fiirinaya, anigoo aan horayna u soconayn, dibna u dhaqaaqayn. Markaasaanan dhinacna u jeesan oo aafaaqda ka mid ah ee waa illaa anigoo arka isagoo sidaas ah. Markaasaan sidaydaas u taagnaa, anigoo aan xagga hortaydana u soconayn, xagga gadaashaydana u noqonayn. Sidaas ayaan ahaa, ilaa ay Khadiijah\ خديجةrususheeda (oo ah dad isaga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam raadinaya) usoo dirto baadi goobkayga. Markaasey Makkah\ مكةdusheeda gaareen, kaddibna (markay soo waayeen Sallaa Allaahu Calayhi 202 Wasallam) ayada dib ugu laabteen. Intaasoo idilna anigu meesheydii ayada ahayd ayaan taaganahay. Kaddib (Jibriil\ )جبريلwuu iga gaddoomay. Markaasaan aniguna soo gaddoomay, anigoo ehelkeyga (xaaskeyga) usoo laabtay. Markaasaan Khadiijah خديجةu imid, oo aan bawdadeeda agteeda fariistay kuna dhowaaday. Markaasey waxay tiri: "Al Qaasimu aabihiisow\ !يا أبا القاسمXaggee baad jirtay? Oo wa Allaahi\ وهللاrususheyda aan raadintaada u diray, oo Makkah\ مكةayay kaa raadiyeen, kaddibna ay ii soo noqdeen ayagoo kusoo waayey!" Kaddib waxaan uga warramay waxaan arkay." Markaasey waxay tiri: "Bishaaro ina adeerkeeyow! Oo sugnow! waxaan ku dhaartay Midkay Khadiijah خديجةnafteedu ay Gacantiisa ku jirto, waxaan anigu rajeynayaa inaad adigu Nabiga ummaddaan tahay." Markaasey intay istaagtay oo ay dharkeeda si adag u xiratay, ayay waxay aaday Waraqah bin Nawfal bin Asad bin Cabdu Al Cuzzaa ورقة بن نوفل بن أسد بن عبد العزى, oo ina adeerkeed ah. Waraqah ورقةwuxuu hore u galay diinta krishtaanka, kutubbadana wuu akhristay, wuxuuna cilmiga ka qaatay ehelu Tawraadda\ التوراتiyo ehelu Injiilka\اإلنجيل. Markaasey u sheegtay wuxuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu CaIayhi Wasallam, ayada u sheegay inuu arkay oo uu maqlay. Markaasuu Waraqah bin Nawfal ورقة بن نوفلwuxuu yiri: "Qudduusun\قدوس, Qudduusun\قدوس, waxaan ku dhaartay Midkay Waraqah ورقةnaftiisu Gacantiisa ku jirto, ee haddaay Khadiijey خديجةwaxaad ii sheegtay ay run yihiin, waxaa u yimid Al Naamuusu Al Akbaru\الناموس األكبر, midka u imaan jiray Muuse\موسى, isaguna waa Nabiga ummaddaan. Marka, waxaad ku tiraahdaa: "Sugnow". Markaasey Khadiijah خديجةRasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, usoo noqotay, una sheegtay warkuu Waraqah bin Nawfal ورقة بن نوفلyiri. (Kaddib RasuuIka Ilaahay, Sallaa Allaahu CaIayhi Wasallam, wuxuu ku noqday hogga Xiraa'\حراء, si uu usoo kaamisho bishuu halkaas ku ictikaafi jiray). Markaasuu markuu RasuuIka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ictikafkiisii (bisha ku sinnaa) dhammaystay, uuna soo gaddoomay, ayuu wuxuu yeelay siduu yeeli jiray oo kale, oo uu Kacbada ka bilaabay, oo uu ku dhawaafay. Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa aalihi Wa Sallam iyo Waraqah bin Nawfal ورقة بن نوفل Markaasuu isagoo, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, dhawaafaya ayuu wuxuu la kulmay Waraqah bin Nawfal\ورقة بن نوفل, oo isaguna Kacbada ku dhawaafaya. Markaasuu Waraqah ورقة wuxuu ku yiri: "Wiilka walaalkeeyow, ii sheeg waxaad aragtay iyo waxaad maqashay." Markaasuu Rasuulka Ilaahay, sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u sheegay. Markaasuu Waraqah ورقةwuxuu ku yiri: 203 "Waxaan ku dhaartay Midkay Waraqah ورقةnaftiisu Gacantiisa ku jirto, adigu waxaad tahay Nabiga ummaddaan, waxaana kuu yimid Al Naamuuso Al Akbaru\الناموس األكبر, isla kii Muuse \ موسىu yimid. Waana lagu beenin doonaa, waana lagu dhibaateyn doonaa, dalkaagana (Makkah\ )مكةwaa lagaa saari doonaa, waana lagula dagaallami doonaa. Haddaan aniguna maalintaas gaarana, waxaan Ilaahay u gargaarayaa gargaar uu ogyahay." Intaas kaddibna intuu madaxiisa u dhoweeyey ayuu wuxuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka dhunkaday wajiga. Kaddib Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, gurigiisa ayuu u gaddoomay." Waxaa kaloo Xadiithka wariyey Al Bukhaarii\البخاري, waana midka lixkun sagaal boqol labo iyo sideetan, iyo Muslim\ مسلمoo ah midka laba boqol labo konton ee Kitaabka iimaanka\كتاب اإليمان. Khaddijah\ خديجةiyo Jibriil\جبريل Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: "Waxaa la ii wariyay inay Khadiijah\ خديجة, Allaha raalli ka noqdee, Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku tiri: "إي ابن عم أتستطيع أن تخبرني بصاحبك هذا الذي:عن خديجة أنها قالت لرسول هللا صلى هللا عليه وسلم ،" فجاءه جبريل عليه السالم كما كان يصنع. "إذا جاءك فاخبرني به: "نعم"؛ فقالت:يأتيك إذا جاءك؟" فقال "قم يا بن عم فاجلس:"قالت. "يا خديجة هذا جبريل قد جاءني:فقال رسول هللا صلى هللا عليه وسلم لخديجة "نعم"؛: "هل تراه؟" قال: قالت، فقام رسول هللا صلى هللا عليه وسلم فجلس عليها:" قال.على فخذي اليسرى "فتحول فاجلس في:" قالت. "نعم: "هل تراه"? قال: "فتحول فاجلس على فخذي اليمنى"؛ فقالت:قالت ". "نعم: "هل تراه"? قال: فتحول رسول هللا صلى هللا عليه وسلم فجلس في حجرها فقالت:"قالت.حجري : "هل تراه؟" قال:فتحسرت رأسها وألقت خمارها ورسول هللا صلى هللا عليه وسلم جالس في حجرها فقالت ". فوهللا إنه لملك وما هذا بشيطان، " يا ابن عم اثبت وأبشر." قالت."ال ”Can Khadiijah annahaa qaalat li Rasuuli Allaahi Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam: ”Ay ibnu camm, a tastadhiicu an tukhbiranii bi saaxibika haathaa allathii ya’tiika ithaa jaa’aka?” Fa qaala: ”nacam.” Fa qaalat: ”ithaa jaa’aka fa akhbirnii bihi.” Fa jaa’ahu Jibnriilu calayhissalaamu kamaa kaana yasnacu fa qaala Rasuulu Allaahi Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam: ”yaa Khadiijah haathaa Jibriilu qad jaa’anii.” Qaalat: ”qum yaa bin camm, fa ajlis calaa fakh-thii al yusraa.” Qaala: fa qaama Rasuulu Allaahu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam fa jalasa calayhaa. Qaalat: ”hal taraahu?” Qaala: ”nacam.” Qaalat: ”fa taxawwal fa ajlis calaa fakh-thii al yumnaa.” Fa qaalat: ”hal taraahu?” Qaala: ”nacam”. Qaalat: ”Fa taxawwal fa ajlis calaa xijrii.” Qaalat: ”Fa taxawwala Rasuulu Allaahi Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam fa jalasa calaa xijrihaa, fa qaalat: ”hal taraahu?” Qaala: ”nacam.” Fa taxassarat ra’sahaa wa alqat khimaarahaa wa Rasuulu Allaahi Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam fii xijrihaa, fa qaalat: ”hal taraahu?” qaala: ”laa.” Qaalat: ”yaa ibna camm athbut wa abshir, fa wa Allaahi innahu la malakun wa maa haathaa bi shaydhaanin.” Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: 204 Waxaa Khadiijah خديجةlaga wariyay inay Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam ku tiri: "Ina adeerow, ma kartaa inaad ii sheegtid saaxiibkaagaan kuu yimaada markuu kuu yimaado?" Wuxuu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: "Nacam" نعم, oo "haa" ah. Waxay tiri: "Marka, goortuu kuu yimaado ii sheeg." Markaasuu Jibriil\جبريل, Calayhissalaamu, u yimid, siduu yeeli jiray si la mid ah. Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu Khadiijah خديجةku yiri: يا خديجة هذا جبريل قد جاءني "Khadiijoy, Jibriil waa kanaa oo ii yimid." Waxay tiri: "Ina adeerow istaag oo bawdadeyda bidix ku kor fariiso." Wuxuu yiri: "Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, istaagay oo uu bawdadeeda bidix ku kor fariistay. Waxay tiri: "Ma aragtaa (waa Jibriile"?)جبريل Wuxuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: "" نعمNacam", oo "Haa" ah. Waxay tiri: "Soo wareeg oo bawdadeyda midig ku kor fariiso." Waxay tiri: "Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, soo wareegay oo uu bawdadeeda midig ku kor fariistay. Markaasey waxay tiri: "Ma aragtaa?” Wuxuu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: "Nacam" نعم, oo "Haa" ah. Waxay tiri: "Kasoo wareego oo dhabtayda kusoo fariiso." Waxay tiri: "Markasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, kusoo wareegay oo uu dhabteeda soo dhex fariistay. Markaasey waxay tiri: "Ma aragtaa?" Wuxuu yiri: "Nacam" نعم, oo "Haa" ah. Markaasey iska fayday oo ay iska dhigtay khimaarkeeda, oo ah hagoogta madaxa iyo qaarka sare u saarneyd, ayadoo uu Rasuulka Ilaahayna, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, dhabteeda dhex fadhiyo, kaddibna waxay tiri: "Ma aragtaa (waa Jibriile\"?)جبريل Wuxuuy, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: "Laa" ال, oo "Maya" ah. Waxay tiri: "Ina adeerkeeyow, sugnow, bishaareysana, oo wa Allaahi\ وهللاisagu waa Malag, oo kani shaydhaan ma uusan aha." قال ابن اسحاق فحدثت عبد هللا بن حسن هذا الحديث فقال قد سمعت أمي فاطمة بنت الحسين تحدث بهذا الحديث 205 عن خديجة إال أني سمعتها تقول أدخلت رسول هللا صلى هللا عليه وسلم بينها وبين درعها فذهب عند ذلك جبريل عليه السالم “Ad-khalat Rasuula Allaahi Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam baynahaa wa bayna dircihaa fa thahaba cinda thaalika Jibriilu calayhissalaamu.” Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: Ibnu Isxaaq ابن اسحاقwuxuu yiri: "Waxaan u sheegay Xadiithkaan Cabdu Allaahi bin Xasan\عبد هللا بن الحسن, markaasuu wuxuu yiri: "Waxaan maqlay hooyaday Faadhimah bintu Xusayn\ فاطمة بنت الحسينoo Xadiithkaan Khadiijah\ خديجةka warineysa, waxaanse maqlay ayadoo leh: "Waxay Rasuulka Ilaahy, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, gelisay ayada lafteeda iyo cambuurkeeda dhexdooda. Markaasuu Jibriil\ جبريلmarkaas ka tegey. Markaasey waxay Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku tiri: "Kani waa Malag, mana uusan aha shaydhaan." Martabooyinka Waxyiga\مراتب الوحي Waxyi macnihiisu waxaa weeye ogeysiin ama wax u sheegid si sir ah ama ogaysiin dhakhso badan, oo khabarka Samada korkeeda ka yimaada ayaa Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, isla markiiba u imaan jiray. Xagga shareecadana, wuxuu Al Zarqaanii\ الزرقانيyiri inuu Waxyigu yahay: "Waa ku wargelinta shareecada", wuxuuna sidaas ka wariyey Al Shaamii\الشامي. Al Qasdhalaanii\ القسطالنيwuxuu yiri: "Ibnu Al Qayyim\ إبن القيمiyo ghayrkiisba waxay yiraahdeen inuu Ilaahay Tacaalaa\ هللا تعالىNabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, siiyey martabooyin tiro leh ee Waxyiga, ayna ka mid yihiin: (Kow). \ الرؤيا الصالحةAl Ru'yaa Al Saalixah, oo ah riyada runta ah, oo siday Caa'ishah\عائشة, Allaha raalli ka noqdee, u warisay, ma uusan arki jirin riyo ee waa illaa tan u cad sida dharaarta marka qorraxda iftiinkeedu buuxsamo. Al Suhaylii\ السهيليiyo ghayrkiisba waxay u daliilsadeen inay riyada Anbiyadu Waxyi tahay. Aayadda boqol iyo labaad ee Suuradda Al Saaffaat\سورة الصافاة, uuna Nabi Ibraahiim\إبراهيم wiilkiisa Ismaaciil\ إسماعيلku leeyahay: ال َيا أ ََب ِت ا ْف َع ْل َما رُ ْؤ َم ُر َ َال َيا ُب َن َّي إِِّني أ ََرى ِفي اْل َم َن ِام أَِّني أَ ْذ َب ُح َك فَ ْانظُ ْر َما َذا رََرى ق َ ََّع َي ق ْ َفلَ َّما َبلَ َغ َم َعهُ الس ِ َّ سرَ ِج ُدنِي إِن َش )112( ين َ اء اللهُ م َن الصَّابِ ِر َ ْ َ "Qaala yaa bunayya innii araa fii al manaami anni athbaxuka(102)". Aayadda macneheedu waxaa weeye: "Wiilkeygow, waxaan ku arkay hurdada anigoo ku gawracaya(102)." 206 Aayaddanina waxay daliil u tahay inuu Waxyigu Anbiyada ugu imaan jiray ayagoo hurda si la mid ah siduu ugu imaan jiray ayagoo soo jeeda. Al Bukhaariina\ البخاريwuxuu Cubayd bin Cumayrin\ عبيد بن عميرka wariyay inuu yiri: "Riyada Anbiyadu waa Waxyi, kaddibna wuxuu akhriyay ك َ " إِِّني أ ََرى ِفي اْل َم َن ِام أَِّني أَ ْذ َب ُحinnii araa fii al manaami anni athbaxuka", ahna "waxaan ku arkay hurdada anigoo ku gawracaya", oo ah Aayadda Al Saaffaat\ الصافاةoo mar dhow nasoo martay. Al Baghawii\ البغويwuxuu tafsiirkiisa uga wariyay Cabdu Al Raxmaan bin Caa'ish al Xadramii \ عبد الرحمن بن عائشة الخضرميinuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: "فيم يختصم المأل األعلى يا: فقال، "رأيت ربي عز وجل في أحسن صورة: قال النبي صلى هللا عليه وسلم ، "فوضع كفه بين كتفي فوجدت بردها بين ثديي: قال، مرتين، " "أنت أعلم أي رب: محمد ؟" قلت "وكذلك نري إبراهيم ملكوت السموات واألرض: ثم تال هذه اآلية: فعلمت ما في السماء واألرض" قال ، "في الكفارات: "فيم يختصم المأل األعلى يا محمد ؟" قلت: ) ثم قال75: وليكون من الموقنين"( األنعام وإبالغ، والجلوس في المساجد خلف الصلوات، المشي على األقدام إلى الجماعات: وما هن ؟ قلت: قال ويكن من خطيئته كيوم، "ومن يفعل ذلك يعش بخير ويمت بخير: قال، "الوضوء أماكنه في المكاره "قل اللهم: قال، " وأن يقوم بالليل والناس نيام، وبذل السالم، ومن الدرجات إطعام الطعام، ولدته أمه وإذا، وتتوب عل ّي، وترحمني، وأن تغفر لي، وحب المساكين، وترك المنكرات، إني أسألك الطيبات فوالذي نفس، "تعلموهن: فقال رسول هللا صلى هللا عليه وسلم، "أردت فتنة في قوم فتوفني غير مفتون "محمد بيده إنهن لحق . "Ra'aytu Rabbii fii axsani suuratin, fa qaala: "Fiima yakhtasimu al mala'u al aclaa yaa Muxammadu?" Qultu: "Anta aclamu ay Rabbi" marratayni." Qaala: Fa wadaca kaffahu bayna katafayya, fa wajadtu bardahaa bayna thadyayya, fa calimtu maa fii Al Ssamaa'i wa al arda." Qaala: thumma talaa haathihi al Aayah: "Wa kathaalika nuriya Ibraahiima malakuuta al Ssamaawaati wa al ardi wa li yakuuna mina al muuqiniina." "Thumma qaala: "Fiima yakhtasimu al mala'u al aclaa yaa Muxammad?" Qultu: "Fii al kaffaaraati". Qaala: "Wa maa hunna?" Qultu: "Al Mashyuu calaa al aqdaami ilaa al jamaacaati, wa al juluusu fii al masaajidi khalfa al ssalaawaati, wa iblaaghu al wuduu'i amaakinahu fii al makaarihi." Qaala: "Wa man yafcal thaalika yacish bi khayrin wa yamut bi khayrin wa yakun min khadhii'atihi ka yawmi waladathu ummuhu. Wa mina al ddarajaati idhcaamu al dh-dhacaami wa bathlu al ssalaami wa an yaquuma bi al layli wa al nnaasu niyaamu." Qaala: "Quli Allaahumma inni as'aluka al dhayyibaati wa tarka al munkaraati wa xubba al masaakiina, wa an taghfira lii wa tarxamnii wa tatuuba calayya. Wa ithaa aradta fitnatan fii qawmin fa tawaffanii ghayra maftuunin". Fa qaala Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam: "Tacallamuuhunna fa wa Allathii nafsii bi yadihi innahunna laxaquun." Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Waxaan arkay anigoo hurda Rabbigay oo leh suuradda ugu qurxoon, markaasuu wuxuu yiri: "Ma ogtahay waxay ku doodayaan Malaa'igta Samada kore, Muxammadow?" Waxaan iri: "Adiga u cilmi leh Rabbiyow". 207 Sidaas ayaan laba goor iri. Markaasuu gacantiisa iga saaray labada garab dhexdooda, oo aan markaas qabawgeeda ka dareemay labadeyda naas dhexdooda. Markaasaan waxaan cilmigeeda yeeshay waxa ku sugan Samaawaadka dhexdooda iyo arliga dhexdiisaba." Al Xadramii\ الحضرميwuxuu yiri: "Kaddibna wuxuu akhriyay Aayaddaan (oo ah Aayadda shan iyo toddobaatanaad ee Suuratu Al Ancaam)سورة األنعام: ِ ِ ض ولِي ُك ِ وت الس ِ ِ ِ )77( ين َ يم َملَ ُك َ ون م َن اْل ُموِقن َ َ َ ِ َّم َاوات َو ْال َْر َ َ َو َك َذل َك ُن ِري إ ْب َراه "Wa kathaalika nuriya Ibraahiima malakuuta Al Samaawaati wa al ardi wa liyakuuna mina al muuqiniina(75)." Aayadda macneheedu waxaa weeye: "Saasaan u tusinnay Ibraahiim\ إبراهيمxukunka Samooyinka iyo dhulka inuu ka mid noqdo kuwa yaqiiniya (xaqqa)(75)." Markaas kaddib ayuu wuxuu Rabbi yiri: "Ma ogtahay waxay ku doodayaan Malaa'igta Samada kore, Muxammadow?" Waxaan iri: "Kafaaragudka dambiyada tirtira." Wuxuu Rabii yiri: "Waana kuwee kuwaasi?" Waxaan iri: "Waa ayadoo loo lugeeyo si jamaacaadka looga qayb galo, iyo ku nagaadidda masjidyada dhexdooda kaddib marka salaadaha la tukado, iyo waysada oo la gaarsiiyo meeleheeda mararka la kahanayo." Wuxuu yiri: "Qofka sidaas falana wuxuu ku noolaadaa khayr, wuxuuna ku dhintaa khayr, dambiyadiisana wuxuu' uga baxaa oo uu ka ahaadaa si la mid ah maalintay hooyadiis dhashay oo kale. Darajooyinkana waxaa ka mid ah (oo lagu helaa oo kor loogu kacaa) cunnada la bixiyo oo la quudiyo dadka, iyo salaanta oo la fidiyo, oo dadka la salaamo oo Al Ssalaamu Calaykum السالم \ عليكمla yiraahdo in badan iyo dad badan, iyo inuu habeenka dhexdiisa hurdada ka kaco oo uu salaad tukado ayadoo uu dadku hurdo." Wuxuu Rabbi yiri: "Waxaad tiraahdaa (waana, siday riwaayado kale oo isla Xadiithkaani noo caddeeyeen ciribta Salaad walba oo la tukado): "Ilaahayow! Waxaan ku weydiisanayaa khayraadka samayntooda (inaad i waafajisid, iina sahashid) iyo inaan ka tago oo aan ka haro samaynta waxa xun oo la inkiro, iyo jeclaanta masaakiinta, iyo inaad ii dambi dhaaftid, iina naxariisatid, tawbadeydana aad aqbashid iyo inaad haddaad qawm inaad fitnayso oo aad tijaabisid dooneysid aad aniga idishid oo aad nafta iga qabatid anigoo aan la i fitnayn." Markaasuu wuxuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: "Barta, oo waxaan ku dhaartay Midkay nafteydu Gacantiisa ku jirto intaasu waa xaq run ah." Isla Xadiithkaan waxay Cabdu Al Razzaaq\عبد الرزاق, Axmad\أحمد, Al Tarmathii\الترمذي, Al 208 Dhabraanii\ الطبرانيka wariyeen ibnu Cabbaas\إبن عباس. Waxay ibnu Maajah\ إبن ماجةiyo Al Tarmathii\ الترمذيiyo Al Xaakim\ الحاكمayna saxiix ka dhigeen, ay Cumar\ عمرka wariyeen inuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: "! تغدوا خماسا وتروح بطانا:"لو توكلتم على هللا حق توكله لرزقكم كما يرزق الطير "Law tawakkaltum calaa Allaahi xaqqa tawakkulihi la razaqakum kamaa yarzuqu al dhdhayra: taghduu khimaasan wa taruuxu bidhaanan". Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Haddaad Ilaahay talo saaran lahaydeen siday xaq u tahay in loo talo saarto, wuxuu idiin rizqiyi lahaa si la mid ah siduu shimbiraha u rizqiyo: waxay aroortii gurigeeda ka baxdaa ayadoo gaajoon, waxayna usoo noqotaa galabtii ayadoo dheregsan." Imaam Axmad\ اإلمام أحمدwuxuu Xadiithkaan ka yiri inay tahay in rizqiga la raadsado, siday shimbiruhuba u raadsadaan, isla markaasna Ilaahay la talo saarto. (Labo). Martabada labaad ee Waxyigu waa ayadoo uu Malaggu Nabiga naftiisa iyo Qalbigiisa ku rido, isagoo uusan Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Malagga arkayn, uuse codkiisa maqlayo. Afka Carabigana waa: يلقي الملك في روعه وقلبهyulqii al Malaku fii ruucihi wa qablbihi. Martabadaan Waxyiga waa midduu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka yiri oo kale: فاتقوا هللا وأجملوا في،"إن الروح القدس نفث في روعي أن النفس ال تموت حتى تستكمل أجلها ورزقها فإن هللا تعالى ال ينال ما عنده إال، وال يحملن أحدكم إستبطاء الرزق أن يطلبها بمعصية هللا،الطلب ".بطاعته "Inna Ruuxa Al Qudusi nafatha fii ruucii anna nafsan lan tamuuta xattaa tastakmila ajalahaa wa rizqahaa, fa ittaquu Allaaha wa ajmiluu fii al dh-dhalabi, wa laa yaxmilanna axadukum istibdhaa'a al rizqi an yadhlubahu bi macsiyati Allaahi, fa inna Allaaha Tacaalaa la yunaalu maa cindahu illaa bi dhaacatihi." Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Ruuxu Al Qudusi\روح القدس, oo ah Malaku Jibriil\ملك جبريل, wuxuu nafteyda dhexdeeda iyo qalbigayga ku riday inayan nafna dhimanayn jeer ay cimrigeeda u qornaa dhammaystirato iyo rizqigeedaba. Marka, Ilaahay ka dhawrsada oo si xalaal ah rizqiga ku raadsada, oo si qurxoon oo uu Ilaahay raalli ka yahay ku doonta, oo xaraanta ka fogaada. Soo gaabinta uu rizqigu idinka soo gaabiyana yeeyan midkiinna ku xambaarin inuu ku raadiyo si caasinta Ilaahay ku dheehan tahay, maxaa yeelay waxa Ilaahay agtiisa ah laguma helo waxaan adeeciddiisa ahayn." Xadiithka waxaa kaloo wariyay ibnu abii Al Dunyaa\إبن أبي الدنيا, Al Xaakimna\ الحاكمsaxiix ayuu ka dhigay. Waxaa kaloo wariyay Al Bayhaqii \ البيهقيoo ku wariyay kitaabkiisa Sharxu Al Sunnah\شرح السنة. (Saddex). Nooca saddexaad ee Waxyigu wuxuu Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ugu 209 imaan jiray isagoo uu Jibriil\ جبريلnin isku soo ekeysiiyey. Markaasuu si toos ah oo fool ka fool ula hadli jiray, uu isaguna Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam waxaas uu u waxyooday weeleyn jiray. Jibriil جبريلwuxuu Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ugu imaan jiray isagoo leh ekaanshaha دحية بن خليفة الكلبيDixyah bin Khaliifah Al Kalbiyyi. Dixyah دحية, oo ah ninkuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, laba goor laba warqadood ugu kala dhiibay boqorka Rooma, wuxuu ahaa nin qurux badan, oo uu Al Suhaylii \ السهيليyiri: "Waxaa la wariyay in markuu Dixyah دحيةAl Madiinah Al Munawwarah المدينة المنورةsoo galo, waana isagoo safar ganacsi ka yimid, ay haweenka dhallinyarada ahi ay dhammaantood guryohooda kasoo bixi jireen si ay u arkaan qurux badnidiisa daraadeed." Waxaa Xadiithkaan wariyay Al Nasaa'ii\النسائي, kana wariyay ibnu Cumar\إبن عمر. (Afar). Nooca afraad ee Waxyigu wuxuu ahaa sidatan: wuxuu Waxyigu Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ugu imaan jiray sida " سلسلة الجرسSalsalati Al jarasi", oo ah "sida dhawaaqa jaraska oo ah koorta birta ah oo kale". Jaras\ جرسwaxaa la yiraahdaa koorta xoolaha luqunta loogu xiro oo bir ka samaysan ama macdan kaleba, oo marka la dhaqdhaqaajiyo birto dhexda ku jirta ay midda ku daboolan ku garaaceyso oo ay sidaas dhawaaq isku xigxiga oo taxan sameyneyso. Dawaaqaasna ah "al salsalatu" waxaa weeye, ayaa la yiri, ayuuna al Zarqaanii\ الزرقانيyiri "Waa codka Malagga oo Waxyiga sida. Waxaa kaloo lagu sheegay inuu yahay sharqanta baalasha Malagga. Ujeedada iyo xikmada codkaasna waxaa weeye inuu maqalkiisu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Waxyiga u firaaqoobo, oo uusan wax kale u jeesan." Waxyiga noocaan ah ayaa Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ugu adkaa, ilaa heer uu wajigiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, dhidid ka dureero ayadoo ay maalin qabaw badan tahay, iyo ilaa heer ay daabadda uu saaran yahay ay dhulka fariisato, siduu Al Bayhaqii \البيهقي Caa'ishah\ عائشةuga wariyay inay tiri: "."وإن كان ليوحي إليه وهو على ناقته فتضرب جرانها من ثقل ما يوحى إليه “Wa in kaana la yuxaa ilayhi wa huwa calaa naaqatihi fa tadribu jiraanahaa min thaqli maa yuuxaa ilayhi.” Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: Waxaa loo waxyoon jiray isagoo hashiisa saaran markaasey dhuunteeda dhulka ku dhufataa, waa kaddib markay culayska Waxyiga daradiis la fariisato." Mar ayuu Waxyigu sidaas oo kale ugu yimid, ayadoo ay bawdadiisu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, saarantahay bawdada Zayd bin Thaabit Al Ansaarii Al Najjaarii زيد بن ثابت األنصاري \النجاري, oo ka mid ahaa ragga Waxyiga u dhigi jiray. Markaasey ku culusaatay ilaa heer ay ka jebin gaartayba. Al Bukhaarii\ البخاريwuxuu Zayd\ زيدka wariyay inuu yiri: "Ilaahay ayaa Rasuulkiisa Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam (Waxyi) kusoo dejiyay, ayadoo ay bawdadiisu bawdadeyda kor saaran tahay. Markaasey culusaatay (waana bawdada Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam) ilaa heer aan ka baqay inay bawdadeyda jebiso." 210 Al Bukhaarii\ البخاريiyo Muslim\ مسلمiyo Maalik\ مالكwaxay Caa'ishah\ عائشةka wariyeen inay tiri: "كيف يأتيك الوحي؟" فقال رسول هللا صلى:"أن الحارث بن هشام سأل رسول هللا صلى هللا عليه وسلم ، وقد وعيت عنه ما قال، فيفصم عني، "أحيانا يأتيني مثل صلصلة الجرس وهو أشد علي: هللا عليه وسلم "ولقد رأيته ينزل عليه الوحي في:" قالت عائشة.وأحيانا يتمثل لي الملك رجال فيكلمني فأعي ما يقول ".اليوم الشديد البرد فيفصم عنه وإن جبينه ليتفصد عرقا “Anna Al Xaarith bin Hishaam sa’ala Rasuula Allaahi Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam: “kayfa ya’tiika Al Waxyu?” Fa qaala Rasuulu Allaahi Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam: “axyaanan ya’tiinii mith-la salsalati al jarasi wa huwa ashaddu calayya, fa yafsimu cannii wa qad wacaytu canhu maa qaala, wa axyaanan yatamath-thalu lii al malaku rajulan fa yukallimunii fa acyi maa yaquulu.” Qaalat Caa’ishah: “wa la qad ra’aytuhu yanzilu calayhi Al Waxyu fii al yawmi al shadiidi al bardi fa yafsimu canhu wa inna jabiinahu la yatafasadu caraqan.” Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Al Xaarithu bin Hishaam\ الحارث بن هشامayaa Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu weydiiyey: "Sideebuu Waxyigu kuugu yimaadaa?" Markaasuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam wuxuu yiri: وأحيانا يتمثل لي. فيفصم عني وقد وعيت عنه ما قال."أحيانا يأتيني مثل سلسلة الجرس وهو أشد علي ".الملك رجال فيكلمني فأعي ما يقول Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Mararka qaarkood wuxuu iigu yimaadaa si la mid ah codka jaraska, kaasaana iigu adayg badan. Markaasuu iga go'aa, anigoo weeleeyey wuxuu yiri. Marar kalena Malaguu wuxuu isaga soo kay dhigaa nin, markaasuu ila hadlaa. Markaasaan wuxuu yiraahdo weeleeyaa." Caa'ishah\ عائشةwaxay tiri: "Waxaan arkay isagoo uu Waxyigu kusoo degayo maalin qabaw badan, markaasuu ka go'aa ayadoo uu wajigiisa dhidid ka dureerayo." Al Dhabraanii\ الطبرانيwuxuu Zayd bin Thaabit\ زيد بن ثابتka wariyay inuu yiri: "Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ayaan waxyiga u dhigi jiray, Waxyiguna wuxuu ku qaban jiray xanuun la mid ah kan qandhada oo kale oo adag, wuxuuna dhidi jiray dhidid badan oo ay xabbadihiisu la mid yihiin xabbado luul ah oo yaryar. Kaddibna Waxyigaa ka go'a oo ka faydma. Aniguna waxaan dhigi jiray (Waxyiga, oo ah Quraanka) isagoo ii yeerinaya, kamana uusan jeesan (yeerinta) jeer ay lugteydu ku sigatay inay la jabto culayska Waxyiga, ilaa aan ka iraahdo: "Waligay dambe lugteydaan ku socon mayo ebedkey. Markay kusoo degatay Suuratu Al Maa'idah\ سورة المائدةcududda hashiisu waxay ku sigatay inay jabto, culayska Suuradda daraadeed." Waxaa kaloo wariyay Axmad\ أحمدiyo Al Bayhaqii\البيهقي. 211 (Shan). Nooca shanaad ee Waxyigu waxaa weeye ayadoo uu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u arko Malagga suuradda uu Ilaahay u abuuray, waana Malag Jibriil\ملك جبريل, isagoo leh lix boqol oo baal, oo baal walba uu Samada oo idil qarinayo ilaa Samadaba la arki waayo, lix boqol oo baal oo luul iyo yaaquut ka samaysan. Markaasuu Malaggu Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u waxyoodaa wuxuu Ilaahay doonay inuu u waxyoodo. Sifadaanna wuxuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Jibriil جبريلku arkay laba goor, sida ku sugnaatay Aayadaha sadex iyo toban iyo afar iyo toban ee Suuartu Al Nnajmi\سورة النجم: )12( ) ِع ْن َد ِس ْد َرِة اْل ُم ْنرَهَى13( ُخ َرى ْ َولَقَ ْد َآرَهُ َن ْزلَةً أ "Wa la qad ra'aahu nazlatan ukhraa(13)Cinda sidrati Al Muntahaa(l4)". Labada Aayadood macnohoodu waxaa weeye: "Dhabnimuu Nabigu u arkay Jibriil mar kale(13)Sidratu Al Muntahaa agteeda(l4)." Muslim\ مسلمwuxuu Caa'ishah\ عائشةka wariyey inay tiri: "."لم يره – يعني جبريل – على صورته التي خلق عليها إال مرتين “lam yarah – yacnii Jibriil – calaa suuratihi allatii khuliqa calayhaa illaa marratayni.” Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Ma uusan arag (waa Jibriile) suuradduu Ilaahay ku abuuray intaan laba goor ahayn." Axmad\ أحمدiyo ibnu abii Xaatim\ إبن أبي حاتمiyo Abuu Al Shaykh\ أبو الشيخwaxay ibnu Mascuud إبن مسعودka wariyeen inuu yiri: "Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ma uusan arag Jibriil\ جبريلoo leh suuradduu Ilaahay ku abuuray oo asalka u ahayd intaan ahayn laba goor. Labadaas goor middood Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ayaa Jibriil\ جبريلwaydiistay inuu is tusiyo, markaasuu is tusiyay oo uu ufuqa\( األفقoo ah intay ishu qabato ilaa meesha aad mooddo inay cirka iyo dhulku iska gelayaan) buuxiyay. Marka labaadna waxay ahayd habeenka Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam la dheelmiyay, wuxuna ku arkay Sidratu Al Muntahaa\سدرة المنتهى agteeda." Al Xaafith ibnu Xajar\ الحافز إبن حجرwuxuu Fatxu Al Baarii\ فنح الباريku yiri: "Xadiithkaan wuxuu caddeynayaa Xadiithka Muslim\ مسلمee Caa'ishah\ عائشةay warisay, oo sheegtay inuusan Nabigu, Sallaa , Allaahu Calayhi Wasallam, Jibriil\ جبريلsuuraddiisa asliga ah uusan ku arag laba goor mooyee." (Lix). Martabada lixaad ee Waxyigu waxaa weeye wuxuu Ilaahay u waxyooday isagoo uu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku sugan yahay Samaawaadka ka kor, sida shanta Salaadood oo waajibka ah, iyo jihaadka\الجهاد, iyo Hijrada\ الهجرةiyo Zakada\ الزكاةiyo soomidda Ramadaan\ صيام رمضانiyo waxa san oo la is faro, xumaantana la iska reebo, sida uu u caddeeyey Xadiithka dheer ee Abuu Saciid Al Khudriyyi \ إبو سعيد الخدريee habeenka Nabiga, Sallaa Allaahu 212 Calayhi Wasaallam, la dheelmiyey oo uu Al Bayhaqii\ البيهقيwariyay. Xadiithkaas waxaa ka mid ah inuu Ilaahay Tacaalaa\ هللا تعالىNabigiisa Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku yiri: اإلسالم والهجرة والجهاد والصالة والصدقة وصوم رمضان واألمر بألمعروف:"وأعطيتك ثمانية أسهم ".والنهي عن المنكر "Wa acdhaytuka thamaaniyata ashumin: Al Islaama wa al Hijrata wa al Jihaada wa al Ssalaata wa al Sadaqata wa sauma Ramadaana wa al amra bi al macruufi wa al nnahya cani al munkari." Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Waxaanna ku siiyey sideed sahmi, waa sade, oo kala ah (Kow) Islaamka, iyo (Labo) Hijrada iyo (Saddex) Jihaadka iyo (Afar) Saladadda iyo (Shan) Zakada iyo (Lix) Soomidda Ramadaan iyo (Toddoba) Waxa suuban oo la is faro suubintooda iyo (Sideed) Waxa xun oo la iska reebo sameyntooda." (Toddoba). Nooca toddobaad ee Waxyigu waa ayadoo uu Ilaahay Tacaalaa uu si toos ah Nabigiisa Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ula hadlay, dhexdhexaadinta Malag la'aanteed, siduu Muuse\ موسىula hadlay si la mid ah, oo uu markaas xijaab gadaashiis kala hadlay. (Sideed). Martabada sideedaad ee Waxyigu, ee ay ku kordhiyeen culummada qaarkood waa inuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Ilaahay Tacaalaa fool ka fool ula hadlay, ayadoo uusan xijaab ka xigin, siduu ibnu Al Qayyim\ إبن القيمu yiri. Al Qasdhalaanii\ القسطالنيwuxuu yiri: "Waxaad mooddaa muu ibnu Al Qayyim إبن القيمtaas ka qaatay Al Suhaylii\السهيلي." Martabadaan sideedaadna waxaa qaba culummada rumaysan inuu Nabi Muxammad, SalIaa Allaahu Calayhi Wasallam, habeenka la dheelmiyey uu Rabbigiis Tacaalaa indhihiisa ku arkay, taasoo ay culummadu isku khilaafasan yihiin. (Sagaal). Martabada sagaalaad ee Waxyigu waa cilmiga uu Ilaahay Tacaalaa ku riday qalbigiisa iyo carrabkiisa, markuu axkaamta ku ijtihaadayo, isagoo markuu ijtihaadoo kasta xaqqa haleelaya oo inuu gafo macsuum ka ah oo ka dhawrsan. Martabadaani waxay al nafthu fii al ruuci\النفث في الروع, oo ah martabada labaad ee nasoo martay, uga duwan tahay isagoo uu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, markaan ijtihaadayo, marka horena qalbigiisa xaqqa lagu ridayo ijtihaad la' aan. (Toban). Martabadaan Waxyigu waa ayadoo uu Jibriil\ جبريلugu imaan jiray suuradda nin aan Dixyah\ دحيةahayn, ayadoo ay asxaabtu Dixyah\ دحيةyiqiinneen. 213 (Kow iyo toban). Al Xaliimii\الحليمي, oo loo nisbeeyey awoowaha aabihiis, isaguna uu yahay al callaamah oo culuumta Xadiithka kusoo if baxay oo ku xeel dheer, qaalliga ah Abuu Cabu Allaahi Al Xusayn bin Al Xasan bin Muxammad bin Xaliim al Shaafici العالمة المحدث القاضي أبو عبد \هللا الحسين بن الحسن بن محمد بن حليم الشافعي, faqiiha cilmiga ku gacan dheeraaday iyo kutubbada uu sannifayba ee faa'iidada badan, dhintayna bisha Rabiicu Al Awwal\ ربيع األولee sandka afar boqol iyo saddex wuxuu xusay inuu Waxyigu Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ugu imaan jiray lix iyo afartan nooc, intooda badanna, siduu Al Xaafith ibnu Xajar \ الحافظ إبن حجرFatxu Al Baari\ فتح الباريugu sheegay, ay ku saabsan yihiin sifooyinka Malagga Waxyiga sida, dhammaantoodna ay soo hoos gelayaan inta hore oo aan hadda soo sheegnay. Inta goor oo uu Jibriil\ جبريلkusoo degay Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam Al Qasdhalaanii\ القسطالنيwuxuu yiri: "Wuxuu ibnu Caadil\ إبن العادلku xusay tafsiirkiisa inuu Jibriil\جبريل, Calayhissalaamu, Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, kusoo degay afar iyo labaatan kun oo jeer. Aadanna\ آدمwuxuu kusoo degay laba iyo toban goor, Idriisna\ إدريسafar goor, Nuuxna\نوح konton goor, Ibraahiimna\ إبراهيمlaba iyo afartan goor, Muusana\ موسىafar boqol oo goor, Ciisana\ عيسىtoban goor. Sidaas ayuu yiri Allaha u naxariistee!" Al Zarqaanii\ الزرقانيwuxuu intaas ku daray oo uu yiri: "Al Xaafith Al Daymii\ الحافظ الديميwuxuu ku kordhiyey, siduu uga soo guuriyey ardaygiisa Al Shamsu Al Tataa'ii fii Sharxi Al Risaalah\الشمس التتائي في شرح الرسالة: "Yacquubna\ يعقوبafar goor, Ayyuubna\ أيوبsaddex goor." Waxaana halkaas ka cad inayan tiro kale soo gaarin oo Anbiyada kale ku saabsan." Sidaas ayuu Kitaabkii noogu dhammaaday, wa al xamdu li Allaahi Rabbi al caalamiina wa Sallaa Allaahu calaa Sayyidinaa wa Mawlaanaa Muxammadin wa calaa Aalihi wa Saxbihi Wasaallam tasliiman kathiiran. 214 Taxanaha Siirada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam (laba iyo Toban) Nabi Muxammad Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam Nuurka Islaamk a نور اإلسالم Waxaa dhigay Dro Xasanweli Sheekh Xuseen Cismaan Waxaa daabacday Daaru Al Seerah P.O. Box 200984 - Boston, MA 02120 - U.S.A. 215 Tusmada Kitaabka Mawduuca bogga 1. Tusmada Kitaabka 217 2. Araarta dhigaha kitaabka 217 3. Ghaaru Xiraa' 211 4. Sababtuu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam hoggaan u doortay 219 5. Cabdu Al Mudh-dhalib ayaa ugu horreyey qof Xiraa’ ku cibaadaysta 220 6. Tafidda Jabalu Al Nnuur 221 7. Buburka buurta Saynaa’ 222 8. Buurta Cayr 223 9. Buurta Wariqaan 223 10. Buuraha Uxud, Radwaa, , Thawr, Thabiir iyo Xaraa’u 223 11. Bilaabashada soo degidda Waxyiga 228 12. Islaamidda Khadiijah bintu Khuwaylid 230 13. Khadiijah gurigeeda luulka ah ee Jannada 230 14. Salaanta Ilaahay ee Khadiijah 231 15. Fardi ka yeelidda tukashada Salaadda 232 10.Waysada 233 11.Tukashada Khadiijah 233 12.Waqtiyada Salaadda 234 13. Joogsiga Waxyiga 235 14. Haweenta ugu horreysa oo Ilaahay iyo Rasuulkisa,\ صلى هللا عليه وسلم, rumeysay 236 15. Abuu Bakr Al Siddiiq waa ninka ugu horreeyey oo rumeeyey 238 16. Abuu Bakr waa aabahay 242 17.Aniga abtirsigayga 244 18.Sarraynta Abuu Bakr 244 19. Jacaylka Nabiga,\ صلى هللا عليه وسلم, ee Abuu Bakr Al Siddiiq 249 20. Madaxtinnimada Abuu Bakr Al Siddiiq islaamka holiiis 249 21. Caruurta Abuu Bakr Al Siddiiq 251 22. Cabdu Allaahi bin Abii Bakr Ai Siddiiq 251 23. Asmaa'u bintu Abii Al Siddiiq 251 24. Cabdu Al Raxmaan bin Abii Bakr Al Siddiiq 252 25. Ummu Al Mu'miniina hooyadeen Caa'isha bintu Abii Bakr Al Siddiq 252 26. Muxammad bin Abii Bakr Al Siddiiq 252 27. Ummu Kulthuum bintu Abii Bakr Al Siddiiq 253 28. Cabdu Al Raxmaan bin Abii Bakr Alk Siddiiq 254 29. Dhimashada Cabdu Al Rraxmaan bin Abii Bakr Al Ssiddiiq 259 30.Caruurta Cabdu Al Rraxmaan bin Abii Bakr Al Ssiddiq 273 31. Muxammad bin Cabdu Al Raxmaan bin Abii Bakr Al Siddiiq 273 30. Cabdu Allaahi bin Muxammad bin Cabdu Al Raxmaan bin Abii Bakr 274 31. Dasha Cabdu Allaahi bin Muxammad bin Cabdu Al Raxmaan bin 277 32. Muxammad bin Cabdu Allaahi bin Muxammad 278 33. Riyadeyda Abuu Bakr Al Siddiiq 279 34. Riyada Koowaad: Abuu Bakr, Khaliifka Rasuulka, Sallaa Allaahu Calyhi Wa Sallam 279 35. Riyada Labaad: Imaamnimada Abuu Bakr Al Siddiiq 280 216 36. Dambaabiddeyda 37. Riyada Saddexaad: Nabiga, Sallaa Allaahu Calyhi Wa Sallam, A.Bakr, Cumar iyo Calii 38. Tawbad keenkayga 39. Riyada Aafaraad: Aqbalidda tawbaddayda 40. Ragga u yeeridda Abuu Bakr Al Siddiiq ku islaamay 41. Cuthmaan bin Caffaan Al Qurayshiyyi Al Amawii 42. Al Zubayru ibnu Al Cawwaam Al Qurayshiyyi Al Asadii 43. Cabdu Al Raxmaan bin Cawf Al Qurayshiyyi Al Zuhriyyi 44. Sacd bin Abii Waqqaas Al Qurayshiyyi Al Zuhriyyi 45. Dhalxah bin Cubaydu Allaahi Al Qurayshiyyi Al Taymiyyi 46. Islaamidda Calii bin Abii Dhaalib 47. Siduu Calii qoyska Nabiga, , Sallaa Allaahu Calyhi Wa Sallam, uga mid noqday 48. Abuu Dhaalib oo islaamidda Calii ogaanaya 49. Calii waan ku riyooday 50. Xog ogaalnimada dadka dhintay 51. Qisada Shariifka iyo aabahay Qaalli Sheekh Xuseen Cismaan 52. Islaamidda Zayd bin Xaarithah 53. Al Saabiquuna 54. Kuwaa kaddib islaamay 55. Abuu Cubaydah Caamir Cabdu Allaahi bin Al Jarraax 56. Asmaa'u bintu Abii Bakr Al Siddiiq 57. Caa'ishah bintu Abii Bakr Al Siddiiq 59. Khabbaab bin Al Arat 60. Cabdu Allaahi bin Mascuud Al Huthalii 61. Jacfar bin Abii Dhaalib 62. Asmaa'u bintu Cumays 63. Caamir bin Fuhayrah 64. Cammaar bin Yaasir 65. Suhayb bin Sinaan Al Ruumii 66. Muujinta IsIaamka ee RasuuIka Ilaahay, , Sallaa Allaahu Calyhi Wa Sallam 67. Tukashada salaadda ee buuraha dhexdooda 68. Colaadinta gaalada ee Rasuulka Ilaahay, , Sallaa Allaahu Calyhi Wa Sallam 69. Kulanka koowaad ee Abuu Dhaalib iyo Quraysh 70. Kulanka labaad ee Abuu Dhaalib iyo Quraysh 71. Kulanka saddexaad ee Abuu Dhaalib iyo Quraysh 72. Kulanka afaraadaad ee Abuu Dhaalib iyo Quraysh 73. Ku ololaynta muslimiinta 74. Mawqifka Al Waliidu bin Al Mughiirah ee Quraanka 75. Quraanka kasoo degay Al Waliidu bin Al Mughiirah 76.Warka Nabiga, , Sallaa Allaahu Calyhi Wa Sallam oo dalalka Carabta ku faafay 281 281 282 282 283 284 284 286 287 288 289 292 294 296 297 298 299 301 302 302 303 305 305 308 312 315 317 319 321 323 324 324 325 326 327 328 329 330 331 333 217 بسم هللا الرحمن الرحيم Araarta dhigaha kitaabka الحمد هلل رب العالمين والثناء هلل وصلى هللا على سيدنا وموالنا محمد وعلى أله الطيبين الطاهرين وسلم تسيلما كثيرا كلما أما بعد،ذكره الذاكرون وغفل عن ذكره الغافلون Kitaabkaan Nuurka Islaamka, kana kooban lix iyo toddobaatan qaybood, waa kii laba iyo tobanaad ee Taxanaha Siirada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Maraajicda dib loogu noqon karana waa kutubbada Tafsiirka Quraanka, gaar ahaan Tafaasiitka Al Baghawii\البغوي, Al Qurdhubii\القرطبي, Al Aluusii\األلوسي, iyo kutubbada Xadiithka oo lagu kalsoon yahay sida Al Bukhaarii\البخاري, Muslim\ مسلمiyo Axmad\ أحمدiyo Sunanka; Kutubbada Siirada sida Ibnu Hishaam\( سيرة إبن هشامoo dhintay laba boqol saddex iyo toban sanadka Hijriga), Al Rawdu Al Unuf\ الروض األنفee Al Suhaylii\( السهيليoo dhintay shan boqol kow iyo sideetan ee sanadka Hijriga), Sharxu Al Callaamah Al Zarqaanii (dhintayna kun iyo boqol iyo labo iyo labaatan Hijriga) calaa Al Mawaahibu Al Laduniyyah bi Al Minaxi Al Muxammadiyyah\ شرح العالمة الزرقاني على المواهب اللدنية بالمنح المحمديةee Al Qasdhalaanii\القسطالني (oo la oofsaday sanadka sagaal boqol iyo saddex iyo labaatanka Hijriga), Al Thahabii \( الذهبيoo dhintay toddoba boqol sideed iyo afartan), Al Mascuudii\( المسعوديoo dhintay saddex boqol lix iyo afartan ee sanadka Hijriga), iyo Al Shaykhaanii Abuu Bakr Al Siddiiqu wa Cumar bin Al Khadh-dhaab wa Waladihimaa\الشيخان أبوبكر الصديق وعمر بن الخطاب وولدهما, ahna qayb ka mid ah kitaabka Ansaabu Al Ashraafi\ أنساب األشرافuuna dhigay Al Balaatharii\ البالذريoo dhintay sanadka laba boqol iyo sagaal iyo toddobaatanka Hijriga, laguna daabacay Daaru Al Mu'tamin دار \ المؤتمنee dalka Sucuudiga, iyo Al Riyaadu Al Nadirah\ الرياض النضرةuuna dhigay Al Muxibbu Al Dhabarii\ المحب الطبريlaguna daabacay Daaru Al Manaari\دار المنار, iyo Abuu Bakr Al Siddiiqu\ أبوبكر الصديقuuna dhigay Calii Al Dhandhaawii\ علي الطنطاويlaguna daabacay Daaru Al Manaarah\ دار المنارee Jeddah\جدة, iyo Jamharatu Nasabu Qurayshin wa Akhbaarihaa جمهرة نسب \قريش وأخبارها, uuna dhigay Al Zubayru ibnu Al Bakkaar\الزبير إبن البكار, oo dhintay sanadka laba boqol iyo lix iyo konton Hijriga, laguna daabacay Daaru Al Yamaamah Lil Baxthi wa Al Tarjamah wa Al Nashr\ دار اليمامة للبحث والترجمة والنشرee ku taalla Riyaad\ رياضarliga Sucuudiga, iyo Al Dhabaqaatu Al Kubraa\ الطبقات الكبرىuuna allifay Muxammad bin Sacd محمد بن سعدoo dhintay sanadka laba boqol iyo soddon ee Hijrada, iyo Siyaru Aclaami Al Nuhalaa'i سير أعالم \ النبالءay xaashiyadiisana uu ku daabacan yahay kitaabka kale ee la yiraahdo Ixkaamu Al Rijaali min Miizaani Al Ictidaali Fii Naqdi Al Rijaali\ إحكام الرجال من ميزان اإلعتدال في نقد الرجالoo labadoodaba uu allifay Al Imaamu Al Thahabii\اإلمام الذهبي, oo la oofsaday sanadka toddoba boqol iyo sideed iyo afartan Hijriga ayna daabacday Daaru Al Fikri\ دار الفكرee Bayruut \بيروت arliga Lubnaan\لبنان, iyo Usudu Al Ghaabah\ أسد الغابةuuna allifay lbnu Al Athiir\إبن األثير, oo la oofsaday sanadka lix boqol iyo soddon ee Hijrada, iyo Cabdul Xamiid Jawdah Al Saxxaar عبد \الحميد جودة السحار, iyo Daliilo Al Xaajji Al Musawwar\ دليل الحج المصورuuna dhigay Saalix Muxammad Jamaal\صالح محمد جمال. Adhlasu Al Siirati Al Nabawiyyati\ أطلس السيرة النبويةee Dr. Shawqii abuu Khaliil\د\شوقي أبوخليل, ayna daabacday Daaru Al Fikri\ دار الفكرee Dimishq\ دمشقiyo Bayruut\ بيروتsanadka kun iyo affar boqol iyo saddex iyo labaatan Hijriga, una dhigantah laba kun iyo labo miilaadiga ah. Tafsiirka af Soomaaligana waxaan in badan ka qaatay Kitaabka uu tarjumay Sheekh Maxmuud 218 Maxamed Cabdi Allaha dambigiisa dhaafee. Maraajicda kale oo aanan halkaan ku xusinna meesheeda ayaan ku sheegayaa iyo maraajicda ay culummada kutubbadaan allifay sheegeen inay kasoo qaateenba. Waxa suuban oo ku dhigan kitaabkaanna waa nicmo Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa\ هللا سبحانه وتعالىuu igu galladaystay, wixii qalad ahna waxay ka yimaadeen aniga iyo shaydhaan, Ilaahay iyo Nabi Muxammadna, Sallaa Allaahu Calyhi Wasallam, waxay ka yihiin barii iyo eed laawayaal. Waxaan Ilaahay, Cazza wa Jalla\هللا عز وجل, ku xamdinayaa siduu iigu sahlay dhigiddiisa, waxaanna ka baryayaa inuu iga aqbalo, qofka akhristana uu ku anfaco, ajarkiisana uu aniga iyo labadii i dhashay iyo intaan jecelnahayba iyo inta Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, jecelba uu na siiyo nooguna kaydiyo maalin ayayan maal iyo wiil toona wax tarayn, qofka Ilaahay qalbi fiyow la hor yimaada mooyee. Waxaa dhigay midka naxariista iyo dambi dhaafka Ilaahiis faqirka u ah , Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan Woonsocket, Rhode Island, USA. Maalin Talaado ah, afar iyo tobanka Bisha Jamaadu Al Awwal\ جماد األولee sanadka kun iyo afar boqol iyo lix iyo labaatanka Hijriga, una dhigantah sideed iyo labaatanka Juunyo laba kun iyo shan 219 بسم هللا الرحمن الرحيم الحمد هلل رب العالمين وصلى هللا على سيدنا وموالنا محمد وعلى آله الطاهرين الطيبين وسلم تسليما كثيرا كلما ذكره الذاكرون وغفل عن ذكره الغافلون غار حراءGhaaru Xiraa' Hoggaas, Ghaaru Xiraa'غار حراء, wuxuu ku yaallaa buurta la yiraahdo جبل النورJabalu Al Nuur, oo macneheedu yahay Buurta Nuurka, ayadoo uu Waxyigu kusoo degey Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, isagoo godkaas ku jira, uuna ugu yimid Malaku Jibriil ملك \جبريل, Calayhissalaamu, uuna u keenay Quraankii ugu horreeyey oo lagu soo dejiyo, ahaana shanta Aayadood oo ugu horreeysa Suuratu Iqra'\سورة إقرأ, iyo Nabinnimada iyo Rasuulnimadaba. Buurtaas waxaa kaloo la yiraahdaa. جبل حراءJabalu Xiraa'. Buurtaasu waxay badda ka korreysaa lix boqol iyo kow iyo labaatan mitir, fiideeduna waxay salkeeda ka korreysaa laba boqol iyo kow iyo sideetan mitir waana buur tafiddeedu ay aad u adagtahay, qofka xoog lehna wuxuu ku tafayaa qiyaas hal saac. Godkaas afkiisu wuxuu u jeedaa xaqqa Waqooyi, marka la gelayana waxaa la dhexmaraa labo dhagax oo afkiisa saaran, afka ballaarkiisuna uu yahay lixdan sentiimitir. Godka dhererkiisu waa qiyaas saddex mitir, ballaciisuna meeshuu ugu fog yahayna waa hal mitir iyo soddon sentiimitir. Godka taaggiisa korena waa laba mitir. Godku wuxuu ku filan yahay laba qof oo wada tukanaysa, oo midkood uu midka kale daba taaganyahay. Dhanka midigta ahna waxaa ku taalla intuu qof fadhiya ku tukado. Jabalu Al Nuur جبل النورiyo Ghaaru Xiraa’ غار حراءwaxay ku yaallaan xaafadda Makkah Al Mukarramah\ مكة المكرمةee la yiraahdo Xayyu Al Nnuuri حي النورoo macneheedu yahay Degmada Nuurka. Sababtuu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam hoggaan u doortay Al Imaamu ibnu abii Jamrah\ األمام إبن أبي جمرةwuxuu keenay su'aasha ah: "Muxuu Nabigu. Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Ghaaru Xiraa' غار حراءinta kale uga doortay inuu ku cibaadeysto, uuna ku kaliyeysto?" Imaamku wuxuu uga jawaabay sidatan: "Wuxuu Al Musdhafaa\ المصطفىugu gooni yeelay oo uu ku doortay inuu Ghaaru Xiraa' غار حراء leyahay saddex. waxyaalood oo aan lala wadaagin daraadood, oo kala ah: (Kow) Wuxuu ka gudban yahay cagta dadka, oo markuu godkaas galo, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, dadka is dhex geli mayaan oo cibaadeysigiisa ayuu u keli noqonayaa. (Labo) Qofka godkaas gala, oo ku keliyeysta, dareenkiisa oo idil ayaa kulmay, oo si taam ah ayuu u cibaadeysan karaa, oo wax ka jeedinayaa ma jiraan. (Saddex) Markuu godkaas galo, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu si toos ah ugu jeedaa Guriga Rabbigiis (Kacbada), ayadoo uu wajiga albaabka kasoo horjeeda oo ku bewegan oo hoggu uu leeyahay jeex dheer oo ku beegan Kacbada (fiiri masawirkeyga anigoo hogga ku dhex jira: waxaa dhabarkayga ah oo kuu muuqda jeexa Kacbada looga jeedo). Fiirinta Kacbaduna waa cibaadeysi, sida uga sugnaatay Xadiithka ah: 220 "."أن هللا ينزل عليه عشرين رحمة " Inna Allaaha yanzilu calayhi cishriina raxmatan", oo macnihiisu yahay: "Qofka Kacbada dhugta Ilaahay wuxuu kusoo dejiyaa korkiisa labaatan raxmo." Sidaas ayay Ghaaru Xiraa' غار حراءsaddex cibaadeysi ugu kulmeen: (Kow) الخلوةAl Khalwatu, oo ah u firaaqoobid Rabbigiis iyo dadka laftiisa oo laga firaaqoobo. (Labo) التحنثAl Taxannuthu, oo ah ka fogaanshaha dambiga, oo al xinthu waa dambiga,. Marka waa al tacabbudu, ayadoo uu cibaadeysigu dambiga suuliyo oo uu raadtiro. (Saddex) النظر الى البيتAl nathru ilaa Al Bayti, oo ah fiirinta Kacbada. God kale oo ay saddexdaas ku kulmeenna ma jiro. Cabdu Al Mudh-dhalib bin Haashim\ عبد المطلب بن هاشمayaa ugu horreeyey qof Xiraa’u غار حراءku cibaadaysta Cabdu Al Mudh-dhalib bin Haashimعبد المطلب بن هاشم, Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiis, ayaa ahaa kan ugu horreeya oo Xiraa' حراءku cibadeysta. Nabiguna, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu godkaas geli jiray Nabinnimada ka hor iyo kaddibba, intay ahayd zamanka fatrada Waxyiga, oo ahayd qiyaas saddex sano ama meelahaas, kana bilaabata billbashada Waxyiga iyo markuu Jibriil\جبريل, Sallaa Allaahu Calayhim Wasallam, Nabinnimada iyo Rasuulnimada godkaas ugu keenay, shanta Aayadood ee Suuratu Al Calaqna\ سورة العلقu keenay. Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu Xiraa' حراءgeli jiray bisha Ramadaan\رمضان, oo ay Quraysh\ قريشIslaamka hortiis waynayn jirtay. Quraysh\ قريشCaashuuraa'-na\ عاشوراءway soomi jirtay. Wa li Allaahi darru al imaamu, al qudwatu, al waacith, al mufassir, al faqiih, suufiga ah Cabdu Allaahi bin Muxarnmad Al Qurayshiyyi Al Murjaanii ، القدوة،وهلل الدر اإلمام \ عبد هللا بن محمد القرشي المرجاني، الصوفي، الفقيه،الواعظو المفسر, laguna dilay Tuunis\ تونسsanadka lix boqol iyo sagaal, markuu fadaa'isha Xiraa'\ حراءka warramay, gabayna uu ka tiriyay, uuna yiri: .فكم من أناس من حال حسنه تاهوا/ تأمل حراء في جمال محياه.1 .يفرج عنه الهم في حال مرقاه/ فمما حوى من جاء لعلياه زائرا.2 .وفيه له غار له كان يرقاه/ به خلوة الهادي الشفيع محمد.3 .وفيه أتاه الوحي في حال صبراه/ وقبلته للقدس كانت بغاره.4 باهلل في وقت البداية سواه/ وفيه تجلى الروح بالموقت الذي.5 .ومن بعد هذا إهتز بالسفل أعاله/ وتحت تخوم األرض في السبع أصله.6 .للطور تشظظ فهو إحدى شظاياه/ ولما تجلى هللا قدس ذكره.7 .كذا قد أتى في نقل تاريخ مبداه/ ومنها ثبير ثم ثور بمكة.8 .فعيرا وورقان وأحدا رويناه/ وفي طيبة أيضا ثالث فعدها.9 ". "من دعانا أجبناه:به وينادى/ ويقبل في ساعة الظهر من دعا.11 .أتى ثم قابيل لهابيل غشاه/ وفي أحد األقوال في عقبة حراء.11 من التبر إكسيرا يقوم سمعناه/ ومما حوى سرا حوته سخوره.12 .وأسمعته جمعا فقالوا سمعناه/ سمعت به تسبيحها غير مرة.13 221 / به مركز موضع النور الذي مثبتا. فلله ما أحلى مقاما بأعاله.14 1. Ta'ammal Xiraa'a fii jamaali maxyaahu Fa kam min unaasin min xulaa xusnihi taahuu. 2. Fa mimmaa xawaa man jaa'a li culyaahu zaa'iran Yufraju canhu al hammu fii xaali marqaahu. 3. Bihi khulwatu al Haadii Al Shafiici Muxammadu Wa fiihi lahu ghaarun lahu kaana yarqaahu. 4. Wa qiblatuhu lil Qudusi kaanat bi ghaarihi Wa fiihi ataahu Al Waxyu fii xaali sabraahu. 5. Wa fiihi tajallaa Al Ruuxu bi al mawqiti allathii Bi Allaahu fii waqti al bidaayati sawaahu. 6. Wa taxta tukhuumi al ardi fii al sabci asluhu Wa min bacdi haathaa ihtazza bi Al sufli aclaahu. 7. Wa lammaa tajallaa Allaahu Qaddasa Thikruhu Li Dhuuri tashath-thaa fa huwa ixdaa shathaayaahu. 8. Wa minhaa Thabiiru Thumma Thawru bi Makkata Kathaa qad ataa fii naqli taariikha mabdaahu. 9. Wa fii Dhiibata aydan thalaatha fa cud-haa: Fa Ciiran wa Waraqaanan wa Uxudan rawaynaahu. 10. Wa yuqbalu fii saacati al thuhri man dacaa Bihi wa yunaadaa: "Man dacaanaa ajabnaahu" . I1.Wa fii axadi al aqwaali fii caqabati Xiraa' Ataa thumma Qaabiilu li Haabiila ghashaahu. 12. Wa mimmaa xawaa sirran xawat-hu sukhuuruhu Mina al tabri iksiiran yaqaamu samicnaahu. 13. Samictu bihi tasbiixahaa ghayra marratin Wa asmactuhu jamcan fa qaaluu samicnaahu. 14. Bihi markazu mawdicu Al Nuuri Al Ilaahii muthbitan Fa li Allaahi ma axlaa maqaaman bi aclaahu. Gabayga macnihiisu waxaa weeye: Tafidda Jabalu Al Nnuur\جبل النور/jabalu Xiraa’\جبل حراءu hammiga iyo kurbadaa ayaa faraj looga furaa Kow. Dhaag Xiraa' حراءquruxda wajigiisa/intee dad ayaa aragtida iyo ku macaansiga aragsamida quruxdiisa ku wareeray. Laba. Waxa gudihiisa ku sugnaadayna waxaa ka mid ah qof meeshaas korreysa ugu yimid isagoo soo booqday, isagoo doonaya inuu ka barakaysto, ayadoo uu halkaas ku sugnaaday Al Musdhafaa\المصطفى, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Illaahay wuxuu faraj uga furayaa kulli hammigiisa iyo kurbada haysa qofka tafaya buurtas. Saddex. Hoggaas, oo ku yaalla fiidda Buurta Xiraa' حراء, fadligiisu yahay inuu ku keli ahaansan jiray -waa khalwah- Al Haadii\الهادي, oo ah kan wax hanuuniya, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Al Shafiicu Muxammadun\الشفيع محمد, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, uuna ku khalwoon jiray Nabinnimada horteed iyo dabadeedba, qiyaas saddexdii sano oo uu Waxyigu ka go'ay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, lana yiraahdo waqtiga fatrada, oo fatara waxaa weeye waa go'ay/Kaasoo, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, buurtaas ku leh hog, uuna tafi jiray 222 buurtaas. Afar. Qibladiisuna waxay ahayd Qudus\ القدسintuu Ghaarkiisa\ الغار-hoggiisa- ku jiray (taasoo in fiiro loogu laabto u baahan, ayadoo uu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Qudus\ القدسay Qiblo u noqotay habeenka la dheelmiyay oo Salaadda lagu fardi yeelay, markaas ka horna ay Qibladiisu , Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Kacbada ahayd)/Isaga dhexdiisuuna Jibriil\جبريل Waxyiga ugu keenay, isagoo ku sugan xaaladda uu naftiisa keli ahaanshaha iyo cibaadeysiga ku xabbisay, oo uu ku sabray. Shan. Dhexdiisuuna Jibriil جبريلiskugu muujiyay, mawqifka uu/Ilaahay bilawga u suubiyay. Lix. Asalka Xiraa'na حراءwuxuu ku sugan yahay arliga toddobaad oo toddobada arli ugu hooseeya/Markaasuu kaddib kuwa fiiddiisa saaran la gariiray, kaddib markuu asalkiisa hooseeya gariiray. Tixduna waxay waafaqsantahay Xadiithka Muslim\ مسلمka wariyay Abuu Hurayrah أبو \ هريرةinuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, buurta Xiraa' saarnaa, isaga iyo Abuu Bakar\ أبوبكرiyo Cumar\ عمرiyo Cuthmaan\ عثمانiyo Calii\ عليiyo Dhalxah\ طلحةiyo Al Zubayr\ الزبير. Markaasey buurtu gariirtay. Markaasuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu buurta ku yiri: ". أو صديق أو شهيد، فما عليك إال نبي،"أسكن حراء "Askun Xiraa'a, fa maa calayka illaa Nabiyyun, aw Siddiiqun aw Shahiidun." Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Xasil Xiraa'ow\حراء, oo korkaaga ma aha waxaan ahayn Nabi iyo runlow\( \صديقwaana Abuu Bakar Al Siddiiq\أبوبكر الصديق, Allaha raalli ka noqdee) iyo Shahiid\( شهيدoo intooda kalena waxaa lagu dilay shahiidnimo)." Qisadaas mid la mid ahna waxay ka dhacday ayaduna buurta Uxud\ أحدdusheeda iyo buurta Thabiir\ جبل ثبيرdusheeda. Waxayna ka mid yihiin muxjizooyinka Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Waana Xadiithka lix kun laba boqol sideed iyo afartan ee Al Bukhaarii\البخاري. Burburka buurta Synaa’\ سيناءiyo gaballadayda duulay buuraha ka dhashay Toddoba. Markuu Ilaahay, Qaddasa Thikruhu\ قدس ذكره-xusidda Magaciisu Daahir ha ahaateein la mid ah nuska foodda far yarada (waa wax u dhigmee), siduu u xusay Xadiithka uu Al Xaakimu\ الحاكمsaxiixa ka dhigay, uu buurta Siinay سيناءee dalka Masar\ مصرku taalla u muujiyay, buurtu way burburtay. Jajabkeeda qaar ka mid ahna way kala duuleen, oo ay gaballadaas duulay buuro kale noqdeen. Marka buurta Jabalu Xiraa'\ جبل حراءwaa gabal ka mid ah gaballadiisa. Gaballada buurtaas burburtay ka kala duulay waxaa ka mid ah buurta جبل ثبيرjabalu Thabiir, oo kasoo horjeeda Xiraa'\حراء, waxaana labadooda u dhexeeya waadi, labadooduna waxay isku dhinac uga yaallaan, waana dhinaca bidixeed, dariiqa qofka inta Kacbada ka baxa Mina \ منىu socda. Waxaa kaloo gaballadaas kasoo duulay buurta Dhuur\ جبل الطورka askuntay buurta جبل ثورJabalu 223 Thawr, oo isaguna buuraha Makkah\ مكةka mid ah, kuna yaalla xaafadda hadda la yiraahdo حي الهجرةXayuu Al Hijrah, oo ah xaafadda Hijrada. Buurtaan dusheeda waxaa ku yaalla hog la yiraahdo غار ثورGhaaru Thawr, waana godka uu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, markuu Makkah\ مكةka haajiray, isagoo uu wehliyo saaxiibkiis Abuu Bakr Al Siddiiqu\أبوبكر الصديق, uu galay, ayna afkiisa caaradu guri ka dhisatay, qoollayduna ay afkiisa ukun dhigatay, oo markay sidaas arkeen ay gaaladii raadkooda ku jiray isaga noqdeen. Qofka buurtaan dusheeda saaran, buurta Xiraa'\ حراءway u muuqataa, iyo caksigaba. Sideed. Waxaana gaballada soo duulay ka mid ah buurta جبل ثبيرJabalu Thabiir, oo aan kasoo warrannay, kaddibna Thawr\ثور, oo aan soo aragnay, oo Makkah\ مكةku yaalla/Sidaas ayaa lagu soo wariyay inuu Xiraa'\ حراءbilowgiisu ahaa. Buurta Cayr\ جبل عيرee Al Madiinah Al Munawwarah\ المدينة المنورةku taalla Sagaal. Dhiibana طيبة, oo ah Al Madiinah Al Munawwarah\ المدينة المنورة, waxaa ku yaalla saddex buurood, oo ayaguna gaballadaas soo duulay ka mid ah, ee tiri: /buurta جبل عيرJabalu Cayr, ahna buruta uu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka yiri, siday Al Bazzaar\ البزارiyo ghayrkiisba u wariyeen: ". وإنه على باب من أبواب النار،"وعير يبغضنا ونبغضه "Wa Cayru yabghadunaa wa nabghaduhu, wa innahu calaa baabin min abwaabi Al Nnaari". Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Cayr-na waa na neceb yahay, annaguna isaga waan necebnahay, isaguna wuxuu ku yaallaa albaab ka mid ah albaabada Naarta." Riwaayadu kale waxay ku sheegeen buur kale, sida جبل رضوىJabalu Radwaa, oo ah buur Al Madiinah المدينةku taalla, siduu Al Baghawii\ البغويu wariyay iyo Al Qudus\القدس, oo uusan buurtaas aan necebnahay ahayn. Buurta Wariqaan\ جبل ورقانee Al Madiinah Al Munwaaraah المدينة المنورةagteeda ku taalla Iyo buurta جبل ورقانJabalu Wariqaan, oo ah buur madow oo ku taalla meel u dhexeysa العرج Al Caraj iyo الرويثةAl Ruwaythata, midigtana ka qabaneysa qofka Al Madiinah\ المدينةka yimid oo Makkah\ مكةu socda, Allaha Wayni labadoodaba cadawga ha ka ilaaliyee. Buuraha Jabalu Uxud\جبل أحد, Radwaa جبل رضوى, Thawr\ثور, Thabiir\ ثبيرiyo Xaraa’u\حراء Waxaa kaloo burburkaas soo faniinay ka mid ah buurta جبل أحدJabalu Uxud, waana buurta caanka ah oo Al Madiinah Al Munawwarah المدينة المنورةku taalla, uuna Al Musdhafaa\المصطفى, Sallaa Allaahu CaIayhi Wasallam, ka yiri: "."أحد جبل يحبنا ونحبه "Uxud jabalun yuxibbunaa wa nuxibbuhu", oo macneheedu yahay: 224 "Uxud waa buur annaga na jecel, annaguna aan ayada jecel nahay." Sidaas ayaanna u warinnay: Al Waaxidii\ الواحديwuxuu Anas\ أنسka wariyay inuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: . ورضوى، وورقان، أحد: فوقعت ثالثة بالمدينة. طار لعظمته ستة أجبل."لما تجلى ربه للجبل جعله دكا . ". وحراء، وثبير،ووقع بمكة ثور "Lammaa tajallaa Rabbuhu lil jabali jacalahu dakan. Dhaara li cathamatihi sittatu ajbulin. Fa waqacat thalaathatun bi Al Madiinati: Uxudun, wa Wariqaanu, wa Radwaa. Wa waqaca bi Makkata Thawrun, wa Thabiirun, wa Xaraa'u." Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Markuu Rabbigiis isku muujiyay buurta, wuxuu ka yeelay burbur, oo ay Cathiimnimadiisa daraadeed ay lix buurood u duuleen. Markaasey saddex waxay ku dheceen Al Madiinah\المدينة, oo kala ah Uxud\ أحدiyo Wariqaan\ ورقانiyo Radwaa\رضوى. Makkana\ مكةwaxaa ku dhacay saddex, oo kala ah Thawr\ ثورiyo Thabiir\ ثبيرiyo Xiraa\"حراء. Al \ البغويmarkuu wariyay Xadiithkaan wuxuu ka yiri: "Tafaasiirta qaarkoodna waxay wariyeen: markaasuu Xadiithkaan xusay." Fatxu Al Baarii\ فتح الباريXadiithkaan Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, kor uguma uusan qaadin. Waxaana Xadiithka wariyay ibnu abii Xaatim\إبن أبي حاتم, oo ka wariyay abii Maalik\أبي مالك, oo kor Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ugu qaaday, waana wax lala yaabo, isagoo uu Xadiithku Mursal\ مرسلyahay. Burburidda buurtaas waxay ku xusantahay Aayadda boqol iyo saddex iyo afartan ee Suuratu Al Acraaf\سورة األعراف, oo uu Ilaahay Tacaalaa ku yiri: ِ ِ ِّ ال َر اسرَقََّر َ َب أ َِرنِي أ َْنظُ ْر إِلَ ْي َك ق َ ََو َكلَّ َمهُ َربُّهُ ق ْ ال لَ ْن رََراني َولَك ِن ْانظُ ْر إِلَى اْل َجَب ِل فَِ ِن َّ ًّ ِ ِ ت إِلَْي َك َوأ ََنا َ َاق ق َ َص ِعقًا َفلَ َّما أَف ُ ال ُس ْب َح َان َك رُْب َ وسى َ رَ َجلى َربُّهُ لْل َجَبل َج َعلَهُ َدكا َو َخ َّر ُم وسى لِ ِميقَارَِنا َ اء ُم َ َولَ َّما َج ف رََرانِي َفلَ َّما َ َم َك َانهُ فَ َس ْو ِ ين َ أ ََّو ُل اْل ُم ْؤ ِمن "Fa lammaa tajallaa Rabbuhu Illjabali jacalahu dakkan(143)", oo macneheedu yahay: "Markuu Rabbigiis (waana Nabi Muuse\ )موسىisu Muujiyay buurtii, wuxuu ka yeelay burbur(143)." Al Baghawii\ البغويwuxuu tafsiirkiisa ku yiri, mana aha Xadiith fiyow: ووقعت، أحد وورقان ورضوي: صار لعظمته ستة أجبل وقعت ثالثة بالمدينة: "ووقع في بعض الرفاسير ".ثالثة بمكة ثور وثبير وحراء Toban. Waana la aqbalaa ducada qofka ku ducaysta saacadda duhurka dhexdiisa/Waxaana loogu 225 dhawaaqaa oo lagu yiraahdaa: "Qofka na baryay waan ka aqbalnay baryadiisa, wuxuu rabayna waan siinnay". Salka Buurta Xiraa’u\ حراءayuu Qaabiil\ قابيلwalaalkiis Haabiil\ هابيلku dilay Kow iyo toban. Warinna waxay sheegtay inuu قابيلQaabiil ina Aadan\ آدمmeesha Ghaaru Xiraa' \ غار حراءlaga tafo uu walaalkiis هابيلHaabiil ugu yimid, oo uu halkaas ku dilay. Al Thaclabii\ الثعلبيwuxuu yiri: "Haabiil هابيلmaalinta la dilay wuxuu ahaa labaatan jir". Waana la isku khilaafay sida iyo meesha Haabiil هابيلlagu dilay. Cabdu Allaahi ibnu Cabbaas عبد \ هللا إبن عباسwuxuu yiri: "."على جبل ثور “Calaa jabali Thawr.” Oo macnihiisu yahay: "Waxaa lagu dilay dusha jabalu Thawr\"جبل ثور. Qaar kalena waxay yiraahdeen: caqabada -waana meesha jiirta ah oo laga koro- Xiraa'\ حراءayaa lagu dilay. Jacfar Al Saadiq\ جعفر الصادقwuxuu yiri: "."بالبصرة في المسجد األعظم “Bi Al Basrah fii al masjidi al actham.” Oo macnihiisu yahay: "Waxaa lagu dilay Basrah ee arliga Ciraaq-, Masjidka wayn dhexdiisa -waa barta ku beegane, ayadoo uusan waagaas masjidkaasi jirin." Intaasuu warka Al Thaclabii\ الثعلبيku egyahay. Sababtuu Qaabiil\ قابيلWalaalkiis Haabiil\ هابيلu dilay Al Saddiyyu\ السديwuxuu isnaad uu isagu leeyahay ku xusay inay sababtuu Qaabiil\قابيل walaalkiis Haabiil هابيلu dilay ay ahayd inuu Aadan\ آدمwiil kasta oo uu dhalay u guurin jiray gabar ayan isku calool ahayn, calool kalese ka dhalatay -ayadoo ay Xaawo\ حواءmar walba wiil iyo gabar mataano ah dhali jirtay-. Mataanta Qaabiil قابيلayaa waxay ka quruxsamayd mataanta Haabiil هابيلoo magaceedu ahaa لبودىLaboodaa. Markaasuu Qaabiil قابيلwuxuu damcay inuu walaashiisa ay isku caloosha yihiin oo quruxsamayd magaceeduna ahaa ألقيماAlqeemaa isagu guursado. Markaasuu Aadan\ آدمu diiday. Markuu Qaabiil قابيلarrinkaas ku adkaystay, wuxuu Aadan\ آدمlabadiisa wiil amray inay qurbaan Ilaahay u bandhigaan, oo kii qurbaankiisa Ilaahay uu aqbalo uu gabadhaas guursanayo. Markaasuu Qaabiil قابيلwuxuu qurbaan ahaan usoo bandhigay xirmo zarac\badar ah oo xun, waa 226 haruuree, oo uu beertiisa kasoo gooyey, isagoo beeraaley ahaa. Haabiilna هابيلwuxuu qurbaan ahaan usoo bandhigay wan buuran, isagoo xoolaaley ahaa. Markaasaa waxaa cirka kasoo degay dab loo jeedo, oo qurbaanka Haabiil هابيلcunay, kii Qaabiilna قابيلka tegey, taasoo ah inuu Ilaahay qurbaanka Haabiil هابيلaqbalay, kan Qaabiilna قابيلuusan aqbalin. Taas ayay ahayd sababta labadooda dhex martay. Ibnu Xajar\ إبن حجرwuxuu Fatxu Al Baarii\ فتح الباريku yiri: "Taas weeye midda canka ah".Qaabiil قابيلwuxuu Haabiil هابيلka weynaa laba sano. Laba iyo toban. Waxa gudihiisa -waa Ghaaru Xiraa'\غار حراء- ku jira waa sirta dhagaxdiisa ku jirto/Oo ah dahab iyo qalin iyo macaadin la dhalaalinayo, si kiimikada waafaqsan. Sidaas ayaan maqalnay, oo aan ghayrkeen kasoo guurinnay, waxaana taas runnimadeeda rumaynaya: Saddex iyo toban. Inaan anigu godka Xiraa' حراءka maqlay tasbiixda dhagaxdiisa -oo leh Subxaana Allaahi\ سبحان هللا- in mar ka badan/Waxaanna tasbiixdaas maqashiiyey koox rag ah, oo markaasey waxay yiraahdeen: "Annaguna dhegeheenna ayaan tasbiixdiisa ku maqalnay". Afar iyo toban. Xiraa' حراءwaxaa ku sugan bartuu Nuurka Ilaahay ku sugnaaday/Marka Ilaahay ayaa iska leh barta macaaneeyey joogiddeeda oo fiideeda ah -waa Xiraa'e حراء حراء. Oo buurtana waxaa la yiraahdaa Jabalu Xiraa'\جبل حراء, fiideedana waxaa ku yaalla hog la yiraahdo Ghaaru Xiraa' غار حراء. Godka laftiisana waxaa la yiraahdaa, haddii la doono, Jabalu 227 Anigoo Hogga Ghaaru Xiraa’\غار حراءku dhex jira, kaddib markaan laba rakco ku tukaday. Jeexa dhabarkayga ka muuqda waxaa laga arkaa Kacbada oo uu ku beegan yahay. Xasanwali xajka 1425H/2003M 228 Bilaabashada soo degidda Quraanka Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: "Kusoo degidda Quraanka ee Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxay bilaabatay bisha Ramadaan\رمضان, siduu Ilaahay Cazza wa Jalla\ هللا عز وجلugu yiri Aayadda boqol iyo shan iyo sideetanaad ee Suuratu Al Baqarah\سورة البقرة: ِِ َِّ َشهر رمض َن ُ ان الذي أ ُْن ِز َل فيه اْلقُ ْآر َ َ َ َ ُْ “Shahru Ramadaana allatbii unzila fiihi Al Qur'aanu(185)”, oo macneheedu yahay: "Bisha Ramadaan رمضانee lasoo dejiyay dhexdiisa Quraanka(185)." Wuxuu kaloo Ilaahay Cazza wa Jallaوجل \ القدرku yiri: هللا عزAayadda koowaad ee Suuratu Al Qadri سورة )1( إَِّنا أ َْن َزْل َناهُ ِفي لَْيلَ ِة اْلقَ ْد ِر “Innaa anzalnaahu fii laylati Al Qadri(1)”, oo macneheedu yahay: "Annagaa soo dejinuay (Quraanka) habbenka Laylatu Al Qadarka ah (ee bisha Ramadaan dhexdeeda ku jirta)(1)". Wuxuu kaloo Cazza wa Jallaوجل ku yiri: هللا عزAayadaha labo ilaa shan ee Suuratu Al Dukhaan\الدخان ِ ٍ ٍ ِ ِ َواْل ِكر ِ ِاب اْل ُمب ) أ َْم ًار ِم ْن ِع ْنِد َنا2( ق ُك ُّل أ َْم ٍر َح ِك ٍيم ُ ) ِفيهَا ُي ْف َر3( ين َ ) إَِّنا أ َْن َزْل َناهُ في لَْيلَة ُم َب َارَكة إَِّنا ُكنَّا ُم ْنذ ِر2( ين َ ِِ )7( ين َ إَِّنا ُكَّنا ُم ْرسل "Wa Al Kitaabi Al Mubiini(2)Innaa anzalnaahu fii laylatin mubaarakatin Innaa kunnaa munthiriina(3)Fiihaa yufraqu kullu amrin xakiimin(4)Amran min cindinaa Innaa kunnaa Mursiliina(5)" Aayadaha macnohoodu waxaa weeye: "Waxaan ku dhaartay Kitaabka wax caddeeya (oo xalaasha iyo xaaraanta kala caddeeya)(2)Annagaa soo dejinnay habeen barakaysan, Annagaana ah kuwa digaya(3)Habeenkaasaana la kala bixiyaa amar kasta oo xikmad miiran ah(4)Waana amar agteenna ka ahaaday, Annagaanna soo dirnay (Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, iyo Rususha ka horteyseyba)(5)". Wuxuu kaloo Ilaahay Tacaalaa\تعالى \ سورة األنفالku yiri: هللا Aayadda kow iyo afartanaad ee Suuratu Al Anfaali 229 ِ ِ ان َي ْوَم اْلرَقَى اْل َج ْم َع ِ ََم ْنرُ ْم بِاللَّ ِه َو َما أ َْن َزْل َنا َعلَى َع ْبِد َنا َي ْوَم اْلفُ ْرق ان َ إ ْن ُك ْنرُ ْم آ "In kuntum aamantum bi Allaahi wa maa anzalnaa calaa Cabdinaa yawma al furqaani, yawma iltaqaa al jamcaani(41)." Aayadda macneheedu waxaa weeye: "Haddaad tihiin kuwa rumeeyey Ilaahay iyo waxaan kusoo dejinnay Addoonkeenna (waana Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam) maalinta kala saaridda (waana Maalintuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, duullaanka Badar\ بدرgaalada kula kulmay, uuna Ilaahay kala saaray xaqqa iyo baadhilka, runta iyo xumaanta beenta ah ee gaalnimada), maalintay kulmeen labada ciidan: ciidanka iyo xizbiga Ilaahay iyo ciidanka iyo xizbiga shaydhaan(41).” Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: “Wuxuu ii wariyay Abuu Jacfar Muxammad bin Caliyyi bin Xusayn أبو جعفر محمد بن علي بن \ حسينinuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ay ku kulmeen isaga iyo gaaladu Badar\ بدرmaalin jimce ah, subaxa ay bisha Ramadaan\ رمضانtoddoba iyo toban ahayd.” Al Suhaylii\ السهيليwuxuu yiri: “Aayadda boqol iyo shan iyo sideetanaad ee Suuratu Al Baqarah\سورة البقرة, oo leh: ِِ َِّ َشهر رمض َن ُ ان الذي أ ُْن ِز َل فيه اْلقُ ْآر َ َ َ َ ُْ "Shahru Ramadaana allathii unzila fiihi Al Qur'aanu", oo macneheedu yahay: "Bisha Ramadaan\ رمضانee lasoo dejiyay dhexdiisa Quraanka" ayuu ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu daliil uga dhigtay in Quraanka lasoo dejiyay bisha Ramadaan \ رمضانiyo Laylu Al Qadri\ليلة القدر oo bisha Ramadaan رمضانka mid ah. Taasi waxay ixtimaaleysaa labo tafsiir: (Kow) inuu ka wado inuu Quraanka soo degiddiisu iyo inta ugu horteysaba ay ahayd bisha Ramadaan رمضانdhexdeeda, iyo (Labo) siduu u yiri ibnu Cabbaas\ إبن عباسin: المرفوعة، فجعل في بيت العزة مكنونا في الصحف المكرمة،"أنه نزل جملة واحدة إلى السماء الدنيا والنوازل الحادثة إلى أن، والسورة بعد السورة في أجوبة السائلين، ثم نزلت منه اآلية بعد اآلية،المطهرة ".توفي صلى هللا عليه وسلم “Annahu unzila ilaa Al Ssamaa’i Al Dunyaa, fa jucila fii Bayti Al Cizzati maknuunan fii al suxufi al mukarramati, al marfuucati al mudhahharati, thumma nazalat mihu Al Aayatu bacada Al Aayati, wa Al Ssuiratu bacda Al Ssuurati fii ajwibati al ssaa’iliina, wa al nawaazili al xaadithati ilaa an tuwaffiya Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam.” Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: 230 "Quraanka jumlo ahaan iyo wadartiisaba isla mar loo soo dejiyay Samada Adduunka\السماء الدنيا oo la dhigay Bahytu Al Cizzati\ بيت العزةisagoo ku sugan Al Suxufo Al Mukarramah\صحفا مكرمة, Al Marfuucati Al Mudhahharah\المرفوعة المطهرة, kaddibna Aayadba Aayad kale dabadeed iyo Suuradba Suurad kale dabadeed lasoo dejiyay aydoo kuwa wax weydiiya (Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam) looga jawaabayo, iyo dhacdooyinkaba, ilaa Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, laga oofsaday.” Tafsiirkaan ayaana u eg siday runtu ahayd oo ay wax u dheceen, uguna saxsan inta la wariyay” . Waa intaas warkaa Al Suhaylii\السهيلي. Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: "Intaas kaddib si buuxda ayuu Waxyigu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaallu Calayhi Wasallam ugu soo degay, isagoo aaminsan Ilaahay oo rumaysan waxa xaggiisa uga yimid, isagoo si buuxda u oggolaaday, xambaarayna oo u dul qaatay waxa lagu xambaaray ee raallinnimada iyo carada addoommada Ilaahay, ayadoo ay Nabinnimadu tahay culaysyo wayn oo uusan qaadi karin ragga xoogga badan oo go'aanka leh ee Rususha ka mid ah rnooyee, ayadoo uu Ilaahay taageerayo iyo tawfiiqdiisa ayna u sabab yihiin waxay kala kulmayaan dadka iyo siday ugu diidayaan waxay ugala yimaadeen xagga Ilaahay Subxaanahu wa Tacaalaa. Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku dhaqaaqay amarka Ilaahay, uusanna u aabo yeelin wuxuu dadkiisa kala kulmay oo khilaafid iyo diididba ah." Islaamidda Khadiijah bintu Khuwaylid\خديجة بنت خويلد Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: Waxaa Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, aamintay Khadiijah bintu Khuwaylid خديجة بنت خويلد, rumaysana wuxuu xagga Ilaahay ka keenay, amarkiisana ku taageertay oo ay culayska ka qaadday. Khadiijah waxay ahayd qofka ugu horreeya oo aaminta Ilaahay iyo Rasuulkiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, rumaysana wuxuu xaggiisa ka keenay. Rumayntiisaas Khadiijah ayuu Ilaahay Nabigiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, uga khafiifiyay (dhibka iyo culayska), oo markuu dadka ka maqlo wuxuu kahdo oo diidmo ah iyo beenin wuu ka calool xumaadaa oo ka tiiraanyoodaa. Markaasuu markuu Khadiijah خديجةusoo laabto ayuu Ilaahay faraj u furaa, ayadoo amarkiisa ku sugta, kana khafiifisa oo rumaysa, dadku waxay ku faleenna uga dhigta waxaan qiimo lahayn oo yar. Allaha u naxariisto oo raalli ka noqdo Mu'miniinta hooyadood Khadiijah bintu Khuwaytlid\ خديجة بنت خويلد. Khadiijah خديجةgurigeeda luulka ah ee Jannada Ibnu lsxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: "Waxaa ii warramay Haashim bin Curwah\ هشام بن عروةoo ka wariyay aabihiis Curwah bin Al Zubayr\ عروة بن الزبيرoo ka wariyay Cabdu Allaahi bin Jacfar\عبد هللا بن جعفر, Ilaahay dhammaantood raalli ha ka noqdee, oo yiri: “Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam wuxuu yiri: ". ال سخب فيه و ال نصب،"أمرت أن أبشر خديجة ببيت من قصب "Umirtu an ubash-shira Khadiijah bibaytin min qasabin, laa sakhaba fiihi wa laa 231 nasab". Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: “Waxaa la i amray inaan Khadiijah خديجةugu bishaareeyo guri xabbad luul ah oo dhexda ka daloosha ka sameysan oo aan dhexdiisa cod kor loo qaaday laga maqlayn, waa qaylee, ayanna kasbiddiisa ku daalin," “ayadoo markuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasalam islaamka ugu yeeray si sahlan ay markiiba u yeeshay, ayadoo aan u baahin inuu codkiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, kor u qaado, uuna ku daalo, siday raggu u daalaan markay haweenkoodu ku adkaadaan". Al Suhaylii\ السهيليayaa sidaas u fasiray. Ayadoo aan kasbidda gurigaas ku daalinna macneheedu waxaa weeye inuu Ilaahay gurigaas siiyay ayadoo aan camal adduun oo ay ku daashay ku kasbanin, xag Allese laga siiyey oo intay camal ku kasbatay oo ay ku daashay loogu daray. Markuu Jibriil\ جبريلNabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u imaanayo oo uu bishaaradaas u keenayo, Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu ku jiraa Ghaaru Xiraa' غار \ حراء, siduu Al Dhabraanii\ الطبرانيu wariyay. Salaanta Ilaahay ee Khadiijah\خديجة Ibnu Hishaam\ إبن هشامwuxuu yiri: "Jibriil\جبريل, Calayhissalaamu, ayaa u yimid Rasuulka IIaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuuna yiri: “Khadiijah خديجةwaxaad u gudbisaa salaan uu Rabbigeed usoo diray." Markaasuu Rasuulka IIaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri: "."يا خديجة! هذا جبريل يقرأك السالم من ربك "Yaa Khadiijah! Haathaa Jibriilu yuqri'uka Al Ssalaama min Rabbika", oo macneheedu yahay: "Khadiijey !خديجةKani waa Jibriil\ جبريلoo Salaan kaaga wada xagga Rabbigaa". Markaasey Khadiijah waxay tiri: ". وعلى جبريل السالم، ومنه السالم،"هللا السالم “Allaahu AlSsalaamu, wa minHu Al Ssalaamu, wa calaa Jibriila Al Ssalaamu.” Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Ilaahay Isagaa ah Al Ssalaamu( السالمoo waa magac Magacda Ilaahay ka mid ah), Isagayna Al Ssalaamu السالمka timaadda oo laga helaa (oo ah nabadgelyo), Jibriil\ جبريلkorkiisana Al Ssalaamu( السالمnabadgelyo) ha ahaato". 232 Xadiithka waxaa kalkoo wariyay Bukhaarii\ البخاريmujalladka afaraad bogga boqol lix iyo soddon iyo Xadiithka kow iyo sagaashanaad ee Muslim\ مسلمiyo kuwo kaleba. Fardi ka yeelidda tukashada Salaadda Al Qasdhalaanii\ القسطالنيwuxuu yiri: "Waxaa la wariyay inuu Jibriil\ جبريلNabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u yimid isagoo leh suuradda ugu qurxoon, lehna carafta ugu udgoon, uuna ku yiri: "Muxammadow! Ilaahay Salaan ayuu kuu soo diray wuxuuna kugu leeyahay: ". فادعوهم إلى قول الإله إال هللا."أنت رسولي إلى الجن واإلنس "Anta Rasuulii ilaa al jinni wa al insi. Fa adcuhum ilaa qawli Laa ilaaha illaa Allaahu." Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Muxammadow! Adigu waxaad tahay Rasuulkeyga aan u diray jinniga iyo insigaba ee hadda dhammaantood ugu yeer inay yiraahdaan Laa ilaaha illaa Allaahu الإله إال هللا." Kaddib Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxaa fardi looga yeelay tukashada Salaadda. Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: "Waxaa ii warramay Saalix bin Kaysaan\ صالح بن كيسانoo ka wariyay Curwah bin Al Zubayr عروة \ بن الزبيرinay Caa'ishah\ علئشةtiri: ثم إن، كل صالة،"افترضت الصالت على رسول هللا صلى هللا عليه وسلم أول ما افترضت ركعتين ركعتين ". وأقرها في السفر على فرضها األول ركعتين،هللا تعالى أتمها في الحضر أربعا “Iftaradati al ssalaatu calaa Rasuuli Allaahi Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam awwala maa ifturidat calayhi rakcatayni rakcatayni, kulla salaatin, thumma inna Allaaha Tacaalaa atammahaa fii al xadri arbacan, wa aqarrahaa fii al safari calaa fardihaa al awwali rakcatayni.” Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, marka ugu horreysey oo Salaadda korkiisa fardi looga dhigay, waxaa fardi looga dhigay laba laba rakco ayadoo ah, oo ay salaad walba labo rakco tahay. Kaddibna Ilaahay Tacaalaa هللا تعالىwuxuu taam yeelay (uu buuxay oo dhammaystiray) Salaadda qofka muqiimka ah, oo gurigiisa jooga, wuxuuna u sharciyeeyey oo uu daayey Salaadda Safarka siday markeeda horeba lagu fardi yeelay oo labo rakco ah." Xadiithka waxaa kaloo wariyay Al Bukhaarii\ البخاريmujalladka sideed bogga kow iyo Muslim \ مسلمiyo kuwo kaleba. 