Bräcke kommun Somaliska

Somaliska
xirfad-yaqaan
ahnaan doonaa
ba
aa
a
aq
og
lo
ey
n
am
aa
eeda ku yaal
kariyeyaal, fars
yinka agagaark
adaha, cunto
oo
ay
ha
gm
ak
de
m
iyo
ha
äcke
shaqaala
a degmada Br
xannaanadda,
soo socda waxa
iinta dugsiyada
lim
al
Sannooyinka
ac
m
,
rro
sida, takhta
no tiro badan
aneyaal.
koronto-yaqa
iyo
ha
ra
bi
naha
Ma ku fekersan tahay inaad degmada Bräcke ka
shaqaysato?
Kaddib markii ruqsadda degenaanshada dalka Iswiidan lagu siiyo, waxaa muhim ah inaad hoy iyo shaqo
hesho, oo aad ka hesho degmo adiga iyo qoyskaaga ka heshaan.
Haddii aad ka diiwan gashan tahay Xarunta Shaqada oona ka tirsan tahay qorsheha sal-dhigida
[Etableringsuppdraget], waxaa caawinaad ka heli karta Xarunta Shaqada. Waxay hoy kaaga heli kartaa
degmada ugu fursad wanaagsan oo aad shaqo ka heli karto. Haseyeeshe, iskaaga ayaa guri u raadsan
kartaa.
Warbixin dheeraad waxaad kala xiriiri kartaa shabakadda internetka ee Xarunta Shaqada
Arbetsformedlingen.se/otherlanguages. Waxaad halkaas ka heleysaa shabakadda internetka ku qoran
labaatanmeeyo luqad.
Teeda kale, waxaad khadka taleefanka kula xiriiri kartaa gacanhaayeha Xarunta Shaqada, kan ku hadla
af-carabi: tal. 0771-86 01 01, af-soomaali: tal. 0771-86 01 03, af-tigriigna: tal: 0771-86 01 04.
Goorta Xarunta Shaqada ama maamulka Dowladda hoose la xiriirayso waxaad xaq ku leedahay in qof
turjubaan ah lagugu yeero. Qoraal-warbixineedkaan wuxuu maamulka Dowladda hoose Bräcke iyo
Xarunta Shaqada iyadoo kooban ku wargelinayaan fursadaha qofka cusub u degmada Bräcke ku
leeyahay.
Fursadaha iyo adeegyada laga helo waqooyiga dalka Iswiidan
Maamulka Dowladda hoose ayaa adeeg bulshodeedka degmada aad degan tahay badidiisa mas’uul
ka ah. Dalka Iswiidan wuxuu leeyahay degmooyin yaryar iyo kuwa waawayn ba, kuwaasoo tiradooda
garayso 290. Qof kasta wuxuu xaq ku leeyahay in adeeg la siiyo, iyadoo fiirogaar ah aan la siin nooca
degmada u ku nool yahay – magaallo ama tuullo. Sidaas awgeed, qofku wuxuu had iyo jeer heli karaa
waxbarasho iyo daryeel-caafimaadeed iyadoo fiirogaar ah aan la siin nooca degmada u ku nool yahay.
”Hab sahlan ayuu qofku ubadkiisa xannaandda u geyn karaa oona ugu soo kaxayn karaa. Maadaama wax kasta u ku dhow yahay wax kadeedis ah ma jiro”.
Waxaa sidaasi tiri Eden, hooyo keligeed ah oo dalka Eritrea u dhalatay. Magaallo yar ku
taallo waqooyiga dalka Iswiidan ayay ku nooshahay.
Miyiga iyo waqooyiga dalka Iswiidan wuxuu u baahan yahay shaqaale. Waxaa kaloo halkaan laga hela
fursad u qofku waxbarashadiisa ku sii wato.
”Dadyoowga dalka cusub waxaan siinna fursad iyadoo aan shaqo siinno, taasoo bulsha idil faa’iido
ugu jirto. Sannooyinka soo socda waxay dadyoowga dalka ku cusub noqon doonaan shaqaalaha
gobolka uu baahan yahay”.
Adam, oo ah loo shaqeeye waqooyiga dalka Iswiidan.
Dadyoowga dhowaan dalka yimi oo tiro badan oo ku nool waqooyiga dalka Iswiidan way ka helaan
halka ay ku nool yihiin mana doonayaan in ay ka guuraan.
