JANUARY 2015 Barnaamijka tallaalka carruurte ee norwiijiga Warbixin waalidka ku socota oo af-soomaali ku qoran The Norwegian Childhood Immunisation Programme Parent Information in SOMALI The text is based on the brochure: Vaksinasjon i barne- og ungdomsalder • Nasjonalt vaksinasjonsprogram Published by the Norwegian Institute of Public Health 2 Parent Information in English Why is it important to vaccinate? Muxuu muhiim u yahay tallaalka? SOMALI LAST UPDATED: SEPTEMBER 2014 Ka bilow dhalashada waxaan si joogta ah ula kulannaa tirooyin badan oo cuduro kala duwan ah, jeermiska iyo cudurada kale ee faafo. Badankood halis ma ahan, qaarkood faa'ido ayay leeyihiin, laakin kuwa waxay keeni karaan cuduro. Nidaamka difaaca jirka ayaa naga difaaca cudurada. Markii cudur nagu dhaco, difaaca jirka wuxuu sameeyaa dareemo badan si markaas loo adkeeyo cudurada faafa iyo la xakameeyo waxyeelada saameynta. Markii aad la kulanto cudurka faafa badanaa waxay difaacdaa nolasha oo dhan (difaaca jirka) si markaas qofka aan ugu dhicin isla cudurkii dhoor jeer. Tani waa sababta difaaca jirka “u xasuusto” cudurada faafa. Ka hortaga sahlan iyo saameynta cudurka halista ah Goortii aan tallaalno, difaaca jirka "xasuusta" waa la isticmaalay. Tallaalka gudahiisa, jeermis daciifsan ama faayruska, qeybo iyaga ka mid ah ama wax iyaga shabaha ayaa lagu daray jirka. Ka dib difaaca jirka wuu shaqeeynayaa inaga oo aan xannuunsan. Tani waa wado sahlan oo wax ku ool ah sida cudurada faafa ee halista ah looga hortagi karo. Cudurada qaarkood, tallaalka wuxuu u hogaaminayaa ka hortaga nolosha oo dhan ah, xaaladaha kale saameynta way is dhintaa dhoor sano ka dib iyo wuxuu xoojiyaa qiyaasta loo baahan yahay. Ilmaha-‐yar si wanaagsan ayay ugu adkeystaan tallaalada Difaaca jirka ee canuga mar hore ayuu diyaar ku noqday caloosha si uu ula dagaalamo cudurada faafa ee kala duwan uu ku dhaco dhalashada ka dib. Tallaalada waxay isticmaalaan kaliya qeyb yar oo kamid ah kartida difaaca jirka canuga iyo culeyska difaaca jirka oo waxbadan ka yar cudurada caadiga ah, sida qabowga. Sidaas darteed carruurta si wanaagsan ayay ugu adkeystaan tallaalka, oo ay ku jiraan qaadashada dhoor tallaal hal mar. Difaaca jirka bulshada Goortii bulshada badankood laga tallaalo cudurka, waxaa jirayo dhoor qofood oo laga tagay oo cudurka faafin kara. Tani waxay suurtogal ka dhigi kartaa in ay ka hortagto dhoorka aan la tallaalin. Oo ay la jirto caawinta tallaalka, waa suurtogal in gabi ahaanba la ciribtiro cudurada qaarkood caalamka oo dhan. Ilaa hadeer, tani waa la fulliyay oo cudurka faayruska ee furuqa ah. Barnaamijka tallaalka carruurta Barnaamijka tallaalka carruurta lagula taliyay iyo qaangaarka ku nool Norway waxaa ka mid ah tallaalada ka hortaga cudurada kala duwan: § § § § § § § § § § § faayruska-‐shubanka jeermiska-‐qumanka jeermiska-‐teetanada jeermiska-‐xiiq dheerta dabeysha caabuqa ay la jiraan Jeermiska jirka nooca (Hib) cudurka caabuqa ee dhiiga ku faafa jadeecada faayruska qumanka jadeecada rubella burooyinka (HPV), oo sababi karo kansarka afka ilmo galeenka SOOMAALI WHY IS IT IMPORTANT TO VACCINATE • LAST UPDATED 09.14 SOMALI THE NORWEGIAN IMMUNISATION PROGRAMME • PARENT INFORMATION 2 Why is it important to vaccinate? ________________________________________________________________________________________________________________________________________________ Carruurta qaarkood waxaa sidoo kale la siiyaa tallaalka loogaga hortago qaaxada (tiibada) iyo cagaarshowga B. Cuduradaan oo dhan waxay ku noqon karaan nolosha-‐halis ama keeni karaan dhibaatooyin daran. Ka fiiri qoraalka barnaamijka tallaalka hoos. Tallaalka sida caadiga ah wuxuu bilawdaa goortii canuga uu gaaro da'da lix bilood. Maadaama dhoor cudur laga tallaalay carruurta yar oo ay aadka u saameysay, waa in dib u dhaca laga ilaaliyaa. Garoojooyin xoojiya ayaa la siiyaa goortii canuga uu yahay da'da dugsiga. Faayruska shubanka waxaa afka laga siiyaa (tallaalka la cabo). Tallaalada kale waxaa lagu maamulaa durista (tallaalka). Meerkuriga looma isticmaalo sida xafidista wax ka mid ah tallaalada ku jira Barnaamijka Tallaalka Carruurnimada. Tallaalada iskujira Tallaalada iskujira waxaa la istcimaalayay ilaa bilowga Barnaamijka Tallaalka Carruurnimada Norwegian ka ee 1952. Kuwani waxay wataan tallaalo ka hortaga dhoor cudur oo isla saliingadii ah. Waxay micnaheeda tahay cirbido yar oo canuga ah. Isku jirka tallaalada waxay keenaan dhoor saameyn oo dhinaca ah oo aan ka aheyn goortii tallaalka la siiyo shaqsiyaadka. Tallaalada oo dhan waa iqtiyaar. Balanta tallaalka Lambarka. tallaalada Da'da canuga Tallaalka ka hortaga 6 isbuuc Faayruska-‐shubanka (afka laga siiyo) – Faayruska-‐shubanka (afka laga siiyo) jeermiska-‐qumanka, jeermiska-‐teetanada, 3 bilood