233 Waysada iyo tukashada salaadda Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: "Marka Salaadda lagu fardi yeelay Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, korkiisa, waxaa u yimid Jibriil\جبريل, isagoo ku sugan Makkah\ مكةdusheeda. Markaasuu Jibriil جبريلciribtiisa dhulka dooxada dhankeeda ku dhuftay. Markaasaa waxaa bartaas kasoo burqatay il biyo ah. Markaasuu Jibriil جبريلbiyahaas ka wayso qaatay, ayadoo uu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, fiirsanayo, si uu u tuso sida Salaadda loogu wayso qaato. Markaas kaddib ayuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u wayso qaatay siduu u arkay inuu Jibriil جبريلu weyseystay. Markaasuu Jibriil جبريلistaagay oo uu tukaday. Rasuulka Ilaahayna, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, uu salaadiisa ku tukaday oo uu la tukaday. Intaas kaddibna Jibriil جبريلwuu ka gaddoomay, oo Samaduu kor u tafay." Tukashada Khadiijah خديجة Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: "Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Salla Allaahu Calayhi Wasallam, Khadiijah خديجةu yimid, oo uu horteeda ku wayso qaatay, si uu u tuso sida Salaadda loogu wayso qaato, siduu Jibriil \ جبريلu tusay. Markaasey waxay u wayso qaadatay siduu horteeda ugu wayso qaatay Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, si la mid ah. Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, tujiyay oo uu u tujiyay siduu Jibriil\ جبريلisaga laftiisa u tujiyay oo kale. Markaasey Salaaddiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku xiratay oo ay la tukatay." Al Qasdhalaanii\ القسطالنيwuxuu yiri: "Markuu Jibriil\ جبريلSamada kor u tafay, ayuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, soo gaddoomay, isagoo aan ag marayn dhagax iyo dhoobo midna ama geed ee waa illaa kan salaama oo yiraahda "Al Ssalaamu Calayka yaa Rasuula Allaahi\"السالم عليك يا رسول هللا. Markaasuu markuu Khadiijah خديجةu yimid ayuu u sheegay warka waxa dhacay, oo uu farax daraadiis ayada isku duubay, kaddibna uu amray oo ay waysaysatay oo uu Salaadda tujiyay siduu Jibriil\ جبريلisaga u tujiyay." Al Qasdhalaanii\ القسطالنيwuxuu yiri: "Ayaday ahayd, waa Khadiijee خديجة, qofka ugu horreeya oo Salaad tukada." 234 Waqtiyada Salaadda Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: "Waxaa ibnu Cabbaas\ إبن عباسlaga wariyay inuu yiri: فصلى به الظهر حين،"لما افترضت الصالة على رسول هللا صلى هللا عليه وسلم أتاه جبريل عليه السالم ثم صلى به، ثم صلى به المغرب حين غابت الشمس، ثم صلى به العصر حين كان ظله مثله،مالت الشمس فصلى به الظهر من غد، ثم جاءه، ثم صلى به الصبح حين طلع الفجر،العشاء اآلخرة حين ذهب الشفق ثم صلى به المغرب حين غابت الشمس لوقتها، ثم صلى به العصر حين كان ظله مثليه،حين كان ظله مثله ثم، ثم صلى به الصبح مسفرا غير مشرق، ثم صلى به العشاء اآلخرة حين ذهب ثلث الليل األول،باألمس ". وصالتك باألمس، "يا محمد! الصالة فيما بين صالتك اليوم:قال “Lammaa iftaradati al ssalaatu calaa Rasuuli Allaahi Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam calayhi ataahu Jibriilu Calayhissalaamu, fa sallaa bihi al thuhra xiina maalati al shamsu, thumma sallaa bihi al casra xiina kaana thilluhu mithluhu, thumma sallaa bihi al maghriba xiina ghaabati al shamsu, thumma sallaa bihi al cishaa’a al aakhirataa xiina thahaba al shafaqu, thumma sallaa bihi al subxa xiina dhalaca al fajru, thumma jaa’ahu, fa sallaa bihi al thuhra min ghadin xiina kaana thilluhu mithluhu, thumma sallaa bihi al casra xiina kaana thilluhu mithlayhi, thumma sallaa bihi al maghriba xiina ghaabat al shamsu li waqtihaa bi al amsi, thumma sallaa bihi al cishaa’a al aakhirata xiina thahaba thuluthu al layli al awwali, thumma sallaa bihi al subxa musfiran ghayra mushriqin, thumma qaala: “Yaa Muxammad! Al Ssalaatu fiimaa bayna salaatika al yawma, wa salaatika bi al amsi.” Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Marka Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, korkiisa Salaadda lagu fardi yeelay waxaa u yimid Jibriil\جبريل, Calayhissalaamu, markaasuu wuxuu tujiyay Salaadda Duhur markay qorraxdu Samada xagga galbeed uga iilatay. Kaddibna wuxuu tujiyay Salaadda Casar markuu hooskiisu isaga, waa Nabigee Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, le'ekaaday. Markaasuu wuxuu Salaadda Maghrib tujiyay markay qorraxdu dhacday. Kaddibna wuxuu tujiyay Salaadda Cishe markuu cirguduudku cirka ka tegey. Kaddib wuxuu tujiyey Salaadda Subax markuu waabarigu dillaacay. Kaddib (waana maalinta labaad ee taas hore ku xigta) wuu u yimid, wuxuuna Duhurka tujiyay maaalinta labaad markuu hooskiisu isaga laftiisa (waana Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam) le'egyahay. Kaddib wuxuu tujiyay Salaadda Casar markuu hooskiisu isaga laftiisa (waana Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam) isaga laba jibaarkiisa yahay. Kaddib wuxuu tujiyay Salaadda Maghrib markay qorraxdu dhacday, isla waqtigii shalay. Kaddib wuxuu Salaadda Cishe tujiyey markuu daloolka koowaad ee habeenku tegey. Kaddibna wuxuu tujiyay Salaadda Subax markuu waago caddaansho yahay ayanse qorraxdu weli soo bixin. Intaas kaddib ayuu wuxuu Jibriil\ جبريلyiri: "Muxammadow\ !يا محمدWaqtiga Salaaddu waa inta u dhexeysa goortaad maanta tukatay iyo markaad shalay tukatay." 235 Joogsiga Waxyiga Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: "Kaddib Waxyigu dib ayuu uga joogsaday Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, o ah inuusan Jibriil\ جبريلu imaan oo uusan Waxyi u keenin, wuxuuna ka joogsaday muddo, ilaa heer ay mashaqqo ku noqotay (waa Nabigee, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam), oo uu ka tiiraanyooday. Markaasaa waxaa u yimid Jibriil\ جبريلoo u keenay Suuradda Al Duxaa\سورة الضحى, oo uu Rabbigiis ugu dhaaranayo, ahna Rabbiga ku karaameeyey wuxuu ku karaameeyey, inuusan ka tegin, uusanna u caroon, wuxuuna Tacaalaa\ تعالىyiri: ) َولَ ْْلَ ِخ َرةُ َخ ْيٌر لَ َك ِم َن3( َو َما َقلَى ًّ ووج َد َك ض ) َوَو َج َد َك7( اَل فَهَ َدى َ َ ََ .)11( ث ْ ِّك فَ َح ِّد َ بِنِ ْع َم ِة َرب ُّك َ ) َما َوَّد َع َك َرب2( ) َواللَّْي ِل إِ َذا َس َجى1( ُّحى َ َوالض.بسم اهلل الرحمن الرحيم ِ ِ )6( يما فَآ ََوى َ ك َرب َ ف ُي ْع ِطي َ ) َولَ َس ْو2( ْالُولَى َ ُّك فَرَْر ً ) أَلَ ْم َيج ْد َك َير7( ضى ِ َّ ) فَأ8( َغ َنى َما َّ ) َوأ11( َما السَّائِ َل فَ ًَل رَْنهَ ْر َّ ) َوأ1( يم فَ ًَل رَ ْقهَ ْر ْ َعائِ ًًل فَأ َ َما اْل َير "Bismi Allaahi Al Rraxmaani Al Rraxiimi. Wa Al Dduxaa(l)Wa Al llayli ithaa sajaa(2)Maa waddacaka Rabbuka wa maa qalaa(3)Wa lal’aakhiratu khayrun laka mina al uulkaa(4)Wa la sawfa yucdhiika Rabbuka fa tardaa(5)Alam yajidka yatiiman fa'aawaa(6)Wa wa jadaka daallan fa hadaa(7)Wa wajadaka caa'ilan fa aghnaa(8)Fa ammaa al yatiima falaa taqhar(9)Wa ammaa al ssaa'ila falaa tanhar(10)Wa ammaa bi nicmati Rabbika fa Xaddith(11).” Aayadaha oo ah kuwa kow toban ee Suratu Al Duxaa سورة الضحىmacnohoodu waxaa weeye: “Waxaan ku dhaarta barqada(l)Iyo habeenka markuu dumo(2)Kaama uusan tegin oo kuma sagootin Rabbigaa, kuumana uusan caroon(3)Aakhiraana kaaga khayr badan adduunka(4)Rabbigaana wuu ku siin doona, adiguna waxaas lagu siiyay raalli ayaad ku noqoneysaa(5)Soo kuma uusan helin adigoo agoon ah oo uusan markaas ku dhowayn(6)Oo miyuusan ku helin adigoo lunsan oo uusan ku hanuunin(7)Oo miyuusan ku helin adigoo sabool ah oo uusan markaas ku hodmin(8)Marka agoonkana ha qahrin(9)Midka baryootamayana ka canaanan(10)Nicmada Rabiigaa ku siiyayna ka warran(11)". Wuxuu Ilaahay Tacaalaa sidaas Nabigiisa Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u sheegay oo uu ugu dhaartay inuusan ka tegin, uusanna nicin tan iyo goortuu jeclaaday, wuxuuna ku yiri: (4) waxa agtayda kuu yaalla markaad ii soo noqotid: taasaana kaaga khayr badan oo kaaga fiican karaamada aan kuu soo dedejiyay oo aan adduunkaan kugu karaameeyey oo kugu siiyay, markaasaad waxaas aan ku siiyey fiicnaantooda aad raalli ku noqon doontaa, adduunkaanna waxaan kugu siiyey guul iyo lib iyo gacan sarrayn, Aaakhirana ajar iyo thawaab(5)." Aayadaha lix ilaa sideedna wuxuu Ilaahay Nabigiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u sheegayaa bilawga karaamentiisa adduunkaan iyo siduu ugu mannaystay karaamayntiisa markuu agoonka ahaa iyo lunsanaantiisa iyo siduu intaasba naxariistiisa uga badbaadiyay. 236 Aayadaha sagaal ilaa toban wuxuu Nabigiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku leeyahay: "Ha noqonin jabbaar iyo mid kibra oo isla wayn, hana ahaanin mid addoommada Ilaahay oo taagta daran ku qalbi adag". Aayadda kow iyo tobnaadna macneheedu waa sidatan: "Ee sheeg oo ka warran waxa nicmo iyo karaamo iyo Nabinnimo ee Ilaahay ku siiyey: xus, dadkana ugu yeer." Markaasuu Rasuulka Ilaahau, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, sheegi jiray nicmooyinka uu Ilaahay korkiisa yeelay. Nabinnimadana wuxuu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, si sir ah ugu sheegi jiray intuu isku hallaynayo oo dadkiisa ka mid ah. Al Bukhaariina\ البخاريwuxuu Jundub bin Sufyaan\ جندب بن سفيانka wariyay in "Markuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam Waxyigu dib uga joogsaday in muddo ah, uu xanuunsaday, oo uusan labo ama saddex habeen soo kicin. Markaasey haweeney waxay tiri: "Anigu waxaan rajaynayaa inuu shaydaankaagii kaa tegey". Markaasuu Ilaahay Tacaalaa\ هللا تعالىSuuratu Al Duxaa سورة الضحىsoo dejiyay." Waana Xadiithka afar kun iyo sagaal boqol iyo konton ee Al Bukhaarii\البخاري. Al Qasdhalaanii\ القسطالنيwuxuu yiri: "Mudada uu Waxyigu ka joogsaday waxay ahayd saddex sano, siday u sugeen ibnu Isxaaq إبن \ إسحاقiyo kitaabka taariikhda ee Al Imaamu Axmad bin Xanbal \اإلمام أحمد بن حنبل, iyo Yacquub bin Sufyaan\ يعقوب بن سفيانoo Al Shacbiyyi\ الشعبيka wariyay. Sidoo kale waxaa u wariyay ibnu Sacad\ إبن سعدiyo Al Bayhaqii\البيهقي." Haweenta ugu horreysey oo Ilaahay iyo Rasuulkiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam rumaysay Al Qasdhalaanii\ القسطالنيwuxuu yiri: " Qofka ugu horreeyey oo aamina Ilaahay iyo Rasuulkiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo rumeeya waxay ahayd runlayda haweenka ee Khadiijah\خديجة. Markaasey waxay u kacday oo ay xambaartay mashaqqooyinka ay xambaaraan kuwa runlowyaalka ab. Wuxuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Khadiijah ku yiri, waana markuu buurta kasoo laabtay: "."خشيت على نفسي "Khashaytu calaa nafsii", oo macneheedu yahay: "Naftaydaan u baqay". Markaasey waxay ku tiri: 237 ، وتقري الضيف،وتحمل الكل، وتصدق الحديث، فوهللا إنك لتصل الرحم، فوهللا اليخزيك هللا أبدا،"كال أبشر ".وتعين على نوائب الحق “Kallaa abshir, fa wa Allaahi laa yukhziika Allaahu Abadan, fa wa Allaahi innaka la tasilu al raxima, wa tusdiqu al xadiitha, wataxmilu al kalla, wa taksibu al macnduuma, wa taqrii al dayfa, wa taciinu calaa nawaa’ibi al xaqii.” Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Abshir! Bishaareyso, oo Wa Allaahi inuusan Ilaahay marna ku fadeexeyneyn ebedkaa." Markaasey waxay hadalkeedaas u daliilsatay sifooyinka iyo akhlaaqda iyo dhaqanka ee uu leeyahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, iyo in qofka sifooyinkaas leh aan ebedkiis la fadeexeyneyn ee abshir oo bishaareyso, oo wa Allaahi inuusan Ilaahay ebedkiis ku fadeexeeyneyn, maxaa yeelay adigu riximka, oo ah qaraabada, ayaad xiriirisaa (xagga maalka, xagga u qumidda u adeeggooda, booqashadooda, salaamiddooda, iwm.), runtaadna ku hadashaa (oo weligiis been ma sheegin, lagumana tuhmin Nabinnimada horteed, siduu Abuu Sufyaan\أبو سفيام, oo markaas gaal cadawgiisa ah uu Boqorka Roomaanka Hirqal\ هرقلhortiis ugu qiray. Runlownimaduna waa sifooyinka ugu sharaf badan oo uu qofku yeesho), waxaadna culayska ka qaaddaa oo aad ka xambaartaa kuwa taagta daran (sida ciyaalka agoonta ah iyo kuwa sidoodaba u taagta daran. Muslim\ مسلمwuxuu ku daray inay tiri: " "وتكسب المعدومoo macneheedu yahay: "waxaad dadkana siisaa waxayan ghayrkaa ka heleyn”), martidana cuntadaad inta samaysid siisaa iyo meeluu ku hoydaba, dadkana waxaad ka taakulaysaa dhacdooyinka ku yimaada." Al Azraqii\ األزرقيwuxuu yiri: "Waxaa kaloo wariyay ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقiyo Muusaa bin Cuqbah\ موسى بن عقبةiyo Al Waaqidii\ الوليدiyo Al Umayyu\ األميiyo ghayrkoodba." Al Nawawii\ النوويwuxuu yiri: "Jamaaco muxaqqaqiin ahna sidaas ayay yiraahdeen." Sidoo kale waxaa wariyay Al Thaclabii\( الثعلبيwaana imaamka iska leh kitaabka Tafsiirka Quraanka ee ay kasoo qaateen ibnu Kathiir\إبن كثير, Al Baghawii\ البغويiyo kuwa kaleba) iyo ibnu Cabdu Al Barru\ إبن عبد البرiyo Al Suhaylii\السهيلي, oo dhammaantood isku wada raacay. Ibnu Athiir-na\ إبن األثيرwuxuu yiri: "Muslimiintu waxay isku raaceen inuusan nin iyo haween toona uusan ka hormarin, waa Khadiijee\”خديجة. Waa intaas warka Al Zarqaani\الزرقاني, markuu kitaabka Al Qasdhalaanii \ القسطالنيsharxayo. 238 Abuu Bakr Al Siddiiqu\ أبوبكر الصديقwaa ninka ugu horreeyey oo Ilaahay iyo Rasuulkiisa Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, rumeeya Al Ssaxxaar wuxuu wariyay inuu Abuu Bakr Nabiga Sallaa Allaahu CalayhiWa Calaa Aalihi Wa Sallam ku yiri: "وعيشك يا رسول هللا ما سجدت لصنم قط! ذلك أني لما ناهزت الحلم أخذني أبي بيدي فانطلق إلى مخدع : فدنوت من الصنم و قلت له." وخالني و ذهب. "يا بني هذه األلهة العوالي فاسجد لها:فيه األصنام فقال " فدنوت من الصنم و القيت الصخرة عليه. فإن كنت إله حقا فامنع نفسك،"إني ملق هذه الصخرة عليك ". "هو الذي ترى: "ما هذا يا بني؟" قلت: فأقبل أبي فقال.فخر لوجهه منكفأ على األرض Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: “Waxaan ku dhaartay noloshaadee Rasuulka Ilaahayow – Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam – waligay sanam uma sujuudin. Taasna waxay ku timid in markaan qaangaaray ayuu aabahay aabahay gacanta iga qabtay oo uu geeye qol ay asnaam ku jirtay, wuxuuna yiri: “Maandhoow kuwaanu waa ilaahyada sarreeya, marka u sijuud.’ Markuu intaas yirina qolkuu ka baxay uuna iga tegey.” Markaasaan sanam usoo dhowaaday aanna ku iri: “anigu dhagaxaan ayaan kugu soo tuurayaa, marka haddaad ilaah tahay run ah, naftaada daafac.” Markaasaan sanamka u dhowaaday oo dhagax ku tuuray, markaasuu waji waji dhulka ugu soo dhacay. Markaasuu aabahay soo laabtay oo yiri: ?Tanna waa maxay wiilkaygow –waana markuu arkay sanamka oo dhulka biliqsan -?” Waxaan iri: “Waa sidaad ujeedid.” Al Qasdhalaanii\ القسطالنيwuxuu yiri: "Ninka ugu horreeyey oo aaminay, runleyda ummadda kaddib, ummaddana islaamka ugu hormaray waa Abuu Bakar\( أبوبكر الصديقAbuu Bakar أبوبكرwaa koofaar, magaciisuna waa Cabdu Allaahi bin Cuthmaan bin Caamir bin Camr bin Kacb bin Sacd bin Taym bin Murrah عبد \هللا بن عثمان بن عامر بن كعب بن سعد بن تيم بن مرة. Muurah مرةwaa isla awoowaha lixaad ee Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo nasabkiisu wuxuu kula kulmaa kan Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowaha lixaad). Markaasuu Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, kabay oo uu ka caawinay u gargaaridda Diinta Ilaahay. Ibnu Cabbasna\ إبن عباسwaxaa laga wariyay inuu Abuu Bakar أبوبكرyahay kan dadka ugu hor islaamay, wuxuuna xujjo ka dhigtay oo uu marag gashaday hadalka Xasaan bin Thaabit حسان بن ( ثابتoo ahaa gabayaaga Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo isagoo hortiisa taagan uu yiri, Nabiguna, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, uusan ku beenin) oo yiri: 239 أذكر أخاك أبا بكر بما فعال بعد النبي وأوفاها بما حمال وأول الناس قدما صدق الرسول إذا ذكرت شجوا من أخي ثقة.1 خير البرية أتقاها وأعدلها.2 والثاني التالي المحمود مشهده.3 1. Ithaa tathakkarta shajwan min akhii thiqqatin athkur akhaaka Abaa Bakrin bimaa facalaa. 2. Khayru al bariyyah atqaahaa wa acdalahaa bacda Al Nabiyyi wa awfaahaa bimaa xamalaa 3. Wa al thaanii al taalii al maxmuudi mash-haduhu wa awwali al naasi qidaman saddaqa al Rusulaa. Tixaha macnohoodu waxaa weeye: 1. Haddaad hammi iyo calool xumo xusuusato, ahna wuxuu Abuu Bakar أبوبكرbeerka u dhigay iyo siduu Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxa loo geystay uga tiiraanyooday, xusuuso hadaba siduu saaxiib iyo walaal lagu kalsoon yahay uu saaxiibkiis daraadiis, oo ah siduu Abuu Bakar أبوبكرugu dul qaatay oo uu u xambaaray mashaqqooyin jirka ah iyo kuwa qalbiga ahba, xusuuso waxa suuban oo uu Abuu Bakar أبوبكرfalay . 2. Waana kan ummadda ugu khayr badan, Ilaahayna ugu cabsi badan, uguna caadilsan Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, dabadiis. Waana midka ugu oofin badan cahdiga, oo ugu ilaalin badan wuxuu Nabiga, Sallaa Allaahu Ca1ayhi Wasallam, ka xambaaray oo ah waxa san oo la is faro, xumaantana la iska reebo iyo u qumidda xuquuqda Ilaahay, ayadoo ay aadaabtay mudnayd loogu qumo. 3. Isaguna waa kan labaad ee Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Ghaaru Thawr\غار ثور kula jiray, isagoo raacsan, isagoo ku bixiyay maalkiisa, kana tegey ehelkiisa iyo maalkiisa iyo madaxtinnimadiisaba, intaasna uga tegey adeecidda Ilaahay iyo Rasuulkiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, iyo siduu u laaziamay Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, uuna naftiisa dadka uga ilaaliyay. Waaba ayaduu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: "."إن من أمن الناس علي في صحبته وماله أبوبكر "Inna min amanna al nnaasa calayya fii suxbatihi wa maalihi Abuu Bakrin", oo macneheedu yahay: "Kan dadka iigu gallad badan xagga saaxiibtinnimadiisa iyo maalkiisaba waa Abuu Bakar أبوبكر." Wuxuu kaloo Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: ". واساني بنفسه وماله:"ما أحدكم أعظم عندي يدا من أبي بكر “Maa axadukum acthamu cindii yadan min Abii Bakrin: waasaanii bi nafsihi waa maalihi", oo macneheedu yahay: 240 "Axadkiinna kama wayna gacantuu Abuu Bakar أبوبكرii geystay: wuxuu igu kabay naftiisa iyo maalkiisaba." Waxaa Xadiithka wariyay Al Dhabraanii\الطبراني. Wuxuu kaloo Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: ". زوجني إبنته وواساني بنفسه:"إن أعظم الناس علينا منا أبوبكر "Inna acthama al nnaasa calaynaa munnan Abuu Bakr: zawwajanii ibnatahu wa waasaanii bi nafsihi", Oo macnheedu yahay: "Dadka waxaa noogu munno badan Abuu Bakar أبوبكر: wuxuu ii guuriyey gabadhiisa, wuxuuna igu kabay naftiisa." Waxaa wariyay ibnu Casaakir\إبن عساكر. Al Shacbiyyu\ الشعبيwuxuu yiri: "Ilaahay wuu ku canaantay (oo eraygu waa cataba\ )عتبdadka arliga deggan oo idil Aayaddaan intaan Abuu Bakar أبوبكرka ahayn, waana Aayadda afartanaad ee Suuratu Tawbah \ سورة التوبة." Aayaddaasi wax ay leedahay: ِ َخرجه الَِّذين َكفَروا ثَانِي اثَْن ْي ِن إِ ْذ هما ِفي اْل َغ ِار إِ ْذ يقُو ُل لِص َّ احبِ ِه َل رَ ْح َزْن إِ َّن َ ُ َ َ ْ ص َرهُ اللهُ إِ ْذ أ َ َ ص ُروهُ فَقَ ْد َن ُ إَِل رَْن ُ َ َُ َ )21( اللَّهَ َم َع َنا فَأ َْن َز َل اللَّهُ َس ِك َينرَهُ َعلَ ْي ِه “Illaa tansuruuhu fa qad nasarahu Allaahu ith akhrajahu allathiina kafaruu thaaniya ithnayni ith humaa fii al ghaari ith yaquulu lisaaxibihi: "la a taxzan innaa Allaaha macanaa": fa anzala Allaahu sakiinatahu calayhi(40).” Aayadda macneheedu waxaa weeye: "Haddaydnaan u gargaarin (waa Nabigee, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam) waxaa u gargaaray llaahay markay (dalkiisa Makkah) ka saareen kuwii gaaloobay, isagoo labo midkood ah markay godka ku jireen, markuu ku lahaa saaxiibkiis (Abuu Bakar\)أبوبكر: "Ha murugoonin oo Ilaahay ayaa nala jira". Markaasuu Ilaahay kusoo dejiyay (waa Abuu Bakar )أبوبكرxasilloonidiisa." Siduu ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقyirina, Abuu Bakar أبوبكرwuxuu ahaa nin uu tolkiis oggolyahay, uuna jecel yahay oo sahlan, wuxuuna ahaa ninka Quraysh\ قريشabtirsigeeda ugu badiya, uguna aqoon badan wanaaggooda iyo xumaantoodaba. Wuxuu ahaa nin taajir ah oo maal badan leh, lehna khuluq fiican, macruufkana fala. Ragga tolkiisna way u imaan jireen ayna oggolaan jireen cilmigiisa iyo ganacsigiisaba daraadood iyo wanaagga la fariisashadiisa, tolkiisna dhexdooda wanaag iyo is jacayl ka dhaliya. Markaasuu ragga tolkiis ah oo uu ku kalsoon yahay diinta islaamka ugu yeeray, kana midka ahaa kuwa majliskiisa yimaada, kuna soo noqnoqda. 241 Markaasaa u yeeridiisaas koox ayaga ka mid ihi ku islaameen, sidaan u arki doonno, inshaa'a Allaahu. Abuu Bakar أبوبكرwaa kan ugu horreeya oo Rususha rumeeyey, oo markuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, rumeeyey wuxuu rumeeyey dhammaantood. Waxaa wariyay gabaygaan aan soo xusnay Abuu Cumar bin Cabdu Al Barr \ أبو عمر بن عبد البرiyo Al Dhabraanii\ الطبرانيoo Al Kabiiru\ الكبيرku wariyay. Waxaa inay sidaas tahay oo uu Abuu Bakar أبوبكرkan ugu horreeyey oo Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, rumeeyey yahay ku waafaqay isaguna ibnu Cabbaas \ إبن عباسiyo Al Xasan \الحسن. Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu wariyay inuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: ما عكم عنه حين:"ما دعوت أحدا إلى اإلسالم إال كانت عنده كبوة ونظر وتردد إال ما كان من إبي بكر ".ذكرت له "Maa dacawtu axadan ilaa al islaami illaa kaanat cindahu kabwatun wa natharun wa taraddudun illaa maa kaana min Abii Bakra: maa cakama canhu xiina thakartu lahu." Xadiithka macnihiisu waaa weeye: "Axadna islaamka uguma aanan yeerin ee waa illaa kan simbiririqda, dibna u joogsada oo fiiro ugu noqda oo hakada, intaan ka ahayn Abuu Bakar أبوبكرkanoo aan dib uga joogsan oo aan marna hakan ee horeba ka yeelay markaan u xusay oo aan ugu yeeray." Abu Bakr أبوبكرaabihiis Cuthmaan\ عثمانkoofaartiisu waxay ahayd Abuu Quxaafah\أبو قحافة. Al Qixf\القحف, siduu Al Raazii\ الرازيu yiri waxaa la yiraahdaa lafta madaxa ugu sarreysa oo maskaxda daboosha; waxaa kaloo la yiraahda baaquli qori laga sameeyey oo namuunadda laftaas leh, waxaana la yiraahdaa oo kale waa la tegey, waa qaday. Cuthmaan\ عثمانwuxuu ka yimid al cathamiالعثم, oo ah inay laf jabto oo la kabo ayan kabiddaasna ku sinnin, oo ayana siman. Abuu Bakr Al Siddiiq\أبوبكرالصديق, Allaha raalli ka noqdee, wuxuu leeyahay siiro qiimo wayn leh, oo kutubbo laga allifay, ujeedadeyduna ma aha inaan halkaan siiradiisa kusoo guurinno, ee islaamiddiisa uun ayaan halkaan ku xuseynnaa. Siirada Nabi Muxammadna, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Abuu Bakr أبوبكرwaaba ku jiraa, sidaan u arki doonno, inshaa'a Allaahu إن \شاء هللا. 242 Abuu Bakar Al Siddiiqu أبوبكرالصديقwaa aabahay Abuu Bakr Al Siddiiquأبوبكرالصديق, Allaha raalli ka noqdee, waa aabaha dhalay Shiikhaal, oo sidaasuu anigana aabahay ku yahay. Dadka Shiikhaal la yiraahdo horena "mashaayikh "مشايخloo oran jiray waa afar, waxayna kala yihiin: (Kow) Looboge, oo magaciisuna yahay Axmad\أحمد, ayna ka farcantay Shiikhaal Looboge, wuxuuna ku duugan yahay meel degmada Sheekh ee waqooyiga Soomaaliya ilaa dhawr kiiloomitir u jirta, halkaasoo lagu soo siyaarto sanad walba oo loo Alle baryo, isagaana curadka ah, iyo (Labo) Khudhub\قطب, oo magaciisu yahay Cumar\عمر, ayna ka farcantay Shiikhaasha Khudhub, oo Khudhub macneheedu waa Xiddig cirka ku yaalla oo aan dhaqdhaqaaqin oo lagu hanuuno iyo hoggaamiye. Qudhub wuxuu ku duugan yahay degmada Sheekh ee Burco iyo Barbara u dhexeysa, isaga daraadiis ayaana magacaas loogu bixiyey oo loogu magac daray, iyo (Saddex) Calii\ عليiyo (Afar) Cuthmaanعثمان. Axmad\ أحمدiyo Cumar\ عمرiyo Calii عليwaxaa dhashay gabar Quraysh\ قريشah oo reer Banii Haashim\ بني هاشمu dhalatay ahna ubadka Al Xasan bin Faadhimah\الحسن بن فاطمة, gabadha Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhim Wasallam, ahna gabadha uu dhalay Yuusuf Al Kawnayn\يوسف الكونين, lana yiraahdo oo kale Aw Barkhadle. Gabadhaas magaceedu waa, siduu Duceeye igu yiri Faadhimah Al Sacdiyyah \ فاطمة السعديةama Shariifah Al Mahdiyyah\الشريفة المهدية. Yuusuf Al Kawnayn يوسف الكونينwaa sheekha hindisay sida Quraanka Soomaalida loo baro oo loo hingaadiyo oo ah Alif la kordhebey, alif la hoos dhebey alif laa goday. Aw Barkhadle, sida la yiri, wuxuu ku duugan yahay barta magacaas leh oo u dhexeysa Hargeysa iyo Barbara. Gabdhaas waxay kaloo dhashay wiil la yiraahdo Wacays, ayna ka farcameen reerka la yiraahdo reer Wacays ee qabiilka Habar Awwal ee Isaaq ka midka ah. Sidaas ayay Shikhaal iyo reer Wacays walaalo u yihiin ayagoo ay isku hooyo dhashay. Inay sidaas tahayna waxaa shir noogu sheegay Maxammad Xaaji Xuseen oo loo yiqiin Sheeko Xariir, Allaahu u naxariistee, sanadkii kun iyo sagaal boqol iyo toddoba iyo toddobaatanka ama sideed iyo toddobaatanka intuu socday dagaalkii dhex maray Soomaaliya iyo Ethiopia, dagalka loo yiqiinna toddoba iyo toddobaatanka. Ragga goobtaas joogay waxaa ka mid ahaa Axmad Aw Muuse oo Duceeye loo yaqaanno, iyo Yuusuf Cabdulle Faarax oo Lo'jir loo yaqaanno iyo walaalkay Dr. Axmad Nuur Aadan Cismaan Cilmi. Meeshuna waxay ahayd Muqdisho. Raggaas intiisa kalena waa shiikhaasha reer Aw Khudhub. Waxaa kaloo ii sii sugay, waa walaalnimada shiikhaal iyo reer Wacays, inuu aniga lafteyda xafiiskaan ka fariisan jiray Xarunta Muqdisho ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya uu iigu yimid nin isugu key sheegay inuu walaalkey yahay, isla markaasna uu yahay Suldaanka Reer Wacays ee Habar Awwal. Markaan wada hadalkeenna dhammaysannayna, Suldaankaas xafiiska ayaan kala soo baxay waxaanna u wada nimid walaalkay Danjire Dr. Axmad Nuur 243 Aadan Ciusmaan, oo isaguna xafiis isla Wasaaraddaas ka fariisan jiray. Markaasaan waxaan Suldaankaas ka codsaday inuu hadalkuu ii sheegay uu walaalkeen Axmadna u sheego. Sidaas ayuuna yeelay. Kulankaasi wuxuu ka dhacay dhammaadka sanadka kun iyo sagaal boqol iyo sagaal iyo sideetanka Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya. Wiilka afaraad ee Shikhaashu ka farcantayna waa Cuthmaan \عثمان, waxaana ka farcamay Shiikhaasha Gandarshe oo Muqdisho agagaarkeeda dega iyo degmada Gandarshe iyo koofurteedaba, hooyadiisna waxay ahayd Carabiyad reer Yaman u dhalatay. Aabaha Shiikhaal dhalay wuxuu ahaa Amiirka Harar ama Awdal, magaciisuna waa Cumar \عمر, soomaaliduna waxay u taqaannaa Fiqi Cumar. Harara waxaa looga yaqaanna Abaadir, ahna wadaadka Diinta Islaamkana xoojiyey oo ay ka barakaystaan. Abtirsiga Fiqi Cumar waxaan kasoo qaatay kitaabka uu allifay Sheekh Cabdu Allaahi bin Mucallim Yuusuf Al Qudhbii Al Qaadirii, loona yaqaanno Sheekh Cabdu Allaahi Qudhbii. Kitaabkiisuna wuxuu ka kooban yahay shan qaybood oo kala ah: (Kow) Caqiidatu ahlu al Sunnati wa al Jamaacah\عقيدة أهل السنة والجماعة, (Labo) Siraaju al thilaami fii silsilati al saadati al kiraami\سراج الظالم في سلسلة السادة الكرام, (Saddex) Taxthiiraatin baliighatin tusammaa bi al sikkiin al thaabixati calaa al kilaabi al naabixati\( تحذيرات بليغة تسمى بالسكين الذبيحة على الكالب النابحةoo uu ku gawracayo kuwa la yiraahdo wahaabiyiinta, oo uu eeyo ku magacaabay), (Afar) Nasru al mu'miniina calaa al maradati al mulxidiina maca baqiyati axkaami al diini نصر المؤمنين على المردة \الملحدين مع بقية أحكام الدين, (Shan) Aniisatu al caashiqiina fii tathkirati al muxibbina أنيسة العاشقين في \تذكرة المحبين. Kitaabkaas waxaa daabacay Al Shaykh Faqiih bin Shaykh Muxammad Abii Bakr Al Qaadirii iskana lahaa maktabada Maktabatu Al Islaamiyyah, oo lahayd Sanduuqa Boostada ee boqol iyo shan iyo sideetan ee Muqdisho, Somalia, wuxuuna ku daabacay Madbacadda Madhbacatu Al Mash-hadu Al Husaynii ee lahayd Sanduuqa Boostada ee boqol iyo toddoba iyo soddon ee Al Ghawriya, Al Qaahirah ee dalka Masar. Abtirsigiisaas iyo kutubbadiisaba waxa isaguna xusay ninka qoraaga talyaaniga ah oo Dawladda gumeysiga ee talyaaniga Soomaaliya wakiil uga ahaan jiray zamanka ay ahayd mustacmarad talyaani ee la yiraahdo Enrico Cerulli, kuna xusay kitaabkiisa Somalia: storia della Somalia, l'islam in Somalia, il libro dei zenji, mujalladka koowaad bogagga boqol iyo sagaal iyo sideetan iyo boqol iyo toddoba iyo sagaashan. Sheekhu wuxuu bogga labo iyo tobnaad ee qaybta afaraad ku wariyay abtirsiga Fiqi Cumar iyo isaga laftiisa abtirsigiisa, wuxuuna yiri: الفقيه عمر بن شمس (الدين) بن فقيه بن محمد بن يونس أبن فقيه يوسف بن فقيه محمد بن فقيه أحمد بن فقيه تيم بن فقيه إبراهيم بن فقيه إسماعيل بن فقيه عيسى بن بكر بن فقيه عمر بن يعقوب بن فقيه يحيى بن فقيه عيسى بن فقيه مرة بن فقيه زكريا بن تيم إبن جمال الدين بن محمد بن عبدهللا (أبي عتيق) بن محمد بن عبد الرحمن بن أبي بكر الصديق بن عثمان بن عامر بن عمرو بن كعب إبن لؤي بن غالب بن فهر بن مالك بن نضر بن كنانة بن خزيمة بن مدركة بن إلياس بن مضر بن .نزار بن معد بن عدنان "faqiih Cumar bin Shams bin faqiih bin Faqiih bin Muxammad bin Yuunus Ibnu faqiih Yuusuf bin Faqiih Muxammad bin faqiih Axmad bin faqiih Taym bin faqiih Ibraahiim bin faqiih Ismaaciil bin faqiih Ciisaa bin Bakr bin faqiih Cumar bin Yacquub bin faqiih Yaxyaa bin faqiih Ciisaa bin faqiih Murrah bin faqiih Zakariyaa bin Taym ibnu Jamaalu Al Ddiin bin Muxammad bin Cabdu Allaahi oo koofaartiisu tahay Ibnu Abii Catiiq bin Muxammad, oo koofaartisu tahay Abuu Catiiq Cabdu 244 Al Raxmaan bin Abii Bakr Al Siddiiqu Abuu Bakar, oo Abuu Bakar waa koofaar, magaciisuna waa Cabdu Allaahi bin Cuthmaan bin Caamir bin Camr bin Kacb bin Sacd bin Taym bin Murrah bin Kacb bin Lu'ayy bin Ghaalib bin Fihr, oo ah ninka Quraysh la yiraahdo. Muurah waa isla awoowaha lixaad ee Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo nasabkiisu wuxuu kula kulmaa kan Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowaha lixaad. Fihr waa ina Maalik bin Nadr bin Kinaanah bin Khuzaymah bin Mudrikah bin Ilyaas bin Mudar bin Nizaar bin Macadd bin Cadnaan. Waa intaas warka sheekhu. Aniga abtirsigeyga Aniga abtirsigeyguna waa Xasanwali ina Sheekh Xuseen ina Cuthmaan ina Cilmi ina Axmad ina Muxammad ina Caalin ina Cabdu Al Rraxmaanu ina Muxammad ina Caagane ina Axmad Looboge ina faqiih Cumar bin Shams bin faqiih bin Faqiih bin Muxammad bin Yuunus Ibnu faqiih Yuusuf bin Faqiih Muxammad bin faqiih Axmad bin faqiih Taym bin faqiih Ibraahiim bin faqiih Ismaaciil bin faqiih Ciisaa bin Bakr bin faqiih Cumar bin Yacquub bin faqiih Yaxyaa bin faqiih Ciisaa bin faqiih Murrah bin faqiih Zakariyaa bin Taym ibnu Jamaalu Al Ddiin bin Muxammad bin Cabdu Allaahi oo koofaartiisu tahay Ibnu Abii Catiiq bin Muxammad, oo koofaartisu tahay Abuu Catiiq Cabdu Al Raxmaan bin Abii Bakr Al Siddiiqu Abuu Bakar, oo Abuu Bakar waa koofaar, magaciisuna waa Cabdu Allaahi bin Cuthmaan bin Caamir bin Camr bin Kacb bin Sacd bin Taym bin Murrah bin Kacb bin Lu'ayy bin Ghaalib bin Fihr, oo ah ninka Quraysh la yiraahdo. Muurah waa isla awoowaha lixaad ee Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo nasabkiisu wuxuu kula kulmaa kan Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowaha lixaad. Fihr waa ina Maalik bin Nadr bin Kinaanah bin Khuzaymah bin Mudrikah bin Ilyaas bin Mudar bin Nizaar bin Macadd bin Cadnaan. . حسن ولي بن شيخ حسين بن عثمان بن علم بن أحمد محمد بن عالم بن عبد الرحمن بن محمد بن عاغني بن أحمد بن (لوبغي) بن الفقيه عمر بن شمس (الدين) بن فقيه بن محمد بن يونس أبن فقيه يوسف بن فقيه محمد بن فقيه أحمد بن فقيه تيم بن فقيه إبراهيم بن فقيه إسماعيل بن فقيه عيسى بن بكر بن فقيه عمر بن يعقوب بن فقيه يحيى بن فقيه عيسى بن فقيه م رة بن فقيه زكريا بن تيم إبن جمال الدين بن محمد بن عبدهللا (أبي عتيق) بن محمد بن عبد الرحمن بن أبي بكر الصديق بن عثمان بن عامر بن عمرو بن كعب إبن لؤي بن غالب بن فهر بن مالك بن نضر بن كنانة بن خزيمة بن مدركة بن إلياس بن .مضر بن نزار بن معد بن عدنان Sarraynta Abuu Bakrأبوبكر Siirada iyo sarraynta darajada Abuu Bakr أبوبكرkutubbo ayaa laga allifay, waxayna ummadda Nabi Muxammadi, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, isku waafaqday inuu yahay ninka ummadda ugu khayr badan Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, dabadiis. Banii Aadanka waxaa ugu khayr badan Anbiyada iyo Rususha, waxaana ku xigah oo ugu khayr badan intooda kale asxaabta Anbiyada iyo Rususha, dhammaantoodna waxaa ugu khayr badan asxaabta Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Asxaabta Nabi Muxammadna, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxaa ugu khayr badan Abuu Bakr Al Siddiiqu أبوبكر الصديق, kanoo sidaas ku ah kan basharka ugu khayr badan Anbiyada iyo Rususha Ilaahay Tacaalaa kaddib. Waxaa Abuu Bakr أبوبكرammaan iyo faan ugu filan, isaga iyo ubadkiisaba, inuu Al Zubayru 245 ibnu Al Bakkaar\ الزبير إبن البكارyiri: "Waxaa ii warramay Yaxyaa bin Miskiin\ يحيى بن مسكينoo ka wariyay Cabdu Allaahi bin Xasan \ عبد هللا بن حسنoo ka wariyay aabihiis (oo ah Calii bin Abii Dhaalib\ )علي بن إبي طالبoo yiri: "RasuuIka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri: "."إن أبو بكر منا أهل البيت "Inamaa Abuu Bakr minnaa Ahla Al Bayti", oo macneheedu yahay: "Abuu Bakar أبوبكر, waxaa sugan inuu annaga naga mid yahay oo uu Ahlu Al Bayti\ أهل البيتka mid yahay." Siduu u wariyay oo kale kitaabka Ansaabu Al Ashraafi\ أنساب األشرافee Al Balaatharii\البالذري reerka Abuu Bakr أبو بكرwaxaa loogu yeeri oo loo yiqiinnay Aali Al Rrasuuli\آل الرسول, Hadduu warkaasuu sidaas yahay, Shiikhaalna waa caruurtiisaas caruurtooda oo sidaasay ayaguna Ahlu Al Baytka\ أهل البيتuga mid yihiin haddaan la helin nas ka saaraya, wa al xamdu li Allaahi Rabbi al caalamiina\الحمد هلل رب العالمين. Sidaasuu wuxuu ka mid ahaa qoyska Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Waana Xadiithkiisa kun iyo labo boqol iyo shan iyo toddobaatan. Al Zzubayru ibnu Al Bakkaar \الزبير إبن البكار, oo ka mid ah dhasha Al Zubayru ibnu Al Cawwaami\الزبير بن العوام, Xawaariga iyo ina eedada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri: "Waxaa ii warramay Muxammad bin Yaxyaa\ محمد بن يحيىoo yiri: nin asxaabteenna ka mid ah ayaa wuxuu yiri: "Nin ayaa Calii bin Al Xusayn\( علي بن الحسينahna Zaynu Al Caabidiina)(bin Cali bin Abii Dhaalib\ )بن علي بن أبي طالبwuxuu ku yiri: "Sideebuu ahaa makaanka Abuu Bakr\ أبو بكرiyo Cumar عمرay Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, agtiisa ku lahaayeen?" Wuxuu yiri: "Makaanka ay maanta agtiisa ku leeyihiin", oo agtiisay labadooduba ku duugan yihiin ayadoo ayan cidna ka xigin, lana keli ah. Al Zubayru ibnu Al Bakkaaru\ الزبير إبن البكارwuxuu yiri: "Mudhraf bin Cabdu Allaahi\ مطرف بن عبد هللاayaa wuxuu iiga wariyay Anas bin Maalikإنس بن مايك oo yiri: "Amiiru Al Mu'miniina Haaruun (Al Rashiid)) أمير المؤمنين هارون (الرشيدayaa wuxuu igu yiri: "Maalikow !يا مالكWaxaad ii sifeysaa makaanka Abuu Bakr\ أبوبكرiyo Cumar عمرay Nabiga agtiisa ku lahaayeen!" Markaasaan waxaan iri: "Amiiru Al Mu'miniinow\ !يا أمير المؤمنينWaxay intuu noolaa ugu dhowaayeen siday maanta labadooda qabri ay qabrigiisa ugu dhaw yihiin." Wuxuu yiri: "Waad i bogsiisay Maalikow! Waad i bogsiisay Maalikow!". Al Zubayru ibnu Al Bakkaaru\ الزبير إبن البكارwuxuu yiri: "Waxaa ii warramay Sufyaan bin Cuyaynah\ سفيان بن عيينةoo ka wariyay Hishaam bin 246 Curwah\ هشام بن عروةoo aabihiis (Curwah bin Al Zubayr bin Al Cawwaam bin Khuwaylid عروة بن \ )الزبير بن العوام بن خويلدka wariyay oo yiri: "Abuu Bakr\ أبو بكرwuxuu islaamay isago afartan kun leh, kulligoodna uu jidka Ilaahay ku nafaqeeyey." Waana Xadiithkiisa kun iyo laba boqol lix iyo toddobaatan. Waynaanta cilmigiisana iyo inuu isagu asxaabta augu cilmi badnaana waxaa u daliil ah inuu Nabigu, Salla Allaahu Calayhi Wasallam, isagoo nool uu isaga amray inuu dadka Salaadda tujiyo oo uu imaam u noqdo, waana ayadoo uu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: "."وأحقهم باإلمامة أقرأهم "Wa axaquuhum bi al imaamati aqra'uhum”, oo macneheedu yahay: "Waxaa ugu xaq badan inuu imaam u noqdo kooda Quraanka ugu badiya." Muslim\ مسلمiyo Axmad\ أحمدiyo Al Nasaa'ii\ النسائيayaa ka wariyay Abuu Saciid Al Khudriyyi \أبو سعيد الخدري. Muslim مسلمiyo Axmadba\ أحمدwaxay Cabdu Allaahi ibnu Mascuud\ عبد هللا بن مسعودka wariyeen inuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: ". فإن كانوا في القراءة سواء فأعلمهم بالسنة،"يؤم القوم أقرؤهم لكتاب هللا "Ya'umma al qawma aqra'uhum liKitaabi Allaahi, fa in kaanuu fii al qiraa'ati siwaa'an fa aclamuhum bi al sunnati", oo macneheedu yahay: "Dadka ha tujiyo oo uu imaam u noqdo kooda Kitaabka Ilaahay ugu badiya. Hadday Quraanka aqoontiisa ka siman yihiinna, kooda ugu badiya Sunnada." Axaadiithta kusoo aroortay cilmi badnidiisu way badan yihiin, sida Xadiithka uu ibnu Sacad إبن \ سعدwariyay: "Ibnu Cumar ayaa la waydiiyey: "Yaa fatwo bixin jiray cahdiga Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calyhi Wasallam?" Markaasuu wuxuu yiri: "Abuu Bakar\ أبوبكرiyo Cumar\عمر, ghayrkoodna ma ogsooni." (ibnu Sacad\ إبن سعدmujalladka labaad bogga saddex boqol afar iyo soddon iyo shan iyo soddon). Calii bin Abii Dhaalib\علي بن أبي طالب, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri: "Aayadda shan iyo tobanaad ee Suuratu Al Axqaafi waxay kusoo degatay Abuu Bakr Al Siddiiq \أبوبكر الصديق ُّ أ َ ُمهُ ُك ْرًها َوَو َ ُصالُهُ ثَ ًَلث ُون َش ْه ًار َحرَّى إِ َذا َبلَغَ أَ ُش َّده َ ض َعرْهُ ُك ْرًها َو َح ْملُهُ َوِف ِ َعم َل َّ ت َعلَ َّي َو َعلَى َوالِ َد َ أَ ْش ُك َر نِ ْع َمرَ َك الَّرِي أ َْن َع ْم ْ ي َوأ َ صال ًحا رَْر ُضاه َ َ ْ َن أ ِ ِ ِْ َّي َنا ْ َوَوص ُان بِ َوال َد ْيه إِ ْح َس ًانا َح َملَرْه َ اْل ْن َس ِ ِ ِّ ال َر َن َ َين َس َنةً ق ْ ب أ َْوِزْعني أ َ َوَبلَ َغ أ َْرَبع 247 ِِ ِ )17( ين ُ َصلِ ْح لِي ِفي ُذِّريَّرِي إِِّني رُْب َ ت إِلَ ْي َك َ لوِاِّني م َن اْل ُم ْسلم ْ َوأ "Wa wassaynaa al insaana biwaalidayhi ixsaanan xamalathu ummuhu kurhan wa wadacathu kurhan wa xamluhu wa fisaaluhu thalaathuuna shahran, xattaa ithaa balagha ashuddahu wa balagha arbaciina sanatan qaala: "Rabbi awzicnii an ashkura nicmataka allatii ancamta calayya wa calaa waalidayya wa an acmala saalixan tardaahu, wa aslix lii fii thurriyatii, innii tubtu ilayka wa innii mina al muslimiina." Aayadda macnuheedu waxaa weeye: "Dadka waxaan u dardaarannay labadiisa waalid inuu u wanaag falo. Hooyadiis uurkay ku sidday ayadoo dhibban, waxayna dhashay ayadoo dhibban. Sididda uurkiisa iyo naaska ka gurintiisu waa soddon bilood. Markuu cunuggu tabar yeesho oo uu afartan sano gaaro ayuu wuxuu yiraahdaa (midka fiicani): "Ilaahayow igu toosi inaan kugu mahdiyo nicmadaada aad iigu nicmeysay aniga iyo waalidiinteyda, iguna toosi inaan camal fiican oo aad raalli ka tahay falo, iina wanaaji faracayga, waana kuu tawbad keenaye, waxaanna ka mid ahay muslimiinta". Al Shaykhu Ibraahiim bin Caamir bin Calii Al Cubaydii Al Maalikii الشيخ إبراهيم بن عامر بن علي \ العبيدي المالكيwuxuu kitaabkiisa Kitaabu Cumdatu Al Taxqiiqi fii Bashaa'iri Aali Al Siddiiqi عمدة \التحقيقة في بشارة آل الصديق, uuna dhigiddisa dhammeeyey maalin jimce ah ee bisha Rabiicu Al A wwal\ ربيع اآلولsanadka kun iyo afar iyo lixdan waxaana lagu daabacay Madhbacatu Al Sayyid Ibraahiim Al Muulixii oo lagu magacaabo Madhbacatu Jimciyyati Al Macaarif ee dalka Masar bisha taas ku xigtay. Kitaabkaanina wa mid ka mid ah labada uu Shaykh Cabdu Allaahi Al Qudhbii\ الشيخ عبد هللا قطبيkasoo qaatay warka Abuu Bakar\ أبوبكرoo ku xusay kitaabkiisa Nasru Al Muminiina\ نصر المؤمنينoo aan aniguna kasoo qaatay, ku xusay inay ducadaasi uu Abuu Bakr أبوبكرku Alle baryay u jirto oo laga aq balay dhashiisa oo idil ilaa Yawmu Al Qiyaamah, oo ay sidaas ku ahaanayaan dad saalixiin suusuuban ah. Allahana nooga dhigo sidaas. Al Baghawii\ البغويwuxuu tafsiirkiisa ku wariyay inuu Calii bin Abii Dhaalib\ علي بن أبي طالب, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri: ولزم ذلك من، أوصاه اهلل بهما، ولم يجتمع ألحد من المهاجرين أبواه غيره، جميعا أسلم أبواه، “اآلية نزلت في أبي بكر ً ”. )4( بعده “Aayaddu waxay kasoo degatay Abuu Bakr أبوبكر, oo labadiisa waalid, wanaa aabihiis iyo hooyadiisa dhalay, way islaameen dhammaantood, taasoo ayan u sugnaan axad Muhaajiriinta المهاجرينka mid labadooda waalid. Waxaana Abuu Bakr أبوبكرsidaas labadooda ugala dardaarmay dardaarmay inuu u sama falo sidaasna u duceysto Ilaahay, taasoo ay laazimeen oo ku dul sugnaadeen dhashiisa isaga dabadiis.” Al Baghawii\ البغويwuxuu kaloo wariyay inuu ibnu Cabbaas\ إبن عباسyiri: شيئا من الخير ً فأعتق تسعة من المؤمنين يعذبون في اهلل ولم يرد، "وأجابه اهلل عز وجل: قال ابن عباس فلم يكن له ولد إال آمنوا، َصلِ ْح لِي ِفي ُذِّري َِّتي } فأجابه اهلل ً ودعا، إال أعانه اهلل عليه ْ { َوأ: أيضا فقال 248 وابنه أبو، فأدرك أبو قحافة النبي صلى اهلل عليه وسلم، جميعا فاجتمع له إسالم أبويه وأوالده، جميعا ً ً ، بكر وابنه عبد الرحمن بن أبي بكر وابن عبد الرحمن أبو عتيق كلهم أدركوا النبي صلى اهلل عليه وسلم ".ولم يكن ذلك ألحد من الصحابة Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: Ilaahayna Cazza wa Jalla\ هللا عز وجلducadiisaas waa ka aqbalay, markaasuu sagaal qof oo mu’miniin ah oo Ilaahay daraadiis loo cathaabi jiray ayuu (inta gatay ayagoo addoommo la leeyahay ahaa oo ay gaalo leedahay) xoreeyey. Wax kastoo khayr leh oo uu doonana inuu ku kaco Ilaahay waa ka caawini jiray. Wuxuu kaloo ku ducaystay oo yiri: َصِل ْح ِلي ِفي ُذ ِّريَّرِي ْ َوأoo ah “iina wanaaji faracayga, oo ah ubadkiisa ku abtirsada ilaa maalinta qiyaame”: markaasuu Ilaahay ka yeelay, oo caruurtiisoo idil way wada islaameen. Markaasaa waxaa u sugnaaday islaannimada aabihiis iyo hooyadiis iyo dhammaan caruurtiisa. Waxaa sidaas Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam soo gaaray Abuu Quxaafah \أبو قحافة, iyo wiilkiisa Abuu Bakr\ أبوبكرiyo isaga wiilkiisa Cabdu Al Rraxmaan bin Abii Bakr عبد الرحمن بن أبي \ بكرiyo Cabdu Al Rraxmaan\ عبد الرحمنwiilkiisa Abuu Catiiq\أبو عتيق, oo dhammaantood soo gaaray Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam, taasoo aan u ahaan axad kale oo saxaabada ka mid ah.” Abuu Bakr\ أبوبكر الصديق, isagoo sideed iyo toban jir ah ayuu wuxuu u raacay Nabiga, Sallaa Allaahu Calyhi Wasallam, oo labaatan jir ah, safar ganacsi ee Shaam\الشام. Markaasuu markuu gaaray afartan sano oo Nabigana, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Nabi laga dhigay, ayuu rumeeyey, Ilaahayna uu baryay oo uu yiri: "Ilaahayow igu toosi inaan kugu mahdiyo nicmadaada aad iigu nicmeysay aniga iyo waalidiinteyda sidaad ii hanuunisay qalbigeygana aad iimaanka gelisay, iyo igu toosi inaan camal fiican oo aad raalli ka tahay falo": Ibnu Cabbaas\ إبن عباسwuxuu yid: "Ilaahay Cazza wa Jalla\ هللا عز وجلwaa ka aqbalay ducada, oo wuxuu xoreeyey sagaal mu'miniinta ka mid ah oo Ilaahay daraadiis loo cadaabayo, mana uusan u kicin shay khayr ku jiro ee wa illaa kan uu Ilaahay ku caawino." Wuu sii Alle baryayoo wuxuu kaloo yiri: "Dhashaydana ii suubi": markaasuu Ilaahay ka aqbalay oo caruurtiisa oo idil mu'miniin ayay noqdeen dhammaantood. Sidaas ayaa u wada sugnaaday inay labadii dhashay islaameen iyo dhashiisa oo dhan. Sidaas ayuu Abuu Quxaafahأبو قحافة, ahna Abuu Bakr\ أبو بكرaabihiisa dhalay, wuxuu soo gaaray Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, iyo wiilkiisa Abuu Bakar\ أبو بكرiyo Abuu Bakar\ أبو بكرwiilkiisa Cabdu Al Rraxmaanu bin Abii Bakr\ عبد الرحمن بن أبي بكرiyo Cabdu Al Raxmaan عبد الرحمنwiilkiisa Abuu Catiiq\أبو عتيق, oo dhammaantood waxay soo gaareen Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo waxay ahaayeen saxaabiyyiin, taasoo aan axad kale u sugnaan." Waa intaas intuu Al Baghawii\ البغويTafsiirkiisa ku wariyay. Waxaana intoo kale isaguna Tafsiirkiisa ku wariyay Al Qurdhubii\ القرطبيisagoo tafsiirka aan kor kusoo sheegnay ku daray: Al Shaykhu Ibraahiim bin Caamir bin Calii Al Cubaydii Al Maalikii الشيخ إبراهيم بن عامر بن علي \ العبيدي المالكيwuxuu kitaabkiisa Kitaabu Cumdatu Al Taxqiiqi fii Bashaa'iri Aali Al Siddiiqi كتاب \عمدة التحقيق في بشائر آل الصديق, uuna dhigiddisa dhammeeyey maalin jimce ah ee bisha Rabiicu Al 249 Awwal\ ربيع األولsanadka kun iyo afar iyo lixdan waxaana lagu daabacay Madhbacatu Al Sayyid Ibraahiim Al Muulixii oo lagu magacaabo Madhbacatu Jimciyyati Al Macaarif ee dalka Masar bisha taas ku xigtay. Kitaabkaanina wa mid ka mid ah labada uu Shaykh Cabdu Allaahi Al Qudhbii\ الشيخ عبد هللا القطبيkasoo qaatay warka Abuu Bakar\ أبوبكرoo ku xusay kitaabkiisa Nasru Al Muminiina\ نصر المؤمنينoo aan aniguna kasoo qaatay, ku xusay inay ducadaasi uu Abuu Bakr \ أبوبكرku Alle baryay u jirto oo laga aq balay dhashiisa oo idil ilaa Yawmu Al Qiyaamah, oo ay sidaas ku ahaanayaan dad saalixiin suusuuban ah. Allahana nooga dhigo sidaas. Jacaylka Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ee Abuu Bakr Al Siddiiq أبو بكر \الصديق Waxay Al Muxibbu Al Dhabarii\ المحب الطبريku wariyay Al Riyaadu Al Nadirata\الرياض النضرة iyo Al Sayuudhii\ السيوطيiyo Al Isaabatu\ اإلصابةku wariyay iyo ghayrkoodba ayna ka wariyeen Camr bin Al Caasii Al Sahmiyyi\ عمرو بن العاصي السهميka wariyeen inuu yiri: "Waxaan iri: Rasuulka Ilaahayow, qofkeebaad dadka ugu jeceshahay?" Wuxuu yiri: "."عائشة "Caa'ishah." Waxaan iri: "Waxaan ka waday ragga". Wuxuu yiri: ""أبوها "Abuuhaa", oo ah aabeheed." Madaxtinnimada Abuu Bakr أبو بكرislaamka hortiis IsIaamka ka hor madaxtinnimada Makkah Al Mukarramah\مكة المكرمة, Allaha sharafteeda sii kordhiyee qofka tagana sharfee, waxay ku jirtay gacanta toban nin oo tobanka qabiil ee ay Qurayshta قريشMakkah\ مكةka koobantahay ka kala tirsan. Tobankaas nin waxay kala ahaayeen: Kow. Al Cabbaas bin Cabdu Al Mudh-dhalib\ العباس بن عبد المطلبoo reer Banii Haashim\ بني هاشمah, oo aabihiis kaddib hayay xilka Al Siqaayata\السقاية, oo ah waraabinta xujayda biyaha ceelka Zarnzam laga waraabiyo. Islaamka kaddibna isaga ayaa xilkaas hayay. Labo. Abuu Sufyaan bin Xarb\أبو سفيان بن حرب, ee reer Banii Umayyata\بني أمية, oo hayey Al Ciqaabu\العقاب, oo ahaa calanka Quraysh\قريش. Hadday Qurayshi\ قريشninka hoggaaminaya isku raaci weydo, Abuu Sufyaan أبو سفيانayay soo hormarin jireen oo ay madax ka dhigan jireen. Saddex. Al Xaarith bin Caamir\ الحارث بن عامرee reer Banii Nawfal\بني نوفل, oo hayey Al 250 Rifaadata\الرفادة, oo ah maalka ay Quraysh\ قريشiska soo qaaraanto oo ay dadka xajka yimaada cunno ugu samayn jireen, oo al rafdu macneheedu waa siinta iyo caawinidda. Quraysh \قريش intay lacagtaas iska soo aruuriyaan ayay waxay ku gadi jireen geel iyo cunno iyo zabiib, markaasey xujeyda siin jireen. Afar. Cuthmaan bin Dhalxata\ عثمان بن طلحةee reer Banii Cabdu Al Dddaar\بني عبد الدار, oo hayey Al Sidaanatu\ السدانةiyo Al Xijaabatu\الحجابة. Al Sidaanatu\ السدانةwaxaa weeye u adeegidda Kacbada iyo furidda albaabkeeda iyo xiriddisa. Sadana\ سدنmacneheedu waxaa weeye "waa u adeegay" oo al saadinu \ السادنwaa khaadimka ama u adeegaha Kacbada. Al Xijaabatu\ الحجابةwaa asturidda oo ah isla hawsha al sidaanatu, oo ah u adeegidda Kacbada. Qofka ah al saadinu\ السادنmarkuu hawshaas qabanayo taladiisu isaga gacantiisa ayay ku jirtaa oo cid kale oo hawshaas ku amarta kama tala qaato, ee isagaa hawshaas u madax bannaan. Al Xaajibu-se\ الحاجبamar ayaa qof kale ku siiyaa inuu hawshaas qabto, oo isagu taladiisa uma madax bannaana, oo taladu qof kale ayay gacantiisa ku jirtaa. Sidaas waxaa u fasiray Lisaanu al Carab\لسان العرب, markuu macneynayo erayga sadana. Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu xilkaasna u dhiibay isla Cuthmaan bin Dhalxata\عثمان بن طلحة, qoyskiisaa haya ilaa maanta. Shan. Yaziid bin Zamcata bin Al Aswadu\ يزيد بن زمعة بن األسودee reer Banii Asadبني أسد, oo hayey Al Mashuuratu\المشورة, oo ah inayan Qurayshi\ قريشarrinna go'aansan jirin jeer ay isaga la tashadaan. Marka hadday arrin usoo bandhigaan oo uu ku waafaqo, arrinkaas ayuu ku hoggaamin jiray. Hadduuse arrinkaas diido, oo uu beddelkeeda arrin kale doorto, way ku taageeri jireen oo ay la meel marin jireen. Yaziid يزيدisagoo cidanka Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka mid ah ayuu duullaankii Dhaa'if\ غزوة الطائفku shahiiday. Lix. Abuu Bakar Al Siddiiqu\ أبو بكر الصديقee reer Banii Taym, oo hayey Al Ashnaaqu \األشناق, oo ah diyada iyo dhiigga la kala galo oo dilidda ka yar qiimayntooda. Xukunkuu Abuu Bakar أبو بكرrido Qurayshi\ قريشway rumayn jirtay oo ay ku raaci jirtay. Hadduu qof kale diyo iyo dhiig Quraysheed\ قريشxukumana kama ayan yeeli jirin. Waana Xadiithka kun iyo labo boqol iyo afar iyo sideetan ee Al Zubayr ibnu Al Bakkaar\الزبير إبن البكار. Toddoba. Khaalid bin Al Waliidu\ خالد بن الوليدee reer Banii Makhzuum\بني مخزوم, oo hayey Al Qubbatu\ القبةiyo Al Acannatu\األعنة. Al Qubbatu\ القبةwaxay ahayd khaymad ay u badan tahay in harag amaa saan ka sameysantahay oo ay dhisi jireen markay dagaal gelayaan, dhexdeedana ay kusoo aruurin jireen waxay ciidankooda dagaalka u socda u diyaariyeen. Al Acinnatu-na األعنةwaa xilkiisa ahaa inuu madax ka ahaa fardaha marka xarbi lagu jiro. Sideed. Cumar bin Al Khadh-dhaab\ عمر بن الخطابee reer Banii Cadiyyi \بني عدي, oo hayey Al Safaaratu\السفارة. Al Safaaratu السفارةmacneheedu waa Danjirennimo, oo wuxuu u kala socon jiray Quraysh\قريش 251 iyo qabiilka kale oo dagaal dhex maro, si dagaalka loo joojiyo. Haddii qabiil kale Quraysh\ قريشu faanana, xilkiisa ayay ka mid ahayd inuu u jawaabo, Qurayshna قريشjawaabtiisa raalli ayay ka noqonjirtay. Sagaal. Safwaan bin Umayyata\ صفيان بن أميةee reer Banii Jumax\بني جمح, oo hayey Al Azlaamu\األزالم, oo ah fallaaraha qoriga ah, aanse birta iyo baalka toona lahayn, oo ay ku qori tuuran jireen. Toban. Al Xaarithu bin Qays\ الحارث بن قيسee reer Banii Sahm\بني سهم, oo u xilsaarnaa Al Xukuumatu\الحكومة, hayeyna maalka ay asnaamta ay caabudi jireen loo hadiyeeyo. Waxaan khabarka tobankaas nin oo ay Dawladda Makkah Al Mukarramah\ مكة المكرمةka dhisnayd kasoo guurinnay kitaabka Buluughu Al Arab fii Macrifati Axwaali Al Carab بلوغ األرب \في معرفة أحوال العرب, uuna dhigay Al Sayyid Muxammad Shukrii Al Aluusii السيد محمد شكري \األلوسي, mujalladka koowaad, bogga laba boqol iyo sagaal iyo afartan. Caruurta Abuu Bakr Al Siddiiquأبو بكر الصديق Abuu Bakr Al Siddiiq أبو بكر الصديقwuxuu dhalay lix cunug, saddex wiil iyo saddex gabdhood, oo kala ah: (Kow) Cabdu Allaahi bin Abii Bakr Al Siddiiqu \عبد هللا بن أبس بكر الصديق, oo shahiidnimu lagu dilay duullaanka Dhaa'if\غزوة الطائف, ayadoo maalaintaas la dhaawacay, uuna mar dambe dhintay, oofsashada Nabiga, Sallaa Allaahu Calyhi Wasallam, dabadeed. Isaguu ahaa midka Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, iyo aabihiis godka ugu imaan jiray, una keeni jiray cunnadooda iyo warka Makkah habennimada. (Labo) Asmaa'u ibnatu Abii Bakrin Al Siddiiqu \أسماء بنت أبي بكر القديق, oo ay Cabdu Allaahi\ عبد هللاisku hooyo yihiin, waxayna caruur u dhashay Al Zubayru ibnu Al Cawwaam الزبير \بن العوام: (kow) Cabdu Allaahi\( عبد هللاoo Amiiru Al Mu'miniin\ أمير المؤمنينnoqday boqorka Dawladda Islaamka intaan Shaam\ الشامahayn) iyo (Laba) Al Munthar\ المنذرiyo (Saddex) Curwah\( عروةoo caalinka iyo Muftiga Masjidka Nabiga, Salalaa Allaahu Calayhi Wasallam, ee Al Madiinah\ المدينةnoqday) iyo (Afar) Caasim\( عاصمoo ayan ciribi ka harin, noqdayna Guddoomiyaha dalka Ciraaq\عراق, oo waagaas gabol Dawladda Islaamka ka mid ah ahaa) iyo (Shan) Al Muhaajira\ المهاجرoo ayan isagana ciribi ka harin, iyo (Lix) Khadiijah Al Kubraa\ خديجة الكبرىiyo (Toddoba) Ummu Xasan\ أم حسنiyo (Sideed) Caa'ishah عائشة. Asmaa'u\ أسماءkoofaarteedu waa Thaata Al Nidhaaqayni \ذات النطاقين, ayadoo markuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, iyo aabeheed ay godka ku jireen oo Hijrada ahayd uu Cabdu Allaahi bin Abii Bakr\ عبد هللا بن أبي بكرu keenay cunnaday dariiqa saad ahaan ugu qaadan lahaayeen oo ku jirta sufriyad. Markaasay dhex xirkeeda, oo ah marada dhexda ugu xiran, labo u kala dillaacisay oo ay sufriyada aaburkeeda ku xirtay. Sufriyadna waxaa la oran jiray weel harag laga sameeyey oo 252 cunnada lagu rito dhegana leh oo loogu talo galay qofka safraya, haalkaasuuna erayguba ka yimid, oo ah safar, ama socdaal. Nidhaaqna waa marada aya haweenku dhexda ku xirtaan. Cabdu Allaahi\ عبد هللاiyo Asmaa'u\ أسماءhooyadood waxay ahayd Qaylah bintu Al Cuzzaa bin Cabdu Ascad bin Nasr ibnu Maalik bin Xusl bin Caamir bin Lu'ayy قيلة بنت عبد العزى بن عبد أسعد بن \نصر إبن مالك بن حسل بن عامر بن لؤي, ayadeyna kusoo degatay Aayadda. sideedaad Suuratu Al Mumtaxinah\سورة الممتحنة. (Saddex) Cabdu Al Rraxmaan bin Abii Bakr Al Siddiiqu \عبد الرحمن بن أبي بكر الصديق, oo aabahay ah. (Afar) Ummu Al Mu'miniina Caa'ishah ibnatu Abii Bakr Al Siddiiqu أم المؤمنين عائشة إبنة \أبي بكر الصديق, haweenta Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Caa'ishah عائشةiyo Cabdu Al Rraxmaan عبد الرحمنwaa isku hooyo, hooyadoodna waa Ummu Ruumaan bintu Caamir ibnu Cuwaymir bin Cabdu Shams bin Cattaab bin Uthaynah bin Subayc bin Duhmaan bin Al Xaarith ibnu Ghanm ibnu Maalik bin Kinaanah أم رمان بنت عامر إبن عويمر بن عبد \شمس بن عتاب بن أذينة بن سبيع بن دهمان بن الحارث إبن غنم إبن مالك بن كنانة. Al Zubayr ibnu Al Bakkaar\ الزبير أبن البكارwuxuu ku wariyay Xadiithkiisa kun iyo sadex boqol iyo shan iyo toban inuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: ". فلينظر إلى أم رومان،"من أحب أن ينظر إلى إمرأة من الحور العين "Man axabba an yantbura ilaa imra'atin mina Al Xuuri Al Ciini, fal yanthur ilaa Ummi Ruumaana", oo macneheedu yahay: "Qofka jecel inuu arko haweeney ka mid ah Xuurul Ciinta الحور العينha fiiriyo Ummu Ruumaan " أم رمان, oo ah hooyada dhashay Caa'isha bintu Abii Bakr Al Siddiiq عائشة بنت أبي بكر \الصديق." Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu ku degay qabriga Ummu Ruumaan أم رمانmarka la duugayey. Waa Xadiithkiisa kun iyo saddex boqol iyo afar iyo toban. Ummu Ruumaan أم رمانmagaceedu wuxuu ahaa, siduu ibnu Xajar\ إبن حجرibnu Isxaaq\ إبن إسحاقuga wariyay Zaynab\زينب, uuna ibnu Al Athiir\ إين األثيرJaamicu Al Usuuli\ جامع األصولugu wariyay. (Shan) Muxammad bin Abii Bakr Al Siddiiqu \محمد بن أبي بكر الصديق, hooyadiisna waa Asmaa'u bintu Cumays\أسماء بنت عميس, una dhalatay qabiilka Khathcam\خثعم. Dabadiisna waxaa guursaday Calii bin Abii Dhaalib\علي بن أبي طالب, Allaha raalli ka noqdee, waxayna u dhashay Yaxyaa bin Calii bin Abii Dhaalib\يحيى بن علي بن أبي طالب. Abuu Bakar\ أبو بكرhortiis waxay gabadhu u dhaxday Jacfar bin Abii Dhaalib "Al Dhayyaaru" \" جعفر با أبي طالب "الطيارayna u dhashay Cabdu Allaahi bin Jacfar bin Abii Dhaalib عبد هللا بن \ جعفر بن أبي طالبiyo Muxammad bin Jacfar bin Abii Dhaalib\ محمد بن جعفر بن أبي طالبiyo Cawn bin Jacfar bin Abii Dhaalib\عون بن جعفر بن أبي طالب. 253 Muxammad bin Abii Bakr\ محمد بن أبي بكرwuxuu dhashay sanadka Xajjatu Al Wadaaci\حجة الوداع, markuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ixraamtay, waxaana kafaalo qaaday oo koriyay Calii bin Abii Dhaalib علي بن أبي طالبoo u magacaabay, kaddib, Guddoomiyaha dalka Masar\مصر, halkaasoo lagu dilay. (Lix) Ummu Kulthuum bin tu Abii Bakr Al Siddiiqu \أم كلثوم بنت أبي بكر الصديق, hooyadeedna waa Xabiibah bintu Khaarijah bin Zayd bin abii Zuhayr bin Maalik bin Imri’u Al Qays bin Maalik bin Thaclabah bin Kacb bin Al Khazraj حبيبة بنت خارجة بن زيد بن أبي زهير بن مالك بن امرأ القيس \بن مالك بن ثعلبة بن كعب بن الخزرج, qabiilkaasoo loo yaqaanno Banii Al Agharri \بني األغر. Ummu Kulthuum أم كلثومwaxay guursatay Dhalxah bin Cubaydu Allaahi\طلحة بن عبيد هللا, waxayna u dhashay Zakariyyaa\ زكرياiyo Caa'ishah\عائشة. Isaga dabadiisna waxay guursatay Cabdu Al Raxmaan bin Cabdu Allaahi bin Abii Rabiicah bin Al Mughiirah\عبد الرحمن بن عبد هللا بن أبي ربيعة بن المغيرة, waxayna u dhashay Cuthmaan\ عثمانiyo lbraahiim\ إبراهيمiyo Muusaa\موسى. Ummu Kulthuum\ أم كلثومayadoo caloosha hooyyadeed ku jirta ayaa Abuu Bakar\ أبوبكرla oofsaday. Intuusan dhiman ka hor ayuuna wuxuu Caa'ishah\ عائشةku yiri: "Waana labada wiil oo walaalahaaga ah iyo labada gabdhood oo walaalahaaga ah". Caa'ishah عائشةwaxay ku tiri: "Asmaa'u\ أسماءwaa tanoo waaba aqaannaaye waa tee walaasheyda kale?" Wuxuu yiri: "Waa tan ku jirta caloosha ina Khaarijah\بنت حارجة, oo waxaa qalbigeyga lagu riday inay gabar tahay." Waxayna noqotay siduu u sheegay, waxayna dhalatay geeridsiisa kaddib. Caa'ishah عائشةayaana Ummu Kulthuum\ أم كلثومu bixisay. Waxaa wariyay Al Zubayr bin Bakkaar\الزبير إبن البكار, waana Xadiithkiisa kun iyo saddex boqol iyo kow iyo toddobaatan. Asxaabta kuma jiro nin ay hooyadiis iyo aabihiisba islaameen oo ay saxaabiyyiin yihiin, siduusan ugu jirin afar fac oo is dhalay oo wada saxaabi ah oo aan ahayn Abuu Bakr\ أبو بكرiyo aabihiis iyo wiilkiisa Cabdu Al Raxmaan\ عبد الرحمنiyo midkaan wiilkiisa Muxammad Abuu Catiiq\محمد أبو عتيق. Aabihiis iyo hooyadiisna waxay islaameen maalinta Makkah\ مكةla furtay. Abuu Bakr\ أبوبكرwuxuu ahaa kan ugy honeeyey oo Quraanka inta kasoo uruuriyay meeluhu ku kala qornaa oo hal kitaab iyo labo garbad dhexdooda isugu keena, waana Xadiithka Al Zubayru bin Bakkaar الزبير إبن البكارee kun iyo laba boqol iyo sideed iyo toddobaatan. Ansaabu Al Ashraafi\ أنساب األشرافwuxuu wariyay Xadiithkaan: "Cumar bin Al Khadh-dhaab\عمر بن الخطاب, Allaha raalli ka noqdee, ayaa wuxuu doonay inuu Ummu Kulthuum bintu Abii Bakr\ أم كلثوم بنت أبي بكرguursado, markaasuu wuxuu ka doonay Caa'ishah\ عائشةoo ku faraxday, Ummu Kulthuum-na أم كلثومway kahatay. Markaasey Caa'ishah عائشةwaxay ka xishootay Cumar( عمرoo markaasna ah Amiiru Al Mu'miniina\ أمير المؤمنينiyo boqorka Dawladda Islaamka). 254 Markaasey Caa'ishah عائشةwaxay u ciddirtay Camr bin Al Caas\عمرو بن العاص, oo ay warka uga warbixisay. Markaasuu wuxuu ku yiri: "Anigaa keenaya xeelad arrinkaan kaaga filan." Markaasuu Cumar عمرu yimid oo uu ku yiri: "Waxaa isoo gaartay inaan Ummu Kulthuum أم كلثومku hadashay, aniguna uma arko inaad guursatid, maxaa yeelay Caa'ishah عائشةayaa waxay ku korisay nolol barwaaqo iyo raaxo miiran ah. Marka haddaad ku dhaqdid sidaad adigu u nooshahay (oo adag, oo raaxo la'aan ah xagga cunnada iyo xagga dharkaba iyo shaqada gurigaba, iwm.) iyo khuluqdaada waxaan ka baqayaa inayan u adkaysan karin oo ayan u sabrin, oo ay taasi sabab u noqoto kala go'a adiga iyo reer Abuu Bakr\أبوبكر. Haddaad adiguna khuluqdeeda ku raacdid waxaad wax yeelleyneysaa diintaada." Markaasuu Cumar عمرwuxuu ku yiri: "Hadal jid ah ayaad ku hadashay, ee xeeladdu (hadalkii iiga dhacay aan uga baxo) waa tee?" Wuxuu yiri: "Arrinkaan anigaa kaaga filnaanaya." Cumar عمرwuxuu yiri: "Waa yahaye sidaas yeel". Markaasuu Caa'aishah عائشةu yimid oo uu u sheegay. Kaddibna wuxuu u noqday Cumar عمر. Markaasuu Cumar عمرwuxuu ku yiri: "Ilaahay ayaan kugu dhaariyaye Caa'ishah عائشةma la kulantay?" Wuxuu yiri: "Allaahumma\ اللهمhaa." Markaasaa Ummu Kulthuum أم كلثومwaxaa guursaday Dhalxah bin Cubaydu Allaahi طلحة بن عبيد \هللا, oo isagoo qaba laga dilay. Dabadiisna waxaa guursaday Cabdu Al Raxmaan bin Cumar bin Abii Rabiicah Al Makhzuumii \عبد الرحمن بن عمر بن أبي ربيعة المخزومي, oo ay caruur u dhashay." Waa intaas warka Ansaabu Al Ashraafi\أنساب األشراف. Ummu Kulthuum أم كلثومwaa Taabiciyad\ تابعيةoo Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, dabadiis ayay dhalatay. Cabdu Al Rraxmaanu ibnu Abii Bakr Al Siddiiqu \عبد الرحمن بن أبي بكر الصديق Ninka ay Shiikhaal ku abtirsato waa Cabdu Al Raxmaan bin Abii Bakr Al Siddiiq عبد الرحمن بن \أبي بكر الصديق, Allaha dhammaantood raalli ka noqdee. Cabdu Al Ramaan عبد الرحمنwuxuu ahaa saxaabi, wuxuuna islaamay intuu socday heshiiska Al Xudaybiyyah\الحديبية. Al Zubayr ibnu Bakkaar\ الزبير إبن البكارwuxuu yiri: '''Waxaa ii warramay lbraahiim bin Xamzah\ إبراهيم بن حمزةoo ka wariyay Sufyaan bin Cuyaynah \ سفيان بن عيينةoo ka wariyay Caliyyin bin Zayd bin Judcaan\ علي بن زيد جدعانoo yiri: "Cabdu Al Raxmaan bin Abii Bakr عبد الرحمن بن أبي بكرwuxuu lasoo baxay rag Quraysh\ قريشah 255 oo ay Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u yimaadeen furashada Makkah\ فتح مكةka hor." Wuxuu yiri: "Waxaan u malaynayaa inuu kaloo yiri inuu Mucaawiyah \( معاويةbin Abii Sufyaan\بن أبي سفيان, oo kaddib Amiiru Al Mu'miniina\ أمير المؤمنينnoqday, Allaha raalli ka noqdee) la socday". Sidaas ayuu kusoo haajiray, kuna islaamay, islaannimadiisu way suubanayd oo wax xumaan ah laguma sheegin. Wuxuu ahaa nin saalix ah oo suuban oo aan weligiis been lagu jarribin. Magaciisu wuxuu ahaa Cabdu Al Cuzzaa\عبد العزى, markaasuu Rasuulka Ilaahy, Sallaa Allaahu Calyhi Wasallam, u bixiyey Cabda Al Raxmaan\عبد الرحمن. Waxaa kaloo la yiri magaciisu wuxuu ahaa Cabdu Al Kacbah\عبد الكعبة. Cabdu Al Raxmaan عبد الرحمنisagaa ugu da'ynaa ubadka Abuu Bakr\ أبوبكرwuxuuna ahaa geesi nishaab badan, oo fallaartau gano aan hadafkiisa la gafi jirin Koofaartiisu waa Abaa Muxammad\أبا محمد, waxaana la yiri oo kale Abaa Cabdu Allaahi\أبا عبد هللا. Duullaanka Badar\ غزوة بدرwuxuu la safnaa gaalada iyo Uxudba\أحد. Markaasuu Maalinta Badar غزوة بدرmarkuu xagga muslimiinata soo aado ayuu Abuu Bakr\أبوبكر isaga iyo hooyadiisba inay halaagmaan ugu duceeyaa, markuu ka gaddoomana wuxuu ugu duceeyaa tawbad keenid (waxaa wariyay Calii Al Dhandhaawii\علي الطنطاوي, kana wariyay kitaabka Al Macaarif\المعارف, kuna wariyay kitaabakiisa Abuu Bakar Al Siddiiqu\أبوبكر الصديق, bogga laba boqol iyo sagaal iyo konton). Maalinta Badar\ يوم بدرayuu safka kasoo baxay oo uu dalbay qof dhinaca muslimiinta uga soo baxa. Markaasaa waxaa u kacay aabihiis Abuu Bakar أبوبكرsi uu ula dagaallamo. Markaasuu wuxuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku yiri Abuu Bakarأبوبكر: "."متعني بنفسك "Matticnii bi nafsika", oo macneheedu yahay: "nafttada iigu raaxee, oo ha kicin". Kitaabka Ansaabu Al Ashraafi\ أنساب األشرافee uu dhigay Al Balaatharii\البالذري, oo la oofsaday sanadka laba boqol iyo sagaal iyo todedobaatanka Hijarada wuxuu wariyay in markuu aabihiis Abuu Bakar أبوبكرusoo baxay uu Cabdu Al Raxmaan\ عبد الرحمنyiri: "Muxammadow! Ma aabayaalkeen ayaad noo soo direysaa?" Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka reebay. Markaasuu Abuu Bakar أبوبكرwuxuu wiilkiisa ku yiri : "War hoy! Maalkii maxaad ku fashay?" Markaasuu wuxuu ugu jawaabay: وفارسا يضرب أوخام المشيب Lam yabqi illaa shakatun wa yacbuubu Wa faarisun yadribu awkhaama al mashiibi لم يبق إال شكة ويعبوب 256 Tixda macneheedu waxaa weeye: Kama uusan harin waxaan hub ahayn iyo faras dheereeya iyo fardafuule odayada culus ku dila. Cabdu Al Raxmaan\ عبد الرحمنwuxuu ganacsi ugu noqnoqon jiray arliga Suuriya\سورية, halkaasoo u gabar guri wayn daaqaddiisa kasoo jeedda oo qurux badan uu Dimishiq\ دمشقku arkay. Markaasuu jeclaaday. Markuu wareystayna waxaa loo sheegay inay tahay gabadha boqorka Suuriyaسورية, magaceeduna yahay Laylaa bintu Al Juudiyyi bin Cadiyyi bin Camr bin Abii Camr Al Ghassaanii\ ليلى بنت الجودي بن عدي بن عمرو بن أبي عمرو الغسانيoo ka mid ahaa Boqorrada Al Ghasaasinah\ الغساسنةee Koofurta Shaam\الشام. Markaasuu gabadhaas gabay u tiriyey, oo wuxuu ahaa gabayaa, wuxuuna yiri: وما إلبنة الجودي ليلى وماليا تدمن بصرى أو تحل الجوابيا إذا الناس حجوا قابال أن توافيا تذكر ليلى والسماوة دونها وأنى تعاطي ذكرها حارثية؟ وأنا تالقيها؟ بلى! ولعلها Tathakkar Laylaa wa Al Ssamaawatu duunahaa\wa maa li ibnati Al Juudiyyi Laylaa wa maaliyaa Wa annaa tucaadhii thikrahaa Xaarithiyyatan?\tudamminu Busraa aw taxulla Al Jawaabiyaa Wa annaa tulaaqiihaa? Balaa! Wa lacallahaa\ithaa al nnaasu xajjuu qaabilan an tuwaafiyaa. Tixaha macnohoodu waxaa weeye: Wuxuu xusuustay Laylaa, samada ayaana ayada ka dhow\xaggee isku jirnaa aniga iyo inanta Al Juudiyyi. Sidee bey ku heleysaa tilmaameheeda gabar u dhalatay Al Xaarith?\waxayna ku sugan tahay oo laazimtay Busraa ama waxay deggan tahay Al Jaabiyah. Ma suurta galbaa inaan la kulmo? Haa! Waxaana dhici karta/in markuu dadku soo xajjiyo sanadka soo socda ay soo raacdo. Al Zubayru ibnu Bakkaar\ الزبير إبن البكارwuxuu yiri: "Markaasuu markuu Cumar bin Al Khadh-dhaab\ عمر بن الخطابjayshkiisa u diray Shaam\الشام (waxaana madax u ahaa Khaalid bin Al Waliid )خالد بن الوليدwuxuu taliyaha ciidanka ku yiri: "Haddaad Laylaa bintu Al Juudiyyi\ ليلى بنت الجوديgacanta ku dhigtid oo dagaal lagu qabsado waxaad siisaa Cabdu Al Raxmaan bin Abii Bakrعبد الرحمن بن أبي بكر." Markaasuu si dagaal ah gacanta ugu dhigay (oo ay sidaas addoon ku noqotay), markaasuu wuxuu siiyey Cabdu Al Raxmaan bin Abuu Bakarعبد الرحمن بن أبي بكر. Markaasey cajab gelisay oo uu haweenkiisa kale kasoo dhowestay, ilaa heer ay Caa'ishah \عائشة uga soo dacwoodeen. Markaasey ku canaanatay, isaguna wuxuu ku yiri: "Wa Allaahi\ وهللاwaaba sida anigoo miciyeheeda ka cabaya oo ka nuugaya xabbada rumaanka". Markaasaa waxaa ayada ku dhacay cudur uu afkeedu isku dhacay (intay ilkuhu ka daateen). Markaasuu ka fogaaday oo uu jaafeeyey. Markaasey Caa'ishah عائشةuga ashtakootay. Markaasey waxay Caa'ishah عائشةwalaalkeed ku tiri: "Cabdu Al Raxmaanow ! عبد الرحمنLaylaa\ ليلىwaad jeclaatay, markaasaad xadgudubtay oo aad 257 ku talaxtagtay, kaddibna waad nacday oo aad xadgudubtay kuna talaxtagtay. Marka, waa inaad ama cadaalad u sameysid ama aad ciddeeda u dirtid oo aad u saad siisid." Markaasuu intuu maal siiyey ciddeeda u diray." Cabdu Allaahi Al Muscab bin Cabdu Allaahi Al Muscab Al Zubayrii عبد هللا بن مصعب بن عبد هللا \المصعب الزبيري, oo ah Al Zubayr bin Bakkaar\ الزبير إبن البكارadeerkiis, wuxuu kitaabkiisa "Kitaabu Nasabu Quraysh\"كتاب نسب قريش, boggiisa laba boqol iyo lix iyo toddobaatan ku wariyay inayan haweentaasu Cabdu Al Raxmaan bin Abii Bakr Al Siddiiq\ عبد الرحمن بن أبي بكر الصديقwax caruur ah u dhalin, wiil iyo gabar toona. Cabdu Al Raxmaan bin Abii Bakr عبد الرحمن بن أبي بكرwuxuu ahaa, siduu ibnu Cabdu Al Barr إبن \ عبد البرAl Istiicaabu\ اإلستيعابugu wariyay, nin kaftanlow ah. Cabdu Al Raxmaan عبد الرحمنwaa ninka uu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, amray, siduu Al Bukhaarii\ البخاريu wariyay, inuu Caa'ishah\ عائشةgeeyo Al Tanciimu\ التنعيمsi ay halkaas Cumro\ عمرةuga soo xirato. Markaasuu wuxuu geeyey oo ay kasoo xiratay barta uu maanta ku yaallo masjidka wayn oo la yiraahdo Masjidu Caa'ishah\مسجد عائشة, oo Kacbada toddoba kiiloomitir u jira. Muslim\ مسلمwuxuu wariyay inuu Cabdu Al Raxmaan عبد الرحمنusoo galay walaashiis Ummu Al Mu'miniina Caa'ishah\ أم المؤمنين عائشةmaalintuu dhintay Sacad bin Abii Waqqaas سعد بن أبي وقاص, markaasuu weyseystay. Markaasey waxay ku tiri: "Waysada kaamil ka dhig oo waxaan maqlay Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calyhi Wasallam, oo leh: "."ويل لألعقاب من النار "Waylun lil'acqaabi mina al nnaari,", oo macneheedu yahay: "Cirbaha ka ilaaliya naarta, oo markaad weyseysaneysaan biyaha ku dhaqa". Cabdu Al Raxmaan ibnu Abii Bakr عبد الرحمن بن أبي بكرwuxuu ka qayb galay dagaallada Ridada\حروب الردة, wuxuuna ka mid ahaa ciidanka Khaalid bin Al Waliid\ خالد بن الوليدDuullaanka Yawmu Al Yamaamah\يوم اليمامة, wuxuuna maalintaas dilay toddoba madaxdooda ka mid ah, wuxuuna dilay Muxakkamu Al Yamaamah ibnu Dhufayl\ محكم اليمامة إبن الطفيلoo uu fallaar ku ganay oo ay galowga ka gashay oo dishay. Al Zubayr\\ الزبيرwuxuu yiri: "Waxaa ii warramay adeerkey Muscab bin Cabdu Allaahi\ مصعب بن عبد هللاoo yiri: "Muxakkamu al Yamaamah محكم اليمامةmaalinta beerta lagu dagaallamay Yawmu Al Xadiiqah \ يوم الحديقةwuxuu istaagay meel dalool ah (oo ka dalooshay darbiga beerta ku wareegsanaa) markaasuu daafacay, oo uu axad muslimiinta ka mid ihi mari waayey. Markaasuu Cabdu Al Raxmaan bin Abii Bakr عبد الرحمن بن أبي بكرfallaar ku ganay oo uu dilay. Markasey muslimiintu daloolkaas ka galeen. Wuxuu yiri: 258 wuxuuna ka mid ahaa kuwa nishaabta badan." Waana Xadiithkiisa kun iyo saddex boqol iyo labo iyo labaatan. Amiiru Al Mu'miniina Mucaawiyah bin Abii Sufyaan\ أمير المؤمنين معاوية بن أبي سفيانmarkay geeridiisu soo dhowaatay ayuu wuxuu u magacaabay wiilkiisa Yaziid\يزيد, inuu isaga dabadiis xukunka qabto, wuxuuna ku dadaalay inuu saxaabada oggolaansho uga helo oo la baayaco intuu isaguba weli nool yahay. Al Zubayr bin Al Bakkaar\ الزبير إبن بكارwuxuu yiri: "Waxaa ii warramay Cabdu Allaahi bin Naafic bin Thaabit\ عبد هللا بن نافع بن ثابتwuxuuna yiri: "Marwaan\مروان, oo markaas Guddoomiyaha Al Madiinah Al Munawwarah\ المدينة المنورةah, uuna Mucaawiyah\ معاويةu magacaabay, ayaa wuxuu fuulay Minbirka (Masjidka) markaasuu wuxuu dadka ugu yeeray inay Yaziid\ يزيدbaayacaan. Markaasaa waxaa la hadlay Al Xusayn bin Calii\ الحسين بن عليiyo Cabdu Allaahi bin Al Zubayr\عبد هللا بن الزبير, waxayna kula hadleen hadlan ayan meeshaani meesheeda ahayn. Markaasuu Cabdu Al Raxmaan bin Abii Bakr Al Siddiiq\ عبد الرحمن بن أبي بكر الصديقwuxuu ku yiri: "Ma hirqaliyyah\ هرقليةayaa? Oo markuu Boqor dhinto Boqor kale ayaa beddelaya? Wa Allaahi \ وهللاinaanan taas ebedkeen yeeleyn." Waana Xadiithkiisa kun iyo saddex boqol iyo afar iyo labaatan. Hirqal \ هرقلwuxuu ahaa Boqorka Rooma. Macneheedu waxaa weeye: ma boqortooyo la iska dhaxlo ayay noqotay Dawladdii lslaamku? Al Zubayr\ الزبيرwuxuu yiri: "Waxaa ii warramay lbraahiim bin Muxammad bin Cabdu Al Caziiz Al Zuhriyyu إبراهيم بن محمد بن \ عبد العزيز الزهريoo aabihiis ka wariyay oo awoowihiis ka wariyay oo yiri: "Mucaawiyah\ معاويةwuxuu Cabdu Al Raxmaan bin Abii Bakr Al Siddiiqu عبد الرحمن بن أبي بكر \ الصديقusoo diray boqol kun oo dirham markuu diiday baycada wiilkiisa Yaziid bin Mucaawiyah\يزيد بن معاوية. Markaasuu Cabdu Al Raxmaan عبد الرحمنlacagtiisa u celiyey uuna diiday inuu qaato, wuxuuna yiri: "Ma Diintaydaan duunyo dhaafsanayaa?" Markaasuu xagga Makkah\ مكةu ambabaxay, intayan baycada Yaziid يزيدdhammaan, oo uu agteedaba, waa Makkah\مكة, ku dhintay." Waa Xadiithkiisa kun iyo saddex boqol iyo shan iyo labaatan. Axaadiithtaan iyo wararkaanoo kalena waxaa wada wariyay badanka kutubbada Siirada iyo Axaadiithta iyo taariikhdaba. Dhimashada Cabdu Al Rraxmaan bin Abii Bakr Al Ssiddiiquعبد الرحمن بن أبي بكر الصديق Al Zubayru\ الزبيرwuxuu Abii Mulaykah\ أبي مليكةka wariyay inuu Cabdu Al Raxmaan bin Abii Bakr عبد الرحمن بن أبي بكرdhintay sanadka saddex iyo kontonaad ee Hijrada isagoo ku dhaartay inuusan qofna la hadlin. Markaasay markuu dhintay ayay Caa'ishah\ عائشةwaxay tiri: "."يميني يمين إبن أم رمان "Yamiinii yamiinu ibnu Ummi Ruumaan", 259 oo macneheedu yahay: "Dhaarteydu waa dhaarta ina Ummu Ruumaan أم رمان." Cabdu Al Raxmaan عبد الرحمنwuxuu si kadis ah ugu dhintay, isagoo hurda, isagoo xagga Makkah\ مكةu socda, meesha la yiraahdo Xubshiyyi \ الحبشيoo qiyaas toban mayl Makkah Al Mukarramah\ مكة المكرمةu jirta. Markaasaa tumanka rag lagu qaaday oo inta Makkah\ مكةla geeyey halkaas lagu duugay. Usudu Al Ghaabah\ أسد الغابةwuxuu Al Xaakim\ الحاكمka wariyay inay markay Caa'ishah\عائشة maqashay geerida walaalkeed ay soo safartay ayadoo xaajiyad ah, oo inta qabrigiisa dul istaagtay ku oyday, gabayna ay ka tirisay, kaddibna ay tiri: ". ولو شهدتك لم أبك عليك،"أما وهللا لو حضرتك لدفنتك حيث مت “Amaa wa Allaahi law xadartuka la dafantuka xaythu mitta, wa law shahidtuka lam abki calayka.” Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Wa Allaahi\ وهللاhaddaan geeridaada goob joog ahaan lahaa waxaan kugu duugi lahaa meeshaad ku dhimatay, haddaan markaas goob joog ahaan lahaana kuuma aanan booyeen". أنساب األشرافAnsaabu Al Ashraafi Kitaabka Ansaabu Al Ashraafi أنساب األشرافwuxuu juzka tobnaad bogga boqol iyo laba ku yiri: Ansaabu Al Ashraafi\ أنساب األشرافwuxuu ibnu abii Mulaykah\ أبي مليكةka wariyay inuu yiri: "Cabdu Al Raxmaan عبد الرحمنwaxaa lagu oofsaday bartuu ku degay." Wuxuu yiri: "Markaasaan tuamankeenna ku qaadnay lix mayl oo aan Makkah\ مكةgeyney. Markaasey markay timid Caa'ishah عائشةwaxay tiri: "!"أروني قبر أخي “Aruunii qabra akhii.” Oo macnihiisu yahay: "i tusa qabriga walaalkay". Markaasey tuseen qabrigiisa. Markaasey ku tukatay ayna tiri: ". ولو شهدتك لم أبك عليك،"أما وهللا لو حضرتك لدفنتك حيث مت “Amaa wa Allaahi law xadartuka la dafantuka xaythu mitta, wa law shahidtuka lam abki calayka.” Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Wa Allaahi وهللاhaddaan goob joog ahaan lahaa waxaan kugu duugi lahaa meeshaad ku dhimatay, haddaan goob joog ahaan lahaana kuuma aanan booyeen." 260 Ansaabu Al Ashraafi\ أنساب األشرافwuxuu yiri: Wuxuuna dhintay sanadka saddex iyo kontonaad, kuna dhintay Makkah\ مكةdibaddeeda (bartaasu waxay maanta ku jirtaa bartamaha Makkah Al Mukarramah\ مكة المكرمةwaxayna Kacbada u jirtaa sideed boqol oo mitir, sidaad masawirka hoose ee google ka arki kartid) si kadis ah. Warimaha qaarkoodna waxay wariyeen inay Caaishah\ عائشةXaramka soo gelisay oo halkaas lagu duugay. Abuu Al Yaqthaan Al Bisrii أبو اليقظان البصريwuxuu yiri: “Isagaa ugu horreeyey muslimiinta qof si kedis ah ku dhinta, wuxuuna ahaa gabayaa, wuxuuna ku jihaaday Al Shaam الشام, wuxuuna goob jog ka ahaa maalinta ratiga وشهد الجملisagoo Caaishah عائشةla socda.” Waxaa ii warramay Hishaam bin Cammaar هشام بن عمارoo ka wariyay Ciisaa bin Yuunus عيسى بن يونسoo ka wariyay ibnu Jarayj إبن جريجoo ka wariyay ibnu Abii Mulaykah إبن أبي مليكةoo yiri: “Cabdu Al Rraxmaan bin Abii Bakr عبد الرحمن بن أبي بكرwuxuu ku dhintay Al Xubshiyyi– بحبشي kanoo Makkah\ مكةu jira laba iyo toban mayl – markaasaa la qaaday oo la duugay. Markaasaa markay Caaishah عائشةMakkah\ مكةtimid kana timid Al Madiinah\ المدينةayay qabrigiisa timid, waxayna tiri: من الدهر حتى قيل لن يتصدعا/وكنا كندماني جذيمة حقبة بطول اجتماع لم نبت ليلة معا/فلما تفرقنا كأني ومالكا Wa kunna ka nadamaanii Jathiimatan xaqbatan\mina al dahri xattaa qiila lan yatasadacaa Falammaa tafarraqnaa ka annii ma maalikan\bi dhuuli ijtimaacin lam nabit laylatan macan. Laba tixood macnohoosu waxaa weeye: Waxaan saaxiibbo isku lammaansan u ahayn sida labada saaxiib ee Jathiimah zaman\ dheer ilaa heer laga yiraahdo waligood kala tegi mayaan. Markaasaan markaan kala tagnay waaba anigoo ah sida Maalik\oo zaman dheer labadiisa saaxiib ku lammaansanaa oo la joogay, sida annagoo aan habenna wada hoyan oo kale. Hishaam Al Kalbii هشام أبن الكلبيwuxuu yiri: “Jathiimah waa Jathiimah Al Abrash binMaalik bin Fahm bin Ghaanim bin Daws bin Cadthaan, waana Al Wadaax وهو الوضاح، جذيمة األبرش بن مالك بن فهم بن غانم بن دوس بن عدثانlabadiisa saaxiibna waxay ahayeen Maalik iyo Cuqayl labada wiil ee Faarij bin Maalik bin Kacb bin Al Qayn bin Jusu bin Shiicu Allaahi bin Wabarah binTaghlub bin Xulwaan bin Cimraan bin Al Xaaf bin Qudaacah ونديماه مالك وعقيل ابنا فارج بن مالك فالج بن: وبعض النساب يقول،بن كعب بن القين بن جسر بن شيع هللا بن وبرة بن تغلب بن حلوان بن عمران بن الحاف بن قضاعة ." انتهى.