”Anigu waxay ii la tahay in dadyoowga dhowaan dalka yimi u fiican tahay, in noolashooda cusub ay
ku bilaabaan degmooyinka yaryar, maxaayeelay tartanka shaqada iyo waxbarashada sidaas uma
culusa.”
Chillida, 21 jir, ka yimi dalka Namibia
”Shan bilood kaddib waxaan dhameeyay barashada luqada ee loo yaqaanno (sfi). Qofka degmooyinka yaryar ku nool hab dhaqsi badan ayuu bulshada dalka Iswiidan u la qabsan karaa. Anigu
waxaan lee yahay saaxiibo iswiidish ah oo aan kubbada cagta toddobaadkii hal mar la ciyaaro.”
Osman, wiil dhallinyaro oo dalka Eritrea u dhashay.
“Anigu berry hore waxaan ku noola magaallo wayn ku taallo konfurta dalka Iswiidan, laakinse
imminka waxaan ku noolahay magaallo yar ku taallo waqooyiga dalka Iswiidan.
Wax kasta mudo yar ayaan ku dhamaysan karaa halkan. Markii shaqada cusub aan helay, laba
maamood kaddib wax kasa waa la diyaar gareeyay.”
Minas, 28 jir ka yimi/timi dalka Suuriya.
Ku saabsan degmada Bräcke
Degmada Bräcke waxay ku taalla bartamaha dalka Iswiidan ee gobolka Jämtland, waxaana qiyaastii
ku nool 7 000 qof. Degmada Bräcke waa degmo wejiyo kala duwan leh, buurar dhaadheer, toggag bilic
leh iyo haro leh biyo kalluumaysi fiican leh. Degmada Bräcke waa degmo nool oo leh gancsi iyo ururro
firfircoon.
Booqashayaasha degmada Bräcke waxay degmada u booqdaan, dabeecadda darteed iyo hawada dibada
ku salaysan noolasha dalxiisnimada iyo dadka ku nool. Dhaqdhaqaaqyada dabeecadda ee degmada
Bräcke laga helo waxaa kamid ah, ciyaaraha barafka sida [skidåkning, skridskoåkning], jidad lagu socsocdo, ugaarsasho, gurashada miraha iyo boqoshaa.
Guryahada Bräcke
Noocyaha guryaha degmada Bräcke way kala duwan yihiin. Waxaa laga hela guri-dabakheed ka
kooban hal qol iyo jiko ilaa kuwa ka kooban afar qol iyo jiko. Waxay ku kala yaalaan degmooyinka
Bräcke, Gällö, Pilgrimsstad iyo Kälarne. Heerarka kirada waa inta u dhaxaysa 2 900 karoon/bishii
guri-dabakheedka halka qol ka kooban ilaa 6 000 karoon/bishii hela guri-dabakheedka afarta qol ka
kooban. Haddiise aad iibsato guri-dabakheed ama gurigaaga qiimaha aad ayay ugu hooseeyaan haddii
la barbardhigo kuwa magaalooyinka waawayn.
Degmada Bräcke iyo degmooyinka agagaarkeeda waxaa laga heli doonaa shaqooyinja sida alxan iyo garaash.
Baahida wayn ee shaqaalaha loo qabo
Degmada Bräcke waxaa ku yaalaan shirkado yaryar ka ganacsada alwaaxyada iyo biraha. Dadyoowga
degmada ku nool badidooda waxay ka shaqayaan ganacsiga kaynta, sida ka nadiifinta, jarida geedaha
iyo farsamaynta waxyaalaha alwaaxa ka samaysan. Degmada waxay kaloo caan ku tahay farsamaynta
raashinka heerka sare ah.
Sannooyinka soo socda waxaa degmada Bräcke iyo degmooyinka agagaarkeeda ku yaalaan looga baahnaan doonaa xirfad-yaqaanno tiro badan sida, shaqaalaha makhaayadaha, cunto kariyeyaal, taktarro,
macallimiinta dugsiyada xannaanadda, farsameyaqaanaha biraha iyo koronto-yaqaaneyaal. Waxaa
la heli doonaa fursad shaqo laga helo laamaha xannaanadda iyo daryeel-caafimaadeedka, ganacsiga
kaymaha, alxame iyo garaash iyo gaadiidka.
Xarunta Shaqa da wuxuu awooda in goob aan degmada Bräcke ka fogeyn ka helo waxbarasho badan oo
kala duwan iyo waxkaqabadyo sare u qaadi doono fursadda shaqo helida.