jeermiska-‐xiiq dheerta, dabeysha, iyo caabuqa-‐Hib (DTP-‐IPV-‐Hib) cudurka caabuqa dh k f f jeermiska-‐qumanka, jeermiska-‐teetanada, 5 bilood jeermiska-‐xiiq dheerta, dabeysha, iyo caabuqa-‐Hib (DTP-‐IPV-‐Hib) cudurka b dh k f f jeermiska-‐qumanka, jeermiska-‐teetanada, 12 bilood jeermiska-‐xiiq dheerta, dabeysha, iyo caabuqa-‐Hib (DTP-‐IPV-‐Hib) cudurka caabuqa dh k f f 15 bilood Jadeecada, faayruska-‐qumanka, jadeecada rubella (MMR) Heerka 2aad qiyaastii jeermiska-‐qumanka, jeermiska-‐teetanada, jeermiska-‐ 7 ii dh t i d b h (DTPIPV ) 6th grade Jadeecada, faayruska-‐qumanka, jadeecada rubella approximately 11 (MMR) years Heerka 7aad, gabdhaha i ii 12 Heerka 10aad i ii 15 Burada aadanaha (HPV ) (Tallaalka ka hortago kansarka afka ilmo l k ) d h 3 j jeermiska-‐qumanka, jeermiska-‐teetanada, jeermiska-‐ ii dh i d b h (DTPIPV ) Qaaxada tiibiida (BCG) * – 1 1 1 1 1 1 1 1 1 1 garoojadiiba 1 1 Cagaarshowga B, 3 ama 4 garoojo * 1 garoojadiiba *Carruurta loo qeexay kooxyada halista ah (oo sida caadiga ah la siiyo ilmaha). Garoojooyinka xoojinta ka hortagta jeermiska-‐qumanka, jeermiska-‐teetanada, jeermiska-‐xiiq dheerta iyo dabeysha waxaa lagula taliyay dadka weyn 10 sano oo kasta. WHY IS IT IMPORTANT TO VACCINATE • LAST UPDATED 09.14 3 Parent Information in ENGLISH 4 BEFORE AND AFTER VACCINATION Tallaalka ka hor iyo ka dib SOMALI LAST UPDATED: SEPTEMBER 2014 Tallaalka ka hor Tallaalka ka hor, kalkaalisada caafimaadka bulshada waxay weydiineysaa hadii canuga uu caafimaad qabo iyo hadii dareemo uu dareemay tallaalka hore ka dib. Xasuuso in aad soo ogeysiiso canuga in uu qabo alarji ama dhibaato kale oo caafimaad. Hadii canuga uu hadeer ka helay daawo ama tallaal meel ka baxsan Barnaamijka Tallaalka Carruurta, warbixin ku saabsan midaan waa in sidoo kale la sheegaa. Tallaalida canug qabo hargab ama hadii kale waxyar oo sida cimilada ah halis ma ahan. Si kastaba, waa caadi in dib loo dhigo tallaalka dhacdada jiro lama fillaan ah iyo qandho ka weyn cabirka 38 ˚C. Carruurta dareento dareen aan caadi aheyn oo tallaalada hore ka dib iyo carruurta jirada halista qabto ama jirada dheeraatay waa in uu dhaqtar qiimeeyaa tallaalka ka hor. Waxaa laga yaabaa in ay muhiim noqoto xaaladaha qaarkood si looga weeciyo barnaamijka tallaalka. Tallaalka ka dib Carruurta badan waxay leeyihiin dareen yar ama dareen malahan tallaalka ka dib. Qandhada ka weyn 39 ˚C iyo/ama ka yaraato xaalada guud waxay noqon kartaa astaan jiro halis ah iyo muhiim ma ahan dareenka tallaalka. Sidaas darteed, mar walbo la xiriir dhaqtar hadii aad ka walaacsantahay canuga. Dareemaha tallaalka (dhinaca-‐saameynta) § § § § § Gaduudasho, barrar iyo xannuun oo dhinaca laga duray ah oo timaado waqti ka waqti ka dib markii tallaalada oo dhan lagu duro iyo waxay gaari kartaa dhoor maalmood. Qandho marmar ah, nasiinyo la'aan, oohin, hurdo la'aan, dareen wanaagsan la'aan ama cuntada uu ka go'o oo ay ku dhacdo tobankii canugba hal cunug tallaalka ka dib. Markay qandhada ka weynaato 39 ˚C caadi ma ahan. Carruurta yar, qandhada si dhaqsida ah u saa’ido waxay keeni kartaa qandhada goosgooska ah. Qandhada goos gooska ah halis ma ahan iyaga, laakin la xiriir dhaqtarka si loo ogaado cudurada kale ee daran. Maqaar cadaadka, dareenka aan wanaagsaneyn ama suuxdinta tallaalka ka dib aad ayay caadi ugu tahay carruurta weyn in ka badan carruurta yar iyo ku dhawaadkii waa marwalbo xaalada la xiriirta dareenka canuga oo tallaalka ah iyo/ama xannuunka ama xaalada. Dareenka alarjiga oo tallaalka ah waxay imaan kartaa xaalado marmar ah. Dareemanka alarjiga ugu halisan waxay imaadaan dhaqsidiiba tallaalka ka dib. Sidaas darteed, canuga waa in uu ku sugaa xarunta caafimaadka bulshada ugu yaraan labaatan daqiiqo tallaalka ka dib. TEXT BASED ON THE BROCHURE: CHILDHOOD AND ADOLESCENCE VACCINATION • NATIONAL VACCINATION PROGRAMME PUBLISHED BY THE NORWEGIAN INSTITUTE OF PUBLIC HEALTH P. O. BOX 4404 NYDALEN, 0403 OSLO TELEPHONE: +47 21 07 70 00 WWW.FHI.NO SOOMAALI BEFORE AND AFTER VACCINATION • LAST UPDATED 09.14 THE NORWEGIAN IMMUNISATION PROGRAMME • PARENT INFORMATION SOMALI BEFORE AND AFTER VACCINATION 2 ________________________________________________________________________________________________________________________________________________ Diiwaanka tallaalka qaranka SYSVAK SYSVAK waa diiwaanka tallaalka qaranka elektarooniga ah oo ay maamulaan Xeerka Nidaamka Buuxinta Xogta Caafimaadka Gaarka ah ee Norway iyo Sharciyada Diiwaanka SYSVAK. Ujeedada SYSVAK waa in ay joogteeyso dulmarka heerka tallaalka oo dadka gaarka ah iyo in lagu daboolo tallaalka si ku saleysan wadanka oo dhan. Adeegyada caafimaadka bulshada, diiwaanka sidoo kale waa qalab hubinayo in carruurta oo dhan la siiyay tallaalo kala duwan oo lagu qanco. Tallaalda