Sida: 1 av 5 Somaliska Faktablad för arbetssökande – Jobb- och utvecklingsgarantin 2015-03 Dammaanadda shaqada iyo horumarka [Jobb- iyo utvecklingsgarantin] Qofka adigoo kale ah oo mudo dheer shaqo la’aan ahaa, oona caawinaad u dib u la qabsado suuqa shaqada u baahan, wuxuu ka qeybgeli karaa Dammaanadda shaqada iyo horumarka. Waxaa xaaladaas lagu diyaarinayaa waxkaqabasho ku gaar ah oo ka caawini doonto sidii aad shaqo ku heli lahayd. Maxay tahay macnaha Dammaanadda shaqada iyo horumarka ? Adiga iyo gacanhaayeha Xafiiska Shaqada ayaa marka hore ka wada hadli doona waxkaqabadyada aad u baahan tahay, sidii aad shaqo ku heli lahayd ama waxbarasho ku bilaabi lahayd. Kuwaasoo tusaale ahaan noqon kara: dhaqdhaqaaqa shaqo raadsasho oo hogaamin leh diyaarinta waxkaqabashada. Kaddib waxaa lagu dhamaystiri doonaa talaabooyinkaan: tababar goob shaqo tababarka shaqada tababarka shaqada oo dheeraad ah tababarka suuqa shaqada caawinaad sida dhaqdhaqaaqa ganacsasho lagu bilaabo Haddii 90 toddobaad gudahooda aadan shaqo helin inkastoo lagu siiyay fursad aad uga qaybgasho qorsheha Dammaanadda shaqada iyo horumarka, waxaa adiga iyo gacanhaaye Xafiiska Shaqada ku heshiin doontaan in Qabanqaabiyeha boos laga siiyo goob lagugu mashquuliyo oo adiga kugu habboon. Waxaad loo shaqeeyeha ama Qabanqaabiyeha ka qaban doontaa shaqo ku suuragelin doonto helida khibrad, mudnaanyo iyo tixraacyo. Xaq ma ku lee yahay Dammaanadda shaqada iyo horumarka? Waxaad ka qeybgeli kartaa Dammaanadda shaqada iyo horumarka haddii shaqo laawe aad tahay oona Xafiiska Shaqada iska diiwan gelisay. Sida: 2 av 5 Teeda kale waa in shardi ka mid ah shuruudaha hoos ku qoran aad buuxin karto: Shaqo laawe ahaan waxaa 300 maalmood lacag ka qaadatay Khasnadda caymiska shaqolaaweyaasha wayna ka dhamaadeen. Waxaad waalid u tahay carruur aan weli 18 sano buuxsan. Xaaladaas waxaad kala dooran kartaa ka qeybgelida barnaamijka Dammaanadda shaqada iyo horumarka ama in iskaaga shaqo u raadsan kartaa mudo la kordhiyay 150 maalmood lacagna ka qaadan kartaa Khasnadda caymiska shaqolaaweyaasha. Toddobaadkii aad nus wakhti shaqayn jirtay waxaad qaadatay 75 maalmood oo gunno ah, keligaa aya nooshahay waxaana leedahay carruur aan weli 18 sano buuxsan, kuwaasoo kula nool ama badi ahaan kula nool. Shaqolaawe ahaan ayaa Xafiiska Shaqada iska diiwan gelisay ama waxaa ka qeybgeli kartaa barnaamijka ku salaysan siyaasadda suuqa shaqada mudo ugu yaraan 14 bilood isku xigta, laakinse wax lacag ah Khasnadda caymiska shaqolaaweyaasha kama qaadatid. Muddo 15 bilood ayaa ka qeybgeli kartaa damaanada shaqada ee dhallinyarada loogu talagalay. Xabsi ayaa lagugu xukmiyay (xaaladaha qaarkood oo keliya). Da’daada waa 25 sano waxaana ka qeybgeli kartaa barnaamijka gogoldhigga suuqa shaqada. Waxaad ka qeybgeli karaa tababarka sal-dhigida ee soo gaaleetiyada qaarkood loogu talagalay, waxaa ka dhamaaday Qorsheha sal-dhigida. Ma lay siin doonaa wax lacag ah? Markii barnaamijka aad ka qaybgalayso waxaa lagu siin karaa Kaalmodhaqaaleedka dhaqdhaqaaqa shaqada [aktivitetsstöd] ama Gunnada ka qaybgaleyaasha qorsheha shaqada [utvecklingsersättning]. Lacagaha waxaa bixiya Försäkringskassan, isla Hey’adaas ayaa xisaabisa lacagaha kana gaarta go’aan. Haddii aad tixgeliso wixii lagu heshiiyay oona shaqo raadsato xaq ayaa ku leedahay gunnada barnaamijka ku salaysan. Haddii aadan tixgelin qodobadii lagu heshiiyay oona shaqo aadan raadsan, saamayn ku yeelato ku raagida shaqo la’aanta ama adiga sabab u noqoto shaqo la’aanta, waxay qodobadaas saamayn ku yaalan doonaan xaq u yeelanshada gunnada. Warbixin dheeraad ku saabsan Kaalmo-dhaqaaleedka Sida: 3 av 5 dhaqdhaqaaqa shaqada iyo Gunnada ka qaybgaleyaasha qorsheha shaqada waxaad ka aqrisan kartaa forsakringskassan.se. Haddii gunnada aadan xaq ku lahayn waxaa kaalmo-dhaqaaleedka ka codsan kartaa Dowladda hoose. Caymis ma lee yahay? Qofka ka qeybgala barnaamijka ku salaysan Dammaanadda shaqada iyo horumarka, waxaa khuseeya caymiska dhawac-shaqsiyeedka iyo kooxeedka. Haddii wax aad ka halayso goobta shaqada, waxaa suuragal noqon karo