Somaliska Foto: Student” (CC BY-SA 2.0) by CollegeDegrees360 Adigoo musaafad u jira dhigo dugsiga luqada iswiidishka ee soo-gaaleetiga loogu talagalay (sfi) Barashada luqada iswiidishka ee soo-gaaleetiga loogu talagalay (sfi) Waa waxbarasho lagu dhaqaaqo iyadoo musaafad u dugsiga ku jiro, waxaad ku baran karta af-iswiidishka iyo aqoon xiriir la leh bulshada dalka Iswiidan. Shuruudaha adigoo musaafad dusiga u jira lagu barto luqada iswiidishka ee soo-gaaleetiga loogu talagalay (sfi), waxaa kamid ah in • • • • • • • • In af-iswiidish fudud aad macallinkaaga kula xiriiri karto. Aad haysato kombyuutar iyo Internet. Guriga wax ku baran karto. Aad wixii su’aallo ah kala xiriiri karto macallinka. Aad na wargelin karto haddii maalinta khamiista aadan iman karin. Fursadda waxbarashada nooncaan ah waxaa mudnaanta koowaad la siiyaa Haddii tirada codsadeyaasha ay badan tahay waxaa mudnaanta koowaad la siiyaa • Qofka adigoo kale ah oo haysto shaqada loo yaqaanno [instegsjobb]. Qofka adigoo kale ah oo maalinimada shaqeeya. Qofka adigoo kale ah oo aan haysan xannaanadda carruurta. Qofka adigoo kale ah oo fasaxa waalidiinta ku maqan. Hab shaqaynta wax ku barashada dugsiga musaafadda ku jira waa sidatan Macallinkaaga waxaad la kulmaysa khamiis kasta, saacadaha 17.00 – 20.00. Warqadda lagugu yeeri doono ee lagu soo diri doono, waxaa ku qoran lambarrada sirta ee albaabka dugsiga lagu soo galo. Markii macalinkaaga aad la kulanto waxaad isla eegaysaan duruustii, aad aqalka ku soo dhigatay tan iyo markii ugu dambeeysay ee aad wada kulanteen adiga iyo macallinka. Markaas waxaad haysata fursad aad macallinka su’aallo ku waydiiso laguna siiyo jawaabtooda. Adiga iyo macallinkaaga waxaad wadajir ku heshiinaysaan, duruusta aad soo aqrisan doonto ilaa kulanka ku xiga. Ka maqnaansho – ama jirro isku qorid Haddii aad xannuunsan tahay ama sabab kale darteed, aadan iman karin maalmaha khamiista, waa inaad wargelisa xafiiska [Komvux]. Adigoo adeegsanaayo taleefan ama e-mail ayaa ka maqnaanshad na wargelin karta. Farintaada ku duub qalabka farimaha lagu duubo, waa haddii taleefanka aan laga qaban. Saacdad kasta ayaan dhagaysanna qalabka farimaha lagu duubo. Taleefan: 0171-62 54 04 E-mail: [email protected] Booska laga qaadi karo Adigoo macallinkaaga aadan wargelin haddii muddo saddex toddobaad ka maqnaansho lagu diiwan geliyo, waxaa laga qaadaya booskii aad ku lahayd waxbarashada noocaan ah. Haddii booskaaga laga qaado, oona doonayso inaad waxbarashada dib u bilaawdo, waa in codsi cusub laga hela. Wixii su’aallo ah oo ku saabsan wax ku barashada musaafadda Wixii su’aallo ah ee waxbarashada noocaan ku saabsan, waxaad jawaabtooda heleysa haddii e-mail aad u soo dirto: [email protected].
© Copyright 2025