oo dhan oo la siiyo waa in lagu qoraa SYSVAK. Ma jiraan fursad lagu diido qorista tallaalada laguugu siiyay Barnaamijka Tallaalka Carruurta. Tallaalada hore oo aan la qorin waxaa laga qorayaa gadaal. Magaca, lambarka aqoonsiga gaarka ah ee Norway, tallaalka iyo taariiqda tallaalka waxaa lagu qorayaa SYSVAK. Warbixinta waa la qorayaa iyo waxaa lagu haynayaa sida waafaqsan sharciyada quseeyo arimaha gaarka ah ee shaqsiyada ee adeega caafimaadka. Adeega onleenka Mine vaksiner Iyadoo la isticmaalayo adeegyada bulshada Mine vaksiner oo laga helo www.helsenorge.no, waaladiinta carrrurta ka yar 16 ka sano waxay heli karaan dulmar markasta ah oo ah tallaalkee ayaa canuga la siiyay. Ka dib markuu gaaro da'da 16 ka, shaqsiyaadka waa in ay iyaga shaqsiyadiisa ama shaqsiyadeeda u galaan. Waxaa loo baahanyahay Aqoonsi elektaroonik ah oo lagu galayo. Waxaa kale oo suurtogal ah in la daabaco dulmarka tallaalka oo afka Norway iyo Soomaali ah. BEFORE AND AFTER VACCINATION • LAST UPDATED 09.14 SOOMAALI 5 Parent Information in English 6 ROTAVIRUS VACCINE Tallaalka cudurka rotafayruus SOMALI LAST UPDATED: SEPTEMBER 2014 Cudurka rotafayruus Rotafayruusku wuxuu sabab u yahay qiyaastii kalabar shubanka iyo matagga ku yimaada carruurta yaryar. Rotafayruuska si aad u fudud ayaa loo kala qaadaa. Qaabka inta badan loo qaadaa waa ilmaha oo gacanta afka geliya kadib markii uu taabtay wax rotafayruus leh. Fayruusku wuxuu soo raacaa saxarada ka hor, kaddib iyo inta uu xanuunku ilmaha hayaba. Infakshanka rotafayruuska oo qofka ku dhaca qayb ahaan keliya ayuu qofka ka difaacayaa in uu mar kale ku dhaco ee kama wada difaacayo. Sidaas darteed ayuu cudurku carruurta intooda badan dhawr jeer ugu dhacaa inta ay yaryar yihiin. Nadaafadda gacmaha oo wacan ayaa yareyn karta is-‐qaadsiinta, laakiin si buuxda uma joojin karto. Cudurka rotafayruusku wuxuu inta badan leeyahay calaamado ka xooggan cudurrada kale ee caloosha iyo xiidmaha ku dhaca. Carruurta badankeedu cudurka waxay ka bogsadaan iyadoo aaney cilladdo ku imaan, laakiin qaar baa u baahda in la daaweeyo kaddib marka ay fuuqbaxaan (dehydrering). Haddii daaweynta lala habsaamo, wuxuu cudurku keeni karaa dhimasho, laakiin arrintaasi badanaa kama dhacdo qaybtan aynu dunida kaga nool nahay. Ka hor intaan tallaalka rotafayruuska lagu darin barmaamijka tallaalka carruurta, ku dhowaad 2/3 dalool oo ah carruurta isbataallada loo geeyo matagga iyo shubanka ayaa waxaa taas sabab u ahaa cudurka rotafayruuska. Sanad kasta 700 ilaa 1100 ilmood oo qaba rotafayruus ayaa la jiifin jiray isbitaallada si loo daaweeyo. Intooda badan waxay ahaayeen kuwo ka yar 2 sano. ENGLISH VACCINATION AGAINST ROTAVIRUS • LAST UPDATED 09.14 SOMALI THE NORWEGIAN IMMUNISATION PROGRAMME • PARENT INFORMATION 2 Why is it important to vaccinate? ________________________________________________________________________________________________________________________________________________ TALLAALKA ROTAFAYRUUS Tallaalka rotafayruus waxaa ku jira rotafayruus nool oo la daciifiyay. Tallaalka fayruusku cudurka rotafayruusku kuma ridayo ilmo caafimaad qaba. Tallaalku waa mid aad u shaqaynaya wuxuuna ku dhowaad 100% difaacaa infakshanka rotafayruus oo halis ah. Tallaalka rotafayruuska waxaa laga qaadanayaa afka wuxuuna leeyahay dhadhan macaan. Tallaalka ku jira barmaamijka tallaalka carruurta waxa uu ka kooban yahay laba goojo. Goojada u horreysa waxa ilmaha la siinayaa ugu horreyn marka uu jiro 6 toddobaad, ugu dambeynna marka ilmuhu yahay 12 toddobaad. Goojada labaad waxa la siinayaa marka uu marayo 3 billood ama ugu dambeyn marka ilmuhu jiro 16 toddobaad.. Tallaalku waxa uu shaqaynayaa ugu yaraan 3 ilaa 4 sanno, waana in ku filan difaacidda carruurta ugu yaryar uguna nugul. Ogeysii xarunta caafimaadka haddii ilmuhu xilli dhaw helay/qaatay dawooyin, qabo xaasaasiyad ama dhibbaatooyin caafimaad oo kale. Waxaa la soo jeedinayaa in dib loo dhigo tallaalka haddii uu ilmuhu qabo xanuun infekshan ah oo ku-‐ soo-‐bood ah kaas oo wata qandho ka sarreysa 38 ºC ama xanuun infakshan caloosha iyo xiidmaha ah oo ku-‐soo-‐bood ah kuwaas oo wata shuban ama matag. Waxyeellooyinka danbe ee caadiga ah (bivirkninger): Waxyeellooyinka danbe ee ugu caadisan ee la xiriira tallaalka barmaamijka tallaalka carruurta (Rotarix) waa: • Cuncun (irritabilitet), saxaro jilcan ayaa lagu arkaa ugu badnaan 1 ka mid ah 10-‐kii ilmood ee la tallaalo. Calool-‐xanuun, caloosha oo hawo gasho, falcelin maqaar ayaa lagu arkaa ugu badnaan 1 ka mid ah 100-‐ kii ilmo ee la tallaalo. Waxa jirta xaalad la og yahay oo aan inta badan dhicin oo ku timaadda xiidmaha carruurta yaryar (tarm-‐invaginasjon). Qayb ka mid ah xiidmaha ayaa gala qaybta ka hooseysa. Norway waxa sannad kasta isbitaal la jiifiyaa 35 ilaa 40 carruur