in shirkadda ay magdhow dowladda ka hesho. Caymiska ma khuseeyo qofka ka qeybgala barnaamijka lagu taageero hirgelinta dhaqdhaqaaqa ganacsasashada. Warbixin dheeraad ku saabsan caymiska waxaad ka aqrisan kartaa qoraal-warbixineedka [Försäkringsskydd och skadeersättningsansvar vid vissa arbetsmarknadspolitiska program] shabakadda internetka arbetsformedlingen.se. Ilaa intee ayaa ka faa’iidaysan karaa Dammaanadda shaqada iyo hormarka? Waxaad barnaamijka ka qeybgeli kartaa ilaa shaqo wakhti buuxda ka hesho waxbarasho aan xiriir la lahayn Dammaanadda shaqada iyo horumarka, tusaale jaamacad ama kulliyad. wakhti buuxa qaadato fasaxa waalidiinta wakhti buuxa xannun awgiis mudo bil ah aadan ka qeybgelin buuxiso shuruud cusub waafaqsan sharciga gunnada shaqolaaweyaasha Maxay yihiin shuruudaha kale ee aniga i khuseeya? Barnaamijka wakhti buuxa ayaa laga qeybgala. Teeda kale shuruudaha ka qeybgelida way culus yihiin. Ujeedada waxay tahay in sida ugu dhaqsida badan aad shaqo hesho ama waxbarasho bilaawdo. Waxaa muhim ah in gacanhaaye Xafiiska Shaqada u hab joogto ah ugu warhelo shaqooyinkii aad raadsatay. Bil kasta waa in Xafiiska Shaqada u soo dirtaa Qoraalka wargelinta dhaqdhaqaaqyada. Ku soo qor warbixin ku saabsan shaqooyinkii aad codsatay iyo dhaqdhaqaaqyadii kale ee aad fulisay bishii dhammaatay. Sida: 4 av 5 Shaqo ama waxbarasho kaddib ma heli karaa fursada ka qeybgelida barnaamijka? Haddii waxbarasho ama fasaxa waalidiinta aad ku maqnayd, dib ayaa barnaamijka ugu soo noqo kartaa. Sidaasoo kale dib ayaa barnaamika ugu soo noqon kartaa haddii jirro aad ku maqnayd. Laakinse, waa haddii mudada ka maqnaanshada aysan dhamayn hal sano. Haddii aad shaqo ku maqnayd kaddib shaqo la’aan kugu dhacday, waad ku soo noqon kartaa barnaamijka, waa haddii aadan xaq ku lahayn qaadashada Gunnada caymiska shaqolaaweyaasha. Booska aan barnaamijka ka haysto ma iga lummi karaa? Dhaqan-xummo iyo ku buuqa dhaqdhaqaaqa waxay sababi karaan in laga joojiyo ka qeybgelida barnaamijka. Waxaa kaloo ka qeybgelida lagaga joojin karaa sabab kale awgeed. Haddii lagu siiyay gunnada 450 maalmood oo ku salaysan dammaanadda shaqada iyo horumarka, oona sharci ahaan aadan xaq ku lahayn gunnada Khasnadda caymiska shaqolaaweyaasha, waxaa xitaa ka lummi kara booskii haddii aad diido shaqo lagu soo bandhigay, taasoo waafaqsan waxkaqabayda barnaamijka ama waxkaqabyo kale oo xiriir la leh siyaasadda suuqa shaqada aad diido shaqo kugu habboon oo lagu soo bandhigay adigoo aadan haysan sabab la qaadan karo aadan soo bandhigin dhaqdhaqaaqa shaqo raadsahsada aadan xiriir joogto la lahayn gacanhaaye Xafiiska Shaqada. Dib ma u heli karaa fursadda ka qeybgelida barnaamijka ee layga joojiyay? Haddii shuruudaha qaarkood aad buuxin karto waxaa lagu siin karaa fursad cusub. Warbixin dheeraad waxaad kala xiriiri Xafiiska Shaqada. Sidee xilka loo qaybsaday? Warbixin dheeraad ku saabsan Dammaanadda shaqada ee dhallinyarada loogu talagalay waxaad kala xiriiri kartaa Xafiiska Shaqada. Go’aanka ka qeybgelida barnaamijka waxaa gaari doono gacanhaaye Xafiiska Shaqada. Xilliga aad barnaamijka ka qeybgelayso wuxuu gacanhaaye ku Sida: 5 av 5 dhaqaaqi doonaa tixraacid, wuxuu ku siin doonaa taageerada aad u baahan tahay shaqo raadsashada awgeed. Markii aad good shaqo timado waxaa lagu magacaabayaa qof ku horseeda. Horseedaha wuxuu ka caawini doonaa sidaa aad hawlgalka ku bilaabi lahayd. Qof goobta mas’uul ka ah ayaa mas’uul ka ah deegaanka shaqada ee adiga ku gaarka ah, oona hubsan doono in hawlgallada aad hab sax ah u fuliso laguna siiyo qalabyada aad hawlaha ku qabsan lahayd. Nidaamyada Xeer-maamuleedka (2007:414) ku saabsan damaanada shaqada iyo horumarka. Xeer-maamuleedka (1996:1100) ku saabsan Kaalmo-dhaqaaleedka dhaqdhaqaaqa shaqada Xeer-maamuleedka (2000:634) ku saabsan barnaamijka ku salaysan siyaasadda suuqa shaqada Nagala soo xiriir 0771-416 416 haddii arrintaan aad xiisaynayso ama aad doonayso warbixin dheeraad ah. Waxaad kaloo booqan kartaa Xafiiska shaqada kugu dhow ama shabakadda internetka arbetsformedlingen.se.
© Copyright 2025