Tusaale ahaan, tababarka xannaanadda iyo daryeel-caafimaadeedka, farsamada alxanka iyo macdanta,
gaadiid, shaqaalaha bakhaarada, farsameyaqaanaha garaashyada, makhaayadaha, ganacsiga waxiibinta iyo adeegga macaamiisha.
Xarunta Shaqada waxay kaloo ku suurtagelin kartaa helida tababarka goobaha shaqada. Taasoo ku
suurtagelin doonto helida khibrad qiimo leh suuqa shaqada dalka Iswiidan, iyo fursad aad ku layliso
luqada iswiidishka.
Warbixin dheeraad waxaad ka heli kartaa shabakadda internetka ee Xarunta Shaqada: arbetsformedlingen.se
Waxbarashada iyo waxbarashada xirfadaha ku salaysan
Qofka da’diisa u dhaxayso 20 ilaa 64 sano wuxuu dugsiyada dadka waawayn ee Dowladda hoose
Bräcke ku dhamaystiran karaa waxbarashada Dugsiyada biloowga/hoose/dhexe ama dugsiga sare.
Ama wuxuu dhigan karaa waxbarashada xirfadaha ku salaysan. Lärcenterum degmada Bräcke waxaa
laga helaa koorsooyin iyo waxbarasho tiro badan. Qofku wuxuu wax baran karaa wakhi buuxa ama nus
wakhti. Wuxuu isku wadi kara shaqo iyo waxbarasho. Talo-bixin iyo su’aalaha taageerada waxbarashada waxaa lagala xiriiri karaa hogaamiyeha wadada waxbarashada ee Lärcenterum.
Degmada Östersund, oo degmada Bräcke u jirta qiyaastii 70 km, waxaa ku yaallo jaamacadda Mittuniversitet, taasoo ah jaamacadda ugu dhow. Waxaa jaamacadas laga hela waxbarashada kala duwan oo
badan.
Warbixin dheeraad waxaad ka heleysaa shabakadda internetka miun.se.
Degmada Bräcke iyo degmooyinka agagaarkeeda ku yaalaan, waxaa la heli doonaa fursad shaqo laga helo laamaha
gaadiidka, daryeel-caafimaadeedka iyo xannaanadda iyo ganacsiga kaymaha.
Is-gaarsiinta iyo gaadiidka
Degmada Bräcke waxay ku taalla aagga wadada E 14 laakinse bartamaha traafikada kuma taallo. Magaalada Östersund waxaa loo socda hal sac oo baabuur ah, magaalada Sundsvall waxaa loo socda hal
sac iyo bar oo baabuur ah, magaalada Stockholm waxaa loo socda shan saacadood oo baabuur ah. Gaadiidka baasaska iyo tareenada ayaa maalin kasta la hela, oo ka dhex shaqeeya magaalooyinka waawayn
sida Östersund, Sundsvall, Umeå iyo Stockholm. Qofka degan Bräcke wuxuu shaqo maalin kasta u tegi
karaa Östersund. Tareenka wuxuu u socda 40 daqiiqo.
Barashada luqada iswiidishka iyo dugsiyada carruurta iyo dhallinyarada
loogu talagalay
Qofka afkiisa hooyo aan ahayn af-iswiidish, waxay Dowladda hoose siinaysaa fursad u ku dhigto waxbarashada aasaasiga ee af-iswiidishka, iyadoo barashada luqada iswiidishka ee soo-gaaleetiga loogu
talagalay (sfi). Xilka Dowladda hoose ugu muhimsan waxaa weeyaan in carruurta da’dooda u dhaxayso
1 ilaa 6 sano ay siiyaan fursad ay ku dhigtaan dugsiga xannaanadda. Xaaladaas waxay waalidiinta helayaan in ay waxbartaan ama shaqaystaan. Degmada Bräcke waxaa ku yaallo dugsiga xannaanadda oo
tiradooda ah afar. Xilliga sugitaanka booska waa ugu badnaantii laba bilood. Degmada Bräcke waxaa
ku yaallo Dugsiyada biloowga/hoose/dhexe oo tiradooda ah afar, kuwaasoo loogu talagalay carruurta
dhigata fasallada 1-9. Waxaa ku yaallo hal dugsi sare iyo saddex maktabo.