ah oo ka yar 1 sanno oo qaba dhibkaas. Cilmi-‐baaris ayaa sheegaysa in tiradaasi in yar kordhi karto marka la hirgeliyo tallaalka rotafayruuska (ugu badnaan 1 jeer oo dheeraad ah marka 20 000 la tallaalo), gaar ahaan marka la tallaalo wixii ka weyn da’ gaar ah. Taas daraadeed, waxa loo baahan yahay in goojada koowaad la siiyo ugu danbayn marka uu ilmuhu yahay 12 toddobaad, goojada labaadna ugu danbayn marka uu ilmuhu yahay 16 toddobaad. TEXT BASED ON THE BROCHURE: CHILDHOOD AND ADOLESCENCE VACCINATION • NATIONAL VACCINATION PROGRAMME PUBLISHED BY THE NORWEGIAN INSTITUTE OF PUBLIC HEALTH P. O. BOX 4404 NYDALEN, 0403 OSLO TELEPHONE: +47 21 07 70 00 WWW.FHI.NO VACCINATION AGAINST ROTAVIRUS • LAST UPDATED 09.14 ENGLISH 7 Parent Information in ENGLISH 8 VACCINE AGAINST DIPHTHERIA, TETANUS, WHOOPING COUGH, POLIOMYELITIS AND HIB INFECTION SOMALI LAST UPDATED: SEPTEMBER 2014 TALLAALKA LOOGA HORTAGO JEERMISKA-‐QUMANKA, JEERMISKA-‐ TEETANADA, JEERMISKA-‐XIIQ DHEERTA, DABEYSHA IYO CUDURKA HIB Jeermiska-‐qumanka waa cudurka sanka iyo dhuunta oo uu sababo jeermiska qumanka. Jeermiska wuxuu abuuraa sun oo weerari karto wadnaha, kilyaha iyo xididada jirka. Cudurka waa la dili karaa. Xiligii lagu gudo jiray iyo ka dib Dagaalkii Labaad ee Aduunka, waxaa ka jiray Norway jeermiska-‐qumanka ee faafo. Ka dib markii tallaalka lays baray 1952 dii, dhoor dacwadood oo cudurka ah kaliya ayaa dhacday cudurka dibada ka dib. Jeermiska-‐qumanka wuxuu sii waday in uu ka dhaco qeybo Yurubta ah iyo qeybo kale oo aduunka ah. Jeermiska-‐teetanada Waxaa keeno jeermiska laga helo ciida. Cudurka wuxuu imaan karaa goortii jeermiska uu gaaro dhaawaca. Cudurka lagma qaado qofka qaba. Jeermiska wuxuu abuuraa sun oo soo weerarto xididada jirka iyo waxay sababtaa murqo xumi iyo xanuun maroojin ah. Cudurka aad ayuu dilaa u yahay. Wuu ku yar yahay wadamada waqooyiga Yurub halka uu kaga badan yahay gobalada cimilada kulul. Jeermiska-‐xiiq dheerta (xiiq-‐leey) Waa (isbuucyo 6–12) oo cudurka neefsiga uu aad ugu dhaw yahay qufaca. Jeermiska-‐xiiq dheerta wuxuu keeni karaa waxyeelo maskaxda ah sababtoo ah oksijiin la'aanta xiliga qufaca ku haboon, iyo dacwadaha marmarka dhaco waa dhimasho. Waxay u noqon kartaa halis carruurta yar, gaar ahaan ilmaha. Si carruurta iyo dadka waaweyn, cudurka wuxuu noqon karaa waqti dheer iyo wuxuu dhibaateyn karaa, laakin halista nolasha waa dhif. Cudurka aad ayuu u faafaa – ku dhawaadkii 100 % oo dadka ah way qabaan cudurka inta aanan bilaaban tallaalka. Dabeysha Cudur faayruska oo sida caadiga ah sababo aastaamaha sida-‐qabowga, kor cuncunka iyo shubanka. Wuxuu sababi karaa caabuq fadhiga maskaxda (caabuqa jeermiska) iyo wuxuu keeni karaa naafo nimo joogta ah. In loo dhintana way dhacdaa. Inta uusan tallaalka imaanin 1957 tii, waxaa jiray cudurka dabaysha faafo oo sanadle ka ah Norway oo boqolaal carruur iyo dhaliinta qaangaarka oo ay si toos ah u naafoobaan. Ilaa 10 % way dhintaan. Tallaalka markii la keenay ka dib, cudurkii wuxuu noqday mid ka xakameysan Norway iyo wadamo kale. Yurub waxay ku dhawaaqday in ay cudurka dabeysha ka xurowday 2002, laakin cudurka weli wuu ka dhacaa dhoor wadan oo Afrika iyo Asiya. Dadka aan la talaalin way saameyn kartaa goortii ay safraan iyo way sii qaadsiin karaan dadka kale oo aan ka tallaalneen ka dib goortii ay yimaadaan wadanka. Cudurka hib Jeermiska nooca Jeermiska (Hib) wuxuu ahaa tan mar walbo sababo caabuqa fadhiga maskaxda (caabuqa jeermiska) oo carruurta qaar ee ka yar 5 sano ee ku nool Norway inta aan la helin tallaalka. Hib waxay sidoo kale keeni kartaa dhaawacyo halis ah sida wareentada, barrarka iyo dalqada. Talaalka markii la keenay ka dib 1952 dii, cudurada Hib ku dhawaadkii kama jirin Norway. TEXT BASED ON THE BROCHURE: CHILDHOOD AND ADOLESCENCE VACCINATION • NATIONAL VACCINATION PROGRAMME PUBLISHED BY THE NORWEGIAN INSTITUTE OF PUBLIC HEALTH • P. O. BOX 4404 NYDALEN, 0403 OSLO • TEL: +47 21 07 70 00 WWW.FHI.NO SOMALI VACCINATION AGAINST DIPHTHERIA, TETANUS, WHOOPING COUGH AND HIB INFECTION • LAST UPDATED 09.14 SOMALI THE NORWEGIAN IMMUNISATION PROGRAMME • PARENT INFORMATION 2 VACCINE AGAINST DIPHTHERIA, TETANUS, WHOOPING COUGH AND HIB INFECTION ________________________________________________________________________________________________________________________________________________ TALLAAL SHANTA QEYBOOD AH OO LOOGA HORTAGO JEERMISKA-‐QUMANKA, JEERMISKA-‐TEETANADA, JEERMISKA-‐XIIQ DHEERTA, DABEYSHA IYO CUDURKA HIB Tallaalka looga hortago jeermiska-‐qumanka iyo jeermiska-‐teetanada wuxuu ku saleysan yahay sunta jeermiska uu abuuro, laakin saameynta sunta waalaga saaray. Tallaalka jeermiska-‐xiiq dheerta waxay wadataa qeybo la sifeeyay oo jeermiska-‐xiiq dheerta. Tallaalka dabaysha waxay wadataa dilaaga faayruska