Taariikhda 2015-05-24 Waxaa dib loo cusboonisiin doonaa 2016-03-01 Information till nyblivna föräldrar på BB om vaccination mot tuberkulos Warbixin ku saabsan tallaalka looga hortago cudurka qaaxada, oo loogu talagalay dadyoowga dhowaan waalid noqday oo ku sugan waaxda dhalmada Dalka Iswiidan sidaas caadi ugu ma aha cudurka qaaxada (tbc), sidaas awgeed ayaa carruurta caadi ahaan looga tallaala cudurka. Fursada tallaalka waxaa la siiyaa oo keliya carruurta halis ugu jirto in cudurka la qaadsiiyo. Tallaalka waxaa caadi ahaan lagu dhaqaaqa markii ilmahu ay 6 bilood jiraan. Laakinse xaaladaha qaarkood waxaa ilmahu laga tallaala cudurka kaddib markii ay dhashaan. Halkaan hoos waxaa ku qoran su’aallo qiimaynta tallaala cudurka qaaxada awgeed la kaashan karo. Waxaa la idinku tallinayaa in dhallankiina cudurka qaaxada laga tallaalo xilliga aad ku sugan tihiin waaxda dhalmada haddii: qof qoyska ka tirsan ama qaraabo ah u hadda jirkiisa ku sido cudurka qaaxada waalidiinta dhallanka (ama qof kale oo ay qaraabo yihiin) ay asal ahaan ka yimaadeen dal gaar ahaan aad ugu badan cudurka qaaxada tbc, taasoo sababayso in ubadkiina u halis aad u sarayso ugu jiro in cudurka qaaxada la qaadsiiyo (wadamada u cudurku aad ugu badan yahay ka eeg dusha qoraalkaan) ubadkiina wuxuu 6 bilood gudahooda qaban doonaa dal gaar ahaan u cudurku qaaxada tbc aad ugu badan yahay, wuxuuna dhexgeli doonaa dadwaynaha dalkaas ku nool (wadamada u cudurku aad ugu badan yahay ka eeg dusha qoraalkaan) waxaa dhici karto in aan la hubin in ubadkiina u heli doono fursad lagu tallaalo rugta daryeel-caafimaadeedka carruurta (BVC) markii u 6 bilood buuxsado (tusaale xaalad magangelyo-doone) Waxaa la idinku talinayaa in ubadkiina cudurka laga tallaalo kaddib markii u 6 bilood buuxsado, waa haddii u berri hore jiray qof qoyska ka tirsan ama qaraabo ah, oo qabay cudurka qaaxada (usan qofkaas imminka u dhibanayn dhibaata cudurka, tusaale, qufac, hoos u daca miisanka) waalidiinta dhallanka (ama qof kale oo ay qaraabo yihiin) ay asal ahaan ka yimaadeen dal gaar ahaan u cudurka qaaxada tbc aad ugu badan yahay (wadamada u cudurku aad ugu badan yahay ka eeg dusha qoraalkaan) dhallankiina u 6 bilood kaddib qaban doonaa dal gaar ahaan u cudurka qaaxada tbc aad ugu badan yahay, wuxuuna dhexgeli doonaa dadwaynaha dalkaas ku nool (wadamada u cudurku aad ugu badan yahay ka eeg dusha qoraalkaan) Anagu kama tirsan nihi kooxaha kor ku tilmaaman Taariikhda: Waalidka: Tobbanka lambar aqoonsiga ee cunugga: Wadama ay ka jirto halista cudurka qaaxada 2015 (waa warbixin laga soo xigsaday qoraalka [WHO:s Global Tuberculosis Report 2014]) Halis gaar ahaan aad u sarayso(>300 fall per 100.000) Angola Botswana Central African Republic Djibouti Gabon Cambodja Kiribati Kongo Congo, Democratic Republic of the Lesotho Liberia Marshall Islands Mozambique Myanmar Namibia Nigeria Waqooyiga Korea Papua Nya Guinea Sierra Leone Swaziland Konfurta Afrika Zambia Zimbabwe East Timor Soomaaliya Eritrea Dhacdoonada cudurka qaaxada ee dalka Iswiidan ka dhaca, waxaa badi ahaan u sabab ah dadyoow cudurkeenaha jirkooda ku siday, kuwaasoo ka yimi dalalka Soomaliya iyo Eritrea Halis aad u sarayso (>100 dhacdoon 100.000-kiiba) Afghanistan Bangladesh Bhutan Bolivia Burundi Equatorial Guinea Ivory Coast Itoobiya Philippines Gambia Georgia Greenland Guinea Guinea Bissau Guyana Haiti India Indonesia Cameroon Cape Verde Kazakhstan Kenya Kyrgyzstan Laos Madagascar Malawi Morocco Mauritania Micronesia Moldavia Mongolia Nepal Niger Pakistan Peru Rumania Senegal Soomaaliya Sudan Konfurta Sudan Tajikistan Tanzania Chad Thailand Tuvalu Uganda Vietnam Korniinka halista (≥ 25 dhacdoon 100.000-kiiba) Algeria Armenia Azerbadjan Belize Benin Bosnia and Herzegovina Brasil Brunei Darussalam Bulgaria Burkina Faso Colombia Comoros Dominican Republic Ecuador El Salvador Eritrea Fiji Ghana Guam Guatemala Honduras Ciraq Yemen China Kosovo Latvia Libia Lithuania Malaysia Maldives Mali Nauru Nicaragua Northern Mariana Islands Palau Panama Paraguay Portugal Qatar Rwanda Russia Sao Tome and Principe Serbia Seychelles Singapore Solomon Islands Sri Lanka Suriname Korea Togo Tunisia Turkmenistan Ukraine Uruguay Uzbekistan Vanuatu Venezuela Belarus
© Copyright 2025