Dugsiga sare ee degma Bräcke waxaa laga hela waxbarashada korontada iyo tamarta iyo farsameyaqaanne. Kuwa kale waxaa laga hela magaalada Östersund.
Jihaynta bulshada
Dhammaan dadyoowga dhowaan dalka yimi iyo shisheyeyaasha u soo guura degmada Bräcke waxaa
la siiyaa jihaynta bulshada. Warbixin iyo caawinaad isku qorida waxaa laga hela xiriiriyeha Dowladda
hoose ama Xarunta Shaqada.
Isku-qorida waxaa kaloo laga hela shabakadda internetka Dowladda hoose: bracke.se
Adeegygada iyo wakhtilummiska
Degmada Bräcke waxaa ku yaal rugta daryeel-caafimaadeedka, rugta daryeel-caafimaadeedka carruurta iyo rugta daryeel-caafimaadeedka ilkaha. Isbitaalka gobolka wuxuu ku yaalla magaalada Östersund.
Degmooyinka yaryar ee Bräcke waxaa ku yaalaan dukaaman yaryar. Kuwaasoo kamid ah kuwa raashinka iibiya, bangiyo, kuwa ubaxa iibiyo, kuwa ka ganacado dharka isboortiga iyo wakhtilummiska,
kuwa biraha iyo rinjiyada iibiya. Magaalada Östersund waxaa ku yaalaan dukaaman waawayn. Degmada waxay leedahay ururro firfircoon sida kuwa isboortiga, Lanqayrta cas leh dukaan waxyaalaha
dugga lagu iibiyo, urrurka Röda Barnen, ABF, kuwa diini ah oo kala duwan. Kiniisadda dalka Iswiidan
tullooyinka badidooda way ku yaalaan. Kiniisada Baptist iyo Elim-kapel ku yaalaan degmada Bräcke.
Magaalada Östersund oo hal sac baabuur degmada Bräcke u jirta waxaa ku yaallo hal masjid.
Warbixinta xiriirka
Xarunta Shaqada Bräcke
Adreeska booqashada: Norrlandsgatan 21, Bräcke
Adreeska boostada: Box 99, 840 60 Bräcke
arbetsformedlingen.se/bracke
Xiriiryeyaasha
Maria Lovefjell, Gacanhaaye sal-dhigida Bräcke Tal: 010-488 03 51 E:mail: [email protected] Marita Linna-Lindgren,
Gacanhaaye sal-dhigida Bräcke
Tal: 010-487 37 15
E:mail: [email protected]
Teeda kale, waxaad khadka taleefanka kula xiriiri kartaa gacanhaayeha Xarunta Shaqada, kan ku hadla afcarabi: tal. 0771-86 01 01, af-soomaali: tal. 0771-86 01 03, af-tigriigna: tal: 0771-86 01 04.
Bräcke kommun
Adreeska booqashada: Ängevägen 10B
Adreeska boostada: KULTIZ box 190, 840 60 Bräcke
Shabakadda internetka: bracke.se bracke.se/barnutbildning
Xiriiryeyaasha
Åsa Hedenström Boije
Tal: 0693-163 21
E:mail: [email protected]
Agnes Wagroda
Tal: 0693-164 11
E:mail: [email protected]
Ururrada degmada/gobolka ka hawlgala
Ururka muslimiinta Östersund
c/o Kholod Mahmood
Stenåldervägen 36
831 61 ÖSTERSUND
0706-08 84 80
Alliance Francais
Björkvägen 17
832 54 FRÖSÖN
063-15 39 45
0703-59 18 08
Kiniisadyaasha iyo is-bahaysayaasha
Bräcke Baptistförsamling
c/o Marianne Karlsson
Postgatan 6, 84060 BRÄCKE Tal: 0693-71409, 10475
shabakadda internetka: kyrktorget.se/elim.bracke.se
Bräcke-Nyhems församling
Kyrkvägen 21, 840 60 BRÄCKE
Tal: 0693-10043
E:mail: [email protected]
Revsunds församling
Sefastvägen 1, 840 50 GÄLLÖ
Tal: 0693-320 31
E:mail: [email protected]
Shabakadda internetka, Bräcke Kommun
Warbixin dheeraad dadyoowga dhowaan
dalka
larcentrum.se
Iswiidan yimi loogu talagalay
bgy.seinformationsverige.se
rb.se/bracke.se
kommun.redcross.se/bracke.se
Masawir: Johnér Bildbyrå, Linda Broström, Leif Milling