dabeysha oo sadexda nooc oo u keeni karo aadanaha cudur. Tallaalka Hib wuxuu wataa qeybo ka mid ah kaabsolka sokorta jeermiska (polysaccharide) oo isku jirka borotiinka ah. Ma jiraan qeybo tallaalka ah oo nool. Markii sadex garoojo sida loogu tilmaamay barnaamijka, carruurta waxay haystaan ka hortaga joogtada oo cudurka Hib ah. Cudurada kale, garoojooyinka xoojiya ayaa looga baahanyahay oo la siiyo goortii canuga uu gaaro da'da dugsiga. Saameynta-‐dhinaca guud: Nasiinyo la'aanta, xanaaqa, oohinta, aan dareemeyn fiicnaan, hurdo la'aanta, cunto yarida ama dareenka xanuun oo 1–2 maalmood ah ka dib markii tallaalka uu ku dhaco ilaa 1 oo 10 kii qof oo dadka la tallaalay ah. Xaaladaha qaarkood way adagtahay in la ogaado hadii aastamaaha ay yihiin sababta tallaalka ama wax kale. Gaduudashada, barrarka, xannuunka oo dhinaca tallaalka ah sidoo kale waxay ka dhacdaa ilaa 1 oo 10 ah ka dib markii tallaalka iyo waxay gaari kartaa dhoor maalmood. Badanaa, dareemaha xannuunka marmarka dhaco. Qandhada kooban oo dhacdo ilaa 1 oo 10 qof oo horay loo tallaalay ah. Inka yar 1 oo 100 waxay qabaan qandho ka weyn 39 ˚C. Dacwado noocaas, waa in dhaqtar lala xiriiraa sababtoo ah qandhada waxay keeni kartaa sababo kale oo u baahan daaweyn. TALLAAL AFAR-‐QEYBOOD AH OO LOOGA HORTAGO JEERMISKA-‐QUMANKA, JEERMISKA-‐TEETANADA, JEERMISKA-‐XIIQ DHEERTA IYO DABEYSHA Tallaal isku dar ah oo laaga hortago jeermiska-qumanka, jeermiska-teetanada, jeermiska-xiiq dheerta iyo dabeysha waxaa loo bixiyaa sida garooja xoojiyaha ah da'da hore ee dugsiga, sida caadiga ah fasalka 2. Ka hortaga wuxuu yareeyaa waqti ka dib iyo garoojada xoojiyaha waxaa lagu bixiyaa fasalka 10. VACCINATION AGAINST DIPHTHERIA, TETANUS, WHOOPING COUGH AND HIB INFECTION • LAST UPDATED 09.14 SOMALI 9 Parent Information in ENGLISH 10 VACCINE AGAINST PNEUMOCOCCAL DISEASE SOMALI LAST UPDATED: SEPTEMBER 2014 TALLAALKA LOOGA HORTAGO CUDURKA CAABUQA EE DHIIGA KU FAAFA Cudurka caabuqa ee dhiiga ku faafa Waxaa jira in ka badan 90 nooc oo cudurada kala duwan ee jeermiska cudurka caabuqa ee dhiiga ku faafa ah. Dhoor ka mid ah kuwaan waxay u keeni karaan aadanaha cuduro, sida caadiga ah wareentada, hindhisada iyo caabuqa dhagta dhexe. Maraka qaarkood dhaawaca wuxuu noqon karaa halis weyn, sida sunta dhiiga (jeermiska) ama caabuqa fadhiga maskaxda (caabuqa-‐jeermiska). Jeermiska cudurka caabuqa ee dhiiga ku faafa wuxuu u keeni karaa cuduro labadaba carruurta iyo dadka weyn, laakin waxaa jiro noocyo kale duwan oo xukuma kooxyada da'da kale duwan ah. Xaaladaha intooda badan oo halista cudurka caabuqa ee dhiiga ku faafa waxay ku dhacdaa canug walbo oo yar, oo shaqsi ahaan in kabadan 65 iyo qof ahaan oo ay la jiraan arimo halis gaar ah. Barashada tallaalka ka hor, 60–80 carruur gaaraysa oo ka yar da'da labo sanno jirka ayaa waxaa saameeyo sanad kasta halista cudurka caabuqa ee dhiiga ku faafa. Carruurta badanaa horay ayay u caafimaad qabeen iyo gaar ahaan uguma dhicin cudurka. TALLAALKA CUDURKA CAABUQA EE DHIIGA KU FAAFA Tallaalka wuxuu wataa qeybo ka mid ah kaabsolka sokorta jeermiska (polysaccharide) oo isku jirka borotiinka ah. Tallaalka wuxuu ka hortagaa 13 nooc oo cudurka caabuqa ee dhiiga ku faafa. Barashada tallaalka ka hor, 13 kaan nooc waxay ahaayeen sababaha qeybta wax ku oolka ah ee cudurada caabuqa ee dhiiga ku faafa oo caruurta ka yar da'da labada. Tallaalka sidoo kale wuxuu yareeyaa tirada dacwadaha caabuqa dhaqta dhexe oo ay keeneen noocyadaan cudurka caabuqa ee dhiiga ku faafa. Tallaalka ma ka hortagto cudurka sida ay sababtay cudurka caabuqa ee dhiiga ku faafa oo aan ka aheyn 13 ka ku jiro tallaalka. Ma ka hortagto cudurka sababo jeermiska kale ama faayruska ah. Tallaalka carruurnimada ka hortaga faayruska caabuqa dhiiga ku faafa waxaa la siiyaaa isla markaas sida tallaalka isku darka ah ee ka hortago jeermiska qumanka, jeermiska-‐teetanada, jeermiska-‐xiiq dheerta, dabeysha iyo cudurka Hib. Saameynta-‐dhinaca guud: Gaduudashada, bararka, danqashada ama xannuunka oo dhinaca tallaalka ah waxay dhacdaa in kabadan 10 % oo dadka tallaalan iyo waxay jiri kartaa kartaa dhoor maalmood. Nasiinyo la'aanta, xanaaqa, oo hinta, dareen wanaag la'aanta, hurdo la'aan, cunto yarida ama dareenka jiro oo 1–2 maalmood ah ka dib markii tallaalka uu ku dhaco dadka qaarkii. Way adagtahay in la ogaado hadii aastamaaha noocaas ah ay sabab u utahay tallaalka ama wax kale. Qandho kooban ayaa dhacdo. TEXT BASED ON THE BROCHURE: CHILDHOOD AND ADOLESCENCE VACCINATION • NATIONAL VACCINATION PROGRAMME PUBLISHED BY THE NORWEGIAN INSTITUTE OF PUBLIC HEALTH • P. O. BOX 4404 NYDALEN, 0403 OSLO • TEL: +47 21 07 70 00 WWW.FHI.NO SOMALI VACCINATION AGAINST PNEUMOCOCCAL DISEASE • LAST UPDATED 09.14 VACCINE AGAINST MEASLES, MUMPS AND RUBELLA SOMALI (MMR