Wadahadalka arrimaha caafimaadeedka ee loogu talagalay 50‐jiryaasha ku nool gobolka Västmanland Wadahadalka arrimaha caafimaadeedka ee loogu talagalay 50-jiryaasha ku nool gobolka Västmanland wuxuu ka kooban yahay - Shay-baarka, qoraal-waydiimaha arrimaha caafimaadka iyo wadahadalka arrimaha caafimaadeedka ku salaysan muqaalka caafimaadkaaga. SHAY-BAARKA Rugta daryeel-caafimaadeedka aad ka tirsan tahay waxaa laga cabbiri doona heerka sonkorta dhiigga, shay-baarka dufunta dhiigga, cabbirka dhiigkarka, cabbirka dhirirka, cabbirka culayska iyo cabbirka dhexda. Jawaabta shay-baar iyo jawaabta qoraal-waydiimaha xaalad-caafimaadeedka waxay noqon doonaan muqaalka xaalad-caafimaadeedka adiga ku gaarka ah. QORAAL-WAYDIIMAHA XAALAD-CAAFIMAADEEDKA Qoraal-waydiimaha xaalad-caafimaadeedka waxaa laga jawaaba iyadoo la adeegsanaayo shabakadda internetka www.1177.se. Qoraal-waydiimaha waxaa ku qoran su’aallo xiriir muhim la leh caafimaadka. Su`aalaha waxay ku saabsan yihiin heerka dhaqdhaqaaqa jirka, nooca raashinka, tubaakada/sigaarka, khamriga, hurdada, kadeediska iyo xaalad-noololeedkaaga. KOLKA WADAHADALKA ARRIMAHA CAAFIMAADEEDKA LAGULA YEELANAAYO WAXAA MUQAAL LAGA SIIN DOONA XAALAD-CAAFIMEEDKAAGA Markii shay-baarka laga qaadayo ayaa qabsan karta ballank wadahadalka arrimaha caafimaadeedka. Wadahadalka arrimaha caafimaadeedka waxaa lagula yeelan doona, markii ugu yaraan ay ka soo wareegato hal toddobaad tan iyo markii shay-baarka laga qaaday. Waxaa laysla eegi doonaa natiijada shay-baarka, jawaabta qoraal-waydiimaha, hab-nooleedkaaga iyo caafimaadkaaga. In hal saac u wadahadalka arrimaha caafimaadeedka qaadan doono ku talagal. Qodobka wadahadalka arrimaha caafimaadeedka ugu muhimsan, waxaa weeyaan in la kordhiyo caafimaad-wannaagga. Haddii aad caafimaad-wannaag ama xannuun qabto, waad ka faa’iidaysan doonta wadahadalka arrimaha caafimaadeedka. Haddii loo baahdo waxaan ka caawin doona dhamaystirida shay-baarka iyo tixraacida ama kormeerid. Adigoo adeegsanaayo shabakadda internetka 1177.se buuxi qoraal‐ waydiimaha Saldhigga wadahadalka arrimaha caafimaadeedka Tag rugta daryeel‐ caafimaadeedka aad ka tirsan tahay, kaddib sameey shay‐ baarka, kaddib qabso ballanka wadahadalka arrimaha caafimaadeedka Wadahadalka arrimaha caafimaadeedka waxaa lagu qaban doonaa rigta daryeel‐ caafimaadeedka aad ka tirsan tahay Jawaabka shay‐baarka ballankiina waa la qabsaday HALKAAN AYAA QORAAL-WAYDIIMAHA KA HELEYSA Fadlan booqashada shay-baarka ka hor buuxi qoraal-waydiimaha. Haddii aad booqato shabakadda internetka www.1177.se hab elektroonik ayaa qoraal-waydiimaha ugu jawaabi karta. Halka laga galo waxaad ka heleysa dhinaca midigta, eeg calaamaynta. Wadahadalka arrimaha caafimaadeedka ee loogu talagalay 50‐jiryaasha ku nool gobolka Västmanland Adigoo adeegsanaayo farsammada aqoonsiga lagu caddeeyo ee loo yaqaanno [bankID, mobilt bankID] noocyo kale ama password ayaa ku geli karta. Kaddib markii aad guda gasho, qoraal-waydiimaha caafimaadka waxaad ka heleysa hoosta halka ay ku qoran tahay Kaddib markii qoraal-waydiimaha ka jawaabto, waxaa wadahalka kahor mas’uuliyiinta rugta daryeelcaafimaadeedka ee aad ka tirsan tahay ayaa gacanta laga saari doona. Ka qaybgelidaada markii aad doonto ayaa joojin karta adigoo jag-siiya halka ay ku qoran yihiin ereyada ”Avbryt deltagande”. Buuxinta qoraalwaydiimaha waad hakin karta adigoo ka baxa oo kaddib soo gala. Jawabahaaga way keydsan yihiin markii aad mar kale soo gashid. HADDII QORAAL-WAYDIIMAHA AAD KA JAAWABI KARIN Haddii luqadda darteed aysan ku suurtagalayn inaad qoraal-waydiimaha ka jawaabto, waxaad markii wadahadalka arrimaha caafimaadeedka lagula yeelanaayo xaq ku leedahay in qof turjubaan ah u ku caawinno. Xaaladaas wargeli rugta daryeel-caafimaadeedka aad ka tirsan tahay markii shay-baarka laga qaadayo, ama taariikhda wadahadalka arrimaha caafimaadeedka kahor. BALLAN QABSASHADA WADAHADALKA ARRIMAHA CAAFIMAADEEDKA Markii shay-baarka dartiisa aad rugta booqanayso, waxaa lagu qaban doonta ballanka wadahadalka arrimaha caafimaadeedka. La kaalay dabacaad sannadeedka ay ku qoran yihiin taariikhda iwm, taasoo suurtagelin doonto inaad ku heshisaan ballan labada dhinac anfacaayo. Haddii xayiraada tixgelinta ballanka ay jirto, waxaad haysata fursad aad wax ugu beddesho adigoo adeegsada shabakadda internetka www.1177.se ama wac rugta daryeel-caafimaadeedka aad ka tirsan tahay. Haddii aadan tixgelin ballankii wadahadalka arrimaha caafimaadeedka lagu qabtay, oona kahor laga helin wargelin waxaad bixin doonta qiimaha ka baaqashada, kaasoo ah (150 kar).
© Copyright 2025