somaliska - Migrationsverket

Sharciga cusub oo saameynaya dadka
magangelyo doonka iyo qoysaskooda
Baarlamaanka Iswiidhan waxa uu ansixiyay sharci cusub kaas oo xadidaya
fursada magangelyo doonka ah in la siiyo ama ay helaan sharciga
deggenaanshaha wadanka iyo inay dib u midoobaan qoysaskooda. Sharciga
cusubi waxa uu dhaqan galay 20 Luuliyo 2016, laakiin wuxuu sidoo kale
saameynayaa kuwa codsaday magangelyada20 Luuliyo ka hor. Sharciga
cusub waa ku meel gaar oo wuxuu shaqeynayaa saddex sanadood.
Oggolaanshaha Degenaanshaha Ku meel gaadhka ah
Sida waafaqsan sharciga cusub magangalyo doonka xaqa u leh illaalada waxaa kaliya
oo laga siinayaa ruqsada degenaanshaha ku meel gaarka ah Iswiidhan. Qofka la siiyay
sharciga qaxootiga waxaa la siin doonaa oggolaanshaha jku meel gaadhka ah sadex
sannadood, iyo qofka sharciga lagu siiyey inuu yahay inay dhibaato wadankiisii ka soo
gaarayso in dil lagu xukumo, jirdil loo geysto, in si bini’aadanimada ka baxsan loola
dhaqmo ama la ciqaabo (allternativ skyddsbehövande) waxa qofkaas sharciga
joogtada uu helidoona 13 bilood.
Carruurta keligood timaada iyo qoysaska wata carruurta da’doodu ka yar tahay 18 jir
ee codsaday magangelyada ee aan ka dambeynin 24-ka Nofeembar 2015, taariiqda
goortii dowlada ay soo jeedisay sharciga cusub, waxaa lagu tixgelinayaa sida
waafaqsan sharciga hore oo waxay helayaan fursada lagu siinayo ruqsada
deggenaanshaha joogtada ah. Oo lagu bixiyay in canuga weli uu ka yaryahay 18goorta
Wakaalada Socdaalka ay go’aan ka gaaranayaan.
Xadida fursadaha dib isugu keenida qoysaska
Sharciga cusubi wuxuu xuduud u yeelayaa fursadihii ay dadka magangelyodoonka
qoysaskooda dib ula kulmi lahaayeen ama ay dib ula madoobi lahaayeen. Qofka
sharciga deggenaasha joogtada la siiyey sadex sannadood waa qof lagu qeexay inuu
buuxiyey shuruudihii qaxootiga (Flyktingsstatus) qofkaasi wuxuu heli doonaa fursad
uu qoyskiisii dib ugula midoobo ama ay dib markale isula kulmaan.
2016-07-20
NY_Information om begränsad rätt till uppehållstillstånd och familjeåterförening,
somaliska
Qofka la siiyey ku dhawaaqida heerka kaalmada illaalada kaas oo codsaday
magangalyo aan ka dambeynin 24-kaNofeembar waxaa sidoo kale la siinayaa fursada
dib umidoobista qoyska. Laakiin qofka sharciga lagu siiyey heerka (alternativ
skyddsstatusförklaring) ee isdhiibay ama magangelyo wadanka weydiistay wixii ka
dambeeyey 24 bishii noofambar waxa keliya oo uu xaq u leeyahay in ay qoyskiisa dib
isula midoobaan waxyaabaha qaarkood.
Haddii laguu sameeyo ruqsada degenaansho ku meel gaarka ah waa kaliya
ninkaaga/naagtaada/lamaanaha diiwaangashan /qofka aad isla nooshihiin iyo
carruurta aan weli guursan ee da’doodu ka yar tahay 18 jirka ah ayaa codsan kara
ruqsada daganaanshaha ee ay kuula soo dagaan Iswiidhan . Si aad u heshaan
oggolaansho waxaa khasab ah in aad adiga iyo qofka aad lamaanaha tihiinba aad
buuxiseen 21 sannadood, waana khasaba inaad isla deggenaydeen intii aanad iman
wadanka Iswiidhan. Ka reebida shuruuda da’da waxaa la sameyn karaa haddii aad
carruur isu leedihiin.
Waxa kor looqaaday shuruudihii masruufka ama biilinta marka qofka
qoyskiisa loo keenayo ama ay dib u midoobayaan.
Sharciyada cusub macnahoodu waxay kaloo noqonayaa qofka haysta sharciga
deggenaanshaha waxa khasan ku noqonaysa inay naftooda iyo qoyskooda wadanka
Iswiidhan u soo guurayaba ay iyagu masruufkooda ka adkaadaan oo ay biilkooda
bixiyaan. Waxaana kaloo iyana khasab kugu noqonaysa inaad haysatid guri weyn oo
idinku filan gurigaas oo aad si wadjira ugu noolaan kartaan.
Sharicyada cusub ee khuseeya shuruudaha masruufka way khuseeyaan dadka haysta
sharciga deggenaanshaha iyo kuwa haysta oggolaansho ku meelgaara. Hase ahaatee
shuruudaha masruufku ma khuseen doonaan haddii dadka qaraabadaadu ay sharciga
deggenaanshaha codsadaan muddo sadex bilood gudahooda ah kadib marka aad
adigu heshay sharciga deggenaanshaha.
Warbixino intaa dheer
Bogga internetka ee www.migrationsverket.se/asylum-somali waxaad ka heleysaa
warbixino ku qoran luqadaada ama adigoo iskaan ku samaynaya koodkan hoos ku yaala
(QR-koden).
2016-07-20
NY_Information om begränsad rätt till uppehållstillstånd och familjeåterförening,
somaliska