مالك ونديماه مالك وعقيل ابنا فارج بن مالك بن كعب بن القين بن جسر بن شيع هللا بن وبرة بن تغلب بن حلوان بن عمران بن الحاف بن ." انتهى. فالج بن مالك: وبعض النساب يقول،قضاعة . Kuwa nasabka ku xeel dheer qaarkoodna waxay yiraahdeen: Faalij bin Maalik فالج بن مالك.” Waa intaas warkiisu. Calii Al Dhandhaawii\ علي الطنطاويwuxuu Tahthiibu Taariikhu ibnu Casaakir\تهذيب تاريخ إبن عساكر ka wariyay oo uu yiri: "Markaasey Caa'ishah عائشةqabrigiis waxay ka dul dhistay teendho, oo intay qof u wakiilatay ayay ka ambabaxday. Markaasaa waxaa soo maray Cabdu Allaahi bin Cumar\عبد هللا بن عمر, Allaha raalli ka noqdee 261 labadoodaba. Markaasuu wuxuu yiri: "Yaa teendhadaan loo dhisay?" Markaasey u sheegeen. Markaasuu wuxuu yiri: "Wiilow, ka fuji, maxaa yeelay waxaa hoosaasinaya oo qorraxda ka celinaya camalkiisa." Waxaa kaloo la yiri wuxuu dhintay sanadka shan iyo kontonaad ama lix iyo kontonaad, waxaase loo badan yahay saddex iyo kontonaad. Dhasha Cabdu Al Raxmaan bin Abii Bakr Al Siddiiq عبد \ الرحمن بن أبي بكر الصديقayaa ugu badan ubadka Abuu Bakar Al Siddiiq\أبو بكر الصديق, oo tiradu ayagay ku jirtaa, siduu Al Zubayru ibnu Al Bakkaar\ الزبير إبن البكارu wariyay. األزرقيAl Azraqii ما جاء في مقرة مكة وفضائلها Waxa laga wariyay qubuuraha Makkah iyo sarreynteeda Xadiithkiisa kun sagaal iyo soddon wuxuu Abuu Al Waliid Al Azraqii\ أبو الوليد األزرقيku yiri: “Ibnu Cabbaas\ إبن عباسwaxaa laga wariyay inuu Nabigu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam yiri: ". مقبرة أهل مكة،"نعم المقبرة هذه “Nicma al maqbaratu haathihi, maqbaratu Ahli Makkah.” Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: “Waa xabaalu nicmo leh, xabaalaha Ahlu Makkah أهل مكة, dadga reer Makkah مكة.” Waxaa noo warramay Abaa Al Waliid أبا الوليدwuxuuna yiri: “Awoowahey wuxuu yiri: “lama yaqaanno shicib\ شعبoo bar buur dhineceeda ku taalla oo ayadoo idil Kacbada si toosa ah oo aan leexasho ku jirin u qaabilaysa, intaan ka ahayn shicibka xabaalaha, kaasoo wajigiisa oo dhan Kacbada ku qaabilaya si toosan.” Abuu Al Waliid Al Azraqiiأبو الوليد األزرقي, oo la oofsaday sanadka Hijriga eel aba boqol iyo konton, ahaana taariikh yaqaanka Makkah\ مكةwaxaana kitaabkiisa sharxay oo xaqiijiyay Al Ustaath Dr. Cabdu Al Malik bin Cabdu Allaahi bin Dih-sh\األستاذ د\عبد الملك بن عبد هللا بن دهيش, waxaana kitaabkaas oo la yiraahdo " "أخبار مكة وما جاء فيها من اآلثارlaga helaa مكتبة األسدي في مكة المكرمةwuxuu Xadiithkiisa kun shan iyo afartan oo ku dhigan boggasideed boqol kow iyo soddon ku yiri: “Ibnu Jurayj\ إبن جريجwuxuu yiri: “ibnu Abii Mulaykah\ إبن أبي مليكةwuxuu yiri: “waxaan arkay Caaishah \ عائشة أم المؤمنينoo soo ziyaaratay qabriga walaalkeed Cabdu Al Rraxmaan bin Abii Bakr\عبد الرحمن بن أبي بكر, oo ku dhintay Al Xubshiyyi\الحبشي, loomana qaadin Makkah مكة- oo waagaas buurtaas iyo qubuuruhuba Makkah مكةdibaddeeday ahaayeen oo ka baxsanaayeen, maantana dhexdeeday ku jiraan: xasanwali - , Al Xubshiyyuna waa bur ku taalla dhanka hoose ee Makkah مكةooh al bariid u jirta. Xabaalahaanna wuxuu Kathiir bin Al Mudhdhalib Abii Wadaacah Al Sahmiyyi\ كثير بن المطلب أبي وداعة السهميka yiri: من كهول أعفة وشباب/ كم بذاك الحجون من حي صدق 262 سى – إلى النخل من صفي السباب/سكنوا الجزع – جزع بيت أبي مو ما على الدهر بعدهم من عتاب/أهل دار تتابعوا للمنايا ما لمن ذاق منية من إياب/فارقوني وقد علمت يقينا Intee ku duugan Al Xujuun الحجونoo dad fiican ahaa\oo leh odayo iyo dhallinyaraba Waxay degeen bartaan waadiga ka leexsaan, una dhow guriga Abii Muu\saa ilaa geedaha timirta ee Safiyyu Al Sabaabصفي السباب Waana dad daartaan deggan oo geeridu isaga daba timid\dabadoodna aan weligood la eedeyneyn Way uga tageen waxaanna hubaal u ogsoonahay\in qof geeri dhedhemiyay inuusan soo noqonayn. Abuu Al Waliid أبو الوليدwuxuu yiri: “Reer Makkah\ مكةwuxuu maydkooda ku duugi jireen waadiga labadiisa dhinac, dhanka midig iyo dhanka bidixba islaamka hortiis iyo islaamka intiisa horeba, kaddibna dadku wuxuu qubuurtooda usoo raray shicibka ku yaalla dhinac bidix sababtuna ay tahay waxay kusoo arooray fiicnaantiisa iyo inuu Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam ka yiri: ""نعم الشعب ونعم المقبرة “Nicma al shicbu wa nicma al maqbaratu.” Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: “Waa shicib nicmo leh iyo qubuuro nicmo leh.” Waxaana maanta ku yaalla halkaas qubuuraha reer Makkah intaan ka ahayn Reerka Aali Cabdu Allaahi bin Khaalid bin Usayd fk Abii Al Cays bin Umayyah bin Cabdu Shams آل عبد هللا بن ين خالد بن أسيد بن أبي العيص بن أمية بن عبد شمس, iyo Aalu Sufyaan bin Cabdu Al Asad bin Hilaal bin Cabdu Allaahi bin Cumar bin Makhzuum وآل سفيان بن عبد األسد بن هالل بن عبد هللا بن عمر بن مخزوم, kuwaasoo maydkooda ku xabaala xabaasha ku taalla dhanka kore ee beerta Khurmaan المقبرة العليا بحائط .خرمان.” Waa intaas warkiisu. الفاكهيAl Faakihii Al Faakihii, oo ah Al Imaam Abii Cabdu Allaahi Muxammad bin Isxaaq ibni Al Cabbaas Al Faakihii Al Makkii اإلمام أبي عبد هللا محمد بن أسحاق إبن العباس الفاكهي المكي, oo ka mid ah culummada qarniga saddexaad, kitaabkiisana waxaa la yiraahdaa “Akhbaaru Makkah fii Qadiimi Al Dahri wa Xadiithihi” أخبار مكة في قديم الدهر وحديثه, waxaana hubiyay oo sharxay Dr. Cabdu Al Malik bin Dahiish عبد الملك بن. عبد هللا بن دهيش“ دراسة وتحقيق دwuxuu juzka afaraad bogga laba iyo konton ku yri: “2371. Waxaa noo warramay Maymuun bin Al Xakam Al Sancaanii ميمون بن الحكم الصنعانيoo yiri oo ka wariyay Muxammad bin Jushcum محمد بن جشعمoo ka wariyayibnu Jurayj إبن جريجoo ka wariyay ibnu Abii Mulaykah إبن أبي مليكةinuu Nabigu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam yiri: ". فإن لكم فيهم عبرة، وصلوا،"ائتوا موتاكم فسلموا عليهم 263 “I’ituu amwaatakum fa sallimuu calayhim, wa salluu, fa inna lakum fiihim cibratun.” Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: “Dadka idinka dhintay (oo qubuuraha ku jira) u taga oo salaama, una duceeya, ayagaasna waxaa adinka idiinku sugan cibro qaadasho.” Ibnu Abii Mulaykah إبن أبي مليكةwuxuu yiri: “Aniguna waxaan arkay Caa’ishah عائشة, haweenta Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam, ayadana Allaha raalli ka noqdee, oo ku ziyaaranaysa qabriga walaalkeed Cabdu Al Rraxmaan bin Abii Bakr عبد الرحمن بن أبي بكر, Allaha dhammaantood raalli ka noqdee,Al Xubshiyyu بالحبشيagtiisa, meel hal bariid u jirta, waxaana lagu duugay oo qabrigiisu ku yaalla Makkah مكة.” Waa intaas warkiisu. Al Faakihii الفاكهيwuxuu mujalladka shanaad bogga lix iyo sagaashan ku yiri: "2903. Waxaa noo warramay Muxammad bin Saalix Abuu Bakr محمد بن صالح أبو بكرoo ka wariyay Abuu Nucaym أبو نعيمoo ka wariyay Cabdu Allaahi bin Camr bin Calqamah Al Kinaanii عبد هللا بن عمرو بن علقمة الكنانيoo ka wariyay ibnu Abii Mulaykah إبن أبي مليكةoo yiri: “Cabdu Al Rraxmaan bin Abii Bakr, Alaha labadoodaba raalli ka noqdee, wuxuu ku dhintay Al Xubshiyyu agtissa, ahna buur ku taalla dhanka hoose ee Makkah مكة. Markaasaa waxaa timid Caaishah عائشة, Allaha raalli ka noqdee, markaasay waxay tiri: "."دلوني على قبر أخي “Dalluunii calaa qabra akhii.” Oo macnihiisu yahay: “Ii tilmaama oo i tusa qabriga walaalkay.” Markaasay (Markay dul tagtay) u ducaysay, waxayna tiri: من الدهر حتى قيل لن يتصدعا/وكنا كندماني جذيمة حقبة بطول اجتماع لم نبت ليلة معا/فلما تفرقنا كأني ومالكا ". ولو حضرتك دفنتك حيث مت،لو شهدتك ما بكيت عليك Wa kunna ka nadamaanii Jathiimatan xaqbatan\mina al dahri xattaa qiila lan yatasadacaa Falammaa tafarraqnaa ka annii ma maalikan\bi dhuuli ijtimaacin lam nabit laylatan macan. Law shahidtuka maa bakaytu calayka, wa law xadartuka dafantuka xaythu mitta. Labada tixood iyo hadalka ka dambeeya macnohoodu waxaa weeye: Waxaan saaxiibbo isku lammaansan u ahayn sida labada saaxiib ee Jathiimah zaman\ dheer ilaa heer laga yiraahdo waligood kala tegi mayaan. Markaasaan markaan kala tagnay waaba anigoo ah sida Maalik\oo zaman dheer labadiisa saaxiib ku lammaansanaa oo la joogay, sida annagoo aan habenna wada hoyan oo kale. Haddaan goob jog ahaan lahaa markay dhimanaysay kuuma booyeen, haddaan goob jog ahaan lahaana waxaan kugu duugi lahaa bartaad ku dhimatay. 264 العقد الثمين في تاريخ البلد األمين Kitaabkaan magaciisu yahay Al Caqdu Al Thamiinu fii Taariikhi Al Baladi Amiini العقد الثمين في تاريخ البلد األمينwaxaa dhigay Hg Shaykh Taqiyu Al Ddiini Muxammad bin Axmad Al Xasanii Al Faasii Al Makkii ( الشيخ تقي الدين محمد بن أحمد الحسني الفاسي المكي775-832 Hijrii), wuxuuna mujalladka shanaad bogga saddex boqol afar iyo toddobaatan ku yiri: “374. Waxaana u yeeray (waana Cabdu Al Rraxmaan bin Abii Bakr Al Ssiddiiqu Allaha labadoodaba raalli ka noqdee ) عبد الرحمن بن أبي بكر الصديق رضي هللا عنهماMucaawiyah, Allaha raalli ka noqdee, isagoo minbarka ku fadhiya, wuxuuna ugu yeeray inuu baayaco oo uu boqornimada wiilkiisa Yaziid يزيدoggolaado. Markaasuu si adag ula hadlay wuxuuna yiri: " كان كسرى مكانه؟ ال تفعل وهللا أبدا،"إذا مات كسرى “Ithaa maata Kisraa, kaana Kisraa makaanahu? Laa nafcalu wa Allaahi Abadan.” Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: “Markuu Kisraa dhinto (Kisraa waa boqorka Iiraan) ma Kisraa kale ayaa meeshiisa gelaya oo beddelaya? Taas wa Allaahi weligeen yeeli maynno.” Markaasuu Mucaawiyah wuxuu u diray boqol kun oo dirham, markaasuu (Cabdu Al Rraxmaan) intuu lacagtaas diiday oo uu dib ugu celiyay ayuu wuxuu yiri: ""أبيع ديني بدنياي؟ “Abiicu dii nii bi dunyaaya?” Oo macnihiisu yahay: “Ma diintaydaan adduunyadayda dhaaffsadaa oo ku gataa?” Markaasuu (Al Madiinah Al Munawwarah المدينة المنورةka) baxay oo uu Makkah مكةaaday. Markaasuu markuu marayo meel la yiraahdo Al Xubshiyyu الحبشيuu dhintay, una jirta lix mayl, waxaana la yiri toban, waxaa kaloo la yiri laba iyo toban mayl, isagoo hurda si kadis ah. Markaasaa tumanka rag lagu qaaday oo inta Makkah مكة la keenay lagu duugay.” Oofsashadiisuna waxay ahayd sanadka saddex iyo kontonaad, siday inta badan u yiraahdeen. Markuu khabarka geeridiisu gaartay Caaishah عائشةAllaha raalli ka noqdee, way rati ayay kasoo raacday Al Madiinah المدينةilaa ay qabriugiisa kasoo dul istaagtay, markaasay tixaan tiri: من الدهر حتى قيل لن يتصدعا/وكنا كندماني جذيمة حقبة بطول اجتماع لم نبت ليلة معا/فلما تفرقنا كأني ومالكا Waxayna tiri: ". ما بكيتك، ولو حضرتك، لدفنتك مكانك حيث مت،"أما وهللا لو حضرتك Labadaan tixood iyo warkana kor ayaan kusoo fasirnay. Waxayna xoreysay addoon ka mid addoommadiisa, ayadoo rajaynaysa inuu Ilaahay wax ku anfaco.” Waa intaas warku. 265 Dr, Muxammad Xasan Xallaaq Abuu Muscab oo yamaniga ah حسن حالق أبو مصعب اليمني.للدكتور محمد د wuxuu kitaabkiisa qaamuuska ah oo la yiraahdo Al Iidaaxaatu Al Casriyah lilmaqaayiisi wa al makaayiili wa al awzaani wa al nuquudi al sharciyah اإليضاحات العصرية للمقاييس والمكاييل واألوزان والنقود: – الشرعية المعاصر – مكتبة الجيل الجديد – صنعاء, laguna daabacay Maktabatu Al Jiili Al Jadiid eek u taalla Sanca arliga Yaman [email protected] www.aljeel-aljadeed.com Wuxuu sheegay inuu halkii bariid yahay laba iyo labaatan kiiloomitir, halkii bariidna uu ka kooban yahay laba iyo toban mayl iyo boqo lix iyo toddobaatan mitir; halkii maylna wuxuu ka kooban yahay kun sideed boqol sideed iyo afartan mitir إثنين وعشرين كيلمترا؛ وفي البريد إثنا عشر:البريد متر1848 : مترا؛ والميل176ميال و Masaafada u dhexeysa salka buurta Xubshii\ حبشيiyo daanta xigta ee qubuuraha Al Xujuun\Al Mucallaat\ الحجون\المعالةwaa qiyaas lixdan mitir oo intaasoo in yar lagu daray ilaa qabrigiisa ku yaalla qaybta Ahlu Baytka\ أهل البيتayaa raggu tumankooda kusoo sideen. Masaafada u dhexeysa salka buurta Xubshii حبشيilaa albaabka Baabu Al Warwah\ باب المروةAl Masjidu Al Xaraamu\ المسجد المرامwaa qiyaas ilaa sideed boqol oo mitir siduu google u qiyaasay. كتاب إفادت األنام بذكر أخبار البلد الحرام تأليف العالمة المحدث عبد هللا الغازي المكي الحنفي مع تعليقه المسمى بإتمام الكالم عبد الملك بن عبد هللا بن دهيش-د- معالي أ:دراسة وتعليق 1196625571516 مكتبة األسدي بمكة المكرمة ميالدي2119/ هجري1431 الطبعة األولي طبعة منقحة ومزيدة Kitaabkaan Ifaadatu Al Anaami bi Thikri Akhbaari Al Baladi Al Xaraami كتاب إفادت األنام بذكر أخبار البلد الحرامwaxaa allifay Al Callaamah Al Muxaddith Cabdu Allaahi Al Ghaazii Al Makkii Al Xanafii العالمة المحدث عبد هللا الغازي المكي الحنفيwaxaana hubiyay oo darsay oo faallo ku daray Professor Doktoor Cabdu Al Malik bin Cabdu Allaahu bin Dahiish عبد الملك بن عبد هللا بن-د-معالي أ دهيشoo ah qaalliga waqtigaan hadda la joogo ah guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Shareecada ee Makkah Al Mukarramah\مكة المكرمة, daraasaddaas iyo faalladaas oo la yiraahdo Itmaami Al Kalaami مع تعليقه المسمى بإتمام الكالمlagana helo maktabada Maktabatu Al Asadii مكتبة األسدي بمكة المكرمةeek u taalla Makkah Al Mukarramah مكة المكرمةtaleefan: 1116627771716 dabacadda koowaad 1430 Hijriga, una dhiganta 2009 Miilaadiga. Hadalka labada qaws ama qaanso dhexdooda ku jirina waa hadalka faallada uu Dr. Dahiish ku daray. Sheekha kitaabka allifay wuxuu wuxuu juzka labaad bogga boqol kow iyo konton ku yiri: “Fasalka toddobaad: “warka qubuuraha Makkah iyo sarreyntooda iyo qaar ka mid ah kuwa halkaas lagu duugay iyo kuwa xabaalo aan ayada ahaun lagu duugay في ذكر مقابرة مكة:الفصل السابع ومن دفن بغيرها، ”وفضلها وذكر بعض من دفن بهاwuxuuna yiri: 266 Qabriga Asmaa’u binti Abii Bakr Al Ssiddiiq, Allaha raalli ka noqdee قبر أسماء بنت أبي بكر الصديق رضي هللا عنهما “Waxaa ka mid ah qabriga Asmaa’u bintu Abii Bakr Al Ssiddiiqu أسماء بنت أبي بكر الصديقAllaha labadoodaba raalli ka noqdee (warkeeduna wuxuu ku xusan yahay Dhabaqaatu ibnu Sacad 8/182-182/8 طبقات إبن سعد, iyo Khulaasatu Tah-thiibi Al Kamaali bogga afar boqol iyo labaatan 421:وخالصة تذهيب الكمال صفحة, iyo Al Aclaamu 1/305-315/1 ) األعالمwalaasha la dhalatay Caaishah عائشةAllaha labadoodaba raalli ka noqdee, waxayna dhimatay wiilkeeda Cabdu Allaahi ibnu Al Zubayr عبد هللا بن الزبيرdabadiis isla bishaas uu wiilkeedu dhintay, waxaana lagu duugay Al Mucallaat بالمعالت. Qabrigeeduna wuxuu xagga qorrax kasoo bax uga soo horjeedaa wiilkeeda, waxayna u dhexeeya dariiq la maro. Qabrigeeda waxaa ka kor dhisan dhismo (Al Isaabah في اإلصابةwuxuu yiri: Qabri قبر, sawaabtana waxaan ka qaadannay “Taxsiili Al Maraamiتحصيل المرام (waraqah boqol laba iyo lixdan-162 ) ورقة Qabriga Cabdu Al Rraxmaan bin Abii Bakr Al Ssiddiq, Allaha raalli ka noqdee قبر عبد الرحمن بن أبي بكر الصديق رضي هللا عنهما Waxaa kaloo ka mid ah Cabdu Al Rraxmaan bin Abi Bakr Al Ssiddiiqu Allaha labadoodaba raalli ka noqdee عبد الرحمن بن أبي بكر الصديق رضي هللا عنهما. Geeridiisu waxay ahayd kadis, habeenka laba iyo tobnaad ee bisha Jumaadii Al Awwal جمادي األوee sanadka sideed iyo konton, isagoo hurda hurda uu ku seexday buur Makkah مكةdhankeeda hoose ku taalla una dhow agteeda, lana yiri inay u jirto toban mayl Makkah مكة. Kaddibna rag tumankooda ayaa lagu soo qaaday waxaana lagu duugay Makkah بمكة. Qabrigiisa waa lagu yaqaanna Al Mucallaatالمعالة, wuxuuna ku yaallaa dhanka midi gee qofka u socda qabriga Khadiijah قبر خديجة رضي هللا عنهاAllaha raallu ka noqdee.” Waa intaas warkiisu. (qabriga waxaa ka dul dhisnaan jiray guri, waxaana la dumiyay zamanka Al Shariif Cawn الشريف عونee sanadka kun saddex boqol kow iyo labaatan Hijriga (Ghaazii) غازي Qabriga Abuu Quxaafah, Abuu Bakr Al Ssiddiiqu aabihiis, Allaha raalli ka wada noqdee قبر أبو قحافة عثمان بن عامر بن عمرو القرشي التيمي صاحب رسول هللا صلى هللا وعلى آله وسلم ووالد أبي بكر الصديق رضي هللا عنهما Waxaana ka mid ah: Cuthmaan bin Caamir bin Camr Abuu Quxaafah عثمان بن عامر بن عمرو أبو ( قحافةAl Isaabah warbixinta 54445444 ترجمة- ; اإلصابةiyo Al Aclaamu 4/207217/4 ) األعالمaabaha dhalay Abuu Bakr أبي بكر: wuxuu islaamay Maalinta Furashada يوم الفتح, wuxuuna noolaa ilaa khilaafada Cumar Allaha raalli ka noqdee خالفة عمر رضي هللا عنه, waxaana lagu oofsaday Makkah بمكةlix bilood iyo maalmo Abuu Bakr أبي بكرAllaha raalli ka noqdee dabadiis. Markaasuu wuxuu dhaxal ahaan u helay sudus– السدسwaana marka dhaxalka lix meelood loo qaybiyay meel- oo uu markaas suduskaas dib ugu celiyay oo siiya caruurta Abuu Bakr Al Ssiddiiqu أبي بكر ( الصديقwarkiisuna wuxuu ku sugan yahay Xusni Al Muxaadarah حسن المحاضرة1/91; Al Isaabah: warbixinta 51435 ; اإلصابة (ترجمة رقمAl Aclaamu األعالم1/311-312). 267 جبل الحبشيBuurta Jabalu Xubshiyyu Sheekha kitaabka allifay wuxuu fasalka labaad ku yiri: Warbixinta qaar ka mid ah buuraha ku yaalla Makkah midda Sharfan في ذكر بعض الجبال الواقعة بمكة المشرفة: – الفصل الثانيbogga afar iyo soddon: “Xubshii حبشيwaa buur ku taalla dhanka hoose ee Makkah مكة, halkaas ayuuna erayga “Axaabiishu Quraysh ” أحابيش قريشka yimid ayagoo Ilaahay isku dhaarsaday inay hal gacan wada yihiin oo ay cadawgooda isugu dhan ka yihiin intuu habeen gudcirkiisu maalinta iftiinkeeda daboolayo, maalintuna ay iftiin cad tahay, iyo intuu Xubshii حبشيtaagan yahay "" والمثبت من القاموس (صفحة. سار:ألنهم تحالفوا باهلل أنهم ليد على غيرهم ما سجى ليل ووضح نهار وما رسا (في األصل )) حبشي759, (Al Xubshii الحبشيwaa buurta maanta la yiraahdo Jabalu Al Sulaymaaniyah جبل السليمانية, waana midka ku fidsan “Falaqi ibnu Al Zubayr ilaa Thaniyatu Al Madaniyiina من فلق إبن الزبير إلى ثنية ”المدنيينloomana nisbeeyn nin xabashi ah ee magaca buurta lafteeda (Al Azraqii 2/285) األزرقي maantana waxaa hoostiisa laga dalooliyay oo laga furay laba nafaq – نفقانoo nafaq نفقwaa dariiqa dhex mara oo wada gooya - oo isku xira Al Abdhax iyo Jarwal بين األبطح وبين جرول.” Waa intaas warkiisu. Kitaabkaas waxaad ka heli kartaa bogga ama website-ka Prof.Dr. Cabdu Al Malik bin Dahiish :الموقع الرسمي للشيخ عبد الملك بن دهيش (www.bin-dehaish.com Afar calamadood: calaamadda ugu korreysa: buurta Jabalu Al Sulaymaaniyah, hoosteeda: salka buurta oo ah bartuu ku dhintay Cabdu Al Rraxmaan bin Abii Bakr\عبد الرحمن بن أبي بكر, Allaha labadoodaba raalli ka 268 noqdee, hadana ay labada nafaq ku yaallaan oo laga dalooliyay. Saddex: midigtaada xabaalaha Al Xujuun\Al Mucallaat\ الحجون المعالةoo lagu duugay. Afar: bidixdaada albaabka Baabu Al Marwahباب المروة ee Masjidka oo Kacbada ku geynaya. Dr. Cabdu Al Rraxmaan Xasanwali Makkah Al Mukarramah مكة \ المكرمة1434H/2013M. Buurta Jabalu Al Sulaymaaniyah\ جبل السليمانيةiyo labada dariiq oo laga duleeliyay o hoos mara. Midigtaada daaraha dheerdheer dhexdooda xagga buurta xigta waxaad u jeedaa darafta qubuuraha Al Xujuun\Al Mucallaat\ الحجون المعالة. Masawirka waxaa qaaday Dr. Cabdu Al Rraxmaan Xasanwali, isagoo ku jira dabaqa kow iyo tobnaad ee hoteelka “Funduqu Nuuru Ghazzah\ ”فندق نور غزةoo shan boqol oo mitir u jira Xaramka, oo ku yaalla Shaaricu Ghazzah\ شارع غزةoo Xaramka kasoo baxa. Makkah Al Mukarramah\ مكة المكرمة1434H/2013M. 269 Qubuuraha Al Xujuun\Al Mucallaat\ الحجون المعالة. Qaybta kore oo darbiga gaarka ahi ku wareegsan yahay oo albaabka iyo daaqadaha cagaaran leh waa xabaalaha Ahlu Al Bayti\ أهل البيتee Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam. Halkaas waxaa ku duugan Al Qaasim\ القاسمiyo walaalkiis Cabdu Allaahi\ عبد هللاlabada wiil oo Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam iyo hooyadood Ummu Al Mu’miniina Khadiijah bintu Khuwaylid\;أم المؤمنين خديجة بنت خويلد Cabdu Al Mudh-dhalib\ عبد المطلبawoowaha Nabiga iyo adeerkiis Abuu Dhaalib\ أبوطالبiyo awoowihiisa saddexaad Cabdu Manaaf\ عبد منافSallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam iyo dadka kale oo Ahlu Al Bayti\ أهل البيتah. Halkaan waxaa kaloo ku duugan Abuu Quxaafah\أبوقحافة aabaha dhalay Abuu Bakr Al Ssiddiiqu\أبوبكر الصديق, caruurtiisa Cabdu Al Rraxmaan bin Abii Bakr Al Ssiddiiqu\ عبد الرحمن بن أبي بكر الصديقiyo walaashiis Asmaa’u bintu Abii Bakr Al Ssiddiiqu أسماء بنت أبي \"“ بكر الصديق "ذات النطاقينThaata Al Nnidhaaqayni” Allaha dhammaantood raalli ka noqdee. 31 270 : waxaad u jeeddaالمدينة المنورة\ xabaalaha Al Madiinah Al Munawwarahبقيع الغرقد\Baqiicu Al Gharqad: ayna ku duugan yihiin:أهل البيت\qaybta Ahlu Al Bayti بقيع الغرقد :مقبرة أهل المدينة المنورة ،قسم قبور بعض أهل البيت ،منهم فاطمة الزهراء بنت رسول هللا صلى هللا عليه وسلم ،وإبنيها اإلمام الحسن ،ورأس اإلمام الشهيد الحسين ،وولد الحسين اإلمام علي زين العابدين وإبنه أبو جعفر محمد الباقر ،وإبن أبو جعفر :جعفر الصادق ،والعباس بن عبد المطلب عم رسول هللا صلى هللا عليه وسلم ،وعقيل بن أبي طالب شقيق علي إبني أبي طالب عم رسول هللا صلى هللا عليه وسلم .الصورة بعدستي 2111/1433 271 Baqiicu Al Gharqad\بقيع الغرقد: Baqiicu Al Ummahaati: qubuuraha hooyooyinka mu’miniinta, haweenka Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam. Halkaan ayay dhammaantood ku duugan yihiin intaan ka ahayn Hooyo Khadiijah\ خديجةoo Makkah Al Mukarramah\ مكة المكرمةku duugan iyo Hooyo Maymuunah bintu Al Xaarith Al Hilaaliyah\ ميمونة بنت الحارث الهالليةoo Sarif\ سرفoo maanta la yiraahdo Al Nawaariyah\ النوريةku duugan Makkah\ مكةka mid ah maanta, Kacbadan u jirta labaatan kiiloomitir, marka Masjidu Caa’isha\ مسجد عائشةee Al Tanciimu\ النتعيمla dhaafo: qabrigeedu meel cidla ah oo dariiqa dhiniciisa bidix kaa qabanaya markaad Al Madiinah Al Munawwarah\ المدينة المنورةu socotid, waxaana ku wareegasan afar darbi. Halkaas geed ku oolli jiray hoostiisa ayuu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam ku guursaday sanadka toddobaad ee hijrada, halkaas ayayna ku dhimatay sanadka kow iyo konton hijriga, waxaana lagu duugay bartii ku oolli jirtay khaymadda lagula aqal galay. Qabrigeeda waxaa wax ka galay Cabdu Allaahi ibnu Cabbaas\ عبد هللا إبن عباسAllaha dhammaantood raalli ka noqdee. 272 Qabriga hooyadeen Maymuunah binti Al Xaarith Al Hilaaliyah \ ميمونة بنت الحارث الهاللية. Xasanwali 1432H/2011M. 273 Caruurta Cabdu Al Rraxmaan bin Abii Bakr Al Ssiddiiqu Cabdu Al Raxmaan bin Abii Bakr Al Siddiiq\ عبد الرحمن بن أبي بكر الصديقwuxuu dhalay saddex cunug oo kala ah laba wiil iyo gabar. Wiilasho waa: (Kow) Muxammad bin Cabdu Al Rraxmaanu bin Abii Bakr Al Siddiiq محمد بن عبد الرحمن بن أبي \ بكر الصديقoo ay hooyadiis tahay Umaymah bintu Cadiyyi bin Qays bin Xuthaafah bin Sacd bin Sahm bin Camr bin Husays bin Kacb Al Sahmiyyi أميمة بنت عدي بن قيس بن حذافة بن سعد بن سهم بن \ هصيص بن كعب السهميoo Qurayshta\ قريشreer Banii Sahm\ بني سهمu dhalatay iyo (Labo) Cabdu Allaahi bin Cabdu Al Rraxmaanu bin Abii Bakr Al Siddiiq عبد هللا بن عبد الرحمن \ بن أبي بكر الصديقiyo gabar magaceedu yahay: (Saddex) Xafsah bintu Cabdu Al Rraxmaanu bin Abii Bakr Al Siddiiq حفصة بنت عبد الرحمن بن \ أبي بكر الصديقoo ay isaga isku hooyo yihiin, hooyadoodna ay tahay Qariibah Al Sughraa bintu Abii Umayyah bin Al Mughiirah bin Cabdu Allaahi bin Cumar bin Makhzuum قريبة الصغرى بنت أبي \ أمية بن المغيرة بن عبد هللا بن عمر بن مخزومoo Qurayshta\ قريشreer Banuu Makhzuum\ بنو مخزومu dhalatay. Al Zubayru bin Al Bakkaar\ الزبير إبن البكارwuxuu Xadiithkiisa toddoba boqol iyo toddoba iyo sideetan ku sheegay inay jirto gabar kale oo magaceedu yahay (Afar) Ummu Kulthuum bintu Cabdu Al Rraxmaanu bin Abii Bakar Al Siddiiq أم كلثوم بنت عبد \الرحمن بن أبي بكر الصديق. Saxaabigaan wayn oo ah Cabdu Al Raxmaan bin Abii Bakr Al Siddiq\عبد الرحمن بن أبي بكر الصديق waa aabahyga aan ku abtirsado. Muxammad bin Cabdu Al Rraxmaanu bin Abii Bakr Al Siddiiqu محمد بن عبد الرحمن بن أبي بكر \الصديق Muxammad bin Cabdu Al Raxmaan bin Abii Bakr\محمد بن عبد الرحمن بن أبي بكر الصديق koofaartiisu waa Abuu Catiiq\أبو عتيق. Calii Al Dhandhaawii\ علي الطنطاويwuxuu kitaabkiisa Abuu Bakr Al Siddiiq Al Macaarif أبو بكر \ الصديق المعارفka wariyay oo yiri: "Muxammad bin Cabdu Al Raxmaan bin Abii Bakr Al Siddiiq\محمد بن عبد الرحمن بن أبي بكر الصديق wuxuu dhalay Cabdu Allaahi bin Muxammad\ عبد هللا بن محمدwuxuuna leeyaha cirib la yiraahdo Aala Abii Catiiq\أل أبي عتيق, oo dhasha Abuu Bakr أبو بكرlaga dhex yaqaanno. Wuxuu magacaasi ugu baxay ayadoo ay koox wiilal ah ee dhasha Abuu Bakr أبو بكرisku faaneen. Markaasuu midkood wuxuu yiri: "Anigu waxaan ahay wiilka Al Siddiiqu\"الصديق. Mid kalena wuxuu yiri: "Anigu waxaan ahay wiilka Midka labaad ee labo \(إبن ثاني اثنينgodka ku wada jiray isaga iyo Nabi Muxammad, Sallaa Aallaahu Calayhi Wasallam)". Markaasuu Muxammad\ محمدwuxuu yiri: "Anigu waxaan ahay wiilka Catiiq\( عتيقoo ah magac ka mid ah amagacda Abuu Bakr Al Siddiiq\")أبو بكر الصديق: markaasaa isaga iyo ubadkiisaba ilaa maanta taas loo nisbeeyey." Kitaabka Ansaabu Al Ashraafi\ أنساب األشرافwuxuu wariyay in Muxammad bin Cabdu Al 274 Raxmaan محمد بن عبد الرحمنuu khamro uu cabay lagu karbaashay isaga iyo Muscab bin Cabdu Al Raxmaan bin Cawf\مصعب بن عبد الرحمن بن عوف, waxaana karbaashay Marwaan\مروان. Muxammad bin Cabdu Al Raxmaan bin Abii Bakr محمد بن عبد الرحمن بن أبي بكرwaa saxaabi, aniguna isagaan ku abtirsadaa oo waa aabahay. Cabdu Allaahi bin Muxammad bin Cabdu Al Raxmaan bin Abii Bakar Al Siddiiq "ibnu abii Catiiq"\محمد بن عبد الرحمن بن أبي بكر بن أبي بكر الصديق إبن أبي عتيق Muxammad\ محمدwuxuu dhalay Cabdu Allaahi bin Muxammad bin Cabdu Al Raxmaan bin Abii Bakr Al Siddiiq, koofaartiisuna ay tahay "ibnu abii Catiiq" عبد هللا بن محمد بن عبد الرحمن بن أبي بكر الصديق إبن أبي عتيق. Cabdu Allaahi عبد هللاwuxuu ahaa nin saalix ah oo suuban, kaftanlowna ah, siduu Al Zubayru \ الزبيرXadiithkiisa kun iyo saddex boqol iyo saddex iyo toddobaatan ugu wariyay. Gabaygana wuu tirin jiray. "Ibnu Abii Catiiq إبن أبي عتيقayaa wuxuu fallar ku ganay barta la nishaabo, isagoo tartan ku jira, markaasuu wuxuu yiri: "Waan la helay, aniguna waxaan ahay ibnu abii Catiiq " إبن أبي عتيقuuna ka wado Abaa Quxaafah\( أبو قحافةoo ah Abuu Bakr Al Siddiiqu\ أبوبكر الصديقaabiihisa dhalay oo taasi ay koofaartiisa ahayd. Abuu Bakr laftiisa magaciisa ama koofaartiisa kalena waxay ahayd oo la oran jiray Catiiq \ عتيقWaxaa kaloo la yiri in Muxammad bin Cabdu Al Raxmaan محمد بن عبد الرحمن oo ah aabihiis Abuu Catiiq\ أبوعتيقlagu koofaari jiray). Xadiithkaanna waxaa wariyay Ansaabu Al Ashraafi\أنساب األشراف, wuxuuna ku daray: "Waxaa nishaabta ku tartamay koox wiilasha Abuu Bakr\ أبوبكرka mid ah, markaasuu midkood wuxuu yiri: "Anigu waxaan ahay wiilka Al Siddiq" الصديق. Mid kalena wuxuu yiri: "Anigu waxaan ahay wiilka saaxiibka godka, waa Ghaaru Thawre\"غار ثور. Markaasuu Muxammad bin Cabdu Al Raxmaan bin Abii Bakr محمد بن عبد الرحمن بن أبي بكرwuxuu yiri: "Anigu waxaan ahay wiilka Abii Catiiq oo ah ibnu abii Catiiq\إبن أبي عتيق." Cabdu Allaahi bin Muxammad bin Cabdu Al Raxmaan محمد بن عبد الرحمن بن أبي بكرwuxuu ahaa nin naadir ah oo isago kale uusan jirin, aadna u qurux badan. Nin reer miyi ah ayaa laazini jiray oo aan ka tegi jirin ibnu abii Catiiqإبن أبي عتيق, markaasuu mar arki waayey in muddo ah. Markaasuu isagoo maalin albaabka daartiisa ee Al Madiinah\ المدينةhor fadhiya ayaa waxaa soo maray ninkii oo xargo ku xiran. Markaasuu wuxuu ku yiri: "War hooge tanna waa maxay?" Wuxuu yiri: "Waxaan dhoobo mariyay barkaddeyda, markaasaa nin dariskeyga ahi dalooliyay, markaasaan intaan gacanteyda kor u qaaday mar laabta uga dhuftay markaasaa ajashiisu u timid oo uu dhintay". Wuxuu yiri: “Oo hoy maxaad sidaas u yeeshay?" 275 Markaasuu ninku tix gabay ah tiriyay uu ku sheegayo waxa dhacay. Markaasuu ibnu Abii Catiiq إبن أبي عتيقwuxuu yiri: "Anigu Wa Allaahi\ وهللاwaxaan ku samayn lahaa dhoobo la isku keenay, lugteydana ma uusan ahaan lahayn waxa lugtaada ah (oo ah xarigga ku xiran)." Ansaabu Al Ashraafi\ أنساب األشرافwuxuu kaloo wariyay: "Caa'ishah ayaa waxay u ciddirtay ibnu abii Catiiq إبن أبي عتيقayadoo waydiisanaysa inuu tabalcaareeyo baqlad uu lahaa ayna u dooneyso inay ku qaaddo ergay ay xaajjo ay leedahay u dirsaneyso. Markaasuu wuxuu rasuulkay u soo dirsatay ku yiri: "Waxaad ku tiraahdaa: "Wa Allaahi\ وهللاinaana wali madaxdeenna ka dhiqin ceebta Yawmu Al Jamali\يوم الجمل (Maalinta Ratiga). Marka, aragtidaada ma ka mid tahay inay noola timaaddo Yawmu Al Baghlati \( يوم البغلةMaalinta Baqasha)?" Wuxuu kaloo wariyay: "Ibnu Abii Catiiq إبن أبي عتيقayaa addoon u lahaa wuxuu weydiiyey muraayad uu lahaa. Markaasuu wuxuu ku yiri: "Waxaan kusoo nadiifiyay oo mirirka iyo qayyiraadda uga soo bi'iyey labo dirham." Markaasuu wuxuu yiri: "Wa Allaahi وهللاhadday isha qorraxdu qayyirmi lahayd (waa mirir lahayd oo iftiinku ka tegi lahaa) nadiifinteeda qayyiraadda looga tirtiri lahaa labo dirham ma gaareen." Wuxuu kaloo wariyay: "Caa'ishah bintu Dhalxah\ عائشة بنت طاحةwaxay lahay khuluq aan fiicnayn, markaasey Cumar bin Cubaydu Allaahi bin Macmar\( عمر بن عبد هللا بن معمرoo ninkeeda ahaa) intay u carootay gogosha uga guurtay, oo ay qol kale oo ay lahayd intay fuushay jaranjarada lagu fuulana kor u qaadatay. Markaasuu Cumar\ عمرwuxuu la hadlay ibnu abii Catiiq إبن أبي عتيقoo uu ku yiri: "isoo oggoleysii oo ralli ha iga noqoto, adiguna waxaad leedahay toban kun oo dirham." Markaasuu ibnu Abii Catiiq إبن أبي عتيقintuu qolkaas hoos istaagay ayuu wuxuu ku yiri: "ina adeerteeyey! Ninkaani wuxuu i siinaya toban kun oo dirham haddaad oggolaatid, marka inaad oggoshahay tus, jaranjaradana soo deji, intaas kaddibna dib ugu laabo wuxuu Ilaahay kaaga caado yeelay oo khuluq xumo ah." Sidoo kale wuxuu wariyay: "Ibnu Abii Catiiq إبن أبي عتيقayaa wuxuu maqlay Cumar bin Abii Rabiicah عمر بن أبي ربيعةoo ku luqaynaya: Keebaa iga gaarsiinaya Al Tharyaa\( الظرياhaweentiisa) inay Noloshii ciriiri igu noqotay markay iga tagtay, waa Kitaabkee? Markaasuu wuxuu yiri: "Anigaa ergayga ah". Markaasuu Makkah\ مكةu ambabaxay. Waxaa kaloo la yiri Dhaa'if\الطائف. Markaasuu intuu u tegey tixdii u tiriyey. Markaasuu intu hashiisa gadiiyay gaddoomay. Markaasaa waxaa loo soo jeediyey inuu dego oo xoogaa joogo. Markaasuu wuxuu yiri: "Joogiddeydu kaddib markaan xaajadayda gutay waa jaahilnimo iyo dan la'aan iyo waqti lumis". Kaddibna wuu gaddoomay. 276 Isla Ansaabu Al Ashraafi\ أنساب األشرافwuxuu yiri: "Ibnu Abii Catiiq إبن أبي عتيقayaa wuxuu soo booqday Ummu Al Mu'miniina Caa'isha أم المؤمنين \ عائشةoo xanuunsan, markaasuu wuxuu yiri: "Ummu Al Mu'miniiney\ يا أم المؤمنينsideebaad isku deyeysaa? Ilaahay furashadaada ha iga dhigee." Waxay tiri: "Waan xanuunsanahay, umana jeedo inaan caawo nooli ku gaarayo." Markaasuu wuxuu yiri: "Hadday sidaas tahay, hadaba Ilaahay furashadaada igama dhigo." Al Zubayrna\ الزبيرwuxuu wariyay: "Ibnu Abii Catiiq إبن أبي عتيقayaa wuxuu usoo gal ay Ummu Al Mu' miniina Caa'ishah أم \ المؤمنين عائشةmarkuu hayay xanuunka lagu oofsan doono, wuxuuna ku yiri: "Sidee baad ku bariday hooyoy, Ilaahay furashadaada ka iga dhigee?" Markaasey waxay ku tiri: "Waxaan waabaristay aniguu baxaya (dhimanaya)." Markaasuu wuxuu yiri: "Hadaba maya." Ibnu Abii Catiiq إبن أبي عتيقwuxuu lahaa saaxiibbo ay ku kulmi jireen Masjidka RasuuIka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ee Al Madiinah\المدينة. Halkaas ayay gabayo ku luqayn jireen. Masjidka dhexdiisa dhinac ka mid ah ayaa waxaa maalin walba ku tukan jiray nin salaadda dheereyn jiray oo ku dheeraan jiray. Markaasuu markuu salaadda ka baxo oo uu salaamo naqsado ayuu wuxuu ku yiraahdaa: "Kuwiinnaan faasiqiinta ahi, ma Masjidka Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ayay dhexdiisa gabayo ku tirineysaan?" Markaasuu ibnu Abii Catiiq إبن أبي عتيقmaalin Masjidka ka baxay, markaasey gabar addoon ahayd waxay ku tiri: ''Nin majliskiina agtiisa ku tukada ayaa i maaga, iiguna yeera waxaan u xalaal ahayn." Markaasuu wuxuu ku yiri: "Hooy! Markuu ku maago ka jeeso, markaas hadduu guriga kuugu soo galo ii soo sheeg." Markaasuu markuu maagay ay guriga mawleheeda soo gelisay, ay ibni abii Catiiq-naإبن أبي عتيق u yeertay. Intuusan waxaan in yar ahaynba guriga ku jirin ayaa waxaa yimid Ibnu Abii Catiiq إبن أبي عتيق iyo asxaabtiisa. Markaasey gabadhii waxay ninka ku tiri: "Waxaa yimid mawleheyga ee waxaad gashaa meeshaan (oo ahayd qol yar oo daah ku xiran yahay oo dharka lagu kaydsado)" oo markuu galayna ay daaha ku xirtay. Markaasuu Ibnu Abii Catiiq إبن أبي عتيقwuxuu yiri in cunno loo keeno. Markaasaa cunno loo keenay oo ay isaga iyo asxaabtiisuba ka cuneen, kaddibna uu yiri: "Gabaray! Meeshaan fur waan seexanayaaye". Markaasey markay furtay uu ninkii ku jiray ayaga soo fiiriyey uuna yiri: "Kuwiinnaan faasiqiinta ahi maxaad halkaan ka samayneysaan?" Markaasuu Ibnu Abii Catiiq إبن أبي عتيقwuxuu ku yiri: "Na astur Allaha ku asturee." 277 Markaasuu ninkii guriga ka baxay uusanna mar dambe Masjidka kusoo laaban. Ibnu Abii Catiiq إبن أبي عتيقayaa baqashiisa kasoo degay markaasuu kaadiyay. Kaddib asxaabtiisu intay xambaareen ayay baqasha hadana saareen, markaasuu wuxuu yiri: "Waa gudateen wixii adinka korkiinna ahaa oo ahaa xambaariddeyda, waxaana haray waxa aniga korkeyga ah, oo ah inaan korkeeda isku hayo (oo aanan kasoo dhicin)." Ibnu Xajar Al Casqalaanii\ إبن حجر العسقالنيwuxuu Tahthiibu Al Tahthiibi\ تهذيب التهذيبku yiri waxay ka mid yihiin: "Wuxuu ka wariyay aabihiis, eedadiisa Caa'ishah\ عائشةiyo ibnu Cumar\ إبن عمرiyo Caamir bin Sacd\عامر بن سعد. Isagana waxaa ka wariyay labadiisa wiil Cabdu Al Raxmaan\ عبد الرحمنiyo Muxammad\محمد, iyo Khaalid bin Sacd\ خالد بن سعدiyo Camr bin Diinaar\ عمرو بن دينارiyo Muxammad bin Isxaaq محمد بن إسحاقiyo Abuu Xazrah Yacquub bin Mujaahid Al Madaniyyu \ أبو حزرة يعقوب بن مجاهد المدنيiyo ghayrkoodba. Al Cijliyyu\ العجليwuxuu yiri: "Waa Madaniyyun\ مدني- oo ah inuu Al Madiinah\ المدينةdegganaa-, taabicii\ تابعيiyo thiqqah\ثقة, oo ah in Xadiithku wariyo lagu kalsoon yahay." Muscab Al Zubayrii\ مصعب الزبيريwuxuu yiri: "Wuxuu ahaa nin saalix suuaban ah, kaftanlowna wuu ahaa." Ibnu Xibbaan\ إبن حبانwuxuu ku daray kuwa "thiqqah\ "ثقةlagu kalsoon yahay warkooda ah." Waa intaas warka ibnu Xajar\إبن حجر. Cabdu Allaahi bin Muxammad bin Cabdu Al Raxmaan bin Abii Bakr Al Siddiiq "ibnu abii Catiiq" عبد هللا بن محمد بن عبد الرحمن بن أبي بكر الصديق إبن أبي عتيقwaa Taabici\تابعي, waana aabahay oo isagaan ku abtirsadaa. Allow raalli ka noqo. Dhasha Cabdu Allaahi bin Muxammad bin Cabdu Al Rraxmaanu bin Abii Bakr Al Siddiiqu "Ibnu Abii Catiiq" عبد هللا بن محمد بن عبد الرحمن بن أبي بكر الصديق إبن أبي عتيق Wuxuu ibnu Sacd إبن سعدkitaabkiisa Al Dhabaqaatu Al Kubraa\ الطبقات الكبرىku waraiyay Xadiithkaan: "Ibnu Abii Catiiq أبي عتيقwuxuu dhalay (Kow) Muxaammad ibnu Cabdu Allaahi محمد بن عبد \هللا, oo ah awoowahay oo isagaan ku abatairsadaa, (Labo) Abuu Bakr bin Cabdu Allaahi أبوبكر بن \عبد هللا, (Saddex) Cuthmaan bin Cabdu Allaahi\عثمان بن عبد هللا, (Afar) Cabdu Al Raxmaan bin Cabdu Allaahi\عبد الرحمن بن عبد هللا, (Shan) Cumar bin Cabdu Allaahi\عمر بن عبد هللا, (Lix) Caatikah bintu Cabdu Allaahi\عاتكة بنت عبد هللا, (Toddoba) Caa'ishah bintu Cabdu Allaahi\عائشة بنت عبد هللا, (Sideed) Zaynab bintu Cabdu Allaahi\ زينب بنت عبد هللاay hooyadoodna tahay Ummu Abiihaa bintu Cabdu Allaahi bin Cabdu Al Raxmaan bin Abii Bakr Al Siddiiq أم أبيها بنت عبد هللا بن عبد الرحمن بن \أبي بكر الصديق. (SagaaI) Caa'isha bintu Cabdu Allaahi\عائشة بنت عبد هللا, waxaana la yiri magaceedu waa Ummu Kulthuum\أم كلثوم, hooyadeedna waa addoon u lahaa. (Toban) Aaminah bintu Cabdu 278 Allaah\آمنة بنت عبد هللا, hooyadeedna waa Ummu Isxaaq bintu Dhalxah bin Cubaydu Allaahi bin Cuthmaan Al Taymii\أم إسحاق بنت طلحة بن عبيد هللا بن عثمان التيمي, walaasheed ay isku hooyo yihiinna waa Faadhimah bintu Xusayn bin Calii bin Abii Dhaalib فاطمة بنت حسين بن علي بن أبي \طالب." Muxammad bin Cabdu Allaahi bin Muxammad bin Cabdu Al Rraxmaanu bin Abii Bakr Al Siddiiqu \محمد بن عبد هللا بن محمد بن عبد الرحمن بن أبي بكر الصديق Muxammad bin Cabdu Allaahi bin Muxammad bin Cabdu Al Raxmaan bin Abii Bakr Al Siddiiq \ محمد بن عبد هللا بن محمد بن عبد الرحمن بن أبي بكر الصديقwaa awooweheen aan ku abtirsanno, oo waa ina Ibnu Abii Catiiq\إبن أبي عتيق. Ibnu Xajar Al Casqalaanii\ إبن حجر العسقالنيwuxuu kitaabkiisa Tahthiibu Al Tahthiibi\تهذيب التهذيب ku yiri: "Muxammad bin Cabdu Allaahi bin Abii Catiiq Muxammad bin Cabdu Al Raxmaan bin Abii Bakr Al Siddiiq\ محمد بن عبد هللا بن محمد بن عبد الرحمن بن أبي بكر الصديق القرشي التيمي المدنيAl Qurashiyyu Al Taymiyyu Al Madaniyyu wuxuu Xadiithka ka wariyey aabihiis iyo Anas \ أنسiyo Naafac Mawlaa ibnu Cumar\ نافع مولى إبن عمرiyo Abii Yuunus Mawlaa Caa'ishah إبي يونس مولى \ عائشةiyo Al Zuhriyyu\ الزهريiyo jamaaco kale. Isagana waxaa ka wariyey Sulaymaan bin Bilaal\ سليمان بن باللiyo Cabdu Al Caziiz bin Abii Salamah Al Maajishuun\عبد العزيز بن أبي سلمة الماجشون, iyo Cabdu Al Caziiz Al Daraawardiyyu عبد \ العزيز الدارقطنيiyo Muxammad bin Isxaaq\( محمد بن إسحاقoo Siirada dhigay), iyo Yaxyaa bin Ayyuub Al Misriyyu\ يحيى بن أيوب المصريiyo Yaziid bin Zurayc\ يزيد بن زريعiyo Xammaad bin Salamah\ حماد بن سلمةiyo Xaatim bin Ismaaciil\ حاتم بن إسماعيلiyo ghayrkoodba. Ibnu Xabbaan\ إبن حبانwuxuu ku daray "Al Thiqaatu\ "الثقةkuwa Xadiithkooda lagu kalsoon yahay. Al Thuhayliyyu\ الذهيليwuxuu yiri: "Ibnu Abii Thu'ayb إبن أبي ذؤيبiyo ibni Abii Catiiq\ إبن أبي عتيقriwaayadohoodu way isku dhow yihiin ay Al Zuhriyyu\ الزهريka wariyey. Ibnu Abii Thu' aybse إبن أبي ذؤيبwaa caan, ibnu abii Catiiqse\ إبن أبي عتيقwaa reer Al Madiinah \ المدينةkamana uusan warin, intaan ka warhayo, Sulaymaan ibnu Bilaal\ سليمان إبن باللghayrkiis. Waxaanna maqlay Ayyuub bin Sulaymaan\ أيوب بن سليمانoo la waydiiyey nasabkiisa markaasuu sheegay, wuxuuna yiri: "Ma ogi axad kale oo Al Madiinah\ المدينةuga wariyay oo aan aabahay ahayn." Al Thuhliyyu\ الذهليwuxuu yiri: "Waa nin Xadiithkiisu fiican yahay uu ka wariyay Al Zuhriyyi\الزهري, warintiisuna ay badan tahay, Xadiithkiisuna uu dhowyahay, hadduusan Sulaymaan bin Bilaal \ سليمان إبن باللahayn lahaynna oo Xadiithkiisa wariyey, Xadiithkiisu wuu tegi lahaa (lumi lahaa)". Al Bukhaarii\ البخاريayaana wariyay Xadiithkiisa." 279 Riyadeyda Abuu Bakr Al Siddiiqu \أبوبكر الصديق Waxaan cajalada sideed iyo tobnaad ee siiradayda Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo boqol iyo sideetan cxajaladood ka kooban, ku akhriyay inaan ahay ina Abuu Bakr Al Siddiiqu, Shiikhaalna\شيخال, oo hore loo oran jiray Mashaayiikh\ مشاييخoo ah sheekhyo badan, ay sidaas wada tahay. Cajaladdaas waxaan ku hadlay maalinta Mawliidka ee bisha Rabiicu Al Awwal\ ربيع األولay tahay laba iyo toban ee sanadka Hijriga ah ee kun iyo afar boqol iyo labaatan, una dhigantay lix iyo labaatanka Juunyo ee kun iyo sagaal boqol iyo sagaal iyo sagaashan Miilaadiga ah. Markaasaan waxaan ku riyooday Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Dhawr goor ayaan riyo ku arkay Abuu Bakr Al Siddiiqu\ أبوبكر الصديق, aanna la hadlay anigoo hurda, taasoo ah deeq uu Ilaahay Tacaalaa igu galladaystay, mahad ha gaartee. Riyada koowaad: Abuu Bakr Al Siddiiqu\ أبوبكر الصديقoo Khaliifka Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, loo doortay \خلبفو رسول هللا صلى هللا عليه وسلم Riyada koowaad, oo aan ku riyooday muddo gaaban kaddib cajaladdaas akhrinteeda, waxay ahayd sidatan. Waxaan ku dhex jiraa guri aan riyada dhexdeeda isku leeyahay, intuu iila ekaaday, waa guriga walaalkay Cabdu Al Rrashhidu Sheekh Xuseen Cismaan\عبد الرشيد شيخ جسين عثمان, Allaha u Gurigaas aan ku dhex jiro wuxuu ka kooban yahay laba qol oo iska soo horjeeda, saqafna wadaaga oo uu wada daboolo, ayna u dhexeyso barsad dhinaca dambe waasac ka ah. Barsaddaan waxaa wada fadhiya oo ka buuxa rag dhulka darmooyin ku fadhiya. Waxaa safka ugu soo horreeya raggaas fadhiya nin caato ah oo khamiis duug ah oo midabka ukunta leh labbisan, waana khamiiska la yiraahdo sukari\سكري, oo ay labadiisa lugood dhulka ku suran yihiin labadiisa gacnoodna inta is dhaafiyay jilbihiisa ku haya. Madixiisuna wuxuu kusoo fooraraa labadiisa jilbood. Waxaa la ii sheegay inuu ninkaasi Abuu Bakr Al Siddiiq\ أبوبكر الصديقyahay. Waxaa ayaguna jooga koox rag ah, oo dhawr nin ka kooban oo intay qol kasoo baxaan oo raggaas fadhiya soo hormaraan hadana qolka kale gelaya. Sidaas ayayna yeeleen dhawr goor oo intay qol kasoo baxaan ayay kan kale gaIaan, ayagoo intaas wada hadlaya oo si xoog leh u doodaya. Markaasey intay isoo ag istaageen ayay waxay igu yiraahdeen: "Abuu Bakr Al Siddiiq أبوبكر الصديقu tag, una sheeg inuu isagu madax noqonayo." Markaasaan intaan u tegey Abuu Bakr Al Siddiiq أبوبكر الصديقku iri: "Adigaa madax noqonaya." Riyadaasi intaas ayay ahayd. Wa Al xamdu li Allaahi Rabbi al caalamiina wa Sallaa Allaahu Calaa Sayyidinaa wa Mawlaana Muxammadin wa calaa Aalihi wa Saxbihi wa Sallam Tasliiman kathiiran. Intuu Aadan\آدم, dhalay saddex nin ayaa khaliifah\ خليفةlagu magacaabay, oo laba ka mid ahna 280 Ilaahay ayaa Kitaabkiisa\خليفة dhexdiisa Aadan\ آدمkhaliifah ku magacaabay, Nabi Daauudna\ داود النبيsidoo kale khaliifah\ خليفةku magacaabay. Qotka saddexaadna waa Abuu Bakr Al Siddiiq أبوبكر الصديق, oo ay asxaabta Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, khaliifah خليفةku magacaabeen uguna yeereen, markay u doorteen inuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, hoggaanka ummaddiisa uga dambeeyo. Cumar\ عمرiyo Cuthmaan\ عثمانiyo Calii\ عليmidna khaliifah خليفةlama oran ee waxaa la oran jiray Amiiru Al Mu'miniinaأمير المؤمنين. Calii\ عليgaar ahaanna Imaam Calii\ اإلمام عليayaa u dheereyd. Culummadu waxay tiraahdaa in qofka saxaabinnimada asxaabta Nabi Muxammad inkirah uusan gaaloobeyn oo uusan Diinta uga baxayn, qofkase saxaabinnimada Abuu Bakr Al Siddiiq أبوبكر الصديقdiiday uu gaaloobayo oo Diinta ka baxayo isagoo inkiray oo beeniyey Aayadda afartanaad ee Suuratu Al tawbah\ التوبةoo uu Ilaahay ku leeyahay "."إذ يقول لصاحبه "Ith yaquulu li Saaxibih" oo ah: "Markuu, waa Nabigee, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku lahaa saaxiibkiis, waa Abuu Bakare" أبوبكر. Riyada labaad: Imaamnimada Abuu Bakr AI Siddiiquأبوبكر الصديق Marka labaad waxaan ku riyooday anigoo ku dhex jira Masjidka Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ee Al Madiinah Al Munawwarah\المدينة المنورة, siduu ahaa markii la dhisay: wuxuu dhererkiisu ahaa shan iyo soddon mitir, ballaciisuna soddon mitir (fiiri Dr.M.I.Cabdu Al Ghanii\)د\محمد إلياس عبد الغني. Dhulkiisu wuxuu ahaa ciidda madow ee magaaldaas, oo waagaas kaddifad iyo darmo midna ma oollin. Darbiyadiisuna waxay ka dhisnaayeen libin qorraxda lagu qallajiyay oo aan dab loo dhoweyn. Saqafkiisuna wuxuu ahaa cariish, oo waxaa saarnaa laamaha geed timireed laguna deday reeryo biyaha roobka ka celisa. Markaasaan waxaan arkay asxaabtii oo salaad u taagan oo tukanaya, imaamna uu u yahay Abuu Bakr Al Siddiiq أبوبكر الصديق, Allaha dhammaantood raalli ka noqdee. Markaasaa waxaa qolka Caa'ishah\ عائشةkasoo baxay Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo markaas inta socday Abuu Bakr Al Siddiiq أبوبكر الصديقdhinkiciisa midig fariistay. Markaasuu Abuu Bakr أبوبكر الصديقdib usoo tillabsaday, si uu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Imaam u noqdo oo uu dadka u tujiyo. Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, gacantiisa shariifka ah ugu tilmaamay inuu meeshiisa joogo, Abuu Bakarse أبوبكر الصديقdib ayuu usoo joogsaday, oo sidaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Imaam ku ahaa oo uu Abuu Bakr 281 أبوبكر الصديقisaga ku daba tukanayey, dadkuna ay codka Abuu Bakrأبوبكر الصديق maqlayeen oo ay isaga codkiisa Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku daba tukanayeen. Riyadaasna intaasey ahayd, dhacdadaasna waa sida saxiixa ah oo ay usoo aroortay. Wa al xamdu li Allaahi Rabbi al caalamiina wa Sallaa Allaahu Calaa Sayyidinaa wa Mawlaana Muxammadin wa calaa Aalihi wa Saxbihi wa Sallam Tasliiman kathiiran. Dambaabiddayda Sanadka Hijriga ah ee kun iyo afar boqol iyo shan iyo labaatanka ayaan anigoo qof la hadlaya waxaan ku hadlay war diinta ku saabsan oo aanan erayadiisa, kaddib, u bogin oo aan ka xumaaday, aanna jeclaaday inaan warka si taas ka duwan u oran lahaa. Waxaan ka qawmamooday hadalkaan iri, oo xanuun ayuu igu qabtay. Wuxuuna ahaa hadal aan culummada ka wada maqlay. Riyada saddexaad: Siday Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam Abuu Bakr أبوبكر الصديقiyo Cumar iyo Calii ii kabeen Markaasaan habeen riyooday, waxaanna ku riyooday anigoo masjid dhexdiisa fadhiya, annagoo salaadda sugaynna, aniguna aan safka saddexaad fadhiyo. Safka labaad oo horteyda ahna meelo badan ayaa ka bannaan. Markaasaan waxaan is iri: "Maad safka labaad u guurtid oo buuxisid, marka salaadda la iqaamana aad kan koowaad usii gudubtid?" Markaasaan go'aan gaari waayey. Markaan cabbaar fadhinnay Aathaanka kaddib ayaa waxaa naloo sheegay in la sugayo inuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calyhi Wasallam, yimaado oo uu dadka tujiyo oo uu isagu Imaamka yahay. Markaasaan waxaan goostay inaan weysadeyda soo cusbooneysiisto oo aan fadhiga ka kacay, oo aan xagga masjidka dhankiisa dambe aaday, halkaasoo ay dhuumaha laga weyso qaato ku yaalliin. Markaan in yar socdayba mase waa Abuu Bakr أبوبكرiyo Cumar\ عمرiyo Calii\علي (ama Cismaan )عثمانoo albaabka Masjidka ag taagan, masjidkana ku dhex jira oo Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, dhawraya, ayaguna sheekeysanaya. Waxaan is weydiiyey: "Mee Cismaan\"?عثمان Markaan soo weyso qaatay ayaan isla meesheydii safka saddexaad ahaa kusoo noqday oo aan ku tukaday, ayadoo ay safka labaadna meelo aniga horteydaba ah ka bannaan yihiin, qaarkiisna ay rag buuxiyeen. Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yimid oo uu Salaadda na tujiyay. Taasna waa marka saddexaad oo aan riyo ku arkay. Markaan subixii dambe hurdada kasoo kacay dhinacna waan ku farxay riyadeyda, ahna inaan Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calyhi Wasallam, ku daba tukaday, asxaabtiisana aan arkay. Dhinacna waan ka naxay, o ah inaanan safka koowaad ku tukan, ayadoo aan Nabiga, Sallaa 282 Allaahu Calayhi Wasallam, la iga xigin, arrinkaanoo xanuun xoog leh igu qabtay, oo aan is iri: "Ma hadalkaan ku hadlay ayaa darajadaan Ilaahay agtiisa ku lahaa hoos u dhigay, sidaan ugu dhowaana Nabi Muxammadna, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, iga fogeeyey? Oo intaan safka koowaad ahaan lahaa ayaan waxaan noqday kan saddexaad, oo Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waa la iga xigsaday?" Aad ayaan u murugooday oo u calool xumaaday, si ka waynna waan u cabsaday, ilaa ay cabsidu xanuun igu qabatay. Riyada habeenkaasna intaasey ahayd. wa al xamdu li Allaahi Rabbi al caalamiina wa Sallaa Allaahu Calaa Sayyidinaa wa Mawlaana Muxammadin wa calaa Aalihi wa Saxbihi wa Sallam Tasliiman kathiiran. Tawbad keenkeyga Markuu xanuunku igu batay oo aan nafteydaba u baqay, ayaan goostay inaan warkaas ka tawbad keeno. Markaasaan saddex maalmood oo isku xigta soomay, habeenkiina tahajjud\ تهجدiyo Alle bari u kacay, oo aan booyey, oo ay ilmadu iga dureertay, waxaan ku hadlayna aan ka qoomamooday, aanna goostay inaanan mar dambe u laaban, Ilaahayna aan ka baryay inuu dambigeyga dhaafo, tawbaddeydana aqbalo. Riyada afaraad: Aqbalidda tawbadeyda Markaasaan riyooday, saddexdaas maalmood kaddib. Waxaan ku riyooday anigoo guri jaziirad yar oo dhir iyo cagaar miiran ah ku dul yaalla ku dhex jira habeenna ay tahay, roob xoog lehna uu da'ayo, biyaha korkooda iyo dhexdoodana ay daruuro cad heehaabayaan, iftiinna ay tahay oo wax loo jeedo, ayanna gudcur ahayn. Guriga waxaa ka buuxa rag dhar cadcad labbisan oo dhulka darmooyin iyo kadiifado ku wada fadhiya, ayanna jirin meel bannaan oo axad kale fariisto. Waxaa halkaas fadhiya Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo nuurkiisa aan indhaha lagu fiirin karin, dhabarkiisuna uu darbiga xigo, guriguna uu wareegsan yahay sida mundulle oo kale, ayna la fadhiyaan asxaabtiisu. Markaasuu wuxuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam la hadlay Abuu Bakr أبوبكر, oo uu si hoose wax ugu sheegay. Markaasuu Abuu Bakr أبوبكرinta kacay albaabka guriga ka baxay. In yar kaddib ayaan aniguna ka daba baxay anigoo isaga raba. Markaasaan waxaa soo galay guri kii hore oo kale ah, kana dul dhisan jasiirad tii hore oo kale ah. Intaasna roobku wuu da'ahayaa. Meesha waxaa ka muuqda jasiirado kale, waxaanna soo xusuustay magaalada Stockholm ee dalka Sweden oo sidaasoo kale jasiirado badan ka kooban, oo waxaaban is weydiiyey inay meeshu Stockholm tahay. Markaan gurigii labaad soo galay, kaasoo uusan dhexdiisa axadna ku jirin, ayaan Abuu Bakr أبوبكرnuurkiisa indhaha siin waaye, waxaana iga xigsaday wax u eg armaajo wayn oo qori ka sameysan. Markaasaan jasiiraddii koowaad kusoo laabtay, oo intaan Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u imid weydiiyey meeshuu Abuu Bakr أبوبكرjiro, isaguna uu ii sheegay inuusan u war hayn. Markaasaan hadana waxaan kusoo laabtay jasiiradii iyo gurigii labaad, 283 anigoo ku wada inuu Abuu Bakr أبوبكرhalkaasoo aan ku arkay uu ku sugan yahay. Markaan gurigii galay ayaa waxaa isaguna soo galay Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo caddaanka nuurkiisa aan indhaha la siin karin. Markaasaan wax weydiiyey Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Markaasuu Abuu Bakr أبوبكرu yeeray, kanna uu armaajadii iiga duwanayd iyo guriga darbigiisa dhexdooda kasoo baxay isagoo nuurkiisa aan indhaha la siin karin. Markaasaan wax weydiiyey Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasalaam, wuxuuna iigu jawaabay oo uu yiri hadal macnihiisu yahay: "Taasi waxay la mid tahay adigoo safka saddexaad ku jira oo saflka koowaad lagu keenay. Adiguna waxaad tahay kan koowaad, oo ninna kaama darajo sarreeyo, axadna aniga igama kaa xigo." Inay sidaas tahayn wuxuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calyhi Wasallam, iga tusay darbiga qolkaas aan kula jiray annagoo halkaas siday xaaladdu masjidka dhexdiisa ahayd markaan safka saddexaad fadhiyay hortayduna ay bannaanayd, mixraabkuna uu maran yahay oo uusan imaamku weli soo gelin ku aragnay sida ayadoo filim darbiga lagu daaray oo kale oo aan darbigaas iftiinka filimka lasoo daaray uga jeedo. Ama siduu yiri, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Darbigaas aan wax ka fiirsaneynno wuxuu dhanka bidix ka xigaa Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, anigana horteyduu ku beegan yahay, oo waxaan taaganahay midigta Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Abuu Bakarna أبوبكرxagga midigteyda ayuu taagan yahay oo isagaan bidixdiisa taaganahay. Irriidduu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, kasoo galayna waxay xigtaa xagga dhabarkiisa. Kaddibna Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, qolka ayuu ka baxay, oo nuurkiisa oo sii socda ayaan u jeeday. Markaasaan aniguna ka daba baxay oo aan jasiiraddi koowaad ugu tegey isagoo ay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, raggii faraha badnaa ay la fadhiyaan. Riyadaas, ahaydna marka afaraad oo aan Abuu Bakr Al Siddiiq أبوبكر الصديقriyo ku arkay, intaas ayay ahayd. Wa al xamdu li Allaahi Rabbi al caalamiina wa Sallaa Allaahu Calaa Sayyidinaa wa Mawlaana Muxammadin wa calaa Aalihi wa Saxbihi wa Sallam Tasliiman kathiiran. War hooy! Qof aan dambaabini ma jiro, qofka ka tawbad keenana Ilaahay waa jecel yahay waana ka aqbalaa, ee dambiyadiinna ka tawbad keena. Ragga u yeeridda Abuu Bakr Al Siddiqu أبوبكر الصديقku islaamay Markaasuu Abuu Bakr Al Siddiiq أبوبكر الصديقrag Quraysh\ قريشah islaamka ugu yeeray oo ay sidaas ku islaameen. Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: "Markaasaa ugu yeeriddaas Abuu Bakr أبوبكرislaamka waxaa ku islaamay, sida isoo gaartay: 284 (Kow) Cuthmaan bin Caffaan\عثمان بن عفان Cuthmaan bin Caffaan bin Abii Al Caas bin Umayyah bin Cabdu Shams bin Cabdi Manaaf bin Qusayy bin Kilaab bin Murrah bin Kacb bin Lu'ayy bin Ghaalib عثمان بن عفان بن أبي العاص بن \أمية بن عبد شمس بن عبد مناف بن قصي بن كالب بن مرة بن كعب بن لؤي بن غالب بن فهر." Cuthmaanعثمان, sida Abuu Bakr أبوبكر, wuxuu ka mid yahay tobanka Jannada loogu bishaareeyey\العشرة المبشرين بالجنة, iyo saabiqiinta, wuxuuna ka mid yahay ragga Baycatu Al Ridwaan\بيعة الرضوان, Badr\بدر, Uxud\ أحدiyo Mashaahidda\ المشاهدoo idil. Nasabkiisu wuxuu kan Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, kula kulmaa Cabdu Manaaf\عبد مناف, oo ah awoowihiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, saddexaad, isagaana tobaankasba Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, nasab ahaan uga dhow intaan Calii bin Abii Dhaalib\ علي بن أبي طالبahayn oo oo ina adeerkiis laxmi ah ah, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Cuthmaan\ عثمانhooyadiis waa Arwaa ibnatu Kurayz bin Rabiicah bin Xabiib bin Cabdu Shams bin Cabdu Manaaf\أروي بنت كريز بن ربيعة بن حبيب بن عبد شمس بن عبد مناف, oo ayaduna islaanatay. Arwaa\ أرويhooyadeeda dhashayna waa Ummu Xakiim Al Baydaa' bintu Cabdu Al Mudhalib bin Haashim bin Cabdu Manaaf\أم حكيم البيضاء بنت عبد المطلب بن هاشم بن عبد مناف, eedada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ahna mataanta aabihiis Cabdu Allaahi عبد \هللا. Kuniyada Cuthmaan\عثمان waa Abaa Cabdu Allaahi\ أبا عبد هللاoo ah wiil ay u dhashay Ruqayyah bintu Rasuuli Allaahi\رقية بنت رسول هللا, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ama Abaa Camr\أبا عمرو. Koofaartiisuna waa Thuu Al Nuurayni\ذو النورين, midka labada nuur u saaxiibka ah, isagoo laba gabdhood ee Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, guursaday, annaa la hayn nin isaga mooyee laba gabdhood oo uu Nabi dhalay guursaday. Cuthmaan\ عثمانwaa ninka Rakcada Witirka\ ركعة الوترQuraanka oo idil ku akhrin jiray oo ku khatimi jiray. Cuthmaan\ عثمانwaa khaliifka saddexaad ee Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Wuxuu ku dhintay Al Madiinah Al Munawwarah\المدينة المنورة, qabrigiisuna ku yaalla Baqiicu Al Gharqad\ بقيع الغرقدoo la yaqaanna. Allow raalli ka noqo Cuthmaan bin Caffaan عثمان \بن عفان. (Labo) Al Zubayru ibnu Al Cawwaamu\الزبير بن العوام Al Zubayru ibnu Al Cawwaamu bin Khuwaylid bin Asad bin Cabdu Al Cuzzaa bin Qusayy bin Kilaab bin Murrah bin Kacb bin Lu' ayy الزبير إبن العوام بن خويلد بن أسد بن عبد العزى بن قصي بن كالب بن \مرة بن كعب بن لؤي بن غالب بن فهر. Al Asadii\ األسديwuxuu ka mid yahay tobanka Jannada loogu bishaareeyey, iyo saabiqiinta, iyo ragga Badr\ بدرiyo Baycatu Al Ridwaan\ بيعة الرضوانiyo Uxud \ إحدiyo mashaahidda\ المشاهدoo idil isagoo la socda Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi 285 WasalIam. Al Zubayru الزبيرwuxuu nasabkiisu kula kuimaa midka Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Qusayy bin Kilaab قصي بن كالب, oo ah awoowaha afaraad ee Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Ummu Al Mu'miniina Khadiijah bintu Khuwaylid bin Asad\أم المؤمنين خديجة بنت خويلد بن أسد waa eedadiis aabihiis la dhalatay. Al Zubayru الزبيرhooyadiisa dhashayna waa Safiyyah bintu Cabdu Al Mudh-dhalib bin Haashim bin Cabdi Manaaf\صفية بن عبد المطلب بن هاشم بن عبد مناف, eedada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, aabihiis Cabdu Allaahi la dhalatay. Koofaartiisuna waa Abaa Cabdu Allaahi. Al Zzubayru ibnu Safiyyata\الزبير أبن صفية. Al Zzubayru\ الزبيرiyo Imaam Calii bin Abii Dhaalib اإلمام \ علي بن أبي طالبiyo Dhalxata\ طلحةiyo Sacad bin Abii Waqqaas\سعد بن أبي وقاص, dhammaantood Allaha raalli ka noqdee, isku sanad ayay dhasheen. Al Zubayr\ الزبيرwuxuu islaamay isagoo lix iyo toban sano jirah, Rasuulka Ilaahayna, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu Makkah\ مكةku walaaleeyey isaga iyo Cabdu Allaahi bin Mascuud عبد هللا بن \مسعود, markuu muhaajiriinta ku walaaleeyey. Markuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Al Madiinah Al Munawwarah المدينة \ المنورةyimidna, oo uu halkaas Muhaajaraiinta\ الماهجرينiyo Ansaarta\ األنصارku walaaleeyeyna, wuxuu walaaleeyey isaga Al Zubayr\ الزبيرah iyo Salamata bin Salaamata bin Waqshin\سلمة بن أبي سلمة بن وقش. Al Zzubayru\ الزبيرmarna kama uusan harin Ghazwo\ غزوةuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, duulay, Maalinta Xunaynn\ حنينwuu sugnaaday. Wuxuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: ". وحواري الزبير،"لكل نبي حواري "Li kulli Nabiyyin Xawaariyyun, wa Xawaariyya Al Zzubayru" oo macneheedu yahay "Nabi Walba wuxuu leeyahay Xawaarii\حواري, oo ah saaxiib u dhow oo jecel una gargaarah, aniga xawaarigayguna\ حواريwaa Al Zubayru\"الزبير. Al Zubayr\ الزبيرwuxuu ka qayb galay Badar\ بدرisagoo cimaamad hurdi ah inta duubtay, hadana seynteeda afka ku duubtay. Markaasey Malaa'igtu Maalinta Badar\ بدرwaxay soo degatay ayadoo ku calaamadeysan sida Al Zubayr\ الزبيرoo kale, oo cimaamado hurdi ah duuban. Al Zubayr\ الزبيرwuxuu ahaa nin geesi ah oo sufuufta cadawga inta weerara kala dhanbalah, oo midnimadooda kala firdhiya. 286 Al Zubayr\ الزبيرwaa mid ka mid ah tobanka Jannada loogu bishaareeyey, wuxuuna goob joog ahaa dhacdada "Al Jamal\"وقعة الجمل, halkaasoo uu saacad dagaallamay. Markaasuu Imaam Calii\ اإلمام عليu yeeray, uuna gooni ula baxay, uuna xusuusiyay inuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, labadooda ku yiri, kaddib markuu arkay siday isku jecelyihiin oo ay isugu xiran yihiin: "."أما إنك ستقاتل عليا وأنت له ظالم "Ammaa innaka sa tuqaatilu Caliyyan wa anta lahu thaalimun" oo macneheedu yahay "Adiguse - Al Zubayru \الزبير- waxaad la dagaallami doontaa Calii\علي, adigoo thaalim\ ظالمku ah oo ka gardaran." Markaasuu Al Zubayru الزبيرsoo xusuustay oo uu markaas dagaalka ka gaddoomay. Markaasaa waxaa raad raacay nin la oran jiray Ibnu Jarmuuz bin Cabdu Allaahi\إبن جرموز بن عبد هللا. Waxaa kaloo la yiri magaciisu wuxuu ahaa Cumayr \عمير, waxaana la yiraahdaa Cumar Al Sacdii عمر \السعدي. Markaasuu wuxuu ku dilay meesha loo yaqaanno Waadii Al Sibaaci\وادي السباع, oo ah waadiga dugaagga. Ninkii Al Zubayr الزبيرdilay wuxuu soo qaatay seeftii Al Zubayr الزبير, wuxuuna u keenay Imaam Calii bin Abii Dhaalib\ اإلمام علي بن أبي طالب, Allaha wajigiisa karaameeyee. Marka seefta loo keenay ayuu Calii عليwuxuu yiri: "."بشر قاتل ابن صفية بالنار Oo macnihiisu yahay: "Ninka wiilka Safiyyata\ صفيةdilay naarta ugu bishaaree." Ninkaas Al Zubayr\ الزبيرdilay intuu madaxiisa soo gooyay ayuu wuxuu u keenay Calii علي. (Saddex) Cabdu Al Rraxmaanu bin Cawf \عبد الرحمن بن عوف Cabdu Al Rraxmaanu bin Cawf bin Cabdu Cawf bin Cabdu bin Al Xaarith bin Zuhrah bin Kilaab bin Murrah bin Kacb bin Lu'ayy عبد الرحمن بن عوف بن عبد بن الحارث بن زهرة بن كالب بن مرة \بن كعب بن لؤي. Cabdu Al Raxmaan bin Cawf\ عبد الرحمن بن عوفwuxuu ka mid yahay tobanka Jannada loogu bishaareeyey iyo saabiqiinta\السابقون. Zamanka jaahiliyada magaciisu wuxuu ahaa Cabdu Camr \عبد عمرو, waxaa kaloo la yiri Cabdu Al Xaarith\عبد الحارث, waxaa kaloo la yiri Cabdu Al Kacbah\عبد الكعبة, markaasuu Nabigu, Sallaa 287 Allaahu Calayhi Wasallam, Cabdu Al Raxmaan\ عبد الرحمنu bixiyey. Kuniyadiisuna waa Abaa Muxammad\أبا محمد. Wuxuu kaloo Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u bixiyey Al Saadiqu \الصادق, runlowga, iyo Al Baarru\البر, kan baarriga ah. Nasabkiisu wuxuu kan Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, kula kulmaa Kilaab bin Murrah كالب بن مرة, oo ah awoowaha shanaad ee Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Waxaana la yiraahdaa Al Qurashiyyi Ai Zuhriyyi \القرشي الزهري, oo sidaasuu wuxuu ku yahay abtiga Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, isagoo reer Banii Zuhrah\ بني زهرةka dhashay. Cabdu Al Raxmaan bin Cawf عبد الرحمن بن عوفhooyadiisa dhashay waa Al Shifaa'u bintu Cawfbin Cabdu Al Xaal'ith Al Zuhriyyah\الشفاء بنت عوف بن الحارث الزهرية, oo islaantay, kaddibna haajirtay, waxayna ahayd umulisada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, hooyadiis Aaminah\ آمنةka umulisay. Allow raalli ka noqo Cabdu Al Raxmaan bin Cawf عبد الرحمن بن عوفiyo hooyadiisba. (Afar) Sacd bin Abii Waqqaas\\سعد بن أبي وقاص Sacd bin Abii Waqqaasسعد بن أبي وقاص, abii Waqqaas أبي وقاصmagaciisuna waa Maalik bin Uhayb bin Cabdi Manaaf bin Zuhrah bin Kilaab bin Murrah bin Kacb bin Lu' ayy مالك بن أهيب بن \عبد مناف بن زهرة بن كالب بن مرة بن كعب بن لؤي بن غالب بن فهر. Sacd سعدwaa abtiga Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ayadoo ay ilmo adeer laxmi ah yihiin Aaminah bintu Wahab bin Cabdi Manaaf bin Zuhrah bin Kilaab bin Kacb bin Lu'ayy \ آمنة بن وهب بن عبد مناف بن زهرة بن كالب بن مرة بن كعب بن لؤي بن غالب بن فهر, Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, hooyadiis. Nasabkiisu wuxuu kula kulmaa midka Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam Kilaab bin Murrah كالب بن مرة, oo ah awoowaha shanaad ee Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Sacd سعدiyo Cabdu Al Raxmaan bin Cawf\ عبد الرحمن بن عوفwuxuu nasabkoodu ku kulmaa Zuhrah bin Kilaab زهرة بن كالب. Sacd bin Abii Waqqaas\\ سعد بن أبي وقاص, ayuu Al Daxxaak الضحاكwariyay, ayaa wuxuu Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku yiri: "RasuuIka Ilaahayow, anigu yaan ahay?" Markaasuu wuxuu ku yiri: ". من قال غير ذلك فعليه لعنة هللا:"أنت سعد إبن مالك بن وهب بن عبد مناف بن زهرة "Anta Sacd ibnu Maalik bin Wahb bin Cabdu Manaaf bin Zuhrah: man qaala ghayra thaalika fa calayhi lacnatu Allaahi", oo macneheedu yahay: "Adigu waxaad tahay Sacd bin Maalik bin Wahb bin Cabdu Manaaf bin Zuhrah سعد إبن مالك بن وهب بن عبد مناف بن زهرة, qofka waxaan sidaas ahayn yiraahdana korkiisa waxaa ah lacnadda 288 Ilaahay." Sacd سعدhooyadiis waa Xamnah bintu Abii Sufyaan bin Umayyah bin Cabdi Shams حمنة بنت أبي \سفيان بن أمية بن عبد شمس, oo Abuu Sufyaan bin Xarb\ أبو سفيان بن حربayaa abtigiis ah. Kuniyada Sacd سعدwaa Abaa Isxaaq\أبا إسحاق. Allow raalli ka noqo Sacd b.Abii Waqqaas سعد بن أبي وقاص. (Shan) Dhalxah bin Cubaydu Allaahi\طلحة بن عبيد هللا Dhalxah bin Cubaydu Allaahi bin Cuthmaan bin Camr bin Kacb bin Sacd bin Taym bin Murrah bin Kacb bin Lu'ayy طلحة بن عبيد هللا بن عثمان بن عمرو بن كعب بن سعد بن تيم بن مرة بن كعب بن لؤي بن غالب بن فهر. Dhalxah طلحةwuxuu ka mid yahay tobanka Jannada loogu bishaareeyey iyo ragga Badr \ بدرiyo Baycatu Al Ridwaan\ بيعة الرضوانiyo Uxud\ أحدiyo mashaahidda\ المشاهدoo idil. Nasabkiisu wuxuu kula kulmaa nasabka Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Murrah bin Kacb مرة بن كعب, oo ah awoowaha lixaad ee Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Dhalxah طلحةwaxaa la yiraahdaa Al Qurashiyyi Al Taymiyyi \القرشي التيمي, o nasabkiisuna wuxuu midka Abuu Bakar\ أبوبكرkula kulmaa Kacb bin Sacd bin Taym كعب بن سعد بن تيم. Dhalxah طلحةhooyadiis waa Al Sacbah bintu Cabdu Allaahi bin Cabaad bin Maalik bin Rabiicah Al Xadramii\صعبة بنت عبد هللا بت عباد بن مالك بن ربيعة الحضرمي, walaasha la dhalatay Al Calaa'u bin Al Xadramii\العالء الحضرمي. Kuniyadiisu waa Abaa Muxammad\أبا محمد, waxaana lagu koofaari jiray Dhalxah Al Khayr\ كلحة الخيرoo uu u bixiyey Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Maalinta Uxud\أحد. Wuxuu kaloo Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u bixiyey Dhalxah Al Fayyaad\طلحة الفياض, oo macneheedu yahay "Dhalxah kan deeqsiga ah" uuna u bixiyey maalinta duullaanka Thuu Al Cushayrah\غزوة ذو العشيرة, iyo Dhalxah Al Jawd طاحة الجوادoo ah: "Dhalxah kan deeqsiga ah" uuna u bixiyey maalinta duullaanka Xunayn غزوة \حنين. Magac kalena Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuu u bixiyey. Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: "Markay raaggaasu ugu yeeridiisa (waana Abuu Bakr Al Ssiddiiqu\ )أبو بكر الصديقislaamka yeeleen, ayuu soo waday oo uu Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u keenay. Markaasey islaameen, o ay Salaadana tukadeen. Sida isoo gaartayna, Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu oran jiray: : أال ما كان من أبي بكر بن أبي قحافة، ونظر وتردد،"ما دعوت أحدا إلى اإلسالم إال كانت فيه عنده كبوة ".ما عكم منه حين ذكرته له وما تردد فيه "Maa dacawtu axadan ilaa al islaami illaa kaanat fiihi cindahu kabwatun, wa nathar wa taraddud, illaa maa kaana min Abii Bakrin bin Abii Quxaafah: maa cakama canhu xiina thakkartuhu lahu wa maa taraddada fiihi." Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: 289 "Axadna islaamka uguma aanan yeerin ee waa illaa kan simbiririqda, dibna u joogsada oo fiiro ugu noqda oo hakada, intaan ka ahayn Abuu Bakar ina Abii Quxaafah أبي بكر بن أبي قحافة: kanoo aan dib uga joogsan oo aan marna hakan ee horeba ka yeelay markaan u xusay oo aan ugu yeeray." Islaamidda Calii bin Abii Dhaalib \إسالم علي بن أبي طالب Nasabka Calii bin Abii Dhaalib علي بن أبي طالبwuxuu kula kulmaa midka Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Cabdu Al Mudh-dhalib\عبد المطلب, oo ah awoowaha koowaad ee Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo labadooda aabe waa walaalo isku hooyo iyo isku aabe ah. Sidaasaa waxaa Calii loo yiraahdaa Al Qurayshiyyi \ القرشي الهاشميAl Haashimiyyi. Calii عليhooyadiisna waa Faadhimah bintu Asad bin Haashim bin Cabdi Manaaf فاطمة بنت أسد \بن هاشم بن هبد مناف, ayadaana ah tii ugu horreysey oo Haashimiyad\ هاشميةah oo nin Haashimi \ هاشميahna dhashay, wayna islaantay, ayna haajirtay waxayna ku dhimatay Al Madiinah Al Munawwarah\ المدينة المنورة, aaskeedana waxaa maamulay oo goob joog ka ahaa Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, isagoo khamiiskiisa intuu siibay u labbisay oo kafanta uga hoos mariyay oo jirkeeda uusan waxba ka xigin, uuna, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, qabrigeeda dhex seexday, kaddibna qabrigeeda korkiisa ayuu salaadda janaazada kula dul tukaday. Markaas kaddibna wuxuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: إنها كانت. وأضجعت معها في قبرها ألخفف عنها من ضغط القبر،"ألبستها لتلبس من ثياب أهل الجنة ".أحسن الخلق صنيعا إلي بعد أبي طالب "Albastuhaa litalbisa min thiyaabi ahli al jannati, wa adjactu macahaa fii qabrihaa li ukhaffifa canhaa min daghdati al qabri. Innahaa kaanat axsana khalqi Allaahi saniican ilayya bacda Abii Dhaalibin." Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Waxaan u labbisay si ay u labbisato dharka ehelu jannada, waxaanna ula seexday qabrigeeda si aan culayska iyo ciriiriga qabriga uga khafiifiyo. Ayadu waxay ahayd tan khalqiga Ilaahay iigu samafalid fiican Abii Dhaalib أبي طالبdabadiis." Kaddibna wuu ooyay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuuna yiri: ". فلقد كنت خير أم،"جزاك هللا من أم خيرا "Jazaaka Allaahu min ummi khayran, fa laqad kunti khayra ummin", oo macneheedu yahay: "Allaha kaaga abaal mariyo waxa ugu khayr badan oo hooyo lagu abaal mariyo, adiguna waxaa hubaal ah inaad ahayd hooyada ugu khaur badan." 290 Ayadaa hooyo u ahayd oo soo korisay Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, markuu awoowihiis dhintay oo uu adeerkiis Abuu Dhaalib\ أبو طالبkafaalo qaaday. Waxaa Xadiithkaanna wariyay Al Muxibbu Al Dhabarii\ المحب الطبريkuna waraiyay Al Riyaadu الرياض \النضرة, kitaabka uu ka qoray manaaqibta tobanka jannada loogu bishaareeyey. Faadhimah\ فاطمةwaxay kaloo Abuu Dhaalib\ أبو طالبu dhashay Dhaalib\ طالبiyo Caqiilعقيل oo toban sano ka yar iyo Jacfar\ جعفرoo Caqiil عقيلlabaatan sano ka yar iyo Calii\ عليoo Jacfar \ جعفرtoban sano ka yar, iyo Ummu Haani' أم هانيءoo magaceedu yahay Faakhitah\ فاختةiyo gabar labaad oo la yiraahdo Jumaanah\جمانة. Nabiguna, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu Calii عليu bixiyey Siddiiq\صديق, runlow ah, iyo Abii Al Rayxaanatayniأبو الريحتتان, oo ah aabaha labada reexaan oo kala ah Al Xasan \ الحسنiyo Xusayn\الحسين, iyo Abaa Turaab\أبا تراب. Kuniyadiisuna waxay ahayd Abaa Al Xasan\أبا الحسن. Calii bin Abii Dhaalib bin Cabdu Al Mudh-dhalib bin Haashim bin Cabdu Manaaf علي بن أبي طالب بن عبد المطلب بن هاشم بن عبد مناف, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu ahaa wiilka ugu horreeyey oo islaama, wuxuuna markaas yahay toban jir, wuxuuna ku noolaa guriga Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo qoyskiisuu ka mid ahaa. Inay sidaas tahay, ayuu Al Zarqaanii\ الزرقنايyiri, waxaa u daliil ah inuu Mucaawiyah\ معاويةusoo dhigay warqad Calii bin Abii Dhaalibعلي بن أبي طالب, uuna yiri: "Al Xasan\ الحسنaabihiisow! Anigu waxaan leeyahay fadaa’il\( فضائلoo ah deeqo aan dadka intiisa kale dheerahay), o anigu waxaan ahay Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, seedigiis, (oo walaashiis waa Ummu Al Mu'miniina Ummu Xabiibah Ramlah bintu Abii Sufyaan bin Xarb أم المؤمنين أم حبيبة رملة بنت أبي سفيان بن حربhaweenta Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam) iyo kaatibkiisa (oo wuxuu ahaa mid ka mid ah ragga Waxyiga dhiga)." Markaasuu Calii bin Abii Dhaalib علي بن أبي طالبwuxuu yiri: .""وهللا ما أكتب إليه إال شعرا “Wa Allaahu maa aktubu ilayhi illaa shucran.’ Macnihiisu waxaa weeye: "Wa Allaahi inaanan u dhigayn (jawaab ahaan) waxaan gabay ahayn, wuxuuna u dhigay oo uu yiri: وحمزة سيد الشهداء عمي يطير مع المالئكة إبن عمي مشوب لحمها بدمي ولحمي محمد النبي أخي وصهري وجعفر الذي يضحى ويمسي وبنت محمد سكني وعرسي 291 فمن منكم له سهم كسهمي صغيرا ما بلغت أوان حلمي وسبطا أحمد ابناي منها سبقتكم إلى اإلسالم طرا 1. Muxammadun Al Nabiyyu akhii wa sihrii wa Xamzah Sayyidu Al Shuhadaa'i cammii. 2. Wa Jacfaru allathii yadxaa wa yamsii yadhiiru maca Al Malaa' ikati ibnu ummii. 3. Wa bintu Muxammadin saknii wa cursii mashuubu laxmuhaa bi damii wa laxmii. 4. Wa sibdhaa Axmadi ibnayya minhaa fa man minkum lahu sahmun ka sahmii. 5. Sabaqtukum ilaa al islaami dhuran saghiiran maa balaghtu awaana xulmii. Tixahaas macnohoosu waxaa weeye: 1. Nabi Muxammad waa walaalkay iyo soddoggay Xamzana, hoggaamiyaha shahiidiintu, waa adeerkey. 2. Jacfarka ku waabariista kuna hoyda (Jannada) isagoo malaa'igta la duulaya waa ina hooyaday. 3. Gabadha Muxammadna waa hoygeyga iyo aroosaddeyda hilibkeedu wuxuu ku darsamay dhiiggeyga iyo hilibkeyga. 4. Axmadna labadiisa Sibdhi waa labadeyda wiil oo ayadu ii dhashay marka kiinneebaa leh sad la mid ah sadkayga? 5. Islaamkaan waan idiinka wada hormaray anigoo yar oo aan wali qaan gaarin. Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقiyo ghayrkiisba waxay wariyeen Xadiithka Abii Raafic\ أبي رافعoo macnihiisu yahay: "Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu tukaday bilowga maalinta isniinta, Khadiijana\ خديجةwaxay tukatay dhammaadkeeda, Calina\ عليwuxuu tukaday maalinta (taas ku xigtay oo) talaadada ah." Waxaa kaloo wariyay Al Dhabraanii\الطبراني. Al Xaakimna\ الحاكمwuxuu Al Mustadrak\ المستدركku yiri: "Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxaa Nabi laga dhigay maalin isniin ah, Calina عليwuxuu islaamay maalinta talaado." Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: "Laboodka ugu horreeya oo dadka ka mid ah oo Rasuulka Ilaahay rumeeyey, lana tukaday, rumeeyeyna wuxuu xagga Ilaahay Tacaalaa ka keenay waa Calii bin Abii Dhaalib bin Cabdu Al Mudh-dhalib bin Haashim bin Cabdu Manaaf علي بن أبي طالب بن عبد المطلب بن هاشم بن عبد مناف, raallinnimada iyo nabadgelyada Ilaahay korkiisa ha ahaatee, isagoo maalintaas toban sano jira. Nicmooyinka uu Ilaahay Calii bin Abii Dhaalib علي, Allaha raalli ka noqdee, ku mannaystay 292 waxaa ka mid ahaa inuu islaamka hortiisba qoyska Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka mid ahaa, oo uu gurigiisa ku noolaa." Siduu Calii عليQoyska Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, uga mid noqday Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: "Nicmooyinka uu Ilaahay Calii bin Abii Dhaalib\ علي بن أبي طالبku mannaystay waxaa ka mid ahaa iyo wuxuu Ilaahay u suubiyayba iyo wuxuu khayr la doonay, inay Quraysh \ قريشabaar xoog leh haleeshay, Abuu Dhaalibna\ أبو طالبwuxuu lahaa caruur fara badan. Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu adeerkiis Al Cabbaas \العباس, Allaha raalli ka noqdee, oo ka mid ahaa ragga reer Banii Haashim\ بني هاشمugu hodansan, ku yiri: فانطلق بنا إليه. وقد أصاب الناس ما ترى من هذه األزمة، إن أخاك أبا طالب كثير العيال،"يا عباس ". فنكلهما عنه، وتأخذ أنت رجال، أخذ من بنيه رجال:فلنخفف عنه من عياله "Yaa Cabbaas, inna akhaaka Abaa Dhaalib kathiiru al ciyaali, wa qad asaaba al nnaasa maa taraa min haathihi al azmati. Fa indhaliq binaa ilayhi falnukhaffif canhu min ciyaalihi: aakhuthu min baniihi rajulan, wa ta'khuthu anta rajulan, fa nakiluhumaa canhu." Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Cabbaasow يا عباس, walaalkaa Abaa Dhaalib أبا طالبwaa ciyaal badan yahay, dadkana waxaa haleeshay waxaan aad u jeeddo oo abaartaan ah. Marka ina keen aan u tagnee, oo aan ciyaalka ka fududeynno: aniguna waxaan wiilashiisa ka qaadanayaa nin, adiguna nin ka qaado, oo aan sidaas uga kafaalo qaadno, ugana filnaanno." Markaasuu Al Cabbaas العباسwuxuu yiri: "Waa yahay." Markaasey wada dhaqaaqeen oo ay Abuu Dhaalib\ أبو طالبu wada yimaadeen, waxayna ku yiraahdeen: "."إنا نريد أن نخفف عنك من عيالك حتى ينكشف عن الناس ما هم فيه “Innaa nuriidu an nukhaffifa canka min ciyaalika xattaa yankashifa cani al nnaasi maa hum fiihi.” Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Annagu waxaan dooneynnaa inaan ciyaalka kaa khafiifinno ilaa goortay dadka ka faydmeyso waxaan ay ku sugan yihiin (abaarta)." Markaasuu wuxuu Abuu Dhaalib أبو طالبlabadooda ku yiri: 293 ". فاصنعا ما شئتما،"إذا تركتما لي عقيال “Ithaa taraktumaa lii Caqiilan fa isnacaa maa shi’tumaa.” Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Haddaad Caqiil عقيلii dhaaftaan waxaad doontaan fala." Ibnu Hishaam\ إبن هشامwuxuu yiri: "Waxaa la yiraahdaa inuu yiri: "Caqiil عقيلiyo Dhaalib\( طالبhaddaad ii dhaaftaan) waxaad doontaan fala." Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: "Markaasaa Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam Caliiعلي qoyskiisa ku biiriyey. Cabbasna wuxuu qaatay Jacfar\ جعفرoo uu qoyskiisa ku biiriyey. qaatay oo uu Sidaas ayuu Calii عليRasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ula joogay ilaa uu Tabaaraka wa Tacaalaa kasoo diray isagoo Nabi ah. Markaasuu Calii عليraacay, Allaha raalli ka noqdee, oo uu aaminay oo uu rumeeyey. Jacfarna جعفرwuxuu ka tirsanaa qoyska Cabbaas\ عباسilaa uu ka islaamay, oo uu ka kaaftoomay." Al Suhaylii\ السهيليwuxuu yiri: "Calii عليwuxuu Jacfar جعفرka yaraa toban sano, Jacfarna جعفرwuxuu Caqiil عقيلka yaraa toban sano, Caqiilna عقيلwuxuu Dhaalib\ طالبka yaraa toban sano. Dhammaantoodna way islaameen intaan Dhaalib\ طالبka ahayn, oo aan islaamiddiisa la ogayn. Calii عليhooyadiisa dhashayna waa Faadhimah bintu Asad bin Haashim فاطمة بنت أسد بن \هاشم, wayna islaamtay, waana mid ka mid ah Faadumooyinka\ الفوطمuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, uu Calii, Allaha raalli ka noqdee, uga yiri: "."أقسموا بين الفواطم الثالث "Aqsimhu bayna Al Fawaadhimi al thalaathi", oo macneheedu yahay: “U kala qaybi saddexda Faadumo\فاطمة." Waxa loo qaybinayana waa dhar xariir ah". Al Qutaybiyyu\ القتيبيwuxuu yiri: "Waxaa weeye Faadhimah bintu Rasuuli\ فاطمة بنت رسول هللاAllaahi, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, iyo Faadhimah bintu Asad فاطمة بنت أسد, tan saddexaadna ma aqaanno." 294 Cabdu Al Ghanii bin Saciid عبد الغني بن سعيدwuxuu wariyay: "."أقسموا بين الفواطم األربع "Aqsimhu bayna Al Fawaadhimi al arbaci", Oo macneheedu yahay: “U kala qaybi afarta Faadumo\"فاطمة, wuxuuna ku daray labadaas Faadumo oo hore Faadhimah bintu Xamzahفاطمة بنت حمزة, wuxuuna yiri: "Ma ogi midda afaraad." Wuxuuna ku wariyay kitaabka Al Ghawaamidi wa Al Mubhamaatiالغوامد والمبهمات. "Waa intaas warka Al Suhaylii\السهيلي. Abuu Dhaalib أبو طالبoo islaamidda Calii\ عليogaanaya Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: "Culummadu waxay wariyeen inuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, markay salaaddu soo gasho uu buuraha Makkah\ مكةaadi jiray, waxaana raacay Calii bin Abii Dhaalib علي بن أبي طالبoo aabihiis Abuu Dhaalib أبو طالبka dhuumanaya, o iska qarinaya, iyo dhammaan adeerradiis iyo tolkiisa intooda kale oo idil. Markaasey labadoodu halkaas ku tukadaan. Markaasey markuu habeenku soo galo dib usoo laabtaan. Sidaas ayay ku sugnaadeen intuu Ilaahay doono inay ku sugnaadaan. Kaddib maalin ayuu Abuu Dhaalib أبو طالبwuxuu arkay labadooda oo tukanaya. Markaasuu wuxuu Rasuulka Ilaahay, Salla Allaahu Calayhi Wasallam, ku yiri: ""يا إبن أخي! ما هذا الدين الذي أراك تدين به؟ “Yaa ibna akhii! Maa haathaa al ddiinu allathii araaka tadiinu bihi?” Xadiithka macnihiisu waxa weeye: "Wiilka walaalkeeyow! Maxay tahay diintaan aan arkayo inaad ka diin yeelaneyso?" Wuxuu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: " – أو كما قال – "بعثني هللا به. ودين أبينا إبراهيم، ودين رسله، ودين مالئكته،"أي عم! هذا دين هللا ، وأحق من أجابني إليه، ودعوته إلى الهدى، أحق من بذلت له النصيحة، وأنت أي عم،رسوال إلى العباد ." أو كما قال.وأعانني عليه "Ay camm, haathaa Diinu Allaahi wa Diinu Malaa'ikatihi, wa Diinu Rusulihi, wa Diinu abiinaa Ibraahiima. Bacathani Allahu bihi Rasuulan ilaa al cibaadi, wa anta, ay camm, axaqqu man bathaltu lahu al nasiixata, wa dacawtuhu ilaa al hudaa, wa axaqqu man ajaabanii ilayhi wa acaananii calayhi", oo macneheedu yahay: "Adeerkeeyow, kani waa Diinta llaahay iyo Diinta Malaa'igtiisa iyo Diinta Rusushiisa iyo Diinta aabeheen Ibraahiim\إبراهيم. Ilaahay wuxuu Rasuul ahaan iigu soo diray addoommadiisa, 295 adiguna, adeerow, waxaad tahay midka ugu xaq badan inaan xoog geliyo u naseexeyntaada iyo waanintaada, aanna hannunka ugu yeero, adiguna waxaad tahay kan ugu xaq badan inuu iga yeelo, iguna caawino." Ama siduu yiriba Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Markaasuu Abuu Dhaalib أبو طالبwuxuu yiri: و لكن وهللا اليخلص إليك بشيء، و ما كانوا عليه،"إي إبن أخي! إني ال أستطيع أن أفارق دين آبائي ".تكرهه ما بقيت “Ay ibna akhii! Inii laa astadhiicu an ufaariqa diina aabaa’ii, wa maa kaanuu calayhi, wa laakin wa Allaahi laa yukhlasu ilayka bi shay’in takrahuhu maa baqaytu.” Xadiithka macnihiisu waxaa weeye "Wiilka walaalkeeyow, anigu ma karo inaan ka baxo oo aan ka tago diinta aabayaalkey iyo waxay ku taagnaayeen, laakiin wa Allaahi\ وهللاinuusan kusoo gaareyn waxaad kahato intaan noolahay." Waxaa la wariyay inuu Abuu Dhaalib أبو طالبwiilkiisa Calii\ عليku yiri: " ما هذا الدين الذي أنت عليه؟،"أي بني “Ay bunayya maa haathaa al ddiinu allathi anta calayhi?” Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Maandhow, maxay tahay Diintaan aad ku taagan tahay?" Markaasuu wuxuu yiri: ". وصليت معه هلل واتبعته، وصدقته بما جاء به، آمنت باهلل وبرسول هللا،"يا أبت “Yaa abati, aamantu bi Allaahi wa bi Rasuuli Allaahi, wa sadaqtuhu bimaa jaa’a bihi, wa sallaytu macahi li Allaahi wa wa ittabactuhu.” Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Aabow, waxaan rumeeyey Ilaahay iyo Rasuulka Ilaahay (Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam), waxaanna rumeeyey wuxuu la yimid, waana la tukaday Salaadda, waana raacay." Waxaa la yiraahdaa inuu markaas aabihiis ku yiri: "."أما إنه لم يدعك إال إلى خير فالزمه “Amaa innahu lam yadcuka illaa ilaa kharin fa alzamhu.’ Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: 296 "Waxaa hubaal ah inuusan (Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam) kuugu yeerin waxaan khayr ahayn ee laazim oo ku laammaansanow." Calii\ عليwaan ku riyooday Sanadka kun iyo afar boqol iyo afar iyo labaatan Hijriga ayaan waxaan habeen anigoo hurda ku riyooday sidatan. Waxaa lagu jiraa dagaal guud oo la isaga soo horjeedo muslin iyo gaalo, aniguna waxaan ku suganahay safka ugu horreeya oo ay labada ciidan isaga soo horjeedaan, waxaanna ku dhex jiraa teendho ama taambuug wayn oo dad badan qaadda. Teendhooyin badan ayaana hareereheeda ah. Meeshuu waa meel buuraaley ah oo bartaas ay teendhooyinku ku yaalliin waxaa agteeda ah dooxo buurahaas dhexdooda ah, teendhaduna waxay u dhowdahay qarka ku foorara dooxadaas. Marka qarkaas la taagan yahay dhinaca buurtu waa taagan yahay oo salkeedaba looma jeedo loomana degan karo oo qofkii qarkaas ka dhaca waxaa hubaal ah inuu halaagmayo. Dooxadaas oo wareegsan meel keli ah oo laga soo galo ma laha, oo buurahaas dhaadheer ayaa ku wareegsan. Anigoo teendhada dhexdeeda fadhiya ayaa waxaa isoo dul istaagay Calii bin Abii Dhaalib علي بن \ أبي طالبiyo Faadhimah bintu Rasuuli Allaahi\فاطمة بنت رسول هللا, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, iyo caruurtooda Al Xasan\الحسن, Al Xusayn\ الحسينiyo Zaynab\ زينبiyo Ummu Kulthuum\أم كلثوم. Markaasuu Calii عليsalaan gacantiisa iigu soo fidiyay. Markaasaan waxaa u arkay inayan ahayn inaan gacanta u dhiibo oo aan salaamo aniguu fadhiya, ee ay tahay inaan u istaago. Markaasaan u hawl galay sidaan u istaagi lahaa, anigoo marka hore jilbaha dhulka dhigay kaddibna is uruuriyay oo istaagay. Intaan hawshaas ku jiray, oo waqti iga qaadatay, Calii عليwuxuu u tegey rag kale oo teendhada dhexdeeda taagtaagaan, xigana xagga qarka buurta oo uu salaamay oo gacan qaaday. Intaanan wali istaagin ayay Faadhimahفاطمة, Sallaa Allaahu Calayhaa Wasallam, gacanta salaan iigu soo fidisay oo aan gacan qaaday oo aan salaamay, ay caruurteeduna mid mid gacanta ii soo fidiyeen oo aan mid walba gacan qaaday oo aan salaamay. Al Xasan الحسنwuxuu ii soo taagay gacantiisa bidix, oo isagu wuu gurranaa, aniguna midigteyda ayaan ku salaamay. Markaan istaagay Calii عليwuu noo soo noqday, gacantiisuuna mar kale salaan iigu soo fidiyo, aniguna aan salaamay oo gacan qaaday una sheegay inaanan dooneyn inaan salaamo anigoo fadhiya, ayse tahay inaan u istaago oo u sare joogsado. Salaan kaddib wuxuu igu yiri: "Gabar ayaan idinka soo doonnay, wayna na diidday." Aniguna waxaan ku iri: "Gabari idinma diido karto, annagaana la hadleynna." In yar kaddibna waan kusoo noqday oo aan u sheegay inay gabdhu yeeshay inay ninkii doonayey guursato." 297 Kaddib Calii عليwuu i waday isagoo ii sheegay inuu doonayo inuu gurigiisa isoo tuso. Buurta qarkeeda ayaa waxaa ka baxda dhuun qori sulub ah ka samaysan dhumucdeeduna qof dhudhunkiis le'egtahay oo intay hawada marto dooxadaas hoosteeda ah dul mareysa oo ku fidsan. Markay bartamaha dooxada tagto ayay dooxada lafteeda hoos ugu deganeysa, waxayna geleysaa qasri keligiis halkaas ku yaalla oo darbi dheer oo weyni ku wareegsan yahay, buur yarna ka kor dhisan, wabina ku hareereysan yahay salka buurtaas yar. Gurigaas si kale oo in dhuuntas la raaco mooyee laguma tegi karo, oo dariiq tagaa ma jiro, in samada kore looga yimaado mooyee. Qasrigaas, oo qalcad oo kale ah, marka korka laga arko waxaad moodda inuu shamiinto iyo bir la shubay ka sameysan yahay, oo midabka boorka ah ee shamiinta inuu leeyahay ayaad mooddaa, markaan dhexdiisa galayna waxaan arkay inuu ka sameysan yahay marmar guduudan iyo wax qurux miiran ah oo sulub ah oo midabyo isku dhow leh, oo darbiyada iyo dhulkaba sida muraayad aad nadiif u ah oo sida muraayad oo kale u dhalaalaya. Markaan dhex galnay Calii عليwuxuu igu yiri: "Waa kan gurigeygu, cid aanan anigu halkaas soo marinna oo ananan anigu keeninna sooma geli karo, si kalena laguma soo geli karo." Riyadaasuna intaasey ku egtahay, wa al xamdu li Allaahi Rabbi al caalamiina wa Sallaa Allaahu Calaa Sayyidinaa wa Mawlaana Muxammadin wa calaa Aalihi wa Saxbihi wa Sallam tasliiman kathiiran. Xog ogaalnimada dadka dhintay Waxaa riyadaas ka cad inay dadka dhintay, goor kasta ha dhinteene, ay ka war hayaan waxay dadkooda ay adduunkaan uga tageen ay ku nool yihiin, sida Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, looga wariyay inuu yiri: : فإن كان خيرا استبشروا وإن كان غير ذلك قالوا،"إن أعمالكم ترد على عشيرتكم وأقربائكم من األموات "."اللهم التمتهم حتى تهديهم لما هديتنا "Inna acmaalukum tucradu calaa cashaa'irikum wa aqaaribikum mina al mawtaa, fa in kaana khayran istabshiruu wa in kaana ghayra thaalika qaaluu: "Allaahumma laa tamithum xattaa tahdiyahum limaa hadaytanaa," oo macneheedu yahay: "Acmaashiinna waxaa loo bandhigaa oo la tusaa cashiiradiinna, oo ah tolkiin iyo qaraabadiinna dhintay, marka hadday acmaashaasuu kuwa khayr ah yihiin way ku bishaareystaan, hadday si kale yihiinna waxay yiraahdaan: "Ilaahayow, ha dilin jeer aad u hanuuniso waxaad annagana nagu hanuunisay." Xadiithkana waxaa Al Tathkirah\ التذكرةku wariyay Al Qurdhibii\القرطبي, waxaana wariyay Axmad\ أحمدiyo Abuu Daauud\أبوداود. Al Qurdhubii القرطبيwuxuu kaloo Axmad أحمدiyo ghayrkiisba ka wariyay inuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallarn, yiri: ويوم الجمعة على األنبياء وعلى اآلبآء واألمهات يوم،"ترد األعمال يوم اإلثنين ويوم الخميس على هللا 298 ". فاتقوا هللا عباد هللا التؤذوا موتاكم باعمالكم. فيفرحون بحسناتهم وتزداد وجوههم بياضا وتشرق،الجمعة "Tucradu al acmaalu yawma al ithnayni wa yawma al khamiisi calaa Allaahi, wa tucradu calaa Al Anbiyaa'i wa calaa al aabaa'i wa al ummahaati yawma al jumucati, fa yafraxuuna bi xasanaatihim wa tazdaadu wujuuhuhum bayaadan wa tashraqu. Fa ittaquu Allaaha cibaada Allaahi la tu'thuu mawtaakum bi acmaalikum." Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: " Acmaasha waxaa loo bandhigaa maalinta isniinta ah iyo maalinta khamiista ah Ilaahay, waxaana loo bandhigaa Anbiyada iyo aabayaalka iyo hooyooyinka maalinta jimcaha ah. Markaasey acmaashooda suuban ku farxayaan oo ay wajiyadoodu caddaani u kordheysaa iyo dhalaal iyo iftiin. Marka, ka dhawrsada Ilaahay, addoommada Ilaahayow, oo kuwiinna dhintay ha ku dhibina acmaashiinna." Riyadaasi intaase ahayd, waana nicmo uu Ilaahay igu galladaystay, waxanna leeyahay wa al xamdu li Allaahi Rabbi al caalamiina wa Sallaa Allaahu Calaa Sayyidinaa wa Mawlaana Muxammadin wa calaa Aalihi wa Saxbihi wa Sallam Tasliiman kathiiran. Qisada Shariifka iyo aabahay Qaalli Sheekh Xuseen Cismaan Cilmi Axmad Agoon Fasirka hadalkaas uu Calii عليigu yiri waxaan u arkay inaad tahay qisadaan soo socota, oo aniga aabahay iyo nin ashraaf ah dhex martay. Intaanan anigu dhalan ka hor ayuu aabahay, Allaha u naxariistee, wuxuu qaalli ka noqday degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug. Markaasaa waxaa gabar uu dhalay, oo anigana walaashay ah, magaceeduna ahaa Faadumo Sheekh Xuseen Cismaan, Allaha u naxariistee, kasoo doonay nin shariif ah. Markaasuu isaguna siiyey, gabadhuna ay oggolaatay inay ninkaas guursato markuu aabeheed weydiiyay. Markaasaa waxaa habeen madaxdii degmada iyo gobolku iyo dad badani isugu yimaadeen nikaaxii gabadhaas shariifka loogu mehrin lahaa. Markaasaa waxaa gabadha loo diray cid walaayada kasoo qaadda. Qofkii loo diray wuxuu kusoo laabtay gogoshii la fadhiyey wuxuuna dadka u sheegay inay gabadhu diiday inay ninkaas guursato. Markaasay dad badani isaga daba noqdeen, ayaduna ay diiday in shariifkaas loo guuriyo. Sidaas ayaa habeenkaas lagu kala tegey. Kaadib aabahay wuxuu baaray sababtay Faadhumo shariifka ku diiday, kaddib markay isaga u sheegtay markii horeba inay guurkiisa raalli ku tahay. Wuxuu Sheekh Xuseen Cismaan ogaaday inay haweeni gabadha shariifka ku direen, ayna ka dhaadhiciyeen inayan guursan. Markuu taas hubsaday ayuu odagu haween inta maal siiyey wuxuu kula dardaarmay inay ka dhaadhiciyaan Faadumo inay shariifka guursato. Sidaas ayayna noqotay. Habeen kale ayaa hadan nikaaxa shariifka iyo Faadumo la isugu yimid, oo markaan la isu guuriyey. Shariifku intuusan Faadumo la aqal gelin, isago guur u qalab aruursanaya oo suuqa Gaalkacyo dhexdiisa jooga doonayana inuu sariir iyo qalab kale gato ayaa xabbad lagu dhejiyay oo la dilay. Sidaas ayay Faadumo asay ku qaaday. Qisadaas ayaan hore u ogaa, marka markaan subixii dambe hurdada kasoo kacay taas ayaan 299 warka Caliiعلي, Sallaa Allaahu Calayhi Wasalam, ku fasirtay. Waxaana halkaas ka cad inay asharaaftu run ahaantii dhasha Calii عليyihiin. Calii عليiyo markay qisada aabahay iyo walaashay iyo shariifku dhacaysana waxaa u dhexeysey qiyaas kun iyo afar boqol oo sano. Marka ha la iska ilaaliyo in qoyska Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxay kahdaan loo geysto, Allaha naga ilaaliyee. Faadumo waxay guursatay, kaddib, Xaaji Xuseen Aadan Macallin oo Looboge ah, oo ay u dhashay Shamsu Al Diini Xaaji Xuseen Aaadan Macallin, oo aan abti u ahay, ayaduna waxay dhimatay mar hore. Imaam Calii bin Abii Dhaalib\ علي بن أبي طالبSallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam marar kalena waxaan ku arkay riyo anigoo hurda, wuuna ila hadlay uuna ii sheegay waxay ishaydu ku qabawsato.. Mahaddana Ilaahay Cazza wa Jalla\ هللا عز وجلayaa iska leh. Islaamidda Zayd bin Xaarithah\زيد بن حارثة Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: "Kaddib waxaa islaamay Zayd bin Xaarithah bin Shuraxbiil bin Kacb bin Cabdu Al Cuzzaa bin Imri'iu Al Qays bin Al Nucmaanu bin Caamir bin Cabdu Al Wudd bin Cawf bin Kinaanah bin زيدBakr bin Cawf bin Cuthrah bin Zayd Allaati bin Rufaydah bin Thawr bin Kalb bin Wabarah بن حارثة بن شرحبيل بن كعب بن عبد العزى بن امرأ القيس بن النعمان بن عامر بن عبد الود بن عوف . \ بن كنانة بن بكر بن عوف بن عذرة بن زيد الالتي بن رفيدة بن ثور بن كلب بن وبرة Waxaana dhacday inuu Xakiim bin Xizaam bin Khuwaylid حكيم بن حزام بن خويلدuu Shaam\الشام kasoo laabtay isagoo addoommo wata (oo uu arligaas kasoo gatay), uuna ka mid yahay Zayd bin Xaarithah زيد بن حارثةoo addoon ahaa. Markaasaa waxaa Xakiim bin Xizaam bin Khuwaylid حكيم بن حزام بن خويلدgurigiisa ugu timid eedadiis (aabihiis la dhalatay) Khadiijah bintu Khuwaylid\خديجة بنت خويلد, ayadoo markaas Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u dhaxda. Markaasuu wuxuu ku yiri: "Ka dhexdooro eedey midkaad addoommadaas ka dooneysid ee qaado adigaa iska lehe." Markaasey waxay dooratay Zayd زيدoo ay qaadatay. Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku arkay isagoo agteeda jooga, markaasuu weydiistay inay u hibeyso, ayaduna sidaas ayay yeeshay. Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, xoreeyey oo uu kaba wiil yeeshay, taasoo ahayd ka hor intaan loo waxyoon (oo uusan Nabi Mursal ah noqon)." Al Suhaylii\ السهيليwuxuu yiri: "Wabarah\ وبرةwaa ibnu Thaclabah bin Xulwaan bin Al Xaafi bin Qudaacah إبن ثعلبة بن حلوان بن \الحافي بن قضاعة. Zayd زيدhooyadiisna waa Sudaa bintu Thaclabah (bin Cabdu Caamir)\ سدا بنت ثعلبة بن عبد عامرuna dhalatay reer Banii Maciin\ بني معينoo ka mid ah qabiilka Dhayyi'( طيءwaana qabiilka Xaatim Al Dhaa’ii\ حاتم الطائيoo uu qabiilka reer Baraawe ee soomaalida ah ku abtirsado). 300 Zayd زيدhooyadiis ayaa ka waday beeshey degganaayeen si ay ayada ehelkeeda, oo ah isaga reer abtigiis, usoo booqato oo ay usoo tusto. Ayadoo degmadaas ku sugan ayaa waxaa soo weeraray fardooley reer Banii Al Qayni bin Jisr بني \ قين بن جسرu dhashay, oo Zayd زيدqafaashay. Markaasey waxay ku gateen suuqa la yiraahdo Xubaasha\حباشة, o aswaaqda Carabta ka mid ahaa. Markaas Zayd زيدwuxuu jiraa sideed sano." Waa intaas warka Al Suhaylii\السهيلي. Ibnu Hishaam\ إبن هشامwuxuu yiri: "Zayd زيدaabihiis Xaarithah\ حارثةsi xoog leh ayuu u walwalay una calool xumaaday, wuuna booyay markuu wiilkiisa waayey, wuxuuna yiri: فيرجى أم أتى دونه األجل،أحي أم غالك الجبل،أغالك بعدي السهل فحسبي من الدنيا رجوعك لي بجل وتعرض ذكراه إذا غربها أفل فيا طول ما حزني عليه وما وجل والأسأم التطواف أو تسأم اإلبل وإن غره األمل،فكل امرئ فان وأوصي يزيد ثم أوصي به جبل بكيت على زيد ولم أدر ما فعل وإني لسائل،فوهللا ما أدري ويا ليت شعري هل لك الدهر أوبة تذكرنيه الشمس عند طلوعها وإن هبت األرواح هيجن ذكره سأعمل نص القيس في األرض جاهدا حياتي أو تأتي علي منيتي سأوصي بن قيسا وعمرو كليهما 1. Bakaytu calaa Zaydin wa lam adri maa facal axayyun, fa yurjaa am ataa duunahu al ajal. 2. Fa wa Allaahi maa adrii, wa inni la saa'ilun aghaalaka bacdii al ssahlu, am ghaalaka al jabal. 3. Wa yaa layta shicrii hal laka al dahra awbatun Fa xasbii mina al dunyaa rujuucuka lii bajal. 4. Tuthakkiruniihi al shamsu cinda dhuluucihaa wa tacridu thikraahuu itha gharbuhaa afal. 5. Wa in habbat al arwaaxu hayyajna thikrahu fa yaa dhuula maa xuznii calayhi wa maa wajal. 6. Sa ucmilu nassa al ciisi fii al ardi jaahidan wa laa as'amu al tadhwaafa aw tas'amu al ibil 7. Xayaatiya aw ta'tii calayya maniyyatii fa kullu imri'in faanin, wa in ghaarahu al amalu. 8. Sa uusii bihi Qaysan wa Camran kilayhimaa wa uusii Yaziid thumma uusii bihi Jabala. Tixaha macnohoodu waxaa weeye: 1. Zayd waan ku dool booyay, mana ogsooni waxa dhacay/inuu noolyahay oo araggiisa aan rajeeyo iyo inay ajashiisu gashay oo uu dhintay. 2. Oo wa Allaahi inaanan ogsooneyn in kastoo aan wax badan ka wareystay/inuu gadaashay isagoo mayd ah yaallo bananka ama buuraha. 3. Maan ogaado inaad waligaa soo noqon doontid/adduunkana waxaa iiga filanba inaad ii soo noqotid. 4. Markay qorraxdu soo baxdo isagay i xusuusinaysaa/Qorraxdhacuna waxay soo celineysaa 301 xusuustiisa. 5. Markay dabaysho kacdo xusuustiisey kicineysaa/waxaa dheeraaday intaan u murugsanahay una cabsanayo. 6. Waxaan xoog ugu fuulayaa awrta ugu fiican oo arligaan ka raadinayaa/kana daali mayo baadigoobkiisa awrtuba ha daashee. 7. Intaan noolahay oo idil ilaa ay geeridu iiga timaaddo/ayadoo uu qof kasta dhimanayo, inkastoo yididiiladu ragga dagto. 8. Waxaan kala dardaarmayaa Qays iyo Camr labadoodaba/Waxaanna kala dardaarmayaa Yaziid kaddibna Jabal. Tixda sideedaad waxaa wariyay Al Suhaylii\ السهيليoo yiri: "Yaziid bin Kacb (bin Sharaaxiil)) يزيد بن كعب (بن شرحبيلwaa Zayd ina adeerkiis ayna isku hooyo yihiin. Jabalna\ جبلwaa Jabal bin Xaarithah\جبل بن حارثة, o ah Zayd\ زيدwalaalkiis, kana da'waynaa. Jabalah\ جبلةayaa la weydiiyey: "Kiinnee weyn: ma adiga mase Zayd\"? زيد Markaasuu yiri: "Zayd\ زيدayaa aniga iga wayn, aniguna hortiis ayaan dhashay", uuna ka wado isagaa iga fadli badan oo islaamka iiga horreeyey." AI Saabiquuna\السابقون: kuwa islaamka ku hormaray Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: "Sideed nini waa kuwa dadka islaamka uga hormaray, oo Salaadda tukaday, oo Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, rumeeyey wuxuu xagga Ilaahay ka keenay." Sideedaasi waa: (Kow) Abuu Bakr Al Siddiiqu\أبوبكر الصديق. (Labo) Cuthmaan bin Caffaan\عثمان بن عفان. (Saddex) Calii bin Abii Dhaalib\علي بن أبي طالب. (Afar) Al Zzubayru ibnu Al Cawwaam الزبير \إبن العوام. (Shan) Sacd bin Abii Waqqaas\سعد بن إبي وقاص. (Lix) Dhalxah bin Cubaydu Allaahi\طلحة بن عبيد هللا. (Toddoba) Cabdu Al Rraxmaanu bin Cawf\عبد الرحمن بن عوف. (Sdeed) Zayd bin Xaarithah\زيد بن حارثة. 302 Kuwa kaddib islaamay lbnu lsxaaq wuxuu yiri: "Kaddib waxaa islaamay: Kow. Abuu Cubaydah Caamir bin Cabdu Allaahi Al Jarraax أبو عبيدة عامر بن عبد هللا الجراح Abuu Cubaydah أبو عبيدة, oo magaciisu yahay Caamir bin Cabdu Allaahi Al Jarraax bin Hilaal bin Uhaybi bin Dabbah bin Al Xaarith bin Fihr عامر بن عبد هللا الجراح بن هالل بن أهيب بن \الحارث بن فهر. Abuu Cubaydah أبو عبيدةwuxuu ka mid yahay tobanka Jannada loogu bishaareeye, iyo ragga Badr\بدر, oo maalintaas aabihiis oo gaal ah oo rag muslimiin ah dilay ayuu isaguna dilay. Nasabkiisu wuxuu midka Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, kula kulmaa Fihr bin Maalikفهر بن مالك, oo ah awoowaha tobnaad ee Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Sidaas ayaa waxaa lo yiraahdaa Al Qurashiyyi \ القرشيAl Fihriyyi\الفهري. Hooyadiisna waxay u dhalatay reer Banii Al Xaarith bin Fihr\بني الحارث بن فهر, wayna islaantay. Nabigaa, Sallaa Allaahu CaIayhi Wasallam, wuxuu ku magacaabay "."أمين هذه األمة "Amiinu haathihi Al Ummah", oo macneheedu yahay “Midka aaminay ee ummaddaan". Abuu Cubaydah أبو عبيدةwuxuu marka hore u haajiray arliga xabashada, kaddibna Al Madiinah Al Munawwarah\المدينة المنورة. Wuxuu ka mid yahay ragga Baycatu Al Ridwaan\بيعة الرضوان, Uxud\ أحدiyo mashaahidda المشاهدoo idil iyo ragga uu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka tegey isagoo raalli ka ah. Waxaa lagu oofsaday daacuunka Camwaas\ طاعون عمواسoo ka dhacay arliga Shaam\الشام sanadka sideed iyo tobnaad ee Hijrada, Qabrigiisuna wuxuu ku yaalla Urdun \األردن, aniguna waan dul istaagay, wa al xamdu li Allaahi. (Labo) Abuu Salamah\أبو سلمة, oo magaciisu yahay Cabdu Allaahi bin Cabdu Al Asad bin Hilaal bin Cabdu Allaahi bin Cumar bin Makhzuum bin Yaqthah bin Murrah bin Kacb bin Lu'ayy عبد هللا \بن عبد األسد بن هالل بن عبد هللا بن عمر بن مخزوم بن يقظة بن مرة بن كعب بن لؤي. (Saddex) Al Arqamu bin Abii Al Arqam\األرقم بن أبي األرقم, oo Abii Al Arqam\ أبي األرقمmagaciisu waa Cabdu Manaaf bin Asad\ عبد مناف بن أسد- oo Asad\ أسدwaxaa lagu koofaari jiray Abaa Jundub\أبا جندب- bin Cabdu Allaahi bin Cumar bin Makhzuum bin Yaqthah bin Murrah bin Kacb 303 bin Lu'ayy\بن عبد هللا بن عمر بن مخزوم بن يقظة بن مرة بن كعب بن لؤي. (Afar) Cuthmaan bin Mathcuun bin Xabiib bin Wahb bin Xuthayfah bin Jumax bin Camr bin Husays bin Kacb bin Lu'ayy عثمان بن مظعون بن حبيب بن وهب بن حذيفة بن جمح بن عمرو بن هصيص بن كعب \ بن لؤيiyo labadiisa walaalood oo kala ah: (Shan) Qudaamah\ قدامةiyo (Lix) Cabdu Allaahi\ عبد هللاilmo Mathcuun\مظعون. (toddoba) Cubaydah bin Xaarith bin Al Mudh-dhalib bin Cabdi Manaaf bin Qusayy bin Kilaab bin Murrah bin Kacb bin Lu'ayy عبيدة بن الحارث بن المطلب بن عبد مناف بن قصي بن كالب بن مرة \بن كعب بن لؤي. (Sideed) Saciid bin Zayd bin Camr bin Nufayl bin Cabdu Al Cuzzaa bin Cabdu Allaahi bin Qurdh bin Riyaaxi bin Razaax bin Cadiyyi bin Kacb bin Lu'ayy سعيد بن زيد بن عمرو بن نفيل بن \عبد العزى بن عبد هللا بن رياح بن رزاح بن عدي بن كعب بن لؤي, hooyadiisna ay tahay Faadhimah bintu Bacjah bin Khalafin Al Khuzaaciyyah\فاطمة بنت بعجة بن خلف الخزاعية, iyo haweentiisa: (Sagaal) Faadhimah bintu Al Khadh-dhaab bin Nufayl bin Cabdu Al Cuzzaa bin Cabdu Allaahi bin Qurdh bin Riyaaxi bin Razaax bin Cadiyyi bin Kacb bin Lu'ayy فاطمة بنت الخطاب بن نفيل بن عبد \العزى بن عبد هللا بن رياح بن رزاح بن عدي بن كعب بن لؤي, , ahna Cumar bin Al Khadh-dhaab عمر بن \ الخطابwalaashiisa la dhalatay. Toban. Asmaa'u bintu Abii Bakr Al Siddiiqأسماء بنت أبي بكر الصديق و عائشة Asmaa'u bintu Abii Bakr Al Siddiiqu\ أسماء بنت أبي بكر الصديقiyo walaasheed Caa'ishah\عائشة. Asmaa'u ibnatu Abii Bakrin Al Siddiiqi Siddiiqأسماء بنت أبي بكر الصديق, oo ay Cabdu Allaahi bin Abii Bakr\ عبد هللا بن أبي بكرisku hooyo yihiin, waxayna caruur u dhashay Al Zubayru ibnu Al Cawwaam\الزبير بن العوام: Cabdu Allaahi\( عبد هللاoo Amiiru Al Mu'miniin\ أمير المؤمنينnoqday boqorka Dawladda Islaamka intaan Shaam\ الشامahayn) iyo Al Munthar\ المنذرiyo Curwah\عروة (oo caalinka iyo Muftiga Masjidka Nabiga, Salalaa Allaahu Calayhi Wasallam, ee Al Madiinah \ المدينةnoqday) iyo Caasim( عاصمoo ayan ciribi ka harin, noqdayna Guddoomiyaha dalka Ciraaq \عراق, oo waagaas gabol Dawladda Islaamka ka mid ah ahaa) iyo Al Muhaajira\ المهاجرoo ayan isagana ciribi ka harin, iyo Khadiijah Al Kubraa\ خديجة الكبرىiyo Ummu Xasan\ أم حسنiyo Caa'ishah\عائشة. Asmaa'u أسماءkoofaarteedu waa Thaata Al Nidhaaqayni\ذات النطاقين, ayadoo markuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, iyo aabeheed ay godka ku jireen oo Hijrada ahayd uu Cabdu Allaahi bin Abii Bakr عبد هللا بن أبي بكرu keenay cunnaday dariiqa saad ahaan ugu qaadan lahaayeen oo ku jirta sufriyad. Markaasey dhex xirkeeda labo u kala dillaacisay oo ay jeexna sufriyada afkeeda ku xirtay si marka ratiga la saaro oo uu la soedo ayan cunnada ku jirta uga daadan, jeexa kalena dhexdeeda ayay ku xiratay, oo sidaasey maradii midka ahayd labo uga dhigtay oo labo nidhaaq ku yeelatay. Nidhaaqna\ نطاقwaa marada aya haweenku dhexda ku xirtaan. 304 Cabdu Allaahi عبد هللاiyo Asmaa'u أسماءhooyadood waxay ahayd Qaylah bintu Cabdu Al Cuzzaa bin Cabdu Ascad bin Nasr ibnu Maalik bin Xusl bin Caamir bin Lu'ayy قيلة بنت عبد العزى بن عبد \أسعد بن نصر إبن مالك بن حسل بن عامر بن لؤي, ayadeyna kusoo degatay Aayadda sideedaad ee Suuratu Al Mumtaxinahسورة الممتحنة. Aayaddaasi waxay leedahay: ِ ِ َِّ َّ ِّ ين َل ْم ُيقَارِلُو ُك ْم ِفي ِ الد ُّ وه ْم َورُْق ِسطُوا ِإَل ْي ِه ْم ِإ َّن اللَّ َه ُي ِح ب ُ َن رََب ُّر ْ ين َوَل ْم ُي ْخ ِر ُجو ُك ْم م ْن د َي ِارُك ْم أ َ ََل َي ْنهَا ُك ُم اللهُ َع ِن الذ َِّ َّ ِ ِ ِ اهروا َعلَى ِإ ْخر ِّ ين قَ َارلُو ُك ْم ِفي ِ الد َن َ َخ َر ُجو ُك ْم ِم ْن ِد َي ِارُك ْم َو ْ ين َوأ ْ اج ُك ْم أ َ ) إَِّن َما َي ْنهَا ُك ُم اللهُ َع ِن الذ8( ين َ اْل ُم ْقسط َ َُ ظ ِ َّ )1( ون َ ِرَ َولَّ ْو ُه ْم َو َم ْن َيرََولَّهُ ْم َفأُوَلئ َ ك ُه ُم الظال ُم "Laa yanhaakumu Allaahu cani allathiina lam yuqaatiluukum fii al Ddiini wa lam yukhrijuukum min diyaarikum an tabarruuhum wa tuqsidhuu ilayhim innaa Allaaha yuxibbu al muqsidhiina(8)Innamaa yanhaakumu Allaahu cani allathiina qaataluukum fii al Ddiini wa akhrajuukum mmin diyaarikum wa thaaharuu calaa ikhraajikum an tawallawhum wa man yatawallahum fauu'iaa'ika humu al th-thaalimuuna(9)." Labadaas Aayadood macnohoodu waxaa weeye: "Ilaahay idinka reebi mayo kuwaan idinkula dagaallamin Diinta daraadeed inaad u sama fashaan, una caddaalad fashaan dalalkiinnana aan idinka soo saarin, maxaa yeelay Ilaahay wuu jecel yahay kuwaa cadaaladda fala(8)Ilaahay wuxuuse idinka reebayaa kuwa Diinta Islaamka daraadeed idinkula dagaallamay oo dalkiinna idinka soo saaray iyo kuwa gacan ku siiyey oo ugu gargaaray in dalkiinna la idinka soo saaro inaad gargaarayaal iyo sokeeye ka dhigataan oo aad xiriirisaan. Kuwa kuwaas sokeeye iyo gargaarayaal ka dhigtana waa daallimiin(9)." Aayaddaan xukunkeeda oo ah asaaska xiriirka muslimka iyo gaalada ila yawmul Qiyaamaha, sababtay kusoo degatay waxay ahayd sidatan, siduu Al Baghawii \ البغويtafsiirkiisa Cabdu Allaahi bin Al Zubayr\ عبد هللا بن الزبيرuga wariyay: "Waxay kasoo degatay Asmaa'u bintu Abii Bakr\ أسماء بنت أبي بكرmarkay hooyadeed Qutaylah bintu Cabdu Al Cuzzaa\ قيلة بنت عبد العزىay Al Madiinah\ المدينةugu timid (ayadoo Makkah\مكة kasoo safartay inay gabadheeda aragto), uguna keentay hadiyad ahaan jubnah\ جبنةoo ah caano la fariisiyey iyo subag iyo iqdh\ إقطoo ah caano geel oo la garooriyey. Hoyadeedna markaas waa gaal. Markaasey Asmaa'uأسماء waxay hooyadeed ku tiri: "Hadiyadaada kaa aqbali mayo, gurigeygana iigu soo geli meysid jeer aan Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka ithan qaato." Markaasey Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka ithan qaadatay inay hooyadeed hadiyadaha ka oggolaato, gurigeedana ay soo geliso. Markaasey Aayaddaani soo degatay. Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu Asmaa'u أسماء amray inay hooyadeed gurigeeda soo geliso, hadiyadeedana ay aqbasho, ayna karaameeyso, una same fasho." Allow raalli ka noqo Asmaa'u bintu Abii Bakr Al Siddiiq. Asmaa'u bin Abii Bakr Ai Siddiq أسماء بنت أبي بكر الصديق, Allaha raalli ka noqdee, waa eedadey aabahay la dhalatay, waxayna ku duugan tahay xabaalaha Al Xujuun\Al Macallaat\ الحجون\المعالةee Makkah Al Mukarramah\مكة المكرمة, ayada iyo wiilkeeda Amiiru Al Mu’miniina Cabdu Allaahibin Al Zubayr أمير المؤمنين عبد هللا بن \الزبير بن العوام, iyo walaalkeed Cabdu Al Rraxmaan bin Abii Bakr Al Ssiddiiqu عبد الرحمن بن أبي بكر 305 \ الصديقiyo awoowheed aabeheed dhalay Abuu Quxaafah Cuthmaan bin Caamir أبو قحافة عثمان بن عامر, waxayna daris la yihiin Ummu Al Mu’miniina Khadiijah bintu Khuwaylid أم المؤمنين خديجة \ بنت خويلدiyo labadeeda wiil Al Qaasimu\ القاسمiyo Cabdu Allaahi\ عبد هللاlabada wiil ee Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam. Kow iyo toban. Caa'ishah bintu Abii Bakr Al Siddiiqu \عائشة بنت أبي بكر الصديق Ummu Al Mu'miniina Caa'ishah bintu Abii Bakr Al Siddiiq أم المرمنين عائشة بنت أبي بكر \الصديق, haweenta Nabi Muxammad, Sallaa AlIaahu Calayhi Wasallam, waxay islaanatay ayadoo markaas gabar yar ah, siiradeedana meesheeda ayaan uga warrami doonnaa, inshaa'a Allaahu\إن شاء هللا. Waxaa halkaan ku sheegeynnaa oo ayada faan iyo ammaan ugu filan inuu Al Muxibbu Al Dhabarii\ المحب الطبريku wariyay Al Riyaadu Al Nadirata\ الرياض النضرةiyo oo Al Isaabatu\ اإلصابةka wariyeen iyo ghayrkoodba Camr bin Al Caasii Al Sahmiyyi عمرو بن العاص \ السهميinuu yiri: "Waxaan iri: " Rasuulka Ilaahayow, qofkeebaad dadka ugu jeceshahay?" Wuxuu yiri: "."عائشة "Caa'ishah." Ummu Al Mu'miniina Caa'ishah, Sallaa Allaahu CaIayhaa Wasallam, waa eedaday aabahay la dhalatay. Laba iyo labaatan. Khabbaab bin Al Arat\خباب بن األرت Khabbaab bin Al Arat\ خباب بن األرت, oo reer Banuu Zuhrah\ بني زهرةxilfi\ حلفla lahaa. lbnu Hishaamna\ إبن هشامwuxuu yiri: "Waa Khabaab bin Al Arat\ خباب بن األرتoo reer Banuu Tamiim\ بنو تميمu dhashay. Khuzaacah \ خزاعةayuu u dhashayna waa la yiri." Ibnu Al Athiir\ إبن األثيرwuxuu Usudu Al Ghaabah\ أسد الغابةku yiri: "Wuxuu ka mid yahay kuwa horreeyey oo islaamka ku hormaray, iyo kuwa Ilaahay daraadiis loo cathaabay. Wuxuu ahaa kan lixaad oo islaamay. Mujaahid\ مجاهدwuxuu yiri: "Kan ugu horreeyey oo islaannimadiisa soo bandgigay oo muujiyay wuxuu ahaa Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, iyo Abuu Bakr\ أبو بكرiyo Khabbaab\خباب, iyo Suhayb\ صهيب, iyo Bilaal\بالل, iyo Cammaar\عمار, iyo Sumayyah\سمية. Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu Ilaahay ku ilaaliyey oo gaalada uga celiyey adeerkiis Abuu Dhaalib\أبو طالب, Abuu Bakarna\ أبو بكرwaxaa ka celiyey tolkiis, inta kalese waxay u labbiseen cambuur bireed markaasey qorraxda ku wareen, oo ay sidaas ku dhibtoodeen intuu Ilaahay doono kulaylka qorraxda iyo birta." Al Shacbiyyu\ الشعبيwuxuu yiri: "Khabbaab خبابwaa adkaystay oo gaalada ma uusan siin waxay doonayeen, oo ah inuu Diinta 306 islaamka ka baxo, markaasey intay dhagax kululeeyaan ayay hilbaha dhabarkiisa ku dhejiyaan, oo uu uu hilibkiisu sidaas ku gaabtay kuna tegey, oo dhabarkiisu hilib ma lahayn, oo kuma uusan harin. Khabaab خبابayaa wuxuu yiri: "Waxaan usoo ashtakoonnay Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, isagoo go' uu leeyahay barkan oo harka Kacbada jiifa. Markaasaan waxaan ku niri: "Noo gargaar weydii (Ilaahay)" Markaasuu soo fariistay isagoo wajigiisu guduutay, wuxuuna yiri: ما يصرفه عن، ثم يجاء بالميشار فيجعل فوق رأسه،"قد كان من قبلكم يؤخذ الرجل فيحفر له في األرض وليتمن هللا هذا األمر. ما يصرفه عن دينه، ويمشط بامشاط الحديد ما دون لحمه من عظام وعصب،دينه حتى يسير الراكب من صنعاء إلى حضر الموت ال يخشى إال هللا عز وجل والذئب على غنمه ولكنكم ".تعجلون "Qad kaana min qablikum yu'khathu al rajulu fayuxfaru lahu fii al ardi, thumma yujaa'u bi al miishaari fa yujcalu fawqa ra'sihi, maa yasrifuhu can diinihi, wa yumshidhu bi amshaadhi al xadiidi maa duuna laxmihi min cithaamin wa casabin, maa yasrifuhu can diinihi. Wa la yutimanna Allaahu haathaa al amra xattaa yasiira al rraakibu min Sancaa'a ilaa Xadramuut laa yakhshaa illaa Allaaha Cazza wa Jalla wa al th'iba calaa ghanamihi wa laakinnakum tacjiluunna." Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Waxaa dhacday adinka hortiin in ninka lasoo qabto oo dhulka god looga qodo, kaddibna miishaar la keeno oo madixiisa la dul saaro, taasina ayan diintiisa ka leexinayn. Markaasaa waxaa loogu shanleeyaa shanlo bir ah oo la geliyaa inta hilibkiisa ka sokeysa oo laf iyo xidid ah, markaaseeyan taasi diintiisa ka leexinayn. Ilaahayna amarkaan (oo ah Diinta islaamka oo uu uu isagu keenay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam) wuu taam yeelayaa oo uu faafayaa oo xidideysanayaa ilaa heer uu musaafirku isaga goosho Sancaa' iyo Xadramuut dhexdooda isagoo aan ka baqayn axad aan Ilaahay ahayn iyo dhurwaa oo arigiisa uga baqo mooyee. Adinkuse waad degdegeysaan." Khabbaab خبابwuxuu ahaa tumaal seefaha sameeya, Rasuulka Ilaahayna, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, meeshuu ka shaqeeyo ayuu ugu imaan jiray oo uu qalbigiisa soo jiidan jiray. Markaasaa waxaa taas loo sheegay haweentii lahayd (ahaydna Ummu Anmaar \أم أنمار, oo gaalad weyn ahayd hodanna ah, maalkeedana la dahgaallanka Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku bixin jirtay, sida maalgelinta duullaanka \ أحدoo ay gaaladu Makkah\ مكةka duuleen. Waxayna ahayd haweeneyda Makkah\ مكةgabdhaha ku gudda). Markaasey intay bir soo qaadato oo ay dabka geliso, ayay markay caddaato Khabbaabخباب madaxa uga dhejin jirtay. Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, uga ashtakooday, oo yiri: "."أللهم انصر خبابا "Allaahumma ansur Khabbaaban", oo macneheedu yahay: 307 "Ilaahayow Khabbaab u hiilli oo libta sii." Markaasaa haweentaas madaxa cudur ka galay oo ay u qaylin jirtay sida eeyaha oo kale. Markaasaa waxaa lagu yiri, oo ay takhaatiirtu ku yiraahdeen inay daawadeedu tahay: "Is gub". Markaasey Khabbaab خبابamartay oo intuu bir dabka geliyo uu markay caddaato madaxa uga dhejiyaa. Khabbaab خبابwuxuu ka qayb galay Badar\ بدرiyo Uxud\ أحدiyo dhammaan mashaahiddaالمشاهد uu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, goob joogga ka ahaa. Khabbaab خبابwuxuu yiri: "Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ayaa salaad tukaday oo ku dheeraaday. Markaasey waxay yiraahdeen: "Rasuulka Ilaahayow, ma waxaad tukatay salaad aadan tukan jirin?" Wuxuu yiri: سألته أن. فأعطاني اثنتين ومنعني واحدة، إني سألت هللا عز وجل فيها ثالثا. أنها رغبة ورهبة،"أجل وسألته أن اليذيق. فاعطانيها، وسألته أن اليسلط عليهم عدوا من غيرهم،اليهلك أمتي بسنة فاعطانيها ".بعضهم بأس بعض فمنعنيها "Ajal, innahaa salaatu raghbatin wa rahbatin. Innii sa'altu Allaaha Cazza wa Jalla fiihaa thalaathan, fa acdhaanii ithnatayni wa manacanii waaxidatan. Sa'altuhu an laa yahlika ummattii bi sanatin fa acdhaaniihaa, wa sa'altuhu an laa yusallidha calayhim caduwwan min ghayrihim, fa acdhaaniihaa. Wa sa'altuhu an laa yuthiiqa bacduhum ba'sa bacdin famanacaniihaa." Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Haa, waana salaad wax ku doonid iyo cabsiba. Ilaahay, Cazza wa Jalla\هللا عز وجل, waxaan dhexdeeda ku weydiistay saddex arrimood, markaasuu labana i siiyey, midna iga reebay. Waxaan weydiistay inuusan ummaddeyda abaar guud oo wada saameysa ku halaagin, wuuna i siiyey oo iga yeelay. Waxaan kaloo weydiistay inuusan ummaaddeyda cadaw aaan ayaga ahayn uusan ku sallidin, waana iga yeelay. Waxaan kaloo weydiistay inuusan qaarkood qaarka kale la dagaallamin oo ay xarbigooda iyo xooggooda dhedhensiiyaan, waana iga reebay." Meeshuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, salaaddaas ku tukaday waa Masjidu Al Ijaabah\مسجد اإلجابة, oo Masjidka Nabiga ee Al Madiinah Al Munawwarah\ المدينة المنورةshan boqol iyo saddex iyo sideetan mitir u jira. Xadiithka oo faahfaasanna waxaa wariyay Saxiix Muslim\صحيح مسلم, waana midka labo iyo kontonaad iyo laba kun iyo si deed boqol iyo sagaashanaad. Khabaab خبابwuxuu kaddib degay Al Kuufah\ الكوفةee dalka Ciraaq\عراق, ayaduuna ku dhintay oo lagu duugay isagoo saddex iyo todobaatan jir ah sanadka toddoba iyo soddon ee Hijrada, waxaana ku tukaday Calii bin Abii Dhaalib\علي بن أبي طالب, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. 308 Da' daas ka duwan iyo sanad taas ka duwanoo kalena waa la sheegay. (Saddex iyo toban) Cumayr bin Abii Waqqaas\عمير بن أبي وقاص, Sacd bin Abii Waqqaas سعد بن \ أبي وقاصwalaalkiis. Afar iyo toban. Cabdu Allaahi bin Mascuud Al Huthalii\عبد هللا بن مسعود الهذلي Cabdu Allaahi bin Mascuud bin Al Xaarith bin Shamkh bin Makhzuum bin Saahilah bin Kaahil bin Al Xaarith bin Tamiim bin Sacd bin Huthayl عبد هللا بن مسعود بن الحارث بن شمخ بن مخزوم بن \صاهلة بن كاهل بن الحارث بن تميم بن سعد بن هذيل, oo reer Banuu Zuhrah\ بني زهرةxilfi la lahaa. Ibnu Al Athiir\ إبن األثيرwuxuu Usudu Al Ghaabah\ أسد الغابةku wariyay tarjamada Cabdu Allaahi bin Mascuud عبد هللا بن مسعود, wuxuu wariyayna waxaa ka mid ah: "Sababta islaamiddisana waxay ahayd inuu yiri: "Waxaan ahaa kuray dhulka xoogaa kor uga kacay waxaanna la joogay ari uu leeyahay Cuqbah bin abii Mucaydh عقبة بن أبي معيطoo aan raacayay. Markaasaa waxaa yimid Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, uuna la socdo Abuu Bakr\أبوبكر, markaasuu wuxuu yiri: " هل معك من لبن؟،"يا غالم "Yaa ghulaam, hal macaka min laban?" oo macneheedu yahay: "Wiilow, caano ma haysaa?" Markaasaan iri: "Haa, waase la igu aammaaneystay." Markaasuu wuxuu yiri: "."اتني بشاة لم ينزو عليها الفحل "i'itinii bishaatin lam yanzu calayhaa al faxlu", oo macnihiisu yahay: "Waxaad ii keentaa ceesaan uusan orgi boodin, oo ugub ah weeye." Markaasaan waxaan u keenay waxar, ama ceesaan yar. Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, labadeeda addin oo dambe labadiisa lugood dhexdooda ku qabtay, oo uu markaas naaseheeda salaaxay oo uu duceeyey ilaa ay ka dararto. Markaasuu Abuu Bakr\ أبو بكرwuxuu u keenay weel oo uu ku lisay, kaddibna uu Abuu Bakr أبو بكرku yiri: "."اشرب “Ishrab”, oo ah "cab". 309 Markaasuu Abuu Bakr أبو بكرcabbay, dabadiisna uu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, cabbay. Kaddibna wuxuu naasaha ku yiri: "."أقلص "Aqlis", oo ah: "lsku imow." Markaasuu isku soo noqday oo siduu hore u ahaa kusoo laabtay. Markaasaan u imid oo aan ku iri: "Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, hadalkaan wax iga bar, uuna ka wado Quraanka Kariimka ah." Markaasuu madaxa ii salaaxay, uuna yiri: "."أنت غالم معلم "Anta ghulaamun mucallimun", oo macneheedu yahay: "Adigu waxaad tahay wiil arday ah, durbaba wax baranaya." Waxaan sidaas (afkiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,) uga bartay toddobaatn Suuradood, uusan qof bashar ah igu haysan." Cabdu Allaahi bin Mascuud\ عبد هللا بن مسعودwaa kan ugu horreeyey (Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, kaddib) oo Quraanka gaalada hortooda kor ugu akhriya oo maqashiiya, wuxuuna akhriyay Suuratu Al Raxmaan\سورة الرحمن. Markaasey garaaceen, oo si xun u dileen. Markuu islaamay Cabdu Allaahi أبو بكرRasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ayaa qaatay, oo uu u adeegi jiray, wuxuuna ku yiri: "."إذنك علي أن تسمع سوادي ويرفع الحجاب "ithnuka calayya an tasmaca siwaadii wa yurfaca al xijaabu", oo macneheedu yahay: "Waxaan kuu oggolaaday inaad sirtayda maqashid oo xijaabka, waa daaha qolka saarane, aad qaado", oo marka uu Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, qof la faqayo, isaga waa loo oggolaa inuu goob joog ka ahaado. Nabiguu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, qolkiisa ugu soo geli jiray, kabahana u labbisi jiray, la socon jiray, oo uu hortiisa socon jiray, oo markuu qubaysanayo asturi jiray, markuu seexdo hurdada ka kicin jiray, saxaabaduna waxay u yiqiinneen "Midka sirta iyo cadayga iyo kabaha saaxiibka u ah""صاحب السر والمسواك والنعلين, oo wuxuu hayn jiray cadayga iyo kabaha Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, (markuu Masjidka galo). 310 Cabdu Allaahi\ عبد هللاlabada hijraba wuu hijrooday, oo kala ah arliga xabashada iyo Al Madiinah\المدينة, labada qiblaba wuu u tukaday, wuxuuna goob joog ka ahaa Badr\ بدرiyo Uxud \ أحدiyo Al Khandaq\ الخندقiyo baycatu al ridwaan\ بيعة الرضوانiyo dhammaan mashaahidda\المشاهد uu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka qayb galay, isagaana maalinta Badr \ بدرAbuu Jahl\ أبوجهلmadaxa kasoo gooyey. Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu uga marag kacay inuu ehelu jannada yahay. Cabdu Allaahi عبد هللاwuxuu yiri: "Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ayaa wuxuu igu yiri: "."إقرأ علي سورة النساء "Iqra' calayya Suurata Al Nisaa'i”, oo ah: "Igu akhri Suuradda Al Nisaa'i\"سورة النساء. Waxaan iri: "Ma kugu akhriyaa adigoo ayadaba adiga korkaaga lagu soo dejiyay?" Wuxuu yiri: "."إني أحب أن أسمعه من غيري "Innii uxibbu an asmacahu min ghayrii", oo macneheedu yahay: "Waxaan jeclahay inaan Quraanka ghayrkay ka maqlo." Markaasaan ku kor akhriyay ilaa aan ka gaaro )21( يدا َّ ف إِ َذا ِج ْئ َنا ِم ْن ُك ِّل أ ً ُم ٍة بِ َش ِه ٍيد َو ِج ْئ َنا بِ َك َعلَى َه ُؤََل ِء َش ِه َ فَ َك ْي “Fa kayfa ithaa ji'naa min kulli ummatin bishahiidin wa ji'naa bika calaa haa'ulaa'i shahiidan", oo macneheedu yahay: "Oo sideebay ahaan doontaa markaan ka keenno ummad kasta marag oo aan adigana kuu keenno adigoo kuwaas marag korkooda ku ah?" Markaasey indhihiisu (Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam) ilmeeyeen." Cabdu Allaahi\ عبد هللاwuxuu ku dhintay Al Madiinah\المدينة, isagoo dhawr iyo lixdan jir ah, waxaana ku tukaday Cuthmaan\عثمان, waxaana la duugay habeennimo, siduu uga dardaaramay sanadka labo iyo soddon ee Hijrada, zamanka Cuthmaan\عثمان. Cabdu Allaahi\ عبد هللاwuxuu leeyahay siiro qurxoon oo lagu daydo, waaba tuu Rasuulka Ilaahay, 311 Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: "."وتمسكوا بعهد إبن أم عبد "Wa tamassakuu bi cahdi ibnu ummi Cabdin", oo macneheedu yahay: "Kuna dhagganaada oo haysta wuxuu idinkula dardaarmo ibnu ummu Cabd إبن أم عبدoo ah koofaarta Cabdu Allaahi bin Mascuud\ عبد هللا بن مسعودAllaha raalli ka noqdee." Wuxuu kaloo Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: "."رضيت ألمتي ما رضي لها إبن أم عبد "Radiitu li ummatii maa radiya lahaa ibnu ummi Cabdin", oo macneheedu yahay: "Waxaan ummaddeyda raalli uga ahay (inay ahaato oo ku sugnaato) wuxuu ibnu ummi Cabdi إبن أم عبدraalli uga yahay." Cabdu Allaahi bin Mascuud waan jeclahay, Ilaahayna wuxuu iigu nicmeeyey inaan ku riyooday, mahadi ha ka gaartee. (Shan iyo toban) Mascuud bin Al Qaarii\مسعود بن القاري, magaciisuna yahay Mascuud bin Rabiicah bin Camr bin Sacd bin Cabdu Al Cuzzaa bin Xamaalah bin Ghaalib bin Muxallim bin Caa'ithah bin Subayc bin Al Huun bin Khuzaymah مسعود بن ربيعة بن عمرو بن سعد بن عبد العزى بن \ حمالة بن غالب بن محلم بن عائذة بن سبيع بن الهون بن خزيمةoo qabiilka Al Qaarah\ القارةka tirsan." I bnu Hishaam wuxuu yiri: "Al Qaarah\ القارةwaa koofaar, waxayna ahaayeen qabiil raggoodu nishaab badan yihiin." (Lix iyo toban) Salaydhu bin Camr bin Cabdu Shams bin Cabdu Al Wuddi bin Nasr bin سليط بن عمرو بن عبد شمس بن عبد الود بنMaalik bin Xisli bin Caamir bin Lu'ayy bin Ghaalib bin Fihr . \نصر بن مالك بن حسل بن عامر بن لؤي بن غالب بت فهر (Toddoba iyo toban) Cayyaash bin Abii Rabiicah bin Al Mughiirah bin Cabdu Allaahi bin Cumar bin Makhzuum bin Yaqthah bin Murrah bin Kacb bin Lu'ayy عياش بن أبي ربيعة بن المغيرة بن \ عبد هللا بن عمر بن مخزوم بن يقظة بن مرة بن كعب بن لؤيiyo haweentiisa: (Sideed iyo toban) Asmaa'a bintu Sallaamah bin Mukharribah al Tamiimiyyah أسماء بنت سالمة \بن مخربة التميمية. (Sagaal iyo toban) Khunays bin Xuthaafah bin Qays bin Cadiyyi bin Sacd bin Sahm bin Camr bin Husays bin Kacb bin Lu'ayy خنيس بن حذافة بن قيس بن عدي بن سعد بن سهم بن عمرو بن هصيص بن كعب \بن لؤي. 312 (Labaatan) Caamir bin Rabiicah bin Canz bin Waa'il عامر بن ربيعة بن عنز بن وائلoo axdi la lahaa Al Khadh-dhaab bin Nufayl bin Cabdu Al Cuzzaa\" الخطاب بن نفيل بن عبد العزى. Ibnu Hishaam إبن هشامwuxuu yiri: "Canz bin Waa'il عنز بن وائلwaa walaalka Bakr bin Waa'il\بكر بن وايل, kana tirsan qabiilka Rabiicah bin Nizaar\ربيعة بن نزار." (Kow iyo labaatan) Cabdu Allaahi bin Jaxsh bin Ri'aab bin Yacmar bin Murrah bin Kabiir bin Ghanm bin Duudaan bin Asad bin Khuzaymah عبد هللا بن جحش بن رئاب بن يعمر بن مرة بن كبير بن غنم بن \دودان بن أسد بن خزيمة, ayna dhashay Umaymah bintu Cabdu Al Mudh-dhalib\أميمة بنت عبد المطلب eedada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo la dhalatay aabihiis Cabdu Allaahi bin Cabdu Al Mudh-dhalib\عبد هللا بن عبد تامطلب. Cabdu Allaahi bin Jaxsh عبد هللا بن جحشwalaashiisna waa Ummu Al Mu'miniina Zaynab bintu Jaxsh\أم المؤمنين زينب بنت جحش, haweenta Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, iyo walaalkiis: (Labo iyo labaatan) Abuu Axmad bin Jaxsh\أبو أحمد بن جحش, labadooduna ay axdi la lahaayeen reer Banuu Umayyah bin Cabdi Shams\بنو أمية بن عبد شمس. Saddex iyo labaatan. Jacfar bin Abii Dhaalibiyo haweentiis Asmaa’u bintu Cumays\جعفر بن أبي طالب Jacfar bin Abii Dhaalib\ جعفر بن أبي طالب, ina adeerka Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, lana yiraahdo Jacfar Al Dhayyaar\جعفر الطيار. Jacfar جعفرwuxuu ahaa ninka dadka ugu ekaansho badan Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, xagga abuurista iyo xagga khuluqdaba. Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu Jacfar جعفرku yiri: ". وأنت من عترتي اللتي أنا منها،"وأما أنت يا جعفر فاشبهت خلقي وخلقي "Wa ammaa anta yaa jacfaru fa ashbabta khalqii wa kbuluqii, wa anta min citratii allatii anaa minhaa", oo macneheedu yahay: "Adiguse, Jacfarow جعفرwaad ii egtahay xagga abuurista iyo khuluqdaba, waxaadna ka mid tahay nasabkeyga aan anigu ka dhashay". Jacfarجعفر, isagoo ay la socdaan asxaab kale ayaa wuxuu kasoo noqday arliga xabashada oo uu Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ugu yimid Khaybar\ خيبرmaalintuu degmadaas yuhuudda ka furtay. Markaasuu intuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Jacfar ugu sare kacay, oo uu luqunta luqunta u geliyay labada indhood dhexdooda ka dhunkaday, uuna yiri: 313 ". بقدوم جعفر أم بفتح خيبر:"ما أدري بأيهما أنا أشد فرحا "Maa adrii bi ayyihimaa anaa ashaddu farxan, bi quduumi Jacfar am bi fatxi Khaybar?" oo macneheedu yahay: "Ma ogsooni middaan labadooda ku farax badanahay: ma imaatinka Jacfar جعفرama furashada Khaybar\?خيبر." Markaasuu farax daradiis Jacfar جعفرraqsiyey, oo uu hore iyo dib isku ruxay, Nabigoo, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, fiirinaya, aanna diidin oo aan ka reebin: taas ayaa ah asalka xadrada wadaadada suufiyada ah ayaa la yiri, oo ay sidaasoo kale hore iyo gadaal isugu ruxaan. Al Nasaa'ii\ النسائيwuxuu Cabdu Allaahi bin Jacfar\ عبد هللا بن جعفرka wariyay inuu yiri: "Markii Jacfar جعفرla dilay ayuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri: "."ادعوا لي بني أخي "Udcuu ilayya banii akhii," oo ah: "iigu yeera wiilasha walaalkey". Markaasaa naloo keenay, annagoo aad caruurta digaagga na moodid. Markaasuu midka timaha xiira amray oo timaha madaxa nalaga wada xiiray, kaddibna wuxuu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: ". وأما عون فيشبه خلقي وخلقي، وأما عبد هللا فيشبه خلقي وخلقي،"أما محمد فيشبه عمنا أبا طالب "Ammaa Muxammad fa yashbahu cammanaa Abaa Dbaalib. Wa ammaa Cabdu Allaahi fa yashbahu khalqii wa khuluqii wa ammaa Cawn fa fa yashbahu khalqii wa khuluqii" oo macneheedu yahay: "Muxammadna محمدwuxuu u egyahay adeerkeen Abuu Dhaalib\أبو طالب, Cabdu Allaahi\عبد هللا se aniguu ii egyahay xagga abuuritaanka iyo dabeecadaba. Cawnsee عونaniguu ii egyahay xagga abuuritaanka iyo dabeecadaba." Kaddib intuu gacanta iga qabtay oo uu leexiyay, kaddibna uu yiri: "."أللهم أخلف في جعفر في أهله وبارك لعبد هللا في صفقة يمينه "Allaahumma akhluf fii Jacfaran fii ahlihi waa baarik li Cabdu Allaabi fii safqati yamiinihi", oo macneheedu yahay: "Ilaahayow Jacfar ehelkiisa u tarmi, Cabdu Allaahina عبد هللاganacsigiisa u barakee." 314 Wuxuu kaloo Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: ، وجعفر، حمزة: وإني أعطيت أربعة عشر، نجباء وزراء،" لم يكن قبلي نبي إال قد أعطي سبعة رفقاء ". وعمار وبالل، وسلمان، وحذيفة، والمقداد، وعمر، وأبوبكر، وحسين، وحسن،وعلي "Lam yakun qablii Nabiyyun illaa qad ucdhiya sabcata rufaqaa'a, nujabaa'a wuzaraa 'a, wa innii ucdhaytu arbacata cashra: Xamzah, wa Jacfar, wa Calii, wa Xasan, wa Xusayn, wa Abuu Bakr, wa Cumar, wa Al Miqdaadu, wa Xuthayfah, wa Salmaan, wa Cammaar wa Bilaal", oo macneheedu yahay: "Ma uusan ahaanin hortey Nabi ee waa ilaa kan la siiyey toddoba rafiiq, oo kariimiin ah oo loo xulay, ahna wasiirradiisa culayska la qaada, anigase waxaa la i siiyey afar iyo toban oo kala ah Xamzah حمزةiyo Jacfar جعفرiyo Calii عليiyo Xasan حسنiyo Xusayn حسينiyo Abuu Bakrأبوبكر iyo Cumar عمرiyo Al Miqdaadu المقدادiyo Xuthayfah حذيفةiyo Salmaan سلمانiyo Cammaarعمار iyo Bilaal"بالل Jacfar جعفرwaxaa shahiidnimo loogu dilay duullaanka Mu'tah\ مؤتةee dalka Urdun\أردن, dagaalkaasoo labada gacnoodba looga gooyey. Markaasuu Ilaahay wuxuu ugu beddelay labo baal oo uu Malaa'igta kula duulo jannada dhexdeeda. Markii Jacfar جعفرla dilay, ayay haweentiisu Asmaa'a bintu Cumays\ أسماء بنت عميسtiri, waxaa guriga iigu soo galay Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, anigoo cajiinteyda cajiintay, wiilasheydana u qubeeyey una subkay, nadiifiyayna, markaasuu wuxuu yiri: "."ائتني ببني جعفر "i'itinii bi banii Jacfar", oo macneheedu yahay: "ii keen wiilasha Jacfar". Markaasaan u keenay. Markaasuu carafsaday labadiisa indhoodna ay ilmeeyeen. Markaasaan waxaan iri: "Rasuulka Ilaahayow, maxaa kaa boohinaya? Ma waxbaa kaa soo gaaray Jacfar جعفرiyo asxaabtiisa?" Wuxuu yiri: ". أصيبوا هذا اليوم:"نعم "Nacam, usiibuu haathaa al yawma", oo macneheedu yahay: "Haa, maanta ayaa la dilay." Markaasaan qayliyay ay haweenkuna isu yimaadeen. Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa 315 Allaahu Calayhi Wasallam, ehelkiisa u noqday, wuxuuna yiri: ". فإنهم قد شغلوا،"ال تغفلوا آل جعفر "Laa tughfiluu Aala Jacfar, fa innahum qad shughiluu", oo macneheedu yahay: "Ha moogaanina reer Jacfar (oo cunno u sameeya) maxaa yeelay waa la mashquuliyey". Markaas la dilay wuxuu ahaa kow iyo afartan jir, tira kalena waa la sheegay. Haweentiisa Asmaa'u bintu Cumays\ أسماء بنت عميسayaduna way islaantay.. Afar iyo labaatan. Asmaa'u bintu Cumaysأسماء بنت عميس Asmaa'u bintu Cumays bin Al Nucmaanu bin Kacb bin Maalik bin Quxaafah أسماء بنت عميس بن \النعمان بن طعب بن مالك بن قحافة, una dhalatay qabiilka Khathcam\خثعم. Ibnu Al Athiir\ إبن األثيرwuxuu Usudu Al Ghaabah\ أسد الغابةku yiri: "Hooyadeedna waa Hind bintu Cawf bin Zuhayr bin Al Xaarith Al Kinaaniyyah هند بنت عوف بن \زهير بن الحارث الكنانية. Asmaa' أسماءwaxay islaamtay mar hore, waxayna u haajirtay arliga xabashada ayadoo la socota ninkeeda Jacfar bin Abii Dhaalib\جعفر با أبي طالب, halkaas ayayna waxay ugu dhashay Cabdu Allaahi\ عبد هللاiyo Cawn\ عونiyo Muxammad\محمد. Kaddibna waxay u haajirtay Al Madiinah\المدينة. Markaasaa marka Jacfar bin Abii Dhaalib جعفر با أبي طالبlaga dilay ayaa waxaa guursaday Abuu Bakr Al Siddiiq\أبو بكر الصديق, waxayna u dhashay Muxammad bin Abii Bakr Al Siddiiq\محمد بن أبي بكر الصديق. Markaasuu Abuu Bakr أبو بكرka dhintay, waxaana kaddibna guursaday Calii bin Abii Dhaalib\ علي بن أبي طالبoo ay u dhashay Yaxyaa\يحيى, oo aan la isku khilaafsanayn. Asmaa'u waxay walaalo yihiin oo la dhashay Maymuunah bintu Al Xaarith ميمونة بنت الحارث \الهاللية, haweenta Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, iyo Ummu Al Fadl أم الفضل, haweenta Al Cabbaas\العباس, Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, adeerkiis. Waxayna ahaayeen toban gabdhood oo isku hooyo ah. Waxaana la yiri waxay ahaayeen sagaal gabdhood. Walaasheed kalena, oo magaceedu yahay Sulmaa bintu Cumays \سلمى بنت عميس, waxay u dhaxday Xamzah bin Cabdu Sal Mudhalib\حمزة بن عبد المطلب, adeerka Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Asmaa'u\ أسماءwaxay ahayd haweenta dadka ugu xidid kariimsan, oo dumaashiyaalkeed waxaa ka mid ahaa Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, iyo Xamzah حمزةiyo Al Cabbaas\العباس, Allaha dhammaantood raalli ka noqdee iyo ghayrkoodba. Waxaa la wariyay 316 inay Asmaa'u\ أسماءNabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasalla, ku tiri: "Ilmaha Jacfar\ جعفرwaa la ilaystaa dhakhseyna ishu u qabataa ee ma ka qaadaa oo daaweeyaa (waa afa'astarqii lahum|( "?)أفاسترقي لهمwaana Quraan iyo duco Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, laga bartay). Markaasuu wuxuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: "."نعم "Nacam", oo ah "Haa". Walaasheed afaraadna waa Lubaabah Al Sughraa\لبابة الصغرى, Al Kubraa-na\ الكبرىwaa la yiri, waana hooyada dhashay Sayfu Allaahi Al Masluul Khaalid bin Al Waliid bin Al Mughiirah bin Cabdu Allaahi bin Cumar Al Makhzuumii سيف هللا المسلول خالد بن الوليد بن المغيرة بن عبد هللا بن عمر \المخزومي." Tobankaas (ama sagaalkaas) gabdhood oo wada dhashay waa kuwuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka yiri: "."األخوات مؤمنات “Al Akhwaatu mu'minaatun", oo macneheedu yahay: "Gabdhaha walaalaha ahi waa mu'minaat, rumeeyey." Allow u naxariiso oo raalli ka noqo Asmaa'u bintu Cumays\ أسماء بنت عميسiyo walaaleheed. (Shan iyo labaatan) Xaadhibu bin Al Xaarith bin Macmar bin Xabiib bin Wahb bin Xuthaafah bin Jumax bin Camr bin Husays bin Kacb bin Lu'ayy حاطب بن الحارث بن معمر بن حبيب بن وهب بن حذافة \بن جمح بن عمرو بن هصيص بن كعب بن لؤي, iyo haweentiisa: (Lix iyo labaatan) Faadhimah bintu Al Mujallal bin Cabdu Allaahi Abii Qays bin Cabdu Al Wuddi bin Nasr bin Maalik bin Xisl bin Caamir bin Lu'ayy bin Ghaalib bin Fihr فاطمة بنت المجلل بن \عبد هللا أبي قيس بن عبد الود بن نصر بن مالك بن حسل بن عامر بن لؤي بن غالب بن فهر, iyo walaalkiis: (Toddoba iyo labaatan) Khadh-dhaab bin Al Xaarith\ خطاب بن الحارثiyo haweentiisa: (Sideed iyo labaatan) Fukayhah bintu Yasaar\فكيهة بنت يسار. (Sagaal iyo labaatan) Macmar bin Al Xaarith bin Macmar bin Xabiib bin Wahb bin Xuthayfah معمر بن الحارث بن معمر بن حبيب بن وهب بن حذافةbin Jumax bin Camr bin Husays bin Kacb bin Lu'ayy . \بن جمح بن عمرو بن هصيص بن كعب بن لؤي (السائب بن عثمان بن مظعون بنSoddon) Al Saa'ibu bin Cuthmaan bin Mathcuun bin Xabiib bin Wahb . \حبيب بن وهب (Kow iyo soddon) Al Mudhalib bin Azhar bin Cabdi Cawf bin Cabd bin Al Xaarith bin Zuhrah 317 bin Kilaab bin Murrah bin Kacb bin Lu'ayy المطلب بن أزهر بن عبد عوف بن عبد بن الحارث بن زهرة بن كالب \بن مرة بن كعب بن لؤي, iyo haweentiisa: (Labo iyo soddon) Ramlah bintu Abii Cawf bin Subayrah bin Sucayd bin Sacd bin Sahm bin رملة بنت أبي عوف بن صبيرة بن سعيد بن سعد بن سهم بن عمرو بنCamr bin Husays bin Kacb bin Lu'ayy .\هصيص بن كعب بن لؤي (Saddex iyo soddon) Al Naxxaamu\النحام, oo magaciisu yahay Nucaym bin Cabdu Allaahi bin Asiid نعيم بن عبد هللا بن أسيد, una dhashay Banii Cadiyyi bin Kacb bin Lu'ayy\بني عدي بن كعب بن لؤي. Ibnu Hishaam\ إبن هشامwuxuu yiri: "Magaciisu waa Nucaym bin Cabdu Allaahi bin Asiid bin Cabdu Allaahi bin Cawf bin Cubayd bin Cuwayj bin Cadiyyi bin Kacb bin Lu'ayy نعيم بن عبد هللا بن أسيد بن عبد هللا بن عوف بن عبيد بن عويج \بن عدي بن كعب بن لؤي, waxaana Al Naxxaamu\ النحامloogu bixiyey ayadoo uu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: "."لقد سمعت نحمه في الجنة “La qad samictu naxmahu fii al Jannati", oo macneheedu yahay: "Waxaan Jannada dhexdeeda ka maqlay codkiisa" Al Suhaylii\ السهيليwuxuu yiri: "Al naxmu\ النحمwaa qufaac dheer, oo bakhaylkana waxaa la yiraahdaa naxama\ نحمayadoo uu marka wax la weydiiyo qufoco oo uu qufacaas isku mashquuliyo." Afar iyo soddon. Caamir bin Fuhayrah\عامر بن فهيرة Caamir bin Fuhayrah\ عامر بن فهيرة, mawlaha Abii Bakr Al Siddiiq\أبو بكر الصديق, Allaha raalli ka noqdee. Waana isla saxaabiga u adeegayey Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, intuu hijrada ku jiray. Ibnu Hishaam\ إبن هشامwuxuu yiri: "Caamir bin Fuhayrah\ عامر بن فهيرةwaxaa dhalay laba addoon oo ka mid ah kuwa u dhashay Al Asdاألسد, wuxuuna ahaa nin madow, markaasuu Abuu Bakr Al Siddiiq أبو بكر الصديقka gatay". Al Suhaylii\ السهيليwuxuu yiri: "Fuhayrah\ فهيرةwaa hooyadiis oo ah Fihr\ فهرoo la yareeyey, wuxuuna ahaa addoon madow oo uu lahaa Al Dhufaylu bin Al Xaarith bin Sakhrah\الطفيل بن الحارث بن سخرة, waxaana ka gatay Abuu Bakr أبو بكرoo xoreeyey, wuxuuna islaamay ka hor intuusan Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, gelin Daaru Al arqam\دار األرقم. Caamir bin fuhayrah عامر بن فهيرةwaxaa dilay Caamir Al Dhufayl\ عامر الطفيلMaal-inta Bi'ru Macuunah\يوم بئر معونة. Markaasuu markuu waranka geliyey waxaa meeshuu ka geliyey kasoo baxay nuur. Markaas kaddib ayuu Caamir bin Al Dhufayl عامر الطفيلwuxuu oranjiray: 318 "Waa kee ninka markaan waran geliye (oo uu dhintay) Samada kor loogu qaaday ilaa uu dhexdeeda ka galay oo ayba ka soka martay?" Taasina waa riwaayada Al Bakkaa'ii\ البكائيoo uu ka wariyay ibnu Isxaaq\إبن إسحاق. Riwaayada Yuunus bin Bukayr\ يونس بن بكيرoo uu ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقka wariyeyna waxay leedahay inuu Caamir bin Al Dhufayl\ عامر بن الطفيلRasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, weydiiyey, markuu u yimid (oo uu islaamay) oo uu yiri: "Muxammadow (Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam), waa kee ninka asxaabtaada ka mid ah oo markaan waranka geliyey Samada kor loogu qaaday?" Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri: "."هو عامر بن فهيرة "Huwa Caamir bin Fuhayrah", oo ah: "Waa Caamir bin Fuhayrah"عامر بن فهيرة. Hishaam bin Curwah\ هشام بن عروةwuxuu aabihiis ka wariyay inuu Caamir bin Fuhayrah عامر بن فهيرةlaga dhex raadiyay maydka dadka maalintaas la dilay oo laga waayey. Markaasey waxay u arkeen inay Malaa'igtu Samada kor ugu qaaday ama ay duugtay. Waxaa wariyay ibnu Al Mubaarak\إبن المبارك." Waa intaas warka Al Suhaylii\السهيلي. Arrinkaan Caamir bin Fuhayrahna عامر بن فهيرةwuxuu ku xusan yahay Xadiithka afar kun iyo saddex iyo sagaashan ee Al Bukhaarii\البخاري. (Shan iyo soddon) Khaalid bin Saciid bin Al Caas bin Umayyah bin Cabdu Shams bin Cabdu Manaaf bin Qusayy bin Kilaab bin Murrah bin Kacb bin Lu'ayy خالد بن سعيد بن العاص بن أمية بن عبد \شمس بن قصي بن كالب بن مرة بن كعب بن لؤي, iyo haweentiisa: (Lix iyo soddoon) Umaynah bintu Khalaf bin Ascad bin Caamir bin Bayaadah bin Subayc bin Jithcimah bin Sacd bin Mulayx bin Camr أمينة بنت خلف بن أسعد بن عامر بن بياضة بن سبيع بن جثعمة بن \سعد بن مليح بن عمرو, oo Khuzzaacah\ خزاعةu dhalatay." Ibnu Hishaam\ إبن هشامwuxuu yiri: “Waxaa kaloo la yiri inuu magaceedu yahay Humaynah bintu Khalaf\همينة بنت خلف." (Toddoba iyo soddon) Xaadhib bin Camr bin Cabdi Shams bin Cabdu Wudd bin Nasr bin Maalik bin Xisl bin Caamir bin Lu'ayy bin Ghaalib bin Fihr حاطب بن عمرو بن عبد شمس بن عبد ود بن \نصر بن مالك بن حسل بن عامر بن لؤي بن غالب بن فهر. (Sideed iyo soddon) Abuu Xuthayfah\أبو حذيفة, oo magaciisu yahay Mihshamun\مهشم, siduu ibnu Hishaam\ إبن هشامu yiri, bin Cutbah bin Rabiicah bin Cabdi Shams bin Cabdi Manaaf bin Qusayy bin Kilaab bin Murrah bin Kacb bin Lu'ayy بن عتبة بن ربيعة بن عبد شمس بن عبد مناف بن قصي بن كالب بن \مرة بن كعب بن لؤي. 319 (Sagaal iyo soddon) Waaqidu bin Cabdu Allaahi bin Cabdi Manaaf bin Cariin bin Thaclabah bin Yarbuuc bin Xanthalah bin Maalik bin Zayd Manaat bin Tamiim واقد بن عبد هللا بن عبد مناف بن عرين بن ثعلبة بن يربوع بن حنظلة بن مالك بن زيد منات بن تميم, oo reer Banuu Cadiyyi bin Kacb\بني عدي بن كعب axdi la lahaa." lbnu Hishaam\ إبن هشامwuxuu yiri: "Waaqid\ واقدwaxaa keentay (Suuqa) qabiilka Baahilah\ باهلةoo markaasuu Al Khadh-dhaab bin Nufayl\ الخطاب بن نفيلka gatay, oo uu ka wiil yeeshay. Markaasaa markay soo degatay Aayadda shanaad ee Suuradda Al Axzaab\ سورة األحزابoo ka cunug yeelashada xaaraantimeyneysa: "وه ْم ِْلََبائِ ِه ْم ُ " ْاد ُع "Adcuuhum liaabaa'ihim", oo ah: "Ugu yeera kuwaas aabayaalkooda" ayuu wuxuu yiri: "Anigu waxaan ahay Waaqid bin Cabdu Allaahi" واقد بن عبد هللا, siduu u yiri Abuu Camr Al Madanii\"أبو عمرو المدني. (Aafartan) Khaalid bin Bukayr bin Cabdi Yaalayl bin Naashib bin Ghiyarah خالد بن بكير بن عبد ياليل بن ناشب بن غيرة, una dhashay Banii Sacd bin Layth bin Bakr bin Cabdi Manaat bin Kinaanah بني سعد بن ليث بن بكر بن عبد منات بن كنانةxulafada reer Banii Cadiyyi bin Kacb\بني عدي بن كعب, iyo walaalkiis: (Kow iyo afartan) Caamir\عامر, iyo walaalkiis: (Labo iyo afartan) Caaqil\ عاقلiyo walaalkiis: (Saddex iyo afartan) Iyaas\إياس. Afar iyo afartan. Cammaar bin Yaasir\عمار بن ياسر Cammaar bin Yaasir\ عمار بن ياسر, oo reer Banuu Makhzuum bin Yaqthah\ بنو مخزوم بن يقظةaxdi la lahaa." Ibnu Hishaam\ إبن هشامwuxuu yiri: "Cammaar bin Yaasir\ عمار بن ياسرwaa cansiyyun\عنسي, oo qabiilka Cans\ عنسoo Mathxij\مذحج ka tirsan ayuu u dhashay." Cammaar عمارwuxuu u dhashay qabiilka Cans\ عنسee dalka Yaman\ يمنdega. Al Nawawii\ النوويwuxuu yiri: "Cammaar عمارwuxuu ka mid ahaa saabiqiinta\ السابقينislaamka u hormaray, oo isaga iyo aabihiis iyo hooyadiis Sumayyah\ سميةwaxay ka mid ahaayeen kuwa bilawgaba islaamay. Cammaar عمارwaxay isku mar islaameen Suhayb\صهيب, intuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Daaru Al Arqam دار األرقمku jiray, soddon iyo dhawr nin gadaashood. Waxaa 320 Mujaahid\ مجاهدlaga soo wariyay in qofka ugu horreeyey oo islaamnimadiisa muujiya ay ahaayeen Abuu Bakr\ أبوبكرiyo Bilaal\ باللiyo Khabaab\ خبابiyo Suhayb\ صهيبiyo Cammaar\عمار iyo hooyadiis Sumayyah\سمية. Cammaar عمارiyo aabihiis iyo hooyadiis Ilaahay Tacaalaa\ هللا تعالىdaraadiis ayaa loo cathaabi \ عذابjiray. Markuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, soo agmaro ayagoo la cathaabayana wuxuu ku yiraahdaa: ". فإن موعدكم الجنة،"صبرا آل ياسر "Sabraan Aala Yaasir, fa inna mawcidakumu Al Jannah", oo macneheedu yahay: "Reer Yaasirow\ ياسرsabra oo adkeysta, ballankiinuna waa Jannada." Abuu Jahal\ أبوجهلayaana dilay hooyadiis Sumayyah\سمية, oo sidaasay ku tahay Shahiidada ugu horreysey ee islaamka. Cammaar عمارaabihii waa Carab, sidaan usoo sheegnay, hooyadiis Sumayyana\ سميةwaxay ahayd addoon uu leeyahay Abii Xuthayfah bin Abii Xuthayfah bin Al Mughiirah Al Maghzuumii\أبي حذيفة بن أبي حذيفة بن المغيرة المخزومي, kanoo Yaasir\ ياسرaxdi la yeeshay, ayadana uu guuriyey. Markaasey waxay u dhashay Cammaar عمار, markaasuu xoreeyey. Sidaas ay ay mawlihiisa ku yihiin. Cammaar عمارAl Madiinah\ المدينةayuu u haajiray, wuxuuna goob joog ahaa Badr بدرiyo Uxud أحدiyo Al Khandaq\ الخندقiyo mashaahidda\ المشاهدoo idil. Wuxuu ahaa nin madow oo dheer, cirridana aan midabeyn jirin. Waxaa la dilay isagoo ciidanka Imaam Calii\ األمام عليka mid ah, intaan la dilinna wuxuu yiri: "ii keena xoogaa caano ah oo aan cabo, oo waxaan maqlay Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo leh: "."آخر شربة تشربها من الدنيا شربة لبن “Aakhiru sharbatin tashrabuhaa mina al dunyaa sharbatu labanin", oo macneheedu yahay: "Waxa ugu dambeeya oo aaad addunkaan ku cabtid waxaa weeye cantuugo caano ah." Waxay Al Bukhaarii\ البخاريiyo Muslim\ مسلمwariyeen inuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calyhi Wasallam, yiri: "."ويح عمار! تقتله الفئة الباغية “Wayxa Cammaar, taqtuluhu al fi'atu al baaghiyatu", 321 oo macneheedu yahay: "Allaw u naxariiso Cammaar عمار, oo waxaa dilaysa kooxda xadgudubtay (oo gardaran)". Shan iyo afartan. Suhayb bin Sinaan Al Ruumii\صهيب بن سنان الرومي Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: “Suhayb bin Sinaan Al Ruumii\ صهيب بن سنان الرومي, una dhashay qabiilka Al Namri bin Qaasidh bin Rabiicah bin Nizaar\النمر بن قاسط بن ربيعة بن نزار. Ibnu Hishaam\ إبن هشامwuxuu yiri: “wuxuu u dhashay Afsaa bin Ducmiyyi bin Jadiilah bin Asad\أفصا بن جديلة بن أسد. Waxaa kaloo la yiri: Suhayb صهيبwaa mawlaha Cabdu Allaahi bin Judcaan bin Camr bin Kacb bin Sacd bin Taym\عبد هللا بن جدعان بن عمرو بن كعب بن سعد بن تيم. Waxaa kaloo la yiri inuu roomaan yahay. Kuwa yiri wuxuu u dhashay Al Namiri bin Qaasidh النمر بن قاسطwaxay yiraahdeen: arliga ruumaanka wuxuu ku joogay qafaal ahaan, markaasaa halkaas laga soo gatay. Waxaana Xadiithka kusoo arooray inuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: "."صهيب سابق الروم "Suhaybu saabiqu Al Rruumi", oo macneheedu yahay: "Suhayb صهيبwaa kan roomaanka islaamka ugu soo horreeyey." Ibnu Al Athiir\ إبن األثيرwuxuu Usudu Al Ghaabah\ أسد الغابةku yiri: "Hooyadiisna waa Salmaa bintu Qaciid ibnu Mahiis bin Khuzaaciyyi bin Maazin bin Maalik bin Camr ibnu Tamiim\ سلمى بنت قعيد بن مهيس بن خزاعي بن مازن بن مالك بن عمرو إبن تميم, kuniyadiisuna waa Abuu Yaxyaa\أبو يحيى, uuna u bixiyey Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Waxaa Al Ruumii\ الروميloogu bixiyey ayadoo ay ciidammo roomaan ah ay soo qafaaleen isagoo yar, aabihiis iyo adeerkiisna waxay Guddoomiye ka ahaayeen gobolka Al Ubullah \ األبلةee dalka Ciraaq\عراق, ayagoo wakiil uga ahaa Kisraa Boqorka Furus. Degmadooda iyo beesha ay degaanna waxay ku yiilleen jinka wabiga Dijlah \ دجلةmagaalada Al Muusil\ الموصلagagaarkeeda. Waxaa kaloo la yiri waxay beeshoodu saarneyd wabiga Furaat\ فراتee arliga Jaziirada\ الجزيرة. Markaasaa waxaa soo weeraray roomaanka oo Suhayb صهيبqafaashay isagoo yar. Sidaas ayuu wuxuu ugu koray arliga roomaanka. Markaasaa waxaa halkaas ka gadatay qabiilka Kalb \ كلبoo intay Makkah Al Mukarramah\ مكة المكرمةkeeneen ku iibiyey, uuna ka gatay Cabdu Allaahi bin Judcaan Al Taymii\عبد هللا بن جدعان التيمي, oo xoreeyey. Markaasuu la joogay ilaa uu Cabdu Allaahi bin Judcaan صهيبka dhintay. Suhayb صهيبehelkiisa iyo dhashiisa iyo Muscab Al Zubayrii\ مصعب الزبيريwaxay yiraahdeen 322 inuu roomaanka kasoo cararay markuu weynaaday oo uu garaadsaday, oo uu markaas Makkah\ مكةyimid uuna Cabdu Allaahi bin Judcaan عبد هللا بن جدعانxilfi la galay, lana uu joogay ilaa uu ka dhintay. Markaasuu marka Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, lasoo diray uu rumeeyey oo raacay, oo sidaasuu wuxuu ka mid ahaa kuwaa saabiqiinta islaamka ku hormaray. Al Waaqidii\ الواقديwuxuu yiri: "Suhayb صهيبiyo Cammaar\ عمارisku maalin ayay islaameen." Suhayb صهيبwuxuu ka mid ahaa kuwa la taag darraystay oo Makkah\ مكةdhexdeeda lagu cadaabi jiray markay islaameen. Suhayb صهيبwuxuu ahaa kuwaa dadka ugu dambeeya oo Al Madiinah usoo haajiray, wuxuuna lasoo haajiray Calii bin Abii Dhaalib\علي بن أبي طالب, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, bartamaha bisha Rabiicu Al Awwal\ ربيع األولayadoo uu markaas Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Qubaa'\ قباءku sugan yahay oo uusan weli ka baxin, oo uusan Al Madiinah Al Munawwarah\ المدينة المنورةu guurin. Suhayb صهيبmarkuu Makkah\ مكةka haajirayey ayaa waxaa raad raacay koox gaalada ka mid ah. Markaasuu intuu gabooyihiisa fallaaraha ku jiray hortiisa uga soo daadiyey ayuu wuxuu ku yiri: "Ragga Qurayshow\قريش, waad ogsoon tihiin inaad idiinku nishaab badanahay, oo wa Allaahi \ وهللاinaydnaan isoo gaarayn ka hor jeer aan fallaar kasta mid idinka mid ah aan ku dhejiyo. Markaas kaddib ayaan seefteyda idinkula dagaallamayaa, intay gacantayda wax uga haraan. Haddaad waxaad doneysaan maalkeyga uu yahayna waan idiin sheegayaa meeshuu yaallo." Waxay yiraahdeen: "Maalkaagu meeshuu yaallo noo sheeg, adigana waan iska kaa deyneynaa." Sidaas ayayna cahdi ku kala qaateen. Markaasuu u sheegay meeshuu maalkiisu (waana dahab) Makkah\ مكةka yaallo. Markaasu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka daba tegey oo u tegey. Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri: "!ربح البيع أبا يحيى "Rabixa al baycu Abaa Yaxyaa", oo macneheedu yahay: "Ganacsigu waa ribxay, oo laga faaiiday", ayadoo uu maalkiisa uu Diintiisa ku gatay. Markaasaa waxaa kusoo degatay Aayadda laba boqol iyo toddoba ee Suuratu Al Baqarah سورة \البقرة: ِ ِ الن َّ َو ِم َن )217( وف بِاْل ِع َب ِاد ٌ ض ِاة اللَّ ِه َواللَّهُ َرُء َ اء َم ْر َ اس َم ْن َي ْش ِري َن ْف َسهُ ْابر َغ "Wa mina al nnaasi man yashrii nafsahu ibtighaa'a mardaati Allaahi wa Allaahu ra'uufun bi alcibaadi." Aayadda macneheedu waxaa weeye: 323 "Dadkana waxaa ka mid ah mid naftiisa gadaya, isagoo ku doonaya raalli ahaanshaha Ilaahay, Ilaahayna wuu u naxariistaa addoommada." Suhayb \صهيبwuxuu ka qayb galay Badr\ بدرiyo Uxud\ أحدiyo Al khandaq\ الخندقiyo mashaahidda \ المشاهدuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, goob joogga ka ahaa oo idil. Darajadiisa sarreysa wuxuu ku darsaday khuluq fiican iyo kaftan, waxaana la wariyay inuu yiri: "Waxaan Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u imid isagoo Qubaa'\ قباءjooga, ay hortoodana taallo rudhab\( رطبahna timirta qoyan oo markaas geedkeeda laga soo gooyay) iyo timir, aniguna aan daaf qabo. Markaasaan cunay. Markaasuu wuxuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: ""أتأكل التمر وأنت أرمد؟ "Ata'kulu al tamra wa anta armad?", oo macneheedu yahay: "Ma timir ayaad cuneysaa adigoo daafsan?" Markaasaan waxaan iri: "Bal waxaan ku cunayaa nuska (afkiisa) ishayda fiyow (xigta)". Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, qoslay ilaa ay dhoolashiisu ka muuqdaan." Suhayb\ صهيبwuxuu ku dhintay Al Madiinah\ المدينةةsanadka saddex iyo soddon, waxaa kaloo la yiri sagaal iyo soddon isagoo saddex iyo toddobaatan jir ah, waxaana kaloo la yiri toddobaatan jir ah, waxaana lagu duugay Al Madiinah\ المدينةة. Cumar bin Al Khadh-dhaab\عمر بن الخطاب aad ayuu Suhayb\ صهيبu jeclaa, wuxuuna ka dardaarmay, marka la dooxay, inuu Suhayb\صهيب ku tukado, uuna muslimiinta imaam u noqdo tujiya saddex maalmood inta Madaxweynihii isaga ku xigay la dooranayo. Allow u naxariiso Suhayb bin Sinaan Al Ruumii\صهيب بن سنان الرومي. Intaasaan uga baxaynaa warkiisa. Muujinta Islaamka ee Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaabu Calayhi Wasallam, uu tolkiis usoo bandhigay Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: "Intaas kaddib ayuu dadku si is daba joog ah oo xoog leh islaamka usoo galay, rag iyo haweenba, oo uu sidaas islaamku ugu faafay Makkah\ مكةdhexdeeda oo lagu sheekeystay. Markaas kaddib ayuu Ilaahay Cazza wa Jalla\هللا عز وجل, Rasuulkiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, amray inuu daboolka ka qaado oo uu caddeeyo waxa xaqqa iyo baadhilka kala saaraya oo uu xaggiisa ka keenay, iyo inuu dadka u sheego amarkiisa, uuna ugu yeero Ilaahay. Marka uu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, arrinkiisa qariyey oo uu sireeyey, oo uu asturay, ilaa goorta uu Ilaahay Tacaalaa\ هللا تعالىamray inuu muujiyo Diintiisa, waxaa u dhexeysey saddex sano, sida isoo gaartay, laga bilaabo marka lasoo diray. Markaasuu Ilaahay Tacaalaa هللا تعالىwuxuu yiri: 324 ِ )12( ين ْ اص َد ْ َع ِر ْ ع بِ َما رُ ْؤ َم ُر َوأ َ ض َع ِن اْل ُم ْش ِرك ْ َف "Fa asdac bimaa tu'maru wa acrid cani al mushrikiina(94)." Waana Aayadda afar iyo sagaashanaad ee Suuratu Al Xijri\سورة الحجر, macneheeduna uu yahay: "Muujina waxa lagu farayo, oo ah dadka oo lslaamka loogu yeero, iskagana jeeso gaalada(94)", kaddibna ay Aayadda dagaalku nasakhday, waa isaga jeesigee," Wuxuu kaloo Ilaahay Tacaalaaتعالى هللا yiri: ِ ) فَِن عصو َك فَ ُق ْل إِِّني ب ِر217( ض ج َناح َك لِم ِن ارَّبع َك ِمن اْلمؤ ِمنِين ِْ و ) َورََو َّك ْل216( ون َ ُيء م َّما رَ ْع َمل ٌ َ َ ُْ َ َ َ َ َ َ ْ اخف َْ َ ْ َ ِ َعلَى اْل َع ِز )217( الرِح ِيم َّ يز "Wa akhfid janaaxaka limani ittabacaka mina al mu'miniina(215)Fa in casawka faqul innii barii'un mimmaa tacmaluuna(216)Wa tawakkal calaa Al Caziizi Al Rraxiimi(217)". Aayadaha, oo ah kuwa laba boqol iyo shan iyo toban iyo lix iyo toban iyo toddoba iyo toban ee Suuratu Al Shucaraa'\ سورة الشعراءmacnohoodu waxaa weeye: "Una raarici garabkaaga oo u naxariiso cidda ku raacda oo mu'miniinta ah(215)Hadday ku diidaanna, waa gaaladee, waxaad ku tiraahdaa: anigu dambi laawe ayaan ka ahay waxaad falaysaan(216)Waxaadna talo saarataa Lagama adkaadaha Naxariista miiran ah(217)." Tukashada Salaadda Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, iyo asxaabtiisa ee buuraha dhexdooda Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: "Asxaabta Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, markay doonayaan inay Salaadda tukadaan waxay aadi jireen buuraha dhexdooda, halkaasoo ay ku tukan jireen ayagoo salaaddooda tolkooda ka qarinaya. Markaasaa maalin ayadoo uu Sacad bin Abii Waqqaas سعد بن \ أبي وقاصoo ay wehliyaan koox asxaabta Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ay buuraha Makkah\ مكةdhexdooda ku tukanayaan, ayaa waxaa kusoo baxay rag gaalada ka mid ah, Markaasey salaadda ka carqaladeeyeen, ayna ku caayeen waxay sameynayaan. Markaasey dagaallameen. Markaasuu Sacd bin Abii Waqqaas\ سعد بن أبي وقاصwuxuu maalintaas nin gaalada ka mid ah ku dhuftay lafta qalka rati, oo uu sidaas ku dhaawacay. Kaasaa wuxuu ahaa dhiigga ugu horreeyey oo islaamka dhexdiisa lagu daadiyey. Colaadinta gaalada ee Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: "Markuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, tolkiis u muujiyey oo uu islaamka usoo bandhigay, siduu Ilaahay ugu amray, tolkiis kama uusan fogaan, umana ayan jawaabin, ilaa markuu ilaahyadooda ka warramay oo uu ceebeeyey. 