VACCINE) 11 LAST UPDATED: SEPTEMBER 2014 TALLAALKA KA HORTAGO JADEECADA, FAAYRUSKA QUMANKA IYO JADEECADA RUBELLA (TALLAALKA MMR) Jadeecada Waa cudurka ugu halisan ciyaalnimadeena. Cudurka aad ayuu u faafaa. Kuwa ka mid ah kuwa ku soo koray inta aan la helin tallaalka, in ka badan 99 % waxaa ku dhaco jadeeco. Cudurka wuxuu ku bilawdaa astaamaha sida-‐qabow iyo qandho sareyso, oo ay la jiraan finan. Jadeecada badanaa waxaa la jiro dhibaatooyin sida wareentada, iyo dhag bararka dhexe. Natiijooyinka halista ah sida caabuqa maskaxda (jeermiska maskaxda), dhaawaca joogtada ah ee maskaxda iyo dhimashada dhacdo. Aduunka oo dhan, qiyaastii 120,000 oo dad ah ayaa u dhinta jadeeco sanad walbo, badankood carruur ah. Dilaacida jadeecada oo ay dhimasho la jirto ayaa sidoo kale ku dhacdo dadka aan tallaalneen oo qeybteena aduunka ah. Faayruska qumanka Waa cudur faayrus keeno oo sababo qandho iyo barar oo dhabanka dhagta horteeda ah. Dhibaatooyinka ugu badan waa faayruska qumanka ee jeermiska, taas oo sida caadiga ah u gudbiyo iyada oo aan waxyeelo joogta ah gaarsiin. Dhibaatada ugu halisan waa dhagoolnimada joogtada ah. Hadii wiilasha uu ku dhaco faayruska qumanka qaangaarka ka dib, faayruska wuxuu weerari karaa xaniinyaha iyo wuxuu keeni karaa in uu yareeyo dhalmada, laakin ku dhawaadkii ma ahan dhalaysnimada. Jadeecada rubella Waa cudur qafiif ah oo keeno qandho iyo finan oo labadaba ah carruurta iyo dadka weyn. Hadii naag uur ah uu ku dhaco jadeecada rubella, cudurka wuxuu u keeni karaa canuga aan dhalanin dhaawac halis ah. Halista curyaannimada waa in ka badan 80 % oo cudurka bilaha ugu horeeya ee uurka ah. Micnaha ugu weyn ee cudurka oo naagaha uurka leh ah wuxuu la xiriira carruurta qabto cudurka. Cudurada dilaaca qaarkood, nimanka aan tallaalneen ayaa illaha cudurka ahaa. Sidaas darteed, waa muhiim in carruurta oo dhan la tallaalo. TEXT BASED ON THE BROCHURE: CHILDHOOD AND ADOLESCENCE VACCINATION • NATIONAL VACCINATION PROGRAMME PUBLISHED BY THE NORWEGIAN INSTITUTE OF PUBLIC HEALTH • P. O. BOX 4404 NYDALEN, 0403 OSLO • TEL: +47 21 07 70 00 WWW.FHI.NO VACCINATION AGAINST MMR • LAST UPDATED 09.14 SOMALI SOMALI 12 THE NORWEGIAN IMMUNISATION PROGRAMME • PARENT INFORMATION 2 VACCINE AGAINST MEASLES, MUMPS AND RUBELLA (MMR VACCINE) ________________________________________________________________________________________________________________________________________________ TALLAALKA MMR Tallaalka ka hortaga jadeecada, faayruska qumanka iyo jadeecada rubella waxaa loo yaqaan magaca tallaalka MMR. Magaca la soo gaabiyay wuxuu ka yimid magacyada cudurada: Jadeecada, Faayruska qumanka Jadeecada Rubella. Tallaalka waa tallaal isku jir ah oo wato nolol, daciifiya jadeecada, faayrusyada qumanka iyo jadeecada rubella. Garoojada koowaad ee MMR ka dib, taas oo sida caadiga ah la siiyo da'da 15 ka bilood, in ka badan 90 % oo kuwa la tallaalay ah way ilaalsanyihiin sanooyin badan, laga yaabo nolasha oo dhan. Garoojo cusub ayaa la siiyaa da'da 12 ka si loo hubiyo ka hortaga 10 % ee ugu dambeysay iyo si loo hubiyo ka hortaga waqtiga-‐dheer. Halis ma ahan in la tallaalo qof mar hore qabo hal ama in kabadan oo cudurada ah. Maadaama tallaalka MMR ay tahay tallaal nolasha daciifiya, waa muhiim in kuwa masuulka ka ah canuga in ay ugeysiiyaan kaalisada tallaalka ka hor hadii canuga ay haysto difaac daro jirka ah ama uu daawo qaato. Saameynta-‐dhinaca: Xannuun kooban, gaduudashada iyo barrarka oo dhinaca tallaalka ah ayaa dhacdo. Hal ama Labo isbuuc oo tallaalka ka dib, carruurta qaarkood waxaa ku dhaco aastaamo yar oo cudurka laga tallaalay ah, laakin tani waxay ku dhacdaa 20 kiiba 1 dhif ah. Aastaamaha ugu weyn waa qandho iyo finan. Cudurka iyo tallaalka faayruska ma la kala qaado. Dhibaatooyinka dhacdo marmar cudurada kadib ama aan dhicin tallaalka ka dib. 1997 dii, waxaa la soo jeediyay xaqiijin ah in tallaalka MMR uu keeni karo curyaannimada maskaxda. Tirooyin ah daraasadaha ugu weyn oo ilaa iyo hadeer la sameeyay oo dhammaan si xoogan u tilmaamayaan in tallaalka MMR uu san keenin curyaanimada maskaxda ama waxyeelo kale oo maskaxda ah. SOMALI VACCINATION AGAINST MMR • LAST UPDATED 09.14 The Norwegian Childhood Immunisation Programme Parent Information in ENGLISH SOMALI 13 VACCINE AGAINST CERVICAL CANCER (HPV VACCINE) LAST UPDATED: SEPTEMBER 2014 TALLAALKA LOOGA HORTAGO KANSARKA ILMO GALEENKA (TALLAALKA HPV) Cudurka hpv iyo kansarka ilmo galeenka Kansarka Ilmo galeenka waa cudur halis ah. Gudaha Norway, haween gaaraya 250–300 ayuu ku dhaca cudurkaan sanad kasta, iyo 75–100 ka mid ah haweenkaas way u dhintaan. Taas waxaa sii dheer, ku dhawaadkii 3000 haween gaaraya ayaa lagu qalaa si joogta ah oo marxaalad halis ah kansarka ilmo galeenka. Naagaha uurka leh oo horay u maray qaliin