325 Markuuse sidaas yeelay, way la weynaatay, wayna colaadiyeen, waxayna ku heshiiyeen inay khilaafaan ayna colaadiyaan. Sidaas ayayna yeeleen, intaan ka ahayn inta islaamtay oo uu Ilaahay islaamka ku ilaaliyey, kuwaanoo tiro yar, isqarinayayna. Adeerkiis, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Abuu Dhaalib\ أبو طالبayaa u qalbi iyo beer jilcay oo daafacay, ayagana ka celiyey. Sidaas ayuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, amarka Ilaahay ugu qumay, isagoo amarkiisa soo bandhigay, ayanna jirin wax taas ka reebaya. Markaasey Qurayshi\ قريشmarkay aragtay inuusan wax ka yeeleyn, ayagana uu dhinac iyo gooni uga baxay, ilaahyadoodiina caayey, adeerkiis Abuu Dhaalibna أبو طالبuu u beer jilcay, kuna hagoogtay oo ay u dhaafi waayeen difaaciisa, una diiday inuu ayaga gacanta u geliyo, ayay colaadiyeen." Kulanka koowaad ee Abuu Dhaalib أبو طالبiyo Quraysh\قريش lbnu lsxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: "Markaasey rag Quraysh\ قريشka mid ihi, oo madaxdooda ka mid ah waxay u tageen Abuu Dhaalibأبو طالب. Raggaas waxaa ka mid ahaa Cutbah bin Rabiicah bin Cabdi Shams bin Cabdi Manaaf bin Qusayy bin Kilaab bin Murrah bin Kacb bin Lu'ayy bin Ghaalib عتبة بن ربيعة بن عبد شمس بن عبد \ مناف بن قصي بن كالب بن مرة بن كعب بن لؤي بن غالبiyo walaalkiis Shaybah\ ;شيبةiyo Abuu Sufyaan bin Xarb bin Umayyah bin Cabdi Shams bin Cabdi Manaaf bin Qusayy bin Kilaab bin Murrah bin Kacb bin Lu'ayy bin Ghaalib bin Fihr أبو سفيان بن حرب بن أمية بن عبد شمس بن عبد مناف بن قصي بن كالب بن مرة بن كعب بن لؤي بن غالب بن فهر.” Ibnu Hishaam\ إبن هشامwuxuu yiri: "Abuu Sufyaan\ أبو سفيانrnagaciisu waa Sakhr\صخر." Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: "Iyo Abuu Al Bakhtariyyu\أبو البختري, magaciisuna waa Al Caas bin Hishaam bin Al Xaarith bin Asad bin Cabdu Al Cuzzaa bin Qusayy bin Kilaab bin Murrah bin Kacb bin Lu'ayy العاص بن هشام بن الحارث بن أسد بن عبد العزى بن قصي بن كالب بن مرة بن كعب بن لؤي." Ibnu Hishaam\ إبن هشامwuxuu yiri: " Abuu Al Bakhtariyyu\ أبو البختريmagaciisu waa Al Caas bin Haashim\العاص بن هاشم." Ibnu Isxaaq إبن إسحاقwuxuu yiri: "Iyo Al Aswadu bin Al Mudhalib bin Asad bin Cabdu Al Cuzzaa bin Qusayy bin KiIaab bin Murrah bin Kacb bin Lu'ayy\;األسود بن المطلب بن أسد بن عبد العزى بن قصي بن كالب بن مرة بن كعب بن لؤي iyo Abuu Jahl\أبو جهل, rnagaciisuna waa Camr\عمرو, waxaana lagu koofaari jiray Abaa Al Xakam \ أبا الحكمoo ah xikmada aabeheed, ibnu Hishaam bin Al Mughiirah bin Cabdu Allaahi bin Cumar bin Makhzuum bin Yaqthah bin Murrah bin Kacb bin Lu'ayy إبن هشام بن المغيرة بن عبد هللا بن عمر بن \ ;مخزوم بن يقظة بن مرة بن كعب بن لؤيiyo Al Waliidu bin Mughiirah bin Cabdu Allaahi bin Cumar bin Makhzuum bin Yaqthah bin Murrah bin Kacb bin Lu'ayy الوليد بن مغيرة بن عبد هللا بن عمر بن \ ;مخزوم بن يقظة بن مرة بن كعب بن لؤيiyo Nubayh iyo Munabbih wiilasha Al Xajjaaj bin Caamir bin Xuthayfah bin Sacd bin Sahm bin Camr bin Husays bin Kacb bin Lu'ayy نبيه و منبه إبني الحجاج بن 326 ;عامر بن حذيفة بن سعد بن سهم بن عمرو بن هصيص بن كعب بن لؤيiyo Al Caas bin Waa'il\العاص بن وائل." Ibnu Hishaam\ إبن هشامwuxuu yiri: "Waa Al Caas bin Waa'il bin Haashim bin Sucayd bin Sahm bin Camr bin Husays bin Kacb bin Lu'ayy\العاص بن وائل بن هاشم بن سعيد بن سهم بن عمرو بن هصيص بن كعب بن لؤي." Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: "Iyo inta kale oo raacday oo la socotay. Markaasey markay u yimaadeen waxay yiraahdeen: "Abuu Dhaalibow\أبو طالب, wiilka walaalkaa dhalay ilaahyadeennii ayuu caayey, diinteennana wuu ceebeeyey, yididiilladeelmana wuxuu ka dhigay mid maangaabnimo, aabayaalkeelma wuu baadiyeeyey. Marka, ama naga jooji oo ha ka haro waxaas uu nagu falayo, ama annaga iyo isaga isaga kaayo dhex bax, maxaa yeelay adigu waxaad ku dul sugantahay diinteelnna, isagaadna tiisa ku khilaafsan tahay, markaas annagaa isaga filnaaneynee." Markaasuu Abuu Dhaalib أبو طالبwuxuu raggaas ku yiri hadal wanaagsan iyo jawaab qabow oo qurxoon oo nabadeed. Markaasey ka gaddoomeen. Kulanka labaad ee Abuu Dhaalib أبو طالبiyo Quraysh\قريش Ibnu lsxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: "Sidaas ayuuna Rasuulka llaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u sii watay wuxuu ku taagnaa, isagoo Diinta Ilaahay soo bandhigaya oo caddeynaya, dadkana ugu yeeraya. Kaddib isaga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, iyo ayaga dhexdooda waxaa kasii dhalatay shar, uuna raggu ku kala tegey, oo uu ku kala fogaaday, iskuna colaadiyey. Qurayshna\ قريشwaxay badisay ka hadalkeeda Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo ay ku wada hadleen, ayna isku booriyeen colaadintiisa iyo colaaddiisa. Markaasey mar labaad Abuu Dhaalib أبو طالبisu raaceen oo ay u tageen, waxayna ku yiraahdeen: "Abaa Dhaalibowأبو طالب, agteenna waxaad ku leedahay da'weyni iyo sharaf iyo madaxtinnimo iyo makaan. Annaguna waxaan kaa codsannay inaad wiilka walaalkaa dhalay naga reebtid, nagamana aadan celin, annaguna wa Allaahi\ وهللاinaanan kan ku sabrayn, isagoo aabayaalkeen caayey, yididiilladeennana ka dhigay mid maangaabnimo, ilaahyadeenana ceebo u yeelay. Waxaan ku weydiisaneynnaa inaad naga celisid, ama aan adiga iyo isaga oo dhinac ah iyo annaga oo dhinac ah dagaallanno, ilaa labada qolo midkood halaagsanto." Ama siday yiraahdeen. Kaddibna way ka gaddoomeen. Markaasaa waxaa Abuu Dhaalib أبو طالب la weynaatay ka go'idda tolkiis iyo colaaddooda, naftiisuna way yeeli weydey inuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ayaga gacanta u geliyo oo uu garabkiisa ka baxo oo uu hoojiyo. 327 Kulanka saddexaad ee Abuu Dhaalib أبو طالبiyo Quraysh\قريش lbnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: "Markay Qurayshi\ قريشwarkaas ku tiri ayuu Abuu Dhaalib أبو طالبRasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u ciddiray, markuu u yimidna uu ku yiri: ، وعلي نفسك، فأبق علي، للذي كانوا قالوا له، فقالوا لي كذا وكذا، إن قومك قد جاؤوني،"يابن أخي ".والتحملني من األمر ما الأطيق “Yaa ibna akhii, inna qawmaka qad jaa’uunii, fa qaaluu lii kathaa wa kathaa, fa abqi calayya wa calaa nafsika wa laa tuxammilnii mina al amri maa laa udhiiqu.” Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Wiilka walaalkeeyow, ragga tolkaa ayaa ii yimid, waxayna igu yiraahdeen sidaas iyo sidaas, oo wuxuu u sheegay waxay ku yiraahdeen. Marka, anigana iiga tur, adiguna isaga tur, hana igu xambaarin waxaanan qaadi karin." Markaasuu Rasuulka llaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu u maleeyey inuu adeerkiis is tusay inuu garabkiisa ka baxo isagoo taageeridiisa kala noqonaya, oo uu ayaga gacanta ka saarayo, uuna garabsiintiisa iyo u hiillintiisa iyo u kicidda difaaciisa uu ka taagdarraaday. Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri: وهللا لو وضعوا الشمس في يميني والقمر في يساري على أن أترك هذا األمر حتى يظهره هللا أو،"يا عم ".أهلك فيه ما تركته "Yaa camm, wa Allaahi law wadacuu al sh-shamsa fii yamiinii wa al qamara fii yasaarii calaa an atruka haathaa al amra xattaa yuth-hirahu Allaahu aw ahlika fiihi maa taraktuhu." Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Adeerow, wa Allaahi وهللاhadday qorraxda midigta ii saari lahaayeen, dayaxana bidixda si aan amarkaan uga tago jeer uu Ilaahay libta iyo guusha i siiyo ama aan anigu anigoo ku dhex jira amarkaan dhinto, yeeli mayo oo ka tegi mayo." Kaddibna Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuu booyay, oo ay ilmadu hoortay. Kaddibna fadhiguu ka kacay. Markaasuu markuu gaddoomay si uu u baxo, ayuu Abuu Dhaalib أبو طالبu yeeray, kuna yiri: ، فقل ما أحببت، "اذهب يا ابن أخي: فقال- فأقبل عليه رسول هللا صلى هللا عليه وسلم- : قال،""أقبل يا ابن أخي ".فوهللا ال أسلمك لشيئ أبدا “Aqbil yaa ibna akhii: ith-hab yaa ibna akhii, fa qul maa axbabta fa wa Allaahi laa usallimuka li shay’in Abadan.” 328 Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Kaalay wiilka walaalkeeyow." Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, kusoo noqday. Markaasuu Abuu Dhaalib أبو طالبwuxuu ku yiri: "Soco, wiilka walaalkeeyow, oo wa Allaahi وهللاinaanan ebedkey cidna kuu dhiibeyn oo gacantooda ku gelineyn." Kulanka afaraad ee Abuu Dhaalib أبو طالبiyo Quraysh\قريش Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: "Markaasey Qurayshi\ قريشmarkay ogaatay inuusan Abuu Dhaalib أبو طالبRasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, hillintiisa iyo difaaciisa ka noqoneyn oo uusan garabkiisa ka baxayn si loo hoojiyo, uuna diiday inuu ayaga gacanta u geliyo, uuna goostay inuu taas daraadeed ayaga ka go'o oo uu colaadiyo, way u tageen, ayagoo wada ninka la yiraahdo Cumaarah bin Al Waliidu bin Al Mughiirah\عمارة بن الوليد بن الغيرة, waxayna ku yiraahdeen, sida isoo gaartay: "Abuu Dhaalibow أبو طالب, kani waa Cumaarah bin Al Waliid\عمارة بن الوليد, waana ninka Quraysh\ قريشugu xoog badan, uguna quruxsan ee isaga qaado, adigaana iska leh diyadiisa iyo hiilkiisaba, wiilna ka dhigo oo adigaa iska leh, annagana waxaad gacanta noo soo gelisaa wiilkaan walaalkaa dhalay oo diintaada khilaafay oo ka leexday iyo diinta aabayaalkaagii hore, midnimada tolkaana kala firdhiyey, yididiiladoodana xumeeyey, si aan u dilno, oo waa nin nin kale la dhaafsaday." Markaasuu wuxuu yiri: "Wa Allaahi وهللاwax xun ayaad igu malayseen oo aad ila dooneysaan. Ma waxaad i siineysaan wiilkiinna si aan cunno idiinku siiyo oo u koriyo, aniguna waxaan idin siiyaa wiilkeyga si aad u dishaan? Wa Allaahi وهللاinayan taasu weligeed ahaaneyn." Markaasu Al Mudhcimu bin Cadiyyi bin Nawfal bin Cabdu Manaaf bin Qusayy المطعم بن عدي بن \ نوفل بن عبد مناف بن قصيwuxuu yiri: "Wa Allaahi وهللاAbaa Dhaalibow أبو طالب, tolkaa way kuu garsooreen, waxayna ku dadaaleen inay kaa duwaan waxaad kahato, umase jeedo inaad waxna ka oggolaaneysid." Markaasuu Abuu Dhaalib أبو طالبwuxuu Mudhcim\ المطعمku yiri: ". فاصنع ما بدا لك، ولكنك قد أجمعت خذالني ومظاهرة القوم علي،"وهللا ما أنصفوني “Wa Allaahi maa ansafuunii, wa laakinnaka qad ajmacta khathlaanii wa muthaahirata al qawma calayya, fa isnac maa badaa laka.” Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: 329 "Wa Allaahi وهللاinayan ii garsoorin, laakiin adigu waxaad goosatay inaad ragga ugu hiillisid hoojinteyda, ee waxaad doontid fal." Ama siduu yiriba. Markaasuu arrinku kululaaday oo xarbi la isku diyaariyey, ragguna uu kala fogaaday oo is colaadiyey, colaadana isku muujiyey." Ku ololeynta muslimiinta Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: "Kaddib Qurayshi\ قريشwaxay ku ololeysey kuwa qabaa'ilkooda ka midka ah o islaamay oo asxaabta Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, noqday. Markaasuu qabiil walba ku booday oo weeraray kuwa muslimiinta ah oo ku jira, oo ay cathaabaan, ay diintoodana ka fitneeyeen si ay uga baxaan. Ilaahayna wuxuu Rasuulkiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku ilaaliyey Abuu Dhaalib أبو طالب, isagoo uu Abuu Dhaalib أبو طالبmarkuu arkay wax ay Qurayshi\ قريشfaleyso, reer Banuu Haashim\ بني هاشمiyo reer Al Mudh-dhalib\ بني المطلبisugu yeeray, uuna ku amray inay Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, gaashaan u noqdaan aan loo soo dhaafi karin, siduu isaga laftiisu ugu yahay oo kale. Markaasey sidaas ku heshiiyeen oo ay u goosteen, ayna la safteen, kana yeeleen wuxuu ugu yeeray, intaan aka ahayn Abuu Lahb\أبو لهب, cadawga Ilaahay oo malcuunka ah. Markaasuu Abuu Dhaalib أبو طالبmarkuu tolkiis ka arkay wax farax geliyay, o ah go'aankooda inay heegan u yihiin, una beer jilceen difaaca Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ayuu ammaanay, xusayna aabayaalkoodii hore iyo fadliga Rasuulka llaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, iyo makaankuu dhexdooda ku leeyahay, isagoo xoojinaya amarkooda iyo amarkiisa, iyo inay u beer jilceen." Gabay ayuuna halkaas ka tiriyey: فعبد مناف سرها وصميمها ففي هاشم أشرافها وقديمها علينا فلم تظفر وطاشت حلومها إذا ما ثنوا صعر الخدود نقيمها ونضرب عن أجحارها من يرومها بأكنافنا تندي وتنمي أرومها إذا اجتمعت يوما قريش لمفخر.1 فإن حصلت أشراف عبد منافها.2 تداعت قريش غثها وسمينها.3 وكنا قديما النقر ظالمة.4 ونحمي حماها كل يوم كريهة.5 وإنما،بنا انتعش العود الذواء.6 1.Ithaa ijtamacat yawman Qurayshun li mafkharin\fa Cabdu Manaafin sirruhaa wa samiimuhaa 2.Fa ithaa xussilat ashraafu Cabdi Manaafihaa\fafii Haashimin ashraafuhaa wa qadiimuhaa. 3.Tadaacat Qurayshun ghath-thuhaa wa samiinuhaa\calaynaa fa lam tathfar wa dhaashat xuluumuhaa. 4.Wa kunnaa qadiiman laa nuqirru thulaamatan/ithaa maa thanaw sucra al khuduudi nuqiimuhaa. 5.Wa naxmii ximaahaa kulla yawmin kariihatin\wa nadribu can ajxaarihaa man yaruumuhaa. 6.Binaa intacasha al cuudu al th-thawaa’u, wa innamaa\bi aknaafinaa tandaya wa tanmii uruumuhaa. Tixaha macnohoosu waxaa weeye: 1.Hadday Qurayshi maalin isugu timaaddo inay qabaa’ilkoodu isku faanaan\Cabdu Manaaf ayaa 330 ugu laan dheereysan uguna xoog badan. 2.Marka Cabdi Manaaf la soo qaadana\madaxdooda iyo kuwooda ugu qadiimsan waxay ku jiraan Haashim. 3.Qurayshu waxay isu yeeratay jilbohooda taagta daran iyo kuwooda buuranba/wayna isugu kaa tageen, mana ayan guulaysan, yididiilladeediina iyo waxay doonayaa way ka duuleen oo waayeen. 4.Annagu waagi horena ma oggolaan jirin dulmiga\Markay dhabannadooda kibir la jeediyaanna waa toosinaynnaa. 5.Waanna difaacaynnaa xaramkeeda maalinta la kahanayo\guryeheedana waa daafacaynnaa marka lasoo weeraro. 6.Geedka baaliyoobay annaguu nagu noolaadaa, wuxuuna\ay biyo ka buuxsamaan oo uu ku koraa annaga daraadeen. Mawqifka Al Waliidu bin Al Mughiirah\ الوليد بن الغيرةee Quraanka\القرآن Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: "Waxaa Al Waliidu bin Al Mughiirah\ الوليد بن الغيرةagtiisa isugu yimid, isagoo agtooda makaan iyo madaxtinnimo iyo da' weyniba ku lahaa, rag Quraysh \ قريشah, ayadoo markaas muusimka Xajka la joogo. Markaasuu wuxuu raggaas ku yiri: "Ragga Qurayshow\قريش, waxaa la gaaray waqtiga Xajka, waxaana soo cocda oo idiin imaanaya wufuudda Carabta, ayagoo saaxiibkiinnaan -uuna ka wado Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam- warkiisa maqlay. Marka hal ra'yi ku heshiiya oo aad ku tiraahdaan, oo intaad aragtiyo kala duwan ka bixisaan adinku ha is khilaafina, yuusan qaarkiinna qaarka kale beenin, oo ay hadalladiinna qaarkood qaarka ka horyimaadaan." Waxay yiraahdeen: "Hadaba adigu, Cabdi Shams aabihiisow\با أبا عبد شمس, dheh oo ra'yi keen aan Carabta ku niraahno." Wuxuu yiri: "Mayee, bal adinku ra'yi keena, aniguna waan idin dhegeysanayaa." Waxay yiraahdeen: "Waxaan leennahay waa kaahin, oo ah faaliye." Wuxuu yiri: "Wa Allaahi\ وهللاmaya inuusan kaahin ahayn. Kuhaanta waa naqaannaa oo aan aragnay, isaguna kuhaanta hoos u hadliddooda iyo nuunaaskooda daciifka ah ma laha iyo hadalladooda isku miisaaman." Waxay yiraahdeen: "Hadaba waxaan leenahay wuu waalanyahay." Wuxuu yiri: "Maya, oo ma waalna, o dadka waalan waan aragnay oo naqaannaa, isaguna sidoodoo kale hadalka ku ceegsami mayo, firgashadooda iyo guryankooda iyo hoos u hadalkooda midna ma laha." 331 Waxay yiraahdeen: "Waxaan leenahay waa gabayaa." Wuxuu yiri: "Gabayaa ma uusan aha, oo gabayada anwaacdooda oo idil waa naqaannaa iyo miisaankoodaba." Waxay yiraahdeen: "Waxaan leenahay waa saaxir." Markaasuu wuxuu yiri: "Isagu saaxir ma ah, oo waan aragnay oo naqaannaa kuwa wax sixra iyo sixirkoodaba, isaguna ma laha wax tuftufiddooda iyo wax guntintoodaba." Waxay yiraahdeen: "Hadaba, Cabdu Shams aabihiisow\ أبا عبد شمس, maxaan niraahnaa?" Wuxuu yiri: "Wa Allaahi وهللاhadalkiisu -wuxuuna ka wadaa Quraanka Kariimka macaan, oo asalkiisu, waa jirriddiisee, waa geed timireed, (oo siduu macneeyey waa xoog badan yahay oo uu sugan yahay), faraciisuna waa siduu Al Suhaylii\ السهيليu macneeyey waa macaanka markay timirtu taalla ay bislaato)." ah- wuxuu leeyahay Al Suhaylii\ السهيليu macaan yahay (oo ah geedka laamihiisa ku Ibnu Hishaam\ إبن هشامwuxuu yiri: "Waxaa la yiraahdaa oo kale: "Asalkiisu la ghadhaqun\( "لغدقoo siduu Al Suhaylii\ السهيليku macneeyey ah biyaha badan, oo sidaasaa nin ka mid ah adeerrada Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, loo oran jiray Al Ghaydaaqu\الغيداق, looguna bixiyey deeqsinnimadisa iyo siday u badnaayeen wuxuu bixin jiray. Ninka candhuuf tufidda badanna waxaa la yiraahdaa ghaydaqa al rajulu\غيدق الرجل, oo ah candhuuf tufiddiisa ayaa badatay). Al Waliidu bin Al Mughiirah\ الوليد بن المغيرةoo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri: "Mid ka mid ah intaasoo idil haddaad tiraahdaanna waxaa la ogaanayaa inuu warkiinnu been yahay. Hadalka ugu dhow inaad ku tilmaantaanna waa inaad tiraahdaan waa saaxir, oo wuxuu la yimid sixir uu ku kala geynayo ninka iyo aabihiis, iyo ninka iyo walaalkiis iyo ninka iyo haweentiisa iyo ninka iyo cashiiradiisa, oo ah tolkiis." Taas ayayna qaateen oo ay fadhigaas kula kala tageen. Markaasey waxay dadka Carabta ah oo Xajka u yimid u fariisteen jidadka Makkah\ مكةsoo gala oo idil, oo qofka soo marana waxay uga digi jireen Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, arrinkaas ay ku heshiiyeenna way u sheegi jireen." Quraanka Al Waliidu bin Al Mughiirah\ الوليد بن الغيرةkasoo degay Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: "'Fadhigaas dabadiis wuxuu Ilaahay Tacaalaa Al Waliidu bin Al Mughiirah\ الوليد بن الغيرةkasoo dejiyay Aayadaha kow iyo toban ilaa shan iyo labaatan ee Suuratu Al Mudath-thir\سورة الدثر: ِ ) ثَُّم12( يدا ً ت لَهُ َم ً ت لَهُ رَ ْم ِه ً ُين ُشه ً اَل َم ْم ُد ً ت َو ِح ُ ) َو َمهَّ ْد13( ودا ُ ) َو َج َعْل11( يدا ُ َذ ْرنِي َو َم ْن َخلَ ْق َ ) َوَبن12( ودا َّ ف ْ َي َ ) فَقُرِ َل َك ْي18( ) إَِّنهُ فَ َّك َر َوقَ َّد َر17( ودا ً ص ُع ً ِان ِْلََيارَِنا َعن َ َن أ َِز ْ ط َمعُ أ َ ) َكًل إِنَّهُ َك17( يد َ ُ) َسأ ُْرِهقُه16( يدا 332 ال إِ ْن َه َذا َ َ) فَق23( اسرَ ْك َب َر َ ) ثَُّم قُرِ َل َك ْي11( قَ َّد َر ْ ) ثَُّم أ َْد َب َر َو22( ) ثَُّم َع َب َس َوَب َس َر21( ) ثَُّم َنظَ َر21( ف قَ َّد َر .)27( ) إِ ْن َه َذا إِ ََّل قَ ْو ُل اْل َب َش ِر22( إِ ََّل ِس ْحٌر ُي ْؤثَُر "Tharnii wa man khalaqtu waxiidan(11)Wa jacaltu labu maalan mamduudan(12)Wa baniina shuhuudan(13)Wa mahhadtu lahu tamhiidan(14)Thumma yadhmacu an aziida(15)Kallaa innahu kaana li aayaatinaa caniidan(16)Sa urhiquhu sacuudan(17)Innahu fakkara wa qaddara(18)Faqutila kayfa qaddara(19)Thumma qutila kayfa qaddara(20)Thumma nathara(21)Thumma cabasa wa basara(22)Thumma adbara wa istakbara(23)Faqaala in haathaa illaa sixrun yu'tharu(24)In haathaa illaa qawlu al bashari(25)." Aayadaha macnohoodu waxaa weeye: "Isu kaaya daaya Aniga iyo midkaan abuuray isagoo keligiis ah(11)Aanna u yeelay maal badan(12)Iyo wiilal Makkah\ مكةgoobjoog ka ah(13)Aanna rizqiga u waasiciyay(14)Oo hadana damcaya inaan usii badiyo(l5)Sidaas uu doonayo ma ah, oo isagu wuxuu diiday aayaadkeenna(16)Waxaan ku cadaabaya cadaab adag(17)Isagu wuu fakaray, waxbuuna goostay(18)Lacnad korkiisa ha ahaatee sideebuu uu u goostay wuxuu Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, iyo Quraanka ka oran lahaa(l9) Lacnad korkiisa ha ahaatee sideebuu uu u goostay wuxuu Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, iyo Quraanka ka oran lahaa(20)Kaddibna wuxuu fiiriyey wuxuu Quraanka ku celin lahaa(21 )Kaddibna wajiguu kaduuday oo uu aruuriyey(22)Markaasu dib u jeestay oo uu is kibriyey(23)Markaasuu yiri: Quraankaanu ma aha waxaan sixir ahayn lasoo guuriyey oo sixirka ka warramaya(24)Kani ma aha waxaan hadal dad ahayn(25)." Ibnu lsxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: "Ilaahay Tacaalaa wuxuu Rasuulkiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, kusoo dejiyay iyo raggii Al Waliidu bin Al Mughiirah\ الوليد بن المغيرةla joogay oo hadalka u hindisay Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, iyo waxay Quraanka ku tilmaameen Aayadaha sagaashan iyo labo iyo sagaashan iyo saddex iyo sagaashan ee Suuratu Al Xijri\سورة الحجر: ِ ْ ِّك لََنسأَلََّنهم أ ِ ِ ) الَِّذين جعلُوا اْلقُ آر11( َكما أ َْن َزْل َنا علَى اْلم ْقرَ ِس ِمين ) َع َّما َك ُانوا12( ين َ َ َج َمع َ َن عض َ ْ َ ََ َ ْ ُ ْ َ ) فَ َوَرب11( ين ُ َ )13( ون َ َُي ْع َمل "Kamaa anzalnaa calaa al muqtasimiina(90)Allathiina jacaluu Al cidiina(91)Fawa Rabbika lanas'alannahum ajmaciina(92)Cammaa yacmaluuna(93)." Aayada macnohoodu waxaa weeye: Qur'aana kaanuu "Sidaan ugu soo dejinnay cadaab kuwii isku dhaarsaday (dhibidda xaqqa)(90)Ee ka yeelay Quraanka qaybo(91)Rabbigaa ayaan ku dhaartaye waa la weydiinayaa dhammaantood(92)Waxay falayeen(93)." 333 Warka Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo dalalka Carabta ku faafay Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: "Raggaas Al Waliidu bin Al Mughiirah\ الوليد بن المغيرةla shiray hadalkaas ayay Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku tilmaameen, ayna u sheegeen dadkay la kulmaan oo Xajka u yimid. Sidaas ayuu dadkii Carabta ahaa ee Makkah\ مكةXajka u yimid waxay dalalkooda dib ugu laabteen ayagoo xogogaal u noqday amarka Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo sidaasuu warkiisu dhammaan dalalka Carabta ugu faafay." Sidaas ayuu Kitaabkii noogu dhammaaday, wa al xamdu li Allaahi Rabbi al caalamiina wa Sallaa Allaahu calaa Sayyidinaa wa Mawlaanaa Muxammadin wa calaa Aalihi wa Saxbihi Wasaallam tasliiman kathiiran. 334 Taxanaha Siirada Nabi Muxammad Sallaa Allaa hu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam (Saddex iyo Toban) Hijrada Arliga Xabashada الهجرة إلى الحبشة Waxaa dhigay Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan 335 Tusmada Kitaabka Mawduuca Bogga 1. Tusmada kitaabka 337 2. Araarta dhigaha kitaabka 337 3. Abuu Dhaalib oo nasabkiisa iyo wiilka walaalkiis dhalay ku faanaya 338 4. Amarka Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam oo faafay 331 5. Xakiim bin Umayyah oo diiday colaadinta Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam 331 6. Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam dhibkuu tolkiis kala kulmay 321 7. Islaamidda Xamzah 322 8. Xamzah 322 9. Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam iyo Cutbah bin Rabiicah 327 10. Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam iyo Quraysh waxa dhex maray 371 11. Abuu Jahl iyo dhagaxiisa 372 12. Colaadda Al Nadru bin Al Xaarith 377 13. Wafdiga Quraysh ee yuhuudda Al Madiinah 371 14. Imtixaanidda Quraysh ee Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam 361 15. Warka ragga la waayay 362 16. Asxaabu Al Kahfi wa al rraqiimi 362 17. Kasoo kicidda hurdada 367 18. Intay hurdeen 367 19. Tirada raggaas 366 20. Thuu Al Qarnayn 367 21. Darbiga celinaya Ya'juuj iyo Ma'juuj 361 21. Sida ummadda Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam loo gumaadayo 361 22. Furashada boqortooyada roomaanka iyo boqortooyada Faaris 371 23. Duullaanka Al Axzaab, Salmaan iyo Dhagaxa wayn 373 22. Al Sayuudhii iyo Dr. Muxammad Cabdu Al Wahhaab: al xabashah 377 27. Darbiga celinaya Y’ajuuj iyo M’ajuuj: Quraanka Kariimka ah 377 26. Sunnada Carfoon 381 27. Sidee buu u ekaa radmigu? 387 28. Waa kuwee kuwa carabta halaagay oo aan indheheenna ku aragnay? 388 21. Yey yihiin Y’juuj iyo M’ajuuj? 311 31. Xamdi bin Xamzah Al Suraysirii Al Juhanii 311 31. Ancient Horse Men of Siberia 313 32. The Indo-European Migratin 313 33. Imran N. Hosein 317 32. Mohamed Abu Al ‘Ala Al Maududi 211 37. Ilaahay Tacaalaa ayaa Y’ajuuj iyo M’ajuuj halaagaya 212 36. Dagaalka way nee muslimiinta iyo NATO 217 37. Fiicnaanta degidda Al Shaam 217 38. Saacaddu kici mayso jeer uu Ciise dilo Dajjaalka 218 31. Carabnimada Ciise 211 21. Yaraanta carabta zamankaas 211 21. Kharaabidda hubka, qalabka is gaarsiinta iyo gaadiidka zamankaas 211 22. Siduu iyo goortuu Ilaahay Cazza wa Jalla Y’ajuuj iyo M’juuj halaagayo 212 23. Masjidu Al Amawii iyo Minaaradda Ciise 416 336 44. Muslimiinta dabadood: kuwuu qiyaamuhu kuu dhacayo 25. Ruuxa 26. Qaadidda buuraha Makkah 27. Naftaada wax u qabo 28. Ilaahay na hor keen aan aragnee 29. Al Rraxmaanu 50. Maal ayaan kuu uruurinaynnaa 51. Xaasidnimada gaalada iyo u quuri waagooda 72. Malaa'igta Naarta 73. Meel dhexaad 74. Saxaabiga ugu horreeyey oo Quraanka kor u akhriya 75. Ragga gaalada ah oo akhrinta Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam dhegeystay 76. U quuri waaga Abuu Jahl 77. Akhrinta Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam 78. Siday gaaladu muslimiinta taagta daran u colaadisay 79. Bilaal 60. Dadkuu Abuu Bakr gatay oo xoreeyey 61. Abuu Bakr Al Siddiiqu iyo aabihiis 62. Fitnada kuwa la cathaabay 63. Hishaam oo diiday in walaalkiis Al Waliidu la dilo 64. Hijrada Al Xabashah 65. Al Sayudhii: al xabashah 66. Ibnu Xajar: Al Xabashah 67. Drs. Saamiyah: Ethiopia 68. Encyclopedia Brittaannica: Tigre iyo Amhara 69. Cabirrada dhulka amxaarada 70. Siday diinta krishtaanku arliga amxaarada ku timid 71. Boqortooyinka toddobada ah ee muslimiinta 72. Magaaladay degeen Muhaajiriintu 73. Sarreeye Guud Maxammad Caliu Samantar: amxaaroiyo Ximyar 74. Hijrada Koowaad ee Al Xabashah 75. Dekadday Muhaajiriintu ka dhoofeen iyo ijaarka doonyaha 76. Asxaabta Hijrada koowaad ee Al Xabashah 77. Taariikhda Hijrada koowaad ee Al Xabashah 78. Dekadday Muhaajiriinta koowaad ka degeen: Zaylac ee Soomaaliya 79. Hijrada labaad ee Al Xabashah 80. Tirada inta Al Xabashah u haajirtay 81. Wafdigay Quraysh u dirtay amxaarada soo celinta Muhaajirinta 82. Wada hadalka Muhaajiriinta iyo Al Najaashiyyu 83. Muhaajiriinta iyo guusha Al Najashiyyu 84. Siduu Al Najaashiyyu boqor u noqday 85. Islaamidda Al Najaashiyyu iyo janaazadiisa 86. Al Najaashii 416 423 424 424 427 428 428 429 429 431 431 432 433 434 435 435 438 443 444 445 446 446 448 448 449 449 450 450 450 451 452 452 453 454 455 456 466 466 468 473 474 477 479 337 Bismi Allaahi Al Rraxmaani Al Rraxiimi Araarta dbigaba kitaabka بسم هللا الرحمن الرحيم Araarta dhigaha kitaabka الحمد هلل رب العالمين والثناء هلل وصلى هللا على سيدنا وموالنا محمد وعلى أله الطيبين الطاهرين وسلم تسيلما كثيرا كلما أما بعد،ذكره الذاكرون وغفل عن ذكره الغافلون Kitaabkaan “Hijrada arliga Xabashada”, oo ka kooban afar iyo sideetan qaybood, waa kan saddex iyo tobanaad ee Taxanaha Siirada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Maraajicda dib loogu noqon karana waa kutubbada Tafsiirka Quraanka, gaar ahaan Tafaasiitka Al Baghawii\البغوي, Al Qurdhubii\القرطبي, Al Aluusii\األلوسي, iyo kutubbada Xadiithka oo lagu kalsoon yahay sida Bukhaarii\البخاري, Muslim\ مسلمiyo Axmad\ أحمدiyo Sunanka; Kutubbada Siirada sida Ibnu Hishaam\( سيرة إبن هشامoo dhintay laba boqol saddex iyo toban sanadka Hijriga), Al Rawdu Al Unuf\ الروض األنفee Al Suhaylii\( السهيليoo dhintay shan boqol kow iyo sideetan ee sanadka Hijriga), Sharxu Al Callaamah Al Zarqaanii (dhintayna kun iyo boqol iyo labo iyo labaatan Hijriga) calaa Al Mawaahibu Al Laduniyyah bi Al Minaxi Al Muxammadiyyah\ شرح العالمة الزرقاني على المواهب اللدنية بالمنح المحمديةee Al Qasdhalaanii\القسطالني (oo la oofsaday sanadka sagaal boqol iyo saddex iyo labaatanka Hijriga) iyo Siyaru Aclaami Al Nubalaa'i سير أعالم النبالءay xaashiyadiisana uu ku daabacan yahay kitaabka kale ee la yiraahdo Ixkaanmu Al Rijaali min Miizaani Al Ictidaali Fii Naqdi Al Rijaali احكام الرجال من ميزان اإلعتدال في \ نقدالرجالoo labadoodaba uu allifay ee Imaam Al Thahabii \األمام الذهبي, oo la oofsaday sanadka toddoba boqol iyo sideed iyo afartan Hijriga ayna daabacday Daaru Al Fikri ee Bayruut \درا الفكر arliga Lubnaan, iyo Usudu Al Ghaabah\ أسد الغابةuuna allifay Ibnu Al Athiir\إبن األثير, oo la oofsaday sanadka lix boqol iyo soddon ee Hijrada, iyo Cabdul Xamiid Jawdah Al Saxxaar عبد \الحميد جودة السحار, iyo Adhlasu Al Siirati Al Nabawiyyati\ أطلس السيرة النبويةee Dr. Shawqii abuu Khaliil\د\شوقي أبو خليل. Tafsiirka af Soomaaligana waxaan in badan ka qaatay Kitaabka uu tarjumay Sheekh Maxmuud Maxamad Cabdi Allaha dambigiisa dhaafee. waxaanna Ilaahay ka baryayaa inuu iga aqbalo, qofka akhristana uu ku anfaco, ajarkiisana uu aniga iyo labadii i dhashay u nasiiyo. Waxaa dhigay midka naxariista iyo dambi dhaafka llaahiis faqirka u ah: Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, Woonsocket, Rhode Island, USA. Maalin axad ah, afar iyo labaatanka Bisha Jamaadu Al Aakhir\ جماد اآلخرee sanadka kun iyo afar boqol iyo lix iyo labaatanka Hijriga, una dhigantah kow iyo soddonka Luulyo laba kun iyo shan Miilaadiga . 338 Abuu Dhaalib\ أبوطالبoo ku faanaya nasabkiisa iyo wiilka walaalkiis Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: "Markuu amarka Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, dalalka Carabta ku faafay, ayuu Abuu Dhaalib\ أبوطالبwuxuu ka baqay inay Carabtu ku biirto colaadinta tolkiis ee Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calyhi Wasallam, oo ay sidaas ku wada colaadiyaan. Markaasuu wuxuu tiriyay gabay uu colaaddaas Xaramka Makkah\ حرم مكةuga magan gelayo, uuna ku sheegayo makaankiisa uu isaga laftiisu Makkah\ مكةku leeyahay, uuna kusoo jiidanayo quluubta tolkiis iyo madaxdoodaba. Isla markaasna wuxuu gabaygaas ayaka iyo ghayrkoodba ugu sheegayaa inuusan isagu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ayaga gacanta u gelineyn, uusanna sina uga tegeyn weligiis, uuna diyaar u yahay inuu difaaciisa ku dhinto. Gabaygaasu wuu dheer yahay oo afar iyo sagaashan bayt ayuu ka kooban yahay. Labada bayt ee toddoba iyo sideed iyo soddon, isagoo tilmaamaya Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu ku yiri: ثمال اليتامى عصمة لألرامل فهم عنده في رحمة وفواضل وأبيض يستسقى الغمام بوجهه.37 يلوذ به الهالك من آل هاشم.38 37. Wa abyada yustasqaa al ghamaamu bi wajhihi thimaala/al yataamaa cismatan lilaraamili. 38. Yaluuthu bihi al hullaaku min Aali Haashimi /fahum cindahu fii raxmatin wa fawaadili. Labada tixood macnohoodu waxaa weye: 37. Waa cadyahay oo waa gob, wajigiisa ayaana lagu roob doonaa oo roob lagu helaa/wuxuuna u qumaa u gargaaridda agoonta wuxuuna gaashaan u yahay uuna taageera haweenka garoobka ah. 38. Waxaa ku hareereysan ragga reer Banii Haashim\ بني هاشمoo u dhimanaya difaacaiisa/isagoo ayaga u ah nicmo, naxariis iyo deeq. Ibnu Hishaam\ إبن هشامwuxuu yiri: "Dadka Al Madiinah\ المدينةdeggan ayaa abaari haleeshay, markaasey Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u yimaadeen oo ay u eed sheegteen. Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, minbarka fuulay oo uu u roob doonay. Markaasaa isagoo, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, meeshiisa ku sugan ayaa roob xoog leh yimid. Markaasaa waxaa u yimid, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, dadka hareeraha magaalada deggan oo uga eed sheegtay inay biyaha badnidoodu hafajiyeen. Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri: "."أللهم حوالينا وال علينا "Allaahumma xawaalaynaa wa laa calaynaa", oo macnihiisu yahay: "Ilaahayow, hareereheenna ku di'i ee korkeenna maya." 339 Markaasey daruuruhu Al Madiinah\ المدينةka faydmeen oo ay hareereheeda ku wareegsameen sida fara gashi oo kale. Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri: "."لو أدرك أبو طالب هذا لسره "Law adraka Abuu Dhaalib haathaa lasarrahu." Xadiithka manihiisu waxaa weeye: "Hadduu Abuu Dhaalib\ أبوطالبaninkaan soo gaari lahaa maanta wuu ku farxi lahaa." Markaasuu nin asxaabtiisa ka mid ihi wuxuu yiri: "Rasuulka Ilaahayow, Sallaa Allaahu CaIayhi Wasallam, waxaad mooddaa inaad u dan leedahay: " 38. Waa cadyahay oo waa gob, wajigiisa ayaana lagu roob doonaa oo roob lagu helaa/wuxuuna u qumaa u gargaaridda agoonta wuxuuna gaashaan u yahay uuna taageera haweenka garoobka ah. 38. Waxaa ku hareereysan ragga reer Banii Haashim\ بني هاشمoo u dhimanaya difaacaiisa/isagoo ayaga u ah nicmo, naxariis iyo deeq." Markaasuu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri: "."أجل “Ajal", oo ah "Haa". Amarka Rasuulka, Sallaa Allaahu Calyhi Wasallam, oo faafay Ibnu Hishaam\ إبن هشامwuxuu yiri: "Markuu amarka Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Carabta dhexdeeda ku faafay, oo uu dalalkooda gaaray, ayuusan jirin qabiil Carbeed oo amarka RasuuIka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, uga cilmi badan qabiilkaan Aws\ األوسiyo Khazraj\الخزرج. Taasina waxay sidaas ku ahaatay inay ka maqli jireen culummada yuhuudda, oo ay xilfi la lahaayeen, dalkana la degganaa, waana Al Madiinah Al Munawwarah\المدينة المنورة. Markaasaa markuu amarkiisu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Al Madiinah\ المدينةlooga sheekeystay oo la xusay, ayna ku sheekeysteen khilaafka dhex maray Quraysh \قريش, ayuu Abاuu Al Qays bin Al Aslat\ أبو القيس بن األسلتuna dhashay Banii Waaqif\ بني واقفgabay ka tiriyey, uu Quraysh\ قريشkula talinayo inay xiriirkooda wanaajiyaan. Abuu Al Qays\ أبو القيسwaxaa u dhaxday gabar Quraysh\ قريشu dhalatay. Xakiim bin Umayyah \ حكيم بن أميةoo tolkiis colaadinta Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka reebay Ibnu Isxaaq wuxuu yiri: "Xakiim bin Umayyah bin Xaarithah bin Al Awqas Al Sulamiyyu حكيم \ بن أمية بن حارثة بن األوقس السلمي, reer Umayyah-na\ بني أميةaxdi la lahaa, wuxuu tolkiis ka reebay colaadinta lagu heshiiyey ee Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Xakiim حكيمoo madaxdooda loo hoggaansan yahay ahaa wuu islaamay. 340 Rasuulka Ilaahay, Sallaa Alllaahu Calayhi Wasallam, dhibkuu tolkiis kala kulmay Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: "Markay Quraysh\ قريشku badatay oo ku adkaatay xumaanta uga timid colaadinta Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, iyo kuwa ayaga ka dhashay oo islaamay oo isaga raacay, waxay ka adeejiyeen kuwooda maangaabta ah, oo markaasey kuwaanu been ka sheegeen oo ay ka been abuureen, ayna dhibeen, ayna ku sheegeen inuu gabayaa' yahay iyo saaxir iyo faaliye iyo inuu waalan yahay. Intay intaas falayaanna Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, hawshiisa ayuu wataa, isagoo soo bandhigaya amarka Ilaahay oo uusan la dhuumanayn, balse uuba usoo jeedinayo oo uu usoo bandhigayo waxay kahdaan, oo cayda diintooda ah iyo inuu ka fogaaday oo diiday asnaamtooda, uuna dhmmaantood gaalnimadooda daraaded uga tegey." Ibni Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: "Cabdu Allaahi bin Camr bin Al Caas\ عبد هللا بن عمرو بن العاصwuxuu yiri: "Waxaan ku iri aabahay: "Waa maxay waxa ugu badnaa oo aad aragtay inay Qurayshi\ قريشu geysatay Rasuulka Ilaahay, Salla Allaahu Calayhi Wasallam, markay colaadda ku weerareen?" Wuxuu yiri: "Waxaan goob joog ahaa maalin ay madaxdoodu Xijriga\ الجدرisugu yimaadeen, markaasey Rasulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi WasalIam, ka hadleen, waxayna yiraahdeen: "Ma aanan arag oo hore nooma soo mar in wax la mid ah sidaan ugu sabarnay amarka ninkaan: wuxuu yididiilladeenna iyo nolosheenna ku tilmaamay maangaabnimo, aabayaalkeenna wuu caayey, diinteennana ceebuu u yeelay, midnimadeennana wuu kala firdhiyey, ilaahyadeennana wuu caayey. Arrin wayn ayaan u adkaysannay oo u dulqaadannay." Ama siday yiraahdeenba. Ayagoo xaaladdaas ku sugan ayaa waxaa kusoo baxay Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo yimid oo Dhagaxa Madow الحجر األسودdhunkaday, kaddibna ayaga soo agmaray isagoo Kacbada ku dawaafaya. Markaasuu markuu soo ag maray ayay wax xun ku yiraahdeen. Inay sidaas yeeleenna waxaan ka gartay wajiga Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Markaasuu ayaga dhaafay. Markaasuu markuu marka labaad soo ag maraya, ayay sidii hore oo kale wax xun ku yiraahdeen. Taasna waxaan ka gartay wajiga Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Markaasuu mar saddexaad soo ag maray. Markaasey sidii hore oo kale wax xun ugu yiraahdeen. Markaasuu istaagay, kaddibna uu yiri: ". لقد جئتكم بالذبح،"أتسمعون يا معشر قريش؟ أما والذي نفسي بيده "A tasmacuuna yaa macshara Quraysh? Amaa wa Allathi nafsii bi yadihi, la qad ji'tukum bi al thabxi". Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Ma maqleysaan ragga Qurayshow\ ?قريشWaxaan ku dhaartay Midkay naftaydu Gacantiisu ku 341 jirto, waxaan idiinla imid gawricid." Markaasaa hadalkiisaasu raggi ku dhegay oo ay baqeen, ayna aamuseen oo ay dhaqaaqi waayeen sida ayadoo nin walba uu madaxiisa shimbiri saaran tahay oo kale. Markaasuu koodii ayaga ka mid ahaa oo Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ugu colaad iyo dhibid badnaa uu cabsida uu hadalkaas ka cabsaday daraadeed, ayuu isagoo beer dulucsanaya wuxuu ku yiri: "iska tag Al Qaasim aabihiisow\أبا القاسم, oo wa Allaahi\ وهللاinaadan dhiigyo cab ahayne." Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka gaddoomay. Maalintii taas ku xigtay markay ahayd, ayay hadana Xijriga\ الحجرisugu yimaadeen, ayadoo aan aniguna la joogo. Markaasey waxay qaarkood qaarka kale ku yiraahdeen: "Waxaad shalay sheegteen waxa idin gaaray iyo waxa isaga idinka soo gaaray oo adinka iyo isaga dhex maray. Markaasaad markuu waxaad kahataan idinku yiri ayaad iska dayseen." Ayagoo sidaas ku wada hadlaya ayaa waxaa kusoo baxay Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Markaasey mar keli ah ku wada boodeen dhammaantood, sida ayagoo nin keli ah oo kale. Markaasey hareereeyeen, ayagoo leh: "Ma adigaa sidaas iyo sidaas tiri? ayna sheegayaan cayda ilaahyadooda iyo diintooda." Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiraahdaa: "."نعم أنا أقول ذلك "Nacam anaa allathii aquulu thaalika!" oo macneheedu yahay: "Haa, oo anigaa sidaas leh!" Markaasuu nin ayaga ka mid ahi wuxuu ku dhegay meeshay labada daraf ee go' iisu isugu yimaadaan, oo luqunta ah. Markaasuu Abuu Bakr\ أبوبكرka fujiyay oo uu kala dhex galay, isagoo ooyaya oo leh: ""أتقتلون رجال أن يقول ربي هللا؟ “A taqtuluuna rajulan an yaquula Rabbiya Allaahu?” Oo macnihiisu yahay: "Ma waxaad nin u dileysaan inuu yiri Rabbigay waa Ilaahay?" Markaasey ka kala tageen. Taasaa ugu adkayd waxaan arkay oo ay Quraysh\ قريشu geysatay." Al Suhaylii\ السهيليwuxuu yiri: "Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقghayrkiisna waxay intaas uu wariyay ku kordhiyeen inay ceejiyeen, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo ay xoog u ceejiyeen, oo uu markaas Abuu Bakr أبوبكرka fujiyay. Markaasey Abuu Bakr أبوبكرtimaha madixiisa iyo garkiisaba ka jiideen, ilaa ay inta badan oo timihiisu ay kasoo daateen." 342 Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: "Nin ka tirsan qoyska Ummu Kulthuum bintu Abii Bakr Al Siddiiqu\أم كلثوم بنت أبي بكر الصديق ayaa wuxuu ii sheegay inay tiri: "Abuu Bakr أبوبكرwuxuu maalintaas guriga kusoo laabtay ayagoo ay barta ay madaxiisa timaha kala bara ay ka diilaaciyeen, siday u jiidayeen, iyo garkiisaba, wuxuuna ahaa nin timo badan." Ibnu Hishaam\ إبن هشامwuxuu yiri: "Waxa ugu daran oo ay Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasalam, Qurayshi \ قريشku fashay waxay ahayd inuu maalin soo baxay oo u axad kasta oo la kulmaa uu beeniyo, dhibaatana u geysto, ha ahaado mid xor ah ama addoonbee. Markaasuu Rasuulka llaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, gurigiisa ku laabtay, oo markaasuu waxa ku dhacay xanuun ku qabtay oo uu is duuduubay. Markaasuu Ilaahay Tacaalaa wuxuu korkiisa kusoo dejiyay labada Aayadood oo ugu horreeya Suuratu Al Mudath- thir\سورة المدثر: )2( ) قُ ْم فَأ َْنِذ ْر1( َيا أَيُّهَا اْل ُم َّدثُِّر "Yaa ayyuhaa al mudath-thiru(l)Qum fa anthir(2)", oo macnohoodu yahay: "Midkaagaan dedanow(1) Istaag oo (gaalada Makkah u) dig(2)." Islaamidda Xamzah\إسالم حمزة Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: "Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo buurta Al Saffaa \ الصفاag fadhiya, ayaa waxaa soo maray Abuu Jahl\أبوجهل. Markaasuu dhib u geystay oo uu caayey, uuna u geystay wuxuu kahdo oo cayda Diintiisa ah, uuna doonayo inuu ku wiiqo amarkiisa. Markaasuusan Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, juuq u oran oo uusan la hadlin. Intaas waxaa dhegeysaneysa haweeney mawle u ah Cabdu Allaahi bin Judcaan bin Camr bin Kacb bin Sacd bin Taym bin Murrah\عبد هللا بن جدعان بن عمرو بن كعب بن سعد بن تيم بن مرة, ayadoo gurigeeda ku dhex jirta. Markuu intaas u geystay ayuu ka tegey, wuxuuna aaday naadi Quraysheed \ قريشoo Kacbada agteeda ku yiillay, oo uu ragga halkaas ku sugnaa la fariistay. In yar kaddibba waxaa bartaas soo maray, waana meeshuu Abuu Jahl\ أبوجهلRasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calyhi Wasallam, ku aflagaadeeyey, Xamzah bin Cabdu Al Mudh-dhalib حمزة بن \عبد المطلب, Allaaha raalli ka noqdee, isagoo ay qaansadiisu garabka u suran tahay, oo ugaarsi uu ku maqnaa kasoo laabtay, wuxuuna ahaa nin fallaarta uu qaansada ka gano ku ugaarsada. Xamzah حمزةcaadadiisuna waxay ahayd in markuu ugaarsi ka soo laabto uusan gurigiisa tegin jeer uu Kacbada ku dhawaafo. Markuu Kacbda ku dhawaafo kaddib ayuu markuu naadi Qurayshi\ قريشleedahay ag maraba intuu la joogsado ayuu ragga halkaas fadhiya salaamaa, oo 343 uu la sheekeystaa. Xamzah حمزةwuxuu ahaa ninka Quraysh\ قريشugu xoog badan, uguna go'aan adag oo aan la liicin karin adayggiisa. Markaasuu markuu haweentaas soo ag maray, ayadoo uu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, gurigiisa u laabtay, ayay waxay ku tiri: "Cumaarah aabihisow\يا أبا عمارة, miyaad ogtahay wuxuu wiilka walaalkaa dhalay uu haddeer kala kulmay Abuu Al Xakam bin Hishaam\ ?أبو الحكم بن هشامWuxuu ka helay isagoo halkaan fadhiya, markaasuu dhibaato u geystay, uuna caayey, uuna ku falay wuxuu kahdo. Markuu intaas ku falay kaddibna wuu ka tegey. Muxammadna\( محمدSallaa Allaahu Calayhi Wasallam) lama uusan hadlin." Markaasey Xamzah حمزةcaro qaadday, ayadoo uu Ilaahay doonayo inuu karaameeyo daraadeed. Markaasuu orday, uusanna axadna ag istaagin, isagoo doonaya inuu Abuu Jahl \ أبوجهلciqaabo. Markaasuu markuu Masjidka galay wuxuu arkay isagoo rag la fadhiya, oo uu markaas isaga soo aaday. Markuu dul yimid ayuu intuu qaansadiisa kor u qaaday madaxa uga dhuftay, uuna dhaawac xun gaarsiiyey, kaddibna uu yiri: ". فأنا على دينه أقول ما يقول؟! فرد علي إن استطعت،"أتشتمه “A tash-tumahu, fa anaa calaa diinihi aquulu maa yaquulu?! Fa rudda calayya ini istadhacta.” Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Ma waxaad caayeysaa (waa Nabigee, Sallaa Alalaahu Calayhi Wasallam) anigoo Diintiisa ku taagan, hadalkeyguna uu hadalkiisa yahay? Car wax igu dhufo haddaad kartid." Markaasaa waxaa Xamzah حمزةusoo kacay rag reer Banii Makhzuum\ بني مخزومah (waana tolka Abuu Jahl\)أبو جهل, doonayana inay Abuu Jahl أبو جهلu hiilliyaan. Markaasuu Abuu Jahl\ أبو جهلwuxuu raggaas ku yiri: "Cumaarah aabihiis\ أبا عمارةiska daaya, oo anigu wa Allaahi\ وهللاwaxaan wiilka walaalkiis dhalay ku caayey cay xun." Sidaas ayuu Xamzah\ حمزةku islaamay, islaannimadiisuna ay taam noqotay, uuna ku sugnaaday, Allaaha raalli ka noqdee, awaamirta Rasuulka Ilaahayna, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, uu u hoggaansamay. Markuu Xamzah حمزةislaamay waxay Qurayshi\ قريشogaatay inuu RasuuIka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, uu noqday mid caziiz \ عزيزah oo aan laga adkaan karin oo ilaalsan, Xamzahna حمزةuu ilaalinayo oo daafacayo. Markaasey waxay u geysan jireen qaarkood ka hareen. 344 Xamzah\حمزة Ibnu Al Athiir\ إبن األثيرwuxuu Usudu Al Ghaabah\ أسد الغابةku yiri: "Xamzah bin Cabdu Al Mudh-dhalib bin Haashim bin Cabdu Manaaf bin Qusayy حمزة بن عبد \المطلب بن هاشم بن عبد مناف بن قصي, kuniyadiisuna waa Abuu Yaclaa\أبويعلى, waxaana kaloo la yiri waa Abuu Cumaarah\أبو عمارة, oo Cumaarah\ عمارةwaa wiil uu dhalay oo uu Al Nawawii \ النوويyiri waxaa u dhashay haweeney reer Banii Al Najjaar ah\بني النجار. Xamzah حمزةhooyadiisna waa Haalah bintu Wahiib (Uhaybna waxaa yiri Al Nawawii iyo ghayrkiisba) bin Cabdi Manaaf bin Zuhrah\هالة بنت وهيب – وقيل أهيب –بن عبد مناف بن زهرة, ahna ina adeerta Aaminah bintu Wahab bin Cabdi Manaaf\آمنة بنت وهب بن عبد مناف, Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, hooyadiisa dhashay. Xamzah حمزةwaxay isku hooyo yihiin iyo isku aabeba Safiyyah bintu Cabdu Al Mudh-dhalib bin Haashim\ صفية بنت عبد المطلب بن هاشمhooyada dhashay Al Zubayru ibnu Al Cawwaamu \الزبير بن العوام. Xamzah حمزةwaa adeerka Rasuulka Ilaahau, Salla Allaahu Calayhi Wasallam, iyo walaalkiis xagga nuugmada, ayadoo ay wada nuujisay Thuwaybah mawladii Abuu Lahab \\ثويبة مولى أبو لهب, taasoo nuujisay oo kale Abuu Salamah bin Cabdu Al Asad\أبو سلمة بن عبد األسد. Xamzah حمزةwuxuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka weynaa labo sano. Waxaa kaloo la yiri afar sano, tan hore ayaana sax ah (Siiradaanna waxaan ku aragnay inuu Xamzah حمزةRasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku fac yahay oo ay mar naas wada nuugeen). Xamzah حمزةwaa sayyidka madax u ah shuhadaa'da\ سيد الشهداءislaanka. Xamzah حمزةwuxuu islaamay sanadka labaad ee Bicthada\البعثة." Usudu Al Ghaabah\ أسد الغابةwarkaas islaamidda Xamzah حمزةحمزةwuxuu ku kordhiyay in markuu Abuu Jahl\ أبو جهلdhaawacay, sidaan usoo aragnay, inay raggaas usoo kacay inay u hiilliyaan ay Xamzah حمزةku yiraahdeen: "Xamzow حمزةdiintaada ayaad ka leexatayl" Markaasuu Xamzah حمزةwuxuu yiri: ، فوهللا ال أنزع، وأن الذي يقول حق، وأنا أشهد أنه رسول هللا،"وما يمنعني منه وقد استبان لي منه ذلك ".فامنعوني إن كنتم صادقين “Wa maa yamnacunii minhu wa qad istabaana lii thaalika, wa anaa ash-hadu annahu Rasuulu Allaahi, wa anna allathii yaquulu xaqqun, fa wa Allaahi laa anzacu, fa amnacuunii in kuntum saadiqiina.” 345 Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: “Oo maxaa taas iga hortaagan kaddib markuu amarku ii caddaaday? Anigu waxaan marag ka ahay inuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yahay, wuxuu leeyahayna uu xaq run ah yahay. Marka wa Allaahi\ وهللاinaanan ka harayn, ee adinku iga reeba haddaad run sheegeysaan." Xamzah حمزةwuxuu u haajaray Al Madiinah\المدينة, wuxuuna goob joog ka ahaa Badr\بدر, halkaasoo uu balaayo weyn gaalada ku dhigay oo la wada ogsoon yahay, isagoo dilay Shaybah bin Rabiicah bin Cabdi Shaams\شيبة بن ربيعة بن عبد شمس, kana qayb galay dilka Cutbah bin Rabiicah\عتبة بن ربيعة, ayna diliddiisa isaga Cubaydah bin Al Xaarith \ عبيدة بن الحارثiyo Calii bin Abii Dhaalib\ علي بن أبي طالبwadaageen. Wuxuu kaloo dilay Dhucaymah bin Cadiyyi bin Nawfal bin Cabdi Manaaf طعيمة بن عدي بن نوفلةبن \ عبد منافoo ah walaalka la dhashay Al Mudhcim bin Cadiyyi\المطعم بن عدي. Calanka duullaan oo ugu horreyey oo uu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, guntay wuxuu u guntay Xamzahحمزة, una diray xeebta Badda Cas ee arliga Juhaynah \جهينة. Waxaana khilaafay ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقoo yiri calanka ugu horreeyey wuxuu u guntay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Cubaydah bin Al Xaarith bin Al Mudh-dhalib عبيدة بن الحارث بن \المطلب. Markuu xarbi gelayo Xamzah حمزةwuxuu isku calaamadeyn jiray isagoo surta baal goroyo. Maalinta Badr\ يوم بدرwuxuu ku dagaallamay Rasuulka Ilaahay, Sallaa Aallaahu Calayhi Wasallam, hortiisa isagoo laba seefood ay gacanta ugu jiraan. Nin ka mid ah gaaladii la qafaalay ayaa wuxuu yiri: "Waa kee ninka baalka goroyo ku calaamadeysnaa?" Waxay yiraahdeen: "Xamzah"حمزة, Allaha raalli ka noqdee. Wuxuu yiri: "Waa nikaas ninka waxa weyn nagu falay oo dhibaatada noo geystay." Xamzah حمزةwuxuu goob joog ahaa duullaanka Uxud\غزوة أحد, halkaasoo lagu dilay maalinta sabti ee nuska bisha Shawwaal\شوال. Intaan la dilin ka hor wuxuu gaalada maalintaas ka dilay kow iyo soddon nin, uuna ka mid ahaa Subaac Al Khuzaacii\ سباع الخزاعيoo uu Xamzah حمزةku yiri: "."هلم إلي يا إبن مقطعة البظور “Halumma ilayya yaa ibna muqadh-dacati al buthuuri.” Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Aniga ii kaalay midkay dhashayow midda kintirrada goysow", kaasoo ay hooyadiis gabdhaha Makkah\ مكةku gudi jirtay. Markaasuu dilay. 346 Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: "Maalintaas Xamzah حمزةwuxuu ku dagaallamayey laba seefood. Markaasuu nin wuxuu yiri: "Xamzah حمزةwaa libaax!" Markaasuu isagoo dagaallamaya uu turaanturrooday oo uu markaas xagga dhabarkiisa u dhacay. Markaasaa cambuur bireedkuu xirnaa wuxuu ka faydmay calooshiisa. Markaasuu Waxshiyyu\وحشي, mawlaha Jubayr bin Mudhcim\مولى جبير بن مطعم, waran caloosha ka geliyay, oo uu sidaas ku dilay. Markaasey gaaladu thakarkana ka gooyeen iyo labada dhegood iyo sanka, Hindana \ هندintay calooshiisa dillaacisay ay beerkiisa soo bixisay oo ay inatay cad ka goosatay qaniintay oo ay calaalisay, kaddibna ay soo matagtay. Markaasuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri: "."لو دخل بطنها لم تمسها النار "Law dakhala badhnahaa lam tamassahaa al Nnaaru", oo macneheedu yahay: "Hadduu caloosheeda geli lahaa, waa cadkaas beerka Xamzah حمزةoo ay afka gashataye, Naarta ma ayan gasheen, maxaa yeelay, siday riwaayad kale noo caddeysay, Ilaahay agtiisa Xamzah حمزةwaa ka karaamo badan yahay inuu cad hilibkiisa ka mid ah uu Naarta geliyo." Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, markuu Xamzah sidaas ku arkay ayuu aad u carooday, uuna yiri: "."إلن ظفرت ألمثلن بسبعين منهم "La in thafartu la amthilanna bi sabciina minhum", oo macneheedu yahay: "Haddaan gaalada reer Makkah\ مكةka adkaadu waxaan sidaas oo kale u googoynayaa toddobaatan ayaga ka mid ah." Markaasuu Ilaahay Subxaanahu wa Tacaalaa\ سبحانه وتعالىwuxuu soo dejiyay Aayadaha boqol lix iyo labaatan iyo toddoba iyo labaatan ee Suuratu Al Naxli\سورة النحل: ِ ِ ِ ِ ِ ِ ص ْب ُر َك إِ ََّل بِاللَّ ِه َ ص َب ْررُ ْم لَهُ َو َخ ْيٌر للصَّابِ ِر ْ ) َو126( ين َ اصبِ ْر َو َما َ َ لوِا ْن َعاقَ ْبرُ ْم فَ َعاقُبوا بِم ْثل َما ُعوِق ْبرُ ْم بِه َولَئ ْن ِ ٍ ك ِفي ض ْي )127( ون ُ ََوََل رَ ْح َزْن َعلَْي ِه ْم َوََل ر َ َ ق م َّما َي ْم ُك ُر "Wa in caaqabtum facaaqibuu bimithli maa cuuqibtum bihi wa la'in sabartum lahuwa 347 khayrun lilsaabiriina(126)Wa asbir wa maa sabruka illaa bi Allaahi wa laa taxzan calayhim wa laa taku fii dayqin mimmaa yamkuruuna(127)". Labada Aayadood macnohoodu waxaa weeye: "Haddaad wax ciqaabeysaan waxaad u ciqaabtaan in la mid ah inta adinka la idinku ciqaabay, haddaad sabartaanna sabarkaa u khayr badan kuwa sabra(126)Sabar, mana aha sabarkaagu Ilaahay daraadiis mooyee, hana ka murugoon, hana ka ciriiryamin waxay dhagar falayaan(127)." Abuu Hurayrah\ أبو هريرةwuxuu yiri: "Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu dul istaagay Xamzah \حمزةoo jirkiisa wax laga googooyeey, taasoo aan la arag wax qalbigiisa uga xanuun badan, markaasuu wuxuu yiri: ". فلقد كنت وصوال للرحم فعوال للخيرات، أي عم،"رحمك هللا "Raximaka Allaahu, ay camm, falaqad kunta wusuulan lilrraximi facuulan lilkhayraati", oo macnihiisu yahay: "Allaha kuu naxariisto adeerow, waxaa hubaal ah inaad ahayd mid riximka xiriiriya khayraadkana suubiya." Xamzah حمزةkoofaartiisuna waa Libaaxa Ilaahay\ أسد هللاiyo Libaaxa Rasuulkiisa\وأسد رسوله, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Markaas la dilay Xamzah حمزةwaa toddoba iyo konton jir, ama sagaal iyo konton jir hadba hadduu Rasuulka Ilaahay, SalIaa Allaahu Calayhi Wasallam, labo ama afar sano ka da' weynaa. Xamzah حمزةiyo shuhada'ada Uxud\ أحدwaxaa ku tukaday Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasalla." Waa intaas warkaan kasoo guurinnay Usudu Al Ghaabah\أسد الغابة. Xamzahحمزة, siduu Al Nawawii\ النوويTahthiibu Al Asmaa'i wa Al Lughaati\تهذيب األسماء واللغات ku yiri, ciribi kama ayan harin. Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, iyo Cutbah bin Rabiicah\عتبة بن ربيعة Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: "Cutbah\ عتبةwuxuu ahaa sayyid, madax ah. Markaasuu maalin isagoo fadhiya naadi ay Qurayshi \ قريشleedahay, Rasuulka Ilaahayna, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, uu keligiis masjidka dhexdiisa fadhiyo, ayuu wuxuu yiri: "Ragga Qurayshow, maxay idinla tahay haddaan u kaco Muxammad (Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam) oo aan la hadlo, oo aan arrimo usoo jeediyo oo ay dhici karto inuu middood aqbalo, oo aan markaas waxaas uu oggolaaday siinno, uu sidaas wuxuu wado naga joojiyo oo uu nagala haro?" 348 Markaasna uu warkaas leeyahay waa kaddib islaamidda Xamzah\حمزة, ayna arkeen inay asxaabta Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, kordhayaan oo badanayaan. Markaasey waxay ku yiraahdeen: "Waa hagaag Al Waliidu aabihiisow\يا أبا الوليد, oo u tag oo la hadal." Markaasuu Cutbah\ عتبةusoo kacay oo uu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, lasoo fariistay, uuna yiri: "Wiilka walaalkeeyow, adigu waxaad dhexdeenna ku leedahay gobannimo iyo laandheerennimada cashiiraddaada oo aad ogsoontahay iyo makaanka sarreeya ee nasabkaaga. Adiguna waxaad tolkaa u keentay arrin wayn oo aad midnimadooda ku kala geysay, oo aad yididiilladoodana xumeysay, aad ilaahyadooda iyo diintoodana ceebeysay, aabayaalkoodii hore oo dhintayna aad gaalo ka dhigtay. Marka i dhegeyso umuur ayaan kuu soo jeedinayaaye ee u fiirso, waaba intaasoo aad midkood oggolaatide." Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri: ". أسمع،"قل يا أبا الوليد "Qul yaa Abaa Al Waliidu, asmacu", oo macneheedu yahay: "Hadal Al Waliidu aabihiisowيا أبا الوليد, waan ku dhegeysanayaaye." Wuxuu yiri: "Wiilka walaalkeeyow, haddaad amarkaan aad la timid maal ku dooneysid waxaan kuu soo uruurineynnaa maal, si aad u noqotid keenna noogu maal badan. Haddaad madaxtinnimo ku dooneysidna waxaan kaa dhigeynnaa madaxeenna, annagoo aan talo goysanayn adiga la'aantaa. Haddaad boqortooyo ku dooneysidna waxaan kaa dhigeynnaa boqorkeenna, Hadday waxaan kuu imaanayana uu jinni yahay aad aragtid, aadanna iska celin kar'in, takhtarro ayaan kuu keeneynnaa, maalkeenna ayaanna gelineynnaa ilaa aad ka boogsootid, oo in badan jinniga qofkuu yaqaanno oo u yimaada ninka wuu ka adkaadaa ilaa jeer laga daaweeyo," Ama siduu yiriba, ilaa uu Cutbah\ عتبةhadalkiisa ka dhammaystay, uuna Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, dhegeysanayo, markaasuu wuxuu yiri: ""أقد فرغت يا أبا الوليد؟ "Aqad faraghta yaa Abaa Al Waliidu?" oo macneheedu yahay: "Hadalka ma ka baxday oo aad dhammeysatay Al Waliidu aabihiisow"?يا أبا الوليد Wuxuu yiri: "Haa". Wuxuu yiri: "."فاسمع مني "Fa asmac minnii" 349 oo macneheedu yahay: "Aniguna waxaan leeyahay hadaba dhegeyso," Wuxuu yiri: "Waa yahay," Markaasuu wuxuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam yiri: ِ ِ اب ََل رْيب ِف ِ ُّ ون ا ْفرََراهُ َب ْل ُهو اْل َح ِّ يه ِم ْن َر ق َ َ ِ َ) رَْن ِزي ُل اْلكر1( الم.بسم اهلل الرحمن الرحيم َ ُ) أ َْم َيقُول2( ين َ ب اْل َعالَم َ ِ ق الس َِّ َّ ِ ِ ٍ ِّك لِرُْنِذر قَوما ما أَرَاهم ِمن َنِذ ِ َّ ض َو َما ْ ُْ َ َّم َاوات َو ْال َْر َ ير م ْن قَْبل َك لَ َعلهُ ْم َي ْهرَ ُد َ َ َ) اللهُ الذي َخل3( ون َ ً ْ َ َ م ْن َرب ٍ ِ َّ ِ ِ ِ اسرَوى َعلَى اْل َع ْر ) ُي َدب ُِّر ْال َْم َر2( ون ٍ ش َما لَ ُك ْم ِم ْن ُدونِ ِه ِم ْن َولِ ٍّي َوََل َش ِف َ يع أَفَ ًَل رَرَ َذ َّك ُر َ ْ َب ْي َنهُ َما في سرة أَيَّام ثَُّم ِ ٍ َ ض ثَُّم يعرج إِلَ ْي ِه ِفي يوٍم َكان ِم ْق َداره أَْل ِ ِمن الس َّ ) َذلِ َك َعالِم اْل َغ ْي ِب و7( ون اد ِة َ َالشه ُ ُ ْ َ ِ َّماء إِلَى ْال َْر َ ف َس َنة م َّما رَ ُع ُّد َ َ ُُ َْ َ ُ َ ِ َّ اْلع ِز ُيز ِْ ق ٍ ان ِم ْن ِط ِ اْل ْن َس ) ثَُّم َج َع َل َن ْسلَهُ ِم ْن ُس ًَللَ ٍة ِم ْن7( ين َ َح َس َن ُك َّل َش ْي ٍء َخلَقَهُ َوَب َدأَ َخْل ْ ) الَِّذي أ6( يم َ ُ الرح ِِ ِ ِِ ٍم ٍ اء َم ِه ) َوقَالُوا1( ون ً ِص َار َو ْالَ ْفئِ َدةَ َقل َ يًل َما رَ ْش ُك ُر َ َّم َع َو ْال َْب ْ ) ثَُّم َس َّواهُ َوَنفَ َخ فيه م ْن ُروحه َو َج َع َل لَ ُك ُم الس8( ين َ ِ ِ ِ ِ ِ ٍ ِ ِ ِ ِ ِ َّ ٍ ض أَئَّنا لَفي َخْل ِ ضلَْل َنا في ْال َْر ك اْل َم ْوت الذي ُو ِّك َل ُ َ) ُق ْل َيرََوفَّا ُك ْم َمل11( ون َ أَئ َذا َ ق َجديد َب ْل ُه ْم بِلقَاء َرِّب ِه ْم َكاف ُر ِ ِ ِ ِ ص ْرَنا َو َس ِم ْع َنا فَ ْارِج ْع َنا َ ) َولَ ْو رََرى إِذ اْل ُم ْج ِرُم11( ون َ بِ ُك ْم ثَُّم إِلَى َرِّب ُك ْم رُْر َج ُع َ ون َناك ُسو ُرُءوس ِه ْم ع ْن َد َرِّب ِه ْم َرب ََّنا أ َْب ِ ِ َنعم ْل َّ اها ولَ ِك ْن َح ٍ َّ َّ ق اْلقَ ْو ُل ِمِّني َلَ ْم ََل َن َجهََّن َم ِم َن اْل ِجنَّ ِة َ صال ًحا إَِّنا ُموِقُن َ َْ َ َ ) َولَ ْو ش ْئ َنا َْلَرَْي َنا ُكل َن ْفس ُه َد12( ون ِ ِ ِ ِ ْ اس أ ِ الن َّ َو )12( اب اْل ُخْلِد بِ َما ُك ْنرُ ْم رَ ْع َملُو َن َ اء َي ْو ِم ُك ْم َه َذا إَِّنا َنس َينا ُك ْم َوُذوقُوا َع َذ َ َج َمع َ َ) فَ ُذوقُوا بِ َما َنسيرُ ْم لق13( ين ِ َِّ ِ )17( ون ً ين إِ َذا ُذ ِّك ُروا بِهَا َخ ُّروا ُسج ُ َّدا َو َسب َ َّحوا بِ َح ْمد َرِّب ِه ْم َو ُه ْم ََل َي ْسرَ ْكبُِر َ إَِّن َما ُي ْؤ ِم ُن بِآ ََيار َنا الذ "Bismi Allaahi Al Rraxmaani Al Rraxiimi. Xamiim(1)Tanziilun mina Al Rrraxmaani Al Rrraxiimi(2)Kitaabun fussilat Aayaatuhu Qur'aanan Carabiyyan liqawmin yaclamuuna(3)Bashiiran wa Nathiiran fa acrada aktharuhum fahum laa yasmacuuna(4)Wa qaaluu quluubunaa fii akinnatin mimmaa tadcuunaa ilayhi wa fii aathaaninaa waqrun wa min bayninaa wa baynika xijaabun fa acmal inanaa caamiluuna(5)". Aayadahaas oo ah kuwa kow ilaa shan ee Suuratu Fussilat macnohoodu waxaa weeye: "Bismi Allaahi Al Rraxmaani Al Rraxiimi. Xamiim(l)Waa soo dejinta (waa Quraankee) Al Rraxmaani Al Rraxiimi(2)Waa Kitaab Aayaadkiisa la caddeeyey, waana Quraan afka Carabiga ku dhigan, loona caddeeyey dad wax garanaya(3 )Quraankuna wuxuu bishaaro u yahay kuwa Ilaahay adeeca, digana u yahay kuwa diida, intooda badanna way ka jeesteen, waxna maqli mayaan(4)Waxayna gaaladii yiraahdeen: quluubteennu waxay daboollo uga jirtaa waxaad noogu yeereysid, dhegeheennana waxaa ku jira culays, annaga iyo adiga dhexdeenana waxaa ah xijaab ee camal fal, annaguna waan camal falaynnaaye(5)." Kaddibna Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuu sii waday akhrinta Suuradda isagoo ku dul akhriyaya. Markaasuu Cutbah\ عتبةmarkuu maqlay aamusay, oo uu labadiisa gacnood xagga dambe ee dhabarkiisa ah geeyey oo uu ku tiirsaday, isagoo ka dhegeysanaya. 350 Markuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu CaIayhi Wasallam, Aayadda Sajdada \ السجدةgaaray, ahna Aaydda sideed iyo soddonaad, ayuu sujuuday. Kaddibna wuxuu yiri: ". فأنت وذاك."قد سمعت يا أبا الوليد ما سمعت "Qad samicta yaa Abaa Al Waliidu maa samicta. Fa anta wa Thaaka." Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Waxaad maqashay Al Waliidu aabihiisow\ يا أبا الوليدwaxaad maqashay, marka waa adiga iyo kaas." Markaasuu Cutbah\ عتبةinta kacay xagga asxaabtiisa aaday, oo markuu soo aaday ayay qaarkood waxay qaarka kale ku yiraahdeen: "Ilaahay ayaan ku dhaarannaye, Abuu Al Waliidu أبو الوليدwuxuu idiinla yimid waji aan ahayn midkuu idinkala tegey." Markasuu markuu la fariistay ayay waxay yiraahdeen: "iska warran Al Waliidu aabihiisow\"? يا أبا الوليد Wuxuu yiri: "Waxaa jira inaan maqlay hadal wa Allaahi\ وهللاmid la mid ah aanan hore u maqal, oo wa Allaahi وهللاinuusan gabay ahayn. Ragga Qurayshow\ !قريشAniga i adeeca oo ninkan iyo wuxuu ku dhex jiro isaga dhex baxa oo ka hara, oo wa Allaahi وهللاhadalka aan ka maqlay wuxuu yeelan doonaa mustqbal wayn. Markay hadday Carabi disho ghayrkiin ayaa idiinka filnaaday (oo adinku ma aydnaan dilin). Hadduuse Carb ka adkaado boqortooyadiisa adinkaa iska leh oo waa boqortooyadiinna, cizzigiisuna, waa xooggiise, waa cizzigiinna, adinkaana ahaanaya kuwa dadka ugu nasiib badan oo ku liibaana." Waxay yiraahdeen: "Wa Allaahi وهللاwuxuu kugu sixray carrabkiisa Al Waliid uaabihiisow"! يا أبا الوليد Wuxuu yiri: "Kaasu waa aragtidaan ka qabo, ee waxay idinla noqoto sameeya.· Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, iyo Quraysh\ قريشwaxa dhex maray lbnu lsxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: "Markaasuu islaamku ku faafay qabaa'ilka Quraysh\ قريشdhexdooda, rag iyo haweenba, ayadoo ay Qurayshi\ قريشisla markaas muslimiinta ka xabbiseyso intay awood u hesho, intay Diintooda ka fitnayn kartana ay ka fitnayseyso. Intaas kaddib, sida ibnu Cabbaas\ إبن عباسla iiga wariyay, Allaha isaga iyo aabihiisba raalli ka noqdee, madaxda qabiil kasta oo Quraysh\ قريشah ayaa shiray. Shirkaasna waxaa isugu yimid Cutbah bin Rabiicah\ عتبة بن ربيعةiyo Shaybah bin Rabiicah شيبة بن \ ربيعةiyo Abuu Sufyaan bin Xarb\ أبو سفيان بن حربiyo Al Nadr bin Xaarith\ النضر بن حارثoo u dhashay Banii Cabdu Al Ddaar\بني عبد الدار, iyo Abuu Al Bakhtariyyu bin Hishaam أبو البختري بن \ هشامiyo Al Aswadu bin Al Mudhalib bin Asad\األسود بن المطلب بن أسد, iyo Zamcah bin Aswad زمعة 351 \بن أسود, iyo Al Waliidu bin Al Mughiirah\الوليد بن المغيرة, iyo Abuu Jahl bin Hishaam أبو جهل بن \هشام, Ilaahay ha lacnadee, iyo Cabdu Allaahi bin Abii Umayyah \عبد هللا بن أبي أمية, iyo Al Caasu bin Waa'il\العاص بن وائل, iyo Nubayh\ نبيهiyo Munabbih منبهlabada nin oo uu dhalay Al Xajjaaj\ الحجاجee reer Banii Sahm\ بني سهمah, iyo Umayyah bin Khalaf\أمية بن خلف, ama intii kulankaas kasoo qayb gashayba. Waxay shireen maghribka markay qorraxdu dhacday, isuguna yimaadeen dhabarka Kacbada oo ah dhinaca ku beegan oo kasoo horjeedda dhinucuu albaabka Kacbadu ku yaallo, oo ah wajigeeda. Markaasey waxay isku yiraahdeen: "Muxammad\( محمدSallaa Allaahu Calayhi Wasallam) u ciddira, oo markuu idiin yimaado la hadla oo la murma si aydnaan dabadeed eed u qaadin mustaqbalka." Markaasey u ciddireen ayna u fareen: "Waxaa kuu shiray madaxda tolkaa oo doonaya inay kula hadlaan ee u kaalay." Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu ugu yimid si degdegsiimo leh, isagoo u malaynaya inuu wuxuu u sheegay ay saameeyeen, isaguna wanaaggooduu ku dadaalaya, noloshooda xun oo ay ku noolyihiinna ay xanuujineyso oo jeclaa inay hanuunaan. Markaasuu lasoo fariistay. Markaasey waxay ku yiraahdeen: "Muxammadow\محمد (Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam) annagaa kuu soo ciddirnay, waxaanna dooneynnaa inaan kula hadalno. Annaguna wa Allaahi\ وهللاma ogsoonin nin Carabta u dhashay oo tolkiis soo dhex geliyay oo u keenay waxaad adigu tolkaa u keentay oo aad soo dhex gelisay. Aabayaalkii hore ayaad cayday, diintaad ceeb u yeeshay, ilaahyadii ayaad cayday, yididiilladii iyo qaab nololeedkeenna ayaad wax xun oo maangaabnimo ka dhigtay, midnimadii ayaad kala firdhisay, oo ma uusan harin oo ma jiro arrin xun oo illaa adigu waad la timid, oo annaga iyo adigaad nasoo dhex dhigtay." Ama siday yiraahdeenba. Waxay yiraahdeen: "Marka, haddaad warkaan ula timid si aad maal ugu hesho, maalalkeenna ayaan maal kaaga soo uruurineynnaa si aad u noqotid keenna noogu maal badan. Haddaadse ku dooneysid inaad madax noogu noqotid, madexeenna ayaanba kaa dhigeynnaa. Haddaadse boqortooyo ku dooneysid, waxaan kaa dhigeynnaa oo kuu caleemo saareynnaa boqorkeenna. Haddii uuse midkaan kuu yimaada uu yahay jinni aad aragtid oo kaa adkaaday, waxaan ku bixineynnaa maalkeenna si lagaaga daaweeyo oo aan kaaga bogsiinno." Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri: ولكن هللا بعثني. وال الملك عليكم، وال الشرف فيكم، ما جئت بما جئتكم به أطلب أموالكم."ما بي ما تقولون فإن. ونصحت لكم، فبلغتكم رسالة ربي. وأمرني أن أكون لكم بشيرا ونذيرا، وأنزل علي كتابا،إليكم رسوال حتى يحكم هللا بيني، وإن تردوه علي أصبر ألمر هللا. فهو حظكم في الدنيا واآلخرة،تقبلوا مني ما جئتكم به ".وبينكم "Maa bii maa taquuluuna. Maa ji'tu bimaa ji'tukum bihi adblubu amwaalakum, wa laa al sh-sharafa fiikum, wa taa al mulka calaykum. Wa laakinna Allaaha 352 bacatbanii ilaykum Rasuulan, wa anzala calayya Kitaaban, wa amaranii an akuuna lakum Bashiiran wa Nathiiran. Fa ballaghtukum Risaalaata Rabbii, wa nasaxtu lakum. Fa in taqbaluu minnii maa ji'tukum bihi, fa huwa xath-thukum fii at dunyaa wa al Aakhirati. Wa in tarudduuhu calayya asbiru li amri Allaahi, xattaa yaxkuma Allaahu baynii wa baynakum." Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Waxa aad tiraahdeen ima hayaan, mana keenin waxaan idiinla imid inaan ku doonayo maalkiinna iyo inaan madax idiinku noqdo iyo inaan boqor idiinku noqdo, laakiinse Ilaahay ayaa Rasuulnimo idiinku kay soo diray, korkeygana Kitaab kusoo dejiyay, iguna amray inaan idiin bishaareeyo (oo Jannada ugu bishaareeyo intooda islaamtay) iyo mid idiin digaya (oo cathaabka Ilaahay uga digaya). Marka, Risaalaadka Rabbigay waan idin soo gaarsiiyey, waanna idiin naseexeeyey oo idin waaniyay. Marka, haddaad iga oggolaataan waxaan idiinla imid, taasu waa nasiib wanaaggiinna adduun iyo Aakhiraba. Haddaad iga diidaanna, amarka Ilaahay ayaan u sabrayaa ilaa intuu Ilaahay aniga iyo adinka dhexdeenna na kala xumukayo." Ama siduu yiri Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Waxay yiraahdeen: "Muxammadow\( محمدSallaa Allaahu Calayhi Wasallam) haddaadan shay'na naga yeeleyn waxaan kuu soo jeedinnay, hadaba adigu waxaad ogsoon tahay inuusan dadka ku jirin axad naga dhul yar oo naga dhul ciriiri badan, naga biyo yar, nagana nolol adag oo dhib badan. Marka Rabbigaaga kula soo diray wuxuu kula soo diray noo weydii inuu buurahaan na ciriiryay naga dul qaado, beledkeennana noo fidiyo, hana nooga soo burqiyo wabiyo la mid ah wabiyada Shaam\ الشامiyo Ciraaq\عراق. Hana noo soo nooleeyo aabayaalkeenni tegey, kuwa uu soo nooleynayana ha ka mid ahaado Qusayy bin Kilaab\قصي بن كالب, kaasoo oday run low ah ahaa. Markaasaan waxaad adigu leedahay ka wareysaneynnaa: ma run baa mase waa been. Marka, hadday ayagu ku rumeeyaan, waxaan ku weydiisannayna aad sameysid, markaasaan ku rumeyneynnaa, aanna ku ogaaneynnaa makaanka aad Ilaahay agtiisa ku leedahay iyo inuu Rasuul ahaan kuu soo diray, sidaad adigu leedahay." Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallallaahu Calayhi Wasallam, wuxuu ku yiri: فهو، فإن تقبلوه, وقد بلغتكم ما أرسلت به إليكم، إنما جئتكم من هللا بما بعثني به،"ما بهذا بعثت إليكم ". حتى يحكم هللا بيني وبينكم, أصبر ألمر هللا, وإن تردوه علي،حظكم في الدنيا واآلخرة "Maa bi haathaa bucithtu ilaykum, innamaa j'itukum min Allaahi bi maa bacatbanii bihi, wa qad ballaghtukum maa ursiltu bihi ilaykum, fa in taqbaluuhu, fa huwa xath-thukum fii al ddunyaa wa al aakhirati, wa in tarudduuhu calayya, asbiru li amri Rabbii, xattaa yaxkuma Allaahu baynii wa baynikum." Xadiithka, oo ibnu Hishaam\ إبن هشامwariyay oo isagoo dheerna aan Siirada ku arki doonno, haddii Alle idmo, macnihiisu waxaa weeye: "Midkaas la iiguma kiin soo dirin, waxaanse xagga Ilaahay idiinka keenay wixii uu igu soo diray. Wixii la iigu kiin soo dirayna waan idin soo gaarsiiyay. Marka haddaad oggolaataan waa nasiib wanaaggiinna adduunka iyo aakhiraba. Haddaadse diidaan, amarka Ilaahay ayaan u 353 sabrayaa, ilaa uu Ilaahay aniga iyo adinka na kala xukumo." Waxay yiraahdeen: "Haddaadan annaga taas noo suubinayn, naftaada wax u qabo oo Rabbigaa waxaad weydiisataa inuu kula soo diro malag kaaga marag kaca inay waxaad sheegeyso ay run yihiin, oo nooga kaa warrama. Waxaad kaloo weydiisataa inuu kuu yeelo beero iyo qusuur iyo kunuuz dahab iyo qalin ah oo kaaga filnaada waxaan aad ku sugan tahay oo wax raadinta ah, adigoo suqyada dhex taagan sidaan annaguba u dhex taagannahay oo kale, waxaadna u hawl gashaa helidda waxaad ku noolaan lahayd sidaan annaguba ugu hawl galno oo kale. Haddii taas lagu siiyo waxaan ogaaneynnaa deeqda aad dadka dheertahay iyo makaanka aad Rabbigaa agtiisa ku leedahay, haddaad Rasuul tahay sidaad leedahay." Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Vasallam, wuxuu yiri: ، فإن تقبلوه. وما بعثت إليكم بهذا ولكن هللا بعثني بشيرا ونذيرا، وما أنا اللذي يسأل ربه هذا،"ما أنا بفاعل ". حتى يحكم هللا بيني وبينكم, أصبر ألمر هللا, وإن تردوه علي،فهو حظكم في الدنيا واآلخرة "Maa anaa bi faacilin, wa maa anaa allathii yas'alu Rabbahu haathaa, wa maa bucithtu ilaykum bi haathaa wa laakinna Allaaha bacathanii Bashiiran wa Nathiiran. fa in taqbaluuhu, fa huwa xath-thukum fii al dunyaa wa al aakhirati, wa in tarudduuhu calayya, asbiru li amri Rabbii, xattaa yaxkuma Allaahu baynii wa baynikum." Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Anigu midka taas yeelaya ma ihi, mana ihi midka Rabbigiis taas weydiinaya. Taasna la iiguma kiin soo dirin, laakiin Ilaahay wuxuu isoo diray anigoo ah mid bishaareeya iyo mid diga. Marka haddaad oggolaataan waa nasiib wanaaggiinna adduunka iyo aakhiraba. Haddaadse diidaan, amarka Ilaahay ayaan u sabrayaa, ilaa uu Ilaahay aniga iyo adinka na kala xukumo." Waxay yiraahdeen: "Hadaba Samada oo goo'go'an nagu soo dul rid, sidaad u tiri inuu Rabbigaa yeelayo hadduu doono, maxaa yeelay annagu ku rumayn maynno jeer aad taas fashid." Wuxuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, markaas yiri: ". إن شاء أن يفعله بكم فعل:"ذلك إلى هللا "Thaalika i1aa Allaahi: in shaa'a an yafcalahu bikum facala." Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Taasu Ilaahay ayay jirtaa oo hadduu doono inuu idinku falo suubinaya." Waxay yiraahdeen: "Muxammadow\( محمدSallaa Allaahu Calayhi Wasallam) oo miyuusan Rabbigaa hore u ogayn 354 inaan maanta kula fariisanaynno, aanna ku weydiineynno waxaan ku weydiinnay, aanna kaa dalbi doonno waxaan kaa dalabnay, oo uu markaas hore kuugu sii sheego waxaad nagu oran lahayd, uuna kuu sheego wuxuu nagu fali doono markaan kaa aqbali waynno waxaan aad noola timid? Annagana waxaa nasoo gaartay inuu waxaan (Quraanka Kariimka ah) ku baro nin reer Al Yamaamah\ اليمامةu dhashay oo la yiraahdo Al Raxmaanu\الرحمن, annaguna wa Allaahi\وهللا inaanan weligewen Al Raxmaanu\ الرحمنrumaynayn. Marka Muxammadow\( محمدSallaa Allaahu Calayhi Wasallam), annagu eed laawayaal ayaan nahay, annaguna wa Allaahi وهللاinaanan ku daynayn, ayaguna (oo waxay ka wadaan Malaa'igta Ilaahay) waa gabdhaha Ilaahay", oo midkood ayaa yiri: "Ku rumayn maynno jeer aad na hor keentid Ilaahay iyo Malaa'igta oo aan indheheenna ku aragno." Markay Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, taas ku yiraahdeen ayuu agtooda ka kacay, waxaana la kacay Cabdu Allaahi bin Abii Umayyah bin Al Mugiirah bin Cabdu Allaahi bin Cumar bin Makhzuum\عبد هللا بن أبي أمية بن المغيرة بن عبد هللا بن عمر بن مخزوم, ahna ina eedadiis, ayadoo ay dhahsya Caatikah bintu Cabdu Al Mudhalib\عاتكة بنت عبد المطب, wuxuuna ku yiri: "Muxammadow( محمدSallaa Allaahu Calyhi Wasallam), tolkaa wuxuu kuu soo jeediyay wuxuu kuu soo jeediyay, adiguna kama aadan yeelin. Kaddibna ayagaa naftooda wax kuu weydiistay si ay ku ogaadaan makaankaad Ilaahay agtiisa ku leedahay, sidaad adigu leedahay, oo ay markaas ku rumeeyaan oo ay ku raacaan. Adiguna ma aadan yeelin. Kaddibna waxay ku weydiisteen inaad naftaada wax u qabatid waxay ku gartaan deeqda aad ayaga dheertahay iyo makaanka aad Ilaahay agtiisa ku leedahay. Mana aadan yeelin. Kaddibna waxay ku weydiisteen inaad usoo dedejisid wax ka mid ah cathaabtaad ku baajisid, mana aadan yeelin. Marka, wa Allaahi\وهللا inaanan weligey ku rumeyneyn jeer Samada aad jaranjaro saaratid oo aad kor u taftid anigoo kuu jeeda oo aad Samada dhex gashid, kaddibna aad la timaadid afar malaa'igta ka mid ah oo kaaga marag kaca waxaad leedahay. Oo wa Allaahi\ وهللاhaddaad intaasoo idil yeeshidna, u malayn mayo inaan ku rumayn lahaa." Aama siduu yiriba. Markuu intaas yirina wuu ka gaddoomay Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Markaasuu Rasuulka Ilaahayna, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, uu isaguna ehelkiisa iyo gurigiisa xaggooda u gaddoomay; isagoo tiiraanyeysan oo ka xun waxa dhaafay oo uu damaca ka lahaa markuu tolkiis usoo ciddiray, iyo aragga uu arkay siday isaga laftiisa uga fog yihiin. Cabdu Allaahi-gaan\ عبد هللاwuxuu islaamay furashada Makkah\ مكةhorteed, sidaan u arki doonno indhaa'a Allaahu\إن شاء هللا. Abuu Jahl\ أبو جهلiyo dhagaxiisa Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: "Markuu Rasuulka Ilaahay, Salalaa Allaahu Calayhi Wasallarn, fadhigooda ka kacay ayuu Abuu Jahl\ إبو جهلwuxuu yiri: "Ragga Qurayshow\ !قريشMuxammad\( محمدSallaa Allaahu Calayhi Wasallam) waa diiday waxaan ahayn ceebeynta diinteenna iyo cayda aabayaalkeen iyo xumaynta yididiilladeenna iyo 355 cayda ilaahyadeenna. Aniguna waxaan ballan Ilaahay ku galay inaan berri dhagax aanan qaad karin ula fariisto masjidka dhexdiisa oo markuu sujuudo isagoo Salaaddiisa ku jira oo tukanaya aan madaxa uga burburiyo. Markaan sidaas yeelo kaddib adinku ama i dhiiba oo gacantooda i geliya ama i daafaca kaad doontaan. Markaas kaddibna reer Cabdi Manaaf\( عبد منافoo ah reerka Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam) waxay la noqoto ha falaan." Ama siduu yiriba. Waxay yiraahdeen: "Wa Allaahi\ وهللاinaanan ebedkeen cidna gacanta kuu gelineyn, ee waxaad doonto samee." Markaasuu Abuu Jahl إبو جهلmarkuu waabariistay ayuu wuxuu qaatay dhagax kii u tilmaamay ah, wuxuuna u fariistay RasuuIka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, masjidka dhexdiisa isagoo sugaya. Markaasuu Rasualka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, jarmaado ku yimid, siduu Saalaadda Subax ugu soo jarmaadi jiray oo kale. Rasuulka llaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu ku sugnaa Makkah\مكة. Qibladiisuna waxay ahayd xagga Shaamالشام. Markaasuu markuu salaadda tukanayo wuxuu ku tukadaa inta u dhexeysa Rukniga Kacbada ركن \ الكعبةoo uu Dhagaxa Madow الحجر األسودku jiro iyo Rukniga kaas la siman lana yiraahdo Al Ruknu Al Yamaanii\الركن اليماني, ayadoo ay labadooduba xagga koofureed iyo arliga Yaman\يمن xigaan. Markuu, Sallaa Allaahu Calyhi Wasallam, bartaas ku tukadanayo ayuu wuxuu Kacbada yeeli jiray isaga laftiisa iyo arliga Shaam\ الشامdhexdooda, oo isaga iyo Qibladiisa waxaa u dhexeysey Kacbada. Markuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu CaIayhi Wasallam, Salaad u istaagay, ayadoo ay ragga Qurayshna\ قريشay ayguna soo jarmaadeen oo ay naadiyadooda fariisteen ayagoo dhawraya wuxuu Abuu Jahl إبو جهلsameeyo. Markaasuu markuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, sujuuday ayuu Abuu Jahl إبو جهلdhagaxa soo qaaday oo uu xaggiisa la soo aaday. Markuu usoo dhowaaday Rasuulka Ilaahayna, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ayuu dib u gaddoomay isagoo argagaxsan, isagoona midabkiisuba is beddelay oo uu wajigiisa dhiiguba ka tegey, ayna labadiisa gacnood dhagaxa ku dhegeen, kuna dhegganaa ilaa uu mar dambe inta ka fuqay uu tuuray. Markaasaa waxaa usoo kacay ragga Quraysheed\ قريشoo ku yiri: "Maxaa kugu dhacay Abaa Al Xakamow\"?أبا الجكم Wuxuu yiri: "Waxaan u kacay inaan ku sameeyo waxaan xalay idiin sheegay inaan ku falayo, markaasaa markaan u dhowaaday waxaa sokadiisa iiga soo horbaxay rati oo wa Allaahi وهللاaanan madaxiisa oo kale hore u arag iyo garbihiisa iyo luquntiisa iyo miciyadiisaba rati leh oo kale. Markaasuu wuxuuba ku hammiyay inuu i cuno." Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: "Waxaa la ii sheegay inuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: 356 ". لو دنا ألخذه. عليه السالم،"ذلك جبريل "Thaalika Jibriilu, Calayhi Al Ssalaamu. Law danaa la akhathahu". Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Kaasu waa Jibriil\جبريل, Calayhi Al Ssalaamu. Hadduuna soo dhowaan lahaa wuu dili lahaa." Riwaayad kalena waxay warisay, uuna Al Baghawii\ البغويtafsiirkiisa ku wariyay, inuu abuu Hurayrah\ أبو هريرةyiri inuu Abuu Jahl\ أبو جهلQuraysh\ قريشku yiri: "Muxammad\( محمدSallaa Allaahu Calyhi Wasallam) ma waji cad yahay isagoo dhexdiinna ku sugan?" Waxaa la yiri: "Haa". Wuxuu yiri: "Waxaan ku dhaartay Al Laata\ الالتiyo Al Cuzzaa\ العزىhaddaan arko isagoo tukanaya luquntaan uga istaagayaa, aanna wajigiisa ciidda gelinayaa oo ku caddeynayaa." Markaasuu u yimid Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo tukanaya, si uu siduu ku andacooday luqunta uga istaago. Raggii meeshaas fadhiyayna waxaa kadiyay isagoo si degdegsiimo leh ciribtiisa lasoo gaddoomay, gacantiisana wax isaga dhigaya. Markaasaa waxaa lagu yiri: "Maxaa kugu dhacay Abaa Al Xakamow\"?أبا الحكم Wuxuu yiri: "Aniga iyo isaga dhexdeenna ayaa waxaa ah dhufays dab ah iyo wax laga argagaxo iyo baalal." Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri: "."لو دنا مني الختطفته المالئكة عضوا عضوا “Law danaa minnii la akhtadhafathu al malaa'ikatu cudwan cudwan." Xadiithka macnihiisuna waxaa weeye: "Haduu ii soo dhowaan lahaa malaa'igta ayaa cad cad u googooyn lahayd." Waxaas uu Abuu Jahl\ أبو جهلdamcay inuu sameeyo waxaa kasoo degay Quraan. Wuxuuba Ilaahay, Subxaanu wa Tacaalaa\ سبحانه وتعالىku yiri Aayaadka sagaal ilaa sagaal iyo toban ee Suuratu Al Calaq\سورة العلق: َِّ َ َرَْي ت ِإ ْن ) أ َأ12( َم َر بِالرَّ ْق َوى ) أ َأ11( صلَّى أ َأ َ َرَْي َ َرَْي َ ت ِإ ْن َك َ ) َع ْب ًدا ِإ َذا1( ت الذي َي ْنهَى َ ) أ َْو أ11( ان َعلَى اْلهُ َدى ِ اصي ٍة َك ِاذب ٍة َخ ِ ِ ِ َّ ِ) َك ًَّل لَئِن َلم ي ْنرَ ِه َل َنسفَعن ب12( َن اللَّه يرى َّ َّ اط َئ ٍة َ َ ) َن17( الناص َية َْ ْ َ ْ ْ َ َكذ َ َ َ َّ ) أََل ْم َي ْعَل ْم بِأ13( ب َورَ َولى َّ ُ) َس َن ْدع17( ُ) َفْل َي ْدعُ َن ِاد َيه16( )18( َالزَبانِ َية "Ara'ayta allathii yanhaa(9)Cabdan ithaa sallaa(lO)Ara'ayta in kaana calaa al 357 hudaa(ll)Aw amara bi al ttaqwaa(12)Ara'ayta in kath-thaba wa tawallaa(13)Alam yaclam bi anna Allaaha yaraa(14)Kallaa la'in lam yantahi lanasfacan bi al nnasiyati(15)Naasiyatin kaathibatin khaadhi'atin(16)Falyadcu naadiyahu(17)Sanadcu Al Zzabaaniyata(18)Kallaa laa tudbicbu wa asjud wa iqtarib(19)." Aayaadka macnohoodu waxaa weeye: "Bal ka warran midka adoon Ilaahay (Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam) tukashada Salaadda ka reebaya (waana Abuu Jahl\()أبوجهل9 iyo 10)Bal ka warran hadduu addoonka salaadda laga reebayo uu hanuun dushiis yahay(11)Dadkana uu Alle ka cabsiga iyo Tawxiidka iyo ikhlaaska farayo(l2)Bal ka warran hadduu midka wax ka reebayaa uu xaqqa iyo runta beeniyey, iimaankana uu ka jeestay (waana Abuu Jahl\ أبوجهلiyo inta la midka ahba)(l3)Miyuusan Abuu Jahl أبوجهلogayn inuu Ilaahay u jeeddo oo uu ka abaal marinayo( 14 )Bal isagu ma oga, ee hadduusan ka harin dhibidda Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, iyo beenintiisa, waxaan kasoo dhufanaynnaa foodda timihiisa oo markaasaan Naarta ugu jiideynnaa(l5)Foodda midkay ku taallo uu beenaale yahay dambiile ah: ibnu Cabbaas إبن \ عباسwuxu yiri: "Markuu Abuu Jahl أبوجهلRasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, tukashada Salaadda ka reebay, ayuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, canaantay. Markaasuu Abuu Jahl أبوجهلwuxuu yiri: "Ma anigaad i canaananeysaa? Wa Allaahi \ وهللاwaxaan dusheeda waadigaan kasoo buuxinayaa fardo ayaxa fara le'eg iyo rag wada xoog miiran ah."(l6)Hadaba ha u yeerto tolkiis iyo taageerayaalkiisa oo ha usoo gurmadaan(l7)Annaguna, markaas, waxaan u yeereynnaa Malaa'igta la yiraahdo Al Zabaaniyyah \الزبانية, oo ah kuwa Naarta ilaaliyah, oo sidaas loogu bixiyay, siduu ibnu Cabbaas \ إبن عباسyiri: "Waxay ku tuuraan ehelu Naarka Naarta dhexdeeda" oo al zabnu\ الزبنwaa ku tuuridda(18)Arrinku ma aha siduu Abuu Jahl\ أبوجهلku taagan yahay ee ha ku adeecin Salaadda ka tegiddeeda, sujuudna Ilaahyna u dhowow: oo wuxuu Abuu Hurayrah \ أبو هريرةwariyay inuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: ". فاكثروا الدعاء،"أقرب ما يكون العبد من ربه وهو ساجد "Aqraba maa yakuunu al cabdu min Rabbihi wa buwa saajidun, fa aktharuu al ducaa'a", oo macnihiisu yahay: "Markuu addoonku Rabbigiis ugu dhow yahay waa markuu sujuudsan yahay, ee intaad sujuudda ku jirtaan badiya baryada Ilaahay."(19) Colaadda Al Nadr bin Al Xaarith\النضر بن الحارث Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: "Markuu Abuu Jahl\ أبو جهلQuraysh\ قريشwarkaas ku yiri, o ah inuu Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, markuu sujuudo dhagax dhardhaar ah madaxa uga burburin doono, ayuu Al Nadr bin Al Xaarith bin Kaladah bin Calqamah bin Cabdu Manaaf bin Cabdu Al Daar bin Qusayy\( النضر بن الحارث بن كلدة بن علقمة بن عبد مناف بن عبد الدار بن قصيoo uu ibnu Hishaam\إبن هشام yiri: "waxaa la yiraahdaa Al Nadr bin Al Xaarith bin Calqamah bin Kaladah bin Cabdi Manaaf )”النضر بن الحارث بن علقمة كلدة بن عبد منافwuxuu yiri: 358 "Ragga Qurayshow\قريش, wa Allaahi\ وهللاwaxaa idinku soo degay amar aad ilaa hadda xeelad u la'dihiin. Muxammad\( محمدSallaa Allaahu Calayhi Wasallam) wuxuu ahaa nin dhallinyaro ah oo dhexdiina ku nool, raallina laga wada yahay, idiinkuna runlowsan, idiinkuna ammaano wayn. Markaasaad markaad dhafoorkiisa cirro ku aragteen, uuna idiinla yimid wuxuu idiinla yimid, ayaad waxaad tiraahdeen: "Waa saaxir". Wa Allaahi وهللاinuusan saaxir ahayn, oo kuwa wax sixra waa naqaannaa ayaga iyo wax tuftufiddooda iyo siday wax u gunguntaan. Waxaad kaloo tiraahdeen: "Waa faaliye". Wa Allaahi وهللاinuusan faaliye ahayn. Oo kuwa faaliya waan naqaannaa iyo dhaqankoodaba, iyo siday hadalladooda isugu beegaan. Markaasaad waxaad tiraahdeen: "Waa gabayaa." Wa Allaahi وهللاinuusan gabayaa ahayn, oo gabayada waa naqammaa, noocyadooda oo idilna waan maqalnay. Markaasaad waxaad tiraahdeen: "Waa waalan yahay". Wa Allaahi وهللاinuusan waalnayn, oo waan naqaananaa qofka waalan, isaguna sidoodoo kale hadalka kuma ceegsamo, mana laha hoos u hadalkooda iyo isku dardarsankooda. Ragga Qurayshow\قريش, amarkaan u kuur gala oo ka fiirsada, oo wa Allaahi وهللاwaxaa idinku soo degay amar wayn." Al Nadr bin Al Xaarith النضر بن الحارثwuxuu ka mid ahaa shayaadiinta Quraysheed\ قريشiyo kuwa Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, dhibaateeya, colaadna kala hortegey. Al Nadr النضرwuxuu hore u tegey gobolka Al Xiirah\( الحيرةoo arliga Ciraaq\ عراقka mid ah, oo waagaas boqortooyada Furus ka tirsanayd, uuna wakiil uga ahaa boqor Carbeed), halkaasuuna kasoo bartay sheekooyinka boqorrada Furus\ الفرسiyo wararka boqorrada Rustum\ رستمiyo Isfindiyaathإسفندياذ. Markaasuu markuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, majlis fariisto oo uu ragga halkaas fadhiya Ilaahay uga warramo, uuna ugu yeero, dadkiisana uu uga digo waxa aargoosi ah oo qawmamkii ayaga ka horreeyey ku dhacay oo haleelay, ayuu majliskaas uga daba maraa, markuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka kaco. Kaddibna wuxuu dadkaas ku yiraahdaa: "Ragga Qurayshow\قريش, wa Allaahi\ وهللاanigaa isaga ka war fiican, ee ii kaalaya, waxaanna idiin sheegayaa war kiisa ka fiican." Markaasuu wuxuu uga warramaa boqorrada \ فارسiyo Rustum\ رستمiyo Isfidhiyaath\إسفندياذ. Markaas kaddibna wuxuu yiraahdaa: "Muxuu warka Muxammad\( محمدSallaa Allaahu Calayhi Wasallam) kayga uga fiican yahay?" Ibnu Hishaam\ إبن هشامwuxu yiri: "Waana isaga midka yiri, sida isoo gaartay: "Waxaan soo dejinayaa wax la mid ah wuxuu Ilaahay soo dejiyay." Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: "Ibnu Cabbaas\إبن عباس, Allaah isaga iyo aabihiisba raalli ka noqdee, wuxuu yiri, sida isoo gaartay: "Waxaa isaga kasoo degatay sideed Aayadood ee Quraanka ku jirta, ayna ka mid tahay: ِ ال أ ِ )17( ين َ ير ْال ََّوِل َ َ ِإ َذا رُْرَلى َعَل ْيه آ ََيارَُنا َق ُ َساط 359 "Ithaa tutlaa calayhi Aayaatunaa qaala asaadhiiru al awwaliina(15)." Waana Aayadda shan iyo tobnaad ee Suuratu Al Qalam\سورة القلم, oo macneheedu yahay: "Marka Aayaadkeenna Quraanka ahna lagu dul akhriyo wuxuu yiraahdaa waa dadkii hore warkoodii(15)." ِ أlagu sheegay isagay kasoo Kulli Aayad kasta ee Quraanka ku jirta oo kalimada asaadhiir ير َ ُ َساط degatay." Wafdiga Quraysh\ قريشee yuhuudda Al Madiinah\المدينة Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: "Quraysh\ قريشmarkuu Al Nadr bin Al Xaarith\ النضر با الحارثwarkaas ku yiri waxay ergo ahaan ugu dire en isaga laftiisa, ayna ku dareen Cuqbah bin Abii Mucaydh\عقبة با أبي معيط, culummada yuhuudda ee Al Madiinah\ المدينةdeggan, waxayna labadoodaas ku yiraahdeen: "Ka wareysta xagga Muxammad\( محمدSallaa Allaahu Calayhi Wasallam), una sifeeya tilmaamihiisa, wuxuu ku hadlayana u sheega, maxaa yeelay ayaga yuhuudda ahi waa ehelu kitaabka hore, waxayna leeyihiin cilmi aanan annagu lahayn oo Anbiyada ku saabsan." Markaasey labadoodaas Makkah\ مكةkasoo baxeen oo ay Al Madiinah\ المدينةyimaadeen. Markaasey culummada yuhuudda intay u tageen ka wareysteen xagga Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, amarkiisana ay u sifeeyeen, wuxuu leeyahay qaarkiisna u sheegeen, kaddibna waxay ku yiraahdeen: "Adinku waxaad tihiin kuwa Tawraadda\ التوراتla siiyay, waxaanna idiinku nimid inaad nooga warrantaan saaxiibkeennaan." Markaasey culummada yuhuuddu waxay labadoodaas ku tiri: "Waxaan idin amraynnaa inaad saddex weydiisaan, oo hadduu idiin sheego isagu waa Nabi Mursal\ مرسلah. Hadduusan idiin sheeginse waa nin iska hadlaya ee waxay idinla noqoto ka yeela. Waxaad weydiisaan: (Kow) Wuxuu yahay amarka rag waa hore la waayey iyo wuxuu amarkoodu ku dambeeyey, oo raggaasu waxay leeyihiin qiso cajiib ah oo lala yaabo. (Labo) Waxaad kaloo weydiisaan warka iyo arrinka nin safray oo gaaray arliga qorrax kasoo bixiisa iyo qorrax u dhiciisaba. (Saddex) Waxaadna weydiisaan ruuxa: muxuu ruuxu yahay? Hadduu saddexdaas arrimood warkooda idiin sheego, raaca ninka, maxaa yeelay waa Nabi. Hadduusanse idiin sheeginse, waa nin iska hadalay, ee waxaad doontaan amarkiisa ka yeela." Markaasey Al Nadr bin Al Xaarith\ النضر بن الحارثiyo Cuqbah bin Abii Mucaydh bin Abii Camr bin Umayyah bin Cabdi Shams bin Cabdu Manaaf bin Qusayy عقبة بن أبي معيط بن أبي عمرو بن أمية بن \ عبد شمس بن عبد مناف بن قصيsoo gaddoomeen, oo ay Quraysh\ قريشMakkah\ مكةugu yimaadeen, waxayna ku yiraahdeen: "Ragga Qurayshow\قريش, waxaan idiin keennay wax adinka iyo Muxammad\( محمدSallaa 360 Allaahu Calayhi Wasallam) idin kala saara. Culummada yuhuuddu waxay noo sheegeen inaan weydiinno arrimo ay nagu amreen, oo hadduu idiin sheego oo uu warkooda idin siiyo ninku waa Nabi. Hadduunsanse yeelin waa nin iska hadlaya ee arrinkiisa go'aan ka gaara." Al Nadr bin Al Xaarith\ النضر بن الحارثwaxaa lagu dilay, isagoo gaal ah, Badr\بدر, wuxuuna ka mid ahaa ragga lasoo qafaalay, waxaana dilay Calii bin Abii Dhaalib\علي بن أبي طالب, Allaha raalli ka noqdee, oo uu amray Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasalla, siduu Al Zubayru ibnu Al Bakkaar\ الزبير إبن البكارiyo ghayrkiisba u wariyeen, nana soo mari doonta, inshaa' a Allaahu\إن شاء هللا. lmtixaanidda Quraysh \ قريشee Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam Markaasey raggi Quraysheed\ قريشwaxay u yimadeen Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, kuna yiraahdeen: "Muxammadow\( محمدSallaa Allaahu Calayhi Wasallam), waxaad noo sheegtaa rag waa hore lumay oo la waayey, oo war cajiib ah oo yaab miiran ah leh. Waxaad kaloona noo sheegtaa nin adduunka ku safray, gaarayna arliga qorrax kasoo bixiisa iyo qorrax u dhiciisaba. Waxaad kaloona noo sheegtaa ruuxu wuxuu yahay oo uu ka samaysan yahay." Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri: "."أخبركم بما سألتم عنه غدا "Ukhbirukum bimaa sa'altum canhu ghadan", oo macneheedu yahay: "Waxaan idiin sheegayaa waxaad i weydiiseen berrito", mana uusan oran Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam inshaa'a Allaahu\ إن شاء هللا.. Markaasey ka gaddoomeen. Markaasuu wuxuu joogay Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, siday leeyihiin, shan iyo toban habeen, oo uusan Ilaahay intaasna wax Waxyi \ وحيah u keenin, Jibriilna\جبريل uusan u imaan. Markasey reer Makkah\ مكةgilgisheen, oo ay yiraahdeen: "Muxammad\( محمدSallaa Allaahu Calayhi Wasallam) wuxuu na ballamiyay berri, maantana waxaa laga joogaa shan iyo toban habeen oo aan ku waabariisannay isagoo aan waxba nooga sheegin waxaan weydiinnay." Rasuulka Ilaahayna, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu ka tiiraanyooday inuusan Waxyi \ وحيu imaan, waxaana calool xumeeyey, aadna u dhibay warka ay reer Makkah \ مكةku hadleen. Markaas kaddib ayuu Jibriil\ جبريلu yimid, uuna Ilaahay Cazza wa Jalla\ هللا عز و جلxaggiisa Suuratu Al Kahfi\ سورة الكهفuga keenay, dhexdeenana lagu canaananayo siduu reer Makkah\مكة ugu tiiraanyoonayo (oo ah inayan islaamin), looguna sheegayo warka arrimaha ay weydiiyeen, oo ah ragga tegey oo la waayey iyo ninka adduunka ku safray iyo Ruuxa\الروح. 361 Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: "Waxaa la ii shegay inuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa AIlaahu Calayhi Wasallam, markuu Jibriil u yimid uu ku yiri: "."لقد احتبست عني يا جبريل حتى سؤت ظنا "Laqad ixtabasta cannii yaa Jibriilu xattaa su'tu thannan” oo macneheedu yahay: "Jibriilow\جبريل, waad iga joogsatay oo aadan ii imaan, ilaa heer aan wax xun maleeyey." Markaasuu Jibriil\ جبريلwuxuu ku yiri: "Anigaa kaa hilow badnaa, laakiin waxaan ahay addoon la amro, oo haddii la isoo diro waan soo degaa, haddii la i reebana waan reebtoomaa." Markaasuu Jibriil\ جبريلwuxuu ku yiri: ِ ِ )62( ُّك َن ِسيًّا َ ان َرب َ َو َما َنرََن َّزُل إِ ََّل بِأ َْم ِر َرب َ ِّك لَهُ َما َب ْي َن أ َْيد َينا َو َما َخْلفََنا َو َما َب ْي َن َذل َك َو َما َك "Wa maa natanazzalu illaa bi’amri Rabbika lahu maa hayna aydiinaa wa maa khalfanaa wa maa bayna thaalika wa maa kaana Rabbuka nasiyyan(64)." Waana Aayadda afar iyo lixdanaad ee Suuratu Maryama\ سورة مريمoo macneheedu yahay: "Kuma soo deganno amarka Rabbigaa mooyee, oo malaa'igtu Samaday kasoo degataa oo dhulkay kusoo degataa marka hawl loo soo diro, Rabbigaasoo leh waxa horteenna ah iyo waxa naga dambeeyaba iyo inta u dhexeysaba. Rabbigaana ma ah mid amarka halmaansan." Riwaayad kalena, uuna Al Baghawii\ البغويtafsiirkiisa ku wuxuu Rasuulka Ilaahay, SaIlaa Allaahu Calayhi Wasallam, Jibriil\ جبريلku yiri: "."أبطأت علي حتى ساء ظني واشتقت إليك "Abdha'ta calayya xattaa saa'a thannii wa ashtaqtu ilayka", oo macneheedu yahay: "Waa iga soo gaabisay ilaa heer ay maladeydu xumaatay, waana kuu hiloobay." Al Suhaylii\ السهيليwuxuu yiri: "Kitaabka Siirada ee uu dhigay Al Taymii\ التيميiyo kan Muusaa bin Cuqbah\ موسى بن عقبةwaxay wariyeen inuu Waxyigu kasoo gaabiyay oo uusan u imaan saddex maalmood, kaddibna uu Jibriil \ جبريلSuuratu Al Kahfi\ سورة الكهفu keenay." 362 Warka ragga la waayey wuxuu yiri:إبن إسحاق\Ibnu Isxaaq kuسورة الكهف\, wuxuu Suuratu Al Kahfiهللا سبحانه و تعالى\"Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa bilaabay xamdigiisa, wuxuuna sheegay Nabinnimada Rasuulkiisa, kaddib markay isaga taas ku diideen, wuxuuna yiri: بسم اهلل الرحمن الرحيم .اْلحم ُد لِلَّ ِه الَِّذي أ َْن َز َل علَى ع ْبِد ِه اْل ِكرَاب ولَم ي ْجع ْل لَه ِعوجا ( )1قَي ِ ِ ْسا َ َ ْ َ َ ُ ًَ َ َ ِّما لُي ْنذ َر َبأ ً َْ ً اكثِين ِف ِ ِ يدا ِمن لَ ُد ْنه ويب ِّشر اْلمؤ ِمنِين الَِّذين يعملُون الصَّالِح ِ ِ ات أ َّ يه أ ََب ًدا (َ )3وُي ْنِذ َر َن لَهُ ْم أ ْ َ َج ًار َح َسًنا (َ )2م َ َ ََْ َ َشد ً ْ ُ َ ُ َ َ ُ ْ َ ِ ِ الَِّذين قَالُوا ارَّ َخ َذ اللَّه ولَ ًدا ( )2ما لَهم بِ ِه ِمن ِعْلٍم وََل ِْلَبائِ ِهم َكبر ْ ِ ون إِ ََّل َكِذًبا ْ ت َكل َمةً رَ ْخ ُرُج م ْن أَ ْف َواه ِه ْم إِ ْن َيقُولُ َ َ َ َ ْ َُ َ ُْ َُ ِ ِ ِ َّ َسفًا ( )6إَِّنا َج َعْل َنا َما َعلَى ْال َْر ِ ض ِز َينةً لَهَا (َ )7فلَ َعل َك َباخعٌ َن ْف َس َك َعلَى َآثَ ِارِه ْم إِ ْن لَ ْم ُي ْؤ ِمُنوا بِهَ َذا اْل َحديث أ َ َن أَصحاب اْل َكه ِ ِ الرِق ِيم ف َو َّ ص ِع ً يدا ُج ُرًاز ( )8أ َْم َح ِس ْب َ لِ َنْبلُ َو ُه ْم أَيُّهُ ْم أ ْ ت أ َّ ْ َ َ َح َس ُن َع َم ًًل ( َ )7لوِاَّنا لَ َجاعلُ َ ون َما َعلَ ْيهَا َ ْ ِ ِ ِ ِ ِ ِ ِّئ لََنا ِم ْن أ َْم ِرَنا َر َش ًدا َك ُانوا م ْن آ ََيار َنا َع َجًبا ( )1إِ ْذ أ ََوى اْلفرَْيةُ إِلَى اْل َك ْهف فَقَالُوا َرب ََّنا آَر َنا م ْن لَ ُد ْن َك َر ْح َمةً َو َهي ْ ِ ِِ ِ ِ َح َ ِ ِ َم ًدا اه ْم لَِن ْعلَ َم أ ُّ َي اْل ِح ْزَب ْي ِن أ ْ ين َع َد ًدا ( )11ثَُّم َب َعثَْن ُ ( )11فَ َ ض َرْب َنا َعلَى َآ َذان ِه ْم في اْل َك ْهف سن َ صى ل َما لَبثُوا أ َ ص علَْي َك َنبأَهم بِاْلح ِّ ِ ِ ِِ ِ اموا اه ْم ُه ًدى (َ )13وَرَب ْ َمُنوا بِ َرِّب ِه ْم َوِزْد َن ُ َ ُْ َ (َ )12ن ْح ُن َنقُ ُّ َ ط َنا َعلَى ُقلُوبه ْم إ ْذ قَ ُ ق إَّنهُ ْم فرَْيةٌ آ َ ب الس ِ ات و ْال َْر ِ فَقَالُوا َرب َُّنا َر ُّ ض لَ ْن َن ْد ُع َو ِم ْن ُدونِ ِه إِلَهًا لَقَ ْد ُقْل َنا ِإ ًذا َشطَطًا (َ )12ه ُؤََل ِء قَ ْو ُم َنا ارَّ َخ ُذوا ِم ْن َ َّم َاو َ ِ ِ ان َبي ٍ ون َعلَ ْي ِه ْم بِ ُسْلطَ ٍ وه ْم َو َما ِّن فَ َم ْن أَ ْ ظلَ ُم ِم َّم ِن ا ْفرََرى َعلَى اللَّ ِه َكِذًبا ( َ )17لوِاِذ ْ اعرََزْلرُ ُم ُ ُدونِه آَلهَةً لَ ْوََل َيأْرُ َ يعب ُدون إِ ََّل اللَّه فَأْووا إِلَى اْل َكه ِ ف َي ْن ُشر لَ ُكم رُّب ُكم ِم ْن ر ْحمرِ ِه وُيهيِّئ لَ ُكم ِم ْن أَم ِرُكم ِمرفَقًا ( )16ورَرى َّ الش ْم َس َ ُْ َ ْ ََ ْ ْ َ َ َ َ ْ ْ ْ ْ َ ْ َ ُ ال وهم ِفي فَ ْجوٍة ِم ْنه َذِل َك ِمن آَي ِ ضهم َذ َ ِّ ِ ات اْل َي ِم ِ ات إِ َذا َ ين َ لوِا َذا َغ َرَب ْ طلَ َع ْ ت رََزَاوُر َع ْن َك ْه ِف ِه ْم َذ َ ْ َ ُ ات الش َم َ ُ ْ ت رَ ْق ِر ُ ُ ْ َ ات ضلِ ْل َفلَ ْن رَ ِج َد لَهُ َولِيًّا ُم ْرِش ًدا (َ )17ورَ ْح َسُبهُ ْم أ َْيقَا ً ظا َو ُه ْم ُرقُ ٌ ود َوُن َقلُِّبهُ ْم َذ َ اللَّ ِه َم ْن َي ْهِد اللَّهُ فَهُ َو اْل ُم ْهرَِد َو َم ْن ُي ْ َّ اسطٌ ِذراع ْي ِه بِاْلو ِ ال و َكْلبهم ب ِ ات ِّ اْل َي ِم ِ ت ِم ْنهُ ْم ُرْعًبا ت ِم ْنهُ ْم ِف َرًا ار َولَ ُملِ ْئ َ ت َعلَ ْي ِه ْم لَ َولَّْي َ ص ِيد لَ ِو اطلَ ْع َ ين َوَذ َ َ َ الش َم ِ َ ُ ُ ْ َ َ ( )18و َك َذلِ َك بعثَْناهم لِيرَساءلُوا ب ْي َنهم قَ َ ِ ِ َعلَ ُم بِ َما ض َي ْوٍم قَالُوا َرُّب ُك ْم أ ْ ال قَائ ٌل م ْنهُ ْم َك ْم لَبِثْرُ ْم قَالُوا لَبِثَْنا َي ْو ًما أ َْو َب ْع َ َ َ ُ ْ َ َ َ َ ُْ َ ِ ِ ِ ِ ِِ ِ اما َفْل َيأْرِ ُك ْم بِ ِرْز ٍ ف َوََل ُي ْش ِع َرَّن ق ِم ْنهُ َوْل َيرَلَطَّ ْ لَبِثْرُ ْم فَ ْاب َعثُوا أ َ َح َد ُك ْم ب َوِرق ُك ْم َهذه إلَى اْل َمد َينة َفْل َي ْنظُ ْر أَيُّهَا أ َْزَكى طَ َع ً َعثَْرَنا َح ًدا ( )11إَِّنهُ ْم إِ ْن َي ْ ظهَُروا َعلَْي ُك ْم َي ْرُج ُمو ُك ْم أ َْو ُي ِع ُ يدو ُك ْم ِفي ِملَّرِ ِه ْم َولَ ْن رُْفلِ ُحوا إِ ًذا أ ََب ًدا (َ )21و َك َذلِ َك أ ْ بِ ُك ْم أ َ َن السَّاعةَ ََل رْي ِ ِ ِ َن و ْع َد اللَّ ِه َح ٌّ ق َوأ َّ ون َب ْي َنهُ ْم أ َْم َرُه ْم فَقَالُوا ْابُنوا َعلَ ْي ِه ْم ُب ْن َي ًانا َربُّهُ ْم َ َ َ ب فيهَا ِإ ْذ َيرََن َازُع َ َعلَ ْيه ْم ل َي ْعلَ ُموا أ َّ َ ِ َعلَم بِ ِهم قَ َ َِّ ون َخ ْم َسةٌ ون ثَ ًَلثَةٌ َاربِ ُعهُ ْم َكْلُبهُ ْم َوَيقُولُ َ ين َغلَُبوا َعلَى أ َْم ِرِه ْم لََنرَّخ َذ َّن َعلَْي ِه ْم َم ْس ِج ًدا (َ )21س َيقُولُ َ ال الذ َ أْ ُ ْ س ِادسهم َكْلبهم ر ْجما بِاْل َغ ْي ِب ويقُولُون س ْبعةٌ وثَ ِ َعلَ ُم بِ ِع َّدرِ ِه ْم َما َي ْعلَ ُمهُ ْم إِ ََّل َقلِي ٌل فَ ًَل رُ َم ِار امُنهُ ْم َكْلُبهُ ْم ُق ْل َربِّي أ ْ َ ُ ُْ ُ ُْ َ ً ََ َ َ َ َ ِ ِ ِ ٍ ِ ِ ِ ِ َّ ِ ِ اء َح ًدا (َ )22وََل رَقُولَ َّن ل َش ْيء إِِّني فَاع ٌل َذل َك َغ ًدا ( )23إِ ََّل أ ْ اء ظَاه ًار َوََل رَ ْسرَ ْفت في ِه ْم م ْنهُ ْم أ َ َن َي َش َ في ِه ْم إَِل م َر ً ِ ِ ث ِم َئ ٍة اللَّهُ َوا ْذ ُك ْر َرب َ ب ِم ْن َه َذا َر َش ًدا (َ )22ولَبِثُوا ِفي َك ْه ِف ِه ْم ثَ ًَل َ َّك إِ َذا َن ِس َ يت َوُق ْل َع َسى أ ْ َن َي ْهد َي ِن َربِّي لَ ْق َر َ 363 ِ ِ ِ ات و ْالَر ِ َعلَم بِما لَبِثُوا لَه َغ ْيب الس ِ ِِ َّ ِ َس ِمع َما لَهُ ْم ِم ْن ُدونِ ِه ُ ُ َ سن ْ ض أ َْبص ْر بِه َوأ ْ َ َّم َاو َ َ ُ ْ ) قُل اللهُ أ27( ين َو ْازَد ُادوا ر ْس ًعا ِِ ِ ُ ِمن ولِ ٍّي وََل ي ْش ِر )26( َح ًدا َ ك في ُح ْكمه أ ُ َ َ ْ “Bismi Allaahi Al Rraxmaani Al Rraxiimi. Alxamdu li Allaahi Allathii anzala calaa cabdihi Al Kitaaba wa lam yajcal lahu ciwajaa(1)Qayyiman liyunthira ba'san shadiidan mmin lladunhu wa yubash-shira al mu'miniina allathiina yacmaluuna al ssaalixaati anna lahum ajran xasanan(2)Maakithiina fiihi abadan(3)Wa yunthira allathiina qaaluu ittakhatha Allaahu waladan(4)Mmaa lahum bihi min cilmin wa laa li'aabaa'ihim kaburat kalimatan takhruju min afwaahihim in yaquuluuna illaa kathiban(5)Falacallaka baakhicun nafsaka calaa aathaarihim in llam yu'minuu bihaathaa al xadiithi asafan(6)Innaa jacalnaa maa calaa al ardi ziinatan llahaa linabluwahum ayyubum axasanu camalan(7)Wa Innaa lajaaciluuna maa calayhaa saciidan juruzan(8)Am xasibta anna asxaaba al kahfi wa al rraqiimi kaanuu min Aayaatinaa cajaban(9)Ith awaa al fityatu ilaa al kahfi faqaaluu Rabbanaa aatinaa min lladunka raxmatan wa hayyi' lanaa min amrinaa rasbadan(l0)Fa darabnaa calaa aathaanihim fii al kahfi siniina cadadan(ll)Thumma bacathnaahum linaclama ayyu al xizbayni axsaa limaa labithuu amadan(12)Naxnu naqussu calayka naba'ahum bi al xaqqi innabum fityatun aamanuu bi Rabbihim wa zidnaahum hudan(13)Wa rabadhnaa calaa quluubibim ith qaamuu faqaaluu Rabbunaa Rabbu Al Ssamaawaati wa al ardi lan nadcuwa min duunihii ilaahan llaqad qulnaa ithan shadhadhan(14)Haa'ulaa'i qawmunaa ittakhathuu min duuniHi aalihatan llaw laa ya'tuuna calayhim bisuldhaanin bayyinin faman athlamu mimman iftraa calaa Allaahi kathiban(15)Wa ithi ictazaltumuuhum wa maa yacbuduuna illaa Allaaha fa'wuu ilaa al kahfi yanshur lakum Rabbukum min raxmatihi wa yubayyi' lakum mmin amrikum mirfaqan(16)Wa taraa al sh-shamsa ithaa dhalacat tazaawaru can kahfihim thaata al yamiini wa ithaa gharabat ttaqriduhum thaata al sh-shimaali wa hum fii fajwatin mminhu thaalika min Aayaati Allaahi man yahdi Allaahu fa huwa al muhtadi wa man yudlil falan tajida lahu waliyyan mmurshidan(17)Wa taxsabuhum ayqaathan wahum ruquudun wa nuqallibuhum thaata al yamiini wa thaata al sh-shimaali wa kalbuhmn baasidhun thiraacayhi bi al wasiidi lawi idhdhalacta calayhim lawallayta minhum firaaran wa lamuli'ta minhum rucban(l8)Wa kathaalika bacathnaahum liyatasaa'aluu baynahum qaala qaa'ilun mminhum kam labithtum qaaluu labithnaa yawman aw bacda yawmin qaaluu Rabbukum aclamu bimaa labithtum fa abcathuu axadakum biwariqikum haathihi ilaa al madiinati falyanthur ayyuhaa azkaa dhacaaman falya'tikum birizqin minhu walyataladhdhaf walaa yushciranna bikum axadan(19)Innahum in yath-haruu calaykum yarjumuukum aw yuciiduukum fii millatihim walan tuflixuu ithan abadan(20)Wa kathaalika actharnaa calayhim liyaclamuu anna wacda Allaahi xaqqun wa ann a al ssaacata laa rayba fiihaa ith yatanaazacuuna baynahum amrahum faqaaluu abnuu calayhim bunyaanan Rabbuhum aclamu bihim qaala allathiina ghalabuu calaa amrihim lanattakhithanna calayhim masjidan(21)Sayaquuluuna thalaathatun rraabicuhum kalbuhum wa yaquuluuna khamsatun saadisuhum kalbuhum rajman bi al ghaybi wa yaquuluuna sabcatun wa thaaminuhum kalbuhum qul Rabbii aclamu biciddatihim mmaa yaclamuhum illaa qaliilun falaa tumaari fiihim illaa miraa'an thaahiran wa laa tastafti fiihim mminhum axadan(22)Wa laa taquulanna li shay'in inni faacilun 364 thaalika ghadan(23)Illaa an yahshaa'a Allaahu wa athkur Rabbaka ithaa nasiita wa qul casaa an yahdiyani Rabbii li'aqraba min haathaa rashadan(24)Wa labithuu fii kahfihim thalaatha mi'atin siniina wa izdaaduu tiscan(25)Quli Allaahu aclatnu bimaa labithuu lahu ghaybu Al Ssamaawaati wa al ardi absir bihi wa asmic maa lahum min duunihi min waliyyin waa yushriku fii xukmihi axadan(26)." Aayadahaas macnohoodu waxaa weeye: "Xamdiga waxaa iska leh oo uu u sugnaaday Ilaahay, ahna Ilaaha kusoo dejiyay addoonkiisa Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Kitaab toosan oo ayan dhexdiisa qallooc, oo ah is khilaaf ku jirin(1)Kitaab toosan oo aan la abuurine Hadalka Ilaahay oo azaliga ah oo weligiis jiray, siduu ibnu Cabbaas u fasiray, si uu ugaga digo ciqaab adag oo xaggiisa ka ahaatay, uguna bishaareeyo mu'miniinta waxa wanaagsan suubiya inay muteysteen oo leeyihiin ajar fiican, oo ah Jannada oo ay galaan(2)Kuna waarayaan dhexdeeda weligood oo aan laga soo saareyn(3)Una digo kuwa yiri Ilaahay wuxuu yeeshay caruur(4)Uma laha wax cilmi ah ayaga iyo aabayaalkood midna, waxaana weynaatay kalimad, waa eraye, afafkooda kasoo baxday, ahna oraahdooda inuu Ilaahay caruur leeyahay, waxay leeyihiinna ma aha waxaan been ahayn(S)Adiguna, waa Nabi Muxammade, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxaad ku sigatay inaad naftaada halaagto sidaad raadkooda ugu taagan tahay oo aad ugu dadaaleysid, una dooneysid inay rumeeyaan, aadna uga calool xuntahay inayan Quraanka rumayn(6)Annagu waxaan ka yeelnay waxa arliga korkiisa ah wax quruxdeeda ah, si aan u imtixaanno kooda camal fiican(7)Kaddibna waxaan ka yeeleynnaa waxa korkeeda ah did yaabis ah oo aan waxba kasoo dhalan(8). Asxaabu Al Kahfi wa Al Raqiimi\أصحاب الكهف والرقيم Mase waxaad u moodday inay asxaabtii godka iyo kitaabku ama kuwa degay waadiga Al Raqiimu\ الرقيمla yiraahdo dhiniciisa, sida ibnu Cabbaas\ إن عباسlooga wariyay, ay ahaayeen kuwa Aayaadkeenna ugu cajab iyo yaab badan?(9)Markay raggu ku hoydeen godka, oo ay yiraahdeen: "Rabbigeenow! naga sii xaggaaga naxariis, oo na hanuuni, noona sahal amarkeena waxaan ku heleynno raallinnimadaada, aanna ku hanuunsamaynno, oo siduu ibnu Cabbaas إن عباسyiri: "Naga saar godka annagoo nabad qabna". Raggaas magac xoogaa kala duwan ayaa lagu sheegay, waxayna ahaayeen madaxda boqortooyada roomaanka ee ka dhisnayd magaalada maanta dalka Turkiga ku taalla Efesus\افسس, oo waagaas ka tirsanayd boqortooyada Rooma. Magaalooyin kalena waa lagu sheegay, sida Cammaan\ عمانee arliga Urdun\أردن, iyo Dimishiq \ دمشقee dalka Suuriya\سوريا, Armeeniya\أرمينية, arliga Spaaniya\ إسبانياiyo kuwo kaleba. Boqorka Roomaanka u taliyay, magaciisuna Daqyaanus\ دقيانوسahaa, wuu ka leexday Diinta islaamka ee Nabi Ciise\عيسى, waxayna bilaabeen inay asnaamta caabudaan. Raggaas godka galay midkood wuxuu ahaa ku xigeenka boqorka ama Wasiirkiisa. Magacdooduna waa Maksilmiinaaمكسلمينا, Makhshalmiinaa\مخشلمينا, Tamliikhaa\تمليخا, Mardhuunus\مرطونس, Kashdhuunusكشطونس, Yabruunus\يبرونس, Daymuus\ ديموسiyo Badhyuus\بطيوس. Eygoodana waxaa la oran jiray Qadhmiir\قطمير. Raggaani waxay arkeen nin asxaabta Nabi Ciise \عيسى, Calayhissalaamu, ka mid ah, ama nin asbaatiisa wax ka arkay, oo zamankaas ayay noolaayeen, waxayna ku taagnaayeen Diinta Islaamka iyo Shareecada Nabi Ciise\ عيسى,, 365 Calayhissalaamu. Al Imaam Muxmmnad Dhaahir ibnu Caashuur\األمام محمد طاهر إبن عاشور, oo reer Tuunis\ تونسah, wuxuu tafsiirkiisa Tafsiiru Al Taxriir wa Al Tanwiir\ تفسير التحرير والتنويرmarkuu Aayadda sagaalaad fasirayo ku sheegay inuu zamanka asxaabu al kahfi\ أصحاب الكهفahaa qiyaas sanadka laba boqol iyo toddoba iyo soddon Miilaadiga, boqorka roomaankana uu ahaa Duuqyuusدوقيوس ama Duqyaanuus\(دقيانوس10)Markaasaan hurdo ku ridnay ayagoo godka dhexdiisa ku sugan oo ay sanooyin fara badan hurdeen(ll). Kasoo kaca hurdada Markaas kaddibna waan soo kicinnay si aan u aragno labada kooxood kooda koobid sugan intay godka dhexdiisa ku sugnaayeen, ayadoo ay dadka magaaladaasi kaddib isku khilaafeen intay godka ku jireen(12)Annagaa kaaga warramaynna warkooda, kuuna sheegeynna ruuta warkooda, waxayna ahaayeen rag dhalliyaro ah oo Rabbigood rumeeyey, Annaguna waxaan u kordhinnay hanuun(13) Waxaan ku xoojjinay quluubtooda sabar iyo sugnaan iyo nuurka iimaanka inay magaalada dadkooda iyo ehelkoodaba ka qaxeen ayna Diintooda god kula carareen, markay hor istaageen boqorkooda Daqyaanus دقيانسmarkuu ku canaantay ka tegiddooda caabudidda asnaamta, ayna yiraahdeen: "Rabbigeennu waa Rabbiga iska leh Samaawaatka iyo arligaba, Isaga sokadiisana ilaah kale caabudi maynno, haddaan saas yeelnana oo aan ilaah kale caabduno waxaan ku hadalnay hadal xadgudub iyo been ah(l4)Kuwaasuna waa tolkeen aan isla magaalada deggannahay, waxayna Ilaahay sokadiisa ka yeesheen ilaahyo asnaam: mey keenaan wax cibaadadoodaas xujjo cad u ah, yaana ka dulmi badan qofka Ilaahay ku been abuurtay, oo yiri wuxuu leeyahay caruur ama shariik?(15)Markaasey raggaas qaarkoood waxay ku yiraahdeen qaarka kale: "Maad ka fogaataan dadakiinna iyo waxay caabudayaan Ilaahay sokadiisa, oo markaas u qaxa oo gala godka, markaasuu Rabbigiin wax idiinka fidinayaa naxariistiisa, amarkiinnana idiin sahlayaa iyo raaxaba(16)Waxaadna arkaysaa qorraxda oo markay soo baxdo uga iilaneysa godkooda xagga midig, markay dhaceysana ka goyneysa xagga bidix, ayagoo ku sugan meel waasac ah oo godka dhexdiisa ah, ayadoo ayan qorraxdu gubayn oo dhib u geysanayn. Taasina waxay ka mid tahay Aayaatka Ilaahay. Qofkuu Ilaahay hanuuniyo ayaa hanuunsan, qofkuu baadiyeynayana u heli maysid axad u gargaara oo hanuuniya(17)Waxaad mooddaa haddaad aragto inay soo jeedaan, oo indhohoodu way furnaayeen, oo way neefsanayeen intaas ay hurdeen, wayse hurdaan, waxaanna u rog rogaynnaa midig iyo bidix, si ayan ciiddu dhinocooda u cunin, waxaana la yiri in la gadgaddin jiray sanadkiiba mar, sida looga wariyay ibnu Cabbaas\إبن عباس, maalintaasna la yiri waxay ahayd maalinta Cashuuraa'\ عشوراءee tobanka bisha Muxarram\محرم. Eygooduna wuxuu jeeniyadiisa ku fidiyay albaabka godka. Haddaad arki lahayd, Nabi Muxammadow, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waad ka jeesan lahayd oo ka gaddoomi lahayd adigoo cararaya, waxaana lagaa buuxin lahaa xaggooda argagax(18). Intay hurdeen "Sidaan u seexinnay oo kale ayaan usoo kicinnay inay qaarkood qaarka kale is wareystaan. Wuxuu yiri mid ka mid ihi: "imisaad nagaaddeen?" Waxay yiraahdeen: "waxaan nagaannay maalin ama maalin qaarkeed", uuna sidaas u yiri ayagoo godka subax galay, 366 hurdana kasoo kacay markay casarkii tahay. Waxay yiraahdeen: "Rabbigiin ayaa u cilmi leh intaad nagaaddeen ee midkiin dira una dhiiba lacagtiinnaan qalinka ah, una dira magaalada, hana idiinku soo gado cunno xalaal ah, hana idiin keeno cunno. Qofkaas aad direysaanna ha is qariyo, oo si aayar ah oo asturan dariiqyada magaalada ha u maro, yuusan axad ayaga ka mid ihi idin ogaanin(19)Maxaa yeelay ayagu hadday idin arkaan dhagax ayay idinku dilayaan, ama waxay idinku celinayaan diintooda gaalnimada ah, oo aydnaan markas weligiin liibaaneyn(20)Sidaas ayaanna u tusinnay dadka, waana markuu midkay lacagta usoo dhiibteen oo cunnada usoo dirsadeen uu magaalada yimid, isagoo qaba dhar kooda ka duwan, lacag tooda ka duwan kuna hadlaya af kooda ka duwan, oo marka la wareystay warkooda siiyay, oo sidaasuu dadku wuxuu helayba daliil loo jeedo inuu Qiyaamuhu sidaasoo kale yahay, sida raggaas intaasoo boqoloo sano hurday: inuu ballanka Ilaahay run yahay, Saacadana aan shaki ku jirin oo ay dhacayso. Markaasaa boqorkii magaalada iyo dadkiiba, muslimkooda iyo gaalkoodaba isi soo raaceen, si ay godkaas iyo ragga ku jira u arkaan. Markay godka afkiisa yimaadeen ayuu ninkii raggaas ka midka ahaa oo soo waday godka galay si uu asxaabtiisa ugu sheego inay la socdaan boqorkii iyo dawladdii oo muslimiin ah. Markuu galay oo uu la fariistay ayaa dhammaantoodba nafta laga wada qabtay oo ay dhinteen. Markaasuu boqorku soo galay oo uu arkay raggi oo wada mayd ah, ayna goosteen in meeshooda loo daayo oo ay xabashooda tahay. Markaasey godka hortiisa ku murmeen amarkooda, ayna muslimiintu yiraahdeen waxaan dushooda ka dhisaynna masjid uu dadku ku tukado, maxaa yeelay ayagu waxay ku taagan yihiin diinteenna. Gaaladiina waxay yiraahdeen waxaan ka dhiseynnaa guri. Markaasey boqorka oo muslim ahaa iyo asxaabtiisu amarkooda ku adkaadeen, ayna goosteen inay masjid ka dul dhisaan, ayna yiraahdeen Rabbigood ayaa ogsoon ayagee(21). Tirada raggaas Waxay leeyihiin waxay ahaayeen saddex nin, oo sidaan ku timid: wafdi krishtaan ah oo reer Najraan\ نجرانarliga Yamaneed\ يمنka yimid kana kooban lixdan nin oo culummadooda iyo madaxdoodu ka mid yihiin oo ay hoogaaminayaan ayaa Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Al Madiinah\ المدينةugu yimid sanadka sagaalaad ee Hijrada, una dhiganyah qiyaas sanadka lix boqol iyo kow iyo soddonka miilaadiga ah, ayna hoggaaminayeen Al Sayyiduالسيد iyo Al Caaqibu\ العاقبiyo asxaabtooda. Markaasey waxay halkaas ka maqleen, oo lasoo qaaday asxaabu al kahfi\أصحاب الكهف. Markaasuu Al Sayyidu\السيد, oo mathhabka la yiraahdo Al Yacquubiyyah\ اليعقوبيةku taagnaa, wuxuu yiri: "Waxay ahaayeen saddex nin, waxaana afareeyey eygooda”. Markaasuu Al Caaqibu\العاقب, oo Nasdhuuri\ نسطوريahaa, wuxuu yiri: "Waxay ahaayeen shan waxaana lixeeyey eygooda". Markaasey muslimiintu waxay yiraahdeen: "Waxay ahaayeen toddoba, waxaana sideed ku ahaa eygooda." Markaasuu Ilaahay hadalka muslimiinta run ka dhigay. Marka Ilaahay wuxuu yiri: "Waxay leeyihiin saddex, waxaana afareeya eygooda, waxayna leeyihiin shan waxaana lixeeya eygooda, waana hadal ay iska ganayaan ayagoo aan cilmi u lahayn, waxayna leeyihiin muslimiintu toddoba, uusanna Ilaahay ku tilmaamin hadal la iska ganay, waxaana sideed ku ah eygooda. Waxaad tiraahdaa Rabbigay ayaa u cilmi leh tiradooda, mana uusan oga intaan in yar ahayn." Cabdu Allaahi ibnu Cabbaas\ عبد هللا إبن عباسwuxuu yiri: 367 ”. “أنا من القليل كانوا سبعة: قال ابن عباس “Anaa mina al qaliili: kaanuu sabcah.” Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "anigu waxaan ka mid ahay intaas yar oo og, waxayna ahaayeen toddoba". Hana kula murmin xaalkooda muran muuqda oo fudud mooyee, hana weydiin ehelu kitaabka axad ka mid ah amarkaan, kaddib marka aan kaaga warrannay(22)Hana ku oran shayna berri ayaan sameynayaa(23)Jeer aad tiraahdo inshaa'a Allaahu. Xusna Rabbigaa haddaad halmaanto, oo haddaad marka hore hilmaantid oo aadan inshaa'a Allaahu oran, markaad xusuusato dheh, waxaadna kaloo tiraahdaa waxaaba dhici karta inuu Rabbigay igu hanuuniyo wax ka dhow taas oo hanuun iyo toosni ah(24)Ehelu kitaabku waxay leeyihiin inay godkaas ku nagaadeen saddex boqol oo sano, ayna ku ziyaadsadeen sagaal sanoo kale. Markaasey wafdigii reer Najraan \نجران waxay yiraahdeen: "saddexda boqol oo sano waan garannay, sagaalkase cilmi uma lihi. Markaasey soo degatay(25)Waxaad tiraahdaa Ilaahay ayaa u cilmi leh intay nagaadeen, waxaana Ilaahay u sugnaatay ghaybka Samaawaatka iyo arliga, oo wax walba wuu u jeedaa, uuna maqlaa, dadkana uma sugnaanin Isaga sokadiisa gargaare, Isaguna lamana wadaajiyo xukunkiisa axadna(26)." Thuu Al Qarnayn \ذوالقرنين Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxu yiri: "Weydiintooda xagga ninka arliga qorrax kasoo bixiisa iyo qorrax u dhiciisaba u kala safrayna, waxaa kasoo degay Aayadaha saddex iyo sideetan ilaa sagaal iyo sagaashan ee isla Suuratu Al Kahfi\سورة الكهف: ِ ) ِإَّنا َم َّكَّنا لَهُ ِفي ْال َْر83( ون َك َع ْن ِذي اْلقَ ْرَن ْي ِن ُق ْل َسأ َْرلُو َعلَ ْي ُك ْم ِم ْنهُ ِذ ْك ًار ض َوآَرَْي َناهُ ِم ْن ُك ِّل َش ْي ٍء َس َبًبا َ َُوَي ْسأَل َّ ب ِ الش ْم ب ِفي َع ْي ٍن َح ِم َئ ٍة َوَو َج َد ِع ْن َد َها َق ْو ًما ُقْل َنا َيا َذا ُ س َو َج َد َها رَ ْغ ُر َ ) َحرَّى ِإ َذا َبَل َغ َم ْغ ِر87( ) َفأَرَْب َع َس َبًبا82( ِ ف نُع ِّذبه ثَُّم يرُّد ِإلَى رب ِّه فَيُ َع ِّذ ُبهُ َع َذ ًابا َّ ) قَا َل أ86( َن رَرَّ ِخ َذ ِفي ِه ْم ُح ْسًنا َ َما َم ْن ْ ب َ لوِا َّما أ َ َن رُ َع ِّذ ْ اْل َق ْرَن ْي ِن إِ َّما أ َ َ ُ ُ ُ َ َ ظلَ َم فَ َس ْو ِ ِ َما من آَمن وع ِم َل ) َحرَّى81( ) ثَُّم أَرَْب َع َس َبًبا88( َم ِرَنا ُي ْس ًار َ َ َ َ ْ َ َّ ) َوأ87( ُن ْك ًار ً صال ًحا َفَلهُ َج َز َ ْ اء اْل ُح ْس َنى َو َس َنقُو ُل َلهُ م ْن أ ِ ِ ِ َّ طِلع ِ ِ الش ْم ط َنا بِ َما لَ َد ْي ِه ُخ ْب ًار ْ َح ْ َس َو َج َد َها ر َ ) َك َذل َك َوَق ْد أ11( طلُعُ َعلَى قَ ْوٍم لَ ْم َن ْج َع ْل لَهُ ْم م ْن ُدونِهَا سرًْار َ ْ إ َذا َبلَ َغ َم َّ ) َحرَّى ِإ َذا َبلَ َغ َب ْي َن الس12( ) ثَُّم أَرَْب َع َس َبًبا11( ) قَالُوا َيا َذا13( ون قَ ْوًَل ُ َّد ْي ِن َو َج َد ِم ْن ُدونِ ِه َما قَ ْو ًما ََل َي َك َ ُون َي ْفقَه َ اد ِ ِ ون ِفي ْال َْر ال َما َ ) َق12( َن رَ ْج َع َل َب ْي َن َنا َوَب ْي َنهُ ْم َس ًّدا ْ ض َفهَ ْل َن ْج َع ُل َل َك َخ ْرًجا َعَلى أ ُ ْجو َج َو َمأ ُ اْل َق ْرَن ْي ِن ِإ َّن َيأ َ ْجو َج ُم ْفس ُد ِ يه ربِّي َخ ْير فَأ ِ ِ َّ َّدفَ ْي ِن َ ) آَرُونِي ُزَب َر اْل َحِد ِيد َحرَّى ِإ َذا َس َاوى َب ْي َن الص17( َج َع ْل َب ْي َن ُك ْم َوَب ْي َنهُ ْم َرْد ًما ْ َع ُينونِي بِقُ َّوٍة أ ٌ َ َمكِّني ف اعوا َلهُ َن ْقًبا ال ْانفُ ُخوا َحرَّى ِإ َذا َج َعَلهُ َن ًا ْ َن َي ْ غ َعَل ْي ِه ِق َ َاسر َ اس ْ ال آَرُونِي أُ ْف ِر َ ار َق َ َق ُ ط ْ اعوا أ ُ ط ْ ظهَُروهُ َو َما ْ ) َف َما16( ط ًار ِ َّ ضهُ ْم َي ْو َمئٍِذ َي ُمو ُج َ ) َورََرْك َنا َب ْع18( ان َو ْع ُد َربِّي َحقًّا َ اء َو َك َ اء َو ْع ُد َربِّي َج َعلَهُ َدك َ ) َقا َل َه َذا َر ْح َمةٌ م ْن َربِّي َفِ َذا َج17( ٍ ِفي َب ْع ِ ض َوُنِف َخ ِفي الص )11( اه ْم َج ْم ًعا ُ ُّور فَ َج َم ْع َن 368 "Wa yas'aluunaka can Thii Al Qarnayni qul sa'atluu calaykum mminhu thikran(83)Innaa makkannaa lahu fii al ardi wa aataynaahu min kulli shay'in sababan(84)Fa atbaca sababan(85)Xattaa ithaa balagha maghriba asl sh-shamsi wajadahaa taghrubu fii caynin xami'atin wawajada cindahaa qawman qulnaa yaa Thaa Al Qarnayni immaa an tucath-thiba wa immaa an tattakhitha fiihim xusnan(86)Qaala ammaa man thalama fasawfa nucath-thibuhu thumma yuraddu ilaa Rabbihi fa yucath-thibuhu cathaaban nnukran(87)Wa ammaa man aamana wa camila saalixan falahu jazaa'an al xusnaa wa sanaquulu lahu min amrinaa yusran(88)Thumma atbaca sababan(89)Xattaa ithaa balagha madhlica al sh-shamsi wajadahaa tadhlucu calaa qawmin llam najcal llahum mmin duunihaa sitran(90)Kathaalika wa qad axadhnaa bimaa ladayhi khubran(91)Thumma atbaca sababan(92)Xattaa ithaa balagha bayna al ssaddayni wajada min duunihimaa qawman llaa yakaaduuna yafqahuuna qawlan(93)Qaaluu yaa Thaa Al Qarnayni innaa Ya'juuja wa Ma'juuja mufsiduuna fii al ardi fahal najcalu laka kharjan calaa an tajeala baynanaa wa baynahum saddan(94)Qaala maa makkannii fiihi Rabbii khayrun fa aciinuunii biquwwatin ajcal baynakum wa baynahum radman(95)Aatuunii zubura al xadiidi xattaa ithaa saawaa bayna al ssadafayni qaala anfukhuu xattaa ithaa jacalahu naaran qaala aatuunii ufrigh calayhi qidhran(96)Famaa isdhaacuu an yath-haruuhu wa maa istadhaacuu labu naqban(97)Qaala haathaa raxmatun mmin Rabbii fa ithaa jaa'a wacdu Rabbii jacalahu dakkaa'a wa kaana wacdu Rabbii xaqqan(98)Wa taraknaa bacdahum yawma'ithin yamuuju fii bacdin wa nufikha fii al ssuuri fa jamacnaahum jamcan(99)". Aayadaha macnohoodu waxaa weeye: "Waxay kaa warsanayaan xagga Thuu Al Qarnayni \ذوالقرنين: waxaad ku tiraahdaa waxaan wax idiinka akhriyayaa warkiisa. Culummadu ninkaas rag kala duwan ay ku sheegeen, uuna ka mid yahay Al Iskandar bin Filipis\ األسكندر بن فلبسoo ahaa boqorka griigga, aasaasayna magaalada Al Iskandariyyah\ األسكندريةee arliga Masar\مصر. Mase ahayn isaga, oo isagu gaal ayuu ahaa, Thuu Al Qarnaynna ذوالقرنينmuslim. Qisada Al Iskandarna\ األسكندرwaxaan uga soo hadalnay kitaabkeenna Haashim\هاشم, oo ah kan saddexaad e taxanahaan(83)Waxaan u sahalnay ku safarka arliga, waxaanna u sakhirnay wadooyinkeeda, siinnayna wuxuu ugu baahnaa isaga gooshiddeeda iyo xukunkeeda xagga cilmi iyo cududba(84)Wuxuuna raacay dariiq(85)Markuuna gaaray qorrax u dhaca wuxuu arkay inay ku dhacayso il dhoobo madow ah, wuxuuna ka helay agteeda dad. Waxaan niri: "Thaa Al Qarnaynow\ !يا ذوالقرنينWaa inaad dishaa oo laysaa, hadday islaamka soo geli waayaan, ama aad u sama fashaa, oo aad cafisaa oo intaad qafaasho aad hanuunka bartaa. Ilaahay isaguu labadaas tuu falayo kala doorsiiyey(86)Wuxuu Thuu Al Qamayn ذوالقرنينdadkii ku yiri: "Qofka dulmi fala oo gaalooba waan dilaynaa, kaddibna waxaa loo celinayaa xagga Rabbigiis Maalinta Qiyaame, markaasaa cathaab adag oo naarta ah lagu cathaabayaa(87)Qofkiise rumeeya camal suubanna sameeya wuxuu leeyahay abaalmarinta fiican ee Jannada, annaguna waxaan kula dhaqmeynnaa si sahlan oo fudud(88)Kaddibna wuxuu raacay dariiq(89)Markuu gaaray qorrax kasoo baxna wuxuu arkay ayadoo kusoo baxaysa dad aan lahayn xijaab qorraxda ka celiya, oo geed iyo guri iyo buur qorraxda ka astura midna ma ayan lahayn(90)Sidaas uu dadka qorrax u dhaca ku nool u xukumay ayuu kuwaan qorrax kasoo baxa degganna u xukumay, xogogaaalimo ayaanna ku koobnay inta la socota iyo waxa uu haysto ee askar iyo cudud iyo hub 369 ahba, oo cilmi ayaan u leenahay(91 )Kaddibna dariiq ayuu raacay(92)." Darbiga celinaya Ya'juuj iyo Ma'juuj \ردم يأجوج و مأجوج "Markuu gaaray labada buurood dhexdoodana wuxuu ka helay dhexdooda dad aan afkooda mooye af kale garanayn(93)Waxay yiraahdeen: "Thaa Al Qarnaynow ! ذوالقرنينYa'juuj iyo Ma'juuj يأجوج و مأجوجarligay fasaadinayaan, ee annaga iyo ayaga dhexdeenna darbi na kala dhig waxaan ku siineynnaa ijaare". Waxaa la sheegay inuu turjumaan afkooda yaqaan watay(94)Wuxuu yiri: "Wuxuu Rabbigay i siiyey ayaa ka khayr badan ijaarkaad leedihiin waa ku siineynna. Malkiinna dooni mayee waxaad igu taageertaan xooggiinna, markaasaan ayaga iyo adinka darbi idin kala astura ka dhisayaaye(95)"ii keena cadad bir ah" oo markaasuu cadadkaas is kor kor saaray ilaa uu ka buuxiyay jiirta labada buurood u dhexeysa oo uu ku awday, uuna qoryo iyo dhuxul kala dhex geliyay. "Markay birtaasi labad daraf ee labad buurood simmeen ayuu dab ku shiday wuxuuna ku yiri: "Afuufa." Markaasuu markuu dab ka yeelay oo uu dabku is qabsaday ayuu wuxuu yiri: “ii keena nuxaas, oo ah maar la dhalaaliyey, aan ku kor shubee." Oo sidaasuu dabkuna qorigii iyo dhuxushii u cunay, markuu qorigu dhammaadayna ay birta iyo nuxaastu isku shiilmeen oo isku dhegeen. Darbigaas waxaa la yiri inuu ballaciisuna ahaa konton diraac, taaggiisuna laba boqol oo diraac dhererkiisuna hal farsakh(96)Wayna kari waayeen (Ja'juuj iyo Ma'juuj يأجوج و )مأجوجinay xireenkaas kasoo kor baxaan, mana karayaan inay duleeliyaan(97)Wuxuu yiri: "Kani waa raxmada Rabbigay, markuu yimaadana yabooha Rabbigay, wuxuu ka yeelayaa xireenkaan burbur, yabooha Rabbigayna waa run". Yaboohaasu waa ama Maalinta Qiyaame, ama markay Ya'juuj iyo Ma'juuj يأجوج و مأجوجsoo baxayaan(98)"Waxaanna ka yeeli qaarkood maalintaas kuwa qaarka kale dhex gala", oo Ya'juuj iyo Ma'juuj يأجوج و مأجوجayaa qaarkood qaarka kale dhex gelayaa(99)" Ibnu tsxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: "Khabarka Thuu Al Qarnayn\ ذوالقرنينwaxaa ka mid ah in la siiyey waxaan axad ghayrkiis ah la siin, ayadoo asbaabta wax lagu helo loo fidiyey oo loo badiyey, ilaa uuba ka tegey dalalka arliga barigiisa iyo galbeedkiisaba ku yaalla iyo inta u dhexeysaba, oo dal kasta oo uu maraba xukumayo, ilaa uu ka tegey qorrax kasoo baxa iyo qorrax u dhaca aan khalqi kasii dambeeyaa uusan jirin." Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan wuxuu yiri: Warkaan soo socda oo ku saabsan Ya’juuj iyo Ma’juuj يأجوج و مأجوج, oo soomaalidu tiraahdo Maajuuj iyo Maajuuj waxaan kasoo qaadannay kitaabkayga “Taariikhda Soomaalida iyo Soomaaliya.” Sida ummadda Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam loo gumaadayo Thawbaan waxaa wariyay inuu Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam yiri: 370 َّ : - رضي اهلل عنه- (م د ت ) ثوبان- 7216 « َّإنما أخاف على: قال-صلى اهلل عليه وسلم- أن رسول اهلل ِ فِذا و، المضلِّين ِ وَل رقوم الساعة حرى، لم ُيرفَع عنها إلى يوم القيامة، السيف في أُمرى ض َع َّ أ َُمري الئمة ُ ُ -]37[- و َّانه يكون في أمرى ثًلثون، وحرى رعبد قبائ ُل من أُمري الوثان، رلرحق قبائ ُل من أمرى بالمشركين ُّ َّ َل، وَل رزال طائفة من أمري على الحق، نبي بعدي َّ وَل، وأنا خارَم النبيين، نبي ّ ُكلهم يزعم إنه، كذابون . هم أصحاب الحديث: يضرهم َم ْن خالفهم حرى يأري أمر اهلل» قال علي بن المديني ُّ َ . وهو مذكور في «فضائل المة» من كراب الفضائل، وأخرج مسلم بعضه، هذا الحديث أورده رزين هكذا وأخرجه، وأخرجه أبو داود في جملة حديث وهو مذكور في المعجزات من «كراب النبوة» من حرف النون .مفرقا في ثًلثة مواضع َّ الررمذي Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: ”Waxaan ummaddeyda ugu baqayaa imaamyo, waa madaxweynayaale, dadka baadiyeysa. Marka, haddii ummaddeyda in la dilo lagu bilaabo, seefta (waa hubka wax lagu diloo idil, sida qoriga, madfaca, dayuurad, iwm.) laga dul qaadi mayo oo dilkoodu wuu soconayaa ilaa maalinta qiyaame. Saacadda qiyaamena dhici mayso jeer ay qabaa’il ummaddeyda ka mid ihi ay gaalada raacaan, iyo jeer ay qabaa’il ummaddeyda ka mid ihi ay asnaamta caabudaan. Ummaddeydaydana waxaa ka mid ahaan doona soddon beenlow oo kulligood ku andacoonaya inay Nabi yahay, anigaana Anbiyada gunaanaday oo kooda ugu dambeeya ah, Nabi aniga iga dambeeyana ma jiro. Waxaa jiri doonta qayb ummaddeyda ka mid oo mar walba xaqqa ku taagan, kuwaaso ayan dhibeyn in la khilaafo iyo kuwa khilaafa toona, oo sidaas ahaanaya ilaa uu amarka Ilaahay ka yimaado.” Calii bin Al Madiinii\ علي المدنيwuxuu yiri: ”ragga wariyay waa ragga dadka Xadiithka yaqaanna oo ka shaqeeya.” Xadiithka waxaa wariyay Imaam Muslim\مسلم, Abuu Daauud\ أبو داودiyo Al Tirmithiiالترمذي. Furashada boqortooyada roomaanka iyo boqortooyada Faaris/iiraan\فارس Sanooyin yar gudohooda ayay msulimiintu waxay ku furteen labada boqortooyo oo adduunka ugu xoog badnaa oo kala ah boqortooyada roomaanka iyo boqortooyada faaris/iiraan. Intooda badanna waxaa furtay Abuu Bakar Al Ssiddiiqu\ أبوبكر الصديقiyo Cumar Al Faaruuq عمر \ الفاروقAllaha labadoodaba raalli ka noqdee, qiyaas toban sano gudohooda, ayna arligay degganaayeen ka furteen oo kala wareegeen oo ay carb dejiyeen ingiriiska, fransiiska, irishka, jarmanka qaarkiis, sbaanishka iyo kuwo kaleba, sidaan kitaabkaan (Taariikhda Soomaalida iyo Soomaaliya) ku arki doonno inshaa’a Allaahu\إن شاء هللا. Imaam Muslim\ مسلمwuxuu saxiixiisa ku wariyay kitaabka ”Al Fitanu wa ashraadhu al ssaacati” كتاب الفتن واشراط الساعةXadiithkaan: "كنا مع رسول هللا صلى:حدثنا قتيبة بن سعيد حدثنا جرير بن عبد الملك بن عمير عن جابر بن سمرة عن نافع بن عتبة قال هللا عليه وسلم في غزوة قال فأتى النبي صلى هللا عليه وسلم قوم من قبل المغرب عليهم ثياب الصوف فوافقوه عند أكمة 371 "ثم قلت:" قال. "فقالت نفسي أتيهم فقم بينهم وبينه ال يغتالونه: قال."فإنهم لقيام ورسول هللا صلى هللا عليه وسلم قاعد : قال، "فحفظت منه أربع كلمات أعدهن في يدي:" قال." فأتيتهم فقمت بينهم وبينه.لعله نجي معهم ثم تغزون الدجال، ثم تغزون الروم فيفتحها هللا، ثم فارس فيفتحها هللا،"تغزون جزيرة العرب فيفتحها هللا ".فيفتحه هللا Xaddathanaa Qutaybah bin Saciid قتيبة بن سعيدxaddathanaa Jariir bin Cabdu Al Malik bin Cumayr جرير بن عبد الملك بن عميرcan Jaabir bin Samurah جابر بن سمرةcan Naafic bin Cutbah نافع بن عتبةqaala: “kunnaa maca Rasuuli Allaahi Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam fii ghazwatin”, qaala: “fa ataa Al Nabiyya Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam qawmun min qibali al maghribi calayhim thiyaabu al ssuufi, fa waafaquuhu cinda akmatin fa innahum la qiyaamun wa Rasuulu Allaahu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam qaacidun.” Qaala: “fa qaalat nafsii: aatihim fa qum baynahum wa baynahu laa yaghtaaluunahu.” Qaala: “thumma qultu: lacallahu najiyyun macahum.” Fa ataytuhum fa qumtu baynahum wa baynahu.” Qaala: “fa xafithtu minhu arbaca kalimaatin acudduhunna fii yadii.” Qaala: “ “taghzuuna jaziirata al carabi fa yaftaxuhaa Allaahu; thumma taghzuuna Faaris fa yaftaxuhaa Allaahu; thumma taghzuuna al rruuma fa yaftaxuhaa Allaahu; thumma taghzuuna al ddajjaala fa yaftaxuhu Allaahu.” Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: ”Waxaa noo warramay Qutaybah bin Saciid قتيبة بن سعيدoo ka wariyay Jariir bin Cabdu Al Malik bin Cumayr جرير بن عبد الملك بن عميرoo ka wariyay Jaabir bin Samurah جابر بن سمرةoo ka wariyay Naafic bin Cutbah نافع بن عتبةoo yiri: ”waxaan la soconnay Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam oo duullaan ku jira. Markaasaa waxaa Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam uga yimid xagga qorrax u dhac rag dhar suuf ah xiran, waxayna ku haleeleen meel taag ah, oo ayaguna waa taagan yihiin, Rasuulka Ilaahayna Sallaa Allaahu Calayhi Wa Salllam wuu fadhiyaa.” Wuxuu yiri: ”markaasay nafteydu waxay i tiri: ”u tag oo ayaga iyo isaga dhexdooda istaag si ayan u dilin.” Wuxuu yiri: ”hadana waxaan is iri: ”waxaa dhici karta inuu la faqayo.” Markaasaan u imid oo ayaga iyo isaga dhexdooda istaagay.” Wuxuu yiri: ”waxaan ka bartay oo ka xafiday afar eray oo aan gacanteyda ku tirinayo oo wuxuu yiri: ”waxaad ku duuleysaan jaziiradda carabta oo uu markaas Ilaahay idiin furayaa. Kaddib waxaad ku duuleysaan Faaris\فارس, oo iiraan ah, markaasuu Ilaahay idiin furayaa; kaddib waxaad ku duuleysaan roomaanka oo markaasuu Ilaahay idiin furayaa; kaddibna waxaad ku duuleysaan dajjaalka oo uu markaas Ilaahay idiin furayaa.” Al Nawawii\ النوويwuxuu yiri: ”Xadiithkaan waxaa ku sugan mucjizooyin Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam.” Khabbaab bin Al Aratt\ خباب بن األرتwuxuu yiri: "Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ayaa salaad tukaday oo ku dheeraaday. 372 Markaasey waxay yiraahdeen: "Rasuulka Ilaahayow, ma waxaad tukatay salaad aadan tukan jirin?" Wuxuu yiri: سألته. فأعطاني إثنتين ومنعني واحدة, إني سألت هللا عز وجل فيها ثلالثا."أجل! إنها صآلت رغبة ورهبة وسألته أن ال. فأعطانيها, وسألته أن ال يسلط عليهم عدو من غيرهم,أن اليهلك أمتي بسنت فأعطانيها ".يذيق بعضهم بأس بعض فمنعنيها "Ajal, innahaa salaatu raghbatin wa rahbatin. Innii sa'altu Allaaha Cazza wa Jalla fiihaa thalaathan, fa acdhaanii ithnatayni wa manacanii waaxidatan. Sa'altuhu an laa yahlika ummattii bi sanatin fa acdhaaniihaa, wa sa'altuhu an laa yusallidha calayhim caduwwan min ghayrihim, fa acdhaaniihaa. Wa sa'altuhu an laa yuthiiqa bacduhum ba'sa bacdin famanacaniihaa." Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Haa, waana salaad wax ku doonid iyo cabsiba. Ilaahay, Cazza wa Jalla\هللا عزوجل, waxaan dhexdeeda ku weydiistay saddex arrimood, markaasuu labana i siiyey, midna iga reebay. Waxaan weydiistay inuusan ummaddeyda abaar guud oo wada saameysa ku halaagin, wuuna i siiyey oo iga yeelay. Waxaan kaloo weydiistay inuusan ummaaddeyda cadaw aaan ayaga ahayn uusan ku sallidin, waana iga yeelay. Waxaan kaloo weydiistay inuusan qaarkood qaarka kale la dagaallamin oo ay xarbigooda iyo xooggooda dhedhensiiyaan, waana iga reebay." Lafdiga Muslim waa sidatan: (ان اهلل قد زوى لى األرض فرأيت مشارقها ومغاربها وان أمتى سيبلغ ملكها مازوى لى منها وأعطيت الكنزين األحمر واألبيض ) أما زوى فمعناه جمع وهذا الحديث فيه معجزات ظاهرة وقد وقعت كلها بحمد اهلل كما أخبر به صلى اهلل عليه و سلم قال العلماء المراد بالكنزين الذهب والفضة والمراد كنزى كسرى وقيصر ملكى العراق الشام فيه اشارة إلى أن ملك هذه األمة يكون معظم امتداده فى جهتى المشرق والمغرب وهكذا وقع وأما فى جهتى الجنوب والشمال فقليل بالنسبة إلى المشرق والمغرب وصلوات اهلل وسالمه على رسوله الصادق الذى الينطق عن الهوى ان هو االوحى يوحى قوله فيستبيح بيضتهم ) أى جماعتهم وأصلهم- ) (أن ال يسلط عليهم عدو من غيرهم-( صلى اهلل عليه و سلم والبيضه أيضا العزو الملك قوله ( سبحانه وتعالى وانى قد أعطيتك ألمتك أن الأهلكهم بسنة عامة ) أى الأهلكهم [ بقحط يعمهم بل ان وقع قحط فيكون فى ناحية يسيرة بالنسبة إلى باقى بالد االسالم فلله الحمد والشكر على جميع نعمه ] قوله صلى اهلل عليه و سلم ( سألت ربى ثالثا فأعطانى اثنتين إلى آخره ) هذا أيضا من المعجزات الظاهرة2891 “Inna Allaaha qad zawaa lii al arda fa ra’aytu mashaariqahaa wa maghaaribahaa, wa inna ummatii sa yablughu mulkuhaa maa zawaa lii minhaa wa ucdhaytu al kanzayni al axmara wa al abyada. (an laa yusallidha calayhim caduwwan min ghayrihim) fa yastabiixa biidatahum. (Subxaanahu wa Tacaalaa: wa inni qad acdhaytuka li ummatika an laa uhlikahum bi sanatin caammatin). (Sa’altu Rabbii thalaathan fa acdhaanii ithnayni …). Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: 373 “Ilaahay wuxuu ii kulmiyay oo aan wada arkay, waxaanna arkay qorrax kasoo bexeeda iyo qorrax u dheceedaba. Boqortooyada ummaddeyduna waxay hananeysaa intaas la ii kulmiyay oo aan arkay. Waxaanna la i siiyay labada kanzi ee kala ah kan guduudan iyo midka cadba.” Imaam Al Nawawii\ المام النوويwuxuu yiri: “Xadiithkaan waxaa ku sugan mucjizooyin muuqda oo cadcad, Ilaahay xamdigiisana dhammaan waa wada dhaceen siduu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam u sheegay. Culummaduna waxay yiraahdeen inay labada kanzi yihiin waa dahabka iyo qalinka Kisraa \كسرى boqorka iiraan iyo kanziga Qaysar قيصرboqorka roomaanka, labada boqor oo kala xukumay Ciraaq\ عراقiyo Shaam\الشام. Waxaana Xadiithka ku sugan tilmaan inay boqortooyada islaamku u fideyso xagga qorrax kasoo bax iyo xagga qorrax u dhac, sidaas ayayna noqotay. Xagga waqooyiga iyo koofurtana u fididdu way yartahay marka la barbar dhigo xagga qorrax kasoo bax iyo qorrax u dhac ee Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam midka runlowga ah oo aan hawo ka hadlin ee waa Waxyi loo Waxyoodo.” Waa intaas warka Al Nawawii\النووي. Duullaanka Al Axzaab\غزوة األحزاب: Salmaan\ سلمانiyo dhagaxa Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: "Salmaan Al Faarisii\ سلمان الفرسيwuxuu yiri: "Waxaan wax ka qodayay dhufayska meel ka mid ah. Markaasaa waxaa i celiyay oo aan kari waayey dhagax weyn, ayadoo uu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ii dhow yahay. Markaasuu markuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam arkay inaan faas la dhacayo iyo siduu dhagaxu iigu adkaaday, ayuu dhufayska kusoo degay oo soo galay oo uu faaska gacantayda ka qaatay, oo uu mar ku dhuftay. Markaasaa faaska hoostiisa waxaa kasoo baxday biriq. Markaasuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam mar labaad ku dhuftay oo ay biriq labaad hoostiisa kasoo baxday. Markaasuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam mar saddexaad ku duftay oo ay hadana biriq kale kasoo baxday. Markaasaan waxaan iri: "Rasuulka Ilaahayow, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxaan kugu furanayaa aabahay iyo hooyadadeeye, ee maxay tahay biriqdaan ka arkay faaska hoostiisa markaad ku dhufataba?" Wuxuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam yiri: ""أو قد رأيت يا سلمان؟ "Awa qad ra'ayta thaalika yaa Salmaanu?" oo macnihiisu yahay: "Oo miyaad aragtay kaas Salmaanow"? يا سلمان Waxaan iri: "Haa." Wuxuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam yiri: وأما الثالثة فإن. وأما الثانية فإن هللا فتح علي بها الشام والمغرب."أما االول فإن هللا فتح علي بها اليمن ".هللا فتح علي بها المشرق 374 "Ammaa al awwalu fa inna Allaaha fataxa calayya bihaa Al Yamana. Wa ammaa al thaaniyata fa inna Allaaha fataxa calayya bihaa Al Shaama wa Al Maghriba. Wa ammaa al thaalithata fa inna Allaaha fataxa calayya bihaa Al Mashriqa." Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Tan koowaadna wuxuu Ilaahay iigu furay oo aan ka adkaaday oo muslin noqotay weeye, Yaman\يمن. Tan labaadna wuxuu Ilaahay iigu furay Shaam \ الشامiyo qorrax u dhac. Tan saddexaadna wuxuu Ilaahay iigu furay qorrax kasoo bax." Waana intay muslimiintu adduunkaan ka deggan yihiin maantadaan. Al Suhaylii\ السهيليwuxuu yiri: "Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri: "!""بسم هللاBismi Allaahi". Markaasuu mar ku dhuftay oo dhagaxa daloolkiis jebiyay, wuxuuna yiri: "! وهللا إني ألبصر قصورها الحمر من مكان هذا."هللا أكبر! أعطيت مفاتح الشام "Allaahu Akbaru. Ucdhiitu mafaatiixa Al Shaami. Wa Allaahi innii la ubsiru qusuuruhaa al xumra min makaana haathaa". Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Bismi Allaahi بسم هللا. Allaahu Akbar! هللا أكبرWaxaa la i siiyey furayaasha Shaam\الشام. Wa Allaahi وهللاwaxaan uga jeedaa qusuurteeda, waa guryeheeda waaweyne, gudguduudan meeshaan." Markaasuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam mar labaad ku dhuftay, wuxuuna yiri: "بسم "!"هللاBismi Allaahi", oo uu dalool labaad dhagaxa ka jebiyay, uuna yiri: ". وهللا إني ألبصر قصر المدائن األبيض األن،"هللا أكبر! أعطيت مفاتح فارس "Allaahu Akbaru. Ucdhiitu mafaatiixa Faaris, wa Allaahi inni la ubsiru qasra Al Madaa'ini al abyadi al aana", oo macnihiisu yahay: "Bismi Allaahi بسم هللا. Allaahu Akbaru هللا أكبر. Waxaa la i siiyey furayaasha Faaris\فارس, waa Iiraane iyo inta ka dambeysa. Wa Allaahi وهللاwaxaan haddeer u jeedaa qasriga cad, oo boqorkoodu degganaa, ee Al Madaa'in المدائن, oo ahayd caasimada boqortooyadaas, kuna tiillaay arliga Ciraaq\عراق." Markaasuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam mar saddexaad ku dhuftay, uuna yiri: "!"هللاBismi Allaahi" oo uu dhagaxana wada jebiyay, uuna yiri: "بسم "! وهللا إني أبصر باب صنعاء من مكاني هذا الساعة."هللا أكبر! أعطيت مفاتح اليمن 375 "Allaahu Akbaru. Ucdhiitu mafaatiixa Al Yamani. Wa Allaahi inni la ubsiru baaba Sancaa'a min makaanii haathaa haathihi al ssaacata." Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Bismi Allaahi بسم. Allaahu Akbaru هللا. Waxaa la i siiyey furayaasha Yaman\يمن. Wa Allaahi وهللاwaxaan uga jeedaa albaabka Sancaa\ صنعاءmeesheydaan, saacaddaan." Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: "Marka dalalkaas la furtay zamanka Cumar\ عمرiyo zamanka Cuthmaan\ عثمانiyo inta ka dambeyseyba, Abuu Hurayrah\ أبو هريرةwuxuu oran jiray: "Waxaan doontaan furta, oo waxaan ku dhaartay Midka Abuu Hurayrah\ أبو هريرةnaftiisu Gacantiisa ku jirto, magaalo kasta oo aad furataan iyo kuwa aad furan doontaanba ilaa maalintaqiyaame, furayaashooda Ilaahay hore ayuu u siiyey Subxaanahu \ سبحانهMuxammad \محمد, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, markaas horteed." Meeshuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, salaaddaas ku tukaday waa Masjidu Al Ijaabah\مسجد األجابة, oo Masjidka Nabiga ee Al Madiinah Al Munawwarah\ المدينة المنورةshan boqol iyo saddex iyo sideetan mitir u jira. Xadiithka oo faahfaasanna waxaa wariyay Saxiix Muslim\مسلم, waana midka labo iyo kontonaad iyo laba kun iyo si deed boqol iyo sagaashanaad, wuxuuna ka wariyay Thawbaan\ثوبان. Khabaab\ خبابwuxuu kaddib degay Al Kuufah\ الكوفةee dalka Ciraaq\عراق, ayaduuna ku dhintay oo lagu duugay isagoo saddex iyo todobaatan jir ah sanadka toddoba iyo soddon ee Hijrada, waxaana ku tukaday Calii bin Abii Dhaalib\علي بن أبي طالب, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Da' daas ka duwan iyo sanad taas ka duwanoo kalena waa la sheegay. Masjidkaan anigo dhawr goor ayaan ku tukaday wa al xamdu li Allaahi Rabbi al caalamiina\والحمد هلل رب العالمين. Al Sayuudhii\ السيوطيiyo Dr. Muxammad Cabdu Al Wahhaab Fadl\د\محمد عبد الوهاب فضل Kitaabka la yiraahdo رفع شأن الحبشانRafcu sha'ni al xubshaani waxaa allifay Al Imaamu al xaafitu Jalaalu Al ddiini Cabdu Al Rrraxmaanu Al Ssayuudhii األمام الحافظ جالل الدين عبد الرحمن \( السيوطيoo dhintay sanadka sagaal boqol iyo kow iyo toban ee Hijrada), ahna mid ka mid ah labada Jalaalu Al Ddiini\ جالل الدينoo alliftay kitaabka tafsiirka ee Tafsiiru Al Jalaalayni تفسير \الجاللين. Kitaabkaanna waxaa lagu daabacay Masar sanadka kun afar boqol iyo kow iyo toban, una dhiganta kun iyo sagaal boqol kow iyo sagaashan miilaadiga ah, waxaana sharxay Al Doktoor Muxammad Cabdu Al Wahhaab Fadl\ د\محمد عبد الوهاب فضلoo kaaliye macallin ku ah taariikhda islaamka ee Kulliyada afka Carabiga ee Al Qaahirah ee Jaamacada Al Azhar جامعة \األزهر. Al Sayuudhii\ السيوطيwuxuu bogga kow iyo lixdanaad Samurah bin Jundub\ سمرة بن جندبka wariyay inuu Rasuulka Ilaahay, Salla Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: "."سام أبو العرب ويافث أبو الروم وحام أبو الحبشة 376 "Saam abuu Al Carabi wa Yaafith abuu Al Ruumi wa Xaam abuu Al Xabash." Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Saam\( سامwaa ina Nabi Nuux\ )نوحwaa aabaha dhalay Carabta, Yaafith\( يافثina Nabi Nuux)نوح waa aabaha dhalay roomaanka, Xaamna\( حامina Nabi Nuux\ )نوحwaa aabaha dhalay xabshada (oo ah dadka madow oo dhan, ayagoo dhammantood isaga ku abtirsada).” Waxaa wariyay Al Tarmathii\الترمذي, yirina waa Xadiith Xasan\ حديث حسنWaxaa kaloo wariyay Ibnu Sacad\إبن سعد, ibnu Kathiir\ إبن كثيرoo Al Bidaayah iyo Nihaayah\ البداية والنهايةku wariyay, iyo Imaam Axmad\ اإلمام أحمدiyo Al Dhabarii\ الكبريiyo kuwo kaleba. Al Sayuudhii\ السيوطيwuxuu kaloo bogga afar iyo lixnadaad ee isla kitaabkiisaas Abuu Hurayrah\ أبو هريرةuga wariyay inuu Rasuulka Ilaahay, Salla Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: وولد يافث يأجوج ومأجوج. فولد سام العرب وفارس والروم والخير فيهم."ولد نوح سام وحام ويافث ". وولد لحام القبط والبربر والسودان.والترك والصقالبة والخير فيهم "Walada Nuuxun Saam wa Xaam wa Yaafith. Fa walada Saam Al Carab wa Faaris wa Al Ruum wa al khayru fiihim. Wa walada Yaafith Ya'juuj wa Ma'juuj wa al turka wa al Saqaalibata wa laa khayra fiihim. Wa walada li Xaamin Al Qibdhu wa al Barbaru wa Al Suudaanu." Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Nuux\ نوحwuxuu dhalay Saam\ سامiyo Xaam\ حامiyo Yaafith\يافث. Markaasuu Saam\سام wuxuu dhalay Carabta iyo Faaris\( فارسoo ah iiraaniyiinta) iyo Roomaanka\الروم, khayrkuna ayaguu ku jiraa. Yaafithna\ يافثwuxuu dhalay Ya'juuj iyo Ma'juuj\ يأجوج ومأجوجiyo Turkiga iyo Al Saqaalibah \السقالبة, khayrma ma laha. (Al Saqaalibag waa ummadaha afka ingiriiska lagu yiraahdo Slavs, ayna ka mid yihiin ruushka, Serbia, Bulgaria, Georgia, Ukrain, et coo dhammaantood yurubta bari dega) Xaamna\ حامwaxaa loo dhalay Al Qibdhu\( القبطoo Masar\ مصرdegah) iyo Barbarta\ البربرiyo dadka madow." Xadiithka waxaa kaloo uu Ibnu Xajar Al Casqalaanii\ إبن حجر العسقالنيku wariyay Fatxu Al Baarii\فتح الباري, kaddibna ku daray oo yiri: "silsiladdiisana taag darro ayaa ku sugan." Waxaa kaloo wariyay ibnu Kathiir\( إبن كثيرAl Bidaayah wa al Nihaayah\)البداية والنهاية. Al Mascuudii\ المسعوديwuxuu Muruuju Al Th-thahabi\ مروج الذهبku sheegay inayan dadka wax baara isku khilaafsanyan inuu Yaafith ina Nuux\ يافث بن نوحyahay kan ugu yar ee wiilasha Nuux\نوح, iyo inay dhashiisa ka mid yihiin Al Afranjah\( األفرنجةoo ah dadka Yurub degah qaarkood, goon ahaanna fransiiska oo dalka France dega) iyo al Saqaalibah \ السقالبةiyo Al Nuukubard|( النوكبردoo ah qabiil jarman ah oo hadda deggan waqooyiga dalka talyaaniga gaar ahaan gobollada Lombardia iyo inta la xiriirta oo hadda doonaya inay dalka talyaaniga ka go’aan) iyo Al Ashbaan\ األشبانiyo Ya'juuj iyo Ma'juuj\ مأجوج ومأجوجiyo Turkiga iyo Al Khazar \( الخزرoo ah dadka degah dhulka Bari iyo Waqooyi ka xigah dalka Turgiga oo buuraaleyda Al Qawqaaz القوقازkasii dambeeya iyo Badda Caspian, ayna magaalo madax u ahaan jirtay Itiil \إتيل, lehna indhaha yar sida shiinaha, siduu Lisaanu Al Carab u yiri). 377 "Al Saqaalibah\ السقالبةwaa dhasha Maar bin Yaafith bin Nuux\ مار بن يافث بن نوحisagayna ka farcameen dhammaan jinsiga Saqaalibada, waxayna degaan Al Judaa \ الجداilaa ay kala xiriiraan Al Maghrib\المغرب, waana jinsiyo kala duwan oo ay dagaallo dhex yaallaan, qaarkoodna ay Nasraaniyada ka diin yeeshaan, qaaraana ayan Kitaab lahayn." (Muruuju Al Thahab \مروج الذهب 2/32-34)"ز Ibnu Kathiir\ إبن كثبرwuxuu Al Bidaayah wa Al Nihaayah( البداية والنهاية2/110) ku yiri: " Yaafith\ يافثayaa dhalay Turkiga. Ya'juuj iyo Ma'juuj\ مأجوج ومأجوجwaa qayb turkiga ka mid ah waana dadka la yiraahdo Maghuul\( المغولoo hadda la yiraahdo Mongol oo shiinaha la dariska ah, ama kaba tirsan). Turkigana waxaa magacoodaan ah turki loogu bixiyay ayadoo markuu Thuu Al Qarnayn\ ذوالقرنينbiyo xireenka dhisay, uuna Ya'juuj iyo M'ajuuj مأجوج ومأجوجuu gadaashiisa ku takooray waxaa ka hartay koox aan fasaadkooda oo kale gaarin, markaasay ka tageen, markaasaa turki lagu magacaabay, oo ah kuwa laga tegey." Quudh bin Xaam\ قوط بن حامwuxuu guursaday gabadha la yiraahdo Bukht\ بختuuna dhalay Bitaawiil\بتوائيل, markaasey waxay u dhashay wiil uu u bixiyay Qibdh \قبط, oo ay Masaaridu ka farcamdeen. Wiilka kale ee Xaam\حام, magaciisuna yahay Kancaan\ كنعانwuxuu guursaday Bukht ina Bitaawiil\ بخت بنت بتوائيلwalaasheed magaceedu yahay Artiil\أرتيل, markaasey waxay u dhashay wiilasha ay dadka madow oo idil ku abtirsadaan, ayna ka mid yihiin Nuubah \( نوبةoo ah aabaha dadka Suudaan degah oo Nuubiyiinta\ النوبةla yiraahdo) iyo Fazaan\فزان. Darbiga celinaya Ya'juuj iyo Ma'juuj Quraanka Kariimka ah َّ َحرَّى إِ َذا َبلَ َغ َب ْي َن الس ْجو َج ُ َّد ْي ِن َو َج َد ِم ْن ُدونِ ِه َما قَ ْو ًما ََل َي َك ُ ) قَالُوا َيا َذا اْلقَ ْرَن ْي ِن إِ َّن َيأ13( ون قَ ْوًَل َ ُون َي ْفقَه َ اد ِ ال ما م َّكِّني ِف ِ ِ ون ِفي ْال َْر يه ْ ض فَهَ ْل َن ْج َع ُل لَ َك َخ ْرًجا َعلَى أ ُ َو َمأ َ ْجو َج ُم ْفس ُد َ َ َ َ) ق12( َن رَ ْج َع َل َب ْي َن َنا َوَب ْي َنهُ ْم َس ًّدا ِ ربِّي َخ ْير فَأ َّدفَ ْي ِن قَا َل َ ) آَرُونِي ُزَب َر اْل َحِد ِيد َحرَّى إِ َذا َس َاوى َب ْي َن الص17( َج َع ْل َب ْي َن ُك ْم َوَب ْي َنهُ ْم َرْد ًما ْ َع ُينونِي بِقُ َّوٍة أ ٌ َ اعوا لَهُ َن ْقًبا ْانفُ ُخوا َحرَّى إِ َذا َج َعلَهُ َن ًا ْ َن َي ْ غ َعلَ ْي ِه ِق َ َاسر َ اس ْ ال آَرُونِي أُ ْف ِر َ َار ق ْ اعوا أ ُ ط ُ ط ْ ظهَُروهُ َو َما ْ ) فَ َما16( ط ًار ِ َّ ضهُ ْم َي ْو َمئٍِذ َ َ) ق17( َ ) َورََرْك َنا َب ْع18( ان َو ْع ُد َربِّي َحقًّا َ اء َو َك َ اء َو ْع ُد َربِّي َج َعلَهُ َدك َ ال َه َذا َر ْح َمةٌ م ْن َربِّي فَِ َذا َج ٍ َي ُمو ُج ِفي َب ْع ِ ض َوُن ِف َخ ِفي الص )11( اه ْم َج ْم ًعا ُ ُّور فَ َج َم ْع َن Aayadaha kpr ayaan kusoo fasirnay, wa al xamdu li Allaahi Rabbi al caalamiina الحمد هلل رب \العالمين. Ilaahay Cazza wa Jalla\ هللا عز وجلwuxuu kaloo Ya’juuj iyo Ma’juuj\ يأجوج ومأجوجku xusay Suuratu Al Anbiyaa’سورة األنبياء, wuxuu yiri: ِ ِ ون ْ ) َحرَّى إِ َذا فُرِ َح17( ون ْ َو َح َرٌام َعلَى قَ ْرَي ٍة أ َ َهلَ ْك َن ُ ْجو ُج َو َمأ ُ ت َيأ َ ُْجو ُج َو ُه ْم م ْن ُك ِّل َح َد ٍب َي ْنسل َ اها أَنَّهُ ْم ََل َي ْرِج ُع )16( 378 “Wa xaraamun calaa qaryatin ahlaknaahaa annahum laa yarjicuuna(95)Xattaa ithaa futixat Ya’juuju ma Ma’juuju wa hum min kulli xadabin yansiluun(96).” Waana labada Aayadood ee 95 iyo 96 ee Suuradda oo macnohoodu yahay: “Waxaa ka xaaran ah dad magaalo aan halaagnay ku noolaa inay adduunkaan kusoo noqdaan(95)Jeer Ya’juuj iyo Ma’juujوج ُ ْج ُ وج َو َمأ ُ ْج ُ َيأlaga furo darbiga oo ay markaas buuro iyo meel kore oo kasta ayagoo degdegaya kasoo degaan: Al Naslaanu\ النسالنwaa socodka dhurwaaga markuu ordayo.(96).” Askarta gaalada ee zamankaan waa ayaga dayuurado kasoo booda, bombooyinka iyo sawaariikh samada kasoo tuura, ayagoo degdegaya buuraha kasoo dega oo maadaama ay rararan yihiin, sidaan ku aragnay, ay sida dhurwaaga oo kale u degdegaan. Bogga internetka (www.armytimes.com) wuxuu wariyay inay, tusaale ahaan, askariga marayykanka oo ka dagaallamay Ciraaq\ عراقuu korkiisa ku siday culays ah toddobaatan ilaa sideetan rodol, lana mid ah laba iyo soddon ilaa lix iyo soddon kilogram, oo ay ku jiraan qorigiisa, saanaddiisa, cunnadiisa iyo bateriga raadiyiisa la iskula hadlo. Qofka intaasoo culaysa sida hadduu doono inuu ordo wuxuu ordaya sida dhurwaaga oo kale. Futixat\ فتحتoo aan niri macneheedu waa la sii daayay, waxay ahaan kartaa in waxa laga sii daayay oo laga furay uu jahli, aqoon darro yahay iyo itaal darro. Markaas kaddibna uu Ilaahay Tacaalaa\ هللا تعالىsiiyay cilmi ay ku samaystaan hub iyo warshado ay markaas dagaal iyo fasaad adduunka ka buuxiyaan. Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam, sidaan hoos ku arki doonno, wuxuu sheegay inay farsamoyaqaanno yihiin oo ay sanaaco leeyihiin. Waxay sidaas ugu egtahay ayadoo uusan waayahaan dambe oo idil jirin darbi ama sad ama radmi ay ku xabbisan yihiin oo kaddibna laga soo furay. Darbigaas run ahaantii waa jiray oo la dhisay oo Ilaahay Tacaalaa \هللا تعالى ayaaba Quraanka Kariimka ah noo sheegay, Nabiguna Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam wuxuu noo sheegay in habeenkaas isagoo naxsan Ummu Salamah\ أم سلمةla hadlay uu u sheegay in darbigaas intaasoo kale ay ka dalooshantay oo ka furantay. Taasuu Waxay ku jirtaa Suuratu Al Kahfi\سورة الكهف. Aayaddaan korese ee Suuratu Al Anbiyaa’i سورة األنبياءka hadli meyso darbi ee waxay ka hadleysa Ya’juuj iyo Ma’juujوج ُ ْج ُ وج َو َمأ ُ ْج ُ َيأlaftooda waxayna leedahay: “marka la furo ama la sii daayo Ya’juuj iyo Ma’juujوج ُ ْج ُ وج َو َمأ ُ ْج ُ َيأ.” Waxay u egtahay in laga furay wax ku xirnaa oo aan loo jeedin oo ka hor istaagnaa inay fasaadkaas adduunka ka buuxiyaan: waa xirnaan macnawi ah oo ahaan karta aqoon darro iyo tabar darro military iyo hub iyo dhaqaale iyo tiro yariba. Markay intaas isku heleenna waxay soo weerareen carabta. Al Haythamii\ الهيثميwuxuuba Majmacu Al Zawaa’idi wa Manbacu Al Fawaa’idi مجمع الزوائد 379 ومنبع الفوائدmujalladka toddobaad boggiisa laba boqol sagaal iyo sideetan Abuu Hurayrah أبو \ هريرةuga wariyay baabka باب أسرع الناس موتاoo ah “baabka kuwa dadka ugu hor dhimanaya” inuu yiri: “waxaa Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa sallam u yimid Sacad \سعد. Markaasuu markuu arkay ayuu Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam wuxuu yiri: ” “ إن في وجه لخيرا “Inna fii wajhihi la khayran.” oo macnihiisu yahay: “wajiga Sacad\ سعدkhayr\ خيرayaa ku sugan”. Wuxuu Sacad\ سعدyiri: “Kisraa\– كسرىwaana boqorka iiraan- waa la dilay.” Wuxuu yiri: “Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam wuxuu yiri: "."لعن هللا كسرى! إن أول الناس هالكا العرب ثم أهل فارس “Lacana Allaahu Kisraa! Inna awwala al nnasi halaakan Al Carabu thumma ahlu Faaris.” Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: “Ilaahay Kisraa\ كسرىha lacnado oo raxmadiisa ka fogeeyo! Dadka waxaa ugu hor le’anahaya carabta, kaddiba dadka faaris, oo iiraaniyiinta ah.” Waxaana wariyay Imaam Axmad\ األمام أحمدiyo Al Bazzaar\البزار. Waxaa jira isaguna Xadiith sheegaya in aakhiro zamanka ay muslimiintu Istanbuul\إستنبول, oo ku taalla dalka Turkiya, furan doonaan, laguna furan doono Takbiir\ هللا أكبرiyo tahliil الأله إال \ هللاiyo taxmiid\ الحمد هللoo ay sidaas darbiyadeedu kusoo hoobanayaan. Waagaasna hubkaan casriga ahba ma jiro oo waxa lagu dagaallamo waa seefo iyo waran iyo fallaar iyo mindi. Waxaan ognahay in Istanbuul إستنبولquruun ka hor la furtay. Marka muxuu Xadiithkaas noo sheegayaa? Waxaad mooddaa inay Istanbuul zamankaan aan hadda joogno mar kale u wareegi doonto krishtaanka yurub iyo NATO, oo markaas mar dambe la furan doono marka labaad. Soo ma aragno siday dawladda turkiya dadaal ugu jirto inay ku biirto EU yurubta midowday, yurbna ay maalin walba usoo jeedineyso inay sharci diinta islaamka ka mid ah tirtirto, dawladda turkiguna ka yeeleyso? Qisadaas hoos ayaan ku warin doonnaa inshaa’a Allaahu\إن شاء هللا. Sido kale turkigu wuxuu ku jiraa oo xubin ka yahay NATO oo ah cadawga carabta iyo muslimiintaba. Xadiithka furashada Istanbuul إستنبولwaxaa weriyay Muslim\ مسلمoo ka wariyay Abuu Hurayrah\أبو هريرة, waana kanaa: 380 َّ : - رضي اهلل عنه- ( م ) أبو هريرة- 7877 ، «سمعتم بمدينة: قال-صلى اهلل عليه وسلم- أن رسو َل اهلل التقوم الساعة حتى: قال، نعم يارسول اهلل-]381[-: وجانب منها في البحر ؟ قالوا ، البر ِّ جانب منها في ُ ُ ال: قالوا، ولم يرموا بسهم، فلم يقاتلوا بسالح، فإذا جاؤوها نزلوا، يغزوها سبعون ألفا من بني إسحاق ثم- الذي في البحر: الأعلمه إال قال: قال ثور بن يزيد- أحد جانبيها ُ و اهلل أكبر فيسقط، إله إال اهلل ، ال إله إال اهلل: ] ثم يقولون [ الثالثة، فيسقط جانبها اآلخر، واللَّه أكبر، ال إله إال اهلل: يقولون الثانية إن َّ : فقال، إذا جاءهم الصريخ، فبينما هم يقتسمون المغانم،في ْف َّرج فيدخلونها فيغنمون ُ ، واللَّه أكبر َّ فيتركون،الدجال قد خرج كل شيء ويرجعون» أخرجه مسلم َ “Samictum bi madiinatin, jaanibun minhaa fii al barri, wa jaanibun minhaa fii al baxri? Qaaluu: “nacam yaa Rasuula Allaahi.” Qaala: “laa taquumu al ssacatu xattaa yaghzuuhaa sabduuna alfan min Banii Isxaaqa, fa ithaa jaa’uuhaa nazaluu, fa lam yuqaatiluu bi silaaxin, wa la yarmuu bi sahamin: qaaluu: “Laa ilaaha illaa Allaahu, wa Allaahu Akabru” fa yasqudhu axadu jaanibayhaa – qaala Thawr bin Yaziid: “laa aclamuhu illaa qaala: allathii fii al baxri – thumma yaquuluuna al thaaniyata: “Laa ilaaha illaa Allaahu, wa Allaahu Akbaru”, fa yasqudhu jaanibahaa al aakhar, thumma yaquuluuna (al thaalithata): “Laa ilaaha illaa Allaahu, wa Allaahu Akbaru”, fa yufraju fa yadkhuluunahaa fa yaghnimuuna, fa baynamaa hum yaqtasimuuna al maghaanima, ithaa jaa’ahumu al ssariikhu, fa qaala: “inna al Ddijaala qad kharaja”, fa yatrukuuna kulla shay’in wa yarjicuuna.” Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: “Ma maqasheen magaalo uu dhinac ka mid ahi ku yaallo barriga, dhinacna ku yaallo badda? Waxay yiraahdeen: “Haa Rasuulka Ilaahayow.” Wuxuu yiri: “Saacaddu istaagi mayso jeer ay toddobaatan kun oo ubadka Isxaaq\ بني إسحاقka mid ahi magaaladaas ku duulaan. Markay yimaadaanna way degayaan, hubna ku dagaallami mayaan, fallaarna gani mayaan. Waxay leeyihiin “Laa ilaaha illaa Allaahu, iyo Allaahu Akbaru\”ال إله إال هللا وهللا أكبر. Markaasuu dhinac dinacyadeeda ka mid ah soo dhacayaa (waana darbiga ku wareegsan)”. Thawr bin Yaziid ثور بن يزيدwuxuu yiri: “ma ogi waxaan ahayn inuu yiri: “dhanka badda xiga”. Markaasay mar labaad waxay leeyihiin “laa ilaaha illaa Allaahu iyo Allaahu Akbaru ال إله إال هللا وهللا \”أكبر.”, markaasuu dhankeeda labaad soo dhacaya. Markaasay hadana (marka saddexaad) waxay leeyihiin “laa ilaaha illaa Allaahu iyo Allaahu Akbaru\” ال إله إال هللا وهللا أكبر., markaasay furmeysa oo ay gelayaan, oo ghaniimeysanayaan. Ayagoo ghaniimada qaybsanaya ayaa waxaa soo gaaraya mid qaylinaya oo leh: “waxaa soo baxay dajjaalka \الدجال.” Markaasay wax walba dhigayaan oo ka tegayaan oo ay noqonayaan.” 381 Sunnada Carfoon\السنة العطرة Kitaabka Fatxu Al Baarii bi Sharxi Saxiixi Al Bukhaariiفتح الباري بشرح صحيح البخاري, ibnu Xajar Al Casqalaanii\إبن حجر العسقالني, Allaha u naxariistee dambigiisana dhaafee, wuxuu ku sharxay Axaadiithta ku saabsan Juuj iyo Ma’juujيأجوج ومأجوج. Axaadiithtu waxay qaarkood ku sugan y ihiin Kitaabu Axaadiithi Al Anbiyaa’i\كتاب أحاديث األنبياء, ahna kitaabka lixdanaad, baabka toddobaad ee “Qisatu Ya’juuj wa Ma’juuj\;”قصة يأجوج ومأجوج iyo Kitaabu Al Fitani\ كتاب الفتنBaabka sided iyo labaatanaad Xadiithka toddoba kun boqol shan iyo soddon (7135). Waxaan halkaan kusoo guurinnay qaar ka mid Axaadiithtaas iyo qaar sharaxooda ka mid ah: ٍ ث َع ْن ُعقَ ْي ٍل َع ْن ْاب ِن ِش َه ُّ اب َع ْن ُع ْرَوةَ ْب ِن سلَ َم َة َح َّدثَتْ ُه َع ْن أ ُِّم َّ الزَب ْي ِر أ ُ َح َّدثََنا َي ْح َيى ْب ُن ُب َك ْي ٍر َح َّدثََنا اللَّ ْيَ َن َزْي َن َب ِب ْن َت أَِبي ِش ر ِ ِ َّ َن َّ ض َي اللَّ ُه َع ْن ُه َّن "أ َصلَّى اللَّ ُه َعلَ ْي ِه َو َسلَّ َم َد َخ َل َعلَ ْي َها فَ ِز ًعا َيقُو ُل ال َ س ْف َي َ َح ِب َ الن ِب َّي ُ يب َة ِب ْنت أَِبي َ ٍ ان َع ْن َزْي َن َب ِب ْنت َج ْح ِ ِ شٍّر قَ ْد اقْتَر ِ ِ ص َب ِع ِه اإل ْب َه ِام َ إِلَ َه إِالَّ اللَّ ُه َوْي ٌل لِ ْل َع َر ِب ِم ْن َ َّوج ِم ْث ُل َه ِذ ِه َو َحل َ ْج ُ وج َو َمأ َ ْج ُ ب فُت َح ا ْل َي ْوَم م ْن َرْدم َيأ ََ ْ ق ِبِإ ِ ِ ٍ ت َج ْح ."ث َّ ول اللَّ ِه أََن ْهلِ ُك َوِفي َنا ُ ون؟ قَا َل َن َع ْم إِ َذا َكثَُر ا ْل َخ َب َ س ُ ش فَقُ ْل ُ ب ِب ْن َ الصالِ ُح ُ يها قَالَ ْت َزْي َن ُ ت َيا َر َ َوالَّتي تَل ]7135 ،7159 ،3598 : – أطرافه في3346 [الحديث “Xaddathanaa Yaxyaa bin Bukayr xaddathanaa Al Llaythu can Cuqaylin can ibni Shihaabin can Curwah bin Al Zzubayr anna Zaynab bintu Abii Salamah xaddathathu can Ummi Xabiibah binti Abii Sufyaana can Zaynab binti Jaxshin radiya Allaahu canhunna anna Al Nabiyaa Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam dakhala caylahaa fazican yaquulu: “Laa ilaaha ilaa Allaahu! Waylun lil Carabi min sharrin qad iqtaraba, futixa al yawma min radmi Ya’juuja wa Ma’juuja mithlu haathihi, wa xalaqa bi isbacihi al ibhaami wa allatii taliihaa.” Qaalat Zaynabu bintu Jaxsh: fa qultu: Yaa Rasuula Allaahi anuhliku wa fiinaa al ssalixuuna?” Qaala: “Nacam ithaa kathura al khabathu.” ُّ ب َع ْن ِ َح َّدثََنا أ َُبو ا ْل َي َميب َة ِب ْن َت َّ سلَ َم َة َح َّدثَتْ ُه أ َّ ي قَا َل َح َّدثَِني ُع ْرَوةُ ْب ُن الُّزَب ْي ِر أ ِّ الزْه ِر ْ ان أ ُ َخ َب َرَنا َ َن أ َُّم َح ِب ٌ ش َع ْي َ َن َزْي َن َب ِب ْن َت أَِبي َّ َن ٍ ان َح َّدثَتْ َها َع ْن َزْي َن َب ِب ْن ِت َج ْح صلَّى اللَّ ُه َعلَ ْي ِه َو َسلَّ َم َد َخ َل َعلَ ْي َها فَ ِز ًعا َيقُو ُل الَ إِلَ َه إِالَّ اللَّ ُه َوْي ٌل َّ ش "أ َ س ْف َي َ الن ِب َّي ُ أَِبي ِ ِ ِ ِ ق ِبِإ ِ ِم ْن رْدِم يأْجوج ومأْج ت ْ يها فَ َقاَل َ ُ َ َ ُ َ َ ْ َ َّوج م ْث ُل َه َذا َو َحل َ ص َبعه َوِبالَّتي تَل ِ ."ث ُ ال َن َع ْم إِ َذا َكثَُر ا ْل َخ َب َ َون ق َ الصَّال ُح ب فُِت َح ا ْل َي ْوَم َ لِ ْل َع َر ِب ِم ْن َ شٍّر قَ ْد اقْتََر ك َوِف َينا ُ ِول اللَّ ِه أ ََن ْهل َ س ُ ب فَ ُقْل ُ َزْي َن ُ ت َيا َر Xaddathanaa Abuu Al Yamaanii akhbaranaa Shucaybun can Al Zzuhriyyi qaala xaddathanii Curwah bin Al Zzubaru anna Zaynab binta Abii Salamah xaddathathu anna Ummu Xabiibah binta Abii Sufyaan xaddathathaa can Zaynab binti Jaxshin anna Al Nnabiyya Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam dakhala calayhaa fazican yaquulu: “Laa ilaaha illaa Allaahu! Waylun lil Carabi min sharrin qad iqtaraba futixa al yawma min radmi Ya’juuja wa Ma’juuja mithly haathaa wa xalaqa bi sibacihi wa bi allatii taliihaa. Fa qaalat Zaynabu: fa qultu: “Yaa rasuula Allaahi anuhliku wa fiinaa al ssalixuuna?” Qaala: “Nacam ithaa kathura al khabathu.” 382 ْجو َج ُ ْجو َج َو َمأ ُ باب َيأ- 28 ِ ِ ِ ِي ح و ح َّدثََنا إ ُّ ب َع ْن ِ ا ْل َي َم ٍ ان َع ْن ُم َح َّم ِد ْب ِن أَِبي َع ِتي ق ِّ الزْه ِر ْ ان أ ُ َخ َبَرَنا َ سلَ ْي َم َ ٌ ش َع ْي ْ ُ س َماعي ُل َح َّدثَني أَخي َع ْن ِ ٍ ان َع ْن َزْي َن َب ِب ْن ِت َج ْح ُّ ُع ْرَوةَ ْب ِن َن َّ ش أ َّ الزَب ْي ِر أ َ س ْف َي َ سلَ َم َة َح َّدثَتْ ُه َع ْن أ ُِّم َح ِب ُ يب َة ِب ْنت أَِبي َ َن َزْي َن َب ِب ْن َت أَِبي َح َّدثََنا أ َُبو- 7135 ٍ َع ْن ْاب ِن ِش َه اب َع ْن ِ َ رس ب فُِت َح ا ْل َي ْوَم َ صلَّى اللَّ ُه َعلَ ْي ِه َو َسلَّ َم َد َخ َل َعلَ ْي َها َي ْو ًما فَ ِز ًعا َيقُو ُل الَ إِلَ َه إِالَّ اللَّ ُه َوْي ٌل لِ ْل َع َر ِب ِم ْن َ ول اللَّه ُ َ َ شٍّر قَ ْد اقْتََر ِ ِ ِ ِ ق ِبِإصبع ْي ِه ِِ ِ ِم ْن رْدِم يأْجوج ومأْج ٍ ت َج ْح ول اللَّ ِه َ س ُ ش فَ ُق ْل ُ ب ِب ْن ُ يها قَالَ ْت َزْي َن ُ ت َيا َر َ ُ ََ َ ُ َ َ َ اإل ْب َهام َوالَّتي تَل َ َ ْ َ َّوج م ْث ُل َهذه َو َحل ث َّ أَفَ َن ْهلِ ُك َوِفي َنا ُ ال َن َع ْم إِ َذا َكثَُر ا ْل ُخ ْب َ َون ق َ الصالِ ُح “Xaddathanaa Abuu Al Yamaani akhbaranaa Shuvaybun cani Al Zzuhriyyi xaddathanaa Ismaaciilu xaddathanii akhii can Sulaymaana can Muxammadin bin Abii Catiiq can ibnu Shihaabin can Curwah bin Al Zzubayri anna Zaynab binta Abii Salamah xaddathathu can Ummi Xabiibah bintu Abii Sufyaana can Zaynab binti Jaxshin anna Rasuula Allaahu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam dakhala calayhaa yawman fazican yaquulu: “Laa ilaaha illaa Allaahu, waylun lil Carabi min sharrin qad iqtaraba: futixa al yawma min radmi Ya’juuja wa Ma’juuja mithlu haathihi wa xalaqa bi isbacayhi al ibhaama wa allatii taliihaa, qaalat Zaynaba binta Jaxshin: fa qultu: Yaa Rasuula Allaahi a fa nuhliku wa fiinaa al ssalixuuna?” Qaala: “Nacam itha kathura al khabatu.” Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: Abuu Al Yamaani\ أبو اليمانيayaa noo warramay oo yiri: “Shucayb\ شعيبwuxuu noo sheegay inuu Al Zuhriyyu\ الزهريwariyay inuu Curwah bin Al Zzubayr\ عروة بن الزبيرwariyay inay Zaynab binta Abii Salamah زينب بنت أبي سلمةugu warrantay inay Ummu Xabiibah binta Abii Sufyaan أم جبيبة \ بنت أبي سفيانuga warisay Zaynab binti Jaxsh\زينب بنت جحش “inuu Nabigu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam gurigeeda ugu soo galay isagoo naxsan oo uu yiri: “Laa ilaaha illaa Allaahu ! الَ إِلَ َه إِالَّ اللَّ ُهCathaab\ عذابayaa u sugnaatay Carabta ugana imaaneysa shar usoo dhowaatay, oo maanta radmiga\( ردمdarbiga) Ya’juuj iyo Ma’juuj يأجوج ومأجوجwaxaa laga furay in intaas le’eg” markaasuu isagoo tilmaamaya intay le’egtahay inta darbigaas laga furay ayuu wuxuu isku qabtay oo dugaagad ka dhigay suulka iyo farta ku xigta. Waxay tiri: “Markaasay Zaynab binu Jaxsh\ زينب بنت جحشwaxay tiri: waxaan iri: “Rasuulka Ilaahayow ma waxaa nala halaagayaa ayaadoo ay nagu jiraan oo naga mid yihiin kuwa saalixiin ah oo suusuuban?” Wuxuu yiri: “Haa, hadday xumaantu badato.” Al Casqalaanii\ العسقالنيwuxuu yiri: “Waxay u egtahay inay u garatay in furidda radmiga laga furay qadarka lasoo sheegay inuu amarkaasu socon doono oo daloolkaasu uu sii weynaan doono, uuna gaari doono heer u suurta 383 geliya inay kasoo baxaan, waxayna u cilmi lahayd inuu soo baxoodaasu dadka halaag guud u keenayo." Ibnu Xajar\ إبن حجرwuxuu yiri: “ ”ويل للعرب من شر قد اقتربwuxuu carabta gooni uga dhigay inay ayagu markaas ahaayeen inta u badan ee dadka islaamay. Muraadka shartuna waa wixii dhacay isaga dabadiis ee ahaa dilidda Cismaan\عثمان, oo ay markaas fitnadu is daba joogtay ilaa heer ay carabtu noqdeen sida saxan cunno ah oo kuwa cunayaa ka dhexeeya oo ay wada cunaan oo qaybsadaan, sida ku sugan Xadiithka kale " "يوشك أن تداعى عليكم األمم كما تداعى األكلة على قصعتها “Yuushaku an tadaacaa calaykumu al umamu kamaa tadaacaa al akalatu calaa qascatihaa.” oo macnihiisu yahay: “Mar dhow ummadaha ayaa isugu kiin tegayaa, oo qaarba qaar kale idiinku yeeranaya, sida kuwa wax cunaya ay isugu yeertaan oo u qaybsadaan saxankay cunnadu ku jirto, oo wada cunaan.” Markaasna kuwa lala hadlayo waa carabta.” Xadiithkuna waa kanaa: اعى ْ ُم ُم َ أن تَ َد َ «يوش ُك األ: -صلى اهلل عليه وسلم- قال رسول اهلل: قال- رضي اهلل عنه- (د) ثوبان- 7481 َّ ، بل أنتم يومئذ كثير: من ِقلَّة نحن يومئذ ؟ قال: فقال قائل،ص َعتها ولكنكم َ عليكم كما تَ َد ْ َاعى األَ َكل ُة إلى ق ِ َُغثاء َك ُغث وما: قيل،الو ْه َن َّ ،عدوكم المهاب َة منكم َّ اء ِّ ولَ َي ْن ِز َع َّن اهلل ِم ْن صدور،الس ْي ِل َ وليقذفن في ُقلُوبكم ِ .الموت» أخرجه أبو داود اهي ُة ُّ ُح: هن يا رسول اهلل ؟ قال ُ الو ْ َ وكر،ب الدُّنيا “Yuushaku al umamu an tadaacaa calaykum kamaa tadaacaa al akalatu ilaa qascatihaa.” Fa qaala qaa’ilun: “min qillatin naxnu yawma’ithin?” Qaala: “Bal antum yawma’ithin kathiirun, wa laakinnakum ghuthaa’un ka ghuthaa’i al ssayli, wa la yanzicanna Allaahu min suduuri caduwwikum al mahaabata minkum, wa layaqthifanna fii quluubikum al wahna.” Qiila: “Wa maa al wahnu yaa Rasuula Allaahi?” Qaala: “Xubbu al ddunyaa, wa karaahiyatu al mawti.” Xadiithkaan oo aan kasoo qaadannay جامع األصول في أحاديث الرسول صلى اهلل عليه وعلى آله ةسلم Jaamicu Al Usuuli fii Axaadiithi Al Rrasuuli Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam ee ibnu Al Athiir\ أبن األثيرmacnihiisu waxaa weeye: 384 “Dhowaan ummadaha ayaa isugu kiin yeeraneysa siday kuwa doonaya inay wax cunaan xeerada cunnadu ku jirto isugu yeertaan oo kale, kuwa loo yeerayna ay yeelayaan oo imaanayaan oo ka qayb qaadanayaan.” Markaasuu nin wuxuu yiri: “ma waxay taasu u dhacaysaa tiro yaraan na haysa?” Wuxuu yiri: “Maya, oo adinku maalintaas waad badan tihiin, laakiin waxaad tihiin xaabo iyo xumbo la mid ah xaabada iyo xumbada biyaha socda kor heehaaba. Ilaahayna wuxuu ka siibaya laabaha cadawgiinna cabsida ay idinka qabaan, adinka quluubtiinnana wuxuu ku ridayaa tag darro.” Waxaa la yiri: “Rasuulka Ilaahayow tag darraduna maxay tahay?” Wuxuu yiri: “waa jeceylka adduunka iyo kahashada dhimashada.” Waxaa wariyay Abuu Daauudأبو داود, kana wariyay Thawbaan ثوبانAllaha raalli ka noqdee. Soo waxaa manta socda ma aha oo NATO dalalka ku jira iyo yurub iyo japan iyo kuwo kaleba oo ay afrikaan ka mid yihiin carabta layntooda isugu yeeranayaan oo dalalka carabta intay qaybsadaan qoloba meel uga duuleyso? Baabka Dhihidda Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam: ” "ويل للعرب من شر قد اقترب “Waylun lil Carabi min sharrin qad iqtaraba.” Oo macneheedu yahay: “Cathaab\ عذابayaa u sugnaatay Carabta ugana imaaneysa shar usoo dhowaatay”, wuxuu carabta magacaabiddooda gooni ugu yeelay ayagoo ugu horreeyey wax islaamka gala, iyo digniin inay fitnooyinku markay dhacaan uu halaaggu ayaga ugu dheereynayo.” Ibnu Xajar\ إبن حجرwuxuu yiri: “ibnu Marduwayh\ إبن مردويهwuxuu Al Suddiyyu\ السديka wariyay inuu yiri: “Turkigu waa“sariyyah\”سرية, oo ah guuto uusan boqorkii la socon (haddaan ku qiyaasno siday sariyyah سريةu ahaan jirtay ciidankuu Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam diro isaguna uusan la socon, oo markuu la socdo waxaa duullaankaas la yiraahdaa Ghazwah\غزوة, taasoo ku tusaysa inuusan turkigu madaxda Ya’juuj iyo Ma’juuj\يأجوج ومأجوج ahayn ee lagu adeegto, sida hadaba ay NATO ayaga duullaanka carabta ugu dirto, siday Soomaaliya ugu soo direen iyo Libiya, iyo Siiriya iyo Ciraaq iyo kuwo kaleba: xasanwali), oo ka mid ah guutooyinka Ya’juuj iyo Ma’juuj يأجوج ومأجوجoo duullaan ku maqnayd, markaasuu Thuu Al Qarnayn\ ذوالقرنينyimid oo uu sadka dhisay, o markaasay dibadda ka ahaadeen.” 385 Riwaayada Saciid bin Bashiir\ سعيد بن بشيرwaxay warisay inuu Qataadah\ قتادةyiri: “Ya’juuj iyo Ma’juuj يأجوج ومأجوجwaa laba iyo toban qabiilo. Thuu Al Qarnayn\ ذوالقرنينwuxuu sadka ka dhisay kow iyo labaatan, waxaana ka maqnaa hal qabiil oo dagaal ku maqnaa waana turkiga oo sadka sokadiisa ahaaday.” “Al Khabathu” الخبثoo aan ku tarjumnay af soomaali inay tahay xumaanta, Ibnu Xajar\إبن حجر wuxuu yiri: “waxaa loo fasiray zinada iyo wacallada iyo fusuuqa oo ah ka bixidda daacada Ilaahay, iyo fujuurka oo ah xadgudubka iyo dilidda dadka iyo sharciga Ilaahay oo la iskala weynaado oo wixii la doono la sameeyo.” Soo kuwaasu manta ma aha tilmaamaha gaalada reer galbeed? Ibnu Xajar\ إبن حجرwuxuu yiri: “Waxaa Abuu Hurayrah\ أبو هريرةlaga wariyay Xadiith la mid ah Xadiithka koowaad ee Ummu Xabiibah\أم حبيبة, laakiin ay kiisa ku jirto ziyaado uu wariyay Al Acmash\ األعمشkana wariyay Suhayl bin Abii Saalix\ سهيل إبن صالحoo ka wariyay aabihiis inuu Abuu Hurayrah\ أبو هريرةyiri, Al Acmash-na\ األعمشuu yiri “uma jeedo waxaan ahayn inuu Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam ka wariyay inuu yiri: " أفلح من كف يده،"ويل للعرب من شر قد اقترب “Waylun lil Carabi min sharrin qad iqtaraba, aflaxa man kaffa yadahu.” Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: “Cathaab ayaa u sugnaatay Carabta ugana imaaneysa shar usoo dhowaatay, waxaana liibaanay qofka gacantiisa ceshada.” Xasanwali wuxuu yiri: “Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam waxaa loo soo diray jinniga iyo insigaba, carab iyo cajam, inta rumeysay waa ummaddiisa inta kalena waa gaalo. Marka muxuu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam Xadiithkaan carabta oo keli ugu koobay? Hadday dhibaato guud oo ummadda uga imaanaysa Ya’juuj iyo Ma’juujيأجوج ومأجوج ahaan lahaydna Nabigu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam wuu noo sheegi lahaa, balse wuxuu kusoo koobay carabta. Dalka Indoneysia waxaa deggan tiro muslimiin ah oo ka badan tirade carabta oo idil muslinkooda iyo gaalkoodaba marka la isku daro. Hindiya waxaa deggan qiyaas boqol iyo konton ilaa laba boqol oo malyan oo muslin ah, Pakistaanna intaasoo kale. Dalka ruushka boqolkiiba soddon waa muslin. 386 Shiinaha waxaa ka mid ah tobaannaano malyan oo muslin ah. Intaasoo muslimiin ahna cid wax u sheegata ma jirto oo dalalkooda ayay nabad ugu nool yihiin. Xadiithkaanse wuxuu ka hadlay carabta oo keli ah. Marka waxaad mooddaa inayan sababtay Ya’juuj iyo Ma’juuj يأجوج ومأجوجcarabta ugu duulayaan ahayn inay muslimiin yihiin, ayse tahay sabab kale. Maxay sababtaasu ahaan kartaa? Maxay carabtu haystaan oo ayan muslimiinta kale haysan? Waxay ahaan kartaa wuxuu Ilaahay Tacaalaa siiyay oo khayraad ah oo arligooda ku jira oo ay ka mid yihiin batrool, gaas dabiici ah, dahab, iwm. Kuwaasoo ah halbowlaha dhaqaalaha dawladaha galbeedka ee Ya’juuj iyo Ma’juujيأجوج ومأجوج. Culummadii hore waagay noolaayeen matoor ma jirin baansiin ku shaqeeya, ha saarnaado baabuur, ama markab ama dayuurad ama wax kaleba. Qalabka maanta lagu shaqeysto oo idil waagaas ma jirin. Marka, ma ayan ogaan karin qiimaha uu batroolku dhaqaalaha adduunka u leeyahay, oo waxaadan ogayn kaama maqna. Batroolka waagaas hore waa jiray oo lagu isticmaali jiray oo faynuusaha ayaa lagu shidan jiray oo waxaa carabta laga oran jiray nafdh نفطoo soomaaliduba waa ayada nafto tiraahda. Mase ayan ogaan karin qiimaha uu maanta leeyahay iyo inuu sabab u noqon karo in carabta lagu duulo oo la laayo si looga qaato. Kama ayan hadli karin waxayan ogayn oo ka maqan. Nabigu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam Xadiithkaan nooguma sheegayo si caddaan ah in sababta ay Ya’juuj iyo Ma’juuj يأجوج ومأجوجcarabta sharta kala hor tegayaan ay tahay sabab diini ah iyo inay muslimiin yihiin, culummaduna sidaas uma fasirin. Marka waa inay sabab kale noqoto. Hadday sidaas tahay, wa Allaahu aclamu\أعلم واهلل, xarbiga carabta maanta lagu hayo ma aha xarbi diinta islaamka lagula dagaallamayo ee waxaa loola dagallamayaa in waxay haystaan laga fara maroorsado oo laga qaato. Carabta haddii lala dagaallamo oo la laayana diinta islaamku ayadaaba iska yaraaneysa, oo diintaan wuxuu Ilaahay ku ammaaneystay marka hore nin keli oo carab Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam, kaddibna qawmkiisa oo ummadda carabta ah. Diintana carab ayaa ugu horreeya dad qaatay, u jihaada, u dhinta, fidiya oo fasiray, ayagoo ay Quraanka Kariimka ah iyo Sunnada Carfoon ee Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam afka carabiga ku dhigan yihiin. Runtana Rabbi ayaa og.” Waa intaas warkiisu. Ibnu Xajar\ إبن حجرwuxuu wariyay inuu ibnu Camr bin Aws\ إبن عمرو بن أوسka wariyay awoowihiis (inuu Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam) yiri: “ 387 " "أن يأجوج ومأجوج لهم نساء يجامعون ما شاؤوا وشجر يلقحون ما شاؤوا “Inna Ya’juuja wa Ma’juuja lahum nisaa’un yujaamicuuna laa shaa’uu wa shajarun yalqaxuuna maa shaa’uu.” Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: “Ya’juuj iyo Ma’juuj waxay leeyihiin haween ay la gogol galaan markay doonaan, iyo geedo ay tallaashaan markay doonaan”, waana Xadiith qaarkiis. Ibnu Xajar\ إبن حجرwuxuu yiri: “waxaa kaloo Xadiithka ka mid ah: وأن فيهم من يعرف اهلل ويقر بقدرته،"أن فيهم أهل صناعة وأهل والية وسالطة ورعية تطيع من فوقها ".ومشيئته “Inna fiihim ahla sanaacatin wa hla walaayatin wa raciyatun tudhiicu man fawqahaa, wa anna fiihim man yacrifu Allaaha wa yuqirru bi qudratiHi wa mashii’atiHi.” Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: “Waxaana ku jira (Ya’juuj iyo Ma’juuj )يأجوج ومأجوجfarsamoyaqaanno iyo kuwo xilal maamul qaadi karaiyo xukun, waxayna leeyihiin raaciye kuwa ka korreeya adeecda. Waxaana ka mid ah kuwo Ilaahay yaqaanna, qirayana qudraddiisa iyo awooddiisa iyo mashii’adiisa uu wuxuu doono ku fulin karo.” Soo ma aadan arag inay samaysteen dayuurado, tankiyo, sawaariikh, gaadiid, taleefan, TV, computer, koronto iyo waxa warshadaha lagu farsameeyo oo idil? Siduu Nabigu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam u sheegay ka badan kun iyo afar boqol oo sano ka hor waa farsamoyaqaanno masaaniicda ku xeel dheer. Waxaan markhaati ka ah inuu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam Nabi iyo Rasuul Ilaahay noo soo diray ahaa, bi abii anta wa ummii\بأبي أنت وأمي يا رسول اهلل صلى اهلل عليك وسلم. Sideebuu u ekaa radmigu/darbigu? Al Bukhaarii\ البجاريwuxuu kaloo wariyay inuu ibnu Abii Cumar\ إبن أبي عمرka wariyay Saciid bin Abii Curuubah\ سعيد بن أبي عروبةinuu Qataadah\ قتادةka wariyay inuu nin reer Al Madiinah\ المدينةah uu Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam ku yiri: “Rasuulka Ilaahayow waxaan arkay sadka Ya’juuj iyo Ma’juujيأجوج ومأجوج.” Wuxuu yiri: ” “كيف رأيته؟ “Kayfa ra’aytahu?” oo macnihiisu yahay: 388 “Sideebuu u ekaa?” Wuxuu yiri: “Wuxuu u ekaa maro xariir lagu dheehay oo leh diillin guduudan iyo diillin madow.” Wuxuu yiri: ” "قد رأيته “Qad ra’aytahu.” oo macnihiisu yahay: “Hadaba waad aragtay!” Waa kuwee kuwa Carabta halaagay oo aan indheheenna ku aragnay? Laga bilaabo Ghazwada Mu’tah\ غزوة مؤتةoo ahayd bisha Jamaadu Al ullaa\ جماد األولىee sanadka sideedaad ee Hijriga, sababta keentayna ay ahayd inuu roomaanku dilay ergay xambaarsanaa dhanbaal uu Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam u diray boqorka Rooma, duullaankaasoo lagu dilay asxaab ay ka mid haaayeen Jacfar bin Abii Dhaalib \ جعفر بن أبي طالبiyo Zayd bin Xaarithah\ زيد بن حارثةiyo Cabdu Allaahu bin Rawaaxah عبد اهلل \بن رواحة, Allaha dhammantood u naxariistee raallina ka noqdee, ilaa manta aan joogno oo ah sanadka 2012 dhibaatada ku dhacday carabta, ha ahaato dil, xoolohooda oo laga dhaco, dalalkooda oo laga saaro, la isticmaarsado waxaa intaasba u geystay waa krishtaanka yurub, oo aan u kala harin iyo turkiga. Dawladaha yurub oo manta ugu tagta daran uguna yar dhul ahaan waabey ahaan jireen quwado xoog badan oo ummaday xasuuqeen, sida Holaanda oo ilaa Indonesia gumaysatay oo laysay, Burtuqaal oo Aasiya iyo Afrika dalal badan ka gumaysatay, Beljiika oo Afrika dalal ka gumeysatay dadkeedana addoonsatay oo laysay. Sharta carab gaartay waxay uga timid dawladaha yurub iyo turkiga, ayna ugu horreeyaan ingiriiska, fransiiska, jarmanka, talyaaniga iyo turkiga. Xuruubtii saliibiyiinta waxaa yurub dawr weyn uga qaatay Sweden, Norway, Danemark, oo Masjidu Al Aqsaa\ مسجد األقصىmarkay qabsadeen u beddelay meel doofaarrada lagu dhaqo, fardahana lagu xirto, ilaa uu Salaaxu Al Ddiini Al Ayyuubii\ صالح الدين األيوبيka kiciyay. Taariikhda kuma arag shiinaha ama ruushka oo carabta ama afrikaanka ku soo duulay oo xasuuqay oo isticmaarsaday. Bal ruushka iyo shiinuhuba waxay dalalka soo koraya ka caawineen siday dalalkooda ku dhisi lahaayeen isticmaarka dabadiis, ayna u kala ganacsan lahaayeen. Sidaan qaybta soo socota ee kitaabkaan ku arki doonno inshaa’a Allaahu \إن شاء اهلل, Al Thahabii\ الذهبيiyo Ibnu Taymiyah\ إبن تيميةayaaba noo caddeynaya kuway yihiin iyo meeshay degi jireen Ya’juuj iyo Ma’juuj\يأجوج و مأجوج, iyo inay turkiga isku qabiil yihiin, iyo inay degganaayeen meesha u dhexeysa Aasiya iyo Yurub oo laga dhisay darbiga Thuu Al Qarnayni ذو 389 \القرنين, iyo la socdeen walaalohood mongolka turkiga ah markay soo weerareen Ciraaq \ عراقiyo dalalka carabta qiyaas sideed boqol oo sano ka hor, ayna laayeen khalqi badan, uuna ibnu Taymiyah\ إبن تيميةgoob jog ka ahaa oo nooga warramay kitaabkiisa “Minhaaju Al Sunnah منهاج \ ”السنةsidaan inshaa’a Allaahu إن شاء اهللu arki doonno. Colaadday ingiriiska iyo jarmanka iyo inta ka farcantayba carabta iyo muslimiina u hayaan ilaa maanta waa ayadaba socota, oo ayagaa ah juju iyo maajuuj. Arliga Mongolia wuxuu ku yaalla waqooyiga dalka shiinaha, koofurta dalka ruushka iyo bariga dalka Khazakhistan, oo saddexdaasuu xuduud la leeyahay. Halkaasuu degi jiray Ya’juuj iyo Ma’juuj\يأجوج و مأجوج, ahna ingiriiska, jarmanka iyo inta labadoodaas ka farcamay, fransiiska iyo ruushka. Halkaas ayayna kasoo duuli jireen, oo sidaasuu Thuu Al Qarnayn \ ذو القرنينdarbiga uga dhisay Baabu Al Abwaab\باب األبواب, oo maanta ku taalla koofurta dalka ruushka, sidaan u arki doonno inshaa’a Allaahu, si fasaadkooda looga celiyo Bariga Dhexe. Taariikhda Soomaaliya waxaa ku jirta inuu ingiriisku markuu Sayyid Maxammad Cabdulle Xasan\ السيد محمد عبد اهلل حسنla dagaallamayay uu dalool shacbiga soomaalida dilay. Labaatankii sano oo lasoo dhaafay meeqa malyan ayay NATO Somaalida ka dhishay? Meeqa caruur iyo haween ayey dileen? Sidoo kale fransiisku wuxuu sidaas oo kale u xasuuqay shacbiga Jazaa’ir\( الجزائرAlgeria) oo uu malaayiin ka laayay. NATO, gaar ahaan maraykanka iyo ingiriisku meeqa malyan ayay waayahaan dadka Ciraaq\ عراقka dileen? Meeqaa ku dhimatay dagaalka ay hadda NATO Suuriya\ سورياka waddo? Meeqay talyaaniga iyo jarmanku iyo maraykanu Liibiya\ ليبياka dileen? Falasdiin\ فلسطينmeeday? Meeyey dadkii Falasdiiniyiinta ahaa? Waxay noqdeen kuwo la laayay, kuwo dhulkooda laga saaray iyo inta soo hartay oo xeryo qaxooti lagu hayo. Bal arag siduu maraykanku hadda yamanta\ يمنu laynayo. NATO waxay hore u shidday dagaalka Lubnaan\لبنان, ayna lubnaaniyiinta laayeen, malaayiinna dalkooda ka saareen oo ay adduunka sida inta kale oo carabta ah qaxooti ku yihiin. Bal arag sidu fransiisku dawladda carabta iyo muslinka ah ee Mauritania u isticmaarsaday, dadkeedana u xasuuqay. Dawladda carbeed ee Juzuru Al Qamar\( جزر القمرComoro) oo Badweynta Hindiya ku taalla, waa la gumaystay, dagaallada isticmaarkuna wali maantadaan aan joogno waa ka socdaan. Ilaahay Tacaalaa dagaalladaas sanooyinkaan aan ku jirno socda tan iyo hadda waa ka badbaadiyay labada boqortooyo ee Haashimiyyinta ee Maghrib iyo Urdun, Ilaahay hana ka sii ilaaliyo iyo Jamhuuriyada Aljeeriya\الجزائر. Nin dibloomaasi ah oo sucuudi ah ayaa wuxuu igu yiri: “carabta waxay tiraahdaa “hadday laba mallay badweynta hoostooda moolka ah isku hardiyaan ingiriis ayaa ka dambeeya.”” 390 Yey yihiin Ya’juuj iyo Ma’juuj?يأجوج ومأجوج Sidaan qaybta hore ee kitaabkaan kusoo aragnay markaan amxaarada ka hadleynnay, Ya’juuj iyo Ma’juuj يأجوج ومأجوجwaa banii Aadan\ بني آدمoo dad adduunkaan korkiisa ku nool, sideennoo kale oo nala deggan, oo Al Sayuudhii\ السيوطيwuxuu Abuu Hurayrah\ أبو هريرةka wariyay inuu Rasuulka Ilaahay, Salla Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: وولد يافث يأجوج ومأجوج. فولد سام العرب وفارس والروم والخير فيهم."ولد نوح سام وحام ويافث ". وولد لحام القبط والبربر والسودان.والترك والصقالبة والخير فيهم Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Nuux\ نوحwuxuu dhalay Saam\ سامiyo Xaam\ حامiyo Yaafith. Markaasuu Saam\ سامwuxuu dhalay Carabta iyo Faaris\( فارسoo ah iiraaniyiinta) iyo Roomaanka, khayrkuna ayaguu ku jiraa. Yaafithna\ يافثwuxuu dhalay Ya'juuj iyo Ma'juuj يأجوج ومأجوجiyo Turkiga iyo Al Saqaalibah\( السقالبةoo ah dadka maanta yurub dega oo guud ahaan Slavs la isku yiraahdo ayna ka mid yihiin Russia, Serbia, Kroatia, Slovakiya, Bulgaria, Polanda, Check Republic, iwm.), khayrma ma laha, Xaamna\ حامwaxaa loo dhalay Al Qibdhu\( القبطoo Masar\ مصرdegah) iyo Barbarta\ البربرiyo dadka madow." Marka, adduunkaan meel qarsoon oo aan la tegin ma jirto, oo qaaradohoo idil iyo dadka deggan waa la yaqaannaa. Marka, Ya’juuj iyo Ma’juuj يأجوج ومأجوجdadka aan maalin walba la dhaqanno, aan la hadalno, wax kala gadanno, kala guursanno ayay ka mid yihiin. Hadaba waa kuwee? Sidoo kale maanta ma jiro sad\ سدdhisan, ama radm\ ردمama darbi iyo biyo xireen dadka adduunkaan deggan kala qoqoba oo kala xira oo u diidaya inay isu kala gudbaan, oo meeshaad doontid adduunkaan manta waa ka tegi kartaa, waxaan un kaa xigta lacagta safarkaas iyo sahaydaada. Banii Aadan\ بني آدمhadda ka bacdi dhalan doona oo aan la aqoon iyo kuwa adduun kale ka imaanaya toona la sugi mayo. Marka Ya’juuj iyo Ma’juuj يأجوج ومأجوجannagay nagu dhex jiraan, ee aan caqligeenna ku isticmaalno uu Ilaahay Tacaalaa\ هللا تعالىna siiyay oo aan markaas farta ku fiiqno. Marka, dadka kuwee bay Ya’juuj iyo Ma’juuj يأجوج ومأجوجka yihiin? 391 Xamdi bin Xamzah al Suraysirii Al Juhanii\حمد بن حمزة الصريصري الجهني Kitaabka “ فك أسرار ذي القرنين (أخناتون) ويأجوج ومأجوجFakku asraari Thii Al Qarnayn (Akhnaatoon) wa Ya’juuj wa Ma’juuj يأجوج ومأجوج, uuna dhigay Xamdi bin Xamzah al Suraysirii Al Juhanii حمد \ بن حمزة الصريصري الجهنيoo sucuudi u dhashay, ayna daabacday Madhbacatu Safiir ee ku taalla Riyaad ee dalka sucuudiga, wuxuu ka hadlayaa Thuu Al Qarnayn ذو القرنين, sadka uu dhisay, dadka uu u dhisay iyo kuway yihiin Ya’juuj iyo Ma’juuj يأجوج ومأجوج. Wuxuuna yiri: 1.Thoo Al Qarnayn\ ذوالقرنينmagaciisu waa Amnaxuutab\ أمنحوتبboqorka afaraad ee Masar\مصر, markaasuu magaciisa beddelay kana dhigay Akhnatuun أخناتون. Hooyadiis waa Tii\تي, ayadaana ah haweenta mu’minadda ah ee u dhaxday Fircoon\فرعون, ahna midda ku xusan Aayadda kow iyo tobnaad ee Suuratu Al Taxriimi\سورة التحريم, isaguna waa mu’minka ku xusan Aayadda sided iyo labaatanaad ee Suuratu Ghaafir\سورة غافر, ahna midka iimaankiisa qarinayay. Haweentiisu waa boqoradda Nefrititi\نفرتيت. Wuxuu dhashay kun saddex boqol laba iyo sagaashan dhalashada Ciise\ عيسىhorteed, wuxuuna boqor noqday kun saddex boqol iyo lixdan ka hor dhalashada Ciise\ عيسى. Waxaa loo magacaabay Rasuulka Ilaahay ee Masar\ مصرiyo Shiinaha kun saddex boqol laba iyo lixdan (tani waxay khilaafsan tahay naska Quraanka eek u xusan Aayadda afaraad ee Suuratu Ibraahiim\سورة إبراهيم, oo noo sheegtay in Rasuul walba dadkuu ka dhashay loo diray oo uu afkooda kula hadlo si uu Risaalada ugu caddeeyo, intaan Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam ka ahayn oo jinni iyo insi oo idil loo diray), markaasuu si qarsoodi ah Masar\ مصرuga baxay isagoo wata reerkiisa, oo ka mid yihiin saddex ama afar gabdhood, hooyadiis boqoradda Tii\ تيand haweentiisa boqoradda Nefrititiنفرتيت. Waxaa kaloo la socday khalqi badan oo xaashiyadiisa ka mid ah, iyo injeneeryo wax dhisa, shaqaale, bad yaqaanno iyo kuwo kaleba. Isagu injeneernimada iyo sida sad loo dhiso wuxuu ka bartay Haamaan\ هامانoo Fircoon\فرعون guryo kor u dheer u dhisay (sida noo sheegtay Aayadda sided iyo soddon ee Suuratu Al Qasasi \)سورة القصص. 2.Qorrax u dhaca Quraanku sheegay waa jaziiradaha Maldives ee ku yaalla Badweynta Hindiya. 3.Qorrax kasoo baxa Quraanku sheegay waa Jaziiradaha Kirbiyati ee Badweynta Pacifik ku yaalla. 4.Radmiguu Thoo Al Qarnayn\ ردم ذو القرنينdhisay cabbirradiisu waa sidatan: qiyaas km. 7 (toddoba km) waa dhererkiisu; taaggiisu waa ka badan yahay sagaal (9m) mitir; ballaciisu waa lix iyo soddon mitir (36m). Waxay qaadatay sided iyo toban (18) sano dhismihiisu. 5.Xaggee buu ku yaalla sadka laga dhisay “Bayna Al Ssaddayni\”?بين السدين 6.Wuxuu ku yaalla magaalada Zangzohou ee gobolka Henan ee arliga shiinaha, ugana yaalla dhanka galbeed. (wuxuuna uga yaallaa manta bartamaha/bari) Waxaana la dhisay zamanka boqortooyada Shang ee sanadka 1342 sano Ciise\ عيسىhortiis. (Kutubbada tafsiirka Quraanka 392 Kariimka ah iyo kuwa hore loo dhigay ee taariikhda aduunka in badan oo ka mid ah waxay sheegeen inuu radmigu/darbiga celinayay Ya;juju iyo Ma’juuj يأجوج ومأجوجku yiillay dalka ilaa manta Armenia la yiraahdo oo turkiga iyo Iiraan waqooyi/bari ka xiga. Qaar kalena waxay yirahdeen wuxuu ku yiillay buuraaleyda Caucasus.). 7. Shiinuhu waxay leeyihiin radmiga waxaa dhisay “Chou people” ahna “Dadka qorraxda” oo Aasia galbeedkeeda ka yimid. Masar\ مصرwaagaas waxaa laga caabudi jiray qorraxda. 8.Ilaa manta afka shiinaha Ya’ macneheedu waxaa weeye (qaaradda) Aasiya, Juuj macneheedu waxaa weeye Qaarad. Marka Ya’juuj macneheedu waxaa weye: dadka qaaradda Aasiya. Ma’ macneheedu waxaa weeye faras, Juuj macneheeduna waxaa weeye qaarad. Sidaasay Ya’juuj iyo Ma’juuj macnohoodu waxaa weeye: “dadka fardooleyda ah iyo qaaradda Aasiya.” 9.Marka waa kuwee dadka Aasiya deggan oo fardooleyda ah? Shiineeska ma ahaan karaan, maxaa yeelay ayagaaba Thuu Al Qarnayn\ ذوالقرنينweydiistay inuu darbi u dhiso kuwaas ka celiya. Dalalka kale ee Shiinaha qorrax kasoo bax ka xiga, ama qorrax u dhac, ama koofur fardo ma laha oo kuma isticmaalaan, sida japaaniiska, ama tabar ay shiinaha ku hadidaan ma laha (oo mongolka tabartoodu way yaraatay Dadka kale oo Aasiya ku noolaa waagaas waa kuwa ku noolaa gobolka ay xuduudihiisu sidaan yihiin: galbeedka waxaa ka xiga buuraaleyda Uraal, waqooyi iyo barina Badweynta Pacific, Qudhbiga Waqooyi (North Pole), koofurna Lama Degaanka Siibeeriya. Waxayna ku noolaayeen Russia gadaasheeda. Dadkaasu waxay ahaayeen dad dhiigyo cab ah oo aan naxariis lahayn iyo xadaarat toona oo sida xoolaha u nool, waxayna saarnaayeen fardo. Dadkaasu waagaas wuxuu fuuli jiray fardaha, siday ugu tiri kitaabkeeda cinwaankiisu yahay Ancient Horse Men of Siberia by Janet Buell, 21rst Century Books, Brook Field, Connecticut, USA. 11.Shiinahu manta wuxuu tartan dhaqaale iyo caskareedba kula dalal kale, wuxuuna noqon doonaa dalka adduunka ugu xoog badan. Markaasay dalalka yurub waxay gaashaanbuur la noqonayaa maraykanka oo bamboo atoomika ku ridi doona shiinaha: waana taas ballanka Ilaahay eek u xusan Aayadda sided iyo sagaashan ee Suuratu Al Kahfi\سورة الكهف: َّ )18( ان َو ْع ُد َربِّي َحقًّا َ اء َو َك َ اء َو ْع ُد َربِّي َج َعلَهُ َدك َ فَِ َذا َج Waa intaas warkaan kasoo qaadannay kitaabkaas. 393 Ancient Horse Men of Siberia ee Janet Buell Janet Buell waxa kitaabkeedaas boggiisa toddobaad ku sheegtay inaan dadkaas fardaha fuula la oran jiray Pazyryk, markay dhintaanna qubuuro weyn lagu duugi jiray ayaga, haweenkooda, fardohooda iyo hubkoodaba, qubuurahaasna la oran jiray Kurgan. Maydkoodana waxay ka dhigi jireen “muummies” oo ah intay maskaxda iyo uur ku taasha ka bixiyaan ayay dhir marin jireen si uu jirkiisu isku haysto, oo ayagoo sidaas ah ayaa la helay marka qubuurtooda la qoday. Bogga laba iyo soddon waxay ku sheegtay inay Pazyryk hindiseen surweelka maadaama ay fardaha xoog u fuuli jireen. Kaddib Janet Buell waxay ka warrantay Herodotus, ninka grigga ah ee taariikh yaqaanka ahaa oo noolaa 484B.C. ilaa 425 B.C. Nabi Ciise hortiis, waxayna bogga lix iyo soddon ku tiri: “Herodotus wuxuu la kulmay markuu ilaa Siberia safarka ku tegay oo wuxuu la kulmay kitaabkiisa ku dhigay, inuu u tegey qawm kale oo ayaguna fardaha jecel oo degganaa Eurasia (waana meeshay iska galaan Europa iyo Aasia). Wuxuu in badan wax ka dhigay qabiil la yiraahdo Scythians. Scythians iyo qabaa’il kale, sida Sarmatians, Massagetae, Wu-huwan iyo Huns isku darkooda waxaa la isku yiraahdaa Scytho-Siberians. Taariikh yaqaannaduna waxay qabaan inay Pazyryk kooxdaan ka mid yihiin.” Bogga toddoba iyo soddoon waxay ku tiri: “Herodotus wuxuu yiri: “Scythians waxay ahaayeen dagaal yahanno dagaalka aad u jecel oo cadawga ugu horreeya oo ay dilaan dhiggiisa ayay cabbi jireen. Dagaal yahanka si ghaniimada tolkiis wax looga siiyo waa inuu keenaa madaxa cadaw dhintay.” Bogga sagaal iyo afartan waxay Janet ku tiri: “Fardooleyda Scythian waxaa marka ugu horreysey kutubbada taariikhda lagu dhigay 670 B.C. Ciise hortiis. 800-100 B.C. Ciise hortiis ayuu dhaqanka Pazyryk iyo kuwa kale ee ScythoSiberian jiray oo fiday.” Waa intaas warkaas Janet Buell kasoo qaadannay. The Indo-European Migration (Volgrind-Ancestral Migration)(YouTube) Boggaas internetka waxaan kasoo qaadannay qodobbo ku saabsan qaxa buuraaleyda Ural barigeeda iyo buuraaleyda Caucasus laga soo qaxay oo uu dadkaasu qaaradda yurub kusoo degay, wuxuuna yiri: “In ka badan 7000 sano mar laga joogo ayay koox reer guuraa ah laguna magacaabo (hadda) The Proto-Indo-Europeans, ahna Kuwa ka horreeyey-Hindiga-Yurubta, waxay degganaayeen kaymaha/Steppe saran labada dhinac ee (buuraaleyda) Caucasus. Reer guuraagaan waxay ahaayeen kuwa ugu horreeyey oo rabbeeya fardaha, kuna isticmaala lugaha (garaangarta gaadiidka), taasoo u suurtogelisay inay ku faafaan Eurasia, oo ah dhulka uu qaarna ku yaallo yurub, qaarka kalena ku yaallo Asiya. Ku sugnaantooda halkaas hadday yihiin Indo-European, waxaa laga dareemay laga bilaabo Hindiya ilaa Spain, laga bilaabo Persia ilaa Iceland, ilaa manta. Sidee annagu arrimaahaas oo waa hore dhacay ku ogaannay? Luqadaha ay intaasoo dal ku hadlaan waxay leeyihiin wax ka dhexeeya oo ay isugu yimaadaan oo xiriir ah ee dalalka Europa iyo galbeedka Aasiya. Qiyaas 5000 oo sano ka hor dadka la yiraahdo Kurgan, oo reer guuraa ahaa Indo-European, kuna noolaa (gobolka ay ku yaallaan buuraaleyda) Caucasus, waxay fardohooda u fuuleen oo ku tageen qorrax kasoo bax iyo qoraax u dhacba. 394 Marka la gaaray 2000 sano ka hor saameyntoodu waxay gaartay ilaa Myanmar xagga qorrax kasoo bax, iyo ilaa Greenland xagga qorrax u dhac. Markay dalalkaas kale u safreen oo ay degeen waxay wateen dhaqankooda iyo caqiidooyinkooda diiniga ahba, iyo gaar ahaan afkooda ay ku hadlaan. Taasu waxay reebtay raad ilaa manta loo jeedo. Waayahaan dambe dadka ku xeel dheer cilmiga afafka waxay dib u dhiseen waxa ugu dhow ee afkay Indo-European reer guuraaga ah ku hadli jireen. Haddaad akhrisid afkaas dib loo dhisay waxaad aqooneysaa erayo badan oo afkaas ka mid. Afafka Indo-European ah waa afar qaybood: (1) Indo Iranian, (2) Italic, (3) Balto-Slavic, (4) German. Qaybo kaloo yar yar ayaa jira sida “Celtic” (oo ah afka ingiriiska), Anatolian (oo ah dalalka Spain iyo Burtuqaal), Hellenic (oo ah griigga) iyo Tocharian. (Wikipedia waxay dhigtay: “The Tocharians or Tokharians (/təˈkɛəriənz/ or /təˈkɑriənz/; Chinese: 吐火罗; pinyin: Tǔhuǒluó) were speakers of Tocharian languages in the Tarim Basin (modern Xinjiang, China). The Indo-European language of the Tocharians was supplanted by the Turkic languages of the Uyghur tribes about 800 AD.” Macnihiisu waxaa weeye”waxay ahaayeen dad ku hadla afkaas, waxayna ku noolaayeen arliga shiinaha ka mid ah oo la yiraahdo Tarim Basin, maantana la yiraahdo Xinjiang. Afkaas oo ka mid ahaa afafka Indo Europeanka waxaa 800 Ciise dabadiis beddelay afka turkiga oo ah ku hadlaan qabiilka la yiraahdo Uyghur.” Waa intaas.) Khariidhadaan: dalalka cagaar adag lagu midabeeyey dadkooda intiisa badani waxay ku hadlaan afka Indo-European: waana yurub oo dil, (intaan ka ahayn Filand iyo Hungaria), Waqooyiga iyo Koofurta Ameerika, Australia, New Zeland, India, Pakistan, Iiraan.” Waa intaas warkaan cinwaankaan kasoo qaadannay. Shucuubtaas buuraaleyda Ural barigeeda degganaan jirtay way kasoo guureen ayagoo waqooyiga Siberia soo maray oo ay dalka maanta Norway la yiraahdo hoos ugu soo degeen. Markaasay hadana qaarkood koofur soo aadeen ayagoo burcad barriga iyo baddaba ku ah, ayna ugu magac dheer yihiin kuwa la yiraahdo Viking, Teutonic, iwm. Shucuubtaas waxaa ugu badnaa dadka maanta jarmanka la yiraahdo. Inta shacbi oo maanta waqooyiga yurub deggan, sida jarmanka, Sweden, Norway, Danemark, Holland, iyo kuwo kaleba waa jarman. Qaarkoodna waxay kasoo guureen Norway oo ay waqooyiga jaziiradda ingiriiska soo degeen oo qabaa’il jarman ah ayaa sidaas arliga ingiriiska ku deggan oo ingiriiska ka mid ah. Shucuubtaas dugaagga ah ee Ural gadasheeda kasoo guuray qaarkoodna waxay soo mareen dalka maanta Russia la yiraahdo koofurtiisa, oo ay sidaas yurub kusoo degeen. Intaasoo waa in aan soo koobay oo taariikhdaas ka mid. 395 Imran N. Hosein Imran N. Hosein wuxuu u dhashay hindi, waase muwaadhin jaziiradda karibniyanka ee Trinidad and Tobago, halkaasoo awoowayaalkiis uu isticmaarka ingiriisku Indiya ka keenay shaqaale ahaan ayadoo India iyo jaziiraddaanba ay mustacmaradihiisa ka mid ahaayeen. Isaga laftiisa ayaa sidaas ku dhigay kitaabkiisa “An Islamic View of Gog and Magog in the Modern World”, oo macnihiisu yahay: “Siduu Islaamku u arko kuway yihiin Ya’juuj iyo Ma’juuj adduunkaan aan hadda joogno”. Kitaabkaan wuxuu dhigay sanadka laba kun iyo sagaal, waxaadna ka heli kartaa boggiisa internetka (www.imranhosein.org). Imran wuxuu bogga boqol iyo afartan ku yiri: “Dr. Tammam Adi, wuxuu aad u dareemay markuu fasirayay : ٍ ضهُ ْم َي ْو َمئٍِذ َي ُمو ُج ِفي َب ْع ِ ض َوُن ِف َخ ِفي الص )11( اه ْم َج ْم ًعا ُ ُّور فَ َج َم ْع َن َ َورََرْك َنا َب ْع )oo ah Aayadda 99 ee Suuratu Al Kahfi\ سورة الكهفwuxuu yiri:), wuxuuna yiri: “Ya’Juuj iyo Ma’juuj\ يأجوج ومأجوجwaxaa lasoo dayn doonaa sida hirar is daba jooga oo mar dambe isku darsamaya oo is dhex gelaya, isna kaalmeynaya –oo hadduu hir fashilo midka ku xiga ayaa guuleysanaya, taasoo tilmaameysa waxa run ahaantii dhacay. Juuj iyo Maajuuj يأجوج ومأجوجwaxay dhex galeen shucuubta oo idil iyo diimaha oo idil sida hirar is daba jooga, oo markaasay hirarkaasu mar dambe isku yimaadeen. Isla markaasna qawmiyadaha dhibka loo geystayna ayaguna way isku darsameen oo is dhex galeen, ayadoo inta badan been lagu maamulayo, ama laguba khasbayo inay u qaxaan dal aan Ilaahay aqoon oo caabudin, dadkiisuna isku qasan yihiin, sida digsi dab saran oo karaya, ayna kariyaan juju iyo maajuujيأجوج ومأجوج. Taasu waxay tilmaamaysaa Ameerika iyo dalal kale oo jansiyado kala duwan isku qasmeen, halkaasoo Khazars\( خزارkhazar waxaa la yiraahdaa Badda Kaspian, iyo dulka hareereheeda ah iyo qabiil ka mid ah turkiga) asallo kala duwan leh ay isugu yimaadeen, ayna iska kaashadaan sida shucuubta loo baabi’iyo.” Waa intaas warkiisu. Imran wuxuu sheegay inuu Dr. Tammam Adi\ تمام عبدuu maraykanka ku nool yahay tan iyo 1986, uuse ku dhashay Dimashaq\ دمشقee dalka Suuriya\سوريا, kana dhashay qoys asalkoodu gelayo Reerka Cumar bin Al Khadh-dhaab\ آل عمر بن الخطابAllaha raalli ka noqdee. Imran wuxuu bogga boqol kow iyo lixdan ku yiri: “Ya’juuj\ يأجوجwaa Ingiriiska/Jarmanka-Ameerikaanka iyo Israa’iil. Ma’juuj\ مأجوجwaa Ruushka.” Wuxuu kaloo yiri: Qorrax kasoo bax waa Badda Madow, qorrax u dhacna waa Badda Kaspian Sea. Radmiga uu Thuu Al Qarnayn\ ردم ذو القرنينdisayna wuxuu ku yaalla dawladda manta la yiraahdo Geaorgia, ugana yaalla Giorgia Militaru Highway. Wadadaas dhererkeedu waa laba boqol iyo labaatan kiiloomitir waxayna isku xirtaa Tiblisi, caasimadda Georgia iyo magaalada ruushka ah ee Vadikavkaz. Wadadaas asalkeeda waxaa la dhisay qarniga koowaad ee Ciise\ عيسىka horreeyey. Wadadaas meesha ugu dambeysa waxaa la yiraahdaa Daryal Gorge. Waxaa kaloo la 396 yiraahdaa Daar-E Alaan oo macneheedu ku yahay afka persianka Albaabka Alan. Waxaa kaloo meeshaas lo yaqaannaa Iberia Gate iyo Caucasian Gates. Afka Georgia looga hadlo koofurta buuraaleyda Kaukasus waa pre-Indo-European oo aan lahayn afka kale oo la qaraabo ah, aanna lagu hadlin ugu yaraan shan kun oo sano. Qabaa’ilka Khazar (turkiga ah, ama baddaas hareereheeda deggan) oo degganaa waqooyiga Kaukasus way islaameen.” Imran wuxuu yiri: “Markay ahayd sagaalka Novermbar kun sagaal boqol kow iyo konton (Winston) Churchill wuxuu khudbo ka jeediyay “Lord of London’s Banquet at the Guildhall” munaasabada dhib u dhigidda meeshoodii sharafta lahayd oo ay ka yaalleen barta ugu dambeysa ee galbeed (West End of the Guildhall in the city of London) kaddib markii dib loo soo dayac tiray labada sanam (effige: fiiri masawirkooda dhammaadka baabkaan) ee Ya’juuj iyo Ma’juuj( يأجوج ومأجوجoo meeshoodaas laga qaaday markuu socday weerarka dayuuradaha jarmanka ee London dagaalkii labaad “Blitz Krieg” ee adduunka si aan loo burburin) wuxuuna yiri: “waxaad mooddaa inay (Ya’juuj iyo Ma’juuj )يأجوج ومأجوجka tarjumayaan xaaladda siyaasadeed ee manta ka jirta adduunka. Siyaasadda adduunku, sida Ya’juuj iyo Ma’juujيأجوج ومأجوج, aad ayay u wareersan tahay, la iskuna haystaa. Sidaasoo ay tahay, hadana aniga waxay ila tahay inay labadoodu wada noolaan karaan. Dhinac waxaa ku sugan Ya’juuj\يأجوج, dhanka kalena Ma’juuj\مأجوج. Laakiin, Duqa magaaladow, is jir, oo markaad meshooda dib ugu celisid, ka ilaali inayan labadoodu isku dhicin, maxaa yeelay hadday isku dhacaan, labadoodaba Ya’juuj iyo Ma’juuj يأجوج ومأجوجway burburayaan oo googo’ayaan. Markaasay ahaaneysaa inaan dhammaanteen mar kale kow kasoo bilowno iyo godkaas lagu dhacay salkiisa ugu hooseeya. (marjac: The Times of London, 10 November 1951).” Imran wuxuu leeyahay inay maraykanka iyo yurubta galbeed oo dhinac ah iyo ruushku ay hubka halista ah ku dagaallami doonaan, la iskuna baab’i doono. Waa intas warkaan Imran N. Hosein kasoo qaadannay. http://commons.wikimedia.org/wiki/Image:Dariialsk_ravine_(A).jpg Masawirradaan waxaan kasoo qaadannay kitaabka Imran N. Hosein. 397 398 399 400 Khariidadaan waxaan kasoo qaadannay Dr. Shawqii Abuu Khaliil\ د\شوقي أبو خليلkitaabkiisa أطلس التبريخ العربي اإلسالميoo lagu daabacay سورية-دار الفكر – دمشق. Fiiri meeshay ku taallo باب االبوابBaabu Al Abwaabu\ باب األبوابee sadka Thuu Al Qarnayn\ ذوالقرنينlagu sheegay Khariidhadaan kalena waxaan kasoo qaadannay kitaabka Dr. Shawqii Abuu Khaliil د\شوقي أبو \خليل. Arag meeshay ku taallo الشاشAl Shaash oo Bukhaaraa\ بخارىiyo Samarqand سمرقندagtooda ahayd oo uu qabiilka Shaanshida ee Soomaaliya kasoo guuray, markay halkaas dagaallo ka dheceen Maantadaan aan joogno haddaad internetka gashid oo aad Google Gog iyo Magog gelisid waxaa kuu soo baxaya intaasoo website oo arrinkaas ka hadlaya. Dalalka galbeeduna waxaad mooddaa inayba ku faanayaan inuu ayagu yihiin Ya’juuj iyo Ma’juujيأجوج ومأجوج, markaasay meelo badan oo dalalkooda ka mid ah ku magacaabeen, sida Gog and Magog Down ee arliga inigiriiska oo u jirta saddex mayl magaalada Cambridge oo koofurta ka xigta; dalka maraykanka waxaa ku yaalla laba buurood oo la yiraahdo Gog and Magog oo ku yaalla Manitu Colorado Springs; Kanada waxaa ku yaalla buuraaley la yiraahdo Gog and Magog oo ka tirsan buuraaleyda Selekirm ee British Colombia; Australia sidoo kale meelo la yiraahdo Gog and Magog. Wikipedia waxaad ka heleysia Bible-ka iyo kitaabka Yuhuudda oo ka hadlaya Ya’juuj iyo Ma’juuj يأجوج ومأجوجkuna sheegaya kuwaan aan kitaabkaan ku sugnay inay yihiin: ingiriiska, fransiiska, jarmanka, ruushka iyo inta ka farcantay sida maraykanka, kuwa dega Australia iyo New Zeland iyo Kanada. Wikipedia: “bartamaha qarniga lix iyo tobnaad wuxuu wadaadka (archbishop) magaalada Uppsala ee u taalla dalka Sweden oo magaciisu ahaa Johannes Magnus wuxuu u abtiriyay qoyska borqorka Sweden ilaa uu ka geliyo Magog wiilka Yaafith. Magnus wuxuu magacaabay laba wiil oo Magog dhalay oo kala ah Suenno oo ah aabaha dhalay dadka Sweden deggan iyo Gethar (oo loo yaqaanno Gog ama Gogus), ahna aabaha dhalay Goths (oo ah jarmanka oo ay magacdooda ka mid ahaayeen Ostragoth –goth-ka bariga iyo Westergoth oo ah kuwa galbeeka, iwm.). Google wuxuu xusayaa inuu George W. Bush madaxweynihii hore ee maraykanku ku yiri madaxweynihii hore ee fransiiska Jaques Chirac sanadka laba kun iyo saddex isagoo cillaynaya sababtuu Ciraaq ugu duulayo: “Waxaa la fulinayaa saadaalkii Bible-ka oo “Ya’juuj iyo Ma’juuj يأجوج ومأجوجwaxay Bariga Dhexe ka hayaan shaqadoodii.” 401 Mohamed Abu Al ‘Alaa’ Maududi Shiikhaan wuxuu ku dhashay Hindiya 25 Septembar 1903, wuxuuna dhintay 22 Sebtembar 1979. Wuxuu lahaa jinsiyada Pakistan. Kutubbada uu qoray waxaa ka mid ah tafsiir Quraanka Kariimka ah oo la yiraahdo “The translation of the meaning of the Quraan”, ahna, sidaan aniga iyo dad kaleba, u arkay inuu yahay tafsiirka afka ingiriiska lagu dhigo midka ugu qiimo badan. Tafsiirkaas wuxuu kasoo tarjumay mid uu isaga laftiisu hore ugu dhigay afkiisa hooyo ee ah Urdu lana yiraahdo “Tafhimu Al Quraani”. Allaha u naxariisto. Wuxuu bogga laba iyo lixdan ilaa sagaal iyo lixdan Tafsiirka Aayadda Suuratu Al Anbiyaa’ ""حتى إذا فتحت يأجوج ومأجوج wuxuu ka yiri: “waxaa weeye in la sii deynayo (oo xargaha ku xirnaa laga furayo) (eraguu ku isticmaalay waa swoop down: qaamuuska oxford wuxuu leeyahay waa dhakhso loogu soo daadego, siday dafadu ayadoo duulaysa samada degdeg uga so degato oo bakaylahay doonayso inay qaadato oo cunto ay u qabsato) oo degdeg kusoo kor degayaan gobollada adduunkaan oo idil sida haadka wax dafa oo qafaskuu ku jiray si lama filaan ah laga soo daayay oo kale.” Wuxuu yiri” ُّ ب اْلو ْع ُد اْل َح ق َ َ َوا ْقرََر oo ah Aayadda middaas kore ki xigta: ballankaas xaqqa ah waxaa la oofinayaa soo dhowaadka dib isi soo nooleynta, soo bixidda Ya’juuj iyo Ma’juuj يأجوج ومأجوجcalaamadeheeda ayay ka mid yihiin. Xadiith uu Muslim\ مسلمka wariyay Xuthayfah bin Asiid Al Ghifaarii\ حذيفة بن أسيد الغفاريwuxuu wariyay inuu Nabigu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam yiri inayan saacaddu dhacayn iyo aan dib la isi soo nooleyntu jeer toban calaamadood la arko: “(1) Qiiqa \الدخان, (2) Al Dajjaal\الدجال, (3) Daabatu Al Ardi\دابة األرض, oo ah neefka dadka afkooda kula hadlaya, (4) Qorraxda oo galbeed kasoo baxda, (5) Soo degashada Ciise ina Maryama\عيسى ابن مريم, (6) Weerarrada kadiska ah ee Ya’juuj iyo Ma’juujيأجوج ومأجوج, (7) Dhulka oo ka go’a qorrax kasoo bax, (8) Dhulka oo ka go’a qorrax u dhac, (9) Dhulka oo ka go’a Jaziiradda Carabta, (10) Dab kasoo baxa Yaman\ يمنoo dadka u kexeynaya bannaanka maxsharka. Xadiith kale Nabigu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam wuxuu ku caddeeyey in kaddib markay Ya’juuj iyo Ma’juuj يأجوج ومأجوجsidaas loo sii daayo oo ay gobollada adduunkaan sida haadka ugu soo degaan si kedis ah, uu qiyaamuhu dhow yahay, oo ay saacaddu mar kasta dhici karto, sida ay haweeney uur leh oo ciddadeedii dhammatay ay mar walba u dhali karto oo kale habeen ama maalintii. Quraanka iyo Xadiithku noo sheegi mayaan oo tilmaami mayaan inay Ja’juuj iyo Ma’juuj يأجوج ومأجوجayagoo wada jira oo is kaashanaya ay dadka kusoo degan doonaan, oo waxaa dhici karta 402 inay labadoodu markuu qiyaamuhu soo dhowaado ay isku dhacaan oo dagaallamaan. Dagaalkoodaas wuxuu dhalinayaa kharaab iyo burbur caalamka oo idil.” Yey yihiin Ya’juuj iyo Ma’juuj? يأجوج ومأجوجWuxuu yiri: “Waxay ahaayeen qabaa’ilka dugaagga ah ee bartamaha Aasiya degganaa, loona yiqiin magac kala duwan sida Tartars, Mouguls, Huns, iyo Scythians, kuwaasoo ku soo duuli jiray boqortooyinka deggan tan iyo waagii ugu horreeyey. Waxaa kaloo la ogsoon yahay in darbiyo xoog badan laga dhisay koofurta gobollada Kaukasus.” Wuxuu yiri: َّ َحرَّى إِ َذا َبلَ َغ َب ْي َن الس َّد ْين “labada buurood” waa inay ka mid ahaadaan silsiladda buuraaleydaas u dhexeeya Badda Madow iyo Badda Kaspian. Waana inay sidaas ahaataa maxaa yeelay inta ka dambeysa waa dhulka Ya’juuj iyo Ma’juujيأجوج ومأجوج.” Wuxuu yiri: “Ya’juuj iyo Ma’juuj يأجوج ومأجوجwaxay ahaayeen qabaa’ilka dugaagga ah oo degganaa Waqooyi Bari ee qaaradda Aasiya, kuwaasoo laga bilaabo zamannadii ugu horreyeyba weerarro kusoo qaadayay boqortooyinka ku yiillay Aasiya iyo Europa oo xasuuqayay. Kittabka Bibelka ee Jenesis (Chapter 10) wuxuu sheegayaa inay yihiin ubadka Yaafith ina Nuux\بافث بن نوح, taariikh yaqaannada muslinkuna sidaasay ayaguna aaminsan yihiin. Kitaabka Ezekiel ee Bible-ka (Chapters 38, 39) waxay degganaayeen arliga Meshech (Moskow) iyo Tubal (Tubalsek). Taariikh yaqaanka israa’iiliga ah Josephus wuxuu sheegay inay ahaayeen Scythians, dhulkooduna uu ku fidsanaa inta u dhexeysa waqooyiga iyo qorrax kasoo baxa Badda Madow. Jerome (waana kitaab Bible-ka ku jira ayaan u maleynayaa) wuxuu sheegay inay Ma’juuj \مأجوج degganaayeen arliga waqooyiga ka xiga Kaukasus, Badda Kaspian agteeda. Darbigaan waxaa laga dhisay inta u dhexeysa Derbent iyo Dar’yal, laba magaalo oo ku yaalla Daghistan (oo maanta ah gobol ka mid ah dalka Ruusiya oo ku yaalla koofurteeda: xasanwali) oo ku taalla Kaukasus, diillinta u dhexeysa Badda Madow iyo Badda Kaspian. Buuro dhaadheer ayaa u dhexeeya Badda Madow iyo Dar’yal, dhexdoodana ay ku yaallaan jiiro aad ciriiri u ah, oo uusan ciidan weyn mari Karin. Derbent iyo Dar’yal laakiin buurahaas oo kale kuma yaallaan, dariiqyada u dhexeyana waa ballaaran yihiin oo la mari karaa. Zamannadii hore kooxo dad ah oo dugaag ah ayaa waqooyiga kasoo weerari jiray arliga koofureed oo burburin jiray, ayagoo soo maraya jiirahaan. Boqorrada iiraanna way ka biqi jireen burcaddaas, markaasay waxay dhiseen darbi xoog leh oo dhererkiisu konto miles yahay (qiyaas sideetan kiiloomitir), korna u taagan labaatan iyo sagaal cagood (ku dhowaad boqol mitir), ballaciisuna yahay toban cagood (qiyaas saddex iyo soddon mitir), si jiirtaas loo adkeeyo, oo burburkii darbigaas ilaa maanta waa la arkayaa. In kastoo aan la sugin cidda darbigaas dhistay, taariikh yaqaannada iyo culumada juqraafiga muslinka ahi waxay u nisbeeynayaan Thuu Al Qarnayn \ذوالقرنين, maxaa yeelay inta darbigaas ka hartay waxay la mid tahay siduu Quraanku u sheegay. 403 Ibnu Jariir Al Dhabarii\ إبن جرير الطبريiyo ibnu Kathiir\ إبن كثيرway sajileen dhacdadaas, Yaaquutna\ ياقوتwuu xusay oo ku sheegay kitaabkiisa Mucjamu Al Buldaani\معجم البلدان. Waxayna yiraahdeen: furashada Azerbijaan\ أزربجانkaddib, Cumar bin Al Khadh-dhaab عمر بن \ الخطابwuxuu u diray Suraaqah bin Camr\ سراقة بن عمرواsanadka laba iyo labaatan Hijriga Derbent\ دربنتisagoo ciidan wata. Markaasuu Suraaqah\( سراقةmarkuu halkaas tegey) wuxuu u magacaabay Cabdu Al Rraxmaan bin Rabiicah\ عبد الرحمن بن ربيعةinuu madax ka noqdo madaxa ciidanka. Markaasuu Cabdu Al Rraxmaan\ عبد الرحمنmarkuu galay Armeniya\ ارمينيةayuu ninka xukumay oo magaciisu ahaa Shehrbraz\ شهربرازis dhiibay isagoo aan dagaallamin. Markaasuu markuu Cabdu Al Rraxmaan\ عبد الرحمنdamcay inuu u dhaqaaqo xagga Derbent\دربنت, ayuu Shehrbraz شهربرازwuxuu u sheegay inuu hayo warka ku saabsan darbiga uu dhisay Thuu Al Qarnayn\ ذوالقرنينoo idil, uuna warkaas ka helay nin isagana tafaasiisha siin kara. Markaasuu ninkaas Cabdu Al Rraxmaan\ عبد الرحمنu keenay (Al Dhabarii\ الطبريmujalladka saddexaad, bogga laba boqol shan iyo soddon ilaa sagaal iyo soddon; Al Bidaayah wa Al Nihaayah\ البداية والنهايةee ibnu Kathiir\ إبن كثيرmujalladka toddobaad, bogga boqol laba iyo labaatan ilaa shan iyo labaatan; Mucjimu Al Buldaani\ معجم البلدانla fiiri erayga Baabu Al Abwaab: Derbent\ دربنت:)باب األبواب. Laba boqol oo sano kaddib, Khaliifada Cabbaasiyiinta Al Waathiq \( الواثقlaba boqol toddoba iyo labaatan ilaa laba boqol saddex iyo soddon Hijriga) koox konton nin ka kooban uuna madax u yahay Sallam Al Turjuman\ سلم الترجمانayuu wuxuu u diray inay soo darsaan darbiguu Thuu Al Qarnayn\ ذوالقرنينdhisay. Waxay soo arkeen waxaa si tifaf tiran u wariay Yaaquut \ ياقوتkuna wariyay Mucjamu Al Buldaani ;معجم البلدانibnu Kathiirna\ إبن كثيرwuxuu ku wariyay Al Bidaayah\البداية. Waxayna wariyeen inuu raggaasu tegey Samarrah\ سمرةoo halkaas ka galeen arliga Kaspiyanka. Halkaasay hadana ka dhaqaaqeen oo ay tageen Derbendt\ دربندoo ay arkeen darbiga (Al Bidaayah\البداية mujalladka labaad, bogga boqol kow iyo toban; iyo mujalladka toddobaad, bogagga boqol laba iyo labaatan ilaa shan iyo labaatan; Mucjamu Al Buldaaniمعجم البلدان: ka fiiri erayga Baabu Al Al Abwaab\)باب األبواب. Taasu waxay ku tusaysaa inay ilaa qarniga saddexaad ee Hijrada culummada muslimiintu ay u arkayeen inuu darbigaasu yahay midkuu Thuu Al Qarnayn\ ذوالقرنينdhisay. 404 Yaaquut\ ياقوتwuxuu kitaabkiisa Mucjamu Al Buldaani معجم البلدانmeelo badan oo ka mid ah ku muujiyay isla aragtidaas. Tusaale ahaan erayga Khazar\( خزارahna Kaspian) wuxuu ka yiri: “arligaan waxaa iska leh turkiga oo ku dheggan derbiga Thuu Al Qarnayn \ ذوالقرنينBaabu Al Abwaab\ باب األبوابgadashiisa, lana yiraahdo oo kale Derbent\دربنت.” Ayadoo taas la xiriirta wuxuu kaloo dhigay warbixin uu bixiyay Axmad bin Fadlaan أحمد بن \فضالن, Danjiraha Khaliifka Al Muqtadar bi Allaahiالخليفة المقتدر باهلل, uuna ku bixiyay warbixin iyo tilmaan buuxda ee arliga Kaspian, uuna sheegayo inuu Kaspia yahay dal magaciis ayna caasimaddiisu tahay Itil\( إتيلuna dhow magaalada maanta la yiraahdo Astrakhan\ أسترخانoo kutaalla koofurta dalka Ruusia, meel u dhow meeshuu wabiga Volga Badda Kaspian ku biyo daro, waana magaalo weyn oo ku taalla dhanka bidix ee wabigaas: fiiri wikipedia ), taasoo uu dhex maro wabiga Itil\إتيل, kaasoo ku darsama aagga Kaspian ee Ruusia iyo Bulgaria.” Al Maududi wuxuu yiri: “Tan ku saabsan Baabu Al Abwaab\ باب األبوابwuxuu sheegay in magaaladaas la yiraahdo oo kale Al Baab\ البابiyo Derbent\دربنت, ayna tahay jiir aad iyo aad dhib ku ah maraddeedu dadka arliyada waqooyi ka yimaada oo koofur u socda. Dhulkaanu wuxuu ka mid ahaan jiray boqortooyada Nausherwan \ناوشروان, boqorrada furuskuna \( فرسiiraan\ )إيرانwaxay ku dadaali jireen inay xuduudooda dhankaas xoojiyaan. Thuu Al Qarnayn\ ذوالقرنينwuxuu ahaa boqorka Iiraan\ إيرانoo la oran jiray Cyrus\ سيرسoo uu Bible-ku (Ezra book) ku sheegay inuu ahaa nin muslin ah oo muwaxxid ah, uuna xukunka qabtay boqornimo sanadka shan boqol sagaal iyo afartan Ciise\ عيسىhortiis, runtana Ilaahay ayaa og.” Waa intaas warkaan Al Maududi kasoo qaadannay Allaha u naxariistee. Waxaa sidaas noogu caddaatay inay culummadaas oo idil tilmaamayaan inay Ya’juuj iyo Ma’juuj\ يأجوج و مأجوجbartamaha Aasiya degganaayeen, oo arliga shiinaha galbeedka iyo waqooyiga ka xigta, dhanka kalena Iran iyo koofurta Dagistan ee arliga ruushka degganaayeen: halkaasna waxaa degganaa dadka maanta ingiriis, jarman iyo turki la yiraahdo iyo inta ayagaas ka farcantay, ayagoo uu dadku tiro ahaan sii badanayay, dhulal cusubna degayeen.Waagaasna ma jiri jirin magacda ingiriis ama jarman ama Swedish ama fransiis, iwm oo waa magic ay waay dhow la bexeen, asalkooduna halkaas ayuu ka yimid, waana dhammantood turki ahna ubadka Yaafith ina Nuux\ يافث بن نوحoo uu Nabi Muxammad ku tilmaamay ianayan khayr lahayn. Ilaahay Tacaalaa\تعالى هللاayaa Ya’juuj iyo Ma’juuj halaagaya Wax kasta waxay leeyiihin muddo ay jirayaan, kaddibna waa dhammaanayaa. Sidaasuu adduunkaanna u leeyahay waqti uu dhammaanayo, oo aakhiro bilaabaneyso. Ya’juuj iyo Ma’juuj \ يأجوج ومأجوجwaa addoommo Ilaahay Tacaalaa\هللا تعالى, ayaguna waqti ayay leeyihiin ay dhammaanayaan. Qaybtaan waxaan uga warrameynnaa siday Ya’juuj iyo Ma’juuj\يأجوج ومأجوج ku dhammaanayaan oo uu Ilaahay u halligayo. 405 Ummadaha adduunkaan korkiisa ku nool, siduu Nabi Muxammad Axaadiith kala duwan noogu sheegay waxaa u hor idlaanaya ummadda carabta, ayagana waxaa ugu hor dhimanaya Quraysh\قريش. Carabta waxaa ku xiga oo ayaguna le’anahaya iiraaniyiinta\اإليرانييين. Dagaalka wayn ee muslimiinta iyo NATO Wuxuu Imaam Axmad\ اإلمام أحمدwariyay inuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: ثم تنزلون بمرج. فتسلمون وتغنمون، وتغارون أنتم وهم عدوا من ورآئهم،"تصالحون الروم صلحا آمنا " فيقوم إليه رجل من المسلمين. "األغلب الصليب: فيرفع الصليب ويقول، فيقوم الرجل من الروم.ذي تالل مع كل غاية عشرة, فيجمعون لكم فيأتونكم في ثمانين غاية. فعند ذلك تغدر الروم وتكون المالحم.فيقتله ".آالف "Tusaalixuuna al rruuma sulxan aaminan, wa taghaaruuna antum wa hum caduwwan min waraa'ihim, fa taslimuuna wa taghnimuuna. Thumma tanziluuna bi marajin thii tuluulin. Fa yaquumu al rrajulu mina al ruumi, fa yarfaco al ssaliiba wa yaquulu: "Al aghlabu al ssaliibu". Fa yaquumu ilayhi rajulun mina al muslimiina fa yaqtuluhu. Fa cinda thaalika taghduru al ruumu wa takuunu al malaaximu. Fa yajmacuuna lakum fa ya'tuunakum fii thamaaniina ghaayatan, maca kulli ghaayatin cashratu aalaafin." Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Waxaad sulux iyo heshiis la geleysaan ruumka (oo ah dadka Yurub, Ameerika, Australia iyo New Zealand degah oo gaalada ah, oo dhammaantood asalkooda ay ka yimaadeen Yurub tahay), ahna heshiis nabadeed. Markaasaad waxaad qahreysaan (oo intaad la dagaallantaan wadajirkiinnu aad ka adkaaneysaan) ayaga cadawgooda, oo gadaashooda ah. Markaasaad nabad geleysaan, aadna ghaniimeysaneysaan .Kaddib waxaad degeysaan dhul ballaaran oo waasac oo caws iyo dhir miiran ah (oo ay ciidanka fardaha iyo daabadaha kale u daaqo), taagaag iyo buuro badanna leh. Markaasaa waxaa istaagaya nin ruumka ka mid ab, markaasuu krishto kor u qaadayaa, wuxuuna leeyahay: "Krishtada ayaa xoog badan, cid walbana ka adkaaneysa, oo aan laga adkaan karin." Markaasaa waxaa u kacay nin muslimiinta ka mid ah, oo dilaya. Markay taasi dhacdo, ayay ruumku heshiiskii khayaanayaan oo jebinayaan. Markaasaa waxaa dhacaya al malaaximu\المالحم, oo ah dagaal aad u wayn oo dad aad u fara badani ku le'daan (oo al malaaximu\ المالحم, waa jamcu malxamah\ملحمة, oo ah kawaanka xoolaha lagu gawraco). Markaasey isu kiin aruursanayaan (waa dawladaha gaalada ah, oo ay isku kiin gaashaanbuursanayaan). Markaasey waxay idiin imaanayaan ayagoo sita sideetan calan, oo calan walba ay la socoto toban kun (oo askari)." Waxaa kaloo Xadiithka wariyay Al Bukhaarii\ البخاريoo lafthigiisa inta dambe ee Xadiithku yahay: 406 ". كل غاية إثنى عشر الفا،"فيأتونكم تحت ثمانين غاية "Fa ya'tuunakum taxta thamaaniina ghaayatan, kullu ghaayatin ithnaa cashara alfan." Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Markaasey idiin imaanayaan ayagoo hoos socda sideetan calan, waana calan dagaal, calan kastana uu ka kooban yahay laba iyo toban kun (oo askari)". Al Bukhaarii\ البخاريwuxuu kitaabka Al Jizyati wa Al Muwaadacati\الجزية و الموادعة, ahna Xadiithkiisa saddex kun boqol iyo lix iyo toddobaatan ku wariyay inuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam yiri isagoo tilmaamaya calaamadaha Saacadda: . تحت كل غاية أثنى عشر ألفا، فيسيرون إليكم في ثمانين غاية،"والسادسة هدنة بينكم وبين بني األصفر ".وفسطاط المسلمين يومئذ في أرض يقال لها الغوطة في مدينة يقال لها دمشق "Wa al ssaadisatu hudnatun takuunu baynakum wa bayna Banii Al Asfari, fa yusiiruuna ilaykum fii thamaaniina ghaayatan, taxta kulla ghaayatin ithnaa cashara alfan. Wa fusdhaadhu al muslimiina yawma'ithin fii ardin yuqaalo lahaa Al Ghuudhatu fii madiinatin yuqaalu lahaa Dimashqu." Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Calaamadda lixaadna waa heshiis nabadeed oo ahaan doona adinka iyo reer Banuu Al Asfari بنو \( األصفرWaxaa Banuu Al Afar\ بنو األصفرla yiraahdaa roomaanka oo ah dadka dalka talyaaniga dega qaarkiis ee mala beelo kale oo yurub ka mid ah maanta dega, meelo iyo qaarado kaleba ha uga haajiraane, looguna bixiyay magacaas oo macnihiisu yahay qabiilka uu dhalay oo ku abtirsada midka midabkiisu hurdiga yahay, ama qabiilka hurdiga ah. Aabaha ay dadkaasi ku abtirsadaan waa Cays bin Isxaaq\عيص بن إسحاق, uuna dhalay Nabi Isxaaq bin Ibraahiim Al Khaliilu\نبي هللا إسحاق بن إبراهيم الخليل, Calayhimussalaamu, ahaana mataanka Nabi Yacquub \يعقوب, Yacquub يعقوبhortiisna soo baxay oo dhashay, Yacuuqbna يعقوبuu ciribtiisa ku joogo, oo Yacquub يعقوبwuxuu ka yimid caqab\ عقبoo ah ciribta, midabkiisuna hurdi ahaa, lana oran jiray Al Asfaru\األصفر, midka hurdiga ah, siduu imaamka Al Maawardii\ الماورديugu wariyay kitaabkiisa أعالم النبوةAclaamu Al Nubuwwati, bogga shan iyo lixdan. Caysuu عيص بن إسحاقwuxuu guursaday ina adeertiis Nasmah\نسمة, oo uu dhalay Nabi Ismaaciil \إسماعيل, Calayhissalaamu, waxayna u dhashay laba wiil oo midkoodna la yiraahdo Ruum\الروم, oo ay roomaanku ku abtirsadaan, kan kalena Faaris\فارس, oo ah aabaha ay iiraaniyiintu\اإليرانيين ku abtirsadaan, oo sidaasba Faaris\ فارسloo yiri. Dadka gaalada ah ee Yurub degah ma cadcadda ee waa hurdi, oo waxaa cad caanaha: ma caano ayay u egyihiin? Waa maya, waxaase midabka caanaha leh Carabta. Marku Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu ka hadlayo caddaan ku tilmaamayo, sida biyaha xawdkiisa maalinta qiyaame, wuxuu yiraahdaa "."أبيض من اللبن oo macnihiisu yahay: 407 "abyada mina al llabani" "oo caanaha ka cad." Yaase Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, uga aqoon roon? wuxuuna ku magacaabay Banuu Al Asfar\بنو األصفر. Runtana Rabbi ayaa og: xasanwali). Markaasey dagaal idiinku imaanayaan ayagoo sideetan calan sita, calan kastana ay hoostiisa ku sugan yihiin labo iyo toban kun (oo askari). Maalintaas xarunta ay ciidammada muslimiintu deggan yihiin waxay ku taalla arli la yiraahdo Al Ghuudhatu\الغوطة, kuna dhex jirta degmada la yiraahdo Dimashqu\( دمشقoo ah magaalo madaxda dalka Siiriya\)سوريا." Xadiithka waxaa kaloo wariyay Axmad\( أحمد2/174 iyo 6/25), Abuu Daauud\ أبو داودiyo ibnu Maajah\إبن ماجة. Heshiiskaasi wuxuu ahaan karaa midka Ururka Qarammada Midoobay, oo ay Dawladaha muslinka iyo kuwa Carabta ah iyo kuwa arligoo idil xubin ka yihiin, ayna wada saxiixeen heshiis inaan dagaal la isku qaadin oo nabad lagu wada noolaado. Sidoo kale heshiisyada ay Jaamacadda Dawladaha Carabtu Qarammada Midoobay iyo ururrada Yurub iyo gaashaanbuurta Commonwealth iyo kuwa la midka ah la saxiixatay. Sidoo kale heshiisyada uu ururka Dawladaha Islaamka ahi la saxiixday ururradaas oo idil. Ama heshiisyo mustaqbalkaba la kala dhigan doono. Tan suubanna Allaha na waafajiyo. Fiicnaanta degidda Shaam\ الشامiyo sarreynta dadkeeda Arliga Shaam\ الشامIlaahay Tacaalaa kitaabkiisa Kariimka ah iyo afka Rasuulkiisaba wuxuu ku magacaabay “Arliga barakaysan\األرض المباركة.” Waxaan halkaan ku xusaynnaa saddex Xadiith oo sarreynta dadka Shaam\ الشامku saabsan oo xaaladda maanta Shaam\ الشامka taagan ka tarjumeysa, waana wax aka socda Suuriya \سوريا, Lubnaan\لبنان, Urdun\ أردنiyo Falasdhiin\فلسطين. Al Haythamii\ الهيثميwuxuu mujalladka toddobaad boggiisa laba boql toddoba iyo sideetan baabka ال تزال طائفة من هذه األمة على الحقZayd bin Al Arqam ka wariyay inuu Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam yiri: "."التزال طائفة من أمتي على الحق ظاهرين وإني ألرجو أن تكونوا هم يا إهل الشام “Laa tazaalu dhaa’ifatun min ummatii calaa al xaqqi thaahiriina wa innii la arjuu an takuunuu hum yaa ahla Al Shaami.” Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: “Koox ka mid ah ummadeyda ayaa jiri doonta oo xaqqa ku taagnaan doonta oo muujinaya –ama adkaanaya-, waxaanna rajeynayaa inaad adinka noqotaan dadka Al Shaam\ الشامdegow.” Waxaa wariyay Axmad\أحمد, Al Bazzaar\البزار, Al Dhabraanii\ الطبرانيiyo kuwo kaleba. Wuxuu kaloo bogga laba boqol sagaal iyo sideetan baabka اإلقامة بالشام زمن الفتنةJubayr bin Nafiir \ جبير بن نفيرyiri: 408 “asxaabta Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam ayaa waxay noo wariyeen inuu Nabigu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam yiri: "ستفتح عليكم الشام فإذا خيرتم المنازل فيها فعليكم بمدينة يقال لها دمشق فإنها معقل المسلمين في ".المالحم وفسطاطها منها بأرض يقال لها الغوطة “Sa tuftaxu calaykumu Al Sh-shaamu, fa ithaa khuyirtum al manaazila fiihaa fa calaykum bi madiinatin yuqaalu lahaa Dimashqa fa innahaa macqalu al muslimiina fii al malaaximi wa fusdhaadhuhaa minhaa bi ardin yuqaalu lahaa Al Ghawdhatu.” Xadiithka oo uu imam Axmad wariyay macnihiisu waxaa weeye: “Waxaa idiin furmi doonta Al Shaam\الشام, marka haddii la idin doorsiiyo meeshaad ka degi laheydeen waxaad doorataan magaalo la yirahdo Dimashqa\دمشق, taasoo ah qalcadda muslimiinta markuu socdo dagaalka wayn oo lagu hoobanayo, khaymaddeeduna waxay ku taallaa arli la yirahdo Al Ghuudhah\الغوطة.” Al Haythamii\ الهيثميwuxuu mujalladka tobnaad boggiisa lixdanaad Abuu Hurayrah \ أبو هريرةuga wariyay inuu Nabigu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam yiri: "ال تزال عصابة من أمتي يقاتلون على أبواب دمشق وما حوله وعلى أبواب بيت المقدس وما حوله ال ".يضرهم خذالن من خذلهم ظاهرين على الحق إلى أن تقوم الساعة “Laa tazaalu cisaabatun min ummatii yuqaataluuna calaa abwaabi Dimashqa wa maa xawlahu wa calaa abwaabi Bayti Al Maqdisi wa maa xawlahu laa yadurruhum khathlaanu man khathalahum thaahiriina calaa al xaqqi ilaa an taquumu al ssaacatu.” Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: “Waxaa jiri doonta horin ummaddayda ka mid ah oo ku dagaallamaya albaabbada Dimashqa\ دمشقiyo hareereheeda iyo albaabbada Baytu Al Maqdis \ بيت المقدسiyo hareereheeda uusanna dhibayn ka bixidda garabkooda kuwa hiilkooda kala haray, xaqqana ku adklaanaya ilaa ay saacaddu ka istaagto.” Waxaa wariyay Abuu Yaclaa\إبو يعلى, raggiisana waa kuwa lagu kalsoon yahay. Saacaddu kici mayso jeer uu Ciise\ عيسىdilo Dajjaalka\الدجال, nuurkuna ka adkaado gudcurka Wuxuu Muslim\ مسلمwariyay (waana Xadiithkiisa toddoba kun laba boqol iyo toddoba) inuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: . فيخرج أليهم جيش من المدينة من خيار أهل األرض،"ال تقوم الساعة حتى ينزل الروم باألعماق أو بدابق "وهللا ال نخلي بينكم:" فيقول المسلمون. "خلوا بيننا بين الذين سبوا منا نقاتلهم:فإذا تصفوا قالت الروم . هم أفضل الشهداء عند هللا، ويقتل ثلث. ال يتوب هللا عليهم أبدا، فيهزم ثلث." فيقاتلونهم.وبين إخواننا قد علقوا سيوفهم بالزيتون، فبينما يقتسمون الغنائم. فيفتحون القسطنطيتية. اليفتنون أبدا،ويفتتح الثلث فإذا جاءوا الشام. وذاك باطل،" فيخرجون. "أن المسيح قد خلفكم في أهليكم:إذا صاح فيهم الشيطان فإذا رآه. فأمهم، فنزل عيسى إبن مريم. ويساوون الصفوف إذ أقيمت الصالة، فبينما يعدون للقتال.خرج 409 فيريهم دمه في. ولكن يقتله هللا بيده. فلو تركه ألنذاب حتى يهلك.عدو هللا ذاب كما يذوب الملح في الماء ".حربته "Laa taquumu Al Ssaacato xattaa yanzila al ruumu bi Al Acmaaqi aw bi Daabiqa, fa yakhruju ilayhim jayshun mina Al Madiinati min khiyaari ahli al ardi. Fa ithaa tasaaffuu qaalat al rruumu: "Khalluu baynanaa wa bayna allathiina sabaw minnaa nuqaatiluhum." Fa yaquulu al muslimuuna: "Wa Allaahi laa nukhallii baynakum wa bayna ikhwaaninaa." Fa yuqaatiluunahum. Fa yahzamu thulthun, laa yatuubu Allaahu calayhim abadan. Wa yuqtalu thulthun, hum afdaalu al sh-shuhadaa'i cinda Allaahi. Wa yaftatixu al th-thulthu, laa yuftanuuna abadan. Fa yaftaxuuna Al Qisdhandhiiniyyah. Fa baynamaa yaqtasimuuna al ghanaa'ima, qad callaquu suyuufahum bi al zaytuuni ith saaxa fiihim al shaydhaanu: "anna Al Masiixa qad khaalafakum fii ahliikum." Fa yakhrujuuna, wa thaaka baadhilun. Fa ithaa jaa'aw Al Sh-shaama kharaja. Fa baynamaa yacidduuna li al qitaali, wa yusaawwuuna al sufuufa ith uqiimati Al Ssalaatu. Fa nazala Ciisaa ibnu Maryama, fa ammahum. Fa ithaa ra'aahu caduwwa Allaahi thaaba kamaa yathuubu al milxu fii al maa'i. Fa law tarakahu la anthaaba xatta yahlika. Walaakin yaqtuluhu Allaahu bi yadihi. Fa yuriihim damahu fii xarbatihi." Xadiithka , oo ay ayaguna wariyeen Al Xaakim\( الحاكم4/482) iyo Al Hindi\ الهندoo ku wariyay Kanzu Al Cummaali\كنز العمال, macnihiisu waxaa weeye: "Saacaddu kici mayso jeer ay roomaanku kusoo degaan (waana ciidammadooda oo dagaalka muslimiinta usoo kacay) Al Acmaaqu\ األعماقama Daabiqa\دابق, (oo ah laba meelood oo u dhow magaalada Xalab\ حلبoo Dimishiq\ دمشقwaqooyiga ka xigtah, badda cadna aan ka fogayn, ee arliga Siiriya\)سوريا. Markaasaa waxaa ciidammadaas (gaalada) usoo baxaya ciidan ka yimid Al Madiinah\المدينة, kana kooban oo ka mid ah kuwa ugu khayr badan arliga waagaas. Markaasey markay labada ciidan dagaal u saftaan, ayay roomaanku waxay leeyihhiin: "isaga kaaya dhex baxa annaga iyo kuwa dadkeenna soo qafaashay waan la dagaallameynaaye." Markaasey muslimiintu waxay leeyihiin: "wa Allaahi\ وهللاinaanan isaga kiin dhex baxayn adinka iyo walaaleheen." Markaasaa la dagaallamayaa. Markaasaa dalool (oo ah meel marka ciidanka muslimiinta saddex meelood loo qaybiyo) baqaneysaa oo ay dhabarka jeedineysaa, kuwaasoo uusan Ilaahay tawbaddooda ebedkiis aqbalayn. Daloolna waa la dilayaa, kuwaasoo ah kuwa ugu sarreeya shuhadaada Ilaahay agtiisa. Daloolka soo haray ayaa gaalada jebinaya oo ka adkaanaya, kuwaasoo aan ebedkood dambe la fitneyneyn. Markaas kaddib ayaa waxay furanayaan Qisdhandhiiniyyah \( قسطنطينيةoo ah magaalada hadda la yiraahdo Istanbuul\ إستنبولoo ku taalla dalka Turkiga, gaaladuna ay qabsan doonaan mustaqbalka soo socda). Markaasey ayagoo qaybsanaya ghanaa'imka\الغنائم, seefohooduna ay geedaha zaytuunka (ahna geedka Quraanka kariimkana ku xusan ee Suuratu Al Nnuur\ سورة النورAayadda shan iyo soddonaad, iyo suurado kaleba, lagana miirto saliidda la yiraahdo “Olive oil” oo cunnada lagu 410 darsado la iskuna daweeyo, Ilaahayna Tacaalaa\ هللا تعالىuu ku magacaabay “Geed barakaysan \( )"شجرة متاركةaanna ahayn geedka ay soomaalidu zaytuun u taqaanno, kanoo afka Carabiga lagu yiraahdo jawwaafah\ )الجوافةu suran yihiin, ayaa waxaa ka dhex qayliyay shaydhaan oo yiri: "War hooy! Waxaa hubaal ah inuu Al Masiixu المسيح-waa Dajaalkee\الدجال, lacnadda Ilaahay korkiisa ga ahaatee-uu ehelkiinna -waana haweenka iyo caruurtooda ay Al Madiinah uga soo tageen- idiin daba maray." Markaasey soo baxayaan. Shaydhaanku wuxuu yirina waa been. Markaasey markay Shaam\الشام yimaadaan (waana caasimadda Dimishiq\ دمشقah, oo Shaam\ الشامmagaaladaas iyo dalkaba waa la yiraahdaa), ayuu Dajjaalku\ الدجالsoo baxayaa. Markaasey ayagoo dagaalka isu diyaarinaya, safafkoodana simaya, ayaa waxaa la iqaamay Salaadda. Markaasaa waxaa soo deganaya Ciise ina Maryama\عيسى إبن مريم. Markaasuu Salaadda imaam ugu noqonayaa oo tujinayaa. Markaasuu markuu cadawga Ilaahay Dajjaalku\ الدجالCiise\ عيسىarko ayuu dhalaalayaa, siday milixdu biyaha ugu dhex dhalaasho oo kale. Markaas hadday iska dayn lahaayeen, wuu wada dhalaali lahaa, ilaa uu ka dhinto. Laakiin wuxuu Ilaahay ku dilayaa gacantiisa (waa gacanta Ciisee)عيسى. Markaasuu wuxuu Ciiseعيسى muslimiinta tusayaa dhiggiisa oo ku yaalla warankiisa. " Carabnimada Ciiseعيسى, Calayhissalaamu Ciiseعيسى, Calayhissalaamu, markuu soo dego iyo inta ka dambeysaba ma aha Nabi, ayadoo uusan Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Nabi ka dambeyn, uuna ahaa kan Anbiyada lagu gunaanaday. Ciise عيسىmarkaan waa nin muslim ah oo suuban, kuna taagan shareecada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Hadday marka sidaas ay tahay, uuna Ciise عيسىCarabta muslimiinta ah oo Shaam\ الشامiyo Jaziirada Carabta\ جزيرة العربdeggan, afartan sano imaam iyo hoggaamiye u ahaanayo, shareecada Nabi Muxammadna, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ay afka Carabiga ku dhigantahay, ayadoo ay Quraanka Kariimka ah iyo Sunnaduba af Carabi ku dhigan yihiin, uuna imaam u yahay Carabta, waa inuu isaguna Carab yahay, in kastoo uusan aabe lahayn oo uusan sidaas carab ugu abtirsan, afkiisuna afka Carabiga yahay. Waxaaba Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa\هللا سبحانه وتعالى, Aayadda afaraad ee Suuratu Ibraahiim سورة إبراهيمku yiri: ِِ ٍ وما أَرسْل َنا ِم ْن رس ِ ول إِ ََّل بِلِ َس )2( ِّن َ ان قَ ْو ِمه لُي َبي َُ َ ْ ََ "Wa maa arsalnaa min Rasuulin illaa bi lisaani qawmihi li yubayyina lahum(4)." Aayadda macneheedu waxaa weeye: "Rasuulna kuma aanan dirin waxaan ahayn afka dadkiisa si uu ugu caddeeyo (waxaa loo soo dejiyay)(4)." 