noocaas ah waxaa sii koradha halista kasooridida ama in canuga uu ku dhaso dhicis. Kansarka ilmo galeenka waxaa keeno faayruska loo yaqaan burada aadanaha (HPV). Waxaa jira noocya badan oo HPV ah. Nooc walbo wuxuu leeyahay lambarkiisa ugaarka ah. Ugu yaraan toban iyo labo nooc oo HPV ayaa keeni karo kansarka ilmo galeenka. Labada ugu caansan waaa HPV 16 iyo HPV 18. Gudaha Norway, labadan nooc ee faayrus waa kuwa sababo ku dhawaadkii boqolkiiba 70 dhammaan dacwadaha kansarka ilmo galeenka. Noocyada kale ee HPV waxay keeni karaan burooyin gudaha ah iyo xubnaha taranka iyo /ama mindhicirka, laakin ma ahan kansar waxa keenayo. Ku dhawaadkii burooyinka xubnaha taranka oo dhan waxaa sababo HPV 6 ama HPV 11. Qaadida HPV aad ayay u sahlan tahay xiliga lagu gudo jiro xiriirka galmada iyo sida caadiga ah ma keeno aaastaamo. Dadka badanaa waxaa ku dhaca cudurka HPV xiliga lagu gudo jiro koorsada noloshooda. Aad ayay ugu badan tahay in aad ku qaadid da'da yar. Cudurka HPV dacwadaha badanaaba wuxuu u baaba'aa iqtiyaarkiisa. Hadii cudurka sababayo kansarka HPV uu gaaro waqti dheer, waxaa imaan kara heerarka diyaargarow kansarka ilmo galeenka oo (isbedelada unugyada) ah. Sida heerarka diyaar garowga waxay si dheeraad ah iskugu bedeli karaan kansarka ilmo galeenka. Nidaamkaan sida caadiga waxay qaadataa 10–30 sano. TALLAALKA HPV Tallaalka HPV wuxuu wataa faayruska-‐sida qeybaha sameeyo qamiirka unugyada oo ay lajirto gargaarka cilmiga DNA. Tallaalka mid nool ma ahan. Tallaalka HPV waxay ka hortagtaa HPV 16 iyo 18 iyo heerarka diyaar garowga kansarka ilmo galeenka oo sababo labadaan nooc ee HPV. Tallaalka HPV ee lagu siiyay Barmnaamijka Tallaalka Carruurnimada sidoo kale wuxuu ka hortagaa burooyinka xubnaha taranka oo sababo noocyada HPV 6 iyo 11. Tallaalka wuxuu bixiyaa in kabadan 95 % oo ka hortaga HPV 6, 11, 16 iyo 18. Waayo aragnimadu waxay na tuseysaa in tallaalka uu sii hormariyay saameynta ka hortaga oo in kabadan todobo sano oo tallaalka ka dib ah. Xiliga ka hortaga waxaa si taxadar u dabagalay maamulada daawooyinka. Hadii loo baahdo, qaadashada garoojada xoojiyaha waa laguu gula talinayaa. Tallaalka HPV waxaa la siiyaa gabdhaha fasalka 7. Tallaalka waxaa lagu duraa gacanta kore. Si markaas si buuxdo loo tallaalo, waa in la siiyaa sadex garoojo, u qeybi in ka badan 6–12 bilood. Tallaalka HPV wuxuu leeyahay saameyn ka hortag ah iyo waa in la qaataa ka hor inta aan cudurka ku dhicin. Sidaas darteed, tallaalka HPV waxaa lagu siiyaa barnaamijka tallaalka gabdhaha waqti fiican ka hor galmada da'da ugu horeysa ee Norway. Saameynta-‐dhinaca: Saameynta-‐dhinaca ugu caansan ee tallaalka HPV waa barrar iyo danqasho gacanta meesha laga duray tallaalka ah. Tani waxay baaba'daa dhoor maalmood kadib. Qandhada kooban, madax xannuun, lalabo, matag, shuban iyo callool xannuun sidoo kale waa la soo wargeliyay. Suuxdin oo tallaalka ka dib ah caadi ma'ahan iyo ku dhawaadkii waa marwalbo waxaa sabab u ah jawaabaha cirbida iyo/ama xannuunka ama xaalada. VACCINATION AGAINST HPV • LAST UPDATED 09.14 14 The Norwegian Childhood Immunisation Programme Parent Information in ENGLISH VACCINE AGAINST TUBERCULOSIS TALLAALKA LOOGA HORTAGO TIIBISHADA SOMALI LAST UPDATED: SEPTEMBER 2014 Tiibishada Tiibashada waxaa keeno caabuqa jeermiska tiibishada. Kaliya tiibisha sambabada oo aan la daaweyn ayaa faafa. Sida caadiga ah ee cudurka waa dhecaanka caabuqa ee qofka qunfaco jeermiska. Ku dhawaad 10 % oo dad qaaday way jiradaan, iyo sanooyin badan ayaa dhammaan karo inta cudurkan uu san hormarin ka hor. Cudurka badanaa wuxuu soo weeraraa sambabada, laakin wuxuu sidoo kale keeni karaa caabuq qeybo kale oo jirka ah sida fadhiga maskaxda, qanjirada, mandhiciirada, lafaha, xubnaha iyo kelyaha. Norway waxay ka mid tahay wadamada aduunka oo leh dhacdooyinka ugu yar ee tiibishada, 350-‐400 oo dacwado cusub sanad walbo. Ilaa waqtigii 1997, waxaa jiray hoos u dhac tirada dacwadaha ah. Sanadihii ugu dambeeyay, waxaa jiray kordhasho badan sababtoo ah socdaalka ka imaanayo wadamada dhacdada cudurka uu ku sareeyo. Ku dhawaadkii 90 % oo kuwa la xannuunsaday waxay ku dhasheen wadan dhacdada tiibishida uu ku sareeyo, iyo badankood waxay saameysay inta aysan imaanin Norway. Inkastoo xitaa ay yar tahay halista lagu qaado tiibishada gudaha Norway, waxay ku sareyn kartaa deegaanka la xiriiro wadamada meesha cudurka uu caadiga ka yahay. Sidaas darteed tallaalka BCG ayaa la siiyaa carruurta leh xiriirka noocaas ah. TALLAALKA TIIBISHADA Tallaalka wuxuu wataa nolol, tabar daro jeermiska tiibishada ah, Bacille Calmette Guérin, iyo waxaa loo yaqaan BCG. Tallaalka waxaa lagu duraa gacanta bidixda ee kore. Sida caadiga "fin" yar ama nabar yar oo xanuun ah ayaa ka soo baxayo dhinaca durmada dhoor isbuuc ka dib. Xannuunka ma