411 Maryama bintu Cimraana\مريم بنت عمران, Nabi Ciise عيسىhooyadiis, Calayissalaamu, waxay ku abtirsataa Nabi Isxaaq ina Nabi Ibraahiimنبي هللا إسحاق بن إبراهيم, Calayhimussalaamu. Carabtuna waxay ku abtirsataa Nabi Ismaaciil\ إسماعيلina Nabi Ibraahiim\إبراهيم, Calayhimussalaamo, oo ah Isxaaq\ إسحاقwalaalkiis ay isku aabe yihiin. Ma dhici kartaa, marka, inay laba nin oo walaalo isku aabe ah ay laba qabiil kala yihiin? Jawaabtuna waa maya. Runtana Rabbi ayaa og. Yaraanta Carabta zamankaas Imaam Muslim\ اإلمام مسلمXadiithkiisa dheer ee uu ka wariyay Al Nuwaasu bin Simcaanu النواس بن صمعانee ku saabsan Dajjaalka\الدجال, wuxuu ku yiri in markuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, arrinkaan uga warramayey, markuu meel dhexe marayo, ay saxaabiyada magaceedu yahay Ummu Shariik Ghaziyyah ibnata Al Caskar Al Qurashiyyah أم شريك غزية إبنة \ العسكر القرشيةay tiri: "Rasuulka Ilaahayow, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, maalintaas Carabi meeday?" Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri: ". وإمامهم رجل صالح، وجلهم ببيت المقدس،"هم قليل "Hum qaliilun, wa julluhum bi Bayti Al Maqdisi, wa imaamuhum rajulun saalixun.' Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Maalintaas, oo ah markuu Dajjaalku\ الدجالsoo baxayo Ciisana\ عيسىuu dilayo, Carabtu way yaryihiin tiro ahaan, intooda badanna waxay joogaan Baytul Maqdis \بيت المقدس, imaamkooduna, waana imaamka Salaaddooda iyo hogaamiyohoodaba, waa nin suuban." Xadiithkaasu wuxuu bishaaro u yahay muslimiinta o idil, gaar ahaan falasdhiiniyiinta iyo carabta, isagoo noo sheegaya inay Quddus \ القدسku jiro doonto gacanta carabta, inkastoo ay krishtaanka iyo yuhuuddu ku dadaaleen inay carab ka dhammeeyaan, taasoo uu Ilaahay ka diiday. Kharaabidda hubka, isgaarsiinta iyo gaadiidka zamankaan Zamankaas uu Ciise\ عيسىSamada kasoo degayo oo uu Dajjaalka\ الدجالdilayo, sida Axaadiithta aan soo aragnay iyo kuwa kaloo badanba na tusayaan, waxay wada tilmaamayaan inuu hubka zamankaan aan joogno, sida qoriga ama buntukha, bastooladda, madfaca, gantaallada, tankiyada, bambooyinka caadiga ah iyo kuwa atoomikadaba, dayuuradaha wax duqeeya, maraakiibta dagaalka iyo wixii la mid ahba, uu faadayo oo uu wada kharaabayo. Taas ayaana u sabab ah inay ciidammada zamankaas, sidaan Axaadiithta kusoo aragna, ay seefo ku dagaalayaan, Ciisena عيسىuu Daijaalka الدجالwaran ku dilayo, uu isha u fiyow ka gelinayo . Runtana Rabbi ayaa og. 412 Tawfiiqdana Allaha na waafajiyo. Sidoo kale, waxaa isaguna kharaabaya oo aan la adeegsan doonin gaadiidka zamankaan, sidaa baabuurta, dayuuradaha, treennada, iyo waxa la midka ahba, ayadoo ay Axaadiithtaas saxiixeynka ku sugan ay sheegayaan in waagaas gaadiid ahaan fardo iyo daabbado kale oo xoolo ah la fuuli doono. Sidoo kale waxaa u kharaabaya oo aan la isticmaali doonin qalabka is gaarsiinta, sida taleefoonka, taarka, fax, radiyo, televisioonka kompiuutar iyo wixii la mid ahba, oo sidaan soo jooga inuuإستنبول\aragnay markuu shaydhaan kala dhex qeyliyay ayagoo Istanbuul caruurtooda u daba maray, taasoona been ah, taleefoon uma ay an son dirin Alالدجال\Daijaalku , ee intay fardohooda fuuleen ayay xaggeeda usooالمدينة المنورة\Madiinah Al Munawwarah kicitimeen. يأجوج و مأجوج Ya’juuj iyo Ma’juujهللا عز وجل\Siduu iyo goortuu Ilaahay Cazza wa Jalla halaagayo بسم هللا الرحمن الرحيم wuxuu wariyay inuu Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Waصحيح ميلم\Saxiix Muslim Calaa Aalihi Wa Sallam yiri: “فبينما هو كذلك إذ بعث هللا المسيح ابن مريم فينزل عند المنارة البيضاء شرقي دمشق بين مهرودين واضعا كفيه على أجنحة ملكين إذا طأطأ رأسه قطر وإذا رفعه تحدر منه جمان كاللؤلؤ فال يحل لكافر يجد ريح نفسه إال مات ونفسه ينتهي حيث ينتهي طرفه .فيطلبه حتى يدركه بباب لد فيقتله .ثم يأتي عيسى إبن مريم قوم قد عصمهم هللا منه فيمسح عن وجوههم ويحدثهم بدرجاتهم في الجنة .فبينما هو كذلك إذ أوحى هللا عيسى" :إني قد أخرجت عبادا لي ال يدان ألحد بقتالهم فحرز عبادي إلى الطور". ويبعث هللا يأجوج ومأجوج وهم من كل حدب ينسلون .فيمر أوائلهم على بحيرة طبرية فيشربون ما فيها ،ويمر آخرهم فيقول" :لقد كان بهذه مرة ماء ".ويحصر نبي هللا عيسى وأصحابه حتى يكون رأس الثور ألحدهم خيرا من مأة دينار ألحدكم اليوم .فيرغب نبي هللا عيسى وأصحابه فيرسل هللا عليهم النغف في رقابهم فيصبحون فرسى كموت نفس واحدة .ثم يهبط نبي هللا عيسى وأصحابه إلى األرض فال يجدون في األرض موضع شبر إال مأله زهمهم ونتنهم ،فيرغب نبي هللا عيسى وأصحابه إلى هللا فيرسل طيرا كأعناق البخت فتحملهم فتطرحهم حيث شاء هللا .ثم يرسل مطرا ال يكن منه بيت مدر وال وبر فيغسل الألرض حتى يتركها كالزلفة .ثم يقال لألرض" :أنبتي ثمرتك وردي بركتك". فيومئذ تأكل العصابة من الرمانة ويتظللون بقحفها ،ويبارك في الرسل حتى إن اللقحة من اإلبل لتكفي الفآم من الناس ،واللقحة من البقرلتكفي القبيلة من الناس ،واللقحة من الغنم لتكفي الفخذ من التاس. فبينما هم كذلك إذ بعث هللا ريحا طيبة فتأخذهم تحت آباطهم فتقبض روح كل مؤمن وكل مسلم ويبقى شرار الناس يتهارجون تهارج الحمر فعليهم تقوم الساعة". وعبد الرحمن بن يزيد بن جابر بهذا اإلسناد نحو من ذكرنا وزاد بعد قوله لقد كان بهذه مرة ماء" :ثم يسيرون حتى ينتهوا إلى جبل الخمر وهو جبل بيت المقدس فيقولون" :لقد قتلنا من في األرض هلم فلنقتل من في السماء ".فيرمون بنشابهم إلى السماء فيرد هللا عليهم نشابهم مخضوبة دما". وفي رواية إين الحجر: "فأني قد أنزلت عبادا لي ال يدى ألحد بقتالهم". 413 Xadiithkaanu waa qayb ka mid ah Xadiith dheer oo ku saabsan Al Ddajjaalu \حديث الدجال. Qaybtaanna waxay ka bilaabaneysaa isagoo Al Ddajjaalu \ الدجالfasaadkiisa wada inuu Ciisse ina Maryama \ عيسى إبن مريمsamada kasoo deganayo. Nabi Ciiseعيسى, Calayhissalaamu, wuxuu ku soo degayaa minaaradda bari oo cad ee Masjidka maanta la yiraahdo Al Masjid Al Amawii\المسجد األموي, ee ku yaal magaalada Dimishiq\دمشق, caasimadda dalka Suuriya\سوريا. Miinaaraddas waxaa magaceeda maanta la yiraahdaa "Minaaraddii Ciise\"منارة عيسى. Minaaraddu waa meesha korreysa oo uu istaago qofga aathaamaya, oo Salaadda dad ugu yeeraya. Saxiixu Muslim\ صحيح مسلمwuxuu wariyay inuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka wariyay, waana Xadiithka Al Nuwaasu bin Simcaanالنواس بن صمعان, uu yiri: "Fa baynamaa huwa kathaalika ith bacatha Allaahu Al Masiixa ibna Maryama, fa yanzilu cinda al minaarati al baydaa'i sharqiyyi Dimashqa fii mahruudatayni, waadican kaffayhi calaa ajnixati Malakayni, ithaa dha'adha'a ra'sahu qadhara, wa ithaa rafacahu taxaddara minhu jummaanun ka al lu'lu'i, wa laa yaxillu li kaafirin yajidu riixa nafsihi illaa maata, wa nafasuhu yantahii xaythu yantahii dharfuhu. Fayadhlubuhu xattaa yudrikahu bi baabi Luddin fa yaqtulahu. Thumma ya’tii Ciisaa ibna Maryama qawmun qad casamahu Allaahu mihu, fa yamsaxu can wujuuhihim wa yuxaddithuhum bi darajaatihim fii al jannati. Fa baynamaa huwa kathaalika ith awxaa Allaahu Ciisaa: “Innii qad akhrajtu cibaadan lii laa yadaani li axadin bi qitaalihim, fa xarriz cibaadii ilaa al dh-dhuuri.” Wa yabcathu Allaahu Ya’juuj wa Ma’juuj wa hum min kulli xadabin yansiluuma. Fa yamurru awaa’iluhum calaa buxayrati Dhabariyah fa yashrabuuna maa fiihaa, wa yamurru aakhirihum fa yaquulu: “la qad kaana bi haathihi marratan maa’un.” Wa yuxsaru Nabiyyu Allaahi Ciisaa wa sxaabuhu xattaa yakuuna ra’su al th-thawri li axadihim khayran min mi’ati diinaarin li axadikumu al yawma. Fa yarghabu Nabiyyu Allaahi Ciisaa wa asxaabuhu fa yursilu Allaahu calayhim al nnaghfa fii riqaabihim fa yusbaxuuna farsaa ka mawti nafsin waaxidatin. Thumma yahbidhu Nabiyyu Allaahi Ciisaa wa asxaabuhu ilaa al ardi fa laa yajiduuna fii al ardi mawdica shibrin illaa mala’ahu zahamuhum wa ntnuhum. Fa yarghabu Nabiyyu Allaahi Ciisaa wa asxaabuhu ilaa Allaahi fa yursilu Allaahu dhayran ka acnaaqi al bukhti fa taxmiluhum fa tadhraxuhum xaythu shaa’a Allaahu. Thumma yursilu Allaahu madharan laa yakunnu minhu baytu mandarin wa laa wabarin xatta yatukahaa ka al zalafati. Thumma yuqaalu lil ardi: “anbitii thamarataki wa ruddi barakatiki.” Fa yawma’ithin ta’kulu al cisaabatu mina al rrummaanati wa yastath-thiluuna bi qaxfihaa. Wa yubaaraku fii al rrisli xattaa anna al lliqxata mina al ibili la takfii al fi’aama mina al nnaasi, wa al lliqxatu mina al baqari la takfii al qabiilata mina al nnaasi, wa al lliqxata mina al ghanami la takfii al fakhitha mina al nnaasi. Fa baynamaa hum kathaalika ith bacatha Allaahu riixan dhayyibatan fa ta’khuthuhum taxta aaabaadhihim fa taqbadu ruuxa kulli mu’minin wa kulli muslimin. Wa yabqaa sharaaru al nnaasi yatahaarajuuna fiihaa tahaaruja al xumuri. Fa calayhim taquumu al ssaacatu. 414 وعبد الرحمن بن يزيد بن جابر بهذا اإلسناد نحو من ذكرنا وزاد بعد قوله لقد كان بهذه مرة ماء “Thumma yasuiiruuna xattaa yantahuu ilaa jabali al khamari wa huwa jabalu Bayti Al Maqdisi, fa yaquuluuna: “laqad qatalanaa man fii al ardi, halumma fal naqtul man fii al ssamaa’i.” :وفي رواية إين الحجر “Fa innii qad anzaltu cibaadan lii laa yaday li axadinbi qitaalihim.” Xadiithkaan oo uu wariyay Imaam Muslim\اإلمام مسلم, kuna wariyay Kitaabu al fitani\كتاب الفتن, baabka thikru al dajjaali\ذكر الدجال, ahna Xadiithka toddoba kun iyo labo boqol iyo sagaal iyo sagaashanka, macnihiisu waxaa weeye: "Wuxuu ku soo degi doonaa minaaradda cad ee Bariga xigtah ee Dimishiq\ دمشقisagoo xiran labo maro oo lagu guduudiyay dhiinka dhirta la yiraahdo waras\ورس, gacnihiisuna ku tiirsanyihiin garbaha laba Malag, oo markuu madaxiisa foorariyo biyo ayaa ka tifqaya, hadduu kor u qaadana biyuhu ka da'ayaan sida xabbado luul ah. Gaal kasta oo ay carafta neeftiisu gaartana waa dhimanayaa, neeftiisuna waxay gaartaa meeshuu araggiisu gaaro. Markaasuu wuxuu raadinayaa Al Dajjaalu\ الدجالsi uu u dilo, wuxuuna uga daba tegayaa oo ku gaarayaa albaabka magaalada Ludd( لدee ku taalla arliga Falasdhiin\فلسطين, una dhow Baytu Al Maqdis\)بيت المقدس, markkaasu dilayaa. Markaas kaddib ayaa waxaa Ciise ina Maryama\ عيسى إبن مريمu imaanayaa dad uu Ilaahay ka ilaaliyay fitnada Dajjaalka\الدجال, markaasuu wajiyadooda gacantiisa marinayaa (ama isagoo ka barakaysanaya ama isagoo ka tirtiraya shiddada iyo cabsida haysay), wuxuuna uga sheekeynayaa darajooyinka ay jannada ku leeyihiin. Isagoo xaaladdaas ku sugan, ayuu Ilaahay Ciisaa ina Maryama\ عيسى إبن مريمu waxyooday: “Anigu waxaan soo bixiyay addoommo aan leeyahay oo cid iska celin karta oo la dagaallami karta ayan jirin, marka addoommadeyda (kula jooga) saar oo ku ilaali buurta dusheeda.” Markaasuu Ilaahay wuxuu soo diraya Ya’juuj iyo Ma’juuj\ يأجوج ومأجوجayagoo meel sarreysa oo idil degdegsiimo uga soo dhaadhacaya (waana duullaan). Markaasay kuwooda ugu horreeya waxay soo marayaan Badyarta Dhabariyah( طبريةoo arliga Falsdhiin\ فلسطينku taalla, Baytu Al Maqdisna\ بيت المقدسaan ka fogayn), markaasay biyaha ku jira oo idil cabbayaan. Markaasuu kooda ugu dambeeya soo marayaa oo uu markaas leeyahay: “Middaan waabay biyo ku jireen.” Nabiga Ilaahay Ciisaa عيسىiyo asxaabtiisu waxay ku xereysan yihiin oo ku ilaalsan yihiin buurta dusheeda muddo ilaa heer uu ayaga midkood dibi madixiis (uu cuno: ahna cunnada ugu qiimo yar: waana cunno kasta oo la cuno, oo way gaajoodeen) uu uga khayr bato siday boqol diinaar ay (oo ay ka bixin lahaayeen weeye) adinka midkiin idiinla khayr badan tahay maanta oo kale. Markaasay Nabiga Ilaahay Ciisaa عيسىiyo asxaabtiisu Ilaahay baryayaan, markaasuu Ya’juuj 415 iyo Ma’juuj يأجوج ومأجوجwuxuu kusoo dirayaa oo luqumohooda ku ridayaa “ النغفAl Naghfu” oo ah dixiri geela sankiisa, markaasay waxay waabariisanayaan ayagoo wada dhintay oo mayd wada ah, sida qof kali ah oo dhintay oo kale. Markaasuu Nabiga Ilaahay Ciisaa عيسىiyo asxaabtiisu dhulka usoo deganayaan, markaasay dhulka waxay ka waayayaan taako maran oo waxaa ka wada buuxa baruurtooda iyo qurmoonkooda. Markaasuu Nabiga Ilaahay Ciisaa عيسىiyo asxaabtiisu Ilaahay baryayaan, markaasuu wuxuu usoo dirayaa (Ya’juuj iyo Ma’juuj )يأجوج ومأجوجshinbiro aad luqumaha geela moodid, markaasay intay qaadaan ku tuurayaan meeshuu Ilaahay doonay inay ku tuuraan. Kaddibna wuxuu soo diraya roob uusan gurina reebi karin ha ahaadaan guryaha magaalada oo dhoobada ka samysan ama kuwa miyiga oo dhogorta ka sameysan. Markaasuu arliga dhaqayaa, uuna ka tegeyaa dhaqidda kaddib arligii oo nadiif u ah sida muraayadda oo kale. Markas kaddib ayaa arliga waxaa lagu leeyahay: “arligow, mirahaaga soo dhali, barakaadiidana soo celi.” Maalintaas koox dad ah ayaa waxay wada cunayaan oo ku filan xabbad rumaan ah, qolofteedana way hoosaasayaan oo ay qorraxda isaga dhigayaan oo hoosteeda harsanayaan; hasha geela ah oo irmaanna waxay caaneheedu ku filan yihiin dad aad u fara badan; saca irmaan caanihiisuna waxay ku fialn yihiin qabiilo idil oo dadka ka mid ah; rida irmaanna caaneheedu waxay ku filan yihiin qabiil jilibkiis oo idil oo dadka ka mid ah. Aayagoo xaaladdaas ku sugan ayaa Ilaahay wuxuu soo dirayaa dabayl fiican, markaasay waxay ka qabaneysaa kilkilohooda hoostooda, markaasay qabanaysaa ruuxa mid kasta oo mu’min ah iyo mid kastoo muslim ah, oo way wada dhimanayaan. Waxaa soo haraya kuwa dadka ugu shar badan oo uu raggu dadka hortiisa haweentiisa kula gogol gelayo sida dameerrada oo kale. Kuwaasay saacaddu ku dhacaysaa.” Riwaayada Cabdu Al Rraxmaan bin Yaziid bin Jaabir\ عبد الرحمن بن يزيد بن جابرoo ay isla silsiladdaas warisay wuxuu ku ziyaadiyay markuu marayo “Middaan waabay biyo ku jireen.”: “markaasay soconayaa ilaa ay ka tagaan Jabalu Al Khamari\ جبل الخمرahna buurta Baytu Al Maqdis\بيت المقدس, markaasay waxay leeyihiin: “Waan dilnay intii arliga ku sugnayd, ee kaalaya aan dilnee kan samada ku sugan.” Markaasay fallaarohooda waxay u ganayaan xagga samada, markaasuu Ilaahay wuxuu usoo celinayaa fallorohooda oo dhiig lagu guduudiyay.”(Bal u fiirso: Ya’juuj iyo Ma’juuj\يأجوج ومأجوج waxay ku dagaallamayaan markay Baytu Al Maqdis\ بيت المقدسtagaan oo ku duulaan waa fallaaro iyo seefo iyo waran, oo macneheedu waxaa weeye inuusan markaas hubka maanta lagu dhaqmo jirin oo uu dhammaanayo). Riwaayada ibnu Xujurna\ إبن حجرwaxay warisay: “Anigu waxaan soo dejiyay addoomo aan Anigu leeyahay oo ayan jirin cid la dagaallami karta.” Waa intaas Xadiithkaas. Waxaana Xadiithkaan noo sheegayaa oo kale inay NATO iyo ruushkuba ay wada socdaan 416 ayagoo kala ah Yajuuj\ يأجوجiyo Ma’juuj\مأجوجو, oo ay aakhiro zamanka sidaas ku heshiinayaan colaadinta carabta iyo islaamka. Wuxuu Ciise\عيسى, Calayhissalaamu, Masaajidkaas kusoo deganayaa ayadoo Iqaamada Salaadda lagu dhawaaqay, markaas ayaa waxaa lagu leeyahay: "Imaamkii muslimiintow, Ruuxii Ilaahayow\روح هللا, hormar." (oo imaam noqo oo dadka Salaadda tuji). Markaas ayuu wuxuu Ciise عيسىimaamka masjidka ku leeyahay: "Adigu hormar, maxaa yeelay adigaa Salaadda laguu aqiimay". Masjidu Al Amawii\ مسجد األمويee Dimashq iyo Minaaradda Ciisaa\منارة عيسى Waxaa xusid mudan in Minaaraddaas lagu dhisay lacag laga qaaday krishtaankii degganaa magaaladdas Dimishiq\دمشق, kaddib markay minaaraddi ka horreysey ay gubeen, ayagoo dab qabadsiiyay. Minaaradda cusub waxaa laga dhisay dhagax cad, markuu sanadka Hijradu ahaa toddoba boqol kow iyo afartan. Markuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Caleyhi Wasallam, asxaabtiisa, iyo annagaba, noo sheegayo inuu Ciise\ عيسىku soo degan doono minaaradda cad ee Masjidka Dimishiq دمشقku yaal, masjidkaasba ma jiro oo lamaba dhisin, islaamkuna maba gaarin Shaamالشام, oo ka tirsanayd boqortooyada Rooma. Nabi Ciiseعيسى, Caleyhissalaam, markuu soo dego ilaa uu ka dhinto, isagaa Imaam u ahaanaya, oo tujinaya Ummadda Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Ciise عيسىmarkuu soo dego wuxuu jejebinayaa krishtada, wuxuu dilayaa doofaarka. Markaas uu soo degto, Ciise Nabi ma aha ee waa nin muslin ah oo ummadda Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam ka tirsan, oo shareecadiisana raacsan, oo waaba isaga Imaamka Masjidkaas gadaashiisa ku tukanaya, oo imaam loo yahay, Nabina nin caadi ah imaam uma noqdo. Tan kalena, Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasalla, isagaa ah midka Anbiyada iyo Rusushaba lagu gunaanaday, oo Nabi kale kamaba dambeeyo. Muslimiinta dabadood: kuwuu qiyaamuhu ku dhacayo: kuwa dadka ugu shar badan Muslim\ مسلمwuxuu saxiixiisa ku wariyay kitaabu Al fitani –thikru al ddajjaali كتاب الفتن – ذكر \ الدجالXadiithkaan: سمعت يعقوب بن عاصم بن عروة بن:حدثنا عبيد هللا معاذ العنبري حدثنا شعبة عن النعمان بن سالم قال "ما هذا الحديث الذي تحدث به تقول أن:مسعود الثقفي يقول سمعت عبد هللا بن عمرو وجاءه رجل فقال لقد هممت ألن ال أحدث شيأ. "سبحان هللا! أو الإله إال هللا! أو كلمة نحوهما:الساعة تقوم إلى كذا وكذا؟" فقال "قال رسول هللا صلى:" ثم قال. إنما قلت إنكم سترون بعد قليل أمرا عظيما يحرق البيت ويكون ويكون،أبدا "يخرج الدجال في أمتي فيمكث أربعين ال أدري أربعين يوما أو أربعين شهرا أو أربعين:هللا عليه وسلم عاما فيبعث هللا عيسى ابن مريم كأنه عروة بن مسعود فيطلبه فيهلكه ثم يمكث الناس سبع سنين ليس بين أثنين عداوة ثم يرسل هللا ريحا باردة من قبل الشأم فال يبقي على وجه االرض أحد في قلبه مثقال ذرة من "سمعتها من:" قال.خير أو إيمان إال قبضته حتى لو أن أحدكم دخل في كبد جبل لدخلته عليه حتى تقبضه اليعرفون معروفا، "فيبقى شرار الناس في خفة الطير وأحالم السباع:رسول هللا صلى هللا عليه وسلم قال 417 "فما تأمرنا؟" فيأمرهم بعبادة: "أال تستحيون؟" فيقولون: فيتمثل لهم الشيطان فيقول.وال ينكرون منكرا ثم ينفخ في الصور فال يسمعه أحد أال أصغى ليتا ورفع. وهم في ذلك دار رزقهم حسن عيشهم،األوثان "ينزل: "فيصعق الناس ثم يرسل هللا" أة قال:" قال. "وأول من يسمعه رجل يلوط حوض إبله:" قال.ليتا ثم ينفخ فيه أخرى فإذا هم قيام،هللا مطرا كأنه الطل أو الظل" نعمان الشاك"فتنبت منه أجساد الناس "أخرجوا بعث: "ثم يقال: "يا ايها الناس هلم إلى ربكم وقفوهم إنهم مسؤولون!" قال: ثم يقال.ينظرون "فذاك يوم يجعل الولدان:" قال. "من كل ألف تسعمأة وتسعت وتسعين: "من كم؟" فيقال:" فيقال.النار ".شيبا وذلك يكشف عن ساق “Yakhruju al ddajjaalu fii ummatii fa yamkuthu arbaciina laa adrii arbaciina yawman aw arbaciina shahran aw arbaciina caaman fayabcathu Allaahu Ciisaa ibna Maryama ka annahu Curwatu bin Mascuudin fa yadhlubuhu fa yuhlikuhu thumma yamkuthu al nnaasu sabca siniina laysa bayna ithnayni cadaawatun. Thumma yursilu Allaahu riixan baaridatan min qibali Al Sha’mi falaa yabqii calaa wajhi al ardi axadun fii qalbihi mithqaalu tharratin min khayrin aw iimaanin illaa qabadathu xatta law anna axadukum dakhala fii kabadi jabalin la dakhalathu calayhi xattaa taqbidahu. Fa yabqaa shiraaru al nnaasi fii khiffati al dh-dhayri wa axlaami al ssibaaci, laa yacrifuuna macruufan wa laa yunkiruuna munkaran. Fa yatamath-thalu lahumu al sh-shaydhaanu fa yaquulu: “ala tastaxyuuna?” Fa yaquuluuna: “famaa ta’murunaa?” Fa ya’muruhum bi cibaadati al awthaani, wa hum calaa thaalika daarun rizquhum, xasanun caushuhum. Thumma yunfakhu fii al ssuuri falaa yasmacuhu axadun illaa asghaa liitan wa rafaca liitan. Wa awwalu man yasmacuhu rajalun yaluudhu xawda ibilihi. Fa yascaqu wa yascaqu al nnaasu. Thumma yursilu Allaahu –aw qaala- yunzilu Allaahu madharan ka annahu al dhdhallu awi al thillu -Nucmaanu al shaaki- fa tanbutu minhu ajsaadu al nnaasi. Thumma yunfakhu fiihi ukhraa fa ithaa hum qiyaamun yanthguruuna. Thumma yuqaalu: “yaa ayyuhaa al nnaasu halumma ilaa Rabbikum wa qifuuhum innahum mas’uuluuna!” Thumma yuqaalu: “akhrijuu bactha al nnaari!” Fa yuqaalu: “min kam?” Fa yuqaalu: “mun kulli alfin tisca mi’atin wa tiscata wa tisciina.” Fa thaaka yawma yajcalu al wildaana shiiban, wa thaalika yakshafu can saaqin.” Xadiithkaan macnihiisu waxaa weeye: “Waxaa noo warramay Cubaydu Allaahi Mucaath Al Canbariyyu \ عبيد هللا بن معاذ العنبريoo ka wariyay Shucbah\ شعبةoo ka wariyay Al Nnucmaanu bin Saalim\ النعمان بن سالمoo yiri: “waxaan maqlay Yacquub bin Caasim bin Curwah bin Mascuud Al Thaqafii يعقوب بن عاصم بن عروة \ بن مسعود الثقفيoo leh: “waxaan maqlay Cabdu Allaahi bin Camr\ عبد هللا بن عمروoo uu nin u yimid oo ku yiri: “muxuu yahay Xadiithkaan aad dadka u sheegeysid inay saacaddu markaas iyo markaas dhacayso?” Markaasuu wuxuu yiri: “Subxaana Allaahi\ !سبحان هللاAma laa ilaaha illaa Allaahu\ !الإله إال هللاAma eray sidaasoo kale ah, kaddibna uu yiri: “waxaanba ku hammiyay inaanan dadka ebedkey dambeba wax Xadiith ah u sheegin! Waxaan iri wuxuu ahaa: 418 “in yar kaddib waxaad arki doontaan arrin aad u weyn, oo Kacbadaa la gubayaa waxaana dhacaya kaas iyo kaas.” Kaddibna wuxuu yiri: “Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam wuxuu yiri: “Ummaddeyda waxaa kusoo baxaya al ddajjaalu\ الدجالmarkaasuu sugnaanayaa afartan –ma ogi ma afartan maalmood baa mase afartan bilood ama afartan sano-markaasuu Ilaahay wuxuu soo dirayaa Ciise ina Maryama عيسى ابن مريمoo raadinaya oo dilaya. Kaddib dadka wuxuu joogayaa toddoba sano oo ayan dhexdooda laba qofna colaadi dhex oollin. Markaas kaddib ayuu Ilaahay wuxuu kasoo diraya dabayl qabow xagga Shaam \الشام, markaasuusan arliga korkiisa axadna ku harayn ay qalbigiisa ku sugan yihiin in la mid ah tharro –ahna waxa wax la sheego ugu yar oo aan indhahaba lagu arku karin, waana waxa afka kiimikada lagu yiraahdo atom-khayr ah ama iimaan ah ee illaa naftay ka qabaneysaa, oo xattaa hadduu midkiin cararo oo uu beerka buur dhex galo way uga daba geleysaa oo ay nafta ka qabaneysaa. Markaasaa waxaa adduunkaan kusoo haraya oo keli ah dadka intooda ugu shar badan –Al Nawawii\ النوويwuxuu yiri: “culummadu waxay yiraahdeen: waxay ugu degdegayaan oo ugu dhakhsayaan falidda sharta iyo waxa xun iyo gudashada shahwaadkooda iyo fasaadka sida duulidda shinbiraha u dheereeyaan oo kale. Waxayna colaadda iyo cadawnimada iyo dulmiga dhexdooda ah ugu degdegayaan si la mid ah akhlaaqda dugaagga –waana libaaxa, iyo dhurwaaga, iwm-iyo siday isu colaadiyaan. Kuwaas isu soo harayana ma yaqaannaan macruuf, waxa xunna ma diidaan. Markaasuu shaydaan isu (oo qof isaga soo dhigayaa ay u jeedaan) soo muujinayaa oo ku leeyahay: “miyeeydaan xishoonayn?” Markaasay waxay leeyihiin: “maxaad adigu na amreysaa?” Markaasuu wuxuu amraya inay asnaamta caabudaan oo ay caabudayaan, ayagoo isla waqtigaasu rizqigoodu uu u socdo oo badan yahay, kuna nool nolol fiican. Markaas kaddib ayaa buunka la fuufayaa. Markaasuusan axadna buunka maqlayn ee waa illaa kan luquntiisa dhanka xagga uu ka yeeray u jeediya korna u qaada.” Wuxuu yiri: “Kan ugu horreeya oo buunka maqla waa nin barkadda geeliisa dhoobo marinaya, markaasuu dhimanayaa. Markaasuu dadka wada dhimanayaa. Markaasuu Ilaahay wuxuu soo dirayaa –ama soo dejinayaa roob aad moodid Al Dhallu \الطلoo ah roobka khafiifka ah sida xagaayada oo kale iyo inuu yahay, sida Axaadiith kale kusoo aroortay siduu Al Nawawii\ النوويu yiri roob minada raga oo kale ah- ama al thillu\ الظلoo ah harka daruurta –waxaana shakiyay Al Nucmaanu\ النعمانmidday labadaas ahayd-Markaasaa waxaa kusoo dhalanaya dadka jirarkooda. Markaasaa hadana buunka mar labaad la afuufayaa, mase waaba ayagoo tag taagan oo wax fiirinaya. Markaasaa waxaa la leeyahay: “Dadow! Ina keena aad aadno Rabbigiin. Joojiya waxbaa la weydiinayaaye (meeshaas siduu Xadiith kale noo sheegay waxaa la weydiinaya :ون } قال ابن عباس َ ُوقفوهم { ِإنَّهُ ْم َم ْسئُول 419 "."عن جميع أقوالهم وأفعالهم ". "ال إله إال اهلل: وروي عنه عن : وفي الخبر عن النبي صلى اهلل عليه وسلم قال وعن عمره فيما، عن شبابه فيما أباله: "ال تزول قدما ابن آدم يوم القيامة حتى يسأل عن أربعة أشياء . )1( "به وعن علمه ماذا عمل، وعن ماله من أين اكتسبه وفيم أنفقه، أفناه __________ " "هذا حديث حسن صحيح: وقال111 / 7 : ما جاء في شأن الحساب والقصاص: باب، ) أخرجه الترمذي في القيامة1( "ورجال: للطبراني والبزار بنحوه ثم قال346 / 11 : وعزاه الهيثمي في مجمع الزوائد، وأقره المنذري في الترغيب والترهيب ."الطبراني رجال الصحيح غير صامت بن معاذ وعدي بن عدي الكندي وهما ثقتان Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: “waxaa laga wareysanayaa wuxuu ku hadlay iyo wuxuu adduunkaan ku falay oo idil” Waxaa sidaas looga wariyay ibnu Cabbaas\إبن عباس. Waxaa kaloo isla isaga laga wariyay inuu Nabigu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam yiri: “Ma dhaqaaqayaan labada cagood ee Aadan\ آدمilmihiisu –maalinta qiyaame, meeshuna waa siraadka\ الصراط- jeer laga weydiiyo afar shay: (kow) dhallinyarannimadiisa, oo nicmo ah, wuxuu ku falay, (laba) cumrigiisa wuxuu geliyay, (saddex) maalkiisa meeshuu ka kasbaday iyo meeshuu ku bixiyay, (afar) cilmigiisa –Ilaahay siiyay-wuxuu ku falay.” Waxaana wariyay Al Tirmithii\ الترمذيiyo kuwa kale oo kor ku xusan).” Wuxuu yiri: “Kaddib waxaa la leeyahay: “soo saara kuwa naarta la gelinayo.” Markaasaa waxaa la leeyahay: “Meeqaa qolo walba laga soo saarayaa?” Markaasaa waxaa la leeyahay: “Kunkii qofba sagaal boqol sagaal iyo sagaashan (oo ah Ya’juuj iyo Ma’juuj\ يأجوج ومأجوجsiday Axaadiith kale wariyeen iyo mid ubadka Aadan\ آدمintooda kale ah).” Wuxuu yiri: “Kaas weeye maalinta ay wiilashu cirroolayaan noqonayaan, kaas weeyana maalinta dhibka jira daraadiisa tafaha loo xaydanayo.” 420 Kitaabka Al Bad’u wa Al Taariikhu البدء والتاريخoo loo nisbeeyey Abuu Zayd Axmad bin Sahl Al Balkhii\ أبو زيد أحمد بن سهل البلخيoo ku dhintay Baghdaad\ بغدادsanadka shan boqol iyo sideed hijriga laguna daabacay Dhahraan طهرانee arliga Iiraan wuxuu boggiisa laba boqol iyo sagaal ku yiri: “Culummada cilmigaan ku xeel dheer waxay yiraahdeen: “halaagga Ya’juuj iyo Ma’juuj يأجوج ومأجوجdabadeed dadku wuxuu ku sugnaanaya barwaaqo ilaa intuu Ilaahay ka doono, markaas kaddib ayay xabashadu\( الحبشةamxaaradu) soo baxaysaa ayagoo uu wato Thuu Al Suuqatayni \ذوالسوقتين, markaasay Makkah\ مكةkharaabinayaan, Kacbadana ay duminayaan, taasoo aan abadkeed dambe cammirmayn (aan loo soo xajjinayn). Markaas dabadeed ayuu dadku wuxuu sugnaanayaa boqol sano ayagoo aan aqoon diin iyo wax laga diin yeeshaba, ayagaana ah kuwa khalqiga Ilaahay ugu shar badan, ayagayna saacaddu ku kacaysaa ayagoo suuqyadooda jooga.” Waa intaas warkaan kasoo qaadannay. . 421 Effigies of Gog and Magog carried at the 2007 Lord Mayors Show Masawirkaan waxaan kasoo qaadannay (www.Londontopic.co.uk/history.htm) Wooden statues of Gog and Magog stood guard outside the entrance of the Guidhall until they were destroyed in an air raid in 1940. Today, Gog and Magog are considered as the traditional guardians of the City of London, and images of the two have been carried in the Lord Mayor’s Show since the reign of Henry V (1412-1422). Asnaamta Ya’juuj iyo Ma’juuj oo qori laga sameeyey ayaa waxay ilaalin Guidhall Xafiiska Dawladda Hoose ee London ilaa looga burburiyay werar dayuradeed kun sagaal boqol iyo afartan. Maanta Ya’juuj iyo Ma’juuj waxaa loo ictiqaadsan yahay inay yihiin ilaalada magaalada London, labadooda sanam-na waxaa la soo qaada xafladda Lord Mayor’s Show tan iyo boqornimada Henry kan shanaad (1412-1422 miilaadiga ah). Waxaa sanad walba la qaada oo loo xafladeeyaa sabtida labaad ee bisha November. 422 423 Ruuxa\الروح Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: "Ilaahay Tacaalaa\ هللا تعالىwuxuu su'aashoodii ruuxa ku saabsanayd kasoo dejiyay Aayadda shan iyo sideetanaad ee Suuratu Al Israa'i\سورة اإلسراء: )87( يًل ُّ الرو ِح ُق ِل ُّ ون َك َع ِن ً ِالرو ُح ِم ْن أ َْم ِر َربِّي َو َما أُورِيرُ ْم ِم َن اْل ِعْلِم ِإ ََّل َقل َ َُوَي ْسأَل "Wa yas'aluunaka cani al rruuxi quli at rruuxu min amri Rabbii wa maa uutiitum mmina al cilmi illaa qaliilan(85)". Aayadda macneheedu waxaa weeye: "Waxay kaa weydiinayaan xagga ruuxa, waxaad tiraahdaa: "Ruuxu wuxuu ka mid yahay amarka Rabbigay, cilmigana la idinkama siin in yar mooyee(85)." Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: "Waxaa ibnu Cabbaas\ إبن عباسla iiga wariyay inuu yiri: "Markuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Al Madiinah\ المدينةyimid ayey culummada yuhuuddu waxay tiri: "Muxammadow\( محمدSallaa Allaahu Calayhi Wasallam) bal ka Warran hadalkaaga ah "cilmigana la idinkama siin in yar mooyee" ma annagaa naga waddaa mase tolkaa? Wuxuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam yiri: "."كال "Kullan" oo ah "kulligiin". Waxay yiraahdeen: “Oo waxa laguu keenay waxaa ka mid ah oo aad akhridaa in annaga nala siiyey Tawraadda\ التوراتoo uu dhexdiisa ku sugan yahay caddaynta wax walba" . Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri: ". وعندكم في ذلك ما يكفيكم لو أقمتموه،"إنها في علم هللا قليل "Innahaa fii cilmi Allaahi qaliilun, wa cindakum fii thaalika maa yakfiikum law aqamtumuuhu". Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Kitaabkaasu, waa Tawraaddee\التورات, marka cilmiga Ilaahay loo fiiriyo waa wax yar, marka adinka la idiin fiiriyana waxaa idiinku sugan wax idinku filan haddaad ku dhaqantaan." Markaasuu Ilaahay Tacaalaa\ هللا تعالىsu'aashoodaas dambe wuxuu kasoo dejiyey Aayadda toddoba iyo labaatanaad ee Suuratu Luqmaan\سورة لقمان: 424 ِ ولَ ْو أََّن َما ِفي ْال َْر ات اللَّ ِه إِ َّن اللَّهَ َع ِز ٌيز ْ ض ِم ْن َش َج َرٍة أَ ْق ًَل ٌم َواْل َب ْح ُر َي ُم ُّدهُ ِم ْن َب ْعِد ِه َس ْب َعةُ أ َْب ُح ٍر َما َن ِف َد ُ ت َكلِ َم َ ِ )27( يم ٌ َحك "Wa law annamaa fii al ardi min shajaratin aqlaamun wa al baxru yamudduhu min bacdihi sabcatu abxurin mmaa nafidat kalimaatu Allaahi inna Allaaha Caziizun Xakiimun(27)". Aayadda macneheedu waxaa weeye: "Hadday waxa arliga ku sugan ee geedo ah qalimo noqdaan, badduna ay khad ahaan lahayd oo qalimmadaas khadda lagu daari lahaa, laguna dhigi lahaa hadalka Ilaahay, markay khaddu dhammaatana toddoba badood oo kale khad looga dhigi lahaa oo lagu kordhin lahaa, hadalka Ilaahay ma dhammaadeen. Ilaahay waa Caziiz aan laga adkaan karin, xikmad miiranna ah(27)." Sidaas ayayna Tawraaddu\ التوراتmarka loo fiiriyo cilmiga Ilaahay wax yar ku tahay. Qaadidda buuraha Makkah\مكة Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: "Ibnu Cabbaas\ إبن عباسwuxuu yiri: "Ilaahay Tacaalaa wuxuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, korkiisa uga soo dejiyay waxay tolkiis weydiisteen oo ahaa inuu buuraha Makkah\ مكةka dul qaado, uuna wabiyo uga soo burqiyo, aabayaalkoodii hore oo dhintayna uu soo nooleeyo Aayadda kow iyo soddonaad ee Suuratu Al Rracd\سورة الرعد: ِ ِ َِّ ِ ِّ ِ ْ ت بِ ِه اْل ِجبا ُل أَو قُطِّع َّ َولَ ْو أ )31(يعا ْ َن قُ ْآرًَنا ُسي َِّر ُ ت بِه ْال َْر ً ض أ َْو ُكل َم بِه اْل َم ْورَى َب ْل لله ْال َْم ُر َجم َ ْ َ "Wa law anna Qur'aanan suyyirat bihi al jibaalu aw qudh-dhicat bihi al ardu aw kullima bihi al mawtaa bal liAllaahi al amru jamiican(31)". Aayadda macneheedu waxaa weeye: "Hadduu jiri lahaa Qur'aan buuraha lagu kaxayn lahaa ama dhulka lagu jeexo oo wabiyo looga soo burqin lahaa ama lagula hadli lahaa dadka dhintay oo maydka ah, wuxuu noqon lahaa Quraankaan, amarkase dhammaantiis Ilaahay ayaa iska leh, oo intaasoo idil hadduu doonana sameynaya, hadduusan dooninna aan sameyneyn(31). " Naftaada wax u qabo Hadalkooda ahaa naftaada wax u qabana, oo ha laguu yeelo beero iyo qusuur iyo kunuuz iyo in malag lala soo diro u marag kaca, wuxuu Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa\هللا سبحانه وتعالى, kasoo dejiyay Aayadaha toddoba ilaa toban ee Suuratu Al Furqaani\سورة الفرقان: َّ ِ ِ ِ َسوا ) أ َْو ُيْلقَى إِلَ ْي ِه7( ير ون َم َعهُ َنِذ ًا ٌ َق لَ ْوََل أ ُْن ِز َل إِلَ ْي ِه َمل َ ك فََي ُك َ َي ْأ ُك ُل الط َع َ ْ ام َوَي ْمشي في ْال ِ َّ َ َي ْأ ُك ُل ِم ْنها وق ك ون إِ ََّل َرُج ًًل َم ْس ُح ًا َ َض َرُبوا ل َ ) ْانظُ ْر َك ْي8( ور َ ف َ َ ون إِ ْن رَرَّبِ ُع َ ال الظال ُم َ َ ِ الرس ِ ول ُ َّ َوقَالُوا َمال َه َذا ٌون لَهُ َجنَّة ُ َك ْنٌز أ َْو رَ ُك 425 ٍ ) رَبار َك الَِّذي إِن َشاء جع َل لَ َك َخ ْي ار ِمن َذلِ َك جَّن1( يًل ِ ُّ َال ف ات رَ ْج ِري ِم ْن رَ ْحرِهَا ً ِون َسب ْ ً َ َ َ َْال َْمث َ يع ََ َ ْ ُ ضلوا فَ ًَل َي ْسرَط ََ )11( ور ص ًا ُ ُْال َْنهَ ُار َوَي ْج َع ْل لَ َك ق "Wa qaaluu maali haathaa Al Rrasuuli ya'kulu al dhdhacaama wa yamshii fii al aswaaqi law laa unzila ilayhi malakun fayakuuna macahu nathiiran(7)Aw yulqaa ilayhi kanzun aw takuunu lahu jannatun ya'kulu minhaa wa qaala at ththaalimuuna in tattabicuuna illaa rajulan mmasxuuran(8)Unthur kayfa darabuu laka al amthaala fadalluu falaa yastadhiicuuna sabiilan(9)Tabaaraka Allathii in shaa'a jacala laka khayran mmin thaalika jannaatin tajrii min taxtihaa al anhaaru wa yajcal llaka qusuuraa(10)." Aayadaha macnohoodu waxaa weeye: "Waxayna yiraahdeen: "Muxuu leeyahay Rasuulkaani, oo cunnada cunaya, sidaan annagu u cunno oo kale, oo suuqyada dhex socda isagoo wuxuu ku noolaan lahaa u shaqesanaya, sidaan annaguba u shaqeysanno oo kale. Maa loo soo dejiyo malag isaga la diga(7)Amase maa loo soo tuuro kanzi, oo Samada looga soo dejiyo, si uu uga kaaftoomo inuu suuqyada dhex taagnaado isagoo wuxuu ku noolaan lahaa raadsanaya, muusana yeesho beer uu mireheeda ka cuno. Thaalimiintiina, waa gaaladee, waxay yirahdeen ninkaad raaceysaan ma aha waxaan nin sixran ahayn(8)Bal arag siday tusaale kuugu yeeleen, sida nin sixran, nin suuqyada dhexd taagan oo muxtaaj ah. Markaasey baadiyoobeen, ayanna jidka toosan oo ay baadinnimada uga baxayaan heli karin(9)Waxaa Wayn Midka hadduu doono kuu yeelaya intaasba wax ka khayr badan, oo ah jannooyin ay hoosteeda dureeraan wabiyo, kuuna yeelaya qusuur(lO)" Al Baghawii\ البغويwuxuu tafsiirkiisa ku wariyay inuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: و قال ثالثا، ولكن أشبع يوما وأجوع يوما، "ال يا رب: فقلت.عرض علي ربي ليجعل لي بطحاء مكة ذهبا ". وإذا شبعت حمدتك وشكرتك، فإذا جعت تضرعت أليك وذكرتك.أو نحو هذا "Carada calayya Rabbii liyajcala lii badhaxaa'a Makkah thahaban. Faqultu "Laa yaa Rabbi, walaakin ashbacu yawman wa ajuucu yawman, wa qaala thalaathan aw naxwa haathaa. Fa ithaa jictu tadarractu ilayka wa thakartuka, wa itha shabictu xamadtuka wa shakartuka". Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Rabbigay wuxuu ii soo jeediyay inuu iiga dhigo quruuruxa waadiga Makkah dahab. Markaasaan waxaa ku iri: "Rabbigeeyow maya, laakiin maalinna waan dhergayaa maalinna waan gaajoonayaa. Wuxuuna yiri saddex goor ama wax la mid ab. Markaasaan markaan gaajoodo ayaan isku kaa jejebinayaa, kuna xusuusanayaa. Markaan dhergana waan ku xamdinayaa, kuguna mahdinayaa." Wuxuu kaloo wariyay inuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calyhi Wasallam, yiri: "إن ربك يقرأ: فقال، جائني ملك أن حجزته لتسوي الكعبة. لو شئت لصارت معي جبال الذهب،"يا عائشة " فنظرت إلى جبريل فأشار إلي أن ضع. وإن شئت نبيا ملكا، "إن شئت نبيا عبدا: ويقول،عليك السالم 426 فأشار جبريل بيده أن، "فالتفت رسول هللا صلى هللا عليه وسلم إلى جبريل كالمستشير:" وفي رواية إبن عباس.نفسك "آكل كما يأكل: يقول، فكان رسول هللا صلى هللا عليه وسلم بعد ذلك ال يأكل متكأ:" قال. "نبيا عبدا:" فقلت.توضع ".العبد واجلس كما يجلس العبد "Yaa Caa'ishah, law shi'tu lasaarat macii jibaalu al thahabi. Jaa'anii malikun an xujzatuhu latusaawii Al Kacbata, fa qaala inna Rabbaka yaqra'u calayka Al Ssalaama wa yaquulu "in shi'ta Nabiyyan cabdan, wa in shi'ta Nabiyyan malikan". Fa natbartu ilaa Jibriila fa ashaara ilayya an dac nafsaka." Wa fii riwaayati ibni Cabbaas: "Fa iltafata Rasuulu Allaahi, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ilaa Jibriila ka al mustashiiri, fa ashaara Jibriilu bi yadihi an tawaadac. Fa qultu "Nabiyyan cabdan". Qaala: fa kaana Rasuulu Allaahi, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, bacda thaalika laa ya'kulu muttaki' an, yaquulu: "Aakulu kamaa ya'kulu al cabdu wa ajlisu kamaa yajlisu al cabdu." Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Caa'ishey يا عائشة, haddaan doono buuraha ayaa dahab ii noqon lahaa. Waxaa ii yimid malak, uu guntigiisu Kacbada le'egyahay, wuxuuna yiri: "Rabbigaa Salaan ayuu kuu soo diray wuxuuna leeyahay: "Haddaad doonto waxaan kaa dhigayaa Nabi addoon ah, haddad doontana Nabi boqor ah". Markaasaan Jibriil\ جبريلdhugtay, wuxuuna ii tilmaamay inaan is dhigo oo is jejebiyo". Markaasaan waxaan iri: "Nabi addoon ah". Riwaayada ibnu Cabbaasna\إبن عباس: "Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu u jeestay Jibriil\جبريل sida isagoo la tashanaya oo kale, markaasuu wuxuu u tilmaamay inuu is jejebiyo. Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: "Nabi addoon Ilaahay ah." Markaas kaddibna Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ma uusan cunno cuni jirin isagoo barkin ku tiirsan, wuxuuna oran jiray: "Waxaan wax u cunayaa siduu addoonku wax u cuno, waxaanna u fariisanayaa siduu addoonku u fariisto." Wuxuu Ilaahay Tacaalaa\ هللا تعالىhadalkaas gaalada kasoo dejiyay oo kale Aayadda labaatanaad ee Suuratu Al Furqaan\سورة الفرقان: ِ وما أَرسْل َنا قَْبلَ َك ِمن اْلمرسلِين إِ ََّل إَِّنهم لَي ْأ ُكلُون الطَّعام ويم ُش ٍ ض ُك ْم لِ َب ْع ِ َسوا ًض ِفرَْنة َ ق َو َج َعْل َنا َب ْع َ ََْ َ َ َ َ ُْ َ َ ُْ َ َ ْ ََ َ ْ ون في ْال ِ ُّك ب )21( ير ص ًا َ َ ان َرب َ ون َو َك َ صبُِر ْ َأَر "Wa maa arsalnaa qablaka mina Al Mursaliina illaa innahum laya'kuluuna al dhdhacaama wa yamshuuna fii al aswaaqi wa jacalnaa bacdakum libacdin fitnatan atasbiruuna wakaana Rabbuka basiiran(20)." Aayadda macneheedu waxaa weeye: "Mana aanan dirin Rusul kaa horreeysey, ee illaa waa kuwa cunnada cuna, suuqyadana dhex socda, qaarkiinna waxaan qaaraka kale uga dhignay imtixaan, oo kan saboolka ah waxaa 427 imtixaan u ah kan hodanka ah, isagoo is leh maxaan aniguna sidiisa oo kale hodan u ahaan waayey, kan bukana lagu imtixaanayaa kan fiyow, kan madaxda ah kan raaciyaha ah, iwm. Ma sabreysaan? Rabbigaana wuu u jeedaa kan sabra iyo kan kaleba.")21( " Al Baghawii wuxuu wariyay inuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: ". فلينظر إلى من دونه في المال والجسم،إذا نظر أحدكم إلى من فضل عليه في المال والجسم "lthaa nathara axadukum ilaa man fuddila calayhi fii al maali wa al jismi, falyanthur ilaa man duunahu fii al maali wa al jismi". Xadiithka macnihiisu waxaa weeyey: "Markaad aragtaan axad la idiinka roonaaday xagga maalka iyo jirkaba, waxaad fiirisaan inta idinka hooseeya xagga maalka iyo jirkaba." Ilaahay na hor keen aan aragnee Ibnu Isxaaq\ إبن إسجاقwuxuu yiri: "Hadalkuu Cabdu Allaahi bin Abii Umayyah\ عبد هللا بن أميةRasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku yirina waxaa laga soo dejiyay Aayadaha sagaashan ilaa shan iyo sagaashan ee Suuratu Al Israa'i\سورة اإلسراء, uuna Cazza wa Jalla\ عز وجلku yiri: ٍ ون لَ َك َجَّنةٌ ِم ْن َن ِخ ِ وقَالُوا لَ ْن ُن ْؤ ِم َن لَ َك َحرَّى رَ ْف ُج َر لََنا ِم َن ْال َْر يل َو ِع َن ٍب فَرُفَ ِّج َر ْال َْنهَ َار ً ض َي ْنُب َ ) أ َْو رَ ُك11( وعا َ ِ ك ِخ ًَللَهَا رَ ْف ِج ًا ً ِت َعلَ ْي َنا ِك َسفًا أ َْو رَأْرِ َي بِاللَّ ِه َواْل َم ًَلئِ َك ِة قَب َ َون ل َ اء َك َما َزَع ْم َ ) أ َْو َي ُك12( يًل َ َّم َ ) أ َْو رُ ْسقطَ الس11( ير ِ ِ ف أَو رَرقَى ِفي السَّم ٍ ِ ٌ ب ْي ت َ اء َولَ ْن ُن ْؤ ِم َن لِ ُرِقي ُ ان َربِّي َه ْل ُك ْن َ َ ِّك َحرَّى رَُنِّز َل َعلَْي َنا كرَ ًابا َن ْق َرُؤهُ ُق ْل ُس ْب َح ْ ْ ت م ْن ُز ْخ ُر َ َّ ) َو َما َم َن َع13( إِ ََّل َب َش ًار َر ُسوًَل ) ُق ْل12( ث اللَّهُ َب َش ًار َر ُسوًَل َ َن قَالُوا أ ََب َع ْ اء ُه ُم اْلهُ َدى إِ ََّل أ ْ اس أ َ َن ُي ْؤ ِمُنوا إِ ْذ َج َ الن ِ طمئِِّنين لََن َّزْل َنا علَ ْي ِهم ِمن السَّم ِ ِ ان ِفي ْال َْر )17( اء َملَ ًكا َر ُسوًَل َ ْ َ َ َ ْ ون ُم َ ض َم ًَلئ َكةٌ َي ْم ُش َ لَ ْو َك َ "Wa qaaluu lan nu'mina laka xattaa tafjura mina al ardi yanbuucan(90)Aw takuuna laka jannatun mmin nnakhiilin wa cinabin fatufajjira al anhaara khilaalahaa tafjiiran(91)Aw tusqidha Al Ssamaa'a kamaa zacamta calaynaa kisafan aw ta'tiya bi Allaahi wa al malaa'ikati qabiilan(92)Aw yakuuna laka baytun mmin zukhrufin aw tarqaa fii Al Ssamaa'i walan nu'mina liruqiyyika xattaa tunazzila calaynaa kitaaban naqra'uhu qul Subxaana Rabbii hal kuntu illaa basharan Rasuulan(93)Wa maa manaca al nnaasa an yu'minuu ith jaa'ahum al hudaa illaa an qaaluu abacatha Allaahu basharan Rasuulan(94)Qul llaw kaana fii al ardi malaa'ikatun yamshuuna mudhma'inniina lanazzalnaa calayhim mmina Al Ssamaa'i malakan Rasuulan(95)." Aayadaha macnohoodu waxaa weeye: "Waxayna yiraahdeen gaaladii: "Ku rumayn maynno jeer aad dhulka ilo biyo ah nooga soo burqisid(90)Ama ay adiga kuu ahaato beer ay ku yaallaan geed timireed iyo canab aad dhexdeedana kasoo burqisid wabiyo(91)Ama aad Samada nagu soo dul ridid, sidaad leedahay, go'go' ayadoo ah ama aad keentid Ilaahay iyo malaa'igta si caddaan ah oo loo jeedo(92)Ama uu 428 adiga kuu ahaado guri dahab ka samaysan, ama aad Samada taftid. Tafiddaadana rumayn maynno jeer aad soo dejisid Kitaab na amraya inaan ku raacno oo aan akhrinno. Waxaad tiraahdaa: "Subxaana Rabbii\ !سبحان ربيMa waxaan bashar Rasuul ahayn ayaan ahay?"(93)Dadkana, waa gaaladee, uma uusan diidin inay rumeeyaan waxaan ahayn inay yiraahdeen: "Ilaahay ma wuxuu Rasuul ahaan usoo diray nin bashar ah? Muxuu malaa'ig usoo diri waayey?"(94)Waxaad tiraahdaa: "Hadday arliga malaa'ig ku noolaan lahayd, ayagoo si xasillan ugu kor socda markaas waxaan Samada kasoo dejin lahayn malak Rasuul ah", oo jinsigooda oo kale ah(95)." Al Rraxmaanu\الرحمن Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: "Hadalkooda ah ''waxaa nasoo gaartay inuu ku baro nin Al Yamaamah\ اليمامةdeggan oo la yiraahdo Al Raxmaanu\الرحمن, annaguna weligeen Al Raxmaanu الرحمنrumeyn meynno", waxaa Ilaahay kasoo dejiyay Aayadda soddonaad ee Suuratu Al Racdi\سورة الرعد: َِّ ِ ت ِمن قَْبلِها أ ٍ َّ اك ِفي أ الر ْح َم ِن ُق ْل ُه َو َربِّي َّ ِون ب َ َك َذلِ َك أ َْر َسْل َن َ ُم ٌم لرَ ْرلُ َو َعلَ ْي ِه ُم الذي أ َْو َح ْي َنا إِلَ ْي َك َو ُه ْم َي ْكفُُر َ َ ْ ْ َُمة قَ ْد َخل َّ ِ ِ َّ ِ ِ َت لوِالَ ْي ِه مر )31( اب َ َ ُ ََل إلَهَ إَل ُه َو َعلَْيه رَ َوكْل "Kathaalika arsalnaaka fii ummatin qad khalat min qablihaa umamun litatluwa calayhim allathii awxaynaa ilayka wahum yakfuruuna bi Al Rraxmaani qul Huwa Rabbii laa ilaaha illaa Huwa calayhi tawakkaltu wa Ilayhi mataabi(30)." Aayadda macneheedu waxaa weeye: "Sidaasaan kuugu dirnay ummad ay ayada horteed ummadu tageen, inaad korkooda ku akhridid midkaan aan kuu Waxyoonnay, oo Quraanka ah, ayaguna waxay ku gaaloobeen Al Rraxmaanu \الرحمن. Waxaad tiraahdaa: "Isagu waa Rabbigay, mana uu jiro Ilaah aan Isaga ahayn, Isagaan talo saartay, xaggiisaanna u noqonayaa(30)." Al Yamaamah\ اليمامةwaa gobol ka mid Jasiiradda Carabta, waana gobolkkuu ku noolaa Musalimah Al Kaththaab\مسيلمة الكذاب. Maal ayaan kuu uruurinaynnaa Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: "Hadalkoodii ahaa maal ayaan kuu uruurinaynnaa si aad kan noogu maal badan u noqotidna wuxuu llaahay Tacaalaa\ هللا تعالىkasoo dejiyay Aayadda toddoba iyo afartanaad ee Suuratu Saba’a\سورة سبأ: )27( يد ٌ ي إِ ََّل َعلَى اللَّ ِه َو ُه َو َعلَى ُك ِّل َش ْي ٍء َش ِه ْ َج ٍر فَهُ َو لَ ُك ْم إِ ْن أ ْ ُق ْل َما َسأَْلرُ ُك ْم ِم ْن أ َ َج ِر "Qul maa sa'altukum mmin ajrin fahuwa lakum in ajriya illaa calaa Allaahi wa Huwa calaa kulli shay'in shahiidun(47)." 429 Aayadda macneheedu waxaa weeye: "Waxaad tirahdaa: "Ijaar idinkama weydiisan Risaalada idin soo gaarsiinteeda, waxna idinma weydiisan. Ijaarkeygana waxaa i siinaya Ilaahay. Ilaahayna wax walba wuu ujeedaa, oo waa ka marag(47)." Xaasidnimada gaalada iyo u quuri waygooda Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: "Markuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u keenay waxay ogaadeen inay run yahiin, ayna runlownimadiisa wuxuu uga warramay ay ogaadeen iyo Nabinnimadiisa, isagoo u keenay wax ka mid ah cilmiga ghaybka oo ka maqan markay weydiiyeen waxay weydiiyeen, waxaa kala dhex galay xaasidnimo iyo u quuri waa xaggooda ah ayaga iyo inay rumeeyaan oo ay raacaan. Markaasey kibreen oo ay Ilaahay ku gaaloobeen, kuna fogaadeen xadgudubka amarkiisa, oo ayagoo indhohooda ugu jeeda ay diideen oo ay ka tageen, waxayna kusii adkeysteen gaalnimadooda ay ku sugan yihiin. Markaasuu midkood wuxuu yiri: "Quraankaan ha dhegeysannina ee markuu Muxammad (Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam) akhriyo wajigiisa ku qayliya si uu inta u wareero wuxuu akhrinayay ay isaga darsamaan, oo fooriya oo sacabbo tuma si ayan dadkuu u akhrinayaa ayan u maqal, maxaa yeelay haddaad la xujjootaan ama aad la murantaan maalin wuu idinka adkaanayaa, waxaadna kaba dhigtaan wax lagu jeesjeeso." Al Qurdhubii\ القرطبيwuxuu ibnu Cabbaas\ إبن عباسka wariyay inuu ninka warkaas yiri uu Abuu Jahal\ أبوجهلyahay, Allaha lacnadee. Hadalkiisaasna waxaa kasoo degata Aayadda lix iyo labaatanaad ee Suuratu Fussilat \سورة فصلت, oo uu Ilaahay Tacaalaa\ هللا تعالىki yiri: ِ َِّ َ َوق َّ ِ ِ ِ ين َكفَُروا ََل رَ ْس َم ُعوا لِهَ َذا اْلقُ ْآر )26( ون َ َن َواْل َغ ْوا فيه لَ َعل ُك ْم رَ ْغلُب َ ال الذ َ "Wa qaala allathiina kafaruu laa tasmacuu lihaathaa Al Qur'aani wa alghaw fiihi lacallakum taghlibuuna(26)". Aayadda macneheedu waxaa weeye: "Waxay yiraahdeen kuwii gaaloobay: "Ha dhegeysannina Quraankaan, kuna qayliya marka la akhrinayo, markaasaa waxaa dhici karta inaad adkaataan oo aan la maqline(26). " Malaa'igta Naarta Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: "Maalin ayuu Abuu Jahal\أبوجهل, isagoo Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku 430 jeesjeesaya iyo waxa xaqqa ah oo uu la yimid, ayuu wuxuu yiri: "Ragga Qurayshow\قريش, Muxamma\d( محمدSallaa Allaahu Calayhi Wasallam) wuxuu leeyahay inay askarta Ilaahay ee Naarta idinku cathaabeysa, idinkuna xabbiseysa ay sagaal iyo toban yihiin. Adinkuna adinkaa dadka ugu faro iyo tiro badan. Marka, miyey kari waayeen boqolkii ninba oo adinka idinka mid ahi inay ka adkaadaan nin ayaga ka mid ah?" Markaasuu Ilaahay Tacaalaa\ هللا تعالىhadalkiisaas wuxuu kasoo dejiyay Aayadda kow iyo soddonaad ee Suuratu Al Mudaththir\سورة المدثر: ِ َِّ ِ ِ َِِّ ِ َّ ِ ِ َّ َّ وما جعْل َنا أَصحاب اب َوَي ْزَد َاد َ َين أُورُوا اْلكر َ َْ َ ين َكفَُروا ل َي ْسرَْيق َن الذ َ الن ِار إَِل َم ًَلئ َكةً َو َما َج َعْل َنا ع َّدرَهُ ْم إَِل فرَْنةً للذ ََ ََ ِ َِّ ِ َِّ َالَِّذين آَمُنوا إِيم ًانا وََل يرر ون َما َذا أ ََر َاد ٌ ين ِفي ُقلُوبِ ِه ْم َم َر َ َين أُورُوا اْلكر َ َْ َ َ َ ض َواْل َكاف ُر َ ون َولِ َيقُو َل الذ َ اب َواْل ُم ْؤ ِمُن َ اب الذ َ َ ِ ِ َّ ُّ ِ َّ ِّك إِ ََّل ُه َو َو َما ِه َي إِ ََّل ِذ ْك َرى لِْل َب َش ِر َ ود َرب َ اء َو َما َي ْعلَ ُم ُجُن ُ اء َوَي ْهدي َم ْن َي َش ُ اللهُ بِهَ َذا َمثَ ًًل َك َذل َك ُيضل اللهُ َم ْن َي َش )31( "Wa maa jacalnaa asxaaba al Nnaari illaa malaa'ikatan wa maa jacalnaa ciddatahum illaa fitnatan lillathiina kafaruu liyastayqina allathiina uutun Al Kitaaba wa yazdaada allathiina aamannn iimaanan wa laa yartaaba allathiina uutuu Al Kitaaba wa al mu'minuuna wa liyaquula allathiina fii quluubihim maradun wa al kaafiruuna maa thaa araada Allaahu bi haathaa mathalan kathaalika yudillu Allaahu man yashaa'u wa yahdii man yashaa'u wa maa yaclamu junuuda Rabbika illaa Huwa wa maa hiya illaa thikraa lilbashari(31)." Aayadda macneheedu waxaa weeye: "Kamana aanan dhigin kuwa Naarta ka shaqeeya waxaan malaa'ig ahayn, oo rag ma ah laga adkaan karo, tiradooda yarna kama aanan dhigin waxaan ahayn fitno lagu imtixaanayo gaalada oo u ku baadiyoobaya, siday u yiraahdeen waxay yiraahdeen, iyo inay yaqiinsadaan ehelu Kitaabku, ayadoo ay Tawraadda iyo Injiilkaba isla tiradaas sagaal iyo tobanka ahi ku dhignayd, oo kuwooda Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam , rumeeyey uu iimaan ugu kordho iyo rumayn ay sii rumeeyaan wuxuu leeyahay, ayanna kuwa Kitaabka la siiyey ka shakin iyo mu'miniintuba tiradooda, iyo inay kuwa ay quluubtooda uu cudur iyo shaki iyo nifaaq ku sugan yahay iyo gaalada Makkahba ay u yiraahdaan: "Muxuu ula dan leeyahay warkaan?" Sidaas uu u baadiyeeyey kuwa tirada Malaa'igta Naarta inkiray, ayuu Ilaahay u baadiyeeyaa cidduu doono, una hanuuniyaa cidduu doono. Askarta Rabbigaana axadna cilmi uma laha Isaga mooyee, tiradoodana Axad aan isaga ahayni ma oga. Xusidda Naarta Saqarana ma ay aha waxaan ahayn waanin iyo wacdin dadka(31)." 431 Meel Dhexaad Markay sidaas isku yiraahdeen, ayay waxay yeeleen in markuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, isagoo tukanaya uu Salaadda uu Quraanka ku akhrinayo si la maqlayo u akhriyo, ayay ka kala tagaan, ayagoo diidaya inay Quraanka dhegeystaan. Markaasuu markuu midkood doonayo inuu Quraanka uu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasalam, akhrinayo isagoo tukanaya uu dhegeysto, dhegta ayuu u raariciyaa oo uu dhegeystaa, ayagoo ayan intooda kale u jeedin. Hadduuse arko inay garteen inuu Quraanka ka dhegeysanayo, bartaas wuu ka tagaa, cabsi uu ayagaas dhibaatadooda ka qabo, oo uusan markaas dhegeysan. Hadduu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, akhrintiisa hoos u dhigo, kan dhegeysanayaana uu u maleeyo inayan saaxiibbadiis akhrintaas shayna ka maqlayn, isaguse uu maqlayo, markaas dhegihiisuu u raariciyaa oo uu dhegeystaa. Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: "Akhrintaada aad kor ha ugu qaadin, oo ay markaas kaa kala tagaan, aadna hoos ha ugu dhigin, oo markaas kan doonaya oo jecel inuu dhegeysto oo uu maqalkiisa ku xado kuwaas kale sokadooda, uusan maqlayn, ayadoo ay dhici karto inuu kaasi qaato oo la gaddoomo wuxuu maqlay qaarkood, uu kaddibna ku intifaaco oo uu waxtar ka helo." Taas ayay kusoo degatay Aayadda boqol iyo tobnaad ee Suuratu Al Israa'i\سورة اإلسراء: ت بِهَا َو ْابرَ ِغ َب ْي َن َّ ُق ِل ْاد ُعوا اللَّهَ أ َِو ْاد ُعوا َ ِص ًَلر ْ ك َوََل رُ َخ ِاف ْ الر ْح َم َن أَيًّا َما رَ ْد ُعوا َفلَهُ ْال َ ِاء اْل ُح ْس َنى َوََل رَ ْجهَ ْر ب ُ َس َم )111( يًل ً َِذلِ َك َسب "Wa laa tajhar bisalaatika wa laa tukhaafit bihaa wa ibtaghi bayna thaalika sabiilan(110)", oo macneheedu yahay: "Aadna kor ha ugu qaadin akhrinta Quraanka markaad salaadda adigoo tukanaya aad akhrineysid, aadna hoos ha ugu dhigin oo ha qarin akhrintaada, ee labadaas daraf dhexdooda jid ka yeelo, oo dhexdexaad u akhri(110)." Saxaabiga ugu horreeyey oo Quraanka kor u akhriya Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: "Kan ugu horreeyey oo Quraanka kor u akhriya, waana mel fagaaro ahe, Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, dabadiis Makkah\ مكةdhexdeeda waa Cabdu Allaahi ibnu Mascuudعبد هللا إبن مسعود, Allaaha raali ka noqdee. Asxaabta Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ayaa maalin kulmay, waxayna yiraahdeen: "Wa Allaahi\ وهللاinayan Qurayshi\ قريشwali maqan Quraankaan oo ayaga kor loogu akhrinayo. Hadaba ninkeebaa maqashiinaya?" Markaasuu Cabdu Allaahi bin Mascuud عبد هللا إبن مسعودwuxuu yiri: 432 "Aniga." Waxay yiraahdeen: "Adiga ayagaan kaaga baqaynnaa, waxaanse dooneynnaa nin Makkah \ مكةku leh tol ragga ka celiya hadday xumaan la doonaan." Wuxuu yiri: "i daaya, oo aniga Ilaahay ayaa iga celinaya." Markaasuu ina Mascuud إبن مسعودwuxuu barqadii dambe yimid Maqaamu Ibraahiim\مقام إبراهيم, ayadoo ay Qurayshi\ قريشnaadiyadooda fadhido. Markaasuu intuu Maqaamka agtiisa istaagay ayuu wuxuu akhriyay, isagoo codkiisa kor u qaaday Suuratu Al Rraxmaan\سورة الرحمن, isagoo akhrinayana uu xaggooda u jeestay. Markaasey dareemeen, ayna yiraahdeen: "ibnu ummu Cabdi\ إبن أم عبدmuxuu leeyahay?" oo sidaas ayay ugu yeeri jireen. Kaddibna waxay yiraahdeen: "Wuxuu akhrinayaa wax ka mid ah wuxuu Muxammad\( محمدSallaa Allaahu Calayhi Wasallam) la yimid." Markaasey usoo keceen, oo ay wajiga ka garaaceen, isaguna uu akhrinta Suuradda sii waday ilaa uu ka gaaro meeshuu Ilaahay doonay inuu ka gaaro. Intaas kaddibna wuxuu u gaddoomay xagga asxaabtiisa, ayagoo ay gaaldu wajiga dhibaato ka gaarsiiyeen. Markuu u tegey ayay waxay asxaabtiisu ku yiraahdeen: "Taas ayaan kaaga baqaynnay." Markaasuu wuxuu yiri: "Cadawda Ilaahay weligood iilama ayan yaryaraan siday maanta iila yaryaraadeen. Haddaad doontaanna berrito ayaan tii maantoo kale ugu celinayaa." Waxay yiraahdeen: "Maya, oo kugu filan, waxaadna maqashiisay waxay kahdaane." Ragga akhrinta Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, dhegeystay Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: "Abuu Sufyaan bin Xarb\ أبو سفيان بن حربiyo Abuu Jahl bin Hishaam\ أبو جهل بن هشامiyo Al Akhnas bin Shariiq bin Camr bin Wahab Al Thaqafii\ األخنس بن شريق بن عمرو بن وهب الثقفيoo reer Banii Zuhrah\ بني زهرةxilfi la lahaa, ayaa habeen soo baxay, si ay Quraankuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, akhrinayo markuu tukanayo u dhegeystaan, isagoo habeennimada gurigiisa dhexdiisa ku tukanaya. Markaasuu nin walba ayagaas ka mid ihi gurigaas darbigiisa meel ka fariistay, isagoo dhegeysanaya. Midkoodna kama uu warhayo inay kuwa kalena joogaan oo ay ayaguna dhegeysanayaan. Markaasey halkaas fadhiyeen oo ay dhegeysanayeen ilaa uu waago ka baryo. Markuu waagu baryay ayay kala gaddoomeen. Markaasey dariiqa ku kulmeen. Markaasey is eedeeyeen, ayna isku yiraahdeen: "Ha usoo laabannina, oo hadduu idin arko adinkoo dhegeysanaya mid maangaabtiinna ka mid ihi, naftiisay wax ka gelayaan." 433 Kaddibna way kala tageen. Habeenkii labaad oo taas ku xigtay ayuu nin walba oo ayagaas ka mid ihi uu hadana meeshii uu hore u fariistay hadana soo fariistay, ayna ku waabariisteen ayagoo dhegeysanaya. Markuu waago dillaacay ayay ka kala tageen, oo markaasey hadana dariiqa ku kulmeen. Markaasey waxay isku yiraahdeen wax la mid ah waxay markii koowaad isku yiraahdeen oo kale. Kaddibna way kala tageen. Habeenkii saddexaadna nin walba bartiisii ayuu fariistay, ayna ku waabariisteen, ayagoo habeenkoo idil dhegeysanayey. Markuu waagu baryay ayay kala tageen, ayna dariiqa isugu yimaadeen. Markaasey waxay isku yiraahdeen: "Kala tegi manno jeer aan ballan iyo cahdi ku kala dhiganno inaanan soo laabanayn." Markaasey taas ballan ku kala galeen, kaddibna ay kala tageen. U quuri waaga Abuu Jabl \أبو جهل Markaasuu markuu waabariistay ayuu Al Akhnas bin Shariiq\ األخنس بن شريقushiisa qaatay, oo intuu gurigiisa kasoo baxay ayuu wuxuu Abuu Sufyaan bin Xarb\ أبو سفيان بن حربugu yimid gurigiisa, wuxuuna ku yiri: "Xanthalah aabihiisow\يا أبا حنظلة, ii sheeg ra'yigaaga waxaad Muxammad\( محمدSallaa Allaahu Calayhi Wasallam) ka maqashay." Abuu Sufyaan wuxuu yiri: "Thaclabah aabihiisow\يا أبا ثعلبة, wa Allaahi\ وهللاwaxaan maqlay waxyaal aan aqaanno , aanna aqaanno waxa loola jeedo. Waxaanna maqlay waxyaal aanan aqoon macnohooda iyo waxa loola jeedaba." Al Akhnasu األخنسwuxuu yiri: "Aniguna sidoo kale, anigoo ku dhaartay Midkaad adigu ku dhaaratay." Kaddib wuu kasoo tegey Abuu Sufyaanأبو سفيان, wuxuuna u yimid Abuu Jahl\أبو جهل, oo uu gurigiisa ugu soo galay, wuxuuna ku yiri: "Abaa Al Xakamow\يا أبا الحكم, ii sheeg ra’yigaaga waxaad Muxammad\( محمدSalla Allaahu Calayhi Wasallam) ka maqashay." Markaasuu Abuu Jahl أبو جهلwuxuu yiri: "Waxaan maqlaybaa? Annaga (isaguna wuxuu ka dhashay Qurayshta\ قريشreer Banii Makhzuum\ )بني مخزومiyo reer Cabdu Manaaf\( عبد منافoo ah reerka Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam) waxaan ku tartannay oo aan kala jiidannay madaxtinnimada. Ayagu dadka cunno quudiyeen, markaasaan annaguna dadka cunno quudinnay. Dadkay culayska ka xambaareen oo ay taakuleeyeen, markaasaan annaguna dadka culayska ka xambaarnay oo aan taakulaynna. Dadkay wax siiyeen, markaasaan annaguna dadka wax siinnay. Markaasaan markaan simannay, oo aan sida laba faras oo tartanka ku siman oo is dhinac socda noqonnay ayay waxay yiraahdeen: "Annaga waxaa naga dhashay Nabi Waxyigu Samada uga yirnaado." Annagauna taas gaari maynno. Marka wa Allaahi\ وهللاinaanan weligay rumaynayn, aanna oranayn inuu run sheegayo." Markaasuu Al Akhnas\ األخنسintuu sare kacay ka tegey." 434 Akhrinta Nahiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam lbnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: "Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, rnarkuu Quraanka ku dul akhrinayo, Ilaahayna uu ugu yeerayo, ayey ayagoo ku jeesjeesaya waxay yiraahdaan: ِ ِ وقَالُوا ُقلُوب َنا ِفي أ )7( ون ٌ ونا إِلَ ْي ِه َوِفي َآ َذانَِنا َوْقٌر َو ِم ْن َب ْينَِنا َوَب ْينِ َك ِح َج َ َكنَّ ٍة ِم َّما رَ ْد ُع ُ َ ُاب فَا ْع َم ْل إَِّن َنا َعامل َ "Wa qaaluu quluubunaa fii akannatin mimmaa tadcuunaa ilayhi wa fii aathaaninaa waqrun wa min bayninaa wa baynika xijaabun fa acmal innanaa caamiluuna(5)." Aayadda, oo ah tan shanaad ee Suuratu Fussilat\سورة فصلت, macneheedu waxaa weeye: " Gaaladii Makkah waxay yiraahdeen: "Quluubteennu waxay uga jirtaa daboollo dhexdooda oo maqli mayso mana garaneyso waxaan aad noogu yeereysid, dhegeheennana waxaa saaran culays oo waxaan nahay dhegoolayaal, oo sidaasaan ka nahay oo aqbali mayno, annaga iyo adiga dhexdeenana waxaa ah darbi iyo xijaab ku yimid diimaheenna oo kala duwan, oo sidaasaanan kuugu waafaqayn waxaan aad leedahay. Marka adiguna diintaada ku camal fal oo ku dhaqan, annaguna diinteenna ayaan ku camal falaynnaa oo ku dhaqmeynnaaye(5)." Markaasuu Ilaahay Tacaala\ هللا تعالىhadalkoodaas wuxuu kasoo dejiyay Aayadaha shan iyo afartan ilaa kow iyo konton ee Suuratu Al Israa'i\اإلسراء, uuna Cazza wa Jalla\ عز وجلku yiri: ِ َِّ َن ون بِ ْاْلَ ِخ َ ِرة ِح َج ًابا َم ْسرُ ًا َ َن َج َعْل َنا َب ْي َن َ َ لوِا َذا قَ َأر ْ ) َو َج َعْل َنا َعلَى ُقلُوبِ ِه ْم أَكنَّةً أ27( ور َ ين ََل ُي ْؤ ِمُن َ ك َوَب ْي َن الذ َ ْت اْلقُ ْآر ِ ِ َّك ِفي اْلقُ ْآر ون َن َو ْح َدهُ َولَّ ْوا َعلَى أ َْد َب ِارِه ْم ُنفُ ًا َ ت َرب ْ ) َن ْح ُن أ26( ور َ َي ْفقَهُوهُ َوِفي َآ َذانِ ِه ْم َوْق ًار َ لوِا َذا َذ َك ْر َ َعلَ ُم بِ َما َي ْسرَم ُع ِ َّ ِ ِ ض َرُبوا ون إِ ََّل َرُج ًًل َم ْس ُح ًا َ ) ْانظُ ْر َك ْي27( ور َ ف َ ون إِ ْن رَرَّبِ ُع َ ون إِلَ ْي َك َ لوِا ْذ ُه ْم َن ْج َوى إِ ْذ َيقُو ُل الظال ُم َ بِه إِ ْذ َي ْسرَم ُع ِ ِ ِ ِ ُّ َال ف ) ُق ْل21( يدا ً ِون َسب ً ون َخْلقًا َجِد َ َ َلَ َك ْال َْمث َ ُاما َوُرفَارًا أَئَّنا لَ َم ْب ُعوث َ يع ُ ضلوا فَ ًَل َي ْسرَط ً َ) َوقَالُوا أَئ َذا ُكَّنا عظ28( يًل ِ ِ ِ ص ُد يد َنا ُق ِل الَِّذي فَطَ َرُك ْم أ ََّو َل َم َّرٍة ُ ون َم ْن ُي ِع ً ونوا ِح َج َارةً أ َْو َحِد ُ ُك َ ُورُك ْم فَ َس َيقُول ُ ) أ َْو َخْلقًا م َّما َي ْكُب ُر في71( يدا ِ )71( ون قَ ِر ًيبا ْ ون َمرَى ُه َو ُق ْل َع َسى أ ُ فَ َسُي ْنغ َ َن َي ُك َ ُوسهُ ْم َوَيقُول َ ض َ ون إِلَ ْي َك ُرُء "Wa ithaa qara'ta Al Qur'aana jacalnaa baynaka wa bayna allathiina laa yu'minuuna bi Al Aakhirati xijaahan mastuuran(45)Wa jacalnaa calaa quluubihim akinnatan an yafqahuuhu wa fii aathaanihim waqran wa ithaa thakarta Rabbaka fii Al Qur'aani Waxdahu wallaw calaa adbaarihim nufuuran(46)Naxnu aclamu bimaa yastamicuuna bihi ith yastamicuuna ilayka wa ith hum najwaa ith yaquulu al ththaalimuuna in tattabicuuna illaa rajulan mmasxuuran(47)Unthur kayfa darabuu laka al amthaala fa dalluu falaa yastadhiicuuna sabiilan(48)Wa qaaluu a'ithaa kunnaa cithaaman wa rufaatan a'innaa lamabcuuthuuna khalqan jadiidan(49)Qul kuunuu xijaaratan aw xadiidan(50)Aw khalqan mimmaa yakburu fii suduurikum fasayaquuluuna man yuciidunaa quli Allathii fadharakum awwala marratin fasayunghiduuna ilayka ru'uusahum wa yaquuluuna mataa huwa qui casaa an yakuuna qariiban(51)." 435 Aayadaha macnohoodu waxaa weeye: '''Markaad Quraanka akhrididna waxaan adiga iyo kuwa Maalinta Aakhiro aan rumaysnayn dhexdiinna yeelnaa Xijaab iyo darbi astura, oo quluubtooda ka celinaya inay fahmaan oo ay ku intifaacaan oo uu Quraanku waxtar u yeesho(45)Quluubtoodana waxaan dhex gelinnay daboollo u diidaya inay gartaan, oo kaba celinaya, dhegohoodana waxaa la saaray culays si ayan wax u maqlin. Markaadna Ilaahay keligiis Quraanka ku sheegtid, oo aad tiraahdid Laa ilaaha illaa Allaahu\الإله إال هللا, xagga dhabarkooday u jeestaan oo ay ka cararaan(46)Annagaa u cilmi leh waxay jeclaan lahaayeen inay maqlaan markay ku maqlaan adigoo Quraanka akhrinaya, ayagoo faqaya, oo adiga amarkaaga u faqaya, ayna gaaladu leeyihiin, waana Al Waliidu bin Al Mughiirah\ الوليد بن المغيرةiyo asxaabtiisa, midkaad raacaysaan ma aha waxaana ahayn nin la sixray oo sixran(47)Bal arag si day tusaalooyin kuugu yeeleen, oo ay u yiraahdeen waa gabayaa, waa saaxir, waa kaahin waa waalan yahay: markaasey lumeen oo ay baadiyoobeen, ayanna karin helidda dariiqa toosan ee xaqqa(48)Waxayna yiraahdeen: "Ma markaan lafo noqonno oo aan baaliyownno oo aan ciid noqonno ayaa dib naloo soo nooleynayaa oo mar kale nala abuurayaa?(49)Waxaad ku tiraahdaa: "Ahaada haddaad doontaan dhagax ama bir, oo xoogooda oo kale lahaada oo quluubtiinna sidaas ka dareema, ee waa la idin soo nooleynayaa(50)Ama ahaada abuur qaluubtiinna ku wayn, oo ah geerida lafteeda: taas idinla wayn haddaad ahaan lahaydeen intaan idin dilno ayaan hadana idin soo nooleyn lahayn." Markaasey waxay yiraahdeen: "Yaa nasoo nooleynaya dhimasho dabadeed?" Waxaad ku tiraahdaa: "Midka markiinna horeba idin abuuray, kaasoo awooda inuu hadana geeri dabadeed idin soo nooleeyo." Markaad sidaas ku tiraahdidna madaxay kuu ruxayaan, ayagoo jeesjeesaya, waxayna leeyihiin: "Waana goorma Qiyaamaha iyo soo nooleyntaas dambe?" Waxaad tiraahdaa: "Waxaaba dhici karta inayba dhowdahay, waana dowdahay(51)." Siday gaaladu muslimiinta taagta daran u colaadisay Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: "Markaasey gaaladu waxay colaadiyeen, oo ay ku ololeeyeen muslimiinta Rasuulka Ilaaahy, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, raacday oo asxaabtiisa ka mid ah. Markaasuu qabiil walba wuxuu ku booday muslimiinta u dhalatay oo ay xabbiseen, ayna ku cathaabeen garaacid, gaajo iyo harraad, iyo dhagaxda iyo quruuruxa kululkayga badan ee Makkah\ مكةmarkuu kulayka qorraxdu ugu badan yahay, intooda taagta daran, ayagoo doonaya inay Diintooda islaamka ka saaraan oo ay gaalnimo dib ugu celiyaan. Waxaa muslimiintaas taagta daran ka mid noqday mid markuu xanuunka waxa loo geystey ku batay fitnoobay oo Diintiisa ka laabtay, iyo mid u adkaystay oo uu Ilaahay ilaaliyey. Muslimiintaas taagta daran waxaa ka mid ahaa Bilaal\بالل. Bilaal\بالل Bilaal\ باللwuxu ahaa addoon intuu gatay uu xoreeyey Abuu Bakr Al Siddiiqu\أبوبكر الصديق, Allaah raalli ka noqdee. Bilaal\ باللwaxaa lahaan jiray nin reer Banii Jumax\ بني جمحu dhashay. 436 Bilaal\ باللwuxuu ku dhashay Makkah\مكة, waxaana aabihiis ahaa nin addoon ah oo la leeyahay, oo sidaasuu Bilaal\ باللaddoon ku noqday. Magaciisu waa Bilaal bin Rabaax \بالل بن رباح, kunayadiisuna waa Abaa Cabdu Al Kariim\أبو عبد الكريم, waxaana kaloo la yiri Abaa Cabdu Allaahi\أبو عبد هللا, waxaana kaloo la yiri Abaa Camr\أبوعمرو. Hooyadiisa dhashayna waa Xamaamah\حمامة. Bilaal\ باللwuxuu ahaa nin si run ah u islaamay, qalbigiisuna wuxuu ahaa daahir. Umayyah bin Khalaf bin Wabb bin Xuthaafah bin Jumax\ أمية بن خلف بن وهب بن حذافة بن جمحayaa markay duhurka tahay, oo ay qorraxdu ugu kulushahay, soo wada oo markaasu xagga dhabarka ugu seexiyaa dhagaxda Makkah\ مكةkorkooda. Markaasuu amar ku bixiyaa in dhagax weynaaday lasoo dandaamiyo oo markaas laabta laga saaraa. Markaasuu wuxuu yiraahdaa: "Sidaas ayaad ahaaneysaa ilaa aad ka dhimato, ama Muxammad\( محمدSallaa Alaahu Calayhi Wasallam) ku kufri oo waxaad caabuddaa Al Laata\ الالتiyo Al Cuzzaa\العزى." Markaasuu Bilaal\ باللwuxuu yiraahdaa, isagoo cathaabtaas ku sugan: "Axadun, Axadun\أحد،"أحد, isagoo Tawxiidka qiraya iyo inuu Ilaahay caabudayo, lehna "Waa Mid keli ah, waa Mid kali ah." Ibnu Isxaaq\ إبن إسحاقwuxuu yiri: "Waxaa soo ag marijiray Bilaal باللisagoo sidaas loo cathaabayo Waraqah bin Nawfal ورقة بن \نوفل, isaguna uu Leeyahay "Axadun, Axadun\أحد،أحد." Markaasuu wuxuu yiraahdaa: "Wa Allaahi Bilaalow\وهللا يا بالل, waa Axadun, Axadun|أحد،أحد." Kaddibna wuxuu u jeestaa xagga Umayyah bin Khalaf أمية بن خلفiyo inta reer Jumax\ جمحah oo sidaas u cathaabeysa, wuxuuna ku yiraahdaa: "Ilaahay ayaan ku dhaartaye haddaad dishaan isagoo taas ku taagan, qabrigiisa ayaan raxaamada Ilaahay ka barakaysanayaa." Markaas waxaa maalin soo maray Abuu Bakr Al Siddiiqu\أبوبكر الصديق, Allaha raalli ka noqdee, ayagoo waxaas ku falaya, oo guriga Abuu Bakr أبوبكرwuxuu ku yiillay xaafadda reer Banii Jumaxجمح. Markaasuu wuxuu ku yiri Umayyah bin Khalaf أمية بن خلف: "Ilaahay maad miskiinkaan uga cabsatid? Ilaa goormaad sidaas u cathaabeysaa?" Markaasuu Umayyah أميةwuxuu ku yiri: "Adigaa fasaadiyey ee ka badbaadi waxaad u jeeddo." Markaasuu Abuu Bakr أبوبكرwuxuu yiri: "Waa yeelayaa, oo waxaan leeyahay addoon madow oo ka dhallinyar, kana xoog badan, diintaadana ku taagan: isagaan ku siinayaa oo kaa dhaafsanayaa." Al Baghawii\ البغويwuxuu wariyay inuu addoonkaas magaciisu ahaa Nasdhaas\نسطاس. Wuxuu Umayyah أميةyiri: "Waan aqbalay, oo adigaa iska leh." Markaasuu Abuu Bakr Al Siddiiqu أبوبكر الصديقaddoonkiisaas siiyey, uuna Bilaal\ باللqaatay oo 437 uu xoreeyey." Ibnu Al Athiir\ إبن األثيرwuxuu yiri: "Bilaal\ باللwuxuu u hijrooday Al Madiinah\المدينة, wuxuuna noqday Mu'ath-thanka المأذنiyo khaazinka\ الخازنRasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Khaazinku waa ninka haya maalka iyo furaha bakhaaraha iyo kaydaka cunnada guriga Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Bilaal باللwuxuu ka qayb galay Badar\ بدرiyo Uxud\ أحدiyo inta duullaan oo uu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka qayb galayba. Bilaal باللisaga Umayyah bin Khalaf\أمية بن خلف, ninkuu addoonka u ahaa oo cathaabi jiray dilay maalinta Badr\ بدرisagoo gaal ah, waxaana la dilay asxaab kale, sidaan u arki doonno inshaa'a Allaahu\إن شاء هللا. Bilaal باللNabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, dabadiis wuxuu u haajiray oo u degay dalka Suuriya\سوريا, halkaasoo uu ku noolaa isagoo mujaahid ah. Markaasuu habeen Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku riyooday, isagoo ku leh: ""ما هذه الجفوة يا بالل؟ "Maa haathihi al jafwatu yaa Bilaalu?", oo macnihiisu yahay: "Waa maxay baarrinnimo xumidaani, oo aad iigi imaan weyday?" Markaasuu hurdada kasoo baraarugay isagoo tiiraanyeysan, uuna isla markiiba xagga Al Madiinah\ المدينةsoo aaday, oo uu Qabriga Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yimid. Markaasuu qabriga ku dul ooyaay oo uu ku kor galgashay. Markaasaa waxaa u yimid Al Xasan\ الحسنiyo Xusayn\الحسين. Markaasuu inta isku duubay ayuu dhundhunkaadaa, ay labadooduna ku yiraahdeen kaddib: "."نشتهي أن تؤذن في السحر “Nashtahii an tu’thana fii al ssaxri.” Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Waxaan jecelnahay inaad Salaadda subaxa u aathaantid." Markaasuu waabarigii masjidka dushiisa fuulay. Markuu yiri Ash-hadu an laa ilaaha illaa Allaahu\أشهد أن الإله إال هللا, ayay Al Madiinah\ المدينةgilgilatay. Markaasuu markuu yiri Ash-hadu anna Muxammadan Rasuulu Allaahi\أشهد أن محمدا رسول هللا ayay haweenkii muxajjabaadka ahaa guryohooda kasoo baxeen, lamana arag maalin laga boohin badan yahay, rag iyo haweenba, maalintaas. 438 Bilaal\ باللwiil la dhashay oo walaalkiis ahna waxaa la yiraahdaa Khaalidخالد, gabadha walaashiis ahna waxaa la yiraahdaa Ghufrah\غفرة. Bilaal\ باللwuxuu ku dhintay Dimishiq\ دمشقsanadka labaatanaad ee Hijrada wuxuuna uga duugan yahay Al Baabu Al Saghiir\الباب الصغير, albaabka yar, isagoo dhawr iyo lixdan jir ah, ciribna kama ayan harin. Allow u naxariiso Bilaal bin Rabaax \بالل بنن رباح, saaxiibka Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Dadkuu Abuu Bakr Al Siddiiqu\ أبوبكر الصديقgatay uuna xoreeyey Bilaal\ باللkaddib, Abuu Bakr Al Siddiiqu أبوبكر الصديقwuxuu intuu dadkii lahaa ka gatay uu xoreeyey, intuusan Al Madiinah\ المدينةu haajirin, si deed qof oo kale, Bilaalna\ باللuu ku sagaalyahay. Dadkaasu waxay kala yihiinyahay: (Kow) Caamir bin fuhayrah\عامر بن فهيرة, oo aan kitaabkeenna Nuurka Islaamka oo nasoo dhaafay uga soo warbixinnay. (Labo) Ummu Cubays\أم عبيس, ahna haweenta Kurayz bin Rabiicah bin Xabiib bin Cabdu Shams\كريز بن ربيعة بن حبيب بن عبد شمس, una dhashay wiil la yiraahdo Cubays \عبيس. Ummu Cubays أم عبيسislaamka bilawgiisay islaamtay, taasna waa lagu cathaabay, waxayna addoon u ahayd reer Banii Jumax bin Murrah\بني جمح بن مرة. Waxaa kaloo uu Cabdu Al Razzaaq\ عبد الرزاقwariyay in laga lahaa reer Banii Zuhrah\بني زهرة, uuna cathaabi jiray Al Aswadu bin Cabdi Yaguuth\األسود بن عبد يغوث. (Saddex) Zinnirah\زنيرة. Al Zarqaanii\ الزرقانيwuxuu soo guuriyay oo uu yiri: "Cumar\ عمرwuxuu lahaa addoon isga hortiis islaamtay, lana yiraahdo Zinniirah \زنيرة. Markaasuu islaamiddeeda ku dili jiray. Gaalada Qurayshna\ قريشwaxayba oran jireen: "Hadduu islaamku khayr leeyahay Zinniirah زنيرةnoogama ay hormarteen." Markaasuu Ilaahay Tacaala\ هللا تعالىwuxuu soo dejiyay Aayadda kow iyo tobnaad ee Suuratu Al Axqaafi\سورة األحقاف: ِ ٌ ونا إِلَ ْي ِه لوِا ْذ لَم يهرَ ُدوا بِ ِه فَسيقُولُون ه َذا إِ ْف َِِّ َِّ َ َوق )11( يم َ ُان َخ ْي ًار َما َس َبق َ َ ََ َ َمُنوا لَ ْو َك َ ين َكفَُروا للذ َ ال الذ َْ ْ َ ٌ ك َقد َ ين آ َ "Wa qaala allthiina kafaruu lillathiina aamanuu law kaana khayran maa sabaquunaa ilayhi wa ith lam yahtaduu bihi fa sayaquuluuna haathaa ifkun qadiimun(11)." Aayadda macneheedu waxaa weeye: "Gaaladii waxay ka yiraahdeen kuwa rumeeyey: "Hadday Diinta Muxammad\( محمدSallaa Allaahu Calayhi Wasallam) khayr leedahay hebel iyo hebel noogama ay hormareen." Markay ku hanuuni waayeen Quraankana, siday ugu hanuuneen kuwa rumeeyey, waxay 439 yiraahdeen: "Kani waa beenihii hore." Ibnu Sacadna\ إبن سعدsidoo kale ayuu wariyay. Markay islaantay kaddib ayay Zinniirah \زنيرةindho beeshay. Markaasey gaaladu waxay yiraahdeen: "Waxaa indho tiray Al Laata iyo Al Cuzzaa\الالت والعزى." Abuu Jahalna\ أبوجهلwuxuu ku yiri: "Al Laata iyo Al Cuzzaa الالت والعزىwaxay kugu faleen waad u jeeddaa." Markaasey waxay tiri: "Wa Allaahi\ وهللاinayan sidaas ahayn, oo Al Laata iyo Al Cuzzaa الالت والعزىkuwa caabudaba kama ay warhayaan, laakiin waxaan igu dhacay waa amar Samada ka yimid. Rabbigayna wuu awoodaa inuu araggayga ii soo celiyo." Markaasuu Ilaahay subixii habeenkaas ku xigay araggeeda usoo celiyay. Markaasey Qurayshi \ قريشwax ay tiri: "Kani waa sixirka Muxammad\( محمدSallaa Allaahi Calayhi Wasallam)." Markaasuu Abuu Bakr Al Siddiiqu\ أبوبكر الصديقgatay, uuna xoreeyey. Ibnu Athiir\ إبن أثيرwuxuu Usudu Al Ghaabah\ أسد الغابةku yiri: "Waa Zinniirah Al Ruumiyyah\زنيرة الرومية, oo roomaanka ahayd, oo ka mid ah kuwa horeba islaamka ugu horreeyey, waxayna addoon u ahayd reer Banii Makhzuum \بني مخزوم, oo sidaasuu Abuu Jahl\ أبوجهلku cathaabi jiray. Waxaa kaloo la yiri waxaa lahaa reer Banii Cabdu Al Daar عبد الدار." Al Ssaxxaar\ السحارwuxuu yiri: Zinniirah\ زنيرةmagaceedu waa Nawwaar bintu Numayrah ibnu Xaabis bin Thaclabah نوار بنت \نميرة إبن حابس بن ثعلبة, siday addoon ku notayna waa sidatan. Miyigaas Makkah\ مكةhareerihiisa ah waxaa degganaa ninka la yiraahdo Thaalim bin Cadiyyi \ ظالم بن عديoo u dhashay qabiilka wayn ee Banuu Tamiim\بنو تميم, tolkiisna madax u ahaa. Thaalim ظالمiyo raggiisu waxay ilaalo ahaan u raaci jireen oo ay burcadda ka ilaalin jireen labad safar ee Quraysh\قريش. Thaalim ظالمwuxuu lahaa in ka badan boqol haween oo u dhalay boqol wiil, gabdhaha u dhashana wuu duugi jiray, oo sidaasuusan gabarna ku lahayn. Haweenta wiil u dhasha wuxuu siin jiray khaymad fiican oo meel fiican ku taalla iyo dameer ay fuusho iyo addoon u adeega. Haweenta gabadha dhasha iyo middaan waxba dhalinna waxaa la dejin jiray saxrada, gaadiid iyo adeege midna lama siin jirin. Wuxuu qabiil kale ka gursaday haweeney la yiraahdo Bu'aysah bintu Xaabis bin Thaclabah\بؤيسة بنت حابس بن ثعلبة, markaasay gabar u dhashay. Markaasuu gabadha nolol ku duugay. Markaasay hadana uur yeelatay o isagoo maqan ay gabar kale dhashay. Waxayna ka baqday inuu Thaalim ظالمmarkuu soo noqdo uu duugo. Markaasay hooyadeed u dhiibtay inay u koriso, isagana markuu soo noqday waxay u sheegtay inay wiil mayd ah dhashay. Markaasuu wuxuu yiri: 440 "haweenta dhasha wiil mayd ah way dhali kartaa wiil nool." Markaasaa waxaa gabadheeda cunug ka dhigtay Bu'aysah \ بؤيسةwalaalkeed Numayrah\نميرة, wuxuuna u bixiyay Murayyah\مرية, oo macnihiisu yahay "geed yar." Bu'aysah بؤيسةwaxay Thaalim\ ظالمu dhashay oo kale laba wiil oo midkood Thu'ayb\ ذؤيبla yiraahdo, kan kalena Faatik\فاتك. Markay Murayyah\ مريةilaa toban ku dhowaatay ayay waxay Bu'asah بؤيسةka bariday hooyadeed inay gabadheeda u keento si ay u aragto, wayna yeeshay. Markaasaa ayadoo khaymaddeeda la joogta ayaa waxaa usoo galay Thaalim\ ظالمoo inta u bogay sheegay inuu guursanayo. Markaasay soddohdiis waxay ku tiri: "tolkeed ka doon." Wuxuu yiri: "tolkeed waa kee?" Waxay tiri: "waa annaga tolkeen." Markaasuu tuuladooda yimid isagoo gabadhaas ka doonaya. Markaasuu seedigiisa Bu'aysahبؤيسة la dhashay Numayrah نميرةwuxuu ku yiri: "gabdhaan ma guursan kartid." Wuxuu yiri: "maxaana dhacay?" Wuxuu yiri: "adigaa dhalay." Markaasuu waxa dhacay o idil u sheegay. Thaalim\ ظالمwuxuu gacanta ku dhegay gabadhiisa si uu usoo duugo. Gabdhaas waxaa raacday oo ay is jeclaayeen oo ay saaxiib ahaayeen gabadha uu dhalay Numayrah\ نميرةoo magaceedu yahay Nawwaar\نوار. Markaasuu gabdhiisa duugay, Nawaarna\ نوارuu meeshaas uga tegay. Nawwaar\ نوارway luntay oo tuuladeeda aqoon wayday oo waxay ahayd dhawr sano jir. Nawwaar\ نوارaabeheed markuu gabadhiisa waayay ayuu wuxuu u maleeyey inuu Thaalim \ظالم ayadana dilay oo duugay. Markaasuu wuxuu tegay tuulada Thaalim\ ظالمoo uu guriga walaashiis ayadoo uu Thaalim\ ظالمu jeedo iyo walaashiis Bu'aysah\ بؤيسةayuu Faatik\ فاتكoo labada wiil oo walaashiis dhashay midkood halkaas ku gawracay, isagoo Nawwaar\ نوارuga aar goosanaya. Markaasuu Thaalim\ ظالمciidan soo watay oo uu tuuladooda gubay dadkeeda o idilna wada dilay. Markaasay Nawwaar\ نوارwaxay usoo noqotay tuuladeeda oo la gubay axad noolna uusan joogin. Markaasay halkaas fariisatay ayagoo booyeysa. Markaasna way ka yartahay toban sano oo lix ama toddoba ayay jirtaa. Markaasaa waxaa halkaas soo maray safar oo inta qaatay Makkah \ مكةaddoon ahaan ugu gatay. Maadaama ayan gabadha iyo ninka soo helayba ayan wadan warqad caddayneysa inaan gabadhaas lasoo xadin, oo sidaas qofka gata uu uga baqayo in markuu lacagteeda bixiyo hadana laga daba yimaado oo laga ceshado, waxaa gadatay haweenay saaxirad iyo kaahinad ah oo magaceedu yahay Ummu Ja
© Copyright 2024