wax yeeleyneyso, iyo way bogsootaa waqti gaaban ka dib. Dadka qaarkii sidoo kale qanjirada ayaa barraro oo ka dareemo sida kilkisha in uu gumac ugu jiro. Ilaa iyo 80 % oo kuwa tallaalan waxay helaan ka hortaga tiibishada ah. Ka hortaga wuxuu shaqeeyaa 1–3 bilood tallaalka ka dib iyo waqti dheer ayuu raagaa. Waxaa lagula taliyay in tallaalka carruurta la siiyo da'da lixda isbuuc ah. Adigoo tallaalayo carruurta, tiibisho halis ah oo aasaasanto sanooyinka hore ee nolasha ayaa si gaar ah ay uga hortagtaa. Dhacdada halista cudurka ee deegaanka ku xeeran, carruurta weyn sidoo kale waxaa la siiyaa tallaalka BCG. Carruurtaan, waxay noqon kartaa muhiim in la sameeyo baaritaan marka hore si loo xaqiijiyo hadii cudurka uu mar hore ku dhacay iyo sidaas darteed ma ka fa'idaayaan tallaalka. Hadii canug uu qabo caafimaad yari ama isticmaalo daawooyin, qofka masuulka ka ah canuga waa in uu la soo socodsiiyaa arintaan. Dadka qabo cudurka HIV iyo xannuuno kale oo difaaca jirka oo daciifo sida caadiga waa in uu san qaadan tallaalka BCG. Saameynt-‐dhinaca: Dareemaha caadiga ah oo ka weyn ama ka dheer inta la filanaayay waa marmar. Barraro ah qanjiraha dhinaca durida way dhici kartaa. Dhacdo noocaas ah waxay noqon kartaa mid aan wanaagsaneen laakin halis ma ahan. Dacwadaha marmarka aadka ah, waxay noqon kartaa muhiim in la siiyo daaweyn caafimaad. TEXT BASED ON THE BROCHURE: CHILDHOOD AND ADOLESCENCE VACCINATION • NATIONAL VACCINATION PROGRAMME PUBLISHED BY THE NORWEGIAN INSTITUTE OF PUBLIC HEALTH • P. O. BOX 4404 NYDALEN, 0403 OSLO • TEL: +47 21 07 70 00 WWW.FHI.NO SOMALI VACCINATION AGAINST TBC • LAST UPDATED 09.14 The Norwegian Childhood Immunisation Programme Parent Information in ENGLISH SOMALI VACCINE AGAINST HEPATITIS B TALLAALKA LOOGA HORTAGO CAGAARSHOWGA B 15 LAST UPDATED: SEPTEMBER 2014 Cagaarshowga B Waa caabuqa beerka oo uu keeno faayruska cagaarshowga B. Faayruska waxaa laga helaa dhiiga iyo biyaha jirka oo dhiiga wato. Ma qasbi karo qaabkeeda mana waxyeeleyn karo maqaarka. Cudurka wuxuu ku dhacaa dhinaca fadhiga beerka ama dhaawaca maqaarka, tusaale, cirbaha oo saliingo dhiig leh gaaray, dhiig ku shubis ama gudbinta galmada. Hadii hooyo ay cudurka qabto, canuga way saameyn kartaa sida la xiriirto uurka iyo dhalmada. Kuwa ka mid ah carruurta ay saameysay, in ka badan 90 % waxaa ku dhaco cudur daba dheeraado iyo wuxuu noqdaa mid wato faayrus hadii ay san helin daawo ka hortagta. Halista ah noqoshada sidaha cudurka ku daba dheeraaday wuxuu si tartiib ah u yareeyaa ciyaalnimada oo dhan iyo waa in ka hooseyso 5 % oo kuwa ku qaaday da'da weyn. Sababtoo ah tabar darada difaaca jirka, dadka aastaantooda Hooseyso waxay leeyihii halis sareyso oo noloshooda oo dhan ah oo noqoshada qof sida cagaarshow B oo ku daba dheeraaday hadii uu saameeyo. Heerka cudur sidaha dabada dheeraaday wuxuu keeni karaa cagaarshowga beerka ama kansarka beerka. Cudur sidaha dabada dheeraaday sidoo kale waa ilaha ugu muhiimsan oo cudurka cagaarshowga B. Sidaas darteed waa muhiim in la yareeyo tirada sidayaasha sida ugu badan oo suurtogalka ah. TALLAALKA CAGAARSHOWGA B Tallaalka wuxuu wataa qeybo ah faayruska cagaarshowga B oo sameeyo qamiirka unugyada oo ay lajiraan gargaarka cilmiga DNA. Tallaalka cagaarshowga B waxaa lagu bixiyaa Barnaamijka Tallaalka Carruurnimada oo carruurta waalidka ka imaato wadamada dhacdada cudurkaan ku sareyso. Taas waxaa sii dheer, tallaalka cagaarshowga B waxaa lagu bixiyaa si bilaash ah dadka kale oo: § § qabo halis sii kordheyso oo ah in uu saameeyo qabo halis sii kordheyso oo noqoshada sidaha daba dheeraado hadii uu ku dhaco Wasaarada Caafimaadka Norway iyo Adeegyada Daryeelka waxay soo saareen tilmaamaha qofka la siinayo tallaalka. Barnaamijka Tallaalka Carruurnimada, tallaalka cagaarshowga B sida caadiga ah waxaa lasiiyaa xiliga carruurnimada. Tallaalka badanaa wuxuu ka koobanyahay sadex garoojo oo ay la jiraan ugu yaraan oo u dhaxeyso afar isbuuc garoojada koowaad iyo tan labaad, iyo ugu yaraan shan bilood u dhaxeyso garoojada labaad iyo tan sadexaad. Tallaalka oo sadex garoojo ah ka dib, in ka badan 95 % waxay helaan waqti-‐dheer (sida caadiga ah nolasha oo dhan) oo ka horatag ah. Saameynta-‐dhinaca: Tallaalka cagaarshowga B wuxuu sababaa dhoor saameyn-‐dhinaca. Tan ugu caansan waa xannuun, gaduudasho iyo barrar oo meesha laga duray ah. Qandho, finan, daal, dareenka jirada, xannuunka xubnaha iyo xannuunka murqaha oo maalmaha ugu horeeyo tallaalka ka dib ayaa sidoo kale la soo wargeliyay. VACCINATION AGAINST HBV • LAST UPDATED 09.14 Published by the Norwegian Institute of Public Health P.O.Box 4404 Nydalen Tel: +47 21 07 70 00 Awailabel translations: Arabic, English, French, Polish, Russian, Somali, Spanish and Urdu Download from: www.fhi.no
© Copyright 2025